Silsiladda
Taariikhda Islaamka

Qaybta | 3aad

Siira: Taxanaha Taariikhda Islaamka
oo ka Kooban 12 Qeybood.
Qore: Sheekh Cabdirisaaq
Macalin Abshir (Musanif)

Decorative Lines

Qeybtan waxay ka kooban tahay

  • Arrimaha Bulshada Carabta Nabiga (csw) ka hor
  • Dhismaha Qoyska
  • Xariirka u dhexeeya ninka, caruurtiisa iyo qaraabadiisa
  • Arrimaha Dhaqaalaha
  • Akhlaaqda
  • Abtirsiga Nabiga (csw) Iyo Usradiisa
  • Usrada Nabiga (csw)

Arrimaha Bulshada Ee
Carabta Nabiga (scw) Kahor

Waxaan kasoo hadallay muuqaallo ku saabsan siyaasadda iyo xukunka jaziiradda carbeed ka jiray Nabiga (scw) kahor iyo diimaheeda, waxaa hadana inoo haray inaan isha marino si kooban arrimaha bulshada, dhaqaalaha, iyo akhlaaqdu sida ay ahayd,. Hadaba waraaqaha soo socda waxaan dulmaraynaa arrimaahaan.

Dhismaha Qoyska

Bulshada carabtu waxay ahayd dabaqado iyo heerar kala noocnooc ah kalana sareeya oo xaalada hooda gaarka ahina kala duwan yihiin, marka la fiiriyo dabaqada dadka sharafta leh sida qoysaska magaca dheer, kaabba-qabiilada, mas’uuliyiinta sarsare xariirka u dhexeeya ninka iyo xaaskiisu wuxuu ahaa mid aad u sareeya oo runtii kaa yaabinaya, waxay haweenaydu lahayd xorriyad buuxda xagga meel marinta ujeedadeeda, fullinta codkeeda iyo cadkeeda inay goosato, waxay ahayd marwo xurmo wayn leh oo la ilaaliyo oo darteed seefaha la isugu qaato dhiigana la isaga daadiyo.

Inta badan markuu gabyaagu doonayo inuu ka hadlo wax laqadariyo oo kamida waxyaalaha carabtu waynayn jireen sida geesinimada iyo deekhsi-nimada waa inuu hadalkiisa ku bilaabaa amaanta gabdhaha iyo ka sheekaynta quruxdooda haddii kale hadalkiisu soojiidasha iyo macaan yeelan mayo, waxaa dhici karay in haweenaydu hadday doonto qabiilooyinka dab colaadeed ka dhexhuriso amase gole nabadeed isugu keento, laakiinse waxaasoo dhan oo jira ninka ayaa ahaa hogaanka reerka muran la’aan. Markii nin marwo loo guurinayana waxaa talada iska lahaa gabadha qaraabadeeda ayaduna wax xaq ah uma lahayn inay diiddo guurka waligeedu la doonay.

Tani waa xeerka u yaalla dadka dabaqada sare, waxaase jiray heerar kale oo bulshada ah oo isku xirka ninka iyo haweenaydu intiisa badan uu aad u foolxumaa gaar siisnaana xad aynu ku tilmaami karo un-ceeb iyo foolxumo sharaf la’aan iyo faaxisho, waxaana kamid ahaa guurarkaas kuwaan.

1. Guurka dadka ee aan maanta naqaan, kaasoo ninku uu gabadha waligeeda ka doono (waydiisto) kadibna la siiyo kadibna meher loo magacaabo markaasna sidaas uu ku guursado, iyo guurkale.

2. In ninku gabadha uu doonayo inuu guursado uu ku yiraahdo markay ka mayrato dhiigga (caadada) u tag ninkaas hebal ah oo isu-dhiib isaguna waa ka fogaanayaa oo reeraysan mayo korkeedana taaban mayo ilaa ay caddaato inay ninkii ay isu-dhiibtay u uur-qaaday, markaas ayuu dhisanayaa oo la dagayaa gabadha, waxayna ku magacaabi jireen guurkaan (istibdaac isu-dhiib) waxayna sidaas u samaynayaan jeclaysi inay ilmo qayma leh oo ninkaas magaca dheeri dhalay uu helaan.

3. In koox rag ah oo toban ka yar ay haweenayda isku mar u galaan oo wada reeraystaan, hadaba markay uur-qaado oo umusho oo dhawr habayn laga joogo umusheedii ayay u cid diraysaa kulligood ninkoodna ma diidi karo wayna wada imaanayaan, markaas ayay leedahay rag-yohow waad ogtihiin arrintiinu siday ahayd ilmo ayaanna dhalay waana ilmahaagii hebaloow, waxayna ku magacaabaysaa kay la jeclaato ninkaasaana loogu magacdarayaa.

4. In haweenaydu tahay dumarka jirkooda ka ganacsada, marka rag aad u badan ayaa usoo galaya mana diidayso cid usoo gasha guryohooda korkoodana calamo ayaa u suran lagusoo raaco marka hadday uur-qaado markay umusho dadkii u galmooday oo dhan ayaa lasoo ururinayaa waxaana loo yeerayaa sinji-sooce markaas ayuu ilmaha midkood raacsiinayaa ninka la raacsiiyaana ma diidi karo.

5. Markii rasuulka (csw) lasoo diray waxaan oo dhan waa dumiyay.(1)

Sidoo kale waxaa jiray xariiro guur oo ku dhisan waranka caaradiisa iyo qoriga afkiisa sababtoo ah dagaallada u dhexeeya qabiilooyinka kala duwan ma kala joogsan jirin qolada dagaalka laga guulaystana dumarkooda oo dhan waa la bannaysan jiray, waxaase la yaableh caruurta ay ku dhalaan arrintaan waligood waa lagu caynayaa.

Waxaa kaloo guurka la xariira in ummadda casrigaan jaahiliga noolayd aysan lahayn xad tirada xaasaska lagu joojiyo, sidaa darteed ninku wuxuu guursanayaa hadduu rabo toban dumar ah, wuxuu wada guursanayaa labo gabdhood oo walaala ah wuxuu guursanayaa haweenayda aabihii furay ama ka dhintay, sidoo kale ma jirin xad furitaanku ku istaago sidaa darteed intuu boqol jeer furo ayuu haddana ceshanayaa.

