Kitaabka

Siirada Suubanaha Rasuulka ”csw”

 

Qeybta 1aad |Qeybta 2aad |Qeybta 3aad |Qeybta 4aad |Qeybta 5aad

Waxaa isku soo dubaridey
Osman Bilad

Decorative Lines

Dagaalkii Uxud
Qeybta |5aad

Markii ay ciidanka gaaladu is urursadeen oo ay noqonayeen ayaa hoggaamiyahoodi Abuu Sufyaan fuulay buur oo dhawaaqay isaga oo leh “Maaxammed ma idinku jiraa”, looma jawaabin, markaas ayuu yiri “ina abii Quxaafa (Abuubakar) ma idinku jiraa?” looma jawaabin, markaas ayuu yiri “Cumar binu Khadhaab ma idinku jiraa?”, looma jawaabin. Qof kale ma uusan magacaabin maxaa yeelay wuxuu ogaa booska ay saddexdaasi ka joogeen islaamka iyo haddii ay dhintaan in islaamku halis ku jiro, wuxuu intaas ka dib yiri “kuwaas waa la idinka kaafiyey”.

Waxaa markaas is hayn waayey Cumar binu Khadhaab oo yiri “cadowgii Allow kuwaas aad soo sheegtay way nool yihiin, Allena wuxuu u dib dhigay wax ku caro geliya”, markaas ayuu yiri “dadkiinnii la dhalan rogey ma aanan amrin, kamase xumaan”. Ka dib wuxu yiri “hubulow kor noqo”, Rasuulka SCW ayaa asxaabtii ku yiri “miyeydaan u jawaabeyn?”, markaas ayey dheheen “maxaa dhahnaa?” wuxuu yiri dhaha “Allaah baa sarreeya oo weyn”, markaas ayuu Abuu sufyaan yiri “Cusaan leenahay idinkuse Cuse ma lihidin”.

Rasuulka SCW ayaa asxaabtii la hadlay oo ku yiri “miyeydaan u jawaabeyn?” waxay dheheen “maxaan dhahnaa?”, wuxuu yiri dhaha “Gargaare ayaanu leennahay idinkuse gargaare ma lihidin”. Wuxuu markaas Abuu Sufyaan yiri “maanta maalintii Badar ayey u dhigantaa, dagaalkuna waa wadaameysi”, Cumar ayaa u jawaabay oo yiri “ma sinnin, dadkayagii la diley jannada ayey ku jiraan, dadkiinniina naar”.

Wuxuu markaa Abuu Sufyaan yiri “Kaalay Cumarow”. Rasuulka ayaa Cumar ku yiri “u tag oo fiiri xaalkisa”, Cumar ayaa u tegey Abuu Sufyaan, markaas ayuu Cumar ku yiri “Ilaah baan kugu dhaarshaye Cumarow ma dilnay Maxammed?”, Cumar wuxuu yiri “maya, haddana wuu ku maqlayaa”, wuxuu yiri Abuu Sufyaan “adiga ayaan kaaga rumeyn badnahay ibnu Qum’a”. Abuu Sufyaan iyo ciidankiiisii way baxeen iyagoo oranaya “ballanteennu waa Badar sannadka soo socda”, markaas ayuu Rasuulku SCW nin asxaabtiisa ka mid ah ku yiri “ku dhe waa yehay waa inoo balllan”.

Rasuulku SCW wuxuu markaa ciidankii gaalada ka daba direy Cali binu Abii-dhalib oo ku yiri “daba kac oo fiiri waxa ay samaynayaan iyo waxa ay doonayaan, haddii ay fardaha hogaamiyaan, geelana fuulaan Makka ayey u socdaan, haddii ayse fardaha fuulaan, geelana kexeeyaan Madiina ayey u socdaan, Ilaaha ay naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye, haddii ay aadaan Madiina waar raacaynaa oo la dagaallamaynaa”. Cali wuu baxay oo daba kacay, wuxuuna arkay fardihiii oo ay hoggaamiyeen iyo geelii oo ay fuuleen, dhinicii Makkana ay aadeen.

Dadkii muslimiinta ahaa waxa ay intaa ka dib fiirfiirin u galeen shuhadadii goobta lagu laayey iyo kuwii dhaawaca ahaa. Seyd binu Thaabit wuxuu yiri “Rasuulka SCW ayaa ii direy maalinkii Uxud in aan raadiyo Sacad binu Rabbiic, wuxuuna igu yiri “haddii aad aragto igu salaan, waxaadna ku tiraahdaa Rasuulkii Alle wuxuu ku leeyahay sidee tahay”. Markaas ayaan dhex qaaday dadkii la laayey, ka dibna waxaan u tegey isagii oo naftii ugu dambeysey ku jirto, ayna ku yaallaan 70 nabar oo isugu jira waran, seef iyo gammuun, markaas ayaan ku iri “Rasuulkii Alle wuu ku salaamayaa wuxuuna ku leeyahay iiga soo warran sida aad tahay”.

Sacad wuxuu yiri “ma Rasuulkii Alle ayaa i salaamaya, ku dheh Rasuulkii Allow waxaan helayaa jannada carafteedii, qowmkeygii Ansaarna ku dheh cudurdaar kuma lihidin Ilaahay agtiisa haddii Rasuulka Alle wax la gaarsiiyo idinka oo il qoyani idinku jirto”, ka dibna naftii ayaa deysey Sacad. Raggii asxaabta ahaa oo ku dhex wareegayey meydkii iyo dhaawicii meesha yaalley, waxa ay arkeen nin la oran jirey Camar binu Thaabit oo loo yaqaanay Usayram oo naf yar ku jirto, markaa ka horna ay islamka u bandhigi jireen oo diidey. Markaas ayey isku dheheen “Useyramkan maxaa keenay, maxaa yeelay waxa aannu ka soo tagnay isaga oo xumaan u arka arrinkan (islaamka)?”.

