Waraaqihii uu
Nebi Muxammad (CSW)
u diray Boqorrada:

Kitaabka Siirada:
Suubanaha Rasuulka Muhammed [SCW]
[ Casharka 64aad ]

Waxaa Isku Soo Dubariday:
Cusmaan Bilaad
Email: osmanbilad@hotmail.com

Decorative Lines

Qoritaankii Waraahihii
Loo Diray Boqorrada.

Markii uu Rasuulku SCW ka soo laabtay Xudeybiya oo uu heshiis la soo saxiixday codawgii islaamka ugu darnaa ee qureysh, oo ka mid ahaa saddexdii qolo oo ugu fitnada iyo cadaawada badnaa mandiqaddaas, duullaankii Axsaabna isku soo bahaystay, ayuu Rasuulku SCW wuxuu bilaabay in uu dacwadii islaamka u bandhigayo, waraaqana u kala dirayo boqorradii iyo madaxdii caalamka, gaar ahaan kuwoodii ugu waaweynaa, isaga oo jihaadkana dhiniciisa ka wada maxaa yeelay dacwada iyo jihaadku ma kala maarmaan, mana dhici karto in la yiraahdo dacwo ayaa la wadayaa, jihaadna looma baahna, waxayna taasi la mid tahay dowlad ciidan la’aan ah ama ciidan hub la’aan ah.

Sidoo kale ma dhici karto jihaad ayaa la wadayaa oo dacwo looma baahna, wuxuu Allaah SW ugu talo galay in ay dacwada iyo jihaadku is dhinac socdaan oo caalamka oo dhan la wada gaarsiiyo diinta islaamka, ciddii ka hor timaadda oo isku deyda in ay joojisa dacwada islaamka ama dadka u diidda in la gaarsiiyo diintaas, in lala jihaado oo la edbiyo ilaa ay ka oggolaato. Jihaadku waqti ma leh ilaa saacadda qiyaame laga gaaro.

Haddaba haddii aan dib u jalleecno mawduuceenii, Rasuulku SCW markii uu soo laabtay isaga oo dacwadii iyo jihaadkiii sidii u wada, ayuu wuxuu bilaabay nooc cusub oo dacwada ka mid ah oo ahayd waraaqo uu u kala direy boqorradii iyo madaxdii caalamka, islaamkana ugu yeerayo. Markii uu Rasuulku SCW waraaqahaas bilaabayey ayaa waxaa lagu yiri “boqorradu ma aqbalaan warqad aan tiimbareysnayn”, markaas ayuu wuxuu samaystay farraanti qalin ah oo lagu naqshadeeyey MUXAMMADU RasuulU-LAAH, wuxuuna ahaa saddex layn: Muxammed oo sadar ah, Rasuul oo sadar ah iyo Allaah oo sadar ah.

Waqtigii uu Rasuulku SCW waraaqahaas bilaabay waxa ay ahayd bishii Muxarram, sannadkii 7aad ee hijriga. Haddii aynu mid mid u soo qaadanno waraaqahaas iyo jawaabohoodii waxa ay ahaayeen sidan:

Warqaddii Loo Qoray Boqorkii XABASHIDA EE NAJAASHI:

Najaashi waxaa magaciisa la oran jirey Axsama binu Abjar, wuxuuna xukumayey dowladdii xabashida, qisadiisana waynu soo marnay sidii uu muslimiinta  u soo dhoweeyey iyo caddaaladdiisii, wuxuuna haystay diinta Masiixiga. Warqaddii uu Rasuulku SCW u qorey waxa ay ahayd sidatan:

  • Ka socota Maxammed, Rasuulkii Alle
  • Ku socota Najaashi, Madawweynaha Xabashida
  • Nabadgelyo qofkii hanuunka raaca dushiisa ha ahaato.

Intaas ka dib, anigu waxa aan kugu mahadinayaa Alle, Allihii isaga maahane uusan Alle kale jirin oo ah boqorka Muqaddaska ah, ahna nabadgeliyaha mu’minka iyo ilhaamiyaha. Waxa aan qirayaa in Ciise ibnu ruuxdii Alle iyo kalimaddiisii uu ku riday Maryamatu-batuula, Maryamana ay ku qaadday Ciise ruuxdiisii iyo afuufiddiisii siduu Aadanba ugu abuuray gacantiisa. Aniga waxa aan kuugu yeerayaa Alle keligii oo aan shariik lahayn iyo xiriirinta daacadiisa iyo in aad i raacdid oo rumeysid wixii ii yimid, aniguna Rasuulkii Alle ayaan ahay. Waxa aan kuugu yeerayaa adiga iyo askartaadaba Alle Case-wajalle, waan ku gaarsiiyey (diintii), waana kuu naxteexeeyey. Yeel waanadayda, nabadgelyana qofkii hanuunka raaca korkiisa ha ahaato.

Laakiin Beyhaqi wuxuu Ibnu Isxaaq ka weriyey in warqaddii Rasuulku SCW u qoray Najaashi ay ahayd sidan:

  • Tani waa warqaddii ka socotay Nabi Maxammed,
  • Ku socotay Najaashi Asxam, madaxweynihii Xabashida
  • Nabadgelyo qofkii hanuunka raaca dushiisa ah ahaato.

Alle iyo Rasuulkiisa rumee, waxa aan qirayaa Alle maahane Alle kale in uusan jirin, keligiisna yahay, shariikna aanu lahayn, aannuna samaysan xaas iyo ilmo; Maxammedna waxaa weeye addoonkiisii iyo Rasuulkiisii. Waxa aan kuugu yeerayaa dacwada islaamka, aniguna Rasuulkiisii baan ahay. Islaam aad nabad geshide. Markaas ayuu aayaddan qur’aanka ahna u raaciyey:

[”Waxaad dhahdaa kitaabka ehelkiisiyaw: u kaalaya kalimad aan u simanaha annaga iyo idinku oo ah: in aanan alle mooyeee cid kale caabudin, oo aanan cidna ugu shariik yeelin, kana yeelan qaarkeen qaarka kale rabbiyaal alle ka sokeeya, hadii ay jeestaan dhaha ka markhaati noqda anaga in aan muslimiin nahay.”] [”Surat Aali-Cimraan 64”]

Ka dib wuxuu Rasuulku yiri “haddii aad diido (islaamka) waxaa dushaada ahaday dembiga masiixiyiinta shacabkaaga.

