Silsiladda
Taariikhda Islaamka

Qaybta | 6aad

Siira:  Taxanaha Taariikhda Islaamka
oo ka Kooban 12 Qeybood.
Qore: Sheekh Cabdirisaaq
Macalin Abshir (Musanif)


Decorative Lines

Qeybtan waxay ka kooban tahay

  • Nabiga (csw) oo la amray u istaagida gudbinta dacwada.
  • Dawrarkii dacwada iyo marxaladeheeda kala duwan.
  • Dawrka Makki-ga ah.
  • Racii ugu horeeyay ee saxaabada
  • Sababaha islaamka saxaabadaan qaarkood.
  • Salaada
  • Warkii oo qureysh si duuduub ah ku gaaray
  • Marxaalada labaad ee dawrka makkiya ah.
  • Nabiga (csw) oo qaraabadiisa la kulmaya
  • Buurta Safa dusheeda.
  • Qarxintii xaqa iyo caradii mushrikiinta.
  • Wafdigii qureysheed oo abutalib hor fadhiya.

Nabiga (scw) Oo La Amray
U Istaagidda Gudbinta Dacwada

Rasuulka Alle (scw) soo dagidda bilowga suuraddaan mudathir, waxaa lagu soo dajiyay lix aayadood oo mid waliba xambaarsan tahay ujeeddo wayn iyo murti xeeldheer.

”Hooy kan (nabiga) is dadayoow: Istaag oo dig: Allahaanna waynee: Dharkaagana daahiri: Waxa xunna (sanabada) ka fogoow: Hana manna –abaal- sheegan adigoo badsanaya.”

Muuqaalkooda hore aayadahaani waxay u muuqanayaan irshaadaad iska fudud iyo murti macna kooban, laakiinse marka hoos loogu fiirsado oo guntooda loo dhaadhaco, waa xigmado aad u qoto dheer oo ujeeddooyin macnahoodu fog yahay xambaarsan, sidoo kale waxay taabanayaan dhinacyo badan oo nolosha dadka ah waxayna ku reebayaan raad mahadho reeba.

Waxaana Nabiga (scw) Lagu Amray
Amarro Dhawr ah oo Waawayn

1. Halka laga amrayo u istaagidda digniinta, hadafkeedu waxa weeye qofkasta oo dunidaan guudkeeda ku nool oo khilaafsan sida Allaha khalqiga abuuray ka doonayo inuu uga digo cirib dambeedka xun ee uu ka dhaxlayo hadduusan Alle u hogaansamin ilaa qalbigiisa cabsida Alle gasho.

2. Halka laga amrayo waynaynta Alle, ujeeddadeedu waxa weeye inaan cidina arladaan korkeeda islawayni ku joogi karin, cidkasta oo islawayni sheeganaysa iyo in la caabudo in hankeeda la jabiyo, ilaa dunida guudkeeda uusan kusoo harin waynaanta Alle mooyee.

3. Halka laga amrayo inuu daahiriyo dharkiisa, hadafkeedu waxa weeye inuu si xeeldheer u daahiriyo naftiisa inta muuqata iyo inta qarsoon labadaba, sidoo kale inuu ka fogaado wax walba oo ceeb ama nuqsaan u soo jiidi kara, ilaa uu gaaro heerka ugu sarreeya ee ruux aadane ahi gaari karo isagoo ay hogaanka u hayso hanuuninta iyo nuurka xagga Alle ka imaanaya, si uu u noqdo tusaalaha basharka toosani ku higsadaan dadka xunina ka haybaystaan.

4. Halka laga amrayo in uusan manna sheegan (abaal sheegan), ujeeddadeedu waxa weeye inuusan marna tirin hawlaha waawayn ee uu Alla dartiis u fulinayo iyo dadaalkiisa aan waxba loola harin ee uu qabanayo gudashada waajibka Alle saaray dartiis, waa inuu kartidiisa oo dhan isticmaalaa, naftiisa huraa, maalkiisa bixiyaa, habaynkii soo jeedaa, qorax iyo qobbaba istaagaa isagoo aan waxba sheegaynayn.

5. Aayadda ugu dambaysaana waxay si dadban u tilmaamaysaa inuu dhib badan kala kulmi doono kuwa aan madaxooda khayrku galin, sida khilaafsanaan, ka hor imaad, ku jeesjeesid, caga juglayn, hadal xumo, ka shaqayn dilkiisa isaga iyo akhyaarta saaxiibadiis ah, sidoo kale in lagu haddadi doono dhamaan ciddii raacda in la tirtirayo, sidaa darteed Alle wuxuu amrayaa kulli waxaas oo dhan inuu u dulqaato uuna kala hortago adkaysiga xadiidka iyo quwada maroodiga oo kale isagoo aan magac aduunyo ku raadinayn ee Alle kaliya ku raalli galinaya.

Amarradaan maxaa ka sahlan muuqaalkooda daahirka ah, maxaase ka yaab badan habka soo jiidashada leh ee daggan ee ay u marayaan, maxaase ka hawl badan oo ka dhib badan fulintooda amase ku camal falkooda, waxaad mooddaa duufaan xoog wayn oo kacday oo hanqartay oo hilaacday oo dunida dacalladeeda martay oo guri walba gudihiisa baabbisay, islamarkaana boorkii, xayaabadii iyo cawuskiiba qaaday.

Aayadaha laf ahaantoodu waxay si sarbeeban u caddaynayaan arrimo kale oo galaya aaminsanaanta iyo dacwada labadaba, digniintu waxay keenaysaa inay jiraan camallo xun oo dadka sameeyaa ay la kulmi doonaan cirib dambeed xun oo aan la mahadin, islamarkaana waxaa la wada ogsoon yahay inaan dhamaan waxa dadku sameeyo aduunka korkiisa lagaga gudin ama lagu abaalmarin.

Sidaa darteed waa in ay jirto maalin kale oo aan ahayn ayaamahaan aduunka oo dadka la abaalmarin doono amase dambiyada dadka sameeya laga goyn doono, waana maalinta loo yaqaan qiyaamada amase maalinta xisaabta ee wayn, sidoo kale maalinkaas jiritaankiisu wuxuu keensanayaa inay jirto nolol kale oo aan ahayn noloshaan dunida korkeeda ka jirta waana arrimaha dadkaasi markaas aysan rumaysnayn.

