Silsiladda
Taariikhda Islaamka

Qaybta | 8aad

Siira:  Taxanaha Taariikhda Islaamka
oo ka Kooban 12 Qeybood.
Qore: Sheekh Cabdirisaaq
Macalin Abshir (Musanif)

Decorative Lines

Qaybtani waxa ay ka kooban tahay

  • Hijradii Koowaad Ee Dhulka Xabashida
  • Hijradii Labaad Ee Dhulka Xabashida
  • Fiiro Gaar ah Boqorka Najaashi
  • Qureysh Oo Dhagar U Maleegaysa Muslimiintii Xabashida U Hijrooday
  • Qureysh Oo Abutalib Haddadaysa
  • Qureysh Oo Markale Abutalib Hor Taagan
  • Islawaynayaasha Gaalada oo ay ku dhalatay daldalidda Nabiga (scw)
  • Islaamiddii Xamze Alle Haka Raalli Noqdee
  • Islaamiddii Cumar Ibn Khataab Alla Haka Raalli Noqdee

Hijradii Koowaad Ee
Dhulka Xabashida

”Hijradii Koowaad ee Muslimiinta: Makko ilaa dhulka Xabashida: Taariikh: bisha rajab ee sannadkii shanaad ee nabinimada (oo ku beegnayd 615 miilaadiga).”

Akhri: Waraaqahii uu Rasuulka (CSW) u Kala Diray Boqorada:
__________________________________________________

Sidii go’aankii jirdilka iyo cadaadinta loo hirgliyey bartamihii ama dhamaadkii sannadkii afraad ee nabinimada, nolosha Makko waa kusii adkaanaysay dadka muslimiinta ah maalinba maalinta ka dambaysa, inkastoo jirdilkaani uu si dabacsan ku bilowday markii hore, hadana mar walba xaaladdu waa kasii daraysay, carada iyo nacaybka gaalada ka imaanaysay cirka ayuu isku shareeray oo heerkii ugu sarreeyey ayuu gaaray, duruufihii ayaa sii qallafsanaaday.

Makko waxay la mid noqotay xabsi wayn oo muslimiinta lagu silicdilyeeyo, ilaa sannadkii shanaad ee nabinimada ay suuroobi wayday sii joogista Makka, islamarkaana laga fursan waayay bal in muslimiintu raadiyaan xeelad ay cadaabkaan uga badbaadi karaan, xilligaan qallafsan ee mugdiga ah ayaa waxaa soo dagay suuratul Kahfi, ayadoo sidda jawaabo laga bixiyay su’aalo ay mushrikiintu Nabiga (scw) hore ugu soo jeediyeen, su’aalahaan oo ay ayagoo Nabiga (scw) xujeeya isleh yuhuudda ka codsadeen inay su’aalo adag u diyaariyaan, sidoo kale ayadoo suuraddu xambaarsan sadex qiso.

Qisooyinkaan waxaa ku jira tilmaam bixinno xeeldheer oo ku wajahan addoommada Alle ee Mu’miniinta ah, qisada ugu horreysa ee asxaabul kahfi waxay si sarbeeban ugu irshaadinaysaa in laga hijroodo rugaha kufriga udbaha mutay iyo saldhigyada cadawnimadu ay dagtay, cabsi laga qabo in diinta lagaa fidmeeyo daraadeed ayadoo la talo saaranayo Alle,

”Mar haddaad ka fogaateen ayaga iyo waxa ay caabudayaan ee Alle kasoo haray, u dunma –ku urura- godka wuxuu rabbigiin idiin fidinayaa raxmaddiisa wuxuuna idiin qorshaynayaa arrintiinna raaxo.” [18:16 [1]

Qisada Khadir Iyo Muuse (cs) waxay iftiiminaysaa inaan duruufuhu waligood ku socon kuna mira dhalin kaliya sida daahirkooda ka muuqata, waxaaba dhici karta inay natiijadu noqoto sida la moodayo cagsigeeda –sida kasoo horjeeda—waxaa hadaba qisadaan laga dhadhansanayaa murti qoto dheer oo ah, in colaadda aloosan ee lagu hurinayo muslimiinta laga xaq daran yahay ay guusheeda ayagu yeelan doonaan, in kuwa kufriga iyo xad gudubka isku bahaystay ay dulmiga ay gaysteen arramigiisa goosan doonaan, in kooxdaas tirada iyo tabarta yar ee Muslimiinta ah maalin un Alle ur u bixin doono ay kaga xaq soortaan ciddii gardarraysatay. [2]

Qisada dul qarnayn waxay iftiiminaysaa in arladaan Alle leeyahay uuna isagu dhaxalsiinayo ciddii uu doono oo addoomadiisa ka mida ee uusan jirin nin isagu gaar u lihi, sidoo kale inay guushu ku jirto dariiqa iimaanka ee aysan ku jirin dariiqa kufriga, sidoo kale in Alle markii muddo la joogaba uu dunidiisa u soo dirayo cid u istaagta inay ka badbaadiso masaakiinta ya’juujka samaankaas jira iyo ma’juujkiisa, sidoo kale in cidda ugu mudan dhaxalsiinta dhulkaan ay tahay addoomada Alle ee u hoggaansan Allaha iska leh dunidaan iyo waxa guudkeeda saaran. [3]

Waxaa kaloo soo dagtay suuradda Zumar, oo ay ku jirto in dhulka Ilaahay uu waasac yahay oo haddii meel lagugu cariiriyo ay jirto meel kuu fidsan.

”Waxaa u sugnaaday kuwii wanaagga ku sameeyey dunidaan wanaag –lagu abaalmariyo—dhulka allana waa waasac, waxaa uun loo oofiyaa kuwa sabra ajarkooda xisaab la’aan.” [39:10]

Waxaana Nabiga (scw) akhbaar kusoo gaartay in boqorka xabashida Asmaxa Annajaashi uu yahay boqor caadil ah oo aan cidna agtiisa lagu dulmin, markaas ayuu Muslimiinta ku amray inay u hijroodaan dhulkaas xabashida, ayagoo diintooda kala cararaya cadaadinta iyo fidmaynta loogu gaystay Makko.

Hadaba bisha rajab ee sannadka shanaad ee nabinimada (oo ku beegnayd 615-kii Miilaadiga) ayey hormadii ugu horreysay ee saxaabada ahi u hijroodeen xabashida, waxayna kooxdaani ka koobnaayeen 12 nin iyo afar dumar ah, oo uu horkacayo Cuthmaan Ibn Cafaan, oo ay socodka ku weheliso zawjadiisa sayidadda Ruqaya Bint Rasuulilllah (scw), wuxuuna qoyskaan Nabigu (scw) ka yiri:

“Labadoodu waa qoyskii ugu horreeyay ee Alle dartiis u hijrooda intii ka dambaysay Ibraahiim iyo Luud (cs),”

Waxay dadkaani siibteen ayagoo isku qarinaya mugdiga habaynka – si aan qureysh u ogaan – waxayna u jeesteen xagga badda furdo yar oo shacbiya lagu magacaabo, waxayna aqdaarta Alle usoo qoondaysay labo doonyood oo gacansi ah oo ula jillaabtay dhulka xabashida.

Dhinaca kale Qureysh ayaa warkaani gaaray, islamarkiina waxaa laga daba diray ciidan raad qaaday, hasayeehee markay xeebtii gaareen waxay ahayd mar muslimiintii si nabada ku gudbeen, waxayna muslimiintaani ku joogeen dhulka xabashida nolol wanaagsan iyo darisnimo habboon

Bisha Ramadaan ee isla sannadkaas ayaa waxaa dhacday in maalin Nabigu (scw) usoo baxay Xaramka, waxaana meeshaas gabranaa cadad aad u badan oo qureysh ka tirsan, waxaa kaloo meesha fadhiyey tiro ballaaran oo madaxda iyo saadada qureysheed kamida, fursadaan inuu ka faa’iidaysto darteed ayuu Nabigu (scw) dhex istaagay, oo si lama filaan ah oo aysan iska jirin u bilaabay suuradda Annajmi, hadaba sida la ogsoon yahay madaxya wayntaan kufaartu ma aysan u maqal kalaamka Alle si baraxla’ markaas kahor,

Sababtoo ah usluubkooda ay caadaysteen ee ay ku socdeen ee ay iskula dardaarmeen wuxuu ahaa ((Waxay yiraahdeen kuwii gaaloobay ha dhagaysannina qur’aankaan, kuna qayliya –marka la akhrinayo—waxaa laga yaabaa inaad ka adkaataane)), inaan la maqlin marka la akhrinayo oo lagu buuqo oo la isku ceebeeyo ninkii lagu ogaado, sidaas ayuu ahaa usluubkoodu, markii uu Nabigu (scw) si kadis ah ugu bilaabay suuraddaan, oo dhagahooda uu qaraacay kalaam ilaah oo dareenkooda ka xoog badan, aadna u xeel dheer, quluubtana jiidanaya, aan af muggii lagu sharaxi karin waynidiisa iyo wadnaha halka uu kaga dhacayo.

