Kitaabka
Siirada Suubanaha Rasuulka (csw)
Qaybta | 55aad

Taxanaha:  Siirada Suubanaha Rasuulka (csw)

Decorative Lines

Duullaankii Reer
Banii Qureyda

Isla maalinkii Rasuulka [csw] iyo asxaabtiisu ka soo laabteen Axsaab oo ay guryahoodii yimaadeen ayaa Malaku Jabriil u yimid Rasuulka [csw] oo ku qubeysanaya gurigiisii Ummu Salama. Jibriil ayaa markaas ku yiri “hubkiinnii miyaad dhigteen, malaa’igtu weli hubkoodii ma dhigine?”, waxaanna hadda u soo laabtay raadin aan raadinayo ee u soo baxa adiga iyo wixii kula socda reer banuu Qureyda, aniguna waan kaa sii hormarayaa oo waxaan quluubtooda ku ridayaa argagax, waxaanna gilgilayaa dhufeyskooda”.

Wuxuu markaa Rasuulku [csw] amar ku bixiyey in si degdeg ah loogu baxo reer banii Qureyda, wuxuu yiri “qofkii Alle iyo malaalinka aakhiro rumeeyey yuusan casarka ku tukan meel aan reer banii Qureyda ahayn, calankii muslimiintana wuxuu u dhiibay Cali binuu Abii-dhaalib oo faray in uu sii hormaro, Madiinana wuxuu u xilsaaray Cabdullaahi ibnu ummi Maktuum.

Ciidankii muslimiinta oo (hal bil) dhufeys ku jirey ayna ka muuqato daal, gaajo iyo rafaad, markaasna guryahoodii yimid oo aan weli nasan, ayaa markii ay maqleen dhawaqii jihaadka iyo amarkii Rasuulka [csw] hal mar yaacay, iyaga oo aan u aabba yeelin dhib kasta oo ay ku jireen, dantoodii khaaska ahaydna ka doortay dantii guud ee islaamka. Taasina waxay ku tusineysaa sida iimaanku quluubtooda u buuxiyey, har iyo habeenna ay heegan ugu ahaayeen uguna taagnaayeen diita Rabbi iyo u jihaadka kalimaddiisa in ay kor noqoto.

Asxaabtii markii ay bexeen oo ay dhex sii marayaan, iyaga oo aan weli reer banuu Qureyda gaarin ayaa salaaddii Casar u soo gashay, markaas ayaa qaarkood dheheen “aan tukano”, qaarkii kalena yiri “tukan mayno ilaa aan gaarno reer banii Qureyda maxaa yeelay Rasuulku [csw] wuxuu na amray in aannaan ku tukan meel ka sokeysa reer banuu Qureyda guryohooda”. Markaas ayey kuwii hore dheheen “Rasuulku [csw] ulama jeedin arrinka sidaas ee wuxuu ula jeeday in aan degdeg ku baxno”.

Sidaas ayey markaa isku khilaafeen oo qolona dhexda ugu tukatay, qoladii kalena tukadeen markii ay gaareen meeshii reer banuu Qureyda. Rasuulkuna [csw] markii loo sheegay labadii qolo midna wax ma dhihin oo wuxuu u sugay in ay labaduba sax yihiin maxaa yeelay mid walbaba wuxuu fuliyey sidii uu amarkii Rasuulka [csw] ka fahmay.

Culimada fuqahadu waxay ka hadlaan Labada qolo kii sii saxsanaa, qolo waxay tiri “waxaa sii saxsanaa kuwii salaadda dib dhigay maxaa yeelay amarkii Rasuulka [csw] ayuu siduu u ahaa u fuliyeen ta ta’wiilkiina way iska daayeen”, qoloda kalena waxay tiri “kuwii dariiqa ku tukaday ayaa sii saxsanaa maxaa yeelay salaaddii ayey wakhtigeedii ku tukadeen amarkii Rasuulka [csw] ee bixitaanka ahaana way fuliyeen sidii uu Rasuulku [csw] ula jeeday ayeyna u fahmeen, kuwaanaana faqiihsanaa, labadii ajarna way wada kulan sadeen”.

