Silsiladda
Taariikhda Islaamka

Qaybta | 5aad

Siira:  Taxanaha Taariikhda Islaamka
oo ka Kooban 12 Qeybood.
Qore: Sheekh Cabdirisaaq
Macalin Abshir (Musanif)


Decorative Lines

Qeybtan waxay ka kooban tahay

  • Hab nololeedka guud ee Nabiga (csw) Nabinimada ka hor.
  • Bishaarooyinka Nabiga (csw) ka horeeyay.
  • Nabinimadii oo soo dalaalimaysay.
  • Jibriil (cs) oo waxyigii la soo dagay.
  • Faahfaahin noocyada waxyiga u yimaado.

Habnololeedka Guud Ee
Nabiga (scw) Nabinnimada Kahor

Dhinac walba oo laga eego Nabigu (scw) wuxuu ahaa shakhsi heerka ugu sareeya ka gaaray hoodada qof lagu ammaano, wuxuu ahaa moodal sareeya oo dhamays tiran laga haqab tiray figradda toosan iyo aragtida toolmoon, wuxuu nasiib u helay gabal wayn garashada wanaagga, ka baaraan dagidda talada, habboonaanshaha hadafka la higsanayo iyo hanaanka loo marayo intaba, wuxuu kaalmaysan jiray aamuskiisa dheer isagoo ay u weheliso  u fiirsasho xeeldheer waxa hareerihiisa socda, ka shaqaysiinta maskaxda iyo doorashada xaqa, wuxuu ku daalacday caqligiisa badan iyo abuuristiisa hufan dhamaan saxiifadaha nolosha, waxa hareerihiisa ka socda, hawlaha dadka iyo xaaladaha ururada.

 Wuxuu marka ka qash-dhacay dhamaan khuraafaadka xun waana ka fogaaday, ilaa uu ka aqoonsaday si cad halka ay kala joogayaan meheradaha dadka iyo tiisa u gaarka ah, markaas ayuu kula noolaaday jid cad, wixii wanaag ah oo ay sameeyaan waa la wadaagaa, haddii kalase wuxuu ku laabtaa gooni u joogiisii uu caadaystay, sidaa darteed ma cabbi jirin khamro, mana cuni jirin gawrac sanab lagu kor qalay, kamana qayb gali jirin ciid amase munaasabad lagu xusayo sanabada, iskaba daaye laga soo bilaabo barbaaristiisii wuxuu ka didsanaa dhamaan macbuudaadka beenta ah ee xaq darrada lagu caabudo, ilaa wax uu ka neceb yahay aysan jirin ilaa heer uusan maqli karin dhaarta lagu dhaaranayo magaca sanabada.

Ilaalinta Alle Ee Ku Hareeraysan

Wax shaki ahi kuma jirin in aqdaarta Alle ku hareeraysay ilaalin iyo dhawris, waxaa hadaba culumada Islaamku isku raacsan yihiin inuu macsuum ka ahaa gaalnimada oo uusan ku dhicin waxyiga kahor iyo kadib toona sidoo kale dunuubta waawayn, taasina waa tan ay ayidayso dhacdooyinka taariikh-da Nabiga (scw) ka buuxa ee ka horeeya soo dajinta waxyiga, markastoo naftiisu u hanqaltaagto macmacaansiga aduunka, amase markastoo uu jalleecsado raacista caadooyinka aan ciribtooda la mahadin qaarkood, islamarkiiba waxaa si xoog ah usoo kala dhexgalaysa ilaalinta rabbaaniga ah inay ka horjoogsato shaygaas uu damcay awgeed.

Ibnul Athiir wuxuu wariyey in Nabigu (scw) yiri, “waligay maanan damcin inaan sameeyo shay ka mida waxyaalihii dadka Jaahiligu samayn jireen labo goor ma ahane, markastoo labadaas kamidana Alle ayaa nakala dhex joogsanayay, kadibna mar dambe ma aanan damcin ilaa Alle igu karaameeyay rasuulnimada, (marka hore) wiil aan ariga la wada joognay duleedka Makko ayaan ku iri, ninyohow ariga caawa maad ii ilaalisid waxaan aadayaa Makko oo aan kusoo cawaysimayaa waxyaalaha dhalinyaradu ku cawaysimaane?

Markaasuu yiri haye, marka waan soo tagay ilaa aan marayay daarta ugu soo horeysa ee Makko laga galo, waxaan maqlay muusiko la tumayo, markaasaan iri war meeshaan maxaa ka jira? Markaasaa la yiri waa arooskii hebal iyo hebla, markaasaan fariistay inaan dhagaysto, markaasaa Alle hurdo igu riday oo aan seexday, kadibna waxaan kusoo baraarugay kulaylka qoraxda, marka waxaan isagasoo laabtay wiilkii saaxiibkay ahaa, markaasuu i waydiiyay xalay maxaad samaysay, markaasaan u sheegay sida aan la kulmay, habayn kalana sidii oo kale ayaan ku iri, marka waxaa igu dhacay wixii markii hore igu dhacay oo kale, kadibna mar dambe maanan damcin wax xumaan ah. (1)

Sidoo kale Bukhaari wuxuu ka warinayaa jaabir inuu yiri, “ Markii Kacbada la dhisayey Nabiga iyo Cabbaas (adeerkiis) ayaa waxay soo gurayeen dhagaxaan, marka Cabbaas ayaa Nabiga (scw) ku yiri, fur macawistaada oo garabka saaro dhagaxa hakaa celisee, markaas ayuu dhulka ku dhacay isagoo suuxsan indhuhuna cirka u salladan yihiin, kadibna waa soo miyirsaday isagoo leh!! Macawistayda isiiya macawistayda isiiya, markaa hoosguntigiisa ayuu isku adkeeyay, markaa kadibna waligiis cawradiisa lama arag. (2)

