Kitaabka

Siirada Suubanaha Rasuulka (csw)
Qaybta |77aad

Taxanaha: Siirada Suubanaha Rasuulka (csw)

Decorative Lines

Duullaankii Tabuuk

Duullaankan wuxuu dhacay bishii Rajab, sannadkii 9aad ee hijriga, waxa ayna sababtiisu ahayd: Markii uu Rasuulku (csw) ka soo laabtay duullammadii Fatxu-Makka iyo kuwii ka dambeeyey, ayna Khaliijul-Carab gacantiisa gashay, islaamkuna noqday awoodda keliya ee gobolkaas ka jirta, carabtii dhulkaas degganaydna ay islaameen, ayuu Rasuulku SCW isu diyaariyey dowladdii Roommaanka oo waqtigaas duni ugu xoog badnayd.

Waxa aynu soo marnay in ninkii saxaabiga ahaa ee la oran jirey Xaarith binu Camar oo uu Rasuulku (csw) warqadda ugu sii dhiibay boqorkii Basra uu dilay Shuraxbiil binu Camar. Arrintaas oo aad u fool xumayd, waxa ay ka caraysiisay Rasuulka (csw) oo waatii uu u diray ciidankii uu watay Seyd binu xaarith oo ka dib uu dagaal daran ku dhex maray iyaga iyo roomaankii meeshii la oran jirey Mu’ta.

Ka dib muslimiintii waxa ay u jeesteen duullaankii Fatxu-Makka iyo kuwii ku xigay, hase yeeshee ciidankii roomaanku waxa ay isu diyaarinayeen duullaanka muslimiinta in kasta oo iyaga laftooda ay arrimo kale ku furnaayeen oo qabiillo badan oo carbeed ay ka xoroobeen, qaar kalena islaamka soo galeen.

Rasuulku (csw) markii uu ku soo laabtay Madiina waxaa si is daba joog ah loogu soo gudbinayey akhbaarta roomaanka iyo in ay rabaan in ay muslimiinta duullaan ku soo qaadaan. Sidaa darteed Rasuulka (csw) oo lagu yaqaanay in haddii uu maqlo cid rabta in ay muslimiinta duullaan ku soo qaaddo uu meesheeda ugu tago, waxa uu bilaabay in uu u tabaabushaysto duullaanka roomaanka, wuxuuna u cid diray dhammaan qabiilladii muslimiinta ahaa ee beled iyo baadiyaba degganaa.

Rasuulku (csw) wuxuu samayn jirey markii uu duullaan u socdo in uu jihada uu ku duulayo maahee jiho kale muujiyo si munaafiqiinta iyo kuwa iimaankoodu daciifka yahay aysan u bixin sirtiisa oo uusan cadowgu uga faa’iideysan, hase yeeshee Rasuulku (csw) duullaankan roomaanka shaaca ayuu ka qaaday maxaa yeelay meesha ayaa fogeyd, cidda lagu duulayana waxa ay ahayd dowladdii waqtigaas dunida ugu xoogga badnayd sidaas ayuuna ogeysiiska u bixiyey si ay muslimiintu isu diyaariyaan oo ay saad iyo saanadba ugu talo galaan.

Sidoo kale waqtiga duullaankani wuxuu ku beegmay waqti ay abaar darani dhacday oo qorrax kulayl jirtay dadkuna aad u dhibaataysnaayeen, markaasna qorraxdu ay aad u kululayd.

Asxabtii Rasuulka oo dhib kasta oo ku yimaadda uusan ka hakinayn kor ahaanshaha kalimadda Alle iyo jihaadka, waxa ay si deg deg ah u ajiibeen dhawaaqii jihaadka, waxa ayna si is daba joog ah ugu soo qulquleen Madiina iyaga oo ka imaanaya dhammaan dhulkii uu islaamku xukumayey. Wuxuu Rasuulku SCW muslimiinta aad ugu boorriyey in ay sadaqo la baxaan oo ay ururiyaan xoolo badan oo jihaadka lagu taageero, sidaa darteed asxaabta oo had iyo jeer kheyrka u kala tartami jirey waxa ay bilaabeeen in ay kheyrkan u kala dheereeyaan.

Abuubakar wuxuu bixiyey maalkiisii oo dhan, markaas ayuu Rasuulku SCW ku yiri “maxaad reerkaagii uga soo tagtay?”, wuxuu yiri “Alle iyo Rasuulka”. Cumar binu Khadhaab wuxuu keenay maalkiisii barkiis. Cusmaan binu Cafaan wuxuu keenay 300 rati iyo rarkoodii,

1,000 Diinaar iyo 200 oo wiqiyadood wuu bixiyey, wuxuu markaas Rasuulku SCW yiri “maanta wixii ka dambeeya dhibi mayso Cusmaan wixii uu sameeyo”. Cabdiraxmaan binu Cawf wuxuu keenay 200 oo wiqiyadood oo qalin ah, Cabbaas binu Cabdimudhalib wuxuu keenay maal badan. Sidaa ayeyna asxaabtii wax u bixinayeen oo kii maal badan haystay wuxuu keenay wax badan, kii maal yaraana wuxuu keenay wixii uu heli karay.

Munaafiqiintii oo iyagu kheyrka iyo sadaqada ka indho la’aa, wax ay bixiyaan iska daaye waxa ay durid iyo dacaayad ugu dhaqaaqeen asxaabtii sadaqada bixinaysay oo kii maal badan keena waxa ay lahaayeen “is tus tus ayuu u bixinayaa”, kii wax yar keenana waxa ay lahaayeen “Alle waa ka deeqtoon yahay kan wixiisa”. Allaahna isaga oo ka hadlaya arrinka munaafiqiiinta iyo sida ay wax bixintodu ahayd wuxuu qur’aankiisa ku yiri:

‘’Kuwii weeye (Munaafiqiintu) ku ceebaynayey kuwa sadaqaysanaya ee mu’miniinta ka mid ah iyo kuwa aan helayn tabartooda mooyee wax kale, way ku jeesjeesayaan Allaahse ku jeesi (oo ka abaal marin xumaantooda.’’ [Surat: At-Tawbah, 79]

Gabdhihii muslimaatka ahaa waxa ay iyaguna sadaqaatkii ka qaateen qayb libaax, waxa ayna sadaqaysanayeen dhega-dhegahoodii, jijimahoodii, farraantiyadoodii iyo wixii ay uga qayb qaadan kareen jihaadka. Ugu dambayntii waxa Rasuulka SCW soo gaartay in uu Hiraqle u diyaariyey duullaanka muslimiinta ciidan gaarayey 40,000 oo nin ayna raaci doonaan qabiilooyinkii carbeed ee uu xukumayey sida Lakham, Judaama iyo kuwo kale. Ciidankaas horraantiisii waxa ay soo gaartay meesha la yiraahdo Bulqaa’.

