Axkaamta Xajka
Cumrada iyo Siyaarada

Axkaamta Xajjka

Qore: Sheekh Cabdalla Maxamed Maxamuud

Decorative Lines

Tusmada kitaabka

N: Qeybta N: Qeybta
01 Hordhac 21 Istaagida Banka Carafah
02 Fadliga beydka Alle (Kacbada) 22 Ducooyinka
03 Kacbada Shariffan 23 Fadliga Maalinta Carafah
04 Waa Maxay Xajka 24 Muzdalifah
05 Waajibnimada in si Ikhlaas ah loo Xajjiyo 25 Maalinta 7aad ee Ciidul-Adxaa
06 Waajibnimada in Alle loo Toobad Keeno 26 Seexashada Mina
07 Qofkaan Xajiyin Isagoo Awooda 27 Sida Loo Xajiyo oo Kooban
08 Xikkmada ku Sugan Xajka 28 Hawsha Maalinta 1aad
09 Fadliga Xajka iyo Cumrada 29 Hawsha Maalinta 2aad
10 U Diyaar-Garoowga Xajka 30 Hawsha Maalinta 3aad
11 Bilawga Xajka 31 Hawsha Maalinta 4, 5, 6aad
12 Waano (Talo) 32 Tiirarka Xajka
13 Meelaha Laga Xarmado 33 Waajibaadka Xajka
14 Xarmashada 34 Sunnooyinka Xajka
15 Al-Ixraam 35 Masalooyin Xajka La Xiriira
16 Maxaa Ka Reeban Muxrimka 36 Siyaarda Masjidka Nabiga (csw)
17 Sida Loo Cumreysto 37 Masjid Al-Quba
18 Zamzamka 38 Qaladaadka Ka Dhaca Xujeyda Qaarkood
19 Siyaabaha Loo Xajiyo 39 Gunaanad
20 Xajka La Xirto Maalinta 8aad

Qeybta | 1aad
Hordhac

Axkaamta Xajka
Cumrada iyo Siyaarada

Mahad dhammaanteed Ilaahay baa leh, Allaha noogu nicmeeyey nicmooyin fara badan oo aan la koobi karayn, Allaha abuuray cir iyo dhul, bad iyo berri, habeen iyo maalin, Allaha na siiyey biyo aan wax ku beerano iyo hawo aan ku neefsano iyo qorrax aan ku diirsano, Allaha nagu galladaystay arag iyo maqal, caqli iyo xis, xoog iyo xeelad, Allaha nagu hanuuniyey diinta toosan ee Islaamka .

Ilaahay kor ahaaye wuxuu yiri:

Surat Ibrahim 34

”Ilaahay wuxuu idin siiyey wax kastood weydiisateen oo noloshiinna ku habboon, haddaad tirisaan nicmada Alle marna ma koobi kartaan badnaan awgeed, dadkuna waa dulmi badane gaalnimo badan.” [Surat Ibrahim – 34]

Waxaan Alle weydiisaneynaa inuu naxariis iyo nabadgelyo yeelo Nabigeeni Muxammad dushiisa, iyo Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa iyo dhammaan inta wanaagga ku raacday ilaa maalinta qiyaame intaas ka dib:

Kitaabkaan waa kitaab yar oo ka kooban casharro axkaamta xajka, cumrada iyo aadaabta siyaarada Madiinatul-Munawarahah, waxaan ugu talagalnay dadka doonaya inay xajiyaan ama cumraystaan . Sidaas awgeed waxaa habboon inay ka faa-iideystaan kitaabkaan iyo kuwa la midka ah inteeyan xajin si ay u fuliyaan manaasikta (sifada ama cibaadada) xajka iyo cumrada iyagoo (ayagoo) garanaya.

Waxaa in badan dhacda in qofku xajiyo isagoon (asagoon) cilmi u laheen (lahayn) axkaamta xajka, taasoo keeni karta inuusan xajkiisu ansixin ama uusan kaamil noqon . Ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu ku anfaco walaalaha akhriya kitaabkaan annaga iyo waalidkeen iyo dhammaan muslimiintana noogu dembi dhaafo.

Kitaabka waxaan ku kordhinay laba xaraf oon laga maarmi karin kuwaasoo kala ah: z, th ama carabi ahaan:   [ ز ] iyo [ ﺚ ]

■  Goobaha lagu guto manaasikta (sifada ama cibaadooyinka) xajka laga bilaabo Kacbada, Mina, Muzdalifa ilaa Carafah iyo sifada    xarmashada cumrada iyo xajkaba waxaan ku caddaynay sawirradoodana ku muujinnay kitaabka, si xaajiga fikrad fiican uga qaato intuusan xajkaba aadin, iyo si ay dadku ugu noqoto dhirrigelin inay xajiyaan.

■  Maaddaama lagu kala duwan yahay sida loogu hadlo ama loo qoro af soomaaliga ayaan isku daynay inaan erayada iyo weeraha qaarkood ku lammaanino kuwo la macno ah ama fasiraya si loo fahmo ujeeddada.

■  Erayga Carafah waa meesha (goobta), Carrafahna waa maalinta.

■  In la tarjumo ( turjumo) Qur’aanka kariimka ah iyo xadiithka shariifka ah wax sahlan (fudud) ma aha oo waxay ku fadhiyaan cilmi iyo balaaqo aad u weyn, waayo waa mucjiso sidaas awgeed waxaan isku daynay inaan ku fasirno micnaha ugu dhow oy dadku fahmi karaan.

■  Erayga ama kalmadda: [ النُسُكُ ] Asalkeedu waa cibaadada, waxaa kale oo loo isticmaalay xoolaha la gawraco . Eragaan wuxuu ina soo mari doonaa in badan iyadoo loola jeedo sifada loo xajiyo iyo cibaadooyinka xajka oo idil (( Manaasikta )).

■  Waxaan isku daynay inaan ka fogaano khilaafka fiqiga (axkaamta) ee culimmada u dhexeeya si uusan akhristaha ugu wareerin, waxaanan casharrada ku salaynay sifadii ka sugnaatay Rasuulka Alle markuu xajinayey oy noo soo gudbiyeen (tebiyeen) Asxaabtiisa sharafta mudan Allaha ka raalli noqdee. Waxaan kaloo u noqonay kutubta fiqiga ah oy qoreen culimmadii hore iyo kuwa dambe sida: Sheekh Cabdulcaziiz Bin Baaz, Sheekh Muxammad Al-Cutheymiin iyo Sheekh Naasirudiin Al-Albaani Allaha u naxariisto dhammaantood, intaas ka dib, Xajku waa safar cibaado iyo addeecid Alle, waa safar wanaagsan oo kheyr iyo barako ah, waa shir weyne Islaami ah oy isugu yimaadaan sannad kasta iskuna bartaan addoommada Alle ee ka kala yimi dhammaan qaaradaha dunida aynu ku noolnahay.

Markii uu Nabi Ibraahim nabadgelyo dushiisa Allaha yeelee dhammeystiray dhisidda kacbada ayuu Alle kor ahaaye amray inuu dadka ugu yeero inay u soo xajiyaan beydka Alle, markaa ayuu buur ku dhow kacbada dusha uga baxay oo dadka u qeylyey (u qeyliyey).

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

Surat Al-Hajj (27)

”Ugu yeer dadka xajka, wey kuu imaan iyagoo lugayn ama saaran bogdheer (soo rukuubsaday geel) iyagoo ka kala imaan jiho kastoo fog.” [Surat Al-Hajj – 27]

Qeybta2aad

Fadliga Beydka Alle (Kacbada)

Dhulka aynu ku noolnahay waxaa u kheyr iyo fadli badan goobta (meesha) uu ku yaal beydka Alle (kacbada) . Kacbadu waxay ku taal magaalada barakaysan ee Makah Al-Mukarramah . Waxaynu ognahay in magaalada barakaysani ay ku taal bartamaha dhulka inta berriga ah oo aadanuhu ku noolyahay sida ay culimmada ku xeel dheer sheegeen kuwaasoo uu ka mid yahay Dr. Husein Kamaludin, culimmadaasu waxay heleen sanadkii 1977 in Makah Al-Mukarramah ku taal bartamaha dhulka markii ay ka cabbireen jahooyinkoo idil.

Alle kor ahaaye wuxuu ku magacaabay magaalada barakaysan ee Makah hooyada magaalooyinka wuxuuna yiri:

Surat Ash-Shurry

”Sidaan ugu waxyoonay Nabiyadii hore ayaan adigana Nabiyow kuugu waxyoonay Quraan carabi ah si aad ugu digto dadka reer Makah magaalooyinka hooyadood iyo inta ku xeeran oo idil (inta hareeraheeda ku sugan).” [Surat: Ash-Shura’]

Allaahu Subxaanahu Watacaalaa wuxuu magaalada barakaysan ee Makah ka yeelay balad aammin ah wuxuuna ka xarrimay dhammaan dulmi oo idil sida: Dhac, dil, xadgudub iyo geedaheeda oo la gooyo ama ugaarteedoo la ugaarsado.

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

Surat An-Naml - 91

”Nabiyow waxaad dhahdaa: Waxaa uun lay-amray inaan caabudo Rabbiga (Allaha) baladkaan (Makah) Rabbigaasoo dulmi iyo xumaan oo idil ka xarrimay.” [Surat: An-Naml, 91]

Cabdullaahi Bin Cabbaas Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri: Rasuulka Alle wuxuu yiri maalintii furashada Makah:

Xadiith 01

‘’Baladkaan (Makah) Allaah ayaa ka xarrimay dulmi iyo xumaan oo idil maalintuu uumay (abuuray) samooyinka (7da cir) iyo dhulka sidaas ayuuna ahaanayaa ilaa maalinta Qiyaamadu dhacayso.’’

Markii uu Nabi Ibraahim caleyhi salaam yimi Makah oon la deggeneen ayuu reerkiisa (xaaskiisa Haajar iyo wiilkiisa Ismaaciil) dejiyey, ka dibna wuu u duceeyey,

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

Surat Ibrahim (35-37)

”Xusuuso markii uu Nabi Ibraahim yiri: Rabbiyow ka yeel baladkaan (Makah) aammin, igana dheeree aniga iyo carruurteyda inaan caabudno sanamyada . Rabbiyow waxay baadiyeeyeen dad badan, haddaba ciddii I raacda waa iga mid, ciddiise I caasida adigaa dembidhaafe naxariista ah . Rabbiyow waxaan dejiyey carruurteyda (Ismaaciil iyo hooyadii Haajar) tog aan beer laheen (lahayn) beydkaaga sharafta leh agtiisa, Rabbiyow si ay u oogaan salaadda ee ka yeel quluubta dadka mid u soo iilata xaggooda kuna quudi miro si ay kuugu shukriyaan (mahadiyaan). ” [Surat: Ibrahim – 35-37]

Makkah waa magaalada Alle kor ahaaye iyo Rasuulkiisa u jecel-yihiin.

Cabdullaahi Bin Caddiyin Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri: Waxaan arkay Rasuulka Alle oo taagan meel la yiraahdo Alxazuura, markaasu yiri:

Xadiith 02

‘’Ilaahay baan ku dhaartaye waxaad tahay dhulka Alle meesha ugu kheyrka badan, waxaadna tahay dhulka Alle meeshaan u jeclahay, haddaan layga-kaa soo saarinna ma kaa soo baxeen.’’

Al-Kacbah

Kacbada waa qiblada muslimiinta nolol iyo geeriba, inta ay noolyihiin xaggeedey u tukadaan, markay geeriyoodaan oo godka la geliyona xaggeedaa loo jeediyaa.

Tiro Qeybta Tiro Qeybta
01 Xajarul Aswad 08 Geeska uu ku yaal xajarul Aswad
02 Albaabka Kacbada 09 Geeska Ruknul Yamaani
03 Majaroor 10 Geeska Ruknul Shaami
04 Shaadarwaan 11 Geeska Ruknul Ciraaqi
05 Al-Xijir 12 Daaha Kacbada
06 Al-Multazam 13 Calaamada ku toosan Xajarul Aswad
07 Maqaamu Ibraahiim

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

Surat Al-Baqarah 144

‘’U jeedi wejigaaga markaad tukaneysid xagga masjidka xurmaysan, meel kastood joogtaanna u jeediya wejigiinna xaggiisa.’’  [ Surat al-Baqarah, 144]

Cabdullaahi Bin Cabbaas wuxuu yiri:

 ”Rasuulka Alle ayaa wuxuu u jeedsaday dhanka kacbada markaasuu tukaday laba rakcadood ka dibna wuxuu yiri:

Xadiith 13

’Tan ayaa qibladii ah.’’

Xajarul Aswad

Cabdullaahi Bin Cabbaas Allaha ka raalli noqdee wuxuu Nabiga ka weriyey inuu yiri:

Xajarul-Aswad wuxuu ka soo degay jannada isagoo (asagoo) caanaha ka cad, waxaase madoobeeyey dembiga aadanaha (dadka).

الحجر الأسود 2

Nin baa wuxuu ku yiri Cabdullaahi Bin Cumar: Cabdiraxmaan aabbihiisow kumaan arkin adigoo taabanaya wax kacbada ka mid ah labada Rukni Xajarul-Aswad iyo Ruknul-Yamaani mooyee? Markaasuu yiri, Waxaan maqlay Rasuulka Alle oo oranaya.

Xadiith 22

‘’Marka la taabto labadooda (Xajarul-Aswad iyo Ruknul-Yamaani) waxay daadiyaan (hoobiyaan) gafafka (dembiyada)’’

Ruknul-Yamaani:

Wuxuu xigaa koonfur galbeed waxaana sunno ah in la taabto marka la dawaafayo.

Cabdullaahi Bin Cumar Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri:

Xadiith 23

”Ma arag Rasuulka Alle (scw isagoo (asagoo) taabanaya wax ka mid ah kacbada labada Rukni mooyee (Xajarul-Aswad iyo Ruknul- Yamaani).”

Maqaamul-Ibraahiim

Waa dhagaxii uu ku istaagay Nabi Ibraahim markay kacbada dhisayeen isaga (asaga) iyo wiilkiisa Ismaaciil nabadgelyo dushooda Allaha yeelee, Nabi Ismaaciil dhagxaanta ayuu u soo dhiibayey Nabi Ibraahimna beydkuu dhisayey. Maqaamul-lbraahiim wuxuu ka mid yahay calaamooyinka waaweyn ee Alle kor ahaaye yeelay beydkiisa sharafta badan.

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

Surat Aali-Cimraam 96-97

‘’Beydkii ugu horreyey ee loo soo dejiyey dadka waa kan ku yaal Maka ( Kacbada ) isagoo la barakeeyey hanuunna u ah caalamka. Waxaa ku sugan beydka sharafta leh aayado cadcad iyo calaamado ay ka mid yihiin Maqaamu-Ibraahiim, qofkii gala beydka (Beytulxaraam) waa aammin.” [Surat: Aali-Cimraan 96-97]

Allaahu Subxaanahu Watacaalaa wuxuu amray qofkii ku dawaafa beydka Alle (kacbada) inuu ku tukado Maqaamul-Ibraahiim agtiisa.

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

Surat Al-Baqarah 125

‘’Ka yeesha Maqaamka-Ibraahiim agtiisa meel lagu tukado.’’ [Surat: Al-Baqarah, 125]

Maqaamu Ibraahiim

Alxijir:

Waa qeybta ku taal woqooyiga kacbada, waa derbi gaaban oo soo qoolaaban ( nus wareeg ) wuxuu ka mid yahay kacbada, waayo markii ay Qureyshi dib u dhistay kacbada ayaa waxaa ku yaraaday kharajka ( kharashka ) sidaas awgeed ayey qeybtaas yar ka tageen. Qofkii kacbada ku dawaafaya uma bannaana inuu dhexmaro xijirka, laakiin waxaa waajib ah inuu dhabarka ka maro, qofkiise jecel inuu kacbada gudaheeda ku tukado waxaa u bannaan inuu xijirka gudihiisa ku tukudo, eeg sawirka kacbada tirada (lambarka 5).

Al-Xijjirka

Qeybta | 4aad

Waa Maxay Xajka?

Xajka waa tiir ka mid ah shanta tiir ee Islaamka.

Cabdullaahi Bin Cumar Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri: Rasuulka Alle wuxuu yiri:

Xadiith 06

Islaamka waxaa lagu dhisay shan tiir:

  1. In laga markhaanti kaco inuusan jirin ilaah xaq lagu caabudu, Allaha xaqa ah oo wax kasta abuuray mooyee .
  2. In salaadda la oogo .
  3. In zakada la bixiyo .
  4. In lagu soo xajiyo beydka (Kacbada)
  5. In la soomo bisha Ramadaan.

Xajka in la guto waa waajib faral ah, Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

Surat Aali-Cimraam 97

”Ilaahay dadka (dushooda) wuxuu ku waajib yeelay inay beydka (kacbada) ku xajiyaan kooda awooda, qofkii gaaloobana Alle waa ka deeqtoon yahay caalamka (uunkoo) idil.” [Sura: Aali-Cimraan, 97]

Abu Hureyra Allaha ka raajli noqdee wuxuu yiri: Waxaa noo khudbeeyey Rasuulka Alle wuxuuna yiri:

Xadiith 07

‘’War dadyahaw (muslimiiney), waxaa dhab ah in Alle idinku faralyeelay (waajibyeelay) xajka ee xajiya.’’