Sidoo kale maalin ayuu Nabigu (scw) Kacbada dawaafayey isaga iyo saaxiibkiis mawlihiisana ah Zayd Ibn Xaaritha, marka Zayd ayaa sanabada midkood taabtay markaasuu Nabigu (scw) ka reebay taaba  shadaas, markii lasoo wareegay ayuu Zayd hadana taabtay si uu u hubsado inuu u diidan yahay iyo in kale, markaasuu hadana si kulul ugu diiday taabashadaas oo yiri “maxaa kugu itaxaanay sanabkaan” Zayd marka waa ka joogsaday taabashada sanabka ilaa laga soo gaaray soo diristii nabinimada, marka Zayd wuxuu ku dhaartay inaan Rasuulka Alle (scw) waligiis sanab taaban ilaa Alle waxyiga ku karaameeyey. (3)

Dhalinyara nimadiisii Nabigu wuxuu ahaa shakhsi kaga soocan dadka intiisa kale dhaqamo macmacaan, akhlaaq sarraysa iyo sifooyin toolmoon, sidaa darteed wuxuu ahaa, kan dadka ugu shakhsiyad wayn, ugu akhlaaq wacan, ugu ceesid wayn darisnimo, ugu dulqaad wayn, ugu hadal ku run badan, ugu sahlan garqaadasho, ugu naf dhowrsoon, ugu baarrisan hawl qabasho, ugu ballan oofin badan, ugu amaano culus, ilaa uu noqday qofka ugu haybadda wayn dadka ilaa ay ku magacaabeen Amiin.

Waxyaalaha uu kulan saday ee xaaladaha habboon iyo dabeecadaha jamashada awgood, wuxuuna ahaa sidii ay ku tilmaantay Umul mu’miniin Khadiija markay lahayd, wuxuu xambaaraa gablanka looma ooyaanka ah, wuxuu keenaa kasabka lama helaanka ah, wuxuu sooraa martida jalaqlaha ah, wuxuu u kaalmeeyaa irdaha xaqa oo dhan.

Bishaarooyinka
Nabiga (scw) Ka Horeeyay 

Kutubta Ahlu Kitaabka

Nabiga (scw) soo bixitaankiisa waxaa kusii bishaareeyay nabiyadii Alle ee ka horreeyey sida nabiyadii reer Bani Israaiil iyo nabiga Alle ee ciise (cs), arrintaan waxaa si wayn uga waramay Qur’aanka sida aayadda 6-Safa oo sheegaysa in ciise (cs) kusii bishaareeyay soo bixitaanka Nabiga (scw) sidoo kale aayadda 157-Acraac oo Alle ku sheegay in sifooyinka Nabigu ku yiileen Towrat iyo Injil labadaba, waxaa kaloo sii sheegay kitaabaha umadaha hore ay gacanta ku hayeen, oo si cad u sheegay magaca iyo tilmaamaha Nabiga (scw) dhamaantood.

Hadaba inkastoo laga soo bilaabo qarniga sideedaad ee ciise dabadi ay dadka ahlu kitaabka loo yaqaani kutubtooda ka joogeen magaca Nabiga markii doodaha diiniga ahi bateen oo muslimiintu u xujaysteen kutubtooda, hadana wali waxaa maanta la hayaa kutubtaas qaarkood oo sheegaya Nabiga (scw) iyo magaciisaba, waxaana kamida Towraadda Saamira iyo Injiilka Barnaaba, kitaabkaan dambana kaniisaddu waxay mamnooceen akhriskiisa iyo haysigiisa qarniga shanaad ee ciise dabadi.

Hadaba nuskho laga helay sanadahaan dhaw maktabad qadiim ah oo ku taal meesha loo yaqaan (baxrul mayit) badda dhimatay oo wadanka urdun ah waxaa ku qoran isxaaxeeda 41-aad cibaaradaan (29 Alle ayaa iska xijaabay waxaana ka cayriyay mallaak Miikhaa’iil  Firdowsa 30 markaasuu Aadam milicsaday wuxuuna arkay qoraal albaabka korkiisa suran oo ay ku taal La Ilaaha Illaa Allahu Muxamadu Rasuulullah) (4)

Meel kale oo kitaabkaas ah waxaa ku taal cibaaradaan (163 : 7 Ardadii ayaa ku jawaabay macallinoow yaa laga yaabaa inuu noqdo ninkaas aad ka hadlayso ee caalamka imaan doona, wuxuu ku jawaabay yasuuc isagoo qalbigiisu aad ugu faraxsan yahay: waa Muxamadu Rasuulullah) (4) ereyada sidaan oo kale ahi meelo badan ayay kaga soo laablaabteen Injiilka Barnaaba waana kitaab la daabacay oo dunida oo dhan maanta laga heli karo, baybalada kale ee Luuqaa iyo Yuxannaa waxaa ayagana meelo badan kaga yaala bishaarooyin ku saabsan soo bixitaanka nabiga, hijradiisa xaga madiino, dagaalada uu gaalada awlaada qiidaar la galayo iyo sifooyin badan oo Nabigu leeyahay.

Towraadka Sifru Ashiicaa ee hadda gacanta lagu hayo Isxaasiisa 21-aad waxaa ku qoran In waxyi laga soo dajinayo dhulalka carbeed ee buuraha ah In Nabigu hijroon doono markii gaaladu ku heshiiyaan inay dilayaan In uu kaga guulaysan doono geesiyaasha awlaada Qiidaar goobta badar In xujada Nabigu ay markaas sare mari doonto. (4)

Waxaana kutubtaas qoraalo badan kasoo guuriyay culumada islaamka ee noolaa kahor intii aan wax badan laga badalin kutubtaas, sida Ibn qutaybah, Almaawardi, Alqaraafi, Ibn Taymiya iyo Ibn Qaym, ayagoo waliba caddeeyay sida ay markii dambe uga tirtireen magaca Nabiga (scw) kutubtooda.