Calaa kuli xaal labada qoloba waa sax siduu Rusuulku [csw] u sugay. Arrintaani waxay ka mid tahay meelaha laga qaato khilaafka furuuciga ah ee culimadu isku khilaafaan in uusan dhib lahayn haddii aan nas cad la khilaafayn, Rasuulkuna [csw] wuxuu xadiis ku yiri “haddii ninka xaakimka ihi dadaalo oo uu asiibo labo ajar ayuu leeyahay, haddii uu gefana hal ajar”. Ciidankii ugu horreeyey ee gaara degaankii reer banuu Qureyda waxaa ka mid ahaa Cali Abii-dhaalib, oo waday calankii muslimiinta, Rasuulkuna [csw] hore usii direy.

Markii uu Cali meeshii tegey ayuu maqlay cay daran oo ay yahuuddu caayayaan Rasuulka [csw], markaas ayuu u adkeysan waayey oo meeshii ka soo noqday, wuxuuna ka hor yimid Rasuulka [csw] oo la socda ciidankii dambe, markaas ayuu ku yiri “Rasuulku Allow ha tegin meeshaas way caytamayaane”. Rasuulku [csw] wuxuu yiri “iska daa haddii aan u tago ma caytami doonaane”, markii uu u tegey oo ay arkeen ayey caydii joojiyeen oo baryootameen.

Rasuulku [csw] ciidankii uu watay wuxuu ahaa 3,000, waxayna wateen 30 faras. Wuxuu Rasuulku [csw] hareereeyey yahuuddii, iyagiina waxay galeen dhufeysyadoodii. Muddo markii ay ku jireen oo ay rafaadeen ayaa ninkii madaxda u ahaa oo la oran jirey Kacab binu Asay wuxuu u soo jeediyey dadkiisii saddex fikradood:

Arrinta koowaad wuxuu yiri “Islaama oo gala diinta Maxammed, dhiiggiina, maalkiinna, carruurtiinna iyo dumarkiinnuba aammin bay noqonayaane, Ilaah baan ku dhaartaye way idiin caddahay in uu yahay nabi la soo direy, waana kii aad ka helayseen (ku yaalay) kitaabkiinna dhexdiisa”. Waxay dheheen “Tawreet ka tegi mayn”.

Wuxuu markaas yiri “haddii aad taas diiddeen laaya carruurtiinna iyo dumarkiinna, ka dibna idinka oo seefihiinna keliya wata dagaalka gala ilaa aad kan idiinku dambeeyaa uu dhinto, haddii la idinka guuleysto dumar iyo carruur aad u baqaysaan oo la idinka helayo ma jiraan, haddii aad guuleysataanna dumar iyo carruur waayi meysaan”. Waxay dheheen “ma dumarkayaga iyo carruurtayada ayaan gacantayada ku dilnaa, ma jirto taasi”.

Wuxuu ugu dambayntii ku yiri “haddii aad taasna diiddeen berri waa Sabti, Maxammed iyo asxaabtiisuna way is dhiganayaan oo waxay og yihiin in aannaan Sabtida dagaallamin, marka aan weerar ku qaadno”, waxay dheheen “ma Sabti baannu dagaallanaa?, yeeli mayno”.

Kacab binu Asad markii uu saddexdaa talo keenay oo ay ku diideen ayuu isaga oo careysan wuxuu ku yiri “nin idinka mid ihi ma baryin habeen samanka ka mid ah isaga oo go’aan leh, laga soo bilaabo markii ay hooyadiis dhashay”. Muddo markii ay yahuuddii meeshii ku jireen oo ay ku rafaadeen, kana bixi waayeen ayey Rasuulka [csw] u soo fareen in uu u soo diro Abaa Lubaaba si ay ula tashadaan maxaa yeelay Abaa Lubaaba xiliif ayuu la ahaa, wuxuuna degganaa aaggooda.

Rasuulka [csw] wuu ka yeelay oo wuu u diray Abaa Lubaaba. Markii uu Abaa Lubaaba u tegey ayaa raggii u istaageen, dumarkii iyo carruurtiina ku soo yaaceen iyaga oo ku hor ooyaya, waxayna dheheen Abaa Lubaaba “ma aragtaa in aan isu dhiibno xukunka Maxammed?”, wuxuu yiri “haah”.

waxay dheheen muxuu nagu samaynayaa, wuxuu gacantiisa ku ishaaray dhuuntiisa oo u sheegay in la gowracayo, markaas ayuu xasuustay in uu Alle iyo Rasuulkiisii khayaanay oo bixiyey sirtii muslimiinta.

