Kitaabka

Siirada Suubanaha Rasuulka (csw)

Taxanaha:  Siirada Suubanaha Rasuulka (csw)

Waxaa isku soo dubaridey:
Osman Bilad

Qeybta 1aad |Qeybta 2aad |Qeybta 3aad |Qeybta 4aad |Qeybta 5aad

Decorative Lines

Dagaalkii Badar
 Qaybta |5aad

Ciidankii gaaladu markii ay hasiimo ku dhacday oo uu jabay ayuu kala firxaday iyadoo uu nin walba wejiga saaray meeshii ka horreysey. Magaaladii Makkana waxa ay suggeysey natiijada dagaalka iyo warka cusub ee ka soo yeeri doona goobta dagaalka.

Ibnu Hishaam wuxuu yiri “ninkii ugu horreeyey ee Makka tagay wuxuu ahaa nin la oran jirey Xaysamaan binu Cabdullaahi Al-khusaaci, markaas ayaa lagu yiri “bal noo warran”, wuxuu yiri “Cutba binu Rabbiica waa la dilay, Shayba binu Rabbiica waa la dilay, Abii Jahal binu Hishaam waa la dilay, Umaya ibnu Khalafna waa la dilay”.

Markuu raggii magaca lahaa oo dhan tiriyey ayaa waxaa hadlay Safwaan binu Umaya oo qolka dhexdiisa fadhiyey wuxuuna yiri “Ilaah baan ku dhaartaye kani waxba ma oga ee bal aniga i weydiiya (iga waraysta) xaalkeyga”, markaas ayey dheheen “ka warran Safwaan binu Umaya?”, wuxuu yiri “waa kaa halkaa fadhiya, Ilaah baan ku dhaartaye aabbihiis iyo walaalkiis ayaa arkayey markii la dilayey.

Dhinaca Madiina, oo iyaguna sugayey akhbaarta cusub iyo waxa soo yeeri doona, ayaa markuu Rasuulku SCW helay narsirii Allaah waxa uu dhinaca Madiina u diray labo nin oo asxaabtiisa ka mid ahaa oo kala ahaa; Seyd binu Xaarith iyo Cabdullaahi binu Rawaaxa.

Wuxuuna u kala diray labada dhinac ee magaalada Madiina. Dhinaca sare wuxuu u diray Cabdullaahi, dhinaca hoosena Seyd.

Yahuuddii iyo munaafiqiintii joogey Madiina waxay intaa dagaalka lagu maqnaa fidinayeen dacaayado been ah ilaa ay markii dambe faafiyeen in Nabiga SCW la dilay. Nin munaafiqiinta ka mid ahaa ayaa wuxuu arkay Seyd binu Xaarith oo soo socda oo fuushan hashii Rasuulka SCW, markaas ayuu yiri:

“Maxammad waa la dilay waa tan hashiisii aannu ku naqaanay, kanina waa Seyd oo aan ogeyn waxa uu ku hadlayo argagax dartiis, firxadkii baana yimid.” Wax yar ka dibse markii ay labadoodii (Seyd iyo Cabdullaahi) galeen magaaladii ayaa dadkii muslimiinta ahaa isku soo hareereeyey iyagoo dhagaysanaya warka cusub ee ka soo yeeray goobtii dagaalka.

Markii ay dhegaysteen guusha iyo nasriga uu Ilaah muslimiinta u soo hooyey waxaa la ruxantay tahliil iyo takbiir, Usaama binu Seyd wuxuu yiri “Waxa uu warku noo yimid annaga oo markaa ciidda ku rognay gabadhii Rasuulka SCW Ruqiya binu Maxammad SCW, oo uu qabay Cusmaan ibnu Cafaan. Xanuunkaas gabadha awgeed ayuu Rasuulku SCW Cusmaan uga soo reebay ciidanka, qaybtiisii dagaalka badarna waa uu u dhigay.

