Kitaabka Siirada
Suubanaha Rasuulka

” Salallaahu Caleyhi Wa Salam”

Qaybta | 63aad

Taxanaha: Siirada Suubanaha Rasuulka (csw)

Decorative Lines

Heshiiskii Xudeybiya

Heshiiskan wuxuu dhacay bishii Dul-Qacdi sannadkii 6aad ee hijriga. Sababtiisuna waxay ahayd markii ay najaxday dacwadii islaamka, Rasuulkuna (scw) uu kala xalliyey acdaa’dii Ilaahay ee islaamka ku soo qamaameysey haddii ay noqon lahaayeen yahuudii Madiina degganayd iyo cawaantii carbeed ee baadiyaha ku nooleyd, dadkii muslimiintuna ay awood yeesheen ayey muslimiintii u baahdeen in ay masjidka xumada leh tagaan oo soo cumreystaan. Masaajidkaas waxaa laga hor joogey oo loo diidayey in ay ku soo cibaadeystaan lix sano.

Rasuulku (scw) wuxuu manaam ku arkay isaga iyo asxaabtiisa oo galay masjidkii xurmada lahaa, furihii kacbadana qaaday oo ay dhawaafayaan, ayna cimreysanayaan, qaarkoodna madaxa xiirteen, qaarkoodna gaasadeen.

Rasuulku (scw) wuxuu arrintaa u sheegay asxaabtii, markaas ayey farxeen, waxa ayna u maaleeyeen in ay isla sannadkaas gelayaan. Wuxuu Rasuulku (scw) markaas asxaabta u sheegay in uu baxayo oo cimro aadayo, wuxuuna kaxeystay ciidan gaaraya 1400 oo nin, Madiinana wuxuu ugu tegey Cabdullaahi ibnu umi Maktuum ama Numayla Laythi, xaasaskiisiina wuxuu kaxeystay Ummu Salama, waxayna isaga iyo ciidankiisii Madiina ka bexeen maalin Isniin ah, bishiii Dul-Qacda, sannadkii 6aad ee hijriga, ujeeddadooduna waxa ay ahayd in ay soo cumreystaan, hubkoodana way qaateen maxaa yeelay qureysh la iskuma aamino karin.

Rasuulku (scw) markii uu marayo meesha la yiraahdo Dul-xuleyfa, oo dadka dhinaca Madiina ka yimaaddaa xajka ku xirtaan, ayuu hadyigiisii qoor xiray, cumrana xirtay, qureyshna wuxuu u direy nin si uu u ogeysiiyo in uusan dagaal u socon. Ninkii ayaa markaa soo laabtay, wuxuuna Rasuulka (scw) u soo sheegay in ay isu diyaarinayaan dagaal oo ay doonayaan in ay xaramka u diidaan Rasuulka SCW. Wuxuu markaa Rasuulku (scw) la tashaday asxaabtiisii.

Abuubakar ayaa markaa hadlay oo yiri:

“Alle iyo Rasuulkiisa ayaa u aqoon badan, waxa aan annagu u nimid in aan cumraysanno oo keli ah ee uma aannan imaan in aan cid la dagaallanno hase yeeshee ciddii annaga iyo xaramka na kala dhex gasha waan la dagaallamaynaa”.

Qureysh markii ay maqashay in Rasuulkii SCW soo baxay ayey qabteen fadhi ay uga hadlayeen tallaabadii ay qaadi lahaayeen, waxa ayna ugu dambayntii go’aansadeen in muslimiinta loo diido xaramka, dabadeedna way is diyaariyeen, waddadii Makka soo gelaysay ee Rasuulku SCW soo hayeyna waxa ay dhigeen ciidan fardooley ah oo uu madax u ahaa Khaalid binu Waliid, tiradooduna ahayd 200 oo nin.

Khaalid iyo ciidankiisii waxa ay fadhiisteen meesha layiraahdo kuraacul-qamiim oo waddadii ku taala, dabadeedna waxa ay arkeen ciidankii muslimiinta oo salaad duhur tukanaya oo rukuucsan. Markaas ayuu Khaalid yiri “markii ay ku jireen (salaada) haddii aan ku duuli lahayn waan baabi’in lahayn”, markaas ayaa loo sheegay in salaad ay taas ka jecel yihiin u soo socoto, (taasoo ah salaada casar). Wuxuu markaa Khaalid go’aansaday in markii ay muslimiintu galaan salaadda Casar uu weerar ku qaado hase yeeshee Allaah (SW) oo wax walba la socda ayaa soo dejiyey aayadaha ka hadlaya sida loo tukado Salaatul-khawfka, wuxuuna yiri:

Markaad (Nabiyaw(scw)) ku dhex jirto (Muslimiista) oo salaada aad oogto hakula istaakto (Ha kula dukato) koox ka mid ah, hana qaateen hubkooda, markay sujuudaan (Tukadaan) ha ahaadaan gadaal (oo ha soo badelaan kooxdii cadawga waardiyeynaysay) hana timaado kooxdii kale ee aan tukan, oo hakula dukato hana qaataan diktoonidooda iyo hubkooda, waxay jecelyihiin kuwa gaaloobay in aad hilmaantaan hubkiina iyo alaabtiina oo ay idin soo weeraraan hal mar, korkiinana dambi ma ahaanin haduu idinku sugan yahay dhib roob dartii ama aad tihiinkuwa xanuunsan inaad hubkiina dhigtaan, qaatana digtoonidiina Allena waxaa uu gaalada u darbay cadaab ilhaameeya (Duleeya).” [Surat: An-Nisaa, 102]