Orad ayuu markaa is xaabiyey oo Rasuulkii [csw] iyo muslimiintii kuma uusan leexane wuxuu toos u tegey masaajidkii Rasuulka [csw], wuxuuna isku xirey tiir ka mid ahaa tiirarka masaajidka, wuxuuna ku dhaartay in uusan iska fureynin ilaa uu Rasuulku [csw] gacantiisa uga furo, sidoo kale wuxuu ku dhaartay dhulkii reer banuu Qureyda oo dambigaasu uga dhacay in uusan dib dambe u tegin.

Markii Rasuulka [csw] loo sheegay arrinkii Abaa Lubaaba wuxuu yiri “haddii uu ii imaan lahaa waan u dembi dhaaf weydiin lahaa, laakiin haddii uu isagu sidaa isku sameeyey ka furi maayo ilaa Ilaahay uu ka toobad aqbalo”.

Arrinkaan iyo kuwo la mid ah waxaa laga qaadanayaa sida asxaabtii Rasuulka [csw] haddii uu gef ka dhaco uu dhulku ugu ciriiriyoon jirey, Rusuulka [csw] wuxuu xadiis ku caddeeyey in haddii qofka mu’minka ah gef ka dhaco uu buur ku soo dhacaysa kala weyn yahay, laakiin haddii uu munaafaqa dambi ka dhaco uu diqsi hortiisa maray kala fudud yahay.

Nimankii reer banuu Qureyda wuxuu Ilaahay ku riday cabsi iyo argagax, Allaahna garabkooda ayuu ka baxay, ciddii Allaah garabkooda ka baxana wax u gargaari kara ma jiraan. Reer banuu Qureyda iyaga oo awooday in ay muddo dheer dhufeyska ku jiraan ama ay dagaallamaan oo ciidan iyo hubba heystey, ayaa Alle ku riday cabsi iyo badin waxayna isu dhiibeen xukunka Alle iyo Rasuulkiisa [csw].

Rasuulku [csw] markii ay is dhiibeen wuxuu amray in raggooda la xirxiro, dumarkoda iyo carruurtoodana laga fogeeyo goobta. Raggii iyaga oo xirxiran ayaa guri lagu xareeeyey, waxaa markaa Rasuulka [csw] u yimid rag asxaabta ka mid ah oo u dhashay reer Aws, oo ay reer banuu Qureyda xulufo ahaan jireen (islaamka ka hor) waxayna Rasuulka [csw] ku dheheen:

“Rasuulkii Allow yahuuddii hore ee reer Qaynuqaac waa tii aad iska deysey markii ay walaalahaya Khasraj oo ay xulufo ahaan jireen kaala hadleen, annagana (Aws) kuwan baa xulufadayada ahaan jirey ee wanaaji”, wuxuu Rasuulku [csw] yiri “ma ku raalli noqoneysaan in uu xukumo nin idinka mid ah (Aws)?”, waxay dheheen “waa ku raalli noqoneynaa”, wuxuu yiri “waa Sacad binu Mucaad”, waxay dheheen “raalli baanu ku nahay”.

Wuxuu markaa Rasuulku [csw] u cid diray Sacad binu Mucaad, dameer ayaa markaas la soo saaray Sacad. Markii la keenay ayaa rag reer Aws ihi dhinacyada ka galeen iyaga oo leh “Sacadow wanaaji xulufadaadii, Rasuulku [csw] wuxuu kaaga xaakim yeelay in aad wanaajiso”, hase yeeshee Sacad uma jawaabin laakiin markii ay hadalkii ka badiyeen ayuu ku yiri “Alle dartiis uga biqi maayo nin dagaallamaya dagaalkiis”.

Ka dib markii Sacad soo gaaray meeshii uu Rasuulku [csw] joogey ayaa Rasuulku [csw] yiri “u istaaga sayidkiinna”, dabadeed markii dameerkii laga soo dejiyey ayaa lagu yiri “Sacad kuwani waxa ay sugayaan xukunkaaga”, markaas ayuu yiri “xukunkeygu ma ku fulayaa?”, waxa la yiri “haa”, wuxuu yiri “muslimiintuna ma fulinayaan?”.

Waxay dheheen “haa”, markaas ayuu haddana tilmaamay Rasuulka [csw] in uu fulinayo, Rasuulkuna [csw] “haa” ayuu yiri. Sacad ayaa markaa xukumay, wuxuuna ku xukumay in raggooda la laayo, maatadooda iyo maalkoodana lala wareego. Markaas ayaa Rasuulku [csw] ku yiri “Waxaad ku xukuntay xukunkii uu Alle ku xukumay”.

