Kitaabka Siirada
Suubanaha Rasuulka (csw)
Qeybta | 74aad

Taxanaha: Siirada Suubanaha Rasuulka (csw)

Waxaa qoray:
Cusmaan Bilaad

Decorative Lines

Dagaaladii
Xunayn Iyo Daa’if 

Furashadii Makka ka dib markii uu islaamku majaraha u qabtay Jasiiraddii Carabta, qabiilooyin badanna ay islaamka u hoggaansameen ayaa qaar ka mid ahaa qabiilooyinkii waaweynaa oo xoogga isbidayey isu urursadeen sidii ay islaamka uga hortagi lahaayeen iyaga oo doonaya in ay damiyaan nuurka islaamka ee ku fidayey caalamka.

Qabiilooyinkaas waxa ay kala ahaayeen:

  • Hawaasin,
  • Thaqiif,
  • Nasar,
  • Jasham, iyo
  • Sacad binu Bakar,

… waxaana hoggaamiye guud u wada ahaa Maalik binu Cawf Al-Nadari.

Maalik wuxuu ciidankiisii amray in ay soo kaxeystaan haweenka, carruurta iyo xoolaha isaga oo ay ujeeddadiisu ahayd si aan dib loogu baqan, markii uu marayo togga Awdhaas oo Xunayn u dhowaa, Makkana u jiray dhowr iyo toban Mayl ayuu degay, markaas ayaa dadkii ku soo urureen si ay ula tashadaan. Dadkaas waxaa ka mid ahaa nin oday ah oo gaboobay oo isagu ciidanka ula socday in uu talo ku biiriyo, markiisii horena dagaal yahan geesi ah ahaan jirey, wuxuuna yiri “toggee baad joogtaan?”, waxaa la yiri “Awdhaas”, wuxuu yiri “haa waa gows fardeed”.

Markaas ayuu yiri “maxaan u maqlayaa ololka ratiga, hinraagga dameeraha, oohinta carruurta iyo cida riyaha?”, markaas ayey dheheen “Maalik binu Cawf ayaa raggii soo raacsiiyey dumarkii, carruurtii iyo maalkii”, markaas ayuu Maalik u yeeray oo weydiiyey waxa arrinkaa ku kallifay. Maalik wuxuu yiri “waxa aan sidaa u yeelay in aan nin kasta gadaashiisa dhigo ehelkiisa iyo maalkiisa si uu u dagaallamo”, markaas ayuu yiri odeygii “idaha ayaad raacdaa wallee, ma qof jabay baa shayna soo celiyaa, haddiise aad guuleysato waxba kuu tari mayaan waxaan ka ahayn nin seeftiisii iyo warrankiisii wata, haddii lagaa guuleystana waxa aad fadeexadeysay ehelkaagii iyo maalkaagii.

Ka dib wuxuu wax weydiiyey qaar ka mid ahaa madaxdii qabiillada, markaas ayuu yiri “Maalik ma samaynaysid in aad hor marisid ukuntii Hawaasin, fardaha dhuuntooda u celi dhulkoodii ka dibna dagaallan haddii aad guuleysatid wixii kaa dambeeya waa kuu imaanayaan, haddiise lagaa guulaysto waad badbaadisay ehelkaagii iyo maalkaagii”. Hase ahaatee Maalik wuu ku gacan sayray odeygii wuxuuna ku yiri “Ilaah baan ku dhaartaye in aanan yeelayn, adigu waad duqowday, caqligaaguna wuu duqoobay.

Ilaah baan ku dhaartaye Hawaasin way i adeeci ama seeftaas ayaan ku taagsanayaa ilaa ay dhabarkayga ka baxdo”, markaas ayey dheheen “waan ku yeelnay”. Odeygii markii uu arkay meesha uu xaal marayo ayuu yiri “kani waa maalin aanan joogin kana maqnayn (waxtarayn) shalaytadaydee maan ahaado (nin) dhalin yaro ah oo ruclaynaya oo hogaaminaya Faras timo dheer oo biciid oo kale ah”.

Ka dib Maalik wuxuu diray ciidan ilaalo ah hase yeeshee waxa ay ku soo laabteen iyaga oo yaacaya oo argagaxsan, markaas ayuu ku yiri “hoogga ee muxuu yahay xaalkiinnu?”, waxa ay dheheen “waxa aan aragnay rag cadcad oo fardo saaran. Ilaah baan ku dhaarannaye ismaanaan ogayn ilaa ay nagu dheceen waxaad aragto (oo argagax ah).

