Silsiladda
Taariikhda Islaamka

Qaybta | 11aad

Siira:  Taxanaha Taariikhda Islaamka
oo ka Kooban 12 Qeybood.
Qore: Sheekh Cabdirisaaq
Macalin Abshir (Musanif)

Decorative Lines

Qaybtani waxay ka kooban tahay:

  • Mucjisooyin Dhacay Muddadaan Dhexdeeda
  • Kala Dhanballiddii Dayaxa
  • Sannadihii Abaarta
  • Annagaa Kaaga Filan Jeesjeesayaasha
  • Dhacdadii Lagdanka
  • Dhacdadii Israaga Iyo Micraajka (dheelmiddii iyo sare u qaadiddii Nabiga)
  • Axdi diineedkii Caqaba ee koowaad (Baycadii Caqabah)
  • Safiirkii Islamka ee ugu horreeyay Madiino
  • Muscab Waa Nin Sidee Ah
  • Guul Lagu Farxo

Mucjisooyin Dhacay
Muddadaan Dhexdeeda

Sida la ogsoon yahay Rasuulka Alle (scw) wuxuu ahaa shakhsi mucjisooyin badan laga arkay, mucjisooyinkaan oo kulligood ka baxsanaa kana sarreeyay heerka awoodda garashada aadanuhu gaarsiisan tahay, mucjisooyinkaan oo noloshiisa dhamaanteed la saaxiibay, waxay isugu jireen dhacdooyin ficilkiisa laga arkay,

Akhbaaro uu kaga warramay mustaqbalka amase waxyaalaha qarsoon oo sidii uu u sheegay loo arkayay sidoo kale ducadiisa, maryihiisa, taabashadiisa, kabahisiisa iyo dhamaan waxkasta oo isaga ku saabsan oo lagala kulmay mucjisooyin caqliga ka baxsan sida in lagu daaweeyo cudurrada laga caalwaayay amase kuwa aan daawada lahayn iyo dhacdooyinka laga arkay makhluuqaadka Alle oo u hoggaansamaya Nabiga (scw) amarkiisa.

Ayadoo hadaba ay jiraan kitaabo waawayn oo lagu aruuriyay mucjisooyinkaan waxaa la sheegay in Alle mucjisooyinkaan uu Nabigiisa (scw) uga muujiyay si ay dadka ugu caddaato xaqnimada Nabiga (scw) iyo xaqa uu la yimid kadib markii la tusiyo xujo qudrada aadanaha iyo garashadiisaba ka baxsan islamarkaana ay u garwaaqsadaan uguna kalsoonaadaan, taas lafteeduna waa ujeeddadii ushii Muuse iyo hashii Saalix (cs) laga lahaa.

Waxyaalaha ficilkiisa laga arkay oo aad u badnaa waxaa kamid ahaa in biyuhu farihiisa ka shubmaan oo ay ummadda oo dhan deeqaan, in cunnada hal qof loogu talagalayi markii uu taabto ay boqollaal amase kun dad kor u dhaafay deeqdo oo waliba aysan dhamaanayn, in awooddiisa xagga qof ahaaneed uu sameeyo waxyaalo aan qof caadi ahi samayn karin sida dhagaxii laga quustay in la jabiyo inuu hal nabar ku dhufto oo uu sidii ciiddii u kala daato ama isu baddalo.

Dhacdooyinka xagga akhbaartiisa laga arkay runtii aad ayey u badan yihiin waana arrin la yaab badan sababtoo ah ma jirto cid mustaqbalka og wax qiyaas dhaafsiisan amase cid ka warrami karta wax oddoros iyo saadaalin ka baxsan dabcan Alle un mooyee ama akhbaar isaga laga helay, oo nabi lasoo gaarsiiyay, Rasuulku (scw) ilaa heer buu dhinacaan ka gaaray waxkasta oo laga maqlo ee mustaqbalka ku saabsani ay iska ahaayeen yaqiin dhicitaankeeda la sugayo, qaar kamida culumada taariikhda Islamka ku takhasusay waxay leeyihiin “maba jirto dhacdo wayn oo dunida ka dhacday Nabiga (scw) kadib oo uusan hore u sheegin.

Hadaba dhacdooyinkaan mucjisada ah oo aan –insha Allah—silsiladdaan dhexdeeda kusii arkii doono waxaa kamid ahaa.

Kala Dhanballiddii Dayaxa

Marar badan oo reer Makko ay Rasuulka Alle (scw) waydiiyeen inuu mucjiso horkeeno, ayagoo oran jiray ku rumayn mayno ilaa aad dhulkaan nooga jeexdo ilo biyo ah oo burqanaya, ama aad yeelato beer cinabka iyo timirtu isku dhex baxday oo wabiyo biyo ahi hoosteeda durdurayaan, ama aad cirka gabalkiis dusha nagaga soo riddo, ama aad la timaadid Alle iyo malaa’igta si caddaan ah, ama uu guri dahab ahi kuu dhismo, amase aad cirka kortid waliba aad kitaab aan akhrino nooga soo dajisid,

Sidoo kale inay oran jireen buurahaan dhulkii nagu cariiryay ee nolosha nagu dhibay ilaahaaga noo waydii ha naga riixo amase awoowayaashayo siiba Qusayi Ibn Kilaab hanaloo soo celiyo aan waraysanno oo la tashannee, xigmadda su’aalaha caynkaan ah ay uga jeedeen marna ma ahayn inay wax ku qaataan, ee kaliya waxay uga jeedeen inay Nabiga (scw) xujeeyaan oo ay mar uun qura ay ku hadaaqaan intaan wax waydiinay ayuu ka jawaabi waayay taasoo qayb ka ahayd la dagaallankooda Islamka, haddiise Alle og yahay inay wax ku qaadanayaan waa la horkeeni lahaa sidii ummado hore loo horkeenay, tan kale.

Alle subxaanah wuxuu Rasuulkiisa sharafta leh (scw) u sheegay in waxyaalahaas ay waydiisteen loo soo saarayo laakiin haddii inta mucjisada la horkeeno ay xaqa u hogaansami waayaan la halaagi doono sidii ummado hore loo halaagay sidoo kale in Alle qur’ankiisa ku yiri:

”Mana aysan naga joojin soo dirista mucjisooyinka inay kuwii hore beeniyeen un mooyaanne.” [17:59]

Sidaa darteed waxaa Nabiga sharafta leh (scw) la kala doorransiiyay in ama musjisada la horkeeno – mana ay rumayn doonaan markaas la halaago—ama aan mucjisada la keenin ciddii Alle khayrka iyo toobadda u qorayna ay Islaamto ciddii aan loo qorinna ay seekto halkaas oo Nabigu (scw) uu doortay tan dambe.

