Kitaabka

Siirada Suubanaha Rasuulkacsw

Taxanaha:  Siirada Suubanaha Rasuulka (csw)

Waxaa isku soo dubaridey:
Osman Bilad

Qeybta 1aad |Qeybta 2aad |Qeybta 3aad |Qeybta 4aad |Qeybta 5aad

Decorative Lines

Dagaalkii Badar
Qaybta |2aad

Casarkii markii la gaaray ayuu Rasuulka SCW koox sahan ah u diray ceelkii Badar, waxaana kooxdaas ka mid ahaa Cali binu Abii-dhaalib, Subeyr ibnu Cawaam iyo Sacad binu Abii Waqaas. Markii ay kooxdaasi tageen ceelkii Badar ayey heleen labo wiil oo ciidankii qureysh biyo u dhaaminaya. Labadii wiil ayey soo kexeeyeen, waxa ayna ula yimaaddeen Rasuulka SCW oo tukanaya.

Intii uu Rasuulku SCW tukanayey ayaa labadii wiil su’aalo la weydiiyey oo la yiri “xaggee ka timaaddeen?”, waxa ay yiraahdeen “qureysh ayaan biyo u dhaaminaynay”. Muslimintii qaar ka mid ah, oo weli rajo ka qabay safarkii qureysh, ayaa labadii wiil garaacay. Wiilashii markii ay xanuun sadeen ayey been sheegeen oo dheheen safarkii (qureysh) baan ka nimid”, ka dibna garaacii waa laga daayey.

Rasuulku SCW markii uu salaaddii ka baxay ayuu isaga oo canaanaya ku yiri muslimiintii “markii ay run idiin sheegeen waad disheen, markii ay been idiin sheegeenna waad deyseen. Ilaah baan ku dhaartaye run ayey sheegeen oo qureysh bay ka yimaadeen”.

Rasuulku SCW wuxuu markaas la hadlay labadii wiil oo ku yiri “ka warrama qureysh?”, waxa ay yiraahdeen “duudkaan gadaashiisa ayey joogaan”, Rasuulku SCW wuxuu ku yiri “meeqa ayey dhan yihiin?”, waxay ay ku jawaabeen “caddadkoodu waa badan yahay”, wuxuu Rasuulku SCW ku celiyey “intee buu dhan yahay caddadkoodu?”, waxa ay yiraahdeen “ma garanayno caddadkooda”. “Intee geel ah ayey qashaan maalintii ” ayuu Rasulku SCW weydiiyey, waxa ay yiraahdeen “maalina 9, maalina 10”. Markaas ayuu Rasuulku SCW yiri “waxa ay u dhexeeyaan 900 ilaa 1000”.

Rasuulku SCW su’aal kale ayuu weydiiyey oo wuxuu yiri “yaa ku jira odeyaashii qureysh?”, waxa ay ku jawaabeen “waxaa ku jira Cutba binu Rabbiica, Sheyba binu Rabbiica, Abuu Bakhtari binu Hishaam, Xakiim binu Xisaam, Nawfal binu Khuwaylid, Xaarith binu Caamir, Dhuceyma binu Cadiyi, Nadar binu Xaarith, Samca binu-Aswad, Abuu Jahal binu Hishaam” iyo rag kale oo ay magacaabeen. Rasuulku SCW wuxuu markaas soo qaabilay asxaabtii oo ku yiri “tani waa Makka oo idiin soo tuurtay beerkeeda gobollodiisii”.

Habeenkii markii la gaaray waxaa bilaabatay naxariistii Ilaahay oo waxaa yimid roob, kaas oo dhinicii gaalada aad ugu da’ay oo qooyey, dhulkiina faagay, kuna riday gaaladii caajis iyo in ay goobtii u soo hormari kari waayaan. Dhinicii muslimiintana wuxuu ugu da’ay si naraxiis ah oo wuxuu ka daahiray xumaatadii iyo wiswiskii sheydaanka, wuxuuna adkeeyey quluubtoodii, lugohoodiina dhulka ayuu ku sugay.

Allena isaga oo arrintaas ka hadlaya wuxuu qur’aankiisa ku yiri:

‘XUSUUSTA MARKUU (RABBI) IDINKU DABOOLAY HURDO, AAMIN AHAANSHO XAGGIISA KA AHAATAY, IDINKAGANA SOO DAJIYEY SAMADA BIYO SI UU IDINKUGU DAHIRO, OO UU IDINKAGA TAKSIIYO QURUNKA SHAYDAANKA, UGUNA ADKEEYO QULUUBTIINA OO U SUGO GOMADIHIINA”, (Surah:Al-Anfaal – Ayah 11).