Aayadaha intooda kale waxay adoomada Alle ka dalbayaan in Alle kaligii la caabudo, in umuuraha Alle loo bandhigto oo isaga la isu dhiibo, in raalli galinta nafta laga tago oo laga hormariyo raalli galinta Alle, in nafta laga ilaaliyo ceebaha iyo waxyaalaha foolxumadu ugu jirto laguna tarbiyeeyo kasbashada camallada sarreeya ee sharafta badan, waxaas oo dhanise waa marka la rumeeyo risaaladaan loo soo dhiibay Rasuulka Alle, oo la hoosgalo hogaamintiisa toosan lagana tilmaan qaato jahayntiisa quman.

Dhanka kale aayadahaan bilowgooda waxaa Allaha wayn ee sarreeyaa uu Nabiga (scw) kaga dalbay inuu u istaago xilkaan ballaaran qaadistiisa, gudbinta diintaan toosan iyo gaarsiinteeda aadanaha dunida daafaheeda jooga, inuu ka baxo hurdada macaan ee firaashka dugsoon korkiisa uuna u istaago halgan iyo jihaad dheer, loollan, lagdan iyo dhib aan dhamaanayn ilaa cimrigu dhamaado,

((Hooy kan (nabiga) Isdadayoow: Istaago oo dig)) waxaad mooddaa in la yiri ‘ninkii naftiisa kaliya u nooli waa suuroowdaa inuu noloshiisa iska raaxaysto, adigase ninkaagan xilkaan culus qaadayoow maxaa adiga iyo raaxo isu kiin soo arkay, maxaase adiga iyo hurdo iska kiin galay, maxaase firaash dugsoon, hoos harac ah iyo nolol dan la’aan ah kuugu jira?.

U istaag daal iyo rabaax, soojeed dheer, guure iyo garaaroco, hawl badan, halgan iyo harwaa inta cimrigaaga ka hartay ah, u istaag meel marinta mas’uuliyadda wayn ee adiga ku sugaysa, waa dhamaatay fursaddii hurdada iyo raaxada wixii maanta ka dambeeyaana waa dhib xariirsan iyo loollan dheraran ee u diyaar garoow.

Runtii waa kalimad wayn iyo dalab laga argaraxo oo Nabiga (scw) ka saaraysa harka qabow kuna riixaysa mowjadaha badda iyo meerayaasha dhexdooda, ku riixaysa soo jiidasho iyo kasii dhifsasho damiirka dadka iyo garaadkooda, Nabiguna (scw) waa u istaagay heerka ugu sarreeya una gutay hannaanka ugu habboon una taagnaa in ka badan labaatan sano!!.

Isagoo aan dagin nasan una noolaan naftiisa iyo ehelkiisa midna, u taagnaa culayska amaanadii waynayd, dacwadii Alle iyo farriintii dunidaan loo soo diray, isagoo ay dhabarkiisa saaran tahay mas’uuliyaddii bashariyadda dhamaanteed, culayskii caqiiqada toosan, ku halgankii goobo kala duwan, iska hor imaadyo dhiig ku daadatay, kuwo maalka iyo maskaxda lagula diraray, kuwo seefta iyo qoriga baadkiisa lagu muquunshay, kuwa xujada iyo qalinka caaradiisa lagu qanciyay, kuwa sirtoodii sansaanka suubban lagu saaqay.

isagoo (scw) aan arrini arrin ka mashquulinayn muddadaas dheer laga soo bilaabo maalinta uu maqlay dhawaaqa wayn ee jahada sare ka yeeraya ee ku kallifay gaarsiinta xilkaan ballaaran, Allaha wayn ee kaydadka raxmadda gacanta ku hayaayi haka abaal mariyo annaga iyo bashariyadda oo dhan, abaal marin tan ugu khayr badan.

Hadaba waraaqahaan soo socdaayi kama duwana muuqaal yar oo kamida halgankii dheeraa ee ballaaraa oo uu Nabigu (scw) maray muddadaas dhexdeeda.

Dawrarkii Dacwada Iyo
Marxaladeheeda Kala Duwan

Sida la ogsoon yahay taariikh yahannadu waxay dacwada Nabiga (scw) u qaybiyaan labo dawr oo mid waliba kan kale ka soocan yahay si muuqata, waxayna kala yihiin;

  1. Dawrka loo yaqaan Makki-ga (intuu nabigu makko joogay) oo gaaraya sadex iyo toban sano oo waxyar dhiman.
  2. Dawrka Madani-ga (intuu nabigu Madiina joogay) oo gaaraysa toban sano oo dhamays tiran.

Labadaan dawr mid kasta waxaa ku guda jira marxalado kala duwan oo u khaas ah, waxayna taasi si cad u muuqanaysaa markii si xeel dheer loo fiiriyo duruufaha ay dacwada Nabigu (scw) soo martay labadaan dawr dhexdooda, waxaa hadaba suura gashay in dawrka Makki-ga ah loo qaybiyay sadex marxaladood oo kala ah.

  • A: Marxaladdii dacwadu ay ku socotay habka qarsoodida ah, oo qaadatay sadex sano.
  • B: Marxaladdii dacwada loo iclaamiyey oo kor loogu muujiyey reer Makko kaliya, oo qaadatay laga soo bilaabo bilowgii sanadka afraad ee taariikh-da nabinnimada ilaa dhamaadka sanadkii tobnaad ee nabinnimada.
  • C: Marxaladdii dacwada ka baxsan seeraha Makko, laguna faafiyay xuduudaha ka baxsan Makka, kana bilaabata dhamaadka sanadkii tobnaad ee nabinnimada ilaa hijradii Nabiga (scw) uu madiina u hijrooday.

Waxaan hadaba halkaan ku faahfaahin doonnaa –insha Allah- marxaladaha dawrka Makki-ga ah, dawrka madaniga ahina gadaal ayuu inoogu imaan doonaa isagoo marxaladihiisa wata markii meeshiisa la gaaro insha allaah.

Dawrka Makki-ga Ah

  • Marxaladda Koowaad Ee Halgankii Dacwada
  • Sadexdii Sano Ee Dacwada Qarsoodida ah

Sida la ogsoon yahay Makko waxay ahayd saldhiga diiniga ah ee carbeed, waxaana ku noolaa kuwa u khidmeeya Kacbada sharafta leh, kuwa u quma u adeegidda sanabada iyo wathannada muqadaska u ah carab inteeda kale, hadaba in laga gaaro maqsuudka amase muraadka islaaxinta ah ee la doonayo amase in lagu qanciyo kalinimada Alle iyo rumaynta aakharo waa arrin aad u qallafsan marka loo fiiriyo meel ka fog, waxayna u baahan tahay hawl fooqal caqli ah iyo go’aan aysan gilgili karin masiibooyinka iyo dhacdooyinka xanuunka badani, sidaa darteed si duruuftaan loola falgalo waxaa xigmaddu tusinaysay in dacwada bilowgeedu ku socdo hab qarsoodi ah, si aan reer Makko uga duldhicin wax aysan filanayn oo ka caraysiiya.

