Kitaabka

Siirada Suubanaha Rasuulka (csw)
Qaybta 79aad

Waxaa isku soo dubaridey:
Osman Bilad

Taxanaha: Siirada Suubanaha Rasuulka (csw)

Decorative Lines

Caamul Wufuud
Sannadkii Wufuuda

Hordhaca:

  1. Wafdigii Reer Cabdi QAYS
  2. Wafdigii Reer DAWS
  3. Soo Islaamiddii Farwa Binu Camar Al-Judami:
  4. Wafdigii SADDAA
  5. Imaanshihii Kacab Binu Suhayr:
  6. Wafdigii Reer CUDRA
  7. Wafdigii Reer BALII
  8. Wafdigii Reer THAQIIF
  9. Wafdigii Reer BANII FASAARA
  10. Wafdigii Reer NAJRAAN:
  11. Warqadii Boqoradii Yemen:
  12. Warqadii Musaylamtu-Kaddaab:

Sidii aynu soo tilmaanay Fatxu-Makka waxa ay ahayd arrinka kala saartay xaqii iyo baadilkii, jirridahana u goysay shirkigii iyo diin la’aanti ka jirtay Khaliijul-Carab, waxaana suulay shakigii ay dad badani ka qabeen Nabiga SCW iyo diinta Alle oo waxaa loo soo kala tartamay markan diinta Alle, taasna waxaan ka garanaynaa in ciidankii muslimiin oo ahaa 10,000 duullaankii Makka uu gaaray 30,000 duullaankii Tabuuk, isla sannadkii ku xigey ee 10aadna waxa ay muslimiintu gaarayeen 100,000.

Labadaas sano ee 9aad iyo 10aad waxaa islaamka soo galay dad ka badan intii islaamtay 21kii sano ee ka horreeyey, waxaana si is daba joog ah Madiina ugu soo qulqulayey wafdiyo ka kala imaanayey magaalooyinkii iyo baadiyihi Jasiiratul-Carab. Wufaaddaas oo ay culimada siiradu gaarsiiyaan in ka badan 70, waxa aan soo qaadanaynaa intii ugu muhiimsanayd ama ay faa’idada taariikheed ku jirto, waxa ayna kala ahaayeen:

1.| Wafdigii Reer Cabdi QAYS

Reer Cabdi Qasy waxa ay lahaayeen labo wafdi. Wafdiga hore waxaa uu yimid sannadkii 5aad ee hijriga ama ka hor oo nin iyaga ka dhashay oo l oran jirey munqid binu Xiyaan ayaa ganacsi u soo aaday Madiina, markii uu yimid ayuu ka war helay islaamka, ka dibna wuu islaamay, Rasuulka SCW ayaa markaas warqad ugu sii dhiibay reerkiisii, iyagiina way islaameen, waxa ayna bishii xurmada lahayd soo dirsadeen wafdi ka kooban 13 ama 14 nin. Rasuulku SCW ayey wax ka waydiiyeen iimaanka iyo weelasha lagu cabo (waxa lagu sakhraamo). Waxaa hoggaamiye u ahaa Ashjac Casari oo ahaa ninkii uu Rasuulku SCW ku yiri “waxaad leedahay labo Khaslo (sifo) oo Alle jecel yahay: Dulqaad iyo Kaadsiiyo”.

Wafdiga labaadna wuxuu yimid sannadkii 9aad ee hijriga, waxa ayna dhammaayeen 40 nin oo uu ku jirey Jaaruud binu Calaa oo ahaan jirey maxiixi ka dibna islaamay, islaamkiisiina wanaagsanaaday.

2.| Wafdigii Reer DAWS

Wafdigani wuxuu yimid Madiina bilowgii sannadkii 7aad ee hijriga Rasulka SCW oo ku maqan Khaybar. Waxaa jirtey in nin la oran jirey Dufayl ibnu Camar Al-dawsi oo qabiilkan ka tirsan uu islaamay intii uu Rasuulku SCW Makka joogey, ka dibna wuxuu ku laabtay dadkiisii si uu islaamka ugu yeero hase yeeshee way diideen, markii uu ka quustay ayuu Rasuulka SCW u yimid oo ka codsaday in uu reer Daws u duceeyo, markaas ayaa Rasuulku SCW u duceeyey oo yiri “Allahayow haniini reer Daws”, markii uu ku laabtay ayey islaameen. Wuxuu Dufayl markaas soo kaxaystay 70 ama 80 reer oo qabiilkiisa ka mid ahaa, waxayna yimaadeen Madiina Rasuulka SCW oo Khaybar ku maqan, ka dibna way ka daba tageen.