Ka dib way u tageen oo weydiiyeen, waxayna dheheen “maxaa ku keenay, ma ficiliaa mise waa jacayl islaam”, wuxuu yiri “jacayl islaam ayaa i keenay, Alle iyo Rasuulkiisa ayaan rumeeyey, ka dibna Rasuulka SCW la jirkiisa ayaan dagaallamay ilaa waxa aad aragtaan igu dheceen”, wax yar ka dibna waa dhintay. Rasuulka SCW markii loo sheegay wuxuu yiri “waa Ehlu-Janno”. Abuu Hureyra isaga oo ninkaa arrinkiisa ka hadlaya wuxuu yiri “hal salaad Alle uma tukan”.

Qofku markuu islaamo isaga oo aan shey cibaado ah samayn haddii uu jihaad galo oo ku dhinto waa Ehlu-Janno, laakiin haddii uu islaam iska sheegto oo uusan tukan jihaadba ha ku dhintee wax ka soo qaad ma leh maxaa yeelay wuxuu jihaadkiisu ansaxayaa qofkii Ilaahay ku xiran oo muslim ah una dagaallama in ay kalimadda Alle kor noqoto, haddiise ay niyadiisa wax kale ku jiraan sida xukun, ficilo, wadanimo, is tus tus, maal raadis iyo dan adduunyo, waxba laga aqbali maayo. Mana ahan jihaadka kaliya ee waa acmaasha islaamka oo dhan.

Sidoo kale dadkii asxaabta ahaa oo ku dhex wareegayey meydkii iyo dhaawacii meesha yaalley waxa ay soo mareen ninkii ahaa Qasmaan, oo aadka u dagaallamay, dileyna 7 ilaa 8 nin oo ciidankii gaalada ahaa, oo meel yaalla oo dhaawac culus ah. Markaas ayey u bishaareeyeen waxayna u qaadeen magaaladii Madiina. Wuxuu yiri Qasmaan “Ilaah baan ku dhaartaye wax kale uma dagaallamin ee sharafta reer tolkey ayaan u dirirayey, haddiise aanay arritaasu jirin ma dagaallameen”, ka dib markii uu xanuunkii ka batay wuu is diley.

Rasuulka SCW markii loo sheegay arrinkaa wuxuu yiri “Ehlu-Naarka ayuu ka mid yahay”. Arrinkaas, oo ah abaalmarinta qof walba oo u dagaallama wax aan ahayn kalimadda Alle in ay kor noqoto, haba ku jiro ciidankii muslimiinta oo u dagaallamayey kor ahaanshaha kalimadda Alle wuxuu u qaaday niyaddiisii xumeyd oo ahayd u dagaallanka xamiyada (qabiilka), arrinkaas oo ah arrin ay dad badan oo muslimiin sheeganayaa ay ku jiraan, ciribtiisu waa sidaas Allena wuxuu u ballan qaaday cid walba oo ku dhimata naar.

Sidoo kale waxaa jirey nin yahuudi ahaa oo ka mid ahaa dadkii la laayey, waxana la yiri markii uu dagaalku dhacay ayuu yahuuddii uu ka dhashay ku yiri “yahuudey Ilaah baan ku dhaartaye xaq bay dushiinna ku tahay in aad Maxammed u gargaartaan”, markaas ayey dheheen “maanta waa Sabti”, markaas ayuu ku yiri “Sabti beela”, wuxuuna qaatay seeftiisii oo is diyaariyey, wuxuuna iyagii ku yiri “haddii aan dhinto malkayga Maxammed ayaa iska leh wuxuu doono ha ku sameeyo”, horeyna dagaalkii ayuu u galay ilaa uu ka shahiidey. Ninkaas oo magaciisa la oran jirey Mukheyriiq waxaa Rasuulku SCW yiri isagoo ka hadlaya “Mukheyriqq waa yahuud kii ugu kheyr roonaa”.

Rasuulku SCW wuxuu eegay dadkii shuhadada ahaa markaas ayuu yiri “kuwaan aniga ayaa markhaati ka ah, qof Ilaahay dartiis loo dhaawacayna ma jiro ilaa Ilaahay wuxuu qiyaamaha soo bixinayaa nabarkii oo dhiigaya, oo midabkiisu yahay midab dhiig riixdiisuna tahay Miskiga”. Ka dib Rasuulku SCW wuxuu maqlay qaar asxaabtii ka mid ah oo Madiina u qaaday raggii shuhadada ahaa qaarkood, markaas ayuu Rasuulku SCW amray in la soo celiyo oo lagu duugo meeshii ay ku dhinteen, isla markaana aan ladhiqin, laguna duugo dharkooda.

Ka dib markii laga bixiyo wixii bir ama harag ahaa ee ay xirnaayeen, waxana loo xabaalay labo labo iyo saddex saddex, maxaa yeelay ragga ayaa badnaa. Markii laba nin qabri la wada gelinayana wuxuu lahaa “kee baa qur’aanka badiya”, markii loo sheegana midka qur’aanka badiya ayuu ku hormarinayey iilka. Wuxuuna isla xabaalay Cabdullaahi binu Camar binu Xaraam iyo Camar binu Jumuux oo ay ka dhexayn jirtey saasxiibtinnimo iyo jaceyl. Sidoo kale waxaa la isla xabaalay Xamsa binu Cabdimudhalib iyo Cabdullaahi binu Jaxshi oo uu abti u ahaa.