Rasuulku SCW wuxuu Madiina ka soo baxay bishii Rajab, sannadkii 9aad ee hijriga isaga oo wata 30,000 oo ciidan ah, waana ciidankii ugu badnaa ee uu Rasuulku SCW duullaan u kaxaysto. Duullaankani wuxuu ahaa kii ugu dambeeyey ee uu Rasuulku SCW u baxo. Wuxuu Rasuulku SCW Madiina madax uga dhigay Maxammed ibnu Maslama, xaasaskiisiina wuxuu Rasuulku SCW uga soo tegay Cali binu Abii-dhaalib.

Nimankii munaafiqiinta ahaa oo had iyo jeer markii ay nabadi jirto dadkooda ku dhex qarsoon, markii dhibku yimaadana bannaanka u soo baxa ayuu duullaankan tabuuk bannaanka u soo saaray oo intii uu Rasuulku SCW duullaanka isu diyaarinayey waxa ay Rasuulka SCW u soo qaddimayeen cudurdaarro been ah oo ay rabeen in ay duullaanka uga haraan, waxaana hadalladoodii ka mid ahaa in qaar ka mid ihi Rasuulka SCW u yimaadeen oo ku dheheen “haweenka reer Asfar (reer Ruum) iskama hayn karno ee ha na fitnaynin”. Allaahna isaga oo tilmaamaya hadalkoodaas wuxuu qur’aankiisa ku yiri:

‘’Waxaa kamid ah (munaadiqiinta) kuwa dhahaya I fasax oo ha I fitnaynin, waxayse ku dheceen fitnadii (oo gaalnimo ah) jahanamaa waa mid koobtay gaalada.’’ [Surat: At-Tawbah, 49]

Sidoo kale waxaa hadalladoodii ka mid ahaa iyaga oo asxaabta tashwiish ku furaya in ay dhahaan “ma roomaanka ayaa lala dagaallami karaa? Maxammed ma wuxuu mooday carabtii oo kale?”. Waxaa kale oo ay yiraahdeen iyaga oo ka hadlaya kulaylkii iyo masaafadii dheerayd “war kulaylka ha u bixinnina”. Allaahna isaga oo hadalkoodaas tilmaamaya wuxuu qur’aankiisa ku yiri:

‘’Waxay ku farxeen kuwii haray fadhigoodii ay ka hareen Rasuulka (csw) iyo in ay neceen ku jihaadida maalkooda iyo naftooda jidka Alle, waxayna dheheen ha ku bixina kulaylka, waxaad ku dhahdaa naarta Jahannama ayaa ka kulayl badan haday wax fahmaayaan.’ [Surat: At-Tawbah, 81]

Munaafiqiintii markii uu Rasuulku SCW baxay way hareen iyaga oo isugu jiray qayb cudurdaar been ah sheegatay iyo qayb aan cudurdaarba sheegan oo iska hartay. Allaah isaga oo ka hadlaya cudurdaarashadooda iyo raacitaankoodu in uusan faa’iido u lahayn Muslimiinta wuxuu qur’aankiisa ku yiri:

‘’Kaama idan waydiistaan kuwa Alle iyo Maalinta Aakhiro rumeeyey in ay ku jihaadaan maalkooda iyo naftooda, Allena waa oguahay muttaqiinta, waxaase ku idan waydiisanaya waxa aan Alle iyo maalinta Aakhiro rumayn oo ay quluubtooda shakiday (Xaqa) iyaga oo ku noqnoqonaya shakigooda, hadday damcaan in ay baxaan waxay diyaarsan lahaayeen qalab, hase yeeshee Alle ayaa idiin nacay bixitaankooda markaasuu dib dhigay, waxaana lagu yiri la fadhiya kuwa haray (Dumarka, Caruurta iyo Naafada).’’ [Surat: At-Tawbah, 44-46]

Waxa ay munaafiqiintu sidoo kale dacaayado ka faafinayeen asxaabtii jihaadka looga reebay cudurdaar dartiis sida Cali binu Abii-dhaalib oo Rasuulku SCW ehelkiisa uga soo tegey, waxa ayna lahaayeen “Cali wuu cuslaysiiyey Rasuulka SCW oo wuu iska reebay”, hadalkoodii ayaa markaa Cali dhibsaday, markaas ayuu Cali hubkiisii intuu qaatay ka daba tegay Rasuulkii SCW oo dhex sii socda, wuxuuna ku yiri “Rasuulkii Allow, munaafiqiintii waxa ay sheegayaan in aan ku cuslaysiiyey oo aad iska kay fududaysay”, markaas ayaa Rasuulku SCW yiri Cali “been bay sheegeen.

Ilaah baan ku dhaartaye waxa aan kuu reebay in aad mas’uul iiga noqotid ehelkaygii iyo ehelkaaga”, waxaa kale oo uu Rasuulku SCW ku yiri “miyaadan ku raalli noqonayn in aad ii joogtid booskii uu Haaruun u joogay Muuse illaa in uusan nabi iga dambayn maahane?”. Ka dib Rasuulku SCW wuu celiyey si uu khaliif uga sii ahaado ehelka Rasuulka SCW.

