Silsiladda
Taariikhda Islaamka

Qaybta | 4aad

Siira:  Taxanaha Taariikhda Islaamka
oo ka Kooban 12 Qeybood.
Qore: Sheekh Cabdirisaaq
Macalin Abshir (Musanif)


Decorative Lines

Qeybtan waxay ka kooban tahay

  • Dhalashada Nabiga (csw) Iyo Afartan Sano oo Nabinimada ka horeeyay.
  • Qabiilada Banii-Sacad dhexdeeda.
  • Nabiga (csw) oo u wareegay hooyadiis dhabteeda.
  • Nabiga (csw) oo u wareegay awoowgiis dugaalkiisa.
  • Nabiga (csw) oo u wareegay korinta adeerkiisa aabishiis la baha.
  • Daruuraha oo wajigiisa laga roob Dalbayo.
  • Raahibkii Buxayra
  • Dagaalkii Fujaarta
  • Heshiiskii Fadalada
  • Noloshii Xoogsiga
  • Guurkii Nabiga (csw) iyo Khadiija (RC) Dhismihii labaad ee Kacbada iyo Arrintii Garsoorka

Dhalashadii Nabiga (scw) Iyo
Afartan Sano oo Nabinimada Ka Koreeyay

Waxay inoo maraysay arintii naderka ee Nabiga aabihii, wuxuuna ahaa sidaan…..!

Cabdulaahi Aabaha Nabiga (scw)- Cabdulaahi hooyadii waxaa la yiraahdaa faadima Bint Camar Ibn Makhzuum, wuxuuna ahaa wiilasha Cabdulmudalib ninka ugu wanaagsan uguna dhawrsoon uuna ugu jecel yahay, waana ninka la gawracay, taasina waxay ku dhacday markay Cabdulmudalib wiilashiisu toban gaareen, oo uu hubsaday inay difaaci karaan wuxuu u sheegay nidarkii uu hore u galay inuu midkood shugri u gawracayo markaasay ka yeeleen,

markaasuu magacooda ku qoray leebka qidaaxa (qoryo wax lagu qaybsado) oo u geeyay uqaybsanaha sanabka Hubal –si uu qoryaha u rido- qoryihii ayuu riday markaasay waxay ku dhacday Cabdulaahi, markaasuu Cabdulmudalib mindi afbadan soo qaatay iyo wiilkiisa Cabdulaahi oo Kacbada xageeda ulasoo dhaqaaqay si uu u gawroco, waxaa ku qabsaday oo u diiday Qureysh gaar ahaan abtiyaashii Banii-makhzuum iyo walaalkiis Abu-dalib oo ay isku hooyo yihiin, markaas ayuu Cabdulmudalib yiri maxaan hadaba nidarkaygii ka sameeyaa?.

Markaas ayey waxay usoo jeediyeen inuu u tago haweenay faalallow ah oo arrintaan uu hordhigo, markaasna wixii ay kula taliso uu sameeyo, Cabdulmudalib taladaan ayuu qaatay sababtoo ah Cabdulaahi wuxuu ahaa wiilka uu ilmihiisa ugu jecel yahay uguna han wayn yahay, marka haweenaydii ayuu u tagay, waxayna usoo jeedisay inuu u qori tuuro wiilka Cabdulaahi ah iyo toban neef oo geela, haddii qorituurku wiilka kusoo baxo geela ayuu toban ku kordhinayaa, markasta oo ay wiilka kusoo baxdana geela ayuu toban ku darayaa ilaa uu rabbigiis raalli noqdo, hadday geela kusoo baxdana waa gawracayaa.

Cabdulmudalib Makko ayuu kusoo noqday wuxuuna u qorituuray Cabdulaahi iyo toban halaad oo geel ah, markaasay wiilkii ku dhacday, geelii ayuu toban ku daray haddana wiilkii ayay ku dhacday sidaas ayuu geelii u kordhinayay ayna markasta wiilka ugu dhacaysay ilaa geelii gaaray boqol halaad markaas ayay ku dhacday, Cabdulmudalib marka boqol halaad ayuu gawracay, ugana leexday ciddii cunaysa hilibkaas ayadoo aan laga celinayn dad iyo dugaag toona.

Dhacdadaan waxaa lasheegay inay dhacday shan sano kahor dhalashada Nabiga (scw) waxaana ka ratibmay in magta ragga oo carabta dhexdeeda lagu bixin jiray toban neef oo geela dhacdadaan kadib ay hirgashay boqol halaad in lagu bixiyo arrintaan darteed, Islamkuna uu sidaa ku sugay, sidoo kale waxaa Nabiga (scw) laga wariyay inuu yiri “waxaan ahay labada la gawracay wiilkoodii” isagoo uga jeeda Ismaaciil (cs) iyo aabihiis Cabdulaahi.

Cabdulaahi markuu labaatanka sare u dhaafay, Cabdulmudalib wuxuu u doortay wiilkiisa gabar maalintaas lagu tiriyo qalanjada Qureysh ugu sidata nasab wanaag qurux iyo qaymi gabdheed intaba, Aamina Bint Wahab Ibn Cabdimanaaf Ibn Zuhra Ibn Kilaab (nabiga hooyadiis), aabaheedna waa kaabbaqabiilka lafta Banii-zuhra oo kamida lafaha Qureysheed sidoo kale caaqilkooda hodanka ah, intaa kaliya ma ahan ee waa gabar uu Cabdulmudalib dunteeda yaqaan inuu eedadeed Haala Bint Uhayb qabay darteed, abtirsigana waxay Nabiga (scw) isugu yimaadaan awowga shanaad.

Madiinah Al anbawiyah

Cabdulaahi wuxuu ku dhistay Makka reerkiisa cusub ee lagu hanwayn yahay, markuuse muddo yar la dagganaa ayaa Cabdulmudalib u diray inuu Madiina timir uga soo iibiyo halkaas ayuuna si kado ah ugu geeriyooday, waxaa kaloo la yiri safar ganacsi ayuu Shaam ugu baxay isagoo lasocda ganacsato Qureysheed, markay soo laabteen ayay Madiina soo mareen Cabdulaahi oo xanuunsan halkaas ayuu marka ku dhintay waxaana lagu aasay daar uu leeyahay nin lagu magacaabo Naabigha Al-jacdi.

