Kitaabka Zakadda

Qaybta | 1aad

Waxa qore:
Mohamud M. Isse (Ufayn)
Email: ufayn@somalitalk.com
Nairobi, Kenya

Decorative Lines

bism Allah (2)

Hordhaca  Zakadda

Waxaan hadii Allaha awooda sare lihi ogolaado halkaan kudiyaari nayaa Maqaal kusaabsan zakada, taasoo an ugu talagalay cidii doonaysa inay afkooda Hooyo ugaciil baxaan mawduucan maadaam oo ay jiraan dadbadan oo luqada Carabiga an fahmikarin hadana ubaahan inay gutaan waajibaadka Alle saaray dushooda, saas awgeed waxaan Alle karajeynayaa inuu noqdo maqaalkani mid Faa’iido badan utara walaalaha muslimiintaa ee doonaya inay kafaa’iidaystaan.

Qeybta 1AAD

  1. Kitaabu Zakaat.
  2. Hordhac
  3. Zakada oo ladiido xukumkeeda,
  4. Yaa zakadu kuwaajibtey,
  5. Shuruuda nisaabka(ama zaka goyska)
  6. Maalka zakada lagadhiibaa waa laba qaybood,
  7. Zakada maalka ilmaha yar ,
  8. Qofka deynka qaba,
  9. Qofkii dhintay asagoo laguleeyahay zako,
  10. Shardiga niyada zakada marka labixinayo,
  11. Zakada gudashadeedu waa waqtiga ay waajibto,
  12. Qofka zakada bixinaya oo looduceeyo,

 

Qeexidda Zakada

Zakada qeexideedu waa waxa uu bixiyo qofku ee kamida xaqa Alle, Lanasiiyo dadka saboolkaa, waana tiir kamida tiirarka Islaamka ee shanta ah, Waxana lagu xariiriyey sheegitaankeeda salaadda 82 aayadood, sideetan iyo labada meelood markastoo lasheego salaadda waxaa laraaciyaa zakada, Wuxuu Alle kufarad yeelay kitaabkiisa iyo sunada rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, Ummadiisuna waa isku waafaqday.

Ibnu cabaas waxa lagaweriyey asaga iyo aabihiisba Allaha karaali noqdee Inuu nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee markuu mucaad ibnu jebel udiray yaman wuxuu kuyiri (waxaad utegeysaa qolo ahlu kitaab ah ee waxaad uguyeertaa shahaadada inaanu Alle maahee ilaah kale jirin iyo inaan ahay rasuulkii Alle, haday kaayeelaan arinkaas ogeysii in Allaha cisada lihi kufarad yeelay dushooda shan salaadood maalin iyo habeen kasta, Hadey kaayeelaan arinkaas ogeysii in Alle kor ahaaye kufarad yeelay korkooda sadaqo maalkooda dhexdiisaa lagana qaadayo kuwooda maal qabeenkaa laguna celinayo kuwooda saboolkaa, haday kaayeelaan arinkaas waxaan ukala digayaa adiga iyo maalkooda midka karaamada badan, kanabaq kanladulmiyey ducadiisa wax xijaaba oo udhexeeyaa majiraan Alle iyo ducadiisa)

Nusuusta Zakada

”Zakada nusuusta boorinaysa in labixiyo,waxaa kamida,”

  1. Surah At-Towbah – Aayah—-103—104
  2. Suuratul Ad-Dariyat – Aayah 015-019
  3. Suuratul Al-Xajj – Aayah 041
  4. Surah At-Towbah – Aayah 081
  5. Suuratul Al-Bakharah – Aayah 276

”Nusuusta cabsi gelinaysa zakada oo ladiido waxaa kamida,”

  1. Surah At-Towbah-Aayah 034
  2. Surah Aal-Cimraan – Aayah 180

Xaga axaadiista waxaa kamida xadiiskii dheeraa waana sidan,: Abuu hureera wuxuu werinayaa xadiis kusugan Axmed, Bukhaari iyo Muslim inuu rasuulku nababad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee yiri, (majiro nin haysta kayd:

