Kitaabka
Riyaadu Al-Saalixiin
”Beerta Suubanayaasha”

Imaam Abuu Zakariyah Yaxya Bin Sharaf An-Nawaawi

Decorative Lines

As-Sidq:
Baabka Runta Iyo Miraheeda.

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

13. “Kuwa Alle rumeeyow! Alle ka cabsada oo ka mid ahaada run sheegayaasha”. (Suurada at-Towba:Aayadda 119).

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

14. ‘Ragga run sheegayaasha ah ee isu dhiiba Alle, iyo dumarka run sheegooyinka ah (Liibaan baa u ahaatay.) {Surat: Al-Axzaab:35}

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

15. ‘Daacad iyo hadal san. Dabadeed, marka Arrin la go’aansho, Haddii ay daacad u yihiin Alle waxay u roon tahay iyaga. {Suuradda Muxammad:Aayadda 21}

54. Cabdullaah ibn Mascuud (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay in nebigu (S.C.W.) yiri:

Runtu waxay kugu hoggaamisaa dhabbaha samaanta iyo falalka suubban. Samaan falidduna waxy xaadhaa jidka uu qofku u mari lahaa jannada. Markii uu qofku caadeystana inuu ku hadlo run waxaa Alle agti looga magacaabaa runlow. Beentuna waxay kugu hoggaamisaa xumaanta, xumaantuna waxay kugu hoggaamisaa wax xille falid iyo faajirnimo. Markii uu qofku been caadeystana waxaa Alle agti looga magacaabaa Beenloow.” (Bukhaari iyo Muslim)

55. Abuu Muxammad al-Xasan ibn Cali (A.K.R.) wuxuu sheegay inuu ka bartay ereyadan soo socda nabiga (S.C.W.):

Ka tag wixii aad ka shaki santahay, oo raac wixii aan ku jirin laheynna shaki. Maxaa yeelay runtu waa raaxo qalbiga uu ku dego, beentuna waa welwel iyo welbahaar. (Tirmidi) Wuxuuna yiri waa xadiis saxiix ah.

56. Abuu Sufyaan Sakhar bin Xarb (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay oo ka mid ahaa xadiiskiisii dheeraa oo uu Hiraqal kaga waramaayey in Hiraqal uu weydiiyey:

Muxuu isagu ( wuxuu ula jeedaa nabiga (S.C.W.) idin faraa, Abuu Sufyaanna wuxuu yiri: Wuxuu ina faraa: Caabuda Alle oo keliya waxbana ha u shariig yeelina, oo ka taga wixii ay aabbayaashiin oran jireen, Wuxuu kaloo na faraa salaadda, run sheegidda, dhowrsanaan iyo xoojinta xiriirka qaraabada aad ku xoojisid kaalmeynta kuwaa kuu dhow oo qaraabada kula ah.” (Bukhaari iyo Muslim)

57. Sahal bin Xunayf (A.K.R.) oo raggii Bader ka qayb galay ka mid ahaa wuxuu yiri:

Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Qofkii Alle ka barya si kal iyo lab ah shahiidnimo, wuxuuu Alle gaarsiiyaa oo u qoraa darajada shahiidyada, xitaa hadduu ku dhinto sariirtiisa. (Bukhaari iyo Muslim)

58. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:

(Nebi nebiyadii hore ka mid ahaa goor uu jihaad u baxayey (dagaal loola jeedo kor yeelidda kelimadda Alle) wuxuu ka dhex yiri qoomkiisii nin naag mehersadey oo aan weli dhisan ama nin dhisay gidaarro guri aanse weli dedin oo kor u bannaan yihiin ama nin soo iibsaday ari ama halo riman oo sugaya dhalmada ilmahoodda midkoodna waa inuusan i soo raacin. Dabadeed wuxuu u kicitimay magaaladii, uu u socday.

