Kitaabka Siirada
Suubanaha Rasuulka (csw)

Qaybta | 80aad

Taxanaha: Siirada Suubanaha Rasuulka (csw)

Decorative Lines

Xajjatul Waddaac

Markii la marayo bishii Dul-Qacda, sannadkii 10aad ee hijriga ayaa Rasuulku (scw) ogeysiiyey dadkii muslimiinta ahaa in uu aadayo xaj. Markii waqtigii xajka la gaaray ayuu Rasuulku (scw) ka soo baxay Madiina iyada oo ay 5 beri ka dhiman tahay bishii Dul-Qacda, wuxuuna sii lebbistay dharkii xajka, hadyigiisiina wuu soo qoor xiray. Waxaa Madiina ka soo raacay muslimiint aad u tiro badan, sidoo kale dhammaan dhulkii kale ee muslimiintu degganaayeen waa laga soo baxay iyada oo lagu soo ururayo Makka si xajka loo guto.

Rasuulku (scw) wuxuu Madiina ka soo baxay markii uu tukaday xalaaddii duhur, ka dibna wuxuu degay meesha la yiraahdo Dul-Xuleyfa, halkaas oo uu ku tukaday salaadii casar, habeenkaasna uu u hoday. Markii maalinkii dambe la gaarayna inta uu uu qubaystay oo dhiibaystay (is carfiyey) ayuu salaaddii duhur tukaday, ka dibna isaga iyo asxaabtii waxay ay xirteen xaj iyo cumro, dabadeedna way baxeen o waxa ay aadeen Makka.

Markii ay Rasuulka (scw) iyo dadkii la socday Makka gaareen waxa ay ku degeen meesha la yiraahdo Dii-dhuwan, halkaas oo ay habeenkii baryeen, dabadeedna markii ay salaaddii subax tukadeen ayuu Rasuulku (scw) qubeystay oo magaaladi Makka galay, maalinkaas oo ahaa maalin Axad ah, 4tii Dul-Xaj, sannadkii 10aad ee hijriga. Rasuulku (scw) wuxuu markaas galay xaramkii oo dawaafay Beytka, ka dibna orday Safwa iyo Marwa (dhexdooda).

Ka dib wuxuu degay Xujuum, mana xalaal noqon Rasuulku (scw) maxaa yeelay wuxuu Rasuulku (scw) waday hadyi, wuxuuna asxaabta u sheegay in qofkii hadyi wada sidiisa oo kale uusan xalaal noqonayn ilaa laga gaaro maalinka 10aad oo xajku u dhammaado, qofkii aan hadyi wadinna gaabsado ka dibna uu Beytka dawaafo, Safwa iyo Marwana ordo, timahana gaabsado ka dibna uu xalaal noqdo oo wixii xaaraanta ka ahaa inta xajka lagu jiro oo dhan ay xalaal u yihiin ilaa laga gaaro maalinka 8aad ee xajka bilaabanayo, wuxuuna yiri Rasuulku (scw):

“Haddii aanan hadyi wadi lahayn waan xalaal noqon lahaa.”

Sidoo darteed ayaa muslimintii aan hadyiga wadin u xalaal noqdeen ilaa laga gaaray maalinkii 8aad. Waxaana Madiina hadyi ka keenay Rasuulka (scw) iyo Abuu Dalxa oo keliya.

Maalinkii 8aad oo xajku bilaabanayey markii la gaaray waxuu Rasuulku (scw) aaday Muna halkaas oo uu ku tukaday salaaddii duhur ilaa laga gaaray salaaddii subax ee maalinkii 9aad. Ka dibna markii ay qorraxdii bartamaha gaadhey. Dabadeedna intuu tegey togga dhexdiisa ayuu u khudbeeyey muslimiinti xajjka ka soo qayb gashay oo gaareysey 122,000 waxaa kaloo la yiraahdaa waxay gaarayeen 144,000. Khudbaddii Rasuulku (scw) waxa ay ahayd sidatan:

Dadow dhegaysta hadalkayga waxaa la arkaa in aanan sannadkan ka dib idinkula kulmin halkaan. Dhiiggiina iyo maalkiinnu xaaraam ayuu iska yahay sida xurmo ahaanshaha maalinkiinnan (carafo) oo kale, bishiinnaan oo kale (Dul-Xaj), biledkiinnaan oo kale (Makka).