Ibn Isxaaq wuxuu yiri, waxaana u dhexeeyay intii uu Nabigu (scw) qarsoodida ku waday ilaa laga amray inuu shaaciyo sadex sano oo kaamil ah.

Ragii Ugu Horreeyay Ee Saxaabada

Tallaabadii ugu horreysay ee uu Nabigu (scw) ku bilaabay dacwadiisa waxay ahayd inuu diinta Islamka u bandhigo dadka kuwa ugu dhaw, dadka ay isku xiran yihiin iyo qoyskiisa iyo saaxiibadiis, wuxuu hadaba ugu yeeray Islaam nimada, wuxuuna u bandhigay qof kasta oo uu astaan khayr ku maleeyay ee dadka uu yaqaan iyaguna yaqaan runtiisa iyo amaanadiisa,  qof kasta oo uu ku yaqaan jacaylka Alle iyo u hogaan sanmidda xaqa ayaguna ku yaqaan akhlaaqdiisa sarraysa iyo shakhsiyaddiisa qaaliga ah.

Waxaa hadaba ajiibay (kuwa aan waligood ka shakiyin runtiisa) koox lagu yaqaan taariikhda Islamka racii ugu hormaray khayrka, waxaana kuwaas ugu horreeyay zawjada Nabiga (scw) Umul mu’muniin Khadiija Bint Khuwaylid, iyo saaxiibkiis mawlihiisana ah Zayd Ibn Xaaritha Ibn Shuraxbiil Alkalabi,iyo wiilka yar ee ay ilma adeerka yihiin Caliyi Ibn Abitalib wuxuuna ahaa wiil yar oo Nabigu koriyo iyo saaxiibkiisa khaaska ah ee Abuubakar Assidiq, kooxdaani waxay islaameen maalintii ugu horreysay ee dacwada Islamka.

  • Khadiija Bint Khuwaylid
  • Zayd ibn Xaaritha Ibn Shuraxbiil Al-Kalabi
  • Cali Ibn Abitalib
  • Abuubakar Assidiq

Abubakar markuu islaamay dhankiisa ayuu isna ka bilaabay faafinta diinta, wuxuuna ahaa nin saaxiibo badan oo soo jiidasho leh oo akhlaaq wanaagsan iyo sadaqo badni lagu yaqaan, wuxuu kaloo ahaa nin ganacsade ah oo aan gurigiisa raggu ka dhamaan lacagtiisa iyo cilmigiisa darteed, wuxuu hadaba dacwada islaamka ugu yeeray saaxiibadiisa uu ku kalsoon yahay ee la fariista islamarkiibana waxaa dacwadiisa ku islaamay;

  • Cuthmaan Ibn cafaan Al-amawi,
  • Azubayr Ibnul Cawaam Al-asadi,
  • Cabdiraxmaan Ibn Cowf iyo Sacad Ibn Abiwaqaaf Azuhri labaduba,
  • Dalxata Ibn Cubaydillah Attaymi,

Kooxdaan siddeedda ahi waxay ahaayeen hordhacmadii ugu horreeyay ee Islaamka.

Waxaa kaloo dadkii horay u islaamay kamida;

  • Bilaal Ibn Rabaax Alxabashi

Kadibna waxaa kusoo xigsaday ummaddaan aaminkeedii;

  • Abucubadayda Caamir Ibnul jaraax Alfihri,

Sidoo kale;

  • Abusalama Ibn Cabdil Asad iyo Al-arqam Ibn Abil Arqam Almakhzumi labaduba,
  • Cuthmaan Ibn Madcuun iyo walaalihiis Quddaama iyo Cabdullahi,
  • Cubaydata Ibn Xaarith Ibn Mudalib Ibn Cabdi Manaaf,
  • Saciid Ibn Zayd Al-cadawi iyo haweenaydiisa Faadima Bint Alkhatab Al-cadawiya Cumar walaashiis,
  • Khabaab Ibn Arath,
  • Cabdulaahi Ibn Mascuud Al-hudali iyo saxaabo kale oo badan.

Ibn Isxaaq wuxuu yiri,

Kadibna dadkii ayaa Islaamka u soo galay raxan raxan rag iyo dumarba ilaa hadal haynta Islamku ku faaftay Makko oo lagu sheekaystay.

Dadkaani hadaba waxay kusoo islaameen si qarsoodi ah Nabiguna (scw) wuxuu kula kulmi jiray oo wax ku bari jiray oo caqiidada iyo qur’aanka soo daga ugu akhrin jiray si qarsoodi ah, sababtoo ah wali dacwadu waxay ku jirtay marxaladdeeda qarsoodida iyo kali kalida ah, waxyiguna wuxuu usoo dagi jiray si aad u badan kadib markay soo dagtay Mudathir.

Suuradaha iyo aayadaha soo dagaya mudadaaasna waxay ahaayeen aayado gaagaaban oo leh joogsiyaal iyo xubno aad u qurux badan, xambaarsan xujooyin iyo baraahiin aan cidina la doodi karin, leh hab dhacmeedyo dagan oo aad u macaan iyo soo jiidasho, la falgalaya jawigaas cakiran ee ee qarsoon, dhiirrigalinaya nadiifinta ruuxda, ceebaynaya ku wasakhaynteeda dhaldhalaalka aduunka, dhalan xumaynaya cibaadada shirkiga, tilmaamaya oo sifaynaya jannada iyo naarta sidii ayagoo kuu muuqda, dadka mu’miniinta ah u kaxaynaya duni kale oo aan ahayn dunida ay ku nool yihiin iyaga iyo dadka oo dhani markaas.

Sababaha Islaamidda
Saxaabadaan Qaarkood

Ibn Isxaaq wuxuu yiri, Jibriil (cs) ayaa meel waadi dhiniciis ah ciribta ku dhuftay markaasaa il biya ahi kasoo burqatay, markaas ayuu ku weeso qaatay Rasuulka (scw) ku weeso qaatay, kadibna wuxuu tukaday labo rakcadood, markaas ayaa Nabigu (scw) soo laabtay isagoo Alle naftiisa qaboojiyey ishiisana farax galiyey, markaas ayuu inta Khadiija gacanta qabtay ishii biyaha ahayd la aaday.