Wuxuuna gaaray goor casar gab ah, markaa buu wuxuu ku yiri qorraxdii: Waxaad ku socotaa amarka Alle, aniguna waxaan ku socdaa oo la ii diray dagaal dar Alle ah. Markaa buu Alle baryey oo yiri: Alloow meesheeda qorraxda noogu celi, waa ay istaagtey ilaa uu Alle siiyey guushii oo uu beeshii qabsaday. Markaa kaddib waxaa la isu keenay xoolahii laga helay dagaalka si loo gubo qurbaan ahaan.

Dabkiise waa uu gubi waayey. Dabadeed wuxuu yiri: Qaar idin ka mid ah baa qarsaday qayb ka mid ah xoolahii dagaalka laga helay ee qabiilo walba nin ha i gacan qaado oo cahdi hor leh ha igula galo kor yeelidda diinta.

Sidii baa la yeelay, nin baa markaa gacantiisi ku dhegtey wuxuuna ku yiri: Rag qabiiladaada ah baa qarsaday wax ka mid ah qaniimadii dagaalka, ee qof qof ragga qabllikiinna ah ha ii gacan qaadeen.

Labo ilaa seddex nin bay gacantoodii gacantiisa ku dhegtey wuxuuna ku yiri: idinka weeyaan ragga dambiilayaasha ku ah qarsashada qaniimada. Markaa bay waxay keeneen madax aad madax lo’aad moodo oo dahab ah, waxaana lagu daray qaniimadii iyo xoolahii dagaalka lagu soo furtay dabkiina waa gubay.

Wuxuu nabigu intaas raaciyey: Qaniimadu ama xoolaha dagaalka jihaadka ah lagu helo xalaal uma ahayn wixii inaka horeeyey. Allaa inoo xalaaleeyey, markuu arkay tabar yarida iyo dhaqaalo xumdeenna. ( Bukhaari iyo Muslim)

59. Xakiim ibn Xizaam (A.K.R.) wuxuu yiri: nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:

Heshiiska wax kala gadasho waa laga noqon karaa inta ayan kala tegin labada wax kala gadanaysa. Haddii ay sheegaanna runta oo ay caddeeyaan wax waliba oo la xiriira badeecada iyo iibkooda, waa loo barakeeyaa labadaba, haddii ayse been ku hadlaan oo ay qariyaan waxaa loo baahan yahay in la caddeeyo oo daaha laga qaado, barakada iibkaasi waa laga qaadaa. (Bukhaari iyo Muslim)

Fiiro gaar ah:

Runtu guud ahaan waxaa loola jeeda inaad ku hadasho run, Islaam ahaan runta waa wax macno ballaaran, oo waxaa soo galaya ka run sheeggidda camal kasta oo aad qabaneyso. Qofkuna waxay hadalladiisu iyo camalkiisu toosayaan markii ay is waafaqaan waxa uu ku hadlayo iyo waxa uu uurka ku heysto, taa baana la yiraa run. Imaam Ghazaali wuxuu sheegay lix nooc oo ay runtu u kala qaybsanto:

  1. Inaad run ku hadasho.
  2. Inay niyaddaadu run iyo daacad tahay.
  3. Inay run kaa tahay guddoonka iyo go’aanka aad qaadaneyso.
  4. Inaad si run iyo daacadnimo ah aad u fuliso go’aankaas.
  5. Inaad si run iyo daacad ah howsha aad qabaneyso u gudto.
  6. Inay run iyo dhab ka ahaato diinta iyo iimaanka aad sheeganeyso.oo qowl iyo ficilba aad u muujiso.

Waynu aragnaa inay runtu tahay aasaaska samaan falidda. Qofka aan runlowga aheyn, wuxuu ku heysanayaa qalbigiisa nooc kasta oo xumaan ah, qofkase runlowga ah wuxuu awood u yeelanayaa inuu gaaro samaan iyo kheyr waliba si fudud oo aan dhib laheyn. Qofka tilmaamahaa wanaagsan aan kor ku soo xusnay leh waxaa la oran karaa waa qof runlow ah.