Markii shuhadadii la xabaalayey waxaa la waayey meydii Xandhala, markaas ayaa la raadiyey. Waxaa la soo helay isagii oo biyo ka da’ayaan. Rasuulka SCW markii arrintii loo sheegayna wuxuu yiri “malaa’ig baa dhaqdaye bal xaaskiisa weydiiya”. Markii xaaska arrinkiisa la weydiiyeyna waxa ay sheegtay in uu janaabo qabay sidaa darteed waxaa xandhala lagu magacaabay kii ay malaa’igtu dhaqday. Xandhala waxaa dhalay ninkii uu Rasuulku SCW u bixiyey Abuu Caamir Al-faasiq oo dhinaca gaalada ka soo jeeday.

Rasuulku SCW markuu arkay adeerkiis Xamsa iyo sida loo dhalan rogay aad ayuu uga murugooday ugana xumaaday, ka dibna waxaa timid Rasuulka SCW eeddadiis Safiya oo dhashay Subeyr ibnu Cawaam, markaas ayuu Rasuulku SCW amray wiilkeedii Subeyr in uu ka celiyaa oo aysan arag meydka Xamsa. Safiya ayaa tiri “sababtee la iiga celinayaa, way i soo gaartay in walaalkay la dhalan rogaye, Ilaahay dartiis haddii aanan ku raalli noqonse maxaa kale oo aan ku raali noqon, waan sabri oo ajar gurubsan haddii Alle idmo”, ka dib inta ay u tagtay oo fiirisay ayey u duceysey, dambi dhaafna Alle u weydiisey, waxayna tiri “Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun”.

Sidoo kale waxaa kamid ahaa dadkii goobta ku shahiiday Cabdullaahi ibnu camar ibnu xaraam (jabar aabihii) , wuxuu yiri Cabdullaahi “dagaalka Uxud ka hor ayaan riyo ku arkay Mubshir binu Cabdi Mundir oo i oranaya waad noo imaanaysaa markaasan ku iri oo xaggee joogtaa? wuxuu yiri “janada dhexdeeda ayaan saan doono ugu soconaa”, waxaan ku iri “oo sawtii maalinkii badar lagu dilay” wuxuu yiri “haa, ka dib ayaase la i nooleeyey”. Arrinkaas ayuu Cabdullaahi Rasuulka SCW u sheegay, Rasuulkuna SCW waxa uu ku yiri “taasi waa shahaado abaa jaabirow”.

Waxaa isna kamid ahaa dadkii goobta ku shahiiday Khaythama (abuu Sacad) oo wiilkiisii Sacad ku shahiiday dagaalkii badar, waxa uu yiri khaythama “waxaa igafay dagaalkii badar, Ilaah ayaanna ku dhaartaye waan ku dadaalayey (inaan ka qayb galo dagaalkaas) laakiin waxaan qori tuuranay wiilkaygii markaasaa qorigiisii soo baxay (oo isagii dagaalkii aaday) waxaana lagu irsaaqay shahaado, xalayto ayaan markaa riyo ku arkay isagoo suurad tan ugu wanaagsan ah oo dhex jooga mirihii janada iyo wabiyadeedii, wuxuuna i yiri “nasoo haleel aan janada dhexdeeda ku rafiiqnee, waxaan helay wixii Rabbigay ii yaboohay isagoo xaq ah”.

Haddaba Rasuulkii Allow SCW waxaan waabariistay anigoo doonaya rafiiqnimadiisa janada dhexdeeda, da daydiina waa waynaatay, lafahaygiina waa gaboobeen, waxaana jeclahay Rabbigay la kulankiisa, ee Alle ii bari Rasuulkii Allow SCW in uu shahaado igu irsaaqo Sacadna (wiilkiisii) aan janada kula rafiiqo. “Alle ayuu markaa Rasuulku SCW u baryey, wuxuuna ku shahiiday dagaalkan Uxud.

Waxaa sidoo kale ka mid ahaa raggii goobta ku shahiiday Cabdullaahi ibnu Jaxash oo ay Nabiga SCW eeddadiis dhashay ahaana ninkii watay ilaaladii uu Rasuulku SCW u diri jiray Nakhla (Makka iyo Dhaa’if dhexdooda) waxa uu yiri Cabdullaahi intuusan dagaalku dhicin “Allahayow waxaan kuugu dhaaranayaa in aan barri cadowga la kulmo oo ay i dilaan ka dibna ay calooshayda soo bixiyaan, ayna jaraan sankayga iyo dhagtayda, dabadeed aad (qiyaamaha ) i waydiiso sababta ay arrintaasi ku dhacday, anna aan kugu iraahdo daraadaa.

Waxaa isna mid ahaa asxaabtii goobta ku shahiiday Camar ibnu Jamuux oo ahaa nin lug la, wuxuuna lahaa Afar inan oo dhalinyaro ah oo Rasuulka SCW la jihaad gasha, markii Uxud la soo aadayey ayuu damcay in uu Rasuulka SCW soo raaco markaasay wiilashiisii ku dheheen “maad iska joogtid anagaa kaa kaafinay (jihaadka), Allena waxa uu ku siiyay rukhso oo jihaad kaama uu rabo”.

Rasuulka SCW ayuu u yimid oo ku yiri “Rasuulkii Allow SCW wiilashaydaani waxa ay ii diidayaan in aan ku raaco, Ilaah baan ku dhaartaye waxaan rajaynayaa in aan ku shahiido (dagaalka) oo lug la’aantaydaan aan janada dhexdeeda ku dhutiyo”. Wuxuu Rasuulku SCW ku yiri “adiga Alle jihaadka waa kaa daayey”, wiilashiisiina waxa uu ku yiri “maad iska daysaan, waxaa la arkaa in Alle shahaado ku irsaaqee”. Rasuulka SCW ayuu soo raacay (oo dagaalkii uxud ayuu ka wayb galay) wuuna shahiiday.