Cabdulaahi wuxuu markaas ahaa shan iyo labaatan jir, sida ay taariikhyahannada intooda badani leeyihiin geerida Cabdulaahi waxay ahayd intaan Nabigu (scw) dhalan waana sida saxda ah waana agoonnimada heerkeeda ugu sareeya, waxaase kaloo la yiri waxay ahayd dhalasha Nabiga (scw) labo bilood kadib, markii khabar geeriyaadkiisu soo gaaray Makko, Aamina waxay u tirisay tix baroordiiq ah oo kuwa ugu yaabka badan ah waxayna tiri.

  • Duniyeey ninkii kugu hanwayn hadimo weeyaane
  • Hog miyaa la dhigay ina haashim haadda laga duugay
  • Hanqar dhacaya hoostiis miyaa iilka lagu haabay
  • Haddii balo u gacan haadisoo malagu hoosaasay
  • Kuma harin haldhaagii naflaha nimaan ku heensaaye
  • Galabkii garbaha lagu hilay hoobkii lagu qaaday
  • Hareeraha markay wada qabteen la isku haaraamye
  • Geeridu rag waa huran tahoo waa had loo qoraye
  • Isagoon harreed marin haddii mawdku halakeeyey
    • Hor Allaan ka furay inuu lahaa haybsi iyo hooba [1]

Marka la isku daro hantida uu Cabdulaahi ka tagey oo laga dhaxlay waa, shan tuldood oo geel ah, xayn ari ah iyo gabar yar oo adoon xabashiyada ah oo magaceedu yahay Barkah niinaasteeda (kunyadeeda) Umu Ayman, waana xanaanaysadii Nabiga (scw).

Dhalashadii Iyo Afartan Sano oo
Nabinnimada Ka Horeeya

Wuxuu ku dhashay Rasuulka Alle (scw), Sayidkii Nabiyada Alle, khalqiga Alle kii ugu khayr badnaa, waadiga (gosha) Banii-Haashim oo Makko ku yaal, subax Isniin ah oo ay sagaal tahay bisha rabiicul awal, sanadkii koowaad ee dhacdadii maroodiga, afartan sano kadib dhismihii dawladda Saasaaniyada ee u dhisay kisraa Aanu sharwan ee reer Furus (persia), waxayna dhalashada Nabigu (scw) ku beegan tahay 20 ama 22/4/571-dii (labaatankii ama labo iyo labaatankii bisha April sanadkii 571-kii) sida uu xaqiijiyay caalimka wayn ee taariikh yahanka ah Muxamed Sulaymaan Almansuurifuuri iyo caalimka wayn ee ku takhasusay meerayaasha Maxmud Pasha.[2]

Qiso saxiix ah oo uu soo saaray Ibn Sacad waxay caddaynaysaa in Nabiga (scw) hooyadii ay tiri “markii aan dhalay waxaan arkay nuur iga soo baxay oo ifiyay daaraha Shaam ku yaal”.

Sidoo kale waxaa jira sheekooyin badan oo ku wada saabsan dhalashada Nabiga (scw) hasayeeshee aan waxba ka sugnayn waxaana ka mid ah, inay Aamina tiri markaan uurkiisa lahaa waligay maanan arag wax ka fudud ama ka sahlan, inay tiri waxaan xiran jiray kuulo xirziyo la magangalo ah markaasay iga kala go’ayeen, inay riyo ku aragtay ayadoo loogu bishaaraynayo magac waynidiisa, in isla riyada lagu amray inay u bixiso Muxamed, inay aragtay markay indhaha kala qaaday gabayo ku qoran loox dahab ah oo ay ugu ducayso, in markii uu dhashay uu u soo baxay si aan ilmuhu u soo bixin ee uu gacmaha cuskaday uuna samada xaggeeda fiirinayey, inuu dhashay isagoo gudan ama uu jibriil guday.

Sidoo kale in la maqlay jinniyo haatufkood isugu bishaaraynaya dhalashadiisa, in sanabadii kacbada hareeraheeda yaallay la arkay ayagoo madaxa u foorara, in aqalka looga taliyo Furus ee Iiwanu Kisraa uu gariiray oo golayaashiisa qaarkood burbureen, in raahib yuhuudi ah oo Caysaa la dhoho uu sheegay habaynkii uu dhashay, iyo sheekooyin badan oo kale, laakiinse kulligood waa sheekooyin aan sugnayn oo asal saxiix ah lahayn sidaa darteed aan la xaqiijin karin inay dhaceen iyo inkale.

Albayhaqi wuxuu sheegay in markii Nabigu (scw) dhashay ay damtay dabkii Majuustu caabudi jreen, sidoo kale inay dumeen kaniisadihii ku yaallay hareeraha badyarta Saawah intay markii hore gurtay, inkastoo uusan qirsanayn Maxamed Al-Ghazaali.

Markii Aamina ay umushay waxay u cid dirtay awowgiis Cabdulmudalib ayadoo ugu bishaaraynaysa dhalashada wiilka uu awowga u yahay, markaas ayuu isagoo faraxsan soo orday oo qaatay oo kacbada la galay oo Alle baryay oo u mahad naqay oo u bixiyay Muxamed -magacaanina wuxuu ahaa magac aan hore loo aqoon carabta dhexdeeda- markuu todobo maalmood joogayna waa guday sidii carabtu yeeli jireen xilligaas.

Haweenaydii ugu horeysay oo Nabiga (scw) naas nuujisay hooyadii kadibna waxaa la oran jiray Thuwayba, waxayna ahayd gabar uu xoreeyay Abulahab oo u irmaan wiil ay dhashay oo lagu magacaabo Masruux, sidoo kale waxay Nabiga (scw) kahor naas nuujisay adeerkiis Xamza, kadibna waxay naas nuujisay Abusalama Ibn Cabdilasad Almakhzumi, oo kulligood noqday walaalo xagga naas wada nuugga ah.

