Silsiladda
Taariikhda Islaamka

Qaybta | 10aad

Siira:  Taxanaha Taariikhda Islaamka
oo ka Kooban 12 Qeybood.
Qore: Sheekh Cabdirisaaq
Macalin Abshir (Musanif)

Decorative Lines

Qaybtani waxa ay ka kooban tahay

  • Quwadda Sabarka ee Sugnaanshaha Dhalisey
  • Rumaynta Alle
  • Hoggaan qalbigu u hoobanayo
  • Garashada Mas’uuliyadda
  • Rumaynta Aakharo
  • Qur’aanka
  • Bishaarada Guusha
    • Marxaladdii saddexaad Ee Dawrka Makko
    • Gaarsiinta Dacwada Islamka Meelo Ka Baxsan Gudaha Makko
    • Rasuul Alle (scw) oo Daaif Jooga
    • Islaamka oo Loo Bandhigayo Qabiilooyinka Iyo Shakhsiyaadka.
    • Qabiilooyinkii Islaamka Loo Bandhigay
    • Guurkii Caaisho

Quwadda Sabarka ee
Sugnaanshaha Dhalisey

Marka aad si xeeldheer ugu kuurgasho heerka cadaadinta dadka muslimiinta ah Makko loogu gaystayi gaaray, waxaad islamarkiiba iswaydiinaysaa, maxay tahay quwadda qarsoon ee gaarsiisay inay ilaa xadkaan u dulqaataan silicdilyaynta iyo dhibaatooyinka wadnuhu maqalkooda la gariirayo oogaduna la dubaaxinayso ee iyaga lala beegsanayo, maxayse yihiin ilaha ay uga dab qaadanayaan kartidoodaan xad dhaafka ah. Tani hadaba waa su’aal ay in badan taariikh yahannadu iswaydiiyeen, in badanna indheergaratadu ku wareereen. Si aan taariikhdaan fahan fiican uga qaadano waxaan u baahannahay inaan tafsiir cad ka bixinno quwaddaas qarsoon iyo ilahaas dhaliyay jawaabihii ay culamadu ka bixiyeen, waxaana ugu horreeya.

Rumaynta Alle

Sababka ugu wayn oo quwaddaan dhaliyeyi ugu horreynba waa iimaanka –rumaynta—Alle kaligiis iyo barashadiisa si dhab ah, iimaankaas yaqiinta ku shisani markii macaankiisu qalbiga la falgalo buuraha ayuu ka culays waynaadaa, qofka qalbigiisa yaqiintaasi ka buuxsantayna markastoo dhibaatooyinka dunidaani cuslaadaan ama isdulfuulaan amase waynaadaan waxay ula muuqataa sidii xayaabo biyo kor saaran amase ciiro dabayluhu sitaan oo dhaqso u bidi doonta, daadxoortu ayadoo qallalan ayey tageysaa wixii agab lihina ayagaa harin.

Sababkaan wayn waxaa la xariira sababo kale oo sugnaanshaha xoojinaya, waxaana ka mid ah.

Hoggaan Qalbigu u Hoobanayo

Nabigu (scw) isagoo ah hoggaanka koowaad ee ummadda Islamka ah amase aadanahaba idilkiis, wuxuu ahaa shakhsi Alle si deekhsinimo ah ugu hodmiyay asbaabaha lagu soo hirto ee dhamaystirnaanshaha sifooyinka xagga garaadka iyo caqliga la xariira iyo qummanaanshaha xagga abuurista iyo muuqaalka la xariira, waxaa Alle ka haqab tiray dabeecadaha macaan, akhlaaqaha quman iyo hannaanka toolmoon, sidoo kale abuurista qurxoon, wuxuu ahaa shakhsi nafuhu xaggiisa usoo dunmaan sida biyuhu meesha godan ugu qulqulaan, naftooda huraan isaga sokadiisa, jirkooda illaawaan isaga dartiis,

Habsamida loo uumayna waxay ahayd mid aan ruux kale lagu irsaaqin, sidoo kale wuxuu heerka ugu sarreeya ka gaaray sharafta iyo toosnaanta, khayrka iyo barkhadda, ammaanada, dhawrsoonaanta iyo runta, sidaas ayuu mudnaanta koowaad ku yeeshay dadka dhexdiisa, sumcaddiisuna waxay ahayd mid aysan cadowgiisa iyo kuwa khilaafsani marna ka shakiyin amase qarin karin, marka laga gudbo saaxiibadiis iyo kuwa jecel, sidaa darteed maysan jirin oraah xaggiisa kasoo fusha illaa waxay u qaadan jireen hubaal iyo yaqiin aan run ahaanshaheeda la iswaydiin.

Markii Qureyshi ay mamnuuceen dhagaysiga qur’aanka ayaa waxaa meel ku wada kulmay saddex nin oo odayaasha qureysheed ka mid ah, mid walba oo raggaas ahina wuxuu si qarsoodi ah u dhagaystay qur’aanka wayse kala qarsanayeen, islamarkiiba sirtoodii ayaa fashilantay, markaas ayuu Akhnas Ibn Shariiq yiri: Abu-Sufyanow sidee u aragtaa waxa aad Muxamed ka maqashay, Abusufyaan wuxuu yiri: wallaahay waxaan maqlay waxyaalo aan garan karo xigmadda looga jeedana aan fahmayo, markaas ayuu Akhnas yiri: aniguna wallaahay sidaas ayaan ahaye Abulxakamow –Abujahal—sidee kuula muuqdaan waxa aad maqashay,

Markaas ayuu yiri: oo maxaan maqlay!! Annaga iyo Bani Cabdimanaaf –lafta Nabiga—waxaan ku tartannay sharafta, waxbay quudiyeen annaguna waan quudinnay, mago culus ayey bixiyeen annaguna waan bixinay, hanti ayey qaybiyeen annaguna waan qaybinnay, ilaa aan ku simannay ratiga baarkiisa, oo aan lamid noqonnay sida labadii faras ee rihaan, markaas ayey leeyihiin waxaan leennahay nabi cirka looga waxyoodo, goormaan tan gaaraynaa, wallaahay inaannaan rumaynayn waligayo kana aqbalayn.

Waxaaba tan kasii cad Mughiira Ibn shucba –ninka saxaabiga ahi—wuxuu yiri: maalintii ugu horreysay ee aan Rasuulka Alle (scw) aqoonsaday waxaan la socday Abujahal, marka waxaan la kulannay Rasuulka Alle (scw) markaas ayuu Abujahal ku yiri: Abulxakamow waxaan kuugu yeerayaa xagga Alle ee xaqa maqal oo soo aad Alle xaggiisa iyo rasuulkiisa, markaas ayuu Abujahal yiri: Muxamadow maad iska daysid cayda ilaah yadayda, ma waxaad iga doonaysaa inaan kuu qirno inaad farriintaada na gaarsiisay, wallaahay xataa haddaan ogahay in waxa aad sheegaysaa xaq yihiin kuma raaceene,

Markaas ayuu Rasuulka Alle (scw) iska tagay, Abujahalna aniga ayuu iisoo jeestay oo yiri: wallaahay waxaan ogahay in waxa uu sheegayaa ay xaq yihiin, laakiinse Banuqusaya –qabiilka Nabiga—waxay na yiraahdeen furaha Kacbada annagaa hayna,  saannune haye, markaasay yiraahdeen: daaru nadwa (baarlamaanka) annagaa hayna, saannune haye, markaasay yiraahdeen: calanka dagaalka iyo marti galinta xujayda annagaa iska leh, saannune haye, markaasaan sharafta ku tartannay ilaa aan isla simannay, markaasay hadda na leeyihiin nabibaa nagu jira: wallaahay inaanan tan yeelayn.

Abujahal wuxuu oran jiray: Muxamadow annagu adiga ku beensan mayno laakiinse waxaan beeninaynaa waxa aad la timid, markaas ayaa Alle kusoo dajiyay:

”Addiga kuma ay beensanayaan laakiinse kuwa daalimiinta ahi aayadaha Alle ayey inkirayaan.” {6:33}

Sidoo kale waxaan soo marray markii Nabiga (scw) oo dawaafaya ay gaaladu hadal qalloocan u qariyeen saddex goor, markaas intuu soo eegay uu yiri: Qureysheey wallaahay waxaan idiin la imid gawrac, markaas inta kalimaddaasi cabsi ku abuurtay ayey hadallo qabow ku maslaxayeen. Mar kale markii ay mandheerta hasha dusha u saareen isagoo sujuudsan wuu habaaray, markaas qosolkii ayaa inta ka biday, oo qalaq iyo murugo qabatay ayey yaqiinsadeen inay halaagsamayaan.

Sidoo kale markii uu habaaray Cutba Ibn Abillahab, hadalkaasi qalbigiisa ayuu gilgilay wuuna hubay in uu run yahay ilaa markii uu libaaxa arkay uu yiri: wallaahay Muxamed baa idilay isagoo Makko jooga. Markale Ubaya Ibn Khalaf ayaa ugu dhaartay inuu dilayo, markaas ayuu Nabigu (scw) yiri: adigu idili mayside aniga ayaa ku dilaya hadduu Alle idmo, markii Nabigu (scw) dhaawac yar oo xagtin ah qoorta kala helay maalintii Uxud, Ubaya dhulkii ayaa hayn waayey oo wuxuu lahaa: wallaahay anigoo Makko jooga ayuu igu yiri anigaa ku dilaya, wallaahay hadduu candhuuf igu tufo maanta waa idili lahaa, isla saacaddiina waa u dhintay.