Islamarkiiba waxay hilmaameen hawlahoodii, mid walibana meeshiisii ayuu ku qalalay isagoo dhagta u raaricinaya, aan maskaxdiisana wax kale kusoo dhici karin, markii uu akhriyay dhamaadka suuraddaan aayado qalbiga garaacaya oo wadnuhu dhagaysigooda la duulo ayuu ku sujuuday qawlka Alle ee…

”U sujuuda Alle dadoow oo  caabuda.” [Surat: Al-Qamar Ayat 62]

Kadibna waa sujuuday, gaaladii midwaliba isagoo aan is ogayn ayuu naftiisa inta hanan waayay sujuud la dhacay, sida xaqiiqada ah waxay ahayd quwada xaqa oo ka tan badatay cinaadkii iyo kufrigii daboolay nafahooda islawaynida iyo dhayalsigu ka buuxsamay, ismaysan celin inay sujuud ula daateen Allihii mudnaa in loo sujuudo, waxayna taasi ahayd arrin la yaab badan oo ku tusinaysa xeeldheerida qur’aanka mucjisada ah.

Markiise ay ogaadeen waxa ay ku dheceen, ay dareemeen in quwada kalaamka Alle ay leexisay hoggaankooda, ay ku barriiqdeen wixii ay awoodooda oo dhan u hureen la dagaalankiisa amase tirtiriddiisa, markaas ayaa talo farahooda ka haadday, canaan, hiifid iyo haaraam ayaa dhinac walba kaga yimid, nin walba oo meesha ka maqnaa oo mushrikiinta kamida ayaa kii joogay ku ceebeeyay, markii hadaba caydaan iyo dacaayadaani haraysay ayey fakareen bal xeelad lagaga fakan karo.

Markii arrinta la falanqeeyay islamarkiiba waxaa usoo baxday in Nabiga sharafta leh (scw) lagu been abuurto, oo lagu muddoco inuu raac siiyey kalimad uu sanabadooda ku xushmaynayo, “taasina waa qaraaniiqdii sarreysay shafaacadoodana waa la rajaynayaa” beentaas foosha xun oo cad ayey dajiyeen oo buunbuuniyeen, si ay ugaga cudurdaartaan sujuuddii ay Nabiga (scw) la sameeyeen, maxaase taas loogula yaabi karaa qoom caadaystay dajinta iyo tixidda been abuurka, ku xeeldheer isku dirka iyo hagardaamada.

Warkii dhacdadaan islamarkiiba waxaa loo tabiyay muslimiintii dhulka xabashida u hijrooday, hasayeeshee si gabi ahaanba ka gadisan suuraddiisa dhabta ah, waxaa gaarey in Qureyshi islaamtay oo Nabiga (scw) rumeeyeen, markii hadaba warkaan loo tabiyey ayey usoo laabteen xagga Makko bisha shawaal gudaheeda isla sannadkaas, markayse soo gaareen meel Makko u jirta galin socod ayey u caddaatay xaqiiqada dhacdadaani siday ahayd, qaarkood waxay isaga noqdeen dhulkii xabashida, intooda kalana Makko ayey kusoo galeen dhuumasho amase hoos galid qof reer Makko ah magangalyadiis.

Hijradii Labaad Ee
Dhulka Xabashida

Muddadii muslimiintaas hijrootay ay maqnaayeen duruufaha Makko ka jira guud ahaan waa kasii dareen, cadaadiskii iyo jirdilkii muslimiinta loo gaysanayay ayaa sii laba jibaarmay, waxaana reer Makko usii dheeraa dareen caro leh oo ka dhashay inay muslimiintii heleen meel aamin ah oo ay gacantooda kaga fakadeen, sidoo kale waxay kasii gubanayeen wararka laga sheegay boqorka Najaashi ee sheegaya darisnimada wanaagsan ee uu muslimiinta siiyey.

Sidaa darteed ciqaabkii iyo balaayadii ayaa meel xun gaaray, qof walba qaraabadiisii ayaa gacan xadiid ah ku qabatay, markii xaaladdu heerkaas gaartay waxaa Nabiga (scw) u muuqatay inaan laga fursan karin inuu mar kale saxaabadiisa usoo jeediyo inay u hijroodaan dhulkii xabashida, sidaas ayaana la isla gartay.

Hadaba hijradaani aad ayey tii hore uga shido badnayd, markii muslimiintu diyaar garoobeen waxaa ogaaday gaaladii reer Makko, waxayna u istaageen inay xoog ku fashiliyaan, hasayeeshee muslimiinta ayaa ka hormaray sidii ay moodayeen, safarkiina xagga Alle ayaa looga fududeeyay, waxay ka cid galeen dhulkii xabashida intii aysan mushrikiintu soo gaarin.

Markaan hadaba tirada dadka hijrooday way ka badnayd markii hore, ragga waxaa hijrooday sadex iyo siddeetan nin marka lagu tiriyo Cammaar oo la isku khilaafo inuu la hijrooday, dumarkana siddeed iyo toban ama sagaal iyo toban tirada hore waxaa qaba kuna adkaystay taariikh yahanka wayn ee Maxamed Sulayman Almansurifowri.

Qureysh Oo Dhagar U Maleegaysa
Muslimiintii Xabashida U Hijrooday

Waxaa Qureysh ku cuslaatay in muslimiintii heleen meel nabaadiino ah oo ay kula dhuuntaan naftooda iyo diintoodaba, waxay hadaba iska dhex doorteen labo nin oo lagu doortay karti iyo caqli badni inay u matalaan wafdi sidii heer qaran loo agaasimay, waxayna kala yihiin: Camar Ibn Caas, iyo Cabdullahi Ibn Abirabiica –waa intaanay islaamine—waxayna la direen hadiyado qaali ah oo loo qorsheeyay boqorka Najaashi iyo wasiirradiisa ku hareeraysan.

Markii labadaan nin gaareen dhulka boqortooyada xabashida waxay khiddadooda ka bilaabeen inay hadiyadahaas u gudbiyaan madaxda iyo wasiirrada kahor intaysan la kulmin boqorka, sidoo kale inay ku qanciyaan madaxdaas inay lagama maarmaan tahay celinta dadka muslimiinta ah, islamarkaana waxay ku xoojiyeen xujooyin loo adeegsan doono boqorka si looga dhaadhiciyo inaan laga fursan karin celinta muslimiintaas, waxay hadaba labadaan nin iyo wasiirradu ku heshiiyeen in qaddiyadda la horgeeyo boqorka Najaashi, in arrinta soo gudbinteeda ay labadoodu soo bandhigaan, in wasiirraduna ay markaas hadalkooda ku ayidaan.

Xilligii qaddiyaddaan dhagaysigeeda loo qorsheeyey markii la gaaray, ayaa labadaan nin la soo joojiyey boqorka Najaashi hortiisa, una soo gudbiyeen hadiyado qaali ah, qadarin awgeedna sujuud ula dheceen, waxaana laga codsaday inay sharraxaan ujeeddadooda, sidaan ayeyna ku bilaabeen.

Boqoroow waxaa dhulkaagaan usoo dhuuntay dhallinyaro garaad laawayaal ah oo ka baxay diintii bulshadooda, diintaadana aan galin, ee la yimid diin ay ayagu dagsadeen oo aan la garanayn annaga iyo adiga midkeenna, waxaanna noo soo kaa diray waxgaradkii iyo ehlu sharafkii tolkood ee aabayaashood, adeeradood iyo qaraabadoodii si aad dib ugu soo celisid, ayagaa cidkasta uga ogaal roon, ayagaana yaqaan dhalliisha ay ku ceebeeyeen ama ku canaanteene, markaas wasiirradii ayaa ayaguna isu jiibiyey “waa runtood boqoroow” ayaga u gacangali, dadkoodii iyo dhulkoodii ha u celiyaane.

Boqorka Najaashi isaga waxaa u muuqatay in loo baahan yahay in arrintaan laga sal gaaro, si taas loo hubiyana in dhinacyadeeda oo dhan la dhagaysto, markaas ayuu amray in muslimiintii loo cid diro, ayagiina waxaa la horkeenay boqorka.