Qabiilada Banii-Sacad dhexdeeda

Sida dhaqanka carabtu ahaa waqtigaas, markii dadka magaalooyinka daggan ilmo u dhashaan waxay u diri jireen dumar naas nuujiya dhulalka baadiyaha fog ah si ay caruurtooda uga fogeeyaaan cudurada magaalada, iyo in jirkoodu xoogsado oo seedahoodu adkaadaan iyo inay yaraantooda luqada carabiga si fiican ugu bartaan, sidaa darteed Cabdulmudalib wuxuu Nabiga (scw) u raadiyay haweenay naas nuujisa, wuxuuna u helay haweenay u dhalatay qabiilada Banii-sacad oo lagu magacaabo Xaliima Bint Abii-du’ayb ninkeedana Xaarith Ibn Cabdilcuza niinaastiisana (kunyadiisa) Abikabsha.

Qoyskaan Nabiga (scw) nuujiyay wuxuu ku yeeshay walaalo cusub oo xagga nuugmada ah waxayna kala ahaayeen Cabdullaahi, Aniisa iyo Shaymaa gabadhaan dambe waxay si gaar ah u xannaanayn jirtay Nabiga (scw) sidoo kale Abusufyaan Ibn Xaarith Ibn Cabdulmudalib oo meesha isna lagu nuujinayay oo ay Nabiga (scw) ilma adeer yihiin.

Xaliimatu Sacdiya muddadii ay nabiga (scw) oo yar haysay waxaa laga tusay barkhaddiisa iyo barakadiisa wax badan oo ay malaysan wayday layaab awgiis, hadaba bal aan ayada ka dhagaysano qisadaan macaan inay inoo mariso.

Sida uu Ibn Isxaaq sheegay Xaliimatu Sacdiya waxay ka sheekaysay “inay dhulkoodii kasoo sadcaaleen ayada iyo ninkeeda iyo ilma saqiir naasnuuga ah oo ay dhaleen, ayagoo la socda dumar u dhashay qabiilada Banii-sacad oo aan kulligayo raadinayno caruur aan nuujiyo, waxay tiri, xilligaasina waa sanad abaar ah oo aan mood-yo nool midna noo reebin, waxaa noo rarraa safarka dameer dhadig oo xaycad ah oo aan leennahay.

Sidoo kale waxaan wadanaa hal duq ah oo irmaan, waxay tiri, Allaha wayn  baan ku dhaartaye inaysan dhibic caano ah dhiiqayn, mana aanaan seexan jirin habaynkii oohinta ilmaha yarka ah ee aan wadano darteed, gaajada iyo rafaadka uu la gam’i la’hayey, naaskayga kama helo caano deeqa, hasha duqda ahina kuma filla, laakiinse waxaan ka rajo qabnay in faraj naloo furo oo aan gargaar xag Alle ka hello, marka dameertii aan kusoo baxnay ayaa noo dhaqaaqi wayday caato iyo tabar darri darteed, ilaa ay socotadii naga reebtay oo ay nagu dhibsadeen ilaa aan ugu dambayntii si dhible Makko kusoo gallay anagoo raadinayna ilma aan nuujino.

Markaan nimid Makko haweenay kasta oo naga mid ah waxaa loosoo jeediyey inay Rasuulka qaado, markaasay diidaysay markii loo sheego inuu agoon yahay, taasina waxay ku dhacday waxaan samafal ka filanaynay ilmaha aabahood, markaasaan waxaan isku oranaynay: ogoon! Oo maxay hooyadiis noo samayn kartaa!! Sidaa darteed agoonnimada ayaan ku nacaynay.

Maalmo kadib dumarkii ila socday kulligood waxay heleen ilmo ay qaataan oo naasnuug ah aniga mooyaane, markii aan go’aansannay inaan dhulkayagii ku laabanno ayaan ninkaygii waxaan ku iri, ninyohow wallaahay waan dhibsanayaa inaan haweenkii saaxiibaday ahaa iskala laabto anigoo aan ilma wadan, wallaahay agoonkaas ayaan aadayaa oo iska qaadanayaa, markaasuu yiri wax dhibihi kaama saarna, haddaad rabto qaado waxaa laga yaabaa in Alle barako naga siiyee, waxay tiri marka waan aaday oo soo qaatay, mana qaateen ee waxaan waayey ilmo kale oo aan la noqdo.

Markii aan soo qaatay oo aan kula soo laabtay meeshii aan dagnay, islamarkiiba markaan dhabtayda saaray naasahaygii ayaa dararay intuu doono oo caano ah ayaa ka godladay ilaa uu ka dhargay, walaalkiis ayaa isna la cabbay ilaa uu isna dhargay oo seexday, mana aannaan seexan jirin markaas kahor ilmaha oohintiisa darteed, ninkaygii ayaa hasha duqda ah xaggeeda aaday mise waaba ayadiiyoo gaaxsan!! (caana kabuuxaan) marka wuxuu kasoo lisay caano aan labadayadiiba cabnay ilaa aan dharag la cabbi waynay oo aan ka istaagnay, marka waxaan hoyannay habayn barakaysan, markaan waa bariisanay ayaa ninkaygu wuxuu igu leeyahay ma ogtahay xaliimooy wallaahay waxaan hellay naf barakaysan, markaasaan waxaan leeyahay wallaahay waan rajaynayaa khayrkaas.

Waxay tiri, kadibna waan baxnay aniguna waxaan fuulay dameertaydii gaabiska ahayd labadii caruurta ahaana waa ila saaran yihiin, mise waa dameertii oo dheeraynteeda laga yaabay!! wallaahay safar laydii oo dhan waan ka hormaray xawlli iyo socod aysan kulligood awoodin, ilaa gabdhihii ay igu leeyihiin, naahoow Xaaliimooy miyaadan noo turayn!! Miyaysan waxaani dameertaadii ahayn aad markii hore wadatay, markaasaan leeyahay haa wallaahay waa lafteedii, markaasay leeyihiin wallaahay qisadeedu waa mid layaab wayn!!.