Aayadahani waxa ay tilmaameen xaaladdii ay Rasuulka SCW iyo asxaabtu markaas ku sugnaayeen oo ahayd in cadowgu ka xigey dhinaca qiblada, laakiiin haddii cadowgu xigo dhinac kale oo aan qiblada ahayn, sidii loo tukan lahaa waxaa sheegay axaadiista Rasuulka (scw) oo waxaa weeye: labo qaybood ayey isu qaybinayaan, qayb cadowga ilaalisa iyo qayb salaadda gasha, markii ay hal rakco imaamka la tukadaan ayey rakcadda labaad dhammaystiranayaan oo kuwii kale soo beddelayaan, imaamkuna rackadda labaad ayuu ku sugayaa qolada dambe, markiii uu rakcaddaa tujiyana wuxuu ku sugayaa Attaxiyaatka, markii ay rakcadda 2aad dhammeystaana isku mar ayey salaadda ka baxayaan iyaga iyo imaamku. Haddiise dagaalku socdo oo ay ciidammadu is dhex galaan, nin walba sidii uu awooodo ayuu u tukanayaa.

Ka dib Rasuulku (scw) wuxuu dhinaca midig uga leexday waddadii uu hayey oo Makka gelaysay ilaa uu ka garay meesha la yiraahdo Xudeybiya. Khaalid markii uu arkay in ciidankii muslimiintu ka leexdeen waddadii ayuu nin qaylo dhaamis ah u direy Makka. Rasuulku (scw) markii uu marayo meesha la yiraahdo Thaniyatu-Miraar ayey hashiisii fariisatay, markaas ayaa asxaabtu dheheen “hashii baa fariisatay”, markaas ayaa Rasuulku (scw) yiri

“waxaa xabbisay wixii xabisay maroodigi (Xaabbisu-Fiil)”.

Ka dib wuxuu yiri Rasuulku (scw) 

“Allihii naftaydu gacantiisa ku jirtey baan ku dhaartaye haddii ay i weydiistaan arrin ay ku weyneynayaan xurumaadka Alle waan siinayaa”,

… ka dib hashii way sii socotay ilaa ay tagtay Xudeybiya oo ay degeen.

Dabadeed waxaa Rasuulka (scw) u yimid nin la oran jirey Baddiil bin Warqaa, wuxuuna ku yiri:

“Waxa aan ka imid Kacab binu Lu’lu’ (qureysh) oo kuu diyaarisay ciidan si ay kuula dagaallamaan kaagana celiyaan (kacbada)”, markaas ayaa Rasuulku (scw) yiri:

Annagu uma aannaan imaan in aan la dagaallanno qof ee waxa aannu u nimid in aan cimraysanno, qureyshna waxa dhibay oo hoojiyey dagaal, haddii ay doonaan aniga iyo dadka ayey isku kaaya deyn lahaayeen, haddii ay doonaanna waxa ay geli lahaayeen wixii ay dadku galeen (islaamka), haddii ay diidaan wax aan dagaal ahayn Allihii naftaydu gacantiisa ku jirtey baan ku dhaartaye arrinkayga ayaan kula dagaallamayaa ilaa aan kala waran jiidno (quusano)“.

Badiil wuxuu yiri

“Waan gaarsiinayaa waxa aad tiri”, markaas ayuu baxay oo qureysh ku laabtay oo ku yiri “Ninkaas baan idinkaga imid (Rasuulka (scw)), waxa aanna maqlay isaga oo leh hadal, haddii aad doontaanna waan idiin dheegi”,

Markaas ayaa kuwii maangabka ahaa ee qureyshtu dheheen “ma doonayno in aad wax nooga sheegto” hase ahaatee kuwoodii wax garadka ahaa ayaa yiri:

“Keen wixii aad maqashay”, markii uu u sheegay hadalkii uu Rasuulka (scw) ka soo maqlay aye Rasuulka (scw) u direen nin la oran jirey Makras binu Xafsin.

Rasuulku (scw) markii uu arkay ninkaas oo soo socda ayuu yiri “ninkaani waa ballan laawe”, markii uu yimidna wuxuu Rasuulku (scw) ku yiri ninkaas intii uu Baddiil ku yiri oo kale, ka dibna ninkii wuu laabtay oo qureysh ayuu u sheegay hadalkii, markaas ayaa nin la oran jirey Xuleys binu Calqama yiri “bal aniga ii daaya aan u tagee”, markaaas ayey dheheen “u tag.”

Markii uu Rasuulku (scw) arkay ninkaas oo soo socda ayuu asxaabtiisii ku yiri:

Ninkaani waa hebel, wuxuuna ka mid yahay ragga hadyiga weyneeya ee u soo saara hadyiga.”

