Kitaabka

Siirada Suubanaha Rasuulkacsw

Taxanaha:  Siirada Suubanaha Rasuulka (csw)

Waxaa isku soo dubaridey:
Osman Bilad

Qeybta 1aad |Qeybta 2aad |Qeybta 3aad |Qeybta 4aad |Qeybta 5aad

Decorative Lines

Dagaalkii Badar
Qaybta |3aad

Intaa ka dib waxaa bilaabmay dagaalkii wuxuuna u bilowday sidan: Nin la oran jirey Aswad binu Cabdil-asad Al-makhsuumi, oo ka mid ahaa ciidanka gaalada, ahaana sidiisaba nin akhlaaq xun, ayaa ka soo dhex baxay ciidankii gaalada isagoo leh “Ilaahay waxaan kula ballamay in aan darkooda ka soo cabbo ama aan soo dumiyo ama ka soke la igu dilo”.

Markii uu soo baxay ayaa waxaa u soo baxay Xamsa binu Cabdimudhali oo seef ka hor geeyey waxayna seeftii kala goysey dhudhunka, dhabar dhabar ayuuna u soo dhacay markaasuu xammaartay isagoo doonaya inuu dhaartiisii fuliyo oo darka gaaro hase yeeshee Xamsa ayaa ka daba tegay oo seef kale ku dhuftay isagoo darkii ku jira halkaas ayuuna ku naf waayey. Ninkaas ayaan aahaa ninkii ugu horreerey ee goobtaas Badar ku dhinta.

Waxaa markaas ciidankii qureysh ka soo banbaxay saddex nin oo isku hal qoys ah lana kala oran jirey Cutba ibnu Rabbiica, Walaalkiis Shayba ibnu Rabbiica iyo wiilkiisii Waliid ibnu Cutba. Nimankaas oo ahaa halyeeyadii qureysh waxay dalbadeen in saddex nin dhinaca kale soo banbaxaan. Waxaa markaa Rasuulku SCW u saaray saddex nin oo Ansaar ah oo kala ahaa Cawf binu Xaarith, walaalkiis Mucaad binu Xaarith iyo Cabdullaahi binu Rawaaxa.

Nimankii qureysh waxay yiraahdeen iyagoo doonaya inay ogaadaan nimanka loo soo xulay “waa kuwama”, markaasaa loogu jawaabay “waa koox ansaar ah”, dabadeed waxay yiraahdeen “kuf wanaagsan baad tihiin danse idinkama lihin ee waxan doonaynaa ilma adeerradayo”, weliba nin ciidanka gaalada ka mid aha ayaa intuu qayliyey yiri:

“Maxammadow noo soo saar rag noo qalma oo ciddayada ah”.

Markaas ayaa Rasuulku SCW wuxuu u soo saaray saddexdii nin ee ciidanka ugu xigey oo kala ahaa Xamsa binu Cabdimudhalib oo adeerkiis ahaa, Cali binu Abii-dhaalib oo ina adeerkiis ahaa iyo Cubeyda binu Xaarith oo ina adeerkiis ahaa.

Markay saddexdaa nin soo banbexeen ayey haddana nimankii qureysh yiraahdeen “waa kuwama”, markii ay isu sheegeen ayey yiraahdeen “waxaad tihiin kuf wanaagsan”. Ka dib ninba nin ayuu ku hagaagay; sida uu Ibnu Isxaaq weriyey Cubeyda, oo saddexda muslimiinta aha u da’yaaraa, wuxuu u baxay Cutba, Xamsana wuxuu u baxay Sheyba, Calina wuxuu u baxay Waliid. Hase yeeshee Axmed binu Xanbal iyo Abii Daa’uud waxay weriyeen in Cubeyda u baxay Waliiid; Calina u baxay Shayba; Xamsana u baxay Cutba.