Muslimiintu dhinacooda aad ayey u walwaleen, oo waxay arkeen Qureysh oo markale nolosha u qoonsanaysa, markayse arrintaan falanqeeyeen waxay isku afgarteen inay runta sheegaan si kasta oo duruuftu u qaraaraato, sidoo kale inuu goobta uga hadlo Jacfar Ibn Abitalib, markii ay xadrada boqorka soo galeen ayaa lagu amray inay boqorka u sujuudaan!! Jacfar ayaa yiri, annagu waxaanu nahay qolo aan u sujuudin Allaha wayn ee sarreeya cid aan ahayn!!.

Boqorkii Najaashi ayaa yiri “maxay tahay diintaan cusub ee aad kaga baxdeen diintii bulshadiinna aydaan taydana kusoo galin ama diimaha dunidaan laga yaqaan midna?.

Afhayeenkii muslimiinta Jacfar Ibn Abitalib ayaa wuxuu yiri, “boqoroow waxaannu ahayn ummad jaahil ah, sanabada ayaannu caabudi jirnay bakhtigana waanu cuni jirnay, fuxshi kasta oo xun ayaan samayn jirnay qaraabadana waanu goyn jirnay, masaakiinta iyo dumarka ayaan qafaallan jirnay kaayaga xoogga lihina kan liita ayuu cuni jiray, xaaladdaas ayaan ku sugnayn, ilaa Alle noosoo diray Rasuul annaga naga mid ah oo aannu naqaan runtiisa, ammaanadiisa iyo dhawrsanaantiisa, wuxuu marka noogu yeeray Alle inaan kaliyeello oo caabudno, inaan ka fogaanno wixii aan annaga iyo aabayaasho caabudi jirnay ee Alle kasoo haray ee dhagaxaanta iyo geedaha la qoray ahaa.

Wuxuu kaloo nagu amray runta, gudashada ammaanada, xariirinta ehelka, darisnimo wannaagga, ka istaagidda dhaca xaraamta iyo dhiigga dadka, ka fogaanshaha fuxshiga samayntiisa iyo hadalka beenta ah, cunidda xoolaha agoonta iyo ku been abuurashada gabdhaha dhowrsoon, wuxuuna nagu amray inaan caabudno Alle kaligii, cidna aannaan la wadaajin, wuxuu kaloo nagu amray salaadda, bixinta Zakada iyo soonka.

Wuxuu Jacfar tiriyay umuuraha Islamka, marka waan rumaynay, waanuna aamminnay, waana raacnay wixii uu noola yimid ee diinta Alle kamida, marka Alle kaliya ayaanu caabudnay, cidnana lama aannaan wadaajin, waxaan xalaalaysannay wixii uu noo banneeyay, waxaanuna ka fogaanay wixii uu naga reebay, hadaba qoomkayagii ayaa nagula colloobay –oo nagu soo booday—way na jirdileen, noloshayna nagu cadaabeen.

Waxayna naga fidneeyeen diintayadii si ay noogu celiyaan cibaadadii sanabada, iyo inaan bannaysanno wixii aan xalaalaysan jirnay ee qurunka ahaa, markii ay na dhibeen ee na dulmiyeen ee noloshii nagu cariiryeen oo ay diintayadii naga horjoogsadeen, ayaan dhulkaagaan usoo cararnay, waxaanuna kaa door bidnay dunida inteedii kale, waxaanna jeclaysannay darisnimadaada, annagoo rajaynayna inaan agtaada nalagu dulmin karin boqoryohow.

Boqorkii ayaa wuxuu yiri, hadda waxba ma ka waddaa wixii uu Alle xaggiisa kala yimid?

Jacfar wuxuu yiri, haa!! Najaashi marka wuxuu yiri, igu dul akhri, markaas ayuu ku dul akhriyay gabalka hore ee suuradda Maryam, [KHYCS ], boqorkii Najaashi ayaa wallaahay ooyey ilaa uu garkiisa ilmo ku qooyey, waxaa kaloo ooyey, culumadiisii diinta ilaa ay kutubtii ilmo ku qooyeen markii ay maqleen kalaamkii Alle ee uu Jacfar ku dul akhriray, markaas ayuu Najaashi yiri: waxaan aad akhrideen iyo wixii ciise (cs) la yimid hal il ah ayey kasoo wada bexeen, iga hor dhaqaaqa –Camar iyo saaxiibkiis—wallaahay inaanan waligay idiin dhiibayn aydaanna hunguri ka qabine, markaasay bexeen.

Markii ay bexeen ayuu Camar Ibn Caas saaxiibkiis Cabdullahi ku yiri, wallaahay kaarto ayaan u dagsanayaa barrito muslimiinta aan ku ciribtiro, Cabdullahi ayaa yiri, war waxaas ha samayn dadkaani waa qaraabadeennii inkastoo ay na khilaafeene, Camarse aragtidiisii waa ku adkaystay.

Subixii ayey codsadeen markale in boqorka la horgeeyo, markii la hor keenay ayuu yiri, boqoroow!! Waxay ciise ka leeyihiin hadal wayn  aad u xun oo aan afka lasoo marin karin, markaas ayuu boqorkii markale u cid diray muslimiinta si uu arrintaan u waydiiyo, markaas ayey argagaxeen, laakiinse waxay isku afgarteen inay runta sheegaan cidkasta hanoqotee, markii lasoo galiyey oo la waydiiyey maxaad Ciise masiix ka leedihiin, markaas ayuu Jacfar yiri, waxaan un ka leenahay wixii Nabigayagu (scw) ka yiri: waa addoonkii Alle, Rasuulkiisii, ruuxdii iyo kalimaddii uu ku tuuray Maryam bikaaradii dhawrsoonayd.

Najaashi saxar qallalan ayuu dhulka ka qaaday, markaas ayuu yiri, wallaahay Ciise inuusan dhaafsiisnayn waxa aad tiri saxarkaas wax le’eg, madaxdii iyo wasiirradii ayaa sanka huruufay, Markaasuu yiri, xataa haddaad sanka taagtaan wallaahay.

Markaas ayuu muslimiintii ku yiri, iska laabta waxaad ku tihiin dhulkayga dushiisa shayuum –shayuumkuna waa ammaan baad tihiin afka xabashida—ninkii idin caaya waa dambiile, ninkii idin caaya waa dambiile, ninkii idin caaya waa dambiille!! Ma jecli in la isiiyo dabri dahab ah oo aan qof idin kamida dhibaateeyo, dabriguna waa buur oo afka xabashida ah.

Markaas ayuu ku yiri hawl wadeennadiisa, u celiya hadiyadahooda wax dana kama lihiye, wallaahay inuusan Alle laaluush iga qaadan markii uu boqortooyadayda ii celiyaye ma anigaa ka qaadanaya, dadkase taladooda iima qabannine ma anigaa u qabanaya.

Umu salama oo qisadaan marisay waxay tiri, markaas ayey labadoodii baxeen ayagoo dufaysan oo lagu celiyey hadiyadihii ay layimaadeen, annaguna waxaan ku nagaannay daar tan u wanaagsan iyo daris habboon.

Qisadaan dherarkeeda waxaan u marinnay sida uu Ibn Isxaaq u mariyey, waxaase jira qisada dacalladeeda kale qaar sheegaya in marka uu Camar Ibn Caas Najaashi la kulmay ay ahayd badar kadib, culuma kale ayaa waxay sheegeen inay labo goor dhacday, laakiinse habka ay qisada u sheegeen su’aalaha iyo jawaabaha iyo hadallada Jacfar waa habkii Ibn Isxaaq sheegay laf ahaantiisii, waxayse qisadu muujinaysaa in ay arrimahaani dheceen markii ugu horreysay ee ay Najaashi la kulmeen.

Fiiro Gaar ah
Boqorka Najaashi

Boqorka Najaashi oo magiciisu yahay Asmaxa, waxaa la sheegay in aabihiis uu ahaa boqorka xabashida u taliya xilligiisii, kaligiis ayuu wiilal dhalay, marka saraakiishii xabashida ayaa boqorkaas dilay oo walaalkiis xukunka u magacaabay, muddo kadib boqorkaasi ayaa dhintay wiilashiisiina waa laga waayey cid boqortooyadii hanan karta, markaas ayey taladii Najaashigaan dib ugu soo celiyeen, waana halka uu ka leeyahay Alle laaluush igama qaadan markii uu boqortooyadayda iisoo celiyay.

Xusuusaha taariikhdiisa laga sheegay waxaa kamid ah inuu ahaa nin caadil ah, taasina waa tii uu Nabigu (scw) ugu dooray saxaabadiisa inay xaggiisa u hijroodaan, sidoo kale wuxuu ku islaamay dacwadii Jacfar gaarsiiyey, inkastoo aan dawladdiisa cid kale oo mas’uuliyiin sarsare ahi ka islaamin.