Hasayeeshee taasoo jirta hadana waxaa Nabiga (scw) laga muujiyay mucjisooyin badan ilaa ay caadaysteen in markii ay arkaan mucjiso caqliga ka baxsan xataa hadii cirka albaab looga furo oo ay koraan inay oran jireen:

”Waxaa uun la daboolay aragayagii waxaaban nahay qoom la sixray.” [15:15]

waxaana dhacdooyinkaas la yaabka badan kamid ahaa,Kala dhamballidii dayaxa, qisaduna waxay u dhacday sida Ibn Cabbaas u sheegay in odayaashii mushrikiinta Makko oo ay kamid yihiin Waliid Ibnul Mughiira, Abujahal Ibn Hishaam, Caas Ibn Waail, Caas Ibn Hishaam, Aswad Ibn Cabdiyaquth, Aswad Ibnul Mudalib, Zumcata Ibn Aswad, Nadar Ibn Xaarith iyo odayaal kale oo badan ay Nabiga (scw) u yimaadeen markaas ayey yiraahdeen: haddii aad tahay –nabi—run ah dayaxa labo gabal noogu kala jeex, gabalna aan  buurta Abiqubays dusheeda ka aragno gabalna buurta qayqacaan!!

Markaas ayuu Nabigu (scw) yiri: haddii aan sidaas yeelo ma rumaynaysaan? Markaas ayey dheheen: haah, xilligaasina waxay ahayd dayax afar iyo tobnaad ah markaas ayuu Nabigu (scw) Alle waydiistay inuu tusiyo waxa ay waydiisteen markii hadaba habaynku madoobaaday ayaa waxaa la arkay dayixii oo labo jab kala ah oo jabna buurta Abiqubays korkeeda ku beegan yahay jabna buurta Qayqacaan, Rasuulka Allana wuxuu ku leeyahay Abusalama Ibn Cabdilasad iyo Alarqam war markhaati ka ahaada.

Dhacdadaan waxaa Alle kusoo dajiyay bilowga suuradda Alqamar oo Alle yiri:

”Waxaa dhawaatay saacaddii –qiyaame—dayixiinna wuu kala dillaacay: haddayse –gaaladu—arkaan mucjiso wayn way jeesanayaan oo waxay oranayaan waa sixir isdaba jooga.” [54:1-2]

Markii hadaba ay mucjisadaan arkeen waxay islamarkiiba yiraahdeen wuu na sixray Muxamed, markaas ayey waxay dheheen war fiiriya wararka safarrada dibada ka imaanayaa idiin keeni doonaan Muxamed ma awoodo inuu dadka oo dhan sixree, dhamaan dadkii bannaanka kasoo galayna kulligood waxay ka warrameen inay arkeen mucjisadii dayax kala dhambalanka.

Qisadaan oo kutubta saxiixa ah ee Islamku qoreen sida Albukhaari iyo Muslim, ma ahan meesha laga arkayi Makko oo kaliya ee taariikhyahannada Islamku waxay caddeeyeen in dunida kale dhulal badan laga arkey oo taariikhaha dhulalkaas lagu qoray sida Hindiya sidoo kale in Hindiya laga dhisay dhisme goob cibaado ah la yiri waxaa la dhisay habaynkii dayax kala dillaaca. [1]

Sannadihii Abaarta

Markii uu Nabigu (scw) reer Makko Islamka ugu yeerayay sannado badan oo khayrka ay dhagahooda ka daboosheen shakhsiyaad mooyaane guud ahaanna ay ka daaheen aqbalidda diinta, wuxuu Nabigu (scw) Alle ka baryay inuu ugu kaalmeeyo sannado abaar ah isagoo yiri: “Alloow dushooda iigu kaalmee toddobo –sano oo abaar ah—sidii toddobadii Yuusuf” waxaa hadaba bilowday sannado abaar ah oo tirtiray qori iyo qummud wax beer qoyani liqo wixii arlada korkeeda yaallay,

Xoolihii ay sidii xaskushii xasuuqmeen dadkiina caato raqayoobay ilaa ay bakhtiga hargaha iyo uuska cuneen oo lafaha qallalan la ruugay, cirkiina caad saloogan iyo qaac wax aan ahayn laga waayay, arrintu markay halkaas gaartay waxaa Nabiga (scw) u yimid Abu Sufyaan Ibn Xarbi oo Qureysh matalaya oo yiri:

Muxamedow sida aad sheegtay waxaa lagula soo diray raxmad qoomkaagiina kulligood maanta waa halaagsameen ee Alle u bari –in la roobeeyo—markaas ayuu Rasuulka Alle (scw) Ilaahay u baryay in la roobeeyo islamarkiibana roobkii ayaa la helay, rays baana carrada qooyay.

Tani waxay hadaba ahayd mucjiso wayn oo ay u hoggaansameen hasayeeshee aysan xaqa ku qaadan sababtoo ah waxay ahaayeen qoom shaydaan duufsaday uuna khayrka ka indhasaabay.

Waxaana Imamul Bukhaari, Muslim iyo culumo badan oo kale kitaabahooda ku sheegeen in Cabdullahi Ibn Mascuud yiri: dhacdadaan waxaa kusoo dagay aayado dhowr ah oo ku jira bilowga suuradda Dukhaan.

‘’Annagaa Kaaga Filan Jeesjeesayaasha ‘’

Cabdillahi Ibn Cabbaas wuxuu yiri: kuwa caadaystay jeesjeesku waxay kala yihiin Alwaliid Ibn Mughiira, Aswad Ibn Abdiyaquth Azuhri, Abuzumca iyo Aswad Ibn Mudalib oo Bani Asad u dhashay, Alxaarith Ibn qaydala iyo Caas Ibn Waail Assahmi oo Bani Sahmi u dhashay, kooxdaan waxay ku caanbaxeen inay isku garabsiiyaan dulmiga iyo hagardaamada ay Nabiga (scw) u gaysan jireen,

Markay khayrka arkaanna inay ayagoo garanaya ismagagadaan(is khaafiyaan) ayna ku jeesjeesaan, sidaa darteed Nabigu (scw) dhibkooda ayuu Alle uga dacwooday halkaas oo Jibriil yimid markaas ayuu Nabiga (scw) tusiyay muuqaallada raggaas.

Markii ugu horreysay Alwaliid Ibn Mughiira ayuu muuqaalkiisa muujiyay markaas ayuu tilmaamay xididka halbowlaha markaas ayuu Nabigu (scw) yiri: maxaad samaysay, Jibriil (cs) wuxuu yiri: kaas waan kaa qabannay kadibna wuxuu muujiyay muuqaalka Aswad Jibriil wuxuu tilmaamay indhihiisa, Nabigu (scw) sidii oo kale wuxuu yiri: maxaad samaysay,

Markaas ayuu yiri: waan kaa qabannay, kadibna wuxuu muujiyay Aba Zumca wuxuuna tilmaamay madixiisa oo sidii oo kale yiri: waan kaa qabannay, kadibna wuxuu muujiyay Alxaarith wuxuuna tilmaamay calooshiisa, sidoo kale Caas isagana wuxuu tilmaamay raysmagaadhada lugtiisa.