Dhinicii Rasuulkaﷺ waxaa loo soo gudbiyey akhbaartii cadowga iyo meesha ay soo marayaan, markaas ayuu wuxuu diray Abuu Judrud Al-aslami, wuxuuna amray in uu ciidankooda dhex galo oo ku dhex jiro illaa uu warkooda ka so ogaado oo u keeno, Abuu Judrudna sidii ayuu yeelay. Rasuulkuﷺ wuxuu ka soo baxay Makka maalin Sabti ah, bishii Shawaal, sannadkii 8aad ee hijriga, waxaana la socday ciidan dhan 12,000 oo muslimiin ah waxa ayna kala ahaayeen: 10,000 oo Rasuulkaﷺ Makka la soo gashay iyo 2,000 oo dadkii Makka ka soo raacay ahaa, badankooduna islaamka ku cusbaayeen. Rasuulkuﷺ wuxuu ka caariyeystay Safwaan binu Umaya 100 canbuur bireed, Makkana wuxuu madax uga sii dhigay Cataab binu Useyd.

Ka dib markii uu Rasuulkuﷺ meel dhexe sii marayo ayaa waxaa u yimid nin wuxuuna ku yiri “waxa aan buurtii hebla ku soo arkay reer Hawaasin oo xoolohoodii wata”, markaas ayaa Rasuulkuﷺ dhoolla caddeeyey oo yiri “taasi waa qaniimadii muslimiinta ee berrito haddii Alle idmo”. Intii ay Rasuulkaﷺ iyo ciidankiisu jidka sii hayeen ayaa waxaa dhacday arrintaan: Sidii aan soo sheegnayba waxa jirey dad badan oo ciidanka islaamka ka mid ahaa, soona islaamay furashadii Makka, islaamkana aan si fiican wax uga garanayn sidaa darteed dadkaas qaar ka mid ahaa waxa ay arkeen geed weyn oo cagaaran oo la oran jirey Daatu Anwaadh oo ay carabtu barakaysan jireen, ciidankooduna uusan dhaafi jirin ilaa uu seefaha surto oo xoolaha ku qasho, muddana ku negaado si uu cadowga uga guuleysto, waxa ayna aamminsanaayeen ciidankii aan sidaas yeelin in laga adkaanayo.

Nimankaasi Rasuulkaﷺ ayey u yimaaddeen iyaga oo xusuusinayay barakada geedkaas, waxa ayna yiraahdeen “Rasuulkii Allow annagana noo yeel Daatu Anwaadh” hase yeeshee Nabigaﷺ markii uu maqlay kalimaddaas shirkiga ah ayuu aad u xanaaqay, wuxuuna ku yiri “waxaad tiraahdeen sidii ay reer banii Israa’iil Muse ku yiraahdeen oo kale “noo yeel Ilaah sida ay Ilaahyo u leeyihiin, waa waddooyin, waa waddooyin, waa waddooyin Ilaah baan ku dhaartaye waxa aad ku taagan tihiin waddooyinkii dadkii idinka horreeyey oo kale”.

Qisadan iyo kuwa la midka ah waxaa aan ka qaadan karnaa sida uu Rasuulkuﷺ shirkiga ula dagaallami jirey, uusanna u oggolaan jirin in dadka muslimiinta ah dhexdooda wax yar oo shirki ahi so galo. Hase yeeshee in badan oo maanta muslimiin sheeganaysa ayaa ku dhex jira arrinkan, umana haystaan qabri iyo wixii kale oo la barakeysto in ay shirki yihiin balse qaarkood waxa ayba ku jiraan shirki ka weyn sida Ilaahay qerkiis oo la baryo ama la gargaar weydiisto ama loo nadro ama wax loo gowraco. Arrimahaasna waxaa keenay khalkhalka iyo inxiraafka caqiidadoodii ku dhacay markii ay Ilaahay diintiisii ka jaahil noqdeen.

Waxaa kale o intii jidka la sii hayey dhacday in rag ciidanka muslimiinta ka tirsanaa markii ay arkeen ciidanka Rasuulkuﷺ wato tiro badnaantiisa iyo sidii ay awal u yaraan jireen ayey dheheen “maanta nalooga qaalib noqon maayo (tiro) yaraan” hase yeeshee Rasuulkuﷺ hadalkaas ma jeclaysan.  Ciidankii muslimiintu wuxuu Xuneyn gaaray habeen Arbaco ah, 10kii Shawaal, sannadkii 8aad ee hijriga hase ahaatee waxaa goobta hore u sii degay ciidankii gaalada oo uu Maalik watay.