Waxaa kaloo la wada ogsoon yahay sida yuhuuddii iyo nasaaradii Nabiga la kulmay ay u sheegeen sifooyinkiisa, kuwo islaamay iyo kuwo aan islaamin intaba, waxayna ahayd arrin la wada ogsoon yahay oo qur’aanku meelo badan kula dooday inay ogyihiin oo ilmahooda uga aqoon badan yihiin Nabiga ee ay is indha tirayaan haddaysan taasi jirina way inkiri lahaayeen.

Sidoo kale carabta ahlu kitaabka la darsa oo ayaguna ka ogaaday sifooyinka Nabiga ee ay ahlu kitaabku sheegayaan oo waliba ay ahlu kitaabku ugu caga juglayn jireen in intay nabiga xilligiisii la gaaray rumeeyaan ay layn doonaan, taasina waa arrintii sababta u hayd islaamidda reer madiino, markay arkeen nabiga ay dheheen wallaahay waa nabigii yuhuudu idiin sheegi jirtay, sida aan arki doono insha allah.

Culumada ahlu Kitaabka

In badan oo kamida culumada umadaha hore, ayaa caddeeyey tilmaamaha Nabiga (scw) waxaana kamida Cabdulaahi Ibn salaam-kii islaamay iyo Zayd Ibn Sacna oo isaguna islaamay oo labaduba ahaa culumada yuhuudda ee ugu caansan xilligaas, waxaase ka yaab badan qisada dheer ee Salmaan Alfaarisi waana qiso sanad ahaan sugan, In markii uu isu maray sadex sheikh oo raahibiintii Nasaarada ka mida oo mid waliba markuu dhimanayey uu u tilmaamay kan kale.

In caalimkii ugu dambeeyay oo uu Salmaan ugu yimid Cammuuriya (oo ku taal dhulka hadda turkiya loo yaqaan) uu markii uu dhimanayey Salmaan ku yiri yaad ii dardaarmaysaa inaan aado oo ahlu towxiidkii ka haray?

Markaa uu yiri “wiilkaygoow wallaahay ma ogi qof towxiidkii aan haysanay ku sugan oo maanta nool oo aan kugu amro inaad aado, hasayeeshee waxaa la gaaray samaankii lasoo diri lahaa Nabigii Xaramka, meesha uu u hijroon doonaana waa magaalo u dhaxaysa labo buurood oo dhagax madow ah oo ku taal dhul carro seel leh oo timirtu ka baxdo, wuxuuna leeyahay calaamado aan qarsoomi karin, garbihiisa dhexdooda waxaa ku yaal kaatunkii nabinimada, hadiyadduu cunaa sadaqadase ma cuno, haddaad hadaba awoodo inaad nabigaas la kulanto yeel xilligiisii ayaad gaartaye”.

Kadibna Salmaan inuu ka sheekeeyey sidii uu madiino kusoo galay inuu gacan adoonsi ku dhacay, in markii nabigu soo hijrooday uu maqlay ninkii adoonsanayey iyo nin kale oo isu sheegaya soo galitaanka Nabiga markaas uu Salmaan geedkii kasoo dhacay, oo uu ninkii waydiiyey warka Nabiga oo ninkii adoonsanayey inta xanaaqay lahaa, maxaa adiga kaa quseeya arrimahaan orod shaqadaada qabso, kadibna uu nabiga la kulmay uuna tijaabiyey calaamadihii loo soo sheegay kulligood islamarkiibana uu islaamay.

Waxaa kaloo sheekooyinka laga wariyey culumada ahlu kitaabka kamida, Salama Ibn Salaama Ibn Waqash oo reer madiina ah inuu yiri, waxaa daris nala ahaa oday yahuudi ah, marka maalin ayuu gurigiisa kasoo baxay ilaa uu nasoo kor istaagay, annagoo ah koox u dhalatay Bani-Cabdi ash-hal anigaana ragga meesha fadhiya ugu da’ yar, marka odagii wuxuu ka sheekeeyay maalinta Qiyaamada, xisaabta aakharo, miizaanka, jannada iyo naarta, hadalladaas wuxuu ku leeyahay dad sanabo caabud ah oo aan rumaysnnayn in dadka lasoo saari doono dhimashada kadib, marka waxay ku dheheen war heedhe balo qabayohow ma waxaad rumaysan tahay in waxaasi dhici doonaan, in dadka lasoo saari doono dhimashada kadib?

Odagii wuxuu ku jawaabay haa, markaasay dheheen oo maxay tahay calaamadda lagu garan karo arrintaas? Markaasuu yiri nabi laga soo saari doono dhulkaan wuxuuna gacanta u taagay dhinaca Makko iyo yaman ay xigto, markaasay dheheen oo goormaan arkaynaa? Markaasuu yiri inta aniga isoo fiiriyey –raggana anigaa ugu yaraa- ayuu yiri, haddii wiilkaan yar cimrigiisa dhamaysto waa gaarayaa.

Marka Salama wuxuu yiri, wallaahay inaan maalmaha iyo habaynadu dhamaan ilaa Alle soo diray Muxamed (scw) odagii oo nool oo na dhexjooga, markaasaan annagu rumaynay odagiina ku gaaloobay islawayni iyo xaasid nimo, markaas ayaan waxaan ku niri, war hebeloow inkaar qabayohow miyaadan ahayn ninkii warbixintii aad ogayd Nabiga (scw) nooga sheegay maxaad u rumayn wayday? Wuxuu yiri, waan ahay laakiin isagii ma ahan.

