Kitaabka Zakada

Qeybta | 6aad

Waxa qore:
Mohamud M. Isse (Ufayn)
Email: ufayn@somalitalk.com
Nairobi, Kenya

Decorative Lines

bism Allah (2)

Hordhaca Zakadda

Waxaan hadii Allaha awooda sare lihi ogolaado halkaan kudiyaari nayaa Maqaal kusaabsan zakada, taasoo an ugu talagalay cidii doonaysa inay afkooda Hooyo ugaciil baxaan mawduucan maadaam oo ay jiraan dadbadan oo luqada Carabiga an fahmikarin hadana ubaahan inay gutaan waajibaadka Alle saaray dushooda, saas awgeed waxaan Alle karajeynayaa inuu noqdo maqaalkani mid Faa’iido badan utara walaalaha muslimiintaa ee doonaya inay kafaa’iidaystaan.

 

  • 49. Cidda Zakada lasiinayo,
  • 50. (1-2) Fuqarada iyo masaakiinta,
  • 51. Qiyaasta lagasiinayo miskiinka zakada,
  • 52. Mulkiilaha anheli karin wax kufilan baahidiisa,
  • 53. (3) Dadka zakada kashaqeeya (caamiliin)
  • 54. (4) kuwa quluub tooda lasoo dumayo,(mu alafatulquluub)
  • 55. (5) Adoomaha xorayntooda,(wafiriqaabi)
  • 56. (6) kuwa deymoobey (Alqaarimuuna)

Cidda Zakada lasiinayo

Dadka zakad lasiinayaa waa sideed nooc, Allaah ayaan kucadeeyey qowlkiisa. Suuratu towba aayada 60aad, waxayna kalayihiin sidan soosocota labadan qolo ee uguhoreeya waa:

  • 1 – 2 Fuqarada iyo masaakiinta

Waana kuwo baahan oo an heli karin waxkufilan baahidooda, waxaana kasoo horjeeda aqniyada oo ah dadka hodonkaa ama maalqabeen, kuwaasna horaan ugasoo hadallay qadarka qofku kunoqon karo qani ama maal qabeen, waana inuu haysto qadarkii nisaabka hanti gaadha islamarkaana kasaayida baahidiisa asalkaa isaga iyo caruurtiisa, waana waxlacuno, waxlacabo, dharka laxiranayo, guriga degaanka, gaadiidka laraaco, qalabka shaqada, iyo wixii lamida ee anlaga maarmi karin, hadaba qofkasta oo waaya qaddarkaas ansoo sheegnay waa faqiir ama sabool wuxuna mutaysanayaa inlasiiyo zakada,

Xadiiskii Mucaad ibnu jebel waxaa kamidahaa inuu rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee yiri (waxa laga qaadayaa kuwooda hodonkaa, waxana lagu celinayaa kuwooda saboolkaa) Hadaba kan laga qaadayaa waakan maalqabeenkaa ee haysta maal gaaraya nisaab sidaan soo marnay, kanlagu celinayaana waakan isaga kasoo horjeeda waana kan saboolkaa ee anheli karin waxa uu haysto kan hodonka ahi,

manajiro halkaan waxfarqiya oo udhexeeya faqiirka iyo miskiinka markii loo fiirsho xaga baahida iyo xaga mutaysiga zakada, masaakiintu waa qayb kamida fuqarada waxayna leeyihiin tilmaan gaara waxana jira xadiis ayku sugantahay wax kutusinaya inay masaakiintu yihiin fuqarada, kuwaasoo kadhawr sanaya tuugsiga dadkuna aney garanayn inay baahan yihiin waxaana lagu sheegay aayaddaan soo xusnay, sababtoo ah waxaa laga yaabaa inaan lagaran siday udhawrsoon yihiin ama isu qurxinayaan,

Abii hureera waxaa laga weriyey inuu rasuulkii Alle nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee yiri (miskiinku maaha midka dadka kuwareegaya dushooda oo ay celinayso luqmad ama laba luqmadood, ama timir ama laba timrood, laakiin miskiinku waakaan heli karin qani nimo deeqda, lana garanayn (1) si wax loogu sadaqaysto dushiisa, isuna taagayn suu dadka wax uweydiisto) waxa weryey bukhaari iyo muslim,

Ereybixin

  1. Macnaa dadku magaranayaan inuu baahan yahay oo waxay arkaan dhawrsoo naantiisa iyo xishoodkiida.

Qiyaasta Laga Siinayo
Miskiinka Zakada

Waxaa lasiinayaa wax kufilan baahidiisa dhexdhexaadkaa ama qadar kasaara sabool nimada oo gaarsiiya wax kufilan, Cumar Ibnu khaddaab ayaa waxa laga weriyaa inuu yiri hadaad bixinaysaan hodonti nimo gaarsiiya, macnaa qofkii waxdhii bayaa hagaarsiiyo qofkuu waxsiinayo heer uu baahida kaboxo

Mulkiilaha Aan Heli Karin
Wax Ku Filan Baahidiisa

Ninka haysta maal gaaraya nisaab noocyada maalka kuudoonoba hanoqdee, haduusan toosin karin baahidiisa sababtuna ay tahay caruurtiisoo farabadan, kaasi waa hodon hadii loofiiriyo dhanka maalka oo nisaab gaaraya, waxana kuwaajibaysa maalkiisa zako,waana faqiir hadii loofiiriyo waxa uu haysto ee ankufilayn baahidiisa, waxana lasiinayaa zakada sida faqiirka.

