Cali Bin Abii Daalib
علي بن أبي طالب

Taariikhda
Khulafada Rasuulka Muxammad
(Salallaahu Caleyhi Wasalam)

Taariikh Nololeedka
Saxaabada Suubanaha Rasuulka (csw)

Decorative Lines

Cali Bin Abii Daalib
علي بن أبي طالب

Khulafaa’u Raashidiin:
Cali Bin Abii Daalib  ‘’Amiirul Mu’miniin’’

”Hooy ina Abii Daaliboow! miyaadan kuraalli ahayn inaad ii joogta booskuu Haaruun u joogay Muuse CS oo kale, oo aanan ka ahayn inuuna Nebi iga dambeyn”? [Sidaa waxaa yiri Nabiga (scw).]

Cali bin Abuu Daalib (Cabdumunaf) bin Cabdulmudalib (Sheyba) bin Haashim (Camr) bin Cabdumunaaf (Muqiirah) bin Qusay (Zeyd) bin Kilaab bin Murrah bin Kacab bin Lu’ay bin Qaalib bin Fihir bin Maalik bin Nadar bin Kinaanah bin Khuzeymah bin Mudrikah bin Ilyaas bin Mudar bin Nizaar bin Macad bin Cadnaan Al Qurashi Al Haashimi.

Waxaa loogu kunyoon jiray Abul Xasan, sidoo kale Abuu Turaab. Hooyadiis waa Faadimah bint Asad bin Haashim bin Cabdulmunaf bin Qusey Bin kilaab.  Waxay ku kulmaan hooyadiis iyo aabahiis xagga nasab ahaanta odayga Cabdulmunaaf,  waana banii Haashimkii ugu horeyay ee is guursada (yacni Abuu Daalib iyo Faadimah bint Asad).

Afartii Khaliif ee ugu horeeyay Islaamka:

  1. Abuu Bakar As-Siddiiq
  2. Cumar Ibn Al-Khattaab
  3. Cuthman Ibn Cafaan
  4. Cali Ibn Abii Daalib

Wuxuu Cali  kudhashay magaalada Makkah 13-kii Rajab 23 sano kahor hijrada oo kubeegan 17-kii Maarso 599 Miilaadiyada, sida ay qaar kamid ah mu’arrakhiintu sheegaan.  Waa mid kamid ah tobankii saxaabi ee Jannada loogu bishaareyey iyagoo nool. Sidoo kale  waa ina adeerkii Nabiga (scw)  iyo khaliifkii afaraad ee khulafaa’uraashidiinka Illaahay haka raalli noqdee.

Aabahiis waa oday kamid ahaa saadaaddii Quresheed iyo adeerradii  Nabiga (scw). Wuxuu Abuu Daalib ahaa  kii  soo barbaariyey oo kafaala qaaday Rasuulka (scw) kadib dhimashadii Cabdulmudallib. Waxuu ahaa Abuu Daalib kan ugu naxariis badan adeerada Nebiga (scw). Inkastoo uu kudhintay diintii jaahiliyada haddana waxuu yaqiinsanaa Abuu Daalib inay diin xaqa tahay diinta uu layimid wiilkuu adeerka  u yahay ee Muxammed  (scw).

Wuxuu Cali ku Islaamay Makka horaantii Nabinimada,  wuxuna ahaa qofkii kowaad ama labaad ee Islaama, waana qofkii ugu horeyay ee ka Islaama xagga  carruurta, waayo wauuu markaasi jiray  8 ama 10 sanadood.

Islaamiddiisii

Imaam Mujaahid waxuu yiri:- Qofkii ugu horeeyay (xagga Saxaabada) ee tukaday waxuu ahaa Cali bin Abuu Daalib.

  • Cabduraxmaan bin Zaraarah waxuu yiri:- Cali Markuu Islamayay waxuu jiray 9 sano.
  • Waxuu yiri Xasan bin Zeyd:-  Cali bin Abii Daalib  waligiis sanamyada ma uusan taaban umuuna dhawaan.
  • Cabdullaahi bin Cabbaas waxuu yiri:-  Qofkii ugu horreeyay ee Islama Khadiija kadib waxuu ahaa Cali bin Abuu Daalib.
  • Waxuu yiri Maxamed bin Camr:- Dadka waxaa ugu hor Islaamay Khadiija,  kadib agtayada waxan isku khilaafnaa saddex qofood koodii ugu horeyay ee Islamay Khadiija kadib, Waana Abuu Bakar, Cali bin Abii Daalib iyo Zeyd bin Xaaritha.

Markii Rasuulka (scw)  lasoo diray buu u yimid Cali  oo kuray yar ah,  markaas buu ku yiri:- Caliyoow!  Ilaahay xagiisaan kuugu yeeri ee diintaan soo gal.  Wuuna u sharxay,  saa kadib Cali waxuu yiri:” Abaa Daalib baan soo weydiin, waayo kama careysiin karo’e.

Markaas buu Nabigu  (scw) yiri:- Mayee haddaadan qaadaneyn cidina ha usheegin oo afkaada iska qabso.    Kadibna Cali wuu iska amusay oo habeenkii buu iska seexday isagoo arrinkii ka fekeraya kadib baa quluubtiisa Illaahay u  wasiciyey islaannimada,  wuuna kusoo kallahay xaggii Nabiga  (scw), waxuuna ku yiri:- Ibar diintaadan. Halkaas buuna ku islaamay Cali. Waxaa ka sugnaatay Cali xagiisa inuu yiri:- Waxaan ahaa  qofkii ugu horeyay ee tukado (xagga saxaabada).

Noolashiisi & Waqtigii Nebiga [scw]

Cali bin Abii Daalib intii magaallada Makka uu joogay, wuxuu ku noola gurigii Rasuulka (scw), waayo, Rasuulka (scw) ayaaba soo koriyey oo taasi kafaala qaaday. Sababtuna waxay ahayd Abii Daalib wuxuu ahaa oday da’ ah oo misna aanan hanti buuran lahayn.  Sidoo kale wuxuu lahaa carruur badan. Saa waxaa dhacday abaar daran oo dadkii diif iyo macluul darani qabatay. Markaas buu Nebigu (scw) u tegay adeerkiis Al Cabbaas, oo ka dalbaday in ay israacaan oo u tagaan Abii Daalib oo ka  caawiyaan korinta carruurta.   Waxay u tegeen Abii Daalib, markiina ay arrintii u sheegeen, baa wuxuu Abuu Daalib yiri:- Caqiil mooyaane, inta kale kaad doontaan kaxaysta.

Markaas buu Rasuulku (scw) Cali kaxaystay, Al Cabbaasna wuxuu kaxaystay Jacfar oo ay sidaa ku kafaalo qaadeen. Wax badan kama soo wareegin markii uu Jacfar qaan gaaray oo uu guursaday, goonina u degay.  Calise isagu wuxuu ahaa mid ka yar Jacfar da’ ahaan 10 sanadood, wuxuuna sidaa daraadeed kusii nagaaday gurigii Rasuulka (scw) oo uu ka qaatay barbaarin iyo abaabin wanaagsan.

Habeenkii Hijrada Rasuulka [scw] 

Maalintuu damcay inuu xabiibkeenna Muxammed (scw) u soo haajiro magaalada Yathrib (Madiina) baa waxaa tashtey odayaashii iyo wax garadkii Quresheed si ay arrintaas isku hor istaajiyaan. Waxayna shir aan kala go’ laheyn kuyeesheen Daaru Nadwaa (Golahoodii Fadhiga).  Waxayna go’aan soo saareen inay dilaanba Nabiga (scw),  oo waxay isku raaceen in qola waliba oo Qureesh kamid ah laga soo dhex saaro wiil shaab ah oo seef wata,  kadiba albaabka in loo fadhiista oo markuu damca Nebigu (scw)  inuusoo baxa halmar lagu wada dhufta seefaha sida darba hamar uu nin ku dhuftay oo kale ah.

Markaas kadib haddii ay banuu Haashim (waa tolka Nabiga uu kadhashaye) ay kudoodaan sababta loo dilay waxaa lasiin doonaa  diyo. Haddii ay  diyadu diidaana dee iskama celin karaan Qureesh dhan waayo Qureesh dhan baa halmar ku dhufatay seefaha.  Arrinkaas bay isku waafaqeen Qureesh waxana fikradaas xun lahaa oo keenay Abuu Jahal Camr bin Hishaam.

Kadib waxaa yimid Malakol Jibriil CS oo markaas uga warramay Nebiga (scw) waxa ay Qureesh ku tashatay iyo inay doonayaan inay dilaan, saa kadib Nebiga  (scw)  wuxuu latashtay Cali bin Abuu Daalib oo uu runtii aad u jeclaa, wuxuuna ku yiri:- Caliyow! Qureesh sidaas bay ku tashatay. Kadib  wuxuu  amray inuu firaashkiisa seexdo caawo oo Nebigu isku furto. Kadibna wuxuu amray in  howlaha uu Rasuulku (scw) Muslimiinta iyo  dadka u hayay oo amaano ah uu usoo kala gudo dadka  dadkii lahaa.

Cali waxuu yiri:- Rasuul Alloow!! haddii aan caawo firaashkaaga seexdo naftaadu miyay badbaadeysa oo cadawyada Quresheed miyaad ka bad baadeysaa? Saa waxuu yiri Rasuulka (scw):- Haa oo nafteydu way bad baadeysaa inshaa Allaah.

Markaas buu Cali sujuud la dhacay oo uu isagu isku furtay  oo uu sidaas ku seexday firaashkii Nabiga  (scw). Nabigu (scw) habeenkii buu gurigiisa kasoo baxay iyagoo Qureeshtu ay dhooban yahiin albaabka aqalkiisa,  lakiinse ma aysan arkin oo Illaahay baa ka indha saabay dhammaantood. Saa markaa iyada ah waxuu Nabiga akhrinayey aayad kujirta suuradda Yaasiin oo ah qowlka Alle kor ahaaye

”Waxaan ka yeelnay hortooda gidaar gadaashooduna gidaar oo waan indho daboolnay mana arkayaan waxbo”. Suuratu Yassiin, aayadda 9aad.

Markaas buu Rasuulku (scw)  cantooba carro ah qaaday oo xagooda ku tuuray manaysan arag dhammaan. In qadar ah markuu ka maqanyahay baa sheydaan u yimid oo uu ku yiri ” Hoogiinee Muxamed soo kan baxay? Markaas bay halmar wada kaceen oo hambar hambar u dideen,  deedatana ay soo wada laabteen,  saa waxay arkeen firaashkiisii oo meesha goglan iyo Cali oo dul hurda.

Markaas bay umaleyeen Nabiga (scw) oo wali jiifa,  waxayna sugaayeen ilaa uu kasoo kacaya,  saa waa berigii baa waxaa meeshii kasoo kacay Cali bin Abuu Daalib. Markaas baa intay kusoo rooreen kudhegen oo ay yiraahdeen:- Maxamed meeyay? Saa waxuu yiri:-  Mooji oo garan mahayo anigu.

Kadib way isaga tegeen. Saa waxay yiraahdeen Qureeshtii: Qofkii keena Muxammed  iyo saaxiibkiis (Abu Bakar Siddiiq)  nolal ama geeri waxuu yeelan doonaa abaal marin 100 halaad oo geel ah.  Saddex maalin oo uu god kujiray kadibna Nebiga  (scw) waxuu soo abbaaray safarkii dheeraa ee Makka iyo Madiina dhexdooda isaga iyo saaxiibkiisa Abuu Bakar Siddiiq.

Markuu Nebiga  (scw)  yimid Magaallada Madiina isagoon weli ka dhaqaaqin deegankii banii Camr bin Cowf buu Cali kadaba yimid isagoo soo gutay howshii  looga soo tegay .Waxuuna soo socday muddo gaaban marka loo eego masaafada iyo inta loo socon karo, waxuuna socday habeenkii maalintiina wuu dhakan jiray si aan loo arkin amaba loo dareemin  isagoo markaa iyada ah geli jiray geedaha hoostooda. Waxuuna kusoo degay Cali gurigii Kalthuum bin Hadam Al Ansaari. Cali waxuu ahaa halyeey wayn oo nafsadiisa ku furtay nafta Nabiga  (scw). Waana  Qofkii ugu horeyay ee uu Nabiga nafsadiisa ku furta.

Nolashiisii Madiina

Markii uu Cali ka daba tegay Rasuulka (scw) magaalladii Madiina isagoo bad qaba, soona guday howlahii uu Rasuulka (scw) uga soo tegay, markaas buu Rasuulku (scw) aad ugu farxay oo soo dhaweeyay. Markiina Rasuulku (scw) Muhaajiriin iyo Ansaar uu walaaleynayay, waxaa la sheegaa in Sahal bin Xaniif iyo Cali uu walaaleeyay. Werinnada qaar waxay xusaan in Nebigu (scw) uu walaaleyay nafsaddiisa iyo Cali.

Balse waalaga culus yahay qowlkaas. Waayo Nebigu (scw) iyo Cali si bay walaalo u ahaayeen. Sababtoo ah waxay ahaayeen ilma adeer. Waxaa suurto gal ah marka in uu Nebigu (scw) ula dan lahaa in asaga iyo Cali ay walaalo yahiin. Balse markaasi aanay ahayn xilligii la walaaleynayay Muhaajiriin iyo Ansaar. Qowlka ugu culus wuxuu yahay in Sahal bin Xaniif  lala walaaleeyay Cali Allaha ka raalli noqdee markii la walaaleynayay Ansaarta iyo Muhaajiriinta.

Cali wuxuu laasimay ka agdhawaanshaha iyo la joogidda Rasuulka (scw). Maalintii Dul Cusheyrah waxuu la socday ciidamadii Rasuulka (scw), waxaanay isku awr fuuleen Cammaar bin Yaasir Illaahay haka raalli noqdee oo ay duullaankaasi labo rafiiq oo gaar ah wada ahaayeen.

Dagaalkii weynaa ee Bader ayuu sidoo kale  Cali ka qeyb qaatay.  Nebigu (scw) asagoo Cumar la hadlaya wuxuu ku yiri:- Maxaad mooddaa Cumaroow!, waxaa laga yaabaa inuu Illaahay reer Bader daallacday oo uu ku yiri:- Fala wixii aad doontaan waan idiin dambi dhaafaye.

Gacan cad ayuu Cali Allaha ka raalli noqdee ku lahaa maalintaa iyada ahi, iyo meeqaam la mahadsho, wuxuu siday calanka Muhaajiriinta oo la oran jiray Al Caqaab. Ansaartuna waxaa calanka u waday Sacad bin Mucaad. Calanka guudna waxaa loo dhiibay Muscab bin Cumeyr.  Cali wuxuu ahaa mid kamid ah raggii maalintaasi mubaarasada ka soo baxay dhanka Muslimiinta.