Warqaddii Nebi Muxammad (scw)
u Diray Boqorkii Xabashida ee Najaashi

Akhri: Waraaqahii uu Rasuulka (CSW)
u Kala Diray Boqorada:

Markii Nabigu (scw) uu waraaqaha u diray boqorrada iyo madaxda waawayn ee dunida ka jira warqad ayuu u diray Najaashi uu islaamka ugu yeerayo uuna usii dhiibay Camar Ibn Umaya Addimri, waxaana la sheegay inuu warqadii Nabiga (scw) wajigiisa saarayay jacayl uu u qabo darteed, wuxuuna soo diray warqad uu Nabiga (scw) ugu sheegayo inuu Islaamay uuna ku caddaynayo inuu u hoggaansan yahay talada Nabiga (scw) uuna leeyahay Rasuulka Allow haddaad jeceshahay inaan kuu imaado waan kuu imaanayaa.

Hadaba ninkaas wanaagsan markii uu dhintay uuna ku dhintay dhul gaalo oo aysan la joogin cid muslimiin ah oo ku tukata Nabigu (scw) isagoo waxyi loogu sheegay ayuu amray saxaabadiisa inay isugu soo baxaan fagaaraha salaadda ciidda si loogu tukado janaazo qof maqan, lamana sheegin cid kale inuu Nabigu (scw) salaad janaazo qof maqan ku tukaday isaga mooyee –Alle meel wanaagsan ha geeyo (1).

Fiiro Gaar Ah
Islam in Africa

In badan oo dadka taariikhda wax ka qora ahi waxay aaminsan yihiin in Islaamku Soomaaliya kusoo galay sababta hijrooyinkaan labada ah, sidaa darteed in Soomaaliya ka Islaamnimo horreysay reer Madino, inkastoo hadaba aragtidaan dad badani qiyaaseen oo ka hadleen hadana maanan arag cid keentay dhacdooyin taariikheed oo cad oo aan ayagu qiyaas un ahayn, annigoo aan hadaba arrintaan diidanayn waxaa iimuuqata shaki badan wax keeni kara sida inaysan jirin wax taariikh ah oo Soomaaliya laga hoyo xilligaas iyo kahorba.

Sida masaafada dhul ahaaneed ee u dhaxaysa halka markaas Xabashida magaalo madaxda u ahady iyo Soomaaliya, sida in ay sugan tahay dhacdooyin taariikheed oo cad cad oo caddaynaya inay jiraan hijrooyin badan oo dad carab ahi ay Soomaaliya ku yimaadeen dhinaca badaha iyo xeebaha oo ay markaa suurowdo in islamnimadu dhinacaas kusoo gaartay Soomaalida, arrintaan oo aysan halkaani ahayn meeshii lagu faahfaahin lahaa waxaan isku dayi doonaa –insha Allah—inaan xilligeeda iftiiminno.

Dhinaca kale Qureysh markii ay ku guul darraysatay dhagartii ay maleegeen, oo ay ku fashilmeen shirqoolkoodii, ayna ogaadeen inaysan kibirkooda iyo dhaqan xumadooda ku faafin karin xudduuddooda meel dhaafsan, waxaa ku dhalatay figrad kale oo gurracan aadna u khatar wayn, waxaa u muuqatay inaan mushkiladaan ku habsatay si looga dabaalan karaa jirin in Nabiga (scw) dacwadiisa laga joojiyo mooyaane, hadday suuroobi waydana, gabigiisaba laga takhaluso, hasayeeshee sidee taasi ku suurto galaysaa ayadoo Abutalib wali ka sokeeyo walina naf iyo maalba ilaaladiisa u hurayo?!! Waxay taladii ula muuqatay in Abutalib loo tago, farriin kululna markaan la gaarsiiyo taasina inay tahay waddada kaliya ee markaan u furan(2).

Qureysh Oo
Abu-Talib Haddadaysa

Isimmadii iyo salaaddiintii qureysheed oo aan cidina ka maqnayn ayaa Abutalib isasoo hor dhoobay, waxaana la yiri, Abutaliboow waxaad tahay nin odaytinimo, sharaf wayni iyo darajaba dhexdayada ku leh, waxaanuna mar hore kaa codsannay inaad naga qabato wiilka walaalkaa dhalay, mana aadan naga qaban, annaguna wallaahay ku dulqaadan mayno foolxumadaan, cayda aabayaashayo, yasidda cuqaashayada iyo dhalliilidda ilaah yadayada, maanta inaad wiilkaaga xumaatadiisa naga joojiso ama inaan labadiinaba idinkula dagaallanno arrintaan, ilaa midkeen rogmado, waxba kama dhexeeyaan.

Cagajuglayntaan iyo digniintaan kululi aad ayey ugu cuslaatay Abutalib, marka wuxuu u cid diray Rasuulka Alle (scw) oo ku yiri: adeer tolkaa maanta isagoo aan cidina ka maqnayn ayuu iiyimid, waxayna igula hadleen erayadaas kulkulul, hadaba inoo tur naftayda iyo naftaadaba, wax aanan awoodinna dusha ha iisaarin, markaas ayuu Nabigu (scw) u qaatay in adeerkiis hagraday oo garabkiisa ka baxay uuna hiilkiisa ka daalay.

Wuxuu markaa yiri, “adeer wallaahay hadday qorraxda dul saaraan midigtayda dayaxana dul saaraan bidixdayda inaan arrintaan ka tago –ilaa Alle guulaysiiyo ama aan ku dul dhinto—inaan ka tagayn” waana ilmeeyey niyad jab dartiis oo istaagay, markii uu dhaqaaqay ayuu Abutalib yiri soo laabo markuu soo laabtay, ayuu yiri, adeer sheeg wax allaalle waxaad jeceshahay, wallaahay inaanan waligay cadow kuu dhiibayn.

Waana gabyey oo yiri:

  • Ilaahii arsaaqoo naflaha uumay baan maraye:
  • Inkastooy illaawe iyo luglow odayo keenaanba:
  • Illinkaaga inayan marin ilaa iilka lay dhiga e:
  • Ilmahayga aniguu yohoo waan awudnahaye:
  • Ehelkiisa anigaa u xiga ood intii la ahe:
  • Amarkaaga fuli abshir adoon aragti liidaynin:
  • Ifka waxa ka jira diin aadaa iila khayr badane:
  • Haddii anan afxumo eersanayn eray la iigasyto:
  • Ama aanan magac eexinayn kama irdhoobeene:
  • Amarkaaga fuli waxaynu nahay uliyo diirkeede: (4)

Qureysh Oo Markale
Abu-Talib Hor Taagan

Qureysh markii ay arkeen in Rasuulkla Alle (scw) shaqadiisii ku hawllan yahay, walina uu kusii socdo dacwadiisii, sidoo kale Abutalib inuu diiday hagrashada Rasuulka Alle (scw) iyo inuu ayaga ka fogaaday kulana colloobay arrintaan, taasina ay go’aankiisa tahay, waxay isku dayeen gorgoro rikhiis ah, kala badalasho caqli xun oo lagu qoslo, waxay soo kaxaysteen Cummaarata Ibn Waliid.

Markaas ayey ku yiraahdeen Abutaliboow, inankani waa barbaarka Qureysh u xoog wayn uguna qurux badan, qaado adigaa iska leh garashadiisa iyo gargaarkiisaba, ka dhigo wiil adigaa leh, noona gacan gali wiilka walaalkaa dhalay, ee khilaafay diintii aabayaashaa, kala firdhiyey isku duubnaantii tolkaa, yasay wax garadkoodii, aannu dillee waa un nin ninkale laguugu baddalaye,

Markaas ayuu Abutalib yiri, “wallaahay gorgoradiinaa afxun, ma wiilkiinaad ii dhiibanaysaan si aan idiinku koriyo, wiilkaygana waan idiin dhiibin si aad u dishaan, waxaas rikhiiska ahi waa wax aan waligood dhacayne iga hor dhaqaaqa” Mudcim Ibn Cadiyi Ibn Nowfal Ibn Cabdimanaf ayaa wuxuu yiri, “Abutalibow wallee odayaashu waa kuu xaqsooreen, waana ku dadaaleen mushkiladaan inay kaa lug bixiyaan, iimase muuqato inaad waxba ka yeelayso.”