Waxaan gaarnay dhulkayagii deegaanka Banii-sacad mana jirin xilligaas meel dhulka ilaahay ka mid ah oo ka abaar badan oo ka qallalan, markaan tagnay anagoo wiilkii yaraa wadana, arigaygii ayaa iisoo dheelmada maalin walba isagoo jimcoon oo dharagsan oo caano ka buuxa markaasaan maallaa oo caano cabnaa, mana jirin dhulkaas qof Alle abuuray oo dhibic caano ah heli kara!! Xoolaha kale waxaad moodaa inay gureen, dadka meesha dagani waxay ku canaantaan dadka xoolaha u raaca, inkaar qabooyin yohow xoolaha soo daajiya meesha uu soo daaqsiiyo Xaliimo ninka ariga u raaca.

Markaasaa xoolihii soo dheelmadaan ayagoo aan waxba iska badalin gaajaysan oo guran, aan dhibic caano ahna dhiiqayn, arigayguna wuxuu soo dheelmadaa isagoo dharagsan oo caano ka buuxaan!!! Hadaba waxaan arkaynay khayr, ziyaado iyo barako nagu soo korortay ilaa ay dhamaadeen labadiisii sano ee naasnuugga oo aan naaska ka gooyay, wuxuuna u korayay si ka dheeraysa sida wiilashu u koraan sidaa darteed labadii sano uma dhamaan ilaa uu noqday wiil xooggan!!.

Waxaan u tagnay hooyadiis anagoo aad uga qalqaalinayna inuu wiilku nalasii noolaado, khayrka aan ka aragnay dartiis, hooyadiis ayaan kala hadlay oo waxaan ku iri, maad ii daysid wiilkayga ha ila joogee ilaa uu ka xoogsado, waxaan uga cabsanayaa cudurrada Makko ina ku dhacaane, marka waxaan qalqaaliyaba way ii ogalaatay oo waan soo ceshaday.

Marka Nabigu (scw) sidaas ayuu usii dhexjoogay qabiilka Banii-sacad, ilaa uu afar jir noqday ama shan jir waxaa dhacday xilligaas mucjizo kale oo la yaab badan.

Sida uu Imaamu Muslim wariyay Nabiga (scw) asagoo wiilal yaryar la cayaaraya ayaa waxaa u yimid Jibriil (malaku Jibril cs) marka intuu dhinac u lagday oo laabtiisa dooxay oo qalbigiisa lasoo baxay, ayuu cad hilib ah oo yar inta ka gooyay oo tuuray yiri, waa intaas qaybtii (cadkii) shaydaan ku lahaa, kadibna intuu baaf dahab ka samaysan oo biyo zamzam ahi ku jiraan ku dhaqay wadnihii ayuu meeshisii ku celiyay, caruurtiina waa kala carareen oo dhinicii xaafadda iyo Xaliimo u yaaceen ayagoo ku qaylinaya, war Muxamed waa la dilayeey!! Xaafadda dadkii joogay ayaa soo yaacay oo caruurtii ka hor tagay Mise waxaa ka horyimid Nabiga oo midab badalan oo boorkii saaran yahay!! [3]

Nabiga (scw) oo u Wareegay
Hooyadiis dhabteeda

Hadaba arrintaan mucjisada ahi markay dhacday ayaa Xaliimo cabsatay oo waxay iskula hadashay wiilkaan yar oo amaanada kugu ah armaa asagoo gacantaada ku jira la dilaa,  sidaad ayay marka hooyadiis ugu celisay, hooyadiis ayuuna Nabigu (scw) lasii noolaa ilaa uu gaaray lix sano jir.

Waxaa Aamina u muuqatay inay gudato waajib ka saaran xusidda booqashada qabriga ninkeedii dhintay oo madiino ku yaal, markaas ayay u safartay xagga madiino ayadoo jaraysa masaafo gaaraysa shan boqol oo kilometer, waxaana la socda wiilkeeda yar ee agoonka ah Muxamed (scw), gabadheeda shaqaalaha ah ee Umu ayman iyo odaga soddoggeeda ee Cabdulmudalib, markay bil joogtay madiino ayay iskasoo laabatay, gooray marka dhexda soo marayso, waa ayadii oo  si lama filaana jirro ugu dhufanayso, oo isla bilowgii waddaba cudurkii kusii xumaaday, markay maraysan Abwaa oo u dhaxaysa Makko iyo Madiino ayayna ku geeriyootay, sidaas ayuu Nabigu (scw) ku noqday agoon iyo rajay labada.

Nabiga (scw) oo u Wareegay
Awowgiis Dugaalkiisa

Cabdulmudalib Makko ayuu kula soo laabtay wiilka yar ee uu awowga u yahay, isagoo ay qalbigiisa kusii kobcayso dareeen isugu jira jacayl iyo walwal uu ka naxsan yahay wiilkaan yar ee labadiisii waalidba waayay isagoo aan calfan jacaylkii hooyadii iyo raxmadii aabihiis midna, marka niyaddiisa ayaa u dabacday si uusan wiligiis qof ilmihiisa ka mida ugu dabcin una jeclaan, wuxuuna go’aansaday inuusan kaga tagin kallinnimada aqdaartu ku xukuntay, ee waa inuu u huraa wax uusan ilmihiisa kale oo dhan u hurin.

Sida uu Ibn Hishaam sheegay, waxaa Cabdulmudalib Kacbada harkeeda loo dhigi jiray darin jilicsan, marka wiilashiisu waxay fariisan jireen darinta hareeraheeda ilaa uu odaygu yimaado, qof wiilashaas ka mid ahina kuma dhiirran karin inuu ku fariisto darintaas qadarin ay odaga xushmaynayaan darteed, markaasuu Nabidu (scw) yimaadaa isagoo kuray yar oo xooggan ah markaasuu darintaas ku dul fariistaa, adeeradiis ayaa dib u qabta si uusan darinta u fariisan, markaasuu Cabdulmudalib yiraahdaa markuu arrintaas arko, iidaaya wiilkaa yarka ah, wallee mucjizo laga yaabo ayuu yeelan doonaaye!!. Markaasuu darintiisa isla fariisiyaa oo dhabarka u salaaxaa oo ku farxaa waxyaalaha uu samaynayo.