Ciidankii muslimiintu waxa ay baryeen habeenkii, ciidankii gaaladuna aad bay uisu dikyaarinayeen, waxa ayna baryeen habeenkaas toggii Xuneyn. Maalik binu Cawf wuxuu ciidankiisii amray in markii ay ciidanka musliminta arkaan ay hal mar ku bilaabaan. Ciidankii muslimiintu subixii ayuu soo jarmaaday wuxuuna soo qaabbilay toggii Xunayn isaga oo aan ka war ahayn in cadwogu uu meeshaas ku jiro.

Xoogaa markii ay toggii ku sii dhex socdeen ayaa hal mar weerar kedis ah lagu soo qaaday, markaas ayey dhabarka jeediyeen oo yaaceen, waxaana goobtii ku soo haray Nabigaﷺ iyo koox yar, wuxuuna Nabigu lahaa “ii kaalaya dadyahow, anigu Rasuulkii Alle ayan ahay, Maxammed binu Cabdullaahi baan ahay”, halkaas oo laga arkayo geesinnimadii Rasuulkaﷺ sida isaga oo cadowgii hor taagan oo gaaladii oo dhan ku soo ururtay, muslimiintiina ay baqdeen in yar maahane uu haddana u taagnaa isaga oo ay gaaladii dhawaaqiisa maqlayaan intii aysan muslimiintu maqlin.

Waxaa hadalladiisi ka mid ahaa “aniga Nabi baan ahay aan been ahayn, anigu ina Cabdimudhalib ayaan ahay”. Abuu Sufyaan binu Xaarith binu Cabdimudhalib oo ka mid ahaa kooxdii Rasuulkaﷺ ku soo hartay wuxuu hayey hoggaanka baqashii Rasuulkuﷺ uu saarnaa. Ka dib Rasuulkuﷺ baqashii ayuu ka soo degay iisaga oo leh “Allahayow nasrigaagii soo deji”, adeerkiis Cabbaasna wuxuu amray in uu u dhawaaqo asxaabta, markaas ayuu Cabbaas cod dheer ugu dhawaaqay, markaas ayey soo laabteen asxaabtii iyaga oo shahiidnimo iyo nasri midkood doonaya, waxa ayna muujiyeen dagaal wacdaro leh.

Rasuulkuﷺ ciid ayuu ku seyrayey cadowgii, indhaha ayeyna ka wada gashay, waxa ayna jeediyeen dhabarka iyaga oo jab iyo ba’ la kulmay. reer Thaqiif keliya waxaa laga dilay in ku dhow 70 nin, wuxuuna Ilaahay guushii iyo nasrigii siiyey ciidankii musliminta ka dib markii uu ka abaal mariyey is cajabintii ay tiro badnaantooda la cajabeen.

لَقَدْ نَصَرَكُمُ اللَّهُ فِي مَوَاطِنَ كَثِيرَةٍ وَيَوْمَ حُنَيْنٍ إِذْ أَعْجَبَتْكُمْ كَثْرَتُكُمْ فَلَمْ تُغْنِ عَنكُمْ شَيْئًا وَضَاقَتْ عَلَيْكُمُ الأَرْضُ بِمَا  رَحُبَتْ ثُمَّ وَلَّيْتُم مُّدْبِرِينَ{٢٥} ثُمَّ أَنزَلَ اللَّهُ سَكِينَتَهُ عَلَى رَسُولِهِ وَعَلَى الْمُؤْمِنِينَ وَأَنزَلَ جُنُودًا لَّمْ تَرَوْهَا وَعَذَّبَ الَّذِينَ كَفَرُواْ وَذَلِكَ جَزَاء الْكَافِرِينَ{٢٦} ثُمَّ يَتُوبُ اللَّهُ مِن بَعْدِ ذَلِكَ عَلَى مَن يَشَاء وَاللَّهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ {٢٧

Allaah wuxuu isaga oo arrintaa ka hadlaya yiri:

