Kitaabka Zakadda

Qeybta | 7aad

Waxa qore:
Mohamud M. Isse (Ufayn)
Email: ufayn@somalitalk.com
Nairobi, Kenya

Decorative Lines

bism Allah (2)

Hordhaca Zakadda

Waxaan hadii Allaha awooda sare lihi ogolaado halkaan kudiyaari nayaa Maqaal kusaabsan zakada, taasoo an ugu talagalay cidii doonaysa inay afkooda Hooyo ugaciil baxaan mawduucan maadaam oo ay jiraan dadbadan oo luqada Carabiga an fahmikarin hadana ubaahan inay gutaan waajibaadka Alle saaray dushooda, saas awgeed waxaan Alle karajeynayaa inuu noqdo maqaalkani mid Faa’iido badan utara walaalaha muslimiintaa ee doonaya inay kafaa’iidaystaan.

  • 57. (7) Jidka Alle (Fii sabiilillaahi)
  • 58. (8) Musaafirka (Ibnu sabiil)
  • 59. Zakada oo loo qaybiyo dhamaan cida mutaysatay ama qaar kamida
  • 60. Dadka zakadu xaaraam katahay,
  • 61. Qofka maalqabeenkaa maku badbaadi karaa dhiibid zakada ?
  • 7 – Jidka Alle (Fii sabiilillaahi:

Jamhuurat culumadu waxay mareen inlooga jeedo halkaan duulaanka lagu duulayo jidka Alle oo ah Jihaadka,iyo in saamigan lasiinayo kuwa udiyaarkaa duulaanka jihaadka, kuwaasoo an mushahara kulahayn dawlada, kuwaas noocaas ah ayaa lasiinayaa saamiga 7aad ee zakada kamida, farqina makala laha inay hodon yihiin iyo inay sabool yihiin.

  • 8 – Musaafirka (Ibnu sabiil):

Culumadu waxay isku waafaqeen nin musaafir beledkiisii ama magaaladiisii kago’ay ama kabaxay lasiinayo zakada wuxuu kugaaro dantiisa ama ujeedadiisa,waana hadii aaney usahlanayn wax maalkiisii kamida inuu helikaro sida xawaalada oo kale,waxaana loosiinayaa ayadoo loofiirinayo faqrigiisan kuyimid ama kudhacay, waxayna culumadu ushardiyeen ama kuxireen inuu musaafirka safarkiisu yahay daaco(mid sharcigu amray inloo safro) Ama waa inuusan ahayn macsiyo (mid denbi lagala kulmaayo oo sharcigu reebay inloo safro).

Culumadu waxay isku khilaafeen safarka mubaaxa ah (iska banaan) malasii nayaa zakada..?

Shaaficiyadu Waxay u Kala
Qaadeen Musaafirka Labo Qaybood

Mid kabilaabaya safarkiisa magaaladuu kunegaa ama kusugnaa haduu doono wadankiisaba hanoqdee, Iyo musaafir qariiba oo kategey magaaladiisii, waxay dheheen labaduba xaqbay uleeyihiin in zakada wax lagasiiyo, xataa hadii lahelo qof amaah ama deyn siinaya, isaguna uu kahelayo magaaladiisii hanti uu isaga bixin karo deyntaas.

Maaliki iyo Axmad waxay qabaan musaafirka mutaystay zakada in lasiiyo waa midka safarka kudhexjira ee socdaalka ah, laakiin kan bilaabaya lamasiin karo. Waxay kaloo qabaan inaan lasiinayn zakada qofka heli kara cid siinaysa amaah ama deyn isagoo heli kara hanti utaal magaaladiisa taasoo deynta uu isaga bixin kar, laakiin haduusan heli karin cid amaah siisa ama aanu haysan hanti kadambaysa oo deyntaas kabixin karta markaas waa lasiinayaa zakada.

Zakada oo Loo Qaybiyo Dhamaan
Cidda Mutaysatay Ama Qaar Kamida

Noocyaasha sideedaa ee zakada mutaystay inlasiiyo ee aayadda lagu sheegay Fuqahadu waa isku khilaafeen sidii loogu qaybin lahaa sakada, Shaafici iyo ragiisu waxay dheheen haduu kan zakada qaybinayaa yahay kii maalka iskalahaa ama wakiilkiisii waxa meesha kabaxaya halnooc oo ah caamiliin ama kuwii kashaqay nayey zakada, waxaana markaas waajibaya inloo qaybiyo todobada soo hartay ee sinfi ama nooc kaad tiraahdaba, haday yihiin kuwa laheli karo, hadii kalena intii laheli karo ayaa lasiinayaa ee nooc yadaas kamida, mana haboona in nooc kamida lagatago isagoo jooga ama lahelayo, haduu katago waxa laga rabaa inuu bixiyo qaybtoodii.