Xajku wuxuu ku waajibaa qof kastoo muslim ah, caqli leh, xor ah, qaan gaar ah, awoodna u leh inuu soo xajiyo, taasoo micneheedu yahay inuu heli karo kharajkii uu ku xajiyi lahaa sida: Gaadiidka (tigidka diyaaradda, markabka ama baabuurka iwm) iyo jiscinka (jicsinka) intuu gudanayo xajka iyo wixii uu uga tegi (u dhaafi) lahaa reerkiisa intuu ka soo laabanayo xajka.

Fiiro gaar ah:

Haddii ilma yar la xajisiiyo xajka waa ka ansaxayaa ajarkana waxaa leh waalidkii xajisiiyey.

Cabdullaahi Bin Cabbaas Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri:

Xadiith 08

‘’Nabiga ayaa wuxuu kula kulmay meel la yiraahdo: Arrowxaa dad xajka u socda, markaasuu yiri: Yaa tihiin? Waxay yiraahdeen: Waxaan nahay muslimiin, iyagana (ayagana) waxay yiraahdeen: Yaa tahay? Wuxuu yiri: Rasuulka Alle . Haweeney ayaa kor u qaadday wiil yar oo waxay tiri: Kan xaj ma leeyahy (ma ka ansaxayaa?) Wuxuu yiri: Haa, adiguna waxaad leedahay ajar.”

Qofkii carruur soo xajisiiya waxaa laga doonayaa inuu marsiiyo manaasikta (sifada ama cibaadada) xajka iyo cumrada iyo inuu ka ilaaliyo wixii muxrimka laga reebay. Qofka muslimka ahi waxaa laga doonayaa inuu xajiyo hal mar cimrigiisa (noloshiisa) oo idil . Qof kastoo muslim ah oo uu ku waajibay xajka marna kama baaqan karo sabab la’aan sida: gabow, jirro daran, dan weyn oo muuqata oo ku soo korodhay ama sababo la xiriira duruufaha (xaaladaha) safarka sida fiisaha helitaankiisa iyo tigidka iwm.

Fiiro gaar ah:

Haweenta muslimadda ahi ma xajiyi karto inay ninkeeda la socoto mooyee ama nin muxrim u ah sida: Aabbe, awoowe, walaal, adeer, abti ama wiilkeeda iwm, laakiin ninka muxrimka u noqonaya waa inuu yahay nin caqli leh oo qaangaar ah.

Nabiga (csw) wuxuu yiri: 

Xadiith 09

‘’Yeeyan safrin (sadcaalin) haweeney muslimad ah inay nin muxrim u ah la jirto mooyee, yuusanna nin ugu soo gelin meel (goob) ay joogto hadduusan muxrim la joogin . Nin Saxaabi ah ayaa wuxuu yiri: Rasuulka Allow waxaan doonayaa inaan raaco ciidamada jihaadka aadaya xaaskeyguna waxay dooneysaa xajka? Markaasuu Rasuulka Alle yiri: raac iyada (ayada).’’

Qeybta | 5aad

Waajibnimada In
Si Ikhlaas Ah Loo Xajiyo

Waxaa waajib ah in cibaadooyinkoo idil sida: xajka, salaadda, soonka, zakada, iyo xajkaba Alle kor ahaaye lagu keli yeelo oon cidna lala wadaajin, haddii kale waxay noqoneysaa shirki uusan Alle aqbaleynin kana raalli noqoneynin, sidaas awgeed.

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

Surat A-Bayyinah 5

”Dadkana lama farin waxaan Alle cibaadadiisa aheen (ahayn), iyagoo (ayagoo) ku keliyeeli Alle diinta una iilanaya jidka toosan ee xaqa ah, iyo salaaddoy oogaan iyo zakadoy bixiyaan, taasaana ah diinta toosan.” [Surat: Al-Bayyinah 5]

Waxaa jira dad u xajiya Alle dartii oy dhab ka tahay inay Alle addeecaan amarkiisana fuliyaan, waxaa kaloo jira dad doonaya inay xajka magac ku helaan ama dadku arko inay xajiyeen, waayo shaydaanku marna ma doonayo in Alle kor ahaaye si dhab ah loo caabudo looguna saafiyeelo cibaadada. Haddaba waxaa habboon in qofka xajinaya niyadda wanaajiyo kana dhowro istutus iyo ismaqashiis.

Abu Hujeyra Allaha ka raalli noqdee waxaa laga weriyey in Rasuuka Alle yiri:

Xadiith 10

”Alle wax dan ah kama laha oo ma eego jirkiinna iyo muuqaalkiinna siday yihiin, laakiin wuxuu eegaa qalbigiinna waxa ku jira iyo camalkiinna siduu yahay.”

Qeybta 6aad | Waajibnimada In Alle Loo Toobad Keeno

Qof kastoo muslim ahi waxaa ku waajibay inuu Alle u toobad keeno goor kasta, iskana daayo dembi, dulmi iyo macsiyo idilkeed. Markuu niyeesto qofka muslimka ahi inuu xajiyo sidaasoo kale waxaa ku waajibay inuu Alle u toobad keeno oo uu iska daayo wixii dembi ah Allena uga soo noqdo dhammaan xumaanta iyo xaaraanta.

Ilaahay kor ahaaye wuxuu yiri:

Surat At-Taxriim 8

”Kuwa xaqa rumeeyow u toobad keena Alle toobad run (dhab) ah, Waxaa hubaal ah in Ilaahay tirtirayo (cafinayo) xumaantiina (dembigiina) idinna gelin doono jannooyin ay dureereyso hoostooda wabiyaal.” [Surat: At-Taxriim, 8]

Culimmadu waxay yiraahdeen qof kastoo muslim ah waxaa ku waajibay inuu ka toobad keeno dhammaan dembiyada uu galabsaday toobad dhab ah, haddii dembiyadaasi ay yihiin kuwo u dhexeeya isaga (asaga) iyo Alle kor ahaaye toobaddu waxay ku ansaxeysaa seddex shardi kuwaasoo kala ah:

  1. Inuu joojiyo macsiyada (dembigaas uu ka toobad keenay).
  2. Inuu ka qoomameeyo (ka shallaayo wuxuu falay ).
  3. Inuu go’aansado inuusan mar dambe ku noqon, laakiinse haddii dembigaasi la xiriiro xaq aadane toobaddu waxay ku ansaxaysaa.

Seddexdii shardi oo aynu soo sheegnay iyo mid afraad (4) kaasoo ah: Inuu celiyo xaqa aadane haddii uu ahaa xoolo uu ka qaatay ama wax la mid ah, haddiise xaqaasu yahay inuu u gafay waa inuu weydiistaa cafis (saamaxaad).

Abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri: Waxaan maqlay Rasuulka Alle (csw) oo oranaya:

Xadiith 14

”Wallaahi baan ku dhaartaye anigu Alle ayaan dembidhaaf weydiistaa xaggiisana u noqdaa oo u toobad keenaa maalin kasta wax ka badan todobaatan goor.”

Qeybta 7aad | Qofkaan Xajiyin Isagoo Awooda

Marba hadduu xajku yahay tiir ka mid ah tiirarka Islaamka waa in laysu diyaariyaa loona degdegaa gudashadiisa oon marna la daahin ama aan la yaraysan, waxaa jira dad fara badan oo awooda inay xajiyaan laakiin jecel inay ku cudurdaartaan howlo adduun taasoo aanan bannaanayn.

Nabiga (csw) wuxuu yiri:

Xadiith 15

‘’U degdega inaad gudataan xajka faralka ah, qofkiin ma oga waxa qabsan doona.’’

Xajka waa waajib adag sidaa awgeed lagama tegi karo dibna looma dhigan karo qofkii awooda, waayo waxaa dhici karta in qofku dhinto ama gaboobo (duqoobo) ama jirrado ama baadi ka lunto (dhunto) ama in arrin weyni ku soo korodho isagoon (asagoon) xajin.

Alle kor ahaaye markuu sheegay inuu dadka dushooda ku waajibiyey inay xajiyaan ayuu raaciyey qofkii gaaloobana Alie waa ka deeqtoon yahay caalamkoo idil, culimmada halkaa waxay ka fahameen in qofkuu xaj ku waajibay oo diida inuu aado xajka qofkaasi inuu gaal yahay. Waxaa jira culimmo qabta in xajka dib loo dhigan karo, laakiin sida xaqa ah waxaa weeye inaan la daahin Karin, marka ugu horreysa ood awood u heshid inaad xajido xaji, waayo nafta Ilaahay baa haya qofna ma oga goortuu geeriyoon doono iyo meeshuu ku geeriyoon doono.

Qeybta 8aad | Xikmadda Ku Sugan Xajka

Xikmadda ku sugan in la xajiyo waxaa weeye kheyr adduun iyo mid aakhiro Ilaahay kor ahaaye ayaa kitaabkiisa kariimka ah ku sheegay xikmaddaas.

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

Surat Al-Xajj 28

”Ilaahay wuxuu dadka xajka ugu faral (waajib) yeelay inay u yimaadaan oo ka helaan nacfigooda adduun iyo aakhiroba iyo inay Alle xusaan maalmaha xajka ee la ogyahay.” [Surat: Al-Xajj. 28]

Nacfigooda aakhiro waxaa ka mid ah:

Inay guteen xajka oy Alle addeeceen rillihiisana gaareen, iyo inay in badan duceysteen eheladooda iyo muslimiintana u duceeyeen, iyo inay xag Alle ka heleen dembidhaaf, iyo inay mutaysteen Janno haddi u kaso (garto).

Nacfigooda adduun waxaa ka mid ah:

Inay tageen meel lagu dalxiiso meeshii ugu wanaagsaneed iyo inay barteen walaalo muslimiin ah oo fara badan kuwaasoo ka kala yimi dhammaan qaaradaha adduunka iyo inay wax ka cuneen xoolaha faraha badan ee lagu gowracay goobta xajka . Waxaa u bannaan xaajiga inuu beycmushtaro (ganacsado) safarkiisa Xajka sii socod iyo soo socodba, sidaas awgeed waxaa habboon in qofka xajinaya uu iska dhowro dhammaan xumaanta iyo xaaraanta iyo muran aan faa-iido laheen (lahayn).

Qeybta 9aad | Fadliga Xajka Iyo Cumrada

”Caa-isha Allaha ka raalli noqdee ayaa weydiisay Rasuulka Alle oo waxay tiri: Rasuulka Allow waxaan aragnaa in jihaadku yahay camalka ugu fadliga badan (ugu wanaagsan) ee ma jihaadnaa?

Xadiith 16

Markaasuu yiri: Laakiin jihaadka ayaa sii kala wanaagsan oo waxaa ugu sii fadli badan xaj lagu baarrinimo falay oo si wanaagsan loo gutay.”

Cabdullaahi Bin Mascuud Allaha ka raalli noqdee wuxuu ka wriyey Rasuulka Alle (csw) inuu yiri:

‘’Israacraaciya inaad goor walba xajidaan oo cumraysataan, waayo xajka iyo cumraduba waxay ka dhowraan dadka guta faqri (saboolnimo) iyo dembi sida dabkuba uga dhowro biraha iyo dahabka iyo qalinkaba (silver) wixii wasakh iyo mirir ah marka lagu dhalaaliyo dabka . Xajka sida wanaagsan loo guto oo lagu baarrinimo falo abaalmarin aan Jannada aheen (ahayn) ma laha.”

Qofkii si wanaagsan u xajiya wuxuu mutaysanyaa Jannada, qofkii goor kasta xajiya ama cumraysta (si tadawuc ah) ah dembigiisa waa la dhafaa xoolahana Alle waa u barakeeyaa.’’

Xadiith 17

Xajku wuxuu ka mid yahay cibaadooyinka ugu wanaagsan ee Alle loogu dhowaado jannadana lagu mutaysto.

Abu hureyra Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri: Waxaan maqlay Nabiga (csw) oo oranaya:

Xadiith 18

‘’Qofkii xajiya oon ku hadlin hadal foolxun, ama xaaskiisa u galmoon ama xumaan iyo macsiyo xajka dhexdiisa la imaan, xajka wuxuu ka laabtaa isagoon (asagoon) dembi laheen (lahayn) sidii maalintii hooyadii dhashay oo kale (xalay dhalay ka ah dembigiisi hore).’’

Xajka noocaas ahi waa midka uu xaajigu ku dadaalo inuu u guto manaasikta (sifada ama cibaadooyinka) xajka si fiican oo waafaqsan sunnada Nabiga kana fogaado dhammaan dembi iyo xasarad iyo bidco aan daliil laheen (lahayn), sidoo kale in xaajigu ka ilaaliyo carrabkiisa hadal kastoo xun.

Markaa waxaa habboon intuusan qofku xajiyin inuu la yimaado sabar (samir) adag, iyo inuu wax ka barto axkaamta xajka oo akhristo duruusta (casharrada) sida loo xajiyo, ama dhageysto muxaadarooyinka laga diyaariyey xajka . Waxaa la ogyahay in dad badani xajiyaan iyagoon (ayagoon) aqoon ku filan u laheen (lahayn) xajka, ama aanan soo qaadan wacyi-gelin ku saabsan xajka taasoo keeni karta dhibaatooyin fara badan oy ka mid yihiin:

  1. In qofkaasi jaahilka ahi uusan xajkiisi ansixin ama uu kala dhimman yahay isagoo (asagoo) u huray xoolo iyo wakhti (waqti) badan.
  2. Inuu dhib u geysto xujeyda kale oo uu ka mid noqdo kuwa sababa geerida faraha badan ee ka dhacda xajka . Waxaynu aragnaa in badan dad kooxo kooxo u socda oo intay isqabsadaan xoog ku dardara (jiira) dadka kale goobaha ciriirka ah sida jamaraadka iyo dawaafka, iyadoo la ogsoon yahay xurmada uu leeyahay dhiig muslim, ama in lagu xadgudbo xurmada beydka Alle (kacbada) iyo dhulka barakeysan,

Nabiga wuxuu yiri:

Xadiith 19

In la cumraysto bisha Ramadaan waxay u dhigantaa (xagga ajarka) hal xaj. Qofkii cumraysta bisha barakaysan ee Ramadaan gudaheeda wuxuu mutaysan ajar iyo xasanaad fara badan sidii isagoo (asagoo) xajiyey, laakiin xajkii faralka ahaa kama gudeyso oo isna waa laga doonayaa hadduusan hore u xajin.

Abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee waxaa laga soo xigtay in Rasuulka Alle yiri:

Xadiith 20

‘’Laba goor (xilli) oo la cumraysto dhexdooda waxaa ku sugan dembidhaaf, xaj si wanaagsan loo gutay oo lagu baarrinimo falayna abaalmarin aan janno aheen (ahayn) ma laha.’’

Qeybta 10aad | U Diyaargarowga Xajka

Ugu horreyntii haddii aad xajineysid waa inaad diyaarsato jiscin (jicsin) kugu filan oo xalaal ah, waayo qofkii ku xajiya xoolo aan xalaal aheen (ahayn) xajkiisu ma jiro. Abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee waxaa laga weriyey in Rasuulka Alle uu yiri:

Xadiith 21

‘’War dadyahow (muslimiiney) Alle waa wanaagsan yahay oo xumaan oo dhan waa ka nazahan yahay (ka hufan yahay) mana aqbalo wax aanan wanaagsaneen oon xalaal aheen (ahayn).’’

Waxaa kale oo lagaa doonayaa inaad fuliso arrimaha soo socda:

  • Inaad diyaarsato baasaboor, visa, talaal iyo tigidhka diyaaradda.
  • Inaad isqorto (bookin-garaysato) xiligaad bixi lahayd (return ticket) iyoxilligaad soo noqon lahayd.
  • Wixii deyn ah oo lagugu leeyahay ood bixiso.
  • Iyo inaad reerka uga tagto wax ku filan oo dhaqaale ah ilaa inta aad ka soo laabaneysid.

Qeybta 11aad | Bilowga Xajka:

  • Inta aadan diyaaradda korin: Horay u sii qubeyso oo weyso qaado.
  • Diyaaradda gudeheeda musqusha (suuliga) gal oo dharkii hore iska bedel, waxaadna xirataa dharka ixraamka kaasoo ah laba go’ oo cadcad oon tolneen ama dhexgal laheen (lahayn) oo keliya, waa inaad siibtaa kabaha buudka ah ood gashataa dacas ama sandal dusha ka furan.

Fiiro aaar ah:

Haweenka dharkoodii iyo xijaabkoodii ayey qabayaan, laakiin ma gashanayaan gacmaha galoofyo, wejigana kuma xiranayaan niqaab (indha-shareer).

Qeybta 12aad | Waano (Talo)

Qofkii doonaya inuu xajiyo ha raadsado dad wanaagsan oo uu la xajiyo, weliba hadduu heli karo ha la xajiyo dad culimmo ah oo garanaya manaasikta (sifada ama cibaadooyinka) xajka iyo cumrada.

Jaabbir Bin Cabdillaahi Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri:

Xadiith 24

Rasuulka Alle (csw) wuxuu ku nagaaday Madiinatul-Munawarah sagaal sano oo uusan xajin, markay ahayd sannadkii tobnaad ayuu dadka ogeysiiyey inuu xajinayo, isla markiiba waxaa yimi Madiinatul-Munawarah dad aad u fara badan oo dhammaantood doonaya inay xajka u raacaan Rasuulka Alle oy kaga daydaan manaasikta xajka iyo inay sameeyaan wuxuu sameynayo.”

Markuu xaajiga la xajiyo dad wanaagsan oo manaasikta (sifada ama cibaadooyinka) xajka iyo cumrada garanaya waxaan shaki ku jirin in xajkuba u fududaanayo si wanaagsanna uu u gudan karo, waayo wixii uu garan waayo iyaguu (ayaguu) weydiinayaa si ay uga jaahil bixiyaan,

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

Surat Al-Ambiya - 7

”Wax weydiiya kuwa cilmiga leh haddaydaan garanayn.” [Surat: Al-Ambiya’, 7 ]

Qofkiise aan nasiib u helin inuu raaco dad culimmo ah wuxuu ka raadin karaa goobaha xajka sida: Makah, Mina, Carafah, Muzdalifah, iwm hadduu u baahdo.