Sacad binu Mucaad wuxuu acdaa’daa Alle ku xukumay xukunkaas aadka u wanaagsan oo caddaaladda badan, kaas oo waafaqay kii Alle, waxaana acdaa’daa la mariyey abaalkoodii maxaa yeelay waxa ay xiqdi iyo xaasidnimo darteed u beeniyeen Rasuulkii Alle [csw] iyaga oo og, kitaabkoodana loogu sheegay, waxayna la dhinactameen Alle iyo Rasuulkiisa [csw], waxayna ka bexeen ballantii Alle iyo Rasuulkiisa [csw] ay la galeen weliba markii ugu xumeyd iyaga oo caddeystay dagaal oo rabay in Ilaahay nuurkiisa ay damiyaan. Waxay intaas islaamka iyo muslimiinta u maleegayeen makri, waxayna muslimiinta u diyaarsadeen hub gaaray 1,500 oo seefood, 2,000 oo waran, 300 oo canbuur bireed iyo 500 oo gaashaan.

Hubkaas iyo xoolohooddii oo dhanba wuxuu Alle ku wareejiyey Rasuulkiisa [csw].

Markii la xukumay ka dib wuxuu Rasuulku [csw] amray in raggooda lagu xereeyo daar lahayd haween reer banii Najaar ah, suuqii Madiina agtiisa waxaa looga qoday godad, ka dibna inta la soo bixiyo oo goddadka la dul geeyo ayaa qoorta loo dheereynayey. Markii shaqadii iyo dilkii lagu bilaabay ayey odeygoodii Kacab binu Asad ku dheheen “xaggee na loo wadaa?”, markaas ayuu ku yiri “weli wax ma fahmaysaan miyaa, miyeydaan u jeedn qofkii lala baxo in uusan soo laabanayn, Ilaah baan ku dhaartaye waa dilniin”.

Waxaa raggaas reer banuu Qureyda ee la leynayey ku jirey sheydaankii reer banuu Nadiir oo ahaa ninkii ka dambeeyey soona abaabulay duullaankii Axsaab, lana oran jirey Xuyey binu Akhdhab, wuxuuna ninkaasi dhalay gabar Rasuulka [csw] xaaskiisa ka mid ahayd oo la oran jirey Safiya bintu Xuyey oo uu guursaday sannadkii 7aad ee hijriga.

Wuxuuna ninkaas Xuyey dhufeyska kula jirey reer banuu Qureyda maxaa yeelay waa tuu awal ballanta ku qaaday in uu Kacab dhufeyska la geli doono haddii ay Qureysh iyo Qadafaan laabtaan iyaga oo aan Rasuulka [csw] waxba gaarsiin. Sidaa darteed isaga oo fulinaya ballantaas ayuu dhufeyska la galay.

Markii la soo bixiyey isaga oo qaba jaakad uu meel walba ka jeex jeexay si aan muslimiintu ugu intifaacin, gamihiisa iyo qoortiisuna isku xiray yihiin, ayuu Rasuulka [csw] la hadlay oo ku yiri “Alle ayaan ku dhaartaye naftayda kuma dagaalayo la colleytankaaga, laakiin qofkii Alle guusha siiyo ayaa guuleysanaya”, wuxuu misna la hadlay dadkii oo ku yiri “dadow dhib ma leh amarka Alle, waana qoraal iyo qaddar iyo imtixaan uu Alle u qoray reer banii Israa’iil”.

Ka dib quu fadhiistay oo qoorta ayaa loo dheereeyey, sidaas ayaana loo wada laayey raggii reer banuu Qureyda, waxayna tiradoodu u dhexeysay 600 ilaa 700 oo nin oo ahaa raggii qaangaaray, wuxuuna Rasuulku [csw] amray in la dilo wiilkii ay timaha hoose u soo bexeen, kii aysan u soo bixinna la iska daayo. Waxaana raggii aysan u soo bixin oo la iska daayey ka mid ahaa Cadiyatul Quradi oo ka dib soo islaamay.

Dumarkii reer banuu Qureyda waxaa laga diley hal naag, iyadana waxaa loo qisaasay nin muslimiinta ka mid ahaa oo ay dhagax ku soo duurtay ka dibna dhintay. Ninkaas waxaa la oran jirey Khilaad binu Suweyd. Waxaa reer banuu Qureyda ka islaamay intii aysan is dhiibin koox, kuwaas oo loo daayey maalkoodii iyo carruurtoodii.