Allah waxa uu idiinku gargaaray meelo badan (Marar Badan) iyo maalinkii Xunayn, markay idin cajab galisay badnaantiinii oo ay waxba idiin tari wayday, dhulkiina idinku ciriiryamay isagoo waasac ah, ka dibna aad jeesateen idinkoo dhabarka jeedinaya, ka dib Allah ayaa xasiloonidiisii ku soo dajiyay Rasuulkiisa iyo Mu’miniinta. Wuxuuna soo dajiyay ciidamo ayaan arag, cadaabayna kuwii gaaloobay, kaasina waa abaalka gaalada, ka dib Allah waa ka towbad aqbalay intaa ka dib cidii uu doono, wuxuuna Aòòah ahaaday dambi dhaafe naxariista. [Surat: At-Tawbah, 25-27]

Aayaddaan waxa aynu ka qaadanaynaa in Allaah (swt) uu ku jabiyey markii hore ciidankii muslimiinta cajabinta tiro badnaantoodii taas oo weliba ku koobnayd qaar ka mid ah hadal ay yiraahdeen oo aan sidaas u sii weyney oo ahaa “maanta tiro yaraan loogama adkaan karo”. Allaah wuxuu tusay in aysan ahayn tirada waxa wax taraa ee ay tahay gargaarka Alle. Sideedaba dadka dagaallama waxa ay u qaybsamaan saddex qayboo:

  1. Labo qaybood oo baadhil ku dagaallamaya oo labaduba ay daallimiin yihiin. Waxaana labadooda guuleysta hadba kuwii awood badan (ciidan iyo hub).
  2. Laba qaybood oo midi gardarro iyo dulmi waddo, tan kalena laga gardaran yahay, waxaana labadooda guusha Alle siiyaa midda laga gardaran yahay inta aysan dulmi la imaan.
  3. Labo qaybood oo mid xaq ku taagan tahay tan kalena baadhil. Labadana waxaa Alle guusha siiyaa midda xaqa ku dagaallamaysa inta aysan macsi iyo wax Alle ka caroodo la imaan. Allaahna baryayaan oo u tadarrucayaan. Waana kuwa aakhirka la dhaxalsiiyo dhulka.

وَعَدَ اللَّهُ الَّذِينَ آمَنُوا مِنكُمْ وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ لَيَسْتَخْلِفَنَّهُم فِي الأَرْضِ كَمَا اسْتَخْلَفَ الَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ وَلَيُمَكِّنَنَّ لَهُمْ دِينَهُمُ الَّذِي ارْتَضَى لَهُمْ وَلَيُبَدِّلَنَّهُم مِّن بَعْدِ خَوْفِهِمْ أَمْنًا يَعْبُدُونَنِي لا يُشْرِكُونَ بِي شَيْئًا وَمَن كَفَرَ بَعْدَ ذَلِكَ فَأُولَئِكَ هُمُ الْفَاسِقُونَ {٥٥

Allaahna isaga oo arrinkaas tilmaamaya wuxuu yiri:

Allah waxa uu u yaboohay kuwa mu’miniinta ah oo idinka midka ah oo camalka wanaagsan sameeyay in uu dhulka dhaxalsiiyo siduu kuwii ka horeeyay u dhaxal siiyay, uuna makasiiyo diintoodii uu ugu raaliga ahaa, uuna ugu badalo cabsidoodii ka dib aamin ahaansho, wayna i caabudayaan iyagoon ii shariik-yeelin, cidii gaalowda intaa ka dib kuwaasi waa faasiqiin. [Surat: An-Nuur, 55]

Sidoo aynu aayaddan ka arkayno wuxuu Rabbi qoladii xaqa ku taagan u gargaariddeeda ku xiray labo qodob:

  1. In ay Ilaahay diintiisa u gargaaraan oo xumaatada ka fogaadaan.
  2. In haddii dhulka la makansiiyo oo ay qabsadaan cibaadooyinka xoojiyaan,

Xumaantadana joojiyaan, Wanaaggana amraan taas oo ah inta ay ka kooban tahay diinta islaamku. Laakiin haddii uu qofku markuu dhulka qabsado keenayo fasahaad kii hore oo kale ah Alle wuu og yahay una gargaari maayo maxaa yeelay Alle dulmi dulmi kama jecla.