Meelaha Laga Xarmado

Meelaha laga Xarmado

Meelaha Laga Xarmado:
Reer Madiina Dul-Xulayfa oo loo yaqaan (Abyaar Cali)
Reer Shaam Juxfah
Reer Najdi Qarni Manazil
Reer Yemen Yalamlam
Reer Ciraaq Daatu-Cirqi

Shantaas meelood waxaa loo yaqaan (miiqaat) waxaana ka xarmada dadka deggan waddamadaynu soo sheegnay iyo dadka kor kaga yimaada oo ka shisheeya . Qofkiise ka sokeeya oo Maka u dhow wuxuu ka xarman karaa meeshuu deggan yahay, tusaale: Dadka deggan magaalada Jeddah waxay ka xarman karaan magaaladooda.

Qeybta 14 | Xarmashada

Xaajigu markuu diyaaradda saaran yahay wuxuu ka xarman karaa markuu la siman yahay mid ka mid ah shantii meelood oo aynu soo sheegnay, mana bannaana inuu dhaafo isagoon (asagoon) xarman. Inta badan duuliyaha diyaaradda ayaa kuu sheegaya safarka xajka.

Habka loo xarmado

Habka Loo Xarmado

  • Labada go’ oo cadcad iyo kabo dusha ka furan

Qeybta 15aad | Al-Ixraam

Waa maxay Al-Ixraam? Al Ixraam waa niyadda uu qofku ku galayo manaasikta (sifada ama cibaadada) xajka iyo cumrada oo uu kaga fogaanayo wixii laga reebay. Haddii uu xaajigu la socdo gawaari iyo wax la mid ah markuu soo gaaro meeshii (miiqaatka) uu ka xarman lahaa ayaa waxaa sunno ah intuusan xarman (xiran xajka) inuu qubeysto, isna carfiyo, waxaana habboon in xaajigu iska gaabiyo shaarubada, ciddiyahana iska jaro, iskana xiiro timaha kilkillooyinka iyo bisqanta (timaha hoosta ku yaal).

Abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee waxaa laga weriyey in Rasuulka Alle (sw) yiri:

Xadiith 25

Shan sifadood waxay ka mid tahay diinta Alle dadka ku abuuray: gudniinka, bisqantoo layska xiiro, shaarubadoo layska gaabiyo, ciddiyahoo layska jaro iyo timaha kilkillooyinkoo layska tifo. [Waxaa wariyay: Bukhaari iyo Muslim]

Fiiro gaar ah:

Haddii ay haweentu caado qabto (macduur tahay) sidaas oo kale ayey u qubeysaneysaa ka dibna xarmaneysaa (xiraneysaa xajka) dhiiggana waxay iskaga ilaalineysaa suuf iyo wax la mid ah, qubeyskeedu dahaaro qadaasho ma aha ee waa sunno. Haweenta caadada qabta waxaa u bannaan inay fuliso dhammaan manaasikta (sifada ama cibaadooyinka) xajka dawaafka kacbada mooyee, markay daahir noqotana way dawaafi kartaa .

Qeybta 16aad | Maxaa ka reebban qofka muxrimka ah:

Xaajiga markuu xarmado (xirto xajka) waxaa ka reebban dhowr waxyaalood kuwaasoo kala ah:

1– (( Muxrimka )) nikaax oo idil ma sameen karo (ma guursan karo naag, cid kalena urna guurin karo) xaaskiisana urna galmoon karo mana oran karo hadal ku saabsan arrimahaas oo idil.

Nabiga (csw) wuxuu yiri:

Xadiith 26

Ma guursado qofka muxrimka ahi, loomana guuriyo, haweenna guur daraaddii uma doono.

Culimmadu waxay yiraahdaan hadduu muxrimku guursado ama haweeney muxrimad ahi la meheriyo guurkaasi waa mid faasid ah oon ansaxeen .

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

Surat Al-Baqarah - 197

”Xajka waa bilo la yaqaan, haddaba qofkii xajiya bilahaas waxaa ka xaaraan ah inuu xaaskiisa u galmoodo ama uu ku kaco fal foolxun iyo muran intuu gudanayo xajka, waxaad fashaan oo kheyr ah Ilaahay waa ogaan ee u sahay qaata xajka, sahayda ugu kheyr badanna waa cabsida Alle ee iga cabsada haddaad caqli leedihiin.” [Surat: Al-Baqarah, 197]

Haddii nin iyo xaaskiisa ay wada xajinayaan iyagoo (ayagoo) muxrimiin ah isu galmoodaan xajkoodi waa buray (xaj uma jiro) waxaana laga doonayaa:

  1. Inay dhammaystiraan xajka ay markaa gudanayaan, waxaana ku waajibay inay qalleeyaan xajka sannadka soo socda.
  2. Waxaa kaloo laga doonayaa inay gowracaan neef geel ah ama neef lo’ ah oo hilibkiisa masaakiinta u qeybiyaan.

Fiiro gaar ah:

Haddii xaajigu u galmoodo xaaskiisa isagoo (asagoo) gutay manaasikta xajka badankeed taxalulka koowaad ka dib intuusan gudan Dawaaful-Ifaadah xajkiisi waa u jiraa, laakiin waxaa laga doonayaa laba arrimood:

  1. Fidyo: inuu gowraco ri’ oo hilibkeeda u qeybiyo masaakiinta.
  2. Inuu xuduudda xaramka ka baxo oo mar labaad soo xarmado ka dibna uu la yimaado Dawaaful-Ifaadah.

2- (( Muxrimka )) timaha ma xiiri karo mana gaabin karo, laakiin hadduu madaxa dhib ka qabo sida: Injir ama cudur waxaa u bannaan inuu xiiro ka dibna fidyo bixiyo,

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

Surat Al-Baqarah - 196

”U dhammaystira xajka iyo cumraduba Alle dartii, haddii laydin ka celiyona waxaad gowracdaan wixii idiin fududaada oo hadyi ah sida: neef geel ah, lo’ ama ari hana xiirina madaxiinna inta hadyigu ka gaarayo meeshii loogu talagalay, qofkii muxrim ah oo idinka mid ah oo jirrada ama wax dhib ah ka qaba madaxa oo timuhu dhibayaan, ha la yimaado fidyo: soon ah (seddex maalmood) ama ha bixiyo sadaqo (seddex suus oo cunto ah) ha u qeybiyo lix miskiin, ama ha gowraco ugu yaraan neef ari ah, markaad aammin noqotaan qofkii cumraysta ka dibna xajiya ha gowraco wixii u fududaada oo hadyi ah neef ari ah, qofkiise aan heli karin ha ku soomo seddex maalmood xajka toddobo maalmoodna markuu ku laabto waddankiisa taasi waa toban dhan.” [Surat: Al-Baqarah, 196]

3– (( Muxrimka )) cidiyaha ma jari karo kuwa gacmaha iyo kuwa lugahaba culimmadu waxay uga qiyaasteen timaha.

4,5– (( Muxrimka )) dhar tolan iyo kabo buud ah toonna ma gashan karo, sidoo kale wuxuu ka fogaanayaa cadar iyo barafuun.

Cabdullaahi Bin Cumar Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri: Nin baa weydiiyey Rasuulka (csw) oo wuxuu yiri: Rasuulka Allow Muxrimka dharkee xiranayaa? Markaa ayuu Rasuulka Alle yiri:

Xadiith 27

”Muxrimku yuusan gashan khamiis ama shaar, yuusanna xiran cimaamad iyo saraawiil iyo koofyad iyo khufafka cagaha . Qofkii aan heli karin kabo dusha ka furan ha gashado laba khuf oo ha ka gooyo canqawga hoostiisa, hana xiranina dhar la taabsiiyey cadarka loo yaqaan alzacfaraan ama waras (waa cadar midab leh) Haddii dharka qofka muxrimka ahi uu cadar gaaro ama la mariyo waxaa waajib ah in laga dhaqo (mayro) . Haweenta muxrimadda ahi uma bannaana inay wejiga ku xirato niqaab ama gashato gacmaha galoofyo.”

Cabdullaahi Bin Cumar Allaha ka raalli noqdee wuxuu Nabigu (csw) ka weriyey inuu yiri:

Xadiith 28

”Yeeyan niqaaban haweenta muxrimadda ahi, yeeyanna gashan gacmaha galoofyo. Laakiin waxaa u habboon inay wejiga iyo gacmahaba ku dedato ku (asturato) khimaarkeedii markay agjooto rag ajnabi ka ah.”

Caa-isha Allaha ka raalli noqdee waxay tiri:

Xadiith 29

”Annagoo Rasuulka Alle (csw) la j¡rna 00 ¡xraaman (muxrimaad ah), ayaa waxaa na soo agmarayey dad safar ah oo awri u raran tahay markay nala siman yihiin ayey haweeney kasta oo naga mid ahi jalbaabkeedii (go’ii madaxa u saarnaa) wejiga ku dabooleesey, markay na gudbaanna wejigaan iska feydi jirnay . Xadiithkaan waxaa xoojinaya Axaadiith kale oo la micno ah sida: Axaadiith ay werisay Asmaa Binti Abiibakar iyo Faadumo Binti Almundir Allaha ka wada raalli noqdee.”

6- (( Muxrimka )) ninka ahi madaxa waxba ma saari karo, laakiin dalad iyo wax la mid ah wuu harsan karaa, Cabdullaahi Bin Cabbaas Allaha ka raalli noqdee markuu ka warramayey ninkii muxrimka ahaa oo markay hashiisi haraatiday geeriyooday ayuu Nabiga (csw) wuxuu yiri:

Xadiith 30

”Madaxa ha ka daboolina, waayo Ilaahay ayaa soo bixin doonaa qiyaamada isagoo (asagoo) muxrim ah oo talbiyada xajka akhrinaya.”

Xadiithkaan iyo Axaadiith kaleba waxay daliil u yihiin in qof kasta la soo bixin doono qiyaamada isagoo (asagoo) ku sugan sifaduu ahaa markuu geeriyoonayey hadduu cibaado ku jirey iyo hadduu macsiyo ku jireyba.”

7- (( Muxrimka )) uma bannaana markuu xajka u sii socdo inuu ugaarsado ama uu qof ugaarsanaya ugu kaalmeeyo,

Allaahu subxaanahu watacaalaa wuxuu yiri:

Surat Al-Maidah 95

”Kuwa xaqa rumeeyow ha dilina ugaarta (ugaadha) idinkoo xarman.” [Surat: Al-Maidah, 95]

Al-sacab Bin Jathaamah Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri:

Waxaan u hadiyeeyey Rasuulka Alle dameerfarow, markaasuu igu diiday hadiyaddii, laakiin markuu arkay wajigeyga inaan ka xumaaday ayuu yiri: 

Xadiith 31

”Anigu kuuguma celin hadiyadda sabab kale ee anigu waxaan ahay muxrim. Qofka muxrimka ahi waxaa u bannaan inuu dilo xayawaanka dadka dhiba.”

Waxaa Nabiga (csw) ka sugnaatay inuu yiri:

Xadiith 32

”Muxrimka dushiisa dembi ma aha hadduu dilo shan ka mid ah xayawaannada: tukaha, daftada (dafada), jiirka (doolliga), dabqallooca (hangarallaha) iyo eyga dadcunka ah.”

Qofka muxrimka ahi wuu qubeysan karaa, labada go’ ee cadcadna wuu iska beddeli karaa oo mayri karaa, dalladna wuu harsan karaa, madaxana wuu xoqan karaa, haddii ilig ama gaws xanuunana wuu iska bixin karaa, waxaa kale oo u bannaan inuu xirto saacad, farraati, ookiyaale (indha-gashi) iyo kiishad uu lacagta iyo waraaqaha ku rito (gurto).

Qeybta 17aad | Sida Loo Cumraysto

In la cumraysto waa waajib sida xajka, qofka muslimka ahi waxaa ku waajibay inuu cumraysto hal mar cimrigiisa ( noloshiisa ).

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

Surat Al-Baqarah - (196)

”U dhammaystira xajka iyo cumraduba Alle dartii.” [Surat: Al-Baqarah, 196]

Qofka cumraysanaya markuu miiqaatka yimaado ayuu xiranayaa cumrada, waxaa habboon inuu cumrada xirto salaad faral (waajib) ah ama sunno ah ka dib. Rasuulka Alle wuxuu xarmaday markuu salaad duhur tukaday ka dib, laakiin ma jirto sunno u gaar ah xarmashada in kastoo culimmada qaarkood ay qabaan in laba rakcadood oo sunna ah la tukado ka dibna la xarmado haddeeyan salaad faral ah joogin xilliga la xarmanayo.

Wuxuu niyadda (ama afka) ka oranayaa:

Xadiith 33

”Allahumma labeyka alcumrata.”

Ka dibna wuxuu iska dhowrayaa wixii laga xarrimay oo aynu soo sheegnay, wuxuuna akhrinayaa in badan (talbiyada) dikriga ah:

Xadiith 34

(( Labbeyka Allahuma labbeyka, labbeyka la shariika laka labbeyka, inna-lxamda wa nicmata, laka walmulka, la shariika laka)) . Cabdullaahi Bin Cumar Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri: Talbiyada Rasuulka Waxay ahayd sidatan:

Fiiro gaar ah:

Haweenta markay akhrineyso talbiyada hoos ayey u akhrinaysaa si aanan codkeeda raggu u maqal.

Ragga markay akhrinayaan dikrigaan loo yaqaan (talbiyada) kor ayey u qaadayaan ilaa ay ka yimaadaan Masjidul-Xaraam. Waxaa kaloo habboon inuu badiyo qofka cumraysanaya ducooyinka iyo xuska Alle. Markuu yimaado Makah waxaa habboon inuu qubeysto oo weyso qaato intuusan xaramka gelin, weysaqaadku wuxuu shardi u yahay dawaafka oo weyso la’aan lama dawaafi karo, waayo dawaafku waa salaaddoo kale.

Cabdullaahi Bin Cabbaas Allaha ka raalli noqdee wuxuu ka weriyey Nabiga (csw) inuu yiri:

Xadiith 35

”Dawaafku waa salaad oo kale, laakiin waxaa idiin bannaan inaad hadashaan markaad dawaafeysaan.”

Qofka dawaafaya waxaa u bannaan inuu hadlo, laakiin waa inuu ilaaliyo aadaabta dawaafka ogaadana inuu cibaado ku dhexjiro kuna dawaafayo beydka Alle oo ah meesha ugu kheyrka badan dhulka aynu ku noolnahay uguna sharafta mudan, sidaas awgeed waa inuu ku mashquulaa sidii uu Alle ugu khushuuci lahaa una raalli gelin lahaa inta uu dawaafayo. Qofka dawaafaya waa inuu ka fogaado hadal kastoo dembi ah ama laqwi aan faa-iido laheen (lahayn).

  • Qofka cumraysanaya wuxuu aadayaa xagga Kacbada, markuu masjidka yimaado waxaa sunno ah inuu hormariyo lugta midigta ah isagoo (asagoo) Ilaahay u khushuucsan wuxuuna oranayaa:

Xadiith 36

((Bismillaahi was-salaatu was-salaamu calaa Rasuuli-Laahi, Acuudu Billaahi Alcadiim, Wabiwajhihi Alkariim, Wasuldaanihi Alqadiim, mina shaydaani arrajiim . Allaahuma igfir lii dunuubii, waftax lii abwaaba raxmatika)).

Haweentu markay caado qabto ma dawaafi karto ilaa ay ka daahir noqoto. Nabiga (csw) wuxuu Caa-isha Alla ka raalli noqdee ku yiri markay macduur noqotay (caadada ku dhacday):

Xadiith 37

”Samee dhammaan cibaadooyinka uu xaajiga samaynayo, laakiin ha ku dawaafin beydka (kacbada) ilaa aad ka daahir noqoto.”

  • Waxaa sunno ah haddii qofka cumraysanaya uu yahay nin inuu banneysto garabka midigta ah oo go’iisa sare uu mariyo garabka hoostiisa (kilkillada) markuu dawaafayo habkaasoo loo yaqaan:

Habka Ildibaac | Jeeniqaarsi

Ildibaac

  • Ildibaac [ اضطباع ]  (Jeeniqaarsi).

Abu yacla Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri:

Xadiith 38

”Nabiga (csw) wuxuu dawaafay isagoo (asagoo) soo jeeniqaarsaday go’ cagaaran. Markuu dawaafka dhammeeyo ayuu ildibaaca (jeeniqaarsiga) iska furayaa oo go’a si caadi ah u huwanayaa.”

Qofka cumraysanaya wuxuu u dawaafayaa isagoo (asagoo) u soconaya xagga midigta kacbadana xejinaya bidixdiisa . Waxaa kaloo sunno ah inuu rucleeyo seddexda wareegoo ugu horreeya, ildibaaca (jeeniqaarsiga) iyo rucleyntuba waxay sunno yihiin oo keliya dawaafka ugu horreeya oo qofka cumraysanaya ku dawaafayo kacbada, waxayna gaar ku yihiin ragga,

Cabdullaahi Bin Cabbaas Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri:

Xadiith 39

”Nabiga (csw) go’iisuu jeeniqaarsaday isaga (asaga) iyo Asxaabtiisa markay dawaafayeen, seddex wareeg ayey rucleeyeen, afar wareegna wey socdeen.”

