Kitaabka

Siirada Suubanaha Rasuulkacsw

Waxaa isku soo dubaridey:
Osman Bilad

Qeybta 1aad |Qeybta 2aad |Qeybta 3aad |Qeybta 4aad |Qeybta 5aad

Decorative Lines

Dagaalkii Uxud
Qeybta |2aad

Rasuulku (scw), markii uu arkay in asxaabta badankeedu doonayaan in cadowga goobta loogu tago, ayuu ka noqday ra’yigiisii hore wuxuuna qaatay ra’yigan dambe, isaguuna go’aamiyey. Ka dib Rasuulku (scw) wuxuu asxaabtii tujiyey salaaddii jimcaha wuuna waaniyey, wuxuuna amray in ad-adkaan iyo dadaal lala yimaado, wuxuuna u sheegey in ay nasri helayaan haddii ay sabraan, ka dibna salaaddii casar ayuu tujiyey, dabadeedna wuxuu galay gurigiisa isaga oo ay la socdaan Abuubakar iyo Cumar, hubkiisii ayuu qaatay, laba canbuur bireedna wuu gashaday, wuuna soo baxay. Ciidankiina diyaar bay wada ahaayeen oo isaga ayey sugeyeen.

Sacad binu Mucaad iyo Useyd binu Xudeyr ayaa asxaabtii ku yiri “Rasuulka (scw) waad ku khasabteen bixitaanka ee isaga talada u daaya”, Markaas ayey ka qoomameeyeen arrintaa ay Rasuulka (scw) ku kallifeen, markuu Rasuuulku (scw) u yimidna waxa ay ku dheheen “Rasuulkii Allow nooma habboona in aannu ku khilaafno ee samee wixii aad doontid , haddii aad jeceshahay in aad Madiina ku negaatana samee”. Rasuulku (scw) wuxuu markaas yiri “uma habboona Nabi haddii uu canbuur bireedkiisa lebisto in uu iska bixiyo ilaa Ilaahay ka kala xukmiyo isaga iyo cadowgiisa”.

Wuxuu Rasuulku (scw) ciidankiisii u qaybiyey saddex qaybood oo kala ahaa Ansaar oo uu labo u sii kala qaybiyey iyo Muhaajiriin oo hal qayb ah. Qaybta Muhaajiriinta wuxuu calankoodii u dhiibey Muscab ibnu Cumeyr, kaas oo ahaa calanka guud ee ciidanka, qaybta Awsna wuxuu calankoodii u dhiibey Useyd ibnu Xudeyr, qayba Khasrajna wuxuu calankoodii u dhiibey Xubaab ibnu Mundir.

Caddadka ciidanku wuxuu ahaa 1,000 nin, waxayna wateen 100 canbuur bireed, fardahaa ayaa wateen riwaayadaha ku soo arooray way is kala duwan yihiin: qaar waxay leyihiin 50 faras, qaarna waxay leeyihiin Rasuulka (scw) iyo Abuu Burda keliya ayaa ka watay, qaar kalena waxay leeyihiin maba wadan. Allaah ayaa garanaya sida ay xaqiiqdu tahay. Rasuulku (scw) wuxuu Madiina madax uga dhigay Cabdullaahi ibnu Ummi Maktuum. Waxaa markaa Rasuulku (scw) ciidankii ogeysiiyey in la dhaqaaqo, waxaana loo dhaqaaqay dhinicii woqooyi.

Rasuulka (scw) waxaa hor socday labo Sacad, markii ay dhaafeen meesha la yiraahdo Thaniyatul Wadaac ayaa wuxuu arkay Rasuulku (scw) ciidan meel xoogaa u jirta ka muuqda Markaas ayuu asxaabtii weydiiyey oo ku yiri “maxay yihiin?”, waxaa la yiri “waa yahuuddii ay reer Khasraj xulufoda ahaayeen”, wuxuu yiri ‘ma islaameen?” waxaa la yiri “maya”, markaas ayuu diidey Rasuuku (scw) in uu gaal gaal kale u kaalmaysto.

Wuxuu Rasuulku (scw) ciidankii ka reebay wiilal yar yar oo aan weli qaangaarin oo ay ka mdi ahaayeen:

  • Cabdullaahi ibnu Cumar,
  • Usaama binu Seyd,
  • Useyd, binu Daahir,
  • Seyd binu Thaabit,
  • Seyd binu Arqam,
  • Caraawa binu Aws,
  • Camar binu Xasam,
  • Abii Saciid Al-Khudri,
  • Seyd binu Xaarith Al-ansaari iyo
  • Sumura ibnu Jundub,

Wuxuuna dagaalka u oggolaaday Raafic ibnu Khadiija iyo Sumura ibnu Jundub, sababta uu labadaan uga soo reebay dhallinyaradii kalena waxa ay ahayd; Rafiic wuxuu ahaa wiil ganitaanka ku dheereeya oo shiish badan, markaas ayaa Rasuulku (scw) u oggolaaday, markaas ayaa Sumura ibnu Jundub yiri “aniga ayaa ka xoog badan oo legda”, markaas ayaa Rasuulku (scw) amray in ay hortiisa ku legdemaan, markaas ayaa Raafic la legday oo Sumara ayaa xoog batay, sidaas ayuu isna ugu oggolaaday.