Intaas ayey ku dhammaatay warqaddii uu Rasuulku SCW u qoray Najaashi, waxayna culimada islaamku isku khilaafsanyihiin Labada waraaqood midda uu Rasuulku SCW najaashi u diray, inkastoo ay culimada qaarkood qabaan in labada waraaqoodba uu u diray Najaashi waqtiyo kala duwan, waxayna isku khilaafsan yihiin midda ay ahayd tii uu qoray heshiiskii Xudeybiya ka dib.

Sidoo kale waxay culimadu isku khilaafsanyihiin Najaashiga uu Rasuulku SCW waraaqada u qoray midka uu ahaa: in uu yahay kii islaamay oo la oran jirey Asxab oo Rasuulku SCW ku tukaday janaasada markii geeridisa loo soo sheegay, iyo in uu yahay kii kadambeeyey, waxayna riwaayad saxiixul muslim weriyey sheegaysaa in kan Rasuulku SCW waraaqda u diray yahay kii dambe oo uusan ahayn kii islaamay, inkastoo aysan sheegayn wixii ku yaalay waraaqdaas.

Sidoo kale ibnu Qayim waxa uu Saadul-macaadka ku ayidayaa riwaayadda saxiixul Muslim, wuxuu yiri “waa kala Labo Najaashiga islaamay iyo kan uu Rasuulku waraaqda u diray (Xudaybiya ka dib)”, wuxuu ibnu Qayim qorayaa Labada  waraaqood midda hore, wuxuuna sidoo kale ayidayaa in Najaashiha islaamay uu Rasuulku SCW waraaqda u diray hijradii Labaad oo uu Jacfar ugu sii dhiibay, waxaa iyana arrintaan ayidaya in badan oo culimada islaamka kamid ah,

Qaar kalena waa ay kasoo horjeedaan oo waxay ayidayaan in Najaashaha uu Rasuulku SCW waraaqda u diray yahay kii islaamay, inkastoo qaar kale oo culimada kamid ihi ay is waafajinayaan Labada arrimood, waxayna dheheen: “Labada Nashaasheba Rasuulku SCW  waraaqo ayuu u diray oo midna waa islaamay midna lama oga inuu islaamay iyo in kale”. Allaahu aclam.

Rasuulku SCW markii uu dhammeeyey warqaddii wuxuu u sii dhiibay Camar binu Umaya si uu u gaarsiiyo Najaashi. Najaashi markii ay u tagtay warqaddii Rasuulka SCW aad ayuu u ixtiraamay, wuuna ajiibay dacwadii islaamka, wuxuuna ku islaamay gacanta Jacfar binu Abii-dhaalib oo weli dhulkiisa jirey isaga iyo muslimiintii kaleba. Wuxuu Najaashi u soo diray Rasuulka SCW warqad jawaab ah oo ahayd sidatan:

  • Ku socota Maxammed Rasuulkii Alle
  • Ka socota Najaashi Asxam

Nabadgelyo xagga Alle ka timid dushaada ha ahaato Nabiga Allow iyo naxariistiisii iyo barakaatkiisii, Allihii isaga maahane uusan Alle kale jirin.

Intaas ka dib, way i soo gaartay warqaddaadii Rasuulkii Allow iyo waxa aad ka sheegtay arrinta Ciise. Rabbiga samada iyo dhulka ayaan ku dhaartaye Ciise kama siyaadin waxa aad sheegtay, isagu waa sidii aad u sheegtay, waana aqoonsannay wixii aad noo soo dirtay, waana soo dhoweynay ina adeerkaa iyo asxaabtaadii. Waxa aan qirayaa in aad tahay Rasuulkii Alle, runlow ah oo la rumeeyo, waana kula mubaayacooday, ina adeerkaana waan la mubaayacooday, gacantiisa ayaan ku islaamay, waxa aan u hoggaansamay Allaha caalamka Rabbigiisa ah.

Ka dib Rasuulku SCW wuxuu Najaashi ka dalbay in uu soo diro Jacfar iyo dadkii kale ee muslimiinta ahaa oo waddankiisa joogey, Najaashina wuu yeelay oo wuxuu soo saaray labo doonyood, waxayna Nabiga SCW ugu yimaadeen Khaybar. Najaashi wuxuu dhintay bishii Rajab, sannadkii 9aad ee hijriga, wuxuuna Rasuulku SCW markii loo sheegay ku tukaday jinaaso. Ka dibna wuxuu Rasuulku SCW warqad u qoray boqorkii Najaashi Asxam ka dambeeyey hase yeeshee lama oga in uu islaamay iyo in kale.

Warqaddii Loo Qoray Boqorkii MASAR:

Rasuulku SCW wuxuu warqad u diray boqorkii haystay Masar iyo Aleksandariya, waxa ayna warqaddaasi ahayd sidan:

  • BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM  
  • Ka socota Maxammed, Addoonkii Alle iyo Rasuulkiisii
  • Ku socota Maquuqas, Madaxii Qibdhiyiinta
  • Nabadgelyo qofkii hanuunka raaca korkiisa ha ahaato.

Intaas ka dib, waxa aan kuugu yeerayaa dacwada islaamka, islaam aad nabad gashide, islaam Alle wuxuu ku siinayaa ajarkaaga labo jeer, haddii aad jeesatana waxaa dushaada ah dembiga reer Qibdhi. Rasuulku SCW wuxuu u qoray aayaddan oo aannu soo tilmaanay macnaheeda: Waa aayada ku jirta (suuratu Aali-Cimraan 64).