Waxaa isna ka mid ahaa raggii goobta ku shahiiday Muscab binu Cumeyr oo ahaa macallinkii reer Madiina, wuxuuna waday calankii muslimiinta Badar iyo Uxudba, islaamkana waxyaalo badan ayuu u soo qabtay. Muscab, oo ahaa islaamka ka hor nin dhallinyaro ah oo qurxoon aadna u xarrago badnaa, kana dhashay reer xoolo leh, Makkana caan ka ahaa oo dharka hadba nooc qaadan jirey ayaa markii uu Uxud ku shahiidey waxaa deeqi waayey kafantiisii maxaa yeelay wuxuu qabay hal go’, markii lagu soo daboolo waxaa bannaanaanayey lugaha, markii lugaha lagu soo daboolna waxaa bannaanaanayey madaxa. Rasuulku SCW aad ayuu markaa uga murugooday wuxuuna yiri “madaxa ku soo daboola (kafanta), lugahan geedka Idkhirka la yiraahdo saara”.

Ragii Muscab aqoon jirey markii ay soo xusuustaan aad ayey uga tiiraanyoon jireen noloshii uu ku sugnaan jirey Muscab iyo dhimashadiisii, Cabdirahmaan binu Cawf ayaa waqtigii khulafaa’ul-Raashidiinka waxaa galab loo keenay afur markaasuu yiri “waxaa la dilay (dagaalkii Uxud) Muscab binu Cumeyr waana iga khayr badnaa, waxaa lagu kafnay go’iisi (markaasuu deeqi waayey) markii lugaha laga saaro madaxa ayaa banaanaanayey, markii madaxa laga saarana lugaha ayaa banaanaanayey, (sidoo kale) waxaa la dilay Xamsa wuuna iga khayr badnaa, dabadeed aduunyada ayaa naloo fidiyey waxaana ka baqayaa in xasanaadkayagii naloo soo hor mariyey”, markaasuu ooyey oo cuntadii iskaga tegey.

Sidaas ayeyna ahaayeen asxaabtya Rasuulka SCW oo adduunyo iyo dhal dhalaalkeeda waxay ka doorteen Alle iyo nolosha dabte ah ee aakhiro, raggii muhaajiriinta ahaa waxa ay maalin cad ka dhaqaaqeen xoolohoodii, xaasaskoodii, carruurtoodii iyo qaraabadoodii, waxayna Madiina tageen iyagoo aan waxba haysan, ka dibna waxay u istaageen Ilaahay diintiisa iyagoo mararka qaarkood gaajo darteed dhagaxa ay caloosha ku xiran jireen.

Adduunyaduna haddii ay Ilaahay agtiisa qiimo ku leedahay Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa ayuu u doori lahaa. Rasuulkuna SCW wuxuu yiri isaga oo adduunyada ka hadlaya “haddii ay adduunyadu Ilaahay agtiisa garab kaneeco u dhiganto, gaalka kabbo biyo ah kama uusan waraabiyeen”. Sidoo kale wuxuu Rasuulku SCW Ilaahay ka baryey in risqiga reer Maxammed noqdo quutul-yawm. Asxaabta Rasuulkuna SCW waxa ay adduunyada furteen iyagoo qeydad iyo go’yaal qaba, waxa ayna ka run sheegeen islaamnimadoodii, waxayna waqtigoodii ku lumiyeen una dhinteen Alle dartiis.

Rasuulku SCW dagaalkii ka dib waa uu istaagay isaga oo Rabbigiis mahadinaya oo ammaanaya, asxaabtuna gadaashiisa ayey safteen, wuxuuna yiri “Allahayow adiga ayaa mahad kulligeed iska leh, Allahayow kii aad disho cid baajin kartaa ma jirto, kii aad baajisana cid dili karta ma jirto, kii aad baadiyeysana cid hanuuninn kartaa ma jirto, kii aad hanuunisana cid baadiyeyn kartaa ma jirto, wixii aad diiddana cid bixin kartaa ma jirto, wixii aad bixisanah cid diidi kartaa ma jirt, midkii aad fogeysid cid dhoweyn kartaa ma jirto, kii aad dhoweysana cid dheereyn kartaa ma jirto, Allahayow dushayada ku fidi barakaadkaaga, naxariistaada, fadligaaga iyo risqigaaga, Allahayow waxaan ku weydiisanayaa nimco daa’im ah oo aan la teedi karin, dhammaanayn, Allahayow waxaan ku weydiisanayaa kaalmo maalinka dhibka iyo nabadgelyo maalinka cabsida.

Allahayow waxaan kaa magan gelayaa waxa aad na siisey shartooda iyo waxa aad naga celisay shartooda, Allahayow noo jeclow iimaanka, kuna qurxi quluubtayada, noona nac gaalnimo, fisqi iyo caasinnimo, nagan yeel kuwa hanuunsan, Allahayow nagu oofso muslinimnimo, naguna noolee muslimnimo, nana haleeshii kuwii wanwanaagsanaa oo aan hoogin lana fitneyn, Allahayow laa gaalada, kuwa Rasuulkaaga beeniyey, jidkaagana jeedinaya (leexinaya), korkoodana yeel rijsigaaga iyo cadaabkaaga, Allahayow kufriga laa kuwa kitaabka la siiyey”.

Ka dib Rasuulku SCW markuu dhammeeyey duugitaankii shuhadada iyo ducadaanba waxa ay u gaddoomeen isaga iyo ciiidankisa dhinicii Madiina, markii ay laabteenna waxaa ka hor yimid gabdhihii mu’minaatka ahaa. Waxa ay la kulmeeen gabadha la yiraahdo Xamna bintu Jaxshi, markaas ayaa loo sheegay in uu shahiidey walaalkeed, cabdullaahi binu Jaxshi, waxay tiri

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun”. dambi dhaafna waa u weydiisey. Markaas ayaa haddana loo sheegay abtigeed Xamsa waxay tiri “Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun”. dambi dhaafna waa u weydiisey.