  1. Oo ankagudin zakada illaa haduujiro waxa lagusoo kululaynayaa
  2. Naarta jahannama dhexdeeda waxaana lagayeelaa gaballo
  3. Markaasaa lagu gubaa gabaladii dhinacyadiisa iyo wajigiisa ilaa Alle kala xukumayo adoomihiisa dhexdooda maalin qiyaaskeedu yahay konton kun oo sano markaasaa latusiyaa jidkiisa inuu xaga jannada yahay ama inuu xaga naarta yahay, majiro qof geel haysta oo anka gudin zakada illaa haduu jiro waxaa loofidiyaa
  4. Banaan siman asagoo geelii markuu ugubuurnaa lamida ayuu kusoconayaa dushiisa markastoo ay dushiisa dhaafto tan ugudanbaysa waxaa lasoo celinayaa tii uguhoraysay ilaa Alle kala xukumo adoomihiisa dhexdooda maalin qiyaaskeedu yahay konton kun oo sano markaasaa latusiyaa jidkiisa inuu xaga jannada yahay ama inuu xaga naarta yahay, majiro qof ari haysta oo ankagudin zakada illaa haduujiro waxaa loofidiyaa banaan siman arigii oo markuu ugubuurnaa lamida waxay kulasoconaysaa cidiya heeda waxayna kudooxaysaa
  5. Geesa heeda kumana jiraan mid geeslaaban iyo mid an geeso lahayn
  6. Markastoo ay dushiisa dhaafto tan ugudanbaysa waxaa lasoo celinayaa tii ugu horaysay ilaa Alle kala xukumo adoomihiisa dhexdooda maalin qiyaaskeedu yahay konton kun oo sano lamida kuwaad tirsanaysaan
  7. Markaasaa latusiyaa jidkiisa inuu xaga jannada yahay ama inuu xaga naarta yahay)-ilaa aakhiral xadiis.

Erey bixin

  1. Nin lacag zaka gaadha haysta.
  2. Lacgtii ayaa lasoo shiilayaa siloogu cadaabo qofkii haystay.
  3. Waxaa lagasoo dhigaa gaballo bira ama xadiid ah oo balbalaaran.
  4. Qofkii ayaa lagoglayaa dhul banaan oo siman.
  5. Waxay kuduraysaa ama kumudaysaa geesaheeda.
  6. Dhamaan arigii waxaa looyee layaa geeso ee malaha midgees jaban iyo midan geesa qabin.
  7. Hhalkaas maalin ayaa wuxuu lamid yahay konton kun oo sano ee kuwan aduunka latirinayo.

Zakada oo La Diido
Xukumkeeda

Haduu diido qofku zakada waajib nimadee-da wuuka baxayaa islaamka, Waxana loodilayaa gaalnimo haduusan ahayn nin dhowaan soo islaamay oo markaas waxa loogu cudur daarayaa jaahil nimadiisa, laakiin haduu diido qofku zakada isagoo aaminsan waajib inay tahay zakadu, kaasi wuu denbaabayaa diidmadiisa darteed laakin kama baxayo islaamka, Waxana xaakimka ama qaadiga dushiisa ah inuu xoog kagaqaado zakada tacsiirna(ganaax) kusameeyo, kamana qaadayo wax kabadan zakada, Laakiin Axmad iyo Shaafici qowlka hore waxay qabaan in lagaqaado zakada iyo maalkiisa barkiis taasoo ciqaab looga dhigayo.

Hadii qabiilo ama qolo awood leh ay diidaan zakada bixinteeda ayagoo rumaysan inay tahay waajib waalala dagaalamayaa ilaa ay dhiibaan zakada, Daliilkuna waa xadiiska kusugan Bukhaari iyo Muslim, Cabdullaahi ibnu Cumar isaga iyo aabiniis Allaha karaali noqdee wuxuu werinayaa inuu nabigu nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee yiri: (waxalay amray inaan dadka ladagaalamo ilaa ay qiraan Alle maahee inaanu jirin Ilaah kale, Muxamad na inuu yahay rasuulkii Alle, salaadana ay oogaan (1), zakadana ay bixiyaan, hadey sidaas yeelaan waxay iga nabad geliyeen dhiigooda iyo maalkooda xaqa islaamka mooyee (2), xisaab tooduna waxay utaal Allaah.)

Ereybixin

  1. Salaada oogaan = salaada tukadaa.
  2. Xaqa islaamka = macnaa haduu qofku isagoo muslima dhiig muslim galo waaloo qisaasayaa oo lama oranayo waamuslim ee haladaayo.

Yaa zakadu ku waajibtey

Waxay kuwaajibtay muslim (gaal maya) xor ah (adoon maya) oo haysta maal zaka gaarey (nisaab) noockasta hanoqdo ee noocyada maalka oo zakadu kuwaajibto.