Isu banbaxaas ayaa bilaabmay, Xamsa iyo Cali si dhadhso ahba waxay uga takhaluseen labadii nin ee ku kala aaddanaa, hase yeeshee Cubeyda iyo ninkii ku beegnaa waxay is dhaafsadeen laba seefood oo laba nabar oo halis ayey isku dhufteen. Xamsa iyo Cali ayaa markaa u yimid oo ninkii kale is raaciyey, Cubeydana soo xambaaray hase ahatee dhaawacaas ayuu u dhintay Cubeyda afar ama shan beri dagaalka ka dib iyadoo ay muslimiintu jidka ku sii jiraan. Cali binu Abii-dhaalib wuxuu ku dhaaran jirey in ay arrinkaas ku soo degtay aayadan.

”LABADAANI WAA DOODAYAAL KU DOODAY RABBIGOOD”. (Surat: Al-Hajj 19).

Nimankii mushrikiinta ahaa markay arkeen sida ay mubaarasadii (isu soo ban bixiddii) ku dhamaatay, jab iyo guul darro degdeg ahna ay u soo hoyatey, ayna waayeen saddex oo odeyaashoodii ahaa, kana mid ahaa fardooleydoodii, dagaalkana wax ka hoggaaminayey, ayey hal mar soo qaadeen weerar ballaaran iyagoo ay ka muuqato caro daran.

Muslimiintii markay arkeen nasriga iyo guusha degdegga ah ee Ilaaha u soo hooyey iyo dhinaca gaalada jabka ku dhacay iyo weliba weerarka ay hadda soo qaadeen ayey galeen difaac iyagoo fulinaya amarkii Rasuulka SCW ee ahaa “dagaal ha qaadina ilaa aan amar idin siiyo, markay idiin dhawaadaan fallaaraha ku gana, hana la bixina seefaha ilaa ay idin dul yimaadaan, taasoo ay xikmadda ku jirtaa tahay in xamaasaddoodu ay jabto weerarkana ay ku hoobtaan sidaad darteed ayaa waxaa ku dhacay gaaladii khasaare sun.

Rasuulku SCW wuxuu baryayey Rabbigiis, ducadiina wuu ku ilxaaxyey (ku cel celiyey) isagoo leh “Allahayow i sii wixii aad ii yaboohday, Allahayow waxaan kugu baryayaa ballaantii iyo yaboohii aad iga qaaday, Allahayow haddaad kooxdan (muslimiinta) maanta halaagtid dib dhulka lagugu caabudi maayo, Allahayow haddaad doonto lagu caabudu maayo maanta ka dib weligeed. Aad ayuu Rasuulku SCW ugu xeeldheeraaday (ducada) isagoo Rabbigiis gargaar weydiisanaya oo isu dulleynaya ilaa uu go’iisii kor ka dhacay.

Abuubakar ayaa u soo qaaday go’ii oo Rasuulka SCW ku yiri “Rasuulkii Allow kugu filan, Rabbigaana waad ku ilxaaxisay”. Sidaa oo kale ayaa looga baahan yahay qofka mu’minka ah ee mujaahidkaa markuu dadal nooc walba ah la yimaaddo inuu Ilaahay baryo oo uu gargaarkiisa weydiisto uguna tadarruco (isu bihin bihiyo), una arko ciidan iyo awood wax walba oo uu isu keeno ineysan wax tarayn hadduusan Rabbi u gargaarin.

Intaa ka dib Allaah ayaa u waxyooday Rasuulkiisa SCW oo ku soo dejiyey aayaddan:

”XUSUUSTA MARKAAD GAG GAAR WAYDIISANAYSEEN RABBIGIIN OO IDINKU AJIIBAY WAXAAN IDINKU SIYAADIN KUN MALAA’IGTA KA MID AH OO IS RAAC RAACSAN, ALLENA (ARRINKAAS) WAX KALE UMA YEELIN ILAAA BISHAARO IYO IN AY QULUUBTIINU KU XASISHO MAAHANE, NASRIGUNA MEEL KALE MA AHAA, ALLE AGTIISA MA’AHAANE, ALLENA WAXA UU AHAADAY ALLE QAALIB AH OO XAKIIM AH)), (Surah: Al-Anfaal Aayah 9-10).