Foolxumada zinadu waxay ahayd mid ku faaftay dhammaan heerarka bulshada oo dhan, hasayeeshee waxaa jiray dad yar oo rag-yo dumarba leh oo naftoodu qadariya oo iskala sharaf wayn inuu ceebtaan zinada ku dhoco, dumarka xorta ahina waa dhaameen kuwa adoomaha loo yaqaan. Bulshada jaahiliguna wax ceeba uma arag inuu ninku sheegto ilmaha uu zinada ku dhalay. (2)

Xariirka u Dhexeeya Ninka,
Caruurtiisa iyo Qaraabadiisa

Calaaqada u dhaxaysa ninka iyo ilmihiisa carabtu waa ku kala duwanayd, qaarkood aad ayay u jeclaayeen ilmahooda wuxuuna gabyaagoodu yiri.

  • Dhexdayada ilmuhu udgoon ubaxa geedahaye.
  • Waa beerkayagi oo arlada aga-maraayaaye. (3)

Qaarkalana gabdhaha ayay xabaal-nololoodin jireen (nolosha ku aasi jireen) cabsi ay ka qabaan ceeb gabadhu usoo jiido iyo waxla’aan, wiilashana waa dili jireen cabsi ay ka qabaan faqri iyo goojo, hasayeeshee dhaqankaan kuma tirin karro caadooyinka faafay sababtoo ah baahi wayn ayay wiilasha u qabeen inay cadowga ka horgeeyaan darteed.

Fiiri qur’aanka;

  • Surat Al-Ancaam – Aayada 151,
  • Surat An-Naxli Aayaad 85-89,
  • Surat Al-Israa Aayad-31,
  • Surat kuwirat A-8

Aayadahaan oo kulligood Allaha wayni ku xaarintinimeeyay kuna joojiyay caadadaan foosha-xun ee nolol ku dilka caruurta taasoo ah dhaqan kasoo horjeeda diinta, insaan-nimada iyo damiirka oo Islaamku joojiyay.

Marka la fiiriyo xariirka u dhexeeya walaalaha, ilma-adeerta iyo tolka wuxuu ahaa xariir aad u xooggan, waxay u noolaayeen tolka dartiis una dhiman jireen isku duubnida iyo midnimadu waxay ahayd mid ka muuqata halka qabiilada dhexdiisa toosoo ay xoojinayso hiilka iyo isxigsigu, waxayna ku socon jireen halku-dhigga caanbaxay ee oranaya “u hiilli walaalkaa hadduu gardaran yahay iyo haddii laga gardaran yahay-ba” macnihiisa runta ah ayadoo aan loo leexin sida Islaamku u saxay oo ah in u hiillinta daalimku tahay in gacanta la qabto oo laga joojiyo dulmiga.

Hasayeeshee ku tartamidda magacraadinta iyo madaxtinima doonka ayaa marar badan hurin jiray colaado ka dhex aloosma qabiilooyinka hal oday kasoo wada jeeda sida aan ka aragno Ows-yo Khazraj, Cabas-yo Dibyaan iyo kuwo kale oo badan.

Marka la fiiriyo xariirka u dhexeeya qabiilooyinka kala duwan, wuxuu ahaa mid aad u fog oo xubin-xubin u kala googo’an awoodooda oo dhanna waxay ku dhamaan jirtay sabuubo iyo colaado iska shidan, hasayeeshee cabsida laga qabo caadooyinka qaarkood oo la wadaago iyo khuraafaadka diiniga ah ayaa xoogaa fududayn jiray ololka dagaaladaan iyo holacooda, waxaa kaloo jiray isgaashaan-buursiyo iyo israacsanaan qabiilooyinka qaarkood xiranayaan oo kuwa kale ay kaga soo horjeedaan taasoo marmar isu keeni jirtay qabiilooyin kala duwan, sidoo kale bilaha la xurmeeyo waxay u ahaayeen raxmad iyo gargaar dadku ku kala nastaan oo noloshu soo noqoto.

Isku duuduub xaaladda arrimaha bulshadu waxay ahayd mid dhulka taalla liidnimo iyo indha la’aan, jahliga iyo aqoon darridu udbaheeda ayay mudatay, khuraafaadka iyo aaminsanaanta malluugtu cirkay isku shareertay, dadku waxay isaga nool yihiin sida xoolaha, haweenayda suuqaa lagu kala iibsadaa mararka qaarkoodna waxaa loola dhaqmaa sida dhagax aan dareen lahayn, midnimo ma jirto, maamul ku sheegyada meelaha qaarkood ka jiray ujeedadooda ugu wayn waxay ahayd hanti masaakiinta laga xoogay in khasnadaha laga buuxiyo iyo dagaallo loo soo jiido cidda ay is-hayaan oo kaliya.

Arrimaha Dhaqaalaha

Arrinta dhaqaaluhu kama duwanayn arrinta bulshada, waxay taasina inoo caddaan kartaa markaan fiirino dhaqaalahoodu waxa uu ku tiirsanaa, hadaba laf-dhabarta dhaqaalahooda ugu wayn ee ay danahooda ku gaaraan waxay ahayd ganacsiga, wareegtada ganacsiga iyo waxkala badalashaduna ma suuroobi karto ilaa amaanku arlada korkeeda hareeyo kaasoo ahaa mid ka maqan oo laga waayay jaziiradda carbeed dhexdeeda marka laga reebo bilaha la xurmeeyo, bilahaan ayaa muuqaalka ganacsiga la arki jiray oo suuqyada carbeed ee caanbaxay cukaad, majanna, iyo dilmajaaz la fariisan jiray.

Dhinaca sancada iyo wax soo saarka waxay ahaayeen ummadaha kuwa ugaga fog, dhammaan farsamada carabi soo saartana waxa ugu waynaa samaynta dharka (dumidda) iyo soohidda-yo magdinta hargaha waxaana un laga soo saari jiray Yaman iyo Xiira (ceraaq), gudaha jaziiradda way jireen xoogaa beero ah iyo dhaqashada xoolaha nool dumarka carbeedna dhamaantood waxay ku mashquuli jireen tidaca iyo falagta, laakiin waxaanoo dhan waxay ahaayeen wax dagaallada unloo hayo, faqriga, waxla’aanta, gaajada iyo qaawanaantu waxay ahaayeen wax ummadda oo dhan wada saabtay.