Markaas ayuu Abutalib yiri, iimaysan xaqsoorin, waxaadse go’aansatay inaad meel xun I dhigto oo cadowga iila jirsatee, waxaad awooddo samee, islamarkiibana Abutalib wuxuu mariyey gabay dheer oo uu ku sifeeyey cadaawadda Qureysh kala hortimid iyo inuusan marna isagoo nool Nabiga (scw) garabkiisa ka baxayn, sidoo kale marna shisheeyaha u dabcayn.

Hadaba labadaan kulan ee Qureysh la yeelatay Abutalib qaamuusyada taariikhdu ma sheegin xilliga ay ku beegan yihiin, hasayeeshee marka si qoto dheer loogu dhabagalo waxaa muuqanaysa inay dheceen dhexdhexaadka sannadkii lixaad ee nabinimada, sidoo kale in waqti yari un u dhexeeyey.

Islawaynayaasha Gaalada oo ay
ku Dhalatay Daldalidda Nabiga (scw)

Markii Qureysh ku fashilantay kuna guul darraysatay labadii kulanba, waxay sare usii laalaabeen jirdilkii iyo silicdilyayntii, heer wixii hore oo dhan kasii xun, waxaase feer soctay dhagar kale oo qalloocan oo ku dhalatay duqaadda iyo islawaynayaasha, dhagartaas oo muddadii dambe isasoo taraysay, taasoo ah in ay Nabiga (scw) si qarsoodi ah u daldalaan, hawgalkaan qarsoodida ahi wuxuu gadaal ka sababay in ay islaamka soo galeen labo horyaal oo geesiyaasha Makko ee caanbaxay kamida, kuwaas oo kala Xamza Ibn Cabdilmudalib iyo Cumar Ibnul Khataab.

Intaynaan hadaba u galin sababaha ay ku islaameen aan dul marro dhagartaas qarsoodida ah sida ay gaaladu isugu dayeen, waxaana kamida in;

Cutbata Ibn Abillahab uu maalin Nabiga (scw) u yimid, markaa uu yiri, “Anaa akfuru Binnajmi idaa Hawaa: Wabilladii danaa fatadallaa: waxaan ku gaaloobay xidigga laalaadsamay: iyo kan dhawaaday soo hoobtay” markaas ayuu iskutaagay oo qamiiska ka jeexay kadibna wajigiisa sharafta leh candhuuf ku tufay, inkastoo aan candhuuftu Nabiga (scw) wajigiisa soo gaarin.

Markaas ayuu Nabigu (scw) yiri, “ilaahow ku sallad ey eydaada kamida” waana la ajiibay habaarkaas Nabiga (scw), run ahaantii Cutba wuu sadcaalay isagoo ay safarkiisa ku weheliyaan koox ragga oo Qureysh ah, ilaa ay dageen meel loo yaqaan Zarqaa oo Shaam ku taal, markii habaynkii la gaaray ayaa libaax ku gaaf wareegay oo gurxamay, markaas ayaa Cutba meel la galiyo la waayey isagoo leh “Alla hoogaye wallaahay libaaxaasaa I cunaya, Muxamed ayaa igu habaaray, wallaahay isagoo Makko jooguu idilay annoo Shaam jooga, islamarkiiba libaaxii inta soo booday oo dadkii oo dhan soo dhaafay ayuu Cutba madaxa ku dhagay oo labo u kala gooyay.

Sidoo kale Cuqbata Ibn Abimucayd Nabiga (scw) oo salaad ku jira ayuu qoorta kaga istaagay isagoo sujuudsan, ilaa indhuhu soo duuli gaareen.

In arrintaan dilka qarsoon ahi ka go’nayd waxaad ku garan kartaa qisadaan uu Ibn Isxaaq sheegay in Abujahal uu maalin yiri, “bulshada qureysheedeey, Muxamed waa diiday xumaatada aad u jeeddaan wax aan ahayn, ceebaynta diintayada, cayda aabayaashayo, yasidda wax garadkayaga iyo liididda ilaah yadayada, anniguna ilaahbaan ballan kaga qaadaye dhagax aanan culayskiisa qaadi karin ayaan ula fariisanayaa, markuu sujuudo salaadiisa ayaan madaxa kaga baraajinayaa, markaas ama I dhiiba ama idifaaca idinkay idin jirtaa, markaas kadib Bani-Cabdimanaf –lafta Nabiga—waxay samayn karaan ha sameeyaan” markaas ayey wada yiraahdeen wallaahay inaan waligayo cid kuu dhiibayn ee fuli ujeedadaada.

Subixii markay ahayd ayuu siduu tilmaamay dhagax wayn soo xambaartay, oo Nabiga (scw) u fariistay, Nabiguna (scw) sidii uu caadaystay ayuu soo kallahay oo u istaagay salaad, Qureysh dhinaceeda waa soo kallahday oo nin waliba booskiisa fariistay, ayagoo sugaya inay daawadaan falka Abujahal samayn doono, markii Nabigu sujuuday ayuu Abujahal dhagixiisii xambaartay oo xagga Nabiga (scw) aaday isagoo sida uu sheegay doonaya inuu madaxa ku burburiyo, markuu usoo dhawaaday,

Waxaa la arkay isagoo gadaal gadaal usoo cararaya, midabkiisu isbadalay, argagax foolxuni ka muuqdo, gacmihiisuna dhagixii ku qallalleen, ilaa uu dhagixii iska tuuray, raggii qureysheed oo meesha fadhiyey ayaa ku yaacay si ay u badbaadiyaan ayagoo leh, war maxaa kugu dhacay!! Abal xakamow? Markaas ayuu yiri, waan istaagay si aan ugu sameeyo wixii aan xalay idiin sheegay, markaan usoo dhawaaday waxaa sokadiisa igaga soo booday awr baarqab ah, maya wallaahay inaan madixiisa, dawaaddiisa iyo miciyihiisa waligay baarqab leh arag, markaas ayuu damcay inuu icuno.

Ibn Isxaaq wuxuu yiri, waxaa la iisheegay inuu Nabigu (scw) yiri, Jibriil buu ahaa (cs) hadduu iisoo dhawaadana waa dafi lahaa, Abujahal intaa kuma joogine wuxuu sameeyey markaas kadib arrin keentay islaamidda Xamza oo Nabiga (scw) adeerkiis ah.

Markasta oo dhacdooyinku iska daba yimaadaanba figradda dilka Nabigu (scw) waa soo kordhaysay ilaa duqaadda agtooda ay noqotay arrin waqti un ku xiran, khilaafse uusan ka jirin, Cabdullahi Ibn Camar Ibn Caas wuxuu yiri, maalin ayaan la fariistay ayagoo Kacbada dhinaceeda gabran, markaas ayey isla soo qaadeen Rasuulka (scw), markaas ayey yiraahdeen, wallaahay waligayo inaannaan arag inta aan ninkaan u dulqaadannay wax loo dulqaato,

Waxaan ugu dulqaadannay foolxumo wayn, goor ay sheekadan hayaan ayaa waxaa soo muuqday Rasuulka (scw), markaas ayuu dhagaxa madow inta taabtay soo dul maray isagoo dawaaf ah, markaas ayey hadal aflagaado ah u qariyeen, Nabiga (scw) wajigiisa caro ayaan ka gartay, mar labaadkii ayuu soo maray, haddana waa u qariyeen sidoo oo kale, Nabiga (scw) wajigiisa caro ayaan ka gartay, mar saddexaadkii ayey haddana ku tuureen, markaas ayuu inta istaagay yiri, ma imaqlaysaan qureysheey,

Allaha naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye, waxaan idiinla imid gawrac, oraahdaas Nabiga (scw) ayaa taabatay oo ku cuslaatay raggii, ilaa ninkasta aad mooday in madixiisa shimbir saaran tahay, ilaa kii ugu hadal xumaa uu ku maslaxayey hadalka ugu wanaagsan ee uu oran karo, waxay leeyihiin: Abulqaasimoow raalli ahow iska bax wallaahay jaahil maadan ahayne.

Makray subixii dambe ahayd ayey haddana meeshii fariisteen, oo bilaabeen sheekadii Nabiga (scw) islamarkiiba waxaa soo muuqday Nabiga (scw), markaas ayey hal mara sidii hal nin ah ugu soo boodeen, oo hareereeyeen, nin kamid ahina kulleetiga ayuu gardaduub u hayaa, Abuubakar ayaa isku beegaya oo wuxuu leeyahay isagoo ooyaya, ma waxaad ku dilaysaan nin inuu yiri rabbigay waa Allah? Markaas ayey ka gaddoomeen, Cabdullahi Ibn Camar wuxuu yiri, taasi waxay ahayd wixii ugu xumaa ee aan arkay Qureysh ayagoo Nabiga (scw) u gaysanaya.