Warqaddan wuxuu Rasuulku SCW u sii dhiibay Xaadhib ibnu abii Baltaca. Xaadhib markii uu warqaddii u geeyey wuxuu boqorkii Masar ku yiri “waxaa kaa horreeyey nin sheegtay in uu Rabbigii sare yahay (fircoon), Allaahna wuxuu ku qabtay tii horreysey iyo tii dambeyseyba, wuuna ka aar gutay, kuna cibro qaado qeyrkaa ee qeyrkaa yuusan kugu cibro qaadan. Boqorkii ayaa hadlay oo yiri “waxa aan haysannaa diin, ugana tegi mayno (diintayada) cid ka kheyr badan ma ahne wax kale”.

Xaadhib ayaa markaa ku yiri “waxa aan kuugu yeeraynaa diinta islaamka oo Alle ku kaafiyey wixii ka soo haray, Nabigaanna uu dadka ugu yeerayo, kuwa ugu dhib badnaana waxa ay ahaayeen qureysh, kuwa ugu cadowsanaana waxa ay ahaayeen yahuud, kuwa ugu dhowaana waxa ay ahaayeen masiixiyiin, waxa ayna la mid tahay bishaaradii Muuse ku bishaareeyey Ciise, tii uu Ciise Maxammed ku bishaareeyey. Yeeritaanka aan qur’aanka kuugu yeerayno wuxuu la mid yahay yeeritaankii dadka Tawreet loogu yeeray Injiil, Nabi kastana dadkii soo gaara waa ummaddiisa, wuuna haleelaa haddii ay adeecaan. Adiguna waxa aad ka mid tahay dadka soo gaaray nabiga mana kaa reebayno diintii Masiix laakiin iyada ayaan ku amrayaa”.

Boqorkii ayaa yiri “waan eegay Nabigaan arrinkiisa, waxa aan ogaaday in uusan xumaan amrin, wanaaggana reebin, sixir iyo baadilna kuma arag, curraafi beenlow ahna maaha, waxa aan ka arkay calaamaddii nabinnimada waana fiirin doonaa”. Ka dib wuxuu u yeertay qoraagiisii Carabbiga u qori jirey, wuxuuna Rasuulka SCW u soo qoray warqaddan:

  • BISMILLAAHI RAXMAAN RAXIIM  
  • Ku socota Maxammed binu Cabdullaahi
  • Ka socota Maquuqas, madaxweynihii reer Qibdhi
  • Nabadgelyo dushaada ha ahaato.

Intaas ka dib, waan akhriyey warqaddaadii, waan fahmay wixii aad ku soo sheegtay iyo waxa aad u yeerayso. Waan ogaa in uu nabi dhimman yahay, waxaanse u malaynayey in uu Shaam ka soo bixi doono. Waan karaameeyey adeegahaagii, waxa aan kuu soo diray labo gabdhood oo darajo weyn ku leh reer Qibdhi dhexdooda, waxa aan kuu soo hadiyeeyey baqal aad fuusho [rakuub].

Nabadgelyo dushaada ha ahaato.

Intaas ayuu ku gaabsaday ninkaasi, mana islaamin. Labadii gabdhood waxa ay kala ahaayeen Maariyatul-Qibdhiya, oo Rasuulku SCW milkiyey, una dhashay Ibraahiim iyo gabadha kale oo ahayd Siiriin, oo uu Nabiga SCW siiyey gabyaagiisii Xasaan binu Thaabit, baqashana waxaa la oran jirey dul-dul oo waxay gaartay ilaa waqtigii mucaawiye.

Warqaddii Loo Qoray Boqorkii FAARIS:

Sidii kuwii hore oo kale, wuxuu Rasuulku SCW warqad u qoray Kisraa, boqorkii Faaris. Warqaddaasi waxa ay ahayd sidan:

  • BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM  
  • Ka socota Rasuulkii Alle, Maxammed
  • Ku socota Kisraa, Madaxweynihii Faaris
  • Nabadgelyo qofkii hanuunka raaca dushiisa ha ahaato.

Rumee Alle Rasuulkiisa, qirna Allaah mooyee in uusan Ilaah kale jirin, yahayna keligiis, shariikna uusan lahayn. Maxammedna uu yahay addoonkiisii iyo Rasuulkiisii. Waxa uu kuugu yeerayaa dacwada islaamka, aniguna waxa aan ahay Rasuulkii Alle ee dadka oo dhan loo soo diray si uu ugu digo ciddii nool, gaaladana uu ugu dul oogo xujada. Islaam aad nabad gashide haddii aad diidde waxaa dushaada ahaaday dembiga Majuusiyiinta.

Rasuulku SCW wuxuu waraaqdan u dhiibay Cabdullaahi binu Xudeyfa. Cabdullaahi wuxuu waraaqdii u gudbiyey ninkii boqorkaas wakiilka uga ahaa Baxreyn, kaas oo isna u sii gudbiyey boqorkii Faaris ee Kisraa. Kisraa wuxuu markaa xukumi jirey Faaris oo waqtigaa ka mid ahayd labadii dowladood ee dunida ugu xoogga badnaa. (iyada iyo Ruum), carabtuna labadaa dowladood ayey taabac u kala ahaayeen.

Kisraa markii uu warqaddii Rasuulka SCW akhriyey ayuu xanaaqay warqaddiina jeexjeexay isaga oo ka san taagaya xaqa, wuxuuna Rasuulku SCW u arkay nin raciyaddiisa ka mid ah, wuxuuna yiri “addoon xaqiir ah oo raciyaddeyda ka mid ah ayaa magiciisa ku qoray magacayga hortiisa”. Halkaas waxa aan ka garanaynaa takaburka iyo isla weynida daalimkaas ku jirtey heerka ay gaarsiisnayd iyo sida uu addoonnimada Rabbi uga kibray.

Rasuulku SCW markii loo sheegay in warqaddiisii uu googooyey si xunna u dhaqmay wuxuu yiri “Alle ha googooyo boqortooyadiisa”. sidii ayeyna noqotay oo muddo yar ka dib Ilaahay wuu kala googooyey boqortooyadiisii.