Cishihii ka dib ayaa Rasuulku SCW ciidankii soo raray si uu ugu soo hormaro biyihii ceelasha Badar iyo meelihii istiraatijiga ahaa. Markii uu ceelashii afkooda soke marayo ayuu degay. Waxaa markaas istaagay nin la yiraahdo Xubaab binu Mundir oo ahaa nin khibrad u leh xeesha dagaalka, oo yiri “Rasuukii Allow, ma Allaah baa meeshaan ku dejiyey oo markaas nooma ahaanin in aan ka hor marno ama ka dib marno mise waa ra’yi iyo xeel dagaal?”, Rasuulku SCW wuxuu yiri “waa ra’yi iyo xeel dagaal”, markaas ayuu Xubaab yiri “Rasuulkii Allow, meeshaani meel la dego maahane ee socodsii ciidanka ilaa aan ka gaarno ceelasha ugu dambeeya ee dhinacooda (gaalada) xiga oo aan halkaas ka degno, ceelasha kalena xabaalno, darna aan ka dhisanno oo biyo ka buuxinno.

Markii ayuu la dagaallamayno ayeynu biyaha ka cabbaynnaa, iyaguna harraad ha ku joogaan”. Rasuulku SCW wuxuu yiri “xaqiiqdii waad ishaartay”, ciidankiina wuu kexeeyey ilaa u ka gaaray ceelashii ugu xigay cadowga oo halkaas la degay. Isla habeenkiiba darkii baa la dhisay, ceelashii kalena waa la duugay.

Ka dib Sacad binu Mucaad ayaa fikrad soo jeediyey oo yiri “Nabigii Allow, maan kuu dhisno waab aad joogtid, rakuub kaagana agtaada ku xirno, dabadeedna aan cadowgayaga la kulanno. Haddii Ilaah na ciseeyo oo aan cadowgayaga ka guuleysanno, waa arrintii aan jeclayn, haddii ayse sida kale noqoto, rakuubkaaga ayaad fuuleysaa, waxaadna haleelaysaa raggii naga dambeeyey. Rasuulkii Allow waxaa haray rag aannan annagu jacalkaaga ka badsan, haddii ay malayn lahaayeen dagaalna, kaama ay hareen, iyaga ayaana ku difaacaya oo kuu gargaaraya, kulan jihaadaya”.

Rasuulku SCW wuu yeelay fikradii Sacad, wuuna u duceeyey dabadeedna waabkii ayey muslimintu u dhiseen, waxayna ka dhiseen meel xoogaa korreysa oo dhinaca woqooyi bari ka xigta goobtii dagaalka waxaana waardiye qabtay koox Ansaar ah oo Sacad binu Mucaad madax u yahay. Rasuulku SCW habeenkii geed meesha ku yaalley hoostiisa ayuu salaad ku tukanayay ilaa uu waagu ka baryey.

Ka dib wuxuu subixii ku dhex socday goobtii dagaalku ka dhici lahaa, wuxuuna sii sheegay qaar ka mid ah madaxdii qureysh meelaha ku nafbixi lahaayeen isagoo gacantiisa ku ishaaraya oo leh “halkaani waa goobta hebel la dhig doono berri haddii Alle idmo, halkaanna waa goobta hebel la dhigi doono berrii hadii Alle idmo”. Muslimiintii waxay waabariisteen iyadoo ay dabooshay xasillooni, degganaan iyo aamin ahaansho. Habeenkaasi wuxuu ahaa habeen jimce ah oo bishaa Ramadaan 17 ahayd sannadkii 2aad ee hiriga.

Ciidankii qureysheed wuxuu habeenkaas ku waabariistey dhinicii kore ee Badar, Allena isagoo tilmaamaya wuxuu yiri:

”XUSUUSTA MARKAAD AHAYDEEN DHINICII U DHAWAA (BADAR), IYAGUNA AHAAYEEN DHINICII KA FOGAA (BADAR), SAFARKUNA IDINKA HOOSEEYEY, HADDII AAD BALLAMI LAHAYDEENA WAAD ISKU KHILAAFI LAHAYDEEN BALLANTA, LAAKIIN ALLAA XUKUMAY ARIN UU AHAA MID SAMEEYA, SI CIDDII HALAGSAMIN SI CAD U HALAAGSANTO, CIDDII NOOLAANA SI CAD U NOOLAATO, ALLENA WAXA UU AHAADAY ALLE MAQLA OO OG”, (Surah: Al-Anfaal – Aayah 42).

Ciidankii qureysheed markuu waabariistay ayuu soo guuray oo soo degay goobtii dagaalka, ka dibna koox ka mid ahayd ayaa soo aaday darkii muslimiinta si ay biyo uga cabaan, markaasaa Rasuulku SCW wuxuu asxaabta ku yiri “iska daaya”, biyihii ayey ka cabbeen (nimankii) waxayna ku laabteen ciidankoodii. Kooxdaas biyaha cabtay goobtii dagaalka ayaa lagu wada diley illaa Xakiim ibnu Xisaam maahane, isaga lama dilin, ka dibna wuu islaamay, islaamkiisuna wuu wanaag sanaaday, markuu dhaarta ku xeel dheeraanayana wuxuu dhihi jirey Allihii maalinkii Badar iga nabad geliyaan ku dhaartay”.