Markaas ayuu u weeso qaatay sidii Jibriil u weeso qaatay,markaas ayey isaga iyo Khadiija labo rakcadood tukadeen, kadibna Nabiga (scw) iyo Khadiija waxay u tukan jireen si qarsoodi ah, maalin ayaa Cali soo maray ayagoo tukanaya markaas ayuu Cali yiri, Muxamadow waa maxay waxaan aad samaynaysaan? Markaas ayuu yiri, waa diin Alle u doortay naftiisa lana soo diray Rusushiisa, waxaan hadaba kuugu yeerayaa rumaynta Alle kaligiis iyo inaad ku kufrido Laate iyo Cuzaa.

Markaa ayuu Cali yiri, diintaani waa mid aanan waligay maqlin maanta ka hor, sidaa darteed go’aan ka gaari mayo ilaa aan aabahay u sheego, Nabiguna (scw) wuxuu diidanaa inuu sirtaan faafiyo inta aan shaaca laga qaadin, markaas ayuu yiri, Caliyow haddaadan adigu Islaamin qari sirtaan, Cali habaynkii ayuu joogay kadibna qalbigiisa ayaa Alle Islaamka galiyey, markii uu waa bariistay ayuu Nabiga (scw) u yimid oo hortiisa ku islaamay kadibna way ka qariyeen Abudalib.

Ilaa uu maalin soo maray ayagoo tukanaya markaas ayuu Nabiga ku yiri, Adeer waa maxay waxaan aad samaynaysaan? Markaas ayuu yiri, adeer waxaani waa diintii Alle, diinta Malaa’iktiisa, rusushiisa iyo Diintii Ibraahiim, oo Alle ila soo diray si aan adoomada u gaarsiiyo adigana adeer waxaad tahay qofka ugu mudan qof aan naseexadayda gaarsiiyo ama naftayda u huro ama aan hanuunka ugu yeero iyo qofka ugu mudan inuu iga ajiibo iguna garab istaago, markaas ayuu yiri, adeer anigu haddeer ma awoodo inaan ka tago diintii aabayaashay laakiin wallaahay anoo nool inaan waligay la iikaa gacan dhaafi karin ee wado diintaada, intuu cali eegay ayuu yiri aduguna ma Islaamtay markaasuu yiri, haa, markaas ayuu yiri, wax aan khayr ahayn Muxamed kuuguma yeerin ee raac oo ugu kaalmee.

Kadibna waxaa Islaamay Zayd Ibn xaaritha, cali kadib wuxuuna yiri, Cali waxaa Alle ku galladaystay in Nabigu (scw) korin jiray Islaamnimada kahor.

Muxamed Ibn Kacab Alquradi wuxuu yiri, qofkii ugu horeeyay oo Islaamay waa Khadiija (”Raddiya Allahu Canhaa”) kadibna waxaa Islamay Abuubakar iyo Cali, Calibaana horreeyey, Abuubakar na waa ninkii ugu horreeyey oo diintiisa muujistay.

Nabigu (scw) wuxuu yiri, waligay qof diinta uguma aanan yeerin illaa hakad iyo ka fiirsi ayuu lahaa Abuubakar mooyee, kama uusan hakan markaan u sheegay kamana laallaaban.

Dalxata Ibn Cubaydillah wuxuu yiri, waxaan tagay suuqa wayn ee magaalada Busraa, mise nin raahib ah ayaa Sowmacaddiisii (macbad mowlac) kasoo dagay, oo wuxuu leeyahay waryaa xaramka ka yimid, cid reer Makko ahi halkaan ma joogtaa?

Markaas ayaan waxaan iri, haa anigaa ka imid, markaas ayuu yiri, wali Axmed masoo baxay? Saanne oo Axmad waa kuma? Suuye Ibn Cabdillahi Ibn Cabdil Mudalib, waa bishaan markuu soo bixi lahaaye, waana nabiyada kii ugu dambeeyey, meeshuu kasoo baxayaana waa Xaramka meesha uu u hijroon doonaana waa dhul timir, dhagax madow iyo carraseel leh, hadaba ogoow ninyohow yaan cidina kaaga hor marin.

Dalxa wuxuu yiri, hadalkaan ayaa qalbiga igaga dhacay, markaas ayaan usoo dagdagay xagga Makko, markaa imid ayaan waxaan leeyahay, war wax dhacay ma jiraan, maxaa magaalada bishaan ku cusub? Markaasey yiraahdeen, haa Muxamed Ibn Cabdillahi Amiinkii ayaa nabinnimo sheegtay, waxaana raacay Ibn Abii Quxaafa (abuubarkar) markaas ayaan usoo galay Abuubakar oo iri, ma ninkaanaad raacday?

Markaas ayuu yiri haa, adigana waan kuugu yeerayaa ee raac oo rumee, markaas ayaan uga warramay hadalkii raahibku yiri, markaas ayuu gacanta ku dhagay Abuubakar ilaa uu Nabiga (scw) ugala soo galay markaas ayuu Dalxa Islaamay, markii Abuubakar Iyo Dalxa Islaameen waxaa qabtay Nowfal Ibn Khuwaylid Al-cadawi markaas ayuu geed salkiis xarig kula xiray, Bani-taymna –waa laftoodee- kama celin, Nowfalna waxaa lagu niinaasi jiray libaaxii Qureysheed, marka halkaas ayaa labadooda loogu magacaabay Al-qarnayn labadii tiirka ku xirnaa.

Cammaar Ibn Yaasir isaga, aabihiis Yaasir Ibn Caamir iyo hooyadiis Sumaya Bint Khayaad waxay ayaguna ka mid ahaayeen dadka horay u islaamay, marka Bukhaari iyo Muslim waxay wariyeen inuu Cammaar yiri, waxaan ark ay Rasuulka Alle (scw) oo aysan la socon (rumaysnayn) shan addoon, labo dumar ah iyo Abuubakar mooyee,” Sidaasna  tira ahaan Cammaar sagaal ku noqonayo.

Calina muusan sheegin sababtoo ah, wuxuu ahaa caruur toban jir ah sidaa waxaa yiri Al-Imamu Dahabi.