Sidoo kale Caasim Ibn Cumar wuxu yiri, nin oday ah oo u dhashay qabiilka Bani-qurayda (qabiil yuhuuda) ayaa igu yiri ma ogtahay sababta ay ku islaameen Thaclaba Ibn sacya iyo walaalkiis Usayd iyo Usayd Ibn Cubayd, niman ilma adeer ah oo isla Bani-qurayda u dhashay oo markii jaahiliga madax u ahaan jiray markii Islaamka lasoo galayna wali masuuliyiintooda ahaa..?

Markasaan iri, maya wallaahay, markaasuu yiri, nin yuhuudda shaam ku nool ah oo la yiraahdo Ibn Haybaan ayaa safar noogu yimid Islaamka sanado kahor marka dhexyada ayuu iska dagay, wallaahay waligay maanan arag nin aan shanta salaadood tukan (islam ahayn) oo ka khayr badan ninkaas, muddo ayuu agtayada ku noolaa markii roobka la waayo wuxuu na amri jiray inaan sadaqo bixino markaas ayuu noo roob dooni jiray, wallaahay inuusan meeshuu fadhiyey ka istaagayn ilaa roobku na qabto, labo iyo sadex marba wax ka badan ayaan arrintaan ku arkay.

 Marka waagii dambe ayaa geeridii kusoo xaadirtay, markii uu ogaaday inaan nololi u harin ayuu yiri, isu kaalaya yahuudeey, maxaad u malaynaysaan inay igasoo saartay dhulkaygii barwaaqada iyo khamrada badnaa oo ikeenay dhulkaan abaarta iyo balada iyo baaska ah?

Markaas ayaan ku niri, adigaa oge noo sheeg, wuxuu yiri dhulkaygii waxaa iga keenay inaan sugayo soo bixitaan nabi samaankiisii la gaaray, magaaladaanina ay tahay meesha uu usoo hijroon doono, marka waxaan rajaynayay in lasoo saaro oo aan raaco, waxaana idin soo hareeyay xilligii soo bixitaankiisa ee yaan la idiinka hor marin yuhuudeey, marka lasoo dirana waxaa lala soo diri doonaa dhiigoo daata iyo maatada iyo dumarkoo laga qafaasho cidda khilaafta ee yaysan taasi idinka hor istaagin rumaynta nabigaas.

Markii Muxamed (scw) lasoo diray oo uu khaybar hareereeyey ayey sadexdaan dhalinyarada ahi dheheen, waana niman dhalinyaro ah, war hooy reer bani-quraydoow wallaahay ninkaani waa Nabigii uu idin kala ballamay Ibn Haybaan, markaasay ugu jawaabeen maahan isagii, kooxdaan dhallinyarada ahi marka waa kasoo dhex bexeen oo Islaameen, markaasaa dhiigooda, maalkooda iyo ehelkoodaba loo amaan galiyay. Sidoo kale qisada markii hiriqle boqorka Room uu su’aalaha waydiiyay Abu sufyaan Ibn Xarab wuxuu yiri, waanan ogaa in nabi waqtigiisii la gaaray, umaananse malaynayn inuu idinka carabta ah idinka soo bixi doono.

Ansaarta qaar badan oo kamida ayaa sheegay in sababta ay ku Islaameen hanuuninta Alle kadib, ay ahayd in markasta oo ay yuhuudda xoogaa xurguf ah  u gaystaan ay oran jireen Nabiga xilligiisii la gaaray intaan rumayno ayaan idin dhamayn doonaa sidii caad iyo thamuud, marka soo bixitaanka Nabigu (scw) wuxuu ahaa wax iska caan ah oo ahlu kitaabku meelkasta ka sheegaan, waxayse aamin sanaayeen inuu ayaga ka soo bixi doono, markii ay arkeen in Nabigii oo ay garanayaan carabta laga soo saaray ayey cunsuriyad darteed ugu gaaloobeen, waxaana arrimahaan si wayn u faahfaahiyey qur’aanka kariimka ah fiiri, Suuratul Baqara aayadaha 89-90-91, 100-101, 146, iyo meelo badan oo qur’aanka ka mida.

Nabiga laf ahaantiisa

Nabigu (scw) wuxuu ahaa ruux mucjiso ah oo lagu arkay waxyaalo badan oo laga yaabay waxaana ka mid ah, in nabinimada kahor uu dhagax salaami jiray, in markii uu safarka aaday la arkaayay daruur markasta haraynaysa, in wixii uu ku riyoodo si cad ay u imaan jireen, in hab dhaqankiisa iyo akhlaaqdiisuba ay ahaayeen kuwa dadka ka sareeya, waxaas oo dhanna waxay odoros kasii bixinayeen in mustaqbalka shakhsigaani uusan ahayn mid caadi ah.

Nabinimadii oo Soo Dalaalimaysay
Iyo 
Godkii Xiraa

Markii Nabiga (scw) da’diisu afartanka u dhawaatay, fakarkiisii iyo indha indhayntiisii horana ay kala fogaysay xagga caqliga isaga iyo reer tolkiis, waxaa la jeclaysiiyey cidlada iyo ka fogaanshaha dadka, wuxuu hadaba qaadan jiray biyo iyo caanaboore oo aadi jiray godka loo yaqaan (ghaaru xiraa) oo korsaaran buurta Jabalu Nuur, waxayna Makko u jirtaa ilaa labo mayl inkastoo hadda ay magaaladu dhaaftay, waana god hawada u furan oo dherarkiisu yahay afar dhudhun ballaciisuna sadex dhudhun iyo dhudhun sadexmeeloodkiis, reerkiisuna waa u dhaw yahay.