Akhlaaqda

Dhinaca akhlaaqda, qofna kama qarsoona in dadkaan casriga jaahiliga nooli ay lahaayeen dhaqamo xun, caadooyin foolxun iyo waxyaalo caqliga fayoobi diidayo oo dareenku ka didayo, laakiinse taasoo jirta akhlaaqda wanaagsanna waxay ka haysteen qayb wayn oo runtii qofkii u fiirsada ku keenaysa yaab, qaadanwaa iyo argagax taasoo ay kaaga muuqanayso inay tahay sababta Alle (sw) dhexdooda uu Nabigiisa sharafta badan uga doortay waxaana ka mida akhlaaqdaan wanaagsan.

I. Deekhsinimada

Wax bixinta carabtu waa ku tartami jireen oo isugu faani jireen gabayadooda inta badan waxay ku dhameeyeen deekhsinimada inuu ku faanayo ama qofkale ku amaanayo, waxaa dhici jirtay in qoysku hanti ka leeyahay hal irmaan oo uu caruurta iyo naftiisaba u maalo markaa martidu ku soo hoyato habaynka bartankiisa xilliga dhaxantu dhacayso markaas deekhsinimadu qalbigiisa gilgisho oo uu inta istaago neefkaas uu hanti ka haysto oo nolosha qoyskiisu gabi ahaan ku tiirsan tahay uu martidiisa u gawroco.

Waxaad kaloo ka garan kartaa, inay ku faani jireen cabitaanka khamrada iyo sarqaamida, ayagoo aan ugu faanayn inay fiican tahay balse inay ku bixiso deekhsinimada iyo waxbixinta saacadaha ay sarqaansan yihiin sida uu yiri Cantra Ibn Shadaad. Markii aan sarqaamaan hantida saalif bixiyaaye. Sumcaddayna lama dhaawacoo waa mid saamiya e. Saaniga markaan keeno deekhsi saacidaan ahaye. Sinji hore fir igu miilmay iyo farac silloomayna. (3)

Sidoo kale waxay isku mashquulin jireen qamaarka oo hanti badan la isugu dhigan jiray ayagoo u arka inuu yahay sabab kamida sababa wax lagu bixiyo, wixii hanti ah oo ay ku kala qaadaanna waxay siin jireen masaakiinta, sidaa darteed waxaad arkaysaa qur’aanku inuusan diidin nafac yar inuu ku jiro khamrada iyo qamaarka laakiin dambiga iyo dhibka ku jiraayi ka wayn yahay nafacooda fiiri Al-baqarah A-219.

II. Ballamaha Iyo Axdiyada

Waxaa kaloo akhlaaqdooda wanaagsan ka mid ahaa fulinta ballamaha iyo axdiyada, markay ballan iyo axdi galaan waxay u arki jireen diin lagu dhaganaado waxayna fududaysan jireen ilmahooda oo ladilo ama guryahooda oo dab colaadeed galo fulinta ballanta darteed, waxaadna ka garan kartaa qisadii Haani Ibn mascuud Ashaybaani iyo dagaalkii uu dawlada Furus (Persia) kala horyimid sababtii keentay.

III. Gobanimada iyo Dhawridda Shakhsiyadda

Waxay ahaayeen kuwa ilaaliya gobanimada oo shakhsi ahaan isla sareeya xorriyad ku nool sidaa darteed maysan aqbali karin liididda, bahdilidda iyo in sumcadooda hoos loo dhigo, tanina waxay keeni jirtay geesinimo xadka dhaaftay iyo ficilada dhakhsaha ah, hadday maqlaan kalimad amase oraah ayka urinayaan bahdilid ama liidid waxay u yaaci jireen seefaha iyo qalabka waxayna hurin jireen colaadaha guyaalooba ayagoo aan u aabayeelayn wixii kasoo gaara.

IV. Ku adkaysiga Go’aamada

Markay go’aan qaataan majirin wax ka leexin kara, waxaana uga dhexmuuqan jiray sharaf, magac wayni iyo wax lagu faano in go’aankaas la fuliyo marar badan waxay khatar galin jireen lafahooda ka salgaaridda go’aanka awgeed. Sidaa darteed hadduu ninku wax ku go’aansado lagama fili karin kanoqosho.

V. Badownimada

Waxay ahaayeen dad iska badow ah oo aan ilbaxnimadu wasakhayn amase ku dhalan doorsoomin oo dabcigoodu iska fudud yahay nadiifna yahay, taasina waxay keentay inaysan aqoon beenta, khayaanada, dabamartaynta iyo isbabadalida wayna ka didi jireen dhaqamadaan.

VI. Dulqaadka

Dhaqankaan dulqaadka iyo u kaadsiga waxbay ka haysteen wayna isku amaani jireen, hasayeeshee aad ayuu ugu yaraa geesinimada xad-dhaafka ah darteed.

Waxaa inoo muuqata in akhlaaqdaan wanaagsan ay lahaayeen, inkastoo dhaqamadaan qaarkood uu dhib soo jiidi karo hadana laf ahaanteeda waa dhaqamo wanaagsan oo nafac wayn soo jiidaya markii latoosiyo waana tan Islaamku sameeyay, waxaa kaloo muuqata in akhlaaqahaan kuwa ugu waxtar badan uguna nafac rooni ay yihiin fulinta axdiga-yo ballanta, gobanimada iyo dhowrista haybadda nafta iyo ku adkaysiga go’aanka iyo fulintiisa, sababtoo ah ma suuroobi karto in sharka iyo fasaadka la dumiyo ama la unko nadaam caddaalad iyo khayr ku dhisan haddaysan jirin awoodaan lama loodiyaanka ah.

Waxaana laga yaabaa akhlaaqdaan wanaagsan iyo meesha jaziiradda carabtu dunida kaga taal ee istaraatiijiga ahi inay yihiin sababta Alle subxaanah ummaddaan ugu doortay inuu dusha u saaro risaalada Islamka ee wayn, gaarsiinteeda ummadaha iyo badbaadinta aadanaha intiisa kale.