Sidoo kale labada sheikh waxay soo saareen Sacad Ibn Abiwaqaas inuu yiri, “wallee waxaan joogay todobo maalmood anigoo Islaamka sadex meeloodkiis ah” wuxuuna ka wadaa in sadex qof oo uu ku jiro oo kaliyihi ay muslim ahaayeen.

Imaamu Muslim wuxuu soo saaray Camar Ibn Cabasah inuu yiri, “waxaan u imid Rasuulka Alle (scw) isagoo Makko jooga oo is qarinaya markaas ayaan iri kumaad tahay..?

Markaas ayuu yiri “waxaan ahay nabi”

Saanne oo nabi waa maxay..?

Suuye “Rasuulkii Alle”

Saanne ma ilaahay baa kusoo diray..?

Markaas ayuu yiri, “Haa”

Saanne oo muxuu kula soo diray..?

Markaas ayuu yiri, “In Alle kaliya la caabudo oo sanabada la jajabiyo oo qaraabada la xariiriyo”

Markaas ayaan iri, alla waxa lagula soo diray fiicanaa, yaa ku rumeeyey..?

Markaas ayuu yiri, “Nin xor ah iyo nin addoon ah”

Wuxuuna ka wadaa Abuubakar iyo Bilaal,

Markaas ayaan iri: Rasuulka Allow anna waan ku rumeeyey, Camar wuxuu marka oran jiray, “Wallee waxaan is arkay anigoo sadexdooda afar ku ah”.

Cabdullahi Ibn Mascuud wuxuu yiri, waxaan ahaa wiil kuray ah oo la jooga ari uu leeyay Cuqbata Ibn Abi-mucayd (1) Makka duleedkeeda, waxaa marka isoo maray Rasuulka Alle (scw) iyo Abuubakar, ayagoo kasoo cararay niman mushrikiin ah oo raacdaysanayey, markaas ayuu yiri, ninyohow dhallin yarada ahi wax caano ah ma haysaa oo aad naga waraabisid? Markaas ayaan iri, anigu waxaan ahay ammaano haye oo idinma siin karo caanaha, markaas ayuu yiri, ma nookeeni kartaa ceesaan yar oo aan wali orgoon?.

Markaas ayaan iri, haa haddaad caano ka lisi kartid waana u keenay, marka Abuubakar ayaa ceesaantii lugta qabtay Nabiguna naasaheeda ayuu qabtay waana duceeyey markaasaa ceesaanta naasaheedii darareen oo caano kasoo buuxsameen sidii neef dihin, Abuubakar ayaa keenay dhagax godan sidii weelkii.

Markaas ayuu ku lisay ilaa ay caano cabbeen anigana ay I waraabiyeen, markaas ayaa naasihii baaba’een markii muddo lagu joogay ayaan Nabiga (scw) Makko ugu imid oo ku iri, ibar hadalkaas wanaagsan oo aad ku akhriday ceesaanta, markaas ayuu qur’aanka ibaray oo yiri “waxaad tahay wiil yar oo wax baran kara” waxaanna afkiisa ka qaatay todobaatan suuradood oo aan nina igula doodi karin.

Mid kasta saxaabadaan kamida waxaa taariikhdiisa la socota sheeko layaab badan oo sabab ugu ahayd Islamnnimadiisa iyo u hogaansankiisa xaqa.

Salaadda

‘’Kuna tasbiixso adoo ku dheehan mahadda Eebahaa Galab iyo Aroorba.‘’ [Surah: A-Ghaafir, 55]

Marka la fiiriyey qur’aanka soo dagay waqti hore oo maalmaha Nabiga (scw) kamida, waxaa muuqata in bilowgii nabinnimadaba la amray salaadda, wuxuu yiri Muqaatil Ibn Sulaymaan, bilowgii Islaamka, Alle wuxuu waajib yeelay salaadda labo rakcadood oo subixii ah iyo labo rakcadood oo galabtii ah sida lagu caddeeyey qowlka Alle (( Tasbiixso adigoo ay kuu weheliso xamdinaqa Rabbigaa galabkii iyo aroortiiba)) suuradda 40:55,

Sidoo kale Al-xaafith Ibn Xajar wuxuu yiri, in Nabigu (scw) Israaga ka hor tukan jiray waa hubaal sidoo kale saxaabadiisa, hasayeeshee waxaa la isku khilaafay in ay jiraan salaadaha shanta ah kahor wax salaada oo la isku farad yeelay iyo inkale, waxaana la yiri faradku wuxuu un ahaa salaad qorax soo baxa ka horraysa iyo salaad ka dambaysa.

Zayd Ibn xaaritha waxaa laga wariyay inuu yiri, markii ugu horraysay oo Rasuulka Alle (scw) loo waxyooday, Jibriil ayaa u yimid wuxuuna baray weesada, markii uu dhameeyey weesadii wuxuu qaatay sacab biyo ah markaas ayuu cawradiisa ku firdhiyey, Ibn Cabbaas waxaa laga wariyey inuu yiri, taasina waxay ahayd markii ugu horreysay ee salaadda la waajib yeelay.

Ibn Hishaam-na wuxuu sheegay in Nabiga (scw) iyo saxaabadiisu markii salaadda la gaaro ay aadi jireen meelaha cidlada ah, ayagoo salaaddooda la dhuumanaya, mar kamida waqtiyadaasna waxaa dhacday in Abu-talib uu arkay Nabiha (scw) iyo Cali oo tukanaya, marka arrintaan ayuu waydiiyey markii uu hubsaday waxaan ay samaynayaanna wuxuu kula taliyey inay ku sugnaadaan camalkoodaan.

Warkii Oo Qureysh
Si Duuduub ah ku Gaaray

Marka taariikhdaan dacalladeeda la fiiriyo waxaa muuqanaysa marxaladdaan dhexdeeda inkastoo dacwadu ay qarsoodi ku socotay in hadalhaynteedu ay Qureysh gaartay, laakiinse aysan wax wayn u qaadan sidaa darteed aysan waxba u dan galin.

Maxamed Al-ghazaali wuxuu yiri, wararkaani waxay u duulduuleen Qureysh wax danase umaysan yeelan, waxaana laga yaabaa inay Muxamed (scw) moodeen mid kamida kuwaas Dayaaniyiinta (2) loo yaqaannay ee ka hadli jiray ilaahnimada iyo xuquuqdeeda, sidii uu yeelay Ubaya Ibn Abisalti, Qeys Ibn Saacida, Camar Ibn Nufeyl iyo kuwa la midka ahaa, hasayeeshee waxay cabsi badan ka qabeen in akhbaartiisu faafto ama uu raad sii jiitama yeesho, sidaa darteed waxay bilaabeen inay u kuurgalayaan dacwadiisa iyo dhaqdhaqaaqiisa si xeeldheer.