Alwaliid wuxuu soo maray nin warmo qoranaya, qoriga caaraddiisii ayaa halbowlaha muday oo gooyay waana u dhintay, Aswad labada indhood ayuu beelay, Ibn Cabdiyaquth madaxa ayaa boog kasoo baxday kulligiis carun ka buuxisay uuna u dhintay, Alxaarith cudur ayaa caloosha ka galay uu saxaradii afka ka tufay, Caas qodax ayaa raysmagaadhada lugta ka muday inta barartay ayuuna u dhintay.

Dhacdadaan oo qiso saxiixa ah, waxay run ahaantii muujinaysaa sida awoodda xagga Alle ka socota loogu xoojiyay Nabiga (scw), waxaana kusoo dagay qawlka Alle ee ah:

‘Annagaa kaaga fillaannay jeesjeesayaasha.” [15:95.]

Dhacdadii Lagdanka

Sababtuna waxay ahayd sida la sheegay nin lagu magacaabo Aburukaana Ibnul Ashdiin oo ahaa ninka Qureysh ugu xoog badan, ninkaas oo sida la sheegay intuu harag ku fariisto oran jiray toban nin hoostayda ka jiida islamarkaana aan laga jiidi karin ee haragu kala go’ayo xoog badnidiisa darteed ayaa maalin Nabigu (scw) la kulmay oo ku yiri: “Rukaanow maad Alle ka cabsatid oo aqbashid waxa aan kuugu yeerayo” markaas ayuu yiri: haddaan ogahay in waxa aad leedahay ay xaq yihiin waan ku raaci lahaa,

Markaas ayuu Rasuulku (scw) yiri: ka waran haddii aan ku lagdo ma irumaynaysaa? Markaas ayuu isagoo yaabban yiri: haah qisada dacal kale wuxuu sheegayaa inuu isagu soo jeedinta lahaa oo yiri haddii aad illagaddo waan ku rumaynayaa arrintaas oo uu u arkay mucjiso aan dhici karin.

Miday noqotaba Nabigu (scw) wuxuu yiri: istaag, markii lagdankii dhacay dhulka ayuu Nabigu (scw) ku tuuray isagoo aan iscelin karin, markaas ayuu yiri: iigu celi waa iga binnistaye ilaa saddex goor ay ku dhacday markaas ayuu yiri: wallaahay Muxamedow tani waa mucjiso waligayna dhinacayga dhulka lama dhigin markaas ayuu Nabigu (scw) yiri: haddaad Alle ka cabsato oo waxa aan kuu sheegayo aad rumayso waxaan ku tusinayaa arrin kale oo ka yaab badan, markaa ayuu yiri: oo waa maxay? Markaas ayuu yiri: waxaan u yeerayaa geedkaan wayna ii imaanaysaa! Arrintaas oo Nabigu (scw) sameeyay.

Marka qisada dacalladeeda mid wuxuu sheegayaa inuu Ibnul Ashdiin islaamay ari saddex boqol ah oo lagdanka la isugu dhigtay lagana helay uu Nabigu (scw) u celiyay, dacal kalana wuxuu sheegayaa inuusan dhacdadaan waxba ku qaadan ee uu yiri: dadka ninkii ugu sixirka badnaa ayaan arkay, kolleyse sida la ogsoon yahay Aburukaana wuu islaamay oo axaadiith ayuu Nabiga (scw) ka wariyay meel uu ku islaamayba.

Dhacdadii Israa Iyo Micraaj

Dheelmiddii iyo sare u qaadiddii Nabiga

Xilligaan oo ku beegan marxalad dacwadu ay waddadeeda ka dhex jeexanaysay guul laga gaaray meelaha qaarkood iyo jirdilkii oo sii adkaaday dhinacyada kale oo aad moodid in iftiin yididdiilo lihi meel fog kasoo dhalaalayo ayaa waxaa dhacay dhacdadii dheelmidda Nabiga (scw) iyo xagga samadda u qaadidda oo isku habayn dhacay, waxaa hadaba jira khilaaf ka taagan in la xaddado taariikhda habaynkaan Israagu dhacay, taas oo laga yiri lix qowl oo kala ah.

1. Inuu ahaa sannadkii Nabiga (scw) Alle ku sharfay nabinnimada waxaana sidaas doortay Imamu Dabari

2. Inuu ahaa soo dirista Nabiga (scw) shan sano kadib waxaana rajaxay Imamu Nawawi iyo Qurdubi

3. Inuu ahaa habaynka ay bisha Rajab tahay toddobo iyo labaatan sannadka tobnaad ee nabinnimada waxaana qowlkaan doortay taariikh yahanka wayn ee Almansuurifowri

4. Inuu ahaa bisha Ramadaan sannadka 12 aad ee nabinnimada, hijrada kahor lix iyo toban bilood

5. Inuu ahaa bisha Muxarram sannadka 13 aad ee nabinnimada, hijrada kahor afar iyo toban bilood

6. Inuu ahaa bisha Rabiicul Awal ee sannadka 13 aad ee nabinnimada, hijrada sannad kahor.

Hadaba saddexda qowl ee hore waxaa lagu riddiyay in Khadiijo ay dhimatay bisha Ramadaan ee sannadka tobnaad ee nabinnimada dhimashadeeduna waxay dhacay intaan la  soo gaarin waajibintii Salaadaha shanta ah, sida la ogsoon yahayna salaadaha shanta ah waxaa uun la waajibiyay habaynkii Israaga iyo Micraajka khilaaf la’aan, saddexda qowl oo kale Caalimka wayn ee Mubaarakfuuri wuxuu yiri: maanan helin wax xujo ah oo aan midkood si gaar ah ugu caddeeyo (ugu rajaxo) inkastoo habdhacmeedka suuradda Israa laga garanayo in xilliga Israagu aad u dambeeyay.

Dhacdadaan oo Rasuulka (scw) lasoo tusiyay makhluuqaadka Alle ee waawayn faahfaahinteeda waxaa wariyay aqoonyahannada xadiithka waana tan ayadoo kooban.

Ibn Qayim wuxuu yiri: Rasuulka Alle (scw) ayaa la dheelmay laf ahaantiisa sida saxda ah, waxaana laga qaaday masjidka Xaramka ilaa Baytul Maqdas, isagoo saaran Buraaq (Neef baqasha le’eg oo tallaabada dhigaya halka araggiisu ku dhamaado) safarkiisana uu ku weheliyo Jibriil (cs) halkaas oo intuu Buraaqii ka dagay uu tujiyay Nabiyada Alle (cs) salaad uu imaam u ahaa, Buraaqiina wuxuu ku xirtay barxad fagaaga hore ee Masjidka ku taal.