Wuxuuna ahaa kii ugu yaraa saddexdii nin ee dhanka Muslimiinta kasoo baxday. Waxayna saddexdaasi kala ahaayeen Cali iyo adeerkiis Xamsa, iyo ina adeerkiis Cubeydah bin Xaarith. Waxay ahaayeen saddexduba hal qoys oo weliba ahlu beydka Rasuulka (scw) ah. Waxay u baxeen saddex kale oo iyana hal qoys ah.  Waxayna kala ahaayeen Sheyba bin Rabiica, Cutbah bin Rabiica iyo Waliid bin Cutbah bin Rabiica.

Cali wuxuu maalintaasi dilay ninkii ku soo haggaagay mubaarasada, kaasoo ahaa Waliid bin Cutbah.  Sidoo kale waxay asaga iyo adeerkiis Xamsa is raaciyeen oo ay dileen Cutbah oo dhaawac ah kadib markay raggoodii ka soo faaruqeen, Cubeyda oo dhaawacna horey bay usoo qaateen.

Cali wuxuu dagaalkaasi Bader ku laayay in badan oo kamid ah gaalladii Qureesheed, waxaana kamid ahaa dadkii uu meeshaasi ku laayay:

1. Waliid bin Cutbah (oo uu  ku dilay mubaariso).

2. Cutbah bin Rabiica bin Cabdishams (asaga iyo adeerkiis Xamsa ayaa isla dilay, taa kahorna Cubeydah ayaa dhaawacay).

3. Al Caas bin Saciid bin Al Caas bin Umayah (wuxuu ninkani la dhashay saxaabiga Jaliilka ee Khaalid bin Saciid, sidoo kale Cuthmaan bin Cafaan bay ilma adeer ahaayeen)

4. Cuqbah bin Abii Mucayd (goobta Cirqud Dabiyah ayuu ku dilay kadib markii lasoo qafaashay. Rasuulka (scw) ayaana amray).

5. Nadar bin Xaarith (Sidoo kale dhexda ayuu ku dilay amaraka Rasuulka (scw) – goobta Safraa).

6. Ducaymah bin Caddiyi (asaga- Cali  iyo adeerkiis Xamsa ayaa isla dileen).

7. Caqiil bin Al Aswad bin Muddallib (Cali iyo Xamsa ayaa isla dilay).

8. Nowfal bin Khuweylid.

9. Mascuud bin Abii Umayah bin Muqiirah Al Makhzuumi.

10. Abul Qeys bin Faakiha bin Muqiirah Al Makhzuumi (Cali ama Cammaar bin Yaasir midkood ayaa dilay).

11. Cabdullaahi bin Mundir bin Abii Rafaacah.

12. Xaajib bin As- Saa’ib bin Cuweymir Al Makhzuumi.

13. Al Caas bin Munbih bin Xajjaaj Al Sahmi.

14. Abul Caas bin Qeys bin Caddiyi bin Sacad.

15. Aws bin Mucayr bin Lowdaan Al Jumaxi.

Iyo kuwa kale oo aanan la ogeyn. Intani waa sida ay qoreen culimada siirada, waxaase suurto gal ah in intani ay ka badnaayeen raggii uu Cali maalintii Bader laayey.

Nebigu (scw) sanadkii labaad ee hijriga ayuu gabadhiisa Faadimah  u guuriyey Cali. Sanadkii 3aad ee Hijriga, wuxuu Cali ka qeyb qaatay dagaalkii weynaa ee Uxud, wuxuuna hoggaaminayay ciidamada midigta, calanka ciidankana asaga ayaa siday, kadib markii la dilay Muscab bin Cumeyr oo asaga horey u waday calanka dagaalka ayaa loo dhiibay Cali.

Ciidamada bidixda waxaa maalintaasi madax u ahaa Mundir bin Camr, kuwa lugtanada Zubeyr bin Al Cawaam, waxaa kaloo la sheegaa Al Miqdaad bin Camr. Cali wuxuu kamid ahaa maalintaasi raggii durba soo laabtay kadib markii ay Muslimiinta jabeen, waayo hammigiisu wuxuu ahaa uun Nebiga (scw).

Wuxuu ka ag dagaallamayay Nebiga (scw) oo difaacay difaac wayn, wuxuuna maalintaa muujiyey wacdaro xadka ka baxsan.  Cali wuxuu ahaa ninkii Nebiga (scw) ka dhaqay dhiiggii wejiga markii uu dhaawaca culusi iyo waxyeellada ba’ani  ay kusoo gaadhay dagaalkaasi Uxud.  Nebigu (scw) aad buu u jeclaa Cali.

Taasi Cali qudhiisa ayaa marqaati ka ahaa, waayo waxay asaga iyo Faadimah ku doodi jireen:- Rasuulku (scw) aniguu iga kaa jecelyahay. Dagaalkii Uxud markuu dhammaaday, wuxuu Rasuulka (scw) amray Cali inuu baacsada Mushrikiinta Qureesheed oo hubiyo inay toos u abbaareen Makka iyo inay doonayaan inay aadaan dhankii Madiina. Cali wuu dhaqaaqay oo markii uu arkay inay Makka abbaareen oo awrta fuuleen, farduhuna kaxaysteen buu kasoo laabtay oo Nebiga (scw) uga warramay xaalkooda.

Wuxuu kaloo ka qeyb qaatay dhammaan dhaqdhaaqyadii uu Nebigu (scw) hoggaaminayay. Maalintii Axzaab, wuxuu dilay mid kamid ah mashaahiirtii iyo geesiyaddii Carbeed. Wuxuu kaasi ahaa Camr bin Cabdiwuddi Al Caamiri, oo oday Qureeshta iyo Carabta kaleba dhaxdeeda caan ka ahaa. Ninkaan wuxuu ahaa nin fardo fuulka iyo dagaalka aad ugu xeel dheeraa, wuxuu ahaa geesi ka sheegan Carabtii waqtigaa jirtay.

Hubka dhawaajiya aanan wadnuhu galaw oran ayuu ahaa. Dagaalkii Bader ayuu ka badbaaday inuu ku naf waayo, waxaase taas cagsigeeda soo gaaray dhaawacyo culus, oo u diiday in sanadkii saddexaad ee hijriga uu ka qeyb qaato dagaalkii waynaa ee Uxud.

Sanadkii shanaad ee hijriyada, dagaalkii Axsaab buu soo baxay asagoo sidii hore ka roon.  Wuxuu soo baxay Mubaariso. Asxaabtu aad bay uwada garanayeen, dib bayna u hakadeen.  Cali oo waaga nin dhalin yaro ah baa soo baxay. Nebigu (scw) wuu u duceynayay, asxaabta oo idilna way u naxsanaayeen. Markaa iyada ahi Camr bin Cabduwuddi, wuxuu  fuushanaa faraskiisa.

Markii uu Cali arkay ayuu ka dalbaday inuu iska laabto, wuxuuna u sheegay inuusan dooneyn inuu Cali dilo. Calise wuxuu u sheegay inuu asaga doonaya inuu dilo. Markaas buu inta Camr carooday faraskiisii boqna jaray oo inta lugta seefta uga hoos qaaday, buu soo dhaqaaqay, markay is heleen asaga iyo Cali, baa si dhaqso leh looga tallaabsaday meydkiisa oo laga takhallusay. Halkaas ayuu Cali ku  dilay gaalkii Camr bin Cabduwuddi ahaa, saa Rasuulka iyo saxaabaduba takbiir halmar ku wada dhufteen farxad darteeda iyo waynayn ay Alle wayneynayaan.

Maalintii Baycatu Ridwaan, ayuu Cali goobjoog ahaa. Raggii ka qeyb qaatay baycadaasi Illaahay wuu ka raalli noqday. Sidoo kale wuxuu ahaa ninkii qorayay heshiiskii Xudeybiya ee maalintaasi dhacay.  Wuxuu kaloo ka qeyb qaatay Cumradii la qalleeyay (Cumaratul qadaa), maalintaas ayuuna Rasuulku (scw) Cali ku yiri:- Adigu iga mid baad tahay, aniguna kaa mid baan ahay. Sanadkii 7-aad ee Hijriga, wuxuu ka qeyb qaatay dagaalkii Kheybar.  Rasuulku (scw) wuxuu maalintaasi markii Kheybar la furi waayay yiri:- Waxaan u dhiibi doonaa calanka beritoole, nin jecel Alle iyo Rasuulkiisu, isaguna ay jecelyahiin Alle iyo Rasuulkiisuba.

Habeenkaasi dadkii waxay baryen ayagoo wada rajeynaya in qof waliba asaga loo dhiibo. Subaxii buu Rasuulka (scw) Cali u yeeray. Waxaa loo sheegay inuu indhaha ka sheeganayay. Wuxuu dalbaday Nebiga (scw) in loo keeno. Markii loo keenay buu indhahii kaga tufay, dib dambena uma aanay xanuunin.  Cali calankii buu sidaa ku qaaday oo  furtay.  Wuxuu Cali dagaalkii Kheybar mubaariso ku dilay Marxab oo hub ka dhawaajiyahii Yahuudda ugu geesisanaa ahaa.

Furashadii Makkana wuu ka qeyb qaatay, iyo sidoo kale dagaalladii Xuneen iyo Daa’if.  Dagaalkii Xuneen wuxuu kamid ahaa ahlu beydkii Nebiga (scw) kusoo haray kadib markii ay saxaabadii jabeen. Wuxuu dagaallamay dagaal kulul oo difaacay Rasuulka (scw),

Jicraanah ayuu cumra ka xirtay asagoo la xirtay Nebiga (scw).

Ka Dib Noqoshadiisii Duullaanka Tabuuk

”Ma wadaan ku raalli ahayn inaad ii joogto halkuu Haaruun CS u joogay Muuse CS, oo aanan ka ahayn inuuna Nebi iga dambeyn? ”

Kamuusan harin Cali duullaan ama dagaal uu kuqaaday Nebiga (scw) acdaada Alle. Sida Badar, Uxud, khandaq, Kheybar, Fatxul Makkah, Xuneyn, Daa’if iyo dhammaan duullaamadii uu qaaday Nabiga  (scw) aanan ka ahayn duullaankii Tabuuk,  Kaasina sababta ka reebtay Cali inuu ka qeyb galo waxay aheyd Nabiga  (scw) baa masuul uga dhigay xagga ehelkiisa. Saa waxaa dhacday inay Munaafaqiintii ka faa’ideystan fursadaas ay Cali la heleen oo ah inuu duullaan ka baaqday, Markas bay dacaayad raqiisa ugeliyeen bulshadii dhexdeeda oo ay yiraahdeen:-  Cali wuu cusleeyay Nabiga  (scw) oo sidaas buu isaga reebay markuu dhibsaday dabadeed.

Saa markuu warkaas Cali soo gaaray buu aad uga carooday oo uu hubkiisii soo qaatay oo uu abbaaray ciidankii Muslimiinta si uu u raaco isagoo dhibsaday lajoogida ehelka iyo caruurta oo doorbiday inuusan ka dib dhicin duullaan uu qaadaya Rasuulkii Alle (scw). Markii uu Nebiga (scw)  u tegay buu weydiyay waxa soo kaxeyay.  Markaas buu Cali usheegay dhacdadii Munaafaqiinta iyo wixii ay lawareeganayeen oo been iyo shar ahaa. Waxuu yiri Nabiga (scw):-  Ina Abuu Daaliboow!  ma waadan ku raalli noqoneyn inaad ii joogta booskii uu Haaruun CS u joogay Muuse CS oo  aanan ka ahayn Nabinimo, waayo anigu Nabi igama dambeeyo’e?

Markaas buu Cali aad u farxay oo laabtay. Waxuu ka qeyb qaatay Cali dhammaan duulamadii Nabiga uu qaaday marka laga reebo Tabuuk oo uu ehelkisa uga tegay. Waxuu Cali kula ballamay Nabiga  (scw) maalintii Uxud dhimasho kadib markay dadkii carareen ,waxuuna muujiyey geesinimo xad dhaaf ah. Cali waxuu aha geesi halyay ah oo nin mubaarasa u soo baxa ma uusan sii noolaan.

Waxuu Nabiga  (scw) u diray camal ahaan meelo badan oo ay kamid ahayeen sirriyaddii ama wardoonkii uu udiray  banii Sacad ee Fadak isagoo wata  100 nin. Wuxuu kaloo Nabigu (scw)  madax uga dhigay wardoonkii uu udiray dhanka  Al Falaas ee banuu Dhayyi. Waxaa kaloo uu u diray Nabiga  (scw) Yemen amiir ahaan, iyo si uu dadka diinta u baro.   Sanadkii Xajjatul wadaaca, ayuu Nebigu (scw) usoo wafdiyey oo kula kulmay magaalladii Makka. Kamuusanna harin duullaan uu Nabiga duulay  (scw)  aanan ka aheyn Tabuuk sidaan horeba usoo xusnay

Sidaynu ognahay Cali, wuxuu ahaa mid kamid ah raggii Nebiga (scw) aaskiisa ka qeyb qaatay.Rasuulkuna (scw) wuxuu geeriyooday isagoo Cali ka raalli ah. Wuxuu Cali kamid ahaa dadkii ugu dambeeyay ee Nebiga intuuna dhiman la kulmay. Sidoo kale wuxuu ka qeyb qaatay dhaqiddii Nebiga (scw). Sidoo kalena wuxuu ahaa mid kamid ah raggii qabriga dhigay.

Carruurtiisii & Dumarkiisii

Waxuu Cali dhalay carruur badan, waxuu guursaday gabadhii Nabiga (scw) uu dhalay ee Faadimah oo u dhashay Xasan, Xuseyn,  Muxsin, Zeynaba Al Kubraa iyo  Ummu Kalthuum. Intuu Faadimah qabay Cali ma uusan guursan haweeney kala.  Wuxuu Faadimah guursaday sanadkii 2aad ee Hijriga. Waxayna ka dhimatay sanadkii 11aad ee Hijriyada.

Waxaa kaloo uu guursaday Khowlah bint Jacfar bin Qeys bin Maslamah bin Thaclabah bin Yarbuuc bin Thaclabah bin Al Dowl bin Xaniifah bin Lujeyn bin Sacab bin Cali bin Bakar bin Waa’il oo ka dhalatay nasab ahaan reer Xaniifah. Waa qoladii uu Museylamah Al Kaddaab kadhashay, kaasoo ahaa  ninkii Nabinnibada sheegtay.

Markii weerarka lagu qaaday Museylamah oo lajebiyey baa lasoo qafashay dumarkii iyo carruurtii reer Xaniifah. Saa waxa kamid aheyd dumarkaas khowlah bin Jacfar oo reer Xaniifah kamid aheyd. Markii loo keenay Abuu Bakar buu siiyey Cali bin Abii  Daalib,  kadibna waxay u dhashay  Maxamed bin Cali oo loo yaqiinay Maxamed ibnu Xanafiyah.