Markale Sacad Ibn Mucaad –saxaabiga—ayaa wuxuu la kulmay saaxiibkiis Umaya Ibn Khalaf gudaha Makko, markaas ayuu Sacad ka maqlay oraah uusan jeclaysan, markaas ayuu yiri: war naga tag wallee Nabigaan (scw) maqlay isagoo leh: in muslimiintu ku dilayaane, markaas ayuu Umayo argagaxay oo xaaskiisa u sheegay oo go’aansaday inuusan Makko marna ka bixin, markii hadaba Abujahal ku khasbay bixintaanka dagaalkii Badar ayuu soo gatay ratiga Makko ugu dheereeya si uu dushiisa ugu cararo, haweenaydiisa ayaa ku tiri, war xaggee aadaysaa ma illowday hadalkii saaxiibkaa Sacad kuu sheegay..?

Markaasuu yiri: wallaahay ma ilaawine waxaan doonayaa inaan xoogaa hore usii raaco colka ee waan kasoo noqonayaa. Hadalladaas dhamaantood waxay inoo caddaynayaan sida xataa gaaladu hadalkiisa u rumaysnaayeen, sidoo kale quwadda aaminsanaantiisu dhexdooda ku lahayd.

Marka la fiiriyo dadka Nabiga (scw) rumaysan ee xilligiisa noolaa ee saaxiibadiis ah ayaga wuxuu ka dagay booska naftu dagto, wuxuuna muuqaalkiisu ka mashquuliyey qalbiga iyo indhaha, sidaa darteed jeclaanta qalbiga kasoo go’day ee ay u qabaani waxay ahayd mid xaggiisa u jiidanaysa sida magnadku birta u jiito amase sida meesha godani biyaha u jiidato, waana halka uu ninkii gabyayi ka yiri:

  • Muuqaalkiisu waa nuur jismiga maaxday aadmiga e:
  • Waa maaddo jawhariya iyo maarta geedahaye:
  • Waa muxubo nuur laga unkiyo moodda galabeede:
  • Waa qalab maqnaadiisa iyo macadin diimoone:
  • Waa maahir lagu soo hirtoon loo mataal heline: (1)

Midkale:

  • Haddii aanu mas’ala jeedinayn macallinkeediiye:
  • Ama aanu diin marinahayn mihindiskii khayre:
  • Murtida uu layimid daahirkaa kaaga maagbixine:
  • Inuu mussadiq suurradaa marag madoonto ahe:
  • Mulkiga uunka yaa Muxamedoow mahadnaq kuu siiya: (1)

Jeclaantaan iyo naf u huriddaani waxay ku keentay inay ku qanacsan yihiin in jirkooda xubinba mar la gooyo isagana aan korkiisa xagtini gaarin ama aan qodaxi mudin.

Maalin ayaa Abubakar mushrikiintu jirdileen, si aad u daran ayeyna u garaaceen ilaa uu dhulka ugu dhacay oo ay markaas ku tumanayeen si foolxunna u garaaceen, islamarkaana Cutba ayaa kabihiisa wajiga kala dhacayay ilaa dhiiggu wada qooyay oo la garan waayay wajigiisa meel sanku kaga yaal, marka lafta uu ka dhashay ee Banutaym ayaa go’ ugu soo qaaday gurigiisa ayagoo aan ka shakisanayn inuu dilkaan u dhimanayo, marka galabtii uu soo miyirsaday, hadalkii ugu horreeyay ee ay ka maqleen wuxuu yiri: iiga warama Rasuulkii Alle (scw), markaas ayey inta aflagaadeeyeen kala dareereen ayagoo leh, biyo ku qulaami waxa hadduu rabo ha dhintee, marka hooyadii Umulkhayr ayaa biyo ku khasbaysa isaguna wuxu leeyahay iiga warama Nabigii Alle (scw),

Markaas ayey tiri: wallaahay uma warhayo saaxiibkaa, markaasuu yiri: u tag Umuljamiil Bint Khataab oo soo waydii, markaas ayey Umulkhayr u tagtay oo tiri: Abubakar wuxuu ku leeyahay iiga waran Muxamed Ibn Cabdillahi, markaasay Umuljamiil tiri: Abubakar iyo Muxamed Ibn Cabdillahi midna kulama aqaan haddaadse jeceshahay inaan wiilkaagaas xaggiisa kuu raaco waan yeelayaa, Umuljamiil markay soo kor istaagtay Abubakar oo mayd u eke ah ayey oohin ceshan wayday oo tiri: wallaahay kuwa sidaas kuu galay waa kuwa ilaahay ku gaaloobay oo fusaaq ah, waxaanna rajaynayaa in Alle kaaga aargooyo, Abubakar wuxuu yiri: iiga waran Rasuulkii Alle (scw),

Markaasay tiri: hooyadaa ayaa ina maqlaysee naga dir, markaasuu yiri: wax macna ah maleh tani waxba ku yeeli mayso, markaasay tiri: waa nabdoon yahay ilaah mahaddii wuxuuna joogaa daartii Arqam, markaasuu Abubakar yiri: ilaahay wuxuu dushayda ku leeyahay inaanan cunno dhadhamin biyana liqin ilaa aan Rasuulkii Alle (scw) u tago, hadaba markii habaynku madoobaaday oo socodku yaraaday ayey labadoodii garbaha qabteen ilaa ay Rasuulka (scw) u galiyeen.

Qisadaani waa un mid kamida dhacdooyin badan oo muujinaya sida ay saxaabadu naftooda ugu hurayeen aragtida Nabiga (scw) iyo ilaalintiisa, waxaanna arki doonnaa hadduu Alle idmo tusaalayaal badan khaas ahaan goobaha dagaallada. Waxay hadaba lanoolaanshaha Nabiga (scw) iyo dugaalsiga hanuunintiisa iyo jeclaantiisu u sahashay dhibkasta oo loo gaystay, waxay kaloo qisadaani muujinaysaa heerka cadaadintu gaartay sidoo kale siyaasadda isqarinta ee ay muslimiintu dhaqangaliyeen.

Garashada Mas’uuliyadda

Waxay saxaabadu garanayeen xilka wayn ee Alle dusha u saaray, ee ah gudasha gaarsiinta diintaan bini aadmiga oo idil, sidoo kale inaan mas’uuliyaddaan si looga dhuuman karo jirin amase cid looga galgasho, ciribxumada ka ratibmaysa ka cararisteeda ee ayaga soo gaaraysa ama uunka oo idil ayaaba ka balaayo badan dhibka ay hadda ku jiraan iyo jirdilka, khasaaraha kasoo haleelaya ka dhuumashada xilkaan ma ahan mid heerna lagu qiyaasi karo, hadaba xilkasnimaddaani waxay u fududaysay dhibaatooyinka kasoo gaaraya qaadista jidkaan xaqa ah.

Rumaynta Aakharo

Saxaabadu waxay yaqiin cad ka haysteen inay hor istaagi doonaan Allihii caalamkaan amaamuday, inuu cammalladooda ku xisaabin doono mid yar iyo mid waynba, markaasna arrintu nicmo aan dhamaanayn ama cadaab lagu waaro aysan midkood un ka fursan doonin, sidaa darteed noloshooda waxay ku dhamaysteen meel u dhaxaysa cabsida Alle iyo hurguriyeynta raxmaddiisa, ((waxay gudanayaan wixii la faray quluubtooduna waxay ka cabsanaysaa inay rabbigood u laabanayaan)), dunida sharkeeda iyo khayrkeedaba marka aragtidooda loo fiiriyo uma dhiganto garab kaneeco, rumaysnaantaan aakharo ee quwadda wayni waxay fududaysay waxyeellada aduunka.

Qur’aanka

Xilliyadaas kala go’a ah, qallafsan ee mugdiga ah ee aysan jirin meel loo ciirsado oo Alle kasoo hartay, waxaa soo dagayey suurado iyo aayado qur’aan ah oo xujooyin ku dhisaya mabaadiida Islamka ee farriintiisu ku dul wareegayso, ayagoo adeegsanaya usluub daliil ku xoog badan oo soo jiidasho leh, u bidhaaminaya muslimiinta mustaqbal iftiimaya sidoo kale tusinaya tiirarka uu ku dul istaagi doono bulsho muslim ah oo tusaale-gal ah, islamarkaana naftooda ku afuufaya kartida adkaysiga iyo dulqaadka ((Ma waxaad u malayseen inaad jannada iska galaysaan ayadoo uusan idiin imaan tusaalihii kuwii hortiin gudbay,

Waxaa taabatay balaayooyin –baahi—iyo dhibaatooyin –cudurro iyo wareegtooyin xun—waana la gilgilay ilaa uu rasuulkii yiraahdo iyo kuwii rumeeyay ee la jiray waa goorma nasriga Alle)) 2:214. ((Ma waxay u maleeyeen dadku in lagu daynayo inay yiraadeen waan rumaynay ayagoo aan la fidmayn: Wallee waxaan fidmaynay kuwii ka horreeyay Allana wuu muujin kuwa runta sheegay wuuna muujin kuwa beenta sheegay)) 29:1-3.

Sidoo kale aayadaha xilligaan soo dagi jirayi waxay riddinayeen shubhooyinka gaalada istusiya, riddin afxiraysa oo aan u reebayn xeelad iyo meel ay cuskadaan toona, waxayna uga digayaan cadaabka iyo mustaqbalka xun ee kusoo fool leh hadday ku adkaystaan kufriga iyo cinaadka ayadoo la feerdhigayo muuqaaladda taariikhiga ah ee ummadihii hore amase sida Alle subxaanah uu u maamulay ummadihii jidkoodaan raacay, marar kalana si qabow waano ugu jeedinaya bal inay hurdada ka toosaan.

Dhinaca kale qur’aanku wuxuu muslimiinta u kaxaynayay duni kale oo uu furayo isagoo tusinaya muuqaallada abuurka Alle ee dunidaan ku gaafwareegaya sida meerayaasha waawayn, qorraxda, dayaxa iyo zuxalka iyo mariikha, isbaddallada habaynka iyo maalinta sida dhamaan ay ugu hoggaansan yihiin ujeedadii Alle u qoondeeyay.