3.| Soo Islaamiddii Farwa Binu Camar Al-Judami.

Farwa binu Camar wuxuu ahaa hoggaamiye carbeed oo ka mid ahaa hoggaamiyayaashii roomaanka, wuxuuna qaabbilsanaa carabtii raacsanayd roomaanka, wuxuuna xukumayey meesha la oran jirey Macaan oo Shaam ka tirsanayd. Farwa markii uu arkay geesinnimada iyo adadkaanta muslimiinta iyo weliba wacdarihii ay ka muujiyeen dagaalkii Mu’ta ee sannadkii 8aad ee hijriga ayuu islaamka qaatay, wuxuuna Rasuulka SCW u soo diray nin si uu u ogeysiiyo islaamnimadiisa, baqal cadna wuu u soo hadiyeeyey Rasuulka SCW.

Markii ay roomaankii ogaadeen islaamnimada Farwa ayey qabteen oo xireen, ka dibna waxa ay kala doorransiiyeen dhimasho iyo in uu diintiisa ka noqdo, wuxuuse doortay dhimasho, markaas ayey ku salbiyeen meel la oran jirey Cafraa oo dhulka Falastiin ku taalla, halkaas ayeyna ku dileen.

4.| Wafdigii SADDAA

Wafdigani wuxuu yimid markii uu Rasuulku SCW ka soo gaddoomay Jacraana, sannadkii 8aad ee hijriga. Rasuulka SCW ayaa ciidan 400 gaarayey u direy meesha la oran jirey Sadaa oo Yaman ka mid ahayd, markii uu ciidankii baxay oo gaaray meel la yiraahdo Sadru-Qanaat ayaa waxaa ka war helay nin qabiilkaa u dhashay oo la oran jirey Siyaad binu Xaarith Al-sadaa’i, markaas ayuu Rasuulka SCW soo aaday, markii uu u yimidna wuxuu ku yiri “waxa aan u imid wafdi ahaan iyo in aan matalo cidda iga dambaysa (tolkiis) ee soo celi ciidanka, aniga ayaa kaaga mas’uul ah tolkeyga”, markaas ayuu Rasuulku SCW ciidankii ka soo celiyey Sadru-Qanaat, Siyaadna wuxuu u tegey qabiilkiisii oo jeclaysiiyey in ay u tagaan Rasuulka SCW, markaas ayey wafdi soo dirsadeen. Wafdigaas oo ka koobnaa 15 nin waxa ay Rasuulka SCW kula mubaayacoodeen islaamka, ka dibna waxa ay u laabteen reer koodii, waxa ayna ugu yeereen islaamka ilaa uu islaamkii ku faafay dhexdoodii.

5.| Imaanshihii Kacab Binu Suhayr.

Kacab binu Suhayr wuxuu ahaa nin gabyaa ah oo ka mid ahaa raggii carab ugu caansanaa, wuxuuna gabaygiisa ugu hanjabi jirey Rasuulka SCW. Markii uu Rasuulku SCW ka soo gaddoomay duullaankii Daa’if, sannadkii 8aad ee hijriga ayaa Jubayr binu Suhayr oo Kacab walaalkiis ahaa u qoray waraaq uu ugu sheegayo in Rasuulku SCW markii uu Makka furtay uu laayey rag reer Makka ahaa ee reer qureysh (ee gabayga Rasuulka SCW ku dhibi jirey) ay jihooyinkii u kala carareen, marka wuxuu ku yiri “haddii aad naftaada wax dan ah ka leedahay Rasuulka SCW u imow maxaa yeelay Rasuulku ma dilo qof u yimid isaga oo toobad keen ah, haddiise aadan sidaas yeelaynin magangal meeshii aad ku badbaadaysid”.