Isla habaynkaas gudihiisa ayaa Baytul Maqdas looga duuliyay xagga samada aduunka ee koowaad, islamarkiiba Jibriil ayaa dalbay in laga furo waana laga furay, halkaas oo Nabigu (scw) ku arkay Aadam aabihii bashariyadda, markii uu salaanta ka jawaabay ayuu kula hadlay hadallo ay ku jirto soo dhawayn iyo qiritaan uu aqoonsanayo nabinnimada Rasuulkeenna (scw), waxaana Alle ka tusiyay dhiniciisa midig nafaha dadka shuhadada ah dhiniciisa bidixna nafaha dadka ayaan darradu ku dhacday.

Kadibna waxaa la korsiiyay Samada labaad, Jibriil ayaa dalbay in laga furo waana laga furay, wuxuuna halkaas ku arkay Yaxya Ibn Zakariya iyo Ciise Ibn Maryam (cs), intuu la istaagay ayuu salaamay, salaantiina waa ka jawaabeen ayagoo soo dhaweeyay kulana hadlay hadallo ay ku jirto qiritaanka nabinnimadiisa.

Kadibna waxaa la korsiiyay Samada saddexaad, wuxuuna ku arkay Yuusuf (cs) oo uu salaamay, markii uu salaanta ka jawaabayna wuxuu ku hadlay hadallo ay ku jirto soo dhawayn iyo qiritaanka nabinnimadiisa.

Kadibna waxaa la korsiiyay Samada afraad, wuxuuna ku arkay Idriis (cs), wuuna salaamay, soo dhaweeyay, qirayna nabinnimada Rasuulka (scw).

Kadibna waxaa la korsiiyay Samada shanaad, wuxuuna ku arkay Haaruun (sc) wuuna salaamay, soo dhaweeyay, qirayna nabinnimada Rasuulka Alle (scw).

Kadibna waxaa la korsiiyay Samada lixaad, wuxuuna ku arkay Muuse (cs), wuuna salaamay, soo dhaweeyay, qirayna nabinnimada Rasuulka (scw).

Markii uu dhaafay ayuu Muuse (cs) ooyay, waxaana lagu yiri: maxaa kaa oohinaya? Wuxuuna ku jawaabay sababtoo ah wiil yar oo gadaashay lasoo diray waxaa ummaddiisa Jannada galaya cadad ka badan inta ummaddayda Jannada galaysa.

Kadibna waxaa la korsiiyay Samada toddobaad, wuxuuna kula kulmay Ibraahiim (cs), wuuna salaamay, soo dhaweeyay, qirayna nabinnimadiisa.

Kadibna waxaa la korsiiyay Sidratul Muntaha (geedka la yiri makhluuqu sare uma dhaafo), halkaas oo uu arkay muuqaalka Masjidka loo yaqaan Albaytul Macmuur.

Kadibna waxaa loo geeyay Allaha awoodda wayn leh, wuuna u dhawaaday ilaa uu u jirsaday labo qaanso qowskood –xariggeed—ama ka dhow, markaas ayuu Alle subxaanah addoonkiisa u waxyooday khayrkii uu u waxyooday, wuxuuna Alle ku waajib yeelay konton salaadood, markaas ayuu Nabigu (scw) lasoo laabtay wuxuuna soo maray Muuse (cs) markaas ayuu yiri: maxaa Alle ku amray? Wuxuu ku jawaabay: konton salaadood, Muuse (cs) ayaa yiri: ummaddaadu ma awooddo konton salaadood ee ku laabo rabbigaa oo waydiiso in ummaddaada laga fududeeyo,

Nabiga (scw) ayaa eegay Jibriil sidii isagoo kala tashanaya arrintaas, Jibriil wuxuu u tilmaamay haah haddaad doonto, markaas ayuu Jibriil kor la aaday ilaa uu ula tagay Allaha awoodda wayn subxaanah oo halkiisii jooga –kani waa dacalka Bukhaari ee xadiithka—markaas ayaa laga riday toban salaadood, kadibna Nabigu (scw) waa soo dagay ilaa uusoo maray Muuse (cs) wuuna u sheegay, Muuse (cs) wuxuu yiri: ku laabo rabbigaa oo waydiiso fududayn,

Hadaba Nabigu (scw) wuxuu ku dhex laalaabanayay Alle subxaanah iyo Muuse (cs) dhexdooda ilaa Alle salaadihii ka dhigay shan, markaas ayuu Muuse (cs) amray laabasho iyo inuu waydiisto fududayn, markaas ayuu Nabigu (scw) yiri: waan ka xishooday rabbigay laakiin waan ku raalli noqonayaa oo hoggaansamayaa, markii uu Nabigu (scw) fogaaday waxaa dhawaaqay mid qayliya oo yiri: waan fuliyay faradkaygii waanna ka fududeeyay addoomadaydii. [2]

Ibn Qayim wuxuu soo guuriyay khilaaf ku saabsan in Nabigu (scw) arkay rabbigiis subxaanah iyo in kale halkaas oo uu keenay hadalka Ibn Taymiya oo arrintaan ku saabsan, gabagabada masaladaanina waxay kusoo ururaysaa in aragtida isha ahi aysan marnaba sugnayn, qof saxaabada kamida oo sidaas yirina ma jiro, hadalka Cabdullahi Ibn Cabbaas laga sheegay inuu yiri: wuu arkayna markale waxaa ka sugan inuu yiri: qalbiga ayuu ka arkay, waxayna u ektahay inuu ka wado aragtidaan qalbiga ah ee dambe.

Soo dhawaanshaha ku jira suuradda Najmi 53:8 iyo kan ku jira xadiithka Israaguna isma lahan ee kan suuradda ku jiraa waa soo dhawaanshaha Jibriil sida Caaisho iyo Cabdullahi Ibn Mascuud ay ku tafsiireen habka suuraddu ku socotaana uu muujinayo, Nabiguna (scw) labo goor ayuu Jibriil (cs) arkay oo sidii Alle u abuuray ah, marna uu arlada korkeeda ku arkay marna Sidratul Muntaha, laakiinse soo dhawaanshaha xadiithka Israaga ku jiraaayi waa soo dhawaanshaha Alle subxaanah, labada qisana waa labo qiso oo kala duwan, Allaana ku cilmi leh.