Sidoo kale waxuu Cali dhalay Cubeydah, waxaa  Cubeydah dilay Al Mukhtaar bin Abu Cubeyd (Mukhtaar Al Kaddaab) oo ku dilay Al Madaar. Wuxuu kaloo dhalay Abuu Bakar bin Cali oo lala dilay Xuseyn bin Cali  (goobta Karballaa sanadkii 61aad ee Hijriga), waxaana u dhashay Cubeyda iyo Abu Bakar haweeney la oran jiray Leylaa bint Mascood bin  khaalid bin Thaabit  bin Ribciy bin Balama bin Jundal bin  Nahshal bin  Daaram bin Maalik bin  Zeyd bin Mannaah bin Tamiim.

Waxa kaloo uu dhalay Al Cabbaas Al Akbar, Cuthmaan, Jacfar Al Akbar iyo Cabdullaahi, dhammaan intan waxa lagu dilay goobta Karballaa iyagoo la socda walaalkood Xuseyn bin Cali, Hooyadooduna waa Umul Baniin bint Xazaam bin khaalid bin  Jacfar bin Rabiicah bin Al Waxiid bin Caamir bin Kacab bin Kilaab

Waxaa kaloo uu dhalay Cali  Maxamed Al Asqar, waxaana lala dilay Xuseyn, hooyadiisna waa umu Walad.

Sidoo kale waxuu Cali dhalay Yaxyaa iyo Cown hooyadooduna waa Asmaa bint Cumeys Al Khuthcumiyah.

Sidoo kale wuxuu dhalay Cumar Al Akbar iyo Ruqaya,  hooyadoodna waa Ummu Xabiib  Assahbaa bint Rabiicah bin  Bujeer bin  Cabdu bin Calqamah bin Al Xaaritha bin  Cutbah bin Sacad bin  Suheir bin Jusham bin Bakar bin Xabiib  bin Camr Ibnu Qanam  bin Taqlab bin Waa’il  oo kamid ah banuu Taqlab, waxaana soo qafaashay Khaalid bin Waliid dagaalkii Ceynu Tamar, saa waxaa saami loo siiyey Cali oo guursaday.

Sidoo Kale waxuu dhalay Cali bin Abii Daalib Maxamed Al Awsadh oo ay u dhashay Umaamah bint Abul Caas Bin Rabiica bin Cabdulcuza bin  Cabdshams bin Cabdumunaaf bin Qusay bin Kilaab. Gabadhani waxaa dhashay Zeynaba Bint Rasuulillaah.

Waana gabadhii uu aadka u jeclaa Nebiga (scw), waxaa dhici jirtay jeceylkuu Rasuulka (scw) jeclaa gabadhan Umaamah halkii uu gaarsiisanaa, heer isagoo salaadda kujira inuu kor uqaadi jiray, Waxaa Cali  kula dar-daarantay inuu Umaamah guursado Faadimah bint Rasuulillaah  (scw)  markay dhimata kadib.

Sidoo kale waxuu dhalay Cali bin Abii Daalib Umul Xasan iyo Ramlatul Kubraa, hooyadooduna waa  Umu Saciid bint Curwah bin Mascood bin Muctab bin Maalik Ath- Thaqafiyu oo reer Thaqiifa kamid ah. Waxaa kaloo uu dhalay Umu Haani, Meymunah iyo Zeynabatu Suqraa, Ramlatu Suqraa, Umu Kaltuum Suqraa, Faadimah  Umaamah, khadiijah, Umul Kiraam, Umu Salama, Umu jacfar, Jamaanah iyo Nafiisah. Dhammaan hablahan hooyooyinkoodi Mu’arakhiintu waxay yirahdeen:- Magacyadooda nalooma magacaabin. Isku soo duuboo awlaada Cali wiilashu waa 14,  halka gabdhuhuna ay yahiin 19 gabdhood.

Qaar Kamid Ah Fadliga Cali

Waxaynu ogsoonnay amaba aanu ka dhadhansan karnaa taariikhda Cali inuu ahaa saxaabi aad iyo aad u fadli badan, waxaynaan soo koobi karin, heerka iyo halka uu gaarsiisnaa fadliga Cali, waayo wuxuu fadliga Cali ahaa mid inbadan dheer saxaaba badan oo jiray waqtigii Nebiga (scw).  Waxaa dhab ah in ummadani uu ugu fadli badnaa Abii Bakar Sidiiq, marka laga soo tego Nebiga (scw), dabadiina Cumar, kadibna Cuthmaan, dabeetana Cali.

Haddaba waxaynaan soo koobi karin dhammaan fadaa’isha Cali, balse intuu Rabbi inooga qaddaro ayaanu ka dhawaajin doonnaa hadduu Alle idmo. Waxaa kamid ah Nebigu (scw) inuu yiri:-  Alloow! wali ka dhigo qofkii wali ka yeesho (Cali) oo la colleytan qofkii la colleytama.

Sidoo kale Nebigu (scw) wuxuu yiri:- Cali aniguu iga mid yahay aniguna asagaan kamid ahay.

Sidoo kale wuxuu yiri:- Adigu waxaad tahay walaalkeyga if iyo aakhiro.

Sidoo kale wuxuu yiri:- Qofkii dhibo Cali aniguu i dhibay.

Waxaa kaloo uu Nebigu (scw) yiri:- Waxaan berritoole u dhiibi doonaa raayadda qof ay Alle iyo Rasuulkiisu jecelyahiin, asaguna jecel Alle iyo Rasuulkiisa. (Markaasuu u dhiibay Cali bin Abii Daalib maalintii Khaybar).  Waxaa kaloo ka mid ah in Nebigu (scw) janno ugu bishaareeyay asagoo dunida guudkeeda uu fuulo.

Wuxuu kaloo Nebigu (scw) yiri:- Hooy! ina Abuu Daaliboow! ma waadan ku raalli noqon inaad ii joogto halkii uu Haaruun CS Muuse CS u joogay oo aanan ka ahayn inuuna Nebi iga dambeyn?

Sidoo kale wuxuu Nebi (scw) yiri:- Ruuxii Cali jeclaada, aniguu i jeclaaday, Qofkii aniga i jeclaadana Alle buu jeclaaday. Qofkii Cali u caroodana aniguu ii carooday, qofkii aniga ii caroodana Alle buu u carooday.

Sidoo kale wuxuu yiri:- Umaddeydu waxaa ugu ogaal badan xagga qaddaha iyo xukunka Cali.

Fadaa’isha Cali intani waa ay ka badan yahiin, laakiin waxaa jira aqwaal iska raqiis ah oo aan sal iyo raad toona lahayn oo ay Shiicada u sameeyaan ka badbadin, illaa ayba dembi iyo gafaf waa weyn ku dhaceen.  Waana halka ay ku nacladaan qaar badan oo kamid ah asxaabtii suusuubanayn. Calina wuxuu qiray in uu ummadani kii ugu fadli badnaa uu ahaa khaliifadii Rasuulka Alle (scw) ee Abuu Bakar, marka laga yimaada Nebiga (scw).

Cali Oo La Shaqeynaya Dowladdii Abuu Bakar

Ibnu Jariir siduu xusay Cali Waxuu la mubaayacooday Abuu Bakar Siddiiq laba goor, taasoo ah markii hore ee lala mubaayacoonayay Abuu Bakar oo uu xilka qabtay iyo markii ay dhimatay Faadimah bint Rasuulillaah kadib goor dhimashadii aabaheed (Muxammed (scw)) laga jooga lix bilood. Waxuu Abuu Bakar siiyey Cali laba dumar ah oo kamid ah dumarkii lagusoo qafaashay duulamadii uu Khalid bin Waliid ku qaaday dadkii diinta ka riddoobay,  sidaan horeba u soo xusnay.

Waxaa wax kama jiraan ah qowl ay shiicada yiraahdaan oo ah Cali inuusan la mubaayacoon Abuu Bakar Siddiiq ,arrintaasi waa iska hadal raqiis ah oo aan miisaaniyad iyo sixa tooni lahayn,  waayo waxaa soo aroortay in uu xuruubtii   ugu horeeysay  (dagaalada) ee uu Abuu Bakar ku qaaday murtaddiintii sida duullaamadii Dil xazaa iyo Dil Qassaa oo uu isla Abuu Bakar hoggaaminayay Cali ayaa ku dhegay daabbadii uu saarnaa Abuu Bakar oo yiri:- Khaliifkii Rasuulkoow!  ha bixin ee meeshaada  joog oo beddelkaada qof kala dir waayo, haddi lagu asiibo (oo lagu dilo) Muslimiintu way isku dhex yaacayaan.

Waxuu ahaa Cali saxaabiga ugu xukunka iyo qadaha aqoonsan saxaabada. Waxuu yiri Ibnu jariir:- Cali marka hore ee uu la mubaayacooday Abuu Bakar waa markii ladoortay marka labaadna waa markay dhimatay Faadimah kadib. waayo Cali waxuu ku mashqulsanaa xanuunkii Faadima haayay lixdii bilood ee ugu horeeyay Xukunkii Abuu Bakar Siddiiq.  Markii uu geeriyooday Abuu Bakar Siddiiq,  Cali baa inta usoo galay uduceyay oo misne  yiri:- Illaah nagama xarrimo ajarkaada.

Cali oo La Shaqeynaya Dowladdii Cumar

Cali wuxuu ahaa ninkii Abuu Bakar kula talinayay sida gaarka ah in xilka khilaafada uu u dardaarmo Cumar, sidaa daraaddeed isagoo Abuu Bakar la hadlaya ayaa hadalladiisii waxaa kamid ahaa:- Khaliifkii Rasuulka Alloow!! kuma raalli noqon cidaanan ahayn Cumar.

Haddaba markii uu geeriyooday Abii Bakar Siddiiq, oo khilaafadiina uu qabtay Cumar, wuxuu Cali ahaa mid kamid ah dadkii ugu horreeyay ee la mubaayacooday Cumar. Sidoo kale wuxuu Cali ahaa lataliyahii Cumar iyo mid kamid ah lixdii nin ee ahlu shuuraha ahaa ee uu latashan jiray Cumar bin Khadaab,  sidoo kale waxuu ahaa ninkii uu Cumar ugu tegi jiray masuuliyadda magaallada Madiina, markuu Cumar u baxaaya arrimo magaallada dibaddeeda ah. Waxuu oran jiray Cumar:- Ragga waxaa ugu xukun iyo qaddo wanaagsan Cali bin Abii Daalib.

Markii la dhaawacay Cumar ee uu hayay xanuunkii geerida, waxuu necbeystay inuu xilka uga tego qof kamid ah Muslimiinta oo markaas khalad yar intuu ka dhaco isaga loo qabsada dharaarta Qayaamaha. Sidaa daraaddeed  waxuu door biday inuusan amiir usamaynin Muslimiinta. Waxuuna oran jiray:- Haddii aan amiir sameeyo waxaa sameyay (aniga hortey) mid aniga iga kheyr badan  (yacni Abuu Bakar oo isaga amiir ahaan u doortay), haddiisa aan sameynin amiir waxaa (aniga hortey) aanan  sameynin amiir mid aniga iga kheyr badan (yacni Nebiga  (scw).

Cabdullaahi bin cumar waxuu yiri:- Goortaas baan garowsaday inuusan Cumar cidna kudoorsaneyn Nabiga (scw)  oo uunan magacabeynin amiir. Kadib Cumar waxuu soo saaray lix ahlu shuura ah oo ka mid ah tobankii jannada loogu bishaareyay intii ka nooleyd marka laga reebo Saciid bin Zeyd bin Camr bin Nufeyl Al Cadawi oo Cumar qaraabadiisa ahaa, waayo Cumar waxuu oran jiray:-

Reer Cumar arrimaha Muslimiinta halaga weydiiya maalinta Qiyaama nin qura (yacni aniga Cumar ah kaligey hala  iga weydiiya arrimahii Musliiminta oo madoonaya in qof ehelkeyga uu xil ka qabta). Sidaas darteed Cali wuxuu kamid ahaa lixdii nin ee ehlu shuuraha ahaa. Kuwaasoo kala ahaa

  1. Cabduraxmaan bin Cowf Az- Zuhri
  2. Zubeyr bin Al Cawaam Al Asdi
  3. Cali bin Abu Daalib Al Haashimi
  4. Sacad bin Abuu Waqaas Az- Zuhri,
  5. Dhalxa bin Cubeydillaah At Taymi iyo
  6. Cuthman bin Cafwaan  Al Umawi.

Si ay nin dhexdooda isaga dhex doortaan muddo saddex cisho ah kadib dhimashada Cumar. Ugu dambeyn Cumar waxuu u yeeray Abu Dalxa Al Ansaari oo uu amray in uu gurigiisa ku kulmiyo nimankaas oo uu lasocda Cabdullaah bin Cumar oo isagu goob joog kaliya ahaanaya oo aan talada waxba kulaheen.

Waxuu Cumar amray Abuu Dalxa Al Ansaari iyo Al Miqdaad  inay soo kaxeystaan 50 nin oo ay waardiyo ka qabtaan lixdaas nin oo haddii ay muddo 3 casha gudahood nin kudooran waayaan uu lixdaba kurka ka jaro. Muddo kadib waxaa la doortay  Cuthmaan.

Waxuuse yiri Cumar:- Markay ka baxayeen Allaylahe! haddi ay doortaan Cali Jidka toosan ayuu ku hanuunin.  Saa waxa la joogay wiilkiisii Cabdullaahi  oo yiri:- Oo amiirkii Muminintow! maxaa kuu diidaya inaad Cali magacawdo? Waxuu yiri Cumar:- Waxaan diidayaa in masuuliyadaas ay dusheyda ahaato markaan dhinto kadib.

Cali oo La Shaqeynaya Dowladdii Cuthmaan

Markii ladoortay Cuthman bin Cafaan, Cali waxuu kamid ahaa dadkii ugu horeyay ee la mubaayacooday waxuuna kamid ahaa dadkii uu Cuthman la tashan jiray oo uu kala tashan jiray arrimaha dagaalka iyo howlaha kalee dowladda.

Waxaa uu Cali had iyo goor usoo jeeday garab istaaga amiirka  Mu’miniinta oo uu mar walba ag fadhin jiray lana waday howlaha,  in uu dan ama howla gaar kumaqan yahay mooyaan. Markii ladilayay Cuthman waxuu Cali kamid ahaa dadkii ugu dambeyay ee usoo galayay intii xisaarka lagu hayay, bal e waxuuba ahaa ninkii ugu dambeyay ee biyo uu caba u keenay Cuthmaan markii xisaarka ay ku sameeyeen  kuwii soo weeraray.

Waliba Cali goortaasi waxuu u soo diray difaacidda amiirka Mu’miniinta wiilashiisii oo uu kusoo daray 700 oo kamid ah dhalanyartii saxaabada. Waxaa  wiilashaasi kamid ahaa Xasan iyo Xuseen,  Maxamed bin Dalxa bin Cubeydillaah, Cabdullaah bin Cumar bin Al Khaddaab iyo Cabdullaahi bin Zubayr iyo kuwa kale.  Wuxuu Cali usoo diray wiilashaasi si ay u ilaaliyan Cuthmaan oo uga difaacaan nimanka fidna wadayaasha.  waxana hogaaminayay dhalinyartaas Cabdullaahi bin Zubayr.