Duullaankan Tabuuk waxaa kale oo ka haray, munaafaqiinta maahane, dad wanaagsan oo asxaabta ka mid ahaa, waxaana raggaas ka mid ahaa Abaa Khaythama. Abuu Khaythama markii uu Rasuulka SCW ka haray ayaa maalin kulayl darani jiro wuxuu tegey labadiisii guri, markaas ayuu arkay labadiisii xaas oo mid walba u gogoshay geed hoostiis, una diyaarisay raashin, markaas ayuu yiri “Rasuulkii Allena kulayl iyo safar ayuu ku jiraa, Abaa Khaythammana labadiisii xaas ayaa raashin iyo har u diyaariyey.

Ilaah baan ku dhaartaye cuni maayo raashinkiinna, harkiinnana farisan maayo illaa aan Rasuulkii Alle uga tago ee ii diyaariya jescinkaygii”, markii ay u diyaariyeenna rakuubkiisii ayuu qaatay oo Rasuulkii SCW ayuu ka daba tegey, jidkana waxa ay iska heleen nin kale oo asxaabta ka mid ahaa.

Rasuulka SCW iyo asxaabtiisii oo meel degay ayaa waxa ay arkeen raggaas meesha fog ka soo socda, markaas ayey asxaabtii ku dheheen Rasuulka SCW “Rasuulkii Allow niman baa halkaa ka soo muuqda”, markaas ayuu Rasuulku SCW yiri “ahow Abuu Khaythama”, markii uu soo dhowaaday ayey asxaabtii dheheen “Rasuulkii Allow waaba isagii”. Abuu Khaythama iyo saxaabigii markii ay Rasuulka SCW u yimaadeenna wuxuu yiri “Abuu Khaythama maxaa kugu dhacay?”, markaas ayuu Abuu Khaythama qisadii u sheegay, Rasuulkuna SCW wuu u duceeyey.

Dadkii wanaagsanaa oo sidaa kale dib u dhacay waxaa ka mid ahaa Abii Dar Al-Qafaari, markaas ayaa isaga oo meel fog ka soo socda oo alaabtiisii tunka ku wata asxaabtu u sheegeen Rasuulka SCW qofka lugeynaya oo meesha fog ka soo muuqda, markaas ayuu Rasuulku SCW yiri “ahow Abuu Dar”, markii uu soo dhowaaday ayey dheheen “Rasuulkii Allow waaba Abuu Dar”, markaas ayuu Rasuulku SCW yiri “Allaha u naxariisto Abuu Dar waxa uu soconayaa keligiis, wuxuuna dhiman keligiis, waxaana la soo saarayaa keligiis”.

Sidii uu Rasuulku SCW sheegay ayuuna arrinkii noqday oo waqtigii Cusmaan binu Cafaan Khilaafada hayey ayaa Abuu Dar isaga oo meel cidla ah maraya ayna lasocdaan xaaskiisii iyo wiil khaadimkiisa ahaa waxaa qabatay geeridii, markaas ayuu ku yiri xaaskiisii “waxa aan maqlay Rasuulkii Alle oo koox aan ku jiro leh “waxa idinka mid ah nin meel cidla ah ku dhiman doona oo janaasadiisa ay dad muslimiiin ahi u imaan doonaan”.

Ilaah baan ku dhaartaye raggii kale waa wada dhinteen ilaa aniga maahane, nin walbana wuxuu ku dhintay magaalo iyo meel dad joogo, wuxuu u dardaarmay xaaskii iyo wiilkii in ay dhaqaan oo kafnaan ka dibna ay dhigaan wadada oo cida ugu horaysa oo soo marta ay ku dhahaan kani waa Abii Dar saaxiibkii Rasuulkii Alle SCW ee nooogu kaalmeeya duugitaankiisa, markii uu dhintay ayey sidii yeeleen oo dhigeen wadada.

Ciddii u horaysay ee soo marta waxa ay ahayd koox uu Cabdullaahi binu Mascuud ku jiro oo reer Ciraaq ah una socota Cumro, waxay kooxdii arkeen Janaasada wadada dhextaal oo geelay wateeni sigay in uu ku jogsado, waxaa markaa istaagay wiilkii oo yiri “kani waa Abii Dar saaxiibkii Rasuulka SCW ee noogu kaalmeeya duugitaankiisa”. Cabdullaahi binu Mascuud ayaa ashahaatay oo isagoo ooyaya yiri “waa run sheegay Rasuulkii Alle SCW waxaad soconaysaa (Abaa Dar) kaligaa waxaad dhimatay kaligaa waxaana lagu soo bixinayaa kaligaaa, ka dibna waa duugeen.

Ka dib Rasuulka SCW iyo ciidankiisii waxa ay u kicitimeen dhinaca Shaam iyaga oo u socda Tabuuk oo ku taalla xudduuda Sucuudiga iyo Jordan. Ciidanka Rasuulku SCW watay tiro badnaantooda darteed kuma uusan filnayn gaadiidkii iyo sahaydii ay wateen sidaa darteed 18kii ninba waxaa ka dhexeeyey hal rati. Intii ciidankii muslimiiintu waddada Tabuuk sii hayeen waxa uu sii maray meel la yiraahdo Xajar oo ahayd dhulkiii uu Ilaahay ku halaagay reer Thamuud, markaas ayaa dadkii ka waraabsadeen ceelashii, markii ay carraabayeen ayaa Rasuulku SCW ku yiri “ha ka cabbinina biyaheeda, salaaddana ha ugu weyso qaadannina, waxna ha ka cunina”, wuxuu Rasuulku SCW amray in ay ka cabbaan ceelkii ay u aroori jirtay hashii Nabi Saalix.

Cabdullaahi binu Cumar wuxuu yiri “markii uu Rasuulku SCW soo maray Xajar waxa uu yiri “ha gelinnina kuwii naftooda dulmiyey guryahooda (reer Thamuud) illaa idinka oo ooyaya maahane, yuusan idinku dhicin wixii iyaga ku dhacay”. Ka dib Rasuulku SCW madaxiisa ayuu foorariyey, socodkiina wuu dedejiyey ilaa uu meeshii dhaafay.

