Kittaabka Zakada

Qeybta | 4aad

Waxa qore:
Mohamud M. Isse (Ufayn)
Email: ufayn@somalitalk.com
Nairobi, Kenya

Decorative Lines

bism Allah (2)

Hordhaca Zakadda

Waxaan hadii Allaha awooda sare lihi ogolaado halkaan kudiyaari nayaa Maqaal kusaabsan zakada, taasoo an ugu talagalay cidii doonaysa inay afkooda Hooyo ugaciil baxaan mawduucan maadaam oo ay jiraan dadbadan oo luqada Carabiga an fahmikarin hadana ubaahan inay gutaan waajibaadka Alle saaray dushooda, saas awgeed waxaan Alle karajeynayaa inuu noqdo maqaalkani mid Faa’iido badan utara walaalaha muslimiintaa ee doonaya inay kafaa’iidaystaan.

  1. 31. Zakada Xoolaha Nool,
  2. 32. Zakada Geela,
  3. 33. Zakada Lo,da,
  4. 34. Zakada Ariga,
  5. 35. Xoolaha oo lakalasaaro,ama lakulmiyo,

Zakada | Xoolaha Nool

Axaadiista saxiixaa waxaa kucad waajib nimada zakada Geela, Lo’da, iyo Ariga.
Ummada muxamadi yaduna waxay ku kulantay inay kucamal fasho, Shuruudaha waajibinaya zakada xoolaha nool,

  • waa inay gaaraan xooluhu nisaab ama zaka goys kaad tiraah daba,
  • waa inuu kasoo wareego sanad,
  • waa inay ahaadaan xooluhu kuwo daaqa cawska roobka kubaxay ee an kharash kubixin sanadka intiisa badan, laakiin hadii xooluhu yihiin kuwo kunool cawsbeereedka latabcay ee kharashku kubaxay zako lagama rabo, jamhuurta culumaduna shardigaas ayey qaateen,

Waxaase khilaafay Maalik iyo Leysi keliya oo waxay dheheen mar hadii xoolo nool waxani yihiin lama kalaqaadayo hasoofeen ama kuwo meeshooda lagu quudiyo hanoqdaane farqi makala laha oo marhaday nisaab gaaraan waa laga zakey nayaa,
Laakiin axaadiistu waxay kucadahay in xoolaha laga zakeynayaa yihiin kuwa daaqa dooga banaanka kabaxay,

Zakada | Geela

Wax zakaa lagama rabo geela ilaa uu gaaro 5 neef oo geel ah, Waxaana looga zakey nayaa sidatan hoos kucad:

  • 05 – 09 waxa laga bixinayaa neef ariya oo weliba ido ah,
  • 10 – 14 waxa laga bixinayaa laba neef oo ido ah,
  • 15 – 19 waxa laga bixinayaa sadex neef oo ido ah,
  • 20 – 24 waxa laga bixinayaa afar neef oo ido ah,
  • 25 – 35 waxa laga bixinayaa qaalin geel ah oo hal sano jir ah ee sanadkii labaad madaxa lagashay,
  • 36 – 45 waxa laga bixinayaa qaalin labajir ah oo sanadkii sadexaad maxa lagashay,
  • 46 – 60 waxa laga bixinayaa qaalin sadexjir ah oo sanadkii afraad madaxa lagashay,
  • 61 – 75 waxa laga bixinayaa qaalin afarjir ah oo sanadkii shanaad madaxa lagashay,
  • 76 – 90 waxa laga bixinayaa laba qaalmood oo labasanojir ah sanadkii sadexaadna madaxa lagalay,
  • 91 – 120 waxa laga bixinayaa laba qaalmood oo sadexjirro ah sanadkii afraadna madaxa lagalay,

Markuu kasiyaado 120 waxaa lagabixinayaa afartankii kastaba qaalin labajir ah sanadkii sadexaadna madaxa lagashay, ama waxa lagabixinayaa kontonkii kastaba qaalin sadexjir ah oo sanadkii afraad madaxa lagashay, qaaciidadaas ayaa loo kala ratibayaa oo haduu geelu ku imaan karo inuu ukala qaybsamo afartan afartan saas ayaa loo kalafariisi nayaa, haduu yahay geelu mid kuhaboon inloo kala qaybiyo konton kontona saas ayaa loo kala xisaabinayaa,

Hadii qofku waayo neefkii kawaajibey geeliisa muxuu samay nayaa? tusaale ninkii laga rabey qaalin 4 sanojir ah ee kawaayey geeliisa laakiin wuxuu heli karaa mid sadexjir ah, wuxuu bixinayaa taas sadex jirkaa wuxuuna ku kabayaa (kukordhinayaa) labaneef oo ari ah hadey usahlanaato, hadii kalena labaatan dirham ayuu ku kabayaa qalinta, sababtoo ah waaka qiimayartahay qaalintu tii laga rabey, saas darteed ayaa loo kabayaa,