Ninkaas sheydaanka ihi markii uu jeexay warqaddii Rasuulka SCW oo uu hadalladaas yiri ayuu haddana waraaq u diray ninkii wakiilka uga ahaa Yaman, warqaddaas oo uu ku leeyahay “ninka Xijaas jooga (nabiga SCW u dir labo nin oo xoog badan oo ha ii keenaan”, kaasina sidaa ayuu yeelay oo labo nin ayuu Rasuulka SCW u soo direy, warqadna wuu soo raaciyey uu Rasuulka SCW ku amrayo in uu nimankaas soo raaco.

Labadii nin markii ay yimaadeen Madiina oo Rasuulka SCW u tageen ayaa midkoood hadlay oo yiri “boqorkii boqorrada ee Kisraa ayaa warqad u soo diray boqorkii Yaman uu ku amrayo in uu diro cid kuu geysa, aniga ayaana la ii soo kaa diray si aad ii raacdid”. Rasuulku SCW markii uu hadalkoodii dhegaystay ayuu wuxuu amray in ay berri ku soo noqdaan.

Waqtigaasna waxaa boqorkii Kisraa ku kacay jabhad daakhili ah oo uu hoggaaminayo wiilkiisa, Sharwiish binu Kisraa. Dabadeedna habeen Talaado ah, 10kii  Jamadul-Uulaa, sannadkii 7aad ee hijriga ayaa Sharwiish aabbihii Kisraa diley oo xukunkii la wareegay. Rasuulka SCW arrinkaas waxyi ayaa lagu ogeysiiyey, markii ay labadii nin maalinkii dambe ku soo laabteenna wuxuu u sheegay  in boqorkii ay ka socdeen ee Kisraa wiilkiisii dilay, xukunkiina kala wareegay.

Markaas ayey labadii nin dheheen “maxaan ku dhahnaa (boqorkii na soo diray)?”, Rasuulku SCW wuxuu yiri “waxa aad ku dhahdaan “diinteyda iyo awooddeydu waxa ay gaari doontaa inta uu Kisraa gaaray. Haddii aad islaamto waxa aan ku siinayaa wixii gacantaada ka hooseeya (aad xukuntid), boqortooyada ciddaadana carruurtaada ayaa iska leh”.

Ka dib labadii nin way noqdeen, waxa ayna arrinkii u sheegeen boqorki Faariska ahaa ee Yaman wakiilka uga ahaa Kisraa oo la oran jirey Baddaan, arrinkiina aan weli ka war helin. Muddo ka dibna wuxuu ogaaday arrinkii, wuxuuna warqad ka helay Sharwiish binu Kisraa, taas oo ugu sheegayo in uu aabbihii diley, xukunkiina la wareegay. Waxaa kale oo uu yiri “ninkii aabbahay arrinkiisa warqadda kuugu soo qoray (nabiga SCW) waxba ha ku samaynin ilaa amarkaygu kaaga yimaado”. Ka dibna way islaameen Baddaan iyo ciddii Yaman la joogtay ee Faarisiyiinta ahayd markii ay xaqii arkeen.

Warqaddii Loo Qoray Boqorkii RUUM EE HIRAQLE:

Rasuulku SCW boqorradii uu waraqaha u diray waxaa ka mid ahaa boqorkii Ruum xukumayey oo la oran jirey Hiraqle. Ruumna waxa ay waqtigaas ahayd dowladdii adduunka ugu xoogga badnayd. Warqaddii uu Rasuulku SCW u diray ninkaas waxa ay ahayd sidan:

  • BISMILLAAHI RAXMANI RAXIIM  
  • Ka socota Maxammed, Adoonkii Alle iyo Rasuulkiisii
  • Ku socota Hiraqle, Madaxweynihii Ruum
  • Nabadgelyo ciddii hanuunka raacday dusheeda ha ahaato.

Islaam aad nabad gashidhe islaam Alle wuxuu ku siinayaa ajarkaaga laba jeer, haddiise aad diidid waxa dushaada ahaaday dembiga raciyadaada.

Wuxuu Rasuulku SCW warqaddaan u sii dhiibay Dixya binu Khaliif si u ugu geeyo ninka Basra wakiilka uga ahaa Hiraqle oo isaguna uu gaarsiiyo boqorkiisii Hiraqle. Dixya wuu baxay sidii ayuu warqadii ugu gudbiyey.

Hiraqle warqaddii Rasuulka SCW ayaa u tagtay isaga oo markaa yimid meesha la yiraahdo Iiliyaa’ (Baytul Maqdis) kana yimid Ximsa, Waxaana meeshaa joogey safar Qureysh oo Abuu Sufyaan madax u ahaa oo tijaaro u yimid. Waqtigaasna waxa ay ahayd muddadii ay heshiiska lahaayeen Rasuulka SCW iyo qureysh.

Hiraqle markii ay warqaddii Rasuulku SCW u timid ayuu u cid diray nimankii qureysh ee safarka watay, markaas ayaa loo keenay isaga oo ay dhinacyada ka fadhiyaan madaxdii Ruum. Wuxuu markaa Hiraqle u yeertay tarjumaankiisii, wuxuuna Abuu Sufyaan iyo raggiisii ku yiri “kiinnee ugu dhow nasab ahaan ninkaas Nabinnimada sheeganaya?”, Abuu Sufyaan ayaa yiri “aniga ayaa ugu dhaw”.

Markaas ayuu Hiraqle yiri “ii soo dhoweeya isaga, ragga la socdana dhankiisa fariisiya”, wuxuu markaa Hiraqle tarjumaankiisii ku yiri (ku dheh nimanka) “ninkaas (Abuu Sufyaan) waxa aan wax ka wey diinayaa ninkaas (nabiga) haddii uu been ii sheego ku beeniya”. Sidaa darteed Abuu Sufyaan su’aalihii la weydiiyey oo dhan run ayuu uga jawaabay isaga oo ka baqayey in markii ay Makka ku laabtaan la yiraahdo ninkii odeyga ahaa been ayuu sheegay.

Wuxuu yiri Abuu Sufyaan “Ilaah baan ku dhaartaye haddii aanan ka xishooneyn in la iga guuriyo been waan ka been sheegi lahaa (nabiga)”, taas oo ku tusineysa sida dadkii hore, gaalaba ha ahaadeene ay uga xishoon jireen beenta, sharaftoodana u ilaashan jireen.