Dhinac kale quruxda rabbinimada kaamilnimada uluuhiyada, iyo raadadka raxmadda iyo turiinshaha, arrimahaan oo kulligood saxaabada qalbigoodu u boholyoobayo, wuxuuna qur’aanku sabarrada ku sitay farriimo bishaarayn raxmadda Alle raalli ahaanshihiisa jannooyinka uu u qoray xambaarsan, sidoo kale u sawiraya gaaladii islawaynayaasha ahaa oo Alle la horgeeyay kadibna lagu markhaati furay kadibna lala wareegay oo inta silsilado lagu xirxiray loo jiidayo boholaha naarta markaas waji inta loogu tuuro la dhadhansiinayo kulaylka jahannamo.

Bishaarada Guusha

Laga soo bilaabo maalintii ugu horreysay Islaamka dadka loogu yeeray saxaabadu waxay garanayeen inaan ujeeddada Islaamku ahayn kaliya in shido loo soo jiido amase in dhib uun gorodda loo suro, ee waxay garanayeen in dacwada Islaamku ay higsanayso goolal waawayn ayna soo dhawdahay maalinta ay soo afjari doonto jaahiliyadda, sidoo kale ay manjaxaabin doonto nadaamka dulmiga ku dhisan ee sanabo caabudku dhaliyay, sidoo kale in goolasheeda ay kamid tahay inay la wareegto hoggaanka siyaasiga ah ee caalamka si ay dunida guudkeeda ugu ballaariso ammaanka, caddaaladda iyo kala dambaynta, islamarkaana ay bashariyadda u horseedo mustaqbal horumar leh oo Alle ka raalli yahay.

Hadaba qur’aanku bishaaradaan marna si cad ayuu u tilmaami jiray marna si sarbeeban, tusaale ahaan xilliyadaas dhabar jabka ahaa ee saxaabadu mareen ee arlada korkeedii lagu cariiryay ayaa waxaa soo dagaya aayado ka waramaya sheekooyinkii nabiyadii hore ee la diray ummadihii beeniyay sidii loo halaagay iyo in guushii markii dambe muslimiintii la cadaadinayay la siiyay, taasoo muujinaysa in kufaartaan Makko ayagana jidkaan la marsiin doono nadaamkoodu inuu fashilmayo guushana ay muslimiintu yeelan doonaan.

Mar kalana waa la caddayn jiray waxaana kamida qur’aankaas qawlka Alle:

”Wallee ballanqaad kayagii ayaa u hormaray addoomadayadii rususha ahaa: in ay ayagu un yihiin kuwa guusha la siin doono: Iyo in junuuddayadu –kuwa xaqa raacay—ay adkaan doonaan: ee ka jeeso xaggooda ilaa intii muddo ah: Una fiirso iyana way fiirin doonaane –waxa ku dhaca: Ma cadaabkayagay dagdagsanayaan: markii uu –cadaabku—ku dago fagaagooda waxaa xumaaday subaxa kuwii loo digay.” [37:171—177]

Sidoo kale fiiri suuradda Alqamar: 45, Saad: 11, Naxli: 41, sidoo kale markii ay Nabiga waydiiyeen qisada Nabi Yusuf fiiri suuradda Yuusuf: 7, in reer Makkana ku dhici doonaan fashilkii Yuusuf walaalihiis ku dheceen markii ay xaq darro ku heshiiyeen, Ibraahim: 13—14, Ruum: 4—5, qur’aankaas oo kulligiis si cad ugu bishaaraynaya guusha muslimiintu heli doonaan iyo cirib xumada gaalada kusoo fool leh.

Rasuulka Alle (scw) isaguna dhiniciisa ayuu laf ahaantiisu bishaarooyinkaan baraarujin jiray markii muddo la joogaba, sidaa darteed markii la gaaro xilliga wareegtada Xajjka ayuu dadka ku dhexwareegi jiray suuqyada waawayn sida Cukaad, dilmajaas iyo Mijinna si uu u gaarsiiyo diinta isagoo leh, war dadoow dhahaya Alla mooyee ilaah kale oo xaq lagu caabudaa ma jiro aad liibaantaane, aad Carab ku mulkidaan Cajamna ha idiin hoggaansantee, markaad dhimantaanna boqorro aad jannada ku noqotaane. Waxaan kaloo soo marray markii uu Cutba la hadlay inuu Cutba hubsaday in Nabigu (scw) arlada qabsan doono, inuu hadalkaasna fahmay, sidoo kale waxaan soo marray hadalkii uu Nabigu (scw) ugu jawaabay wafdigii qureysheed ee ugu dambeeyay ee Abutalib la kulma.

Khabaab Ibn Arath wuxuu yiri: maalin ayaan Nabiga (scw) u imid isagoo go’iisa barkan Kacbada harkeeda, annagoo mushrikiinta dhib badan kala kulannay markaas ayaan iri: Rasuulka Allow miyaadan Alle noo baryayn miyaadan arag wax aan ku jirno, markaas ayuu soo fariistay isagoo wajigiisu guduudan yahay, oo yiri:

Waad dagdagaysaane dadkii idinka horreeyay shanlo xadiid ah ayaa lagu shanlayn jiray inta lafta ka sokaysa ee hilib iyo seedo ah dhibkaasina diinta kama leexin jirin, (dariiq kale) ama miinshaar ayaa madaxa kala barkiisa laga saari jiray oo lagu oran jiray diintaada ka laabo taasina diinta kama leexin jirin, Allana waa dhamaystiri doonaa amarkiisaan ilaa safarku isaga socdo Sanca ilaa Xadramowt isagoo aan ka cabsanayn Alle mooyee iyo bahal uu arigiisa uga baqo, waadse dagdagaysaan.

Hadalhaynta bishaarooyinkaani run ahaantii ma ahayn wax ku kooban kaliya dadka muslimiinta ah, ee waxay ahayd arrin la wada ogsoon yahay ilaa xilliyada qaarkood gaaladu ay ku maadaysan jireen, Aswad Ibn Mudalib iyo kuwa fadhiga la wadaaga ee ay saaxiibada yihiini markay arkaan saxaabada Nabiga (scw) intay isqandhuuftaan ayey oran jireen: waxaa idin dul maraya boqorradii aduunka, ayagaa qabsan doona Kisra iyo Qaysar!! Markaas ayey inta kor u qayliyaan oo qosqoslaan sacab tuman jireen.

Hadaba saxaabadu markay fiiriyaan bishaarooyinkaan kulligood muujinaya mustaqbalka iftiimaya ee ay higsanayaan islamarkaana hore uga dabqaadanayeen rumaysnaanta aakharo iyo guusha wayn ee laga rajo qabo in janno lagu liibaano, sidoo kale rumaysnaanta in ay jirto maalin cadowgaan daandaansanaya laga gacan sarrayn doono iyo in cadaadintaani tahay marxalad socota oo laga gudbi doono, waxay u arkayeen jirdilka iyo silicdilyaynta lala beegsanayo ee dhinac walba ka hareereeyay kaliya un “daruuraha xagaabaa durba faydantee” marxalad socota oo lasoo afjari doono.

Dhinaca kale Rasuulka Alle (scw) wuxuu quluubtooda ku dheefin jiray macaanka iimaanka, xigmadda Qur’aanka iyo murtida Sunnada, isagoo ku tarbiyaynaya tarbiyad qoto dheer hufidda ruuxda, sare u qaadidda himmadda, higsashada goolal sarsare, hagaajinta dhexdooda, ka xoroobbidda u hoggaansamidda maadiyaadka, ka fogaanshaha dhadhansiga shahwaadka.

Sidoo kale wuxuu afuufi jiray dhinbisha damiirkooda, isagoo ka saaraya mugdiga jaahiliyadda una saaraya iftiinka iimaanka, wuxuu bari jiray adkaysiga iyo dulqaadka, cafinta iyo layliyidda nafta, markaas ayey lamid noqdeen xagga quwadda ku duugan adkaysiga buuraha, waxaa la qaymo yaraaday macaansiga aduunyada, waxay ka fogaadeen jiidashada caadifadda, waxay baahidooda oo dhan kusoo koobeen raalligalinta Allaha wayn, u shaqaynta jannada, barashada cilmiga, ilaalinta dagganaanshaha iyo xasilloonida, taasina waa miraha tarbiyaddii Nabiga (scw) macallinkii dunida oo dhan loo diray inuu haggaajiyo.

Marxaladdii Saddexaad
Ee Dawrka Makko

  1. Gaarsiinta Dacwada Islamka Meelo Ka Baxsan Gudaha Makko
  2. Rasuul Alle (scw) oo Daaif Jooga

Kadib markii geeridu ku timid Abutalib, Nabiga (scw) adeerkiis, ahaana ninkii u taagnaa ilaalintiisa, islamarkaana uu ku jiray ammaangalintiisa, cadaadinta iyo gardarrada lala beegsanayo Nabiga (scw) laf ahaantiisa ayaa heerkii ugu xumaa gaartay, waxay mushrikiintu bannaanka soo dhigeen cadaawad iyo colaadin qaawan, sidaa darteed Makko waxay isu rogtay meel aysan suuragal ahayn inuu Nabigu (scw) kusii noolaado, bisha Shawaal sannadka tobnaad ee nabinnimada –oo ku beegan dhamaadka May ama bilowga Jun sannadka 619 ciise dabadi—ayuu Nabigau (scw) u sadcaalay xagga magaalada Daaif, waxayna Makko u jirtaa lixdan mayl, safarkaas oo uu cagihiisa ku maray siisocod iyo soo noqodba,

Waxaana Nabiga (scw) safarkiisaan ku weheliyay saaxiibkiis mawlihiisana ah Zayd Ibn Xaaritha, intii uu waddadaan ku jiray qabiila kasta oo uu waddada kusii maro wuxuu ugu yeerayey Islamka hasayeeshee hal midihina kama aqbalin, hadaba markii uu gaaray gudaha Daaif, wuxuu ugu horreyntiiba u qasday saddex nin oo walaalo ah oo ah madaxda beesha Thaqiif, nimankaan oo kala ah Cabdiyaaliil Ibn Camar Ibn Cumayr Athaqafi iyo walaalihiis Mascuud iyo Xabiib, halkaas oo uu Nabigu (scw) inta la fariistay ugu yeeray diinta Alle iyo inay u gargaaraan Islaamka.