Markaas ayuu joogayaa bisha ramadaan isagoo quudinaya cidii soo marta oo masaakiin ah, waqtigiisana wuxuu ku dhamaystaa inuu ku cibaadaysto waxyaalo ka mida diintii nabi Ibraahim (sc) iyo ka fakarida waxyaalaha ku hareeraysan oo muuqaalada uunka ah, iyo inuu dareemo waxa ka dambeeyaa uunkaan oo awood wax abuurta oo yaab badan oo daahsoon ah, naftiisana uma cuntamayn waxa tolkiis ku sugan yahay oo aaminsanaanta shirkiga ee kala daadsan iyo halka ay wax fiirinayso ee itaalka daran ah, hasayeeshee hortiisa ma yaal wado cad uu qaado amase manhaj xadaysan amase dariiq toosan oo uu ku kalsoonaan karo.

Sida muuqatana gooni joognimadaan Nabiga (scw) loo qoondeeyey waxay ahayd wax ku yimid qorshaynta Alle u dajiyey, si uu ugu diyaariyo arrinta wayn ee sugaysa, waana lagama maarmaan naf walba oo la doonayo inay nolosha bashariyada wax ka badasho oo dhinac kale u leexiso hogaanka taariikhda waa lagama maarmaan inay khalwo gasho oo waqtiga qaarkiis goonijoog noqoto, si ay uga dhexbaxdo mashquulka dunida iyo buuqa nolosha, iyo walwalka irsaaqadda iyo muranka dadka dhexyaal ee waxyaalaha yaryar ee mashquulinaya.

Sidaasaa hadaba Alle Nabiga (scw) ugu jaangooyay isaga oo ay sugayso xambaarista amaanadii waynayd, isagoo ay sugayso inuu dunida korkeeda wax ka badalo, isagoo ay sugayso inuu hogaanka taariikh-da si toosan u saani gareeyo, cuzladaan intuusan dusha u saarin farrinta wayn ee bashariyada loo soo dhiibay, wuxuuna Nabigu (scw) muddo sadex sano ah ku qaadan jiray sanadkiiba bil khalwadaan isagoo fiirinaya abuurkaan uunka ee furan kana fakaraya qaybka wayn ee diimoon ee ka dambeeya uunkaan, ilaa laga gaaray xilligii uu la xariiri lahaa qudrada ka dambaysa unkumidda uunkaan muuqda.

Jibriil (cs) Oo Waxyigii Lasoo Dagaya

Markii ay u dhamays tirmeen afartan sano –waana heerka buuxsamidda qofka waxaana layiri cimrigaasaa rususha lagu soo diraa- waxaa ku bilowday nuurka nabinimada in raadadkeedu u iftiimayo, raadkaasina waa riyada wanaagsan, waxaa dhacday hadduuba riyo arko inay u timaado sida waabarigu u dilaacayo oo kale, sidaas waxaa ku gudbay muddo lix bilood ah, waxaa la yiri muddada nabinimada oo 23-sano ah riyadu waxay ka tahay meel marka afartan iyo lix meelood loo dhigo, markii hadaba bisha ramadaan la gaaray ee sanadkii sadex ka ahaa gooni u bixiisa (scw) ayaa Alle la doonay inuu albaabada raxmadiisa u furo uunka arlada korkeeda ku nool, oo ku karaameeyey Nabinimada, oo uu soo dagay Jibriil oo sida aayado qur’aanka ka mida.

Markii si xeeldheer loogu kuurgalay akhbaaraha taariikhdaan kusoo arooray waxaa suurta gashay in lagu jaangooyo maalinkaas waxyigu soo dagay inuu yahay maalintii Isniinta ee bisha ramadaan ahayd 21 waqti habayn ah, waxayna waafaqsan tahay tobanka bisha August sanadka 610 ciise dabadi, 10/8/610-kii ciise dabadi, cimrigiisuna wuxuu maalintaas ku xaddadan yahay 40-sano oo dayax ah, lix bilood iyo 12-maalmood, taasoo u dhiganta 39-sano oo qorrax ah, sadex bilood iyo 12-maalmood.

Markaanna bal aan ka dhagaysano runleeyda Caa’isha (har qabow Alla ha geeyee) oo inoo Marisa qisada dhacdadaan aad moodid shoclad nuurka ilaahiga ah oo dhex jibaaxaysa daruuraha iskor fuulay ee gaalnimada iyo baadiyoobidda ah, ilaa ay leexisay khadkii noloshu ku socotay oo ay saani u toosiyey seedka taariikh-du haysatay, waxay Caaisho tiri.

Al-Qalam 1-5

  1. Wax ku akhir Nabiyow Magaca Eebe ee abuuray (Khalqiga).
  2. Dadkana ka abuuray Calaq.
  3. Akhri Eebana waa kan sharafta lehe.
  4. Ee dadka baray sida qalinka wax loogu qoro.
  5. Dadkana baray waxayna aqoonin. [Surat: Al-Calaq, 1-5]

________________________________________

Wixii ugu horreeyey ee Rasuulka (scw) lagu bilaabay ee waxyiga ahi waa riyada wanaagsan ee hurdada uu ku arko, wuxuu marka ahaa wax allaale wixii riyo ah oo uu arkaa waxay u timaadaa sida oogga dilaaciisa oo kale, kadibna waxaa la jeclaysiiyay cidla joogga, wuxuu marka ku cidlaysan jiray godka (ghaaru xiraa), halkaas oo uu ku cibaadaysanayo habayno tiro kooban, intuusan reerkiisa usoo laaban, wuuna u saad qaadan jiray arrintaan.

