Cuthman Bin Cafaan
عثمان بن عفان

Khulufaa’u Raashidiin
Khulafada Rasuulka Muxammad (scw)

Cuthman Bin Cafaan عثمان بن عفان
Khulafaa’u Raashidiin:
Cuthman Bin Cafaan  ‘’Amiirkii Mu’miniinta’’

Decorative Lines

Cuthman Bin Cafaan
{عثمان بن عفان}

Taariikh Nololeedka
Saxaabada Suubanaha Rasuulka (csw)

”Oo miyaanan ka xishooneyn qof ay Malaa’igtu ka xishooneyso”? [Sidaa waxaa yiri Rasuulkii Alle ((scw)).]

Kanina waa saxaabi jaliil ah oo kamid ah saxaabadii Nebi Muxammed (scw) ee akhyaarta ahayd, khaliifkii saddexaad ee khulafaa’u Raashidiinka iyo amiirkii labaad ee Mu’miniinta, oo kamid ah kuwii ugu horeysay ee islaamtay, waa mid kamid tobankii jannada loogu bishaareyay iyagoo nool oo misna kamid ah lixdii ahlu shuurada ee uu Cumar howsha Islaamka uga tegay. Waxuu caan ku ahaa sama fal, suubanaan iyo sifooyinkii islaamka oo idil ka hor intaan lasoo dirin Rasuulka (scw).

Afartii Khaliif ee ugu horeeyay Islaamka:

  1. Abuu Bakar As-Siddiiq
  2. Cumar Ibn Al-Khattaab
  3. Cuthman Ibn Cafaan
  4. Cali Ibn Abii Daalib

Waxuuna iska daba guursaday laba gabdhood oo uu dhalay  Rasuulka (scw), waana qofka kaliya ee iska daba guursaday laba gabdhood oo walaalo ah misna uu dhalay Nebi.   Sidaa darteed baa waxaa loo yaqaannay oo uu laqabkiisu ahaa Dun Nuureyn oo la macna ah Kii labada nuur u saaxiibka ahaa. Rasuulkuna (scw) waxuu geeriyooday isagoo ka raalli ah.

Waxuu lahaa weji quruxoon, tima badan dhanka madaxa, waxuu ahaa mid dhex dhexaad ah, ma uusan gaabneyn, mana dheereyn waxuu lahaa gadh weyn, waxuuna gacmaha iyo luguhuba ku lahaa timo badan (xaad), ishii eegtaa ma qabaneyn kasii jeeso bal ee waxayba u ahayd il qabowsi iyo raxmad.

Waxuu ahaa mid masaakiintu ay ku farxaan markii ay arkaan sidaa si lamid ahna qofkasoo Muslim wuu jeclaa, waxuu ahaa deeqsi had iyo jeerna wax bixiya, oo cibaado badan soon iyo salaad  badan, waxuuna hal rakaco ku qatimi jiray Quraanka oo idil.  Samankiisii waxaa batay hantidii beytul maalka, waxuuna masjidka Rasuulka (scw) amray in la dhigo hilib soolan si masaakiinta, musaafirka, kuwa ku ictikaafa masjidka iyo dadka kaleba ay u cunaan, mararka qaarkood waxuu xaajada Muslimiinta ku gudi jiray maalkiisa gaarka ah, isagoo oran jiray waxaan dhiganayaa Allaah agtiisa.

Maxaa ka wanaag badan ruux hantidiisii dhigtay Allaah agtiisa. Markii la dilayey waxuu ka tegay hanti dhan 530 000 000 (shan boqol iyo soddon kun oo kun) oo Dirham ah iyo 100 000 (boqol kun) oo Diinaar, waxuu kaloo ka tegay 1000 awr, waxuu kaloo ka tegay hanti saddaqo uu ula baxay oo culus, waxaana kamid ahaa ceelkii Ariis, maal u yiillay kheybar iyo hanti u taallay Waadil Quraa oo lagu qayaasay 100 000 Diinnaar, waxuu kaloo ka tegay ceelka la yiraahdo Bi’ru Ruumah kaasoo waqtigii Nebiga (scw) uu ka gatay nin Yahuudi ahaa.

Saxaabigaan jaliilka ah akhristoow waxaa aabahii la oran jiray Cafaan bin Abil Caas bin Umaya bin Cabdshams bin C/manaaf bin Qussay bin Kilaab bin Murrah bin Kacab bin Lu’ayi bin Qaalib bin Fihir bin Maalik bin Nadar bin Kinaanah bin Khuseymah bin Mudrikah bin Ilyaas bin Mudar bin Nizaar bin Mucad bin Cadnaan, oo waxuu ka dhashay Qureesh gaar ahaan jilibka banii Ummaya oo u xilsaarnaa dhanka hoggaanka ganacsiga ee Qureeshta.

Sidaa darteed waxuu Cafaan ahaa oday ganacsada ah oo Makka iyo marinnada ganacsiga oo idil ka sheegan oo laga yaqaan.

Dhanka kale waxaa hooyadii la oran jiray Arwaa bint Kureys bin Rabiicah bin Xabiib bin C/Shams bin C/manaaf bin Qussay, taasoo ay ilma adeer labaad ahaayeen aabahiis Cafaan bin Abul Caas, waxaana dhashay Arwaa Rasuulka (scw) eeddadiis Ummul Xakiim Baydaa bint C/Mudalleb, sidaa darteed waxay Ummu Xakiim u ahayd saxaabigaan ayeeyo, Rasuulkuna (scw) waxuu ugu toosnaa abti labaad maadaama ay dhashay gabadhii eeddadiis Ummul Xakiim ee Arwaa bint Kureys.

Ma sii foga halka ay nasab ahaan ku kulmaan asaga iyo Rasuulka (scw) oo waxay ku kulmaan odayga C/manaaf bin Qussay, kaasoo ah awoowga 3aad ee Rasuulka (scw) iyo awoowga 4aad ee saxaabigan , haddaba dhankanna waa ay ka kulmaan Rasuulka (scw) iyo isaga oo markanna waxuu u noqon adeer, sidaa darteed waa saxaabiga kaliya ee Khulufaa’u Raashidiinta ama tobanka Jannada loogu bishaareeyay kamid ah, kaasoo qaraaba sidaa u sokeysa la ahaa Rasuulka (scw) marka laga reebo Cali bin Abii Dhaalib.

Saxaabigan Jaliilka ahi waa Cuthmaan bin Cafaan bin Abul Caas, waa saxaabiga lagu amaanay inuu ummadan Nebi Muxammed (scw) ugu xishood badan yahay, waana mid kamid ah saxaabadii dulqaadka iyo deeqsinnimada badnaa, waxuu ahaa mid naf iyo maalba u huray fidinta dacwada diinta Islaamka, oo waxuu ahaa mid Qureeshtu oo idilba ay jecelyahiin. Waxay haweenka Quresheed carruurtooda ku maaweelin jireen iyagoo leh weedha tan:” Hooyoow! waxaan kuu jeclahay sida ay Qureesh Cuthmaan u jeceshahay oo kale”. Taasi waxay ina tusineysaa sidii ay Qureeshtu u jecleyd Cuthmaan bin Cafaan iyo darajadii uu agtooda ka joogay ka hor intaanan lasoo dirin Rasuulka (scw) iyo kadibba.

Haddaba waxaanan shaki ku jirin inuu Cuthmaan bin Cafaan ahaa saxaabi la jeclaada, tanna waxaa u saamaxday markii uu geeriyooday aabahiis Cafaan bin Abul Caas buu hantidiisii gacanta ku dhigay oo uu noqday nin baayacmushtari ah oo ganacsada geyiga oo idil caan ka ah noqday, tiiyoo halkaa ay kasoo shaac baxday gacan furnaantiisii iyo deegsinnimadiisii oo ummaddii oo idil wada jeclaatay. Waxuu Cuthmaan  ku dhashay magaalada Dhaa’if 8 ama 7 sano kadib dhalashadii Rasuulka (scw) waxaa kaloo la sheegaa inuu Makka ku dhashay, waxuuna jiray markii Rasuulka (scw) lasoo dirayey 32 sano.

Aabahii markii uu ka geeriyooday kadib  hooyadii waxaa guursaday oo kaga dambeeyay Cuqbah bin Abii Mucayd oo isagu odayaashii banii Ummaya kamid ahaa, waxayna u dhashay 3 wiil iyo hal gabar, kuwaasoo la kala oran jiray: Al Waliid bin Cuqbah, Khaalid bin Cuqbah, Camr bin Cuqbah iyo Ummu Kalthuum bint Cuqbah bin Abii Mucayd, waxaana jirtay gabar isaga ( Cuthmaan ) la aabo iyo la hooyo ahayd oo la oran jiray Aaminah bint Cafaan.

Khaalid bin Cuqbah bin Abuu Mucayd (magaca Abii Mucayd waa Abaan) bin Abii Camr (magaca Abii Camarna waa Dakwaan) bin Umayah bin C/Shams isagu wuu Muslimay waxuuna noqday saxaabi jaliil ah, waxuuna Islaamay maalintii furashadii Makka, waxuuna kamid ahaa dadkii Cuthmaan difaacayey maalintii la dilayay Cuthmaan, sida inoo iman doonta hadduu Alle idmo.

Al Waliid bin Cuqbah isagu waxuu noqday Saxaabi jaliil ah, waana saxaabigii uu Rasuulka (scw) u diray dhanka banii Musdhaliq si uu sakada uga soo qaado, dabeetana u maleyay in ay doonayaan inay dilaan oo Rasuulka (scw) ayuu Madiina ugu yimid, waxaana ku soo degtay arrintaas saddarro kamid ah Suuradda Xujraad.

Mar buu Cuthmaan masuul uga dhigay Kuufa oo haddana uu ka casilay sida iyana inoo iman doonta inshallah waxuuna ahaa waali caadil ah oo xitaa albaabkiisa wuu furnaan jiray, waxaa kaloo lasheegaa inuusan albaabba lahayn gurigiisa Kuufa. Ammaa Ummu Kalthuum bint Cuqbah iyadu waxay ahayd Muhaajiraddii ugu horeysay ee iyadu kaligeed hijroota, waxayna soo hijrootay kadib dhacdadii Xudeybiyah, Rasuulkuna (scw) ma uusan  celin.

Cuthmaan bin Cafaan waxuu u hijrooday dhulka Xabashida isagoo ahaa saxaabigii hoggaaminayey saxaabadii u hijrootay hijradii koowaad carriga Abasiinya (Xabashida). Waxuu kamid ahaa dadkii u hijrooday magaalada Madiina, waxuuna horey Rasuulka (scw) ula walaaleeyay Cabduraxmaan bin Cowf markii uu Muhaajiriinta dhexdooda walaaleynayey, markii Madiina la yimid oo Ansaarta iyo Muhaajiriinta dhexdooda la walaaleynayeyna waxuu la walaaleyay Aws bin Thaabit Al Khazraji oo la dhashay Xassaan bin Thaabit.

Islaamiddiisii

Islaamidda Cuthmaan bin Cafaan marka ay Culimada mu’arrakhiinta wax ka qorayaan waxay tilmaamaan in sifooyinkii Cuthmaan bin Cafaan ka hor islaamka ayba iska ahayeen sifooyinkii islaamka.

Sidaa darteed maalin baa waxaa wax u sheegtay habaryartiis Sucdaa bint Kureys oo iyadu ahayd curraafad wax sheegta ama faalliso, waxay usheegtay in Nebi lasoo saari doona goor aan sidaa u fogeyn, waxayna kula sii talisay in uu raaco Nebigaas. Haddaba Cuthmaan isagoo arrintaa la fajacsan buu maalin yimid golahii Abii Bakar Sidiiq oo markaa cidlo ahaa. Goor cabbaar ah markii uu meeshii joogay ayaa waxaa u yimid Abuu Bakar oo uu arrintii habaryartii ay u sheegtay  uga warramay.

Markii uu Abii Bakar ka dhageystay warkii Cuthmaan buu ku yiri:-  War hooge! Cuthmaan  Illaah baan ku dhaartaye waxaad tahay nin go’aan leh oo uusan xaqu baadilka kaga dhex dhuuman karin, kuwan sanamyada ahi ee ay caabbudayaan tolkaa, oo miyaanay ahayn kuwa indha, dhego iyo afba la’  waxna maqlahayn oo waxna arkayn, oo waxna aan dhibayn waxna aan tareynin? Markaa buu yiri :- Haaheey! Illaah baan ku dhaartaye waa sidaa.

Waxuu yiri Abuu Bakar:- Haddaba waa kan Muxammed uu Allaah u soo diray dhammaan khalqiga si uu dhambaalkiisa u gaarsiiyo,ee ma dooneysaa inaan kuu geeyo oo aad wax ka dhageysato?  Markaa buu Cuthmaan yiri:- Haa.

Iyagoo xaaladdaas ku sugan baa waxaa soo maray Rasuulkii Alle (scw), markaasuu Abuu Bakar xaggiisii u dhaqaaqay oo misna si hoos ah wax ugu sheegay, Rasuulkuna (scw) waxuu usoo dhaqaaqay dhankii Cuthmaan isagoo dhoola caddeynaya, waxuuna ku yiri:- War Cuthmaanoow! ajiib Allaah iyo Janno, anigu waxaan ahay ergaygii uu Alle usoo diray adiga iyo dhammaan khalqiga oo idile”.

Waxuu yiri Cuthmaan:- Illaah baan ku dhaartaye, waxba maanan sii hanan markii aan hadalkiisa maqlay illaa aan ka islaamo, oo aan ka qira inuusan jirin Allaah la caabbudo oo aanan ka ahayn Illaah, xaal uu yahay kali oo aanay jirin wax cibaadada lala wadaajiyo, Muxammedna (scw) uu yahay addoonkiisii iyo Rasuulkiisii (scw). Dabeetana ma aanan sii nagaan jeer uu Rasuulka (scw) iiga guuriyey gabadhiisii Ruqayah bint Muxammed (scw).

Waxaana la oran jiray:- Laba is qabto oo zowjeyn ah waxaa ugu wanaag badan Cuthmaan iyo Ruqaya. Waxuuna guurkoodu dhacay kadib soo saariddii Nebiga (scw).

Sababtuu Rasuulka (scw) ugu guuriyey Ruqayo Cuthmaan waxay ahayd in markii hore uu labadiisa gabdhood ee Ruqayo iyo Ummu Kalthuum uu u kala guuriyey labadii wiil ee adeerkii Abuu Lahab kuwasoo kala ahaa Cutbah oo uu u guuriyey Ruqaya iyo Cuteybah oo uu u guuriyey Ummu Kalthuum. Markii Rasuulka (scw) lasoo diray oo ay colaadiyeen shisheeya iyo sokeeyaba, Abuu Lahab waxuu kamid ahaa dadkii colaadiyey waxuuna ahaa mid kamid adeerradii Rasuulka (scw) in kastoo u ahaa midkii ugu kheyrka darnaa.

Waxuu Rasuulka ku colaadiyey nooc waliba oo colaadda kamid ah, haddii ay noqon lahayd goyn rixim iyo gamashleyn inta uu gadaal kamaro uu marka uu dacwada dadka ugu yeerayo ku oran jiray waa walan yahay waa saaxir iyo eraya lamid ah oo dadkii kasii didinayey. Arrinta ugu foosha xun ee uu Abuu Lahab ku sameeyay Rasuulka (scw)  ayaa waxay ahayd inuu labadiisa wiil ku yiri:

‘’Haddeydaan Muxammed gabdhahiisa u furin wejigiinnu wejigeygu waa ka xaaraan.‘’

Waxay gaadhay heerkaas colaaddii uu Abuu Lahab ku hayey Rasuulka (scw).  Waxaana ku taageertay colaaddaas foosha xun afadiisii il kheyr ma saartada ahayd ee Ummu jamiil Arwaa bint Xarbi bin Umaya.

Markaas buu Rasuulka (scw) u guuriyey Cuthmaan gabadhiisii Ruqaya bint Rasuulillaah ayay iyadu ula hijrootay hijradii dhulka Xabashida ee kowaad sanadkii 5aad ee Nebinnimada, waxayna ahaayeen ahlu beydkii ugu horeyay ee hijrooda kadib Nebi Ibrahiim CS iyo Nebi Luud siduuba Rasuulka yiri, markii ay hijroonayeen. Waxuu mar kale u hijrooday Cuthmaan bin Cafaan dhulka Xabashida isagoo ay la socota afadiisii Ruqayah bint Muxammed (scw), waxuuna ahaa amiirkii kooxdii Muhaajiriinta ee dhulka Xabashida u hijrootay labada jeer, kuwasoo uu afhayeen u ahaa Jacfar bin Abii Dhaalib.

Midna (Cutbah ama Cuteybah) lama uusan aqal galin gabdhahii Rasuulka (scw) oo intayan la aqal gelin buu Alle Sarreeye soo dejiyey Suuradda Masad oo cadaab iyo hoog ugu bishaareyneysay Abuu Lahab iyo ooridiisii afka dheereyd ee Ummu Jamiil bint Xarbi. Tanna waxay ahayd karaama iyo sharfid uu Alle ku sharfayey qoyskii reer Muxammed (scw).

Waxuuna markaa Rasuulka (scw) u guuriyey gabadhiisii Ruqayah mid ka kheyr badan Cutbah bin Abii Lahab. Waxay Ruqaya Cuthmaan u dhashay wiil loo baxshay Cabdullaahi kaasoo ka geeriyooday isagoo lix jir ah, waxaana isha ku dhuftay diiq oo dabeeta ay barartay illaa uu markii dambe ka geeriyooday bishii Jamaadul Awal sanadkii 4aad ee hijriyada, Rasuulka (scw) baana ku tukaday, waxaana qabriga dhigay aabahiis Cuthmaan bin Cafaan.

Ummu Kaltuum iyadu waxay la joogtay aabaheed jeer ay Ruqaya dhimatay kadib dhacdadii Bader, markaa buu Rasuulka (scw) Cuthmaan  u guuriyey Ummu Kalthuum bint Rasuulillaah (scw), taasoo iyana ka geeriyootay sanadkii 9aad ee hijriyada, waxuuna markaa Rasuulka (scw) yiri:- Haddii ay gabadh kale ii joogi lahayd waa aan kuu guurin lahaa.

Midna kama uusan qeyb qaadan Cuthmaan dagaalladii Bader iyo Tabuuk sabab la xiriirta isagoo ku haray maalintii Bader Ruqaya oo xanuunsaneyd, markaas buu Rasuulka (scw) ku reebay si uu ula jooga waxuuna siiyey saamigiisii qaniimadii Bader. Maalintii Tabuukna waxuu Rasuulka (scw) ku reebay gabadhiisii Ummu Kaltuum (oo iyana  afo u ahayd Cuthmaan markaas), oo markaa iyadu xanuunsaneyd, kamana uusan qeyb gelin, waxayna ka geeriyootay intuu Rasuulka (scw) Tabuuk jiray.

Cuthmaan bin Cafaan Allaha ka raalli noqdee waxuu kamid ahaa dadkii fara ku tiriska ahaa ee asnaamta ka fogaa waqtigii jaahiliga, waxuuna ka fogaaday sidaa si lamid ah xummaanta iyo caadooyinkii Carabta ee anshaxa iyo akhlaaqda ka fogaa horeyna umuusan cabin khamri waligii, waxuu, u hijrooday dhanka magaaladii Madiina oo uu degay.

Dumarkiisii & Carruurtiisii

Ka hor intuusan Islaamin waxuu guursaday laba dumar ah kuwaasoo la kala oran jiray Ummu Camr bint jundub iyo Faadimah bint Al Waliid bin C/Shams bin Muqiirah bin Cabdullaahi bin Camr bin Makhsuum.

Haddaba innagoo sameyneyna nidaam tixraac wanaagsan leh ayaa waxaan u kala qaadi doonnaa afo waliba iyo carruurtii ay u dhashay si goonni ah. waana sida tan.

1: Islaamka kahor waxuu guursaday Ummu Camr bint Jundub bin Xamamah bin Al Xaarith bin Rufaacah bin Sacad bin Thaclabah bin Lu’ay bin Caamir bin Qanam bin Dahmaan bin Munheb bin Dows oo ka dhalatay qolooyinka Uzdi-ga. Aabaheed waa saxaabi jaliil ah oo caan ah Jundub bin Camr Ad Dowsi,waxay ahayd afadii u horreysay ee uu Cuthmaan bin Cafaan guursada waxayna u dhashay: Camr, Khaalid, Abaan, Cumar iyo Maryam.

2: Faadimah bint Al Waliid bin C/Shams bin Muqiirah bin Cabdullaahi bin Camr bin Makhsuum. Waxaa dhalay Al Waliid bin C/Shams kaasoo kamid ahaa ashraaftii Quresheed waxuu aabaheed Al Waliid islaamay maalintii furashada Makka oo kadibna waxuu ku shahiiday dagaalkii Yamaama isagoo ka hoos dagaallamaya calankii ina adeerkiis Khaalid bin Waliid.

Faadimah hooyadeed waxaa la oran jiray Asmaa bint Abuu Jahal oo sidaa darteedna Abuu Jahal baa awoowe u ahaa, waxaa guursaday Cuthmaan bin Cafaan oo ay u dhashay Al Waliid, Saciid iyo Ummu Sacad.

Camr waxuu ahaa Curudkii Cuthmaan bin Cafaan, sidaa darteed waxaa loogu kunyoonjiray (Cuthmaan) Abaa Camr islaamka ka hor, markiina uu Islaamka yimid waxaa loogu kunyoonjiray Abuu Cabdullaahi.

3: Islaamka kadib waxuu guursaday Ruqayah bint Muxammed (scw) oo u dhashay  Cabdullaahi  oo ka saqiiray isagoo jira 6 sano.