Safarkaan mucjisada ah waxaa markale dhacay arrintii jeexidda laabtiisa (scw) la jeexay. sidoo kale waxyaalo badan oo habeen kaas gudihiisa uu Nabigu (scw) arkay waxaa kamid ahaa;

1. In la kala doorran siiyay caano iyo khamro inuu midkood doorto, islamarkaana uu caanihii doortay, markaas ayaa lagu yiri: waxaa lagugu hanuuniyay fidradii –sunnaddii qadiimka ahayd—amase fidradii ayaad ku toostay, haddaadse khamrada dooran lahayd ummaddaadu waa dhumi lahayd.

2. In uu arkay afar wabi oo jannada ku yaal, wabiyadaas oo labo kamid ahi ay muuqdaan labada kalana ay qarsoon yihiin, labada muuqdaana waa Niil iyo Furaat, waxaana xigmaddaan tafsiirada laga bixiyay kamid ah in diintiisu ay saldhigan doonto wabiyaashaan barwaaqada ah ee Niil iyo Furaat, in dadka halkaas ku noolina ay noqon doonaan dadka Islamka xambaara faracba farac kadib.

3. In uu arkay Jannada iyo Naarta sidoo kale Maalik gacan ku hayaha Naarta, wajigiisana kama muuqan dabacsanaan amase wax furfurnaan ah.

4. In uu arkay kuwa xaqdarrada ku cuna xoolaha agoonta oo leh qawlallo u eeg qawlallada geela, oo afkooda lagu gurayo gaballo waawayn oo dhinbillo ah oo dhagaxaan guduutay lamoodo markaas ay dabadooda ka baxayso.

5. In uu arkay kuwa caadaystay cunidda Ribada oo leh caloolo waawayn, oo aysan awoodin inay meeshooda dhinac uga hinqadaan culayska caloosha darteed, waxaa marka jiiraya ummaddii Fircoon oo la cadaabayo, markaasay ku tumanayaan.

6. In uu arkay kuwa caadaystay dhaqan xumada Zinada oo hortooda la dhigay hilib buuran oo fiican iyo hilib caato ah oo qurmay, markaasay intay hilibka fiican dhinac maraan hilibka qurmay cunayaan kan fiicanna hareer marayaan.

7. In uu arkay dumarka nimankooda u qariya ilmo aysan dhalin ee ay xumaan ku keeneen oo xargo naasaha lagaga xiray meel dheer lagaga soo lulay.

Wuxuu kale oo akay safar reer Makko usoo socday oo uu dhexda ku maray siisocod iyo soo socodba, sidoo kale wuxuu tusiyay neef geel ah oo safarkaas ka dhumay wuxuuna ka cabbay biyo ay wateen oo u daboolan ayagoo hurda kadibna uu weelkii daboolay, arrimahaanina waxay noqdeen xujo uu ku caddeeyay socodkiisa markii subixii habaynka Israaga uu dadka u sheegay.

Ibn Qayim wuxuu yiri: markii Rasuulka Alle (scw) ku waabariistay reer Makko dhexdooda wuxuu uga warramay mucjisooyinkii Alle tusiyay iyo makhluuqaadka Alle ee waawayn ee la tusiyay, islamarkiiba si kulul ayay u beeniyeen waxayna isla dhex yaaceen qaadan waa ayagoo isku gacansiinaya dhibkiisa iyo shidayntiisa, dabadeedna waxay waydiiyeen inuu u sifeeyo Baytul Maqdas –arrimo uusan Nabigu si fiican ugu fiirsan—sidaa darteed Alle ayaa u muujiyay muuqaalkii Baytul Maqdas ilaa hortiisa lasoo dhigay,

Markaas ayuu wuxuu bilaabay inuu tilmaamayo calaamadihiisa, mana ay awoodaan inay hal wax ah oo uu sheegay ku beeniyaan, sidoo kale wuxuu u sheegay safarkoodii dhexda soo socday ee uu arkay siisocod iyo soolaabadba wuxuuna u sheegay xilliga ay soo gali doonaan, wuxuu kaloo u sheegay awrka safarkaas ugu soo horreeya, arrimahaas oo dhanina waxay u dheceen sidii uu u sheegay oo aan xaraf xaraf daba marin, hasayeeshee waxaas oo dhan kama aysan kororsan fogaansho uun mooyee wax kale, daalimiintaasina waa diideen wax aan ahayn kufri iyo beenin.

Waxaana la sheegay Abaubakar waxaa Siddiiq loogu magacaabay, markii Nabigu (scw) gaalada u sheegay inuu Baytul Maqdas tagay ayey ku yaaceen ayagoo leh “Abuubakarow saaxiibkaa wuxuu sheegtay inuu Baytul Maqdas tagay” markaas ayuu yiri: wallaahay hadduu yiraahdo cirkaan tagay waan ka rumaysanayaa, markaas ayaa Siddiiq lagu magacaabay.

Hadaba waxa ugu macna wayn uguna soo kooban ee laga yiri ujeeddada dheelmintaan la yaabka badan laga lahaa waa qawlka Alle ee ah:

Si aan u tusinno mucjisooyinkayaga.[17:1]

Sidaanina waa dariiqada uu Alle hore ugu jideeyay nabiyadiisa sharafta leh halka uu ka yiri: ((Sidaas oo kale ayaan u tusinnay Ibraahiim malakuutka –mulkiyadaha—samooyinka iyo dhulalka si uu –caalim ugu noqdo—iyo inuu kuwa yaqiinta gaaray kamid noqdo)) 6:75, sidkoo kale Muuse (cs) Alle wuxuu yiri:

Si aan kuu tusinno mucjisooyinkayaga waawayn. [20:23,]

Waxaa hadaba halkaan lagu caddeeyay ujeeddada laga leeyahay muujinta mucjisooyinkaan oo kale ((Si uu uga mid noqdo kuwa yaqiinta gaaray)) markii aqoonta nabiyada (cs) lagu xoojiyo aragtida mucjisooyinkaan waawayn ayaa waxaa u hirgalaya yaqiinta aragtida ku dhisan wax aan heerkooda la qiyaasi karin lana awoodi karin, wax la sheegayina lamid ma ahan wax ili aragtay, markaas ayey ugu dulqaadanayaan Alle jidkiisa heer aan cidkale awoodin, waxa quwado dunida ka jiraana waxay ugu muuqanayaan wax aan garab kaneeco u dhigmin oo aan waxba yeeli karin, markasta oo mixnado iyo caddibaad la marsiiyo.

Inkastoo xigmadaha iyo murtiyaha qarsoon ee safarkaan qaybihiisa ku guda jira lagu faahfaahiyey kutubaha xigmahada qarsoon ee shareecada laga dajiyay hadana waxaan halkaan ku muujinaynaa xaqiiqooyin fudud oo iska cad, waxaana kamid ah.