Labadii ciidanba dagaal ayey isu diyaariyeen iyadoo ciidan walbaba xeeladdiisa dagaal isticmaalayo. Ciidankii qureyshtu waxay direen nin ciidankoodii ka mid ah oo la oran jirey Cumeyr binu Wahab Al-jumaxi si uu u soo kormeero una soo qiyaaso ciidanka muslimiint caddadkooda iyo hubkooda.

Cumeyr faraskiisii intuu ku dhacay oo ciidankii muslimiinta ku soo wareegay ayuu soo laabtay, markaasuu yiri “Waa 300 oo nin, ama wax yar bay ka badan yihiin ama wax yar yihiin, laakiin bal ii suga aan soo hubiyo in wax gurmad ahi gadaal u jiro”, cabbaar markuu socday oo uu waxba soo waayey ayuu soo laabtay oo yiri “waxba ma soo arag, laakiin qureysheey waxaan soo arkay geel mayd xambaarsan, geeli Madiina u aroori jirey oo mayd xambaarsan, Ilaah baan ku dhaartaye iima muuqato in nin laga dilayo ilaa ay nin idinka dilaan, haddii ay wax gaarsiiyaan tiradiinna oo ay la tagaan (dilaad) caddadkooda in le’eg nolol kheyr leh ma arag”.

Xakiim ibnu Xisaam, oo ah ninka ka badbaadi doona raggii biyaha soo cabbay, marku hadalkaas maqlay wuxuu u tegey Cutba ibnu Rabbiica oo uu ku yiri “Abaa Waliidow qureysh duqeedii baad tahay, waana lagu maqlayaa ee ma rabtaa in khayrka maanta lagugu sheego waligaa?”, Cutba wuxuu yiri “muxuu yahay kaasi Xakiimow?”. Wuxuu yiri Xakiim “ciidanka celi, ninkii aad xulafada la ahayd oo la oran jirey Camar ibnu Xadrami arrintiisa dusha saaro”. Cutba arrinkii wuu u riyaqay wuxuuna yuiri “xaliifkaygii buu ahaa, diyadiisii iyo maalkii laga qaatayba waa dusheyda ee Xakiimow u tag ibnu Xandaliyah (Abii Jahal) maxaa yeelay amarka ciidanka cid kale ma hayso”.

Ka dibna Cutba ciidankii buu u khudbeeyey oo yiri “qureysheey Ilaah baan ku dhaartaye inaad Maxammed iyo asxaabtiisa la kulantaan waxba idiin tari mayso, Ilaah baan ku dhaartay haddii aad la dagaallantaan ka suuli maysaan ninku in uu ninka kale wajigiisa fiirin waayo, maxaa yeelay ina adeerkiis buu dilay ama ina abtigiis ama qaraabadiis, haddaba laabta oo isu daaya Maxammed iyo carabtaas kale oo hadii ay ka adkaadaan waa sidii aad rabteen, hadduuu ka adkaado oo boqortooyo helana idinkoo aan wax dambi ah ka gelin ayuu idiin imaanayaa, idinkuuna idinka dhashay”.

Xakiim wuxuu u tegay Abii Jahal oo canbuur bireedkiisii haysta oo ku yiri “Cutba ayaa ii soo kaa diray oo sidaas i soo yiri. Abii Jahal wuxuu yiri “Ilaah baan ku dhaartaye sambabaduu ka bararay (Cutba) markuu arkay Maxammed iyo ciidankiisa ee ma jirto arrintaasi, Ilaah baan ku dhartaye ma laabanayo ilaa Ilaahay nakala xukmiyo annaga iyo Maxammed, Cutbana wuxuu arkay in Maxammed iyo asxaabtiisu yihiin rudmo hilib ah, waxaana ku jira ciidanka Maxammed wiilkiisii Xudeyfa ibnu Cutba oo uu idinkaga baqayo inaad ka dishaan”.

Cutba markuu hadalkii Abii Jahal maqlay wuxuu yiri “wuu ogaan doonaa kaayagii fulayoobay ani iyo isaga”. Abii Jahal si degdeg ah ayuu u istaagay isagoo ka baqay in fikraddaan laabashada ah ay ciidanka ku dhex fiddo, wuxuuna u cid diray Caamir ibnu Xadrami, oo la dhashay ninkii la dili jirey ee Camar ibnu Xadrami, wuxuuna ku yiri “xiliifkaagii (Cutba) wuxuu doonayaa inuu ciidanka celiyo markaad aragtay aarkaagii aad aarsan lahayd ee orod oo qayli”, markaasuu Caamir ku dhex orday ciidanii isagoo qaylinay aoo leh “waa Camaray”.