 وَمِنَ النَّاسِ مَن يُعْجِبُكَ قَوْلُهُ فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا وَيُشْهِدُ اللَّهَ عَلَى مَا فِي قَلْبِهِ وَهُوَ أَلَدُّ الْخِصَامِ {٢٠٤}وَإِذَا تَوَلَّى سَعَى فِي  الأَرْضِ لِيُفْسِدَ فِيهَا وَيُهْلِكَ الْحَرْثَ وَالنَّسْلَ وَاللَّهُ لاَ يُحِبُّ الْفَسَادَ{٢٠٥} وَإِذَا قِيلَ لَهُ اتَّقِ اللَّهَ أَخَذَتْهُ الْعِزَّةُ بِالإِثْمِ فَحَسْبُهُ  جَهَنَّمُ وَلَبِئْسَ الْمِهَادُ {٢٠٦} ٠

Allaah isaga oo kuwa noocaas ah ka sheekaynayaa wuxuu yiri:

Dadka waxaa ka mid ah mid uu ku cajab galinaya hadalkiisau adduunkan, Allahne markhaati galiyey waxa qalbigiisa ku jira isgoo dood badan. Markuu xukunka qabsadana ugu soconaya dhulka si uu u fasahaadiyo oo beeraha u halaago iyo nasabka. Allena ma jecla fasahaadka. Hadii loo yiraahdo (Kaas) Allah ka baq waxaa qabsanaysa isla waynid dambi dartii, waxaa ku filan jahanama iyadaana gogol u baas lahaatay. [Surat: Al-Baqarah, 204-206]

Haddii aan dib u jalleecno duullaankii Xunayn, Alle markii uu guushii iyo nasrigii siiyey xisbigiisii, hoog iyo jabna ku riday cadowgiisii ayey u kala firxadeen jihooyinkii, waxaana ugu badnaa kuwii u firxaday Awdhaas, Nakhla iyo Daa’if. Wuxuu markaas Rasuulkuﷺ ka daba diray ciidammo, kuwii Awdhaas u cararay wuxuu ka daba diray ciidan uu hoggaaminayey Abuu Caamir Al-ashcari.

Ciidankaasi markii ay ka daba tageen gaaladii waxaa dhex maray dagaal, ka dibna gaaladii way jabeen oo carareen hase yeeshee waxaa goobtaa ku shahiiday hoggaamiyihii ciidanka muslimiinta Abuu Caamir Al-ashcari. Qoladii kale ee u baxsatay Nakhla waxaa laga daba diray ciidan fardooley ah oo soo laayey, waxaana kuwan ka mid ahaa odeygii duqa ahaa oo la oran jirey Dariid binu Suma.

Rasuulkuﷺ wuxuu xoolihii qaniimada ahaa oo dhan ku ururiyey meesha la yiraahdo Jicraana wuxuuna mas’uus uga dhigay Mascuud binu Camar Al-qifaari, ka dibna wuxuu kaxaystay ciidankiisii oo wuxuu ka daba tegay qaybtii 3aad ee Dhaa’if u firxatay, ahaydna qaybtii ugu badnayd, uuna ku jirey hoggaamiyahoodii Maalik. Rasuulkaﷺ iyo ciidankiisii markii ay dhaafeen meesha la yiraahdo Qarnul-Manaasil oo ay marayaan Liyo ayuu Rasuulkuﷺ arkay dhufays uu lahaa Maalik binu Cawf oo halkaas ku yaallay, markaas ayuu amray in la dumiyo.

Ka dib waddadii ayuu sii hayey ilaa uu ka yimid Dhaa’if oo uu dul degay, wuuna hareereeyey, wuxuuna ku hareereysnaa 40 beri. Hareerayntan oo ahayd tii ugu dhibka badnayd oo ay muslimiintu cid ku sameeyaan intii uu Rasuulkuﷺ noolaa aad ayey u dagaallameen nimankii dhufayska ku jirey, waxaana la yiraahdaa ilaa 12 nin oo muslimiintii ka mid ahaa ayaa u dhimatay fallaarahoodii.

Wuxuu Rasuulkuﷺ markaa ku garaacay Manjaniiq, wuxuuna xeel dagaal ahaan u amray in la jiro beerohooda canabka si ay isu dhiibaan, markaas ayey muslimiintii si daran u gubeen ilaa ay ka cabaadeen oo ay codsadeen in Alle iyo riximka dartiis lagu daayo, waana la daayey. Ka dib waxaa la ogeysiiyey qofkii dhufayska ka soo baxa oo muslimiinta u yimaadda in uu xor yahay, markaas ayaa waxaa soo baxay 23 nin.