Jaabbir Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri:

Xadiith 40

”Rasuulka Alle (csw) wuxuu ku dawaafay kacbada, seddex wareeg ayuu rucleeyey, afar wareegna wuu socday, ka dib ayuu istaagay Maqaamul-lbraahiim agtiisa oo laba rakcadood ku tukaday.”

Qofka cumraysanaya Wuxuu ku dawaafayaa kacbada toddobo wareeg isagoo (asagoo) ka bilaabaya Xajarul-Aswad kuna dhammaynaya isla Xajarul-Aswad. Hadduu ka shakiyo tiraduu dawaafay wuxuu qaadanayaa tirada ugu yar oo uu hubo markaa ayuu inta kalena ku dhammaystirayaa. Waxaa sunno ah in qofka kacbada ku dawaafaya haddii uu heli karo inuu dhunkado Xajarul-Aswad.

Amiirka mu’miniinta Cumar Bin Alkhadaab Allaha ka raalli noqdee wuxuu ahaa mid dhunkada Xajarul-Aswad wuxuuna dhihi jiray:

Xadiith 41

”Dhagaxyahow anigu waan ogahay 00 dhib iyo dheef ma lihid, haddaanan arkeen Nabiga (csw) 00 ku dhunkanaya ma ku dhunkadeen.”

Haddeeyan u suurtogalin dhunkashada markaa wuxuu ku taabanayaa gacanta ka dibna gacanta dhunkanayaa.

Cabdullaahi Bin Cumar Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri:

Xadiith 42

”Nabiga (csw) wuxuu gacantiisa ku taabtay Xajarul-Aswad ka dibna gacantiisa ayuu dhunkaday.”

Haddeeyan gacanta u suurtogalina shay (walax) sida usha ayuu ku taabanayaa ka dibna shaygaas ayuu dhunkanayaa.

Caamir Bin waathila Allaha ka raalli noqdee waxaa laga weriyey inuu yiri:

Xadiith 43

”Waxaan arkay Rasuulka Alie (csw) 00 kacbada ku dawaafaya, wuxuuna ku taabanayey ul uu watay xajarul-Aswad, ka dibna usha ayuu dhunkanayey.”

Mar kastoo uu soo ag-maro Xajarul-Aswad waa inuu takbiirsadaa oo yiraahdaa ((Allaahu Akbar)) sida ka sugnaatay Nabiga.

Cabdullaahi Bin Cabbaas Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri:

Xadiith 44

”Nabiga ayaa kacbada ku dawaafay isagoo (asagoo) saaran rati, mar kastuu soo gaaro Xajarul-Aswad wuxuu ugu ishaarayey (tilmaamayey) shay (walax) uu haystay wuxuuna oranayey: ((Allaahu Akbar)).”

Markuu soo gaaro Ruknul-Yamaani waxaa sunno ah inuu taabto, laakiin haddii uusan awoodin saxmad awgeed wuu isaga tagayaa . Waxaa sunno ah inuu akhriyo intuu socdo Ruknul- Yamaani iyo Xajarul-Aswad dhexdooda ducadaan:

Xadiith 46

”((Allaahumma Rabbanaa aatinaa fid-dunyaa xasanatan wafil- aakhirati xasanatan waqinaa cadaaba-nnaar”.

Waxaa habboon in qofka dawaafaya akhriyo markuu dawaafayo iyo markuu gudanayo cibaadooyinka kale ee xajka sida: sacyiga Safa iyo Marwah u dhexeeya, Carafa, Muzdalifah iyo Mina ducooyinka uu garanayo, duco khaas ahna ma jirto, laakiin waxaa waajib ah inuu ilaaliyo adaabta ducada, waayo ducadu waa asalka cibaadada mana bannaana in la baryo cid aan Alle aheen (ahayn), sidaasoo kale ma bannaana in lagu duceysto dembi iyo xumaan . Markuu dawaafka dhammeeyo ayuu imaanayaa Maqaamul-Ibraahiim agtiisa suu ugu tukado laba rakcadood,

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

Surat Al-Baqarah 125

‘’Ka yeesha maqaamul-Ibraahiim meel lagu tukado.’’

As-Salat - Maqam Ibrahim

Labada rakcadood oo lagu tukado Maqaamul-Ibraahiim agtiisa waxaa habboon inuu akhriyo rakcadda hore faataxada iyo suuradda: [Alkaafiruun] ama qul yaa-ayuhal-kaafiruun, rakcadda labaadna faataxada iyo suuradda: [Al-ikhlaas] ama qul huwallaahu axaddun . Haddii ay meeshaasi saxmad tahay (ciriir tahay) wuxuu ku tukanayaa meel kastoo masjidka ka mid ah.

  • Ka dib waxaa habboon inuu shubto biyaha zam-zamka ah oo uu cabbo.

Qeybta 18aad | Zamzam

Jaabir Allaha ka raalli noqdee waxaa laga weriyey in Rasuulka Alle yiri:

Xadiith 47

”Biyaha zamzamka ah hadba waa wixii loo niyeesto cabbitaankooda.”

Zamzamka

Zamzam

Waxaa habboon in qofka biyahaan cabbaya uu ku bilaabo bismillaahi iyo inuu u jeedsado (u jeensado) xagga qiblada kana dhergo. Biyaha zamzamka ah waa biyo nadiif ah oon wasakh ama jeermis laheen (lahayn), waa biyo barakaysan oo badan oon go’een ama gureen . Ceelka zamzamka wuxuu jiraa kumanaan sano, halka ceelasha kale ee dunida ay jiri karaan boqol sano iyo wax la mid ah.

Dad badan oo jirrooyin kala duwan qaba ayaa Ilaahay ku caafiyey oo dawo ka siiyey. Biyahaan waxay ka mid yihiin calaamooyinka Allaahu subxaanuhu watacaalaa yeelay beydkiisa sharafta leh. Markay Nabi Ismaaciil iyo hooyadii Haajar nabadgelyo dushooda ha ahaatee ay harraad (oon) la dhimman gaareen ayaa Ilaahay u soo diray Malag u qoda ceelka zamzam. Qofkii cumraysanayey markuu biyaha zamzamka ah cabbo ka dib ayuu ku noqonayaa Xajarul-Aswad oo soo taabanayaa hadday suurtogal tahay.

Fiiro gaar ah:

Haddii salaadda la aqimo isagoo (asagoo) qofku uu dawaafayo ama sacyiga Safa iyo Marwah dhexdooda ku jiro wuu joojinayaa oo salaadda ayuu tukanayaa, ka dibna meeshii ay u joogtay dawaafka ama sacyiga ayuu ka sii wadayaa. Ka dib wuxuu tagayaa buurta Safa dusheeda, markuu u sii socdo ayuu akhrinayaa aayadda:

Surat Al-Baqarah (158)

Ka dibna wuxuu oranayaa:

Xadiith 56

Sacyiga

Sacyiga

Sacyiga waxaan ka bilaabayaa buurtuu Alle ka bilaabay akhrinta aayadda taasoo ah buurta Safa. Markuu ku ekaado buurta Safa dusheeda ayuu soo eegayaa kacbada xaggeeda ka dibna wuxuu akhrinayaa ducada soo socota isagoo (asagoo) gacmaha kor u taagaya:

Xadiith 48

‘’Allaahu Akbar, Allaahu Akbar, Allaahu Akbar, laa ilaaha illa-LLaahu waxdahu laa shariika lahu, lahu-lmulku walahu-xamdu wahuwa calaa kulli shee-in qadiir. Laa ilaaha illa-LLaahu waxdahu, anjaza wacdahu wanasara cabdahu wahazamal- axzaaba waxdahu.’’

Intaas ka dib wuxuu ku ducaysanayaa wuxuu doono seddex goor ayuu sidaa samaynayaa, markaa ka dib wuxuu aadayaa xagga iyo buurta Marwah, wuxuu samaynayaa intii uu buurta Safa dusheeda ku sameeyey. Hadana Safa ayuu ku soo noqonayaa Ilaa uu Safa iyo Marwah toddoba goor isaga dhex socodo, yuusanna hilmaamin inuu rucleeyo labada calaamo nal ee cagaaran (the two green lights) dhexdooda (rucleyntaan waxay gaar ku tahay ragga), laakiin waa inuusan dadka jiirin ama dardarin.

Sacyiga labada buurood dhexdooda looma shardiyo dahaaro ama inuu weyso qabo sida ay culimmadu qabaan, waayo dahaaradu waxay shardi u tahay oo keliya dawaafka beydka (kacbada) waxaana u daliil ah xadiithkii aynu soo marnay:

Nabiga wuxuu Caa-isha Allaha ka raalli noqdee ku yiri markay macduur noqotay (caadadu ku dhacday):

Xadiith 57

”Samee dhammaan cibaadooyinka uu xaajiga samaynayo, laakiin ha ku dawaafin beydka (kacbada) ilaa aad ka daahir noqoto.”

Fiiro gaar ah:

Waxaa waajib ku ah ninka cumraysanaya ama xajinaya ee dawaafaya ama sacyinaya inuu indhaha ka laabto haweenka, sidoo kale haweentuna waa inay ka laabato indhaheeda ragga.

Labada buur ee Safa iyo Marwah dhexdooda:

Safa Wa Marwah II

  • Markii uu wareegga u dambeeya ku dhammeeyo Marwah cumradii waxaa uga dhimman isagoo (asagoo) timaha uun iska jara, mana habboona inuu xiiro waayo xaj baa u haray, albaabka ugu sokeeya ayuu ka baxayaa oo timaha iska jarayaa, markaas xalaal buu noqonayaa oo wixii ixraamka lagaga xarrimay oo idil baa u bannaan . Ka dib wuxuu sugayaa inta xajka laga gaaro oo wuxuu joogayaa Makah gudaheeda ama dibaddeeda.

Fiiro gaar ah:

Haddii qofka cumraystay uusan xaj sugeynin waxaa u fadli badan inuu timaha iska xiiro waayo Nabiga wuxuu u duceeyey kuwa timaha xiirta labo ama seddex goor halka uu u duceeyey kuwa timaha gaabiya hal mar, laakiin haweenka waxaa laga doonayaa inay timaha gaabiyaan cumrada iyo xajkaba umana bannaana inay xiiraan.

Siyaabaha ama hababka loo Xajiyo

Waxaa loo xajiyaa seddex hab (nooc) kuwaasoo kala ah:

  1. At-Tamatuc.
  2. Al-Qiraan.
  3. Al-Ifraad

At-Tamatuc

1| At-tamatuc

Atamatuc waa xirasho cumro oo keliya marka hore bilaha xajka dhexdooda kuwaasoo kala ah: Soonfur, Sidataal iyo tobanka hore ee bisha Carrafo. Culimmada qaar baa qaba in Atamatuc uu yahay habka (nooca) ugu fadliga badan, qaar kale waxay qabaan inuu u fadli badan yahay qofkii aanan hadyi (xoolo) soo kaxaysan markuu xajka imaanayey, Sidaas awgeed ayuu faray nabiga in qofkii aanan hadyi soo wadan (kaxaysan) inuu xajkiisi cumro u bedelo oy ku dawaafaan Kacbada, kuna sacyiyaan Safa iyo Marwah dhexdooda ka dibna ka taxalulaan ( ka xalaal noqdaan wixii laga xarrimay) oo xajka sugaan maalinta sideedaad ee loo yaqaan Tarwiyah.

Jaabbir Allaha ka raalli noqdee wuxuu ka weriyey Rasuulka Alle (csw) inuu yiri:

Xadiith 58

”Ka xalaal noqda ixraamkiinna oo Kacbada ku dawaafa, kuna sacyiya Safa iyo Marwah dhexdooda oo timaha gaabsada, ka dibna iska jooga idinkoo xalaal ah ilaa laga gaaro maalinta Tarwiyah (siddeedaad) maalintaasna ku xarmada xaj.”

Jaabbir Allaha ka raalli noqdee wuxuu kaloo ka weriyey Rasuulka Alle (csw) inuu yiri:

Xadiith 59

”Sameeya (fala ) waxaan idin amray, haddaanan hadyi soo kaxaysteen waxaan sameen ( fali ) lahaa waxii aan idin amray (faray) oo kale, laakiin anigu waxba kama xalaal noqon karo ilaa hadyigu ( xoolaha ) gaaro meeshii ( goobtii ) loogu talagalay.”

Markaa ayey Saxaabadu fuliyeen amarkiisi wey cumraysteen oo xalaal noqdeen ( wey tamatuceen). Xaajigu markuu cumrada u guto sidii aynu soo sheegnay oo uu ka xalaal noqdo wixii laga xarrimay ayuu sugayaa inta laga gaaro xilliga uu bilaabanayo xajka. Markuu xajka bilawdo maalinta siddeedaad ( Tarwiyah ) ayuu xaajigu xiranayaa xajka isagoo (asagoo) Makah jooga ama dibaddeedaba.

Qofkii tamatuca ( marka hore cumraysta ka dibna xajiga ) sideynu soo sheegnay waxaa laga dooni laba dawaaf iyo laba sacyi, waayo cumradu waxay leedahay hal dawaaf iyo hal sacyi, xajkuna wuxuu leeyahay hal dawaaf iyo hal sacyi.

Al-Qiraan

2| Al-qiraan

Al-qiraan waa habka labaad ee loo xajiyo, habkaan ayaa ku xiga Atamatuc xagga fadliga sida culimmo badani qabaan, laakiin qofkii hadyi (xoolo) soo kaxaystay habkaan ayaa u fadli badan, kaasoo ah in xaajigu xirto markuu miiqaadka yimaado xaj iyo cumro isku lammaansan (wada jira) oo niyadda ama afka ka yiraahdo:

Xadiith 53

”Labeyka Cumratan Wal-Xajj”

Xajka Nabiga ma wuxuu ahaa Al-ifraad, mise Atamatuc, mise Al-qiraan? Culimmada Islaamka waxay xaqiijiyeen (sugeen) in Nabiga ku xajiyey habka loo yaqaan (Al-qiraan), waayo wuxuu soo kaxaystay hadyi fara badan ( boqol neef oo geel ah ) wuxuuna xirtay cumro iyo xaj isku lammaansan.

Anas Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri:

Xadiith 60

”Waxaan Rasuulka Alle (csw) u raacnay Makah, markaa ayaan maqlay isagoo (asagoo) oranaya: 

Fiiro gaar ah:

Waxaa jira Axaadiith kale oo tilmaamaya in Nabiga uu ku xajiyey habka ( Al-ifraad ) iyo Axaadiith kale oo tilmaamaya in Nabiga uu ku xajiyey habka ( Atamatuc ), laakiin waxaa habboon inuusan xaajigu isku mashquulin habka ugu fadliga badan ee waxaa wanaagsan inuu isku mashquuliyo siduu xaj wanaagsan oo waafaqsan Sunnada Nabiga (csw) u gudan lahaa, markaa ka dibna ha doorto habka ugu fudud oo uu ka bixi karo.

Cumar Bin Al-khidaab Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri: Waxaan ka maqlay Nabiga (csw) annagoo joogna waadiga (togga) Al-caqiiq isagoo (asagoo) oranaya:

Xadiith 61

”Waxaa iiga yimi xagga Rabbigay axad ( Malakul-Jibriil), markaasuu igu yiri: ku tuko waadigaan (toggaan) la barakeeyey gudihiisa oo waxaad dhahdaa: Cumro la dhexgeliyey xaj (cumro lagu lammaaniyey xaj).”

Caa-isha Allaha ka raalli noqdee waxay ka werisay Nabiga inuu yiri:

Xadiith 62

”Qofkii soo kaxaystay hadyi (xoolo) ha xirto xaj iyo cumro isku lammaansan (wada jira), ka dibna ha ku joogo ixraamkiisa, ilaa uu dhammeeyo hawlihii xajka iyo cumrada ka dibna hal mar ha ka wada xalaal noqdo.”

Xaajigu muxrim buu ahaanayaa ilaa uu ka dhammaystiro hawlihii xajka iyo cumrad oo idil. Markuu soo gaaro kacbada ayuu dawaafayaa Dawaaful-Quduum, ka dibna wuxuu ku sacyinayaa Safa iyo Marwah dhexdooda sifadii aynu soo sheegnay, ka dib wuxuu ku joogayaa ixraamkiisi oo ma taxalulayo ilaa xajku ka dhammaado.

Xaajiga waxaa u bannaan inuu sacyiga Safa iyo Marwah dhexdooda dib u dhigto ilaa xilliga uu gudanayo Dawaaful- Ifaadah ka dib . Maalinta tobnaad markuu guto hawlihii Mina oy ka mid ahaayeen: Jamaratul-Caqaba oo toddobo dhagax lagu tuuro, hadyigoo la gawraco iyo timahoo la xiiro ama la gaabiyo, ka dib ayuu imaanayaa kacbada oo ku dawaafayaa dawaaful-Ifaadah, ka dib ayuu taxalul (xalaalnimo) kaamil ah helayaa, mana loo baahna inuu sacyi labaad guto waayo horay ayuu u sacyiyey dawaaful-quduum ka dib.

Laakiin hadduu sacyiga Safa iyo Marwah dhexdooda dib u dhigtay, Dawaaful-Ifaadah ka dib ayuu sacyigana gudanayaa, ka dibna taxalulayaa . Alqiraan habka loo yaqaan waxaa xaajiga laga doonayaa oo keliya hal dawaaf iyo hal sacyi oy wadaagayaan xajka iyo cumrada.