Markii labadii ciidan fagaarihii isugu soo baxeen ayaa Rasuulku SCW Allaah baryey oo yiri “Allahayow tani waa qureysh oo kibirkeedii iyo faankeedii la soo qaabishay la dagaallankaaga iyo beeninta Rasuulkaaga, Allahayow saaka halaaji”. Intaa ka dib Rasuulku SCW wuxuu isha mariyey gaaladii markaasuu wuxuu arkay Cutba oo rati guduudan saaran markaas ayuu asxaabtiisii ku yiri “haddii ragga nin kheyr leh uu ku jiro waa ninkaas ratiga guduudan saaran haddii ay adeecaana way hanuunayaan”.

Ka dib Rasuusku SCW wuxuu gudo galay inuu safayo ciidankii muslimiinta isagoo gacanta ku wata gammuun. Waxaa markaa safkii ka soo baxay nin la oran jirey Sawaad ibnu Qays, markaasaa Rasuulku SCW gamuun caloosha uga muday oo ku yiri “Sawaas is toosi”, Sawaad ayaa hadlay oo yiri “Rasuulkii Allow waad i xanuujisay ee ii qisaas”, Rasuulku SCW intuu calooshiisii fayday ayuu yiri “ka aarso”, Sawaad intuu Rasuulka SCW isku duubay ayuu caloosha ka dhunkaday.

Rasuulka SCW ayaa waydiiyey “Sawaadow maxaa arrinkaa kugu xambaaray?” Sawaad wuxuu yiri “Rasuulkii Allow waxaan u jeedo ayaa yimid, sidaa darteed waxaan jeclaystay inuu ahaado waqtiga iigu kaa dambeeya jirkeyga oo jirkaaga taabta”, markaas ayaa Rasuuku SCW kheyr ugu duceeyey.

Ka dib markii uu Rasuulku SCW safiddii dhammeeyey ayuu ciidankiisii amray in aysan dagaalka bilaabin ilaa uu amar kama dambays ah bixiyo. Waxaa kale oo uu u sharraxay arrin ka mid ah bilowga dagaalka oo wuxuu yiri “haddii ay idin hareereeyaan gammuunadiinna ku gana, seefahana ha siibannina ilaa ay idin dul yimaaddaan”, ka dib wuxuu aaday waabkii isaga iyo Abuubakar, Sacad ibnu Mucaad iyo koox uu watana waardiye ka qabteen.

Dhinaca mushrikiintana Abii Jahal oo hoggaamiye ahaa ayaa Ilaahay baryay oo yiri “Allahayow kaayagii qaraabada gooyey oo waxaannaan aqoon la yimid saaka halaaji, Allahayow kaayagii loogu kalgacayl badan yahay agtaada oo loogu raalli ahaansho badan yahay maanta u gargaar”, arrintaas Ilaahay wuu ka aqbalay oo Abii Jahal wuxuu baryeyey ayuu helay.

Allena isagoo arrintaa tilmaamaya wuxuu qur’aankiisa ku yiri:

”HADAAD KALA XUKUMID DALABTEEN (GAALO) WAXAA IDIIN YIMID GARGAARKII (ALLE UU U GALAY RASUULKIISA SCW), WAXAANA IDIIN KHAYR INAAD REEBTOONAATAAN, HADDIISE AAD KU NOQOTAAN (LA COLAYTANKA DIINTA ALLE) ANAGUNA WAANU KU NOQON (U GAR GAARIDDA RASUULKA SCW), WAXNA IDIIN TARI MAYSO KOOXDIINU (CIIDANKIINU) HABA BATEE, ALLENA WAXA UU LA JIRAA MU’MINIINTA”, (Surah: Al–Anfaal 19).

Waxaa la yaab ah in Abii Jahal isagoo Ilaahay iyo Rasuulkiisii la dagaallamaya uu haddana hadalladaas ku duceysanayo oo uu weliba isu arko inuu isaga xaq ku taagan yahay. Taani waxay la mid tahay maahmaahda soomaaliyeed oo ah; Nin walba qumanihiisaa qoorta ugu jira. Sida badanna qofku haduu og yahay inuu baadil ku taagan yahay wuu ka haraa mid caniid ah (madax adag) oo hoogey maahane, laakiin haddii uu isu haysto in uu xaq ku taagan yahay waligiis kama haro, qolo walbana waxay leedahay; anagaa xaq ku taagan”, hase yeeshee xaqu ma qarsoomo, mana qaybsamo, Ilaahay baana ummadda kala saari doona.

Waxaa isku soo dubaridey:
Osman Bilad
Email: osmanbilad@hotmail.com