Ciidankii muslimiinta intii uu jidka sii hayey waxaa qabtay harraad aad u daran illaa ay markii dambe Rasuulka SCW u sheegteen, markaas ayuu Rasuulku SCW Ilaahay u baryey, Allaahna wuxuu u soo diray daruur roob ah illaa ay ka cabbeen oo ay ka dhaansadeen. Sidoo kale intii dhexda la sii socday habeen ayaa Rasuulku SCW ku yiri asxaabta “caawa waxaa idiin imaanaysa dabayl daran ee yaan qof idinka mid ihi kicin, qofkii rati watana ha adkeeyo dabarkiisa”.

Dabayshii ayaa timid, markaas ayaa nin istaagay, dabayshii ayaa qaadday ninkii oo ku tuurtay buurta Dhii’i, halkaasna waxa aan ka garanaynaa amarka Rasuulka SCW oo la khilaafo dhibaatada uu leeyahay. Markii Rasuulka SCW loo sheegay in ninkaas dabayshii qaadday wuxuu yiri “miyaaanan idin dhigin qofna yuusan kicin?”. Markii uu Rasuuku SCW Madiina ku laabtay ayaa reer Dhii’i u keeneen Rasuulka SCW ninkii.

Rasuulku SCW intii uu waddada ku sii jirey salaadda duhur iyo casar wuu jamcinayey, sidoo kale makhribka iyo cishahana wuu jamcinayey oo wuxuu samaynayey Jamcu-Taqdiin iyo Jamcu-Ta’khiir labadaba. Markii uu Rasuulku SCW u dhowaaday Tabuuk wuxuu ku yiri asxaabtii “berri haddii Alle idmo waxa aad tegi doontaan ishii Tabuuk, mana gaareysaan barqadii ka hor ee haddaba qofkii tagaa yuusan biyaheeda wax ka taaban, ilaa aan imaado”.

Markii uu Rasuulku SCW meeshii tegey ayuu arkay labo nin oo uga hor maray biyihii, markaas ayuu weydiiyey oo yiri:

“wax ma ka taabateen isha biyaheeda?”, waxay dheheen “haa”, wuxuu Rasuulku SCW ku yiri wixii Alle doonay.

Ka dib wuxuu Rasuulku SCW ka darsaday wax yar ilaa xoogaa biyo ah uu ka helay, wuxuu ku mayray wejigiisa iyo gacmihiisa wuuna ku celiyey, markaas ayaa ishii biyo badan ka burqadeen oo dadkii ka cabbeen. Ciidankii muslimiintu wuxuu markaas degay Tabuuk oo uu ka dhigtay fariisin, dabadeedna waxa uu Rasuulku SCW u jeediyey ciidankii khudbo aad u xeel dheer isaga oo ku boorrinaya dagaalka lala geli doono cadowga Alle iyo in ay muslimiiintu leeyihiin guusha Adduun iyo Aakhiro.

Roomaankii markii ay maqleen soo bixitaanka Rasuulka SCW iyo awooddiisa ayaa Allaah ku riday rucbi iyo argagax, wayna awoodi kari waayeen in ay dagaal ugu soo baxaan muslimiinta oo goobta yimaadaan, sidaa darteed waxa ay kala aadeen magaalooyinka xuduudkooda gudihiisa ku yaallay oo waxay galeen difaac.

Ciidankii muslimiinta wuxuu Alle u siyaadiyey Ciso iyo sharaf, meel walbana waxaa laga ogaaday guusha muslimiinta iyo baqdintii roomaanka oo waqtigaas dunida ugu xoogga badnaa. Rasuulka SCW iyo ciidankiisii waxa ay Tabuuk degganaayeen 20 beri, waxaana Rasuulka SCW u yimid intii uu meeshaa degganaa qaar ka mid ahaa madaxdii dhulkaas xukumi jirtey iyaga oo doonaya heshiis, iyo in ay jisyo bixiyaan. Waxaa Rasuulka SCW u yimid nin la oran jireyYuxayna binu Rawba oo xukumayey Ayla, wuxuuna Rasuulka SCW la saxiixday heshiis, wuxuuna ballan qaaday jisyo, Rasuulkuna SCW warqad ayuu u qoray taas oo ahayd sidan:

Bismillah

”Tani waa nabadgelyo ka ahaatay Nabi Maxammed, Rasuulkii Alle una ahaatay Yuxayna binu Rawba iyo reer Ayla doonyahooda iyo socotadooda bad iyo berri. Waxa ay ku jiraan nabadgelyadii Alle iyo Nabi Maxammed iyaga iyo ciddii la jirta oo reer Shaam iyo reer Baxar ah. Qofkii iyaga ka mid ah oo dhibaato soo cusboonaysiiya maalkoodu ka celin maayo naftooda, ciddii maal ka qaadata oo dadka ka mid ahna waa u xalaal. Xalaal ma aha in laga manciyo biyo ay aroorayaan iyo waddo ay marayaan bad iyo berriba.”

Sidoo kale waxaa Rasuulka SCW u yimid reer Jarbaa iyo reer adkax waxa ay iyaguna ballan qaadeen in ay jisyo bixiyaan, Rasuulkuna SCW wuxuu u qoray warqad.

Rasuulku SCW intii uu meeshaa joogey wuxuu diray ciidan gaaraya 420 nin oo fardooley ah, madaxna uu u ahaa Khaalid binu Waliid. Wuxuu ciidankaas u diray ninkii la oran jirey Ukaydar binu Cabdi-Malik oo ahaa masiixi xukumayey Duumatul-Jundul. Rasuulku SCW wuxuu ku yiri Khaalid “waxa aad heli doontaa ninkaas oo lo’ duureed ugaarsanaya”.

Khaalid wuu baxay ilaa uu u dhowaaday qalcaddii uu ninkaas degganaa, habeenkaas oo uu jiray dayax, ahaydna waqti kuleyl ah ayaa Ukaydar isaga oo haweentiisii la taagan, waxa ay arkeen lo’ duureed ku xoqanaysa albaabkii dhistooda, markaas ayey haweentiisii ku tiri “weligaa arrintaan oo kale ma aragtay?”, wuxuu yiri “maya, Ilaah baan ku dhaartaye”, waxa ay tiri “tan yaa ka tagay?”, wuxuu yiri “qofna”, ka dib intuu soo degay ayuu amray in faraskiisii loo kooreeyo, markii loo yeelayna wuu soo baxay wuxuu bilaabay in uu ceyrsado isaga oo ay la jiraan koox ehelkiisa ah oo uu ka mid ahaa walaalkiis Xasaan. Ugaartii isaga oo ceyrsanaya ayaa waxaa soo qabtay ciidankii Khaalid watay, walaalkiisna way dileen.