Shuruuda nisaabka (ama zaka goyska):

  1. Waa inuu ahaadaa zakadu wax kasaa ida qofka xaajadiisa, taasoo anu kamaarmi karin qofku, sida contadiisa, dharkiisa, gurigiisa, gaarigiisa ama gaadiidka uu raacayo markuu meelrabo inuu aado, iyo qalabka shaqada,
  2. Waa inuu kasoo wareego sanad (12 bilood) lagasoo bilaabo maalintuu gacanta kudhiay maalkaas gaaraya nisaabka, waana lagama maarmaan sanadkoodhan inuu maalku kaamil yahay ee waxnusqaana aney kudhicin, haduuse nusqaamo sanadka dhexdiisa hadana kaamil noqdo marlabaad waxaloo fiirinayaa markuu kaamil noqday oo markaas ayaa lagasoo bilaabayaa tira sanadeedka.

Imaamu Nawawi wuxu yiri mad habkayaga, mad habka Maaliki, mad habka Axmad, iyo jamhuurta culimada waxay qabaan in looshardiyo maalka zakadu kawaajibto cayntiisa sida dahabka, fiddada,iyo xoolaha soofa, inuu joogto yahay nisaabku sanadka dhamaantiis, hadiise nisaabkii nusqaani kudhacdo daqiiqad sanadka kamida,markaas waxa go’ aya tirsigii sanadka ee lootirinaayey maalka, haduu markaas kabacdi kaamil noqdo maalkii markaas ayaa tirsi horle loobilaabayaa.

Abuu xaniifa wuxu yiri: waxa kaliya oo lafiirinayaa sanadka awalkiisa iyo aakhirkiisa oo hadii nisaabkii kaamil yahay markuu sanadku dhamaado wax dhiba malaha nusqaanta kudhacday sanadka dhexdiisa, wuxu yiri xataa haduu qofku haystay laba boqol oo dirham markaasna ayka baaba aan haldirham mooyee intiikale, ama afartan ariya ayuu lahaa markaasaa waxa ugasoo haray halneef oo kaliya sanadka dhexdiisii,markaasuu dhamaadkii sanadka wuxu helay afartankii iyo wax kasiibadan waxa lagarabaa zakada maalkaas oodhan.
Maalka zakada lagadhiibaa waa laba qaybood:

  1. Mid waanooc naf ahaantiisa u kordha sida xabuubka (bariiska iyo masangada iyo wixii lamid ah) simaarta (miraha sida timirta cinabka iyo wixii lamid ah), noocaas waxay zakadu kuwaajibtaa markii lagoosto ee gacanta lagudhigo wixii beeraha kasoo go ay,
  2. Qaybta labaad waa wixii qaabganacsi loodiyaariyo inay kordhaan sida Dirhamka, Diinaarka, Hantida ganacsiga(curuudul tijaarah) iyo xoolaha soodaaqa cawska banaanka, kuwaasna waxa loofiiirinayaa sanad inuu kasoo wareego, markaas ayaa lagadhiibayaa zakada, saasna waxa yiri fuqahada dhamaantood, waxaad kaheli kadhaa Majmuuca uu leeyahay imaamul Nawawi.

Zakadda Maalka
Ilmaha Yar

Qofka yar iyo kanwaalan zakadoodu waxay kuwaajibaysaa inuu kabixiyo maalkooda haduu gaaro nisaab qofka weligooda ama masuuliyadooda haya.

Qofka Deynka Qaba

Qofkii haysta maal zako kawaajibtey islamarkaana deyn qaba wuxu kabixinayaa deynta, intasoo hadhay ayuu kazakeynayaa haduu gaaro nisaab hadiise nisaabkii nusqaamo wax zakaa dushiisa lagumalaha sababtoo ah xaaladaas lajoogo waa sabool (faqiir).

Qofkii Dhintay Asagoo
Lagu Leeyahay Zako

Qofka dhintay isagoo dushiisa laguleeyahay zako waxay ku waajibaysaa maalkiisa, waxana lahor marinayaa zakada intaan lasiin dadka deyntakuleh, iyo dadka meydku udardaarmay inmaalka waxlagasiiyo,iyo kuwadhaxalka leh kuwaasoo dhami waxay sugayaan markii zakada lagadhiibo maalka lagadhintay, waxanaloo daliishanayaa xadiiska lagaweriyey ibnu cabaas asaga iyo aabihiisba Allaha karaali noqdee wuxu yiri nin ayaa uyimid rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee.