Ka dib wuxuu yiri Abuu Sufyaan “su’aashii u horreysey ee uu iga waydiiyey (nabiga) wuxuu yiri “sidee ku yahay nasabkiisu dhexdiina?”, waxa aan iri “dhexdayada waa nin nasab wanaagsan”.

Wuxuu yiri “isaga  (nabiga SCW) ka hor qof ma idinku yiri hadalkaan oo kale?”, waxa aan iri “maya”. Wuxuu yiri “aabbayaashiis mid ka mid ihi boqortooyo malahaa?”, waxaan iri “maya”. Wuxuu yiri “ma dadkii sharafta lahaa baa raacay mise dadka ducafadii (masaakiintii)?”, waxa aan iri “ducafadii”.

Wuxuu yiri “ma bataan (dadka raacay) mise waa yaraadaan?”, waxa aan iri “way bataan”. Wuxuu yiri “ma ka laabtaan qof ka mid ihi diintiisa caro uu u carooday markuu galay ka dib?”, waxa aan iri “may”. Wuxuu yiri “intii uusan dhihin wuxuu (hadda) yiri ka hor ma ku tuhmi jirteen been?”, waxa aan iri “may”.

Wuxuu yiri “ballanta ma jebiyaa?”. waxa an iri “may, waxaanna ku dhex jirnaa (muddadii heshiiska ) mana ogin wax uu samayn doono”. wuxuu yiri ‘ma la dagaasheen?”, waxa aan iri “haa”. Wuxuu yiri “sidee ahaa dagaalka aad la gasheen?”, waxa aan iri “dagaalkayagu waa wadaamaysi, marna isaga ayaa naga guuleystay marna annaga ayaa ka guuleysannay”.

Wuxuu yiri “muxuu idin amrayaa?”, waxa aan iri “wuxuu leeyahay Alle keliya caabuda oo cidna ha ugu shariik yeelina, iskana taga waxa ay aabbayaashiin dhihi jireen. Wuxuu na amrayaa salaad, sadaqo, dhowrsanaan iyo xiriirin”.

Wuxuu markaa Hiraqle ku yiri tarjumaankiisii “ku dheh (Abuu Sufyaan”, waxa aan ku weydiiyey nasabkiisa (nabiga SCW), waxa aad sheegtay in uu yahay nin nasab wanaagsan, sidaas oo kale ayaa rususha looga soo bixin jirey qowmkooda nasabkiisa (kuwa ugu nasab fiican).

Waxa aan ku weydiiyey in axad idinka mid ihi hortiis yiri hadalkaan, waxa aad sheegtay in aysan jirin, waxa aan haddaba leeyahay haddii axad ka horreeyey yiri hadalkan waxaan is dhihi lahaa  waa nin ku deyanaya hadal la yiri hortiis. Waxa aan ku weydiiyey in ay boqornimo u ahaatay aabbayaashiis wax ka mid ah, waxa aad dheegtay in aysan jirin, waxa aan leeyahay haddii aabbayaashiis wax ka mid ah boqornimo u ahaatay waxa aan oran lahaa waa nin doonaya boqornimadii aabayaashiis.

Waxa aan ku wey diiyey in aad been ku tuhmi jirteen intii uusan  dhihi wax uu yiri, waxa aad sheegtay in aysan jirin, waxa aan aqoonsaday in uusan ahayn mid ka taga beenta dadka oo Rabbi ku been abuurta. waxa aan ku weydiiyey in dadkii sharafta lahaa raaceen ama ducafadii, waxa aad ii sheegtay in ay ducafadii raaceen, iyaga (ducafada) ayeyna ahaayeen kuwii rususha raaci jirey.

Waxa aan ku weydiiyey in ay siyaadaan ama ay nusqaamaan, waxa aad sheegtay in ay siyaadaan, sidaas oo kale weeyey arrinta iimaanku ilaa uu ka taam noqdo. Waxa aan ku weydiiyey qof ma ka noqday in aysan jirin, sidaas oo kale weeyey iimaanku markii uu macaankiisu quluubta dheeho. Waxa aan ku weydiiyey ballanta ma jebiyaa, waxa aad sheegtay in uusan jebin, sidaas oo kale rusushu ballanta ma jebiyaan.

Waxa aan ku weydiiday waxa uu idin amro, waxa aad sheegtay in u idin amrayo in aad Ilaah keliya caabudaan oo aydinaan cid kale ugu shariik yeelin, idinkana reebayo cibaadada asnaamta, idina amrayo salaad, sadaqo iyo dhowrsanaan. Haddaba haddii ay waxa aad leedahay xaq yihiin waxa uu hanan doonaa meesha an labadaydan gommodood ku hayo, waana ogaa in uu soo baxayo mase malaynayn in uu idinka ka soo baxayo. Haddii aan ogahay in aan gaari karana waan aadi lahaa, haddii aan agtiisa joogi lahaana lugaha ayan u dhiqi lahaa.

Ka dib wuxuu Hiraqle dalbaday warqaddii Rasuulka SCW, markaas ayuu akhriyey. Markii warqaddii dhammeeyey ayaa wasiirradiisii la fadhiyey waxa ay ka baqeen in uu boqorku islaamo markaas ayey la hadleen oo buuqeen ilaa uu buuqi iyo hugunkii batay. Abuu Sufyaan wuxuu yiri “waxaa la amray in nala bixiyo. Markii nala bixiyey ayaan ku iri raggaygii “Xaqiiqdii amarkii in abii Kabshe (nabiga SCW) waa weynaaday, waxaa ka baqaya boqorkii reer banii Asfar”. Ka dib abuu Sufyaan wuxuu yiri “kama aanan suulin arrinka nabiga in uu soo daahiri doono ilaa aan islaamka ka soo galay.

In kastoo uu Hiraqle yaqiinsaday dacwadii islaamka iyo xaqnimadii Nabiga SCW haddana ma uusan qaadan islaamka oo wuxuu ka doortay kufri iyo gaalnimo.