Wuxuu Ukaydar dusha ka gashanaa maro ka samaysnayd xariir dahab lagu qurxiyey, Khaalid ayaa markaa maradii ka qaaday oo Rasuulka SCW u sii diray. Anas bin Maalik wuxuu yiri “waxa aan arkay maradii markii Rasuulka SCW loo keenay iyada oo ay muslimiinti gacmohooda ku taataabanayaan oo ay la yaabban yihiin, markaas ayaa Rasuulku SCW yiri “ma tan baad al yaabaysaan, Allihii nafsaddaydu gacantiisa ku jirtay ku dhaartaye fasaleetiyada Sacad binu Mucaad ee jannada dhexdeeda ayaa ka fiican tan”. Ka dibna Khaalid ayaa u keenay Rasuulka SCW ninkii Ukaydar ahaa, Rasuulkuna SCW ninkaa wuu iska cafiyey, wuxuuna kula heshiiyey in uu jisyo bixiyo, ka dibna Ukaydar waxa uu u noqday ehelkiisii.

Rasuulku SCW wuu soo gaddoomay, intii uu jidka ku soo jirey ayaa 12 nin oo munaafaqiinta ka mdi ahaa damceen in ay dilaan Rasuulka SCW hase yeeshee waa loo waxyooday, waxaana Rasuulka SCW la socday Cammar binu Yaasir oo hoggaanka hasha u hayey iyo Xudayfa binu Yamaam oo hasha gadaal ka waday. Markii ay munaafaqiintii u soo dhowaadeen Rasuulka SCW oo uu shanqartoodii maqlay ayuu u diray Xudayfa si uu u kala cayriyo, markaas ayuu Xudeyfa seeftiisii la baxay oo daabbadahoodii ka hor tegey, markaas ayey kala carareen oo ciidankii dhex galeen. Rasuulku SCW wuxuu ka dib magacyadoodii iyo wixii ay damacsanaayeenba u sheegay Xudeyfa.

Rasuuulku SCW markii uu Madiina u soo dhawaaday ayuu yiri “tani (Madiina) waa dhaaba, kani waa Uxud, waa buur na jecel annaguna aan jecel nahay”. Ka dib Rasuulku SCW wuxuu galay magaaladii Madiina bishii Ramadaan, sannadkii 9aad ee hijriga, wuxuna Madiina ka maqnaa 50 beri.

Sidii sunnada u ahayd Rasuulka SCW markii uu safar ka soo laabto, wuxuu ugu hor galay masaajidka oo uu ku tukaday labo rakcadood, ka dib dadkii ayuu u fariistay. Nimankii munaafaqiinta ahaa oo dhowr iyo siddeetan gaarayey ayaa Rasuulka SCW u yimid iyaga oo u cudurdaaranaya oo been ku dhaaranaya, Rasuulkuna SCW wuu u rumeeyey hadalkoodii oo daahirkoodii ayuu xukumay, laabtoodiina Ilaah ayuu u tala saartay, wuuna u dembi dhaaf weydiiyey hase yeeshee Alle uma dembi dhaafin kamana raalli noqon, wuxuuna qur’aankiisa ku yiri:

‘’U dambi dhaaf waydii ama ha u dambi dhaaf weydiin hadii aad u dambi dhaaf weydiiso todobaatan jeer Alle u dambi dhaafi mayo, maxaa yeelay waxa ay ku kufriyeen Alle iyo Rasuulkiisa (csw), Allena ma hanuuniyo dad faasiqiin ah.’’ [Surat: At-Tawbah, 80]

Intii uu Rasuulku SCW ku maqnaa duullaankii Tabuuk waxaa dhacday in qaar munaafaqiinta ka mid ah ay dhiseen masaajid si ay muslimiinta ugu kala geeyaan, dhufaysna uga dhigtaan. Rasuulka SCW ayey u yimaadeen oo ku yiraahdeen “Rasuulkii Allow waxaan dhisnay masaajid, waxaanna jecel nahay in aad noo timaaddid oo noogu tukatid”, Rasuulkku SCW markii uu damcay in uu tago Ilaahay soo dejiyey aayadahan:

‘’Kuwa weeye (Munaafiqiinta) u yeeshay masaajid dhib iyo gaalnimo iyo in ay kala jabiyaan mu’miniinta, uuna ku dhakado mid horay ula dagaalamay Alle iyo Rasuulkiisa, waxayna ku dhaaranaayaan inaanan wax aan wanaag ahayn doonayn, Allahse waa ogyahay inay been sheegayaan, ha joogsan dhexdiisa waligaa. Masaajid lagu bilaabay maalinkii u horeysay taqwada Allah (Masjidkii Quba) ayaa u xaq leh in aad dhex istaagto, waxaana jooga (Masjidka Quba) rag jecel in ay is daahiriyaan, Allahne waa jecel yahay kuwa is daahiya. Ma qof ku bilaabay dhista (Masaajidkiisa) taqwada Allah iyo raali ahaan shihiisa ayaa khayr badan, mise mid ku bilaabay dhismihiisa god kula dumaya jahannama qarkiis, Allah ma hanuuniyo qoom daalimiin ah, kana suulimaayo dhismahoodii ay dhiseen (sababtii) in quluubtooda uu ku jiro shaki ilaa ay ka googo’do quluubtoodu, Allah waxa uu ahaaday Alle wax walba o goo xakiim ah.’’ [Surat: At-Tawbah, 107-110]

Markaas ayuu Rasuulku SCW amray rag asxaabtiisa ah in ay baxaan oo soo dumiyaan, soona gubaan masaajidkaas.