Wuxuu Allaah sidoo kale u waxyooday malaa’igtii oo ku yiri aayaddan:

”MARKUU RABBIGAA U WAXYOODAY MALAA’IGTA (OO UU YIRI) ANAA IDINLA JIREE SUGA (XOOJIYA) KUWA MU’MINIITA AH, WAXAAN KU RIDAYAA KUWA GAALOOBAY QULUUBTOODA ARGAGAX EE KA GARAACA LUQUNTA KORKEEDA, KANA GARAACA XUBIN WALBA”, (Surah: Al-Anfaal – Aayah 12).

Rasuulku SCW wax yar ayuu markaas lulmooday ka dibna madaxa ayuu kor u qaaday oo samada eegay wuxuuna yiri “bishaareyso Abuubakarow waxaa kuu yimid nasrigii Ilaahay, kani waa Jibriil oo faraskiisii wata, wejiga faraskiisuna uu boor leeyahay”. Riwaayad kale oo Bukhaari weriyey waxay ahayd “bishaarayso Abuubakarow waxaa kuu yimid narsigii Alle kani waa Jibriil oo ku dheggen faraskiisa madixiisa oo qalabkisii dagaalka wata”. Rasuuku SCW wuxuu ka soo baxay waabkiisa isagoo qaba cambuur bireedkiisi, wuxuuna akhrinayay aayaddan:

”WAA LA JABIN JAMACA (CIIDANKA GAALADA) DABADAYNA JEEDIN”, (Surah: Al-Qamar – Aayah 45).

Ka dib wuxuu qaatay cantoobo ciid ah oo ku seyriyey ciidanki gaalada. Ciiddii ayaa markaa Allaah gaarsiieyey kulligood oo ka gashay indhaha, sanka iyo afka.

Allaahna wuxuu soo dejiyey aayaddan:

”MA IDINNAAN LAYN IYAG (GALADA) EE ALLAAH LAAYEY, MANA AADAN GANIN MARKAAD GANAYSAY EE ALLAA GANY (OO INDHAHA KAWADA GALIYEY), SI UU MU’MINIINTA UGU NIMCEEYO NIMCO WANAAGSAN, WUXUUNA ALLE YAHAY (ALLE) WAX MAQLA OO KU CILMI LEH”, (Surah: Al-Anfaal – Aayah 17).

Rasuulku SCW wuxuu markaa bixiyey amarkii kama dambaysta ahaa wuxuuna amray in ay weerar qaadaan wuxuuna ku booriyey dagaalka isagoo leh “Allihii Maxamed naftiisu gacantiisa ku jirtey baan ku dhaartaye, nin maanta ma dagaallamo oo lama dilo isagoo sabraya ajarna urursanaya soona jeeda oo aan daba jeedin illaa Ilaahay Janno ayuu gelinayaa”.

Wuxu kaloo yiri “u istaaga Janno ballaarkeedu le’eg yahay smawaatka iyo dhulka”. Cummayr ibnu Xammaam ayaa markuu hadalkaa maqlay yiri “bakhin bakhin” (oo uu ula jeedo liibaan liibaan), Rasuulku SCW wuxuu ku yiri “maxaa kugu xambaaray hadalkan?”, Cummayr ayaa yiri “Rasuulkii Allow wax kale iguma xambaarin illaa inaan damcayo inaan ehelkeeda (jannada) ka mid noqdo maahane”.

Rasuulku SCW wuxuu yiri “ehelkeeda ayaad ka mid tahay”, Cummayr timir uu cunayey ayuu tuuray oo yiri “haddaan noolaado intaan timirtan ka cunayo waa nolol dheer” wuuna dagaallamay ilaa uu ka shahiiday. Sidoo kale Cawf binu Xaarith ayaa yiri “Rasuulkii Allow maxaa addoonku Rabbigiis ku farax geliyaa?”. Rasuulku SCW wuxuu ugu jawaabay “Ilaahay waxaa farax geliya inuu arko addoonkiisa oo gacantiisa dhex geliya cadowga isagoon waxba wadan” (oo uu ula jeedo dagaalama isagoon wax uu isku difaaco (canbuur bireed) wadan). Markaas ayuu Cawf orday oo dagaallamay ilaa laga dilay.