Sidaa marka waxaa ku gudbay sadex sano oo dacwada Nabigu (scw) ay wali si qarsoodi iyo kali kali ah ku socotay, muddadaan dhexdeedana waxaa dhisantay jamaaco mu’miniin ah oo oogaya walaalnimadii iyo iskaalmaysigii Islaamka, iyo gaarsiinta risaalada Islaamka iyo dhaxalgalinteeda, markaas ayaa waxaa soo dagay waxyigii Alle oo Rasuulka Alle ku kallifaya kuna waajib yeelaya inuu dacwada shaaca ka qaado sidoo kale inuu riddiyo baadilka ay kufaarta qureysheed ku jiraan, inuu dagaal af ah oo kulul ku qaado sanabadooda, inuu caddeeyo kufriga ay ku sugan yihiin.

Marxalladii Labaad Ee
Dawrka Makkiga ah

  • Dacwadii oo kor loola jahray
  • Amarkii ugu horreeyey Ee Muujinta Dacwada

Una Dig Qaraabadaada Kuu sii dhaw.‘’ [ Surah: Ash-Shucaraa’ 21]

Amarkii ugu horreeyey ee muujinta xaqa lagu amray ee Nabiga (scw) ku soo daga wuxuu ahaa qowlka Alle;

”u dig qaraabadaada dhawdhaw.” 26:214

… iyo suuradda ay aayaddu ku jirto ee Shucaraa, waxaa suuradaan bilowgeeda lagaga sheekeeyey qisada nabiga Alle ee Muusa (cs)  lagasoo bilaabo noqoshadii nabiga, lasoo maro hijradii uu reer Bani-israel la hijrooday, ka badbaadintii fircon (pharaoh) iyo qoomkiisa, laguna dhameeyey qarqintii lagu maasheeyey fircoon iyo qoomkiisa, waxaana qisadaan ku jira dhamaan marxaladihii uu Muuse soo maray muddadii uu ummadda Faraacinada diinta ugu yeerayay.

Sida  lagu tafsiiray waxaa qisadaan sidaan Alle ugu faahfaahiyay si Nabiga (scw) iyo saxaabadiisa hortooda tusaale cad uu u yaallo oo ay uga qiyaas qaataan waxa ay la kulmi doonaan oo beeninta iyo cadaadinta ah markay dacwadooda sare u muujiyaan, sidoo kale inuu u caddaado dhibka iyo shidada badan oo ay la kulmi doonaan.

Dhinaca kale marka laga fiiriyo suuradaani waxay ka sheekaysay sidii xumayd ee ay ku dambeeyeen kuwii rususha Alle beeniyey ee qoomkii Nuux, Caad, Thamud, qoomkii Ibraahiim, qoomkii Luud, iyo qoomam kale.

Qisada Muuse iyo Fircoon kadib, waxaa halkaan ku jira tilmaan sarbeeban oo ah inay ogaadaan kuwa Nabiga beenin doonaa sida xun ee xaaladdoodu ay ku dambayn doonto hadday ku adkaystaan indha adaygga iyo madax qallayfka, sidoo kale inay mu’miniintu ogaadaan in mustaqbalka fiican ay ayagu yeelan doonaan ee aysan gaaladu lahayn.

Nabiga oo Qaraabadiisa
La Kulmaya

Markii aayaddaani ay soo dagtay tallaabadii ugu horreysay ee uu Nabigu (scw) qaaday waxay ahayd inuu marti qaad ugu yeeray qoyskiisa Bani-haashim, marka way yimaadeen ayagoo ay weheliyaan dhawr nin oo Bani-mudalib ah, waxayna tiradoodu isku noqotay shan iyo afartan nin oo gaashaan qaad ah, markii meeshii la yimid waxaa la cunay marti qaadkii loo sameeyay raashinkaas oo yaraa oo Alle barakeeyay raggii oo dhan ay ka wada dhargeen.

Markii uu Nabigu hadli lahaa waxaa hadalkii ka boobay Abu-lahab oo yiri ninkaani waa idin sixray -raasshinka yar oo deeqay dartiis- haddana inta Nabiga (scw) soo eegay ayuu yiri, “kuwaani waa adeerradaa iyo ilma adeertaa ee hadal oo gaalnimada jooji, ogowna inaan tolkaa lahayn awood uu carab oo dhan kaga hortago, anigaana ugu xaq leh cid gacanta ku qabata, joog ilma adeertaa baa kugu filan inay xadkaaga kugu hayaan.

Haddaad kusii socoto waxa aad ku jirto waxaa u fudud inay ayagu ku xiraan intaan lafaha Qureysheed kugu soo boodin, oo gacanta carbeed kusoo gaarin, waligay maanan arag nin dadkiisii ula yimid wax ka shar badan waxa aad ula timid dadkaagii” sidaa darteed fadhigaan Nabigu (scw) waa aamusay oo waxba muusan ka oran waana lagu kala tagay.

Haddana fadhi labaad ayuu Nabigu qabtay oo qado lagu sameeyay wuxuuna yiri, (( Mahad idilkeed waxay u sugnaatay Allaha wayn anigoo mahadinaya, oo kaalmo waydiisanaya, oo rumaynaya, oo isaga tawakulaya, waxaanna qirayaa inaan ilaah xaq lagu caabudo jirin Allah mooyee oo kaligiis ah oo cid la wadaagtaayi jirin)).

Kadibna wuxuu yiri, “ninkii sahmiyey dadkiisa been uma sheego waxaan ku dhaartay Allaha aan ilaah kale jirine, waxaan ahay rasuulkii Alle idiin soo diray si gaar ah, dadkana loo soo diray si guud, wallaahay waad dhimanaysaan sidaad u seexataan oo kale, waana la idin soo bixin doonaa sidaad usoo toostaan, waana la idin xisaabin doonaa waxaad camal falaysaan, markaasna ama waa janno lagu waarayo ama waa naar lagu waarayo oo aan waxba ka dhaxayn”.