War hooy wax walba oo arrin jaahili ahaa lugtayda hoosteeda ayuu ahaaday, dhiiggii jaahiliga (oo la kala qabay) ma jiro, Allaahna uga cabsada dumarka, waxa aad ku haysataan (haweenka) ammaanadii Alle, waxa aadna ku xalaalaysateen farjigooda kalimadda Alle, waxa aad ku leedihiin (haweenka) in aysan gogoshiinna u oggolaan axad aad kahanaysaan, haddiise ay sameeyaan garaaca garaacitaan aan wax yeelin.

Iyaguna (haweenka) waxa ay idinku leeyihiin masaariiftooda iyo marashadooda si wanaagsan. Dadow Nabi igama dambeeyo, ummadna idinkama dambayso. War hooy Rabbigiin caabuda oo shantiinna (salaadood) tukada, bishiinnana (Ramadaan) sooma, maalkiinnana sakada ka bixiya naftiinna oo ku raalli ah, Rabbigiin Beytkiisana u xajiya, madaxdiinnana adeeca (wixii islaamka waafaqsan), jannada Rabbigiin ayaad gelaysaan (haddii intaas la idinka helo).

Waxa aan dhexdiinna uga tegay labo shey oo haddii aad qabsataan aydaan gadaashay lumayn: waana Kitaabka Alle iyo Sunnadayda. Waana la idinkay weydiin doonaa (aakhiro) ee maxaad dhahaysaan? (waxay dheheen “waxa aan qiraynaa in aad gaarsiisay (diinta) oo aad gudatay (risaaladii), aadna nasteexaysay).

Wuxuu markaas Rasuulku (scw) saddex jeer yiri:

“Allahayow ka markhaati noqo.”

Hadalka Rasuulka (scw) waxaa dadka gaarsiinayey Rabbiic binu Umaya binu Khalaf. Markii uu Rasuulku (scw) khudbaddii dhammeeyey ayaa waxaa soo degay aayaddan caddaynaysa in diintii la kaamil yeelay:

Allah (sw): Wuxuu yiri.

”Maanta ayaan idiin kaamil yeelay diintiina, kuna taam yeelay korkiina nimcadiisii, waxaana idinkaga raali noqday Islaamka diin ahaan.” {‘Surat: Al-Maa’idah, Ayah 3}

Markii ay aayaddaasi soo degtay ayaa waxaa ooyey Abuubakar-siddiiq, markaas ayaa la yiri “maxaa kaa oohiyey?”, wuxuu yiri “shey haddii uu kaamil noqdo, waxaa bilaabanaya nusqaantiisa”. Ka dib waxaa addimay oo aqimay Bilaal, salaaddii duhur ayaana la tukaday, markii laga baxayna waxaa la aqimay oo la tukaday salaaddii casar.

Habeenkii ayaa markaa loo dheelmaday Musdalifa, waxaana Rasuulka (scw) rakuubka la saarnaa Usaama binu Seyd. Musdalifa markii la tegay aya makhribki iyo cishihii la wada tukaday, waxaana loo yeelay hal addin iyo labo aqim. Habeenkaasna waxa ay baryeen Musdalifa ilaa uu fajarkii ka dilaacay oo salaadii subax la tukaday. Ka dib wuxuu rasuulku (scw) tegey meesha la yiraahdo Mashcarul Xaraam oo uu Allaah ku baryey.

Waxa ay markaa Rasuulka (scw) iyo muslimiintu soo aadeen Muna, maalinkaas oo ahaa maalinkii 10aad ee acmaasha xajka badankeed la samaynayey, waxaana Rasuulka (scw) markii uu Muna u socday rakuubka la saarnaa Fadli binu Cabbaas, waxa ayna tageen meesha la yiraahdo Jasmratu-Caqaba oo ay ku sameeyeen Rawyigii (dhagax tuurashadii), wuxuuna Rasuulku (scw) tuuray toddoba dhagax, markii uu mid walba tuurayeyna wuu takbiirsanayey.