Markuu ninkii arkay hadyigii iyo raggaan xaramka u socda ee aan wax dagaal ah u jeedin ayuu yiri “ma habbona in kuwaan loo diido Beytka”, wuxuna ku laabtay qureysh oo ku yiri “waxa aan soo arkay hadyi la soo qoor xiray, mana arko in loo diido”, hase ahaatee queysh way ka hor yimaaddeen fikraddiisii.

Waxaana markaa hadlay nin la oran jirey Curwa binu Mascuud oo yiri “kani (Rasuulka (scw)) wuxuu idiin soo bandhigay khiddo wanaagsan ee aqbala, anigana ii daaya aan u tagee”. Markaas ayey “u tag”, markii uu yimid ayuu Rasuulka (scw) la fariistay oo la hadlay, Rasuulkuna SCW wuxuu u sheegay hadalkii uu kuwii hore u sheegay.

Markaas ayuu Curwa yiri:

“Bal ka warran Maxammedow haddii aad tolkaa dabar goysid, ma maqashay Nin carab ka mid ah oo tolkiis baabi’iyey adiga hortaa, haddii ayse tan kale dhacdo (lagaa guuleysto) waxaan arkaa wejiyaal loo abuuray (asxaabta) in ay kaa cararaan oo kaa tagaan”. Markaas ayaa Abuubakar Sidiiq u jawaabay oo ku yiri “ku dheg buuryada Laata, ma annaga ayaa ka cararayna (Rasuulka (scw))?”, wuxuu yiri

Ilaah baan ku dhaartaye haddii uusan jiri lahayn abaal aad ii gashay waan kuu jawaabi lahaa“.

Ka dib Curwa wuxuu sii watay hadalkiisii uu Rasuulka (scw) la hadlayey, mar kasta oo uu Rasuulka lahadlayana wuxuu qabanayey Rasuulka (scw) garkiisa, Rasuulka (scw) dudhiisana waxaa taagnaa Muqiira binu Shucba oo uu Curwa adeer u ahaa oo duub xiran, seefna gacanta ku haysta, wuxuuna Muqiira samaynayey mar kasta oo Curwa laaco garka Rasuulka (scw) seefta ayuu gacanta uga dhufanayey wuxuuna ka lahaa “ka daa gacanta garka Rasuulka (scw)”,

Markii dame ayuu Curwa inta madaxa kor u qaaday yiri “waa kuma kani?”, waxaa la yiri “waa Muqiira binu Shucba”, markaas ayuu Curwa yiri “nacaskiiyow miyaanan ahayn kii diyadaadii weli gudayey”, taas oo ula jeedo niman uu Muqiira diley intii uusan islaamin ka hor oo uu magtoodii gudey.

Ka dib Curwa wuxuu ku laabtay qureysh wuxuuna ku yiri:

“Ilaah baan ku dhaartaye waxa aan wafdi ahaan ugu tegey Qaysar iyo Kisraa iyo Najaashi. Ilaah baan ku dhaartaye ma arag boqor ay dadkiisu u weyneynayaan sida ay asxaabta Maxammed u weyneynayaan Maxammed.

Ilaah baan ku dhaartaye ma uusan tufeyn candhuuf ilaa nin ayaa gacanta u dhiganayey oo wejiga iyo jirka marsanayey, haddii uu amrana way u kala tartamayeen amarkiisa, haddii uu weyseystana waxa ay ku siganayen in ay isku dagaallamaan weysadiisa, haddii uu hadlana hoos ayey codkooda u dhigayeen, fiirmadana kuma dhammaynayn weyneyn ay weyneynayaan darteed. Haddaba waxa uu idiin soo bandhigay ninkaasi (Rasuulka (scw)) yeela”.

Odeyaashiina way u riyaaqeen, laakiin qaar ka mid ah dhallinyaradii queysheed ayaa markii ay arkeen in odeyaashii heshiis doonayaan waxa ay sameeyeen arrin ay ku doonayaan in ay heshiiska ku joojiyaan oo dagaal ku ridaan. Arrintaasina waxa ay ahayd in ay habeenkaas baxaan oo tagaan meesha uu ciidanka muslimiintu degganaa oo ay dagaal huriyaan.

Waxaana habeenkii soo baxay 30 nin oo doonayey in ay arrinkaas fuliyaan hase yeeshee Maxammed binu Maslama oo ahaa madaxa ciidanka ilaalada muslimiinta ayaa nimankii dhammaantood gacanta ku dhigay oo Rasuulka (scw) u keenay. Rasuulku (scw) wuu iska sii daayey nimankii maxaa yeelay dagaal uma uusan imaan, wuxuuna doonayey cumro.

Allaahna (SW) isaga oo tilmaamaya sida uu u kala badbaadiyey dagaalka labada qolo waqtigaas wuxuu yiri:

Alle waa kii gacmahooda idinka reebay kuwiinana ka reebay Makka gudaheeda ka dib markuu idin makansiiyay korkooda (aad qabateen), Allena waxa aad camal falaysaan waa arkaa.” [Surat: Al-Fatxi, 24]

Ka dib Rasuulku SCW wuxuu go’aansaday in uu nin u diro qureysh si uu u xoojiyo go’aankiisii oo qureysh u tusiyo ujeeddada uu safarkaan ka lahaa, wuxuu markaas Rasuulku SCW u yeeray Cumar binu Khadhaab si uu Makka ugu diro.