Sidoo kale ninkii laga rabey qaalin 3 sanojir ah ee kawaayey geeliisa laakiin wuxuu heli karaa mid afarjir ah, wuxuu bixinayaa taas afarjirkaa markaas waa inuu kii zakada qaadayey u celiyaa kan zakada bixinaya labaneef oo ari ah ama labaatan dirham, sababtoo ah qaalintu waaka qiimo sarraysaa tii laga rabey saas awgeed ayaa loogu celinayaa labada neef,ama labaatanka dirham, waxaa lafiirinayaa qiimo leeg ee lacagaha maanta laheli karo kamida, kaas ayaana markaas labixinayaa bedelkoodii,

Sidoo kale ninkii laga rabey qaalin 3 sanojir ah ee kawaayey geeliisa laakiin wuxuu heli karaa mid laba sanojir ah taas ayuu dhiibayaa wuxuuna ku kabayaa sidaan horay kusoo marnay laba neef oo ari ah hadey ufudu daato hadii kalena wuxuu ku kabayaa labaatan dirham, Sidoo kale ninkii laga rabey qaalin laba sanojir ah ee kawaayey geeliisa laakiin heli kara mid sadexjir ah wuxuu bixinayaa taas sadexjirkaa markaas ayuu kii zakada qaadayey wuxuu uceli nayaa laba neef oo ari ah ama labaatan dirham,

Sidoo kale ninkii laga rabey qaalin 2 sanojir ah ee kawaayey geeliisa laakiin heli kara mid hal sanojir ah wuxuu bixinayaa taas sannadjirkaa wuxuuna ku kabayaa laba neef oo ari ah hadey u sahlanaato hadii kalena wuxuu ku kabayaa labaatan dirham, Sidoo kale ninkii lagarabey qaalin hal sanojir ah ee kawaayey geeliisa laakiin heli kara mid laba sanojir ah wuxuu bixinayaa taas labajirkaa markaas ayuu kii zakada qaadayey u celinayaa kan lagaqaadayo laba neef oo ari ah ama labaatan dirham,

Taasina waa geela zakadiisii oo ah tuuku camal falay Abuu bakarusidiiq Allaha karaali noqdee,waxaana uga dambeeyey ee saas kucamal falay Cumar Ibnukhaddaab Allaha karaali noqdo dhamaantood, waxayna kullamaan sanayd dardaaran kiisii markuu geeryoodey amiirulmu’miniinkii Allaha karaali noqdee Cumar Ibnukhaddaab.

Zakada | Lo’da

Waxzakaa lagama rabo lo,da ilaa aygaadho 30 daaqda dooga roobka kubaxay, markay gaadho lo,dii sodon oo sanad kasoo wareego waxaa looga zakaynayaa sidan:

  • 30 – 039 waxaa laga bixnayaa dibi hal sanojir ah (tabiic)
  • 40 – 059 waxaa laga bixinayaa qaalin lo,ah ee laba sanojir ah,
  • 60 – 069 waxaa laga bixinayaa laba dibi ee hal sanojirro ah,
  • 70 – 079 waxaa laga bixinayaa qaalin labajir ah iyo dibi sanadjir ah,
  • 80 – 089 waxaa laga bixinayaa laba qaalmood ee labajirro ah,
  • 90 – 099 waxaa laga bixinayaa sadex dibi oo hal sanojirro ah,
  • 100 – 109 waxaa laga bixinayaa qaalin labajir ah iyo labadibi oo halsanojiro ah,
  • 110 – 119 waxaa laga bixinayaa labaqaalmood oo labajirro ah iyo dibi halsanojir ah,
  • 120 – 129 waxaa laga bixinayaa sadex qaalmood ee labajirro ah ama afar dibi oo halsano jirro ah,

Wixii intaas kasiyaada waxaa lookala ratibayaa sidan, sodon kasta waxaa lagabixinayaa dibi halsanojir ah, afartan kastana waxa lagabixnayaa qaalin labasanojir ah, tusaale sadex meelood oo min sodon ah waa 90+40=230 waana qaabka lookala fariisinayo xoolaha markii laga zakeynaayo labadaas tiro hadba siday isku keeni karaan,

Zakada | Ariga

Wax Zakaat lagama rabo Ariga ilaa uu gaaro 40 neef oo daaqa dooga roobka kubaxay markaasna sanad kasoo wareego, waxaana looga zakeynayaa sidan:

  • 40 – 120 waxaa laga bixinayaa hal neef oo ari ha,
  • 121 – 200 waxaa laga bixinayaa laba neef oo ari ah,
  • 201 – 300 waxaa laga bixinayaa sadex neef oo ari ah,

Markuu kasiyaado sadex boqol waxaa laga bixinayaa boqol kasta hal neef oo Ari ah ee an wax ceeba lahayn. Waa banaan tahay inlaga bixiyo kuwa labka ah sida orgiga iyo wanka waana laysku waafaq sanyahay waase hadii xoolaha laga zakaynayaa wadayihiin kuwa lab ah(macnaa lab waa wanka ama orgiga ama ratiga), laakiin xanafiyadu waxay dheheen hadii xooluhu dhamaan tood wada yihiin dhadig sida rida iyo laxda ama iskujir dhadig iyo labood waa banaan tahay in lagabixiyo kuwa labka ah.