Rasuulku (scw) wuxuu ku yiri asxaabta intii la joogey Jamratu-Caqaba “iga qaata manaasiktiinna (iga barta xajkiinna), waxaa la arkaa in aanan sannadkan ka dib xajinine”, ka dbina Rasuulku (scw) wuxuu sameeyey goracii oo wuxuu gowracay 63 neef oo geel ah, ka dibna Cali binu Abii-Dhaalib ayaa isna gowracay 37 neef oo geel ah.

Ka dib Rasuulku (scw) wuxuu tegey Xaramka oo uu Dawaafay, ka dibna markii uu duhurkii soo tukaday ayuu u tegey ilma Cabdi-Mudhalib oo xujeydii ka waraabinaya samsamka, markaas ayuu ku yiri “haddii aanan ka baqayn in la idinka qaado waa idinla shubi lahaa (biyaha)”, Cabbaas ayaa markaas wiilkiisii Fadli ku yiri “u tag Ummu Fadli oo Rasuulka biyo uu cabbo uga keen” hase yeeshee Rasuulku (scw) wuxuu dalbaday in laga waraabiyo samsamka, waana la waraabiyey.

Dadkii ayuu markaa Rasuulku (scw) maalinkaas u jeediyey khudbad isaga oo saaran rakuub, dadkuna ay qaar taagan iyo kuwo fadhiya isugu jiraan, waxa ayna ahayd khudbaddiisu sidatan:

Samanku wuxuu u wareegsanayaa sidii uu u wareegi jirey maalinkii Samawaatka iyo dhulka la abuuray, sannadkuna waa 12 bilood, waxana ka mid ah afar xurmo leh, saddex xiriirta: Dul-Qacda, Dul-Xaj iyo Muxarram iyo Rajabtii reer Mudar ee u dhexaysay labada Jamaad iyo labad Shacaan. Rasuulku (scw) isaga oo hadalkiisii sii wata wuxuu asxaabta ku yiri: “Waa bishee tani?”, waxa ay dheheen “Allaah iyo Rasuulkiisa ayaa u ogaal badan”, wuxuu yiri “sow Dul-Xaj ma aha?”, waxa ay dheheen “haa”.

Wuxuu yiri “waa kuma beledkaani?”, waxa ay dheheen “Allaah iyo Rasuulkiisa ayaa u ogaal badan”, wuxuu yiri “sow Makka ma aha?”, waxay dheheen “haa”. Wuxuu yiri “waa maalinkee kani?” waxa ay dheheen “Allaah iyo Rasuulkiisa ayaa u ogaal badan”, wuxuu yiri “sow Yawmu-Naxri ma aha?”, waxaa la yiri “haa”.

Wuxuu yiri “dhiiggiina, maalkiinna iyo cirdigiinnu xaaraam buu kala yahay sida xurmada maalinkiinnan oo kale, beledkiinnan oo kale, bishiinnan oo kale. Waxaad la kulmi doontaan Rabbigiin wuxuuna idin weyniin doonaa acmaashiinnii. War hooy gadaashay ha u laabannina gaalo uu qaarkiin qaarka kale luqunta ka goynayo”.

Markii uu Rasuulku (scw) khudbadii dhammeeyey ayuu yiri “war ma idin gaarsiiyey?”, markaas ayey yiraahdeen “haa”, wuxuu yiri “Allahayow ka markhaati noqo. War hooy kan joogaa kan maqan ha gaarsiiyo”. Ka dib Rasuulku (scw) markii uu xajkii gutay isaga iyo muslimiintii ka soo qayb galay xasjkaas, uuna la dardaarmay oo sagootiyey ayuu ku laabtay Madiina dhammaadkii Dul-Xaj, sannadkii 10aad ee hijriga.