Kadib markii ay dhagaysteen soo jeedinta Nabiga (scw) wax khayr ah kalama uusan kulmin, midkood wuxuu yiri: daahyada Kacbada anigaa jeexjeexaya haddii adiga Alle kusoo diray, midkalana wuxuu yiri: oo Alle miyuu waayay cidkale oo uu soo diro!! –markuu adiga kusoo dirayo muu oday la yaqaan soo diro—kii saddexaadna wuxuu yiri: wallaahay inaanan waligay kula hadlayn, haddaad rasuul Alle tahayna waad ka sharaf wayn tahay inaan hadalka kugu afceliyo, haddii aad Alle dushiisa ku been abuuranaysana iima qalanto inaan kula hadlo, markaas ayuu Rasuulku (scw) isaga agtagay oo ku yiri: haddii aad sidaas yeesheen waxaan idinka codsanayaa inaad aniga iyo warkaygaba ii qarisaan.

Muddo toban maalmood ah ayuu hadaba Nabigu (scw) dhex joogay gudaha Daaif, isagoo aan dhaafin nin madax ah ama mas’uul ah amase magac wayn leh oo uu maqlay ee waa u tagayey oo la hadlayay, hasayeeshee kulligood hal cod ah ayey ku wada yiraahdeen: nooga bax dhulkayaga, mana aysan u fulin codsigii uu ka dalbay ee ahaa inay qariyaan, waxayba ku dhiirrigaliyeen doqomadooda iyo qaballuusyadooda, markii uu damcay inuu boxo waxaa daba yaacay doqomadii, addoomadii iyo dhamaan wax iskuma falayaashii, ayagoo caynaya oo ku qaylinaya, ilaa sharqantii dadkii isugu soo ururay, markaa hareerihiisa ay ka sameeyeen labo saf,

Markaas ayey waxay guda galeen inay ku hadlayaan erayo aflagaado ah islamarkaana ay dhagax tuurayaan ilaa anqowyadiisa dhiigu ka hayraamay oo labadiisa kabood dhiigu wada qooyay. Zayd Ibn Xaaritha oo dhagaxa naftiisa uga dhigayay ayaa madaxiisa waxaa gaaray daqarro badan, sidaas ayey Nabiga (scw) kooxdaan shayaadiinta ahi u dhagax tuurayeen ilaa duruuftu ku kalliftay inuu galo beer ay leeyihiin Cutba Ibn Rabiica iyo walaalkiis Shayba oo saddex mayl magaalada u jirtay.

Markii uu beerta galay ayey isaga hareen, Nabiguna (scw) wuxuu fariistay geed Cinab ah oo wayn hooskiis, halkaas oo uu darbi isku tiiriyay ilaa uu xoogaa nastay oo xasilay, markaas ayuu wuxuu akhriyay ducada caan baxday, ducadaan oo muujinaysa sida qalbigiisu (scw) uga buuxsamay murugo iyo niyad jab dhibka uu la kulmay badnidiisa iyo inuu ka naxsan yahay inaan qofna ka rumayn ummaddii uu la kulmay, wuxuuna yiri:

((Allaahuma Ilayka Ashkuu Dacfa Quwatii Waqillata Xeelatii Wahawaanii Calannaas Yaa Arxama Raaximiin: Alloow adigaan xaggaaga uga dacwoonayaa awood jilcidayda iyo xeelad yaridayda iyo liididda dadku igu hayaan, Inta naxariisata kan ugu naxariis badanoow, Adigaa inta la bahdilay Rabbigood ah, adigaa Rabbigay ah ee yaad igu hallaynaysaa?

Ma mid shisheeye ah oo wajiga igu gubaya, mise mid cadow ah oo aad arrimahaygii gacanta u galisay, haddaadanse adigu ii caraysnayn u aabayeeli mayo, laakiinse iska cafintaada ayaa ii waasacnimo badan, waxaan magangalayaa nuurka wajigaaga ay mugdiyadu la iftiimeen, ayna ku islaaxdo arrin aduunyo iyo mid aakharaba in caradaadu igu soo dagto amase ciqaabkaagu igu bannaanaado, raalligalin tan ugu fiican adaa leh ilaa aad raalli noqoto, walaa xawla walaa quwata illaa bika)).

Fiiro Gaar ah

Ducadaan faa’iidooyinka laga kororsanayo waxaa kamid ah, in markii xeeladaha adduun isasoo xiraan meesha kaliya ee qofku u dacwoonayo ay tahay Allaha sababa iyo waxa ka dhashaba abuuray xagiisa, waana sidaas dhaqanka nabiyada Alle laga arkay, sidii nabi Yacquub (cs) yeelay, Nabigeenana (scw) aan halkaan kaga aragno.

In dalabka uu addoonka Alle u gudubsado kan sarreeyaa uu yahay cafinta Alle inuu helo, isla markaas haddii uu helo cafiska Alle waxa kale aysan dhib wayn ahayn, sidoo kale waxa ugu wayn ee uu qofku Alle ka magan galayo inay yihiin caradiisa iyo waxa ka dhalanaya oo cadaabkiisa ah.

In markii dhib ku soo gaaro xallintiisa meesha aad ka bilaabaysaa ay tahay raalligalinta Alle, sababtoo ah waxaa suurowda dhibkaani inuu yahay wax aad mutaysatay, marka in la doonayo inuu marka horaba qofku toobad soo celiyo.

In marka qofku Alle dalabkiisa hordhiganayo uu ku bilaabo qirashada tabar yaridiisa iyo baahida uu u qabo ku tiirsanaanta Allaha abuuray, islamarkaana inuu caddeeyo inuusan quwad iyo xeelad uusan Alle ka helin lahayn, lasoco qisadii.

Markii labadii nin ee beerta lahaa –oo reer Makko ahaa—ay arkeen dhibka Nabiga (scw) soo gaaray, naxariis qaraabo nimo ayaa xoogaa u qabatay, markaas ayey waxay u yeereen wiil addoon ah oo ay leeyihiin oo lagu magacaabo Cadaas, wuxuuna ahaa Nasraani, oo ku yiraahdeen: war laan miro leh oo Cinab ah qaad oo ninkaas u gee, markii hadaba uu Nabiga (scw) hortiisa dhigay ayuu Nabigu (scw) gacanta usoo taagay isagoo leh “bismillah” markaas ayuu cunay.

Wiilkii oo yaabban ayaa yiri: hadalkaas ummadda dhulalkaan ku nooli ma yiraahdaan, markaas ayuu Rasuulka (scw) yiri: adigu dhulkee ka timid? Diinteese haysataa, anigu Nasraani ayaan ahay waxaanna kasoo jeedaa magaalada “Naywaa”, ayuu yiri wiilkii. Rasuulka Alle (scw) ayaa markaas yiri: magaaladii ninka wanaagsan Yuunus Ibn Mataa!! Wiilkii oo yaabban ayaa yiri: oo maxaa ku ogaysiiyay Yuunus Ibn Mataa wax uu yahay? Rasuulka Alle (scw) ayaa yiri: ninkaasi walaalkay ayuu ahaa, nabi ayuu ahaa aniguna nabi ayaan ahay, Cadaas jilbaha ayuu inta dhulka ku dhuftay ayuu bilaabay inuu Nabiga (scw) madaxa, gacmaha iyo adimada ka dhunkanayo.

Caddaas wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyey magaalada Daa’if ku qaata Islaamka, waxaan aaggaas laga dhisay Masaajid wiilkaas loogu magac daray, masjidkaas oo ilaa hadda dhisan.

Labadii nin ee beerta lahaa ayaa midkood kan kale ku yiri: wiilkaagii wallee wuu kaa fasahaadiyay, markii Cadaas soo laabtay ayey waxay ku yiraahdeen: waryaa inkaar qabeyohow maxaad samaysay..? Markaas ayuu yiri: sayidoow wallaahay inuusan arladaan dusheeda joogin shay ka khayr badan ninkaan, wallee wuxuu ii sheegay arrin aan nabi mooyee cid kale aqoonin, markaas ayey ku yiraahdeen: waryaa Cadaasow, nacasyohow yuusan diintaada kaa leexin, diintaadaa tiisa ka khayr badane!!

Kadib markii uu Nabigu (scw) meeshaan ku nastay, wuxuu isaga laabtay wadada Makko aadda isagoo murugaysan oo aad u himmad jabsan, markuu marayay meesha lagu magacaabo “Qarnul Manaazil” ayaa waxaa Alle usoo diray Jibriil oo uu weheliyo Malaga buuraha u xilsaaran, isagoo Nabiga (scw) uga amar qaadanaya inuu reer Makko labada buurood ee dhinacyada ka xiga iskula dharbaaxo, hadaba dhacdadaan faahfaahinteeda Bukhaari ayaa kitaabkiisa saxiixa ah kusoo guuriyay, isagoo ka warinaya Caaisha inay tiri:

Waxaan ku iri Nabiga (scw) ma kusoo martay maalin kaaga shido badan maalintii Uxud..?

Markaas ayuu wuxuu yiri: inanyahay tolkaa dhib badan ayaan kasoo maray, waxaana iigu shido badnaa wixii aan kala kulmay maalintii jaahwareerka, markii aan naftayda u bandhigay ina Cabdiyaaliil Ibn Cabdikulaal, igamana uusan yeelin wixii aan ka doonayay markaas ayaan hortayda isaga dhaqaaqay inigoo jaahwareersan –murugaysan—hadaba maanan baraarugin anigoo Qarnul Thacaalib jooga un mooyee –waana halka lagu magacaabo Qarnul Manaazil—markaas ayaan madaxayga kor u qaaday mise daruurbaa iharaysay, dhexdeeda ayaan fiiriyay mise Jibriil ayaa ku jira oo ii yeeraya!!