Markaas ayaa Cumar yiri

“Rasuulkii Allow Makka iima joogo qof reer banii Kacab ah (xigtada Cumar) oo ii ficiloonaya haddii la i dhibo ee dir Cusmaan binu Cafaan isaga ayaa xigtadiisu joogtaaye, wixii aad doontana gaarsiinaya”.

Wuxuu markaa Rasuulku (scw) qureysh u direy Cusmaan binu Cafaan wuxuuna ku yiri

“U sheeg in aannaan dagaal u socon oo aan cumro u nimid, islaamkana ugu yeer”.

Sidoo kale wuxuu Rasuulku (scw) Cusmaan amray in uu u tago ragga iyo dumarka muslimiinta ah ee Makka jooga oo uu ugu bishaareeyo fatxi una sheego in Alle uu Makka diintiisa ku daahirin doono oo uusan qofna iimaankiisa ku dhex qarsan doonin.

Cusmaan wuu soo baxay wuxuuna soo maray ciidankii qureysh oo jooga meel la yiraahdo Baldax, markaas ayey dheheen,

“Xaggee ayaad u socotaa..?.” wuxuu yiri:

“Rasuulki Alle ayaa ii soo direy arrinkaas”,

Waxa ay dheheen waa wanaagsan yahay hadalkaagu ee fuli dantaada.

Waxaa raacay nin la oran jirey Abbaan binu Saciid binu Caas si uu u ilaaliyo ilaa uu Makka ugu tago odeyaashii qureysheed oo uu farriinta ka gaarsiiyo.

Ka dib markii Cusmaan u tegey odeyaashii qureysheed oo arrintii lala soo direy uu u gudbiyey ayey waxa ay u soo bandhigeen in uu kacbada dhawaafo hase yeeshee Cusmaan wuu diidey oo wuxuu yiri:

“Dhawaafi maayi ilaa uu Rasuulkii Alle ka dhawaafo”.

Ka dib Cusmaan way celiyeen sababta ay u celiyeena waxaa la arkaa in ay arrimahaa kala niqaashayeen, Ilaah baase ku cilmi leh.

Markii maqnaanshihii Cusmaan dheeraaday ayaa muslimiintii waxaa gaaray in Cusmaan la diley, markaas ayuu Rasuulku (scw)asxaabtii ku yiri “tegi mayno ilaa aan nimanka foodda is darno”, wuxuuna asxaabtiisii ka wada qaaday Beyco, taas oo ahayd in aysan cararin oo ay dagaallamaan weliba qaar ka mid ihi waxa ay kula mubaayacoodeen dhimasho.

Rasuulku (scw) markii uu asxaabtii oo dhan ka qaaday beycadii ayuu gacanta is qabtay oo yiri “tanina (beycadani) waa Cusmaan”.

Markii beycadii dhammaatay ayuu Cusmaan yimid oo isna Rasuulka (scw) la mubaayacooday.

Waxaa la yiraahdaa ciidankii Rasuulka (scw) la socday waxaa beycadaas ka maqnaa nin munaafaq ahaa oo dhuuntay, ninkaas waxaa la oran jirey Jadu binu Qays. Beycadaas waxaa lagu qaadayey geed hoostiis, waxaana loo yaqaannaa Beycatu-Ridwaan maxaa yeelay Allaah wuu ka wada raalli noqday dadkii beycadaas galay, wuxuuna arrintaas isaga oo tilmaamaya qur’aankiisa ku yiri:

Alle waa ka raali noqday Mu’miniinta makray kugula mubaayacoodeen geedka hoostiisa, wuxuuna ogaaday waxa quluubtooda ku sugan markaasuu ku soo dajiyay xasilooni, wuxuuna ku abaal mariyey Fatxi dhaw (Khaybar).” [Surat: Al-Fatxi, 18]

Rasuulku (scw) waa uu u bishaareeyey dadkii baycadaas ka qayb galay oo wuxuu yiri “idinkaa ugu khayr badan waxa dhulka dushiisa ahaaday”, sidoo kale waxa uu yiri “dadka geedkaan hoostiisa igula mubaayacooday qof kamid ihi naar gali uu mahayo haddii Alle idmo”.

Cumar binu Khadhaab ayaa markii uu khilaafada islaamka hayey arkay geedki Beycatu-Ridwaan ka dhacday oo la barakaysanayo oo dadka juhalada ihi markii ay agmarayaan ay ka fadilayaan geedaha kale oo hoos fariisanayaan, markaas ayuu amray in la gooyo.

Qureysh waxa ay si degdeg ah u soo dirtay nin la oran jirey Sahal binu Camar si uu heshiis ula soo saxiixdo Rasuulka (scw), waxa ayna ku soo dheheen “Sannadkan ha naga laabto maxaa yeelay CaRabbi ku sheekaysan mayso in uu xoog ku galay xaramkii”.