Markaas ayaa sidoo kale loo sheegay in uu shahiidey ninkeedii Muscab binu Cumeyr, markaas ayey qaylisay oo jeedsatay, wuxuu markaas Rasuulku SCW yiri “ninku haweenta meel buu kaga yaal”. Ka dib waxa ay soo mareen haweenay reer banii Diinaar ah oo ay shahideen ninkeedii, aabbeheed iyo walaalkeed. Markii loo sheegay dhimashadooda, ayey tiri “Ka warama Rasuulkii Alle SCW?”, markaas ayey dheheen kheyr buu ku sugan yahay Ummu hebeleey,, Alle mahaddii buu ku sugan yahay iyo sida aad jeceshahay”, markaas ayey tiri “ii dhoweeya aan arkee”, markii ay aragtay ayey tiri “dhibaato kasta gadaashaa way yar tahay”.

Ka dibna waxay soo mareen Sacad binu Mucaad hooyadiis, Sacadna faraska Rasuulka SCW ayuu hoggaanka u hayey, markaas ayuu Sacad yiri “Rasuulkii Allow SCW waa hooyaday”, markaas ayaa Rasuulku SCW yiri “soo dhaweeya”, markii la soo dhoweeyeyna wuu la istaagay, waxaana loo sheegay wiilkeedii Camar binu Mucaad in uu shahiiday, markaas ayey tiri “Mar haddii aan ku arkay adiga (Nabiga SCW) oo nabad qaba waan yaraystay dhibtii”.

Wuxuu Rasuulku SCW intaa ka dib u yeeray dadkii shuhadada ahaa ehelkoodii wuxuuna yiri “dadkii la laayey waxa ay dhammaantood rafiiq ku yihiin Jannada, wayna u shafeeco qaadayaan ehelkooda oo dhan”. Sacad hooyadisna wuxuu ku yiri “bishaarayso una bishaaree (dadka)”, markaas ayey tiri “waan raalli noqonnay Rasuulkii Allow SCW”, waxa kale oo ay tiri “Rasuulkii Allow SCW u bari dadkii ka haray (shuhadadii)”, markaas ayuu Rasuulku SCW yiri “Allahayow quluubtooda ka tagsii murugta kana ajar sii dhibaatadood, wanaajina kuwa haray haraagooda”.

Dadkii muslimiinta ahaa ee ku shahaday dagaalkii Uxud waxa ay ahaayeen 70 nin, waxayna kala ahaayeen hal nin oo yahuudii kasoo islaamay, 4 muhaajiriin ah iyo 65 ansaar ah (41 Khasraj ah iyo 24 Aws ah). Dhinaca gaalada dadka laga laayey khilaaf ayaa ku jira. Ibnu Isxaaq wuxuu sheegay in ay 22 ahaayeen laakiin Mubar Kafuuri, wuxuu kitaabkiisa Raxiiqul-Makhtuumka ku leeyahay markii la sameeyey baaritaan daqiiq ah oo la fiirshay dhammaan tafaasiishii goobta iyo arrimihii la xiriirey dadkii gaalada laga laayey marxaladihii kala duwanaa ee dagaalka, waxaa laga faa’iideysanayaa in ay ka dhimatay 37 nin ee ma aha 22 nin. Calaa kulli xaal Ilaah baa ku cilmi leh intuu caddodkoodu ahaa.

Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu waxa ay ku soo laabteem Madiina galabtii Sabtida isla maalinkuu dagaalku dhacay oo ahayd 7dii bishii Shawaal, sannadkii 3aad ee hijriga, waxa ayna habeenkii Axadda baryeen Madiina iyaga oo aad u ilaalinaya magaalada, gaar ahaan Rasuulka SCW. Rasuulku SCW wuxuu ka yaabay in gaaladu ku fekeraan oo ay dhahaan “waxba ma aannu soo faa’iideysan oo goobtii intaanu ku guuleysannay baannu iska soo tagnay annaga oo aan nimankii dabar goyn oo Maxammed iyo raggi odeyaasha ahaaba joogaan ee aan laabanno”.

Wuxuu markaa Rasuulku SCW isug yeeray cidankiisi markii la gaaray subaxii Axadda, 8dii Shawaal, wuxuuna amray ciidanka in cadowgii laga daba tago si haddii ay Madiina dib ugu soo laabtaan loola dagaallamo, wuxuuna yiri “qof aan shalay dagaalkii Uxud nala gelin nama raacayo”. Markaas ayuu munaafaqii weynaa, Cabdullahi ibnu Ubey yiri “aan ku raaco” hase yeeshee Rasuulku SCW wuu u diidey. Waxaa keliya oo Rasuulku SCW u oggolaaday in uu raaco Jaabbir ibnu Cabdullaahi, oo aabbihis Uxud lagu diley, oo Rasuulka SCW ku yiri “Rasuulkii Allow waan jeclaa in aan goob kasta kula jiro, laakiin aabbahay ayaa iiga tegey gabdhihiisii”.

Asxaabtii Rasuulka SCW iyagoo ay ka muuqato daal iyo diif, badankoodna dhaawac yihiin, ayey si dhakhso ah ugu hoggaansameen amarkii Rasuulka SCW. Dabadeedna cadowgi ayaa la daba galay, markii ay muddo socdeen oo ay marayaan meel Madiina u jirta 8 mayl oo la yiraahdo Xamraa-ul-Asad ayey degeen, waxaa markaa soo maray nin la oran jirey Macbad ibnu abii Macbad oo reer Khusaaci ahaa oo islaamay. Wuxuu ninkaasu yiri “Ilaah baan ku dhaartaye Maxammedow way na dhibtay waxa adiga iyo asxaabtaada idin soo gaaray waxa aannu jecel nahay in Ilaahay kaa caafiyo”. Rasuulku SCW wuxuu markaa amaray in uu ka daba tago Abuu Sufyaan oo dhagro.