4: Waxuu kaloo guursaday Ummu Kaltuum bint Rasuulillaah (scw),waxbana uma aysan dhalin waxayna ka geeriyootay sanadkii 9aad ee hijriyada markii loo baxayey dagaalkii Tabuuk.

5: Kadib waxuu guursaday Faakhitah bint Qazwaan bin Jaabir bin Nuseyb bin Wuheyb bin Seyd bin Maalik bin Cabdu bin Cowf bin Xaarith bin Maazin bin Maansuur bin Cikrimah bin Khasfah bin Qeys bin Ceylaan waxay udhashay : Cabdullaahi Al Asqar oo ka saqiiray isagoo ilma yar ah.

6: Waxuu kaloo guursaday Ummul Baniin bint Cuyeynah bin Xisin bin Xudeyfah bin Bader Al Fazaari waxayna u dhashay: C/malik oo ka geeriyooday isagoo ilma yar ah.

7: Waxuu misna guursaday furashadii Makka kadib Ramlah bint Sheybah bin Rabiica bin C/Shams bin C/manaaf, aabaheed Sheyba waxaa lagu dilay Bader isagoo gaal ah, waxaana dilay Xamza bin C/Mudhallib, Ramlah hooyadeed waxaa la oran jiray Ummu Shariik bint Waqdaan bin C/Shams bin C/Wuddi bin Nasar oo ka dhalatay Qureesh gaar ahaan banii Caamir bin Lu’ayi.Ramlah waxay ilma adeer ahaayeen Mucaawiyah hooyadii Hindah bint Cutbah bin Rabiicah iyo weliba saxaabigii Abuu Xudeyfah bin Cutbah, way islaamtay oo ay haajirtay. Waxay Cuthmaan u dhashay : Caa’isha, Ummu Abaan iyo Ummu Camr.

8: Waxuu kaloo guursaday Naa’ilah bint Faraafizah bin Al Axwas bin Camr bin Thaclaba bin Al Xaarith bin Xisin bin Dam dam bin Cadiyi bin Junaab bin Kalbi oo ka dhalatay qoys masiixiyiin ah oo degnaa magaaladii Kuufa, waxay ku Islaamtay gacanta Ca’isha bint Abuu Bakar Sidiiq, sanadkii 28aad ee hijriyada ayuuna la aqal galay amiirkii Mu’miniinta ee Cuthmaan, waxayna u dhashay: Ummu Khaalid, Ummu Abaan As Suqraa iyo Arwaa, waxaa kaloo ay u dhashay Maryama sida ay qabaan Ibnu jowzi iyo ibnu Sacad, waxayse yiraahdeen qaar kamid ah culimada mu’arrakheenta ah:- Maryama ma aysan dhalin Naa’ilah. Wallaahu aclam.

9: Waxuu kaloo guursaday haweeney Ummu Walad ah oo dadkii la soo qafaashay kamid ah waxayna u dhashay:- Ummul Baniin bint Cuthmaan, waxaana Ummul Baniin guursaday Cabdullaahi bin Yaziid bin Abii Sufyaan.

Dhammaan carruurta Cuthmaan bin Cafaan waa ay u wada hana qaadeen marka laga reebo  Cabdullaahi bin Ruqayah, Cabdullaahi Al Asqar iyo C/malik oo ka geeriyooday iyagoo ilmo yar ah.

Qaar Kamid Ah Fadliga Cuthmaan

Sida dhabta ah waxuu Cuthmaan lahaa fadli badan, waxuuna ahaa saxaabigii saddexaad ee ku xigay Abuu Bakar iyo Cumar dhanka fadliga, waxaana taa caddeynaysa axaadiista Rasuulka (scw) qaar kamid ah oo ka hadleysa fadligii Cuthmaan. Saxaabigaan Jaliilka waxuu ahaa mid kamid saxaabadii Rasuulka (scw) uu aadka u jeclaa, dhanka kalena waxuu la ahaa qaraaba soke, fadli iyo wanaagna waxaa ugu filan inuu Rasuulka (scw) u guuriyey labadiisii gabdhdood oo misna uu yiri markay ka dhinteen:- Haddii ay mid saddexaad ii joogi laheyd waan kuu guurin lahaa.

Waxaa fadli iyo wanaagna ugu filan in Rasuulka (scw) meela badan janno ugu bishaareyay. Abii Muusa Al Ashcari Allaha ka raalli noqdee waxuu yiri:- Maalin baan Rasuulka (scw) la joogay beer kamid ah beeraha Madiina, markaa baa waxaa albaabka soo garaacay qof oo idin dalbaday in laga fura, markaa buu Rasuulka (scw) yiri:- Ka fur uguna bishaareey Janno.

Markiina aan ka furay waaba Abii Bakar, waxaana ugu bishaareyay sidii uu Rasuulka (scw) igu yiri, markaa buu Alle mahadiyey, kadib waxaa yimid nin kale oo idin dalbaday in albaabka laga fura, markaasuu Rasuulka (scw) yiri:-

Ka fur oo uguna bishaareey Janno, markiina aan ka furay waaba Cumar, markaa baan uga warramay waxii uu Rasuulka (scw) igu yiri, markaa buu Alle mahadiyey, kadib waxaa yimid nin kala oo idin dalbaday in laga fura, markaa buu Rasuulka (scw) yiri:-

Ka fur oo uguna bishaareey Janno iyo balo asiibi doonta,markaa baan ka furay, misa waa Cuthmaan bin Cafaan markaa baan uga warramay sidii uu Rasuulka (scw) igu yiri, markaa buu Alle mahadiyey oo uu yiri:- Allaan kaalmo weydiisan. (Waxuu kuyaal Saxiixul Bukhaari).

Anas bin Maalik Allaha ka raalli noqdee waxuu yiri:- Rasuulka (scw) baa waxuu fuulay buurta Uxud isagoo ay la socdaan Abuu Bakar, Cumar iyo Cuthmaan, markaa bay la gil gilatay. Markaa buu Rasuulka (scw) yiri:-  Sugnoow Uxud, (isagoo lugtiisa hoos ugu garaacaya) ma saarno dushaado waxaan, Nebi, Sidiiq iyo labo Shahiid ahayne. (Waxuu kuyaal Saxiixul Bukhaari).

Mar Rasuulka (scw) oo tilmaamaya inuu Cuthmaan yahay kan ugu xishoodka badan umaddan Nebi Muxammed (scw) waxuu yiri:- Kan ugu naxariista badan ummadeyda waa Abuu Bakar Sidiiq, kan ugu ad adkaanta badan diinta Allaah-na waa Cumar, kooda ugu xishoodka badanna waa Cuthmaan, kooda ugu ogaal badan xalaasha iyo xaaraantuna waa Mucaad bin jabal, kooda ugu aqrinta badan kitaabka Allaahna waa Ubaya bin Kacab, oo kooda ugu aqoonta badan cilmiga dhaxalkuna waa Zeyd bin Thaabit, ummad kastaana waxay leedahay amiin, amiinka umaddeydanna waa Abuu Cubeydah. (Waxaa soo weriyay Bukhaari oo kasoo weriyey Anas bin Maalik).

Ca’isha marwadii Rasuulka Alle (scw) waxay tiri:- Goor uu Rasuulka (scw) dangiigsanyahay gurigiisa oo jilbuhuna ay marada uga banaantahay ama gomadaha ay u banaanyahiin baa waxaa markaa ka idin dalbaday Abuu Bakar Sidiiq oo uu asaguna u idmay isagoo xaaladdiisii ku sugan, misna waxaa ka idin dalbaday Cumar oo isaguna uu u idmay isagoo sidaa ah, wayna sheekeysteen, misna waxaa idin dalbaday Cuthmaan bin Cafaan, markaa buu Rasuulka (scw) fadhiistay oo marada hagaagsaday.

Muxammed bin Xarmalah wuxuu yiri:- Oran mahayo arrimahan waxay dhaceen maalin qura.

Waxay tiri Ca’isha iyadoo sii wadda hadalka:- Markaa buu soo galay oo ay wada sheekeysteen, markii uu baxay baa waxay Ca’isha tiri:- Abuu Bakar baa kuusoo galay oo maadan dhaqaaqin mana aadan is baddelin, misna Cumar baa kuusoo galay sidaa si lamid ah, misna Cuthmaan baa kuusoo galay, markaa baad fadhiisatay oo aad maradana hagaajisatay (sidee bay ku dhacday)? Waxuu yiri Rasuulka (scw):- Oo miyaanan ka xishooneyn qof ay Malaa’igtu ka xishooto? (Waxaa wariyey Muslim, waxuuna ku yaal kitaabka Muslim baabka Fadliga Cuthmaan bin Cafaan).

Tirmidi waxuu kasoo weriyay Cabduraxmaan bin Khabaab inuu yiri:- Waxaan goob joog ahaa Rasuulka (scw) oo ku boorinaya dadka  diyaarinta ciidankii cuslaa, markaa baa waxaa kacay Cuthmaan bin Cafaan oo yiri:- Waxaan jidka Allaah kula bixi 100 awr oo rarkooda u dhan yahay. Misna Rasuulka (scw) baa dadkii ku booriyey, markaa baa waxaa kacay Cuthmaan oo yiri:- 300 oo awr oo rarkoodu u dhan yahay ayaan jidka Alle kula bixi.

Waxuu Cabduraxmaan yiri:- Waxaan arkay Rasuulka (scw) oo mimbarka dul saaran oo leh:-  Waxba ka tari mayso waxa uu Cuthmaan la baxo maanta kadib, waxba ka tari mayso waxa uu Cuthmaan la baxo maanta kadib.

Maalintaa iyada ah (maalintii Tabuuk) buu Rasuulka (scw) yiri:-

Ruuxii diyaariya ciidanka culus waxaa u sugnaatay Jannah. Markaa buu Cuthmaan bin Cafaan diyaariyey.

Rasuulka (scw) baa maalin Dhalxa iyo Cuthmaan isagoo ay la socdaan ku yiri Dhalxa:- Dhalxoow! ma jiro Nebi aan saxaabadiisa mid kamid ah ka yeelaneyn Jannada dhexdeeda rafiiiq, rafiiqeyga Jannaduna waa kan (Cuthmaan).

Sida werin ay soo weriyeen Nisaa’i iyo Tirmidi ay tilmaameyso, waxuu Rasuulka (scw) markuu yimid Madiina ku yiri asxaabtiisa:- Oo kiinee baa ceelka Ruumah inoo iibiyo, oo halkii darka ee biyaha ah oo uu qof Muslim ahi ka darsada uu Alle uga yeeli doona baddalkiisa dar ka kheyr badan Jannada dhexdeeda? Markaa buu Cuthmaan iibiyey.

Ceelkaan markiisii hore waxaa lahaa nin Yahuudi ah oo Muslimiinta ku dhibi jiray, markaa buu Rasuulka (scw) jecleystay in uu noqda mid Muslimiinta lagu dhibin oo ay ka cabbaan, markaa buu Cuthmaan ka iibsaday Yahuudigii, waxaa la sheegaa inay ku heshiiyeen, qiima 8000 Dirham ah, dabeetana maalin ay Muslimiinta ka cabbaan maalinta kalana uu ninka Yahuudiga ah leeyahay oo qof muslim uma soo dhawaan karo.

Cuthmaan bin Cafaan waxuu Muslimiintii ku yiri:- Maalinteyda weelashiina ka buuxsada biyaha oo si fiican u dhaansada si maalinta kale aydan ugu baahan ceelka wax biyo ah. Markii in muddo Muslimiintii sidaa ahaayeen buu markii dambe Cuthmaan Yahuudigii u tegay oo uu usheegay inuu 4000 Dirham ugu daraaya beecii hore, isaguna waa in markaa uu furaha ceelka gacanta u geliyo. Markiina uu Yahuudigii arrintaa ku qancay buu Cuthmaan furahii ka qaatay lacagtiina  siiyey, waxuuna furahii u geeyay Rasuulka (scw) oo uu gacanta ka saaray.

Rasuulka (scw) intuu si aad ugu farxay buu u duceyay Cuthmaan, sidaa darteed Cuthmaan waxuu ahaa siduuba Rasuulka (scw) sheegay maalintii la diyaarinayey ciidankii cuslaa ee Tabuuk, maalintaasoo uu Cuthmaan bixiyey hanti fara badan, werinnada qaarkoodna ay ku tilmaamaan kun Diinaar iyo dhowr boqol oo awr oo reeryadooda u dhantahay. Maalintaa buuna Rasuulka (scw) sheegay in aysan Cuthmaan wax damba oo uu la baxa aysan dhibeyn.

Waa sidaase waxuu ahaa mid gacan furan sidaynu horey usoo xusnayba oo deeqsi ah, sideedaba hadduu qofku ahaa waqtigii jaahiliga mid akhlaaq suubban lahaa islaamka hadduu yimidna waxuu noqday mid kasii dara oo hadduu deeqsi ahaa waa kan deeqsinnimadiisii heerkaa sii gaartay waqtigan Islamka.

Masjidkii Rasuulka (scw) baa ciriiri ku noqday bulshadii islaamka, markaa buu Rasuulka (scw) yiri:-  Oo yaa inoo iibiyo tiirarka reer hebal oo inoogu siyaadiyo masjidka oo uu Alle ugu baddeli doonaa wax ka kheyr badan Jannada dhexdeeda? Markaa buu Cuthmaan istaagay oo uu soo iibiyey, waxaa la sheega inuu lacag culus oo dhowr boqol oo Dirham ah kasoo bixiyey.

Maxammed bin Siiriin waxuu yiri sida uu uga warramay Ibnu Cown:- Cuthmaan bin Cafaan waxuu ahaa saxaabiga ugu aqoonta badan acmaasha xajka saxaabada dhexdooda, waxaana ku xiga isaga kadib Cabdullaahi Ibnu Cumar.

Waxuu kamid ahaa fuqahaadii saxaabada iyo kuwoodii ugu waa weynaa oo ugu akhyaarsanaa, uguna dhawaansha ogaa agta Rasuulka Alle (scw), waxuu kamid ahaa kuwa saxaabada ugu cilmiga badan, waxuuna cilmiga ka qaatay madarasadii Rasuulka (scw). Waxuu laasimay Rasuulka (scw) agtiisa markii lasoo diray jeer uu ka aaday rafiiqa sare (Rafiiqul Aclaa) oo uu ka geeriyooday. Waxuu kaloo laasimay lajoogidda labadiisii saaxiib ee Abuu Bakar iyo Cumar isagoo kamid ahaa dadkii ay sida gaarka ula tashan jireen, waxuuna ahaa saxaabi aad loo qadariyo.

Cuthmaan bin Cafaan waxuu kamid ahaa saxaabadii fara kutiriska ahayd ee samaha iyo  wanaagga iyo deeqsinnimada  ku caan baxay Islaamka ka hor iyo kadibba. Waxuuna ahaa mid naxariis badan oo wax waliba cafis iyo saamaxaad ku qaabila, waxuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee hal rakaco ku qatima Quraanka oo dhan.

Ma soo koobi karno fadligii Cuthmaan iyo goobahii uu ku muteystay inuu Rasuulka (scw) Janno ugu bishaareeyo, sidaa darteed waxaan uga gudbi doonnaa intaa, Idinka Allaah.

Cuthmaan bin Cafaan waxuu ka qeyb qaatay dhacdooyinkii dhacay waqtigii Rasuulka (scw) badankood, hase ahaatee kama uusan wada qeyb qaadan dhammaantood.

Dagaalkii Bader Rasuulka (scw) baa ku dhaafay inuu la jooga Ruqaya oo markaa xanuunsaneysay, waxuuna uga tegay isaga iyo Usaama bin Seyd si ay xaaladeedda ula socdaan, waxuuna Rasuulka (scw) yimid iyadoo geeriyootay, waxayna ahayd waqtigaa waqtigii bishaaradii Bader ay Madiina soo gaartay, waqtigaa iyada ah bayna ahayd waqtigii uu Rasuulka (scw) sida aadka ah uga murugooday geerida gabadhiisii Ruqaya iyo murugada ku timid seygeedii Cuthmaan, sanadkii saddexaad waxuu Rasuulka (scw) ku daray Cuthmaan bin Cafaan oo u u guuriyey gabadhiisi kale ee Ummu kaltuum, taasoo iyana ka geeriyootay markii Tabuuk loo baxay.

Waxuu kamid ahaa saxaabadii maalintii Uxud sida dhaqsiyaha badan kusoo gaddoontay kadib markii ay jabeen Muslimiinta, waxuuna kamid ahaa raggii isagu yimid hareeraha Rasuulka (scw) si ay u difaacaan. Waxuu Rasuulka (scw) uga tegay magaalada Madiina masuul ahaan maalintii uu u baxayey duullaankii Dii’amar.

Maalintii Xudeybiyah Rasuulka (scw) waxuu damcay inuu Qureeshta u diro saxaabiga Cumar bin Khadaab si uu ugu sheego inuu usoo baxay cumro iyo beydka Xaramka inuu dawaafo oo kaliya, hase ahaate Cumar waa uu ka cududaartay arrintaas waxuuna yiri:- Rasuulkii Allow! aniga tolkeyga waa ku yar yahay magaalada Makka mana jirta cid ii doodeyso hadhoow.

Qureeshtuna waad ogtahay cadaawadda iyo carada ay ii qabto, marka waxad u dirtaa Cuthmaan bin Cafaan, isagaa laga jecelyahaye oo tolkiisuna ay meesha haystaane oo waxii aad fartana gaarsiinayee.

Markaa buu Rasuulka (scw) u diray Cuthmaan bin Cafaan isaguu ku yiri:- U sheeg Qureesh inaanan u iman wax dagaal ah oo usheeg inaan u nimid oo kaliya cumro Islaamkuna ugu yeer. Waxuu kaloo faray inuu u tego raggii iyo dumarkii Mu’miniinta ee Makka lagu dhibayey oo uu ugu bishaareeyo guul iyo furasho soo dhaw oo dhici doonta waqti aan sii fogeyn, gabbood falka foosha xun iyo diinta la qarsanna laga bixi doona oo Makka la furan doona idinka Alle.

Cuthmaan waxuu abbaaray dhankii Makka waxuuna Qureeshtii kusii maray meesha la yiraahda Baldax, markaa bay ku yiraahdeen:- Oo xaggee baad usocotaa? Waxuu ku jawaabay:- Rasuulkii Alle (scw) baa sidaa iyo sidaa isoo faray. Markaa bay ku yiraahdeen:- Maqalnay warkaada ee howshaada wado. Markaa baa waxaa kacay Abaan bin Saciid bin Al Caas oo soo dhaweeyay dabeetana intuu faraskiisii ku qaaday buu Makka keenay oo uu magan galiyey.

Kadib Cuthmaan waxuu farriintii Rasuulka (scw) gaarsiiyey odayaashii Quresheed oo iyana intay si wacan u dhageysteen bay usoo jeediyeen inuu Kacbada dawaafo markuu xilkii gutay, hase ahaatee isagu waa uu ka diiday waxuuna yiri:- Rasuulkii Alle (scw) oo aan dawaafin dawaafi mahayo.

Qureeshtii markaa waa ay xabbiseen Cuthmaan iyadoo markaana ay ka tashanayeen arrinta, markaa baa waxaa Muslimiintii soo gaartay in Qureeshtii Cuthmaan dishay, markiina arrintaa uu Rasuulka (scw) waxuu yiri:- Laaban maahayo illaa aan qoomkan cuuryaamiyo. Waxuuna axdi ka qaaday saxaabadii inaanay cararin , oo kula ballameen geeri. Cid axdigaa Rasuulka (scw) la gashaana waxaa ugu horeeyay Abuu Sinaan bin Muxsin, iyadoo Salamata bin Camr Al Akwacna uu saddex jeer geeri kula ballamay Rasuulka (scw).

Nebigu (scw) gacantiisii midigta kor u qaaday ayaa waxuu yiri:- Tani waxay ka wakiil tahay Cuthmaan , markaa buu gacantiisii bidixda ku dul dhuftay.Markii ay Qureeshtii maqashay arrintaas, baa waxay si deg deg ah kusoo direen Suheyl bin Camr si uu heshiis ula soo galo Muxammed (scw), markii dambana waxaa yimid Cuthmaan bin Cafaan oo nabad qaba.

Al Muhiim: Dhacdadan oo loogu magac daray Beycatu Ridwaan, beycadii uu Alle ka raalli noqday dhammaan dadkii ka qeyb galay, waxaa u sabab ahaa Cuthmaan bin Cafaan, waayo Cuthmaan bin Cafaan waxuu ahaa saxaabi la jecelyahay oo gaalada Quresheed iyo Muslimiintuba jeclaayeen, waana tan keentay inay saxaabada oo idil geeri kula mubaayacoodaan iyagoo dalbi dilkii Cuthmaan bin Cafaan inay u aar gutaan, kuwaasoo uu Alle ka wada raalli noqday mar uu aayado kamid suuratu Al Fatxi kusoo dejiyey arrinkaa waxuuna yiri Alle Sarreeye:”

‘’Dhabtii Alle Raalli buu ka noqday Mu’miniinta markii ay beycada (Ballanka,axdiga iyo heshiiska kugula galayeen inay dhiigga Cuthmaan raadiyaan oo aynan dib u cararin iyagoo kugula ballamayey geeri ) kugula galayeen (Muxammadoow (scw)) geedka hoostiisa.’’ [Surat Al-Fatxi, 18]

Markii la furtay Khaybar waxay Cuthmaan ibnu Cafaan iyo Jubeyr bin Mudcim isku raaceen Rasuulka (scw) oo waxay kala hadlayeen arrin la xiriirta khumuskii qaniimada kheybar oo uu Rasuulka (scw) wax wadaajiyey banii Mudallib iyo banii Haashim, labada (Cuthmaan iyo jubeyr) waxay ka kala dhasheen banii C/Shams iyo Nowfal.