Waxaa kaloo baraarujin mudan masaafooyinka udhexeeya labada fariido ama labada meelood ee zakadu kawaajibayso sida culumadu isku itifaaqeen malaha wax zako ah, tusaale 25 ilaa 36 ee geela ah malaha intaas dhexda ahi wax zakaa, tusaale kale 30 ilaa 40 ee Lo,da ah malaha intaas labada boos udhaxaysaa wax zakaa, Arigiina waa sidoo kale 40 ilaa 120 wax zakaa malaha, tusaalahan keliya kamawado laakiin meelkasta ee udhexaysa labatiro waa looga qiyaas qaadanaya.

Waxaa kaloo xusid mudan qofka zakada aruurinaya uma banaana inuu kaqaado neefka ugu qaalisan xoolaha ee ishu qabato, laakiin haduu yahay qofka dhiibayaa mid asagu naftiisu kuraali tahay wuu bixin karaa, hadii kalese waxaa laga qaadayaa neef dhexdhexaada ee an ahayn kulagasoo xulay maalkaas.

Waxaa kalo xusid mudan inuusan bixin neef ceebleh ee ceebtiisu muuqato markii laweydiiyo dadka khibrada uleh xoolaha ay oran karaan kani waaneef xun, laakiin hadii xoolii oo dhami noqdaan kuwo wada ceebaysan markaas waxaa labixinayaa sida ugu wacan wixii lagaheli karo. Xoolaha oo lakalasaaro,ama lakulmiyo.

Xoolaha oo lakulmiyo ama lakalasaaro silooga fakado zakada bixinteeda waxaa kusugan sidan, Suweyd Ibnu quflata waxa lagaweriyey inuuyiri, waxa nooyimid zakaqaadihii Rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, markaasaan waxan kamaqlay isagooleh, anagu maqaadno neef irmaan oo caano nuujinaya, mana kalasaarno xoolo wadajira, mana isugeyno.

Xoolo kala soocan, markaasaa waxa lookeenay hal geela oo kurus weyn

Markaasuu diidey inuu kaqaado, sababtu waa xoolaha kuwii ugu qiimaha badnaa ee layiri hakaqaadina. Daliilka labaad, Anas wuxuu kawaramay inuu Abuubakar uqoray Anas oo gudoomiya gobol ah xagiisa waraaq.

Abuubakar wuxuu hadalkiisa kubilaabay sidan, taniwaa sadaqadii waajibka ahayd (zakada) taasoo rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee kuwaajib yeelay muslimiinta dushooda, waxana kamid ahaa qoraalkaas ,lamakulmiyo laba kalasoocan, lamana kalasooco laba iskujirey ayadoo lagacabsanayo sadaqada,wixii labo isku darsadaan iyagaa isula noqonaya dhexdooda si sinaan ah) waxaa weriyey Bukhaari Macnaa waxaa loolajeedaa hadii labanin xoolo wadaagaan tusaale 40, neef oo ari ah ayaa waxaa wadaaga labanin midkastaana wuxuu leeyahay 20, neef markaas waxaa kabaxaaya halneef, wuxuuna kamid yahay labadooda midkood maalkiisa, kankalena wuxuu celinayaa neefkaas qiimaha kagasoo aadan xagiisa oo wuxuu siinayaa saaxiibkiisa xooluhu isugujiraan ee neefkaasi kabaxay xoolihiisa.

Maalik wuxuu kusheegay kitaabkiisa Muwadda’asagoo cadeynaya macnaa looga jeedo issugeynta iyo kalgeynta xoolaha wuxu yiri, sadex qof ayaa waxa midkastaa leeyahay 40 neef oo ari ah, midkastana waxaa laguleeyahay halneef, markaas ayey iskudarayaan sadexdii afartanaad oo waxay bixinayaan halneef, halkaas waxay kuqariyeen labaneef oo hadii midkastaa goonidiisa deganaan lahaa waxaa lagarabi lahaa halneef, laakiin waxay kadhigeen 120 neef oo halmeel wadadegan oo markaas lagarabo halneef oo keliya, kaasina waa tusaalaha isgeynta looga cararayo zakada,

Tusaalaha kalageynta looga fakanayo zakada waa ayadoo labaqof isugu jiraan 121 neef oo ari ah, markaas waxaa lagarabaa inay bixiyaan sadex neef, markaas ayey kalasoo canayaan ama kalasaarayaan oo markaas wuxuu midkastaa bixinayaa halneef oo keliya, halkaasna waxay kuqariyeen halneef oo hadey sidoodii hore isgudaasan lahaayeen waxaa looga baahnaa inay bixiyaan sadex neef, taasina waa zako kacararid waxbadan kadhacda dadka maalka jecel ee anku xisaabtamin waxay aakhiro kamudan doonaan.

La soco qaybta 5aad

Waxa qore:
Mohamud M. Isse (Ufayn)
Email: ufayn@somalitalk.com
Nairobi, Kenya

Xigasho: SomaliTalk