Sannaddaas waxuu Cuthman amaray inuu Cabdullaahi bin Cabaas dadka xajka u kaxeeyo,  wuuse ka cududaartay Cabdullaahi bin Cabbaas, wuxuuna ka dalbaday inuu ka qeyb qaato difaacidda amiirka Mu’miniinta,  balse Cuthman baa ku adkeyay inuu baxo.  Markii Cuthman la dilay Cali wuu ka fogaaday  inuu qabta xilkan, balse waxaa ku qasbay Muslimiintii reer Madiina, markaasuu  sidaas kuqabtay.

Khilaafadii Cali Bin Abii Daalib 

Shan ama afar casho ayay magaalladii Madiina masuul ka ahaayeen fidna wadayaashii dilay Cuthmaan, oo uu madax u ahaa Qaafiqi bin Xarbi kadib dilkii Cuthmaan, asaga ayaana salaadda tujinayay, in kastoo mararka qaar ay haddana Cali hor marin jireen, oo  ay ka dalbanayeen inuu tujiyo. Intaasi raggii fidna wadayaasha ahaa waxay raadinayeen ciday u dhiibaan xilka.

Fidna wadayaashii ka yimid Masar, waxay doonayeen in xilka ay u dhiibaan Cali, kuwii Kuufa ka yimidna waxay doonayeen in xilka khilaafada loo dhiiba Zubayr bin Al Cawaam, halka kuwa Basra ka yimidna ay rabeen in loo dhiibo Dhalxa bin Cubeydullaah.  Kuwii Masar ka yimid baa markaa waxay u tegeen Cali, saa wuu ku gacan seyray. Kuwii Basra kayimidayna waxay dooneen Dhalxa, saa wuu diiday, kuwii Kuufiyiintuna Zubeyr bay raadiyeen oo way soo waayeen. Markaas bay yiraahdeen:- Saddexdani midna uma dhiibeyno.

Dabadeed waxay aadeen Sacad bin Abii Waqaas oo ay ka dalbadeen inuu xilka qabto, ayagoo ku oranaya:- Waxaad kamid tahay ahlu shuuraha. Balse iasaguna wuu ka diiday, oo ku gacan seyray. Dabeeto, waxay u tegeen Cabdullaahi bin Cumar bin Khaddaab oo ay u bandhigeen inuu qabto, saa kamuuna yeelin. Arrintii waxay kunoqotay afkii baa juuqda gabay, yaab iyo amakaag badanna waa ay ku reebtay, waayo haddii ay dileen Cuthmaan oo ay goballadii ku laabtaan iyagoonan wax khaliif ah sameynin, xaalladu waxay noqon doontaa dhib iyo qalalaaso, hadafkoogii horena sidaa inuu ahaa ayunbaa loo wada arki doonaa, markaasina ayaga uun baa la ugaarsan doonaa.

Talo baa ku caddaatay nimankii fidna wadayaasha ahaa.  Waxay falaanna way garan waayeen. Markaasi bay ku gooddiyeen inay layn doonaan dhammaan nimankii ahlu shuurada ahaa haddii aanay aqbalin arrinkan, sidoo kale reer Madiinana inay layn doonaan ayay ku goodiyeen. Markaas baa reer Madiina ay Cali ka dalbadeen inuu xilka qabto.

Dabadeed raggii fidna wadayaasha ahaa waxay aadeen dhankii Cali, oo markaa ka hor ka galay beer kutiillay magaallada Madiina. Kadibna Ashtar An- Nukhaci ayaa gacantiisa qaaday oo la mubaayacooday dadkiina la mubaayacoodeen.  Reer Kuufa waxay sheegan jireen in qofkii ugu horreeyay ee Cali lamubaayacooda uu ahaa Ashtar An- Nukhaci.

Ammintu waxay ahayd sida uu Sayf bin Cumar xusay maalin Khamiis ah 24-kii bisha Dul Xajjah ee sanadkii 35aad ee Hijriga.  Markii Jumcahii la gaaray oo ahaa maalintii xigtay maalinta Cali uu Ashtar la mubaayacooday buu mimbarka fuulay, oo dhammaan dadkii la mubaayacoodeen. Waxaa ugu horreeyay ee la mubaayacooday Dhalxa bin Cubeydillaah, dabeetana Zubayr baa yimid oo la mubaayacooday. Dabeeta reer Madiina oo idil baa la mubaayacooday.

Al Waaqidi wuxuu xusay in Ansaartii Madiina oo idil ay la mubaayacoodeen Cali, in yaroo inta Cali lala mubaayacoon Shaam u baxsatay mooyaane.  Werinnada qaar waxay sheegaan, in raggani Ansaarta ahi aanay Cali lamubaayacoon Xassaan bin Thaabit, Kacab bin Maalik, Maslama bin Mukhlid, Abuu Saciid Al Khudri, Maxamed bin Maslama, Nucmaan bin Bashiir, Zayd bin Thaabit, Raafic bin Khadiij, Fudaalah bin Cubayd iyo Kacab bin Cujrah, wallaahu aclam.

Markii uu Cuthmaan geeriyooday, masuuliyiintiisii goballadu waxay ahaayeen sidan:

  1. Kuufa waxaa salaad tujinta u xil saarnaa Abii Muusal Ashcari, dhanka howlaha dagaalkana Al qacqaac bin Camr.
  2. Basra waxaa masuul ka ahaa Cabdullaahi bin Caamir.
  3. Masar waxaa masuul ka ahaa Cabdullaahi bin Sacad bin Abii Sarax, balse Maxamed bin Abii Xudeyfa ayaa kaga adkaaday gacan kuheynteeda.
  4. Guud ahaan Shaam waxaa masuul ka ahaa Mucaawiyah bin Abii Sufyaan.
  5. Ximis waxaa masuul ka ahaa C/Raxmaan bin Khaalid bin Waliid.
  6. Qinnasriin waxaa masuul ka ahaa Xabiib bin Maslamah
  7. Urdun waxaa masuul ka ahaa Abul Acwar Al Sulami.
  8. Falastin waxaa masuul ka ahaa Xakiim bin Calqamah.
  9. Aderbiijaan waxaa masuul ka ahaa Ashcath bin Qeys Al Kindi.
  10. Qirqiisiyaa waxaa masuul ka ahaa Jariir bin Cabdillaahi Al Bujali.
  11. Xulwaan waxaa masuul ka ahaa Cutaybah bin Nihaas .
  12. Qeysaariyah waxaa masuul ka ahaa Maalik bin Xabiib.
  13. Hamdaan waxaa masuul ka ahaa Xubaysh bin Nasiir.
  14. Yeman waxaa masuul ka ahaa Yaclaa bin Umayah.

Qaadiga magaallada Madiina wuxuu ahaa Zayd bin Thaabit, beytul maalkeedana waxaa masuul ka ahaa Cuqbah bin Camr- Abii Mascuud.

Markii Cuthmaan la dilay, Nucmaan bin Bashiir baa wuxuu qaaday khamiiskii Cuthmaan lagu dilay oo ay ku dhegan yahiin farahii xaaska Cuthmaan ee Naa’ilah bint Faraafizah, wuxuuna la galay Shaam.  Markii khamiiska Mucaawiyah loo geeyey wuxuu dul suray mimbarka si ay dadka oo dhami u arkaan, dadkiina wuxuu ku  booriyey in la raadiyo dhiigga Cuthmaan oo la laayo wixii ka dambeeyey dilkiisa.

Reer Dimashiq hareerahii mimbarka ayay ku dul ooynayeen iyagoo marna khamiiska kor uqaadaya marna hoos u dhigaya, waxayna isku dhaarsadeen inay laayaan wixii ka dambeeyey dilkii amiirkii Mu’miniinta ee Cuthmaan bin Cafaan.

Muddo sanad ah ayay ku hoos barooranayeen khamiiska oo ay isku boorinayeen inaanan loo fadhiisan ee la raadiyo dhiigga Cuthmaan. Wuxuuna reer Shaam iyo guud ahaan Muslimiintii oo idilba sanadkani u ahaa sanad madow, rag badan baana ka fogaaday haweenkooda oo u murugeysnaa dilkii Cuthmaan.

Qaar kamid ah saxaabadii qiimaha badneyd ee ku sugnayd Shaam, ayaa ugu cadcaddaa dadkii ku boorinayay reer Shaam in dhiigga Cuthmaan la raadiyo, waxayna raggaasi saxaabada ahi kala ahaayeen Cubaadah bin Saamit, Abuu Dardaa Al Ansaari, Abuu Umaamah, Camr bin Canbasah, iyo qeyrkooda. Sidoo kale rag aanan saxaaba ahayn oo raggii suusuubbanaa ee taabicinta ahaa kamid ah baa iyana kamid ahaa dadkii sida aadka ugu boorinayay reer Shaam in la raadiyo dhiiggii Cuthmaan, waxaana raggaasi ka mid ahaa Shariik bin Xabbaasha, Abuu Muslim Al Khowlaani iyo C/Raxmaan bin Qanam iyo qeyrkooda.

Dhanka kale markii Cali lala mubaayacooday, oo baycadii Madiina dhammaatay, bay madaxdii saxaabada sida Zubayr iyo Dhalxa u soo galeen Cali oo ka dalbadeen in nimankii dilay Cali ee fidna wadayaasha ahaa uu xadka ka oofiyo. Saa Calina wuu ka cududaartay, wuxuuna u sheegay in waqti xaadirkani aanay arrintaasi suuro gal ahayn, waayo dowladdiisii baanan si qummaati ah u istaagin, goballadiina si saani ah umaanay wada hoggaansamin, raggan fidna wadayaasha ahina, waxay haysteen gurmadyo ku kala sugan goballada oo ayaga la fikrad ahaa. Sidaa daraaddeed buu Cali u sheegay Dhalxa iyo Zubayr inaanay immikadaasi habbooneyn suuro galna ahayn in xadka laga oofiya raggii fidna wadayaasha ahaa.

Markaas buu Zubayr ka dalbaday Cali inuu u dhiibo masuuliyadda Kuufa, si uu ciidama culus ugu soo diro, sidoo kale Dhalxana, wuxuu ka dalbaday in asagana uu u dhiibo masuuliyadda Basra si uu ciidamo culus ugu soo diro, dabeetana la boqno jaro fidna wadayaashii dilay Cuthmaan iyo wixii ka dambeeyay dilkiisuba. Calina wuxuu ka dalbaday inay u ogolaadaan inuu ka soo fiirsada arrinkaasi. Waxaa kaloo la sheegaa inuu ka diiday oo uu ka codsaday inay asaga la joogaan si ay howlaha ula wadaan.

Sidoo kale waxaa la sheegaa in Cali uu daliishaday xadiis uu Rasuulku (scw) ku tilmaamayay in qofkii xukum ama masuuliyad weydiista inaanan la siin. Isku soo duubo Cali umuuna dhiibin labadaasi saxaabi goballadii ay ka dalbadeen. Dabeeto Dhalxa iyo Zubayrba waxay Cali ka dalbadeen inuu u idmo inay aadaan Makka, saa wuu u idmay.

Muqiirah bin Shucbah baa u soo galay Cali oo ku yiri:- Waxaan arkaa inaadan masuuliyiintaada goballada aadan baddalin, markii ay kuu wada hoggaansamaan baddal kaad doonto oo daa markaasi midka aad rabto.

Cali wuxuu ahaa nin go’aan adag leh, wuxuuna isagu markaasi damacsanaa in masuuliyiinta goballada oo idil uu baddelo si uu dowlad cusub u aasaaso. Fikirkiisii ayuuna laasimay oo uu ku adkeystay. Maalintii xigtay ayuu Muqiirah mar kale usoo galay Cali oo ku yiri:- Waxaan arkaa inaad casisho (dhammaan masuuliyiinta goballada) si aad u ogaato midka ku adeecaya iyo kan ku caasiyaya.

Cali wuxuu arrintaasi uga warramay Cabdullaahi bin Cabbaas, saa wuxuu Cabdullaahi ku jawaabay:- Shalay wuu kuu naseexeeyay, maantana wuu ku qashqashay.

Markuu Muqiirah maqlay ta’wiilkii Ibnu Cabbaas, baa wuxuu yiri:- Haaheey! waan u naseexeeyay oo markiina uu iga yeeli waayay, baan qashqashay.   Dabadeed Muqiirah wuu baxay oo wuxuu aaday magaalladii Makka, halkaasoo uu kula kulmay Dhalxa iyo Zubayr iyo jamaaco kale.  Dabadeed Cabdullaahi bin Cabbaas ayaa Cali kula taliyey in masuuliyiinta goballada uuna baddalin oo uu sidooda ku daayo, haddii uu baddalayana, wuxuu ka dalbaday in Mucaawiyah uuna baddalin.

Cali wuxuu usheegay inuuna asagu fikirkaasi qabin, wuxuuna ku yiri:- Orodoo aad Shaam, adigaan kuu wakiishaye. Cabdullaahi bin Cabbaas arrintaasi wuu ka cududaartay, wuxuuna ku adkeeyey inuuna Cali casilin masuuliyiinta goballada, balse Cali fikir aanan kaas  ahayn buu qabay.

Sanadkaasi 35aad ee Hijriga, ayuu boqor Qusdandiin iyo ciidama culus oo uu wato soo weeraray dhulkii Muslimiinta ee galbeedka Shaam, wuxuuna watay 1000 markab oo ciidamo ah. Illaahay baa inta dabbeyl duufaan ah usoo diray halligay dhamman ciidamadiisii, waxaana ka badbaaday boqorkii iyo in yaroo fara ku tiris ah.

Sanadkii |36aad

Muddo yar ka dib baycadii Cali waxa la galay sanadkii 36aad ee Hijriga. Wuxuuna Cali sanadkan casilay qaar kamid ah masuuliyiintii goballada, una magacaabay masuuliyiin cusub. Yeman wuxuu madaxa uga dhigay Cabdullaahi bin Cabbaas, Basra wuxuu madaxa uga dhigay Samurah bin Jundub (ama Cuthmaan bin Xaniifa), Kuufana wuxuu u dhiibay Cammaarah bin Shihaab, Masarna wuxuu madaxa uga dhigay Qeys bin Sacad. Shaam oo idilna wuxuu madax uga dhigay saxaabigii Jaliilka ahaa ee Sahal bin Xaniifah, asagoo kubaddalaya Mucaawiyah oo muddo halkaasi masuul ka ahaa, reer Shaamna ay aad u barteen.

Sahal wuxuu aaday dhankii Shaam si uu xilkiisa u guto, markiina uu maraya Tabuuk ayay ka hor yimideen ciidama dhanka Mucaawiyah kasocda oo dib usoo celiyey. Saa magaalladii Madiina ayuu dib ugu laabtay.