Banii C/Shams iyo banii Nowfalna waxay walaalo yahiin Muddalib iyo Haashim, sidaa darteed nasab ahaan Mudallib, C/Shams iyo Nowfal way u wada simanyahiin Rasuulka (scw), markaa bay labadan saxaabi istusiyeen inay u tegeen Rasuulka (scw) oo ay wax ka weydiisteen iyagoo weliba  caddeyay in banii Mudallib iyo iyagu u siman yahiin Rasuulka (scw), waxuuse Rasuulka (scw) ugu jawaabay:-

Ilmo Mudallib iyo Ilma Haashim shey waliba waa kamid, waayo naga aaysan faaruqin Islaamka iyo ka horba. Waxuu Rasuulka (scw) sidaan u oran banii Nowfal iyo banii C/Shams waxay ahaayeen kuwa Rasuulka (scw) colaadiyey badankooda (yacni madaxdooda) halka ay banii Mudallib gaalkooda iyo muslimkooduba garab taagnaayeen Rasuulka (scw).

Waxuu Cuthmaan ka qeyb qaatay Furashadii Makka, dagaalladii Xuneyn iyo Dhaa’if, isagoo markaana la socday Rasuulka (scw), dagaalkii Tabuuk kama uusan qeyb qaaday sidaynu soo xusnayba hase ahaatee waxuu ahaa saxaabigii diyaariyey ciidankii cuslaa ee Tabuuk, waana maalintii hantida lama filaanka ah uu dar Alle Cuthmaan u bixiyey.

Intaa kadib waxuu laasimay Abuu Bakar Sidiiq agtiisa isagoo marka ahaa qorahiisii la shaqeynayey Abuu Bakar Sidiiq, waxaana xusid mudan inuu ahaa saxaabigii qoray warqaddii dar daaranka Abii Bakar Sidiiq. Goor uu warqadda Abuu Bakar yeerinayey Cuthmaanna uu qorayey ayuu mar qura miyir beelay Abuu Bakar, waayo markaa waxaa hayey xanuunkii uu dunida kaga hoyanayey,markaa iyada waxuu marayey weedha ah:-

Waxaan idin kaga tegay gadaasheey  ̶  markaa buu miyir beelay, dabeeta Cuthman oo warqaddaasi qorayey baa waxuu ku buuxiyey Cumar meeshii uu Abuu Bakar kaga miyir beelay yeerintii warqadda, isagoo markaa Cuthmaan ka cabsaday in Abuu Bakar uu sidaa ku geeriyooda dabeetana ummadu ay is khilaafto.

Sidaa darteed buuna Cumar ugu buuxiyey. Markii uu Abuu Bakar soo miyirsaday buu yiri:- Ii akhri wixii aad qortay, markiina uu marinaya waxaan idin kaga tegay…. buu Cuthmaan ku buuxiyey Cumar, markaa buu Abuu Bakar aad ugu farxay qadaha Cuthman iyo sida uu wax yeelay, waxuuna yiri:- Waxaa Cuthmaanoow! laga yaaba inaad ka yaabtay inaan geeriyooda oo dabadeed dadku is khilaafaan, sidaa darteedna  aad Cumar ugu buuxisey halkii aan ku miyir beelay? Illaah baan ku dhaartaye haddii aad adigu isku qori lahayd ehel baad u ahaan lahayd. Waxuuna halkii kasii waday yeerintii warqadda jeer uu ka dhammeeyey, asaga ayaana dadkii  Madiina ku dul akhrinayay warqaddaasi.

Cuthmaan bin Cafaan waa mid kamid ah dadkii kula taliyey Abuu Bakar in uu xilkan khilaafada uga tego Cumar, maadaama uusan jirin nin ka mudan oo kaga xaq leh, haddii ay ahaan lahayd xagga cilmiga iyo haddii ay ahaan lahad dhanka fadligaba, sidaa darteedna markii uu Cumar qabtay xilka khilaafada Cuthmaan waxuu kamid ahaa dadyoowgii sida gaarka ah ula shaqeynayey gaar ahaan lixdii ahlu shuurada ahayd ee arrimaha la kala wadday.

Waxuu si gaar ah kamid ahaa lixdii saxaabi ee ahlu shuurada ee uu Cumar uga tegay arrimaha Islaamka si ay isaga dhex doortaan amiir, waxuuna markaa Cumar yiri:- Umaleyn mahayo in ay dadku Cuthmaan iyo Cali qofna ku doorsanayaan, waayo waxay wax kaga qori jireen waxyiga Rasuulka (scw) hortiisa isagoo markaa ah sidii uu Jibriil CS kusoo dejiyey (Quraanka). Ciwaanka dambe ayaanna ku faafaahin doonnaa qaabkii ay doorashadii Cuthmaan ibnu Cafaan u dhacday, haddii uu Alle idmo.

Doorashadii Cuthmaan Bin Cafaan

Markii uu geeriyooday amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khadaab waxuu xilka uga tegay 6 kamid ah toddobadii ka nooleeyd tobankii jannada loogu bishaareyay iyagoo dunida guudkeeda saaran, waxuuna ahaa midka uu Cumar ka reebay toddobadaas Saciid bin Zeyd bin Camr bin Nufeyl, kaasoo Cumar ay ahaayeen qaraabo soko, sidaa darteed Cumar waxuu oran jiray:- Reer Khaddaab arrimahii Islaamka halaga weydiiyo hal nin (Cumar) oo kaliya. Waxuuna amray Cumar lixdaa ahlu shuuraha ah inay iska dhex doortaan amiir muddo saddex casho ah kadib geeridiisa.

Waxay kala ahaayeen lixdaa saxaabi ee ahlu shuurada ahaa Cuthmaan ibnu Cafaab,Cali bin Abii Dhaalib, Cabduraxmaan bin Cowf, Dhalxa bin Cubeydillaah, Subeyr bin Al Cawaam iyo Sacad bin Abii Waqaas, waxuuna Cumar amray Abuu Dhalxa Al Ansaari iyo Al Miqdaad bin Camr inay soo kaxaystaan 50 nin oo seefahooda sita oo ay u fadhiistaan albaabkooda marka ay shirayaan, ayna ka ilaaliyaan in cid kale usoo gasho, waxuuna Cumar amray inuu la jooga lixdaasi nin ee ahlu shuuraha ahi Cabdullaahi ibnu Cumar.

Hasa ahaatee aan howsha masuuliyadda waxba ku lahayn oo aan la dooran karin, waxuu ula joogi oo kaliya inuu waaniyo oo uu u naseexeeyo, waxuuna Cumar u dar daarmay inuu dadka sii tujiya Suheib bin Sinaan Ar Ruumi saddexda casho, waxuuna dardaaran qaas ah siiyey Abuu Dhalxa iyo Al Miqdaad si haddii ay muddadaas saddexda casho ah lixda nin ee ahlu shuuraha ahi  iska dooran waayaan amiir in dhammaan  ay kurka u wada dheereeyaam, ragga kuwanna waxay ahaayeen rag uu Alle ka raalli noqday weliba kuwii markaa guudka dunida ugu fadliga iyo kheyrka badnaa. Masuuliyadda arrinkan aad bay ugu weyneeed, muddo yar kadibna waa ay ku guuleysteen, oo waxay doorteen Cuthmaan bin Cafaan.

Markii uu geeriyooday Cumar baa waxaay dadkii ku doodeen kii tujin lahaa janaasada Cumar, qaar waxay tilmaameen Cali qaarka kalena Cuthmaan, markaa baa waxaa u yimid Cabduraxmaan bin Cowf oo ku yiri:- Waxba kuma lihidiin arrintaan, waxaa iskaleh oo kaliya Suheib bin Sinaan.  Markaa buu Suheib horey maray oo dadkii tujiyey janaasadii Cumar. Waxaana qabriga dhigay wiilkiisa Cabdullaahi iyo lixdii ahlu shuurada marka laga reebo Dhalxa oo isagu howl u gaar ah ku maqnaa.

Intaa kadib Al Miqdaad bin Camr waxuu lixdii nin ee ahlu shuuraha ahaa ku kulmiyey gurigii Miswar bin Makhramah oo ahaa wiil uu Cabduraxmaan bin Cowf abti u ahaa, waxaa kaloo la sheegaa inuu ku kulmiyey qolkii Ca’isha, ama gurigii Faadimah bint Qeys (Daxaak bin Qeys Al Fihri walaashiis), waxaa kaloo la sheegaa inuu ku kulmiyey guriga beytul Maalka, hase ahaate waxay culimada siirada rajaxaan in lagu kulmiyey gurigii Al Miswar bin Makhramah.

Waxay tegeen gurigii showrada.  Abuu Dhalxa iyo raggiisina waardiya ayay ka qabteen oo albaabka ayay u fadhiisteen, waxaana markaa yimid Muqiirah bin Shucbah iyo Camr bin Al Caas oo albaabka agtiisa fadhiistay, dabeeta baa waxaa usoo baxay Sacad bin Abuu Waqaas oo meeshii ka eryay kuna yiri:- Ma waxaad dooneysaan inaad tiraahdaan waxaan xaadirnay arrintii ahlu shuurada?

Ula jeedadu waxay tahay in ay qoomku galeen meel ka qarsoon dadka si ay arrintan culeyskeeda meel isaga tiiriyaan, kadibna waxaa yimid Dhalxa bin Cubeydillah markaa bay u fadhiisteen howshii, oo saddex kamid ahi tanaasushay saddexdaas oo kala ahayd: Zubeyr oo isagu booskiisii Cali ku wareejiyey, Dhalxa oo isaguna xaqiisii ku wareejiyey Cuthmaan iyo Sacad bin Abii Waqaas oo isagu u tanaasulay Cabduraxmaan, halkaana waxaa ka soo baxay saddex kamid ah lixdii ahlu shuurada, howshiina waa ay fududaatay, markaa buuna Cabduraxmaan weydiiyey Cali iyo Cuthmaan koodii fadliga badan ee arrinkaan qaadi lahaa.

Hase ahaatee labadiiba waa ay aamuseen, waxuuna markaa Cabduraxmaan tilmaamay in uu xaqiisii isaga ka tanaasulay oo uu Alle la kaashanayo inuu labadan nin koodii fadliga badan uu howshan dusha u saara, waxuuna weydiiyey inay labadoodu sidaa raalli ku yahiin in koodii fadliga badan uu u dhiibo, waxayna wada yiraahdeen:- Haa! raalli baynu ku nahay.

Markaa buu Cabduraxmaan ka sheekeyay mid waliba fadliga uu leeyahay (Cuthmaan iyo Cali) oo sidaa ballan kaga qaaday in haddii midkood uu xilka u dhiibo uu caddaalad fali doono, haddii kan kale masuul looga dhigana uu maqli oo  adeeci doono, waxayna wada yiraahdeen:- Haa!. Sidaa buuna ballan kaga qaatay, oo ay ku kala tageen.

Dhanka kale ahlu shuuradii waxay arrintii u daayeen Cabduraxmaan bin Cowf si uu ugu dadaalo inuu kooda fadliga badan howshan udhiibo, waxuuna guda galay Cabduraxmaan inuu la tashada qof waliba oo uu wax su’aalo qof kastoo uu is yiraahda wax waad weydiin kartaa, oo kamid ah ahlu shuurada iyo qeyrkoodba, dadkuna badankoodu waxay u tilmaamayeen in Cuthmaan bin Cafaan loo dhiibo xilka iyadoo ay jireen kuwa Cali in loo dhiiba jeclaa kuwaasoo ay kamid ahaayeen Al Miqdaad bin Camr iyo Camaar bin Yaasir iyo rag kaloo badan.

Markii dambe buu Cabduraxmaan Cali u tagay oo uu ku yiri:- Bal ka warran haddii aan ku dooran waayo, yaad ii tilmaameysaa inaan doorta? Markaasuu Cali yiri:- Waxaan kuu tilmaami inaad doorato Cuthmaan. Kadib waxuu u tagay Cuthmaan bin Cafaan oo uu ku yiri:- Ka warran haddii aan ku dooran waayo, yaad ii tilmaami inaan doorta?

Waxuuna ku jawaabay: Cali bin Abii Dhaalib.

Sida cad arrimahaan idil waxay dhaceen saddexdii casho ee fursadda uu haystay Cabduraxmaan, taasoo uu horey Cumar u siiyey, waxuuna Cabduraxmaan door biday inuusan ku deg degin arrintaan ee uu bal saddexdaas casho ee fursadda ah ka faa’ideysto oo dadka uu la showra isagoo kala tashanayo koodii fadliga badan labadan nin (Cuthmaan iyo Cali).

Sidaana waxaa ku dhaaftay Cabduraxmaan saddex casho oo uusan hurdo fiican helin isagoo kusoo jeeday salaad, duca,  istiqaaro iyo wada tashi uu dadka la sameynayey muddadaas, mana uusan la kulmin Cabduraxmaan bin Cowf laba isku khilaafeyso in Cuthmaan bin Cafaan la hor mariya oo masuul laga dhiga marka laga reebo Cammaar bin Yaasir iyo Al Miqdaad bin Camr, waxay iyagu qabeen in xilka loo dhiibo Cali, hase ahaatee markii damba oo ay dadku Cuthmaan la mubaayacoonayeen iyana waa ay la mubaayicoodeen.

Habeenkii subaxiisa la dooranayey Cuthmaan,ayaa waxuu Cabduraxmaan hurdada ka kacay goor hore (fajarka), asagoonba horay wax fiican u seexan,  waxayna ahayd subaxii afraad ee kasoo wareegtay geeridii Cumar bin Khadaab. Waxuu yimid gurigii wiilkii walaashiis ee Al Miswar bin Makhrama, markaasuu ku yiri:- Oo miyaad huruddaa Miswaroow!? Illaah baan ku dhaartaye inaan muddo saddex casho ah hurdo fiican helin, orodoo iigu yeer Cuthmaan iyo Cali.

  • Waxuu yiri:- Kee baan ku hor maraa?
  • Waxuu yiri:- Kii aad doonto.
  • Markaa buu Miswar u tegay Cali oo uu ku yiri:- Ajiib abtigeey (abtigeey baa kuu yeerayo ee u tag).
  • Waxuu yiri Cali:- Oo ma jiraa qof kale oo uu u yeer ku yiri la jirkeyga.
  • Waxuu yiri :- Haa!.
  • Waxuu yiri:- Oo waa kuma?
  • Waxuu yiri:- Cuthmaan bin Cafaan.
  • Waxuu yiri:- Keennee buu ka bilaw ku yiri yeeridda?
  • Waxuu yiri :-  Imuusan amrin taas waxuuse igu yiri oo kaliya Ku hor mar koodii aad doonta, markaa baan adiga kuu imid.

Markaa buu soo raacay waxayna soo abbaareen dhanka gurigii Cuthmaan bin Cafaan, markiina ay kusoo dhawaadeen buu Cali u fadhiistay banaanka,  saa waxaa galay Al Miswar bin Makhrama waxuuna la kulmay Cuthmaan oo salaad u taagan, markii uu salaadda ka baxayna waxuu u sheegay inuu Cabduraxmaan u yeeraya, markaa buu weydiiyey su’aalahii uu Cali weydiiyey oo kale isaguna sidii oo kale buu uga jawaba, dabadeedna way isasoo raaceen oo ay dhankii Cabduraxmaan soo aadeen.

Markii ay Cabduraxmaan u tegaan baa waxuu ku yiri:-  Xaggiina baan dadka wax ka weydiiyey mana aanan arag qof idiin dhigma oo la idin bar bar dhigi karo. Dabeeta waxuu ka qaaday ballan iyo axdi mar kale, haddii uu midkood xilkan u dhiiba in uu caddaalad fali doono, haddii kan kala loo dhiibana uu maqli oo uu adeeci doono.

Dabeetana waxuu usoo kaxeeyay masjidkii, waxuuna Cabduraxmaan kusoo lebistay cimaamaddii uu Rasuulka (scw) horey ugu xiray markii uu u dirayey Duumatul Jandal, waxuuna soo qaatay seeyftiisi oo Muhaajiriintii iyo Ansaartiina u diray cid u naadiso  si ay masjidka u yimaadaan, waxuuna jiha waliba u diray dad si masjidka la isugu wada yimaado, markaa buu masjidkii buux dhaafay oo uu ciriiri noqday heer Cuthmaan bin Cafaan uu waayey goob uu fadhiista, markaa buu gaadada dambee masjidka fadhiistay, waxuuna ahaa saxaabi xishood badan sidaynu horeyba usoo xusnay.

Kadib Cabduraxmaan bin Cowf baa waxuu koray mimbarkii oo uu in muddo ah taagnaa isagoo ku duceysanayay ducooyin dheer oo aysan dadku maqlahayn, markaa buu mar dambe hadlay oo yiri:- Dadoow! waxaan si qarsoodi iyo muuqataba idin weydiiyey amaanatiinna tan, mana arag axad aad ku doorsaneysaan labadaan nin Cali ama Cuthmaan, marka Caliyoow! iisoo istaag. Markaa buu u kacay oo uu istaagay mimbarka hoostiisa.

Markaa buu Cabduraxmaan gacanta Cali qabtay oo yiiri:- Oo ma igula mubaayacooneysaa kitaabka Allaah iyo sunnaha Nebigiisa Muxammed (scw) iyo falkii Abii Bakar iyo Cumar?

Markaa buu Cali yiri:- Allahayoow! maya, hase ahaatee dadaalkeyga iyo inta aan ka awooda arrinkaas. Markaa buu iska sii dayay gacantiisii oo yiri:- Cuthmaanoow! iisoo istaag. Markaasuu usoo istaagay oo uu gacanta qabtay dabeetana uu ku yiri:-  Oo ma igula mubaayacooneysaa kitaabka Allaah iyo sunnaha Nebigiisa Muxammed (scw) iyo falkii Abii Bakar iyo Cumar? Markaasuu yiri:-  Allaahuma! nacam. Markaa buu Cabduraxmaan madaxa kor uqaaday isagoo gacantii Cuthmaanna sidii weli u haya waxuuna yiri:- Alloow!!  maqal oo ka marag noqo, Alloow!!  maqal oo ka marag noqo, Alloow!! maqal oo ka marag noqo, Alloow waxii qoorteyda saarnaa waxan saaray qoorta Cuthmaan.

Markaa buu masjidkii ciriiri dhaafay oo dadkiina ay isku ciriiriyeen beycadii Cuthmaan, Calina waxuu kamid ahaa dadkii ugu horeeyay ee la mubaayacooda. Cabduraxmaan bin Cowf isagu waxuu fadhistay mimbarka darajadii uu Rasuulka (scw) fadhiisan jiray, Cuthmaanna waxuu fadhiistay darajada ka hooseysa ee saddexaad halkaasoo uu dadka beycada uga qaadayey, dhammaanna dadkii waa ay la mubaayacoodeen.

Culimada mu’arrakhiinta ah ee ku takhasusay cilmiga taariikha waxay isku khilaafaan maalintii lala mubaayacooday Cuthmaan,waxuuna Al imaam Waaqidi kasoo weriyey qaar kamid ah Shuyuukhdiisa in Cuthmaan lala mubaayacooday maalin Isniin oo ay ka dhimantahay bisha Dil Xijjah hal habeen sanadkii 23aad ee hijriyada, khilaafadana waxuu qabtay billawgii Muxarram sannadkii 24aad ee hijriyada, waana werin aad u liidata.

Seyf bin Cumar waxuu kasoo weriyey Caamir ibnu Shicbi inuu yiri:- Waxay ahlu shuurada isku raaceen Cuthmaan iyadoo bisha Muxarram ay 3 casho ka dhimantahay sanadkii 24aad ee hijriyada, markaa buu waqtigii Casirka dadka kusoo baxay iyadoo uu mu’addinkii Suheibna addimay waxuuna yimid inta u dhaxeysa aadaanka iyo eeqaamka, markaa buu salaaddii Casar dadka tujiyey.

Markii la doortay Cuthmaan waxuu aaday daartii ahlu shuurada oo uu dadkii halkaa joogay la soo mubaayacooday illaa laga baxa salaaddii Duhurkana waxaa socotay baycada, maalintaana waxaa Duhurka dadka tujiyey Suheib bin Sinaan, markaa buu Cuthmaan yimid, salaad uu tujiyana kadib markii la doortay waxaa u horeysay salaadda Casarka, sidaa waxaa xusay Shicbi iyo culima kaloo .

Markii Cuthmaan la doortay waxuu halkaa ka jeediyay khudbo cajiib ah oo aynu qoraal kusoo koobi karin, taasoo uu dadkii si wanaagsan ugula hadlay uuna ugu dar daarmay cabsida Allaah.

Sida uu Shicbi tilmaamaya markii la doortay waxuu u siyaadiyey ciidamadii Muslimiinta mushaharkii oo uu qof waliba ugu daray 100 Dirham lacagtii uu horey ugu qoray Cumar, dhanka kalena waxuu u siyaadiyey labadii Dirham oo uu Cumar horey ugu qoray Muslimiinta beytul maalka in laga siiyo waqtiga Ramadaanka, waxuuna mishahar gooni ah u qoray hooyooyinkii Mu’miniinta (dumarkii Rasuulka (scw)), waxuuna amray in masjidka la dhigo hilib soolan si ay u cunaan dadka ku ictikaafaya masjidka, kuwa ku cibaadeysan, kuwa musaafiriinta ah oo safarka ku jira, masaakiinta iyo fuqarada.

Waxuuna mararka qaar arrimaha ku meel marin jiray hantidiisii gaarka ahayd maadaama uu ahaa saxaabi taajir ah, oo had iyo goorna jeclaa inuu jidka Alle wax kula baxo.