Ciidamadii qureysheed ee Abuu Sufyaan watay waxa ay arrintoodii noqotay sidii uu Rasuulku SCW filayey oo markii ay 36 mayl ka socdeen Madiina ayey qaarkood qaarka kale u dheheen “waxba ma aydin samayn maxaa yeelay inta aad jebiseen (muslimiintii) ayaad ka soo tagteen iyaga oo ay u hareen madax mar kale dagaal idiin ururineysa, war laabta ilaa aan soo cirib tirno”.

Arrinkaas waxaa khilaafay Safwaan ibnu Umaya oo yiri “ha samaynina sidaa maxaa yeelay waxa aan ka baqayaa in auu idiin soo kulmiyo dadkii awal ka haray, war laabta idinka ayaa guusha lehe, haddii aad laabataan anigu mas’uul kama ihi haddii la idinka guuleysto’, hase ahaatee fikraddaa Safwaan ciidanka badankiisu way diideen waxayna go’aansadeen in ay Madiina ku laabtaan, laakiin intii uuusan Abuu Sufyaan ciidankii dhaqaajin ayaa waxaa soo maray Macbad ibnu abii Macbad Al-khusaaci. Markaas ayaa Abuu Sufyaan ku yiri “war Macbad maxaad haysaa?”, wuxuu yiri “Maxammed wuxuu la soo baxay asxaabtiisa isaga oo idin raadinaya oo wata ciidan tiradiisa aanan hore u arag, wuxuu soo urursaday dadkii ka haray maalinkii Uxud iyagoo ka qoomameysan fursaddii ay dayaceen”.

Abuu Sufyaan markii uu hadalkaas maqlay ayuu baqay wuxuuna yiri “war hooge maxaad sheegaysaa?”, wuxu Macbad yiri “Ilaah baan ku dhaartaye ma arko in aad guuraysaan ilaa aad aragtaan fardaha fooddooda ama uu idinkaga soo baxo ciidanka horraantiisu duudkaan gadaashiisa”. Abuu Sufyaan wuxuu yiri “Ilaah baan ku dhaartaye waxa aannu isku raacnay in aan ku laabanno oo aan soo dabargoyno”, Macbad ayaa yiri “waan kula talinayaaye sidaa ha sameynin”.

Abuu Sufyaan iyo ciidankiisii waxaa ku dhacay cabsi iyo argagax waxa ayna ka baqeen in Nabi Maxammed SCW ka daba yimaaddo oo intuu warjeefo uu guusha ka qaato, sidaa darteed iyaga oo baqo ah ayey si degdeg ah ugu kaceen Makka. Waxaa markaa ka hor yimid niman rakuubley ah oo reer Cabdiqays ah oo u socda Madiina, markaas ayaa Abuu Sufyaan u sameeyey dacaayad uu rabo in uu Nabi Maxammed SCW iyo ciidankiisa ku celiyo, kuna rido cabsi iyo baqdin si aysan uga daba imaan. Nimankii ayuu ku yiri “ma iga gaarsiinaysaan Maxammed farriin, markaas aad Makka timaaddaan ayaan awrtiinna idinkaga buuxinayaa sabiib”, waxay dheheen “waayahay”, markaa ayuu yiri waxaad iga gaarsiisaan Maxammed in aannu isku raacnay in aannu soo laabano si isaga iyo asxaabtiisa aannu u dabar goyno.

Nimankii way soo ambabexeen, markii ay soo gaareen Rasuulka SCW iyo asxaabtiiisii oo joogay Xamraa-ul-Asad ayey u sheegeen farriintii Abuu Sufyaan oo ay ku dheheen “waa la idiin soo kulmaye ka carara meesha”, hase yeeshee arrintaasi waxa ay u siyaadisay muslimiintii iiman, waxa ayna dheheen “Alle ayaa nagu filan, isaga ayaa talo saarasho u nimco lahaaday”. Allaahna isaga oo arrintaas tilmaamaya wuxuu qur’aankiisa ku yiri:

Surat Aali-Cimraan 172-175

Waa kuwa ajiibay Allah iyo Rasuulkiisa ka dib markuu asiibay dhaawac, kuwa wanaaga sameeyay ee ka mid ah (Muslimiinta) oo dhawrsaday waxay ay leeyihiin ajar weyn. Waa kuw dadku ku yiri: ”Dadkii ayaa idin soo kulmay ee ka baqa oo ayarrintaasi u siyaadisay iimaan, waxayna dheheen : ”Allah ayaa nagu filan, Isagana u nimco lahaaday wakiilnimo. Waxay la noqdeen nimco Alle iyo Fadli (Idin leh waa la idiin soo kulmay) hana ka baqinina ee Aniga iga cabsada hadaad mu’miniin tihiin.” [Surat: Aali-Cimraan, 172-175]

Rasuulku SCW wuxuu meeshii Xamraa-ul-Asad degganaa saddex beri, dabadeedna maalinkii Arbacada oo bisha Shawaal ahayd 11 ayey meeshaa ka soo tageen. Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu markii ay soo laabteen ayaa Rasuulku SCW qabtay ninkii la oran jirey Abaa Cisa Al-jumaxi oo ahaa ninkii aan soo sheegnay oo ka mid ahaa dadkii Badar lagu qafaashay, Rasuulkuna SCW iska cafiyey markuu u dan sheegtay, ballanna ka qaaday in uusan islaamka ka hor imaanayn laakiin ballantii ka baxay, kana soo qayb glay dagaalkii Uxud.