Bukhaari wuxuu soo saaray in Curwa Ibn Zubayr uu Cabdullahi Ibn Camar ku yiri, iisheeg wixii ugu darnaa ee mushrikiintu ay Nabiga (scw) u gaysteen markaas ayuu yiri, ayadoo Nabigu (scw) salaad ku jiro Kacbada agteeda ayaa waxaa soo dhaqaaqay Cuqbata Ibn Abimucayd, markaas ayuu go’iisa qoorta inta u suray ku ceejiyey ceejin aad u xun, makaas ayaa waxaa yimid Abuubakar oo inta garbaha qabtay gadaal uga riixay Nabiga (scw) isagoo leh “ma waxaad ku dilaysaan nin inuu yiri rabbigay waa Allah”

Qisa kale oo Asmaa ay marisay waxaa kusoo arooray in: nin qaylo dhaan ahi uu Abuubakar u yimid oo yiri, war ka gaar saaxiibkaa, markaas ayuu Abuubakar orday, isagoo madixiisa –uu shanlaynayey—uu tima dheer oo laallaada ku leeyahay, wuxuuna leeyahay “ma waxaad ku dilaysaan nin inuu yiri rabbigay waa Allah” markaas ayey Abuubakar ku mashquuleen oo Nabiga (scw) ka jeesteen, wuxuu marka soo laabtay isagoo aan timihii dheeraa hal madixiisa kaga oollin.

Islaamiddii Xamze
”Alle Haka Raalli Noqdee”

Duruufahaan qallafsan, jawigaan daruuraha mugdiga iyo xaqdarrada ahi hareeyeen ee ay muslimiintu marayaan, ayaa waxaa u iftiimay dulmanayaasha kaah wayn oo waddada u nuuriyey, kaahaasina waa Islaamiddii Xamza Ibn Cabdilmudalib, horyaal ka samata bixin kara marxaladda adag ee ay marayaan, wuxuuna islaamay dhamaadka sannadka lixaad ee nabinimada gaar ahaan bisha dilxijja ee sannadkaas.

Sababta uu ku islaamayna waxay ahayd, in Abujahal uu soo maray Rasuulka Alle (scw) oo buurta Safa jooga, markaas ayuu dhibaateeyay oo daandaansaday, Rasuulkuna (scw) waa aamusan yahay oo la hadli mayo, markaas ayuu dhagax inta qaatay madaxa ku dhuftay ilaa uu daqar u gaystay dhiig ka qubtay, markaas ayuu odayaal xarunta Qureysheed ee Kacbada agteeda ah fadhiya iskala fariistay, dhinaca kale markii uu falkaan xun ku kacayay waxaa u jeedday gabar addoon u ah Cabdullahi Ibn Judcaan oo gurigeeda oo Safa ku yaal fadhiday,

Waxaa gabadhii soo maray Xamza oo ka yimid ugaarsi oo qaansadiisa jeeniqaarsan, markaas ayey tiri, “war istaag haddaad arki lahayd waxa Abujahal u gaystay Muxamed, halkaan isagoo fadhiya ayuu ugu yimid markaasuu caayey oo daqray Muxamedna lama hadlin” waxayna u sheegtay falkii xumaa ee uu Abujahal kula kacay Nabiga (scw) arrintaan ayuu aad uga xanaaqay, Xamza isagoo ahaa nin aad looga cabsado oo aano kulul, wuxuu u qaadan waayey in Abujahal falkaas kula kacay inanka uu adeerka u yahay Nabiga (scw),

Marka isagoo aan cidna la hadlayn oo raba mar un in ishiisu qabato Abujahal ayuu soo orday, markuu Kacbada soo galay ayuu kor istaagay Abujahal, markaas ayuu qaartii uu sitay madaxa ku dhuftay oo daqar foolxun u gaystay, oo yiri, maxaad u caynaysaa!! Annigaa diintiisa haysta oo wuxuu aaminsan yahay aaminsane haddaad awooddo kaalay anniga iga saar waa adiga dabada xume!!.

Markaas waxaa istaagay niman u dhashay Bani-makhzum –lafta Abujahal—si ay ugu hiilliyaan Abujahal, dhinaca kalana waxaa istaagay rag Bani-haashim ah, markaas labadii dhinac waa isu dhaarteen, Abujahal ayaa marka yiri, war Abucummaara –Xamza—faraha ka qaada, annigaa wiilka uu adeerka u yahay caayeye, islaamidda Xamza hadaba markii hore waxay ahayd nin ciil qaaday oo ka dhiidhiyey in dadkiisa la bahdilo, markuuse Nabiga (scw) la kulmay ayaa Alle qalbigiisa khayrka u qurxiyey, oo uu xarigga Alle si fiican u qabsaday, wuxuuna soo kordhiyey in muslimiintu awood ka kororsadeen, sidoo kale in Qureysh ogaatay in Xamza islaamay oo Nabiga (scw) difaaci doono sidaa darteed sharkoodii qaar ayey dib u joojiyeen.

Islaamiddii Cumar Ibn Khataab
”Alla Haka Raalli Noqdee”

Duruufahaan qallafsan ee gurracan, jawigaan daruuraha mugdiga iyo xaqdarrada ahi dabooleen, waxaa markale iftiimay kaah kale oo kii hore ka iftiin badan oo dulmanayaasha wadada u nuuriyey, kaahaasina waa islaamidda Cumar Ibn Khataab, geesi horyaal ah oo bannaanka laga maray, wuxuuna islaamay bisha dilxijja sannadka lixaad ee Nabinimada, sadex cisho kadib islaamidda Xamza.

Islamidda Cumar waxaa ka horreysay in Nabiga sharafta badani (scw) uu Alle baryey, sida uu Tirmidi wariyey Nabiga (scw) ayaa yiri, “Ilaahow Islaamka ku xooji labada nin koodii agtaada laga jecel yahay Cumar Ibn Khataab ama Abujahal Ibn Hishaam” koodii Alle agtiisa laga jeclaa wuxuu noqday Cumar Ibn Khataab.

Marka si xeeldheer loo fiiriyo sababka Cumar islaamnimada usoo jiiday, oo la rogrogo dhammaan dacallada dhacdadaan, waxaa muuqanaysa in islaamnimadu aysan ahayn shay hal mara qalbigiisa galay ee ay si tartiib ah nafsaddiisa iskaga daba dhalatay, intaynnaan sababka islaamnimadiisa u galin bal aan dulmarro Cumar noloshiisa iyo dhaqammadiisa kahor intuusan islaamin.

Cumar wuxuu caan ku ahaa dabeecad adkaan iyo inuu yahay nin aano kulul, sidaa darteed inbadan ayey muslimiintu hagardaamo iyo shido kala kulmeen, hasayeeshee waxaa muuqata inay naftiisa ku lagdamayeen figrado isbaraanbaraya oo iska hor imaanaya, dhinac ixtiraamkiisa wayn ee uu u hayo dhaqamadii soo jireenka ahaa ee aabe iyo awoowe laga soo gaaray, ku mabbanaantiisa balwadda sarkhaamidda iyo dheesha uu dadkiisa ka arkay,

Dhinaca kalana la yaabiddiisa ku adkaysiga muslimiintu diintooda u haystaan, u dulqaadashada jirdilka iyo silicdilyaynta loogu hayo caqiidadooda, iyo shakiga qofkasta oo caqli lihi la qabo in waxa Islaamku u yeerayo ay ka habboon yihiin kana fiican yihiin waxyaalaha kale ee dadku haystaan, sidaa darteed markuu wax istusaba waxkalaa uga soko mara.

Marka lasoo koobo sababka islaamiddiisa, Cumar habayn ayuu gurigiisa ku hoyan waayey arrin ku kalliftay darteed, markaas ayuu soo raadsaday Nabiga (scw) inuu shiddeeyo darteed, marka xaramka ayuu soo galay islamarkiiba wuxuu la kulmay Nabiga (scw) oo ku tukanaya daahyada Kacbada dhexdooda, markaas ayuu Cumar meel dambe istaagay, Nabiguna (scw) wuxuu markaas bilaabay suuradda Alxaaqa, Cumar wuxuu yiri, markaas ayaan aad ula yaabay habka qur’aanku u dhisan yahay iyo isku toosnaantiisa,

Markaas ayaan iskula hadlay ninkaani waa gabyaa sidii Qureysh u sheegtay, markaas ayuu akhriyay ((Waa hadalkii Alle –qur’aanku—ee uu usoo dhiibay rasuul sharaf badan: Mana ahan hadal gabyaa intaad rumaynaysaan baa yare)) Saanne waa kaahin –xidiga sheeg—markaasuu akhriyay ((Kaahin hadalkiisna maahan in yar baad farakaysaane: waa mid laga soo dajiyey Rabbigii dunida lahaa –xaggiisa)) ilaa suuradda dhamaadkeeda, wuxuu yiri, markaas ayaa Islaamku qalbigayga ku dhacay.