Ninkii warqadda Hiraqle Rasuulku SCW u soo dhiibay oo la oran jirey Dixya binu Khaliif markii uu warqadda u geeyey ninkii Basra xukumayey wuxuu soo siiyey maal iyo marasho. Markii uu Dixya soo marayo meel dhexe ayaa waxaa la kulmay niman reer Judaam ah oo wuxu watay ka dhacay. Markii uu Dixya Madiina yimid ayuu isagoo oo aan gurigiisii ku leexan wuxuu u tegey Rasuulka SCW oo u sheegay arrintii, wuxuu markaa Rasuulku SCW u direy ciidan gaaraya 500 oo nin, wuxuuna madax uga dhigay Seyd binu Xaarith si ay u soo edbiyaan qabiilkaas waddo goyska noqday.

Seyd iyo ciidankii uu hoggaaminayey meeshii ayey tageen, waxayna qabiilkii ka dhigeen wax ay dileen iyo wax carara, xoolo badan oo gaarayey 1,000 geel ah iyo 500 oo ari ahna way ka soo kaxaysteen. Waxa ka dib Rasuulka SCW u yimid nin la oran jirey Seyd binu Rifaaca oo ka mid ahaa odeyaashii qabiilkaas iyaga oo soo islaamay isaga iyo rag kale oo qabiilkaas ah. Waxayna Rasuulka SCW ka codsadeen in qaniimadii loo celiyo, Rasuulkuna SCW wuu ka aqbalay wuxuuna amray in loo celiyo.

Warqaddii Loo Qoray Boqorkii BAXREYN:

Sidii uu Rasuulku SCW madaxdii horeba waraaqaha ugu diray ayuu wuxuu waraaq u direy ninkii la oran jirey Mundir binu Saawi oo xukumayey Baxreyn. Warqaddaas oo uu ugu yeerayey islaamka, wuxuu ugu sii dhiibay Calaa ibnu Xadrami.

Mundir markii ay warqaddii Rasuulku SCW u tagtay, Alle kheyr ayuu waafajiyey, wuuna islaamay. Wuxuuna Rasuulka SCW u soo direy warqad uu ku leeyahay sidan:

Intaas ka bacdi, Rasuulkii Allow waxa aan ku akhriyey warqaddaadii reer Baxreyn, waxa ayna noqdeen wax islaamkii jeclaaday oo la dhacay iyo wax nacay. Dhulkeygana waxaa ku nool Majuus iyo Yahuud, marka ii soo sheeg amarkaaga.

Markaas ayuu Rasuulku SCW u qoray warqaddan:

  • BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM  
  • Ka socota Maxammed Rasuulkii Alle
  • Ku socota Mundir Binu Saawi
  • Nabadgelyo qofkii hanuunka raaca dushiisa ha ahaato

ASALAAMU CALEYKUM:
Allaah baan kugu mahadinayaa, Allihii isaga maahee uusan mid kale jirin, waxa aan qirayaa Maxammedna in uu yahay addoonkiisii iyo Rasuulkiisii.

Intaas ka dib, waxa aan ku xusuusinayaa Allaah Casa Wajalla, qofkii la waaniyana waxaa la waaniyey naftiisa, qofkii adeeca farriin wadayaashayda oo raaca amarkooda aniga ayuu i adeecay. Qofkii iyaga waaniya, aniga ayuu i waaniyey. Adeegayaashayduna wanaag ayey kaa sheegeen, aniguna waxa aan ku siiyey qowmkaaga (xukunkiisa), muslimiintana u daa cidda ay u islaameen (Allaah), kuwa dembiyada galayna waan cafiyey ee ka yeel adiguna, inta aad wanaagsan tahayna kaa casili mayno shaqadaada. Dadka deggan ee yahuudda iyo majuusta ahna jisyo (canshuur) kaqaad.

Warqaddii Loo Qoray Boqorkii YAMAAMA Xukumaayey:

Sidoo kale Rasuulku SCW wuxuu waraaq u diray ninkii Yamaama xukumayey oo la oran jirey Huuddo binu Cali. Waxa ayna warqaddaasi ahayd sidan:

  • BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM  
  • Ka socota Maxammed, Rasuulkii Alle
  • Ku socota Huudda Binu Cali
  • Nabadgelyo qofkii hanuunka raaca dushiisa ha ahaato.

Waxa aad ogaataa diintaydu in ay kor mari doonto islaam aad nabad gashide, waxa aanna kuu deynayaa inta aad xukuntid.

Ka dib wuxuu Rasuulku SCW warqaddaas ugu sii dhiibey Suleydh binu Camar. Markii uu Suleydh warqaddii u geeyey, ayuu Huudda si fiican u qaabilay, warqaddiina akhristay, wuxuuna Rasuulka SCW u soo qoray warqad uu ku leeyahay “wax ka wanaag badan oo ka quruxsan majiro waxa aad dadka ugu yeeraysid, carabna way taqaannaa darajadeyda ee isii xukunka qaarkiis aan ku raacee”. Ninkii Suleydh ahaa ee warqadda u keenayna waxa uu  soo siiyey abaalgud, jawaabtiina wuu u soo dhiibay.

Suleydh wuxuu markaa ku soo laabtay Madiina, wuxuuna Rasuulka SCW u sheegay warkii oo dhan. Rasuulku SCW markii uu warqaddii Huudda akhriyey ayuu yiri “haddii uu i weydiisan laha gobol dhulka ka mid ah ma yeeleen”. Hadalkan Rasuulka SCW waxa aan ka faa’iideysanaynaa in diinta islaamku aysan ahayn mid loo soo galo dano adduunyo ee ay tahay qanaaco uu qofku ku qanco si uu naftiisa uga badbaadiyo cadaabka Rabbi, qofkana in uu xaqa qaato oo uu Rabbigiis ka baqo isaga ayey dani ugu jirtaa.