Rasuulku SCW khiddadii uu isticmaalay, oo ahayd in gaalada la weeraro markay xamaasaddoodu jabto, waxay ahayd xeelad aad u cajiib badan oo ay mulimiintu aad ugu faa’iideysteen, gaaladiina ku ridday niyad jab iyo fashil iyo in safafkoodii kala jabaan.

Waxaa kale oo muslimiinta intaa u sii dheerayd dhiirrigelintii Rasuulka SCW iyo wacdarihii uu ka muujiyay goobaha dagaalka, iyo sidoo kale malaa’igtii Ilaahay oo dagaalka ku jirtey oo iyaduna gaalada ka goyneysey luqumaha dushooda iyo xubin walbaba. Riwaayd laga weriyey Cikrama binu Subaji wuxuu ku yiri ‘maalinkaas waxaa la arkayey madax go’aya iyo gacan finiineysa oo aan la ogeyn cidda ku dhufatay”.

Abuu Daa’uudal-maasini wuxuu yiri “waxaan ceyrsaday nin mushrikiintii ka mid ah si aan u dilo, markaasaa madaxiisii soo dhacay seeftaydii oo aan gaarin, markaasaan ogaaday in cid kale dishay”. Sidoo kale in Ansaartii Rasuulka SCW ka mid ah ayaa soo qafaashay Nabiga SCW adeerkii Cabbaas binu Cabdimudhalib markaasuu u keenay Rasuulka SCW, markaasaa Cabbaas yiri “Ilaah baan ku dhaartaye inuusan kani i soo qafaalin ee waxaa i soo qafaalay nin ka mid ah kuwa ugu weji qurxoon dadka oo saaran faras, haddan aanan ku dhex arag ciidanka”.

Ninkii saxaabiga ahaa ayaa markaa yiri “anigaa soo qafaalay Rasuulkii Allow”, markaasaa Rasuulku SCW yiri “aamus Ilaahay baa kugu xoojiyey malak wanaagsane”. Arrimahaas oo dhan waxay ku tusayaan sida ay malaa’igtii Rabbi uga qayb qaadatay dagaalkaas, nasrigii Allaahna ugu dhaboobay goobtaas.

Cid walba oo u istaagta manhajka Alle iyo in ay kalimaddiisu kor noqoto Allaah waa u gargaarayaa, ciddii ka hor timaadda manhajkiisa oo diaacda jidka sheydaankana Allaah garabkooda ayuu ka baxayaa. Sidaa darteed nimankii qureysh ahaa garabkooda ayuu Allaah ka baxay, safafkoodiina way kala jajabeen, waxayna bilaaben carar iyo insixaab (dib u gurasho). Ninkii la oran jirey sheydaan oo awal isku soo ekeysiiyey Suraaqa ibnu Maalik sidaan soo sheegnayba oo laga soo bilaabo ilaa Makka la soo socday, markuu arkay malaa’igtii Allaah oo soo degayso ayuu cararay.

Xaarith ibnu Hishaam, oo ka mid ahaa odeyaashii qureysh, ayaa sheydaankii tafta ku dhegay isagoo u malaynaya Suraaqa ibnu Maalik, markaasaa sheydaankii xabadka ku dhuftay oo ku cararay. Ciidankii gaalada qaar ka mid ah ayaa markaa ku qayliyey oo yiri “xaggee u socotaa Suraaqo?”, miyaadan dhihin waan idinla joogayaa oo idin faaruqi maayo?”, markaasuu yiri “waxaan arkaa wax aydin arag , aniga Allaah ayaan ka baqayaa”.