Markii Nabiga (scw) cimrigiisu marayey sideed sano, labo bilood iyo toban maalmood, waxaa Makko ku geeriyooday awowgiis Cabdulmudalib, laakiinse intuusan dhiman Cabdulmudalib waxaa u muuqanaysay inuu gacan kalsooni leh ku ogaado korriimada wiilka yar ee uu awowga u yahay, wuxuu marka u yeeray Abu-dalib oo u dardaarmay kafaala qaadka Nabiga (scw), Abu-dalib oo ah adeerkiis ay aabihiis isku hooyo yihiin.

Nabiga (scw) oo u Wareegay
Korinta Adeerkiiska Aabihiis La Baha

Abudalib wuxuu u istaagay gudashada xaqa koriimada wiilka walaalkiis dhalay heerka ugu sareeya iyo hannaanka ugu qurxoon, wuxuuna ku daray caruurtiisa waana ka saramariyey, wuxuu ku gaar yeellay ixtiraam iyo qadarin dhaaftay heer walba, muddo ka badan afartan sano ayuusan ka daalin inuu garabkiisa xoojinayo, cadow iyo nacabba ka celinayo, nin dhow iyo nin dheerba ka difaacayo, shisheeye iyo shardoonba isaga u mari waayeen, u doodayo una diganayo isaga dartiis, waxaana inoogu imaandoona tusaalayaal kala duwan oo arrintaan ku saabsan meelahooda insha allaah.

Daruuraha Oo Wajigiisa
Lagaga Roob Dalbayo

Sida uu sheegay Al-xaafid Ibn Casaakir, nin la yiraahdo Jalhama Ibn Carfada ayaa wuxuu yiri, waxaan soo galay Makko ayagoo ku jira xilli abaar kulul ah, markaas ayaa Qureysh Abudalib u tageen oo ku dheheen, Abudalibow sidaad aragto, Makko waa abaaraysatay ubadkiina waa baahooday, ee soo bax oo roob doon, Abudalib ayaa soo baxay waxaana la socda wiil yar oo aad mooddo qoraxda oo maalin cadar ah, daruur cokani ka faydantay, (nuurkeeda) waxaa hareerihiisana socda wiilal yar yar, Abudalib ayaa marka gacanta qabtay oo dhabarkiisa Kacbada ku tiiriyay wiilka, fartiisana wiilka xaggiisa u taagay, cirkana caad xataa ma saarayn, daruur yarna laguma arag, marka islamarkiiba daruuro ayaa dhinac walba isaga yimid oo curtay oo da’ay oo unkaday oo hillaacay, waadigiina waa burqaday oo daad baa qaaday, balad iyo baadiyana waa lawada doogsaday, arrintaan ayuu marka Abudalib ku tilmaamay gabaygiisa.

  • Da’ yaroo cad oo guga dib dhacay roobka lagu doono
  • Daruuraha cirkiyo waxaa aqbala deebta geedahaye
  • Wajigiisa markii loo duweey doogsin curiyaane
  • Agoomaha dugaal buu u yahay deeqda loo dhigaye
  • Dumarka aan la qabin waw makaab dayirta lagu gaaro [1]

Raahibkii Buxayra

Rasuulku (csw) markuu gaaray labiyo toban sano (12 sano) iyo sida la yiri laba bilood iyo toban cisho, ayaa waxaa la safray adeerkiis Abudalib safar ganacsi oo lagu aaday dhulka Shaam, hadaba markay marayeen magaalada Busraa oo ka tirsan Shaam gaar ahaan xarun u ah dagaanka Xawraan, waqtigaasna lagu xisaabo magaala madaxda dhammaan carabta hoostimaada maamulka Imbiraadooriyada Room, magaaladaas markay marayeen (waxaana ku noolaa nin raahib ah (caalim diimihii hore haysta) oo loo yaqaan Buxayraa magaciisana la yiraahdo Gerjis) oo dageen, raahibkii ayaa usoo dagay oo soo dhaweeyay oo martisoor ku sharfay -markaas kahorna cidna inuu u soo dago laguma aqoon- markaas ayuu Nabiga (scw) ku dul wareegay oo aqoonsaday calaamado iyo astaamo uu ka fiirinayay.

Markaas ayuu inta gacanta ku dhagay yiri, “kani waa sayidkii caalamka, kani waa kan Alle soo diri doono isagoo raxmad makhluuqiisa oo dhan u ah” Abudalib oo yaaban ayaa ku yiri, “maxaad ku ogaatay? Markaasuu yiri, lagasoo bilaabo markaad karinta buurtaas fog kasoo dagateen, dhulkaan dhagax iyo geed waxa korkiisa yaallaa dhaamaan waxay ula dheceen sujuud, umana sujuudaan cid aan nabi ahayn, waxaan kaloo ku garanayaa kaatunkii nabinimada oo kaga yaalla carjowda garabka hoosteeda isagoo la moodo xabad tufaax ah, calaamadihiisana kutubtayada ayaan ku haynaa, wuxuu kaloo Abudalib ka codsaday inuu celiyo ninkaan yar oo uusan Shaam la galin, cabsi uu uga qabo Yuhuuddu inay dilaan, markaas ayuu Abudalib ku daray wiilashiisa qaarkood oo ay dib usoo celiyeen Nabiga (scw).

Dagaalkii Fujaarta

Markuu Nabigu (scw) shan iyo toban jirsaday, waxaa dhacay dagaal loo yaqaan Dagaalkii Fujaarta oo ka dhexdhacay Qureysh oo ay wehiliyaan dhamaan lafaha Kinaana dhinac iyo qabiilada Qeys Ciilaan dhinaca kale, waxaana Qureysh iyo xulafadeeda oo dhan maalintaas dagaalka hogaaminayay Xarbi Ibn Umaya heerka uu dhexdooda ka joogay sharaf iyo da’ba darteed, hadaba maalinka galinkii hore waxaa gacan sareeyay dagaalka Qeys Ciilaan oo kinaana iyo Qureysh waa la jabiyay, ilaa ay harkii noqotay markaas ayaa kafaddii dagaalku dhinaca kale isu rogtay oo la jabiyay Qeys Ciilaan guushiina ay raacday Qureysh iyo lafaha kinaana.