Sidoo kale waxaa habeenkii ka baxay nin la oran jirey Camar oo ahaa nin aan ka qayb gelin dhagartii iyo ballan jebintii yahuudda, markaas ayaa waxaa arkay Maxammed binu Maslama oo Rasuulku [csw] madax uga dhigay ciidankii ilaalinayey markaas ayuu iska daayey meel uu ninkaasi aadeyna lama yaqaan.

Rasuulku [csw] intaa ka dib maalkoodii ayuu asxaabtii u qaybiyey markii uu ka bixiyey Khumuskii, wuxuuna u kala siiyey sidan: ninkii faras watey saddex saami ayuu siiyey, kii aan wadanna hal saami ayuu siiyey. Arrinkaasna xikmadda ku jirta waxay ahayd dhiirrigelin lagu dhiirrigelinayo in ay fardo gataan si ay ugu xoogeystaan jihaadka maxaa yeelay waxa ay farduhu waagaasi joogeen booska ay maanta diyaaraduhu u joogaan ciidammada.

Rasuulku [csw] wuxuu maatadoodii u dhiibay koox uu madax u yahay Sacad binu Seyd Al-ansaari si uu u geeyo dhulka Najdi oo uu ugu soo beddelo fardo iyo hub. Duullaanka reer banuu Qureyda waxaa muslimiinta uga dhintay oo ay yahuuddu dileen ninkii ay haweeneydu ka dishay. Waxa kale oo muslimiinta intii ay ku hareereysnaayeen banuu Qureyda ka dhintay nin la oran jirey abuu Sinaan binu Muxsin.

Markii arrintii reer banuu Qureyda ay dhammaatay oo Madiina lagu laabtay ayaa Sacad binu Mucaad dhaawicii ku soo kacay, Rasuulkuna SCW Khaymad ayuu masaajidka dhexdiisa uga dhisay si uu had iyo jeer u soo booqdo, ka dibna dhiiggii ayaa burqaday ilaa uu ka dhintay. Sacad Alle wuxuu u aqbalay ducadiisii uu ka baryey markii nabarku ku dhacay.

Sacad oo ahaa nin islaamka boos weyn u joogay waxa ay saxiixaynku ka weriyey Jaabir ibnu Cabdullaahi in Rasuulku SCW yiri “Carshigii Raxmaanka ayaa u ruxmay geerida Sacad binu Mucaad”. Sidoo kale Tarmadi wuxuu weriyey in Anas binu Maalik yiri “markii la qaaday janaasadii Sacad binu Mucaad ayey munaafiqiintii dheheen “maxaa fududeeyey janaasadiisa?” markaas ayuu Rasuulku SCW yiri “malaa’igta ayaa xambaarsanayd”.

Ninkii ahaa Abaa Lubaaba wuxuu tiirkii masaajidka ku xirnaa lix habeen, xaaskisa ayaana cuntada u keneysey, una fureysay salaadaha iyo bannaankaba. Markii Rasuulku SCW soo laabtay ayaa waqtiga suxuurta Ilaahay tawbaddiisii ku soo dejiyey Rasuulka SCW oo jooga guriga xaaskiisa Ummu Salama, markaas ayey Ummu Salama qowladdeedii horteedii inta ay istaagtay tiri “Abaa Lubaabow bishaareyso Ilaah waa kaa tawbad aqbalaye”.

Asxaabtii masaajidka joogtay ayaa ku yaacay si ay xariga uga furaan hase yeeshee wuu diidey in cid aan Rasuulka SCW ahayn furto”. Markii uu Rasuulku SCW salaaddi subax yimid ayuu ka furay.

Duullaankan reer banuu Qureyda wuxuu dhacay bishii Dulqacda, sannadkii 5aad ee hijriga, waxaana la dul deggenaa oo lagu hareereysnaa 25 habeen.

Allaahna isaga oo si kooban uga hadlaya qisadan reer banuu Qureyda wuxuu qur’aankiisa ku yiri:

”Kuwii u kaalmeeyay (Gaalada ee ahlu kitaabka ahaa, wxuux ka soo dajiyey (Kasoo Saaray) dhifeysyadoodii, wuxuuna quluubtooda ku riday argagax, qaarna waad disheen, qaarna waad qafaalateen, wuxuuna idin dhaxalsiiyay dhulkoodii, guryahoodii, maalkoodii iyo dhul aydaan tagin. Allah waxa uu ahaaday shay walba kii awooda.” [Surat: Al-Axzaab, 26-27]