Qeys bin Sacad wuxuu asaguna aaday Masar, markiina uu galay, wuxuu kala wareegay Maxamed bin Abii Xudeyfa, saa intii badneyd dadkii Masar, waa ay la mubaayacoodeen in yar mooyaane oo diidday in ay lamubaayacoodaan, in marka hore xadka laga oofiyo raggii Cuthmaan dilay mooyaane. Kuwaasuna cidi waxba uma aanay dhimeyn. Sidaa buu Qeys ku istiqraariyey dhulkii Masar oo Calina baycadii uga soo qaaday.

Ammaa Cammaarah bin Shihaab, wuxuu aaday dhankii Kuufa oo ah halkii loo diray, markiina uu ku dhawyahay ayaa waxaa ka hor yimid Dhalxa bin Khuweylid oo dib usoo celiyey. Abuu Muusa Al Ashcari ayaa reer Kuufa inta u khudbeyey ka dalbaday inay u hoggaansamaan Cali oo ay la mubaayacoodaan, saa way la mubaayacoodeen oo u hoggaansameen, in yar mooyaane. Markaas buu Abuu Muusa reer Kuufa ka qaaday baycadii oo warqad u diray dhankii Cali asagoo ogeysiinaya inay u hoggaansameen daacadda oo ay la mubaayacoodeen.

Amiirkii Mu’miniinta ee Cali bin Abii Daalib, warqado ayuu si joogta ah isaga daba dirayay oo uu u dirayay dhanka Mucaawiyah, balse wax kajawaab ah kamuuna helin. Teer iyo markii la doortay illaa  bishii saddexaad ee sanadkan ayuu warqado u dirayay oo uu wax war ah iyo jawaabna tooni ka la’aa.

Goballadii oo idil ayaa u hoggaansamay Cali marka laga reebo Shaam oo Mucaawiya uu diiday inuu masuulkii uu Cali soo magacaabay kuwareejiyo masuuliyadda Shaam, sidoo kalena diiday inuu la mubaayacooda, intaasina waxaa laga la’aa wax jawaab ah warqadihii uu qorayay amiirkii Mu’miniinta.  Teeda kale waxaynu soo xusnay murugadii fuushay sanadkii tegay Muslimiinta, kadib markii la dilay Cuthmaan bin Cafaan, waxaana soo xusnay in reer Shaam ay har iyo habeenba ay ku hoos barooranayeen mimbarka uu dul surnaa khamiiskii Cuthmaan bin Cafaan.

Cali markuu wax jawaab ah  ka la’yahay  buu go’aansaday in Shaamna uu kusoo dabbakha daacadda iyo midnimada, wuxuu go’aansaday inuu aado dhanka Shaam isagoo wato ciidama culus. Wuxuu warqad u diray Qeys bin Sacad oo ahaa masuulkii Masar, asagoo ka dalbanaya inuu ciidama usoo diro. Sidoo kale  Abii Muusa Al Ashcari oo uu Kuufa kaga raalli noqday kadib markii ay reer Kuufa dalbadeen inaanan laga baddalin ayuu asagana warqad u qortay asagoo ka dalbanaya inuu ciidamo usoo diro.

Cali bin Abii Daalib wuxuu sameeyey diyaar garowgii ugu dambeeyey asagoo doonaya inuu Shaam aado oo la dagaallama ciddii ku caasida, dabeeta wuxuu ka dhaqaaqay magaalladii Madiina, asagoo magaalladiina ku dhaafay Quthum bin Al Cabbaas masuul ahaan. Kadib waxaa la kulmay wiilkiisii Xassan oo ka dalbaday aabahiis inuuna bixin oo uusan aadin dhanka Shaam, balse Cali muuna yeelin taladaasi, wuxuuna go’aansaday inuu soo edbiyo reer Shaam oo muddo uu ka la’aa wax jawaab ah, xaalkooduna dhan usoo tuuro.

Wuxuu dhisay ciidamadiisii, asagoo calanka u dhiibay wiilkiisa Maxamed Ibnu Xanafiyah, Cabdullaahi bin Cabbaasna wuxuu madax uga dhigay ciidamada midigta, Cumar bin Abii Salamana wuxuu u dhiibay kuwa bidixda, waxaa kaloo la yiraahdaa:- Ciidamada bidixda wuxuu madax uga dhigay Camr, bin Sufyaan bin Cabdil-asad,  ciidamada hore wuxuu madax uga dhigay Abii Leylaa bin Camr bin Cabdillaahi bin Jarraax (oo uu dhalay Abuu Cubeydah Caamir bin Cabdullaahi bin Jarraax walaalkiis).

Dabeetana wuu dhaqaaqay oo uu ka baxay magaalladii Madiina, asagoo ku jiheysan dhanka Shaam. Cabdullaahi bin Salaam ayaa daabbadii uu fuulay Cali hoggaankeeda qabtay oo kula taliyay inuusan bixin, wuxuuna usheegay haddii uu Madiina ka baxa inay khilaafa dambe dib ugu soo laabaneyn. Cali wuxuu ku adkeystay ra’yigiisii ahaa inuu baxo oo aado dhanka Shaam, si uu xaalkooda dhan ugu tuuro, oo ay u hoggaansamaan. Dabeetana wuu sagootiyey wuuna ka haray Cabdullaahi bin Salaam Illaahay haka raalli noqdee. Sidaa ayuu Cali ku abbaaray dhankii Shaam.

Dhacdadii Jamal

Tani waxay ahayd xaallad Rabbaani ah oo Ilaahay qaddaray. Sababtuna waxay ahayd, markii uu dhacay dilkii Cuthmaan baa dad badan oo kamid ah reer Madiina ay u baxeen Makka. Sanadkaasi asaga ahi hooyooyinkii Mu’miniinta (waa dumarkii Rasuulkee (scw)) waxay u baxeen Xajka ayagoo ka cararaya fitantii ka dhacday magaallada Madiina. Markii ay howlahoodii Xajka ahaa guteenna waxay ku sii nagaadeen Makka, ayagoo waaga ka war dhowraya, oo fiirinaya waxa ay dadku falaan.

Markii Cali lala mubaayacooday, baa qaar kamid ah sanaaddiidii saxaabadu ay ku taliyeen in uu xadkii ka oofiyo raggii ka qeyb qaatay dilkii Cuthmaan iyo kuwii ka dambeyeyba, Calise wuxuu ku cududaartay in xaaladda lagu jira darteeda aysan munaasib ahayn in xilligaasi uu xadkii ka oofiyo, wuxuuna cuskaday in raggaasi ay gurmad iyo ciidama leeyahiin, oo ayba ka feejagan yahiin in ummadda Muslimiintu dhan isu raacdo.

Cali wuxuu doonayay in marka hore goballadu hoggaansamaan, dowladdiisuna si saani ah uga caga dhigato oo ay shaqeyso, intaa dabadeedna uu markaa xadka ka oofiyo wixii dilay Cuthmaan iyo kuwii ka dambeeyayba. Sidaa daraaddeed bay dad badan oo reer Madiinah ah aadeen dhanka magaallada Makka ayagoo ra’yigaasi Cali kaga soo horjeeda.

Cali markii uu go’aansaday inuu aado Shaam sidaynu soo xusnay, baa wuxuu la hadlay reer Madiina, oo uu ka dalbaday inay raacaan, iyana badankoodii ma aanay yeelin. Dabeeto wuxuu u tegay Cabdillaahi bin Cumar oo uu ka dalbaday inuu raaco.  Cabdullaahise wuxuu ku jawaabay:- Anigu waxaan ahayn nin kamid ah reer Madiina, haddii ay ku raacaan, aniguna waan ku raaci, anigoo ku maqlaya oo ku adeecsan. Balse sanadkani ma doonaya inaan dagaal u baxo (waayo waa xilli fitan).

Dabeeto Cabdillaahi bin Cumar, wuu diyaar garoobay, wuxuuna aaday magaalladii Makka, halkaasi sanadkaas waxaa isugu tegay wujuuhdii Muslimiinta iyo sanaaddiidii saxaabada oo ay kamid ahaayeen, Dhalxa bin Cubeydillaah, Zubayr bin Al Cawaam, Cabdullaahi bin Cumar, Cabdullaahi bin Zubeyr, Caa’isha, iyo hooyooyinkii Mu’miniinta, iyo qaar kaloo badan.  Sidoo kale waxaa Makka markaasi tegay Yaclaa bin Umayah, oo ahaa masuulkii Cuthmaan u joogay Yeman, wuxuuna watay 600 oo awr iyo 600 000 oo Dirham. Sidoo kale waxaa yimid Cabdullaahi bin Caamir oo isaguna ahaa masuulkii Cuthmaan u joogay Basra oo uu Cali ka casilay.

Ayadoy xaalladu sidaasi tahay bay hooyadii Mu’miniinta ee Caa’isha dadkii ka dhex istaagay oo ku booriday in la raadiyo dhiiggii Cuthmaan, oo la laayo wixii dilay iyo kuwii ka dambeeyayba, waayo waxay ku dileen dhulkii xurmeysnaa, iyagoo dilay bil kamid ah bilahii xurmeysnaa. Bulshadii reer Makka aad bay ugu riyaaqeen hadalkii Caa’isha, waayo maskaxdoodii ayay waxyeello ku reebtay dilkii Cuthmaan. Wax kale maanay dooneyn hooyadii Mu’miniinta aanan ka ahayn wanaag iyo sama katalis Illaahay haka raalli noqdee.

Waa afadii Rasuulka Alle (scw) ee if iyo aakhiro.  Waxaa laga wada hadlay halkii marka hore laga billaabi lahaa oo laqaban lahaa. Qaar baa waxay ku taliyeen in la aado Shaam, haddana waxay yiraahdeen:- Mucaawiyah baa nooga filan.  Qaar kale waxay soo jeediyeen in la aado Madiina oo Cali la weydiisto inuu usoo gacan geliyo wixii Madiina kusugan ee ka qeyb qaatay dilkii Cuthmaan dabeetana ay laayaan. Fikraddaasi waxaa qabay Cabdillaahi bin Cumar oo isagu soo jeediyey in xaalladu aanay noqon fowda iyo dhib, wuxuuna amray in la aado dhanka Cali.

Qaar kale waxay soo jeediyeen in la aado Basra, oo halkaasi lagu laayo wixii laga helo kuwii ka dambeeyay dilkii Cuthmaan dabeetana Kuufa iyo Shaam looga sii gudbo. Fikirkaasi dambe ayay qaateen oo la isku raacay.

Dabeetana waxaa la diyaariyey ciidamadii. Waxaa si mug weyn uga qayb qaatay diyaarinta ciidamadaasi Yaclaa bin Umayah oo isagu ku bixiyey 600 oo awr iyo 600 000 Dirham. Sidoo kale Cabdullaahi bin Caamir ayaa isaguna ka qeyb qaatay diyaarinta ciidankaasi, oo bixiyey maal aad u tiro badan.

Markii go’aankaasi dambe la isku raacay baa dhammaan hooyooyinkii Mu’miniinta waxay isku raaceen inay iyagu ka haraan safarkaasi,  Caa’isha mooyaane, waxayna iyagu qabeen fikirkii Ibnu Cumar mid lamid ah, waxayna yiraahdeen:- Aadi mahayno meelaanan Madiina ahayn.   Xafsa bint Cumar oo kamid ahayd hooyooyinkii Mu’miniinta ayaa damacday inay baxdo, waxayna ku waafaqday ra’yigii Caa’isha, balse walaalkeed Cabdillaahi bin Cumar ayaa taa ka reebay, oo ka celiyey.

Caa’isha waxay saarneed awr la oran jiray Caskar oo huudaj loogu dul sameeyay. Waxaana awrkaasi soo iibiyey Yaclaa bin Umaya, oo ka soo siiyey nin reer Cureyni ah 200 oo Diinaar, waxaa kaloo la la sheegaa inuu kasoo siistay 800 oo Diinaar.

Ciidamadaasi waxay noqdeen 1000 fardooley ah ama 900 fardooley ah. Waxay ka baxeen magaalladii Makka, hooyooyinkii Mu’miniintuna waa ay raaceen si ay u sagootiyaan Caa’isha. Markii ay gaareen Daatu Cirqin ayay isasagootiyeen, oo isku ooyeen, saa dadkii oo idil wada ooyeen. Waxaana maalintaasi loo bixiyey- Yowmu Naxiib. Intaa dabadeed  waxay  hooyooyinkii Mu’miniinta oo idil marka laga reebo Caa’isha aadeen dhankii Madiina. Sidoo kale Ibnu Cumarna wuxuu aaday Madiina.

Ciidamadii way dhaqaaqeen, waxayna aadeen dhankii Basra. Intii ay dhexda sii socdeen ayay noqdeen 3000,  salaaddana waxaa tujinyay Cabdullaahi bin Zubayr oo ay dhashay Caa’isha walaasheed Asmaa bint Abii Bakar, Caa’isha ayaana amartay, aadaanka waqtiyada salaadduna waxaa addimyay Marwaan bin Xakam. Goor habeen ah oo ay marayaan meel biyo ah oo la yiraahda Xaw’ab ayay eydii meeshaasi joogtay ku ciyday. Markaasay Caa’isha weydiisay:- Magaceed meeshani? Waxaa lagu yiri:- Waa Xaw’ab.

Markaasay gacanteeda gacanta kale ku dul dhufatay oo tiri:- Innaa lillaah wa innaa ileyhi raajicuun. ma u maleynayo waxaanan ahayn inaan laabto. Waxaa la weydiiyey:- Oo sabab? Waxay ku jawaabtay:- Waxaan maqlay Rasuulka Alle (scw) oo dumarkiisa ku oranaya:- Shallaytadeydee waa tuma middiina ay eyda Xaw’ab ku ciyi doonto?  Kadib awkii bay fadhiisisay, oo ay tiri:- I celiya!! celiya!! waa aniga wallaahay midda ay ku ciyday eyda Xaw’ab.

Cabdullaahi bin Zubayr ayaa ku yiri:- Qofkii kugu yiri:- Meeshani waa Xaw’ab been buu kuu sheegay.  Dabeeto waxaa la maqlay dhawaqa dad oranaya:- Bad baado bad baado!!, waa kuwan Cali iyo ciidamadiisa. Dabeeta ciidamadii Caa’isha ay hor kacaysay waxay u weecdeen dhankii Basra.  Markii ay magaalladii Basra u dhawaadeen ayay Caa’isha warqad u qortay Axnaf bin Qeys iyo madaxdii magaalladaasi kusugnayd iyadoo ku war gelineyso inay timid.

Cuthmaan bin Xaniifah oo markaasi oday saxaabi ahaa oo masuul ka ahaa magaalladaasi, ayaa wuxuu soo diray Cimraan bin Xuseen iyo Abul Aswad Al Du’ali, si bal ay usoo ogaadaan waxa ay u yimideen Caa’isha iyo Dhalxa iyo Zubayr.