Halkan waxaa aynu ka qaadanaynaa in shay kasta iyo camal walba oo wanaagsan mar haddii aan Alle dartiis loola jeedin ee dano adduunyo loo sameeyo uusan faa’ido yeelanayn; Allena qofka niyadiisa ayuu u qabanayaa. Rasuulkuna SCW wuxuu yiri “acmaashu waxa ay ahaatay niyada, qof walbana wuxuu leeyahay wixii uu niyoodo. Qofkii ay hijradiisii tahay Alle iyo Rasuulkiisa, hijradiisu waa Alle iyo Rasuulkiisa; qofkii ay hijradiisu tahay adduunyo uu soo helo ama haweenay uu soo guursado, hijradiisu waa waxa uu u hijrooday”.

Mu’miniintii kale oo duullaankaas ka haray oo aan ka qayb gelin waxaa ka mid ahaa Kacab binu Maalik, Muraaro binu Rabbiica iyo Hilaal binu Umaya oo iyagu aan u harin shaki iyo nifaaq balse uu qaaday wahsi iyo naf jeclaysi. Kacab binu Maalik wuxuu yiri “weligay Rasuulka SCW kama harin duullaan uu duulayo marka laga reebo kii Tabuuk iyo Badar oo aan isaga cidna lagu canaanan.

Waxa aan Rasuulka SCW kala qayb galay beycaddii Caqaba 2aad oo aan islaamka isku ballansannay, Badarna kama aan jeclayn Caqaba in kasta oo ay dadku sheeg sheegaan Badar. Hase yeeshee ma jirin mar aan ka xoog badnaa, oo iiga fududayd duullaankii Tabuuk ee aan ka haray. Ilaah ban ku dhaartaye markaas aka hor ma kulmin labo neef (oo aan duullaan u diyaarsado) illaa duullaankaas Tabuuk maahane. Rasuulkuna SCW ma duuli jirin hase yeeshee wuxuu muujin jirey (jihada duullaanka) meel aan ahayn duullaankan Tabuuk maahane.

Rasuulkii Allena wuxuu duulay iyada oo uu jiro kulayl daran, wuxuuna qaabbilay safar dheer iyo caddad badan, muslimiintana wuxuu u caddeeyey arrintaas si ay duullaanka isugu diyaariyaan, muslimiiinta Rasuulka SCW la socdayna way badnaayeen mana jirin diiwaan koobaya, waxaana yaraa nin doona in uu is qariy illaa wuu maleynayey in uu qarsoomi karo haddii aan waxyi xagga Alle ka imaan.

Wuxuu duullay Rasuulkii Alle waqti ay mirihii soo go’een. Anigu waan is diyaariyey hase yeeshee ma aanan samayn, markii ciidankii baxay ayaan damcay in aan ka daba tago hase yeeshee ma aanan samayn. Markii uu Rasuulkii Alle baxay ayaan ku dhex socday dadkii (bal in aan helo dad kale oo wanaagsan oo haray), waxaase i muru geliyey in aanan arag illaa nin nifaaq ka buuxo iyo nin Ilaahay u cudurdaaray maahane”.

Markii uu Rasuulku SCW soo noqday ayuu Kacab cudurdaar aan jirin urusaday si uu Rasuulka SCW ugu raalli geliyo hase yeeshee amrki uu Rasuulka SCW u soo dhowaaday ayuu arrinkaas iska daayey, wuxuuna go’aansaday in uu runta ku dadaalo iyada ayaa adduun iyo aakhiroba badbaadinaysee. Rasuulku SCW markii uu masaajidkii fariistay oo munaafaqiintii oo dhan ay cudurdaar been ah la yimaaddeen ayaa Kacab u soo galay Rasuulka SCW, markaas ayaa Rasuulku SCW dhoolla caddayn uu xanaaq ku jiro oo kale dhoolla caddeeyey, weydiiyeyna Kacab waxa ka reebay duullaanka.

Kacab wuxuu yiri “Rasuulkii Allow SCW Ilaah baan ku dhaartaye haddii aan ag fariisan lahaa cid kale, cudurdaar ayaan u badin lahaa oo waxaa la i siiyey codkarnimo, hase ahaatee Ilaah baan ku dhaartaye waxa aan ogahay haddii aan maanta kuu sheego been ah oo aad iiga raalli noqotid in Ilaahay uu ii caroonayo. Haddiise aan kuu sheego sheeko run ah oo aad wax iigu qaadaysid, waxa aan rajaynayaa cirib dambeedka Alle. Ilaah baan ku dhaartayey wax cudurdaar ah m alihi, Ilaah baan ku dhaartaye maalin aan ka xoog badnaa ma jirin oo ay iiga fududeyd markii aan kaa haray (duullaankii Tabuuk). Rasulku SCW wuxuu yiri “kani waa run sheegay. Kac intii Allaah kaa xukminayo”.

Rag ayaa ka daba kacay Kacab oo ku yiri “war maxaad u cudurdaaran weyday sidii kuwii kale u cudurdaarteen oo kale, waxaa dembigaaga kaafin lahayd dembi dhaaf weydiinta Rasuulka SCW?”, markaas ayuu Kacab ku yiri “cid kale oo ila qabtaa arrinkan (cudurdaar la’aan) ma jirtaa?”, waxa ay dheheen “haa, waxaa kula qaba labo nin oo sidaa oo kale yiri”, markaas ayuu yiri “waa kuwama?”, waxaa la yiri waa “Muraara binu Rabbiic iyo Hilaal binu Umaya”, markaas ayuu Kacab farxay oo yiri “waxa ay ii sheegeen labo nin oo wanaagsan oo dagaalkii Badar xaadiray, ku deyashana iigu sugan tahay”.

Rasuulku SCW wuxuu muslimiiintii ka reebay in ay saddexdaas nin la hadlin inta uu Alle arrinkooda ka xukuminayo. Kacab wuxuu yiri “dhulkii iyo dadkii ayaa isu kaaya beddelay oo dhulkiiba dhulkii aan naqaannay ma aha. Waxa aannu sidaas ahayn 50 habeen, labadii saaxiibna guryahooda ayey iska fariisteen iyaga oo ooyaya laakiinse anigu ragga waan u dhallinyaraa, waanna ugu adkeysi badnaa sidaa darteed waan baxayey oo salaadda ayaan muslimiinta la xaadirayey, suuqyadana waan marayey hase yeeshee qofna ilama hadlay.