Wuxuu yiri: Alle waa maqlay hadalkii tolkaa kugu yiri iyo wixii ay kuugu jawaabeen, wuxuuna kuu soo diray Malaga buuraha si aad ugu amarto wixiii aad jeceshay inuu ka sameeyo, markaas ayaa waxaa ii yeeray Malaga buuraha waana isalaamay, kadibna wuxuu yiri: Muxamedow arrintu waa sidaas, sidaad doonto, haddaad doonayso inaan labada buurood isugu dhufto waan yeelin (labada buuroodna waa buuraha Makko ee Abuqubays iyo kan kasoo horjeeda ee Qucayqicaan), Nabigu (scw) wuxuu yiri: ha yeelin, waxaan rajaynayaa in Alle (caza wajalla) uu dhabarkooda kasoo saaro cid Alle kaligii caabuda aan shay kalana la wadaajine.

Jawaabtaan uu Rasuulka Alle (scw) jeediyay waxaa ka dhex muuqanaya dulqaadkiisa iyo shakhsiyaddiisa mudnaanta badan ee sarreysa, sidoo kale akhlaaqdiisa wayn ee aan gunteeda hoose laga salgaari karin.

Dhacdadaan wayn kadib waxaa Nabiga (scw) ka feydmay murugadii oo qalbiga ayaa u qaboobay, gurmadkaan wayn ee xagga caalamka qaybka ah ka yimid ee Alle uga fidiyay todobada samo korkooda dartiis, markaas ayuu usii gudbay dhinaca Makko ilaa uu gaaray meesha lagu magacaabo “Waadii Nakhla” halkaas oo muddo maalmo ah ku nagaaday, inkasta oo aysan jirin cid si gaar u tilmaantay meeshii uu Nabigu (scw) baadiyahaan ka joogay, hadana waxaa jira waadiga Nakhla labo meelood oo ku habboon in lagu nagaado, doh geedo iyo biyo leh iyo batal bacaad wayn oo biyo leh, midkood unbaana loo malaynayaa inuu joogay.

Muddadii uu halkaas joogay waxaa Alle soo diray koox jinni ah oo qur’aanka dhagaystay islamarkiibana ku islaamay, waxaana qisadooda Alle ku sheegay labo meelood oo kitaabkiisa kamid ah, tan hore ay tahay suuradda Axqaaf ((Xasuuso markii aan kuusoo leexinnay koox jinni ah oo qur’aanka dhagaysanaya markii ay yimaadeen –meesha lagu akhrinayey—waxay yiraahdeen aamusa –dhagasyta—markii la dhameeyayna waxay u laabteen ciddoodii ayagoo u digaya:

Waxay yiraahdeen tolkayagoow annagu waxaan maqallay kitaab lasoo dajiyay Muuse kadib oo rumaynaya wixii ka horreeyay –ee kutub Alle ah—kuna hanuuninaya xaqa iyo wado toosan: tolkayagoow yeela daaciga Alle –khayr sheegaha—oo rumeeya wuxuu idiin dhaafayaa –Alle—dunuubtiina wuxuuna idinka magangalinayaa cadaab kulul)).

Sidoo kale suuradda Aljinni: ((Waxaad dhahdaa –rasuul Allow—waxaa la ii waxyooday inay dhagaysteen koox jinni ahi –qur’aanka—oo markaa yiraahdeen waxaan annagu dhagaysannay Qur’aan layaab badan: Wuxuu ku hanuuniyaa wanaagga marka waannu rumaynay lamana wadaajin doonno rabbigayo cidna)) ilaa shan iyo toban aayadood.

Hadaba marka la fiiriyo habka aayadahaani u socdaan, sidoo kale axaadiithta tafsiiraya dhacdadaan waxaa muuqanaya inaan Nabigu (scw) lasocon markii kooxdaan jinniga ahi korjoogeen, ee wuxuu ogaaday markii Alle ugu sheegay aayadahaan, sidoo kale in kulankaani ahaa markii ugu horreysay ee ay Nabiga (scw) la kulmeen, waxaase qisooyinku caddeeyeen inay marar kale wafdi ahaan ugu yimaadeen iyo inuu habayno tacliin baray.

Run ahaantii dhacdadaan lafteedu waxay ahayd gurmad kale oo Alle uga soo fidiyay kaydadkiisa qarsoon iyo jundigiisa aysan isaga mooyee cidkale aqoonin, marka la fiiriyo aayadaha dhacdadaan sharaxaadeeda kusoo dagay, waxaa ka muuqanaya bishaaro kale oo ah inaan quwad kasta oo quwadaha dunidaan ka jira ah inkastoo ay xoog waynaato aysan dacwadaan ka horjoogsan karin inay guulaysato, sida halka laga yiri: ciddii aan ajiibin daaciga Alle inuusan arladaan gudaheeda Alle ku caajis galin karini waa daliil cad in quwadda dulmiga ku dhisan ee qureysheed aysan sii dhisnaan doonin, sidoo kale in aysan heli doonin cid uga gargaarta Alle hadduu halaag la doono.

Bishaarooyinkaani markii ay iska daba yimaadeen ayaa Rasuulka (scw) ay ka dulqaadmeen dhamaan daruurihii himmad jabka, murugada iyo quusta ee ku habsaday laga soo bilaabo markii Daaif laga soo saaray isagoo la cayrinayo oo la dagaalay, wuxuu marka go’aansaday inuu Makko ku laabto, inuu dib u bilaabo khiddadiisii hore ee ku salaysnayd bandhigidda Islaamka iyo gudbinta farriinta Alle ee waaraysa si firfircooni iyo xammaasad hor lihi ku jirto.

Markaas ayaa Zayd Ibn Xaaritha oo yaabbani ku yiri: Rasuulka Allow sidee ugu galaysaa ayagoo kusoo saaray –Qureysh ayuu uga jeedaaye—markaa ayuu Nabigu (scw) yiri: Zaydoow waxaan aad arkayso Alle faraj buu u furi doonaa iyo meel looga boxo, Allana waa u gargaari doonaa diintiisa waana guulaysiin doonaa nabigiisa.

Sidaa darteed Nabigu (scw) socodkiisii ayuu hore u xariiriyay ilaa uu u dhawaaday Makko, wuxuu marka ku nagaaday Xiraa, halkaas oo uu nin u dhashay qabiilada Khuzaaca u diray Akhnas Ibn Shariiq inuu magangalintiisa kusoo galo Makko, Akhnas wuxuu yiri: anigu xulafo ayaan ahay –qureysh uma dhalan—xulafaduna cid magangalyo masiiso, markaas ayuu u cid diray Suhayl Ibn Camar ujeeddadii hore oo kale, isaguna wuxuu yiri: laftayda Banii Caarim ma magangaliso Banii Kacab Ibn Lu’ayi –qabiilka nabiga—markaas ayuu u cid diray Mudcim Ibn Cadiyi, markaas ayuu Mudcid yiri: haa anigaa leh, kadibna waa is hubeeyay, oo wiilashiisa u yeeray iyo tolkiisa kuna yiri: qalabkiina qaata oo Kacbada hareeraheeda is gamaamada Muxamedbaan magangaliyaye,

Markaas ayuu Nabiga (scw) u cid diray isagoo leh soo gal, markaas ayuu Nabiga Alle (scw) soo galay isagoo uu Zayd la socdo ilaa uu soo galay masjidka Xaramka, markaas ayuu Mudcim Ibn Cadiyi hashiisa korkeeda istaagay oo cod dheer ku dhawaaqay isagoo leh: bulsho waynta qureysheey Muxamed ayaan magangalyo siiyay, yuusan qof idinka mid ahi waxyeello u gaysan, Rasuulkuna (scw) rugniga dhagaxa madow ayuu salaamay oo labo rakcadood tukaday kadibna gurigiisa ayuu u baqoolay Mudcim iyo wiilashiisiina waa ku hareeraysan yihiin ilaa uu gurigiisa galay.

Waxaana la sheegay inuu Abujahal markii Mudcim hadlayay yiri: ma magangalyo bixiye ayaad tahay mise mid raacay oo muslimay? Mudcim: magangalyo bixiye unbaan ahay, markaas ayuu yiri: magan galinnay ciddii aad magangalisay, sikasta arrintu ha ahaatee, Nabigu (cw) waa u aqoonsaday Mudcim ficilkaan quruxda badan ee uu kusoo dhaweeyay, sidaa darteed markii maxaabiistii Badar la hordhoobay ayuu yiri: hadduu Mudcim Ibn Cadiyi noolaan lahaa kadibna uu igala hadli lahaa kuwaan qashinka ah waan u siidayn lahaa.

Islamka oo Loo Bandhigayo
Qabiilooyinka Iyo Shakhsiyaadka

Bisha dulqicda sannadka tobnaad ee nabinnimada –oo ku beegan dhamaadka bisha Jun amase bilowga July sannadka 619 ciise dabadi ayuu Rasuulka Alle (scw) kusoo laabtay magaalada Makko si uu dib ugu bilaabo u bandhigiddii Islaamka ee qabiilooyinka iyo shakhsiyaadkaba, sida la ogsoon yahayna marka la gaaro wareegtada Xajjka ayey dadku ayagoo habqan ah oo gaadiidkooda saaran Makko jaho walba oo fog kaga imaan jireen, si ay u gutaan waajiba Xajjka, oo ay ku guda wataan dano kale oo badan sida suuq gayn iyo xus Alle intaba, Nabiguna (scw) fursaddaan qaaliga ah ayuu dacwadiisa uga faa’iidaystay, markaas ayuu wuxuu ula kulmay qabiilo qabiilo, isagoo Islamka u bandhigaya, sidaas ayuuna yeeli jiray lagasoo bilaabo sannadkii afraad ee nabinimada.

