Silsiladda
Taariikhda Islaamka

Qaybta | 1aad

Siira:
Taxanaha Taariikhda Islaamka oo ka Kooban 12 Qeybood.
Waxaa Qore: Sheekh Cabdirisaaq
Macalin Abshir (Musanif)

Decorative Lines

Dhismihii Kacbada
Masjidka Xaramka

Sida Alle qur’aankiisa ku caddeynayo kacbada waxaa dhisay Nabiga Alle ee Ibraahiim iyo wiilkiisa Nabiga Alle ee Ismaaciil (cs) qisaduna waxay u dhacdey sidaan. Nabiyullah Ibraahiim asalkiisu wuxuu ka soo jeedaa dhulkaan loo yaqaan Ciraaq (Iraq) Magaala yar oo saraan daanta galbeed ee wabiga furaat oo magaceeda la yiraahdo (Ara) waa meel hadda ku aaddan kufa agteeda waxaana jira looxaan dhulka laga soo faagay hadda oo laga helay warar faahfaahsan oo ku saabsan magaaladaan iyo qoyska Ibraahiim (cs) iyo xaaladooda diineed intaba. Ibraahiim (cs) magaaladaan waa ka hijroodey dhinaca magaalada kale ee xaraan kadibna dhulkaan Falastiin halkaas oo uu ka dhigtay saldhigga wayn ee dacwadiisa, hadaba Ibraahiim (cw) wuxuu u bixi jiray safaro dacwo oo uu ku maray dhulka Falastiin oo dhan iyo meelo kale oo dunida kamida.

Safaradaan mid kamida ayuu Ibraahiim (cs) ku tagay dhulka masar, halkaas oo uu fircoonkii masar ka talinayey u dagay shirqool ka dhan ah Ibraahiim (cs) iyo Zawjadiisa sharafta badan ee (Saara). Shirqoolkaan oo ahaa Isku day uu fircoonkaani isku dayay kufsi uu la damcay Saara oo ahayd mid lasiiyey quruxdii aduunka nuskeed.

Alle shirqoolkaan waa ka badbaadiyey ayadoo fircoon uu ka arkay Saaro mucjizo wayn oo uu darteed aqoonsaday xariirka wayn ee Saara ay la leedahay Alle uuna qirtay fadligeeda iyo sharafteeda isla-markaana uu siiyay gabar shaqaale ah oo magaceeda la dhoho (Haajara) Saarana ay dhankeeda u guurisay gabadhii ninkeeda Nabiga Alle ee Ibraahiim (cs).Ibraahiim (cs) wuxuu ku soo laabtay Falastiin asagoo Alle ka siiyay Haajara (Ismaaciil).

Hadaba, dhalashada wiilkaan wuxuu masayr ka keenay Zawjada wayn ee Ibraahiim (cs) waa Saaree -inaysan ayadu dhali jirin darteed- ilaa ay Ibraahiim (cs) ku kalliftay inuu fogeeyo oo masaafuriyo Haajara iyo wiilkeeda yar Ismaaciil. Ibraahiim (cs) wuxuu la safray Haajara iyo wiilkeeda yar Ismaaciil ilaa uu kalasoo galay dhulkaan Xijaaz uuna dajiyay geed wayn hooskii oo ku yaal tog aan beero lahayn oo u dhaw barxadda uu Alla u doortay inay noqoto Bayt-kiisa sharafta leh ee Xaramka oo markaa ah dalcad kor u dheer oo daadadku ka maraan labada dhinac.

Wuxuu dajiyay geed wayn hooskii oo ku beegan ceelka Zamzam-ka meesha uu ku yaal korkeeda mana jirin markaa cid ku nool eeryadaan biyona malahayn wuxuuna ag dhigey dambiil ay ku jiraan xoogaa timira iyo sibraar biyo ah waana iska tagay markuu wax yar ka dhaqaaqay ayuu gacmaha kor u qaaday asagoo Alle ka baryaya inuu kaligii ku halleeyay ugana tagay dadkaas meesha cidlada ah lagaga tagay kagana baryay Alle inuu ka dhigo meel dadka qalbiga kaga taal oo ay isagasoo shubmaan uuna ku irsaaqo dadka ku nool noocyada thimaarta si ay Alle ugu shugriyaan.

Duca dheer oo Alle ku sheegay qur’aankiisa suurado badan sida suuradda Ibraahiim dhamaadkeeda wuxuuna Ibraahiim (cs) isaga laabtay dhulkii Falastiin, isl-markiiba saadkii yaraa waa dhamaaday halkaas oo Haajara iyo wiilkeeda Ismaaciil gaajoodeen oomeenna markaas Alle uu usoo fatahay isha macaan ee Zamzam-ka naxariista iyo fadliga Alle taasoo u noqotay quud iyo wax ay gaajada ku moodaan. Qisadaanna waa qiso dheer oo lawada yaqaan.

