Kitaabka

Siirada Suubanaha Rasuulka (csw)
Qaybta | 46aad

Taxanaha:  Siirada Suubanaha Rasuulka (csw)

Waxaa isku soo dubaridey:
Osman Bilad

Qeybta 1aad |Qeybta 2aad |Qeybta 3aad |Qeybta 4aad |Qeybta 5aad

Decorative Lines

Dagaalkii Uxud
Qeybta 1aad

Ka dib markii uu dhacay dagaalkii Badar, oo ay qureysh u soo hoyatay guul darro iyo jab, lana laayey odeyaashoodii, ayey waxa ay galeen tabaabushe ay u tabaabusheysanayaan sidii ay Nabiga (scw) iyo asxaabtiisa uga aarsan lahaayeen. Sidaa darteed waxa ay is amreen in aan loo ooyin dadkii Badar lagu laayey, laguna degdegin furashada dadkii lagu qafaashay Badar.

Dadkii ugu xamaasad iyo shaqo badnaa in muslimiinta lala dagaallamo waxaa ka mid ahaa Abuu Sufyaan binu Xarbi, Cikrama binu Abii Jaha, Safwaan binu Umaya, Cabdullaahi ibnu abii Rabbiica. Waxay raggaani soo jeediyeen fikrad ay leeyihiin maalkii saarnaa safarkii Abuu Sufyaan waday oo ka koobnaa 1000 ka rati sababtana u ahaa dagaalkii Badar dadkii iska lahaa waa in aan la hadalnaa.

Markii ay dadkii u yimaadeen waxa ay ku dheheen “qureysheey Maxammed waa idin dabar gooyey, akhyaartiinniina wuu laayey, marka maalkan noogu kaalmeeya sidii aan kula dagaallami lahayn, waxaa la arkaa in aan ka aar gudannee”. Maalkaas oo qiimihiisa lagu qiyasay 50,000 oo Diinaar dadkii iska lahaa way oggolaadeen, wayna u riyaaqeen fikraddaas, maxaa yeelay waxaa quluubtoodii buuxiyey ciil iyo caro ay u hayaan Nabi Maxammed (scw).

Sidoo waxay hoggaamiyayaashaas qureysh bilaabeen in ay ka ururiyaan dhaqaale cid kasta oo jecel in ay ka qayb qaadato dagaalka lala gelayo muslimiinta, oo u dhashay qabiillada Kinaana, iyo Tuhaama. Allaah SW isagoo ficilkooda tilmaamaya wuxuu qur’aankiisa ku yiri:

”Kuwa Gaaloobay waxay bixinayaan maalkooda si ay (Dadka) ugu jeediyaan jidka Allah, way bixin doonaan (Maalka) ka dib waxay ku noqon doontaa shallaayto waana laga qaalib noqon doonaa, kuwa gaaloobay waxaa loo kulmin xagga jahannamo.” [”Surat Al-Anfaal: 36]

Hoggaamiyayaashaa qureysheed waxa ay aad xoogga u saareen ururintii maalka iyo dhiirri gelinta dadkii qureysheed iyo qabiilladi kale ee xulufada la ahaa iyagoo adeegsanaya raggoodii gabayaaga ahaa sida ninkii la oran jirey Abaa Cisa, oo ku jirey dadkii la qafaashay dagaalkii Badar, ka dibna Rasuuku (scw) iska cafiyey markuu u dan sheegtay, kulana ballamay in uusan dib dambe islamka uga hor imaanayn, laakiin ballaantii wuu ka baxay.

Sababta uu Abaa Cisa ballanta uga baxay waxa ay ahayd waxaa kadiyey Safwaan binu Umaya oo ku yiri “waxaan kaa ballan qaaday, haddii aad dagaalka nabad uga soo labato, in aan qani kaa dhigo, haddii aad ku dhimatana aan gabdhahaaga kafaalo qaado”. Sidaa awgeed ninkii Abaa Cisa ahaa gabaygiisii ayuu qabiillada kala dhex istaagay isaga oo ku boorrinaya la dagaallanka Nabiga (scw) iyo asxaabtisa. Sidoo kale waxaa ka mid ahaa Musaafe binu Cabdimunaaf Al-jumxi.

Dadkii reer Makka waxay ku jireen diyaargarowgaas iyo hub urursi laga soo bilaabo bishii Ramadaan oo dagaalkii Badar dhacay iilaa laga gaaray Bishii Shawaal ee sannadkii xigay oo dagaalka Uxud dhacay. Waxaa isna cadaawaddii Qureys sii siyaadiyey oo ka caraysiiyey khasaarihii ka soo gaaray safarkii Safwaan, taas oo ku noqotay murugo kale.

Ka dib markii la gaaray bishii Shawaal ee sannadkii 3aad ee hijriga oo hal sano laga joogo dagaalkii Badar ayaa waxaa u dhammaaday diyaargarowgoodii dagaalka. Sida darteed waxaa Makka ka soo baxay ciidan gaaraya 3,000 oo nin oo isugu jirey qureysh iyo xulafadooda, waxayna soo kexeysteen 15 dumar ah oo ay ugu talo galeen in ay ciidanka guubaabiyaan oo dhiirri geliyaan si aan ciidanku u baqan oo uu aad ugu dagaallamo.

Hoggamiyaha guud ee ciidanku wuxuu ahaa Abuu Sufyaan binu Xarbi, ciidanka fardooleydana waxaa madax u ahaa Khaalid ibnu Waliid, waxaana kaaliye u ahaa Cikrama ibnu Abii Jahal. Calanka ciidanka waxaa waday waday jilibka reer banii Cabdi-daar, gaadiidkii ay wateen wuxuu ahaa 3,000 oo rati iyo 200 oo faras, dhinaca gaashaanka iyo qalabka difaaca waxa ay wateen 700 oo canbuur bireed. Waxay ka soo ambabexeen Makka oo soo aadeen dhinicii Madiina iyagoo duullaan ah.