Ka dib salaaddii maqrib ayaa ugu soo gashay dhexda, wayna tukadeen, ka dibna cishihii bay tukadeen, dabadeedna way degeen oo habeenkii halkaas ayey beryeen. Waardiyaha ciidanka habeenkaas waxaa loo xilsaaray 50 nin oo uu madax u yahay Maxammed ibnu Maslama, oo ahaa ninkii madaxda u ahaa kooxdii Kacab binu Ashraf dishay, reer Dakwaan binu Cabdiqaysna waxay gaar ahaan ugu istaageen ilaaalinta Rasuulka (scw). Fajarkii ka hor ayaa la kacay, wax yar ayaana hore loo sii socday ilaa laga gaarey meel cadowgii u muuqata oo la isku jeedo, halkaas oo salaadii subax lagu tukaday.

Muddo yar ka dibna munaafiqii weynaa Cabdullaahi ibnu Ubay ayaa wuxuu la laabtay Sadex boqol oo nin oo ahaa ciidan Rasuulku (scw) watay saddex meelood meel ahaan, wuxuuna yiri munaafiqasi “ma garanayno waxa aanu naftayada u dilayno” isaga oo ku andacoonaya in ra’yigiisii Rasuulku (scw) khilaafay oo uu wiilal yar yar ra’yigood qaatay, laakiin ujeeddadiisu waxay ahayd in uu kala jebiyo ciidanka muslimiinta kuna rido niyad jab iyo is khilaaf, in badanna ay Rasuulka (scw) iyo intii ku hadha.

Dabadeedna ay Madiina sideedii hore ku laabato, isna loo soo celiyo madaxtinnimadiisii, maxaa yeelay wuxuu rumeysnaa in madaxtinnimadiisii uu Rasuulku (scw) ka qaatay, wuxuuna intaa xaqa uga soo hor jeeday oo Alle iyo Rasuulkisa (scw) ula dhinactameyey in uu madaxnimo helo sida ay maantaba in badan oo muslimiin sheeganayaa uga horyimaaddaan xaqa si ay madaxtinimo ama dan gaar ah u gaaaraan.

Munaafaqaani waxa uu sigey inuu hir galiyo wixii uu ku haminayey, maxaa yeelay isla markiiba waxaa damcay in ay laabtaan labo reer oo muslimiinta ka mid ahaa, kuwaas oo kala ahaa jilibka banuu Xaarith oo Aws ka mid ahaa iyo banuu Salama oo Khasraj ka mid ahaa hase yeeshee Allaah ayaa amarkoodii tawalliyey oo xaqii ku sugay, kana badbaadiyey simbirixashadaas sheydaanka.

Allaahna isagoo arrintaa tilmaamaya wuxuu qur’aankiisa ku yiri:

Surat Aal-Cimraan 166-168

Waxa idinku dhacay maalink ay labada ciidan kulmeen waa Allah idankiis iyo in ogaado mu’miniinta, (sida kale) in la ogaado kuwa munaafaqoobay, ee loo yiri (kaalaya oo ku dagaalama jidka Allah ama difaaca) waxayna dheheen haddaan ognahay dagaal waan idin raaci lahayn, iyagu gaalnimaday maalinkaas ugu dhawaayeen iimaanka, waxay afkooda ka dhahayaan waxaan quluubtooda ku jirin, Allane waa og yahay waxay qarinayaan. Waa kuwa ku yiri walaalahood hadday na adeeci lahaayeen lama dileen, waxaad dhahdaa naftiina dhimasho ka reeba haddaad run sheegaysaan.  [Surat Aal-Cimraan, 166-168]

Ka dib Rasuulka SCW iyo ciidankii muslimiinta oo ah 700 oo nin waxay u dhaqaaqeen dhinicii cadowga, cadowguna wuxuu ka sokeeyey buurta Uxud, wuxuu markaa Rasuulku (scw) yiri “ninkee ayaa naga dhex bixinaya oo na geynaya dushooda buurta xigta?”. Abuu Khaythama ayaa yiri “Aniga, Rasuulkii Allow”, wuxuuna abuu Khaythama ciidankii mariyey waddo gaaban oo buurta Uxud gasha, waxayna sii dhex mareen beer uu lahaa nin la oran jirey Murabac binu Qaydi oo munaafaq ahaa, indhahana aan wax qumman ka arkin, hase yeeshee markii uu dareemay ciidankii muslimiinta ayuu ciid ku seyriyey, wuxuuna ku yiri Rasuulka (scw) “xalaal kuuma aha in aad soo gashid beertayda haddii aad Rasuul tahay”. Rag asxaabta ka mid ah ayaa markaa damcay in ay dilaan hase yeeshee Rasuulku (scw) wuxuu yiri “ha dilina qalbiga iyo indhahaba waa ka indho la’yahay”.