Rasuulka SCW waan u imaanaey oo salaamayey salaadda ka dib isaga oo booskiisa jooga, waxa aan is lahaa “salaantii ma kaaga jawaabay oo bishimaha ma dhaqaajiyey mise waa maya”. Ka dib meel u dhow ayaan inta ku tukado fiirmada ku xadayey, markii aan salaadda u jeestana wuu i fiirinayey, markii aan dhiniciisa milicsadana wuu iga jeesanayey.

Markii ay muddadii (nala gooyey) ila dheeraatay ayaan (maalin) waxa aan tegay derbiga beertii Abii Qataada oo in adeerkay ahaa, dadkana aan ugu jeclaa, markaas ayaan salaamay, Ilaah baan ku dhaartaye iima celin salaantii, markaas ayaan ku iri “Ilaah baan kugu dhaarshaye Abii Qataadow miyaadan ogeyn in aan Ilaahay iyo Rasuulkiisa jeclahay?’, wuu iga aamusay, markaas ayaan ku celiyey oo dhaariyey, haddana wuu aamusay, mar saddexaad ayaan ku celiyey, markaas ayuu yiri “Ilaah iyo Rasuulkiisa ayaa u ogaal badan (in aad jeceshahay)”, markaas ayey indhahaygii shubmeen (ooyey) oo aan iskaga tegey.

Goor aan suuqii Madiina si marayo ayaan arkay Nin reer Shaam ah oo ka mid ahaa kuwo cunto Madiina keensaday oo leh “yaa i tusinaya Kacab binu Maalik”, markaas ayey dadkii ii soo tilmaameen illaa uu iiga yimid oo ii dhiibay waraaq ka socota boqorkii Qasaan. Waxaan akhriyey wixii ku qornaa oo aha “intaas ka dib waxaa i soo gaartay in saaxiibkaa (Rasuulk SCW) uu ku gooyey, Allena kuma yeelin daar dulli ah ee na soo haleel aan ku darajeynee”, markii aan dhammeeyey ayaan iri “tanina imtixaanka ayey ka mid tahay”, markaas ayaan gubay warqaddii.

Kacab oo sheekadiisi wata wuxuu yiri “Markii ay dhammatay 40 habeen oo 50kii habeen ka mdi aha ayaa waxaa ii yimid adeege uu Rasuulku SCW ii soo diray , wuxuuna igu yiri “Rasuulkii Alle wuxuu ku amrayaa in aad xaaskaaga ka dheeraatid”, markaas ayaan iri “maxaan sameeyaa, miyaan furaa?”, wuxuu yiri “maa ee ka fogow oo ha u dhowaan”, saaxiibadayna waa loo cid diray oo sidaas oo kale ayaa loo sheegay.

Waxaan markaas xaaskaygii ku iri “u tag reerkiina oo la joog inta Alle ka xukumayo arrinkaan”, haweentii Hilaal ayaa markaas Rasuulka SCW u tagtay oo ku tiri “Rasuulkii Allow Hilaal binu Umaya waa odey dayacan oo aan khaadim lahayn ee ma kahanaysaa haddii aan u adeego?”, markaas ayaa Rasuulku SCW yiri “maya, laakiinse yuusan kuu dhowaan”, waxay tiri “Ilaah baan ku dhaartaye kama suulin in uu ooyayo (Hilal) laga soo bilaabo markii uu amarku ahaaday ilaa maalinkiisan (maanta).

Dad cidahayga ka mid aha ayaa igu yiri “haddii aad Rasuulka SCW uga idan qaadan lahayd xaaskaaga sida haweenka Hilaalba ay uga idan qaadatay khidmayntisa”, markaas ayaan ku iri “uga idan qaadan maayo, maxaa i ogeysiiyey waxa uu i dhihi doono Rasuulka Alle markaan uga idan qaato aniga oo nin dhallinyaro ah”.

Markii aan 10 habeen sii joognay ayaa subaxdii 50aad guri guryahaygii ka mid ah ku tukaday salaaddii fajar aniga oo siduu Alle nagu sheegay u fadhiya oo naftaydii igu ciriirsantay, dhulkiina igu yaraaday waxa aan maqlay cod ka dhawaaqaya (buurta) oo codkiisii ugu sarreeyey ku leh “Kacab binu Maalikow bishaarayso”, markaas ayaan sujud la dhacay, waxaana aqoonsaday in u faraj yimid, Rasuulkuna SCW wuxuu dadkii ogeysiiyey towbaddayadii markii uu salaaddii subax tukaday, markaas ayey dadkii baxeen iyaga oo noo bishaaraynaya, saaxiibadayna waxaa aaday kuwo u bishaaraynaya, anigana waxaa i soo aaday nin faras saaran.

Nin kale oo reer Aslam ahna wuxuu u soo orday dhinacayga oo wuxuu fuulay buur, codkiisii ayaana ka soo dheereeyey faraskii. Markii uu ii yimid kii aan codkiisa maqlay ayaan u siibay maradaydii oo ku dhareeyey bishaaradiisa darteed, Ilaah baan ku dhaartaye maalinkaasna maryo kale haysan, waxaan soo caariyeystay labo maro oo ka dib soo aaday Rasuulka SCW.

Dadkii ayaan markaas iila kulmay koox koox iyaga oo iigu bishaaraynaya towbada Alle ilaa an masaajidka ka galay oo arkay Rasuuulkii Alle oo ay dadku hareerihiisa fadhiyaan, markaas ayuu Dalxa binu Cubeydillaah istaagay oo ii tahniyadeeyey, Ilaah baan ku dhaartaye nin kale oo muhaajiriin ka mid ah ma istaagin”. Kacab wuxuu ahaa mid aan Dalxa hilmaamin.