Muddo kadib waxaa meeshii soo maray qabiilo carbeed oo loo yaqaan (Jurhamta-labaad) oo markii hore mari jirtay togaan hase-ahaatee aan ku aqoon biyo iyo dad midna Markay arkeen Haajara iyo wiilkeeda waxay uga idan qaateen inay la dagaan, halkaas oo Ismaaciil uu ku dhexbarbaaray qabiiladaan carbeed bartayna afkooda.

Ibraahiim (cs) dhiniciisa wuxuu safaro badan ku soo aaday makka si uu u kormeero duriyaddii uu meesha kaga tagay inkastoo aan la aqoon inta goor uu kormeerkaan Ibraahiim (cs) ku yimid, hadana qur’aanku wuxuu sheegayaa labo kamida.

Labadaan safar kan hore intuu ku guda jiray ayuu Alle subxaanah riyo ku amray Nabi Ibraahiim (cs) inuu gawroco wiilkiisa Ismaaciil -Alla u dhawaansho darteed- arrintaan oo ahayd imtixaan adag oo Alle ku marsiiyay Ibraahiim (cs) inuu wiilkiisa kaligii lagu arko gawroco, sidoo kale Ismaaciil inuu aabihiis ka yeelay inuu fuliyo waxa Alle amrayo. Markay labadooduba Alle u hogaansameen oo imtixaankii ku guuleysteen ayaa Alle ugu badalay wan wayn.

 Labo safar oo kalana waxaa sheegaya xadiith ku yaal saxiixul-bukhaari in Ibraahiim (cs) Ismaaciil oo maqan uu yimid gurigiisa oo xaaskiisa waraystay oo ay dhib-sheegatay markaa Ibraahiim (cs) ku yiri waxaad ku dhahdaa iska badal kaabadda guriga oo Ismaaciil yimid uuna gartay in ninka yimid uu aabihii yahay uuna kula taliyay inuu xaaskaan iska furo inuu Ibraahiim mar kale soo laabtay sidoo kale Ismaaciil oo maqan oo uu waraystay xaaskiisa oo ay markaa Alle amaantay oo khayr sheegatay markaa uu yiri waxaad ku dhahdaa adkee kaabadda guriga Ismaaciil gartay cidda timid inay aabihii tahay uuna amrayo inuu xaaskiisaan xagsado.

Safaradaan uu Ibraahiim (cs) ku yimid kormeerka mid kamida oo ah intii Ismaaciil barbaaray kadib ayuu la kulmay wiilkiisa Ismaaciil asagoo leebab qoranaya geed wayn oo Zamzam-ka u dhaw hooskiisa, markuu arkay Ismaaciil aabihiis oo mudda dheer aysan is-arag wuxuu salaamay salaan ay isku burureen, waalid ilmihiisa aan mudda dheer arag iyo ilmo aan waalidkiis mudda dheer arag salaantood.

Safarkaan ayaa Alle amray Nabigiisa Ibraahiim (cs) inuu dhiso masjidka Kacbada dalcaddaas uu Alle doortay korkeeda, markaasay bilaabeen dhismaha oo udubada u taageen, markay dhameeyeenna Alle subxaanah wuxuu Nabigiisa Ibraahiim amray inuu dadka ugu yeero inay usoo xajiyaan kacbadaan la dhisay marka waxaa la yiri Ibraahiim (cs) intuu buur dheer dhaladeed fuulay ayuu qayladiisa tan ugu dheer ku dhawaaqay “war dadoow Alle wuxuu idin saaray Xaj ee usoo xajiya kacbadiisa” qayladaan oo dunida daafaheeda gaadhay oo aduunkoo dhan laga maqlay.

Marka maalintaa laga bilaabo ayuu dadku bilaabay inay usoo xajiyaan kacbadaan xaggeeda diinta Nabi Ibraahiim-na ayku faaftay jaziiradda carabta oo dhan iyo meelo ka baxsan intaba.

Ismaaciil markuu barbaaray hooyadii Haajarana ay dhimatay oo uu noqday nin caqli badan sharafna badan, qabiilkii carbeed ee Jurham waxay u guuriyeen gabadha uu dhalay kaaba-qabiilkooda (madaad Ibn camar) waxaana Alle ka siiyay labo iyo toban wiil oo wada hanaqaaday kulligoodna ay ka farcameen qabiilooyin tarmay, halkaanina waa meesha ay ka bilowdeen carabta loo yaqaan (waladu Ismaaciil) ama cadnaaniyiin oo nabigu (scw) uu kasoo jeedo.