Abtirsiga Nabiga (scw)
Iyo Usradiisa

Abtirsiga Nabiga (scw) waxay taariikh-yahannadu u qaybiyeen sadex qaybood. Qayb dhamaan dadka siirada qoray iyo nasab-yaqaannadu ay isku waafaqsan yihiin inay saxiix tahay wax khalad ahina aysan ku jirin waana ilaa laga gaaro Cadnaan awowga 21-aad ee Nabiga (scw).

Qayb la isku khilaafay saxnaanteeda oo dadka qaarna ka gaabsadeen qaarna mariyeen waana laga bilaabo Cadnaan ilaa laga gaaro Nabi Ibraahim (cs). Iyo qayb aan cidina ka shakisanayn in khalad badan iyo wax aan saxnayni ay ku jiraan waana wixii ka sareeya Ibraahiim (cs) ilaa laga gaaro Nabi Aadam (cs). Sidaa darteed waxaan ka sheegaynaa kaliya qaybta ugu horeysa oo saxnaanteeda uusan wax khilaaf ahi ka jirin mana jirto faa’iido wayn ah oo ku jirta qaybahaan kale marintooda, qaybtii koowaadna waatan.

Muxamad Ibn Cabdillaah Ibn Cabdilmudalib -magaciisa kale shaybah- Ibn Haashim -magaciisa kale Camar- Ibn Cabdimanaaf -magaciisa kale Mughiira- Ibn Qusayi -magaciisa kale Zayd- Ibn Kilaab Ibn Murrah Ibn Kacab Ibn Lu’ayi Ibn Ghaalib Ibn Fihir -magaciisa kale Qureysh isagaana qabiiladu ku magacaaban tahay- Ibn Maalik Ibn Nadar -magaciisa kale qays- Ibn Kinaanah Ibn Khuzaymah Ibn Mudrikah -magaciisa kale Caamir- Ibn Ilyaas Ibn Mudar Ibn Nazaar Ibn Macad Ibn Cadnaan.

Usrada Nabiga (scw)

Usrada Nabigu (scw) ka dhashay waxaa loo yaqaan qoyska Banii-Haashim ayadoo loogu magacdarayo Haashim Ibn Cabdimanaaf awowga labaad ee Nabiga (scw), run ahaantii waxay ahaayeen qoys magac sare iyo haybad wayn leh odayaasha iska daba-kacay waxay ahaayeen odayaal Alle u doortay inuu faracooda ka dhaliyo makhluuqa oo dhan kii ugu khayr badnaa Rasuulkii Alle (scw), dhinac walba oo laga fiiriyo caqliga, deekhsinimada, xilkasnimada iyo sumcadda waxay ahaayeen dad tusaale loo soo qaato. Waxaan hadaba u baahanay inaan dulmaro taariikh-da Haashim iyo odayaasha ka dambeeya intaynaan gaarin dhalashada Nabiga (scw).

Haashim- wuxuu ahaa Haashim ninka Qureysh wakiilka uga ah waraabinta iyo martigalinta xujayda waxaana xilkaan loo magacaabay markii la xalliyay khilaaf soo kala dhexgalay labada reer ee Banii-Cabdimanaaf iyo Banii-Cabdidaar oo ku saabsanaa sidii loo qaybsan lahaa xilalkii uu hayn jiray aabohood Qusayi Ibn Kilaab oo aan soo marnay inuu yahay ninkii Qureysh mideeyay oo dhisay aqalka Daaru-nadwa kadib markii uu xaramka ka saaray qabiiladii maamuli jirtay ee Khuzaaca.

Haashim wuxuu ahaa nin maalqabeen ah (hanti badan) oo deekhsi ah sidoo kale yeeshay magac wayn iyo sharaf badan waana ninkii ugu horeeyay ee xujayda Makka ku martisoora suqaarka, -hilib jarjaran rooti lagu burburiyay- magaciisa oo markii hore la oran jiray Camar ayaa arrintaan darteed waxaa lagu niinaasay Haashim (burburiye) rootigii uu hilibka dadka ugu jajabin jiray awgeed niinaastaan oo magaciisii ka caanbaxday, sidoo kale waa ninkii ugu horeeyay oo reer Makko u jideeya labada safar ee ganacsi oo midna xagaagii loogu boxo Yaman midna diraacdii loogu boxo Shaam waana halka uu gabyaagu ka yiri.

  • Camar waa halyaygii, Hodan-nimada gaaroo
  • Tolkiisa oo harsha, waadiga (*) halkiisii
  • Abaaruhu ku hiifeen, Caatada ku hugan tahay
  • Hilib rooti lagu jaray, Hagarli’I ku siiyoo Haqab tiray dhibkoodii.
  • Waa hoodo Eebee, Sida hawd-ka lagu maro
  • Hanti loo agaasimo, Ayagoon halgaranayn,
  • Hanadkii u kacayoo, Hilin qodaxle mariyoo
  • Safar hawd-ka lagu maro, cadan laga hoyaatimo
  • Midkaloo hanaanloo, Shaam laga hoyaatimo U horseeday weeyaan.(3)

Arrintaan safarada ee Haashim uu horseeday markii dambe waxay noqotay isha dhaqaalaha ee Qureysh ugu wayn oo sanadkii hanti boqolkun oo diinaar oo dahabi ah kor u dhaaftay ay ku kala badali jireen, waxayna noqotay wareegto ganacsi oo wayn oo dadkoo dhani ku xisaabtamo waana arrinta markii dambe Alle (sw) uu kaga waramay uguna abaalsheegtay Qureysh suuradda Qureysh.

Hadaba bilowgii sanadkii 497-dii ciise dabadii ama sanadkii ka horeeyay dhamaadkiisa ayuu Haashim safarkii ganacsiga ugu baxay Shaam, markuu marayey yathrib (madiina) ayuu kula kulmay gabar la yiraahdo Salma Bint Camar oo u dhalatay lafta Banii-Najaar, ee qabiilka Khazraj, gabadhaas ayuu guursaday habaynno ayuuna Yathrib kula aqalgalay kadibna safarkiisii Shaam ayuu usii gudbay gabadhiina reerkoodii ayay lasii noolayd ayadoo uur-qaadday Cabdilmudalib, markuu marayay magaalada Qaza (ghaza) ee dhulka Falastiin ayuuna ku dhintay.