Rasuulka Alle wuxuu Caa-isha Allaha ka raalli noqdee ku yiri:

Xadiith 63

”Dawaafkaagi aad kacbada ku dawaaftay iyo sacyigii Safah iyo Marwah dhexdooda ahaa ayaa kuugu filan xajkaaga iyo cumradaadaba.”

Al-Ifraad

3| AI-ifraad

Al-ifraad waa habka seddexaad ee loo xajiyo, qofkii doonaya inuu xajiyo laakiin aanan dooneyn inuu ku daro cumro waxaa u bannaan inuu ka xarmado miiqaadka oo niyadda ama afka ka yiraahdo:

Labeykal-Xajj

”Labeyka xajan”

Xaajigu muxrim ayuu ahaanayaa ilaa hawlihii xajka ka dhammaadaan. Markuu (Kacbada) yimaado ayuu ku dawaafayaa Dawaaful-Quduum, ka dib wuxuu ku sacyinayaa Safa iyo Marwah dhexdooda sifadii aynu soo sheegnay. Hadduu rabo sacyiga Safa iyo Marwah dib ayuu u dhigan karaa, ka dib wuxuu ahaanayaa muxrim ilaa laga gaaro maalinta Atarwiyah ee ah siddeedda Dul-Xija, markaa ayuu aadayaa Mina oo gudanayaa dhammaan hawlihii xajka, marka laga reebo inuu gawraco hadyi, waayo kuma waajibin.

Markuu soo dhammaystiro hawlihii xajka ee Mina oy ka mid yihiin: In toddobo dhagax lagu tuuro Jamartul-Caqaba iyo timahoo la xiiro ama la gaabiyo, ka dib ayuu xaajiga imaanayaa Kacbada oo ku dawaafayaa Dawaaful-Ifaadah, haddii Sacyiga uu dib u dhigtayna wuxuu aadayaa Safa iyo marwah oo ku sacyinayaa. Xaajiga waxaa laga doonayaa oo keliya hal Dawaaful- Ifaadah iyo hal sacyi Safa iyo Marwah dhexdooda.

Xaajiga waxaa u bannaan inuu cumraysto xajka ka dib, Nabiga (csw) wuxuu ku amray Cabdiraxmaan Bin Abii Bakar (Caa-isha walaalkeed) inuu Caa-isha geeyo meesha la yiraahdo Atanciim (waa meel Makah u dhow soohdinta xaramkana ka baxsan) si ay uga soo xarmato markay cumraysanayso, waayo Caa-isha Allaha ka raalli noqdee waxay jecleesatay inay cumro gaar ah cumraysato xajka ka dib, markaa ayey Nabiga (csw) weydiisatay inay cumraysato. Culimmada Islaamka waxay ka digeen in dhowr jeer laga soo cumraysto goobaha ay ka mid yihiin:

Atanciim iyo Al-jicraana iwm xajka ka dib marba hadduu xaajigu horay u cumraystay, waayo wax daliil ah looma hayo, arrinkaasuna wuxuu keeni karaa saxmad (ciriiri) iyo hawl fara badan oon loo baahneen. Laakiin qofkii aan hore u cumraysan wey u bannaan tahay inuu ka soo cumraysto goobahaas sideynu soo sheegnay.

Seddexdii nooc oo aynu soo sheegnay;

  1. At-Tamatuc.
  2. Al-Qiraan.
  3. Al-Ifraad.

Dhammaantood wey sugan yihiin.

Caaa-isha Allaha ka raalli noqdee waxay tiri:

Xadiith 64

”Rasuulka Alle ayaan  u raacnay xajka sannadkii xajka sawootinka (sagootinka) waxaa naga mid ahaa dad ku xarmaday cumro, waxaa    kale oo naga mid ahaa dad ku xarmaday xaj iyo cumro wada jira, waxaa kale oo naga mid ahaa dad ku xarmaday xaj.”

Allaahu Subxaanuhu Watacaalaa wuu u fududeeyey addoomadiisa hababka (noocyada) loo xajiyo waayo dadku isku duruuf (xaalad) ma aha tusaale:

Qof baa doonaya xaj oo keliya waayo horay ayuu u cumraystay, isla markaana hadyi inuu gawraco tabar uma hayo, qof kale wuxuu dooni inuu cumraysto ka dibna xajiyo hadyina gawraco, qof kalena wuxuu soo kaxaystay hadyi markuu imaanayey beydka Alle oo wuxuu doonayaa xajka iyo cumraduba inuu isku mar guto intaba wey bannaan tahay, sidaas awgeed ma habboona in xujeyda loo tilmaamo hal nooc oo kaliya kuwa kalena laga leexiyo.

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

Surat Al-Baqarah - (185)

‘’Alle wuxuu idinla dooni fudayd, mana idinla doonayo dhib.’’

Xajka la xirto maalinta siddeedaad (Tarwiyah)

Maalinta sideedaad ee Dul-Xija waxaa loo yaqaan: (يومُ التروية) (Yaamu-Atarwiyah) waa maalinta koowaad ee xajka, xaajigu wuxuu gashanayaa mar labaad dharkiisi ixraamka (laba go’ oo cadcad iyo kabaha dusha ka furan), yuusanna hilmaamin inuu fuliyo sunanka ixraamka oy ka mid yihiin: Qubeys, shaarubadoo layska gaabiyo, timaha hoose oo layska xiiro, kuwa ku yaal kilkillada hoosteeda oo layska tifo, Cidiyahoo layska jaro, in cadar udgoon la marsado iyo in xaajigu iska siibo dhammaan dharka tolan iyo kabaha buudka ah . Waa inuu xirtaa Xaj oo niyadda ama afka ka yiraahdaa:

Xadiith 65

”Labbeyka Allahuma Al-xaj, ama labeyka xajan.”

Fiiro gaar ah:

Qofkii xajkiisu ahaa Al-qiraan ama Al-ifraad uma baahna inuu mar labaad xirto xaj, waayo waxaa u xiran kii uu ka soo xirtay miiqaatka.

  • Waa inuu akhriyaa talbiyada sidaynu soo sheegnay:

Xadiith 66

”Labbeyka Allahuma labbeyka, labbeyka la shariika laka labbeyka, inna – lxamda wa nicmata, laka walmulka la shariika laka.”

Ka dibna ka qaataa Makah wixii sahay ah oo uu u baahan yahay una safraa (sadcaalaa) MINA xaggeeda . Mina waxaa ku yaal masjidka loo yaqaan Masjidul-Kheyf, kaasoo ah mid aad u weyn oo wanaagsan .

Masjidka | Al-Kheyf

Al-Khaif-Masjid

  • Markuu Mina soo gaaro wuxuu gudaheeda ku tukanayaa salaadaha soo socda: Duhur, Casar, Maqrib, Cishe iyo Fajar (subax) iyadoo (ayadoo) la qasrinayo (la gaabinayo) salaadaha afarta rakcadood sida: Duhur, casar iyo cishe oo laga yeelayo laba laba rakcadood oo keliya, salaad kastana xilligeeda ayaa la tukanayaa.

Istaaqidda banka Carafah:

  • Subaxda sagaalaadka ee maalinta carrafah ayuu xaajigu ka ambabaxayaa Mina isagoo (asagoo) kusii jeeda Carafah meel kasta waxaa tusaya (tusinaya), calaamado loogu talagalay.
  • Marka la gaaro duhur xaajigu wuxuu tukanyaa duhur iyo casar (jamac iyo qasri) ama laba laba rakcadood, kuwaasoo leh hal aadaan iyo laba iqaamadood xilliga duhurka, suu fursad ugu helo inuu duceysto una duceeyo ehelkiisa iyo muslimiinta ducooyin fara badan xilliga duhur ilaa qorraxdu dhacdo, Carafah waxaa ku yaal masjidul- Namira.

Masjidka | An-Namira:

Masjid Al-Kheyf

Maalinta Carrafah waa maalin aad u fadli badan oo barakaysan, waana maalinta Allé kor ahaaye uu ku farxo addoomadiisa ka kala yimi dacalada dunida si ay u xajiyaan oo Allahooda u caabudaan oo u weyneeyaan una raalli geliyaan iyagoo (ayagoo) kala midab ah, kala luqad (af) ah, kala waddan ah laakiin dhammaantood ay ku walaaloobeen diinta Islaamka, iyagoo (ayagoo) iskusi u labisan (skusi ay dharka u xirteen) oy siman yihiin kooda liita iyo kan xooggan, kooda saboolka ah iyo kan ladan, kooda madaxda ah iyo kan madaxda loo yahay, rag iyo haweenba ay Alle caabudayaan oo baryayaan, Carafah oo la istaago waa tiirka ugu weyn ee xajka .

Culimmadu waxay yiraahdeen carafah oo gudaheeda la istaago waxay bilaabanaysaa duhurka maalinta sagaalaad ilaa iyo subaxa (fajarka) maalinta tobnaad ee ciidda ah, qaar culimmada ka mid ahna waxay qabaan in xilligu ka bilaabanayo subaxa maalinta sagaalaadka ilaa subaxa maalinta tobnaadka ee ciidda ah.

Xadiith 67

”Cabdiraxmaan Bin Yacmur ayaa ka weriyey Nabiga (csw) inuu amray nin dadka ugu dhawaaqa oo u sheega in tiirka xajka ugu weyni (ugu muhiimsan) uu yahay istaagidda Carafah, qofkii yimaada carafah habeenka tobnaadka inteeyan qorraxdu soo bixin qofkaasi wuu haleelay istaagidda carafah,”

Sidaas ayeyna dhammaan culimmada Islaamka oo idil isku raacsan yihiin . Xaajiga waxaa u bannaan intuu banka carafah joogo inuu istaago ama fariisto ama seexdo ama socdo ama baabuur koro (fuulo), laakiin xaajiga waxaa u kheyr badan inuu kaga faa-iideysto saacadaha uu joogo Carafah werdiga iyo ducada iyo camalka wanaagsan.”

Waxaa sugnaatay in Nabiga (csw) uu ku nagaaday goobta Carafah gaar ahaan Namira ilaa duhurkii, ka dib ayuu u dhaqaaqay xagga iyo waadiga loo yaqaan Curna, halkaa ayuu dadka ugu khudbeeyey kuna tukaday salaadaha duhur iyo casar laba laba rakcadood isagoo (asagoo) jamciyey kuwaasoo loo adimay hal aadaan loona aqimay laba iqaamadood.

Markaa ka dib ayuu istaagay meel ka mid ah carafah wuxuuna yiri:

Xadiith 68

”Halka ayaan istaagay laakiin Carafah oo idil waa la istaagi karaa. Markaa ayuu u jeedsaday (u jeensaday) qiblada xaggeeda oo gacmaha kor u taagay isagoo (asagoo) werdinaya Allena baryaya ilaa qorraxdii dhacday (libidhay).”

Maalinta Carrafah waxaa sunno ah in Imaamka loo xilsaaray hawlaha xajka u khudbeeyo xujeyda oo wacdiyo xilliga duhur,

Jaabir Allaha ka raalli noqdee wxuu yiri:

”Rasuulka Alle Markuu dhex yimi togga (Curna) ayuu dadka u khudbeeyey wuxuuna yiri:”

Xadiith 69

”War dadow inaad dhiig kala gashaan ama xoolo kala dhacdaan waa idinka xaaraan, xurmada maalintiinnaan oo kale, xurmada bishiinnaan oo kale iyo xurmada baladkiinnaan oo kale . War hooyay arrimihii jaahiliga ahaa oo idil cagteyda hoosteedaa la geliyey, sidoo kale dhiigaggii jaahiliga iyana waa la geliyey (cagta hoosteeda) . Dhiigga ugu horreeya oo dhiiggeenna ka mid ah oon gelinayo (cagta hoosteeda) waa: dhiigga Ibnu Rabiica (ahaana wiil yar) kaasoo reer Bani Sacad ula joogay inay soo nuujiyaan oo markaa qabiil Hudeel la yiraahdo ay kama’ ku dileen.

Ribada jaahiligana waxaa la geliyey (cagta hoosteeda), Ribadase ugu horreysa oon gelinayo (cagta hoosteeda) waa Ribada Cabbaas Bin Cabdulmudalib, dhammaan Ribadaas waa mid (cagta hoosteeda) la dhigay, ee Alle uga cabsada haweenka (xaasaska), waayo Alle ayaa idinku ammaansaday, farjigoodana (cawradooda) waxaad ku xalaashateen kalmadda Alle (aayadaha Alle iyo idankiisa) Idinkana waxaad ku leedihiin xaasaskiinna ineeyan guryihiinna idinka soo gelin qof aad neceb- tihiin (aad karheysaan), haadayse arrinkaa sameeyaan garaacid aan darneen garaaca.

Xaasaska waxay idinku leeyihiin masruufkooda iyo marashadooda si wanaagsan oo dhexdhexaad ah. Waxaan idiinka tagay shay haddaad qabsataan eeydaan baadiyoobeen waana kitaabka Alle . Maalinta aakhiro anigaa laykiin weydiin doonaa ee maxaad oran doontaan? Saxaabadu waxay yiraahdeen: Waxaan ka markhaanti kacaynaa: Inaad xaqa dadka gaarsiisay, waajibkiina gudatay, dadkana waanisay , markaasuu yiri isagoo (asagoo) fartiisa murugsato xagga samada (kor) u taagaya ka dibna dadka xaggooda ku tilmaamaya (ku foorarinaya): Allow ka markhaanti ahaw seddex goor.”

Markii ay qorraxdii dhacday ayuu u kicitimay Muzdalifa xaggeeda.

Jabalu-Raxma:

Jabal-Raxma

Waxaa wanaagsan in xujeydu ogaato in Jabalu-Raxma oo ah buurta ay xujey badani dusha uga baxaan eeyan wax fadli gaar ah laheen (lahayn) oy la mid tahay Carafah inteeda kale, iyadoo la ogsoon yahay in qaar xujeyda ka mid ahi ay ku dhaawacmaan ama ay cid kale ku dhibaan markay buurta korayaan (fuulayaan) . Ducooyinka loo baahan yahay in lagu duceysto carafah dhexdeeda wey badan yihiin waxaa ka mid ah in Nabiga yiri:

Xadiith 111

”Xilli la duceysto waxaa u kheyr badan ducada maalinta carrafah, duco lagu duceystana waxaa u kheyr badan midda aan aniga iyo Nabiyadii iga horreeyey niri oo ah””Laa ilaaha illa-Allaahu, waxdahu laa shariika lahu, lahu-lmulku walahul-xamdu wahuwa calaa kulli shee-in qadiir)).”

Alle xaq lagu caabudo ma jiro Allaha xaqa ah mooyee, keligii ayaa mudan in la caabudo, umana sugnaan cid ilaahnimada la wadaagta, Alle ayaa iska leh koonkoo idil, waxaana u sugnaatay mahad idilkeed Allena wax walba waa karaa (awoodaa).

Xaajiga waxaa u habboon inuu ku duceysto kheyr adduun iyo mid aakhiraba Allena ka magan galo shar adduun iyo mid aakhiraba. Ducooyinka waxaa u kheyr badan kuwa ku soo arooray qur’aanka kariimka ah iyo sunnada Nabiga Sida ducoovinka soo socda:

Ducooyinka Ugu Kheyrka Badan

Xadiith 1112

Surat Al-Baqarah 127

Surat Al-Baqarah 128

Xadiith 113

Surat al-Acraaf 126

Surat An-Naml 19

Surat Al-Axqaaf 15

Surat Al-Kahf 10

Xadiith 115

Surat Al-Baqarah 286

Xadiith 116

Surat Al-Acraaf 23

Surat Aali-Cimraan 147

Surat Al-Furqaan 65-66

Xadiith 117

Surat Aali-Cimqaan 38

Surat Al-Furqaan 74

Surat Ghafir 8

Surat Ash-Shucraa 83-85

Xadiith 122

Surat Al-Xashr 10

Xadiith 123

Surat Ibrahiim 40-41

Xadiith 124

Surat Aali-Cimraan 8-9

Xadiith 126

Surat Aali-Cimqaan 193-194

Xadiith 127

Surat Aali-Cimraam 53

Xadiith 128

Qeybta 23aad | Fadliga Maalinta Carrafah

Maalinta Carrafah waa maalin weyn oo kheyr iyo fadli badan, waa maalin la qabto kulan Islaami ah oo aad u weyn, waa maalin uu Allaahu Subxaanuhu Watacaalaa jecel yahay, wuxuuna ugu faanaa Malaa-igtiisa xujeydaas faraha badan ee ka kala yimi adduunkoo idil . Sidaas awgeed xaajiga waxaa laga doonayaa inuu maalinta Carrafah Alle u toobad keeno oo naftiisa xisaabo iyo inuu Alle isu dulleeyoo una khushuuco iyo inuu badiyo baryada Alle isagoo (asagoo) rajeynaya Raxmaddiisa iyo dembi-dhaafkiisa, waayo maalintaas Alle kor ahaaye addoomadiisa ku sugan banka Carafah ayuu u dembi dhaafaa naartana ka xoreeyaa, . Allaahu Subxaanuhu Watacaalaa waa wanaagsan yahay waana deeqsi addoomadiisa u soo martiday ducadooduu aqbalaa.

Banka Carafah

Carafaatka

Caa-isha Allaha ka raalli noqdee waxay ka werisay Nabiga inuu yiri:

Xadiith 108

”Ma jirto maalin ka badsatay maalinta carrafah in Alle ka xoreeyo addoonka naarta.”