Rasuulku (scw) markii uu arkay Sahal binu Camar oo soo socda ayu asxaabtii ku yiri “arrinkiinnii Alle waa idiin dududeeyey mar haddii ay ninkaan soo direen heshiis bay doonayaan”. Sahal markii uu yimid in badan ayey Rasuulka (scw) iyo isagu wada hadlayeen, ugu dambayntiina waxaa la isku waafaqay heshiis. Qodobbada heshiisku waxa ay ahaayeen sidan:

  1. In Rasuulka (scw) iyo ciidankiisu sannadkan laabtaan oo aysan Makka iyo xaramka gelin, sannadka soo socda haddii la gaarana ay yimaadaan oo ay saddex beri xaramka joogaan, hubna aysan la soo gelin ilaa hubka socotada maahane, seefuhuna ay galka ku jiraan, wax dib ahna aysan samayn.
  2. Dagaal in la joojiyo 10 sano, oo amni la isa siiyo
  3. In ciddii doonta heshiis Rasuulka (scw) la geli karto, ciddii doontaana qureysh la geli karto heshiis. Qabiilkii labada dhinac midkood raacana in loo aqoonsado in uu qoladaas ka mid yahay, colaaddii lagu qaado qabiilkii dhinac raacana ay la mid tahay colaad lagu qaaday dhinicii kale.
  4. Ninkii qureysh ka soo baxsada oo soo islaama in loo celiyo qureysh, ninkii islaamka ka riddooba oo qureysh u baxsadana aan la soo celin.

Ka dib Rasuulku (scw) wuxuu u yeeray Cali binu Abii-dhaalib si uu u qoro heshiiska.

Cali heshiiskii ayuu qorayey, Rasuulkuna (scw) wuu u yeerinayey,

Wuxuuna yiri Rasuulku (scw):

“Qor Bislmillaahi Raxmaani Raxiim”,

Markaas ayaa Suheyr yiri:

“Ilaah baan ku dhaarannaye ma garannayno Raxmaan wuxuu yahay ee qor Bismikallaahumma”, markaas ayuu Rasuulku (scw) amray Cali in uu sidaas u qoro, ka dibna wuxuu u yeeriyey:

“Tani waa arrimihii uu kula heshiiyey Rasuulkii Alle ee Maxammed”,

Markaas ayuu Suheyr yiri:

“Haddii aan og nahay in aad Rasuulkii Alle tahay xaramka kuuma diidneen kulamana dagaallanneen ee qor Maxammed binu Cabdullaahi”,

Markaas ayaa Rasuulku SCW yiri:

“Waxa aan ahay Rasuulkii Alle haddaad doontaan i beeniyee “,

Ka dibna Cali ayuu amray in uu ereyga Rasuulullaah tiro oo qoro Maxammed binu Cabdullaahi hase yeeshee Cali waa diidey in uu Rasuulullaah tiro. Rasuulka SCW ayaa markaas yiri “i tusi”, markii la tusiyeyna isaga ayaa tirey. Sidaas ayaa warqaddii loogu qoray qodobbadii heshiiska.

Waxaa intii warqadda la qorayey Makka ka yimid wiil uu dhalay Suheylka Rasuulka (scw) heshiiska la saxiixayey oo la oran jirey Abuu Jandal binu Suheyl oo ka mid ahaa muslimiintii dadkoodu Makka ku cadaadinayeen. Abuu Jandal wuxuu jiidanayey xarkihii uu ku xirxirnaa.

Suheyl ayaa markaas yiri:

“Tani ayaa ugu horreysa waxa aan kugula heshiiyey in aad i celiso”,

Markaas ayaa Rasuulku (scw) yiri: “Weli ma aynaan dhammayn warqaddii”,

Markaas ayuu Suheyl yiri

“Ilaah baan ku dhaartaye in aanan marka waxba kugula heshiineyn weligeed”,

Markaas ayuu Rasuulku (scw) yiri “Aniga ii daa marka”,

Wuxu yiri “kuu deyn maayo”.

Ka dib Suheyl Abuu Jandal ayuu kexeystay isaga oo ku jiidaya xarkihii uu ku xirnaa. Abuu Jandalow sabir oo ajar gurubso, Alle wuxuu yeelayaa faraj adiga iyo dadka kale ee mestadcafiinta ah, annaguna waxa aan nimanka la galnay heshiis oo waxaan siiney iyaguna na siiyeen ballantii Alle, mana jebineyno”.

Cumar binu Khadhaab ayaa markaa garab socday Abuu Jandal isaga ooo ku leh “iska sabir Abuu Jandalow iyaguna waa mushrikiin oo qofkood dhiiggiisu waa dhiig Ey.”

Wuxuuna Cumar u raariciyey seeftiisii, wuxuuna yiri

“Waxa aan rabay in uu seefta igala baxo oo aabbihiis ku dhufto hase yeeshee ninku aabbihiis wuu u turay”.

Ka dib Rasuulku SCW wuxuu asxaabtii amray in ay hadyigooda gowracaan hase yeeshee qofna ma ajiibin maxaa yeelay waxa ay ka careysnaayeen heshiiskan gaalada lala galay. Markii uu saddex jeer ku celiyey oo qofna ajiibi waayey ayuu istaagay oo u galay xaaskiisii Ummu Salama arrintiina u sheegay, markaas ayey tiri:

“Rasuulkii Allow bax oo qofna ha la hadlin ilaa aad neefkaaga gowracdo, timo jarahaagana u yeerato oo uu kuu xiiro”.

