Kitaabka Siirada
Suubanaha Rasuulka (csw)
Qaybta
| 84aad

Taxanaha: Siirada Suubanaha Rasuulka (csw)

Decorative Lines

Sifooyinka Rasuulka
(صلي الله عليه و سلم)

Rasuulku SCW waxa u ahaa dadka kan ugu waji qurxoon, wajigiisuna waa balaarnaa, waana wareegsanaa, waxaana lawaydiiyey saxaabiga Baraa ibnu Caasim oo lagu yiri “wejiga Rasuulku SCW ma wuxuu ahaa seef oo kale”, wuxuu yiri “maya ee waxa uu ahaa dayaxa oo kale”.

Afkiisu waasic ayuu ahaa, indhihiisu waa madoobaayeen, waxaa loo malayn jiray in uu indha kuulan yahay, isaga oo aan indha kuulan, waxaa loo malayn jiray in uu indha kuulan, dilaacooduna waa dheeraayeen, tintiisu ma adkayn, jileec daadsana ma aysan ahayn, ee waxa ay ahayd tin isku jirta oo jilicsan, wayna badnaan jirtay oo waxa gaari jirtay dhagaha, mararka qaarkoodna waxay gaari jirtay garbaha, wayna madoobayd oo cirro wax yar buu ka lahaa, waxa uuna Anas binu Maalik oo tilmamayey sheegay in waqtigii cimrigiisa ugu dambeeyey cirradii ku taalay madixiisa iyo garkiisa aysan dhamayn 20 tin.

Rasuulka SCW midabkiisu waxa uu ahaa caddaan guduud ku jiro, ma dheerayn mana gaabnayn ee waxa uu ahaa dhex dhexaad, miisaankiisu waxa uu ahaa dhex dhexaad oo mabuurnayn, caatana ma ahayn, xabadkiisu waa balaarnaa, garbihiisuna waa kala baxsanaayeen, garabka bidix korkiisana waxaa ku yaalay khaatuma Nubuwihii oo ka samaysnaa tin meesha ku ururtay.

Sidoo kale gacmaha iyo lugaha wuu u waa waynaa, markuu soconayo wuu dheerayn jiray ilaa ay asxaabtu ka cabireen in markay la socdaan ay dhib ku ahayd gaaritaankiisa, markuu meel eegayana wuu wada jeensan jiray, markuu qoslayana wuu dhoolo caddeyn jiray, mararka qaarkoodna si fiican ayuu u qosli jiray ilaa ay miciyihiisu ka muuqdaan, hase yeeshee kuma qosli jirin qosol dheer oo gah gah ah. Rasuulka SCW aamuskiisu wuu badnaan jirey, markuu hadlayana waxa uu ku hadli jirey hadal kooban oo xikmo ah oo Alle ka raali yahay, siduu Alleba ku caddeeyey qur’anka.

Rasuulka SCW dabeecaddiisu aad ayey u wanaagsanayd dhinac walba, Alle ayaana meelo badan oo qur’aanka ka mid ah ku tilmaamay, waxaana ka mid ah aayaadka uu Rabbi ku tilmaamay tan.

Waxaad ku sugan tahay Akhlaaq wayn, [Surat Al-Qalam, 4].

Sidoo kale Caa’isha markii la waydiiyey waxa ay tiri: “dabeecadiisu waxa ay ahayd qur’aanka”.

Rasuulka SCW dabeecaddiisii iyo akhlaaqdiisii wanaagsanayd waxaa noogu filan siiradiisa, aad ayuuna ugu wanaagsanaa dhinac walba hadday noqoto tawaaduciisii, xishoodkiisii, runtiisii, ammaanadiisii, suhdigiisii, ikhlaaskiisii, naxariistiisii, fahamkiisii, caqligiisii, geesinimadiisii, qiiradiisii u jilicsanaantii dadka muslimiiinta ah iyo ku ad adkaantiisii caniidiinta xaqa ka hor yimid. Wuxuu ahaa Rasuulku SCW nin Alle doortay bani aadamka oo dhan, oo uu ka dahiray nusqaan kulligeed.

Decorative Lines

Waxaa isku soo dubaridey:
Cusmaan Bilaad
Email: osmanbilad@hotmail.com
Xigasho: SomaliTalk.com