Qabiilooyinkii
Islamka Loo Bandhigay

Imamu Zuhri wuxuu yiri: waxaana nalooga magacaabay qabiilooyinkaan uu Rasuulka Alle (scw) u tagay oo Islaamka ugu yeeray oo waliba ugu yeeray inay laf ahaantiisa ilaaliyaan oo dhulkoodii uu u raaco, Banu Caamir Ibn Sacsaca, Muxaarib Ibn Khafsa, fazaara, Ghasaan, Murra, Xaniifa, Sulaym, Cabas, Banu Nasar, Banul Bukaa, Kinda, Kalab, Xaarith Ibn Kacab, Cudra iyo Alkhasaarima kulligoodna hal mid ahi kama aqbalin.

Hadaba qabiilooyinkaan uu Imamu Zuhri magacaabay u bandhigiddooda Islaamku ma ahayn hal mar ah, sidoo kale ma ahayn hal wareegto oo Xajj gudaheed, ee waxay ahayd muddada u dhaxaysa sannadka afraad ilaa xajjkii ugu dambeeyay ee Hijrada ka horreeyay, tan kale ma suuroobi karto in si gaar ah farta loogu fiiqo xilli gaar ah oo uu qabiilo khaas ah la kulmay, inkastoo taariikh yahanka wayn Almansuurifowri uu qaarkood ku xadeeyay in sannadkii tobnaad Islaamka loo bandhigay, Ibn Isxaaq oo soo guuriyay habkii qabiilooyinkaan qaarkood Islamka loogu bandhigay iyo sidii qaarkood u jawaabeenna waakan looxii ayadoo aan soo koobnay.

Banu Kalab

Nabiga (scw) ayaa la kulmay laf kamid ah oo lagu magacaabo Banu Cabdillah, markaas ayuu Islaamka ugu yeeray, oo naftiisa u bandhigay –inay ilaaliyaan—ilaa uu kaga yiri: war reer Bani Cabdullahow Alle magaca aabihiin waa wanaajiyay, hasayeeshee maysan aqbalin dhamaan wixii uu ugu yeeray ama u bandhigay.

Banu Xaniifa

Wuxuu kula kulmay meeshii ay dageen, markaas ayuu Islaamka iyo jidka Alle ugu yeeray, nasiib darradooda ma jirin qabiil carbeed oo ka jawaab ku foolxumaa iyaga.

Bani Caamir Ibn Sacsaca

Nabiga (scw) ayaa u tagay, halkaas oo uu Islaamka iyo jidka Alle ugu yeeray, sidoo kale uu naftiisa u bandhigay, markaas nin kamid ah oo lagu magacaabo Buxayra Ibn Firaas ayaa yiri: wallaahay haddii aan barbaarkaan qureysheed qaato –madax ka dhigto—Carab waan ku liqi lahaa, markaas ayuu yiri: ka warran haddii aan amarkaaga u hoggaansanno oo ballan kugula gallo, kadibna Alle guusha kaa siiyo ciddii ku khilaafta annagu xukunka ma yeelanaynaa adiga gadaashaa..?

Markaas ayuu Nabigu (scw) yiri: Xukunka Alle ayaa iska leh isagaana halkii uu doono dhigaya, markaas ayuu yiri: oo ma dhuuntayadaan cadowga carbeed u bannaynaynaa adiga difaacaaga, markii Alle guusha adiga ku siiyana talada cid aan annaga ahayn ayaa iska leh, wax dana kama lihi, waxa aad wadato!! Wixii uu doonayayna waa ku diideen.

Hasayeeshee markii qabiiladaani dhulkoodii ku laabteen, waxay arrintaan uga sheekeeyeen oday duq ah oo aan isagu Xajjka sannadkaas imaan gabowgiisa dartiis, oo waxay ku yiraahdeen: waxaa noo yimid nin dhallinyaro ah oo Qureysh ah, Bani Cabdilmudalib ka dhashay, oo sheeganaya inuu nabi yahay, nooguna yeeray inaan difaacno, aannu la jirsanno iyo inaan dhulkayaga usoo kaxaysanno, odaygii madaxa ayuu gacmaha saaray oo qayliyay isagoo leh:

Bani Caamiroow alla khasaara tan ka wayn manna soo maray? alla baalasheedu qabasho ma leeyihiin? Allaha naftaydu gacanta ugu jirtaan ku dhaartaye inuusan nin banii Ismaaciil ahi waligiis iska sheegan, waana xaq –nabinimadaasi—ee xaggee caqligiinu idinka aaday.

Kinda Iyo Bakar Ibn Waail

Kinda markii uu Nabigu (scw) la kulmay oo Islaamka ugu yeeray nin kamid ah oo lagu magacaabo Ajlax ayaa yiri: haddii aanu ku raacno oo aad guulaysato annagu xukunka ma leennahay kadib markaad dhimato, markaas ayuu Nabigu (scw) yiri: xukunka Alle ayaa leh meeshuu doono ayuuna dhigayaa, markaas ayuu yiri:

Dooni mayno hadaba amarkaaga, sidoo kale wuxuu la kulmay qabiilada Bakar Ibn Waail, markaas ayuu Islaamka u bandhigay sidoo kale uu ugu yeeray inay difaacaan si uu Alle waxa uu doonayo dadka uga gaarsiiyo, markaas ayey yiraahdeen: Furus ayaan la dagnaayoo waxba ma magangalinno iyaguna siday doonaan ayey noo maamushaanoo iskama difaaci karno, markaas ayuu yiri: ma doonaysaan in mulkigooda Alle idinka idiin soo wareejiyo, hasayeeshee halkaas markay u maraysay waxaa qayliyay Abullahab oo daba joogay.

Mu’miniin Aan Makko U Dhalan

Sidii uu Rasuulku (scw) qabiilooyinka iyo wafdiyadaba Islaamka ugu bandhigay, wuxuu u bandhigay qof qof iyo shakhsiyaad, waxaana qaarkood kasoo yeeray jawaabo wanaagsan, waxaana rumeeyay rag dhawr ah Xajjkaan kadib, waana kuwaan magacyada intii la sheegay.

Suwayd Ibn Saamit

Wuxuuna ahaa nin gabyaa ah oo caqli badni lagu tilmaamo oo reer madiino ah, tolkiis waxay ku magacaabi jireen Kaamil –dhamaystirane— xoog waynaantiisa, gabaygiisa, sharaftiisa iyo nasab wanaagiisa awgood, ujeeddadii uu Makko u yimid oo Xajj ama Cumro ahayd markii uu dhamaystay, ayuu Nabigu (scw) la kulmay oo Islaamka ugu yeeray, markaas ayuu wuxuu yiri: malaha waxa aad siddaayi waxaa suurowda inay lamid yihiin waxa aan sido oo kale, markaas ayuu Nabigu (scw) yiri: oo maxay yihiin waxa aad adigu siddo, wuxuu yiri: xigmaddii Luqmaan!!

Markaas ayuu Nabigu (scw) yiri: igu dul akhri –iimari—isagiina waa ku dul akhriyay, Rasuulka Alle (scw) wuxuu yiri: hadalkaani waa hadal wanaagsan hasayeeshee kan anigu aan sido ayaa ka khayr badan –ka fadli badan—waana Qur’aan Alle igusoo dajiyay, waa hanuun iyo nuur, islamarkiina Rasuulku (scw) Qur’aanka ayuu ku dul akhriyay, Islaamka ayuuna ugu yeeray, isna waa islaamay oo yiri: hadalkaani waa hadal wanaagsan, markii uu Madiino ku laabtay wax yarba masii noolayn in lagu dilay dagaalkii Bucaath (2) islaamnimadiisuna waxay ku beegan tahay bilowga sannadka kow iyo tobnaad ee nabinimada.

Iyaas Ibn Mucaad

Wuxuuna ahaa wiil dhallinyaro ah oo isaguna reer Madiino ah, wuxuu la socday wafdi u dhashay qabiilka Ows oo Makko u yimid inay isbahaysi iyo hiil ka helaan Qureysh ay uga hiillinayaan qabiilka kale ee ay walaalaha yihiin ee Khazraj, xilligaasina waa waxyar un kahor intuusan qarxin dagaalka Bucaath bilowga sannadka kow iyo tobnaad ee nabinimadda, markaas oo ololka cadaawadda ee labada qabiilo dhexyaalla uu hawada ku aloosnaa, durbaanka colaaddana la tumayay deegaanka Madiino iyo nawaaxigeeda,

Qabiilada Owsna sida la ogsoon yahay way ka tiro yaraayen qabiilka kale ee Khazraj, markii hadaba Rasuulka Alle (scw) ogaaday soo galitaankooda ayuu u tagay oo la fariistay kuna yiri: war ma u baahan tihiin wax iidinka khayr badan waxa aad u timaadeen? Markaas ayey yiraahdeen oo maxay yihiin waxaasi? Markaas ayuu yiri: waxaan ahay anigu Rasuulkii Alle, Alle ayaa addoomadiisa ii soo diray anigoo ugu yeeraya inay Alle caabudaan aysanna la wadaajin cid kale, wuxuuna igusoo dajiyay kitaabkii,

Kadibna wuxuu u sharaxay Islaamka kuna dul akhriyay Qur’aanka, hadaba Iyaas Ibn Mucaad ayaa yiri: war nimanyohow waxaanaa wallaahay ka khayr badan waxa aad u timaadeen, marka Abulxasiir Anas Ibn Raafic –nin wafdiga kamid ahaa—ayaa xantoobo ciidda dixda ah qaatay oo Iyaas wajiga kaga sayriyay oo yiri: bax nagala tag waxa aad ku hadlaysid, igu cimrigaygee wallee arrin kan aan ahayn ayaannu u nimide, markaas ayuu Iyaas iska aamusay, Rasuulka Allana (scw) waa kacay, wafdigaasina Madiino ayey isaga laabteen ayagoo aan ku guulaysan inay axdi beeleed isbahaysi ah ka helaan Qureysh.