Abutalib ayaa hadlay oo wuxuu yiri, Alla yaa naga jecel inaan ku caawino, yaa naga aqbali og naseexadaada, yaa nooga kaa rumaysi badan hadalkaaga, kuwaanina waa reer aabahaa oo kuusoo ururay, aniguna mid kamida unbaan ahay inkastoo aan ahay kan ugu dagdagi og waxa aad jeceshahay, hadaba ku soco waxa lagu amrayo, Allaan ku dhaartaye waligay ka daali mayo inaan ku ilaalinayo oo ku difaacayo, inkastoo naftaydu aysan iga yeelayn inaan ka tago diintii Cabdulmudalib.

Abu-lahab ayaa markaa wuxuu yiri, waxaan aad ku hadashay wallaahay waa xumaan, war hooy gacmaha qabta oo xira intaan cid aan idinka ahayni qaban, markaas ayaa waxaa u jawaabay Abudalib oo yiri, wallaahay waligayo waan difaacaynaa intaan jirno.

Buurta Safa Dusheeda

Kadib markii uu Nabigu (scw) hubsaday ballan qaadka uu Abutalib ka helay ilaalintiisa isagoo dacwada Alle ummadda gaarsiinaya, wuxuu maalin fuulay buurta Safa dusheeda markaas ayuu qayliyey codkiisa heerka ugu sarreeya “Waa wareey!! War isu kaalayooy! Waa wareey!” dadkii oo dhan ayaa codka xaggiisa ku yaacay waxaana meesha isugu yimid dhamaan lafaha Qureysheed oo dhan, markaas ayuu Nabigu dadkaas ugu yeeray Towxiidka iyo Iimaanka iyo inay Rumeeyaan risaaladiisa iyo inay jirto maalin dambe oo dadka la soo saari doono oo layiraahdo aakharo.

Al-Imamul Bukhaari oo qisadaan dacaladeeda dacal kamida ka wariyay Cabdullahi Ibn Cabbas wuxuu yiri, “markii ay soo dagtay aayaddaan qur’aanka ah ee ((U dig qaraabadaada dhawdhaw)) Nabigu (scw) wuxuu fuulay buurta Safa dusheeda, wuxuuna bilaabay inuu u yeerayo lafaha qureysheed isagoo magacaabaya yaa Bani-Fihir (qureysh) war reer bani-fihiroow! Yaa Bani-Ciddiyi! Lafaha Qureysheed isagoo magacaabaya ilaa ay isu yimaadeen, xataa qofkii aan awoodin inuu yimaado qof kale ayuu soo dirayey si uu usoo fiiriyo waxa dhacay waxay yihiin, Qureysha  waa timid, waxaa kaloo dhankiisa yimid Abu-lahab.

Wuxuu Nabigu (scw) yiri, “ka warama haddaan idiin sheego ciidan fardoolay ah oo toggaan dhiniciisa soo socda oo raba inay idinku soo duulaan” ma iga rumaysan lahaydeen? Waxay ku jawaabeen, wax aan run ahayn hore kuuguma aannaan baran, markaas ayuu yiri, “hadaba waxaan idiin ahay dige (qayla dhaanshe) cadaab kulul intuusan imaan hortiis” Abu-lahab ayaa wuxuu yiri, Hoog Alle kubad maanta gudaheeda, war ma waxaasaad isagu kaaya yeertay? Markaas ayaa Alla soo dajiyay suuradaan ((Tabbat yadaa Abii-lahab)) wuxuu khasaare ku dhacay gacmaha Abilahab:  (Suurat: Al-Masad Ayaat 111:1-5)

Sidoo kale Imaamu Muslin ayaa isaguna qisadaan dacal kale ka wariyey Abi-hurayra wuxuuna yiri, markay soo dagtay aayaddaan ((U dig qaraabadaada dhawdhaw)) Rasuulka Alle (scw) ayaa dhawaaqay isagoo si guud iyo si khaas ahba dadka ugu yeeray, marka wuxuu yiri Nabigu (scw), “war kulankii Qureysheedoow naftiina naar ka badbaadiya, war kulankii Bani kacaboow! Naftiina naar ka badbaadiya! Faatima Bint Muxamadeey! Naftaada naar ka badbaadi! Anigu waxba kaagama awoodo Alla agtiisa, inaad leedihiin qaraabanimo mooyee aan xarigeeda qoyn doono (xariirin doono).

Kalimaadkaas daacadnimada iyo talagalyada ah ee uu sare u qaaday run ahaantii waa yoolka ugu sarreeya ee gaarsiinta dacwada laga gaaro, wuxuuna Nabigu (scw) ugu caddeeyay dadka qofkii ugu dhawaa in rumaynta diintaan la rumeeyo ay tahay xarigga kaliya ee ehelnimadoodu ku xariirsanaan karto, sidoo kale in hiilkii qaraabada ee nadaamka carabtu ku socdayi ay ku dhalaashay kulaylka digniintaas codka dheer ee ka timid xagga Alle.

Qarxintii Xaqa Iyo
Caradii Mushrikiinta

‘’ee Muuji waxa lagu fari iskagana Jeedso Mushrikiinta.’’ [Surah: Al-Xijr, 94]

Ayadoo codkaas dheer uu wali gaalada dhagahooda ka qaylinayo ayaa Alla soo dajiyay qowlka Alle ee:

”Caddee- qarxi- waxa lagu amrayo kana jeeso Mushrikiinta.” [15:94]

Markaas ayuu Raruuslka Alle (scw) u dhaqaaqay inuu riddiyo khuraafaadka shirkiga oo banaanka soo dhigo dhalliilihiisa, inuu faahfaahiyo xaqiiqada sanabadu waxa ay tahay iyo inaysan dhab ahaan wax qayma ah lahayn, isagoo tusaalayaal badan ku caddaynaya caajis nimadooda, dhagaxnimadooda, inaysan waxba cid yeeli karin waxna tari karin, inuu xujooyin quwad wayn iyo aayado macna dheer ku caddaynayo in qofkii caabuda oo ka dhigta cid isaga iyo Alle u dhaxaysa amase Alle loo sii maro uu baadiyoobay baadinimo cad.

Makko waxay la burqatay oo la qaraxday dareen caro leh, waxay isla dhex qaadday xanaaq iyo qaadan waa, markay maqleen cod kor ula qaylinaya baadinimada mushrikiinta iyo cibaadada sanabada, waxaad mooddaa sidii biriq cirka kasoo dhacday oo daruurihii kala dhex jiirtay oo unkadday oo hilaacday oo dunidii dagganayd gariirisay, Qureysh oo dhani hal mar ah ayey istaagtay ayagoo isu diyaarinaya siday u damin lahaayeen kacdoonkaan hoostooda ka qarxay si lama filaan ah, lagana cabsanayo inay ka takhalusto caadooyinkoodii dhaxalgalka ahaa iyo dhaqamadoodii hore ee aabayaasha.