Ibraahimu nakhaci wuxuu yiri haduu maalku badan yahay oo wada gaari karo noocyadaas sideedaa oodhan wuu uqaybinayaa, haduuse yaryahay maalku waxa banaan inuu siiyo halqolo ama nooc kamida kuwa mutaystay zakada in lasiiyo.

Axmad ibnu xanbali wuxu yiri, inuu wadagaarsiiyo ayaa mudnaan badan, haduuse qolo kamida siiyo waaka gudaysaa zakadii oo maburayso. Maaliki wuxu yiri, wuuku dadaalayaa ama hakudadaalo inuu siiyo hadba qolada ugu baahi badan, haduu arko qolada fuqaradaayi inay baahi badan yihiin sanadkan ayaguu kuhor marinayaa, haduu arko sanadka danbe musaafiriintu inaybaahi badanyihiin ayaguu uwareejinayaa inuusiiyo,zakada. Xanafiyada iyo Sufyaanu sowri waxay dheheen isagaa khiyaar uleh kan zakada dhiibayaa oo wuxuu siin karaa sideeda nooc kuudoono. Intaasoo waji ayaa fuqahadu kala mareen sida sawaabkaana Alle ayaa og.

Dadka Zakadda
Xaaraam Ka Tahay

Waxaanu horay kusoo sheegnay meelaha zakada lagubixinayo, iyo cida xaquyeelatay inlasiiyo, waxaa hadaba inooharay inaan xusno dadaan zakadu xalaal u ahayn oo anmutaysan in lasiiyo, waxayna kalayihiin sidan,

  1. Qolada kowaad waa kufaarta ama gaalada, saasina waa siday isku waafaqday kelimada fuqahadu, inaan gaalada lasiin karin zakada, waxana loodaliishan xadiiskaan horay kusoo marnay waxa kamid ahaa, (waxaa lagaqaa dayaa kuwooda maalqabeenkaa, waxaana lagucelinayaa kuwooda saboolkaa)

Qasadka loogajeedo maalqabeenada iyo fuqarada muslimiinta waa cidii iyaga kasoo hadha lamasiinkaro zakada, Ibnu mundiri wuxuu yiri, cidkatoo ahlucilmiga kamida, kuwaasoo aanu waxkaxifdinay waxay iskuraaceen inaan gaalka balanta kujira zakada lasiinkarin, waxana lagasoo reebay kuwa quluubtooda lasoodumayo sidaanu horay kusoomarray (mu’alafatul quluub).

  1. Qolada labaad ee zakadu kaxaaraam tahay waa Banuu Haashim: waana ahlu Cali ibnu abii daalib, ahlu Caqiil, ahlu Jacfar, ahlu Cabaas, ahlu Xaaris.

Ibnu Qudaama wuxu yiri, garanmeyno wax khilaafa oo kajira inaan zakadu xalaal u ahayn Banuu Haashim, waxana taas daliil u ah,xadiiska rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee,wuxu yiri: (sadaqadu umabanaana ahalka Muxamad, waxkalena maaha ee waa wasakhdii dadka) waxa weriyey Muslim,

Abuuhureyra waxa lagaweriyey inu yiri, Xasan Ibnu cali ibnu abiidaalib ayaa qaatay xabad timira oo kamida sadaqaadkii, markaas ayuu Nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, kuyiri: isagoo adeegsanaya kelimad uu kagadhicinayo(kakh kakh, miyaadan ogayn inaanaan cunin sadaqada) waxa weriyey Bukhaari iyo Muslim. Culumadu waxay isku khilaafeen Banii mudalib in zakadu ubanaan tahay iyo inay kaxaaraam tahay, Shaafici wuxu qabaa inayan waxba zakada kaqaadan karin sida reer banii Haashim oo kale.

  1. 3-4, Qolada sadexaad iyo afraad ee zakadu aney ubanaanayn waa Aabayaasha iyo wiilashaada, Aabayaasha lasheegayaa waa Aabahaa iyo Aabayaashii uu kasoo farcamay, wiilashaada lasheegayaana waa kuwaad adigu dhashay iyo kuway siidhaleen,

Fuqahada diintu waxay isku waafeqeen inayan ubanaanayn zakada inlasiiyo Aabyaasha iyo Awoowa yaasha, Hooyooyinka iyo Ayeeyooyinka, wiilashaad dhashay iyo kuway siidhaleen, gabdhahaad dhashay iyo kuway siidhaleen, sababtoo ah qofka zakada bixinaya waxa dushiisa kuwaajiba inuu nafaqeeyo Aabihiis iyo wixii kakoreeya ee Awoowayaal ah, wiilashiisa iyo wixii kafarcamay, hadii ayfuqaro ama sabuul yihiin waxay maalqabeen kuyihiin qofkan zakada bixinaya ee masuuliyadoodu saarantahay maalqabeen nimadiisa.