Kadibna wuxuu kusoo laabtaa Khadiija markaas ayuu haddana saadkii oo kale qaataa, ilaa uu uga yimid xaqu isagoo ku jira godkii ghaaru xiraa, waxaa marka u yimid malak markaas ayuu yiri: Akhri!!: markaasaan iri waxba ma akhriyi aqaan: wuxuu yiri Nabigu (scw) markaasuu inta qoorta kor ii qabtay I ceejiyay ilaa uu dhib ii gaystay, kadibna inta isii daayey haddana yiri Akhri!!: markaasaan iri waxba ma akhriyi aqaan: mar sadexaad ayuu inta qoorta kor ii qabtay oo I ceejiyay ilaa uu dhib ii gaystay, haddana isii daayey yiri: (Akhri cuskashada magaca rabbigaa kan abuuray –uunka-: Insaankana ka abuuray dareerto dhiig ah: Akhri rabbigaa waa kan ugu sharaf badane)* .

Rasuulku (scw) erayadaan ayuu lasoo laabtay isagoo wadnuhu gariirayo, wuxuuna usoo galay Khadiija Bint Khuwaylid markaasuu yiri: Ida dooy!! Ida dooy!! Markaasay dadeen ilaa argagixii ka tagay, markaas ayuu Khadiija ku yiri, maxaan galabsaday oo la iga rabaa, wuxuuna u sheegay khabarkii uu la kulmay, -isagoo raaciyey- wallee waxaan u cabsaday naftayda, markaasay Khadiiyo tiri, maya Allaan ku dhaartaye waligaa Alle inuusan ku hoojinayn, waxaad adugu xariirisaa arxaamta (qaraabada), waxaad xambaartaa gablanka looma ooyaanka ah, waxaad keentaa kasabka lama helaanka ah, waxaad soortaa martida jalaqlaha ah, waxaad u kaalmaysaa dhamaan irdaha xaqa.

Way la tagtay Khadiija ilaa ay ugala tagtay Waraqa Ibn Nowfal Ibn Cabdilcuza oo ay Khadiija ilma adeer yihiin, wuxuuna ahaa nin hore u qaatay diinta nasaarada jaahiliyada dhexdeedii, wuxuuna ku qori jiray kutubta luqadda Cibriga (luqada yuhuudda), wuxuu marka Injiil kaga qoray cibriga intii Alla la maagay, wuxuuna ahaa oday da’ wayn oo indha beelay, Khadiijaa marka waxay ku tiri, ina adeer bal ka dhagayso wiilkaan walaalkaa dhalay, Waraqa wuxuu yiri adeer maxaad aragtaa?

Marka ayuu Rusuulku (scw) u sheegay akhbaarta wixii uu arkay, markaasuu Waraqa yiri, kaasi waa khayr sheegihii ilaahay kusoo dajiyey Muuse!! Alla hoogaye maan dunidaan korkeeda maanta barbaar ahaado!! Alla hoogaygee maan noolaado maalinta tolkaa ku cayrinayo, Rasuulka (scw) ayaa yiri oo ma i cayrinayaan? Markaasuu ku jawaabay haa, waligeed nin lama imaan waxa aad la timid oo kale illaa waa lala colloobaa, haddii aan maalinkaas nolol ku gaarana waxaan kuu gargaarayaa gargaar xoog badan, kadibna waxba lagama joogin inuu Waraqa geeriyooday waxyigiina kala go’ay.

Sida ay caddeeyeen qaybaha kala duwan ee qisadaan Nabiga (scw) malagu wuxuu ugu yimid si kadis ah iyo sida muuqata qaab cabsi weheliso taasoo Nabiga ku abuurtay argagax wayn ilaa uu yiri waxaan u baqay naftayda, dhinaca kale wuxuu ka cabsaday markay qisadaani caanbaxdo hadalada laga yaabo inay kasoo yeeraan bulshada caamada ah ee maqlaysa, arrimahaan oo Nabiga (scw) walwal wayn ku dhaliyay.

Mufasirka wayn ee Imaamu Dabari iyo taariikh yahanka Ibn hishaam, waxay soo saareen khabar inoo kordhinaya inuu godkii ghaari xiraa kasoo baxay kadib markii waxyigu si cabsi badan oo lama filaan ah ugu yimid, kadibna uu mar dambe laabtay oo dhamays tiray muddadii uu ku nagaan jiray godka, kadibna uu kusoo laabtay Makko, waxaana sababta uu godka uga soo baxay tooshka ku ifinaysa qisada qaybteeda uusoo saaray Imamu Dabari waana tanaa ayadoo faahfaahsan.

Rasuulka Alle (scw) wuxuu yiri kadib markuu ka sheekeeyey habkii waxyigu ugu yimid, “ma jirin wax makhluuga Alle ka mida oo aan ka nebcaa qof gabyaa ah amase qof jinnoolow ah, xataa maanan awoodin inaan xaggooda fiiriyo, markaas ayaan waxaan iskula hadlayaa waxa maanta iigu fog oo aan ugu nebcahay waa gabyaa ama jinnoolow in la imoodo, haddana waxaan isleeyahay waxaan Qureysh marna ha u sheegin waligaa, yaysan waligaa kaaga sheekaysan waxaan, wallee waxaan aadayaa buur dheer dhaladeed oo aan naftayda ka tuurayaa waana ka raaxaysanayaa dhibkeeda, marka waan soo baxay anigoo doonaya arrintaan ilaa aan marayey buurta dhexdeeda, waxaan maqlay cod ka yeeraya xagga cirka oo leh, Muxamadoow waxaad tahay rasuulkii Alle aniguna waxaan ahay Jibriil!!

