Taariikh Nololeedka
Imaam Nawaawi

Imaam An-Nawaawi:
Muxyadiin Abuu Zakariya bin Sharaf an-Nawawi
Carabi: أبو زكريا يحيى بن شرف النووي

Decorative Lines

Magaca Imaamka

Abuu Zakariya Muxiyadiin Yaxya Ibnu Sharaf An-Nawaawi [Carabi أبو زكريا يحيى بن شرف النووي‎], Imaamku wuxuu ku dhashay Nawa magaalada u dhow Dimishiq ee wadanka Suurya. Magaciisa inta dambe waxaa loo jeedaa magaalada uu ku dhashay ee Nawa sidaad ayaa Nawaawi loogu magacaabay.

Yahya ibn Sharaf al-Nawawi

  • Born: 631 Hijri /1233 Miladiyah
  • Died: 676 Hijri/1277 Miladiyah
  • Madhabta: ShaAfici

Taariikhda Imaamka oo Kooban

Imaam Muxyadiin Abuu Zakariya bin Sharaf an-Nawawi, wuxuuu caan ku yahaymagaca Imaam Nawawi, naynaastiisuna waa muxyadiin, kunyadiisuna waa abuuZakariye (kunya waxaa la yiraahdaa magac qof lagu dhajiyo ee uu leeyahayaabihii ama hooyadii ama mid ka mid ah ilmahiisa) (Abuu Zakariya aabihii).

Sidoo kale waxaa la oran jiray Xaazim, oo ah magac awoowgiis Xaazim An-nawawi,wuxuu dhashay imaamka bishii Muxarram, sanadkii 631 (Hijradii kaddib) oowaafaqsan 1233 (dhalashadii Ciise kaddib). Wuxuu ka dhashay qoys wanaagsan oo ku noolaa Nawa, oo ah tuulo u dhowDimishiq. Halkaa buuna ku qaatay caruurnimadiisa oo ku qaan gaaray kunaxafiday Qur’aanka kariimka ah.

Macallin Marashi, oo ah caalim ku noolaa Nawa, wuxuu yiri: ‘Waxaan kuarkay Sheekh Nawawi tuulada Nawaa isagoo 10 jir ah. Wiilasha kale ee lada’da waxay ku qasbi jireen inuu la ciyaaro, laakiin sheekhuu ma uusanjeclaan jirin inuu la ciyaaro. Wuxuu ku howlaan jiray waxbarashadiisa..Hadii ay wiilasha ku qasbaan inuu la ciyaaro sheekhu waxaa dhici jirtayarintaa siduu uga xun yahay iyo in laga mashquuliyo waxbarashadiisa inuuilmeeyo’. Wuxuu intaa ku daray macalin Marakash: ‘Waxaan bilaabay in aanjeclaado Imaam Nawawi wixii ka bilowday waqtigaa.

Wuxuu doonayey Imaam Nawawi aabihii inuu howlahiisa iyo shaqooyinkiisawax kaga dhiibo. Imaam Nawawise isagoo doonayey awgeed inuu waxbarashadaka yool gaaro ma jecleysan arintaa. Wuxuu Ilaahay u diyaarinayey howl weynoo wanaagsan. Sidaa awgeed wuxuu muujiyey Imaam Nawawi inuusan niyad uheyn agaasinka xoolaha aabihi iyo ka shaqeynta howlahiisa ganacsiyeed. Imaam Nawawi yaraantiisii buu wuxuu ku dhameeyey xifdinta Qur’aankakariimka ah, kaddibna wuxuu qaaday tilaabooyinkii cilmi raacashada.

Imaam Nawawi Aabihi wuxuu dareemey markaa rabitaanka iyo doonista xoogaleh iyo garashada iyo garaadka uu Alle ku maneystay wiilkiisa. isagoo tixgelinayadoonistiisa waxbarashada aabihi wuxuu go’aansaday inuu ka shaqeeyo sidauu wiilkiisa waxbarasho wanaagsan ku heli lahaa. Sidaa awgeed wuxuu u qaadayDimishiq, oo aheyd markaa xarunta cilmiga iyo culimada.