Qofka akhriyay suuradda Israa waxaa u muuqanaysa in dhacdada Israaga lagu sheegay hal aayad ah oo qura, kadibna waxaa la guda galay in la kashifo fadeexadaha Yuhuudda iyo eedaha ay aadanaha ka galeen, kadibna waxaa la sheegay in Qur’aankaani uu ku hanuuninayo wadada ugu habboon, waxaa hadaba qofka akhrinayaa moodayaa inaysan aayadahaan wax isku xirnaan ahi ka dhaxaynin,

Arrintuse sidaas ma ahan ee waxaa Alle halkaan nagu baraarujinayaa in halka Israaga Nabiga (scw) loo dheelmiyay xagga Baytul Maqdas in hoggaanka aadanaha laga wareejin doono ummadda Yuhuudda kadib markii ay dunida ku harqiyeen foolxumada, dhaqanxumada iyo khayaanada ay galeen taas oo aysan suuroobi karin in xilkaan lagu sii hayo aysan una qalmin, sidaa darteed in labadii saldhig ee Dacwadii Nabi Ibraahim (cs) labadaba Nabiga (scw) la isugu daro.

Sideebayse taasi ku hirgali kartaa ayadoo Rasuulkii (scw) uu dhex wareegayo buuraha Makko isagoo ummadda dhexdeedii laga takooray, tani waxay shaaca ka qaadaysaa xaqiiqo kale oo ah in dawr wayn oo dacwadaan Islamka ahi uu soo gabagaboobi rabo, inuu sidoo kale bilaaban doono dawr kale oo kii hore si wayn uga duwan, inay dhismi doonto bulsho xaq u dirir ah oo hannaanka quman uu Qur’aankaani ku toosinayo,

Sidaa darteed waxaan arkaynaa in aayaduhu xambaarsan yihiin digniin heerkii ugu cuslaa ah iyo caga juglayn kulul oo lagu aaddinayo mushrikiinta reer Makko:

”Markii aan doonno inaan halaagno qaryo –magaalo—waxaan amarnnaa kuwa loo nicmeeyay dhexdeeda, markaas ayey ku faasiqnimo sameeyaan dhexdeeda markaas ayaan burburinnaa burburin: Imisa ayaan halaagnay quruumo kadib –nabi—Nuux , waxaana ku filan rabbigaa dambiyada addoomadiisa khabiir aragti—dheer.” [17:16,17]

Waxaa aayahaan dhinac socda aayado kale oo ay ku jirto tilmaamo xeeldheer in muslimiintu ay heli doonaan dhul amaan u ah sidoo kale inay dhisi doonaan bulsho gabi ahaanba ka duwan noocyada xilligaas dhisan, bulsho Alle rumaysan uu hogaaminayo nuurka Alle ee ka iftiimaya aayadaha qur’aanka ah ee kusoo dagaya Rasuulkiisa sharafta badan (scw) kana dab qaadata irshaadaadka iyo hagidda eebbe.

Tani waa tan keentay in taariikh yahannada Siirada Nabiga (scw) qaarkood jaangooyeen in Israagu dhacay sannadka kow iyo tobnaad ama kan labiyo tobnaad amase dhexdooda.

Axdi Diineedkii Caqaba ee Koowaad

”Baycadii Caqabah” (1aad)

Waxaan soo sheegnay in lix nin oo reer Madiino ahi ay islaameen wareegtadii Xajjka ee sannadka kow iyo tobnaad ee nabinnimada, islamarkaana inay Rasuulka Alle (scw) ugu ballan qaadeen inay diintaan gaarsiinayaan reer tolkood iyo ummadda Madiina ku dhaqan.

Hadaba arrintaan waxaa ka dhashay in wareegtadii Xajjka ee sannadkii dambe waa sannadka labo iyo tobnaad ee nabinnimada ee ku aaddan bisha July 621 ciise dabadi ay yimaadeen labo iyo toban nin oo hawshaan isku og, shan kamid ahi waxay ku jireen lixdii sannadkii hore Nabiga (sw) lasoo xariiray, halka nin oo lixaad oo aan imaani waa Jaabir Ibn Cabdillahi Ibn Ri’aab, iyo toddobo nin oo cusub, waxayna kala yihiin sidaan.

  • Mucaad Ibnul Xaarith Ibn Cafraa – Khazraj Bani Najaar
  • Dakwaan Ibn Cabdishamsi – Khazraj Bani Zureyq
  • Cubaada Ibn Saamit – Khazraj Bani Ghanam
  • Yaziid Ibn Thaclaba – Khazraj Xulafada Bani Ghanam
  • Alcabbaas Ibn Cubaada Ibn Nadla – Khazraj Bani Saalim
  • Abul Haytham Ibn Tayhaan – Aws Bani Cabdil Ash-hal
  • Cuwaym Ibn Saacida – Aws Bani Camar Bin Cowf

Labadaan ugu dambeeya ayuunbaa Aws u dhashay inta kale kullligood waxay u dhasheen Bani Khazraj, raggaani hadaba si qarsoodi ah ayey Nabiga (scw) ula soo xariireen, waxayna kula ballameen inay ku kulmaan karinka loo yaqaan caqabada wayn –waana sababta mucaahadadaan loogu magac daray caqabada—waxayna Rasuulka Alle (scw) la galeen axdi diineed qodobadiisu waafaqsan yihiin axdigii uu Nabigu (scw) dumarka la galay mar dambe furashadii Makko, markii kulanku furmay ayuu Nabigu (scw) qodobada axdiga ku dul akhriyay raggaan ayadoo nin waliba uu gacan qaadayo marka axdiga uu galayo, sidii qisadu u dhacdayna Bukhaari ayaa kitaabkiisa kusoo saaray isagoo ka warinaya Cubaada Bin Saamit wuxuuna yiri:

Rasuulka Alle (scw) ayaa yiri: kaalaya oo axdi igula gala in aydaan Alle –cibaadiisa—cidna la wadaajinayn, in aydaan waxba xadayn, in aydaan zinaysanayn, in aydaan dilayn caruurtiina, in aydaan been abuur la imaanayn aad hortiina iyo gadaashiina ka allifteen, in aydaan igu caasinayn –diidayn—wax wanaag ah oo aan idin amray, qofkii fuliya axdigaan oo idinka mid ah ajarkiisa Alle ayuu ku leeyahay, qofkii ku dhaca shay kamid ah –dambiyaadaan—oo dunida korkeeda loogu ciqaabo waxay u tahay dambi dhaaf, qofkii ku dhaca shay kamid ah –dambiyadaan—oo Alle u asturo arrintiisu Alle ayey u taallaa, hadduu doono waa ku ciqaabin hadduu doonana waa iska cafin, wuxuu –cubaada—yiri: markaas ayaan axdi kula galay amase sidaas ayaan axdigii kula gallay.