Dhinaca kale gabadhii isla sanadkii gudihiisa ayey dhashay wiil waxayna ubixisay shayba (cirro) cirro uu madaxa ku lahaa darteed, waxayna ku tarbiyaysay guriga aabaheed ee yathrib, mana jirin cid ehelkiisii reer Makko ah oo wiilkaan ka warhaysay.Haashim wuxuu caruur katagay afar wiil oo kala ah Asad, Sayfi, Nadlah iyo Cabdulmudalib iyo shan gabdhood oo ayana kala ah Shifaa, Khaalida, Daciifa, Ruqiya iyo Janna.

Cabdulmudalib- Waxaan soo marray labada shaqo ee waraabinta xujayda iyo martigalintooda inuu hayey Haashim markuu dhintayna waxaa la wareegay walaalkiis Mudalib Ibn Cabdimanaaf, (wuxuuna ahaa nin sharaf badan oo la maqlo oo amaan Qureysh ku dhex leh waxaana lagu niinaasi jiray fayaad (shube) deekhsinimadiisa darteed), waxaan kaloo soo marray in Haashim wiil shayba (cirro) loo bixiyay ugu dhashay madiino.

Hadaba markuu wiilkii koray noqday ama waxyar dhaafay waxaa akhbaartiisa maqlay adeerkiis Mudalib markaas ayuu raadiyay oo u sadcaalay xagga madiino markuu arkay ayuu ilmeeyay oo laabta ku qabtay oo faraskiisa ku qaatay, markaas wiilkii yaraa ayaa yiri ku raaci mayo ilaa hooyaday ogalaato, Mudalib markaas ayuu hooyadiis waydiista inay u ogolaato oo ku darto markaas ayey diiday.

Markaas ayuu Mudalib yiri waxaan u kaxaynayaa inuu la wareego mulkiyadii aabihiis iyo xaramkii Alle ee maxaad iigu diidaysaa? Markaas ayay ogolaatay inuu la tago wiiilka, hadaba markuu Makko lasoo galay isagoo ratiga ku sita ayaa dadkii dheheen kani waa adoonkii Mudalib ayagoo moodaya adoon uusoo gatay markaasuu yiri adoon ma ahee waa ilmihii walaalkay Haashim halkaas ayayna wiilkii shayba (cirro) ahaa ka raacday Cabdulmudalib adoonkii Mudalib.

Sidaasuu Cabdulmudalib adeerkiis Mudalib kula noolaa ilaa uu hanaqaaday kadibna adeerkiis Mudalib sadcaal ayuu u baxay markuu marayay tuulo Radmaan oo Yaman ku taal ayuu ku geeriyooday, xilalkii uu hayayna waxaa la wareegay Cabdulmudalib, wuxuuna kasoo baxay kaalintii aabayaashii kasoo bixi jireen waana caanbaxay oo sharaf waynaaday tolkiisoo dhanbaana qadariyey oo jeclaaday wuxuuna gaaray sumcad iyo heer aan aabayaashii midna hore u gaarin ilaa uu ka noqday caaqilka Qureysheed ee aan laga daba hadlin.

Inkastoo uu mudnaan wayn yeeshay, markuu Mudalib dhintay Cabdulmudalib waxaa ku soo booday adeerkiis kale oo la dhoho Nowfal Ibn Cabdimanaf oo ka xoogay xilalkii uu hayay oo ka dhaxlay aabihiis Haashim iyo adeerkiis Mudalib, Cabdulmudalib wuxuu u ergooday odayaal Qureysheed oo ka codsaday inay ka qabtaan gardarrada Nowfal kula kacay markaasay dheheen anagu adigiyo adeerkaa kala dhexgali mayno markuu hiil ka waayey ayuu warqad ay ku qoran yihiin tixo gabay ah u diray reer abtigiis Banii-najaar (reer madiino) oo uu hiil iyo garab ku waydiisanayo, marka waxaa soo dhaqaaqay abtigiis Abu Sacad Ibn Cidiyi oo wata siddeetan nin oo fardoolay ah ilaa uu soo gaaray oo dagay Abdax (tog duleedka Makko ah).

Waxaa marka ka hortagay Cabdulmudalib oo yiri “Abti soo gudba oo daga” markaas ayuu Abu Sacad yiri “Wallaahay inaanan dagayn ilaa aan Nowfal la kulmo” kadibna waa soo dhaqaaqay ilaa uu soo kor istaagay Nowfal oo kacbada harkeeda odayaal la fadhiya markaas ayuu inta seefta galka kala baxay yiri “Allaha Kacbada leh ayaan ku dhaartaye haddaadan wiilka aan abtiga u ahay u celin xilalkiisa seeftaan inaan ku qabadsiinayaa” markaasuu Nowfal yiri “waa u celiyay” markaasuu Abu Sacad odayaashii ku yiri ka marag ahaada arrintaan.

Markaas ayuu Abu Sacad dagay oo Cabdulmudalib ku dagay sadex cisho kadibna inta cumraystay ayuu Madiino isaga laabtay, arrintaani markay dhacday Nowfal wuxuu isbahaysi la xirtay qabiilka Banii-Cabdishamsi lagaga soo horjeedo qoyska Banii-Haashim,

Qabiilka Khuzaaco oo aan soo marray inay xaramka maamuli jireen ayaa markay arkeen hiilka Banii-najaar usoo hiilliyeen Cabdulmudalib ayaguna yiri hiilkiisa anagaa idiinka xaq leh sidaad u dhasheen ayaan anana u dhalay, -taasina waa inay Cabdimanaaf oo awowgiis ah dhaleen- markaasay inta Daaru-nadwa galeen isbahaysi la xirteen Banii-Haashim lagaga soo horjeedo Nowfal iyo Banii-Cabdishami, isbahay sigaanna waa kan sabab u noqon doona dagaalkii Nabigu (scw) Makko ku qabsaday sida inoo imaan doonta.