Kacab wuxuu yiri “markii aan Rasuulkii Alle salaamay, isaga oo farxaddu wejigiisa ka ifayso ayuu igu yiri “ku bishaarayso kheyr (kii ugu waynaa) maalin ku soo marta ilaa iyo markii ay hooyadaa ku dhashay”, markaas ayaan iri “Rasuulkii Allow ma xaggaagaa mise xagga Rabbi?”, wuxuu yiri “maya ee waa xagga Allaah”, Rasuulka Allaahna wuxuu ahaa (mid) markii uu farxo wejigiisu uu iftiimi jirey ilaa uu ka noqdo gobal dayax ah oo kale. Markii aan Rasuulka SCW soo horfariistay ayaan ku iri “Rasuulkii Allow towbaddayda darteed ma uga siibtaa maalkayga sadaqo Alle iyo Rasuulkiisa?”, wuxuu yiri Rasuulku SCW “hayso maalkaaga qaarkis, sidaas ayaa kuu kheyr badane”, markaas ayaan iri “waxa aan haysanayaa sahmigaygii Khaybar”.

Ka dib waxa aan iri “Rasuulkii Allow Ilaah kor ahaaye wuxuu igu badbaadiyey runtaydii, towbaddaydana waxaa ka mid ah in aan inta aan noolahay wax aan run ahayn sheegin. Ilaah baan ku dhaartaye ma ogi qof muslimiinta ka mid ah oo Alle ku imtixaamay run sheegid oo ka wanaagsan wixii uu Alle igu imtixaanay laga soo bilaabo markii aan arrinkaas Rasuulka SCW u sheegay. Ilaah baan ku dhaartaye uma qasdan been laga soo bilaabo markii aan arrinkaas Rassuulka SCW ku iri ila maanta, waxa aan rajaynayaana in Alle iga xifdiyo (beenta) inta ii dhiman Cimrigayga. Aayadihii uu Allaah SW ku soo dejiyeyn towbada saddexdaas nin iyo asxaabtii kaleba waxa ay ahaayeen kuwan.

‘’Allah waxa uu ka tawbad aqbalay Nabiga, muhaajiriin iyo ansaartii raacday waqtigii culayska ka dib markii ay u dhawaatay in ay iilato koox ka mid ah quluubtooda, dabadeeda uu ka tawbad aqbalay, wuxuuna ahaaday Allah mid u tura iyaga oo u naxariista, (sidoo kale waxaa uu Allah ka tawbad aqbalay) seddexdii la dib dhigay ilaa uu kaga ciriiryawmay dhulkii isgoo waasic ah, kuna ciriiryawmay dhulkii, una maleeyeen (yaqiinsadeen) inaysan jirin meel Allah laga magan galo isaga ma ahane, ka dibna uu ka tawbad aqbalay oo ay tawbad keenaan, Allah waxa uu ahaaday tawbad aqbale naxariista.’’ [Surat: At-Tawbah, 117-118]

Kacab wuxuu yiri “Ilaah baan ku dhaartaye Alle hore iiguma nimcayn nimco nafsaddayda uga weyn runtii aan u sheegay Rasuulka ka dib markii uu islaamka Alle igu hanuuniyey”. Allaahna kor ahaaye markii uuu waxyiga soo dejiyey wuxuu u yiri kuwii beenaalayaasha ahaa wixii uu qof u yiraahdo kii ugu shar badnaa, wuxuuna ku yiri qur’aankiisa:

‘’U dambi dhaaf waydii ama ha u dambi dhaaf weydiin hadii aad u dambi dhaaf weydiiso todobaatan jeer Alle u dambi dhaafi mayo, maxaa yeelay waxa ay ku kufriyeen Alle iyo Rasuulkiisa (csw), Allena ma hanuuniyo dad faasiqiin ah.’’ [Surat: At-Tawbah, 80]

Intaas ayuu ku dhamaaday Duullaankii Tabuuk waxaana si wanaagsan uga warrantay Suuratu-Tawbah (Baraa’ ), wuxuuna ahaa saan soo sheegnayba duullaan uu Rasuulku SCW ka qayb galo kii ugu dambeeyey uguna ciidan badnaa. Isla sannadkaa 9aad ee hijriga, waxaa iyaguna dhacay dhowr arrimood oo u baahan in wax laga tilmaamo, waxa ayna kala ahaayeen:

  1. Ka soo noqodkii Rasuulka SCW ee duullaankii Tabuuk, waxaa dhacday qisadii Licaanka ee dhex martay Cuwaymir iyo xaaskiisii.
  2. Waxaa la rajmiyey (dhagax lagu dilay) haweentii Qaamidiya oo ahayd mid ictiraaftay in ay faaxisho (sino) ku dhacdo, waxaana la rajmiyey markii ay muddadii naas nuujinta ilmaheedu u dhammaatay.
  3. Waxaa geeriyooday Najaashe (boqorkii Xabashida), wuxuuna Rasuulku SCW ku tukaday janaaso (Salaatul-Qaa’ib).
  4. Waxaa la oofsaday gabadhii uu Rasuulku SCW dhalay ee Ummu Kalthuum, Rasuulkuna SCW aad ayuu uga tiiraanyooday, wuxuuna Cusmaan binu Cafaan oo gabadha qabay ku yiri “haddii ay gabadh saddexaad ii joogi lahayd waan kuu guurin lahaa”.
  5. Waxaa dhintay madaxii munaafiqiinta ee Cabdullaahi ibnu Ubay ibnu Salool, Rasuulkuna SCW waa u dembi dhaaf weydiyey oo wuxuu damcay in uu ku tukado, markaas ayaa Cumar binu Khadhaab ku dhegay oo ka joojiyey, ka dibna waxaa soo degay aayaddan qur’aanka ah oo ayideysa ficilkii Cumar.

‘’Ha ku tukanin axad ka mid ah (Munaafiqiinta) oo dhintay waligeed, hana dul istaagin qabrigiisa, maxaa yeelay waxa ay ku kufriyeen Allah iyo Rasuulkiisa, waxayna dhinteen iyaga oo faasiqiin ah.’’ [Surat: At-Tawbah, 84]

Waxaa isku soo dubaridey:
Osman Bilad
Email: osmanbilad@hotmail.com