Wuxuu wax ka dhigtay ugu horeynba macalin Kamaal bin Axmed Imaam Nawawi wuxuu yiri: ‘Markii aan da’ ahaan gaaray 19 sano, aabahay wuxuu ii kaxeeyey Dimishiq, waxaana halkaa ka galay dugsiga “Rawaax”waxaan dhiganayey mac-hadkaa labo sano. Intii aan joogay dugsigii Rawaaxa.Waxaan ku noolaa cuntada laga bixiyo dugsiga.

Waxaana i suuragashay inaan4 bilood iyo bar gudahood korta ka wada qabto buuga la yiraahdo’Tanbiih’dabadeedna waxaan dusha ka qabtay qaybo ka mid ah kitaabka ‘Muhaddab’.laakiinse in badan oo waqtigeyga ka mid ah waxaan siin jiray hab faaleyntaiyo sharaxaada buugaagta xadiiska iyo sixiddooda.

Markii uu MacalinkeygaIsxaaq Maqrabi (Allaha u naxariistee) arkay horumarka aan sameeyey iyoniyadda weyn aan u hayo waxbarashada wuxuu bilaabay inuu i jeclaado oosi gaar ah u daneeyo isagana xilsaaro waxbarashadeyda. Sannadka markuuahaa 650. (Hijrada kaddib) waxaa la xajiyey aabahay dabadeedna waxaan joognaybil iyo bar magaalada Madiina.

Waxbarashadiisii

Caddaa’ud diin bin Cataar wuxuu sheegay in Sheekh Nawawi uu ku yiri:Waxaan dhigtaa oo bartaa labo iyo toban maado maalin kasta oo ka qaataamacallimiinteyda. Waxaa ka mid ah duruusta uu qaadanayey ‘Saxiix Muslim'(oo ah buug axaadiis ah), Naxwo, sarfi, Fiqi iyo kuwo kale; Imaam Nawawiwuxuu kaloo yiri: Alle wuu ii barakeeyey waqtigeyga iyo xusuusteydaba wuxuunaii suura geliyey inaan gaaro culuun aan rabay barashadeeda.

Imaamku wuxuu yiri: Waxaan mar is iri waa inaad barataa dhakhtarnimadasi aan hadafkaa u gaarana waxaan soo iibsaday buugag ka hadlaya daawada,waase wadi kari waayey markaas baan iska daayey markii aan arkey inaanu janjeerin cilmigaa. Waana iska iibiyey buugtii aan u soo iibsadey inaanka barto.

Macallimiintisii

Imaam Nawawi wuxuu wax ka bartay cilmiga xadiiska muxadasiin horseedku ahaa cilmiga xadiiska waqtigaa, fiqigana wuxuu ka bartay culimo waawayn. Macallimiintii uu wax ka bartay way badnaayeen, waxaana ka mid ahaa:

  1. Abuu Ibraahiim Isxaaq bin Axmed al-Maqrabi,
  2. Abuu Muxammad Cabdu Raxmaan bin Nuux al-Maqdisi,
  3. Abuu Xafs Cumar bin Ascad Ar-Rabiica,
  4. Abul Xasan Arbali,
  5. Abuu Isxaaq Ibraahiim Muraadi,
  6. Abul Baqaa Khaalid bin Yuusuf Nablusi,
  7. Diyaa bin Tassaam al-Xanafi,
  8. Abul Cabaas Axmed Misri,
  9. Abul Cabdullah Jiyaani,
  10. Abul Fatax Cumar bin Bandar,
  11. Abuu Isxaaq Waasti,
  12. Abuu Cabaas Maqribi,
  13. Abuu Muxammad Tanuukhi,
  14. Abuu Muxammad Cabdur Raxmaan Cambari,
  15. Abul Faraj Maqdisi,
  16. Abuu Muxammad Ansaari, iyo kuwo kale oo badan.

Kuwani waa macallimiintii uu wax ka bartay Imaam Nawawi.