Allaahna isagoo arrintaan tilmaamaya wuxuu yiri:

”MARKUU SHAYDAANKU U QURXIYAY CAMALKOODA OO KU YIRI WAX IDINKA QAALIB NOQON KARA OO AAD DAD AH MAJIRO ANNA WAAN IDIN LA JIRAA, MARKAY IS ARKEEN LABADII CIIDANNA GADAAL BUU U GURTAY, WUXUUNA YIRI “ANIGA BARIBAAN IDINKA AHAY WAXAANA ARKAA WAXAYDAAN ARAG, WAXAANA KA BAQAYAA ALLE, OO WUXUU ALLE AHAADAY MID CIQAABKIISU DARAN YAHAY”, (Surah: Al-Anfaal Aayah 48).

Mujrimkii weynaa ee Abii Jahal markuu arkay waxa ciidankiisii ku dhacay iyo waxa uu Suraaqa ninkii uu u heystay sameeyay, ayuu ciidankiisii la hadlay oo ku yiri “yeysan idin niyad jebinin khiyaanada Suraaqa, maxaa yeelay Maxammad ayuu ballan la lahaa, yeysanna idin murug gelinnin dilitaanka Cutba, Shayba iyo Waliid maxaa yeelay way degdegeen, Laata iyo Cusaan ku dhaartaye noqon mayno ilaa aan Maxammad iyo dadkiisa xargo ku xirxirno, hama dilina ee soo qabqabta si aan u ogeysiino xumaatadadii ay sameeyeen”. Hase yeeshee hantaatacaas Abii Jahal waxba ciidankii uma siyaadin maxaa yeelay xaqiiqdii ayey indhohooda ku arkeen, meeshoodii ayeyna baqdintii iyo cararkii ka sii wadeen, qoortana looga guray.

Cabdiraxmaan ibnu Cawf wuxuu yiri “maalinkii Badar anigoo safka ku jira ayaa dhinacayga midig fiiriyey mise waxaa jooga wiil da’yar, dhinacayga bidix ayaan haddana fiirshey isna waxaa joogey wiil da’yar oo kii hore le’eg , markaasaan is iri “waaba anigoo aan aammin ku ahayn booska ay iga joogaan.

Ka dib labadii wiiil midkood ayaa isagoo kii kale ka qarsanaya igu yiri “adeer Abii Jahal i tus” markaasaan ku iri “adeer maxaad ku samaynaysaa”, wuxuu yiri “waxaaa la ii sheegay inuu caayi jirey Rasuulka Allaah SCW, Ilaahay ay nafsaddaydu gacantiisu ku jirtey baan ku dhaartaye haddaan arko inaanan is gefaynin ila midkayagii horreeyaa dhinto”, markaasaan la yaabay. Kii kale ayaa isna i qanjaruuftay oo sidii oo kale igu yiri.

Muddo yar ka dib waxaan arkay Abii Jahal oo ciidankii dhex boodaya, markaasaan labadii wiil ku iri “miyeydiinaan u jeedin, wa kaas saaxiibkiinnii aad i weydineyseen”, markaas ayey hal mark isa sii daayeen oo seefihii ku boobeen ilaa ay dhulka dhigeen”. Ka dib labdii wiil Rasuulka SCW ayey u yimaadeen, wuxuu ku yiri “kiinnee diley?”, mid kasta wuxuu yiri “aniga ayaa diley”,

Rasuulku SCW wuxuu yiri “ma masaxdeen seefihiinna?”, waxay dheheen “maya”, markaas ayaa Rasuulu SCW seefahodii eegay oo ku yiri “labadiinnuba waa disheen”. Dagaalku markii uu dhammadayna hubkii Abii Jahal wuxuu siiyey mid ka mid ah labadoodii oo la oran jirey ibnu Camar ibnu Jumuux maxaa yeelay kii kale oo la oran jirey Mucaad binu Cafraa’ goobtii ayuu ku shahiidey.

Waxaa isku soo dubaridey:
Osman Bilad
osmanbilad@hotmail.com