Markii ninkaas la qabtay oo Rasuulka SCW loo keenay ayuu yiri “Maxamedow i sii daa oo i galladayso, ballan baan kaa qaadayaa in aanan ku laaban wixii aan sameeyey oo kale”, hase yeeshee Rasuulku SCW wuxuu yiri “dib dambe Makka ugu mushaaxi maysid oo oran maysid Maxammed baan laba jeer soo khiyaameeyey, lagamana qaniino mu’minka god laba jeer”. Wuxuu markaa Rasuulku SCW amray Subeyr binu Cawaam ama Caaskim binu Thaabit in uu qoorta u dheereeyo, sidaas ayaana ninkaas qoorta loogu dheereeyey.

Sidoo kale markii uu dhammaaday dagaalkii Uxud ayaa waxaa Madiina yimid nin jaajuus u ah reer Makka oo la oran jirey Mucaawiya binu abii Muqiira binu Caas. Ninkaasi wuxuu ku soo degey oo magangalay Cusmaan binu Cafaan, oo ay ilma adeer ahaayeen. Cusmaan Rasuulka SCW ayuu magangal u weydiiyey, Rasuulkuna SCW wuxuu magangal siiyey saddex maalmood, wuxuuna u sheegay in uu dilayo hadduu saddex maalmood ka dib Madiina ku arko.

Markii Rasuulka SCW iyo ciidankiisii ay qureysh ka daba tageen, oo ay saddex malmood Xamraa-ul-Asad degganaayeen, maalinkii xigayna ay jidka ku sii jireen, ayuu ninkii muddadii la siiyey ka badsaday oo afar maalmood Madiina joogey si uu sir badan u ururiyo. Markii ciidankii muslimiintu soo laabteen ayuu cararay, markaas ayaa Rasuulku SCW ka daba diray Seyd binu Xaarith iyo Cammaar binu Yaasir wuxuun amray in ay soo dilaan, markaas ayey ka daba tageen oo soo dileen.

Dagaalkan Uxud waxa ay in badan oo culimada islaamka kamid ihi ka hadlaan in natiijada dagaalku ay jab ku ahayd muslimiinta iyo in kale. Waxaa aan shaki lahayn in awoodda ciidameed ee dagaalku ay doorkii labad u wareegtay dhinaca gaalada, goobtii dagaalkana ay saydareeyeen, dhimashaduna u badnayd dhinaca muslimiinta, koox muslimiinta ka mid ahina ay baqdeen, laakiin waxaa haddanaj irey arrimo badan oo gaalada u diidey nasri iyo guul.

Arrimahaas oo kala ah:

  1. Ciidankii gaalada awood uma helin in uu qabsado fariisinkii ama goobtii muslimiinta.
  2. In badan oo ciidanka muslimiinta ka mid ihi uma cararin Madiina.
  3. Ciidankii muslimiintu waxa ay ugu dambayntii ku soo urureen goobtii dagaalka.
  4. Qof ciidanka msulimiinta ka mid ah gaaladu ma aysan qafaalan.
  5. Qaniimo lagama furan ciidankii muslimiinta.
  6. Caadadii waagaas waxa ay ahayd in ciddii guuleysata ay saddex maalmood goobta jooogto hase yeeshee ciidankii gaaladu isla markiiba way carareen oo goobtii dagaalka waxaa u haray ciidankii muslimiita.
  7. Ciidankii muslimiinta ayaa maalinkii oo dhan meesha joogey o meydkoodii aastay.
  8. Ciidankii gaaladu kuma dhiiran in uu aado Madiino oo wax yeelleeyo dadkii musliminta ahaa.
  9. Markii ay ciidankii muslimiintu ka daba tageen gaalada oo gaareen Xamraa-ul-Asad, ciidankii gaaladu ma soo laaban ee waxay fidiyeen dacaayad, wayna sii baqdeen.
  10. 10: Ciidankii muslimiintu waxa ay Xamraa-ul-Asad degganaayeen saddex maalmood oo dadkii carradas deganaa oo dhan ogadeen.

Haddaba arrimahaas oo dhan waxa ay ina tusinayaan oo laga qaadanayaa in ciidankii gaaladu aysan guuleysan ee arrintu ahayd in muslimiintu dhimasho badnaayeen hase ahaatee ay qaybo badan ku guuleysteen. Labada qolona khasaare uu soo gaaray. Allaahna isaga oo tilmaamaya in labada qoloba uu khasaare soo gaaray wuxu qur’aankiisa ku yiri:

Surat Aali-Cimraan 140

Hadduu idin taabay dhaawac, waxaa xaqiiqdii nimankaana taabay dhib la mid ah.” [Surah: Aali-Cimraan, 140]

Dagaalka Uxud waxaa si aad ah uga hadashay una qaadaa dhigtay Suuratu Aali-Cimraan oo Allaah uga hadlay in ku dhow 60 aayadood marka laga bilaabo aayadda 121 ilaa lagu dhawaado dhamaadka suuradda. Sidoo kale dagaalkaas wuxuu Ilaah ka muujiyey calaamooyin wuxuuna ku kala saaray mu’miniintii iimaankoodu dhabta ahaa iyo munaafaqiintii iimaankooodu beenta ahaa. Allaahna wuxuu yiri:

Ma ahaanin Allah mid uga tagaya mu;miniinta waxaad ku sugan tihiin ilaa uu kala sooco kan xun iyo kan wanaagsan. Allah ma ahan kii idin tusinaya waxa maqan, hase yeeshee wuxuu Allah Rusushiisa u doortaa cidduu doono. Marka rumeeya Allaah iyo Rasuulkiisa, haddii aad rumeysaan (Allaah iyo Rasuulkiisa csw) oo aad baqdaan waxaad leedihiin ajar weyn.” [Surat: Aali-Cimraan, 179]