Dhinicii muslimiinta Cabbaas binu Cabdimudhalib, oo joogey Makka, had iyo jeerna akhbaarta cadawga u soo gudbin jirey Rasuulka (scw) ayaa warqad degdeg ah oo uu ku qoran yahay dhammaan warkooda oo dhan u soo direy. Ninkii warqadda loo soo dhiibey aad ayuu u dheereeyey, wuxuuna ku gooyey masaafada u dhexeysa Makka iyo Madiina oo ah 500 KM, saddex maalmod.

Wuxuuna u tegey Rasuulka (scw) oo joooga Masaajidka Quba, oo warqaddii ugu geeyey. Waxaa warqaddii Rasuulka (scw) u akhriyey Ubay ibnu Kacab, markii uu dhammeeyeyna wuxuu Rasuulku (scw) amray in uu qariyo waxa ku yaalla warqadda.

Ka dibna Rasuulku (scw) si degdeg ah ayuu tegey Madiina, wuxuuna la tashaday odeyaashii Muhaajiriin iyo Ansaar. Magaaladii Madiinana waxaa laga qabtay waardiye, maxaa yeelay cadowgii jidka ayuu ku soo jiray, halisna waxay u tahay in ay kedis ku soo galaan, Rasuulkana (scw) si gaar ah ayaa waardiye looga qabtay. Waxaana waardiyaha ka hayey qar ka mid ah odeyaashii Ansaar oo kala ahaa Sacad binu Mucaad, Sacad binu Cubaada iyo Useyd binu Xudeyr. Ciidankii muslimiintuna wuxuu bilaabay war doon iyo in uu maalin walba la socdo meesha uu cadowgii soo marayo.

Ciidanka gaalada wuxuu ka soo baxay Makka, dabadeed markuu marayo meesha la yiraahdo Abwaa, oo Rasuulka (scw) hooyadiis qabrigeedu ku yaalley, ayaa islaanta la oran jirey Hinda binu Cutba oo Abii Sufyaan qabay, aabbeheed, walaalkeed iyo adeerkeedna lagu diley Badar, waxa ay soo jeedisey in la faago qabriga Rasuulka (scw) hooyadiis hase yeeshee madaxdii ciidanku waa diideen fikradaas, waxayna ka baqeen cirib xummada dambe oo ay reebayso.

Ka dib socodkoodii ayey sii socdeen, markii ay marayaan togga la yiraahdo Caqiiqo ayay u leexdeed dhinaca midig, dabadeedna way sii socdeen ilaa ay ka degeen meel u dhow buurta Uxud oo la yiraahdo Cayneyn. Maalinkaas wuxuu ahaa maalin Jimca ah, 6dii bishii Shawaal, sannadkii 3aad ee hijriga.

Muslimiintu hadba sidii ay ula socdeen wararka cadowga iyo hadba meesha uu soo marayo ayaa ugu dambayntii loo soo gudbiyey in uu soo degey buurta Uxud gadaasheeda, markaas ayaa Rasuulku (scw) wuxuu qabtay kulan guud oo uu la tashanayo asxaabtiisa, wuxuuna u sheegay riyo uu arkay oo wuxuu yiri “Ilaah baan ku dhaartaye waxaan arkay kheyr oo ah; waxaan arkay lo’ la gowracayo, seefteyda oo dhinac ka jabtay iyo aniga oo gacantayda geliyey canbuur bireed adag.

Waxaana ku fasirayay lo’da, qayb asxaabtayda ka mid ah oo la layan doono, seeftayda dhinaca ka jabtayna waxa aan ku fasiray nin Ehlu-beytkayga ka mid ah oo la dili doono, canbuur bireedkana waxa aan ku fasiray Madiina”.

Dabadeed waxa uu Rasuulku (scw) asxaabta u soo bandhigay ra’yigii uu arkayey oo ahaa in aan Madiina laga bixin oo difaac la galo si cadawga haddii uu magaalada soo weeraro si xun loogu hoojiyo. Waxaa markaa Rasuulka (scw) ra’yigiisaa ku raacay qaar ka mid ahaa odeyaashii asxaabta oo u arkay in uu ra’yigaani sax yahay. Sidoo kale waxaa ku raacay munaafiqii weynaa Cabdullaahi binu Ubay oo aan saxnimo ugu raacin ee ugu raacay baqdin uu cadowga ka baqayo iyo in uu ka fogaado dagaal.

Waxaa ra’yigii Rasuulka (scw) mid ka duwan qaatay koox ka mid ah asxaabta oo aan ka qayb gelin dagaalkii Badar, aadna ugu xamasadaysnaa in dagaal kale cadowga lala galo iyo in badan oo dagaalkii Badar ka qayb gashay laakiin diiddanaa in cadawga magaalada lagu sugo, waxayna Rasuulka (scw) u soo jeediyeen in la baxo oo cadowga meeshiisa loogu tago, aad ayeyna Rasuulka (scw) ugu celceliyeen ra’yigaadaas ilaa mid ka mid ihi yiri:

“Maalinkaan war rajaynaynay, Allaah baanuna u baryaynay, waana noo yimid oo waa soo dhowaaday ee u bax cadowgayaga yaysan noo arkin in aan ka baqnaye”. Sidoo kale raggii aadka ugu adadkaa ra’yigan waxaa ka mid ahaa Nabiga (scw) adeerkiis Xamsa binu Cabdimudhalib.

Waxaa isku soo dubaridey:
Osman Bilad
osmanbilad@hotmail.com