Cabdullaahi Bin Cabbaas Allaha ka raalli noqdee waxaa laga soo xigtay in Nabiga (csw) yiri:

Xadiith 109

”Majiraan maalmo uu Alle ka jecelyahay in la guto camalka wanaagsan (cibaado) tobankaan maalmood waa tobanka maalmood ee (Dul- Xija ugu horreeya).” Markaasay yiraahdeen Saxaabadu: Xitaa jidka Alle oo lagu jihaado? ”Wuxuu yiri: xitaa jidka Alle oo lagu jihaado, laakiin ninkii jihaadka aada oo naftiisa iyo xoolihiisa jihaadka u hura, ka dibna aanan waxba la soo noqon kaas ayaa sii fadli badan.”

Fadliga maalinta Carrafah halka laguma soo koobi karo, waxaa sunno ah in qofka muslimka ahi oon xajineen uu soomo.

Abu Qataada wuxuu ka weriyey Nabiga inuu yiri:

Xadiith 110

”Qofkii sooma maalinta Carrafah Ilaahay wuxuu u dembi dhaafaa qofkaas laba sannadood dembigood: sannadka soo socda iyo sanadkii tagey.”

Qofkiise xajinaya waxaa u sunno ah inuusan soommin waayo wuxuu gudanayaa manaasikta xajka ee kala duwan, wuxuuna ku jiraa safar adag.

Muzdalifah

Muzdalifah Qorax Dhac

Markay qorraxdu dhacdo ayuu xaajigu ka dhaqaaqayaa Carafah isagoo (asagoo) ku sii jeeda Muzdalifah taasoo ku taal MINA iyo Carafah dhexdooda, waxaa ku yaal masjidka loo yaqaan Mashcarul- Xaraam . Xaajiga waxaa laga doonayaa inuusan dadka dhibin ama uusan waddada ku ciriirin.

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

Surat Al-Baqarah 198

”Markaad ka soo gaddoontaan carafah ku xusa Alle Mashcarul- Xaraam agtiisa, xusid wanaagsan Alle xusa, idinkoo uga mahadcelin siduu idiinku hanuuniyey xaqa, idinkuna hanuunka ka hor waxaad ahaydeen kuwo baadi ah.” [Surat: Al-Baqarah, 198]

Masjidka | Mashcaril-Xaraam

Masjid Al-Mashcaril-Xaraam

Xaajiga waxaa laga doonayaa:

  • Inuu Ilaahay dembi-dhaaf weydiisto intuu sii socdo .
  • Markuu soo gaaro Muzdalifah wuxuu ku tukanayaa makhrib (maqrib) iyo Cishe jamac iyo qasri, hal aadaan iyo laba iqaamadood

Fiiro gaar ah:

Waxaa la qasriyaa ama la gaabiya xilliga safarka salaadaha afarta rakcadood ah sida: Salaadda duhur, casar iyo cishe, laakiin salaadda makhrib lama qasrin karo waayo waa saddex rakcadood waana witirka maalinta .

  • Waxaa waajib ah in xaajigu seexdo Muzdalifah ilaa fajriga (subaxa) maalinta tobnaadka ah ee (Ciidul-Adxa) . Meel kasta oo Muzdalifa ka mid ah waa la seexan karaa waana lagu cibaadeysan karaa .
  • Xaajiga Salaadda fajri (subax) ayuu ku tukanayaa Muzdalifah, ka dibna wuxuu ku duceysanayaa Mashcarul-Xaraam agtiisa Allaahna weydiisanayaa dembi-dhaaf ilaa waagu kaaho .
  • Markuu waagu kaaho ayuu Mina u kicitimayaa intaanay qoraxdu soo bixin .
  • Intuu jidka sii socdo wuxuu guranayaa (7) toddobo dhagax oo yaryar sida digirta ama laf-timireedka wax le’eg .
  • Wuxuu aadayaa Jamaratul-Caqaba Al-kubra xaggeeda, waa midda ugu weyn oo xigta dhanka Makah.

Jaabbir Allaha ka raallinoqdee wuxuu yiri:

Waxaan arkay Nabiga (csw) maalinta gawraca (tobnaadka) isagoo (asagoo) saaran hashiisa oo dhagxaanta ku tuuraya Jamaratul-Caqaba wuxuuna oranayey:

Xadiith 73

‘’Iga qaata manaasktiinna (sifada loo xajiyo), anigu ma ogi arrini waxay noqon doonto, laga yaabee inaanan xajin xajkeygaan ka dib.’’

Sawirka Jamaratul caqba Al-kubra

  • Xaajiga toddobo dhagax ayuu ku tuurayaa Jamaratul-Caqaba isagoo (asagoo) oranaya markuu dhagaxa tuurayo:

Xadiith 75

”Allaahu Akbar)).

Ka dibna wuxuu ku ducaysanayaa ducadan:

Xadiith 74

‘’Allaahuma ijcalhu xajan mabruuran wa danban magfuuran’’

Waxaa habboon in xaajiga istaago Badnul-waadi markuu dhagxaanta tuurayo oo Mina midigtiisa xejiyo Makana bidixdiisa siduu falay Rasuulka Alie Xaajiga waxaa u bannaan inuu cid u wakiisho dhagaxtuurka hadduusan awoodin jirro darteed ama waayeelnimo ama ilmanimo.

Dhagaxtuurka ka dib ayuu xaajigu gawracayaa hadyiga (hal neef oo ari ah) haddii xajkiisi ahaa (Atamatuc ama Al-qiraan) ama cid buu u wakiilanayaa gawriciisa. Waxaa habboon markuu hadyiga gawracayo inuu qiblada u jeediyo oo yiraahdo:

Xadiith 76

‘’Bismillaahi, wallaahu Akbar,Allahumma hadaa minka walaka’’

Hilibka waa la qeybiyaa, haddii ay suurtogal tahay waxaa habboon in xaajiga hilibka qeyb ka qaato. Qofkii aan hadyi heli karin waxaa ku waajibay inuu ku soomoxajka seddex maalmood (sida maalmaha Tashriiqa, ama maalmaha Carrafah ka hor), toddobo maalmoodna markuu ku laabto waddankiisa.

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

Surat Al-Baqarah 196

”Qofkii cumraysta ka dibna xajiya ha gowraco wixii u fududaada oo hadyi ah, qofkiise aan heli karin ha ku soomo seddex maalmood xajka toddobo maalmoodna markuu ku laabto waddankiisa kuwaasi waa toban dhan.”

Waxaa xujeyda u bannaan in toddobo qof wadaagaan hal neef oo geel ah ama neef lo’ ah oy isaga gawracaan hadyi ahaan.

Jaabbir Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri:

Xadiith 77

”Rasuulka Alle ayaa na faray toddobo naga mid ah inay wadaagaan hal neef oo geel ama lo’ ah markay hadyiga gawracayaan.”

Waxaa waajib ah in hadyiga la gawrici uu gaaray da’dii laga doonayey kuwaasoo kala ah ugu yaraan:

  • Neefka geela ah waa inuu shan jirsaday ( shan sano)
  • Neefka lo’da ah waa inuu laba jirsaday (laba sano )
  • Neefka ariga ah waa inuu sannad jirsaday ( hal sano )
  • Neefka idaha ah waa inuu jiro lix bilood ( 6 bilood )

Hadyiga (xoolaha la gawracayo) waxaa loo shardiyaa ineeyan laheen (lahayn) dhaliilaha soo socda:

  • Ineeyan aheen (ahayn) mid indha la’ama cawaran.
  • Ineeyan aheen (ahayn) mid jirran ama cambaar qabta.
  • Ineeyan aheen (ahayn) mid luga la’ ama jiis ah.
  • Ineeyan aheen (ahayn) mid caato ah (weyd).

Meesha lagu gawracayo hadyiga waa Mina meel kastoo ka mid ah.

Jaabbir wuxuu ka weriyey Nabiga inuu yiri:

Xadiith 79

Halka ayaan hadyigii ku gawracay, laakiin Mina oo idil ayaa hadyiga lagu gawrici karaa ee meeshaad deggan tihiin ku gawraca. Waxaa sunno ah in hadyi badan lagu gawraco Mina gudaheeda oo la sadaqeeyo siduu falay Rasuulka Alle xajkiisi.

Jaabbir Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri:

Xadiith 80

”Rasuulka Alle wuxuu gacantiisa ku gawracay 63 neef oo geel ah, inta hartayna (37 neef) wuxuu u wakiishay Cali (Bin Abii Daalib) inuu gawraco oo hadyigiisi ayuu wax ka wadaajiyey, ka dib wuxuu amray in neef kasta xoogaa hilib ah laga soo qaado oo dheri lagu wada guro, markii sidaa la yeelay ayaa la kariyey, markaa ayey hilibkiina wax ka cuneen maraqiina wax ka cabbeen.”

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

Surat Al-Xajj 36-37

In geela waaweyn hadyi ahaan loo loogo waxaan idiinka yeelnay calaamooyinka diinta Islaamka, waxaana idiinku sugan kheyr ee Alle ku xusa dusheeda markay safan yihiin intaanan la gawricin, markayse dhinaca u dhacdoo la gawraco wax ka cuna hilibkeeda kana quudiya midka xishoon iyo kan warsanba (hilibka idin weydiista), saasaana idiinku fududaynay inaad Alle ku shukridaan (mahadisaan) darteed. Hadyiga hilibkooda iyo dhiiggoodaba Alle ma gaaraan, laakiin waxaa gaara Alle ka cabsigiinna, saasuuna Alle idiinku fududeeyey inaad weyneesaan Alle diintuu idinku hanuuniyey darteed, ee u bishaaree kuwa wanaagga fala.” [Surat: Al-Hajj, 37]

  • Xaajigu wuxuu xiiranaya madaxa ama gaabinaya timaha, waxaana fadli badan xiirashada, waayo Nabiga timaha ayuu xiirtay wuxuuna u duceeyey dadka xiirta xajka laba ama saddex goor halka uu u duceeyey dadka timaha gaabsada hal mar,

Cabdullaahi Bin Cumar wuxuu ka weriyey Nabiga ¡nuu yiri:

Xadiith 81

Allow u naxariiso kuwa timaha xiirta (xajka) waxay Saxaabadu yiraahdeen: Rasuulka Allow u ducee kuwa timaha gaabsada? Wuxuu yiri: Allow u naxariiso kuwa timaha xiirta. Waxay yiraahdeen: Rasuulka Allow u ducee kuwa timaha gaabsada? Wuxuuu yiri: Allow u naxariiso kuwa timaha gaabsada.

Fiiro gaar ah:

Haweenku timaha in yar ayey iska jarayaan (qadar le,eg far xubinteed) dhammaan timaha madaxa lamana oggola inay timaha iska xiiraan sida ragga Xajka iyo Cumradaba.

  • Intaa markuu xaajigu sameeyo ayuu helayaa xalaalnimadii koowaad taasoo macneheedu yahay waxaa u bannaan inuu dharka bedelan karo (dhar tolan gashan karo), barafuunna marsan karo, cidiyahana iska jari karo, laakiin uma bannaana inuu la seexdo xaaskiisa (u galmoodo) .
  • Xaajiga waxaa laga doonayaa inuu aado kacbada oo uu ku dawaafo toddoba wareeg, kaasoo loo yaqaan: Dawaaful-Ifaadah wuxuuna ka mid yahay tiirarka xajka .
  • Dawaafka ka dibna wuxuu laba rakcadood ku tukanayaa Maqaamul-Ibraahiim agtiisa, ka dibna biyaha zamzamka ayuu cabbayaa, ka dibna wuxuu ku laabanayaa Xajarul-Aswad oo soo taabanayaa hadday suurtogal tahay. Intaas ka dib wuxuu aadayaa labada buurood ee Safa iyo Marwah oo toddoba goor dhexdooda isaga soconayaa, labada calaamadood (the two green lights) dhexdoodana rucleynayaa ilaa uu ka dhammeeyo sidii aan hore ugu soo sheegnay cumrada.

Markuu dawaafo Dawaaful-Ifaadah iyo sacyiga labada buurood dhexdooda ayuu helayaa xalaalnimo kaamil ah oo xitaa wuxuu la seexan karaa xaaskiisa (u galmoon karaa).

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

Surat Al-Baqarah - '196'

”Dhammaystira xajka iyo cumrada, haddiise laydinka celiyo (laydiin diido) xajka gawraca wixii idiin fudud oo hadyi ah.” [Surat: Al-Baqarah, 196]

Sidaas awgeed waxaa habboon hadduu xaajigu ka cabsado in xajka laga celiyo inuu yiraahdo ducadaan:

Xadiith 82

”Allahuma inna maxillii xeethu xabastanii”:

”Ilaahow anigu waxaan ku xalaal noqon hadba meeshaad igu xabisto (igu celiso).”

Haddaba haddii dhibaato qabsato xaajiga oo xajkaba loo diido markaa wuu taxalulayaa wax dembi ahna dushiisa ma aha, laakiin hadduusan wax dhibaata ah ka cabsaneenin oraahdaan looma baahna.

Hadduu xaajigu kala hormariyo manaasiktii aynu soo sheegnay tusaale ahaan: Hadduu timaha xiirto intuusan hadyiga gawricin? Ama hadiyiga gawraco intuusan Jamaratul-Caqaba dhagxaanta ku tuurin? Ama Dawaaful-Ifaadah la yimaado intuusan dhagxaanta tuurin Iwm? Wax dhib ah ma laha oo xajkii waa ansaxayaa siduu yiri Nabiga (csw) maalinta tobnaad ee ugu hawsha badan ee loo yaqaan maalinta gawraca:

Sidaad rabtaan u kala hormariya wax dembi ah dushiina ma aha.

Seexashada | Mina

Mideast Saudi Arabia Hajj

Dawaaful-Ifaadah iyo sacyiga labada buurood dhexdooda ka dib xaajigu wuxuu ku noqonayaa Mina halkaasuu seexanayo habeennada ka horreeya maalmaha: llaadka, 12aadka, 13aadka ee Dul-Xija waxaana loo yaqaan Tashriiq . Xaajiga waxaa laga doonayaa inuu seexdo Mina habeennada aynu soo sheegnay.

Jamaraadka

Ramy Jamaràt II

Saddexdaas maalmood waxaa xaajiga laga doonayaa inuu tuuro Jamaraadka seddexda ah oo la kala yiraahdo:

Jamarat Ramy

Tan yar oo xagga Mina xigta.

Jamradda Koowaad

Jamaradda koowaad

Iyaduuna ka bilaabayaa inuu toddoba dhagax ku tuuro sidii aan horay u sheegnay.

Ka dibna xaajigu wuu ducaysanayaa.

Tan xigta waa tan dhexe oo loo yaqaan.

Jamradda Dhexe

Jamaradda dhexe.

Taas baana ku xigta inuu ku tuuro toddoba dhagax, ka dibna wuu duceysanayaa.

Waxaa ugu dambeeya tan ugu weyn oo loo yaqaan.

Jamradda Weyn

Jamaradda weyn.

Waxayna xigtaa Makah xaggeeda iyadana toddoba dhagax ayuu ku tuurayaa.

Cabdullaahi Bin Cumar Allaha ka raalli noqdee wuxuu ahaa mid ka bilaaba dhagaxtuurka jamaradda soke oo Mina xigta, wuxuu ku tuuri jiray 7 dhagax isagoo (asagoo) oranaya:

Xadiith 75

”Allaahu Akbar”

Mar kastoo uu dhagax tuuro, markaa ka dib ayuu hore u daadegayey oo intuu istaago oo qiblada u jeedsado (u jeensado) ayuu in badan duceysanayey isagoo (asagoo) gacmaha kor u taagaya, ka dib ayuu tagayey jamaradda dhexe oo wuxuu sameynayey wixii uu hore u sameeyey oo kale, ugu dambeyn wuxuu dhagxaanta ku tuurayey Jamaratul-Caqaba oo ah midda u weyn oo xigta dhanka Makah, mana uusan istaagi jirin agteeda tuurmada ka dib, markaa ayuu oran jiray: Sidaas oo kale ayaan arkay Rasuulka Alle oo sameynaya.”

  • Xilliga xaajigu ku tuurayo dhagxaanta saddexda Jamaraad maalmaha Tashriiqa waa ka duwan yahay kii maalintii tobnaadka, tuurmadu waxay bilaabanaysaa xilliga duhurka ka dib.
  • Qofkii raba inuu degdego waxaa u bannaan inuu ka tago Mina maalinta 12aad markuu dhagxaanta tuuro intaanay qorraxdu Mina ka dhicin.

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

Surat Al-Baqarah - 203

”Ilaahay xusa maalmo tirsan (Tashriiq), qofkii degdega laba maalmood ka dib wax dembi ah dushiisa ma aha, qofkiise nagaada isna dembi dushiisa ma aha, Aliena ka cabsada ogaadana in xaggiisa laydiin soo kulmin qiyaamada.” [Surat: Al-Baqarah, 203]

  • Xaajigu markuu Makah ka tagayo waa inuu Kacbada ku dawaafo (Dawaaful-Wadaac) dawaafka sawootinka (sagootinka).

Sida loo xajiyo oo kooban

Hawsha maalinta koowaad:

  • In xajka la xirto ka dibna la aado Mina.
  • In la akhriyo talbiyada:
  • In lagu tukado Mina gudaheeda salaadaha: duhur, casar, magrib, cishe iyo fajri.

Hawsha maalinta labaad:

  • In la aado Carafah subaxdii.
  • In lagu tukado duhur iyo casar jamac iyo qasri xilliga duhurka.
  • In lagu duceysto gudaheeda ilaa qorraxdu dhacdo.
  • In la aado Muzdalifah Qorrax dhaca ka dib.
  • In lagu tukado Muzdalifah magrib iyo cishe jamac iyo qasri marka Muzdalifa la soo gaaro.