Surat Aali-Cimraan 179

Culimada islaamku aad ayey uga hadlaan xikmadaha iyo faa’iidooyinka ku sugnaa dagaalkaas iyo sida Rabbi uu u kala saaray mu’miniintii iyo munaafaqiintii. Ibnu Qaymi Al-jawsi wuxuu uga hadlayaa kitaabkiisa Saadul-Macaadka isaga oo waliba aad u sharaxaya xikmadahaas, cadeeyeyna faa’iidooyinka ku jira iyo waxa laga qaatay, sidoo kale Ibnu Xajar Al-casqalaani wuxuu uga hadlay kitaabkiisa Fatxul Baariga,

Mubaar kafaarina Raxiiqa ayuu ku soo sardinayaa hadalkaas Ibnu Xajar, wuxuuna yiri Ibnu Xajar “waxa ay culimada islaamku dheheen qisada Uxud iyo waxa ku dhacay muslimiinta oo ah faa’iidoyin iyo xikmo Rabbaani ah iyo arrimo waaweyn, waxaa ka mid ah; musliminta oo ogaatay cirib xummada ya leedahay mcaasida iyo amarka Rasuulka SCW oo la khilaafo, maxa yelay raggii gumaadda ahaa (50kii nin) markii ay ta’wiiliyeen amarkii Rasuulka SCW oo ay khilaafeen ayaa msulimiinta jabkii ku yimid”. Allaahna isaga oo arrintaa tilmaamaya wuxuu qur’aankiisa ku yiri:

Xaqiiqdii Allaah wuu idiinku run sheegay yaboohiisii markaad ku dilayseen idankiisa ilaa aad fashilanteen oo aad amarka ku doodeen, aadna caasideen (Amarka Rasuulka csw) ka dib markii aad aragteen waxaad jeceshihiin, waxaa idinka mid ah qof adduunyo doonaaya, waxaa idinka mid ah qof Aakhiro doonaya, markaasuu idinka jeediyay xagooda si uu idiin imtixaano ka dibna wuu idinka cafiyey. Allaah wuu ku fadli leeyahay mu’miniinta.” [Surat: Aali-Cimraan, 152]
Surat Aali-Cimraan 152

Waxaa haddaba maanta jira in dad badan oo muslimiin ah ay khilaafayaan amarkii Alle iyo kii Rasuulkaba SCW, waxay naftooda iyo sheydaan u qurxiyaanna ay sameynayaan isla markaasna ay doonayaan in Alle u gargaaro. Allaahna wuxuu qur’aankiisa ku sheegay aayado badan oo ka hadlaya raacitaanka Allaah iyo Rasuulka SCW, wuxuuna ka digey in Rasuulka SCW la khilaafo sida ay aayaddani caddeyneysaba:

Haka diktoonaadaan kuwa khilaafaya (Rasuulka csw) Amarkiisa in ay asiibto fidno (Musiibo) ama uu u yimaado cadaab daran.” (Surat: An-Nuur, 63)

Surat An-Nuur 63

Iyadoo kale wuxuu Ibnu Xajar Fatxul Baariga ku yiri “Xikmadaha kale ee laga qaadanayo dagaalkaas waxa ka mid ah in weligeedba caadada Rususha iyo dadka raacaba ay ahayd in marka hore la imtixaamo, cirib dambeedkana ay iyagu lahaadaan. Sidoo kale waxa ay xikmad kale tahay in haddii mar kasta ay muslimiintu guuleystaan ay dhici karto in dadka qaarkood is cajabiyaan oo ay hilmaamaan nasriga Alle iyagoo u heysta in ay iyagu guusha keensadeen”.

Xikmadda ugu dambaysa waxa ay tahay in haddii muslimiintu ay mar walba guuleystaan ay ku dhex dhuuman kari lahaayeen dad badan oo aan ka mid ahayn, mana ay kala soocmeen kuwa iimaankooda ka run sheegaya iyo kuwa aan ka run sheegayn, waana sida Cabdullaahi binu Ubay iyo kooxdiisii ay ku soo galeen islaamka ka dib markii ay maqleen in muslimiintii ay ku guuleysteen Badar oo jebiyeen nimankii xoogga badnaa ee qureysh, waxa ayna muslimiinta dhexdooda ku qarsanayeen gaalnimo iyagoo muujisanaya islaam.

Laakin wuxuu Ilaahay bannaanka sirtoodii soo dhigay dagaalkii Uxud markii ay dhibtu timid, waxayna muslimiintii ogaadeen in ay gudahooda cadow ku leeyihiin, ka dibna way ka digtoonaadeen oo u diyaar garoobeen, sideedana dadku marka hore ee nabadda way isku dhex jiraan oo qof walba islaamnimo ayuu muujisanayaa, laakiin markii fitno iyo imtixam yimaaddaan ayaa la kala baxayaa, lana kala ogaanayaa ciddii uu iimaanku dhab ka ahaa iyo ciddii uusan dhab ka ahayn. Allaahna isagoo arrintaa ka hadlaya wuxuu qur’aankiisa ku yiri:

Surat Cankabuut 1-3

Dadku ma waxay u maleeynayaan i looga tagaayo waan rumeynay iyagoon la imtixaamin. Xaqiiqdii waan imtixaanay kuwii ka horeeyay, Allaah waa uu kala muujiyey kuwii runta sheegay iyo kuwii beenta sheegay.” [Surat: Cankabuut, 2-3]

Waxaa isku soo dubaridey
Osman Bilad
osmanbilad@hotmail.com