Abuu Bakar Sidiiq isagu waxuu fadhiisan jiray hal darajo ka hoosa goobtii uu Rasuulka (scw) mimbarka ka fadhiisan jiray,Cumarna hal daraja ka hoosa goobtii uu Abuu Bakar fadhiisan jiray balse waqtigii Cuthmaan markii la doortay waxuu yiri:- Arrintaan waa wax dheer oo sii dheeraanaya.  Markaa buu fadhiistay goobtii uu Rasuulka (scw) fadhiisan jiray.

Dowladdii Cuthmaan & Wax Qabadkeedii

Waxaan isku dayeynaa inaan soo koobnaa dhacdooyinkii iyo dhul furashooyinkii waqtii Cuthmaan dhacay, waxaana u tixraaci doonnaa nidaam inoo suura gelinaya inaan si kooban oo fudud ku fahmno, innagoo sanad waliba dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa ee dhacay mar soo qaadaneyno, waxaana ka bilaabeynaa sanadkii 24aad ee hijriyada, kaasoo ah sanadka la doortay illaa laga gaaro sanadka 35aad ee hijriyada markii ay Cuthmaan dilayeen fidna wadayaasha, waxaana usoo koobi doonnaa sida tan:

Sanadkii |24aad

Billawgii sanadkan ayuuba xilka qabtay Cuthmaan, arrintii ugu horeysay ee uu xukmiyana waxay ahayd qadiyaddii Cubeydiillaah bin Cumar bin Khadaab.

Cubeydillaah bin Cumar bin Khadaab waxuu dilay dhammaan dadkii ka dambeyay falkii lagu dilay aabahii Cumar bin Khadaab, waxaana kamid ahaa dadkii uu dilay nin Nasraani ah oo la oran jiray Jufeynah Ar Ruumi, waxuuna ku dilay seef, iyo Hurmuzaan kii masuulka ka ahaa Tastur oo waqtigii Cumar la keenay magaalada Madiina.

Kadib markii la soo qabtay, waxuuna muujisanayey Islaamka, hase ahaatee waxay labadanba ka dambeeyeen dilkii Cumar, waxuu kaloo Cubeydullaah dilay gabadh uu dhalay Abuu Lu’lu’ah- Feyruus Al Majuusi, kaasoo ahaa ninkii dilay Cumar, markiina uu Cubeydilaah falkaan ku dhaqaaqay baa Cumar intuusan dhiman waxuu amray in la xiro oo lixda nin ee ahlu shuurada koodii arrinkan masuuliyadda ah loo doorta uu xukmiya.

Markiina Cuthmaan la doortay oo uu u fadhiistay qadiyaddan Cubeydillaah buu Cali tilmaamay in caddaaladda lagu xukmo oo wuxuu amray qisaas ahaan, hase ahaatee Muhaajiriintaa baa ka qayliyey arrinkaas oo yiraahdeen:- Shalay baa aabahii la dilay, isaguna ma maanta baa la dili?

Camar bin Al Caas baa markaas u tilmaamay Cuthmaan in uu iska cafiyo Cubeydullaah maadaama ragga uu dilay ay aahayeen raggii ka dambeyay dilkii aabahiis, muddo markii arrintaa laga doodayeyna waxaa dhulka Furus dhanka magaalada Tastur ka timid gabar Faarisiyad ah oo Muslimtay , waxayna tilmaamtay in Hurmuzaan markii Madiina uu soo aadayay uu goostay siduu Cumar ku dili lahaa, dabeeta Cuthmaan wuu iska cafiyey Cubeydillaah oo jidkiisii u daayey.

Intaa kadib Siyaad bin Lubeyd Al Bayaadi ayaa mar waliba oo uu Cubeydillaah arko waxuu tirin jiray tix gabay ah oo  tilmaameyso falkii Cubeydullaah, dabeetana uu Cubeydillaah dhibsaday arrinkaa waxuna uga eed sheegtay amiirkii Mu’miniinta ee Cuthmaan oo kala hadlay inuusan mar dambe sidaa ku oran wuuna iska daayey.

Intaa kadib amiirkii Mu’mininta Cuthmaan bin Cafaan waxuu warqado u diray gobaladii, taasoo  uu ku amraya madaxdooda wanaagga oo uu kaga reebayo xumaha,  uuna u dar daarmayey cabsida Allaah, waxuu kaloo amray in loo hoggaansama daacadda Allaah iyo daacadda Rasuulkiisa (scw).

Sanadkaan dhexdiisa baa sida uu Ibnu Jariir qabo uu Cuthmaan bin Cafaan ka casilay Muqiirah bin Shucbah magaaladii Kuufa oo uu booskiisiina ku baddelay Sacad bin Abii Waqaas, waxuuna ahaa masuulkii ugu horeeyay ee uu waali ka dhigo,  sababtuna waxay ahayd Cumar bin Khadaab markii uu middidii ku dhuftay gaalkii Abuu Lu’lu-ah ayuu lixdii ahlu shuurada ku yiri:

Haddii Sacad la doorta waa haggaag, haddiise ay sidaa noqon weyda, midkiinna la doorta hala tashado Sacad, waayo ugumanan casilin Kuufa inuu xilkisii kasoo bixi wayey. Markaa buuna Cuthmaan Kuufa masuul uga dhigay, waxuuna Sacad masuul ka ahaa halkaas sanad ama sanad iyo bar, sida uu Ibnu Jariir qaba, kadibana wuu ka casilay Sacad oo uu masuul uga dhigay Al Waliid bin Cuqbah bin Abii Muceyd oo dhanka hooyada Cuthmaan walaal kala ahaa.

Sanadkaan dhexdiisa buuna Al Waliid ku duulay Aderbijaan iyo Armiiniya kadib markii dadkoodii ay buriyeen heshiiskii ay horey ula galeen Muslimiinta waqtigii Cumar, sidanna waxaa qabta werinta Abuu Mikhnaf. Werin kalase waxay qabtaa in dhacdadaan ay ahayd sanadkii 26aad ee hijriyada sida ay qabaan Ibnu jariir iyo qeyrkiis.

Sanadkaan bayna Ruumaniyiinta kusoo duuleen Shaam jeer ay dadkii ahlu Shaam nafahooda u yaabeen, markaa bay amiirkii mu’miniinta Cuthmaan warqad u direen ay kaga gurmad dalbanayaan, isaguna waxuu warqad u diray Al Waliid oo uu ku leyahay:- Haddii ay warqaddeyda kuu timaaddo u dir ciidan 8000 ama 9000 ama 10 000 oo ciidan ah dhanka walaaladiina ahlu Shaam, waxaadna masuul uga dhigtaa ciidankaas nin aamin ah oo sharaf badan misna geesi ah.

Markaa buu Waliid ka dhex kacay dadkii oo u khudbeeyay kuna dul akhriyey warqaddii amiirka mu’miniinta oo uu ku booriyey jihaadka iyo in loo gurmada walaalahooda Shaam, waxuuna ciidan culus oo 8000 illaa 10 000 u dhaxeya oo uu masuul uga dhigay Salmaan bin Rabiicah u diray dhanka Shaam, waxayna isku tegeen ciidan kala oo uu hoggaaminayey Xabiib bin Maslama Al Fihri,  dabadeedna waa ay is kaashadeen oo ay Ruumaniskii is heleen waxaana dhex maray dagaal qaraar,oo durbaba Illaah hiil iyo nasri ku siiyey ciidamadii Muslimiinta, halkaana waxay ka qaniimeysteen Muslimiinta qaniima culus, waxayna ka furteen daaro waa weyn iyo saro dhaadheer.

Al Waaqidi isagu waxuu qabaa  kii ka soo diray ciidankaas gurmadka ahi ee uu hoggaaminayey Salmaan bin Rabiica dhulka Furus inuu ahaa Saciid bin Al Caas oo uusan ahayn Al Waliid bin Cuqbah, waxayna dhammaayeen buu yiri ciidankaas 6000 fardooleey ah, waxayna u tegeen Xabiib bin Maslama Al Fihri, dabeetana waxay is heleen Al Mowriyan Ar Ruumi oo wata ciidan dhan 80 000 kun oo iskugu jira Ruum iyo Turki, waxaana dhex maray dagaal daran oo uu Alle guul iyo nasri ku siiyey Muslimiinta.

Waxaa la isku khilaafaa sanadkaan qofkii xajiyey dadka sida uu leeyahay Ibnu Jariir, waxaana la sheegaa inuu dadka xajisiiyey Cabduraxmaan bin Cowf oo uu Cuthmaan arinkaa amray, waxaa kaloo lasheegaa inuu Cuthmaan xajisiiyey, hase ahaate waxaa xaqiiqda udhaw in uu ahaa Cabduraxmaan bin Cowf ka xajiiyey. Isla sanadkaan buuna Abuu Muusa Al Ashcari furtay magaalada Rayi mar kale kadib markii ay dadkeeda jebiyeen heshiiskii ay horey ula galeen Xudeyfah bin Al Yamaan waqtigii Cumar.

Sanadkii |25aad

Sanadkan bay reer Aleskandariya buriyeen ballantii ay horey ula galeen Muslimiinta, waxaana u sabab ahaa in boqorkii Ruumaanka uu doonyo ciidama ah kusoo xirtay dhulkooda, dabadeedna ay u maleeyeen inuu u gar gaaraya, sidaana ay ku buriyeen ballantii iyo jisyadii ay horey kula heshiiyeen Muslimiinta.

Bishii Rabiicul Awal ee sanadkan baa lagu furtay dhulkoodi xoog, hase ahaatee magaaladii waxaa lagu furtay heshiis. Sanadkan buuna Camr bin Al Caas udiray dhulka Maghrib Cabdullaahi bin Sacad bin Abii Sarax Al Caamiri, waxuuna Ibnu Sacad bin Abii Sarax horey uga sii idan dalbaday inuu kusii duullo dhulalka waqooyiga Afrika,  Camarna wuu u idmay.

Sida uu qaba Seyf bin Cumarna sanadkan buu Cuthmaan ka casilay Sacad magaaladii Kuufa oo uu booskiisii masuul ka dhigay Waliid bin Cuqbah. Isla sanadkan dhexdiisa buuna Mucaawiya furtay Xusuun, oona loo dhalay wiilkiisa Yaziid bin Mucaawiyah. Sanadkanna waxaa dadka xajiyey Cuthmaan bin Cafaan Illaahay haka raalli noqdee.

Sanadkii |26aad

Sanadkan ayuuna amiirkii Mu’miniinta Cuthmaan bin Cafaan amray in la cusbooneysiiya masjidka Xaramka tiirarkiisa, oo uu waasiciyey, oo uuna ka casilay Sacad magaaladii Kuufa sida uu Al Waaqidi qaba booskiisiina uu ku beddalay Al Waliid bin Cuqbah, sababta uu uga casilayna waxay ahayd in isaga (Sacad) iyo Cabdullaahi bin Mascuud ay arrin beytul maalka kusaabsan isku qabsadeen oo arrini ka dhex dhacday markaas buu Cuthmaan labaduba u yeeray oo uu Sacadna ka casilay Kuufa, baddalkiisiina uu u diray Al Waliid oo Cumar bin Khadaab masuul uga ahaa galbeedka jaziiradda.

Markiina uu Al Waliid tegay magaaladii waxaa soo dhaweyay dadkeedii waxuuna masuul ka ahaa muddo shan sano ah oo albaabkiisuna ma uusan xiri jirin, waxaaba la sheegaa inuusan  lahayn albaab. Sanadkan buuna Cuthmaan bin Abil Caas Ath Thaqafi furtay Saabuur oo uu ku furtay heshiis inay bixiyaan 303 000 000 (saddex boqol iyo saddex kun oo kun), waxaana dadka xajiyey sanadkaan Cuthmaan bin Cafaan sida uu xusay Al  Waaqidi.

Sanadkii |27aad

Waxay yiraahdeen Al Waaqidi iyo Abuu Macshar:- Sanadkan ayuu Cuthmaan ka casilay Camr bin Al Caas imaaradii Masar oo uu masuul uga dhigay baddalkiisa C/llaah bin Sacad bin Abii Sarax, dhanka nuugmada ayayna walaalo ku ahaayeen Cuthmaan iyo Cabdullaahi,  waana  ninkii uu Cuthmaan Rasuulka (scw) uga shafeec qaadayey maalintii furashada Makka, waxuuna ahaa markaa mid kamid dadkii uu Rasuulka (scw) dhiiggooda banneeyay maalintaas.  Hase ahaate markii dambe wuu soo laabtay oo uu wanaagsanaaday waxuuna ahaa nin taqi ah oo cibaada iyo Alla ka cabsi iyo subanaan badan leh.

Duullaankii Waqooyiga Afrika

Isla sanadkan buuna Cuthmaan soo amray Cabdullaahi bin Sacad inuu ku duullo dhulka waqooyiga Afrika, wuxuuna amray haddii uu Alle u furo in khumuska qaniimada uu shan meelood u qeybiyo, dabeetana qeyb kamid ah uu asaga qaato.  Markaasuu dhaqaaqay asagoo wata 20 000  oo ciidan ah,  waxuuna ku furtay si fudud oo uu ka dilay khalqi badan, kadibna waxay u qoor keeneen daacadda Islaamka , wayna wanaagsanadeen, waxuuna Cabdullaahi ka bixiyey khumuskii qaniimadii uu meeshaas ka helay oo inta qumuskii shan u qeybiyey ayuu saamigiisii ka qaatay,  intii kalena uu u qeybiyey ciidankii Muslimiinta, afar meel oo kamid ah khumuskii qaniimaduna wuxuu u diray dhankii Cuthmaan. Waxuuna helay ninkii faras watay 3000 kii lugeynayeyna 1000 Dirham.

Duullaankii Andulus

Markiina la furtay waqooyiga Afrika ayuu Cuthmaan u diray dhanka Andulus Cabdullaahi bin Naafic bin Qeys Al Fihri iyo Cabdullaahi bin Naafic bin Al Xuseen Al Fihri, si ay ugu duulaan, waxuuna u tilmaamay haddii ay furtaan oo uu Alle si dhaqsi ah u fura inay ka qeyb qaadan karaan ciidamada Muslimiinta ee ku duuleya Qusdandiin, dabeeta waxay dhaqaaqeen jihadii loo diray wayna furteen Alle mahaddii.

Dagaalkii Subayddilah 

Markii ay ciidamadii Muslimiinta aadeen waqooyiga Afrika, iyagoo tiradoodu ay tahay 20 000, uuna hoggaaminaya Cabdullaahi bin Sacad bin Abii Sarax, oo ay ciidamadaasina la socdaan Cabdillaahi bin Zubayr iyo Cabdillaahi bin Cumar, baa boqorkii Barbariyiinta ee la oran jiray Jurjeer uu arrintaasi ka war helay, dabeetana wuxuu soo dhaqaajiyey 120 000 oo dagaalyahanno ah, waxaa kaloo la sheegaa 200 000, markaa bay labadii col kulmeen, oo ay isasoo hor dageen.

Dabeeta Jurjeer, markii uu arkay tira yarida ciidamada Muslimiinta ayuu amray in isweer lagu sameeyo, markaas bayna Muslimiintii mowqif aanay horay mid lamid ah u istaagin istaageen, oo cabsi darani soo wajahday, xaaladdiina ay ku darraatay.  Cabdillaahi bin Zubayr oo ciidamada Muslimiinta la socday markaas ayaa wuxuu eegay dhanka boqorka oo taagnaa gaadada dambe ee ciidankiisa, isagoo markaana ay laba jaariyadood oo baalasha daa’uuska sido ay garba taaganyahiin.

Markaas buu Cabdullaahi bin Zubayr u tegey Cabdullaahi bin Sacad amiirkii ciidamada Muslimiinta oo uu ka dalbaday inuu ku daro niman geesiyaal ah oo halyeeyo ah oo waardiyeeyo, si uu asagu weerar ugu qaado boqorka. Markaas buu Cabdullaahi bin Sacad u xulay rag halyeeyo ah oo ilaaliyo, dabeetana Ibnu Zubayr wuxuu abbaaray dhankii boqorka asagoo dhex jibaaxayaya safafka Barbariyiinta oo ay iyana maleeyaan inuu boqorka fariin u wado, sidaa darteed bay dhabbada u beydheen.

Markii uu Cabdullaahi ku dhawaaday boqorkii buu boqorku dareemay inuuna kheyr u wadin oo uu shar la maagan yahay, markaas buu damcay inuu cararo, balse Cabdullaahi baa inta ka daba tegay warankiisa la riday, dabeetana seefta unuunka ugu dheereeyey. Kadibna warankii ayuu madaxii inta suray kor uqaatay asagoo takbiirsanaya. Barbariyiintii arrinkaasi iyo wixii helay boqorkooda markay arkeen jaanta ayay rogteen oo way carareen. Muslimiintuna firxadkooda ayay sii eryanayeen oo ay laaynayeen wixii ay karaan.

Way Muslimiintii cadawga ka laayeen tiro aad u badan, qaniima badanna way ka furteen, dumar iyo carruur badanna way ka qafaasheen. Wuxuuna dagaalkani ka dhacay meel la yiraahda: Subaydhilah, oo 70 mayl u jirta Qayrawaan.  Halkaasi waxay ahayd meeshii ugu horreysay ee uu Cabdullaahi bin Zubayr kusoo caan baxa Illaahay haka raalli noqdee.

Sida uu leeyahay Al Waaqidi sanadkan baa mar kale la furtay Isdhakhar oo uu furtay Cuthmaan bin Abil Caas Ath Thaqafi. Sidoo kale isla sanadkan buuna Mucaawiya ku duulay Qinsiriin. Waxaa dadka xajiyey sanadkan Cuthmaan bin Cafaan.

Sanadkii |28aad

Sanadkan bay ahayd | Furashadii Qubrus

Sanadkan baa la furtay sida uu Ibnu Jariir xusay uuna Al Waaqdi ku raacay, waana Jaziirad kaligeed kutaal bartamaha badda daanta galbeed ee Shaam. Waxay ahayd dhul leh kheyraad aad u wanaagsan, waxaana ku yiillay beero iyo buuro aad u wanaagsan, waxaanay lahayd fawaakih iyo nimcooyin badan iyo macdan, waana dhul aad u wanaagsan.  Waqtigii Cumar bin Al Khaddaab ayuu Mucaawiya ka codsaday inuu u idmo inuu ku duulo Jaziiraddaasi, balse Cumar wuu diiday, waayo horay ayuu uga dhaartay inuu ciidama Muslimiin ah badda ku diro.

Sidaa darteed buuna Mucaawiyah isaga aamusay. Markii la doortay Cuthmaan bin Cafaan ayuu misna Mucaawiyah mar kale ka dalbaday inuu Cuthmaan u idmo inuu Jaziiraddaasi ku duulo, kadibna wuu u  idmay.  Markaas buu Mucaawiyah ku dhaqaaqay dhankeeda asagoo ay la socdaan rag karmeedyo kamid ah saxaabadii Nebiga (scw) oo ay kamid ahaayeen Cubaadah bin Saamit iyo xaaskiisii Umu Xaraam bint Milxaan iyo kuwa kale Illaahay haka raalli noqdee.

Rasuulka Alle (scw) ayaa maalin seexday gurigii Umu Xaraam bint Milxaan, waqtigii xayaatadiisa, saa wuxuu soo baraarugay asagoo qoslahaya, markaas bay Umu Xaraam weydiisay:- Maxaa kaa qoslinaya Rasuulkii Alloow!? Suu yiri:- Dad kamid ah umaddeyda ayaa laysoo bandhigay ayagoo badda kudul safraya, oo la moodo boqorradii badda ku guureyn jiray? Markaasay tiri:- Rasuulkii Alloow! Illaahay ii bari inuu iga mid yeelo ayaga (dadkaas)? Markaasuu yiri:- Adigu kamid baad tahay.

Dabeeta mar kale buu seexday oo sidii oo kale soo baraarugay asagoo qoslahaya, markaasay su’aashii hore mid lamid ah weydiisay, suu asagiina sidii oo kale ugu jawaabay. Markaasay tiri:- Rasuulkii Alloow! ii bari Alle inuu iga mid yeelo? Markaasuu yiri:- Adigu kuwa horaad kamid tahay.  Duullaankan ayay la socotay Umu Xaraam bint Milxaan oo ayna ku geeriyootay Illaahay haka raalli noqdee.

Mucaawiyah bin Abii Sufyaan iyo ciidama culus oo uu hoggaaminaya ayaa waxay ka dhaqaaqeen Shaam iyagoo ku jiheysan dhanka Jaziiradda Qubrus.  Waxay ku gudbeen asaga iyo ciidamadiisii maraakiib oo ay gaareen jaziiraddii. Cabdullaahi bin Sacad bin Abii Saraxna wuxuu ka soo galay dhanka galbeedka asagoo ka yimid waqooyiga Afrika, markaasay labadii qolo ku kulmeen goobtaas, oo dadkii baladka iyo Muslimiintii dirir darani dhex martay, markaasay Muslimiintii ka laayeen cadawga tiro badan, kana qafaasheen in badan oo kamid ah dumar iyo carruur, hanti badanna ka furteen qaniima ahaan. Dabeeta waa ay la heshiiyeen, wuxuuna Mucaawiyah kula heshiiyey 7000 oo Diinaar inay sanad waliba bixiyaan.

Markii ay ciidamada Muslimiinta soo laabanayeen, baa Umu Xaraam bint Milxaan loo keenay baqasheeda (ama awrkeeda) dabeetana markii ay fuushay ayay ka dhacday oo qoorta u laabmatay, kadibna waa ay geeriyootay Illaahay haka raalli noqdee. Halkaas ayaana lagu aasay, Ilaa maantadanna wuu ku yaal qabrigeeda meeshaas oo waa caan, wayna weyneeyaan, oo waxay yiraahdaan:- Waa qabrigii haweeneydii saalixadda ahayd.