Intii Cabdulmudalib arrimaha Kacbada gacanta ku hayey dhacdooyinka qabsaday waxaa ugu waynaa labo dhacdo.

Tanhore waxay ahayd, sidaan soo marray markii qabiilka Jurham laga qixiyay Makko oo ay carareen, waxay aaseen ceelkii Zamzamka ayagoo waliba ku aasay hanti muhiim ah oo Kacbadu lahayd oo ah seefo, gaashaamo iyo labo deero oo dahab ka samaysan meeshiina waa qariyeen, hadaba waxaa Cabdulmudalib riyo lagu amray inuu ceelkii zamzamka qodo meeshuu ku yaalla waa loo sifeeyay markaas ayuu qoday oo alaabtii soo saaray oo seefihii Kacbda albaab uga sameeyay deerooyinkiina gudaha u galiyay Zamzamkiina xujayda ka waraabiyay.

Hadaba, markii uu bilaabay qodida oo ceelkii Zamzamku muuqday ayey Qureysh ku qabsatay Cabdulmudalib oo yiraahdeen shaqada qaybtayada nagasii sharafta kaligaa qaadan mayside, Cabdulmudalib-na waa diiday oo yiri arrintaani waa arrin aniga la igu khaas yeelay, marka maysan ka harin khilaafkiina waa kululaaday ilaa ay isula xukun tageen haweenay xidiga sheegad ah oo u dhalatay Banii-sacad oo khaybar fadhida mana aysan soo laaban ilaa wadada Alle ku tusiyey burhaan u caddaysay in hawshaan qodida ceelka Cabdulmudalib lagu khaas yeelay.

Sida uu Ibn Isxaaq sheegay, ergada baxay waxay ahaayeen labo kooxood mid cabdulmudalib la socota iyo mid qureysh kasocota hadaba markay dhexda marayeen ayaa kooxdii cabdulmudalib biyihii ka dhamaadeen markaasay kuwii kalana biyo u diideen marka kooxdii cabdulmudalib haraadkii ayaa kululeeyay ilaa ay isu diyaariyeen dhimasho oon dartiis oo dheheen nin walbow ninkii kaa hordhinta xabaal, marka Cabdulmudalib ayaa ratigiisii istaajiyay, meeshii ratigu fadhiyey ayaa biyo kasoo burqadeen arrintaan ayaa lala yaabay oo lagu ogolaaday in Cabdulmudalib lagu khaas yeelay qodida ceelka zamzamka.

Dhacdadaan ku qabsashada qodida ceelka markay dhacday oo cabdulmudalib kacarooday ayuu nidar ku galay in haddii Alle siiyo toban wiil oo ay hanaqaadaan ilaa ay gaaraan inay difaaci karaan inuu midkood mahadnaq dartiis u gawroco Kacbada agteeda.

Dhacdada labaad waxay ahayd, waxaan soo marray in Xabashidu qabsatay Yaman ayagoo uu doonyaha iyo maraakiibta dagaalka u diyaariyay imbiraadoorka Room (Byzantine Empire) hogaamiyaha mad-habta Orthodex-ka oo xarunteedu tahay kaniisada baaxadda wayn ee Aya sofia ee ku taal qusdandiiniya (Constantine-nople).

Markay qabsadeena hogaamiyihii ciidanka xabashida watay ku xigeenkiisii Abraha Ibn Sabaax Al-xabashi uu gaadmo ku dilay ciidankiina la wareegay arrintaan oo ka caraysiisay boqorka xabashida ee Najaashi islamarkaana Abraha uu boqorka iska maslaxay, hadaba Abraha markuu dilay taliyihii ciidanka uu boqorkiina iska raalli galiyay wuxuu sidaa ku noqday hogaamiyaha sare ee Yaman ku-simaha uga ah Najaashi.

Markuu kursigaa sare ku fariistay islamarkaana arkay carab oo u xajinaya Kacbada Makko, wuxuu Sanca ka dhisay kaniisad wayn wuxuuna damcay inuu xajka carbeed u leexiyo xageeda, warkaan markii la maqlay waxaa ka carooday nin u dhashay qabiilka Banii-kinaana (qolo kacbada aad u qadariya) marka intuu kaniisadii waqti habayn ah galay ayuu qibladeeda saxaro ku dhamooqay,

Abraha markuu arrintaan ogaaday ayuu caro isla-madaxmaray oo go’aansaday inuu Kacbada dumiyo waxaa kaloo la yiri boqorka Najaashi ayaa ku amray Abraha inuu Kacbada dumiyo, labada kay noqotoba wuxuu lasoo dhaqaaqay col ballaaran oo kor u dhaafay lixdan kun oo dagaalyahan si uu kacbada ugu dumiyo.

Colkaan waxaa loo yaqaan taariikhda ciidankii maroodiga- waxaana colku watay maroodiyaal sagaal ah ama sadex iyo toban, Abraha wuxuu naftiisa u doortay maroodi ugu wayn maroodiyaasha in isaga lagu qaado.

Markay carabtu maqleen ujeedada Abraha go’aansaday oo ah inuu Kacbada dumiyo arrintaani waa la waynaatay waxayna isku dayeen inay kahor istaagaan fulinta go’aankaan, kulana dagaalamaan hadduu diido, waxaa marka soo baxay nin kamida madaxda reer Yamaneed iyo waxgaradkooda oo loo yaqaan Du-nafar wuxuuna qabiilkiisa iyo ciddii kale oo ku raacdaba ugu yeeray inay Abraha la dagaalamaan, waana ka yeeleen dagaalkiina waxaa ku gacan sareeyay Abraha waana la jabiyay carabtii hogaamiyihii ciidanka Du-nafar-na waa la qafaashay.

Markuu marayay dagaanka qabiilka Khathcam waxaa jidgooyo ku sameeyay ciidan uu hogaaminayo nin la yiraahdo Nufayl Ibn Xabiib, dagaal kulul markuu dhacay kadibna waa la jabiyay qabiilkii Khathcam hogaamiyihii ciidankana waa la qafaashay mana uusan dilin -inkastoo uu markii hore damcay- ee wuxuu ka dhigtay dhul yaqaan, waxaa muuqata in Abraha la jabin waayay taasoo loo qaatay in Alle uu ka doonayo inuu Kacbada ku muujiyo sharafteeda quwad ka baxsan aadanaha oo Abraha jabisa.