Muddo ayey labadaas nin oo walaalaha ihi sidaas waraaqaha isu dhaafsanayeen ilaa uu Kacab dhulkii ku soo ciriirismay oo uu naftiisii u baqay, markaas ayuu Madiina yimid, wuxuuna ku soo degay nin muslimiinta ka mid ah. Ninkii ayuu salaaddii subax u soo raacay, markii salaaddii laga baxay ayuu ninkii u tilmaamay Rasuulkii Alle SCW, markaas ayuu Kacab Rasuulka SCW soo ag fariistay oo gacanta gacanta u saaray, kuna yiri “Rasuulkii Allow Kacab binu Suhayr ayaan yimid isaga oo ku soo magan galay oo toobad keenay, muslimna ah ee ma ka aqbali haddii aan kuu keeno”,

Rasuulka SCW oo aan Kacab aqoon u lahayn ayaa yiri “haa”, markaas ayuu Kacab yiri “waa aniga Kacab binu Suhayr”, markaas ayaa waxaa soo booday nin Ansaartii ka mid ah oo Rasuulka SCW ka idan dalbay si quurto ugu dheereeyo Kacab, waxaase uu Rasuulka SCW ku yiri “dhaaf, wuxuu yimid isaga oo toobad keenay oo ka qoomameeyey wixii uu sameeyey”, markaas ayuu Kacab tiriyey gabay uu ku cudurdaaranayo, kuna ammaanayo Rasuulka SCW, ka dibna wuxuu tiriyey mid kale oo uu ku ammaanay Muhaajiriin keliya maxaa yeelay Ansaar waxaa ka mid ahaa ninkii dilkiisa u idan dalbayey hase yeeshee Kacab markii ay islaamnimadiisu wanaagsanaatay ayuu Ansaar u tiriyey ammaan ah.

6.| Wafdigii Reer CUDRA.

Wafdigan wuxuu yimid bishii Safar, sannadkii 9aad ee hijriga, wuxuuna ka koobnaa 12 nin, wayna islaameen, waxa ayna joogeen maalmo. Rasuulku SCW wuxuu ugu bishaareeyey in Shaam la furan doono, wuxuuna ka reebay wax su’aalidda curaafyada iyo gowracii ay u gowraci jireen Allaah cid aan ahayn, ka dibna way laabteen. Sida aynu arkayno Rasuulka SCW markii ay qolo u timaado oo uu iimaanka ikyo islaamkau sheego wuxuu u raacsiinayey in uu ka reebo xumantii ay qolo kasta caanka ku ahayd ama ugu badnayd waana sida ku cad qur’aanka marka uu tilmaamayo qisooyinka Rususha. Taas micneheedu ma aha in xumaatooyinka kale aan la iska reebin ee waxa ay tahay in ay habboon tahay in qofka laga reebo xumaatada uu ku jiro intii laga reebi lahaa mid uusan kuba jirin.

7.| Wafdigii Reer BALII

Waxa uu wafidgani Rasuulka SCW u yimid bishii Rabbiicul-Awal, sannadkii 9aad ee hijriga, ka dibna way islaameen, Madiinana waxa ay joogeen saddex beri. Ninkii madaxda u ahaa oo la oran jirey Abuu Dabiib wuxuu Rasuulka SCW weydiiyey in ajar laga helayo marti soorka, Rasuulkuna SCW wuxuu ku yiri “haa, wanaag kasta oo uu sameeyo qof faqiir ama hodan ihi waa sadaqo”. Wuxuu haddana Abuu Dabiib su’aalay muddada marti soorka, Rasuulku SCW wuxuu yiri “waa saddex beri”. Su’aal saddexaad wuxuu Abuu Dibiib ka weydiiyey baadida ariga, markaas ayuu Rasuulku SCW yiri “waxaa iska leh adiga ama walaalkaa (kii ay ka luntay) ama dhurwaa”, geela baadida ah ayuu haddana su’aalay, Rasuulkuna SCW wuxuu yiri “iska dhaaf ilaa qofkii lahaa uu ka helo”.

8.| Wafdigii Reer THAQIIF

Reer Thaqiif oo ahaa qabiilkii deganaa magaalada Daa’if waxa auu Wafdigoodu Rasuulka SCW u yimid bishii Ramadaan, sannadkii 9aad ee hijriga. Sidii aan soo sheegnay Rasuulku SCW waa tii uu hijrada ka hor Daa’if ugu tegey reer Thaqiif oo islaamka ugu yeeray hase yeeshee ay diideen oo Rasuulka SCW dhib soo marsiiyeen. Furashadii Makka ka dib Rasuulku SCW waa tii uu ku duullay Xunayn iyo Daa’if, markii uu ka soo laabtay bishii Dul-Qacada ee sannadkii 8aad ee hijriga ayaa isaga oo aan weli Madiina gaarin waxaa u yimid odeygii reer Thaqiif ee Curwa ibnu Mascuud, wuuna islaamay, ka dibna wuxuu ku laabtay tolkiis oo uu islaamka ugu yeeray, una malaynayey in ay raacayaan maxaa yeelay wuxuu ahaa nin ay jecel yihiin hase yeeshee meel walba fallaar ayey ug asoo tuureen ilaa ay ka dileen.