Isla sanadkaan baa sida uu Al Waaqidi xusay uu Xabiib bin Maslama Suuriya kaga duulay dhulka Ruumaanka,sanadkan buun Cuthmaan bin Cafaan guursaday Naa’ilah bint Faraafizah oo markii hore Nasraaniyad ahayd hase ahaatee Muslimintay ka hor intuusan la aqal galin oo gurigiisiina uu ka dhistay goobta la yiraahda Az Zawraa oo kamid ah magaalada Madiina, sanadkanna waxaa dadka xajiyey amiirkii Mu’miniinta Cuthmaan bin Cafaan.

Sanadkii |29aad

Sanadkan dhexdiisa ayuu Cuthmaan ka casilay Abuu Muusa Al Ashcari magaaladii Basra kadib markii uu masuul ka ahaa muddo 6 sano ah, waxaa kaloo la sheegaa saddex sano, waxuuna masuul uga dhigay baddelkiisa Cabdullaahi bin Caamir bin Kureys bin Rabiicah bin Xabiib bin C/Shams oo uu dhalay abtigiis Caamir bin Kureys, waxuna isugu daray ciidamadii Abuu Muusa Al Ashcari iyo kuwii Cuthmaan bin Abul Caas Ath Thaqafi, waxuuna jiray markaa Cabdullaahi bin Caamir 25 sano oo qura, waxuuna magaalada Basra masuul ka ahaa muddo 6 sanadood ah.

Sanadkan buuna Cabdullaahi bin Caamir furtay dhulka Faaris intii ka dhinneed sida ay qabaan Al Waaqidi iyo Abuu Macshar,  hase ahaatee Seyf bin Cumar waxuu leeyahay waxaa la  furtay sanadkan ka hor Walaahu aclam.

Sanadkan buuna Cuthmaan bin Cafaan waasiciyey masjidkii Rasuulka (scw) ee Madiina, asagoo ku bixiyey hantidiisii gaarka ahayd, sida werrinnada qaar qabaan, dhererkiisuna waxuu ka dhigay 160 dhudhun ballaciisuna 150 dhudhun waxuuna usameeyay lix albaab, waxuuna billaabay dhismahiisa bishii Rabiicul Awal ee sanadkan gudahiisa.

Isla sanadkaan buuna Cuthmaan dadka xajiyey isagoo looga dhisay kheymad ( teendho ) xajka, waxayna ahayd teendhadii ugu horeysay ee qof loogu dhisa, waxuuna taam yeelay sallaadii oo uu tukaday afar rakaco, iyadoo qaar kamid saxaabada sida Cali, Cabduraxmaan ibnu Cowf iyo Ibnu Mascuud ay ku qabsadeen arrinkaas.

Sanadkii |30aad

Sanadkan dhexdiisa buu Saciid bin Al Caas furtay Dhabaristaan sida ay yiraahdeen Al Waaqidi, Abuu Macshar iyo Al Madaa’ini, waxuuna ahaa qofkii ugu horeeyay ee ku duula.

Seyf bin Cumar-se waxuu xusay inay reer Dhabaristaan horey ula heshiiyeen Suweyd bin Muqarrin waqtigii Cumar bin Khadaab.

Sida uu Al Madaa’ini qaba ciidan uu hoggaaminaya Saciid bin Al Caas ayaa ku duulay Dhabaristaan, waxaana ciidankaas la socoday Al Xasan iyo Al Xuseen inamadii Rasuulka (scw) uu awoowga u ahaa iyo Xudeyfa bin Xasiil bin Jaabir (Xudeyfa ibnu Al Yamaan) iyo qaar kamid ah saadaaddii iyo akhyaartii saxaabada, markaa baa meeshii ay sii maraanba waxay kula heshiinayeen jisya inay bixiyaan jeer markii dambe ay tegeen halkii ay kusocdeen ee dhulka Jurjaan agteeda, waxayna is heleen acdaadii Allaah waxaana dhex maray dagaal.

Markaa baa waxaa la gaaray waqtigii salaadda, markaas bay u baahdeen inay tukadaan salaadda cabsida (Salaatul Khowf), markaa buu Saciid wax ka weydiiyey Xudeyfa siduu Rasuulka (scw) u tukan jiray? Asagiina wuu u sheegay oo ay tukadeen Salaatul Khowf. Dabadeed si dhaqsi ah ayuu Alle nasri iyo guul kusoo dejiyey,  waxaana halkaa ku guuleystay ciidankiisii waxaana qasaaray kuwii kasoo horjeeday oo jabay, markaa bay Muslimiintii qaniimeysteen qaniima culus oo ayna ka furteen guryo iyo daaro waa weyn.

Sanadkan ayuu amiirkii Mu’miniinta Cuthmaan Ibnu Cafaan ka casilay Al Waliid magaaladii Kuufa waxuuna masuul uga dhigay Saciid bin Al Caas, sababta uu uga casilayna waxay ahayd subax buu Al Waliid dadkii tujiyey salaadii fajar afar rakacadood, markaa buu intuu kusoo jeestay ku yiri:- Ma idiin siyaadiyaa salaadda? Arrintaas baa Cuthmaan loo sheegay markaa buu ka casilay oo magaaladii Madiina uu uga yeeray, waxuuna ku xukmay in la jeedalo, waxaana waxyaabahii xulliyada  ee qur qurxanaa ee uu ku lebbisnaa ka siibay Cali,  markaa buu Saciid bin Al Caas ku  jeedalay amiirka hortiisa.

Isla sanadkan waxaa lumay faraantigii Rasuulka (scw) oo ku lummay gacanta amiirkii Mu’miniinta ee Cuthmaan bin Cafaan, xilli uu ku sugnaa  ceelka Ariis (Bi’ru Ariis) oo uu kaga lumay,  in kastoona la isku dayay in la raadiya misna waala heli waayey, oo waxaa  laga gaaray heer quus ah , markaa buu Cuthmaan sameystay faraanti kale oo uu ku naqshadeeyay ” Muxammadun Rasuullullaah ”. Waxuuna u ahaa tiimbara oo warqadaha uu qora ayuu ku tiimbareyn jiray.

Isla sanadkan buu Cuthmaan bin Cafaan kasoo wareejiyey Abuu Dar magaaladii Dimishiq kadib markii ay arrin ka dhex dhacday isaga iyo Mucaawiyah, arrintaana waxay ahayd  Abuu Dar baa ku inkiray reer Shaam iyo Mucaawiyaba hantida ay keydsadaan iyo daaraha ay dhisanayaan. Markiina asaga iyo Mucaawiya arrintaasi isku qab qabsadeen buu Mucaawiyah uga dacwooday amiirkii Mu’miniinta oo markii dambta asaga inta Madiina uga yeeray, ayuu Abuu Darna tagay, dabeetana amiirkii Mu’miniinta ayuu ka idin dalbaday inuu dego waadiga Al Rabdah Cuthmaanna wuu u idmay, halkaasoo uu ku geeriyooday sanadkii 33aad.

Sanadkan buuna Cuthmaan ku siyaadiyey maalinta Jumcada aadaanka hore waxuuna amray in lagu aadaama suuuqa Az Zowraa, waxaana dadka xajiyey sanadkan Cuthmaan bin Cafaan.

Sanadkii |31aad

Sanadkan buu dhacay | Dagaalkii Daatu Suwaari

Mucaawiyah bin Abii Sufyaan baa wuxuu sanad weliba xilliga xagaaga ahi weerari jiray Ruumaanka, oo dad badna ka layn jiray, hanti badanna ka qaniimeysan jiray.  Markii uu Cabdullaahi bin Sacad bin Abii Sarax  uu waqooyiga Afrika weeraray ee uu laayay khalqi badan oo kamid ah Barbarkii iyo Faranjigii la socday ayay Ruumaankii sanadkan soo direen ciidama culus, oo uu hoggaaminaya Qustandiin bin Hiraqal, waxayna aadeen dhankii Muslimiinta iyo ciidamadii Cabdullaahi bin Sacad.

Waxay Ruumaanku ku yimideen cadad aanan horey loogu arag, waxayna kusoo galeen 5 markab oo waaweyn oo dagaalyahanno ah. Cabdillaahi bin Sacad bin Abii Sarax markii uu arrintaasi ka war helay buu ciidamadii Muslimiinta ee kusugnaa Bilaadu Maghrib lasoo kacay, oo soo abbaaray dhanka cadawga.  Intaa dadabadeed waxay labadii qolo ku kulmeen badda, oo habeen is dul degnaayeen. Ruumaanku habeenkaas oo idil waxay ku baryootamayeen diintooda iyagoo qisisiintooda ay u duceynayeen. Muslimiintuna habeenkaasi waxay akhrinayeen Quraanka iyo dikriga Alle.

Cabdullaahi bin Sacad raggiisii ayuu safay oo diyaariyey habeenkaasi, Ruumaankuna waa ay iskeeneen. Markaa bay labadii qolo is hor timid. Muslimiintii waxay dalbadeen in banaanka laysula baxo, balse Ruumaankii oo horey u ogaa wixii banaanka ku qabsan jiray, dhegahooduna ay kasii guuxayaan guul darrooyinkii looga bartay xaggooda, iyo jabka uga yimaada had iyo jeeraale dhanka Muslimiinta, ayaa waxay markaan  is tusiyeen inay badda ku dagaallamaan. Waxay markaasi ku rajo weynaayeen inay maalintaasi Muslimiinta badda kaga adkaan doonaan. Dabeetana halmar ayay dhankii Muslimiinta weerar kusoo  qaadeen iyagoo leh:- Biyaha!! biyaha!!.

Markaas buu dagaal darani dhex maray oo seefaha laysla dhacay, oo dirir darani dhex martay. Muslimiintuna maalintaas waxay sabreen sabar aad u xeel dheer, iyagoo sugnaaday oo diriray dirir daran, heer dagaalkii uu ku darnaaday, khalqi badanna laga dilay dhanka Muslimiinta, intaas toban jibaarkeed ayaana cadawga laga laayey, heer biyihii ay noqdeen liciy dhiig ah. Markaas buu nasrigii Alle yimid oo cadawgii jabeen, Qustandiinna wuu jabay asaga iyo raggiisii wixii la badbaaday, isagiina dhaawac ayuu la fakaday kasoo gaadhay garabka.

Ciidamadii Muslimiinta waa ay guuleysteen, halkaas waxay ka heleen qaniimo culus, maalmo ayuuna Cabdullaahi bin Sacad halkaas ku sii sugnaa. Kadibna waa uu rartay oo wuxuu aaday dhulkiisii.  Ciidamadaasi waxaa la socday Maxamed bin Abii Bakar iyo Maxamed bin Abii Xudayfah, waxayna labadani wiil billaabeen inay Cuthmaan wax ka sheegaan, iyagoo waxyaaba dhowr ah ku eedeynayay.

Waxaana kamid ahaa arrimahii ay ku eedeynayeen in Cabdullaahi bin Sacad bin Abii Sarax oo waqtigii Nebiga (scw) riddoobay, haddana toobad keenay uu ciidan dhan masuul uga dhigo. Cabdullaahi bin Sacad dhowr mar ayuu ku canaantay inay kajoogaan waxyaabaha ay la wareegayaan.

Isla sanadkan buuna Xabiib bin Maslama furtay Armiiniya oo idil sida uu yiri Al Waaqidi,waxaana la dilay sanadkaan boqorkii Kisraa (Furus) ee ugu dambeeyay kaasoo la oran jiray Yazdajrid, waxaana dilay nin uu gurigiisa ku hoyday oo degan xuduudda Turki iyo Persia, kaasoo markii uu seexday kurka ka jaray, Rasuulkuna (scw) isagoo tilmaamaya inuusan jirin boqor Faaris oo idil u talin doona mar hadduu Kisra halaagsama waxuu yiri:

“Haddii uu Qeysar (Boqorka Ruum) halaagsama Qeysar ka dambeeya ma jiro, haddii uu Kisraa (Boqorka Furus) halaagsamana Kisra ka dambeeyo ma jiro , Illaah baan ku dhaartaye waxaad keydadkooda u isticmaali doontaan jidka Alle”.

Xukunka Yazdajrid waxuu ahaa 20 sana, afar sano oo qura ayuuna si caadi u dagnaa inta kalena waxuu ku jiray carar iyo fiig uu ka fiigayey Islaamka iyo ehelkiisa, xitaa mar ay ku yiraahdeen ciidankiisii:”Aan dhulkeennii ku laabanno oo aan diinta Islaamka qaadanno mise deris wanaag kula noolaano , oo aan u tegno dadkeennii iyo ahaladeenii , waxuu uu ka diiday, aakhirkiina waxuu Alle xukmay inuu nin reer miyi ah habeen madoow isagoo hurda kurka ka yaro, waana sidaa abaal marintiisa.

Boqor Qaaqaan boqorkii Turkiga ayaa soo diray ciidan dabadeedna sanduuq intay intay ku rideen meydkii Yazdajrid bay qaateen ninkii dilay iyo ehelkiisina waay laayeen.Sanadkaan buuna Cabdullaahi ibnu Caamir furtay dhulal badan ,waxaana dadka xajiyey sanadkaan amiirkii mu’miniinta Cuthmaan bin Cafaan.

Dilkii Yazdajrid Boqorkii Furus

Waxaanu horey usoo xusnay in looga adkaaday dhulalkiisii oo idil waqtigii Cumar bin Khaddaab oo laga saaray, dabeetana wuxuu tegay xuduudda dhulka Turkiga, halkaasoo ay kusugnaayeen asaga iyo ciidama yar oo uu watay. Dabeeta wuxuu billaabay inuu dhac iyo boob ka geysto dhulalkaas. Wuxuu wax weydiistay dadkii daganaa Marwi, markaasay u diideen, markaasuuna hantidoodii oo idil ka dhacay.

Kadib waxay u cid dirsadeen boqorkii Turkida oo ay ka dalbadeen inuu ciidamo usoo diro oo ka qabta ninka nafta u keenay. Markaasuu  boqorkii Turkida ee Khaaqaan uu soo diray ciidamo. Dabeeto ciidamadii Yazdajrid ayay laayeen, asagiina wuu baxsay oo  aaday dhanka miyiga Marwi, halkaasoo uu kaga sii gudbay webi la yiraahda Marqaab, halkaas ayuuna degey oo uu kusugnaa labo casho.

Kadib wuxuu kula kulmay nin reer miyi ah oo uu cunta weydiistay oo gurigiisa geeyey.  Boqorkii dhulkaas Marwi oo la oran jiray Maahuweyh bin Baabaah ayuu warkaasi gaaray, dabeetana wuxuu soo diray dhowr ciidamo ah. Markii ay u tegeen ninkii reer miyiga ayay amreen inuu dilo ninka gurigiisa joogo, saa wuu yeelay oo uu qudha ka jaray goor uu hurdo, dabeetana madaxii ayuu ka jaray oo nimankii u dhiibay si ay boqorkooda ugu geeyaan, meydkiisiina waxay ku tuureen biyaha.

Ciidamadii Turkida oo markii horeba ku raad joogay baa markay arrintaasi maqleen, dilay ninkii iyo ehelkiisiiba,  dabeetana biyahii ka soo saaray oo meydkiisii intay sanduuq ku rideen bay qaateen oo ay la aadeen dhanka Isdhakhar.

Sidaaasi ayuu boqorkii Furus ku bakhtiyey khaatumo xumo, ayadoo uu kurka ka jaray nin reer miyi ah oo uu u martiyey. Waa sidaase, weli markaasi wuxuuna ka quusanin boqortooyadiisii mar hore la boqno jaray, oo lala wareegay. Taas ayuuna weli u hanqal taagayay illeen waa mid aanan iimaan lahayne, Aakhirkiina waxay taasi dhashay inuu jid xun ku dhinta. Sidaas oo kale weeye dadka iyaguna aanan iimaanka lahayn ee boqorrada sheegta iyo madaxa, oo majecleystaan in ay xukun ka degaan ama haddii laga dejiyo ay ka sabraan. Lagama aamin aha, waayo waa midkii mar uun soo rogaal celiyo, waloow rogaal celintaasi aanay waxba u tarayn.

Wuxuu boqorkani Yazdarjid ahaa boqorkii ugu dambeeyey ee maamulo dhulka Furus oo idil, asaga mid ka dambeeyeyna ma uusan soo marin teer dahrigan.

Waxaa sanadkani dadka xajiyey amiirkii Mu’miniinta ee Cuthmaan bin Cafaan.

Sanadkii |32aad

Sanadkaan buuna Mucaawiyah ku duulay dhulka Ruumaanka illaa uu ka gaaray Madyaq Al Qusdandiiniyah, isagoo ay la socota afadiisa Caatikah, waxaa kaloo la sheegaa inay la socotay ooridiisii Faadimah bint Qardah bin C/Camr bin Nowfal bin C/manaaf, sidaa waxaa yiri Al Waaqidi iyo Abuu Macshar.

Diriddii Salmaan Bin Rabiicah

Sanadkan buuna Saciid bin Al Caas diray ciidan uu hoggaaminaya Salmaan bin Rabiica si ay ugu duullaan meesha la yiraahdo Baab, waxuuna sidoo kale Saciid warqad u diray Cabduraxmaan bin Rabiica oo aagaas masuul ka ahaa si uu walaalkiis Salmaan ugu kaalmeeyo ciidan, markaa bay socdeen ciidamadii Muslimiinta jeer markii dambe ay dul dageen Balandar oo ay go’doomin ku qabteen, waxayna rakibeen maalintaa iyada ah manjaaniiq si ay ugu duqeeyaan dadka reer Balandar.

Markaa bay reer Balander usoo baxeen waxaaana dhex maray dagaal aad iyo aad u daran, waxaana reer Balander ay garab ka helayeen ciidama Turki ah, waxayna maalintaas u dagaallameen si la yaab leh, hase ahaatee Muslimintu waxay muujiyeen sabar iyo sugnaan badan, waxana qoobtaas looga dilay cadad aad u tira badan, oo waxaa goobtaasi kaga shahiiday tira badan, waana meeshii lagu dilay Cabduraxmaan bin Rabiica.

Waxaa  Cabduraxmaan loo yaqiinnay Dun Nuun, oo aaggaas ayuu  masuul ka ahaa markii hore. Waqtigii Cumar ayuuna ku duullay Baab, sidaynu soo xusnay oo uu halkaasi gaaray.  Muslimiintu maalintani way jabeen waxayna u kala jabeen laba kooxood. Koox waxay aadday dhulka Khazar iyo koox kaloo u carartay dhanka Jeeylaan iyo Jurjaan,  waxaana kooxdani dhankan u carartay kamid ahaa Abuu Hureyrah Ad- Dowsi iyo Salmaan Al Faarisi.

Ciidamadii Turkiyiinta waxay horey u qaateen jirkii Cabduraxmaan bin Rabiica waxuuna ka mid ahaa saadaaddii Muslimiinta iyo geesiyaashii ciidanka, waxayna ku aaseen dhulkooda, illaa maantadan waa ay ku roobdoontaan qabrigiisa. Markii la dilay Cabduraxmaan buu Saciid bin Al Caas booskiisi masuul uga dhigay wakaalkiis Salmaan bin Rabiica, Cuthmaan bin Cafaanna waxuu amray in ciidan gurmad ah kasoo baxaan dhanka Shaam, kuwaasoo uu hoggaaminaya Xabiib bin Maslama Al Fihir.

Markiina ay isku tegeen labadii ciidan yacni kuwii Salmaan bin Rabiica iyo kuwii gurmadka ee  Shaam ka yimid ayay Xabiib iyo Salmaan isku qabteen arrinta xukunka guud ciidanka, Xabiib waxuu is tusay inuu amiirkii mu’miniinta usoo wakiishay oo Shaam kasoo diray, halka Salmaanna uu is tusayey in uu gurmad oo kaliya ku yimid, waxayna yiraahdaan culimada taariikhda:- Tani waxay ahayd khilaafkii ugu horeeyay ee ay is khilafaan reer Kuufa iyo reer Shaam.

Isla sanadkan buuna furtay Cabdullaahi ibnu Caamir dhulalka Marwi Ruud, Dhulaaqaan, Faariyaab, Jowuzjaan iyo Dhakhaaristaan. Ammaa Marwi Ruud waxuu C/llahi ibnu Caamir u diray Al Axnaf ibnu Qeys oo isagu go’doomiyey dabadeedna kula heshiiyey jisyo  inay bixiyaan, waxuuna ka qaaday maal culus.

Kadib Axnaf waxuu diray Al Aqrac bin Xaabis oo uu u diray  dhanka Jowzjaan, dabeetana waxuu tegay goobtaa oo uu dagaal daran kadib furtay, waxaana Muslimiinta goobtaa looga dilay khalqi badan, kadibna Axnaf bin Qeys baa waxuu ka baxay Marwi Ruud oo waxuu abbaaray dhanka Balakh, halkaasoo uu xisaar ( go’doomin ) ku sameeyay jeer markii damba ay kula heshiiyeen inay bixinayaan jisyo ahaan maal dhan 400 000,  waxuuna uga tegay ina adeerkiis Useyd bin Mashmas si uu maalkaas uga soo qaada.

Halkii ayuuna Al Axnaf kasii waday howlihii militeri ee uu waday, waxaana ku galay waqtigii qaboobaha markaa buu dadkiisii ku yiri:- Maxaad ii ishaareysan, oo  waa maxay ra yigiina? Markaasey ku yiraahdeen:- Horey waxuu tix gabay u yiri Camr bin Macdiyakrib.