Taasi waxay ahayd dhibicdii ugu horreysay ee qalbigiisa Islaam ku dhasho, inkastoose naftiisa dareenkaani ku dhashay, hadana waxaa jiidanayay oo ka xoog badnaa qolofta qalbigiisa ku dahaarantay ee qadarinta dhaqamada jaahiliga ah, ku xirnaanta tolka iyo taladiisa iyo waynaynta diintii aabayaasha, arrimahaan oo ka tanbatay dhadhansiga xaqiiqada ee qalbigiisu meel fog oo gudihiisa ah ka urinayo, sidaa darteed wuxuu aad ugu hawllannaa la dagaalanka diintaan cusub (Islaamka), isagoo aan u dangalayn waxyaalaha naftiisu iskula hadlayso.

Maalin ayuu hadaba go’aansaday inuu Islaamka cirib tiro, si uu u ciribtirana wuxuu ka bilow isyiri geesinimo iyo indha adayg awgiis dilka Nabiga (scw), isagoo arrintaan darteed u socda ayaa waxaa ka hor yimid nin lagu magacaabo Nucaym Ibn Cabdillah Annuxaam amase nin Banizuhra ama Bani makhzum midkood ah, markaas ayuu yiri, xaggee u socotaa Cumarow?

Markaasuu yiri, waxaan doonayaa inaan Muxamed dilo! Suuye, oo sidee uga badbaadaysaa Bani-haashim iyo Bani-Zuhra adigoo Muxamed dilay? Markaasuuye Cumar, waxaad iila muuqataa nin gaaloobay oo diintiisii ka tagay, ninkii ayaa yiri, Cumarow haddaad wax dilayso wax kaaga yaab badan ayaan ku tusayaaye, walaashaa iyo seeddigaa labaduba waa gaaloobeen oo waa ka tageen diintaada aad haysato.

Markaas ayuu Cumar inta go’aankiisii baddalay soo aaday guriga seeddigiis –siciid Ibn Zayd –isagoo ciil la karaya ilaa uu guriga kusoo dhawaa, waxaa markaas ayaga la jooga Khabaab Ibnul Arath, oo sita warqad ay ku taal suuradda (Daha) oo uu uga akhrinayo –markastana wuu kusoo noqon jiray si uu qur’aanka ugu akhriyo—markuu khabaab sharqanta Cumar maqlay ayuu guriga meel kaga dhuuntay, Faatimana –cumar walaashiis—waxay qarisay saxiifaddii,

Cumarna wuu maqlay markuu guriga kusoo dhawaa codka Khabaab ee uu qur’aanka u akhrinayo, markuu usoo galay ayuu yiri, waa maxay nuhnuhda aan agtiinna ka maqlayo, markaasay yiraahdeen, wax aan sheeko aan dhexdayada haysanney ahayn ma jiraan, markaasuu yiri, armaad gaalowdeen, markaasay walaashiis tiri, Cumarow ka waran haddii xaqu uusan diintaada ku jirin?

Markaas ayuu seeddigiis kusoo booday oo inta dhulka ku riday si xun ugu istaagay, gabadhii ayaa inta soo orodday ka riixday ninkeeda, markaas ayuu dharbaaxo xoog badan ku dhuftay oo wajigeeda dhiig ka hayraamay, Ibn Isxaaq wuxuu sheegay inuu daqar ku dhuftay, marka gabadhii oo caraysan ayaa ku qaylisay “maxaad samaynaysaa Cumarow haddii xaqu uusan diintaada ku jirin, Ash-hadu Allaa Ilaaha Illallahu, Wa Ash-hadu Anna Muxamedda Rasuulullah.

Markii uu Cumar ka quustay, uuna arkay dhiigga walaashiis uu ka daadiyey ayuu isku xishooday, wuxuuna yiri, bal iidhiiba kitaabkaan aad haysaan aan akhriyee, walaashiis Faatima ayaa tiri, waxaad tahay najaas kitaabkana ma taaban karo cid aan daahir ahayn, ee istaag oo qubayso, markaas ayuu inta istaagay qubaystay, oo inta kitaabkii soo qaaday akhriyey, (Bismillahi Raxmani Raxiim) markaasuu yiri, magacyo wanaagsan oo daahir ah,

Wuxuu sii akhriyay suuradda (Da-Ha) ilaa uu gaarey qowlka Alle ee;

”Innanii Annallahu Laa Illaaha Illaa Ana Facbudnii Wa Aqimisalaata Lidikrii.”

Anigu waxaan ahay Allah, Alle kalana ma jiro aniga mooyee ee Icaabud, salaaddana ku oog xusuustayda, Cumar wuxuu yiri, maxaa ka wanaagsan hadalkaan oo ka sharaf badan, itusa Muxamed.

Khabaab markuu maqlay hadalka Cumar ayuu qolkii kasoo baxay oo yiri, bishaarayso Cumarow, waxaan rajaynayaa in ducadii Rasuulka ee habaynkii khamiista la ajiibay (Allow Islamka ku xooji Cumar Ibn Khataab ama Abijahal Ibn Hishaam) nabiguna (scw) uu joogay daarta ku taalla buurta Safa salkeeda.

Cumar seeftiisii ayuu jeeniqaartay, kadibna wuxuu aaday meeshii Nabigu (scw) joogay ilaa uu daartii yimid oo albaabkii garaacay, daarta dadkii gudaha ku jiray nin ayaa istaagay oo albaabka daldaloolkiisa ka fiiriyey, mise waa Cumar oo seeftiisii jeeniqaarsan!! Markaas ayuu Nabiga (scw) u sheegay, dadkiina inta argagaxeen ayey dhinac isugu urureen, Xamza ayaa yiri, war maxaa dhacay oo aad isugu aruurteen?

Markaasay yiraahdeen waa Cumar, suuye oo Cumar muxuu yahay! Ka fura albaabka hadduu khayr uu doonayo u yimid waan siinaynaa, haddii uu shar uu doonayo u yimidna seeftiisaan ku dilaynaaye, Nabiguna (scw) gudaha ayuu ku jiray oo waxyi ayaa kusoo dagayey, marka Xamze intuu ka hortagay ayuu cududda iyo seefta xariggeeda jajuub isula qabtay, Nabiga (scw) ayaa soo baxay oo yiri, ninka siidaaya, ilaa uu Nabiga soo korjoogsaday, markaas ayuu inta kulleetiga iyo seefta xariggeeda isla qabtay xaggiisa xoog ugu soo jiiday oo yiri, “miyaadan ka harayn kufriga Cumaroow ilaa Alle kugu soo dajiyo hoogga iyo cadaabka wixii Waliid Ibn Mughiira kusoo dagay oo kale,

Alloow Cumar waa kanaa, Ilaahow Islaamka Cumar Ibn Khataab ku xooji” markaas ayuu Cumar yiri, Ash-haddu Allaa Ilaaha Illallah Wa Ash-haddu Annaka Rasuulullah, Waxaan qirayaa Alla mooyee ilaah kale –oo xaq lagu caabudo—inuusan jirin, aduguna aad Rasuulkii Alle tahay, waana Islaamay, markaas dadkii daarta ku jiray ayaa takbiirtay qayladeeda laga maqlay Masjidka Xaramka.

Cumar wuxuu ahaa geesi horyaal ah oo bannaanka laga maray, sidoo kale nin anafo kulul oo lagu yaqaan, arrimahaan awgood islaamiddiisii waxay dhalisay xiisad ballaaran, oo dhinaca musrikiintana ay dareemeen dullinimo, foolxumo iyo hoog, dhinaca muslimiintana u hagoogtay cizi sharaf iyo farxad.

Sida uu Ibn Isxaaq sheegay Cumar wuxuu yiri, markaan islaamay, waxaan is iri tolow yaa reer Makko ugu neceb Rasuulka (scw) markaasaan iri, Allaylehe waa Abujahal, markaas ayaan soo aaday ilaa aan albaabkiisa garaacay, markaas ayuu iisoo baxay oo yiri, Ahlan wasahlan, Cumarow maxaad iigu socotay? Saanne waxaan kuugu imid anaan kuu sheego inaa Alle rumeeyey iyo Rasuulkiisa Muxamed, aanna aqbalay wixii uu la yimid, markaas ayuu albaabkii wajiga igaga xiray oo yiri, wajigaaga alla foolxumee iyo waxaad la timidba.