Way wada istaageen sababtoo ah waxay garanayeen in macnaha Imaanka ee ku dhisan inaan la caabudi karin cid Alle kasoo hartay, iyo macnaha rumaynta risaalada Alle iyo maalinta qiyaamada inuu yahay u hogaansamid buuxda iyo isdhiibid bannaan oo Alle loo hogaansamo, ayadoo uusan u hari doonin madax bannaani inay waxay rabaan sameeyaan ama siday rabaan maalka ugu cayaaraan ama cidday doonaan caabudaan ayadoo aan ninna xisaabinayn, taasoo ay u arkaan inay halkaas ku dhumi doonto boqortinimadoodii curadda ahayd iyo isla waynidoodii ay carab la dheeraayeen, taasoo huwanayd hagoog diineed.

Sidoo kale inay ku khasbanaan doonaan wax Alle raalli galiya kaliya, in loo diidi doono dulmigii ay u gaysan jireen dabaqadaha hoose ee bulshada, in laga joojin doono xumaantii ay faraha kula jireen maalin iyo habaynba, waxaas oo dhan ayey ula muuqatay sidaa darteed waxay u arkaan xaalad xun oo aan marna la aqbali karin ((Insaanku wuxuu doonayaa inuu hortiisa ka been abuurto)).

Inkastoo ay waxaas oo dhan garanayeen oo arrimuhu sidaa ula muuqdeen, maxay hortiisa ka samayn karaan nin ku caan baxay runta iyo ammaanada, nin noqday tusaalaha aadanaha ee sharafta, karaamada, haybadda iyo akhlaaqda wanaagsan, nin aysan hore u maqal cid la barbardhigi karo amase cid lagu matali karo quruuma badan oo taariikhda aabayaasha iyo ummadaha hore ah? Arrintaan ayey ku wareereen waana tahay wax ay ku wareeraan.

Hadaba markay wax badan fakareen oo arimaha u fiirsadeen uma muuqan si kale oo ay yeeli karaan oo aan ahayn inay Abutalib u tagaan, oo ay isaga ka codsadaan inuu qabto wiilka uu adeerka u yahay, waxay isku waafaqeen si ay u muujiyaan caradooda iyo in arrintaani meel xun ka joogto, inay yiraahdaan, u yeeridda dadka loogu yeerayo ka tagidda ilaahyadooda iyo hadalka ah inaysan waxba tari karin awoodna lahayni inay meelka dhac wayn iyo liidid ballaaran ku tahay sharaftooda sidoo kale inay bahdilid iyo caqli durid ku tahay aabayaashoodii hore ee diintaan caabudi jiray, wadadaas ayaa u muuqatay markaasay hore u qaadeen.

Wafdigii Qureysheed Oo
Abu-Talib Hor Fadhiya

Ibn Isxaaq wuxuu yiri, waxaa si abaabulan usoo dhaqaaqay odayaal magac dheer oo madaxda qureysheed kamida ilaa ay Abutalib uga yimaadeen, markaas ayey dheheen, Abutalibow wiilka walaalkaa dhalayi wuxuu caayey Illaahyadayadii, wuxuu dhalleeceeyey diintayadii, wuxuu dhalliilay dadkayagii caqliga badnaa, wuxuuna baadi nimo ku sheegay aabayaashayadii hore, hadaba inaad naga qabato amase inaad annaga iyo isaga iskaga kaaya dhex baxdo waxba maanta kama dhexeeyaan, sababtoo ah adiguba isku si ayaad noola khilaafsan tahay marka waannu kaaga fillaanaynaa dhibkiisa.

Markaas ayuu Abutalib kula hadlay, hadal dabacsan oo si qurux badan u celiyey, markaas ayey dib ugasoo laabteen Rasuulka Allana  (scw) uu kusii socday xaaladdiisii hore, inuu shaaca ka qaadayo diinta Alle iyo inuu dadka ugu yeerayo.

1. Cuqbata Ibn Abi-mucayd Ibn Abaan Ibn Dakwaan Ibn Umaya Ibn Cabdishamsi, wuxuu ahaa odayaasha hoggaanka u hayay Qureysh xilligii jaahiliga wuxuuna ahaa raggii ku caanbaxay silicdilyaynta iyo dhibka muslimiinta loo gaysto markii dacwada islamku soo bilaabatay, ugu dambayntiina wuxuu ku jiray raggii muslimiintu qafaasheen dagaalkii badar halkaas oo ay inta dileen bakhtigiisii geed ka soo laalaadiyeen, waana ninkii ugu horreeyay ee muslimiintu sidaan u dileen. Ka fiiri taariikhdiisa Arrowd Al-unfi 2/76 Al-kaamil li-ibn Athiir 2/27 waxaana kuunyadiisa loo yaqaan Abul waliid.

2. Dayaaniyiinta amase Alxunafaa waxaa la oran jiray niman ay kamid yihiin kuwaan Qazaali sheegay oo caqli ahaan nacay caabudidda sanabada ayna u cuntami wayday, hasayeeshee aan haysan diin sax ah oo ay raacaan, marka qaarkood waxay qaateen diinta kiristanka sida aan kusoo aragnay Waraqa Ibn Nowfal inkastoo uu Nabiga (scw) markii dambe rumeeyay,

Zayd Ibn Camar Ibn Nufaylla wuxuu aaday shaam isagoo diin raadinaya markii uu nabiga soo bixiddiisii maqlay ayuu xagga Makko usoo cararay isagoo soo socda ayaa carab reer miyi ahi dileen inkastoo khayr loo sheegay, Ubaya Ibn Abi salti oo ahaa ninkii ugu caansanaa markii uu nabiga maqlay ayuu ku gaaloobay sababtoo ah isagaa filanayay in nabi laga dhigo ayaa la yiri, halkaas oo Nabigu (scw) ka yiri “gabaygiisaa Alla rumeeyay qalbigiisuse waa ku kufriyay”.

Decorative Lines

Waxaa soo diyaariyey
Shiikh Cabdirisaaq Macallim Abshir
Email: musanaf@hotmail.com
Xigasho: SomaliTalk.com