Ardaydiisii

Sidii Macallimiintiisii, ardaydii Imaam Nawawi aad bay u badnaayeen.Waxaana ka mid ahaa ardeydiisii:

  1. Calaa’udiin bin Athar
  2. Abul Cabaas Axmad bin Ibraahiim
  3. Abul CabaasJacfari
  4. Abul Cabaas Axmad bin Faraj
  5. Rashiid Ismaaciil bin Mucallimal-Xanafi
  6. Abuu Cabdullahi Xanbili
  7. Abul Cabaas Waasti
  8. JamaaludiinSuleymaan bin Cumar al-Daraa’ii
  9. Abul Faraj Maqdisi
  10. Badar Muxammadbin Ibraahiim
  11. Sulaymaan Muxammad bin Abii Bakar
  12. Shihaab Muxammadbin Cabdul Khaaliq
  13. Sharaf Xibbullaah 14. Abul Xajaaj Mazani iyo kuwokale oo badan.

Taqwadiisii

Imaam Nawawi ma aheyn calaama aqoon oo keliya, wuxuu ahaaa sidoo kaleruux cibaado iyo Alle ka cabsi badan, oo salaad iyo soon badan. Wuxuu marwaliba raaci jiray sunaha nebiga (S.C.W.) wuxuuna ku noolaan jiray cuntoyar mana jecleyn israafka iyo raaxada badan. Dharkiisa wuxuu ahaa dhexdhexaad,culimo iyo caamaba wuxuu ahaa nimay qadariyaan wanaagiisa darti oo ay kahaybeystaan. Waxay mar waliba isku dayi jireen inay wax siiyaan wuuse kadiidi jiray. Aduun iyo raaxadiisna ma doondooni jirin.

Sheekhu marnabama yeelin in mishaar loogu qoro dacwada iyo howlahiisi diineed ama kaalmolagu siiyo iwm. Imaamku wuxuu ku shuqlanaan jiray fidinta diinta iyo barideeda dadkaama salaad iyo daacad iwm. Nasiinadiisu aad bay u yareyd, waxaana dhici jirtay inuu maaalin iyohabeen dhan ku joogo qado keliya iyo xoogaa biyo ah uu cabay.

Howlahii uu qabtay

Wuxuu noolaa imaam Nawawi oo keliya 46 sano inkastoo ay tahay mudo gaabanhadana wuxuu sheekhu qoray kutub badan oo mawaadiic kala duwan ka hadlayaoo mid kasta qiimo iyo dhaxalgal yahay.

Waxaana ka mid ah wax qabadka iyo wax soo saarka Sheekhu:

1: Sharaxida kitaabka ‘Saxiixul Muslim’ buugan Imaam Nawawi wuxuu ka yiri: Sharaxan waxaan ku soo gudbiyey aqoon wanaagsan iyo cilmi dhaxalgal ah.’

2: Al- Minhaaj fii Sharax Muslim bin al-xajaaj.’ Buugan sharaxa ah wuxuuimaam Nawawi ka yiri: Hadii aan tixgelineyn wahsiga iyo sabar yaraantaakhristayaasha, waxaan ku dari lahaa buugan arimo badan waxaana gaarsiinlahaa ilaa iyo 100 mujalad, laakiinse sababta aan soo sheegay baa keentayinaan soo koobo. Sharaxa buugan wuxuu hada ka kooban yahay oo qura labamujaladood. Sheekh Shamsudiin Muxamad bin Yusuf qunfi al-Xanafi (oo dhintay788 Hijradii kadib) baa isna soo gaabiyey buugan.

3: Riyaadhu Saalixiin. Tarjumad Soomaali ah oo buugan waa kan aynu halkanku soo gudbineyno. Waa soo ururin in ku dhow 2000 oo xadiis oo xul iyowada saxiix ah wax yar maahee. Waxaana la socda aayado Qur’aan ah oo taakuleynaya,lana xiriira mawaadiicda ay axaadiistu ka hadlayaan.