Kacbada

Markuu marayay magaalada Daa’if waxaa soo dhaweeyay dadkii daganaa ee Thaqiif ayagoo iska maslaxay cabsi ay ka qabaan inuu ka dumiyo sanab ay qadariyaan oo layiraahdo Laata, waxayna ku dareen nin dhulyaqaan ah oo loo yaqaan Aba-rughaal.

Colkaani waa sii gurguurtay ilaa uusoo gaaray Maghmas (duleedka Makko) halkaas ayuu dagay wuxuuna diray sahanno iyo colal yaryar oo dagaallo yaryar ku qaaday hareeraha Makko waxayna dheceen xoolihii dhulka ay mareen daaqayay oo dhan, marka waxaa xoolahaan ka mid ahaa geel labo boqol oo halaad ah oo Cabdulmudalib leeyahay.

Abraha marka wuxuu diray nin la yiraahdo Xannaadah Al-ximyari oo ergo ah uuna u diray reer Makko, wuxuuna ku amray inuu u keeno ninka reer Makko ugu sharaf iyo magac wayn, iyo inuu u sheego inuusan boqorka Abraha u imaan inuu la diriro haddaysan ayagu ka hor istaagin duminta Kacbada, marka ninkii markuu Makko yimid waxaa la tusiyay Cabdulmudalib Ibn Haashim markaas ayuu fariintii gaarsiiyay.

Cabdulmudalib-na wuxuu yiri la diriri mayno mana awoodno inaan la diriro, laakiinse gurigaan Kacbadu waa beytkii Alle iyo Nabigiisa Ibraahiim, hadduu Alle difaacana waa Kacbadiisii anagase wax awooda uma lihin aan ninkaan kaga hortagno.

Ergaygii markaas ayuu Cabdulmudalib usoo jeediyay inuu raaco, markay usoo galeen Abraha oo uu arkay Cabdulmudalib waa qadariyay oo kursigiisii kasoo dagay oo dhulka la fariistay, Cabdulmudalibna wuxuu ahaa nin muuqaal wayn oo haybad wayni ka muuqato, markaa Abraha wuxuu turjubaankii ku yiri waydii ninkaan maxaad iga doonaysaa oo iigu timid? Cabdulmudalib wuxuu ku jawaabay waxaan boqorka ka doonayaa inuu geelaygii uu iga dhacay ii celiyo.

Abraha wuxuu yiri u sheeg markii aan ku arkay waad ila waynaatay oo waan ku qadariyay, markaadse hadashay waad ila qaymo dhacday, ma waxaad igala hadlaysaa labo boqol oo halaad oo aan kaa dhacay oo aadan igala hadlayn guri ah diintaada iyo diintii aabayaashaa, anigoo u imid inaan dumiyo? Cabdulmudalib wuxuu ku jawaabay “anigu geelaan leeyahay Beyt-kuna wuxuu leeyahay Rabbi difaacan doona, Abraha wuxuu yiri marka iga hor istaagi maysid markaasuu yiri adigaa isyaqaan haddaad doonto dumi.

Marka Abraha geelii waa u celiyay Cabdulmudalib, waxaa kaloo lasocday Cabdulmudalib qaar kamida odayaasha Qureysheed marka waxay Abraha usoo bandhigeen inuu xoolohooda kala bar qaato oo uusan dumin Kacbada waana ka diiday. Cabdulmudalib markuu Makko kusoo laabtay ayuu Qureysh amray inay ka baxaan xaramka oo buuraha dhalooda iyo hawdadka ku cararaan si aan colku u baabi’in. [4]

Halaagii Asxaabul Fiil

Dhinaca kale Abraha iyo colkii markii waagu u baryay ayuu colku is cabbeeyay oo isu diyaariyay inuu hujuum ballaaran ku qaado xaramka, hadaba markay marayeen waadiga Muxassar oo u dhexeeya Mina iyo Muzdalifa (goobaha xajka lagu guto) ayuu maroodigii waynaa fariistay oo diiday inuu hore ugu dhaqaaqo xagga Kacbada, markay u jeediyaan koonfurta, waqooyiga amase bariga waa boodayaa oo dhaqaaqayaa markayse u jeediyaan xagga Kacbada waa fariisanayaa.

Goor ay xaaladdaan ku sugan yihiin ayaa Alle usoo diray “korkooda shimbiro raxan raxan ah, oo ku tuuraya (ku rushaynaya) dhagaxyo dhoobo-naareed ah, markaasay ka dhigeen sidii bal la daaqay oo kale, (bal inta la jaray dhulka bilkaxan oo kale)” shimbiruhu waxay u ekaayeen dafooyinka iyo haadda baqalyada shimbir walbana wuxuu sitaa sadex dhagax, hal qowlalka uu ku sito iyo labo uu adimada ku sito oo u eeg iniinaha iltukaha.

Qofkii uu dhagaxaasi ku dhoco wuxuu u googo’ayaa xubin xubin isla markiina waa bakhtinayaa, hasayeeshee dhagaxu kuligood kuma wada dhicin sidaa darteed ciidankii waa yaaceen ayagoo sidii mawjadda badaha isugu tumanaya oo isu jiiraya markaasay gabi kasta ka daateen meelkastoo godanna ku bakhtiyeen, Abraha qof ahaan waxaa Alle usoo diray cudur xun oo xubnihii la daateen oo cadba mar go’ay oogadiina haragu ka diirmay wuxuu Sanca gaaray isagoo oogadoo dhan diiran tahay laabta ayaana dillaacday wadnaha agtiisa waana dhintay islamarkiiba. Run ahaantii waxay ahayd dhacdo wayn oo ah mucjizo layaab badan oo lagu isticmaalay awood ka baxsan qudrada aadanaha iyo waxa uu garan karo labada.