Rasuulku SCW waxa uu sii degganaa goobtii Badar saddex maalmood, laga soo bilaabo markii uu dagaalku dhammaaday. Intii meeshii la joogay muslimiinta qayb ka mid ahi waxa ay ceyrsadeen gaaladii, qayb kalena waxa ay ururinayeen qaniimadii meesha laga helay, qayb saddexaadna Rasuulka SCW ayey waardiyeynaysay. Khilaaf yar ayey markaas asxaabtu isku khilaafeen xoolihii qaniimada ahaa ee gaalada laga furtay. Markaas ayaa Rasuulu SCW amray in xoolihii oo dhan la soo ururiyo oo isaga loo keeno. Waxaa markaas soo dagtay aayaddan:

”Waxay ku waydiinayaan (xukunka) qaniimada, waxaad dhahdaa qaniimada waxaa iskaleh Alle iyo Rasuulkiisa, ee ka baqa Alle oo wanaajiya dhexdiina, waxaadna adeecdaan Alle iyo Rasuulka haddii aad tihiin mu’miniin.” [Surat: Al-Anfal 01]

Ka dib Rasuulka SCW iyo ciidankiisii Madiina ayey aadeen iyagoo wata 70 nin oo qafal ah. Maxaabistaas waxaa waday Cabdullaahi ibnu Kacab. Rasuulku SCW wuxuu markaas degay meel dhexe oo uu ciidankiiiugu qaybiyey xoolihii gaalada laga soo furtay, ka dib markuu ka saaray khumuskii. Intaa ka dib Rasuulku SCW jidka ayuu sii qaaday, markuu marayo meesha la yiraahdo Safraa ayuu amray in la dilo Nadar binu Xaarith oo ahaa ninkii waday calanka gaalada, kana mid ahaa kuwii ugu waaweynaa dambiilayaasha qureysh, islaamkana aad u necbaa.

Waxaa ninkaas qoorta u dheereeyey Cali binu Abii-dhaalib. Waddadii ayay ku sii socdeen Rasuulka SCW iyo ciidankiisii marki ay marayaan meesha la yiraahdo Cirqu Dubaya ayuu Rasuulku SCW amray in la dilo Cuqba ibnu abii Muceydh oo ka mid ahaa 70kii nin ee maxabiista ahaa.

Ninkaas oo dhibaatooyinkiisa qaar ka mid ah aynu kitaabkan bilowgiisa kaga soo hadalnay wuxuu ahaa ninkii mandheerta saaray Rasuulka SCW markuu kacbada ku tukanayey, sidoo kale wuxuu ahaa ninkii marada ku ceejiyey Rasuulka SCW oo ku sigey inuu dilo. Haddaba ninkaa oo ka mid ahaa dadkii aadka u dhibay Rasuula SCW iyo diinta islaamka markii uu Rasuulku SCW amray in la dilo ayuu yiri “yaa maatada u jooga Maxammadow?”

Rasuulkuna SCW wuxuu ugu jawaabay “naar”.

Waxaa ninkaa isagana dilay Caasim binu Thaabit Al-ansaari, waxaa kale oo la dhahaa waxaa dilay Cali binu Abii-dhaalib. Rasuulku SCW qof kale kama dilin dadkii maxaabiista ahaa, laakiin labadaan si degdeg ah ayuu u amray dilkooda shartooda oo badnayd awgeed.

Rasuulku SCW markuu marayo meesha la yirahdo Rawxaa ayaa waxa ka hor tegay qaar ka mid ahaa muslimiintii Madiina ku haray, iyagoo u tahniyadeynaya oo soo dhowaynaya Rasuulka SCW iyo ciidanka, waxaa markaas hadlay Salama ibnu Salaama oo ka mid aha ciidanka oo yiri “maxaad noogu tahniyadeyneysaaan Ilaah baan ku dhaartaye waxaan la kulannay habro fadhfadhiya sidii geelii”, markaas ayaa Rasuulku SCW dhoolla caddeeyey oo ku yiri “walaalkay wiilkiisiiyow kuwaasi waa madaxyoweyn”.

Waxaa isna Rasuulka SCW la hadlay Useyd ibnu Xudeyr (oo ka mid ahaa dadkii madiina ku haray) wuxuu yiri “Rasuulkii Allow Ilaah ayaa mahad iska leh, Allihii ishaada qaboojiyey, Ilaah baan ku dhaartaye rasuulkii Allow ma ahayn dib uga dhiciddeyda Badar in aan malaynayey in aad cadow la kulmaysaan, laakiin waxa aan malaynayeey safarkii (in aad lakulmaysaan), haddii aan malayn lahaa cadowgana ma hareen”, Rasuulku SCW wuxuu yiri “run baad sheegtay”.