Markaas ayuu Rasuulkii (scw) baxay oo isaga oo aan qofna la hadlin neefkiisii gowracday, timo xiirana u yeertay.

Asxaabtii markii ay arkeen ficilka Rasuulka (scw) ayey kaceen oo hadyigoodii gowraceen, timihiina qaarba qaarka kale u xiiray, waxayna maalinkaas hadyi ahaan u gawraceen Todobo geel ah iyo Todoba Lo’ ah, Rasuulkuna (scw) waxa uu gawracay riti uu lahaa Abii Jahal oo dagaalkii Badar lagu furtay.

Waxaa Rasuulka (scw) ka dib u yimid dumar mu’minaat ah oo ka soo cararay Makka, markaas ayey dadkii xigtadooda ahaa ka daba yimaadeen, hase yeeshee Rasuulku (scw) wuu u diidey maxaa yeelay heshiisku rag keliya ayuu ahaa oo dumarka in la celiyo kuma jirin. Allaahna isaga oo arrintaa xoojinaya wuxuu soo dejiyey aayaddan:

Kuwa Mu’miniinta ahow haday idiin yimaadaan gabdho Mu’minaat ah oo soo hijrooday imtixaana (in ay dhab ka tahay iyo in kale Iimaankooda), Allena waa og yahay iimaankooda, hadii aad ogaataan in ay Mu’minaat yihiin ha u celinina (Gadaal) meherkoodii (ay haweenkan ka bixiyeen), dambina korkiina ma ahaanin in aad guursataan (haweenkaas) hadii aad meherkoodii siisaan, hana haysanina kuwa gaalada ah nikaax iskuma kiin qabtee, weydiista (Gaalada) waxaad (meher) u bixiseen iyana ha idin weydiistaan waxay (Meher) u bixiyeen, waana kaas xukunkii Alle ku xukumay dhexdiina, Allena waxa uu ahaaday (Alle) Caliim ah (wax walba og) oo Xakiim ah (Fal Suuban).” [Surat: Al-Mumtaxina, 10]

Rasuulku (scw) wuxuu markaa guda galay in uu imtixaanayo (dumarka), tii ka soo baxdana in uu shuruudihii kula mubaayacoonayo, mana gacan qaadayn ee afka ayuu kula mubaayacoonayey.

Sida ay Caa’isha sheegtay Rasuulka (scw) gacantiisu ma taaban naag ajnabi ka ah gacanteed. Markii ay aayadahaasi soo degeen ka dib oo muslimiintii iyo gaaladii la kala xarrimay ayey asxaabtii wada fureen haweenkii gaalada ahaa ee ay qabeen.

Cumar binu Khadhaab wuxuu furay labo haween ah oo gaalo ahaa oo Makka joogey, ka dibna waxaa kala guursaday Mucaawiye binu Abii Sufyaan iyo Safwaan binu Umaya oo gaalo ahaa waqtigaas.

Ciidankii muslimiintu aad ayuu uga xumaaday heshiiskii qureysh, waxayna u arkeen in dhinacooda lagu dulmiyey, waxayna ku soo laabteen murug iyo caga jiid maxaa yeelay waxa ay u haysteen oo riyadii Rasuulka (scw) u fasirteen in isla sannadkaas la gelayo Makka.

Sidoo kale waxa ay u arkayeen in qureyshi ay Rasuulka (scw) ku dirqisay wixii ay rabtey oo iyadoo uu Rasuulku (scw)xaq ku taagan yahay, Allaahna ballan qaaday in uu diintiisa kor yeelo la ilhaameystay diintoodii.

Raggii arrimahaa aadka uga xumaa waxaa ka mid ahaa Cumar binu Khadhaab, Nabiga (scw) ayuuna u yimid isaga oo leh “Rasuulkii Allow miyaanaan xaq ku taagnayn iyaguna Baadhil ku taagnayn?” Rasuulku (scw)

“Haa” ayuu yiri, wuxuu Cumar yiri “sow dadkeennii la laayey janno kuma jiraan, kuwoodii la laayeyna naar kuma jiraan?”,

Rasuulku (scw) “Haah” ayuu yiri,

Cumar wuxuu yiri:

“Haddaba maxaynu diinteenna dulliga u siineynaa?, aan laabanno ilaa Ilaahay na kala xukmiyo”.

Markaas ayaa Rasuulu (scw) ku yiri Cumar f’ina Khadhaabow anigu Rasuulkii Alle ayaan ahay mana caasinayo, isaga ayaana ii gargaaraya ina dayici maayo weligey”, Cumar wuxuu yiri “miyaadan noo sheegin in aan Beytka tegi doonno oo dhawaafi doonno?”,

Rasuulku (scw) wuxuu yiri”

“Haah waan kuu sheegay, waxa aan kuu sheegay in aan tegi doonno”, Cumar wuxuu yiri “may” isaga oo u heysta in ay sannadkaas ahayd, markaas ayuu Rasuulku (scw) ku yiri Cumar.