Markaasuu ninkii yiri hooyaday ayaa dhimatay ayadoo laguleeyahay bilsoonkeed ee makagudaa (makasoomaa) Markaasuu yiri rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee (hadii hooyadaa deyn qabto miyaadan kagudeen?) markaasuu ninkii yiri haa waanka bixinlahaa, markaasuu yiri (deynta Alle ayaa xaqmudan inlagudo) waxa weriyey Bukhaari iyo Muslim.

Shardiga Niyada Zakada
Marka La Bixinayo

Zakadu waa cibaado waxaana loo shardiyaa ansixideeda niyo, niyadaasina waa in qofka zakada bixinayaa u qasdo wajiga Alle, wuxuuna kuraadinayaa zakadaas abaal marinta Alle, wuxuuna kago aaminayaa qalbigiisa inay tahay zakadaasi waajib dushiisa ah, Kitaabka Alle sidakucad suuratul bayinah aayadda –5aad, waxaana kucad in Alle keligiis diinta lookhaalis yeelo (loobarax tiro) oo ancidna waxba lala wadaajin, Waxa kaloo daliil u ah xadiiska kusugan saxiixul bukhaari, rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee waxa laga weriyey inuu yiri: (Acmaashu waa niyada qofkastaana wuxuu leeyahay wuxuu niyoodo)

Zakada Gudashadeedu
Waa Waqtiga Ay Waajibto

Waxa waajiba zakada inloo bixiyo sidegdega markay waajibto, waxana xaaraam ah in lagadib dhigo bixinteeda markay waajibto, inay bixinteedu suuroobi weydo maahee oo markaas waxa banaan dibudhigid ilaa ay suurowdo bixinteedu, taasna waxaa daliil u ah xadiiska kusugan Bukhaari iyo Axmad, Cuqbata ibnu xaaris wuxuu yiri:

waxaan latukadey salaad casar Rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, markuu salaama naqsaday ayuu ukacay si degdega wuxuuna ugalay qaarkamida xaasaskiisa hadana waasoo baxay markaasuu wuxuu arkay waxa kamuuqda wajiyada saxaabada ee ayla yaabsan yihiin degdegiisa, markaasuu Rasuulku nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee wuxu yiri: (waxan xasuustay anoo salaadda kujira tibran (1) ee nooyaal oo waxaan nacay inuuku galabaysto ama kubaryo agtayada markaasaan waxan amray in laqaybiyo)

Ereybixin

  1. Tibri: Waa gabalyar oo dahaba. xadiis kale oo kusugan Bukhaari ayaa Caisha waxay kawerisey Nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha haatee inuu yiri:

Madhex gasho sadaqo (1) maal illaa haday dhexgasho wey halaagtaa (2))

Ereybixin

  1. Sadaqo macnaa waa zakada.
  2. Halaag macnaa waa baabi isaa.

Qofka Zakada
Bixinaya oo Loo Duceeyo

Waxaa sunna ah qofka zakada bixinaya inloo duceeyo marka zakada laga qaadanayo sida kucad kitaabka Alle suuratu towba aayada-103-iyo xadiiska uu werinayo Cabdullaahi ibnu abii owfaa wuxu yiri: markii Rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee lookeeno zako wuxuu ahaa mid yiraahda ama dhaha (Allow kusalli dushooda )

Cabdullaahi wuxuu kaloo yiri aabahay ayaa ukeenay sadaqo(macnaa zako) Rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, markaasuu yiri: (Allow ahalka abii owfaa dushooda kusalli)waxa weriyey Axmad iyo qayrki. Xadiis kale oo uu weriyey waail ibnu xijrin wuxuu kaweriyey Rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee,nin usoodiray hal geela oo fiican inuu kuyiri: (Allow barakay isaga iyo geeliisaba) Imaamu Shaafici wuxu yiri Waasunno qofka imaamka ah markii lookeeno zako inuu uduceeyo qofka zakada bixinaya kuna yiraahdo- Allaha kaa ajarsiiyo waxaad bixisay, Hanakuu barakeeyo waxaad lahadhay.

La soco qaybta 2aad …

Waxa qore:
Mohamud M. Isse (Ufayn)
Email: ufayn@somalitalk.com
Nairobi, Kenya

Xigasho: SomaliTalk