Haddaadan awoodin fulinta Shey *** Uga weeco dhanka kaad awoodda.

Markaa buu Axnaf amray in la guuro,  waxuuna ku laabtay Balakh halkasoo uu ku sugnaa inta waqtigii qaboobaha laga baxayey, kadibna waa uu kasii guuray,  waxuuna aaday dhankii Cabdullaahi ibnu Caamir.

Isla sanadkan bayna is heleen ciidama uu hoggaaminayey Qaaraan oo tiradoodu tahay 40000 iyo ciidamadii Muslimiinta oo uu hoggaaminayey Cabdullaahi bin Khaazim,  tiradooduna waxay ahayd 4000, halkaan markii ay is heleen ciidamadaasi aadka u culus iyo Muslimiinta Cabdullaahi waxuu sameyay qaddo wanaagsan oo habeenkii buu dab shiday oo amray in  waramada afka looga xiro dabka, dabeeta baa acadaadii Alle uu Illaah quluubta rucbi iyo argagax uga tuuray.

ka dib markay arkeen iftiinka tirada badan ee muuqda, oo ay u maleeyeen ciidamo culus, dabada ayayna jeediyeen markaa buu Cabdullaahi intuu daba kacay xasuuqay xasuuq daran, waxayna  Muslimiintii halkaas ka qaniimeysteen qaniima badan iyo maal culus. Markiina uu Cabdullaahi ibnu Khaazim guushaas iyo qumuskii u diray Cabdullaahi bin Caamir oo uu warkiina helay buu usoo magacaabay gobalkii Khuraazaan inuu Masuul kanoqda mar kale, kadib markii uu horey uga casilay.

Sanadkii |33aad

Sanadkan ayaa la furtay Qubrus sida uu Abuu Macshar qaba, hase ahaate jamhuurka kalee culimada Mu’arrikhiinta ayaa ku khilaafay, waxayna xuseen inay aheed furashadeeda waqtigaasi ka hor, horey ayaanna usoo marnay, falillaahil xamdu.

Sanadkan buuna Cabdullaahi ibnu Sacad ibnu Abii Sarax ku duullay dhulka waqooyiga Afrika mar kale kadib markii ay buriyeen ballantii ay horey ula galeen.

Isla sanadkan buuna Cuthmaan qaar kamid Qurraadii reer Kuufa u wareejiyey dhanka Shaam isagoo Mucawiyana ku amray inuu soo dhaweya raggaasi. Sababtuna waxay ahayd Inay raggaasi  markaas wax ka sheegayeen golahii fadhiga iyo xalaqooyinkii Saciid,  waxayna ahaayeen sagaal nin oo kala ahayd: Ashtar bin Maalik bin Yaziid oo caan ku ahaa Ashtar An Nukhaci, Kamiil ibnu Ziyaad An Nukhaci, Calqamah bin Qeys An Nukhaci, Thaabit bin Qeys An Nukhaaci, Jundub bin Zuheyr Al Caamiri, Jundub bin Kacab Al Usdi, Curwah bin Jacdah, iyo Camr bin Al Xamaq Al Khusaaci.

Siddeeddaasi nin iyo mid kaloonan magaciisu helin ayay ahaayeen. Markii ay nimankani billaabeen inay golahii fadhiga ee Saciid ka qayliyaan, iyagoo ku buuqaya, waxna ka sheegaya Saciid iyo weliba amiirka Mu’miniinta, ayuu markaasi Saciid warqad uqoray dhanka Cuthmaan, wuxuuna ka codsaday inuu nimankani ka qabto, markaas buuna Cuthmaan soo amray inuu u masaafuriyo dhanka Shaam iyo Mucaawiyah xaggiisa. Sidoo kale wuxuu Cuthmaan, warqad u qoray Mucaawiyah, asagoo ogeysiinaya inuu usoo diray rag kamid ah qurraadii reer Kuufa, wuxuuna ka codsaday inuu soo dhaweeyo oo dejiyo.

Markii ay Mucaawiyah u tegeen, wuu soo dhaweeyey, wuuna sharfay oo dejiyey, asagoo fulinaya amarkii amiirka Mu’miniinta ee Cuthmaan bin Cafaan, wuxuuna amray inay ka waantoobaan oo ay joojiyaan fidnada ay wadaan.  Balse dheg jalaq uma aanay siin waanooyinkii Mucaawiyah, oo halkoodii ayay howlahii kasii wateen. Wuxuu Mucaawiyah in badan ku qaabilay dulqaadkiisii iyo xilmigiisii xeesha dheeraa.

Markiina uu kari waayey, wuu iska eryay,  waxayna aadeen dhanka Jaziiradda,  halkaasoo uu Masuul ka ahaa Cabduraxmaan bin Khalid bin Waliid,  ka horna waxuu masuul ka ahaa dhulka Ximsa, markay u tageen buu ka reebay inay ka joogaan fidnadan ay wadaan, markiina ay ka joogsan waayeen ayuu u goodiyey in uu laayn doona dhammaantood, waxayna ogaayeen dabeecaddii iyo ad adkaantii Cabduraxmaan oo in badan uu aabahiis ka shabahi jiray dhankaas, markaa bay ka joogsadeen wixii ay wadeen, oo caga dhigteen.

Waxaa kaloo la sheegaa, markii uu Mucaawiyah kari waayay in uu warqad u diray dhanka amiirkii Mu’miniinta ee Cuthmaan, markaasina uu Cuthmaan soo amray  in loo celiya Saciid bin Al Caas dhankiisa iyo magaallada Kuufa. Markiina Saciid loo celiyey, way kasii dareen, markaasuu Saciid arrintaasi Cuthmaan u qoray, dabeetana, wuxuu Cuthmaan soo amray in loo diro Ximsa iyo dhanka Cabduraxmaan bin Khaalid. Markiina ay u tegeen, buu Cabduraxmaan u gooddiyey oo ay fidnadii joojiyeen.

Isla sanadkan buuna Cuthmaan kuwa kale oo fidna wadayaal ah ka diray Basra isagoo u wareejiyey dhanka Shaam, waxaana dadka xajiyey sanadkaan amiirkii Mu’miniinta Cuthmaan bin Cafaan.

Sanadkii |34aad

Sanadkan buu yiri Abuu Macshar waxaa dhacay duullaankii Suwaari, hase ahaatee horey ayaan u soo marnay sida ay jamhuurku isku raaceen in uu ahaa sanadkan ka hor.

Isla sanadkan bayna fidna wadayaashi ka hoos baxeen xukunkii Cuthmaan oo ay misna waxyaaba qeyra macquul ah ka sheegeen, jamhuurkooduna waxay ahaayeen reer Kuufa, oo fidnadu dhankooda bay markii horeba ka billaabatay, isla sanadkan baana loo wareejiyey dhanka Ximsa misna mar kale dhanka waqooyiga jaziirada, markii dambana waxay isugu tegeen Masar.

Raggani fidna wadayaasha ahi kuwa Kuufa iyo kuwa Basraba waxay Cuthmaan ku inkirayeen, waxyaaba dhowr ah, oo ay kamid ahaayeen inuu xil u dhiibay inama yaryar, iyo inuu katagay saxaabadii waaweyneed ee akhyaarta ahayd, iyo inuu reer banii Umayah u badiyey wax siinta, iyo in Cabdullaahi bin Sacad bin Abii Sarax uu u dhiibay imaaradda Masar iyo weliba arrima kaloo dhowr ah. Waxay iyana fidna wadayaashu Cuthmaan ka dalbanayeen inuu casila madaxda goballada oo uu rag kale u magacaabo, markiina ay arrintaasi ku adkeeyeen, buu Cuthmaan madaxdii goballada u cid diray si ay Madiina u yimaadaan oo uu ugala tashto arrinta fidna wadayaasha.

Markaas baa waxaa yimid Mucaawiyah bin Abii Sufyaan oo ahaa amiirkii Shaam, Camr bin Al Caas oo isagu markaas kahor Masar masuul ka ahaa balse laga casilay-  xagga salaad tujinta ayuuna u xil saarnaa. Cabdullaahi bin Sacad bin Abii Sarax oo waqooyiga Afrika illaa galbeedka masuul ka ahaa. Saciid bin Al Caas oo ahaa amiirkii Kuufa iyo Cabdillaahi bin Caamir oo ahaa amiirkii Basra.

Cuthmaan markii uu raggani madaxda ahi kala tashaday xaaladda fidnawadayaasha, baa waxay u soo jeediyeen talooyin dhowr ah.

Cabdullaahi bin Caamir wuxuu ku taliyey in laga mashquuliyo waxa fidna ah ee ay ku jiraan oo loo diro furumaha jihaadka, si ayba fursad ugu waayaan oo markaas ay nafahooda uun ugu mashquulaan.

Magaallada Kuufa ayay markii ugu horreysay kasoo ifbaxeen raggani fidnada wada, sidaa darteed Saciid bin Al Caas amiirkii Kuufa ayaa isaguna wuxuu ku taliyey in la laayo oo Muslimiinta looga raaxeeyo fidnada iyo sharta ay kudhex wadaan, oo sidaa ciribtooda lagu gooyo.  Mucaawiyah isagu wuxuu soojeediyey in masuuliyiintu ay goballadooda isaga laabtaan, oo fidna wadayaashu warkooduna la maqal, wuxuuna ku macneeyey inay yahiin kuwa aad u itaal daran oo aanan waxba awoodi karin.

Cabdillaahi bin Sacad bin Abii Saraxna wuxuu soo jeediyey in la siiyo maal, si quluubtooda loosoo dumo oo ay dhibta iyo fidnadu u joojiyaan.

Camr bin Al Caas baa markii lasoo gaaray hadlay oo yiri:- Intaa dabadeed, Cuthmaanoow! adigaa dadka ku qasabtay waxaanay rabin, ama ka casil cidda ay nacayaan, ama u tag oo soo eeg masuuliyiintaadu waxa ay ku suganyahiin. Wuxuuna Camr ku hadlay hadallo kulkulul.  Dabeetana si gaar ah buu amiirka uga cududdaartay hadalladaasi kulul, wuxuuna u sheegay inuuna sidaa u oran, wax kale ee uun ay ka ahayd in Cuthmaan uu sidaa falo, dabeetana ay fidna wadayaashu sidaa ku qancaan. Markaas buu Cuthmaanna ka raalli noqday, oo u cududdaaray.

Cuthmaan wuxuu talooyinkii ka qaatay, laba ra’yi oo ah, sidii ay laba Cabdillaahi sheegeen, labadaas arrimood ayuuna isugu daray, in lacag la siiyo iyo in furumaha jihaadka loo diro, si ay ayaga uun isugu mashquulaan.

Markii ay masuuliyiinta laabanayeen, baa Mucaawiyah wuxuu la hadlay amiirka Mu’miniinta oo uu ka dalbaday inuu Shaam u guuro, wuxuuna u sheegay in Shaam ay tahay meel dadkeedu ay madaxda adeecaan.

  • Wuxuuse Cuthmaan ku jawaabay:-
  • Meelna kuma baddalanaya la derisnimada Rasuulka Alle (scw).
  • Markaasuu Mucaawiyah yiri:- Ma kaaga soo diyaariyaa ciidama Shaam, si ay agtaada u joogaan oo ay kuugu gargaaraan?
  • Wuxuuse Cuthmaan  yiri:- Waxaan  ka cabsan inay baladkii Rasuulka (scw) ku ciriiri geliyaan asxaabtiisii Muhaajiriin iyo Ansaar.
  • Markaasuu Mucaawiyah yiri:- Illaahay baan ku dhaartaye amiirkii Mu’miniintoow! waalagugu soo duuli.
  • Waxuu yiri:- Kaafigeygu waa Allaah isagaana ugu wanaag badan inta la tala saarto.

Dabeeta waa uu dhaqaaqay Mucaawiyah wuxuuna sii maray koox meel fadhida oo saxaabadii Muhaajiriinta iyo Ansaarta  kamid ah. Waxaana ku jiray raggaasi Cali, Dalxa iyo Zubayr. Markaasina wuxuu Mucaawiyah watay seyftiisa oo galka kujirta iyo qaansa. Markaas buu raggii dul istaagay oo inta qaansadii ku taagsaday la hadlay hadal xeel fog. Wuxuuna kula dardaarmay inaanay ogolaan in Cuthmaan dhibi soo gaarto, oo nimanka fidna wadayaasha ahi aanay wax gaarsiin. Dabeetana waa uu dhaqaaqay.

Zubeyr bin Al Cawwaam baa hadlay markaasi oo wuxuu yiri:- Ma aanan arag maalin uu maantadan kaga heybad badanyahay. (Wuxuu ula jeedaa Mucaawiyah).

Dhanka kale Markii ay masuuliyiintii goballadii aadeen, reer Kuufa waxay is hortaageen in Saciid bin Al Caas uu galo magaalladii Kuufa.  Waxayna soo qaateen hubkoodii iyo seefahoodii oo ay magaaladii ka hor istaageen, waxayna kudhaarteen inuuna soo galeyn jeer uu Cuthmaan ka casilo oo booskiisuna uu madax uga dhigo Abii Muusa Al Ashcari.  Waxay Saciid iyo reer Kuufa ku kulmeen meel la yiraahda Al Jarcah oo duleedka Kuufa ah, wuxuuna maalintaasi Ashtari An- Nukhaci yiri:- Wallaahay buunan soo galeyn intaynu seefahayaga wadanno.

Saciid qudhidiisu ma uunan jecleysan inuu dib u laabto oo uu aado magaalladii Madiina, saa maxaa yeelay magaallada Kuufa masuul buu ka ahaa oo niman fidna wadayaal ah ayunbaa ka hor istaagay.  Sidaa darteed wuxuu istusinayay inuu yahay amiirkii magaallada.

Maalintaasi ayada ah waxaa masjidkii Kuufa ku kulmay Xudeyfah bin Al Yamaan iyo Abuu Mascuud Cuqbah bin Camr Al Ansaari. Markaas buu Abuu Mascuud yiri:- Wallee Saciid ma laabto jeer uu dhiig daata. Markaas buu Xudeyfana yiri:- Wallee wuu laaban, oo dhibic dhiig ahina ma dhici doono. Wax aan maanta ogaaday majirto illaa waxaan ogaaday Muxamed ( (scw) ) oo nool.

Ula jeeddadu waxay tahay Saciid laabay oo wuxuu aaday magaalladii Madiina, asagoo halkaasi ku boqno jaray fidnadii ka carcartameysay magaalladii Kuufa. Sidaa darteed bayna reer Kuufa aad ula yaabeen siduu falay Saciid bin Al Caas. Markaasay warqad u qorteen Cuthmaan ayagoo ka dalbanaya inuu Abii Muusa Al Ashcari usoo magacaabo magaallada Kuufa.  Markaas buuna Cuthmaan u yeelay sidii ay rabeen oo u magacaabbay magaalladii Kuufa Abii Muusa Al Ashcari.

Sayf bin Cumar wuxuu xusay in nin la oran jiray Cabdillaahi bin Saba oo Yahuudi ah uu muujistay Islaamka. Dabeetana aaday dhanka Masar. Halkaas wuxuu ugu waxyooday dadkii wax ma kasta ahaa ee  reer Masar hadallo uu asaga keensaday oo quraafaad ah. Wuxuuna ku lahaa:- Ma waanay sugnaan Ciise ina Maryama inuu dunidan kusoo noqon doono? Markaasuu ninkood oranayaa:- Haaheey!!. Markaasuu asaguna oranayaa:- Rasuulka Alle (scw) baa ka fadli badan Ciise, ee maxaad ku diideysaan inuu dunidan kusoo laabto, asaga ayaana ka sharaf badane Ciise ina Maryamee?

Misna wuxuu oranayay:-  Cali bin Abii Daalib ayuu u dardaarmay (Rasuulka (scw) xilka). Sidaa darteed Muxammed waa Nebiyada kii ugu dambeeyey, Calina waa kuwa loo dardaarmay kan ugu dambeeyo.  Misna wuxuu lahaa:- Asaga (Cali) ayaa ka mudan xilka Cuthmaan.  Wuxuu ninkani isu muujinayay inuu amraya wanaagga oo xumahana uu ka reebaya, wanaaggooda inuu ka shaqeynaya ayuuna muujisanayay. Sidaa darteed bayna bashar badan oo kamid ah reer Masar ku raaceen. Kadibna cawaantii reer Kuufa iyo fidna wadayaashii Basra ayay warqada ugu direen arrimahaasi ayagoo ku boorinaya inay u midoobaan inay arrima dhowr ah ku inkiraan amiirka Mu’miniinta ee Cuthmaan bin Cafaan.

Waxaa sanadkani dadka xajisiiyey amiirkii Mu’miniinta ee Cuthmaan bin Cafaan. Waana sanadkii ugu dambeeyey ee uu xajiya.

Sanadkii |35aad

Waa sanadkii uu amiirkii Mu’miniinta Cuthmaan bin Cafaan dunida ka hoyday, waana sanad murugo badan ay dabooshay dadkii Muslimiinta ahaa, gaar ahaan reer Madiina. waxaa la dilay amiirkii Mu’miniinta ee Cuthmaan bin Cafaan, asagoo ay dileen fidna wadayaal ku eedeyay dhowr arrimood oo dhammaan sida uu Cali kaga jawaabay uusan Cuthmaan ku khaldaneyn.

Fidnadaan dilka Cuthmaan waxay ahayd fidnadii ugu horeysay ee dowladda islaamka ku dhacda,  waana tan illaa hadda jirta oo dowladdii Calina waqtigiisii dhan qaadatay.

Sababta arrinkaasi waxay ahayd Camr bin Al Caas baa masuul ka ahaa dhulka Masar, sidaa darteed baanay u suuroobin in fidna wadayaashii Masar ay ku hadaaqaan waxii ay damcaan inay ka dhahaan dhanka amiirka Mu’miniinta. Waayo waxay ogaayeen ad adkaantii Camr bin Al Caas iyo inuu ciqaabi doono haddii ay ku hadlaan waxa laabahooda ka guuxayay.

Sidaa darteed bayna Cuthmaan ka dalbadeen inuu Camr ka casilo oo nin asaga ka dabacsan oo ka dabeecad dagan kana naxariis badan uu u soo magacaaba.

Markaas buuna Cuthmaan ka casilay Camr masuuliyaddii Masar oo ku wareejiyey Cabdullaahi bin Sacad bin Abii Sarax. Camrna wuxuu ku daayay tujinta salaadda. Dabeeta Camr iyo Cabdullaahi bin Sacad bay arrini dhex martay, markaasuu Cuthmaan amray inuu Camr yimaada magaalada Madiina. Sidaa buuna kaga casilay xukunkii Masar oo idil.

Markaas bayna fidna wadayaashii billaabeen in wixii ay la aamusnaayeen soo deeyaan, oo billaabeen inay Cuthmaan wax ka sheegaan. Sidoo kale, waxay dhibsadeen in Cabdullaahi bin Sacad uu madax u ahaado, markaas buuna Cabdullaahi bin Sacad ku mashquulay duullaamadii waqooyiga Afrika illaa dhulka Maghrib. Markaas bayna Masar gacanta u gashay laba wiil oo ay dhaleen laba saxaabi oo kamid ahaa saxaabadii fadliga badnayd, waxayna labadaasi wiil kala ahaayeen, Maxamed bin Abii Bakar Sidiiq iyo Maxamed bin Abii Xudeyfah bin Cutbah.

Waxayna dadka ku boorinayeen in Cuthmaan la inkiro oo laga hoos baxa xukunkiisa, waxayna ka sheegayeen waxyaaba uuna ehel u ahayn, oo iska qeyra macquul ah. Waxaa arrintaasi ku garab taagnaa oo afuufayay Cabdullaahi bin Saba oo loo yaqaannay Ibnu Sowdaa.  Markaas bay heleen laba Maxammed ciidama dhan 600 oo rukuubley ah, waxayna abbaareen dhankii Madiina, ayagoo kusocda sifo cumra, balse hadafkoodu uu yahay inay kusoo qayliyaan Cuthmaan bin Cafaan.

Waxay ku dhaqaaqeen afar calan, ayagoo madaxdooduna ay kala yahiin Cabdullaahi bin Budayl bin Warqaa Al Khuzaaci, Cabduraxmaan bin Cuddays Al Balawi, Kinaanah bin Bishir At Tujiibi iyo Sowdaan bin Ximraan As Sukuuni. Waxaa horey usii raacay Maxamed bin Abii Bakar. Rafiiqiisii Maxamed bin Abii Xudayfana wuxuu k uharay Masar si uu halkaasi masuul uga sii ahaada.  Cabdullaahi bin Sacad bin Abii Saraxna, warqad ayuu u qoray Cuthmaan bin Cafaan asagoo ogeysiinaya in nimankaasi ay soo aadeen dhanka Madiina si ay ugu buuqaan, wuxuuna u sheegay inay kusocdaan sifo cumra si aanan hadafkoodu loo fahmin.

Markii ay raggani fidna wadayaasha ahi ku dhawaadeen magaalladii Madiina, buu Cuthmaan soo diray Cali si uu u celiyo,  markaasuu ka hor tegey, oo la soo dooday weydiiyeyna, waxa ay Cuthmaan ka rabaan, markaasay iyana u sheegeen arrima dhowr ah oo ay kusoo eedeeyeen. Waxaana kamid ahaa  inuu dhisay seero, inuu gubay masaaxiftii hore ee Abuu Bakar qoray iyo inuu salaadda jamciyey asagoo xajka joogo iyo inuu inama yaryar u dhiibay masuuliyad asagoo ka tagay saxaabadii waaweyneed ee Rasuulka (scw) iyo inuu reer banii Umayah u badiyey wax siinta.