Safiirkii Islamka ee ugu
Horreeyay Madiino

Muscab Ibn Cumayr Al-Cabdari

Markii axdigaani guntamay oo ballantii hirgashay wareegtadii Xajjkuna dhamaatay ayuu Nabigu (scw) raggaan ballanta galay la diray safiirkii Islamka ee ugu horreeyay ee reer madiino loo diray, si uu muslimiinta cusub ee reer Madiino u baro tacliinta shareecada Islamka una fahansiiyo cibaadada, sidoo kale inuu u istaago ku fidinta diinta dadka wali ku sugan shirkiga iyo gaalnimada, wuxuuna Rasuulku (scw) xilkaan wayn u doortay Muscab Ibn Cumayr Alcabdari, barbaar kamid ah hormuudyada Islamka ee diinta ugu horqaatay dadka Alle haka raalli noqdee.

Muscab Waa Nin Sidee Ah..?

Abu Cabdillah Muscab Ibn Cumayr Ibn Haashim Alcabdari, wuxuu ka mid ahaa kooxdii ugu horreeyay ee Islamka qaatay, xilligaas oo cabsi badani jirtay Nabiguna (scw) si qarsoodi diinta ugu akhrin jiray muslimiinta daarta Al Arqam, Muscab wuxuu kamid ahaa saxaabadii diintooda qarsaday cabsi uu ka qabo hooyadiis iyo qaraabadiisa darteed, waxaa hadaba ogaaday nin lagu magacaabo Cuthmaan Ibn Dalxa oo markaas hooyadiis iyo tolkiisiiba ogaysiiyay,

Markaas ayey hooyadiis dayrisay, cunnadii iyo noloshii oo dhan ayey ka goysay sida ay sheegtay ilaa uu Muxamed ku gaaloobo, Muscab wuxuu maray marxalad uu gaajo badan iyo rafaad badan ku maray ilaa oogadiisii ay jilif yeelatay markii horana wuxuu ahaa ninka ugu dhaqaalaysan dhallinta reer Makko, heer waxay gaartay intuu maalin Rasuulka sharafta lihi (scw) arkay uu oohin ceshan waayey markii uu xasuustay noloshii uu Muscab ku noolaan jiray.

Hadaba markii tolkiis arkeen in ciqaabka noocaan ahi uusan Muscab ka joojin karin diintiisa ayey xargo ku xireen oo garaaci jireen isagoo xiran, xaaladdaas ayuuna ku jiray ilaa uu ka cararay, wuxuuna kamid ahaa muslimiintii Hijradii Xabashida ee hore u cararay, kadibna wuxuu ku jiray koox khaldantay oo Makko kusoo laabtay halkii ayaana cadaadintii ka bilaabatay ilaa uu Nabigu (scw) xilkaan u diray oo markaa uu u wareegay Madiino, halkaas oo islaamidda inta badan reer Madiina uu isagu sabab u ahaa.

Wuxuu Nabiga (scw) kala qayb galay dagaalkii Badar kadibna wuxuu shahiiday maalintii Uxud, isagoo markaas la waayey maro ku filan oo kafan looga dhigo, waxaa la sheegay inuu Muscab xagga muuqaalka u ekaa Nabiga (scw) taasina waxay sabab u noqotay in dagaal yahannadii mushrikiinta mid kamida Cabdullahi Ibn Qamia oo si gaar ah Nabiga (scw) u doonayay uu Muscab mooday markaas uu dilay islamarkaana uu ku qayliyay Muxamed waa la dilay.

Muscab wuxuu tusaale hormuuda u yahay muslimka horyaalka ah, himadda sare leh ee isagoo aan aduunyadu macno ugu fadhiyin u halgamay meelmarinta iyo hirgalinta amarrada Alle iyo diintiisa, Alle Jannadiisa fardowsa ee ugu sarreysa ha ugu nicmeeyo.

Guul Lagu Farxo

Muscab markii uu Madiino tagay wuxuu ku dagay saaxiibkiis safarkana ku weheliyay Ascad Ibn Zuraara, waxayna guda galeen inay Islamka ku dhex faafinayaan reer Madiino firfircooni iyo xamaasad heerka ugu sarreysa, Muscabna waxaa Madiino dhexdeeda loo yaqaannay qaariga (ninka quraanka Akhriya).

Hadaba qisooyinka laga sheegay guusha faafinta Islamku Madiino gaartay waxaa ugu yaab badan inuu Ascad Ibn Zuraara maalin Muscab u kaxaystay xaafad ay dagan yihiin lafta Bani Cabdi Ash-hal iyo xaafadda lafta Bani Thafar, waxay marka ag fariisteen ceel ku dhexyaal beer ay leeyihiin lafta Bani Thafar, halkaas oo ay qofkii u yimaada diinta u bandhigayeen, waxaa marka kusoo dul aruuray niman muslimiin ah oo raggii meesha daganaa ah.

Dhinaca kale Sacad Ibn Mucaad iyo Usayd Ibn Xudayr oo ah labada mas’uul ee tolkood Bani Cabdi Ash-hal iyo guud ahaan Aws oo dhanna maalinkaas waxay wali ku jireen shirkii, markii ay hadaba maqleen fadhiga Ascad iyo Muscab Sacad oo arrintaan ka carooday ayaa Usayd ku yiri: u tag labadaan nin ee u yimid inay wax magaradka naga duufsadaan oo naga cayri, ugana dig inay xaafadahayaga mar dambe yimaadaan, Ascad Ibn Zuraara waa ina habreedkay haddaysan taasi jirinna waan kaaga fillaan lahaa dhibkiisee.

Usayd warankiisii inta qaatay ayuu labada nin xaggoodii u dhaqaaqay, markii uusoo muuqday ayuu Ascad Ibn Zuraara Muscab ku yiri: ninkaan soo socdaayi waa mas’uulkii tolkiise markuu kuu yimaado niyaddaada Alle ugu runsheeg –si daacad ah ula hadal—Muscab ayaa yiri: hadduu fariisto waan la hadlayaa, Usayd dhiniciisa waa yimid ilaa uu soo kor joogsaday isagoo caytamaya markaas ayuu yiri: maxaad nagasoo doonteen ma inaad wax magaratada naga duufsataan? Hadda naga dhexbaxa haddii naftiina dani idinka hayso!!

Muscab ayaa ku yiri: bal fariisto oo na dhagayso, haddii aad arrinta ku qanacdana waad aqbalaysaa haddii aad dhibsatana waa lagaa joojin waxa aad nacaysee, markaas ayuu yiri: caddaalad baad samaysay, kadibna warankiisii ayuu mutay waana fariistay, marka Muscab ayaa Islamka kala hadlay, wuxuuna ku dul akhriyay Qur’aanka, qofkii goob joogga ahaa wuxuu yiri: wallaahay Islaamnimada ayaan wajigiisa ka garannay intuusan hadlin furfurnaanta iyo nuurka wajigiisa ka baxay darteed, kadibna wuxuu yiri: waxaan maxaa ka fiican oo ka qurux badan?