Rasuulka SCW wuxuu intaas ka dib soo galay magaalada Madiina isaga oo soo guuleystey oo Ilaahay soo ciseeyey. Maxaabiistiina waxaa Madiina la keenay maalinkii ku xigey, wuxuuna u kala dhiibay asxaabtiisa, wuxuuna u dardaarmay in la wanaajiyo. Asxaabtu aad ayey u wanaajiyeen maxaabiistaas oo waxay siinayeen cuntooyinkooda kuwii ugu wanaagsanaa.

Rasuulku SCW waxa uu kala tashaday asxaabtiisa sidii uu u geli lahaa maxaabiista. Waxaa hadlay oo fikrad soo jeediyey Abuubakar oo yiri “Rasuulkii Allow, wuxu waa walaalaheen, ilma adeerradeen iyo qaraabadeen, waxa aan anigu u arkaa in aad maal ka qaadatid si wixii aan ka qaadano aan gaalada ugu xoogeysana, iyagana waxaa la arkaa in Ilaahay soo hanuuniyo oo ay garab inoo noqdaan”.

Wuxuu markaa Rasuulku SCW yiri “maxaa aragtaa ina Khadhaabow”, Cumar wuxuu yiri “Ilaah baan ku dhaartaye ma arko ra’yiga Abuubakar ee waxaan arkaa in aad aniga ii dhiibtid hebel qoorta aan ka gooyee, Calina aad u dhiibtid walaalkiis Caqiil binu Abii-dhaalib qoorta ha ka gooyee, Xamsana aad u dhiibtid walaalkiis Cabbas qoorta ha ka gooyee si Ilaahay u ogaado in aannaan wax jacayl ah qalbiga ugu heyn mushrikiinta, kuwanuna waa madaxdoodii iyo hoggaamiyayaashoodii”. Rasuulku SCW wuxuu markaa qaatay ra’yigii Abuubakar, wuxuuna ku xukumay in ay xoolo isku furtaan.

Cumar wuxuu yiri “maalinkii dambe ayaan u imid Rasuulka SCW iyo Abuubakar oo ooyaya, markaas ayaa ku iri “Rasuulkii Allow ii sheeg waxa kaa oohiyey adiga iyo saaxiibkaa? haddii aan oohin iska helo waan ooyayaa, haddii kalena waan iska raadinayaa arrintiinna darteed”. Markaas ayaa Rasuulku SCW yiri “arrintii ay ii soo bandhigeen saaxiibbadaa, oo ahayd in xoolo laga qaato (maxaabiista), sababteed waxa uu cadaabkeedu iga soo dhowaaday geedkan”. Allaahna isagoo arrintaa tilmaamaya wuxuu qur’aankiisa ku yiri:

”Uma Haboona nabi in ay u ahaato kuwa la qafaashay (maxaabiis) ilaa uu kaga jilciyo (Gaalada) dhulka, (oo ay tabar dhigaan) waxaad doonaysaa muuqa aduunyada (Xoolo), Allena Allena waxa uu doonayaa aakhiro (in aad gaalo baabi’isaan), wuxuu ahaaday (Alle) qaalib ah oo Xakiim ah.” [Surat: Al-Anfal 67]

Allaah SW wuxuu aayaddaan ku canaantay Rasuulka SCW oo qafaashay gaaladii kana aqbalay in ay is furtaan, nimankan oo aan weliba ahayn askar keliya ee ahaa hoggaamiyayaashii ugu khatarsanaa gaalada. Sidaa darteed Allaah wuxuu ku ayiday fikradii Cumar ee ahayd in madaxa laga guro maxaa yeelay Allaah diintiisii ayey la dagaallameen, xoog baan lagu soo qabtay, in la dilona waxaa ku jirey xikmado badan oo Allaah keliya uu koobi karo, waxaana ka mid ah:

  1. In aysan mar kale cadowga u soo dagaallamin, Ilaahay diintiisana uga hor imaan sida dhacday in markii la sii daayey ay qaar badan oo ka mid ahi ka soo qayb galeen duuullaamadii dambe ee islaamka lagu soo qaadday.
  2. In la tuso in Rasuulka SCW iyo muslimiintu aysan wax naxariis ah u hayn ciddii Ilaahay diintiisa ka hor timaadda.
  3. In kuwo badan oo ku dhiirran lahaa dagaalka muslimiinta ay ku quus qaatan oo aysan ku soo degdegin duullaan dambe.