Ka dib waxay muslimiintii degeen meel istaraatiiji ah, oo buurta Uxud degaandeggeed ah, waxayna dhabark u duween buurtii, Madiinana way soo qaabbileen. Ciidankii gaaladuna waa ka hooseeyey oo wuxuu xigsaday dhinicii Madiina oo u dhaxaysey ciidankii muslimiinta iyo Madiina. Ka dib Rasuulka (scw) ciidankiisii ayuu dagaalka u diyaariyey wuxuuna soo soocay 50 nin oo gummaad ah (gana yaal ah) oo ku dheereysey shiishka iyo wax ganidda, wuxuuna u direy kooxdaas dhinaca bidix oo koonfur bari ka xigtay ciidankii muslimiinta una jirtey 150 Mitir, meeshaas oo ahayd meel buurta Uxud karin gaabo ku lahayd. Ciidankaas 50ka nin ah wuxuu Rasuulku (scw) madax uga dhigay Cabdullaahi binu Jubeyr binu Nucmaan, wuxuuna 50kaa nin ugu talo galay in ay dhabar jabinta ciidanka fardooleyda ah aee gaalada oo Khaalid binu Waliid wato ka ilaaliyaan.

Wuxuuna Rasuulku (scw) la dardaarmay ninkii madaxda u ahaa 50kii nin oo uu ku yiri “naga joojiya fardaha yeysan gadaal nooga imaanine, haddaan guuleysanno iyo haddii nalaga guuleystaba meshiina jooga, yaan dhiniciinna nalaka soo gelin”. Kontonkii nina wuxuu ku yiri “dhabarka naga ilaaliya, haddii aad aragtaan in nala laynayo ha noo gargaarinina, haddii aad aragtaan in aan qaniimeysanaynana ha nala wadaagsannina, haddii aad aragtaan in ay shimbiruhu na kala dafayaan booskiinaas ha ka soo dhaqaaqina ilaa aan idin soo cid diro, haddii aad aragtaan in aan jebinney oo aan ceyrsanaynana ha soo bixina ilaa aan idiin soo cid diro”.

Rasuulku (scw) wuxuu hadalkaas cad iyo dardaarankaas siiyey nimankii gumaadda ahaa si aan fardooleyda gaaladu dhabar jebin ugu samayn, meeshaas oo ahayd meesha kali ah ee laga dhabar jebin karayey, maxaa yeelay gadaal iyo dhinaca midigba buurta ayaa ka xigtay, hortoodana cadowga ayaa ka xigey.

Dabadeed wuxuu Rasuulku (scw) qaybiyey ciidankiisii, dhinaca midig wuxuu madax uga dhigay Mundir ibnu Camar, dhinaca bidixna Subeyr ibnu Cawaam oo uu kaaliye u yahay Miqdaad ibnul-aswad, safafka hore ee ciidanka wuxuu u doortay rag khatar ah. Khidaddaas heerka sare ah ayuu Rasuulku (scw) u dejiyey ciidankiisii subaxaas wuxuu ahaa subax Sabii ah, 7dii bishii Shawaal, sannadkii 3aad ee hijriga.

Wuxuu Rasuulku (scw) ciidankiisii ka reebay in ay dagaal bilaabaan ilaa uu ka amro, wuxuuna ku booriyey dagal iyo in ay ku sabraan markay la kulmaan cadowga, aad ayuuna u xamaasa geliyey, ka dibna wuxuu kor u qaaday seef oo yiri “yaa seeftaan xaqeeda ku qaaday?”.

Rag ayaa markaa istaagay ay ka mid ahaayee:

  • Cali binu Abii-dhaalib
  • Subeyr ibnu Cawaam
  • Cumar binu Khadhaab iyo
  • Abuu Dujaana

Wuxuu markaa Abuu Dujaana yiri “muxuu yahay xaqeedu Rasuulkii Allow?”, wuxuu yiri Rasuulku (scw) “waa in aad ku garaacdo wejiyada cadowga”, wuxu yiri Abuu Dujaan “aniga ayaa ku qaadaya xaqeeda Rasuulkii Allow”, markaas ayuu siiyey Abuu Dujaana.

Abuu Dujaana wuxuu ahaa nin geesi ah oo is qaad qaada marka dagaalka lagu jiro, wuxuu lahaa maro guduudan oo hadduu madaxa ku xiro dadku ay ogaan jireen in uu dagaallamayo dagaal wacdaro leh. Markii uu seeftii qaaday ayuu madaxa ku xirtay maradii guduudnayd waana is qaad qaaday, wuxuu Rasuulku (scw) markaa yiri “waa socod Ilaahay ka caroodo markaan oo kale (jihaadka) ma ahane”.

Waxaa isku soo dubaridey
Osman Bilad
osmanbilad@hotmail.com