Markaasay u tegeen hooyadii Mu’miniinta ee Caa’isha oo ay  marka hore salaameen, dabeetana weydiiyeen waxa ay u timid. Saa waxay usheegtay, wixii ay u timid oo ah raadinta iyo u istaagidda dhiiggii Cuthmaan, oo la dilay asagoo la dulmiyey, ladilayna bishii xurmeysneed iyadoo lagu dilay baladkii xurmeysnaa. Waxay akhriday qowlka Alle kor ahaaye

”Kheyr malahan in badanoo faqooda ah, marka laga reebo qof amraya saddaqo, ama wanaag ama wanaajin dadka dhexdooda, qofkii sidaa u fala doonid raalli ahaanshaha Alle, waxaanu siin doonnaa ajar weyn” [Surat Al-Nisaa, 114]

Markaasay ka ag dhaqaaqeen labadii nin oo waxay u tegeen Dhalxa,, oo ay weydiiyeen waxa uu u yimid? Wuxuuna usheegay, inuu u yimid raadinta dhiigga Cuthmaan. Waxay weydiiyeen:- Ma waadan la mubaayacoon Cali? Wuxuu ku jawaabay:- Haa oo seef baa qoorta ii saarneed (macnaha qasab bay igu ahayd).  Markaasay ka tegeen oo u tegeen Zubayr bin Al Cawaam oo ay weydiiyeen wixii ay Dhalxa weydiiyeen oo kale, asagiina sidii Dhalxa oo kale ayuu ugu jawaabay.

Dabeeta labadii ergo way laabteen oo u tegeen Cuthmaan bin Xaniifa, oo uga warrameen wixii ay kala soo kulmeen Caa’isha iyo Dhalxa iyo Zubayr. Markaas buu Cuthmaan yiri :- Innaa lillaah wa innaa ileyhi raajicuun, way wareegtay rixadii Islamka Rabbiga Kacabadaan ku dhaartaye.

Wuxuu dabeeto Cuthmaan la hadlay Cimraan bin Xuseen oo uu ka dalbaday inuu la taliyo. Wuxuuna Cimraan ku yiri:- Isaga fogoow (fidnadan  oo gurigaaga fadhiiso)  aniguna gurigeyga ayaan fadhiisane.   Cuthmaan wuxuu yiri:- Mayee waan ka celin  (magaallada) jeer uu yimaada amiirkii Mu’miniinta.  Dabeetana dadkii magaallada ayuu amray inay hubkooda soo xidhaan, oo masjidka heegan ku noqdaan. Iyagiina sidii bay faleen. Markaas buu Cuthmaan inta mimbarka fuulay u khudbeeyay.

Asagoo khudbeynayo ayuu nin kamid ah reer Basra istaagay, waxaana ninkaasi la oran jiray Qeys bin Caqadiyah Al Xumeysi, wuxuuna yiri:- Haddii ay qowmkani u yimideen cabsi darteeda, dhab ahaan waxay ka yimaadeen dhul ay shimbiruhu ku nabad helaan. Haddiina ay u yimideen inay doonayaan dhiiggii Cuthmaan haddee annagu maynaan dilin, ee i adeeca oo ku celiya halkii ay ka yimideen.

Kadib waxaa istaagay Al Aswad bin Sariic As- Sacdi, oo yiri:- Waxay u yimideen inaanu ugu gargaarno kuwii dilay Cuthmaan ee inaga midka ahi iyo kuwaan naga mid ahaynba. Markaa bay koox dhan u jawaabeen oo meeshii buuq iyo sawaxan ka dhacay. Markaas buu ogaaday Cuthmaan bin Xaniifa in raggii Curhmaan dilay ay Basra wax ka joogaan kuna leeyahiin gargaar, markaa buu arrintaasi  karhay oo iska aamusay.

Hooyadii Mu’miniinta iyo ciidamadeedii horey bay u soo dhaqaaqeen oo waxay soo degeen Marbad. Reer Basra wixii doonayay inay u tagaan oo maceeda noqdaanna way u tegeen.  Cuthmaan bin Xaniifana magaalladii Basra ayuu ka soo baxay asaga iyo ciidamadiisii, waxayna labada qola ku kulmeen Marbad. Markaas buu Dhalxa oo hoggaaminayay ciidamada midigta ee Caa’isha hadlay oo dadkiisii ku booriyey in la raadiyo dhiiggii Cuthmaan.

Dabeetana Zubayr baa ka daba istaagay oo sidii oo kale ku booriyey dadka in loo istaaga raadintii dhiigga Cuthmaan bin Cafaan, saa waxaa  u jawaabay qaar kamid ah ciidamadii Cuthmaan bin Xaniifa, oo hadallo kulul kula hadlay, dabeetana way is dhagaxyeeyeen labada qolo, oo markii dambana kala leexdeen. Koox kamid ah ciidamadii Cuthmaan bin Xaniifa ayaa ku biiray ciidamadii Caa’isha, markaasay iyana bateen.

Xaaritha bin Qudaamah As Sacdi ayaa inta u tegay hooyadii Mu’miniinta ee Caa’isha ku yiri:- Hooyadii Mu’miniintaay!! Illaahay baan ku dhaartaye dilka Cuthmaan baa ka fudud inaad gurigaaga kaga soo baxdo awrkan, haddii aad inoo timid adigoo ah mid ina adeeceyso, ku laabbo halkii aad ka timid iyo gurigaaggii.

Dabeeta waxaa yimid Xakiim bin Jablah  oo hoggaaminayay fardooleyda Cuthmaan bin Xaniifa, wuxuuna weerarro ku qaaday dhankii ciidamada kale, sidaa oo ay tahayna ciidamadii Caa’isha ma aanay dooneyn inay la dagaallamaan oo gacmahooda ayay laabanayeen. Markaas bay Caa’isha amartay inay is difaacaan oo riixaan iskana caabiyaan weerarrada. Saa way riixeen jeer ay ka dul rideen maqbarada banii Maazin.  Dabeeta waxaa kala dhex galay habeenkii oo qola waliba halkeedii bay u hoyatay.

Subaxii labaad ayay isu soo kallaheen oo dirir darani dhex martay oo socotay illaa ay maalintii dhammatay. Waxaa in badan laga dilay ciidamadii Cuthmaan bin Xaniifa, dhaawacuna labada dhinac wuu ku batay. Markaas bay ku heshiiyeen in dagaalka la joojiyo oo Madiina qof loo diro si uu u soo weydiiyo dadka reer Madiina in Dhalxa iyo Zubayr ay la mubaayacoodeen Cali ayagoo raalli ah ama in ay qasab ku ahayd.  Waxaa lagu heshiiyey haddii Dhalxa iyo Zubayr ay qasab ku ahayd baycadii Cali in Cuthman bin Xaniifa uu ka baxo magaallada Basra oo uu u daayo ayaga.

Haddiina aysan qasab ku ahayn markii ay la mubaayacoonayeenna inay markaasi Dhalxa iyo Zubayr u daayaan magaallada masuulkeedii  Cuthmaan bin Xaniif.  Waxaa arrintaasi loo wakiishay Kacab bin Suur oo loo diray dhanka magaalladii Madiina. Wuxuu magaalladii galay maalin Jumca ah oo inta mimbarkii ka istaagay dadkii weydiiyey  in Dhalxa iyo Zubayr ay si qasab ah kula mubaayacoodeen Cali iyo in kale. Markaasi bay dadkii oo idil wada aamuseen, Usaama bin Zayd mooyaane oo isagu yiri:- Waxay ku ahayd qasab.

Markaas bay rag badan oo  reer Madiina kamid ahi ku canaanteen Usaama sababtii uu u hadlay oo waxay ku yiraahdeen:- Maxaad u aamusi weyday sidaanu u aamusnay oo kale. Wuxuuna kujawaabay:-  May Illaahay baan ku dhaartaye, waxaan filayay in arrinku uuna intaa ku dhammaaneyn.  Dadkii ku canaantay falkaasi waxaa kamid ahaa Suhayb bin Sinaan iyo Abuu Ayuub Al Ansaari.  Cali warqad ayuu Cuthmaan horey ugu soo diray asagoo ku ogeysiinaya in Dhalxa iyo Zubayr ay horey ula mubaayacoodeen.

Markii Kacab uu farriintii reer Madiina u geeyey Cuthmaan, baa haddana waxaa timid warqaddii Cali, markaasuu Cuthmaan yiri:- Tanina waa arrin kale oo aynaan ku tashaneyn.  Dhalxa iyo Zubayr waxay usoo cid direen Cuthmaan bin Xaniifa ayagoo ka dalbanaya inuu magaallada u banneeyo, saa asagiina wuu diiday.

Dabeeta waxay soo direen rag goor habeennimo ah, oo galeen masjidkii jaamaca ah, kuna tukadeen salaaddii Cishaha, Cuthmaanna habeenkaasi ma uuna soo bixin, wuxuuna u wakiishay tujinta salaadda Cabdiraxmaan bin Cataab bin Usayd.

Dabeeto buuq iyo qalalaaso iyo rabshado ayaa ka dhacday masjidkii, waxaana halkaasi ku geeriyooday kudhawaad 40 qofood.  Dabeeto qaar kamid ah wax ma kastii ayaa inta Cuthmaan bin Xaniifa soo qabteen ayay u geeyeen Dhalxa iyo Zubayr saa iyana waxay u geeyen Caa’isha, markaasay amartay in lasii daayo.

Ciidamadii Caa’isha magaalladii Basra ayay soo galeen, waxayna beytul maalka masuul uga dhigeen C/Raxmaan bin Abii Bakar. Dhalxa iyo Zubayrna dadkii ayay hantidii u qeybiyeen, waxayna u badiyeen kuwii adeecsanaa ee iyaga la socday.  Dhalxa iyo Zubayr markii ay istaqraariyeen magaalladii Basra, ayaa waxaa yimid Xakiim bin Jablah oo wata 300 oo fardooley ah, wuxuuna ninkani dagaalladii hore hoggaaminayay fardooleydii Ibnu Xaniifa sidaynu soo xusnay, sidoo kalena wuxuu kamid ahaa raggii ku lug lahaa dilkii Cuthmaan bin Cafaan Illaahay haka raalli noqdee.

Wuxuu ninkani weerar ku qaaday ciidamadii Dhalxa iyo Zubayr, dabeetana way ka adkaadeen oo isagiina waala dilay. Dabeeto waxay laayeen ku dhawaad 70 kamid ahaa dadkii ka dambeeyey dilka Cali, wixii ay ka heleen magaallada Basra.

Waqtigaasi wuxuu ahaa ayadoo shan casho ay ka dhimmantahay bishii Rabiicul Aakhir ee sanadkan.  Caa’isha waxay warqad u dirtay Zayd bin Sowxaan oo ay ka dalbatay inuu la safta ayada. Haddiina uu sidaa yeelin, waxay ka codsatay inuu gurigiisa iska fadhiista oo uuna la safan Cali.  Markaas  buu Zayd yiri:- Illaahay ha u naxariisto hooyadii Mu’miniinta, Illaahay baa wuxuu amray inay gurigeeda joogta, innaguna wuxuu ina amray inaanu dagaalka aadno, markaasay kasoo baxday gurigeedii, saa waxay ina amreysaa inaanu guryahayaga joogno, iyadoo naga mudnayd arrinkaas.  Sidoo kale reer Kuufa iyo reer Yamaamah ayay Caa’isha sidaa oo kale u qortay.

Haddaba aynu u weecanno dhankii Cali, oo aynu ogeyn inuu ku jiheysnaa dhanka Shaam asagoo kasoo kicitamay magaalladii Madiina. Waxaase uga soo hor martay inuu Shaam galo arrintii Dhalxa iyo Zubayr iyo Caa’isha iyo xaalladdii magaallada Basra. Habkii uu ciidamadiisii horey ugu soo dhisay ayuu kusoo dhaqaaqay Cali, wuxuuse masuuliyaddii magaallada Madiina ka baddalay Quthum bin Cabbaas oo uu amray inuu Makka masuul ka noqdo, Madiinana wuxuu masuul uga dhigay Tamaam bin Al Cabbaas.  Ciidamadiisu waxaa ku jiray Cammaar bin Yaasir, Abul Haytham bin Taymaan, Abu Qataadah Al Ansaari, iyo Ziyaad bin Xandala iyo rag kaloo saxaaba ah.

Ciidamadiisu waxay ahaayeen 900 oo dagaalyahanno ah. Wuu soo dhaqaaqay, ammintuna waxay ahayd bishii Rabiicul Aakhir dhammaadkeedii. Wuxuu degay Rabdah, markiina uu soo gaaray wixii Basra ka dhacay buu Madiina u cid diray si wixii hub ahaa ee u yiillay loogu soo qaado. Dabeetana wuu dhaqaaqay. Dabeetana wuxuu Kuufa u diray Maxamed bin Abii Bakar iyo Maxamed bin Jacfar (oo dhanka hooyada walaalo ka ahaa), si ay ciidama gurmad ah uga keenaan halkaasi.

Markii uu damcay Cali inuu Rabdah ka dhaqaaqo ayaa waxaa istaagay Ibnu Abii Rafaaca  bin Raafic oo yiri:-  Amiirkii Mu’miniintoow! maxaad dooneysaa? iyo halkee baad inoo waddaa?

  • Wuxuu yiri:- Waxa aanu dooneyno ee aanu niyooneyno waa islaax, haddii ay naga aqbalayaan oo ay naga yeellayaan.
  • Wuxuu yiri:- Haddii ayan yeelin islaaxuna?
  • Wuxuu yiri:- Waanu ka weecaneynaa inta ay naga tagayaan.
  • Wuxuu yiri:- Haddii ay na dayninna?
  • Wuxuu yiri: Waanu iska celineynaa.
  • Wuxuu markaasi Ibnu Abii Rafaaca yiri:- Haddaba waa sidaas.

Dabeeta Xajjaaj bin Qassiyah Al Ansaari baa istaagay oo yiri:- Waxaanu kuugu raalli gelin doonnaa ficil sidaanu hadal kuugu raalli gelinnay, Illaahay baana ku dhaartaye Illaahay wuu ii gargaari doonaa siduuba noogu magacaabay Ansaar (gargaarayaal). Dabeeta waxaa u timid koox banii Dhayi ah oo ku biirtay, qaar kalena hub bay u keeneen, Calina wuu soo dhaweeyay. Markii uu ka dhaqaaqay Rabdah asagoo fuushan hal casaan ah, baa wuxuu misna mar kale dhexda kula sii kulmay koox banii Asad ah iyo koox kaloo banii Dhayi ah.

Kadib waxaa ka hor yimid nin reer Kuufa ah oo la oran jiray Caamir bin Madar Al Sheybaani. Markaasuu Cali weydiiyey xaalladda Kuufa, saa wuu uga warramay, dabeetana wuxuu wax ka weydiiyey Abii Muusa Al Ashcari, wuxuuna ku jawaabay:- Haddii aad dooneyso heshiis Abii Muusa ehel ayuu u yahay, haddiina aad dooneyso dagaal Abii Muusa ehel uma ahan. Markaasuu Cali yiri:- Wallaahi baanan dooneyn waxaanan heshiis ka ahayn.