  1. Kitaabur Rawdah.’ oo ah soo koobid iyo soo gaabin sharaxa kabiirraafici.’
  2. Sharaxa Muhazzab.’
  3. Tahdiibul Asmaa wasifaat
  4. Kitaabul Azhar
  5. Arbaciin (afartan xadiis)
  6. Taqriib’
  7. Irshaad fii culuumil Xadiis
  8. Kitaabul Mubaahamaat
  9. Cizzah’
  10. Baatiyaaan
  11. Manaasik’
  12. Sharax Saxiixul Bukhaari (ma dhameystirin oo waa naaqus).
  13. Sharaxa Sunan abii Daawuud (ma dhameystirin oo waa naaqus).
  14. Dabaqaat fuqahaa ashaaficiyah’.
  15. Risaalata istixbaab alqiyaam la ahlulfadal
  16. Risaalata fii Qiyaamul Ghanaym,’
  17. Fatawa.’
  18. Jamcus sunnah.’
  19. Khulaasatul Axkaam.’
  20. Manaaqibu shaafici.’
  21. Bustaanul Caarifiin.’
  22. Mukhtasir Usudul Ghaabah.’
  23. Xilyatul Abraar
  24. Al-Asmaa Walluqaat
  25. Al-Maqaasid
  26. At-tabyaan fii Adaabi xamlatal Qur’aan.

Dhimashadiisii

Sanadkii 676 (Hijradii kadib) Imaam Nawawi wuxuu u celiyey kutubtiiu soo amaahday oo dhan dadkii kala lahaa, dabadeedna wuxuu booqday qubuurahiimacalimiintiisii iyo culimadii una soo duceeyey. Arinka iyo munaasabadaaaaad bay u laab kicisay heer ay indhihiisu ilmeeyeen. Markaa kadib wuxuusoo salaamay saaxiibadiis iyo dadkii uu jeclaa wuxuuna dabadeed u laabtaymagaaladiisii Nawaa. Koox macaariftiisa ka mid ah baa markii uu ka baxayey Dimishiq sagootiday,waxay weydiiyeen: Goormaan kulmeynaa mar labaad.’

Imaam Nawawi wuxuu yiri: Waayo kadib.

Dadkii meesha joogay waxay u qaateen maalinta inuu ula jeedo maalintaqiyaame. Markaa kadib imaamku wuxuu booqday baytul Maqdis (Qudus ) oo masjidkaal-Aqsaa ku soo tukaday, dabadeedna booqday qabrigii nebi Ibraahim (C.S.)kadibna wuxuu u laabtay magaaladiisii Nawaa. Markii uu tagayba waa uu tagaybawaa uu xanuunsaday wuxuuna dhintay habeen Arbaco 14kii Bishii Rajab 676(Hijradii kadib) aabihii oo markaa nool. Markii ay maqleen geeridii Imaamka Reer Dimishiq iyo dadkii ku noolaameelaha u dhow waxay u soo baxeen ka qayb galka janaasadiisii, muslimiintudhamaantood waxay ku qaabileen geeridiisa murugo,tiiraanyo, iyo naxdin.

Qaaligii qaaliyaasha (madaxii xeer ilaaliyayaasha ) ee Dimishiq markaa,Cizzudiin Muxamad bin Saa’igh wuxuu ka qayb galay ku tukashada janaasadiiimaamka isagoo ay wehliyaan duqey iyo odayaal iyo culimo badan. wayna uduceeyeen. Gabayo dhowr ah baa laga tiriyey imaamka iyo siday muslimiintiimarkaa joogtay uga xumaadeen geeridiisa iyo murugada ay ku qaabileen warkeeda.Sheekh Waliyuduun bin Khadiib (Allaha u naxariistee) oo Ah isku dubiradahakitaabka Mishkaat wuxuu u hibeeyey buugiisa’Akmal fii asmaaur rijaal) imaamNawawi.

Ereyo La Soo Gaabiyey Iyo Waxa Ay Ka Taagayn Yihiin:

  • S.W.T. ( Subxaanahu watacaalaa) ”Alle hufnaa oo sare ahaaye”
  • S.C.W. ( Sallal laahu caleyhi wasallam) ”nabad iyo naxariis Alle dushiisa ha ahaato”.
  • A.K.R. ( Alle ha ka Raali noqdee.)
  • C.S. ( Caleyhi Salaam) ”Nabadi dushiisa ha ahaato”