Markii ay muddadii dheeraatay ayaa Rasuulkuﷺ wuxuu la tashaday Nawfal binu Mucaawiya, Nawfal wuxuu yiri “Rasuulkii Allow waa dawaco god ku jirta oo haddii aad dul fadhidid waad qaban kartaa, haddii aad ka tagtana waxba kaama dhibi karaan”, markaas ayaa Rasuulkuﷺ wuxuu go’aansaday in uu faraha ka qaado, wuxuuna amray in uu Cumar binu Khadhaab ciidanka ogeysiiyo, markaas ayaa Cumar ciidankii ogeysiiyey oo yiri “berri waan tegaynaa hadii Alle idmo”, markaas ayey asxaabtii arrinkaas dhibsadeen oo dheheen “ma annaga oo aan furan ayaan tegaynaa?”, markaas ayuu Rasuulkuﷺ yiri “dagaal u kallaha”, markaas ayey subixii dagaal u jarmaadeen oo dagaallameen hase yeeshee waxba way furan kari waayeen, waxaana soo gaaray dhaawacyo, markaas ayaa Rasuulkuﷺ yiri “berri waa tegaynaa”, markaas ayey ku farxee oo is diyaariyeen, maraas ayuu Rasuulkuﷺ ku qoslay.

Markii ay asxaabtu is diyaariyeen oo ay baxayeen ayaa Rasuulkuﷺ ku yiri “dhaha waan noqonaynaa, waan toobad keenaynaa, waan caabudaynaa, Rabbigayo ayaan mahadinayaa”, dabadeedna waxaa Rasuulkuﷺ ku soo laabtay meeshii la oran jirey Jacraana oo xoolihii qaniimada ahaa lagu hayey. Xoolahaasi waxa ay kala ahaayeen sidan: 24,000 oo geel ah, 40,000 oo ari ah iyo 4,000 oo wiqiyadood oo qalin ah (160,000 Dirham) iyo 6,000 oo dumar iyo carruur ah.

Rasuulkuﷺ markii uu Jacraana ku laabtay waxa uu joogay 14 habeen oo uu sugayey reer Hawaasin in ay islaamaan oo uu siiyo xoolohooda hase yeeshee markii uu waayey ayuu xoolihii qaybiyey isaga oo qaybinta u badinayey odeyaashii madaxda qabiillada ahaa siiba kuwii qureysh ee islaamka ku cusbaa si loogu soo dumo. Wuxuu Abuu Sufyaan binu Xarbi siiyey 40 wiqiyadood iyo 100 geel ah, markaas ayuu yiri “wiilkayga Yasiidna”, markaas ayaa isagana la siiyey intii in la mdi ah. Xakiim ibnu Xisaam waxaa isna la siiyey 100 geel ah, markaas ayuu 100 kale weydiistay, markaas ayaa la siiyey. Safwaan binu Umaya waxaa la siiyey 300 oo geel ah.

Xaarith binu Xaarith waxaa isna la siiyey 100 ah sidaas oo kale ayuu boqol boqol geel ah u siiyey in badan oo ka mid ahaa odeyaashii qureysh iyo qabaa’ilkii kaleba. Qaar kalena wuxuu siiyey konton kontoniyo afartan afartan halaad. Ka dib waxaa Rasuulkaﷺ ku soo xoonsamay in badan oo qabaa’ilkii reer baadiyihii muslimiinta ka mid ahaa iyaga oo maal badan ka dalbanaya ilaa ay ku ciriiriyeen geedkii uu hoos fadhiyey oo go’ii ka jiiteen, markaas ayuu yiri “dadow ii soo celiya go’ayga, Ilaahii nafsaddaydu gacantiisa ku jirto ayaan ku dhaartaye haddii ay agtayda yihiin dhitra Tuhaama tiradooda oo xoolo ah waan idiin qaybinayaa (oo waxba idinkala hari maayo)”.

Ka dib markii Rasuulkuﷺ  dadkii islaamka ku cusbaa iyo kuwii uu soo dumayeyba siiyey ayuu Seyd binu Thaabit amray in uu xoolaha oo dhan keeno. Markii uu keenayna wuu u qaybiyey oo ninkii aan faras wadan wuxuu siiyey 4 geel ah iyo 120 ari ah.