Markii uu u dhawaaday magaalladii Kuufa baa waxaa soo gaaray warkii u dambeeyey ee Basra oo ah in Cuthmaan bin Xaniifa laga saaray Basra oo ay Dhalxa iyo Zubayr qabsadeen. Markaas buu Cali arrintaasi aad uga xumaaday.

Markii Cali uu gaaray Dii Qaar baa waxaa u yimid Cuthmaan bin Xaniifa oo wax tin ah aanay wejigiisa ku oollin, markaasuu ku yiri:- Amiirkii Mu’miniintoow! waxaad Basra ii dirtay anigoo gadh leh, imminkana waxaan kuu imid anigoo hoolan.  Taas ka hor makastii markii ay Cuthmaan bin Xaniifa soo qabteen bay timihii gadhka ka rifeen, oo dabeeta Caa’isha markii loo geeyay ay iska daysay.

Cali wuxuu ugu jawaabay:- Waxaad asiibtay ajar iyo kheyr.  Cali wuxuu degay goobta la yiraahda Dii Qaar asagoo jawaab ka sugaya dhanka Abii Muusa Al Ashcari oo horey uu ugu diray labo Maxammed,

Labo Maxamed markii ay u tegeen Abii Muusa Al Ashcari oo ay  u bandhigeen, wixii ay ka rabeen ee Cali uu u soo diray oo ahayd inuu ciidamo ku daro, wuxuu u sheegay inaanay wax dagaal ah ka qeyb qaadaneyn, reer Kuufana wuxuu amray inaanay ka qayb qaadan arrinkaas, oo uu Abii Muusa ku macneeyey fidno qaraxday, wuxuuna reer Kuufa ka dalbaday inay noqdaan dadka kuwa ugu kheyr badan oo aanay waxba ka qayb qaadan fidnadaasi. Labo Maxamed aad bay ugu caroodeen Abii Muusa dabeetana waa ay baxeen oo Cali ugu tegeen goobtii Dii Qaar oo uga warrameen wixii ay Abii Muusa Al Ashcari kala soo kulmeen oo diidmo ahaa.

Markaas buu Cali soo diray Ashtar An Nukhaci oo ay Abii Muusa Al Ashcari si wanaagsan isu yaqaanneen, iyo Cabdillaahi bin Cabbaas si ay ciidama gurmad ah uga soo qaadaan. Markii ay Abii Muusa u tegeen, sidiiyoo kale ayay iyana wixii ay rabeen ka waayeen.  Dabeeta waa ay laabteen oo Cali uga warrameen wixii ay kala soo kulmeen. Markaas buu Calina soo diray mar saddexaad wiilkiisii Xasan iyo Cammaar bin Yaasir, saa waxay u tegeen Abii Muusa oo dood dheeri dhex martay.

Dabeeto Zayd bin Sowxaan baa istaagay oo dadkii ku booriyey in ay u gargaaraan Cali bin Abii Daalib, misna waxaa kaloo istaagay Al qacqaac bin Camr oo sanaaddiidii Kuufa akhyaartii saxaabada kamid ahaa, wuxuuna ku booriyey in la raaco amiirka Mu’miniinta ee Cali, wuxuuna sidoo kale ka dhawaajiyey in ummaddu amiir la’aan aanay ahaan karin, iyo in loo baahan yahay marjac howl waliba loo celin karo inuu jiro. Sidaa darteed buu Al qacqaac ku booriyey raacidda iyo u gargaaridda amiirka Mu’miinta ee Cali bin Abii Daalib.

Xujr bin Caddiyi oo akhyaartii Kuufa kamid ahaa baa isaguna istaagay oo dadkii ku booriyey in la aado amiirka Mu’miniinta oo loo gargaaro, wuxuuna akhriyey aayadda 41aad ee suuradda Towbah.  Dood iyo hadallo dheer kadib baa wuxuu Abii Muusa ku soo daray Xassan iyo Cammaar 9000 oo dagaalyahanno ah. Waxaa kaloo la sheegaa in Cali uu Abii Muusa casilay oo uu Kuufa masuul uga dhigay Ashtar oo sidaa kusoo diray ciidamadaasi.  Waxaa kaloo la sheegaa inuu usoo diray 12001 dagaalyahanno ah. Wallaahu aclam.

Waxaa kamid ahaa raggii mashaahiirta ahaa ee Cali kaga yimid Kuufa Al qacqaac bin Camr, Sacad bin Maalik, Hindi bin Camr, Al Haytham bin Shihaab, Zayd bin Sowxaan, Caddiyi bin Xaatim, Musayb bin Najbah, Yaziid bin Qeys iyo Xujr bin Caddiyi iyo rag kaloo qeyrkooda ah.  Dabadeed Cali wuxuu ka dhaqaaqay Dii Qaar.  Reer Cabdi Qeys ayaa iyana ayagoo kumanaan kun ah Basra iyo Dii Qaar dhexdooda ku sugayay Cali ibnu Abii Daalib, si ay  ugu biiraan. Kadib Cali wuxuu diray Al qacqaac bin Camr oo uu udiray dhanka Dalxa iyo Zubayr iyo Caa’isha si bal uu ula soo hadla una soo ogaada waxa ay u yimideen.

Al qacqaac wuu dhaqaaqay, wuxuu ka billaabay oo marka hore uu u tegay hooyadii Mu’miniinta ee Caa’isha, wuxuuna ku yiri:- Hooyooy! maxaa halkaan ku keenay? Waxay ugu jawaabtay:- Maandhoow! waxaan u imid islaax inaan dhigo dadka dhexdiisa. Wuxuu ka codsaday inay ugu yeedho Dhalxa iyo Zubayr si ay agteeda u yimaadaan, waa way u cid dirtay oo iyana yimideen. Markaasuu ku yiri:- Hooyadii  Mu’miniinta ayaan weydiiyey, waxay u timid, saa waxay tiri:- Inaan dadka dhexdooda islaaxiyo. Markaasay Dhalxa iyo Zubayrna yiraahdeen:- Annaguna sidaa oo kale baanu u nimid.

  • Wuxuu ku yiri:- Waxaad iiga warrantaan islaaxanna, wejiga uu leeyahay, iyo waxa aad islaaxineysaan?
  • Waxay yiraahdeen:- Kuwii dilay Cuthmaan (inaanu dilno) haddaynu ka tegnana, waa ka tegidda Qur’aanka.

Wuxuu yiri:- Waxaad disheen wixii ka dambeeyey dilka  Cuthmaan, kuwoodii  aad ka hesheen magaallada Basra, maanta ka hor ayaad dadka agtooda soo dhaweyn iyo maqaamna ku lahaydeen, waxaad disheen 600 oo nin, waxaana u carooday daraadood 6000, oo idinka fogaaday, kana dhex baxay dhexdiinna.

Waxaad raadiseen Xurquus bin Zuhayr, saa waxaa idinka hor istaagay 6000 oo haddii aad iska daysaanna, waxaad ku dhacdeen wixii aad lahaydeen. Haddii aad la dagaallantaanna waxaa idinku dhacaya wixii aad ka digeyseen. Sidee buu idinkaga fakaday Xurquus bin Zuhayr?

Wuxuu kaloo Al qacqaac u tibaaxay sida ay Dhalxa iyo Zubayr ugu suuroobi karin inay la dagaallamaan 6000 kun oo ciidan oo kasoo horjeeda, ay cududdaar ugu haystaan inuu Calina cududdaar ugu haysto inuu ka tego inuu xadka waqtigaas ka oofiyo.  Wuxuu kaloo usheegay Dhalxa iyo Zubayr iyo Caa’ishaba in  khalqi badan oo reer Rabiica iyo Mudar ah ay isu aruursadeen inay iyagu la dagaallamaan, iyagoo u careysan dadkii ay Basra ku laayeen.

Marka bay hooyadii Mu’miniinta ee Caa’isha hadashay oo ku tiri Al qacqaac: Maxaad adigu ka leedahay? Wuxuuna Al qacqaac u tilmaamay in la doonaya arrinkani in la dejiyo, oo la midoobo, fidnaduna degto goballaduna hoggaansamaan, dabeeto si fudud hadhowta looga aargoosta fidnawadayaashii ka dambeeyey dilka Cuthmaan.

Caa’isha fikraddaasi way u riyaaqday, wayna soo dhaweyeen ayada iyo Dhalxa iyo Zubayrba, waxayna Al qacqaac ka codsatay in Cali uu sidaasi ka dhaadhiciyo. Dabeeto Al qacqaac wuu baxay oo u tegay Cali oo u sheegay wixii  soo dhexmaray asaga iyo Caa’isha iyo Dhalxa iyo Zubayr.  Calina aad buu ugu farxay falkii uu Alqacqaac sameyey, wuuna u mahad celiyey. Caa’isha farriin bay usoo fartay ayadoo ogeysiineyso inaanay u iman wax aanan ka ahayn islaax iyo wanaaag doon.

Dabeetana Cali ciidamadisii ayuu ka dhex istaagay oo u khudbeeyey, wuxuuna xusay jaahilliyadii iyo tafaraaruqii jiray iyo shaqaaqadeedii, sidoo kalena wuxuu xusay Islaamka iyo sacaadadiisa iyo in Alle uu soo diray Nebi Muxammed (scw)  oo umaddana ku kulmiyey bacdigiisa khaliifadiisii Abuu Bakar, dabeetana Cumar, misna ku kulmiyey Cuthmaan, markaasoo ay yimideen dad adduunyo jecel oo nimcooyinka Alle addoomadiisa u galay xasdaya oo kala geeyey jamaacaddii, keenayna fidno iyo tafaraaruq iyo kala tegsanaan. Dabeeta wuxuu yiri:- Hoydaay! anigu beritoole waan raran doonaa ee yuunan i raacin qof wax ka geystay dilkii Cuthmaan.

Markaas bay isu tegeen qaar kamid ah madaxdii fidna wadayaashii ka dambeeyey dilkii Cuthmaan sida Ashtar An Nukhaci, Shureyx bin Owfaa, Cabdullaahi bin Sabaa (Ibnu Sowdaa), Saalim bin Thaclabah, Calbaa (ama Qilaab) bin Al Haytham iyo rag kaloo qeyrkooda ah, waxayna tiradoodu ahayd 2500 ku dhex jirtay ciidamada Cali. Waxay ka tashanayeen sidii arrini ay yeeli lahaayeen.

Waxay isku yiraahdeen:- War ra’yigani muxuu ahaa? Wallaahay Cali baa uga ogaal badan kitaabka Alle kuwa dalbaya dhiigga Cuthmaan. Wuxuu yiri wixii aad maqasheen, berri ayayna dadku idiin kulmi doonaan, cidda ay qowmku oo idil rabaanna waa adinka, ee sidee baad ku tahiin adinkoo tiro yar, marka loo eego tira badnidooda?

Ashtar baa hadlay oo yiri:  Dhab ahaan, waanu ogaannay ra’yiga Dhalxa iyo Zubayr sida uu dhexdayada ka yahay. Ra’yiga Cali-se ma aynan ogaan teer iyo maanta. Haddii ay xaaladdu sidaa noqoto, Cali waxaynu ka daba geyneynaa Cuthmaan, markaana dadku waa ay inaga aamusayaan, oo iska kaayo dayn doonaan.

Ibnu Sowdaa ayaa hadlay oo yiri:- Waxaa baas lahaaday waxaad ra’yi moodday, haddii aynu dilno waa la ina layn, ee annaga kulanka kuwii dilay Cuthmaanoow! waxaynu nahay 2500, Dhalxa iyo Zubayr ciidamadooduna waa 5000 oo wax awood ahi uma haysaan, iyana adinka uun bay idin doonayaan.

Qilaab (ama Culbaa) bin Haytham baa isaguna hadlay oo wuxuu tilmaamay inay goballada aadaan oo dagaalladan oo idil isaga baxaan, kuna dhuuntaan halkaasi, si ay ku nabad helaan.

Saa Cabdullaahi bin Saba (Ibnu Sowdaa) baa hadlay oo yiri:- Waxaa baas lahaaday waxa aad tiri, haddayba markaasi dhacaysaa in dadku ina kala dafaan.

Dabeeto Illaahay ha dulleeyo’e Ibnu Sowdaa wuxuu raggiisii u tilmaamay fikir ay uwada riyaaqeen, wuxuuna u sheegay inay kala galaan labada ciidan, ciidamada Cali iyo kuwa Dhalxa iyo Zubayr oo markaasi ay weerar ku kala qaadaan labada dhinac si ay dagaal u huriyaan oo labada qolo aanay u heshiin, si markaasi ay iyaga u badbaadaan, iyo si dabeeto loo illaawo   falkii ay geysteen ee ahaa dilkii Cuthmaana, waana ay u hirgashay hadafkii ay wateen fidna wadayaashaasi, markii ay ra’yigii Ibnu Sowdaa meel mariyeen. Illaahay ha dulleeyo, dhammaan wixii ka dambeeyey dilkii amiirka Mu’miniinta ee Cuthmaan bin Cafaan iyo wixii ka qeyb qaatayba.

Cali waa uu soo dhaqaaqay subaxii markii uu waagu baryay, wuxuunna soo abbaaray dhankii Kuufa asagoo doonaya inuu la kulmo Dhalxa iyo Zubayr iyo Caa’isha. Dhexda wuxuu kusoo maray reer Cabdi Qeys oo iyagu sugayay dabeetana ku biiray ciidamadiisii. Marba marka ka dambeysana way sii kordhayeen ciidamadii amiirka Mu’miniinta. Cali wuxuu sii degay Zaawiyah, oo misna ka dhaqaaqay oo aaday dhankii Basra. Saa markii ay labadii qolo kulmeen, wuxuu Cali taa ka hor Dhalxa iyo Zubayr u diray in la is magan geliyo oo wax weerar iyo dagaal ah la fulinin, iyana sidoo kale aad bay arrintaasi u soo dhaweyeen.

Labadii qolo way isasoo hor degeen, markaa bayna qaar kamid ah ciidamadii Dhalxa iyo Zubayr kula taliyeen in ay ka faa’ideystaan fursaddaasi oo ay laayaan raggii  fidna wadayaasha ahaa ee ka dambeeyey dilkii Cuthmaan kuwooda ku jira ciidanka Cali. Dhalxa iyo Zubayrse waxay tilmaameen in aanay arrintaasi habbooneeyn, maadaama ay ayaga iyo Cali kuwada heshiiyeen in arrintu nabad iyo heshiis lagu dhammeeyo.