Dagaalkaan waxaa loogu magacaabay dagaalkii fujaarta in lagu xad gudbay seeraha xaramka oo aysan bannaanayn in lagu dagaalamo iyo waliba bilaha xurmada leh oo dhexdooda la dagaalamay, hadaba sida la sheegay, dagaalkaan waxaa goobjoog ka ahaa Nabiga (scw) oo leebabka iyo warmaha u diyaarinayay una aruurinayay adeeradiis.

Heshiiskii Fadalada

Dagaalkaan mudda yar kadib bisha dulqicda oo bilaha xurmada leh ka mid ah, waxaa Makko lagu saxiixay mucaahado loo yaqaan heshiiskii fadalada, heshiiskaan oo ay isugu yeerteen qaar kamid ah lafaha Qureysheed ee Banu-Haashim, Banu-Mudalib, Asad Ibn Cabdilcuza, Zuhrata Ibn Kilaab iyo Taym Ibn Murra, waxaa lagu qabtay guriga Cabdulaahi Ibn Jadcaan Ataymi (deekhsigii caanka ahaa) da’diisa iyo sharaftiisa darteed, marka waxay isku dhaarsadeen oo isku ballansadeen inay u hiilliyaan oo garab istaagaan qof allaale qofkii lagu dulmiyo Makko iyo hareeraheeda oo reer Makko ah ama ummadaha ilaahay ee kale, sidoo kale inay isku meel ugasoo wada jeestaan qofkii dulmiile ah oo gardaran ilaa ay xoog uga qaadaan dhacii uu gaystay.

Hadaba heshiiskaan waxaa ka qayb galay Rasuulka Alle (scw) wuxuuna yiri markii Alle nabinnimada ku karaameeyay kadib “ wallee waxaan kaga qayb galay guriga Cabdulaahi Ibn Jadcaan heshiis aanan jeclaan lahayn in la iigu baddalo geela kiisa cascas, haddii Islamnimada dhexdeeda la iigu yeerana (isagoo kale) waan ka qayb gali lahaa

Wuxuu kaloo yiri, “waxaan ka qayb galay isbahaysigii mudayibiinta (kuwa cadarka jabiyay oo isku dhaarsaday) anigoo adeeraday la socda anigoo wiil yar ah” [4]

Mucaahadadaan fadalada nuxurkeedu wuxuu fogaynayaa jaahiliyadda iyo qabyaaladda ku dhisan hiilka xaq darradda la isugu kaalmeeyo, mushkiladaas oo waqtigaas naafaysay cududdii dadka, galaafatayna quudyo qori wixii gacanta lagu hayay, xilligaas uu Nabigu (scw) heshiiskaan ka qayb qaatay sida uu Ibn Isxaaq sheegay wuxuu Nabigu (scw) jiray labaatan sano, waxaa halkaan inooga muuqata sida uu Nabigu (scw) uga qayb qaatay uguna faraxsanaa dhismaha iyo xoojinta mabda’a caddaalada, intuusan nabiga noqon labaatan sano kahor.

Markii odayaashaani heshiiskaan u fadhiyeen dhinaca kale ee magaalada waxaa ka socotay arrin la xariirta heshiiskaan mirihiisa, taas oo ahayd in nin zubaydi ah oo reer yamaneed ah uu Makko lasoo galay hanti yar oo uu bocsharo ka doonayey, waxaana ka iibsaday oday reer Mako ah oo lagu magacaabo Caas Ibn waa’il Asahmi markaas ayuu xaqiisii u diiday inuu siiyo, ninkii zubaydiga ahaa wuxuu marka u ergooday niman ay isbahaysi leeyihiin oo u kala dhashay qabiilooyinka Cabdidar, Makhzum, Jumax, Sahmi iyo Cidiyi intaba inay dulmiga Caas ku sameeyey uga xaqsooraan, hasayeeshee kulligood waxba ugama qaban umana aysan dhagtaagin calaacalkiisii, markaas ayuu inta fuulay buurta Abuqubays oo Makko xaggeeda usoo jeestay ku qayliyay gabayo uu ku sifaynayo xaqiisii laga dulmiyay uuna reer Makko ugu sheegayo inay wadaagaan xaqdarrada loo gaystay.

Marka odayaashii heshiiska u fadhiyay markay saxiixeen mucaahadada ayay maqleen qaylada ninkaan oo dhagahooda kusoo dhacaysa, markaasay yiraahdeen “wallaahay waxaani meel lagaga tago maleh” waxaa marka u dhaqaaqay qadiyadaan xallinteeda odayaal uu ku jiro Azubayr Ibn Cabdulmudalib iyo raggii heshiiska saxiixay oo inta u tageen Caas Ibn Waail xoog kaga qaadeen hantidii uu ka dhacay ninka zubaydiga ahaa.

Waxaa la sheegaa in heshiiskaan fadalada markii ugu horeysay ay dajiyeen sadex nin oo u dhashay qabiilada Khuzaaca oo la kala oran jiray Fadal, Fudayl iyo Abu Fadal, halkaan oo ah meeshii uu ka raacay magaca fadaladu, waxaa kaloo la yiri waxaa magacaan loogu bixiyay celinta fuduusha (xuquuqda dheeraadka ah) loo celiyo dadkii lahaa. “waxaana aan shaki ku jirin inaan maanta u baahanahay heshiisyo badan oo fadalo ah”.

Noloshii Xoogsiga

Sida la ogsoon yahay ma jirin shaqo khaas ah oo Nabiga (scw) lagu yaqiin dhallinyaro nimadiisii, hasayeeshee waxaa jira qisooyin badan oo caddaynaya inuu raacay xoolaha ariga intii uu joogay Bani-Sacad dhexdooda, sidoo kale inuu reer Makko ugu raacay lacag yar oo shilimaad ah.