Ninkii Huudda ahaa, maaddaama aan xukunkii wax laga siin wuxuu ku baaqi noqday kufrigii iyo gaalnimadii ilaa uu ka dhintay, waxaana ninkaas xaqa ka hor istagay xukun jaceyl sida kuwo badan oo kaleba uu uga hor istaagay, waxaana sideedaba yar in qof xukun sare haya ama soo hayn jirey uu xaqa u hoggaansamo, qof uu Ilaahay u naxariisto ma ahane.

Rasuulku SCW markii uu Makka furtay oo uu ku soo laabtay Madiina ayaa Malaku Jibriil u soo sheegay in uu dhintay Huudda. Wuxuu Rasuulku SCW markaa ku yiri asxaabta “waxaa Yamaama ka soo bixi doona beenale, waxaana la dili doonaa gadaashay”, markaas ayaa nin asxaabta ka mid ihi weydiyey oo yiri “yaa dili doona?”, wuxuu Rasuulku SCW ku yiri “adiga iyo raggaaga”. Ninkaas uu Rasuulku SCW sheegay ee beenalaha ah waa Museylamatul-Kadaab oo ahaa ninkii Nabinnimada sheegtay, waxaana la dilay markii uu Abuubakar khilaafada islaamka hayey, waxaana diley Waxshi oo ahaa ninkii Xamsa dagaalkii Uxud ku dilay, ka dibna soo islaamay.

Warqaddii uu Rasuulka SCW u Diray Ninkii Xukuumada DIMISHIQ Haayay:

Sidoo kale waxa uu Rasuulku SCW waraaq u direy ninkii la oran jirey Xaarith binu Shumar oo ahaa ninkii xukumayey Dimishiq, waxa ayna warqaddu ahayd sidan:

  • BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM  
  • Ka socota Maxammed, Rasuulkii Alle
  • Ku socota Xaarith binu Abii Shamir
  • Nabadgelyo qofkii hanuunka raaca dushiisa ha ahaato

Aniga waxa aan kuugu yeerayaa in aad Alle keliya rumeyso oo aadan u shariik yeelin, xukunkaaguna wuu kuu baaqi noqonayaa. Wuxuu Rasuulku SCW warqaddan u sii dhiibay Shujaaca binu Wahab. Markii ay warqaddii gaartay ayuu Xaarith yiri “yaa xukunkayga iga qaadi kara, aniga isaga ka qaadi”.

Warqaddii Loo Qoray Boqorkii CUMMAAN:

Wuxuu Rasuulku SCW warqad u diray boqorkii Cummaan oo la oran jirey Jiifar iyo walaalkiis Cabdi oo labaduba ahaa ilma Jubnaadi. Waxa ayna warqaddu ahayd sidatan:

  • BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM
  • Ka socota Maxammed, Rasuulkii Alle
  • Ku socota Jiifar & Cabdi, ilma Junadi
  • Nabadgelyo qofkii hanuunka raaca dushiisa ha ahaato.

Intaas ka dib, waxa aan idinku yeerayaa dacwada islaamka. Islaam aad nabad gashiine. Anigu Rasuulkii Alle ayaan ahay oo dadka oo dhan loo soo diray si aan ugu digo qofkii nool, galadana qowlkii Rabbi ugu dhaboobo. Haddii aad qirtaan islaamka waan idiinka weli dhigayaa (xukunkiinna), haddiise aad diiddaan  in aad islaamka qirtaan boqortooyadiinnu way suuleysaa, farduhuna waxa ay aaggiinna ka kicinayaan (boorka), nabinnimadayduna waxa ay ka sarmarti doontaa boqortooyadiina.

Wuxuu Rasuulku SCW warqaddaas u sii dhiibay Camar binu Caas. Wuxuu yiri Camar binu Caas “markii aan tegey Cummaan waxa aan warqaddii u geeyey Cabdi, maxaa yeelay Cabdi ayaa ka dulqaad badnaa, kana dabeecad wanaagsanaa Jiifar. Waxa aan ku iri Cabdi “waxa aan ahay adeegihii Rasuulkii Alle SCW uu u soo diray adiga iyo walaalkaa”, markaas ayuu yiri “walaalkay ayaa iiga horreeya xagga da’da  iyo xukunkaba ee isaga ayaan kuu geynayaa ilaa uu ka akhriyo warqadda”.

Waxaa kale oo uu igu yiri “maxaa dadka ugu yeeraysaa?”. Waxaan ku iri ‘waxa aan ugu yeerayaa Allaah keligiis oo aan shariik lahayn iyo in aad ka dhex baxdo waxa la caabudo sokadiisa, aadna qirto in uu yahay Maxammed addoonkii Alle iyo Rasuulkiisii”. Wuxuu yiri “Camarow waxa aad tahay wiilkii sayidkii reerkaaga sidee sameeyey aabbahaa waxaa noogu sugan ku deyashee?”. Waxa aan iri “wuxuu dhintay isaga oo aan rumeyn Maxammed SCW, waxa aanna jeclaan lahaa in uu islaamo oo rumeeyo (Rasuulka SCW).

Anigu waxa aan ku sugnaa fikraddiisii ilaa Ilaahay islaamka igu soo hanuuniyey. Wuxuu yiri “goorma ayaad raacday (Rasuulka SCW)?”, waxa aan ku iri “waqti dhow”, wuxuu i su’aalay “xaggee ku islaamtay?”, waxa aan ku iri “Najaashi agtiisa” oo waxa aan u sheegay in uu Najaashi islaamay. Wuxuu yiri “sidee (Najaashi) ku sameeyey boqortooyadii dadkiisa?”, waxa aan ku iri “way ka yeeleen oo way raaceen”.

Wuxuu yiri “culimadii iyo suufiyadii ma raaceen”, waxa aan iri “haa”, wuxuu yiri “ka fiirso Cumar waxa aad leedahay maxaa yeelay ma jirto arrin qofku sameeyo oo beenta ka xun”, waxa aan iri “been ma sheegin, xalaalna kuma aha diintayada”. Markaas ayuu yiri “ma arko in uu Hiraqle og yahay islaamnimada Najaashi”, waxa aan iri “wuu og yahay”, wuxuu yiri “sidee ku ogaatay arrinkaas?”, waxa aan iri “Najaashi ayaa u diri jirey Hiraqle wax soo saarka (beerihiisa kasoo go’a qaar kamid ah, markii uu islaamay oo uu rumeeyey Maxammed ayuu yiri “May, Ilaah baan ku dhaartaye haddiii u i weydiisto (Hiraqle) hal Dirham ma siinayo”.