Arrintan Musxafka waxaa horey Cuthmaan ugu tilmaamay inuu hal qiraa’a ka dhiga Xudeyfa bin Yamaan oo warqad usoo diray Cuthmaan,  kadib markuu arkay dad isku khilaafsan akhrinta Quraanka markaa buuna Cuthmaan amray in la qora musxaf hal qiraa’a ah. Taas ka horna musxafku wuxuu ku qornaa dhowr qiraa’a oo ah siduu Abuu Bakar u qoray. Sidaa darteed bay reer Shaam ku akhrinayeen qiraa’adii Al Miqdaad iyo Abuu Dardaa Al Ansaari, reer Ciraaqna waxay ku akhrinayeen qiraa’ada Cabdullaahi bin Mascuud iyo Abii Muusa Al Ashcari.

Markii uu khilaaf ka dhex dhacay dad badan oo aanan kala aqoon arrimahaasi, oo qolaba ay qolada kale la yaabayso sida ay u akhrineyso ayuu Xudayfa warqad u diray amiirkii Mu’miniinta oo uu kula taliyey in hal qiraa’a lagu qoro musxafka, sidii buuna Cuthmaan amray, waxuuna u xil saaray dhowr kamid ah akhyaartii Muslimiinta oo waxuu amray Zayd bin Thaabit inuu qora musxafka, asaga ayaana markii hore qoray, waqtigii Abuu Bakar,  Saciid bin Al Caas-na inuu u yeeriyo ayuu amray, halka uu amray Cabdullaahi bin Zubeyr iyo Cabduraxmaan bin Xaarith bin Hishaam Al Makhzuumi inay la joogaan. Wixii la isku khilaafa wuxuu amray in lagu qoro lahjadda Qureesh.  Markaas buuna Musxafkii u diray goballada kii hore ee la isku khilaafayna gubay.

Haddaba arrimahani oo idil Cali wuu uga jawaabay, wuxuuna u sheegay, in seerada uu u dhisay geela saddaqada si ay ugu cayilaan, oo uunan u dhisin geeliisa iyo arigiisa tooni, hortiisna waxaa dhisay  Cumar. Musxafyada uu gubayna, wuxuu uun gubay wixii ay dhex ahaatay khilaaf, wuxuuna u reebay dadka wixii la isku raacay. Salaadda uu Makka ku taam yeelayna, wuxuu ku yeeshay ehel magaallada, markaasi buu niyooday inuu sii joogo oo taam yeelay salaadda.

Wiilasha yaryar ee uu xilka u dhiibayna, ma uunan magacaabin, midaanan toosneen oo aanan caadil ahayn, Rasuulkuna (scw) horey wuxuu ugu magacaabay magaallada Makka, Cataab bin Usayd oo 20 jir ah.  Usaama bin Zayd bin Xaarithana masuuliyad buu u dhiibay ( Rasuulka (scw) ) markii ay imaaraddiisa wax ka sheegeen.  (wuxuuna markaasi Usaama bin Zayd ahaa 17 ama 18 jir). Ammaa reer banii Umayah inuu u badiyey wax siinta, Rasuulkuba (scw) wuxuu uga badin jiray Qureeshta xagga dadka.

Jawaabahaas ayuu Cali siiyey nimankii fidna wadayaasha ahaa, wuxuuna markaa sii raaciyey oo uu yiri:- Ilaahay baan ku dhaartaye, haddii furaha jannadu uu gacanteyda ku jiri lahaa, waa aan gelin lahaa banii Umayah oo dhan.

Waxay kaloo ku eedeeyeen, in Xakam bin Abil Caas oo Rasuulku (scw) magaallada Madiina ka masaafuriyey oo uu u masaafuriyey dhanka Dhaa’if uu kusoo celiyey magaalada.  Waxaa la soo weriyaa in qaarkood  fidnawadayaashu ay magaallada galeen, oo ay dhageysteen khudbadda Cuthmaan asagoo ka cududdaaranaya waxyaabaha lagu soo eedeeyey. Qaar kamid ah saxaabadii Rasuulka (scw) ayaa Cuthmaan kula talisay markaas, in la qabta kuwaas oo la edbiyo, balse wuu iska saamaxay oo cafiyey, wuxuuna amray inay dadkoodii iyo meelahii ay ka yimaadeen ku laabtaan.

Markaas bay iyana laabteen oo aadeen halkii ay ka yimaadeen.  Markii ay gaddoomeen oo dhulkoodii abbaareen, buu Cali u tegey Cuthmaan oo uga warramay, wuxuuna usoo jeediyey inuu masjidka tego oo dadka u khudbeeyo, kana cududdaarta waxyaabaha lagu soo eedeyey. Markaas buuna Cuthmaan qaatay waanadii Cali oo masjidkii tegey oo dadkii u khudbeeyey, ogeysiiyeyna inuu ka toobad keenay wax waliba oo gef iyo dembi ah ee ka dhacay.  Markaas buu sare gacmaha u taagay oo yiri:- Alloow! waan ku dembi dhaaf dalban oo waan kuusoo noqon. Markaas bayna indhihiisii qiimaha badnaa ilmadu deeyeen oo uu ooyey, heer Muslimiintiina ay lawada ooyeen.

Saciid bin Zayd baa istaagay oo yiri:- Allaah! Allaah! naftaada amiirkii Mu’miniintoow! dhammeyso khudbaddaada.  Wuxuu Cuthmaan u sheegay Muslimiintii in gurigiisa albaabka uu u ballanqanyahay (yacni u furan yahay) qof kasta oo doonaya inuu imaadana uu  iman karo, markii uu u baahda iyadoonay jirin cid ka hor istaagi karto. Markiina uu Cuthmaan mimbarkii ka soo degay wuxuu aaday dhankii gurigiisa,

Xisbiyadii oo Yimid

Taasu waxay ahayd in fidna wadayaashii Masar iyo kuwii Kuufa iyo Basra ay warqada isu dirayeen, ayagoo ku diraya afka saxaabada joogta magaallada Madiina sida Cali, Dhalxa iyo Zubayr, iyagoo dadka ugu yeeraya la dagaallanka Cuthmaan bin Cafaan, iyo in loo gargaaro diinta. Waxayna lahaayeen:-  Waa maanta jihaadkii ugu weynaa.

Sida uu  xusay Seyf bin Cumar, bishii Shawaal ee sanadkan, ayay reer Masar kusoo dhaqaaqeen afar calan mar kale, ayagoo tiradoodu lagu sheega markay ugu yartahay 600, hadday ugu badatana 1000.  Waxaana u madax ahaa oo calamada ukala siday Cabduraxmaan bin Cuddeys Al Balawi, Kinaanah bin Bishir, Sowdaan bin Ximraan As Sakuuni iyo Quteyrah As- Sakuuni.  Waxaana madax guud u ahaa Qaafiqi bin Xarbi Al Caki.  Waxay kusoo baxeen sifa la moodo inay u socdaan xaj, ayagoo uu la socda Ibnu Sowdaa (Cabdullaahi bin Saba).

Kuufana waxaa ka soo baxay fidna wadayaashii halkaasi joogay, waxaana ay sidoo kale wateen afar calan oo ay u kala wadeen Zayd bin Sowxaan, Ashtar An Nukhaci,  Ziyaad bin Nadar Al Xaarithi iyo Cabdullaahi bin Al Asam. Waxaana guud ahaan reer Kuufa madax u ahaa Camr bin Al Asam.

Kuwoodii reer Basrana waa ay soo baxeen, ayagoo sidoo kale wata afar calan, waxaana u kala siday  Al Xakiim bin Jablah Al Cabdiyu, Bishir bin Shureex bin Dhubeycah Al Qeysi, Dureyx bin Cabbaad Al Cabdiyu iyo Xurquus bin Zuheer. Guud ahaantoodna, waxaa madax u ahaa Xurquus bin Zuheer.

Fidna wadayaasha reer Masar, iyagu waxay doonayeen in xilka uu qabta Cali oo laga qaado Cuthmaan.  Kuufiyiintuna waxay rabeen xilka inuu qabta Zubayr oo asaga amiir laga dhiga. Basriyiintuna waxay rabeen in xilka uu qabta Dalxa oo Cuthmaan la casilo.  Sidaa oo ay tahay, qola kasta waxaa ka go’need inay howsheeda iyo hadafkeeda gaarto oo ay meel mariso.  Waxayna ku ballameen duleedka magaallada Madiina xilli la yaqaan inay ku kulmaan.

Markaas bay soo dhaqaaqday qola waliba oo timid duleedka Madiina.  Koox waxaa ay degtay Dii Khashab, kooxna waxay degtay Al Acwas, halka intoodii badneydna ay degeen Dii Marwah. Markaas bay qaar kamid ah direen, si ay dadka ugu sheegaan inaanay wax kala u imaan, ee ay u yimaadeen uun xaj  iyo in Cuthmaan uu ka casila qaar kamid ah masuuliyiinta goballada. Markaasay ka idin dalbadeen inay soo galaan magaallada, hase ahaatee, dadkii reer Madiina waa ay diideen arrinkaas.

Dabeeta waa ay soo dhawaadeen oo ay ku durkeen magaalladii. Markaa bay koox Masriyiin ah Cali kula kulmeen Axjaaru Zayt agteeda. (halkaasi waa meeshii ay reer Madiina ku tukan jireen salaadda roob doonka).  Dabeeta Cali intuu la hadlay buu  si daran u canaantay oo caayey,  oo lacnaday, dabeetana amray inay laabtaan. Markaas bay iyana yiraahdeen:- Waayahay. Dhalxa baa isaguna sidaa oo kale Basriyiintii u eryaya. Zubayrna sidoo kale Kuufiyiintii ku sameeyey.

Waxaa kaloo la sheegaa in Masriyiintii ay dalbadeen inuu Cuthmaan ka casilo Cabdullaahi bin Sacad bin Abii Sarax oo uu ku baddalo Abii Bakar, markaasuu ka yeelay.  Markaas bay wada laabteen, oo qola kastaba dhulkeedii aadday, oo waxay muujisteen inay dhulalkoodii aadeen.  Markii ay maalmo socdeen, bay dib usoo laabteen oo ay soo aadeen dhankii Madiina, Waxyar kadibna, waxay reer Madiina maqleen takbiir (Allaahu akbar).

Illeen nimanku waxay soo galeen magaaladii Madiina, oo ay qabsadeen, oo ay ku kala firaareen, intoodii badneydna waxay dul dageen gurigii Cuthmaan bin Cafaan. Dadkiina waxay ku yiraahdeen:- Qofkii gacmahiisa naga laabto, waa aamin. Markaas bayna reer Madiina gacmahoodii laabteen, oo in badan oo kamid ahina guryahoodii laasimeen, oo iska joogeen. Sidaas ayaana maalmo dhan la ahaa.

Sidaa oo ay tahay lama ogeen oo majirin, cid garaneysay, waxa ay damacsanyahiin nimankan fidna wadayaasha ahi iyo waxa ay ka rabaan amiirka. Mana la ogeen go’aankooda. Waqtigaasi asaga ahi amiirkii Mu’miniinta ee Cuthmaan bin Cafaan waa uu ka bixi karay gurigiisa, oo aadi jiray masjidka oo dadka ku tujin jiray, iyadoo reer Madiina iyo xisbiyada fidna wadayaashuba ay ku daba tukan jireen. Qaar kamid ah saxaabadii Rasuulka (scw), baa iyagu u tegayay fidna wadayaasha oo ku boorinayay inay dhulalkooda isaga laabtaan oo ay ka baxaan waxa ay ku jiraan ee fidnada ah, balse dheg jalaq uma aanay siineen.

Cali bin Abii Daalib  baa weydiiyey nimankaasi fidna wadayaasha ahi kuwa reer Masar, waxa soo  celiyey kadib  markii ay baxeen oo ay aadeen dhulalkoodii? Waxayse ku jawaabeen inay heleen warqad kasocota Cuthmaan bin Cafaan oo amraysa in la dila Maxamed bin Abii Bakar iyo weliba qaar kamid ah ayaga oo weliba la salbiya meydkooda.  Markaasuu reer Basra iyo reer Kuufana weydiiyey iyana waxa soo celiyey? Saa  waxay kujawaabeen inay u yimaadeen inay gargaaraan saaxiibadooda.

Warqaddaasi ay reer Masar keeneen, waxaanan la ogeen cidda qortay, waxayna lahayd tiimbarahii Cuthmaan, wuxuuna Cuthmaan sheegay inuunan ogeen halkii lagu qoray iyo ciddii qortay inuu qoray iskaba daaye.  Waxaanse horey usoo xusnay inuu lumay faraantigii Nebiga (scw) ee Cuthmaan tiimbaraha u ahaa. Inkastoo la raadiyeyna, la waayey oo markaasi uu ka kaaftoomay oo mid kale sameystay, kuna naqshadeeyey ”

Muxammadun Rasuulullaah”. Marka waxay u dhawdahay in nimankani ay heleen faraantigaasi oo ay iyagu qorteen, warqaddaasi, waayo Cuthmaan bin Cafaan Illaahay haka raalli noqdee ma uunan qorin, mana amrin arrinkaasi. Sidoo kalena markii ay warqadaha isu dirsanayeen fidna wadayaasha, oo ay ku dirayeen afka saxaabada sidaa oo kale, bay tiimbarahaasi u saarayeen.

Waxaa kaloo iyana la sheegaa  in sida uu xusay Ibnu Jariir uu warqaddaasi qoray Marwaan bin Xakam, asagoo ta’wiilsanaya qowlka Alle kor ahaaye ee ah ” Abaalka kuwa la dagaallamaya Allaah iyo Rasuulkiisa oo la socda dhulka fasahaad, waa in la laayo ama la salbiyo , ama loo jara gacmahooda iyo lugahooda si is dhaaf ah, ama laga fogeeyo dhulka, taasina waa inay leeyahiin dulli adduunka iyo aakhiraduba, oo aakhirana waxay leeyahiin caddaab weyn.  Suuradda Al Maa’idah aayadda 33aad.

Wuxuuna kuqoray afka Cuthmaan, asagoo ku dhejiyey tiimbarahii Cuthmaan. Waxaanay shaki ku jirin in raggani ay ahaayeen sida ay aayaddu tilmaameyso mufsidiin, waana xaqiiq abaalkoodu inuu sidaasi ahaa, Marwaanna wuxuu u arkayay inay sidaasi tahay maslaxa, balse waxaa dhacday in amiirkii ay arrintaasi ku ceebeeyeen xilli uusan waxba ka ogeyn halka lagu qoray iyo cidda qortayba.

Waxyaabahii saxaabada shakiga geliyey ayayna kamid ahayd markii ay Cuthmaan weydiiyeen, cidda qortay, ama tiimbarahiisa ku dhejisay ama afkiisa kuqortay, sidoo kalena wuxuu Cuthmaan arrimahaasi oo idil kaga dhaartay magaca Alle ee weyniga usaaxiibka ah, inuusan waxba ka ogeyn waloow lagu qoray afkiisa laguna tiimbareeyay faraantigiisa. Markaas bayna saxaabadii rumeysteen. Markiina fidna wadayaashii Masar ay arkeen warqaddaasi bay ku weynaatay oo ay soo gaddoomeenna waala sheegaa. Wallaahu aclam.

Cuthmaan  bin Cafaan sidii ayuu dadka u tujinyay, inkastoona ay fidna wadayaashu gurigiisa dul degnaayeen, haddana maalmahaasi wuu bixi karayay oo howlahiisa gudan karay. Sidaa ayuuna waqtigaasi ku sugnaa, jeer la gaaray Jumca kamid ah Jumcayaasha. Markaas buu mimbarkii koray asagoo gacanta ku haysta ul uu Rasuulka (scw) gacanta ku qabsan jiray markii uu khudbeynaya, sidoo kalena Abuu Bakar iyo Cumar ay iyanagacanta ku qabsan jireen.

Goor uu khudbeynaya oo khudbaddii wado, baa waxaa istaagay Jahjaah Al Qafaari oo yiri:- Istaag Nacthaloow! oo kasoo dag mimbarkan.  Nacthal wuxuu ahaa nin reer Masar ah oo gadh dheer lahaa, wuxuuna u ekaa Cuthmaan. Wax aanan taas ahayn oo ay Cuthmaan ku ceebeeyaan ma aanay hayn fidna wadayaasha, marka laga reebo inay Nacthal ugu yeeraan.  Dabeeta Cuthmaan wuxuu xusay in fidna wadayaasha oo idili lagu lacnaday carrabka Muxammed (scw). Markaas baa waxaa hadlay Maxamed bin Maslama oo isaguna yiri:-  Aniga ayaa taasi ka marag ah.

Dabeeta Xakiim bin Jablah baa qabtay oo fadhiisiyey.  Misna waxaa kacay Zayd bin Thaabit oo yiri:- Kitaabkuu kusuganyahay (warkaasi). Saa waxaa u istaagay Maxamed bin Abii Mureerah oo fadhiisiyey.  Markaas buu masjidkii dhan buuq iyo sawaxan noqday, oo qayladu badatay. Markaas bay nimanka fidna wadayaasha ahi dhagax ku tuureen Cuthmaan asagoo mimbarka dul saaran.  Markaas buu mimbarkii kasoo degay asagoo wareersan. Dabeetana waxaa loo kaxeeyey gurigiisii.   Cali iyo Dalxa iyo Zubayr iyo qaar kamid ah sanaadiiddii Muslimiinta ayaa u tegey Cuthmaan oo guriga ku booqday, dabeetana way kasoo tegeen.

Dabeeta waxaa is aruursaday qaar kamid ah saxaabadii Rasuulka (scw) oo ay kamid yahiin Abii Hureerah, Cabdillaahi bin Cumar iyo Zayd bin Thaabit  si ay ula dagaallamaan nimanka fidna wadayaasha ah oo ay u difaacaan amiirka Mu’miniinta. Markaas buu Cuthmaanna amray inaanay wax dagaal ah fulinin, oo wuxuu amray inay gacmahooda iska laabtaan, jeer uu Alle siduu doono arrinka u xukmiyo. Markaas bay iyana maqleen amarkii amiirka.

Go’doomintii Amiirka Mu’miniinta Ee Cuthmaan lagu sameeyay

Markii ay dhaceen wixii dhacay maalintii Jumcaha ahayd, ee nimankii fidna wadayaasha ahaa ay Cuthmaan oo mimbarka dul saaray shiideen, dabeetana uu ka soo dul dhacay asagoo wareersan, waata markaasi gurigiisii loo qaaday. Markaas bayna fidna wadayaashii kaga sii hormareen gurigiisii oo go’doomin daran kuqabteen oo xitaa uunan banaanka usoo bixi karin. Jumcahaasina waxuu ahaa Jumcahii ugu dambeeyey ee uu dadka tujiya iyo markii ugu dambeysay ee uu banaanka usoo baxa.

Qaar badan oo kamid ahi saxaabada ayaa iyana guryahoodii laasimay oo iska joogay, kana fogaaday fidnada taagan.  Markaas bay qaar kamid ah wiilashii saxaabada ahaa is aruursadeen, waxaana kamid ahaa Xassan iyo Xuseen Abuu Hureerah iyo Cabdullaahi bin Zubayr iyo Cabdullaahi bin Camr bin Al Caas iyo Cabdullaahi bin Cumar Marwaan bin Xakam iyo qeyrkood. Waxaana madax u ahaa Cabdullaahi bin Zubayr.  Waxay wiilashani is hor dhigeen fidna wadayaashii si ay u difaacaan Cuthmaan.  Fidna wadayaashiina waxay Cuthmaan usoo bandhigeen in saddex arrimood middood uu yeelo, inuu is casilo, ama inuu Marwaan bin Xakam usoo gacan geliyo ama in ay dilaan?

Arrimahaasi oo idil Cuthmaan kamuunan yeelin, wuxuuna u sheegay in saddex arrimood dhiigga qofka Muslimka ahi uu ku banaan yahay, inuu qof dilay oo loo qisaaso, ama uu sineystay asagoo horey usoo guursaday ama uu riddoobay. Arrimahaasi oo idil wuxuu Cuthmaan sheegay inuunan midka falin, wuxuuna sidoo kale dhibsaday masuuliyaddii Alle uu dul saaray inuu fidna wadayaasha u gacan geliyo.  Wuxuuna mar ku riyooday Rasuulka (scw) oo ku leh:- Waxay u dhawdahay inuu Illaahay khamiis kuu geliyo, ee markii ay damcaan fidna wadayaashu inay kaa siibaan ha yeelin, jeer aad igala kulanto.

Sidoo kale Cuthmaan wuxuu dhibsaday in uu fidna wadayaashu Marwaan u gacan geliyo. Wuxuu Cuthmaan sanadkani amray Cabdillaahi bin Cabbaas si uu dadka u xajisiiyo, balse Ibnu Cabbaas wuu ka cududaartay arrinkaasi, wuxuuna dalbaday inuu ka qayb qaata difaacidda amiirka Mu’miniinta. Balse Cuthmaan wuxuu ku adkeystay inuu sanadkaasi Ibnu Cabbaas dadka kaxeeyo oo xajisiiyo. Waxaa sidoo kale sanadkan baxay dumarkii Rasuulka (scw) si ay iyana mawaasimta xajka usoo gutaan. Waxaa sidoo kale baxay bashar badan oo ka cararayay fidnadii markaa ka dhacday magaalladii Madiina.

Sidaa darteed baanay magaalladii kusoo harin dad badan. Markaas bayna si dhan u tamkiiniyeen fidna wadayaashii magaalladii Madiina oo ay iyagu masuuliyaddeedii oo idil gacanta u gashay. Waxyar kadibna wuxuu Cuthmaan amray wiilashii saxaabada ee difaacayay inay iska baxaan oo ay kala dareeraan oo ay aadaan guryahoodii. Wuxuuna amray in uunan dhiig qof Muslim ah asaga dartii u daadan.