Markuuse shan iyo labaatan jirsaday, wuxuu u safray dhulka Shaam isagoo wada hanti bocsharo ah oo ay leedahay Khadiija Bint Khuwaylid Umul mu’miniin, Zawjadii Nabiga (scw) markii dambe Alla haka raalli noqdee,Ibn Isxaaq wuxuu yiri, Khadiija waxay ahayd haweenay maalqabeen ah oo sharaf badni iyo magac wayni lagu yaqaan, waxay hantideeda ku adeeg san jirtay ragga, ayadoo ku shaqaalaynaysa lacag magacaaban, inay bocsharadeeda ula safraan Shaam darted.

Qureyshoo dhanina waxay ahaayeen ummad ganacsato ah, markay hadaba maqashay hadalhaynta dadku Nabiga (scw) hadal hayaan amaantiisa, sida run badnida uu ku caan baxay iyo amaano waynidiisa iyo akhlaaqdiisa wanaagsan, way u cid dirsatay oo u soo jeedisay inuu hantideeda ula safro Shaam islamarkaana inay siinayso lacag in doora ka badan wixii ay  ragga asaaggiis ah siin jirtay, sidoo kale inay ku darayso wiilkeeda adoonka ah ee Maysara, markaas ayuu Nabigu (scw) Khadiija ka aqbalay soo jeedintaan, lana safray bocsharadii Khadiijo ilaa uu Shaam la tagay.

Guurkii Nabiga (scw)
Iyo Khadiijo

Markii uu Makko kusoo laabtay, oo Khadiija hantideedii ku aragtay amaano iyo barkhad iyo faa’iido wax aysan filanayn waligeedna hore ugu arag, wiilkeedii Maysara-na uu dhankiisa uga warramay waxyaalihii uu Nabiga (scw) ku arkay oo dabeecado macaan, sifooyin iyo dhaqamo sarreeya, figrado toosan oo habboon, oraah run ah, iyo hab nololeed wanaagsan ah.

Sidoo kale uu u sheegay mucjizooyin uu la yaabay oo ay ka mid tahay in xilliga qoraxdu kulushahay ay markasta daruuruhu haraynayeen, arrimahaas oo dhan markay aragtay, waxay heshay baadideedii la baafinayay amase kii ugu habboonaa inay nolosha la wadaagto, Khadiijana waxay ahayd haweenay ay madaxda iyo mudanayaashu soo doonaan oo hanti wayn ku ballanqaadaan guurkeeda markaasay ku gacan sayri jirtay.

Hadaba arrintaan nafteeda ka guuxaysa oo ay iskula hadashay ayay kala sheekaysatay saaxiibadeed Nafiisa Bint Munaya, inantaan ayaana Nabiga (scw) aaday ayadoo usoo jeedinaysa guurka Khadiija, markaas ayuu ku raalli noqday oo uu odayaasha adeeradiis ah u sheegay inay u doonaan Khadiija ayaguna dhankooda waxay gabadha ka dooneen adeerkeed islamarkiibana waxaa ku xigay dhamaystirkii hawshaan.

Waxaana xafladdii caqdiga kasoo qayb galay Banu-Haashim iyo dhamaan madaxda iyo waxgaradka qabiilooyinka Mudar oo dhan, xilligaasina waxay ku aadan tahay kasoo laabadkiisii Shaam labo bilood kadib, wuxuuna mahar uga dhigay labaatan qaalmood, waqtigaasna Khadiija waxay jirtay afartan sano, -Ibn Isxaaq wuxuu isagu yiri sideed iyo labaatan sano oo kaliya- waxayna maalinkaas ahayd tan ugu sidata inamaha Qureysheed nasab, hanti iyo caqli badni intaba, sidoo kale waa marwadii ugu horreysay ee uu Nabigu (scw) guursaday lamana uusan guursan ilaa ay dhimatay Alla qabriga ha u qaboojiyee.

Caruurta Nabiga (scw) oo dhanna waxaa u dhashay Khadiija Ibraahim mooyee, markii ugu horreysay waxay u dhashay Alqaasim -waana wiilka Nabiga kuunyada (niinaasta) looga dhigay- Kadibna Zaynab, Ruqaya, Umu Khalthuum, Faadima, ugu dambayntiina Cabdulaahi waana wiilka lagu magacaabo Dayb iyo Daahir, hadaba wiilashii Nabiga (scw) kulligood waxay ku dhinteen saqiirka, gabdhuhuse kulligood waxay soo gaareen Islamka oo Islaameen oo hijroodeen, laakiinse waxay wada geeriyoodeen intii Nabigu (scw) noolaa faadima mooyee oo lix bilood ka dambaysay kadibna ka dabatagtay.

Dhismihii Labaad Ee Kacbada
Iyo Arrintii Garsoorka

Markii Nabigu (scw) sodon iyo shan shano jirsaday waxay Qureysh u istaagtay dhisme cusub in Kacbada la dhiso, sababta keentayna waxay ahayd inay Kacbadu ka samaysnayd dhisme qadiim ah oo duugoobay oo dherarkiisu nin joogiis wax yar ka sarreeyo sagaal dhudhun oo xilligii Ismaaciil ah, saanqaafkii sarana waa daatay markaasaa koox tuugo ahi xadeen kayd keedii gudaha ugu jiray, taasoo jirta hadana waxaa burbur badani kasoo gaaray –inay dhisma duuga tahay darteed- daadadka iyo dabaylaha soo noqnoqda kuwaasoo udubaheeda dabciyay darbigeedana riiqay.

Soo dirista Nabiga (scw) shan sano ka horna waxaa Makko jibaaxay daad wayn oo ku furmay xaramka markaas oo ay Kacbadu dumitaan qarka u istaagtay, sidaa awgeed ayay Qureysh ku khasbanaatay inay cusbooneeyaan dhismaha Kacbada si ay magacooda u ilaashadaan, waxayna isku waafaqeen inaan la galin xoolo aan xalaal wanaagsan ahayn, sidaa darteed laguma dhisi karo hanti ribo laga keenay ama xaq dad laga soo dhacay amase hanti laga keenay haweenay jirkeeda ka ganacsata iyo waxyaalaha lamida.