Hadalkaan markii uu gaaray Hiraqle ayaa lagu yiri “ma iska deyneysaa addoonkaagii oo aan ku soo direyn wax soo saarkii, kana diin dhigtay diin kale oo cusub”, markaas ayuu Hiraqle yiri “nin jeclaaday diin oo u dooray naftiisii maxaan ku sameeyaa?. Ilaah baan ku dhaartaye haddii aanan boqortooyada u baqaynin waxa aan samayn lahaa waxa uu sameeyey”. Cabdi ayaa yiri “Camar ka fiirso waxa aad leedahay”, waxa aan ku iri “Ilaah baan ku dhaartaye run baan kuu sheegay”.

Wuxuu ka dib Cabdi yiri “ii sheeg wuxuu idin amro (Rasuulku SCW) iyo wuxuu idinka reebo”, waxa aan iri “wuxuu na amraa Alle in aan adeecno, waxa aanu naga reebaa in aan Alle caasino.  Wuxuu na amraa samafal iyo qaraabo xiriirin, wuxuu naga reebaa dulmiga, cadaawada, sinada, khamriga iyo in la caabudo dhagaxa, sanamka iyo saliibka”. Wuxuu yiri “wanaag badanaa waxa uu dadka ugu yeerayo (Rasuulku SCW), haddii uu walaalkay igu raaci lahaa waan aadi lahayn ilaa aan ka rumeyno Maxammed laakiin walaalkay way ku weyn tahay in uu boqortooyadiisa ka tago oo uu aado”.

Waxa aan iri “haddii uu islaamo, Rasuulku SCW wuu u deynayaa xukunka dadkiisa, sakana wuu ka qaadayaa kuwooda maalqabenka ah, wuxuuna ku celinayaa kuwooda faqiiriinta ah”, wuxuu yiri “tani waa dabeecad wanaagsan, maxayse tahay sakadu?”, markaas ayaan u sheegay (sakada) geela, markaas ayuu yiri “Camarow tan (hasha) geedkana daaqeysa biyahana isaga arooreysa miyaa laga qaadayaa (sako)?”, markaas ayaan iri “haa”, wuxuu yiri “Ilaah baan ku dhaartaye ma arko dadkayaga kala fogaantooda iyo tiro badnaantooda in ay tan yeelayaan”.

Ka dib wuxuu yiri Camar maalmo ayaan ku negaaday albaabkiisii, isaguna wuxuu la xiriirayey walaalkiis oo uu u sheegayey warkaygii. Maalintii dambe ayuu ii yeeray, markii aan u tegey ayaa waxaa igu dhegay askartiisii, markaas ayuu yiri “iska soo daaya”, markii ay i soo daayeen ayaan damcay in aan la fariisto hase yeeshee askartii ayaa ii diiddey. Isagii ayaan fiirshay, markaas ayuu yiri “ka hadal dantaada”, markaas ayaan u dhiibay warqadii oo xiran, intuu warqaddii furay oo akhristay ayuu markii uu dhammeeyey walaalkiis u dhiibay si uu u akhristo.

Ka dib wuxuu yiri “ka warran qureysh maxay samaysay?”, markaas ayaan iri “way raacday (Rasuulka), nin diin jaceyl ku raacay iyo nin seef lagu diriqiyeyba”, wuxuu yiri “yaa la jira”, waxa aan iri “dadku way qaateen islaamka, qeyrkisna way ka doorteen, waxa ayna ku ogaadeen caqligooda oo uu la jiro hanuunka Ilaahay in ay baadi ku sugnaayeen, mana ogi cid ka hartay oo aan adiga ka ahayn ee adiguna haddii aadan maanta islaamin oo aadan raacin fardaha ayaa lagugu weerari,

barwaaqadaasna waa la furan ee islaam aad nabad gashide, xukunka dadkaagana waa laguu dhiibayaa, yeysanna ku soo gelin fardo iyo rag”, wuxuu yiri “iga tag maanta oo berri igu soo laabo”. Walaalkiis ayaan markaas ku laabtay, wuxuuna igu yiri “Camarow waxa aan rajaynayaa in uu islaamayo haddii aan boqortooyadiisu la tegin”.

Maalintii dambe ayaan ku noqday markaas ayuu ii diidey in uu ii idmo. Walaalkiis ayaan u tegey oo u sheegay in aanan helin, wuu ii geeyey, wuxuu markaa igu yiri “waxa aan ka fekerayey wixii aad iigu yeeraysay (islaamka), carabna aniga ayaa ugu taag daran, haddii wixii aan xukumayey aan nin mulkisiiyo isaga oo aysan fardihiisu halkan soo gaari karin, haddii ay so gaaraanse aan la dagaallamayo dagaal uusan la dagaallamin cid la kulantay”,

Markaa ayaan ku iri “berri ayaan baxayaa”, marki uu intaa yaqiinsaday ayuu walaalkiis la gaar noqday oo ku yiri “maxaan ka yeelnaa arrintan uu la soo baxay, qof kasta oo uu cid u direyba waa raacey?”. Markii uu waa beriistay ayuu cid ii soo diray, waxayna halkaa ku qaateen islaamka isaga iyo walaalkiis.

Intaa waxaa ku dhammaaday waxyaabihii ay culimada siiradu ka qoreen waraaqihii uu Rasuulku SCW u kala diray boqorradii iyo madaxdii caalamka markii uu ka soo laabtay heshiiskii Xudeybiya.

Decorative Lines

Kitaabka Siirada:
Suubanaha Rasuulka Muhammed [SCW]
[ Casharka 64aad ]

Waxaa Isku Soo Dubariday:
Cusmaan Bilaad
Email: osmanbilad@hotmail.com

Xigasho: SomaliTalk.com