Qaybintaan Rasuulkaﷺ waxaa ka dambeeyey siyaasad xakiim ah oo Alle iyo Rasuulkiisuﷺ garanayeen, taas oo keentay in madaxdii qabiillada la siiyey xoolo badan maxaa yeelay waxa ay ahaayeen dad islaamka ku cusub oo lasoo dumayey, bani aadamkana waxaa ku jira kuwo calooshooda la caqli ah oo xaqa aan ku raacin maxkaxdooda ee ku raaca calooshooda oo qoladii calooshaas u buuxisa ayey raacayaan xaq hadii ay wadato iyo haddii baadil wadataba, waana sida maanta kuwo badan oo madaxda qabiillada ah ay durbaanka ugu tumayaan ciddii wax siisa dantay doonto hawadatee, sideedana haddii uu ninku madax soo ahaan jirey ama uu oday noqdo in yar ma ahane xaqu uma daadego haddii uusan markii hore xaqa ku soo barbaarin maxaa yeelay waxaa ku adag beladii uu ku soo dhex jirey ee uu ku soo weynaaday inuu iskaga soo dhex baxo oo Ilaahay isu dhiibo.

Rasuulkuﷺ xoolihii ayuu markaa qaybiyey oo weliba qaybtii u badiyey qureysh iyo muslimiintii kale. Muhaajiriinta wax buu ka siiyey laakiin Ansaar wuu ka qadiyey oo waxba kama siin taas oo ahayd xikmad ay Alle iyo Rasuulkiisuﷺ garanayaan. Ansaar ayaa markaa xoogaa dhibsatay iyaga oo aan garanayn sababta (uu Rasuulkuu sidaas u yeelay), qaar ka mid ahi waxa ay dheheen “Rasuulku reerkiisii buu u yimid”, Sacad binu Cubaada oo ahaa odeygii Ansaar ayaa Rasuulkaﷺ u yimid oo ku yiri “Rasuulkii Allow Ansaar waxa ay kuugu carootay waxaad ku samaysay xoolihii qaniimada ahaa oo aad u qaybisay reerkaagii, aadna siisay siismo qabiilladii carbeed iyagana aadan shey ka siin”, markaas ayaa Rasuulkuﷺ ku yiri “Sacadow adigu xaggee ka taagan tahay arrintaa?”, wuxuu yiri Sacad “Rasuulkii Allow anigu qoomkayga ayaan wax la qabaa”.

Markaas ayaa Rasuulkuﷺ yiri “ii soo kulmi qoomkaaga”, wuu baxay oo soo kulmiyey, markaas ayaa Rasuulkuﷺ u yimid oo la fariistay, kuna yiri markii uu Alle mahadiyey, ducadii iftitaaxa ahaydna ku furfurtay ka dib “Ansaareey waa maxay hadalka iga kiin soo gaaray iyo carada aad ii carooteen, ma waanan idiin imaan idinka oo baadiyeysan oo Alle idinku hanuunin sababtay, ma waanan idiin imaan idinka oo cayr ah oo Alle idinku qaniyeyn sababtay, ma waanan idiin imaan idinka oo col ah oo Alle iskugu kiin dumin sababtay?”, waxa ay dheheen “Alle iyo Rasuulkiisa ayaa gallad iyo siismo badan”.

Markaas ayuu Rasuulkuﷺ yiri:

“Miyeydaan ii jawaabeyn Ansaareey?”

Markaas ayey dheheen “maxaan kuugu jawaabnaa Rasuulkii Allow, Alle iyo Rasuulkiisa ayaa gallad iyo siismo badane”, markaas ayuu yiri “Ilaah baan ku dhaartaye haddii aad doontaan waad dhihi karteen, run baadna ku sheegi lahaydeen, waana la idiin rumeyn lahaa. “waad noo timid adiga oo lagu beeniyey markaas ayaan ku rumeynay; adiga oo lagu dulleystay, markaas ayaan kuu gargaarnay; adiga oo lagu cayrshay, markaas ayaan ku soo dhoweynay; adiga oo cayr ah, markaas ayaan ku hodminnay”.

Ansaareey ma waxaad iigu carooteen sandarerto adduunyo oo lagu soo dumayo rag si ay u islaamaan (ama islaamnimadoodu u wanaagsanaato), idinkana aan idiin wakiishay islaamnimadiina. Ansaareey miyeydaan ku raalli noqon in dadku la tagaan ari iyo awr idinkuna aad guryihiinnii ula noqotaan Rasuulkiiﷺ Alle? Allihii nafsadda Maxammed ay gacantiisa ku jirtay baan ku dhaartaye haddii aysan hijro jiri lahayn, waxa aan ka mid ahaan lahaa Ansaar; haddii ay dadku waddo qaadaan, Ansaarna waddo qaaddo, waxa aan qaadi lahaa waddada Ansaar. Allahayow u naxariiso Ansaar iyo wiilasha Ansaar iyo wiilashooda”. Markaas ayey Ansaar wada ilmeeyeen oo dheheen “waan ku raalli noqonnay qaybinta iyo siismada Rasuulkaﷺ Alle”, waana lagu kala dareeray fadhigii.