Sidee yeeshaan markaad doonaysaan inaad diintaan gashaan? Markaas ayey ku dheheen, waad qubaysanaysaa, dharkaagana daahirinaysaa, kadibna waxaad ku dhawaaqaysaa shahaadada xaqa ah, kadibna waxaad tukanaysaa labo rakcadood, islamarkiiba waa istaagay oo qubaystay oo dharkiisii daahiriyay oo ku dhawaaqay shahaadada xaqa ah oo tukaday labadiii rakcadood, markaas ayuu Usayd yiri: war waxaa iga dambeeya nin haddii uu idin raaco aan qof tolkiis ahi ka harayn, waanna idinku soo toosin doonaa, wuxuuna u jeedaa Sacad Ibn Mucaad.

Markaas ayuu warankiisa qaatay oo u laabtay xaggii Sacad iyo naadigii raggu fadhiyay, ayagoo wali naadigoodii fadhiya, markaas ayuu Sacad yiri: markii uu arkay Allaan ku dhaartaye waji kii uu agtiina kala tagay ka duwan ayuu idin kula soo noqday, markii uu Usayd naadigii soo kor istaagay ayuu Sacad yiri: war sidee yeeshay?

Markaas ayuu yiri: laba nin ayaan la hadlayoo wallaahay dhib kuma aanan arag waanna u digayoo waxay dheheen waannu yeelaynaa waxa aad jeceshahay, waxaase la iisheegay in Bani Xaaritha ay xagga Ascad Ibn Zuraara usoo bexeen si ay u dilaan, taasna waxaa ugu wacan inay ogaadeen inuu ina habreedkaa yahay si ay xurmadaada magangalyo bixinta u jabiyaan,

markaas ayuu Sacad isagoo ka caraysan warkaas loo sheegay istaagay, inta warankiisii qaatay ayuu xaggoodii u dhaqaaqay, markuu hadaba arkay nimankii oo xasillooni ka muuqato ayuu fahmay in Usayd u danlahaa inuu nimanka wax ka maqlo, markaas ayuu soo kor istaagay isagoo caytamaya, oo Ascad Ibn Zuraara ku yiri: Abu Umaamow wallaahay haddaysan qaraabo nimada inaka dhaxaysaa jirin inaadan waxaas igula soo dhiirateen, ma guryahayagii ayaad noola soo galaysaa wax aan dhibsanayno.

Ascad ayaa Muscab ku yiri: wallaahay waxaa kuu yimid sayid tolkiis oo dhan hoggaanka u haya, haddii uu ku raacana axadna inuusan ka harayn kana dib dhacayn, Muscab ayaa Sacad Ibn Mucaad ku yiri: marka hore maad fariisatid, haddii aad arrintaan ku raalli noqoto waad aqbalaysaa haddii aad dhibsatana waa lagaa joojinayaa waxa aad dhibsataye, markaas ayuu Sacad yiri: caddaalad ayaad samaysay, kadibna warankiisa ayuu mutay oo fariistay.

Muscab marka Islamka ayuu u bandhigay wuxuuna ku dul akhriyay Qur’aanka, qofkii goob joogga ahaa wuxuu yiri: wallaahay wajigiisa ayaan ka garannay Islamka intuusan hadlin furfurnaanta iyo iftiinka wajigiida ka baxay darteed, markaas ayuu wuxuu yiri: maxaad samaysaan markaad Islamka galaysaan? Waxay yiraahdeen waad qubaysanaysaa dharkaagana waad dhaqaysaa, kadibna waxaad ku dhawaaqaysaa shahaadada xaqa ah, kadibna waxaad tukanaysaa labo rakcadood, sidii ayuuna yeellay.

Sacad warankiisa ayuu qaatay, wuxuuna u dhaqaaqay halkii naadiga tolkiis ahi fadhiyeen, markii ay arkeen ayey waxay yiraahdeen: Allaan ku dhaarannaye wuxuu idinkula soo noqday waji aan ahayn wajigii uu marki hore idinkala tagay.

Markii uu soo korjoogsaday ayuu yiri:

Tolkay reer Bani Cabdi Ash-halow, maxaad taladayda iyo amarkayga ku taqaanneen..?

Waxay yiraahdeen: sayidkayaga aan laga daba hadlin, kan noogu ra’yi quman, kan noogu habboon inuu namatalo, markaas ayuu Sacad yiri:

Hadalkiinnu waa iga xaaraan rag iyo dumar toona ilaa aad Alle rumaysaan iyo Rasuulkiisa (scw) galabkii qof kamida umasoo galin nin iyo haweenay midna isagoo muslim ah mooyee ama ayadoo muslimad ah hal nina oo Asiiram lagu magacaabo mooyee, ninkaas islaamnimadiisu dib ayey u dhacday ilaa maalintii dagaalkii Uxud, maalintaas ayuu islaamay waana dagaallamay islamaalintiina waa shahiiday, hal sujuud ahna Alle uma uusan sujuudin, markaas ayuu Nabigu (scw) yiri: in yar ayuu camal falay ajar badan ayaase lagu abaal mariyay.

Muscab wuxuu saldhig dacwadiisa uga sii dhigtay guriga Ascad Ibn Zuraara, halkaas oo uu dadka Islamka ugu yeerayay ilaa aysan harin xaafad ama guri Ansaari leedahay oo aysan joogin rag iyo dumar muslimiin ah, marka laga reebo xaafadaha Bani Umaya, Khadma iyo Waa’il, waxaa ayaga dhexjoogay ninka gabyaaga ah ee lagu magacaabo Qeys Bin Aslat aad ayeyna taladiisa u aaminsanaayeen, marka isagaa Islamka kala dibdhacay ilaa laga gaaray sannadkii Khandaqa –sannadka shanaad ee Hijrada.

Wareegtadii Xajjka ee sannadkii dambe waa sannadka sadex iyo tobnaad ee nabinnimadee ayuu Muscab Ibn Cumayr Makko kusoo laabtay, isagoo Rasuulka (scw) usoo xambaaray bishaarooyinkii guusha, sidoo kale uga sheekaynaya qisooyinkii uu kala kulmay qabiilooyinka Madiino ee khayrka iyo khibradda ah iyo quwadda iyo difaaca ku jira qabiilooyinkaan.

___________________________

  1. Fiiri Albidaaya Wannihaaya 2/486.
  2. Fiiri Zaadul Macaad 2/47-48.

Decorative Lines

Waxaa soo diyaariyey
Shiikh Cabdirisaaq Macallim Abshir
Email: musanaf@hotmail.com
Xigasho: SomaliTalk.com