Surat Al-Fiyl

Surat Al-Fiil: (Ayadaha 1-5)

  1. Ma Ogtahay sida Eebba ku falay asxaabtii maroodiga ‘Colkii’.
  2. Miyaan Eebbe ka yeelin dhagartoodii wax dhumay.
  3. Oosan ku dirin korkooda Shimbiro kooxa ah.
  4. Markaas Eebbe ka yeelay Bal la daaqay sidiis.

Dhacdadii ‘ciidankii maroodiga’ waxaa lagu qiyaasaa in ay dhacday bishii Muxarram, sida ku xusan Roman Calendar.

Qureysh dhinacooda markii hore waxay ku firdheen hawdadka iyo duurarka waxayna isku ilaaliyeen buuraha dhaladooda ayagoo ka baqanaya colku inuu cagta mariyo oo tirtiro, markii hadaba colkii ay ku habsadeen baladii ku habsatay ayey guryahooda ku soo laabteen ayagoo nabada qaba, dhacdadaanna waxaa Alle (subxaanah) kaga waramay suurada Al-fiil.

Dhacdadaani waxay ahady bisha muxaram konton maalmood ka hor dhalashada Nabiga (scw) ama shan iyo konton -waana sida taariikh-yahanada intooda badani qabaan- waxayna ku beegan tahay dhamaadka February amase bilowga March sanadka 571-da ciise dabadi, waxayna ahayd hordhacmo Alle horseed uga dhigay Nabiga (scw) iyo Kacbadaba.

Maxaa yeelay markaan fiirino beytal-maqdas waxaan arkaynaa in qibladaan Alle ku salladay oo gacanta u galiyay mushrikiin sanabo caabud ah ayadoo dadka haystaana ay muslimiin ahaayeen sidii uu sameeyay bukhtanasar hogaamiyihii baabiliyiinta sanadkii 587-dii ciise horti, sidoo kale Roomanka sanadkii 70-kii ciise dabadi, laakiinse Kacbada Nasaaradu ma qabsan ayagoo markaas muslimiinta jira ahaa, ayagoo dadka Kacbada haystaana yihiin mushrikiin Sanabo-caabud ah.

Waxay dhacdadaani kusoo beegantay marxalad hadalhaynteedu gaarayso dunida horumartay ee markaa jirtay inteeda badan, sababtoo ah Xabashidu waxay hoos imaanayeen embiraadooriyada wayn ee Room oo ay Orthodex isla yihiin xariir wayna ka dhexeeyo, Furus-na (Persia) waxay loollan kula jireen Roomaaniyiinta iyo gaashaanbuurtooda oo gaadayeen waxwalba oo ku dhaca sidaa darteed islamarkiiba Yaman ayagaa qabsaday dhacdadaan kadib, labadaan dawladoodna ayagaa matalayay caalamka horumaray markaas.

Dhacdadaani waxay soo jeedisay indhaha caalamkoo dhan oo tusisay burhaanta Kacbadaani leedahay iyo sharafteeda, iyo inuu yahay meel Alle doortay oo barakaysan, waxay tafsiir u ahayd xigmadda qarsoon ee ku jirta in Alle u gargaaray gaalo sanabo caabud ah dadkii iimaanka lahaana la halaagay si waliba ka baxsan caalamka asbaabaha ee la garan karo, sidaa darteed hadduu qof xaramkaan u dhashayi nabinimo sheegto waxay ahayd wax la rumaysan karo dhacdadaan awgeed.

Cabdulmudalib wuxuu dhalay toban wiil oo kala ah:

  • Xaarith,
  • Zubayr,
  • Abu-dalib,
  • Cabdulaahi,
  • Xamza,
  • Abu-lahab,
  • Ghiidaaq,
  • Maquum,
  • Safaar
  • Cabaas

Waxaa kaloo la yiri kow iyo toban ayadoo lagu daray Qutham, waxaa kaloo la yiri sadex iyo toban ayadoo lagu daray Cabdilkacba iyo Xajlan, gabdhahana lix kala ah Umulxakam, (baydaa) Barrah, Caatikah, Safiyah, Arwa iyo Umayma.

-Cabdulaahi Aabaha Nabiga (scw)- Cabdulaahi hooyadii waxaa la yiraahdaa faadima Bint Camar Ibn Makhzuum, wuxuuna ahaa wiilasha Cabdulmudalib ninka ugu wanaagsan uguna dhawrsoon uuna ugu jecel yahay, waana ninka la gawracay, taasina waxay ku dhacday markay Cabdulmudalib wiilashiisu toban gaareen, oo uu hubsaday inay difaaci karaan wuxuu u sheegay nidarkii uu hore u galay inuu midkood shugri u gawracayo markaasay ka yeeleen.

Markaasuu magacooda ku qoray leebka qidaaxa (qoryo wax lagu qaybsado) oo u geeyay uqaybsanaha sanabka Hubal –si uu qoryaha u rido- qoryihii ayuu riday markaasay waxay ku dhacday Cabdulaahi, markaasuu Cabdulmudalib mindi afbadan soo qaatay iyo wiilkiisa Cabdulaahi oo Kacbada xageeda ulasoo dhaqaaqay si uu u gawroco, waxaa ku qabsaday oo u diiday Qureysh gaar ahaan abtiyaashii Banii-makhzuum iyo walaalkiis Abu-dalib oo ay isku hooyo yihiin, markaas ayuu Cabdulmudalib yiri maxaan hadaba nidarkaygii ka sameeyaa?

  1. Fiiri xadiith-ka caisha ee uusoo saaray abu-da’ud kituubu nikaax
  2. Waxaad ka garan kartaa qisada Sacad iyo Cabd Ibn zamca ay isku qabsan jireen wiilka oo nabigu wiilkii firaash raacsiiya sidoo kale ninbaa nabiga ku yiri wiilkaan wiilkaan anaa dhalay hooyadiis ayaan ka zinaystay.
  3. Tixaha gabayga waxaa turjumay Abdirizak Musanaf
  4. Fiiri tafsiirka Ibn kathiir suurada Al-fiil

(*) Harsha waa buur makko u dhow, waadiga waxaa loo yaqaan Makko.

Decorative Lines

Waxaa soo diyaariyey
Shiikh Cabdirisaaq Macallim Abshir
Email: musanaf@hotmail.com
Xigasho: SomaliTalk.com