Markii dumarkii, carruurtii iyo xoolihiiba la qaybiyey ayaa waxaa yimid wafdi ka socda reer Hawaasin oo ka koobnaa 14 nin, uuna madax u ahaa Suher ibnu Sarad iyaga oo soo islaamay, doonayana in xoolohoodii iyo maatadoodii loo celiyo. Markii ay Rasuulkaﷺ u yimaadeen ayey ka codsadeen in uu u celiyo maatadoodii iyo xoolohoodii, markaas ayuu Rasuulkaﷺ ku yiri “waxaa ila socda duulka aad aragtaan, waxaanna sheekada ugu jeclahay runta ee ma carruurtiinnii iyo dumarkiinni baad jeceshihiin mise xoolihiinii?”, markaas ayey dheheen “maatada waxba bar bar dhigi mayno”, wuxuu Rasuulkuﷺ ku yiri “markaan duhurka tukado istaaga oo dhaha “waxa aan Rasuulka uga kaalmo dalbaynaa mu’miniinta, mu’miintana Rasuulka in na loo celiyo maatadayadii”, markii duhur la tukaday ayey istaageen oo sidii dheheen, markaas ayaa Rasuulkuﷺ yiri:

“Aniga iyo ilma Cabdimudhalib waxa aan hayno idinka ayaa iska leh, dadkana (muslimiinta) waan idiin weydiinayaa”.

Muhaajiriin iyo Ansaar ayaa markaa waxa ay dheheen “annaguna waxa aan hayno Rasuulkaﷺ ayaan ku wareejinnay”, markaas ayaa waxaa istaagay Aqrac ibnu Xaabis (odeygii reer Tamiim) oo yiri “aniga iyo reer Tamiim ma bixinayno”, markaas ayuu Cuyeyna ibnu Xusana (odeygii reer Fasaara) yiri “aniga iyo reer Fasaarana ma bixinayno”. Cabbaas ibnu Murdaasna (odeygii reer Suleym) ayaa isaguna yiri “aniga iyo reer Suleym ma bixineyno”, markaas ayaa reer Suleym hadleen oo dheheen “waxa aan annagu hayno Rasuulka ayaan ku wareejinnay”, Cabaas wuxuu yiri “waad i daciifiseen (garabkaygaad ka baxdeen)”.

Rasuulkuﷺ wuxuu mar labaad la hadlay dadkii oo ku yiri “nimankaani waxa ay idiin yimaadeen iyaga oo muslimiin ah aniguna waan khiyaar geliyey, waxayna doorteen dumarka iyo carruurta, marka qofkii wax ka haya, naftiisuna ay raalli ku tahay in uu soo celiyo ha soo celiyo, qofkii jecel in uu xaqqisa haystana ha u soo celiyo, waxa ugu horreeyey ee Alle na siiyo ayaan halkii lug lix lugood ugu beddeli doonaa”, markaas ayaa ciidankii oo dhan yiraahdeen “raalli ayaan ku nahay in aan Rasuulkaﷺ siinno”, markaas ayuu Rasuulkuﷺ ku yiri “ma kala ogin kan raalliga ah iyo kan aan ahan ee laabta oo ha noo soo gudbiyaan kuwa arrinkiinna garanaya (odeyaashiinna)”, markaas ayey isku noqdeen oo dhammaantood keeneen dumarkii iyo carruurtii.

Ka dib ciidankii Makka ayey soo aadeen Rasuulkunaﷺ wuxuu xirtay Cumro, markii uu Makka yimid oo cumradii dhammaystayna wuxuu u gudbay Madiina, Makkana wuxuu mas’uul uga dhigay Cataab ibnu Usayd. Wuxuuna Rasuulkuﷺ Madiina ku laabtay dhor iyo tabankii bishii Dul-Qacda, sannadkii 8aad ee hijriga.

Decorative Lines

Waxaa isku soo dubaridey:
Osman Bilad

Xigasho: SomaliTalk.com