Muddo ka dib markii ay arkeen in aysan lahayn awood ay iskaga dhiciyaan qabiillooyinkii ku hareeraysaa oo islaamka raacay ayey isku raaceen in ay Rasuulka SCW u cid dirsadaan. Waxa ay u bandhigeen in uu Rasuulka SCW u aado nin la oran jirey Cabdiyaaliis binu Camar hase ahaatee wuu ka diiday isaga oo ka baqaya in markii uu soo noqdo ay u dilaan sidii Curwa oo kale, wuxuuna ku yiri “ma samaynayo arrinkaas ilaa aad rag igu dartaan”, markaas ayey ku dareen 5 nin oo uu ku jirey Cusmaan binu Abil-Caas Al-thaqafi oo ahaa wiil dhalin yaro ah.

Markii ay Rasuulka SCW u yimaadeen ayuu Rasuulku SCW khaymad (teendho) uga dhisay dhinaca masaajidka si ay u dhegaystaan qur’aanka oo u arkaan amrkii ay dadku tukanayaan. Rasuulku SCW wuxuu ugu yeeray islaamka, hase yeeshee ninkii madaxda u ahaa ayaa u qoray Rasuulka SCW arrin uu rabo in uu ku heshiisiiyo Rasuulka SCW iyo reer Thaqiif taas oo ah in loo idmo reer Thaqiif sinada iyo Khamriga iyo in loo daayo sanamkoodii Laata, asnamtoodana aysan gacantooda ku jejebin.

Rasuulku SCW arrimahaas oo idil wuu ka diiday, markaas ayey wada tashadeen hase yeeshee ma aysan helin meel ay uga fakadaan isu dhiibidda Rasuulka SCW, markaas ayey is dhiibeen oo islaamka qaateen. Waxa ay Rasuulka SCW u shardiyeen in uu la wareego duminta Laata ee aysan iyagu gacantooda ula tegin, Rasuulkuna SCW waa ka yeelay. Rasuulku SCW wuxuu u qoray warqad, wuxuuna madax uga dhigay wiilkii ugu yaraa ee Cusmaan binu Abil-Caas maxaa yeelay isaga ayaa ugu dadaal badnaa xagga fahamka islaamka iyo qur’aanka oo maalin kasta ayuu Rasuulka SCW u tegi jirey oo ka baran jirey qur’aanka, diintana wax ka weydiin jirey.

Wafdigii waxa ay ku laabteen reerahoodii waxa ayna ka qariyeen xaqiiqadii oo dagaal ayey ku cabsi geliyeen, waxa ayna u sheegeen in uu Rasuulku SCW amray in ay joojiyaan sinada, khamriga, ribada iyo xumaanta oo dhan haddii kale uu la dagaallamayo, markaas ayey reer Thaqiif ficiloodeen oo labo beri ama saddex beri sugayeen oo diyaar u ahaayeen dagaal hase yeeshee markii dambe ayaa Alle qulubtoodii ku riday baqdin iyo argagax, waxa ayna wafdigii ku dheheen “noqda oo u oggolaada Rasuulka SCW waxa uu rabo”, markaas ayey nimankii wafdiga ahaa u sheegeen xaqiiqdii iyo wixii ay kula soo heshiiyeen Rasuulka SCW, reer Thaqiifna islaamkii ayuu qaatay.

Ka dibna wuxuu Rasuulku SCW diray ciidan uu hoggaaminayey Khaalid binu Waliid si uu u soo dumiyo sanamkii Laata, markaas ayey Khaalid iyo ciidankiisii baxeen oo soo dumiyeen Laata, dhulkana la simeen, ka dibna inta ay aasaaskiisii qodeen oo ay ka soo bixiyeen xuliyadihiisii iyo dharkiisii, ayey reer Thaqiifna u sheegeen in aan sanam iyo wixii Ilaahay ka soo haray oo dhami aysan waxba tarayn, markaas ayey reer Thaqiif quusteen oo ogaadeen xaqiiqdii. Khaalid iyo raggiisii waxa ay markaa ku soo laabteen Rasuulkii SCW iyo Madiina, waxa ayna u keeneen xuliyadihii iyo wixii ay meesha ka soo heleen, markaas ayuu Rasuulku SCW u qaybiyey iyagii, Allaahna ku mahdiyey guusha diinta Alle iyo ciribtirka shirkiga.