Hawsha maalinta seddexaad:

  • In lagu tukado salaadda Fajriga (subaxa) Muzdalifah, ka dibna lagu duceysto masjidka Mashcarul-Xaraam agtiisa.
  • In la aado Jamaratul-Caqaba Al-kubra.
  • In lagu tuuro toddobo dhagax qorraxdu markay soo baxdo ilaa duhurkii.
  • In la gawraco hadyigii, (Taasi waa qofkii xajkiisu ahaa Atamatuc ama Al-qiraan).
  • In la xiirto timaha ama la gaabiyo.
  • In la aado Kacbada oo lagu soo dawaafo Dawaaful-Ifaadah toddobo wareeg.
  • In lagu sacyiyo Safa iyo Marwah dhexdooda toddobo goor.

Hawlaha maalmaha afraad iyo shanaad iyo lixaad:

  • In la seexdo habeenadooda Mina .
  • In lagu tuuro toddobo toddobo dhagax seddexda jamaraad midda yar iyo tan dhexe iyo midda ugu weyn seddexdaas maalmood duhurka ka dib .
  • Qofkii raba inuu degdego waxaa u bannaan inuu ka tago Mina maalinta shanaad markuu dhagxaanta ku tuuro jamaraadka intaanay qorraxdu ka dhicin Mina .
  • Xaajigu Markuu xajka dhammeeyo waxaa habboon inuu Alle kor ahaaye xuso in badan oo baryo oo dembidhaaf weydiisto, sidaasoo kale ayaa laga dooni markuu guto tiir ka mid ah tiirarka Islaamka sida salaadda iyo soonka, ama waajib ka mid ah waajibaad Islaamka waayo qofka waxaa ka dhici kara qaladaad ama gafaf ama gaboodfal intuu cibaadadaas gudanayo.

Allaahu Subxaanuhu Watacaalaa wuxuu yiri:

Surat Al-Baqarah - 200 - 202

”Markaad gudataan manaasikta (sifada ama cibaadada) xajka xusa Alle oo ammaana sidaad u ammaantaan aabbayowgiin (aabbayaashiin) oo kale ama si ka daran u xusa Alle . Dadka waxaa ka mid ah kuwo dhihi: Rabbiyow na sii adduunka wanaag, laakiin aan aakhirada wax nasiib ah ku laheen (lahayn) . Waxaa kaloo ka mid ah dadka kuwo dhihi: Rabbiyow na sii adduunka wanaag, aakhiradana na sii wanaag, nagana dheeree cadaabka naarta . Kuwaasu waxay nasiib ku leeyihiin waxay kasbadeen Allena addoomadiisa si dhakhso leh (degdeg) ayuu u xisaabaa.” [Surat: Al-Baqarah, 200-202]

Qeybta 32aad | Tiirarka Xajka

Tiirarka xajka waa afar tiir la’ aantoodna xajku ma ansaxayo waayo tiirarku waa asaaskii xajka, afartaasi tiir waxay kala yihiin:

1: – Al-ixraam oon hore u soo sheegnay waana niyadda uu muxrimku ku xiranayo xajka, Nabiga wuxuu  yiri:

Xadiith 86

‘’Cibaadadu waxay ka ansaxdaa niyadda, qof walbana wuxuu leeyahay wuxuu niyeesto.’’

2: – In la istaago banka Carafah sagaalaadka Dul-Xija ilaa ay qorraxdu dhacdo sidii uu sameeyey Nabiga (csw) waana tiirka ugu weyn xajka, waxaana u daliil ah xadiithkii aynu soo marnay:

Xadiith 87

”Cabdiraxmaan Bin Yacmur ayaa ka weriyey Nabiga (csw) inuu amray nin dadka ugu dhawaaqa oo u sheega in tiirka xajka ugu weyn (ugu muhiimsan) uu yahay istaagidda Carafah, qofkii yimaada carafah habeenka tobnaadka inteeyan qorraxdu soo bixin qofkaasi wuu haleelay istaagidda carafah.”

Sidaas ayeyna dhammaan culimmada Islaamka oo idil isku raacsan yihiin.

3: – Dawaaful-Ifaada, xaajiga waxaa ku waajibey oon la dhaafi karin inuu ku dawaafo kacbada toddobo goor, kaasoo loo yaqaan Dawaaful-Ifaadah ama Dawaaful-Ziyaarah . Xaajiga waxaa laga doonayaa inuu la yimaado Dawaaful-Ifaadah maalinta Ciidul-Adxa ama maalmaha Tashriiqa sida kow iyo tobnaadka, laba iyo tobnaadka, seddex iyo tobnaadka.

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

Surat Al-Xajj 29

”Hana ku dawaafeen xujeydu beydkii horreeyey (kacbada).”

4: – In la socdo labada buurood ee safa iyo marwah dhexdooda toddobo goor Dawaaful-Ifaadaha ka dib Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

Surat Al-Baqarah - 158

”Safaa iyo marwah waxay ka mid yihiin calaamadaha diinta Alle ee qofkii ku xajiya beydka Alle (kacbada) ama cumraysta wax dembi ah dushiisa ma aha hadduu socdo labda buurood dhexdooda, qofkii camal wanaagsan oo dheeraad ah la yimaadana Alle waa mahadiye wax walba og.”

Xabiiba Binti Abi Tajra’ waxay tiri waxaan maqlay Rasuulka Alle (csw) oo oranaya:

Xadiith 88

”Socda Safa iyo Marwah dhexdooda Ilaahay wuxuu idinku faralyeelay (waajib yeelay) inaad sacyidaan.”

Qofkii ka taga tiir ka mid ah tiirarka aynu soo sheegnay xajkiisi waa buray .

Qeybta 33aad | Waajibaadka Xajka

1: – Xaajiga waxaa laga doonayaa inuu akhriyo laga bilaabo markuu xajka xirto ilaa uu dhagxaanta ku tuuro Jamaratul-Caqaba subaxa tobnaadka ee ciidda ah talbiyadaan:

Xadiith 66

”Labeyka-Allaahuma labeyka, labeyka laa shariika laka labeyka, innal-xamda wanicmata, laka-walmulka laa shariika laka.”

2: – Xaajiga waxaa laga doonayaa markuu xaramka yimaado inuu toddobo wareeg ku dawaafo kacbada, kaasoo loo yaqaan: Dawaaful- Quduum, kaasoo micnaheedu yahay dawaafkii imaatinka beydka Alle.

Fiiro gaar ah:

Waa haddii xajkiisu yahay Al-qiraan ama Al-ifraad, laakiin haddii uu soo cumraystay dawaafkiisu wuxuu noqonayaa kii cumrada.

3: – Xaajiga waxaa laga doonayaa inuu ku tukado laba rakcadood Maqaamul-Ibraahiim agtiisa ama meel ka mid ah masjidul-xaraam dawaafka ka dib.

4: – Xaajiga waxaa laga doonayaa inuu ku dawaafo kacbada toddobo wareeg markuu dhammeeyo hawlihii xajka oo idil, isla markaana uu doonayo inuu ka hayaamo ( ka safro ) magaalada barakaysan ee Makah . Dawaafkaan waxaa loo yaqaan: Dawaaful-Wadaac, kaasoo micnaheedu yahay dawaafkii sawootinka (sagootinka).

5: – Xaajiga waxaa laga doonayaa inuu seexdo habeenka tobnaadka goobta Muzdalifah, laakiin dadka tabarta yar sida haweenka iyo waayeelka waxaa u bannaan inay Mina sii aadaan wixii ka dambeeya habeen badhka.

6: – Xaajiga waxaa laga doonayaa inuu toddobo dhagax ku tuuro Jamartul-Caqba Alkubra isagoo (asagoo) oranaya: ((Allahu akbar)), maalinta tobnaad ee ciidda ah markay qorraxdu soo baxdo ilaa loo gaaro duhurkii, haddiise eeyan u suurtogelin wuxuu tuuran karaa ilaa qorrax dhaca.

7: – Xaajiga waxaa laga doonayaa inuu seexdo goobta Mina seddexda habeen ee ayaamaha Tashriiqa kuwaasoo laga doonayo inuu tuuro Jamaraadka, laakiin maalintii waxaa u bannaan inuu Makah aado oo ku soo cibaadeysto ama danihiisa gaarka ah soo guto. Qofkii raba inuu degdego wuxuu seexan karaa Mina labada habeen ee hore kow iyo tobnaadka, iyo laba iyo tobnaadka marka uu tuuro Jamaraadka maalinta laba iyo tobnaadka ah waa inuu ka baxaa Mina inteeyan qorraxdu ugu dhicin sideynu hore u soo sheegnay.

8: – Xaajiga waxaa laga doonayaa inuu seddexda Jamaraad mid kasta ku tuuro toddobo dhagax, seddexda maalmood ee Tashriiqa, wuxuu ka bilaabaya midda ugu yar ka dibna midda dhexe ugu dambeyntii midda ugu weyn, xilliga la tuurayo dhagxaanta waa salaadda duhur ka dib ilaa intii loo gaaro qorrax dhac (maqrib).

9: – Xaajiga waxaa laga doonayaa inuu xiirto timaha ama iska gaabiyo maalinta tobnaadka.

Qofkii ka taga mid kamid ah waajibaadkii aynu soo sheegnay xajkiisi waa u jira, laakiin waxaa dushiisa ah inuu gawraco neef ari ah hilibkiisana uu siiyo masaakiinta si loogu kabo xajkiisa.

Fiiro gaar ah:

Qaar culimmada Islaamka ka mid ah ayaa waxay u arkaan; In qeyb ka mid ah waajibaadkeenu soo sheegnay ay yihiin sunno, laakiin aanay aheen (ahayn) waajib . Waxaase nooga filan in Allaahu subxaanuhu watacaalaa na faray (na amray) inaan kaga dayanno Nabiga wixii uu falay (sameeyey) oo cibaadooyin ah.

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

Surat Al-Axzaab 21

”Waxaa idiinku sugan Rasuulka Alle ku dayasho wanaagsan, qofkii Alle kheyr ka rajaynaya iyo maalinta aakhiro Allena xusa in badan.” [Surat: Al-Axzaab. 21]

Saxaabada Nabiga (csw) Allaha ka raalli noqdee waxay ahaayeen kuwo kaga dayda nabiga (csw) cammalka iyagoon (aygoon) u eegin waajib iyo sunno, waxayna ahaayeen kuwo fuliya amarka Nabiga (csw) iyagoon (aygoon) raadin xikmadda ku sugan, culimmaduse marakay arkeen dadkii oo diinta fududaystay oo ka tagay tiirarkii Islaamka, waajibaadkii iyo sunnooyinkiiba ayey diinta u kala hormariyeen siday u kala muhiimsan tahay.

Qeybta 34aad | Sunnooyinka Xajka

1: – In xaajiga ku xarmado laba go’ oo cadcad hadduu heli karo, haddiise uusan heli karin midab cad, waxaa u bannaan midabada kale.

Fiiro gaar ah:

Haweenta waxay ku xarman kartaa midabkay doonto, khasabna kuma aha inay midab cad ku xarmato sida qaar badani moodeen.

2: – In xaajiga qubeysto intuusan xarman ka hor, sidoo kale haweenta waxaa sunno ah inay qubeysato xarmashada ka hor xitaa haddii ay macduur tahay (caado qabto)

3: – In xaajiga xarmado salaad faral ah dabadeed, hadduusan haleelina salaad sunno ah dabadeed, laakiin ma jirto salaad u gaar ah xarmashada.

4: – In xaajiga qubeysto markuu Makah galayo iyo maalinta carrafaba.

5: – In xaajiga taabto labada rukni ee kala ah: Xajarul-Aswad iyo Ruknul-Yamaani markuu kacbada ku dawaafayo . Laakiin hadduusan awoodin saxmad awgeed gacanta ayuu ugu ishaarayaa Xajaru- Aswad, sidoo kale waxaa sunno ah inuu dhunkado Xajarul-Aswad hadduu awoodo.

6: – Inuu ku duceysto labada rukni (Xajarul-Aswad iyo Ruknul- Yammani) dhexdooda ducadaan:  ((Allaahumma Rabbanaa aatinaa fiddunyaa xasanatan wafil-aakhirati xasanatan waqinaa cadaaba-naar)) . Iyo inuu badiyo werdiga (xuska Alle) iyo inuu u duceeyo naftiisa , ehelkiisa iyo muslimiintaba.

7: – In xaajiga yiraahdo: ((Allaahu Akbar)) markuu bilaabayo wareeg kasta oo dawaafka ka mid ah, markuu ku toosan yahay ( la siman yahay) Xajarul-Aswad.

8: – Inuu rucleeyo markuu dawaafayo seddexda wareegoo ugu horreeya Dawaaful-Quduumka.

9: – Inuu jeeniqaarsdo go’a sare sidii aan soo sheegnay isla Dawaaful-Quduumka.

10: – In xaajiga qur’aanka akhriyo werdigana badiyo (xuska Alle) iyo inuu sadaqo la baxo.

11: – In xaajiga duceysto markuu dhagxaanta ku tuuro jamarada yar iyo tan dhexe.

12: – In xaajiga si fiican u cabbo biyaha barakaysan ee zamzam isagoo (asagoo) Alle weydiisanaya kheyr adduun iyo mid aakhiroba.

13: – Inuu rucleeyo inta u dhexeysa labada calaamadood (the two green lights) markuu ku sacyinayo Safa iyo Marwah dhexdooda.

Fiiro gaar ah:

Xaajiga waxaa u bannaan inuu ku dawaafo beydka Alle (Kacbada) intuu doono oo sunno ah muddada uu joogo magaalada barakaysan ee Makah Almukarrama, laakiin halkii sunno oo dawaaf ahi waa uun toddobo wareeg oo keliya sidii aynu hore u sheegnay.

Qofkii ka taga mid ka mid ah sunnooyinka aan kor ku xusnay waxba dushiisa ma aha, laakiin waxaa habboon in qofka muslimka ahi ku dadaalo ku dayashada Nabiga ¡ntuu ka awoodo sidaynu soo sheegnay.

Qeybta 35aad | Masalooyin Xxaika La Xiriira

1: – Hadduu xajka ku waajibay haweeney muslimad ah, shuruuddii xajkana ay buuxisay xaq uma laha ninkeeda inuu xajka u diido, waayo xajku waa tiir ka mid ah tiirarka Islaamka waana xaq Alle dusheeda ku leeyahay, markaa waxaa u bannaan inay muxrimkeeda la xajido (xajiso).

2: – Haddii xaajiga lagu leeyahay xoogaa deyn ah oo uu iska gudi karo xajka ka dib, isla markaana aanan laga dooneyn lacagtaas muddo cayimman (go’an) waxaa u bannaan inuu xajka ku hormaro oo xajiyo, ka dibna deynta iska gudo (bixiyo).

3: – Haddiise deynta lagu leeyahay ay le,eg tahay wuxuu ku xajiyi lahaa ama ay kaba badan tahay, markaa xajba kuma waajibin ee waa inuu deynta iska gudaa (bixiyaa).

4: – Qofka muslimka ahi waxaa u bannaan inuu hooyadii ama aabbihii oo geeriyooday ka xajiyo, taasi waxay imaan kartaa markuu isaga (asaga) nafsad ahaantiisa iska xajiyo ka dib.

Cabdullaahi Bin Cabbaas Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri:

Xadiith 89

”Nabiga wuxuu maqlay nin oranaya: Allow waan ku ajiibay oo ku addeecay oo waxaan ka xajinayaa Shubruma, markaasuu Nabiga yiri: waa kuma Shubruma ? Wuxuu yiri: Waa walaalkey, ama qaraabaan nahay, Nabiga wuxuu yiri: Adiga naftaada ma ka xajiday ? wuxuu yiri: Maya. Nabiga wuxuu yiri: Marka höre naftaada ka xaji, ka dibna Shubruma ka xaji.”

5: – Hadduu qof muslim ahi dhinto isagoon (asagoon) xajiyin shruuddii xajkana buuxiyey, waxaa waajib ku ah eheladiisa (qaraabadiisa) inay xoolihiisi uu ka geeriyooday kaga xajiyaan, amaba xoolahooda ku sadaqeystaanoo kaga xajiyaan .

6: – Haddii qofka muslimka ahi isagoo (asagoo) xaj lagu leeyahay gaboobo ama jirrado oo uu xajka u safri kari waayo, markaa waxaa u bannaan inuu u wakiisho xajka mid ka mid ah ilmihiisa kaasoo horay u xajiyey ama wuxuu wakiilan karaa qof kale oo ehelkiisa ah, waxaa kaloo u bannaan inuu kireysto oo kharajak (kharashka) xajka ka bixiyo qof aamin ah oo diin leh.

Cabdullaahi Bin Cabbaas Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri:

Xadiith 90

”Haweeney reer khathcam ah ayaa waxay tiri: Rasuulka Allow aabbahey waxaa ku waajibay faralka Alle ee xajka isagoo (asagoo) da’ weyn oon ku sugnaan Karin awrka dushiisa ee ma ka xajiyaa? Markaasuu yiri: ka xaji aabbahaa.”

Siyaarada (Booaashada) masiidka Nabiaa Waxaa xaajiga u bannaan inuu soo siyaarto (soo booqdo) masjidka Nabiga markuu dhammaystiro manaasikta (sifada ama cibaadooyinka) xajka ama ka horba. Masjidka Nabiga (csw) wuxuu ku yaal magaalada barakaysan ee Madiinatul-Munawarah.

Abuu Hureyra Allaha ka raalli noqdee wuxuu ka weriyey Nabiga (csw) inuu yiri:

Xadiith 91

”Ma bannaana in loo safro (sadcaalo) cibaado darteed meelaan aheen (ahayn) seddex maasjid oo keliya waana: Masjidul-Xaraam, iyo masjidka Rasuulka ¡yo masjidul-Aqsaa.”