Kadib markii ay Madiino ku laabteen Iyaas waqti dheer masii noolaan inuu islamarkiiba geeriyooday, waxaana la sheegay inuu ashahaadanayay oo Allahu akbar sanayay oo xamdi naqayay oo tasbiixsanayay markii naftu ka dhacaysay, sidaa darteed kama aysan shakisanayn inuu dhintay isagoo muslim ah.

Abu-Darri Al-Qifaari

Isaguna wuxuu ahaa dadka ku nool deegaanka Madiino ku xeeran, markii hadaba warka soo bixidda Nabiga (scw) ay Madiina gaarsiiyeen raggii Suwayd Ibn Saamit iyo Iyaas Ibn Mucaad lahaa, ayuu warkaani Abudarrina dhagihiisa ku duulay oo uu maqlay, arrintaan ayaana sabab u ahayd islamnimadiisa.

Imamu Bukhaari ayaana qisadaan Ibn Cabbaas ka wariyay inuu maqlay Abudarri oo leh: waxaan ahaa nin u dhashay qabiilada qifaar, waxaana nasoo gaartay in uu nin Makko kasoo baxay sheeganaya inuu nabi yahay, markaas ayaan walaalkay ku iri: ninyohow tag oo ninkaas la kulan oo la hadal, warbixintiisana iikeen, marka wuu tagay waana la kulmay kadibna waa soo laabtay, markaas ayaan iri: ka warran arrintii aan kuu diray,

Markaas ayuu yiri: wallaahay waxaan arkay nin khayrka amraya sharkana reebaya, markaas ayaan ku iri: igama aadan daawayn warka –ima aadan deeqsiin—waxaan hadaba qaatay dambiil iyo bakoorad kadibna waxaan u sadcaalay Makko, ma aananse aqoon –Nabiga—waxaanna dhibsanayay inaan cid waydiiyo –cabsi darteed—waxaan iska cabbi jiray biyaha Zamzamka waxaanna iska joogi jiray masjidka, marka waxaa isoo maray Cali oo yiri: ninku nin socoto ah ayuu iila egyahay? Saanne haa, markaas ayuu yiri: ina keen gurigaygii iiraac, marka waan raacay isagoo aan waxba iwaydiinayn aniguna aanan waxba waydiinayn una warramayn,

Markii aan waabariistay ayaan Masjidka kusoo kallahay, si aan dadka u waydiiyo –Nabiga—wax akhbaar ah oo ku saabsan cid iisheegaysaana ma jirto, ilaa Cali isoo maray oo markaas yiri: miyuusan ninku wali gurigiisa magaalada ka baran? Saanne maya, suuye ina keen, markaas ayuu Cali yiri: ninyohow maxaa xaalkaagu ahaa, oo maxaad magaaladaan u timid? Saanne haddaad ii qarinaysid waan kuu waramayaa, markaas ayuu yiri: waan yeelayaa, waxaan iri: ninyohow waxaa nasoo gaartay in magaaladaan uu kasoo baxay nin sheeganaya inuu nabi Alle yahay, marka walaalkay ayaan soo diray inuu la hadlo, wuuna igusoo laabtay isagoo aan warka ideeqsiin, marka waxaan goostay inaan anigu la kulmo.

Makaas ayuu Cali yiri: war waa lagu toosiyaye anigaa hadda u jeeda –usocda—meeshii aan galo igasoo daba gal, haddii aan arko cid aan kaaga cabsado darbibaan istaagayaa sidii nin kabaha hagaagsanaya ee adugu iska gudub, marka waa dhaqaaqay aniguna waan daba socday ilaa uu –guri—galay aniguna waan ula soo galay Nabiga Alle (scw) markaas ayaan ku iri: Islaamka ii bandhig, waana ii bandhigay islamarkiiba meeshaydii ayaan ku islaamay, markaas ayuu igu yiri: (Nabigu scw) Abadarriyoow arrinkaan qarso, kuna laabo dhulkaagii markii aad maqasho inaan meel kasoo shaac baxnay soo dhaqaaq,

Markaas ayaan waxaan iri: Allihii xaqa kula soo diray ayaan ku dhaartaye dhexdooda ayaan kaga qaylinayaa –shahaadada—masjidka ayaan imid oo Qureysh ka buuxdo, markaas waxaan iri: bulshada Qureysheey, anigu (Ashhaddu Allaa ilaaha Illaa Allaahu Wa Ashhaddu anna Muxamadan Cabduhu warasuuluh) shahaadada xaqa ah ayaan ku dhawaaqay, waxay yiraahdeen: u istaaga saabi’aan –kalimad lagu oran jiray qofka gaalooba—garaaca, marka waa la igaraacay ilaa aan geeri qarkeed istaagay,

Waxaa igasoo gaaray Cabbaas oo igu dul fariistay isagoo ku leh: war hoogee ma waxaad dilaysaan nin qifaar u dhashay, hantidiina iyo waddadiinuba ay dhexmarto, markaas ayey iga rogmadeen, subixii dambe markaan waabariistay ayaan soo laabtay oo waxaan ku dhawaaqay sidii aan shalay sameeyay, markaas ayey yiraahdeen: u istaaga saabi’aan islamarkaana sidii shalay oo kale ayaa la iigaraacay, waxaana igasoo gaaray Cabbaas oo igu dul hagoogtay isagoo ku celinaya oraahdiisii shalay oo kale.

Dufayl Ibn Camar Ad-Dowsi

Dufayl waa nin magac wayn oo ehlu sharaf ah, sidoo kale gabyaa caqli badan ah, waxaana intaa usii dheeraa inuu ahaa kaabba qabiilka ciddiisa, waxayna qabiiladiisu lahaayeen dawlad yar ama ismaamul goboleed ay ka asaaseen nawaaxiga yamaneed meel kamida.

Makko ayuu yimid sannadka kow iyo tobnaad ee nabinnimada, hadaba intuusan magaalada soo gaarin ayaa waxaa ka hortagay madaxdii, maalqabeennadii iyo mudanayaashii magaalada, waxayna kusoo dhaweeyeen qadarin iyo salaam madaxeed tan ugu qaalisan ayagoo u raaciyay: Dufayloow dhulkayaga ayaad marti noogu tahay, ninkaan dhexyada joogaana –Nabiga scw—waa na jaahwareeriyay oo mushkiladdiisa waannu saari waynay, wuxuu kala firdhiyay isku duubnidayadii, wuxuuna kala tuuray taladayadii, hadalkiisuna waa uun sixir, wuxuu ku kala fogaynayaa ninka iyo aabihiis, ninka iyo walaalkiis, ninka iyo haweenaydiisa, waxaanuna kaaga cabsanaynaa adiga iyo tolkaagaba balaayada annaga nagu habsatay ee halla hadlin wax alla abuurtayna haka dhagaysan.

Dufayl wuxuu yiri: wallaahay inaysan odayaashii iga faaruqin ilaa aan go’aansaday inaanan hal eray ka maqal aananna la hadlin ilaa aan dhagaha suuf ku gufaystay markii aan Masjidka usoo kallahayay, cabsi aan ka qabo in hadalkiisa wax uun kamid ahi igu soo duulaan, markii aan hadaba Masjidka kusoo kallahay, waxaan la kulmay isagii oo taagan oo tukanaya marka meel u dhow ayaan istaagay, inkastoo aan dhagaha gufaystay Alle waa diiday inaan hadalkiisa wax ka maqlo mooyee, waxaanan maqlay hadal wanaagsan.

Markaas ayaan waxaan naftayda ku leeyahay alla hooyaday iwaydaye wallaahay anigu nin caqli badan oo gabyaa ah ayaan ahay, wannaaguna wax xun igagama qarsoomi karo, maxaa hadaba ii diiddan inaan ka dhagaysto ninkaan waxa uu leeyahay, haddii uu  wanaag yahay waan qaadan haddii uu xumaan yahayna waa tuurine, markaas ayaan meeshii fariistay ilaa uu gurigiisa aaday, anna waan raacay ilaa uu gurigiisa galay anna waan kasoo daba galay, markaas ayaan uga warramay qisada aan la kulmay iyo sida la iiga cabsi galiyay iyo suufkii aan dhagaha ku gufaystay kadibna hadalkii yaraa ee aan ka maqlay,

Kadibna waxaan ka codsaday inuu arrimihiisa ii bandhigo, markaas ayuu Nabigu (scw) Islaamka sharaxay oo Qur’aanka igu dul akhriyay, wallaahay inaanan waligay maqal hadal ka wanaagsan, waligay inaanan arag arrin ka caadilsan, islamarkiiba waan islaamay, waxaanna ku dhawaaqay shahaadada xaqa ah waxaanna iri: Rasuulka Allow waxaan ahay nin tolkiisu wax ka maqlaan, waanna ku laabanayaa, Islaamka ayaanna ugu yeerayaa, ee Alle iiga bari inuu iisameeyo mucjiso ila socota oo ay igu rumaystaan, markaas ayuu iigu duceeyay.

Calaamaddiina waxaa Alle ka dhigay, markii uu qoomkiisii usoo dhawaaday ayaa wajigiisa nuur ka ifay faynuusta oo kale ah, markaas ayuu wuxuu yiri: Alloow meel aan wajiga ahayn iiga dhig waxaan ka cabsanayaa inay yiraahdaan “waa la dhalandooriyaye” markaas ayaa nuurkii u wareegay suunkiisa, ugu horreyntiiba aabihiis iyo marwadiisa ayuu Islaamka ugu yeeray wayna islaameen.