“Waad tegi doontaa waadna dhawaafi doontaa”.

Ka dib wuxuu Cumar u tegey Abuubakar oo intii oo kale ku yiri, Abuubakarna sidii Rasuulku SCW ugu jawaabay oo kale ayuu ugu jawaabay, weliba wuxu u raacsiiyey “heyso adeecitaankiisa ilaa aad ka dhimatid, Ilaah baan ku dhaartaye xaq ayuu ku taaqan yahay”. Ka dib intii jidka lagu sii jirey waxaa soo degtay Suuratu-Fatxi,

Markaas ayuu Rasuulku SCW u yeeray Cumar oo ku dul akhriyey.

Markaas ayuu Cumar yiri:

“Rasuulkii Allow ma kan ayaa fatxi ah..?”

Markaas ayaa Rasuulku SCW yiri “haa”,

Ka dib Cumar wuu iska degey, wuxuuna ka qoomameeyey hadal ku celintii Rasuulka (scw), wuxuuna sameeyey camal wanaagsan oo badan oo isugu jirey sadaqo, soon iyo salaad cabsi uu ka cabsanayo ficilkii maalintaa ka dhacay darteed.

Hashiiska Xudeybiya

In kasta oo muuqaalkiisa guud la moodo in waxyaabo lid ku ah muslimiinta ay ku jireen, asxaabtuna aysan jeclaysan waxyaabaha qaarkood, haddana waxa ay xaqiiqdu ahayd in uu ahaa nasri weyn oo muslimiinta u soo hoyday iyo Faxi sida uu Allaahba sheegay. Waxaana arrimaha uu nasriga ku ahaa ka mid ah:

1.| Qureysh oo aqoonsatay awoodda iyo jiritaanka muslimiinta ee ay awal dafiri jirtey, isla markaana joojisey inku taxalujintii ay isku taxallujin jirtey sidii ay islaamka u dabar goyn lahayd ama dadkii kale ee Jasiiratul-carab degganaa ugu diri lahayd.

2.| Qureysh oo faraha ka qaadday ciddii islaamka gelaysa oo nafteeda isku koobtay taas oo ahayd fashil iyo jab ku dhacay qureysh maxaa yeelay waxa ay awal sheegan jirtey in ay carab ku hoggaamiso diin, xaramkii Allena deggan tahay, diinteeduna tahay midda keliya ee saxda ah, islaamkuna yahay bidco aan la aqoon.

3.| Qureysh waxa ay ahayd caqabo ummado badan ka hor taagnayd in ay islaamka qaataan markiise ay faraha ka qaadday oo ay la heshiisay aad ayaa islaamka loo soo galay, waxaana loo arkay in ay diintaani xaq tahay oo faafeyso, wax walbana ka sare mari doonto.

4.| Qureysh waxa ay oggolaatay in la fidiyo dacwadii islaamka oo ay 13 sano Makka ku hor taagnayd, taas oo ahayd hadafkii ugu weynaa ee ay muslimiintu raadinayeen weligood. In dacwada islaamka dadku xor u noqdaan. Xornimadaas waxa ay dacwadii islaamka u keentay guul weyn taas oo laga garan karo ciidanki msulimiinta ee 3,000 ahaan jirey oo labo sano ka dib markii Rasuulku (scw) Makka furanayey 10,000 noqday.

5.| Qabiillo iyo dad badan oo awal islaamka u soo geli waayey qureysh sababteed ayaa fursad u helay in ay islaamka soo galaan.

6.| Qureysh waxa ay u oggolaatay muslimiinta xaramkii ay 6da sano ka hor taagnayd, taas oo ku tusineysa awood darrida iyo dacfiga ku dhacay, maxaa yeelay way awoodi weyday in ay muslimiiinta u sii diiddo xaramka sannadkaas maahane oo isna ay ku andacooday in dadku ay ku sheekeysanayaan Maxammed ayaa xoog xaramka ku galay.

7.| Qodobkii ugu darnaa heshiiska ee msulimiintu dhibka u arkayeen oo ahaa ninkii islaamka ka riddooba in aan la soo celin, kii qureysh ka soo islaamana la celiyo waxa ay ahayd xikmadda ku jirtaa qof islaamaka arkay oo iimaanka macaankiisa dhadhamiyey, kana mid noqday asxaabtii Rasuulka (scw), in uu riddoobo oo galnimo doorto way adkayd, Qofkii se taas sameeye kheyr ma leh, faa’iidana kuma jirto in mujtamaca nadiifka ah ee muslimka lagu soo celiyo oo in uu ka dhex baxo ayaa ka kheyr badan in uu ku dhex jiro. Rasuulkuna (scw) isaga oo arrinkaas tilmaamaya wuxuu yiri “qofkii naga aada (qureysh) Alle ha fogeeyo”.

Dhinaca kale qofkii reer Makka ka soo islaama oo loo celiyo lama dileyn, haddii ay u badatana qaraabadiisa ayaa ciqaabeysey, waxa ayna ahayd arrin imtixaan ah oo Allaah ku kala saarayey, qofkii islaamku dhab ka ahaa wax kasta oo la mariyo waxba kama dhibeyn, qofkiise uusan dhab ka ahayn ama ujeeddo kale u socday markii loo caga jugleeyo ayuu horay u boodayaa oo gaaloobayaa.