Ka dib markii uu Rasuulku SCW dhintay oo ay qabiillooyin badan ka riddoobeen diinta islaamka ayey reer Thaqiif go’aansadeen in ay diinta ka noqdaan. Cusmaan Abil-Caas oo ahaa wiilkii uu Rasuulku SCW mas’uulka uga dhigay ayaa yiri isaga oo la talinaya tolkiis “reer Thaqiifow w3axa aad ahaydeen dadkii ugu dambeeyey islaamka ee ha noqonina kuwa ugu horreeya oo ka baxa”. markaas ayey ka joogsadeen gaalnimadii oo islaamkii ku sugnaadeen.

9.| Wafdigii Reer BANII FASAARA

Wafdigani wuxuu Rasuulka SCW u yimid sannadkii 9aad ee hijriga, markii uu Rasuulku SCW ka soo laabtay Tabuuk, waxa ayna ahaayeen dhowr iyo toban nin, waxa ayna yimaadeen iyaga oo islaamka qiraya, dabadeedna waxa ay Rasuulka SCW u sheegteen abaar daran oo dhulkooda heshay, markaas ayuu Rasuulku SCW memberka fuulay oo Alle u baryey.

10.| Wafdigii Reer NAJRAAN:

Waxa uu wafdigani Rasulka SCW u yimid sannadkii 9aad ee hijriga, waxa ayna dhammaayeen 60 nin oo ay ku jiraan odayaashoodii iyo madaxdoodii. Najraan wuxuu ahaa dhul ballaaran o ka kooban 73 magaalo oo u dhexeeyey Makka iyo Yaman, waxaana dadkaan u dagaal geli jirey 100,000 oo nin, waxa ay na hasteen diinta masiixiga. Wafdigan markii uu Madiina yimid ayaa Rasuulku SCW la kulmay oo islaamka ugu yeeray, qur’aankana ku dul akhriyey hase yeeshee way diideen, waxa ayna Rasuulka SCW weydiiyeen waxa u ka aaminsan yahay Nabi Ciise, markaas ayaa waxaa Nabiga ku soo degay aayadahan:

” Tilmaanta ciise Alle waa sida (Nabi) Aadam, wuxuu ka abuuray ciid markaasuu u yir Ahow waana ahaaday, xaqu rabbigaa buu ka ahaaday ee ha noqonin kuwa shakiya. Cidii kugula doodda markuu cilmigu kuu yimid ka dib waxaad tiraahdaa kaalaya aan u yeeranno caruurtayada iyo caruurtiina haweenkagaya iyo haweenkiina iyo naftayada iyo naftiina, ka dibna aan habaartanno oo aan yeelno nacaladda Alle beenaalayaasha dushooda.” [ Surat: Aali-Cimraan 59-61]

Rasuulku SCW markii uu maalinkii dambe waaberiistay ayuu u sheegay arrinka Nabi Ciise iyo tilmaamaha ay ka bixiyeen aayaduhu, ka dibna wuu ka tegey maalinkaa si ay uga soo fekeraan arrinka hase yeeshee way diideen in ay qiraan waxa uu qur’aanku ka sheegay Nabi Ciise. Markii ay islaamkii diideen ayuu subaxdii dambe Rasuulku SCW isaga oo fulinaya arrinta ay aayaddu timaantay oo ah mubaahalada (habaartanka) ayuu nimankii ugu yeeray habaartan, wuxuuna soo kaxaystay gabadhiisii Faadumo iyo labadeedii wiil Xasan iyo Xuseen hase yeeshee nimankii markii ay arkeen in ay arrintu dhab ka tahay Rasuulka SCW aye baqeen, ka dibna inta ay tashadeen ayey isu yiraahdeen “yaannaan samayn (habaartanka).