Dad badan ayaa qalad fahamsan kuwaasoo u heesta in Madiinatul-Munawarah loo aado oo keliya qabriga Nabiga Haddaba arrinku sidaa ma aha ee waxaa loo aadaa waa in lagu cibaadaysto masjidka Nabiga Axaadiithta (Axaadiista) ku soo aroortay in sababta loo safri (sadcaali) tahay qabriga Nabiga (csw) dhammaantood waa waxba kama jiraan, waayo Axadiithtaasi kama sugnaan Nabiga (csw).

Haddiise arrinkaasu dhab ahaan lahaa waxaa lagu soo aroorin lahaa Axaadiith sugan oo saxiix ah . In la soo siyaarto Madiinatul- Munawarah waajib ma aha xajkana shardi uma aha . Asalka in la siyaarto Madiinatul-Munawarah waa in lagu cibaadaysto masjidka Nabiga waayo waxaa u sugnaaday fadli fara badan.

Waxaa ka mid ah xadiithka uu Abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee ka weriyey Nabiga inuu yiri:

Xadiith 92

”Salaad lagu tukado masjidkayga waxay ka fadli badan tahay kun salaadood oo lagu tukado masaajiddada kale, marka laga reebo Masjidul-Xaraam. Haddaba waxaa sunno ah in xaajiga iyo qof kastoo muslim ahi soo siyaarto masjidka Nabiga kuna tukado.”

Aadaabta marka la galayo Masjidka Nabiga waxaa ka mid ah: In markuu galayo masjidka hormariyo lugta midigta ah kuna ducaysto ducadaan:

Xadiith 93

”Bismillaahi was-salaatu was-salaamu calaa Rasuuli-Laahi, Acuudu Billaahi Alcadiim, Wabiwajhihi Alkariim, Wasuldaanihi Alqadiim, mina shaydaani rajiim . Allaahuma igfir lii dunuubii, waftax lii abwaaba raxmatika.”

Ka dib wuxuu tukanayaa laba rakcadood oo sunno ah kuwaasoo loo yaqaan: taxiyatul-masjid. Ducadaas iyo labada rakcadood kuma koobna masjidka Nabiga (csw) ee waa masaajiddada Alle oo idil,

Nabiga (csw) wuxuu yiri:

Xadiith 94

”Qofkiini gala masjidka yuusan fariisan (fadhiisan) ilaa uu ka tukado laba rakcadood oo sunno ah . Salaadda sunnada ah ka dib waxaa habboon inuu ku duceysto kheyr adduun iyo mid aakhiroba.”

Ma jirto muddo cayimman (go’an) ama maalmo tirsan oy khasab tahay inuu ku nagaado Madiinatul- Munawarah ee hadba waa sida ay duruufi tahay (xaalku yahay) iyo inta maalmooduu jecel yahay inuu joogo ayuumbuu ku nagaanayaa . Labada rakcadood oo sunnada ah iyo ducooyinkii ka dambeeyey ka dib waxaa habboon inuu soo booqdo qabriga Nabiga (csw) iyo qabriyada labada khaliif ee kala ah: Abu bakar As-siddiiq iyo Cumar Bin Al-khattaab Allaha ka raalli noqdee soona salaamo seddexdooda . Waxaa laga doonayaa qofka soo booqanaya qabriyada inuu si aadaabi ku jirto u istaago, iyo inuu codkiisa hoos u dhigo.

Markuu gaaro qabriga Nabiga (csw) ayuu u jeedsanayaa (u jeensanayaa) xagga qabriga isagoo (asagoo) oranaya:

Xadiith 95

”Asalaamu caleyka ayuha Nabiyu waraxmatullaahi wabarakkatuhu, asalaamu caleyka yaa khaliila Allaahi, wa amiinahu calaa waxyihi, wa khiiratahu min khalqihi, ash-haddu annaka qad ballagta arrisaalata, wa addeyta alamaanata, wa nasaxta alummata, wa jaahadta fil- Allaahi xaqa jihaadihi.”

Markuu salaamo Rasuulka ka dib wuxuu u dhaqaaqayaa xagga midigta oo isku toosinayaa qabriga Abuu Bakar wuxuuna salaamyaa Abuu Bakar isagoo (asagoo) oranaya:

Xadiith 96

”Asalaamu caleka yaa Aba Bakar,asalaamu caleyka yaa khaliifata Rasuuli Allaahi, salla Allaahu caleyhi wasallam fii ummatihi, radiya Allaahu canka, wajzaaka can ummati Muxamaddin kheyra.”

Ka dib wuxuu u dhaqaaqayaa xagga midigta in yar oo isku toosinayaa qabriga Cumar markaasuu salaamayaa isagoo (asagoo) oranaya:

Xadiith 97

”Asalaamu caleyka yaa Cumar, asalaamu caleyka yaa Amiiral-mu’miniin, radiya Allaahu canka, wajzaaka can ummati Muxamaddin kheyra.”

Waxaase lagu gaabsan karaa siduu oran jiray Cabdullaahi Bin Cumar: ((Asalaamu caleyka yaa Rasuulallaahi, asalaamu caleyka yaa Abaa Bakar, aslaamu caleyka (yaa abati) yaa Cumar)).

Ma habboona in muddo dheer la taagnaado qabriga Nabiga agtiisa iyo labada qabri ee Abu Bakar iyo Cumar.

Qofka muslimka ahi ee soo booqday Madiinatul- Munawarah waxaa u habboon inuu ku tukado salaadaha faralka ah oo idil masjidka Nabiga (csw) haddii ay suurtogal tahay suu u haleelo fadligaynu soo sheegnay, waxaa kaloo habboon inuu badiyo ducada iyo werdiga iyo salaadaha sunanka ah suu u helo ajar iyo fadli fara badan.

Digniin: Qof kastoo soo booqda Masjidka Nabiga (csw) waa inuu ka fogaado inuu sameeyo wax kastoo keeni kara shirki ama bidco aan daliil laheen ( lahayn ) sida: In Nabiga la baryo ama sharad (nadar) laga xirto ama qabrigiisa la masaxdo, sidoo kale qubuurta Asxaabtiisa, Allaahu Subxaanuhu Watacaalaa ayaa xaq u leh in la baryo iyo in sharad (nadar) laga xirto iyo la talo saarto iyo in gargaar la weydiisto, waayo keligii ayaa Ilaah ah Asagaana awood leh.

Caa-isha Allaha ka raalli noqdee waxay ka werisay Rasuulka Alle:

Xadiith 104

”Qofkii ku soo derriya amarkeenna ( diinteenna ) waxaan ka mid aheen (ahayn) isagaa dib loogu celin.”

Qofkii bidco iyo shirki la yimaada isgaa (asagaa) dib loogu celinayaa oo wax kasta diin lagama dhigan karo, ee diinta waxaa laga qaadanayaa oo keliya Kitaabka ( Qur’aanka ) iyo Sunnada Nabiga (scw). Waxaa sunno ah inuu soo booqdo Masjid Qubaa oo ku yaal Madiinatul-Munawarah kuna tukado dhexdiisa.

Cabdullaahi Bin Cumar Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri:

Xadiith 99

”Rasuulka Alle (scw) wuxuu ahaa mid soo siyaarta (soo booqda) Masjid Qubaa isagoo (asagoo) neef saaran ama socda, markaa ayuu ku tukan jiray laba rakcadood oo sunno ah.”

Masjidka Qubaa

Masjid Quba

Waxaa sunno ah inuu soo siyaarto (booqdo) qubuurta Asxaabta rasuulka kuwaasoo ku aasan meesha loo yaqaan: Baqiic iyo qubuurta shuhadada ku aasan buurta Uxud agteeda wuxuu oran labadaas meelood iyo dhammaan haddii uu soo siyaarto qubuurta muslimiinta kaleba:

Xadiith 100

”Asalaamu caleykum ahla diyaari minal-mu’miniina walmuslimiina, wa innaa insha-Allaahu bikum laaxiquun, nasa’lu- Allaaha lanaa walakum alcaafiyah.”

Ujeeddada siyaarada ( booqashada ) qubuurta waxaa weeye in la salaamo loona duceeyo dadka qabriga ku jira iyo in lagu waano qaato oo la xusuusto geerida iyo aakhiradaba.

Abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee wuxuu ka weriyey Rasuulka Alle inuu yiri:

Xadiith 101

”Siyaarta (booqda) qubuurta, waayo waxay idin xusuusinaysaa aakhirada.”

Fiiro gaar ah:

Haweenta muslimadda ahi urna bannaana inay soo booqato qubuurtoo idil, waayo Rasuulka Alle wuu ka reebay haweenka inay soo booqdaan qubuurta.

Abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee wuxuu ka weriyey Rasuulka ¡nuu yiri:

Xadiith 102

”Allaha lacnado ( Raxmaddiisa ha ka dheereeyo ) haweenka in badan soo booqda qubuurta.”

Waxaa jira culimmo qabta in haweentu soo booqan karto qubuurta, laakiin sida xaqa ah waxaa weeye inay ka joogaan siyaarada qubuurta maaddaama Rasuulka ka reebay. Haweenka waxaa u bannaan inay ku salliyaan ama salaamaan Nabiga (scw) ama ehelkooda geeriyooday u duceeyaan iyagoo guryahooda ku sugan iyo meel kastoy joogaan, ducadaas iyo salliga iyo salaantaba wey gaareysaa oo Allaahu Subxaanuhu Watacaalaa ayaa gaarsiinaya,

Abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee wuxuu ka weriyey Rasuulka Alle (scw) inuu yiri:

Xadiith 103

”Ma jiro qof i salaama, illaa hadduu jiro Ilaahay ayaa ruuxa igu soo celiya si aan qofkaasi ugu jawaabo oo u salaamo.”

Qofka muslimka ahi waxaa ku waajib ah meel kastuu joogo inuu Nabiga (scw) ku salliyo oo salaamo.

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

Surat Al-Axzaab 56

”Ilaahay iyo malaa-igtiisuba waxay ku salin (amaani) Nabiga ee kuwa xaqa rumeeyow idinna ku salliya Nabiga oo salaama salaan. [Surat: Al-Axzaab, 56]

Qeybta 38aad | Qaladaadka ka dhaca Xujeyda Qaarkood

1: – Qaar ka mid ah xujeyda waxay gudbaan miiqaadkii ay ka xarman lahaayeen ilaa ay gaaraan Jeddah ama meel kale oo Makah u dhow . Haddaba waxaa laga doonayaa qofkii sidaasi ay ku dhacdo inuu ku laabto miiqaadka oo ka soo xarmado, hadduusan sidaas sameen oo uu ka xarmado meel miiqaadka ka sokeysa waxaa ku waajibay fidyo hal neef inuu ku gowraco Makah oo hilibka u qeybiyo masaakiinta.

2: – Xujeyda qaar baa markay dawaafayaan ka bilaaba wareegyada meelaan Xajarul-Aswad aheen (ahayn), waxaase waajib ah in wareeg kasta laga bilaabo Xajarul-Aswad.

3: – Xujeyda qaar baa waxay ku dhex dawaafaan Al-xijir (waa dhismaha yar oo qoolaaban) kaasoo ka mid ah kacbada mana bannaana in lagu dhex dawaafo xijirka, dawaafkuna waa burayaa.

4: – Xujeyda qaar baa dadka waxay u buurtaan inay Xajarul-Aswad soo dhunkadaan (shumiyaan) darteed, arrinkaasoo keena badanaa dagaal iyo in layscaayo taasoo wax u dhimi karta qofka xajkiisa iyo diintiisaba.

5: – Xujeyda qaar baa barako darteed isugu masaxa Xajarul-Aswad, arrinku sidaas ma aha ee waxaa sunno ah in la dhunkado (shumiyo) ama la taabto, ama gacanta loo ishaaro.

6: – Xujeyda qaar baa wareeg walba ku khaas yeelay duco u gaar ah, arrinku saas ma aha ee waxaa la doonayaa in xaajigu ku dadaalo inta uu karo oo werdi iyo ducooyin ah inuu akhriyo dawaafka dhexdiisa.

7: – Xujeyda qaar baa markay duceysanayaan codka kor u qaada, oo dadka kale ku buuqa taasina ma habboona.

8: – Xujeyda qaar baa isku buurta inay laba rakcadood ku tukadaan Maqaamul-Ibraahiim agtiisa . Waxaa habboon haddii Maqaamul- Ibraahiim agtiisa saxmad (ciriir) yahay in lagu tukado meel kale oo masjidka ka mid ah.

9: – Maalinta carrafah xujeyda qaar baa ka baxa xuduuda banka carafah ilaa qorrax dhaca, ka dibna Muzdalifa iska aada iyagoon (ayagoon) carafah istaagin, qofkii arrinkaas sameeyana xajkiisi waa buray.

10: – Xujeyda qaar baa Muzdalifa u gaddooma intaanay qorraxduba dhicin, arrinkaasuna waa qalad waayo Nabiga wuxuu istaagay carafah ilaa qorraxdu ka dhacdo.

11: – Xujeyda qaar baa dusha uga baxa oo (kora) buurta carafah (Jabalu Raxma) iyagoo (ayagoo) isbuuranaya halkaasi waxaa ka dhaca dhaawac iyo dhimasho, arrintaasina ma bannaana carafah oo idil waa mawqif (meel la istoogo) oo lagu cibaadeysto.

12: – Xujeyda qaar baa markay duceysanayaan maalinta carrafah u jeedsada (u jeensada) xagga iyo buurta carafah (Jabalu Raxma) waxaase sunno ah in loo jeedsado qiblada xaggeeda marka kastoo la duceysanayo.

13: – Xujeyda qaar baa markay urursadaan dhagxaantii ay tuuri lahaayeen biyo ku dhaqa, arrinkaasuna waa bidco.

14: – Xujeyda qaar baa aamminsan inay dhagxaanta ku tuurayaan shaydaan, sidaa awgeed waxaa laga dareemi karaa xanaaq iyo dagaal inay ku jiraan, marmarka qaarkoodna ay tuurayaan dhagxaan waaweyn iyo kabo iwm, arrinkaasina waa qalad . Xaqiiqadu waxaa weeye in dhagaxa la tuurayo iyo dhammaan manaasikta (sifada ama cibaadooyinka) xajkuba yihiin in la oogo xuska (dikriga) Alle iyo ammaantiisa.

15: – Xujey fara badan ayaa isku buurta jamaaraadka marka dhagxaanta la tuurayo halkaasoo ay ku dhintaan ama ku dhaawacmaan dad badan oo muslimiin ah, arrinkaasuna waa jahli waayo qaar baa moodi in xajkuba yahay in laysugu xoog sheegto goobaha cibaadada . Asalka diinteennu waa in laysu naxariisto oo laysxaq dhowro lagana fogaado wax kastoo dhib keeni kara.

16: – Xujeyda qaar baa toddobada dhagax mar keliya wada tuura, arrintaasina waa bidco ee waxaa waajib ah in mid mid loo tuuro iyo in la raaco aadaabtii aynu soo sheegnay, qofkiise dhagxaanta mar keliya wada tuura wuxuu la mid yahay qof hal dhagax oo keliya tuuray.

17: – Xujeyda qaar baa dhagaxtuurka u wakiisha qof kale iyagoo (ayagoo) awooda inay soo tuurtaan, arrinkaasuna ma bannaana.

18: – Dadka soo siyaarta qabriga Nabiga qaar baa derbiga iyo biraha masaxadoo barakaysta, arrinkaasuna waa bidco.

19: – Qaar kalena qubuurta ayey baryaan ama lacag ku halgaadaan. Haddii qabri la baryo ama cid Alle ka soo hartay waxay la mid tahay in Alle kor ahaaye loo shariig yeelay, Qofkii sidaa sameeyana waxaa ku waajibay inuu Alle u towbadkeeno oo weliba ashahaato.

20: – Dadka Madiinatul-Munawarah siyaarta qaar ka mid ah ayaa waxay aadaan meelo aanan loo baahneen sida toddobada masjid iyo buurta uxud dusheeda iyo iwm.

Qeybta 39aad | Gunaanad

Alle kor ahaaye ayaa mahad mudan, Allaha noo fududeeyey inaan dhammaystirno kitaabkaan axkaamta xajka, cumrada iyo siyaarada.  Allaah Subxaanuhu Watacaalaa waxaan weydiisaneynaa inuu ku anfaco walaalaha akhriya annagana noogu daro miisaanka aakhiro. Qofkii kitaabka akhriya ka dibna xajiya ama cumraysta waxaan ka codsanaynaa inuusan naga hilmaamin ducada markuu gudanayo manaasikta (sifada ama cibaadooyinka) xajka ama cumrada. Mahad Alle ka sokow waxaan jeclahay inaan ku mahadiyo laba qof oo igala qeyb qaatay soo saaridda kitaabka kuwaasoo kala ah:

  1. Maxamad Cabdi-xaliim
  2. Maxamad Sh . Cabdalla
  3. Cabdi-Daahir Jibriil

Qofkii doonaya inuu kitaabkaan u daabaco Alle dartii isagoon (asgoon) waxba ka bedelin waa u fasaxan yahay, laakiin lama oggola in kitaabka wax laga bedelo, ciddii kitaabkaan wax ka milicsata waxay kala soo xiriiri karaan qoraha kitaabka E-mailkiisuna waa sida soo socota: abdallamm@hotmail . com

Sh.Cabdalla. M. Maxamuud

Taariikhda: Isniin 23/O5/2OO5


_________________________________
D H A M A A D

::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::