Hadii zakada uu siiyo kuwaas aynu soosheegnay naftiisa ayuu nafci usoojiidey oo zakadii larabey inuusiiyo dadkale ayuu kusoo celiyey ciduu quudinayey, xaaladaas aynu kasoo hadalay waamarkey yihiin faqiir ama sabool, laakiin hadey soogalaan baabkale sida inay kujiraan duulaan lagudagaa lamayo jidka Alle, markaas waalasiin karaa zakada sida hadii ay deyngalaan iyo hadii ay kujiraan kuwa zakada kashaqaynaya, arimahaas ama sifaadkaad oo dhami waakuwo ubanaynaya zakada inay kaqayb qaataan.

  1. 5 – Qolada shanaad ee zakadu aney ubanaanayn 

Waa ninka zakada bixinaya xaaskiisa:

Ibnu Mundiri wuxu yiri Ahlu cilmigu waxay isku raaceen inaanu ninku xaaskiisa zakada siinkarin, sababtuna waa masruuf keeda oo waajib dushiisa lagarabo ah, umana baahna oo hodon ayey katay inay qaadato zakada, laakiin hadey tahay midqabta deyn wuxuu siinkaraa saamigii ama qaybtii kuwa deyntagalay sey isaga bixiso deynta laguleeyahay.

Ninka haweentiisu hadey haysato maal zako kawaajibtey waxay siinkadhaa ninkeeda zakada haduu kamid yahay kuwii mutaystay zakada in lasiiyo, sababtoo ah masruuf kiisu masaara nafteeda, waxaana uhaboon isaga siintiisa kanahaboon inay siiso mid ajnebiya, Allaah ayaa u cilmileh, waxaa loodalii shadaa xadiiska uu werinayo Abii Saciid Alkhudriyi Allaha karaali noqdee inu yiri,

Zeynaba oo ahayd xaaskii Ibnu Mascuud ayaa tiri Nabi Allow waxaad amartay maanta sadaqo, waxaana iiyaal waxa laysku qurxiyo (dahab ama fiddo) waxaan damcay inaan sadaqaysto, Ibnu Mascuudna wuxuu sheegayaa isaga iyo caruurtiisu inay uxaqleeyihiin in lagu sadaqaysto, markaasuu Nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, wuxu yiri: (runbuu sheegay Ibnu Mascuud, ninkaaga iyo ciyaalkaaga ayaa uxaq mudan cidaad kusada qaysato) waxa weriyey Bukhaari.

Qofka maalqabeenkaa maku badbaadi karaa dhiibid zakada…? loo dhiibo madaxweynaha ama imaamka muslimiinta, Hadii muslimiintu leeyihiin madaxweyne kudhaqmaya diinta Islaamka waxa banaan zakada in loodhiibo, caadil ama jaa’ir kuudoono hanoqdee, waxayna kubadbaadeysaa hantiilaha naftiisu dhiibidaas uu udhiibey Imaamka, laakiin haduu yahay midaan kubixinayn zakada meelihii loogu talagalay markaas waxaa wanaagsan oo ufadli badan inuu isagu uqaybiyo cidii mutaysatay, laakiin hadii Imaamku ama shaqaale uu soodiray yiraahdo keen zakada markaas inuu dhiibo ayaa lagarabaa,

Daliilkuna waa xadiiska lagaweriyey Anas inuu yiri, nin reer baniitamiim ah ayaa uyimi Rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, markaas ayuu ninkii yiri rasuulkii Allow mawaxa igufilan inaan zakada udhiibo ninkaad soodirtay oo keliya miyaa naftaydu kubadbaadi kadhaa?

Markaasuu Rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee,wuxu yiri:

”Haa hadaad udhiibto zakada kii la soo diray.”

  • 1. – Waad kabari noqotay zakadii, waxadna leedahay ajarkeeda,

Denbigeedana waxaa iskaleh qofkii bedela.

  • 2. – Waxa weriyey Axmad,

Erey bixin

  1. Kii la soodiray waa zakaqaadihii Rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee;
  2. Qofkii bedela waa qofkii kabedela meeshii loogu talagalay in lagubixiyo;

Dhammaad

Waxaan halkaan kusoo khatimayaa kitaabkii Zakaat, Waxaan marka hore Alle weydii sanayaa inuu miisaanka xasanaadka iisaaro waxaan saxay, waxaan kaloo Alle weydii sanayaa inuu iidhaafo waxaan gafey, waxaan Alle uga baryayaa inuu intii akhrisatay kadhigo kuwii waxa wanaagsan qaatay.

Waxa qore:
Mohamud M. Isse (Ufayn)
Email: ufayn@somalitalk.com
Nairobi, Kenya

Xigasho: SomaliTalk