Cumar wuxuu yiri, ninku markuu islaamo ragga ayaa xirxiri jiray oo garaaci jiray, marka waxaan waayey cid aniga I xirta, markaas ayaan soo aaday abtigay Caas Ibn waa’il oo u sheegay inaan Islaamay markaasuu guriga galay oo albaabka xirtay, haddana waxaan aaday Abujahal markaasuu albaabka xirtay, markaas ayaan waxaan soo aaday Jamiil Ibn Mucamar wuxuuna ahaa ninka Qureysh ugu war faafinta badan,

Markaasaan u sheegay inaan Islaamay, wallaahay inuusan eray kale iwaydiin, codkiisa heerka ugu dheer intuu ku dhawaaqay ayuu yiri, war Cumar waa gaaloobayeey, anniguna waa agtaagnaaye, intaan qayliyey ayaan waxaan iri, war waa beentiise waan Islaamayeey, ummaddii magaalada joogtay oo dhan ayaa marka soo yaacday, maalintii oo dhan ayey la dagaallamayeen isna la dagaallamayey ilaa qoraxdu cirka isku taagtay, Cumarra daalay, markaas ayuu fariistay iyana waa kor dhooban yihiin oo yiri, waxaad rabtaan igu sameeya Allaan ku dhaartaye maalintaan sadex boqol magaalada ku gaarro ama waad nooga qaxaysaan ama waan idiinka qaxaynaa.

Qisadaan dacalladeeda kale waxay kordhinayaan, in Cumar markii uu daalay dadkiina kusoo yaacayaan uu oday wayn oo Cutba ladhoho inta lagdaday oo ku dul fariistay inta labada indhood faraha ka galiyey yiri, iga celi dadka haddii kale wallaahay waan kaasoo bixinayaa indhaha, odaygii marka inta qayliyey yiri, war ka joogooy war ka joogooy, marka kasta oo uu daalo sidaas oo kale ayuu yeelaa ilaa uu nasto.

Markaas kadib sida uu Bukhaari wariyey dadkii magaalada oo dhan ayaa soo dareeray ayagoo doonaya inay dilaan Cumar, isaguna gurigiisa ayuu galay, marka waxaa usoo galay Caas Ibn waail, markaasuu yiri, maxaad guriga u fadhaa, Cumarra wuxuu yiri, dadkii oo dhan ayaa soo socda oo doonaya inay idilaan, suuye waxba kuma yeeli karaan anigaad ammaankayga ku jirtaa, kadibna Caas dadkii ayuu ka hortagay oo yiri, war xaggee usocotaan? Markaasay dheheen Cumar oo gaaloobay ayaan soo dilaynaa, suuye iska noqda annigaa ammaan galiyey, dadkii hal mara ayey iska laabteen.

Dhicana muslimiinta Islaamidda Cumar guul wayn ayey usoo hoysay, Ibn Cabbaas wuxuu yiri, waxaan waydiiyey Cumar, maxaa faaruuq laguugu bixiyey? Markaasuu yiri, Xamze ayaa sadex maalmood hortay Islaamay—sheeko dheer ayuu sii waday—marka Nabiga (scw) ayaan u imid markaan Islaamay ayaan iri, Rasuulka Allow miyaynaan xaqii ku sugnayn nolol iyo geeriba maxaan isu qarinaynaa?

Markaas ayuu yiri, haa Allaha wayn baan ku dhaartaye xaqii ayaad ku sugan tihiin geeri iyo nololba, saanne Allihii xaqa kula soo diray ayaan ku dhaartaye waan baxaynaa, markaas ayaan soo baxnay annagoo labo saf ah, Xamze ayaa midkood horyaal u ah anniguna kan kale, cagahayagana gurdan ayaa ka baxaya, ilaa aan Masjidka gallay, markaas ayaa Qureysh ifiirisay Xamzana fiiriyeen, markaasaa waxaa asiibtay murugo tii ugu foolxumayd, markaas ayaa Nabigu (scw) igu magacaabay Al-Faaruuq kala caddeeye.

Cabdullahi Ibn Mascud wuxuu yiri:

Maannaan awoodin inaan ku tukanno Kacbada agteeda ilaa Cumar Islaamay,sidoo kale Suhayb Ibn Sinaan Arruumi wuxuu yiri, markii Cumar Islaamay, Islaamkii ayaa soo shaac baxay oo si muuqata ayaa dadka loogu yeeray, waxaanna fariisannay Kacbada hareeraheeda annagoo hilqo hilqo u fadhina, oo masjidkaan dawaafnay, ciddii nagu qaldanta ayaan ka aargoosannay, oo wuxuu noo gaystaan dib ugu celinay, sidoo kale Ibn Mascuud wuxuu yiri, laga soo bilaabo markii Cumar Islaamay cizi ayaannu lahayn.

1. Qisada Asxaabul Kahfi, sida la sheegay waxay ahaayeen ummadihii Nasaarada inkastoo habka qisadu u socoto ay aad uga muuqato inay ka horreeyeen Nasaarada oo ay ahaayeen ummadihii Yuhuudda, sida la sheegay waxaa jiray ummad gaalo ah oo sannadkii hal maalin ah oo ay ciid isugu soo baxaan oo sannab u sujuudaan leh, marka waxay lahaayeen boqor lagu magacaabo Diqyaanoos oo arrintaan ku dhiirigaliya, markii meeshii la yimid dhallin yaro caruurta boqorrada ah ayaa arrintaani u cuntami wayday marka ayagoo aan is ogayn ayaa midba meel u cararay kadibna geed ayey ku wada kulmeen.

Markay iswaraysteenna waxay ogaadeen inay isku ujeeddo yihiin, markaas ayey ku heshiiyeen inay masjid ay Alle kaligiis ku caabudaan dhistaan oo ay noqdeen walaalo Islaamka ah, kadibna arrintii ayaa lagu ogaaday oo boqorkii lagu dacweeyay, markaas ayuu arrintii waydiiyey ayaguna xaqa ayey caddeeyeen, markaas ayaa dil lagu haddaday ayaguna waxay codsadeen in fursad la siiyo ay arrinta kaga fiirsadaan, intii fursadaan lagu jiray ayey carareen markii ay waayeen meel ay ka gaari karaanna waxay galeen god lagu magacaabo Banjaloos, markaas ayaa hurdo dusha lagaga tuuray ay ku jireen saddex boqol iyo sagaal sano.

2. Qisada Khadir waxay ku saabsan tahay, in maalin Nabiga Alle ee Muuse (cs) oo dadkiisa khodbad u jeedinaya uu nin waydiiyey dadka yaa ugu cilmi badan, Muusena uu ku jawaaban aniga, arrintaas oo Alle ku canaantay in laga rabay inuu dhoho Allaa yaqaan darteed, markaas ayuu Nabi Muuse (cs) wuxuu Alle ka baryey in loo sheego cidda ka cilmi badan, markaas ayaa waxaa la yiri addoon Alle oo jooga labada badood meesha ay isaga soo dhacaan ayaa kaa cilmi badan, halkaas oo Muuse (cs) uu go’aansadey inuu ugu tago cilmi raadin darteed, marka markii ay israaceen ayuu Addoonkaas Alle ee Khadir sameeyey arrimo sadex ah oo muuqaalkoodu u muuqdo khalad laakiinse uu mid walba sheegay xigmad qarsoon ee uu’u sameeyey inay jirto.

3. Qisada dul qarnayn laba geesle, waxay iyana ku saabsan tahay nin boqor ah oo muslim ah oo Alle awood wayn siiyey, ninkaas oo dunida ku wareegay oo markaas ummado badan iyo mucjisooyin la kulmay, waxaana kamida waxyaalihii uu la kulmay inuu arkay ummad daciif ah oo ummad kale oo ka xoog wayni ay kusoo duulaan markasta, oo ay markaas xasuuqaan, markaas uu ninkaani darbi wayn meeshii ay kasoo gudbi jireen kaga ooday. Sida Qur’aanku sheegay ummaddaas xoogga wayn waxaa lagu magacaabi jiray Ya’juuj iyo Ma’juuj, waxay kaloo taariikhyahannadu sheegaan in ummadaas daciif ka ahi ay ahayd ummadda turkiga.

Tixaha gabayga ah waxaa mariyay qoraaga Abdirizaq Musanaf.

Decorative Lines

Waxaa soo diyaariyey
Shiikh Cabdirisaaq Macallim Abshir
Email: musanaf@hotmail.com
Xigasho: SomaliTalk.com