Waxaa lagu xukumay maxabiistii xoolo qiimohoodu u dhexeeyo kun Dirham ilaa Afar kun oo Dirham, qofkii aan waxba haysanna waxaa la amray in uu qoraalka baro toban wiil oo muslimiinta reer Madiina ka mid ah, maxaa yeelay reer Madiina sidaa wax uma qori jirin oo reer Makka ayaa uga horeeyey. Rasuulku SCW wuxuu iska cafiyey oo uusan waxba ka qaadin dhawr nin oo qaarkood u dan sheegtay ayna ka mid ahaayeen; Mudhlab binu Xandal, Seyfi ibnu Abii Rufaaca iyo Abuu Ciisa Al-jumuxi.

Abuu Ciise, oo nabiga SCW aad ugu dan sheegtay, kana ballan qaaday in uusan duullaan dambe soo raaci doonin, wuxuuu soo racay duullaankii ku xigey ee Uxud markaas ayaa mar labaad la qabtay oo qoorta loo dheereeyey. Sidoo kale waxaa ka mid ahaa maxaabiista la cafiyey Abil-Caas oo qabay gabdhii Rasuulka SCW ee Seynab oo wakhtigaas Makka joogtay. Si ay ninkeeda u furato waxay Makka ka soo dhiibtay qoor xirkeedii, oo ay arooskeedii hooyadeed Khadiija siisay.

Rasuulku SCW markii loo keenay qoor xirkaas wuxuu asxaabtii ka codsaday in ay u sii daayaan Abil-Caas, iyaguna way ka yeeleen, dabadeedna wuxuu Rasuulku SCW Abil-Caas u shardiyey in uu Seynab soo diro, isaguna waa aqbalay oo markuu Makka tegey ayuu soo diray, ka dibna wuxuu Rasuulku SCW u direy Seyd binu Xaarith iyo labo nin oo Ansaar ah in ay Seynab dhex ka soo wadaan.

Waxaa kale oo ka mid ahaa maxaabiista nin la oran jirey Suheyl binu Camar oo u hadli jirey gaalada. Cumar binu Khadhaab ayaa markaas Rasuulka SCW ku yiri “Rasuulkii Allow Suheyl foolasha ka siib, carrabkana jeex si uusan mar kale mowqif dambe ugaga soo hadlin”, hase yeeshee Rasuulku SCW wuu ka diiday Cumar fikraddaa uu soo jeediyey maxaa yeelay waa tamthii (dhalan rogid iyo jir xumayn) Islaamkuna ma ogala. Intaa aan maxabiistii la sii deyn ayaa waxaa Makka aaday nin mulimiinta ka mid ah oo la oran jirey Sacad binu Nucmaan si uu u soo cumraysto. Markii uu Makka tegay ayaa Abuu Sufyaan xabbisay, dadka maxaabiista ahna waxaa ku jirey wiil uu dhalay Abuu Sufyaan oo la oran jirey Camar.

”Dabadeedna waxaa loo sii daayey wiilkiisii isna wuxuu sii daayey Sacad:”

Maxaabiista oo isugu jirey dad la cafiyey iyo dad xoolo isku furtay, sidaa ayaa loo sii daayey. Arrintoodiina waxa ay noqotay siduu Abuubakar soo jeediyey Rasuulkuna SCW ku raacay oo xoolona waa laga helay, badankoodiina aakhirkii waa islaameen. Dagalkii Badarna sidaa ayuu ku dhammaday, waxaana ku soo degtay oo si fiican u qaadaadhgtay suuradda la yiraahdo Anfaal.

Dagaalkaas, oo ahaa dagaal qureysh dulleeyey, una keenay khasaare iyo hoog, ummada badan oo awal musliminta u soo miciyo lisanayeyna candhuuftii ayey dib u leqeen ka dib markii ay arkeen waxa ku dhacay qureysh oo ahayd libaaxii carbeed.

Waxaana islaamkii qaatay baqdin ay u baqayaan maalkooda iyo naftooda kooxdii awal ka hadhay labadii qabiil ee Ansaar. Waxaana kooxdaas madax u ahaa Cabdullaahi ibnu Ubay ibnu Saloo, oo ahaa ninkii ay reer Madiina rabeen in ay madax ka dhigtaan intii aysan islaamin ka hor. Dadki muslimiinta ahaa Ilaahay wuxuu siiyey ciso iyo guul, wuxuuna ka saaray cabsidii iyo tabar yaridii haysey.

Waxaa isku soo dubaridey:
Osman Bilad
osmanbilad@hotmail.com