Imaamu nawawi wuxuu yiri:

”Ninkii leh hanti maguurtaa (sida beeraha iyo guryaha magaalo) oo waxa ka soo galaa ka yaraado baahidiisa kaasi waa sabool waxaana laga siinayaa zakada wax u dhamays tira baahidiisa.”

  • 3 – Dadka zakada kashaqeeya (caamiliin)

Qaybta sadexaad ee lasoo dhowaynayo waakuwa imaamka muslimiintu ama wakiil kiisu udiray inay kashaqeeyaan zakada soo ururinteeda, kanasoo qaadaan dadka maal qabeenkaa, waxaana kuwaas soogelaya kuwa xafidaya iyo kuwa raacaya haday xoolanool yihiin, iyo kuwa liisgaraynaya oo kuqoraya diiwaanada,

Waxaana waajiba inay muslimiinta kamid yihiin waana inayan ahayn kuwii sadaqadu kaxaaraam sanayd ee kamida xigtada ama qaraabada rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, waana Ilma haashim iyo Ilma cabdi mudalib.

Waxa lagaweriyey Mudalib Ibnu Rabiicata iyo Fadli ibnu cabaas inay aadeen Rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee,markaasaa waxaa lahadlay midkood oo yiri; rasuulkii Allow waxaanu kuugu nimid inaad noo amarto zakooyinkaan oo uu nagasoo gaaro waxa dadka kasoo gaaraya ee waxtar ah, markaasuu yiri (sadaqadu umahaboona Muxamad iyo Aalu muxamad, waxkalena maahee ayadu waa wasahkdii dadka)

  • 4 – Kuwa quluub tooda lasoo dumayo,(mu alafatulquluub)

Qolada afraad ee zakada lasiinayo waakoox ladoonayo inlasoo dhoweeyo quluubtooda iyo inlagusoo daro islaamka ama lagusugo islaamka dushiisa, Islaam nimadooda oo daciifa awgeed, ama waakoox shartooda looga difaacayo mislimiinta, fuqahadu waxay ukalaqaadeen muslimiin iyo gaalo, Sigaarana muslimiinta waxay ukalasaareen afar qaybood.

Qolada kowaad waa odayaasha iyo duqeyda muslimiinta ah sida kuwii Abuu bakar Allaha karaali nodee siiyey, waxaana kamid ahaa cadiyi ibnu xaatim iyo zibriqaan ibnu badrin, waxayna ahaayeen kuwo islaamkoodu fiicnaa wuxuna usiiyey booskay kajoogaan qoladooda.

Qolada labaad waa muslimiinta iimaankoodu daciifka yahay duqeydooda, cidda dhexdeedana la adeecsan yahay waxsiintoodana lagu rajeynayo inay kusugnaadaan islaamka, iimaan kooduna xoogaysto, sida kuwii nabigu siiyey nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee siismo balaaran kasiiyey qanimooyinkii hawaasin lagahelay, waxana kami ahaa ragii layska daayey ee reer maka markii lafurtay kuwaasoo markii dambe islaamay, waxaana kamid ahaa ku munaafiqa iyo ku iimaankiisu daciifyahay intoodii badnaydna markaas kadib way kusugnaadeen islaamka.

Qolada sadexaad waa kuwalasoo dhoweynayo ee qolo muslimiinta furinta xuduuda magalooyinka cadowga jooga kamida, waxaana loosiinayaa difaacooda muslimiinta ay kadifaacayaan goortay soo weeraraan cadowgu.

Qolada afraad ee muslimiinta katirsani waa duqey loobaahan yahay inay zakada kasoo qaadaan dad anbixinayn amarkooda iyo saamaayntooda la aantii, hadii ankuwaas loo adeegasan waxay noqonaysaa indagaal iyo xoog lagu qaado markaasna waxaa dhici kara dhibaato, saas awgeed ayaa ladoortay inlasoo dhoweeyo odayaasha si ay ugarab istaagaan kaalmada dawladda, taasaana labada dhib fudud.

Gaaladiina Waxaa Loo Kala Qaaday
Laba Qaybood oo Kala ah Sidan

Waxa kamida midlaga rajeynayo soodhoweyn taas iyo waxsiintaas inuu islaamo, sidii safwaan ibnu ubayata, kaasoo nabigu nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee uu siiyey amaan (nabadgelyo) maalintii maka lafurtay wuxuuna usugey (ukaadsadey) afar bilood si uu amarkiisa ugafiirsado naftiisana wax udoorto wuxuuna siiyey geel fara badan oo rimman, markaasuu yiri Allaan kudhaar taye nabigu waa Isiiyey asagoo an dadka ugu nebcahay kamana suulin inuu isiinayo ilaa uu Noqday kaan dadka ugujeclahay.