Madaxa ayaan kor u qaaday xagga cirka, mise waa Jibriil oo muuqaal nin oo kale ah oo lugihiisu ku gudban yihiin jahada samada oo dhan, markaas ayuu haddana wuxuu yiri, Muxamadoow waxaad tahay rasuulkii Alle anna jibriil baan ahay, marka waan istaagay anigoo fiirinaya, muuqaalkaani wuxuu iga mashquuliyey wixii maskaxdayda ku jiray oo dhan, marka horana uma dhaqaaqo gadaalla uma dhaqaaqo, waxaan isku dayey inaan wajigayga ka jeediyo oo samada dhinacyadeeda kale u jeesto mise dhican kasta oo cirka ah oo aan fiiriyo waxaan ka arkaa isagii oo sidii ah, marka kama aanan suulin inaan taagnahay oo aanan hortayda u dhaqaaqayn gadaashaydana u laabanayn waqti dheer.

Ilaa Khadiija ay I wayday oo iisoo dirtay dad aniga iraadinaya, ilaa ay meelkasta iga raadiyeen oo Makko tageen oo Khadiija ku laabteen aniguna wali meeshii ayaan taagnahay horay iyo gadaal midna u dhaqaaqi mayo, markaas ayuu iga tagay aniguna aan reerkaygii ku laabtay ilaa aan Khadiija u imid oo aan cabsi darteed dhabteeda barkaday anigoo isku dhajinaya, markaasay tiri abal qaasimoow xaggee jirtay? Wallaahay dad baan diray baadi doonkaagee ilaa ay Makko tageen oo igu soo laabteen ayagoo aan ku heline.

Markaas ayaan uga sheekeeyey wixii aan la kulmay, markaas ayay tiri bishaarayso ina adeer oo is adkee allaha wayn baan ku dhaartaye waxaan rajaynayaa inaad tahay nabigii ummaddaan, kadibna way istaagtay oo aaday Waraqa Ibn Nowfal markaasay u sheegtay warkaan cusub, markaas ayuu yiri qudduus qudduus!! Allaha naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye waxaa u yimid khayr sheegihii ugu waynaa ee nabi Muuse u imaan jiray, waana nabigii ummaddaan loosoo diray, ee waxaad ku dhahdaa ha is adkeeyo hana sugnaado.

Markaasay khadiija soo laabatay oo uga warantay hadalkii Waraqa, hadaba markii Rasuulku (scw) dhamays tirtay muddadii uu godka ghaari xiraa joogi jiray oo Makko kusoo laabtay waxaa la kulmay Waraqa, markaasuu yiri markuu ka dhagaystay wixii uu arkay, Allaha naftaydu gacanta ugu jirtaan ku dhaartaye waxaad tahay nabigii ummaddaan waxaana kuu yimid khayr sheegii ugu waynaa ee Jibriil ee nabi Muuse (cs) u imaan jiray.

Muddadii Waxyigu
Kala Joogsaday Iyo Jibriil
oo Mar kale Qur’aan La Soo dagay

Waxaa jirta muddo waxyigu kala joogsaday ujeedada laga lahaana ay culumadu ku tafsiireen in Nabiga (scw) cabsidu ka baaba’do oo uu hubsado inuu noqday nabigii Alle markaas uu waxyigu haddana dib u bilowdo, hadaba muddada waxyigu kala go’ay dadbaa waxay ku sheegaan sadex sano amase labo sano iyo bar, hasayeeshee waxaas oo dhan waxba kama jiraan ee waxay ku koobnayd maalmo kaliya

Taariikh yahanka wayn ee Ibn Sacad wuxuu Cabdulaahi Ibn Cabbaas ka warinayaa inay muddadaasi ahad maalmo gudahood, taasina waa xaqiiqada aan laga fursan karin ee saxda ah marka si xeeldheer loo fiiriyo taariikhdaan dhamaan dhinacyadeeda, Nabiguna (scw) wuxuu maalmahaas waxyigu kala go’ay joogay isagoo aad u murugaysan oo walwalsan oo yaab badan uu ka muuqdo.

Imamul Bukhaari wuxuu warinayaa in markii waxyigu kala go’ay uu si qoto dheer uga murugooday taasoo marar badan ku dhalisay inuu naftiisa dilo oo buur dheer iska tuuro, markasta oo uu buur dhalada uga baxana waxaa isu muujiya Jibriil oo leh Muxamadoow: waxaad tahay rasuulkii Alle ee xaqa ahaa, markaas ayuu Nabiga (scw) qalbigu u dagaa oo uu xasilaa markaas ayuu soo laabtaa, haddana markii muddadu ku dheeraato ayuu sidii oo kale u kallahaa markuu buurta fuulo haddana Jibriil ayaa isu muujiya markaas ayuu sidii oo kale ku dhahaa.

Al-xaafid Ibn Xajar wuxuu yiri, kala go’aas waxyigu wuxuu ku koobnaa maalmo qura, si ay Nabiga (scw) uga tagto argagixii markii hore ku dhacay, sidoo kale si uu u jeclaysto in mar kale Jibriil soo laabto, hadaba markii ay naxdintii hore iyo wareerkii ka dul kacay , oo uu hubsaday xaqiiqada calaamadihii uu la kulmay, oo uu ogaaday si yaqiin ah inuu noqday nabi loo waxyoodo oo uu soo dirsaday Allaha wayn ee sareeya, uuna hubsaday in cidda u timid ahayd safiirkii waxyiga waxa uu keenayna aheeyeen khabarkii samada, oo uu arrimahaan ka helay quwad ku dhiirrigalisa dulqaadka, ayaa Jibriil mar labaadkii soo laabtay isagoo wada aayado qur’aan ah.