Qabiilooyinkaan markii hore waxay noloshoodu ku tiirsanayd ganacsiga laga keeno dalka Yaman sidoo kale dhulka Shaam iyo Masar, Markiise ay ballaarteen intooda badan waxay ku faafeen gudaha iyo hareera jaziiradda carabta ayagoo isu badalay xoolo dhaqato iyo reer guuraa raac raacaya hadba meeshii roobku maro waxay kaloo dhiseen dawlado yaryar iyo maamulo dhaqso u baaba’ay kadibna taariikh-doodu waxay ku dhuntay mugdiga zabaanka.

Gudaha Makko waxaa kaga haray faraca Qiidaar Ibn Ismaaciil oo kaliy ah isaga ilmihiisu waxay salka dhigteen Makka oo ay isaga farcamayeen ilaa uu ka dhashay Cadnaan oo ah awowga 21-naad ee silsiladda abtirsiga Nabiga (scw) cadnaankaan ayaana carabta cadnaaniyiintu ka xafideen abtirsigooda, waxaana jira xadiith daciif ah oo la yiri Nabigu (scw) markuu abtirsado oo uu gaaro cadnaan wuu ka istaagi jiray oo oran jiray nasab-yaqaannadu beenbay sheegeen.

Hadaba intii Ismaaciil uu noolaa furaha kacbada iyo maamulkeeduba waxay gacanta ugu jireen Ismaaciil (cs) markuu dhintayna waxaa isaga dambeeyay laba wiilashiisa kamida oo kala ah Naabit kadibna Qiidaar markay dhinteenna maamulkii kacbada waxaa la wareegay awowgood xagga hooyo waa Madaad Ibn Camar oo ah saan sheegnay kaaba-qabiilka qabiilada Jurham ee Makka dagan kadibna maamulkii kacbadu qabiilkaan Jurham ayuu gacanta ugu jiray ayadoo faraca Ismaaciil (cs) aysan waxba ku lahayn inkastoo ay ahaayeen dad la Ixtiraamo inuu aabohood kacbada dhisay daraadeed.

Sidaas ayaa hadaba qaaruumo badani ku gudbeen, ilaa ay xumaatay taladii Jurham oo awoodoodii wiiqantay oo musuqmaasuq dhexgalay markaa waxay bilaabeen inay boobaan hantidii kacbada u taallay sidoo kale inay furtaan dadka wafdiga ah ee Xajka gudanaya, arrintaan oo ah mid aad uga caraysiinaysay cadnaaniyiinta (faraca Ismaaciil) sidaa darteed qabiilka khuzaaca oo ah qabiilo dagta hareera Makka ayaa ka faa’iidaysatay xaaladdaan hadaba ayagoo taageero ka haysta cadnaaniyiinta ayay dagaal ku qaadeen Jurham si fudud-bayna uga qixiyeen Makko ayagoo markaa la wareegay maamulka iyo awoodda kacbada intaba.

Waqtiga Nabi Ismaaciil (cs) Makko joogay waxaa lagu qiyaasaa inay ku aaddan tahay labaatan qarni kahor taariikh-da dhalashada ciise, tani waxay ka dhigaysaa muddada ay Jurham maamuleen kacbada 21-tan qarni ugu yaraan.

Muddada ay qabiilka khuzaaca maamulayeen Makko carabta cadnaaniyiintu maamulka Makka waxba kuma lahayn hasa-yeeshee waxaa jiray xurma diineed oo ay lahaayeen sida in ayaga looga dambeeyo qaar kamida camallada gudashada Xajka sidoo kale inay dib u dhigi jireen bilaha xurmada leh, cadnaaniyiintuna waa faafeen dagaanka Makko waxaa kagasoo haray lafaha Qureysh oo ah faraca Fihir Ibn Maalik.

Maamulkase waxba kuma lahayn ilaa uu kasoo baxay Qusayi Ibn kilaab oo ah awowga shanaad ee abtirsiga nabiga oo uu Qureysh isku duway (mideeyay) isla-markaana uu ku qabsaday Khuzaaca maamulka Makko kadibna arintii dagaal ay isu badashay, dagaalkiina uu kaga gacansareeyay, markuu Makko qabsaday wuxuu dhisay guri loo yaqaan (daaru-nadwa) oo ah baarlamaan yar oo Qureysh laga maamulo, hawlaha Qureesheed col iyo nabad-ba Qusayi ayaa halkaa ku gorfayn jiray, dhamaan masuuliyaadka Kacbada iyo hawlaha Qureesheed gacantiisa ayay ku jireen ilaa uu Makko ka dhigay sidii xukuumad yar oo kale, markuu dhintayna xeerarkii uu Qusayi dajiyay waxay u raaci jireen sidii diintii.

Waxay hadaba Makko gacanta ugu jirtay Qureysh ilaa Nabiga (scw) laga soo saaray sida aan arki doonno.

Decorative Lines

Waxaa soo diyaariyey
Shiikh Cabdirisaaq Macallim Abshir
Email: musanaf@hotmail.com

Xigasho: SomaliTalk.com