Hasayeeshee qabiilka intiisii kale waa ka daaheen Islaamka isna dacwada kama joojin ilaa uusoo hijrooday sannadka afraad ee Hijrada isaga oo ay la socdaan siddeetan ama todobaatan qoys oo tolkiis muslimiina ah, wanaag badan ayaana Alle ka muujiyay Islaamka dhexdiisa, wuxuuna shahiiday maalintii duulaankii Yamaama (beertii geerida) isagoo Alle dartii u diriraya, waxaana dacwada Dufayl miraheeda in aad ogaato kaaga filan inuu Abuhurayre ku islaamay.

Dimaad Al Azdi

Dimaad wuxuu u dhashay qabiilada Azdi shanuu’a ee reer yamaneedka ah, wuxuuna dadka kaga tufi jiray –ka daawayn jiray—cudurka dabaysha ama rooxaanaha, markii uu hadaba Makko soo galay wuxuu maqlay qaballuusyadeeda oo ku sheekaynaya Muxamed waa waalan yahay, markaas ayuu wuxuu yiri: haddii aan ninkaan u tago waxaa suurowda in Alle gacmahayga ku daaweeyo, ujeeddadaas ayuu Nabiga (scw) ula kulmay wuxuuna yiri: Muxamedoow anigu dabaysha ayaan daaweeyaaye wax dan ah maka leedahay inaan kugu akhriyo, Rasuulka Alle (scw) ayaa wuxuu akhriyay khudbada xaajada: Innal xamda lillah naxmuduhu wanastaciinuhu: ilaa dhamaadka.

Mahad idilkeed Alle ayey u sugan tahay, annagoo ku mahadinayna kuna gargaar waydiisanayna, ciddii uu hanuuniyo Alle wax dhumiya ma leh, ciddii uu dhumiyaana wax hanuunsha ma leh, waxaanna qirayaa Alle mooyee ilaah kale –oo xaq lagu caabudo—inuusan jirin waxaan kaloo qirayaa in Muxamed yahay addoonkiisii iyo rasuulkiisii, intaa kadib.

Ninkii oo yaabban ayaa yiri: iigusoo celi ereyadaadaas, Rasuulka Alle ayaa saddex goor ugu celceliyay, markaas ayuu wuxuu yiri: wallee waxaan maqlay hadalka Kahanada, hadalka sixirrooleyaasha iyo kan gabyaagaba, waligay erayadaadaas oo kale maanan maqal, wallee waxay gaareen badaha guudkooda, fidi gacantaada aan Islaamka ballan kugula galee, halkaas ayuuna Dimaad ku islaamay ballan qaadna Nabiga (scw) kula galay.

Lix Nafood oo Udgoon
oo Reer Madiino ah

Wareegtadii Xajjka sannadka kow iyo tobnaad ee nabinnimada oo ku aaddan July 620 ciise dabadi, waxay heshay dacwada Islamku unug wanaagsan oo durba isku baddalay geedo hadoodil ah oo hooskooda haraca ah ay muslimiintu kaga gabadeen hongorraha dulmiga iyo xadgudubka islawaynayaasha sannado dheraran.

Waxaa hadaba xigmadda Nabiga (scw) kamid ahaa uu kala hortagayo beeninta iyo horjoogsida xaqa ee ay reer Makko ku hayaan, inuu boxo mugdiga habaynku markii uu isgalo oo ku wareego meelaha qabiilooyinku dageen, si aan qof mushrikiinta Makko kamid ahi uga horjoogsan hadafkiisaan.

Habayn dayax leh ayuu Nabigu (scw) baxay isaga oo ay socodkiisa ku weheliyaan Abubakar iyo Cali, wuxuuna soo maray meelaha ay dageen qabiilooyinka Duhal iyo Shaybaan Ibn Thaclaba, wuxuuna kala hadlay Islaamka, sidoo kale waxaa Abubakar iyo nin kamid ah lafta Rabiica dhexmaray su’aalo iyo jawaabo la yaab leh, lafta Banu shaybaan jawaabahoodu rajo ayey lahaayeen, hasayeeshee waxay ka istaageen galidda Islaamka, kadibna wuxuu Nabigu (scw) soo maray karinta Mina, halkaas oo uu maqlay rag sheekaysanaya hadalkood, markaas ayuu aaday oo gaaray, waxayna ahaayeen lix nin oo dhallinyarada Madiino ah kulligoodna u dhashay lafta Khazraj, waxayna kala yihiin.

  1. Ascad Ibn Zuraara                                            Lafta Bani Najaar
  2. Cowf Ibn Xaarith Ibn Rifaaca, Ibn Cafraa         Lafta Bani Najaar
  3. Rifaaca Ibn Maalik Ibn Cajlaan                         Lafta Bani Zureyq
  4. Qibda Ibn Caamir Ibn Xadiida                          Lafta Bani Salima
  5. Cuqbata Ibn Caamir Ibn Naabii                        Lafta Bani Xaraam
  6. Jaabir Ibn Cabdillahi Ibn Ri’aab                        Lafta Bani Cubayd

Nasiib wanaagga reer Madiino dadka la dheeryihiin waxaa kamid ahaa inay ka maqli jireen qabiilooyinka ay iskaashatada yihiin ee Yuhuudda in la gaaray xilligii uusoo bixi lahaa nabi nabiyada Alle kamid ah, ayna oran jireen intaannu raacno ayaannu idin gumaadi doonnaa sidii loo gumaaday reer Caad iyo Iram.

Markii uu Nabigu (sw) soo gaaray nimankii ayuu yiri: yaad tihiin nimanyohow, markaas ayey dheheen: koox Khazraj ah, ma xulafadii Yuhuudda ayaad tihiin ayuu yiri, markaas ayey yiraahdeen: haa markaas ayuu yiri: wax yar maad ii fariisataan aan idinla hadlee? Say yiraahdeen haye wayna la fariisteen, markaas ayuu Nabigu (scw) u sharraxay xaqiiqada Islaamka iyo dacwadiisa, wuxuuna ugu yeeray xagga Alle, qur’aanna waa ku dul akhriyay, markaas ayey waxay isku yiraahdeen, wallaahay wax xasuusta nimanyohow, waa nabigii Yuhuuddu idiinku gooddin jireene yaysan idiinka hormarin, u dagdaga rumaynta dacwadiisa, islamarkiibana way islaameen.

Raggaani hadaba waxay ahaayeen indheer garadka Madiino, magaaladaas oo ay aafaysay dagaallo sokeeyo oo ku raad qoyan, horena u naafeeyay quruumo badan, walina ololkeedii uu qaxmayo, waxay rajeeyeen in dacwada nabigaan Alle sabab uga dhigo joojinta dagaalka iyo hubkoo la dhigo, waxay hadaba yiraahdeen: waxaannu kasoo tagnay tolkayo mana jiro qolo ay dhex taallo waxa Alle dhex dhigay oo isnacayb iyo shar ah, waxaana suurowda in Alle kugu mideeyo, oo aad noosoo wareegto, waxaanuna ugu yeeraynaa arrinkaagaan, waxaanna u bandhigaynaa wixii aan kaa yeellay ee diintaan ah, haddii adiga dartaa Alle ku mideeyana ma jiri doono nin kaa xurmo wayn.

Markii ay raggaani Madiino ku laabteen, waxay sii qaadeen farriintii Islaamka oo dadka ugu yeereen ilaa aysan jirin guri guryaha Madiino kamid ah oo uusan hadalhaynta Islaamku galin, guri walbana Nabiga (scw) warkiisa ayaa yaal.

Guurkii Caaisha

(Ilaahay raali haka noqdee)

Bisha Shawaal sannadkii kow iyo tobnaad ee nabinnimada, wuxuu Rasuulka Alle (scw) guursaday Caaisha siddiiqadda wayn Alle haka raalli noqdee, waxaa hadaba lagu meheriyay iyadoo lix jir ah, wuxuuna ku dhistay Madiino saddex sano kadib sannadka koowaad ee Hijriyada iyadoo sagaal jir ah, mana jiro wax caruur ah oo Caaisho Nabiga (scw) u dhashay.

Soo jeedinta guurkaan waxaa ka shaqeeyey gabadha lagu magacaabo Khowla Bint Xakiim oo u kala dabqaaday labada dhinac, sida la ogsoon yahayna Caaisha waxay u doonnanayd Jubayr Ibn Mudcim, markii arrintaan Abubkar loo sheegay in Nabigu (scw) hadal hayo gabadhiisa ayuu aaday Mudcim Ibn Cadiyi oo lasoo hadal qaaday arrinta gabadha ee uu wiilkiisa u doonay, odaygii Mudcim haweenaydiisa ayuu inta eegay yiri:

Maxaad arrintaan ka leedahay gabareey, sayte inta Abubakar soo eegtay: waxaa suurowda haddaan wiilkayaga gabadhaada u guurinno inaad naga duufsato oo diintaada galiso!! Abubakar intuu Mudcim soo eegay ayuu yiri: adiguna maxaad leedahay? Markaasuu yiri: waad maqlaysaa marwadaydu waxa ay ku leedahay.

Abubakar wuxuu yiri: markaas ayaan istaagay anigoo aan ballantaas waxba niyaddayda kaga harin.

  1. Tixaha waxaa mariyay Abdirisaq Musanaf
  2. Duulaanka Bucaath, wuxuu ka dhex dhacay labada qabiilo ee walaalaha ah ee Ows iyo Khazrah, dagaallada labadaan qabiilo ka dhexeeya, oo ummadaha dariska la ahi ay hurin jireen waxay socdeen muddo dheer, waxaa hadaba ugu dambeeyay dagaalkaas Bucaath oo khasaare aad u ballaarani kasoo gaaray labada dhinacba, sidoo kale ay ku dhamaadeen dhamaan odayaashii iyo hoggaamiyeyaashii dagaalka, arrintaan oo noqotay fursad xagga ku faafidda Islamka.