Surah Al-Muddathir 1-5

  1. (Nabiga) Isdadayow.
  2. Istaag oo dig.
  3. Eebahaana Waynee.
  4. Dharkaagana daahiri.
  5. Xumaanta ka hijroo (iyo sanamyada). [Surat: Al-Muddathir, 1-4]

___________________________________

Bukhaari wuxuu soo saaray xadiith uu ka warinayo Jaabir inuu maqlay Nabiga (scw) oo ka sheekaynaya kala go’ii waxyiga wuxuuna Nabigu (scw) yiri, anigoo soconaya ayaan waxaan maqlay cod xagga cirka ka yeeraya markaas ayaan xagga sare fiiriyay, mise waa malagii iigu yimid godkii xiraa oo ku fadhiya kursi hawada dhexe ee cirka iyo dhulka u dhaxaysa, markaas ayaan ka cabsaday ilaa aan dhulka ku dhacay, markaas ayaan reerkayga ku soo laabtay anigoo leh, war idadooy war idadooy, markaasaa la idaday, waxaana Alla subxaanah soo dajiyay “hooy kan is dadayoow: Istaag oo dig: (Yaa ayuhal mudathir: Qum Fa’andir) ilaa laga gaaro qowlka Alle ee (Warrujza Fahjur) kadibna waxyigii waa soo batay oo iska daba yimid.

Faahfaahin Noocyada
Waxyigu U Yimaado

Intaynaan bilaabin sharaxa dacalada noloshii Nabiga (scw) iyo Rasuulnimada, waxaan u baahanahay inaan dulmaro qaybaha waxyiga uu Nabiga (scw) ugu imaan jiray, innagoo aqoonsanayna noocyadaan waxyiga oo ah isha dacwada Nabigu (scw) ka dab qaadanaysay iyo gurmadka hogaanka u hayay, hadaba Al-imam Ibn Qayim wuxuu yiri isagoo faahfaahinaya noocyada waxyiga.

________________________________________

1. Mid kamid ahi waa ru’yada runta ah ee uu hurdada ku arko, waana noocii uu waxyiga Nabigu (scw) ku bilowday

2. Nooc uu jibriil Nabiga (scw) ruuxdiisa iyo qalbigiisa ku afuufo isagoo aan arag Malaga, waana kan uu Nabigu (scw) yiri, “Ruuxul qudus (Jibriil) wuxuu naftada ku afuufay inaysan nafina dhiman doonin ilaa ay dhamays tirato risqigeeda ee dadoow Alle ka cabsada oo qurxiya kasabka raadintiisa, yaysanna idinku kallifin irsaaqadda oo soo daahdaa inaad ku raadisaan si aad Alla ku caasinaysaan, waxaa Alla agtiisa yaala laguma helo Isaga in loo hogaansamo mooyee.

3. In Nabiga (scw) malagu isugu soo ekeeyo nin suuradiis oo uu markaas la hadlo Nabiguna (scw) xafido waxa uu leeyahay, marka uu sidaan isu soo ekeeyo saxaabada ayaa arki jiray mararka qaarkood

4. Inuu ugu yimaado hab aad u shido badan oo uu maqlayo cod aad mooddo sharqanta ka baxda bir xadiida marka dhagax dushiis lagu garaaco, noocaani waa kan Nabiga (scw) ugu daran, malagu si shido badan ayuu u fahansiinayaa ilaa Nabiga (scw) uu dhidid ka shubmi jiray maalinta qabowga badan, ilaa hadii uu gaadiid saaran yahay neefka geela ahi fariisto inta qaadi waayo culayskiisa, maalin waxaa dhacday inuu sidaan oo kale ugu yimid ayadoo lugtiisu saaran tahay lugta Zayd Ibn Thaabit markaas ayay ku cuslaatay ilaa uu mooday in lugtiisii shiidantay culays dartiis

5. Inuu Malaga ku arko suuraddii Alla ku abuuray, markaa uu u waxyoodo wixii Alla amray inuu usoo waxyoodo, sidaanna laba goor ayay dhacday sida Alle ku sheegay Suurada Najmi, oo labadaba uu nabigu suuxay intuu u dulqaadan waayey muuqaalka makhluuqaas Alle abuuray

6. In Alla si toos ah ugu waxyoodo, waana sidii ka dhacday todobada samo korkooda habaynkii Micraajka oo markaa salaadda lagu soo waajib yeelay, waxyaalo kale oo badanna la amray

7. In lagu soo gaarsiiyo hadalka Alle oo toos ah, ayadoo aan malag u dhaxayn sidii nabi Muuse loola hadlay oo kale, marka la hadlidda Muuse qur’aanka ayaa sheegay tan Nabigeenuna waxay ku sugan tahay xadiithka Israaga

8. Martabo kale oo la sheegay waxa ay tahay in Alle si toos ah ula hadlo ayadoo aan xijaab u dhaxayn oo uu arko, hasayeeshee waa arrin aan la isku waafaq sanayn culumada qaarkood ayaa aaminsan, mana jiro daliil diini ah oo si cad u sheegaya, asalkuna waa inaan cidina Alle aduunka ku arkayn Aakharo mooyee.

Hadalkii Ibn Qayim waa dhamaaday inagoo xoogaa soo gaabinay.
_________________________________________

  1. Qisadaan Imamu dahabi iyo sheekhiisa Al-xaakim waa saxiixiyeen Ibn kathiirse daciif ayuu ku xukumay, fiiri Albidaaya 2/287,
  2. Fiiri saxiixul Bukhaari baabka dhismihii kacbada 1/540
  3. Fiifi mucjamka dabaraani ee wayn 5/88 sidoo kale dalaa’ilu nubuwa Albayhaqi 2/34
  4. Fiiri siiratu nabawiya assaxiixah 1/118—121

* aayadaha soo dagay waa ilaa qowlka Alle ee (callamal Insaana maalam yaclam)

Decorative Lines

Waxaa soo diyaariyey
Shiikh Cabdirisaaq Macallim Abshir
Email: musanaf@hotmail.com
Xigasho: SomaliTalk.com