Kitaabka

Siirada Suubanaha Rasuulka (csw)
Qaybta | 81aad

Waxaa isku soo dubaridey:
Osman Bilad

Taxanaha: Siirada Suubanaha Rasuulka (csw)

Decorative Lines

Ciidankii Usaama Binu Zayd

Markii uu Rasuulku SCW ka soo laabtay xajatul wadaac oo uu joogay labo bilood ayaa waxaa qabtay xanuunkii uu geeriyooday, wuxuu markaa Rasuulku SCW isaga oo uu xanuunkii hayo diyaariyey ciidan aad u xoog badan oo uu ugu tala galay dawladii Roomaanka, wuxuuna cidankaas madax uga dhigay Usaama binu Sayd oo todoba iyo toban jirey, waxayna ahayd sababta uu Rasuulku SCW ciidankaan u dirayey, isaga oo maqlay in dawladdii Roomaanku ay si xun ula dhaqantay wixii ka islaamay carabtii tabaca u ahayd, sida ninkii aan soo marnay ee Farwa binu Camar oo dawladii Roomaanka mas’uulka uga ahaa Macaan.

Rasuulku SCW waxa uu ciidankaan diyaariyey bishii Safar sannadkii 11aad ee hijriga, wuxuuna Rasuulku SCW la dardaarmay hogaamiyaha ciidanka Usaama binu Sayd oo uu utilmaamay in uu socdo ilaa uu gaaro meelaha la yiraahdo Bulqaa iyo Daaruum oo dhulka falastiin ka mid ah, sidoo kale waxa uu u dardaarmay in uu tago meeshii aabihii lagu dilay. Ciidankan Usaama oo ahaa ciidan aad u xoog badan waxaa ku jiray odayaashii Muhaajiriin iyo Ansaar, oo ay ka mid ahaayeen:

  • Abuu Bakar-Sidiiq
  • Cumar binu Khadhaab
  • Abuu Cubayda ibnu Jarraax
  • Sacad
  • Saciid

Iyo rag kaleba, waxaana dadka qaarkood sheegaan in cadadka ciidanku gaarayey 30,000.

Markii uu Rasuulku SCW Ciidankii diyaariyey oo uu u doortay Usaama ayaa nin la oran jiray Ciyaash binu Abii Rabbiicul-Makhsuumi iyo rag uu ku jiro wax ka sheegeen madaxtinimada Usaama, markaas ayaa Rasuulka SCW loo soo gudbiyey hadalkoodii, Rasuulku SCW waxa uu markaa la hadlay dadkii oo uu ku yiri “hadaad wax ka sheegteen madaxtinimadiisa, waxaad horay wax uga sheegteen madaxtinimadii aabihiis (Sayd), Ilaah baan ku dhaartaye waxa uu Aabihiis u samaysnaa madaxtinimo, haduuna ahaa (Sayd) dadka kaan ugu jeclaa, kan (Usaama) ayaan ugu jeclahay dadka (Sayd) gadaashii.

Usaama iyo ciidankiisii markii ay damceen in ay baxaan ayaa Rasuulka SCW xanuunkii ku daraaday, markaas ayey dageen meesha la yiraahdo Jurfa si ay u ogaadaan xanuunka Rasuulka SCW meesha uu ku dambeeyo, markii uu Rasuulku SCW geeriyooday oo ay muslimiintii Abuu Bakar doorteenna waxa uu noqday ciidankii Usaama duullaankii ugu horeeyey ee Abuu Bakar diro, waxaa kaliya oo uu ciidankii ka soo reebay Cumar binu Khadhaab oo isna uu Usaamawaydiistay.

Waxaa isku soo dubaridey:
Osman Bilad
Email: osmanbilad@hotmail.com