Markaas bay arrintaasi ka madax adeygeen, waxayna dalbadeen inay difaacaan amiirka. Balse Cuthmaan wuxuu ku adkeystay inay guryahooda iska aadaan oo maqlaan hadalkiisa, waa haddii ayuu yiri:- Aan amiirkiinna ahay.  Markaas bay maqleen oo adeeceen oo guryahoodii aadeen, ayagoo ka xun arrintaas.

Muddadaasi ay go’doominta ku hayeen Cuthmaan, waxaa dadka salaadda tujinayay Qaafiqi bin Xarbi. Asaga ayaana magaallada Madiina ka imaam noqday, inkastoo mararka qaar marka ay arkaan Cali ay weyneen jireen oo ay ka codsan jireen inuu tujiyo.

Ibnu Jariir wuxuu xusay in Dhalxa bin Cubeydillaah uu dadka tujinayay muddadaasi, waxaase saxiixul Bukhaariga ku sugan in Cali uu tujiyey dadka, sidoo kale Abuu Ayuubna uu tujiyey , sidoo kale Sahal Ibnu Xaniif. Waxaana la sheegaa in muddo bil ah ama 40 casho ay go’doomintaasi ku hayeen amiirkii Mu’miniinta ee Cuthmaan bin Cafaan Ilaahay haka raalli noqdee, kadibna ay dileen sida aynu xusi doonno.

Xisaarkaasi (yacni go’doomintaasi) waxaa uu socday illaa la gaaray 18-ka bisha Dul Xajah, laba maalmood ka hor intuuna xisaarka dhammaan ayay ahayd markii uu Cuthmaan wiilashii difaacayay amray inay guryahooda iska aadaan, sababtuna waxay ahayd wuxuu Cuthmaan arkay riyo tusineysa in ajashiisii ay soo dhawaatay, sidaa darteed buuna jecleystay in dartiis aanay dhiig Muslim u daadan.  Waxaa kaloo la sheegaa in maalintii la dilayay uu habeenkeedii Cuthmaan ku riyooday Rasuulka (scw) oo ku oranaya:- Cuthmaanoow! nala soo afur. Markaas buu waa bariistay asagoo sooman. Taasina waxay ahayd maalintii la dilayay.

Seyf bin Cumarna wuxuu soo weriyey inuu Cuthmaan usoo galay Kathiir bin Salat, oo uu ka codsaday inuu dadka u baxa oo wejigiisa tuso hal, waxay udhawdahay in ay markaasi laabtaan. Markaas buu Cuthmaan ku jawaabay:- Kathiiroow! Shalay baa waxaan arkay riyo, anigoo u galay Rasuulka Alle (scw) iyo Abii Bakar iyo Cumar, markaasuu igu yiri:- Orodoo laabo, berritoole baad nala soo afuri doontaaye.

Abii Saciid Mowlaa Cuthmaan, waxaa laga soo weriyey in Cuthmaan uu markaasi xoreeyey 20 addoon oo u joogtay, wuxuuna dalbaday in loo keeno surwaal, oo gashtay iskuna dhuujiyey (waayo wuxuu ahaa nin xishood badan oo Malaa’iktuna ka xishoota). Horeyna uma uu xiran waqtigii jaahiliga iyo Islaamkuba. Wuxuuna yiri:- Waxaan riyo ku arkay Rasuulkii Alle (scw) oo leh, sabir, waxaad nala soo afuri doontaa berridan soo socota. Kadibna wuxuu dalbaday musxafka oo la dilay asagoo akhrinaya.

Wuxuu maalintaasi surwaalka u xirtay, si haddii marka la dilo aanay cowradiisa u muuqan, waayo wuxuu ahaa mid aad u xishood badan. Malaa’igta ayaana ka xishoon jirtay siduuba Rasuulkeenna (scw) inoo sheegay markii uu lahaa:- Ma waanan ka xishooneyn, qof ay ka xishooneyso Malaa’igta.

Dilkii Amiirka Mu’miniinta Ee Cuthmaan

Maalmihii ugu dambeeyey xisaarka ayaa, waxaa mar dhex maray dagaal raggii Cuthmaan waardiyeynayey ee wiilashii saxaabada ee uu hoggaaminayay Cabdullaahi bin Zubayr iyo nimankii fidna wadayaasha, taasuna waxay ahayd ka hor intuusan Cuthmaan kala dirin raggii waardiyeynayay. Markaasi bay qaar kamid ah raggii difaacayay Cuthmaan halkaasi ku geeriyoodeen, Cabdullaahi bin Zubayr iyo Xassan bin Cali iyo Marwaanna waxaa soo gaaray dhaawacyo.

Waxaana kamid ahaa dadkii difaacayay Cuthmaan ee maalintaasi shahiiday Ziyaad bin Nucaym Al Fihri, Al Muqiirah bin Al Akhnas bin Shureyq iyo Niyaar bin Cabdillaahi Al Aslami. Waxaa sidoo kale dhanka fidnawadayaasha laga dilay jamaaca dhowr ah.  Waxaa la sheegaa in markaasi ciidamadiii Cuthmaan waardiyeynayay ay jabeen, misna mar kale ayay soo laabteen.

Markaas bayna ahayd markii uu Cuthmaan amray inay guryahooda iska aadaan, sidaynu horeyba usoo xusnay. Markaas bayna guryahooda aadeen.  Dhanka kale fidna wadayaashu waxay Cuthmaan u diideen inuu ceelka Ruumah ka cabbo biyaha, wayna oomiyeen, wuxuuna ahaa qofkii ugu horreeyey ee biyaha ceelkaasi loo diiddo, asagoo waqtigii Rasuulka (scw) Muslimiinta u iibiyey. Sidoo kale, markii wiilashii saxaabada ay ka baxeen daartii ee ay guryahoodii aadeen, waxay ka tageen Cuthmaan oo ay asaga iyo fidna wadayaashii ka dhex baxeen. Sidaa darteed bayna go’doomintii sii adkeeyeen, oo diideen in daarta ay cidi kasoo baxda ama cidi u gasho.

Waxaana kusoo haray daarta Cuthmaan iyo dumarkiisii iyo carruurtiisii. Qaar kamid ah saxaabada sida Cali oo kale baa dhib iyo rafaad marmar ugu geyn jiray biyaha, kadib markay hor istaagid daran iyo cay kala kulmaan nimanka fidna wadayaasha ah. Wuxuu ku sugnaa xaaladdaas amiirkii Mu’miniinta. Waxayna ku qabteen rafaadin aad u daran. Biyahii guriga u yiillay baa ka dhammaaday, saa biyo kalena meel ay uga imanayaan ma jirin oo aanan ka ahayn, wax si qarsoodi ah uga yimaada dhanka daarta Cabdullaahi bin Xaazim oo ay markaasi deris ahaayeen, xilliyada habeenka, ama wax ay saxaabadu dhib ugu keenaan mooyaane.

Arrintaasi oo idil saxaabadu aad bay ula yaabeen, wayna qaadan waayeen, sida ay wax makastani kula dhaqmayaan amiirkii Mu’mininta.  Hooyadii Mu’miniinta ee Umu Xabiibah Ramlah bint Abii Sufyaan ayaa mar damacday inay Cuthmaan biyo u geyso,, markaasay fidna wadayaashu intay kusoo baxeen ayadoo baqasheeda saaran, si daran u aflagaadeeyeen, oo dabeetana shakaalkii baqasha ka jareen, markaasay la oradday oo ka dhici gaartay. Balse dad baa ka soo gaaray oo u qabtay.

Waxaa dhacay arrin weyn iyo amar aanan la garwaaqsan.  Markaas bay Caa’isha go’aansatay inay xajka aaddo. Dadkii Muslimiinta ayaa kula taliyey inay joogto, waxayna u sheegeen in laga yaabo inay sidaasi kheyr kujirta. Balse, waxay usheegtay dadkii in haddii talo ay keento ay ka yaabeyso in sidii Umu Xabiibo oo  kale loo caayo,. Sidaas darteed bayna Ca’isha go’aansatay inay xajka aaddo. Dad badan oo reer Madiina ah baa sidaynu soo xusnay iyana xajka sanadkani aaday. Sidoo kale waxaa baxay dumarkii Rasuulka (scw).

Marka laga reebo Sowda oo la sheego inaanay xaj u bixin dhimashadii Rasuulka (scw) kadib. Xaalladu way darraatay, fidnadiina way hurtay. Magaalladiina waxaa hantiyey nimankii kheyr ma qabayaasha ahaa. Intii badnayd dadkii reer Madiinana, waa ay ka kala carareen oo waxay aadeen xajkii. Markaas baa waxaa yimid war sheegaya, in dadkii muwaasimta xajka u baxay oo idil ay doonayaan inay Madiina soo aadaan si ay amiirka uga difaacaan nimankan fidna wadayaasha ahi.

Sidoo kalena Mucaawiyah inuu ciidama culus kasoo diray dhanka Shaam, kuwaasoo uu hoggaaminaya Xabiib bin Maslama, Cabdullaahi bin Sacad bin Abii Saraxna in uu soo diray ciidamo culus oo uu hoggaaminaya Mucaawiyah bin Khadiij, Kuufana ay ka soo baxeen ciidama uu hoggaaminaya halyeygii weynaa ee Al qacqaac bin Camr, Basrana ay kasoo baxeen ciidamo uu hoggaaminaya Mujaashac ayaa soo gaaray reer Madiina. Markaas bay fidna wadayaashii go’aansadeen inay Cuthmaan dilaan ka hor intaanay ciidamadaasi soo gaarin.

Maalintaasi ayada ahi ee Cuthmaan la dilayay, wuxuu waabariistay asagoo sooman, markaas buu salaad u kacay oo ku furfurtay suuradda Daahaa, oo akhriyey in muddo ah, markiina uu salaaddii ka faaruqay buu soo qaatay musxafka oo kala furay oo akhriyey. Asagoo akhrinaya ayayna, fidna wadayaashii soo galeen oo markii hore albaabkiisa gubeen, markaasay ka cabsadeen in dabka uu gaara beytul maalka, oo dhaqsa damiyeen, dabeetana waxaa u soo galay Maxamed bin Abii Bakar Sidiiq iyo 13 nin oo asaga daba socotay.

Markaasuu Maxamed intuu Cuthmaan udhawaaday qabtay gadhka  oo markaa yiri:- Wax miyuu kuu taray Mucaawiyah? Oo wax makuu taray Ina Caamir (C.llaahi bin Caamir bin Kureys)? Oo miyay wax kuu tareen wixii (ciidamadii) aad aruurineysay? Alle nagama yeelli doono inaanu niraahno

”Allow! Waxaan adeecnay madaxdayadii iyo kuwii noo wayna waxayna naga lummiyeen jidkii” [Surat Al-Axsaab, 67).

Markaas buu Cuthmaan  yiri:- Maandhoow!! ii sii daa gadhka, Illaah baan ku dhaartaye waxaad qabatay meel uusan aabahaa qaban jirine (yacni uu ka xishoon jiray).  Markaas buu Maxamed bin Abuu Bakar dib u laabtay asagoo ka xishooday weliba ka shallaayey falkiisii, waxuuna dadkii la socday u tilmaamay inay iskaga laabtaan ninkan, hase ahaatee dheg  jalaq uma aysan siin, waxaana ul uu watey ku dhuftay nin la oran jiray Abuu Rowmaan Sowdaan bin Ximraan oo dabeetana seef intuu u qaatay xabadka rujiyey misna inta afka seefta caloosha uga toosiyey buu ku tiigsaday oo uu ku riixay, markaa buu Kinaanah bin Bishir gadaal uga keenay seef oo madax illaa garabka iyo naaska dushiisa  juuciyey, markaas buu dhinac dhinac u dhacay.

Dabeeta buu Sowdaan bin Ximraan Al Muraadi isa raaciyey, waxaa intaa kadib yimid Camr bin Al Xamaq oo inta Cuthmaan fadhiisiyey xabadka uga fadhiistay dabadeedna waran uu sitay ku mud muday. Markaas maalintaasi waxuu Cuthmaan akhrinayey Quraan dhiiggii ugu horeeyay ee wejigiisa kasoo butaacana waxuu ku dhacay aayadda 137aad ee ku jirta suuradda Al Baqrah oo uu Alle ku leeyahay:

”Haddey u rumeeyaan sida aad u rumeyseen hubaashii way hanuuneen, haddiisa ay jeedsadaan waxay ku suganyahiin khilaaf, ee waxaa idinka kaafin Allaah asagaana wax maqla waxna og”.

Sidoo kale waxaa ka qayb qaatay dilkiisa nin loo yaqiinay Mowtul Aswad iyo  Qaafiqi bin Xarbi iyo asxaabtiisii  kale. Naa’ilah bint Faraafisa- afadii Cuthmaan ayaa ayadoo qaylineysa kusoo dhex dhacday, halkii Cuthmaan lagu dilayay,  waxayna lahayd:- Ina Shaybaay!! ma waxaa la dilayaa amiirkii Mu’miniinta? Waxayna ku dhegtay qaar kamid ah seefahii lagu dilayay Cuthmaan, saa Sowdaan bin Ximraan baa faraha kaga jaray. Waxaa markaa Sowdaan  bin Ximraan dilay mowla (adeego) Cuthmaan u joogay,  asagiina waxaa dilay  nin fidna wadayaasha kamid ah oo la oran jiray Quteyrah.

Kadibna markii ay ka faaruqeen dilka Cuthmaan oo ay daarta kabixi rabaan, ayuu adeega kale oo Cuthmaan u joogay dilay Quteyrah. Saa asagiina (adeegaha) waxaa dilay nin la oran jiray Kalthuum At- Tujiibi.  Qaafiqi bin Xarbi ayaa wuxuu arkay madaxii Cuthmaan oo musxafka dul saaray oo haybadda ka muuqata lamalaysan karin, markaasuu inta u tegey haraanti kaga tuuray. Dabeeta waxay damceen inay madaxa ka gooyaan, balse dumarkii iyo carruurtii Cuthmaan ayaa wada qayliyey mar qura. Markaas buu Ibnu Cuddays amray in layska daayo.

Dabadeed mid dhawaaqa oo ayaga kamid ah ayaa ku dhawaaqay:- Dhiiggiisa waa inoo xalaal, oo markaasi maalkiisu xalaal inooma ahan (miyaa)? Dabeetana Baytul maalkii ayay galeen oo ay wixii hanti iyo maal ee yiillay ka gurteen. Waxayna ka heleen hanti fara badan.

Saxaabadii arrintaasi waxay ku noqotay filan waa, wayna qaadan waayeen. Markiina Zubayr uu gaaray warka ah in la dilay amiirkii Mu’miniinta baa wuxuu yiri:- Innaa lillaah wa innaa illeyhi raajicuun. Oo dabeetana u naxariis iyo istaqfaar dalbay, kadibna wuxuu akhriyey qowlka Alle kor ahaaye:

”Ma sugayaan wax kale oo aanan ka ahayn  qaylo mar qura oo qabanayso iyagoo doodaya. Mana awoodaan dar daaran ehelkoodiina uma soo noqdaan”. [Surat Yaasiin,49-50]

Cali-na markuu gaadhay warka ah dilka Cuthmaan, buu sidii Zubayr oo kale falay, dabeetana akhriyey qowlka Alle kor ahaaye:

”Waa sida Sheydaanka oo kale, markii uu ku yiri insaanka:- Gaaloow!, markiina uu gaaloobay, wuxuu yiri:- Anigu beri baan kaa ahay, waxaana anigu ka cabsan Allaha Rabbiga caalamiinta”. [Surat Al-Xashr, 16]

Sacad bin Abii Waqaasna markii uu gaaray dilka Cuthmaan, sidii Cali iyo Zubayr oo kale ayuu yiri, kadibna wuxuu akhriyey qowlka Alle kor ahaaye ee ah:

” Waxaad dhahdaa maydinkaga warrama kuwa u khasaaro badan xagga camallada? Waa kuwa uu lumay camalkooda nolashan adduunyada, ayagoo isu maleyn inay wanaajinayaan”. [Surat Al-Kahf, 103-104]

Dabeeta Sacad wuu habaaray fidna wadayaasha. Waxay salafkii sheegeen, sida uu Ibnu Jariir soo weriyey in dhammaan dadkii dilay Cuthmaan ama ka dambeeyey dilkiisa in mid waliba la dilay, welibana si xun loo dilay. Sidaana waxaa ku dhacday inkaartii Sacad bin Abii Waqaas, oo ma jirin mid iyaga kamid ah oo si caadi ah u dhintay, illaa waala dilay mid waliba.

Muddadii go’doominta lagu hayay waxaa laga yiri aqwaal dhowr ah, waxaana ugu caansan in go’doomintaasi lagu hayay muddo 40 casho ah, waxaa sidoo kalena la sheegaa in lagu hayay dhowr iyo afartan casho. Shicbi wuxuu leeyahay:- Waxay muddadii go’doominta ahayd 22 casho.  Sida khilaaf la’aanta ahina waa in la dilay maalin Jumca ah. Waqtigaasina waxaa lagu sheegaa inuu ahaa xilli barqa ah, ammintuna waxay ahayd 18-kii Bisha Dul Xajah.

Ammaa da’diisu, waxaa iyana laga yiri aqwaal dhowr ah. Saalix bin Keysaan wuxuu leeyahay:- Waxaa lagu oofsaday asagoo ah 82 jir.

Waxaa kaloo la yiraahdaa:- Wuxuu jiray 84 sano. Qataadah wuxuu leeyahay:- Wuxuu ahaa 88 jir ama 90 jir. Hishaam bin Kalbina wuxuu soo weriyey werin qariib ah oo ah 75 sano.  Wallaahu aclam.

Ammaa halka uu qabrigiisu ku yaal, waa mid la wada ogsoon yahay oo aanan wax khilaaf ahi ka taagneen, wuxuu ku yaal qabuuraha Baqiic, oo lagu aasay saddex ama labo casho kadib dilkisii Ilaahay haka raalli noqdee.

Imaam Maalik wuxuu yiri:- Waxaa isoo gaartay in Cuthmaan uu mari jiray halka Xashul Kowkab goobta qabrigiisa ee Baqiica oo markaasi uu oran jiray:- Halkani waxaa lagu aasi doonaa nin suubban.

Waxaa la sheegaa in la aasay goor habeen ah, ayadoo laga cabsi qabay nimanka fidna wadayaasha ahi. Waxaa kaloo la sheegaa in ayaga laga idin dalbaday si loo aaso maydkiisa.

Dabeeta qaar kamid ah saxaabadii ayaa ka qayb qaadatay aaskiisa oo aasay goor habeen ah, Maqribka iyo Cishaha inta u dhaxaysa, waxayna kala ahaayeen Xakiim bin Xizaam, Xuwaydhib bin Cabdilcuzza, Abuu Jaham bin Xudayfah, Niyaar bin Mukrim Al Aslami, Jubayr bin Mudcim, Zayd bin Thaabit, Kacab bin Maalik, Dalxa bin Cubaydillaah, Miswar bin Makhrama, Zubayr bin Al Cawwaam iyo Cali bin Abii Daalib. Waxaa kaloo ka qeyb qaatay dumarkii Cuthmaan oo ay kamid ahaayeen Naa’ilah bint Faraafisa iyo Umu Baniin bint Cuyaynah, iyo weliba qaar kamid ah dadloo Muslimiinta. Waxaa la sheegaa Marwaanna inuu ka qeyb qaatay.

Waxaa janaasadiisii qaaday Miswar bin Makhrama, Abuu Jaham bin Xudayfah, Jubayr bin Mudcim iyo Niyaar bin Mukrim. Waxaa la isku khilaafaa cidda tujisay janaasadiisa, waxaana la sheegaa inuu Jubayr bin Mudcim tujiyey. Sidoo kale waxaa kaloo la sheegaa inuu Zubayr bin Mudcim tujiyey, ama Xakiim bin Xizaam, ama Miswar bin Makhramah, ama Marwaan bin Xakam. Wallaahu aclam.

Galbeedka Baqiic ayaa lagu aasay Cuthmaan bin Cafaan Ilaahay haka raalli noqdee, meel ka yara durugsan qabuuraha Muslimiinta. Markiina la gaaray waqtigii Mucaawiyah, buu amray in dhanka qabrigiisa ku aastaan dadka ay ehelladooda ka geeriyoodeen, jeer markii dambe ay qabuurahii Muslimiinta gaareen halkii uu ku aasnaa Cuthmaan Ilaahay haka raalli noqdee.

Nucmaan bin Bashiir baa mar dambe geeyay Shaam khamiiskii Cuthmaan lagu dilay isagoo leh dhiiggii Cuthmaan iyo farahii xaaskiisa Naa’ilah, waxayna reer Shaam surteen masjidkii oo ay ku dul barooranayeen, wuxuuna Mucaawiyah amar ku siiyey wixii fidna wadayaasha kamid ah oo la arko in la laayo. Illaahay ha unuuriyo qabrigiisa oo ha u waasiciyo amiirkii Mu’miniinta ee Cuthmaan bin Cafaan [Raddiya Allahu Canhu].  Amiin.

Ilhaahay ha u dambi dhaafo dhamaan raga inoo soo turjumay oo waqtigooda oo dhan wada siiyay, iyo dhamaan waalidiinta qoraaga iyo raga internetka soo geliyay. Una fududeeyay fahamka taariikh nololeedka saxaabada Suubanah Rasuulka, qaas ahaan Khulufada Rasuulka. Wa-Jazaaka Allahu Qeyran.

LineTree

Qore: Mohammed Dahir Abdi
(Mohammed-Akhyaar).
Email: mohamed @ live.fi