Markii la damcay in hawshii la bilaabo waxaa laga baqay duminta Kacbada amase in qofkii ku bilaaba dumin balaayo wajaafto –wayna ka haybaysan jireen Kacbada- ilaa uu ku adkaystay oday la yiraahdo Alwaliid Ibn Mughira oo uu ku bilaabay dumin, markii la arkay inaan waxba asiibin ayaa la wada dumiyay, ilaa ay gaareen aasaaskii dhismihii Ibraahim (cs) markaas ayay qabiilo ahaan u qaybsadeen dhismaha, waxayna laf walba ku khaas yeeleen qayb kamid ah inay dhisto, markaas ayaa qabiil waliba soo urursaday si gaara dhagaxaantiisa, waxayna bilaabeen inay dhisayayaan waxaana dhismaha agaasimayay oo toosinayay fuundi Roomi ah oo lagu magacaabo Baaquum.

Hadaba markii la gaaray dhigistii Dhagaxa Madow (xajarul Aswadka) la dhigi lahaa booskiisii oo dhismuhu halkaas gaaray, ayay is khilaafeen oo isku qabsadeen ciddii dhigi lahayd oo la gaar noqon lahayd sharafta dhigistiisa booskiisa la dhigo, murankii ayaa sii socday afar ama shan habayn waana kulalaaday ilaa uu qarka u istaagay inuu isu baddalo dagaal qaraar oo ka dhaca gudaha xaramka, markay arrintu heerkaas gaartay ayaa waxaa istaagay oday lagu magacaabo Aba Umaya Ibnul Mughiira Almakhzumi oo usoo jeediyay si dagaalka looga fogaado inay gartaan u dhiibtaan qofka ugu horreeya ee kasoo gala albaabka xaramka, kulligoodna way ku raalli noqdeen taladaan.

Waxaana Alla la maagay inuu qofkaasi noqdo Rasuulka Alle (scw) markay arkeen ayay farxad cirka u qayliyeen ayagoo leh “kani waa amiinkii waan ku raalli noqonnay kani waa runlowgii Muxamed” markii uu soo gaaray oo ay arrintii uga warameen wuxuu Nabigu (scw) codsaday inay keenaan go’ wayn markii la keenay ayuu Xajarul Aswadkii wuxuu dhigay go’ bartankiisa, wuxuuna ku amray in madaxdii waawaynaa ee qabiilooyinka muranku ka dhexeeyo ay kulligood go’a geesaha wada qabtaan oo markaas wada qaadaan, ilaa ay gaarsiiyeen meeshii la dhigi lahaa markaas ayuu gacantiisa ku qabtay oo meeshiisa dhigay, garsoorkaan ayaa waxaa loo wada arkay xal biyokama dhibcaan ah oo lagu wada qancay lagagana badbaaday colaad aan la ogayn meel ay ku dhamaan lahayd hadday bilaaban lahayd.

Hadaba waxaa Qureysh ka dhamaaday hantidii xalaasha ahayd sidaa darteed waxay ka tageen ilaa lix dhudhun dhinaceeda waqooyiga ah oo dhismihii Ibraahim ee Kacbada ka mid ahaa –waana meesha loo yaqaan Xijriga ama Xadiimka- albaabkeeda ayay kor u qaadeen si uusan u galin cid ay ayagu doonaan mooyee, markii dhismuhu kor u gaaray shan iyo toban dhudhunna saanqaaf ayay u sameeyeen, ku taagan lix tiir oo waawayn.

Markii dhismuhu dhamaaday qaabka Kacbadu wuxuu soo baxay hab afargees u dhow oo xagga kore 15 dhudhun, ballaca labada darbina ilaa 10 dhudhun, dhagaxa madowna wuxuu yaallaa meel dhulka lagu dawaafo ka sareysa miter iyo bar, albaabkeeduna wuxuu dhulka kasareeyaa labo miter, waxaa dhinaca waqooyigana kaga wareegsan darbi yar oo ku wareegsan meesha shaadaroonka oo Kacbada kamid ah.

Fiiro Gaar ah Kacbada

Nabigu (scw) markuu Makko qabsaday wuxuu damcay inuu dhismaha Kacbada dumiyo oo Xijriga kusoo daro oo labo albaab u yeelo midna laga galo midna lago boxo, hasayeeshee wuxuu isaga daayay dad Islaamka ku cusub inay moodaan Kacbadii oo lagu cayaarayo amase lagu xadgudbayo, marka todobaataneeyadii hijriga ayaa waxaa dumiyay Cabdulaahi Ibn Zubayr oo u dhisay sidii Nabigu (scw) jeclaystay, hadana waxaa qabsaday nin ay isaga iska soo horjeedeen oo lagu magacaabo Al-xajaaj Ibnu Yusuf oo todobaatan iyo afartii hijriyada dib u dumiyay dhismihii Kacbada sideedii horena ku celiyay.

Sidoo kale nin lagu magacaabo Ma’muum oo khaliif ahaa ayaa damcay inuu dumiyo oo sidii fiicnayd ee Nabigu (scw) damcay uu u dhiso, laakiinse Imaamu Maalik ayaa yiri, iska daa waxaan ka cabsanayaa in boqor waliba yiraahdo anna waan duminayaa oo si fiican baan u dhisayaa, markaas ayuu iska daayay, sidaa darteed waxay hadda Kacbadu ku joogtaa dhismihii Al-xajaaj Ibn Yusuf ee 74-tii hijrada la dhisay.

________________________________________

[1] Tixaha waxaa curiyay Cabdirisaq musanaf

[2] Fiiri Raxiiqa safxada 45

[3] Fiiri saxiixu muslim baabka Israaga

[4] Xadiithka waxaa soo saaray Axmed, Bukhaari kitaabkiisa Adabka, Dabaraani, Alxaakim fiiri adabka raqam 567 sidoo kale waxaa saxiixiyay Dahabi Iyo Albaani.

Decorative Lines

Waxaa soo diyaariyey
Shiikh Cabdirisaaq Macallim Abshir
Email: musanaf@hotmail.com
Xigasho: SomaliTalk.com