Midda kale dhulka Allaah waa waasic oo Madiina iyo Rasuulka (scw) maahane meeshii uu doono ayuu aadi karaa sida dhulka xabashida oo ay muslimiin kale jireen muddaba, xornimana lagu siiyey diintooda.

Rasuulkuna (scw) isagoo oo tilmaamaya arrinkaas wuxuu yiri

“Qofkii nooga yimaada (soo islaama) Alle wuxuu u yeeli doonaa faraj”.

Allaahna wuu u yeelay faraj oo markii Rasuulku (scw) ku soo laabtay Madiina oo uu muddo yar joogey ayaa waxaa Madiina yimid oo Makka ka soo cararay in ka mid muslimiintii Makka lagu ciqaabi jirey magiciisana la oran jirey Abuu Bashiir.

Markaas ayey qureysh ka soo daba dirtay Abuu Bashiir labo nin, markii ay labadii nin Madiina yimaadeen ayey Rasuulka (scw) ku dheheen “noo dhiib ninkaan waa tii ballan naga dhexaysaye”, markaas ayuu Rasuulku (scw) u dhiibay.

Markii ay la sii marayaan meesha la yiraahdo Dil-xuleyf ayey degeen oo la soo baxeen timir ay wateen si ay u cunaan, markaas ayaa Abuu Bashiir labadiii nin midkood ku yiri “Ilaah baan ku dhaartaye hebelow waxa aan seeftaan u arkaa in ay wanaagsan tahay”, markaas ayuu soo saaray oo yiri “haa Ilaah baan ku dhaartaye way wanaagsan tahay, waana jarribay oo jarribay”.

Abuu Bashiir wuxuu yiri:

“I tusi bal aan eegee”, markii uu u dhiibay ayuu ku dhuftay o qoorta u dheereeyey, kii kale ayaa markaa cararay ilaa uu Madiina ka gaaray oo u galay Rasuulka SCW iyo asxaabtii oo masaajidka jooga.

Rasuulku (scw) markii uu arkay ninkaas baqaha ah oo fiigsan wuxuu yiri “war kani wuxuu soo arkay wax ka aragagixiyey”. Ninkii markii uu Rasuulka SCW u soo galay ayuu ku yiri “saaxiibkayna wuu diley aniguan wan ka soo baxsaday”.

Ninkii Abuu Bashiir ahaa muddo ka dib ayuu yimid isaga oo seeftiisii wata, wuxuuna Rasuulka SCW ku yiri “Nabigii Allow Ilaah ayaan ku dhaartaye waad oofisay ballantaadii, waadna ii celisay, ka dibna Alle ayaa iga soo koriyey”, markaas ayuu Rasuulku SCW yiri “hooyadii ha hoogtee waa kii dagaal hurin lahaa haddii uu cid heli lahaa”. Abuu Bashiir markii uu hadalkaas Rasuulka SCW maqlay ayuu fahmay in usan Rasuulku SCW warkiisii yeelin oo uu ballantii ilaalinayo, haddii ay mar kale yimaaddaana (qureysh) uu u dhiibayo, markaas ayuu iska tegey ilaa uu ka gaaray badda ageeda.

Waxaa isna Makka ka soo baxsaday Abuu Jandal binu Suheyl, Madiinana ma tegin ee wuxuu u tegey Abaa Bashiir. Ka dibna waddadaa ayaa furantay oo ninkii Makka ka soo islaamaba wuxuu u tegi jirey Abuu Bashiir ilaa ay koox ka noqdeen, waxayna fariisteen jidkii ay qureysh Shaam u sii mari jirtey markaas ayey wixii safar ah oo qureysh leedahay oo Makka u socda ama ka yimaada qaban jireen oo raggana layn jireen, xoolahoodana dhici jireen ilaa ay reer Makka ciriiri galeen oo waddadii mari kari waayeen, markaas ayey Rasuulka (scw) farriin u soo direen ay leeyihiin:

“Nimankaas nooga yeero ciddii ku soo aaddana waa aamin”.

Markaas ayuu Rasuulku (scw) u cid diray Abuu Bashiir iyo raggiisii oo Madiina yimaadeen, halkaas ayuuuna ku burburay qodobkii ahaa ninkii reer Makka ka soo islaama ha la soo celiyo oo Alle ayaa farajkaas u furay, qofkii dambe oo soo islaamana si toosa ayuu Rasuulka (scw) iyo Madiina ugu tegi jirey, waxaana ka mid ahaa dadkii bilowgii sannadkii 7aad ee hijriga sida tooska ah Madiina u yimid oo soo islaamay Camar binu Caas, Khaalid binu Waliid iyo Cusmaan binu Dhalxa. Saddexdaas nin oo ka mid ahaa halyeeyadii qureysh markii ay yimaadeen wuxuu Rasuulku (scw) yiri:

“Makka waxa ay idiin soo tuurtay beerkeeda gaballadiisii”.