Qolada labaad ee gaaladu waa kanlaga cabsanayo shartiisa siisma diisana lagarajey naayo inuu dhibtiisa reebto,(gaabsado) Ibnu cabaas wuxuu yiri dadku waxay ahaayeen kuwo uyimaada nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, markaas haduu siiyo waxay amaani jireen islaamka waxayna oran jireen tani waadiin wanaagsan hadii loodiidana wey caayayeen waana ceebaynayeen, waxaana kamid ahaa ragaas abuu Sufyaan ibnu xarbi, Aqrac ibnu xaabisin, Cuyeynata ibnu xisnin, midkastoo kamida wuxuu siiyey nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee boqol geela.

Axmad iyo muslim waxay anas kawerinayaan inuu yiri anas, nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, hadii laguweydiisto islaamka shey waa bixin jirey, waxaa uyimid nin markaasuu weydiistay markaasuu wuxuu amray inlasiiyo ari farabadan ee daaqaya laba buurood dhexdood ee kamida xoolihii zakada, markaasuu kulaabtay qoladiisii oo kuyiri war qoom yohow islaamka qaata, Muxamad wuxuu bixinayaa bixin nimaan faqri kabaqayn oo kale.

  • 5 – Adoomaha xorayntooda, (wafiriqaabi)

waxaa lagu jamcinayaa halkaan labanooc oo adoomuhu ukala baxaan, waxayna kalayihiin kuwo lakitaabeeyey-macnaa waxa seyidkii lahaa kula heshiiyey haduu keeno lacagta uu kula heshiiyey inuu xornoqon doono markuu keeno lacagtaas.

Kankalena waa mid lahaysto oo hadii lagasoo gado cida adoonsanaysa markaasna laxoreeyo saasna uu markaas kaga boxo adoonimadii, Labadaas qoloba waxaa lagu xorayn karaa zakada sideeda qaybood qayb kamida, kanlagu xiray inuu keeno lacag markaasna xoroobo waxa loogu kaalmaynayaa zakada siduu ugabixi lahaa adoonimada,waxaa kaloo zakada lagusoo gadayaa kuwakale oo la adoonsanayo markaasna waa laxoraynayaa.

  • 6 – Kuwa deymoobey (Alqaarimuuna)

Qoladan lixaad ee zakada lasiinayaa waa kuwo deymoobey, karina waayey inay iskadhiibaan deynta, waxayna ukala qaybsamaan sidan, mid deyngalay ama damaano qaaday deyn inuu cidkale kadhiibayo ee markaas isaga lagarabo, siduu kubixin lahaana maalkiisii kudhameeyey, kuwaasoodhan waxay kaqaadanayaan zakada deymohooda,

Qubeysata ibnu mukhaariqin alhilaaliyi waxa lagaweriyey inuu yiri waxaan qaaday deyn an dad dhexdood kukala xalinayo saan dhibaato udhicin markaas ayaan waxan utegey rasuulkii Alle nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, anigoo waxwarsanaya, markaasuu yiri (joog ilaasadaqo nooga timaado oo markaas ankuu amarno sadaqadaas) rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, markaasuu sida laweriyey hadana yiri: (qubeysow baryadu xalaal uma aha sadex midkood waxan ahayn, nin xamaala qaaday oo markaas ay uxalaal noqotay baryadii ilaa uuhelo markaana uu kajoogsado)

Culimadu waxay dheheen xumaaladu waa wixii qofku qaado ee kulaasimaysa naftiisa inuu bixiyo asagoo kukala xalinaya dad is haysta dhexdooda. Carabtu waxay ahaayeen markii dhexdooda fidno kadhacdo qofkood ayaa isutaagi jirey suu ugahortago dhibkaas isagoo kudhiibaya maal wuxuu helikaro, ilaa fidnadaasi kadegto, waxayna ahaayeen kuwo markay ogaadaan in midkood qaaday deyn uu dadkukala saarayo waxay uladegdegi jireen inay kucaawiyaan oo aysiiyaan wax naftiisu deynta kaga baxdo,

haduu ninku arinkaas dartii wax uwarsado dadka kuma ceebaynjirin, laakiin waxay u arkayeen faan iyo raganimo, shardina maaha qofkii galay maslaxadaas oo kale inuu maalkiisu dhamaado laakiin isagoo heli kara hanti gaadha waxa uu galay ayuu hadana zakada kaqaadan karaa wuxuu kukala maslaxayo dadka dhexdooda iyo dhibaato laysku dhici lahaa daminteed.

La Soco Qeybta 7aad …

Waxa qore:
Mohamud M. Isse (Ufayn)
Email: ufayn@somalitalk.com
Nairobi, Kenya

Xigasho: SomaliTalk