Ilaah baan ku dhaarannaye haddii uu nabi yahay oo uu na naclado waxba inaga hari maayaan innaga iyo ciribteenaba”, dabdeedna Rasuulka SCW ayey u yimaadeen oo amarkoodii u bandhigeen, waxa ayna ku dheheen “wixii aad na weydiisato ayaan ku siinaynaa (oo jisyo ah)”, Rasuulkuna SCW jisyadii ayuu ka yeelay wuuna la heshiiyey, wuxuuna kula heshiiye 2,000 oo xuliyadood in ay bixiyaan oo 1,000 bixiyaan bisha Rajab, kunka kalena bisha Safar, wuxuuna siiyey magan gelyada Alle iyo Rasulka SCW, wuxuuna u qoray warqad. Ka dib waxa ay Rasuulka SCW ka dalbadeen in uu ku daro Abuu Cubeyda ibnu Jarraax si loogu soo dhiibo malkii lagu heshiiyey. Dabadeedna islaamkiii ayaa ku faafay oo ummad badan ayaa islaamtay, markaas ayuu Rasuulku SCW u diray Cali binu Abii-dhaalib si uu muslimiinta uga soo ururiyo sakada, gaaladana uga soo qaado jisyada.

11.| Warqadii Boqoradii Yemen.

Markii uu Rasuulku SCW ka soo laabtay duullaankii Tabuuk ayaa waxaa u yimid warqad ay soo direen boqorradii Xumayr o kala ahaa: Xaarith binu Cabdi-kilaal, Nucaym binu Cabdi-Kilaal, Nucmaan binu Qiil, Hamdaan iyo Mucaafir. Ninki ay Rasuulka SCW u soo direen waxaa la oran jirey Maalik binu Murra. Waxa ayna ninkaas u soo direen si ay u ogeysiiyaan Rasuulka SCW in ay islaamka qaateen oo shirkigii iyo gaalnimadii ka baxeen, Rasuulkuna SCW wuxuu u qoray warqad uu ku caddeeyey waxa ay muslimiint leeyihiin iyo waxa dushooda ah, gaalada heshiiska lala leeyahayna wuxuu siiyey maganta Alle iyo tan Rasuulka SCW haddii ay bixiyaan waxa laga rabo oo jisyada ah, wuxuuna u diray dhulkooda rag asxaabta ka mid ah si ay dacwada islaamka ugu faafiyaan, raggaas waxaa madax u ahaa Mucaad binu Jabal.

12.| Warqadii Musaylamtu-Kaddaab.

Ninkii la oran jirey Musaylama binu Xabiib oo xukumayey Yamaama wuxuu ahaa nin aad u shar badan , sheegtayna in uu yahay nabi, wuxuuna Rasulka SCW u soo diray warqaddan:

  • Ka socota Musaylama, (Rasuulkii Alle)
  • Ku socota Maxammed, Rasuulkii Alle

Nabadgelyo dushaada ha ahaato intaas ka dib waan kula wadaagsaday amarka (nabinnimada), annagu waxa aan leenahay dhulka nuskiis, qureyshna nuska kale laakiin qureysh waa dad xad gudbay.

Warqaddaas wuxuu u soo dhiibay labo nin, marki ay Rasuulka SCW u keeneen ayuu Rasuulku SCW ku yiri “maxaad ka aamminsan tihiin (ninkaas)?”, markaas ayey yiraahdeen “waxa aan ka aamminsan nahay wixii uu yiri”, wuxuu markaas Rasuulku SCW ku yiri “Ilaah baan ku dhaartayey rusushu in aysan wax dilin haddii aysan ahayn qoorta ayaan idinka goyn lahaa”, ka dibna wuxuu Rasuulku SCW u qoray ninkaas warqaddan:

Bismillaahi Ar-Raxmaani Ar-Raxiim:

  • Ka socota Maxammed, Rasuulkii Alle
  • Ku socota Musaylamatul-Kiddaab (beenlow)
  • Nabadgelyo qofkii hanuunka raaca dushiisa ha ahaato

Intaas ka dib dhulka Allaah ayaa iska leh ciddii uu doono oo addoomadiisa ka mid ah ayuuna dhaxalsiinayaa, ciribta dambena waxaa iska leh Mutaqiinta (kuwa Alle ka baqa). Waqtiga uu Rasuulku SCW ninkaas warqadda u qoray wuxuu ahaa sannadkii 10aad ee hijriga, muddo yar ka dibna Rasuulka SCW waa la oofsaday hase yeeshee waqtigii Abuubakar ayaa ninkaas beenlowga ah dagaal lagu qaaday oo la dilay.

Waxaa isku soo dubaridey:
Osman Bilad
Email: osmanbilad@hotmail.com