Ciidamada Muslimiinta qolaba qolada kale ayay u tagayeen oo ergaduna la is dhaafsanayeen, waxaana qola kasta ay ku faraxsaneed midnimada iyo walaaltinnimada Islaamka, iyo in wax waliba si midnimo iyo wada hadal lagu dhammeeyo. Waxay u ahayd arrin ay dhammaan labada dhinacba ku faraxsanaayeen, marka laga reebo raggii fidnada waday ee iyagu ka dambeeyey dilka Cuthmaan bin Cafaan Illaahay haka raalli noqdee.

Cali wuxuu dhanka Dhalxa iyo Zubayr u diray Cabdullaahi bin Cabbaas, iyana waxay u soo direen Maxamed bin Dhalxa bin Cubeydullaahi oo loo yaqaanay Maxamed As- Saajid. Ergadu sidaas ayay isu dhaafsaneyeen oo ay isu dhex galayeen.  Habeenkii subaxiisa la doonayay in wada kulmo, Cali iyo asxaabtiisa, waxay u ahayd habeen farxadeed oo kheyr lagu baryay, dhanka Dhalxa iyo Zubayrna sidoo kale, habeen ay farxad iyo kheyr ku baryeen ayuu ahaa.

Kuwiise fidnada waday ee dilkii Cuthmaan ka dambeeyey, wuxuu habeenkaasi u ahaa habeen madow iyo murugo, mana ay seexan ee waxay ka fikirayeen sidii ay wax yeeli lahaayeen, ayagoo markii horeba qorshe diyaarsaday. Kaasoo ahaa inay ku kala biiraan labada qolo oo weerar ay isku qaadaan, dabeetana ay sidaasi dagaal ku huriyaan.  Cali ibnu Abii Daalib ciidamadiisii wuu la hadlay asagoo amraya inay af iyo addinba ka laabtaan walaalahooda reer Basra, iyana way u hoggaansameen amarradii amiirka Mu’miniinta.  Taas ka hor Axnaf bin Qeys baa Cali u yimid oo u keenay 10 000 oo seefood.

Markii uu bidhaamay kaahii arooryaad, ayay fidna wadayaashii labadii ciidan ku kala biireen, oo weerarro qaadeen, ciidamadii reer Basra arrintaasi markay ka war heleen oo ay weydiiyeen, waxaa loo sheegay in ciidamada Cali ay soo weerareen. Kuwii Calina markii ay buuqa iyo sawaxanka la yaabeen oo ay weydiiyeen, waxaa loo sheegay in ciidamadii Basra ay soo weerareen.

Markaas baa labada dhinac hubkii loo kala orday oo seefta laysla dhacay, waramaduna layska dhex dusiyey, gamuunnaduna laysla helay, dagaalkiina wuu huray oo dirirtiina darnaatay labada qolo, ayadoo fidna wadayaashuna ay ka soo horjeedeen inuu inyarna istaago dagaalka, si aanan loo ogaan, iyaga ayaana hurinayay dagaalka labada dhinacba.

Gacmo iyo lugo badan ayaa faniinay, mashaahiirtii geesiyada ahayd ayaa isu ban baxay oo seefaha is daray, garaangirtii dagaalkuna waa ay wareegatay. Majirin horeyna looma arag macrikadani macrika kaga gacan iyo lug faniin badan, waayo gacmo badan iyo lugo badan baa dharaartaasi go’ay. Taasina waxay ahayd arrin uu Allaha Qaadirka ahi qadaray oo uu horey u xukmiyey. Fa innaa lillaahi, wa innaa illeyhi raajicuun.

Cali bin Abii Daalib, wuu dhawaaqayay asagoo lahaa:- War hoydaay! joojiya, war hoydaay! joojiy.  Cidse majirin dheg jalaq u siineysay hadalladiisa. Kacab bin Suur oo ahaa qaadigii magaallada Basra markii uu masuulka ka ahaa Cuthmaan bin Xaniifa ayaa u tegay hooyadii Mu’miniinta oo ka dalbaday inay umadda u soo baxdo, si ay ula hadasho oo Alle dagaalka sabab uga dhigo inuu joogsado. Markaas bay soo baxday oo howdajkeedii ay dhex gashay, dabeetana awrkeedii loo dul saaray. Markaas bay saaxadii dagaalka soo gashay, ayadoo marba dhinac istaageyso, meelahii uu dagaalka kasocday, oo dadka amreyso inay dagaalku joojiyaan, saa ma jirin cid dheg jalaq usiiso.

Qaar kamid ah mashaahiirtii caanka iyo geesiyaashii labada dhinac ayaa mubaaraso ku kulmay, waxaana kamid ahaa dadkii mubaarasada ku kulmay Zubayr oo halyey geesi ahaa iyo Cammaar bin Yaasir oo waaga 90 jir ahaa. Zubayr ma uuna jecleysan inuu Cammaar dilo, markaasuu arkay Cammaar oo seeftiisii ka wiligsiinaya una jeeda dhanka Zubayr. Markaasi buu Zubayr yiri:- Ma waxaad dooneysaa inaad i disho Abal Yaqdaanoow!? Wuxuu Camaar ku jawaabay:- Maya Abuu Cabdullaahiyoow!.

Zubayr wuxuu horey u maqlay Rasuulka Alle (scw) oo Cammaar ku oranaya:- Waxaa ku dili doonto koox xad gudubtay. Sidaa daraaddeed buuna Zubayr jecleysan inuu Cammaar dilo, sidoo kalena asbaabahii dagaalka Zubayr ka saaray ayay arrintaasi xubin ka ahayd.

Waayo Zubayr wuxuu ka cabsi qabay in dagaalkaasi lagu dilo Cammaar oo oday da’ ahaa, oo markaasina ay dhacda in qoladii Zubayr ay noqdaan koox xad gudubtay siduu Rasuulka (scw) horey u sheegay.

Sidoo kale dagaalkii oo meel aad u kulul maraya, ayuu Cali Zubayr la hadlay oo weydiiyey:- Zubayroow! ma xasuustaa, maalintii uu Rasuulka (scw) kugu lahaa ma jeceshahay Cali? ee aad tiri:- Maxaan u jeclaan waayay ina abtigeey iyo ina adeerkeey, oo misna ku sugan diintayda? Oo markaasi uu kugu yiri:- Waad la dagaallami doontaa adigoo ka gardaran?

Wuxuu Zubayr ku jawaabay:- Haa! Illaahay baan ku dhaartaye, waan illaaway markii aan Rasuulka (scw) ka maqlayba, haddii aan xasuusan lahaana kulama aan dagaallameen.

Kadib Zubayr dagaalkii buu ka baxay, wuxuuna xoreeyay wiil adeega u ahaa oo la oran jiray Makxuush waxaa kaloo la sheegaa inuu xoreeyay adeegahiisii Jarsuus. Dabeetana wuu ka baxay dagaalka oo aaday waadi la yiraahda Waadi Subaac, oo halkaasi uu ku dilay asagoo jiifa ama tukanaya mid inkaar qabe ah oo il kheyr ma saare ah oo fidna wada ah oo la oran jiray Camr bin Jarmuus.

Kaasoo Cali inta u tegay ugu warramay inuu Zubayr soo dilay, asagoo taasi ku filanayay inuu Cali agtiisa soo dhaweyn kaga heli doono, balse Cali wuu iska eryay wuxuuna ugu bishaareeyey Naarta, waayo Rasuulka (scw) ayaa horey u yiri:- Ugu bishaaree Naarta ninkii dila ina Safiya (Zubayr). Dhalxana gamuun habow ah baa haleelay oo dagaalka dhexdiisa ayuu ku shahiiday Illaahay haka raalli noqdee. Waxaana la sheegaa in gamuunkaasi uu ganay Marwaan bin Xakam. Wallaahu aclam.

Dagaalku marna wuu qaboobayay, marna wuu kacayay, markaas bay hooyadii Mu’miniinta ee Caa’isha u dhiibtay Kacab bin Suur, musxafka oo ka codsaday inuu dadka ugu yeero, si ay dagaalka u joojiyaan. Markaas buu Kacab bin Suur la aaday musxafkii dhanka ciidamada muqaddamada ee Cali oo uu markaasi ku jiray Cabdullaahi bin Saba, saa gamuunna ayay ku hoobiyeen jeer ay ka tallaabsadeen oo ay dileen.

Dagaalkiina sidii buu usii socday, gamuunnaduna way ku dhacayeen huudajkii hooyadii Mu’miniinta ay ku dhex jirtay. Waxay ku dhawaaqeysay:- Allaah Allaah! wiilasheydoow! xasuusta maalinta Qayaamaha.  Markaas bay gacmaheedii sare u qaadday oo Alle bariday ayadoo habaareyso kuwii ka dambeeyey dilka Cuthmaan ee misna fitantani huriyey.

Markii uu Cali maqlay inkaarta iyo habaarka Caa’isha ayaa asaguna wuxuu yiri:- Allahayoow! lacnaddaada dul yeel, wixii dilay Cuthmaan. Dagaalkii markuu sii huraya, ayuu Cali wiilkiisii Maxamed bin Xanafiyah amray inuu calanka qaado oo horay ula socda, saa asaguna wuu ku dhici waayay, kadibna Cali baa ka qaaday calankii ciidamada.

Awrkii ay fuushaneed hooyadii Mu’miniinta ee Caa’isha Illaahay haka raalli noqdee, waxaa hoggaankiisii ku naf waayay 70 qofood oo isaga kala dambeysay. Waxaa kaloo la sheegaa in 70 kalena ay ku gacmo  waayeen. Waxaana la sheegaa in 70-ka ku gacma weyday ay ahaayeen banii Dibbah. Sidoo kale waxaa maalintaasi hoggaanka awrka qabtay banii Naajiyah oo ka ag dagaallamayay hooyada Mu’miniinta agteeda, iyo banii Caddiyi bin Cabdimanaaf.

Dadkii hoggaanka awrka qabtay waxaa kamid ahaa Maxamed bin Dhalxa bin Cubaydillaah, oo ku yiri hooyadii Mu’miniinta:- Hooyooy! i amar wixii aad i amreyso? Waxay ku tiri:- Wiilkeygoow! noqo sida midkii kheyr badnaa wiilashii Aadam (sidii  Haabil oo kale). Saa asagoo hoggaankii haya ayaa lagu dilay Illaahay ha u naxariistee.

Cabdullaahi bin Zubayrna wuxuu kamid ahaa raggii hoggaanka awrka qabtay, balse kuma uu dhiman dagaalkan, waxayna mubaaraso isku heleen, Ashtar An Nukhaci oo halyeey dagaalyahan ahaa, da’ ahaanna ka weynaa Ibnu Zubayr. Saa markii ay is heleen, baa Cabdullaahi dhaawac culusi madaxa lagu dhuftay, isaguna wuxuu Ashtar ku dhuftay dhaawac fudud. Dabeetana waa ay kala bad baadeen.  Cabdullaahi bin Zubayr waxaa maalintaasi soo gaaray 37 dhaawac.  Sidoo kale Marwaanna dhaawacyo badan ayaa asaguna soo gaaray.

Cammaar oo waaga 90 jir ahaa, wuxuu mubaariso ku dilay nin saddex nin oo ciidamadii Cali kamid ahaa mubaariso ku dilay, waxaana ninkaasi la oran jiray Camr ama Cumeer bin Yathribi. Sidoo kale waxaa kamid ahaa raggii hoggaanka awrka qabtay Camr bin Al Ashraf, saa ciddii kusoo dhawaataba uu seefta ku hoolaa, illaa markii dambe uu u soo baxay Al Xaarith bin Zuhayr Al Asdi, oo markaasi  labaduba  ay labada darba is dhaafsadeen, oo mid walbaba midka kale uu sidaa ku dilay.

Dabeeto awrkii ayaa la boqno jaray, waxaana ugu dambeeyey oo markaasi hoggaankiisa hayay Zifir bin Al Xaarith. Waxaa la sheegaa in asaga iyo Bujayr bin Daljah ay isku raaceen in awrka la  boqno jaro, si dagaalku u qaboobo.  Sidoo kale Al qacqaac bin Camr ayaa la sheegaa inuu arrinkaasi soo jeediyay, si hooyada Mu’miniinta oo markaasi huudajkeedu gamuunnada kudul dhacayeen aanay waxba u gaarin oo dagaalka loo joojiyo.  Sidoo kale waxaa la sheegaa inuu Cali amray ama ishaaray arrinkaasi. Illaahana og.

Markaasi buu dagaalkii istaagay, oo huudajkiina awrka laga soo dul dejiyey.  Dabeeta Maxamed bin Abii Bakar ayaa u tegay Caa’isha oo salaamay, dabeetana, weydiiyey inay wax dhiba ku dhaceen. Iyana waxay usheegtay inaanay waxba dhiba ku dhicin. Cammaar Ibnu Yaasir iyo rag kale oo badan ayaa iyana u tegey oo soo salaamay,  Sidoo kale Cali ayaa u tegay oo soo salaamay, wuxuuna weydiiyey:- Sidee baad tahay hooyo!

  • Waxay ugu jawaabtay:- Waa kheyr.
  • Wuxuu ku yiri:- Ilaahay ha kuu dembi dhaafo.

Habeenkii markii la gaaray, hooyadii Mu’miniinta waxay gashay magaalladii Basra ayadoo uu la socda Maxamed bin Abii Bakar. Waxayna ku dul degtay daarta Cabdillaahi bin Khalaf Al Khuzaaci, waxayna daartaasi ahayd daarta ugu weyn Basra. Waxay ku dul degtay Safiyah bint Xaarith bin Abii Dhalxa bin Cabdilcuzza bin Cuthmaan bin Cabdi Daar oo loo yaqaannay Umu Dhalxa.

Dhaawacyadii dagaalkuna waala qaaday, oo waxaa la geeyay magaalladii Basra, wuxuuna Cali amray in hantidii dagaalka laga helay oo idil la isu soo aruuriyo dabeetana la geeyo masjidka, si ciddii garata alaab ay leedahay ama ay ehelladooda leeyahiin ay  hadhowto ugu geeyaan ama u qaataan. Wuxuuna ka reebay oo kaliya hubkii uu meeshaasi ka helay. Qaar kamid ah ciidamadiisii ayaa Cali ku eedeeyey in uusan qafaalan wax dumar ah, iyo inuusan qaniima helin.

Wuxuuna Cali raggaasi ku qanciyey su’aal wada aamusiisay oo ku ridday afkii baa juuqda gabay. Wuxuu ku yiri:- Kiinnee baa raalli ku ah, inuu saami u helo hooyadii Mu’miniinta? Illaahay baan ku dhaartaye waa afadii Rasuulkiinna (scw) ee adduun iyo aakhiraba.

Waxaa dagaalkani ku geeriyooday 10 000 oo labada dhinac ah, dhanka Cali waxaa laga dilay 5000, dhanka Caa’ishana 5000 Fa’ innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun.

Cali wuxuu kusugnaa goobtii dagaalka muddo saddex casho ah, markiina uu dagaalka istaagay wuxuu dhex qaadayay meydka oo markii uu arko qof uu garta dul istaagayay, oo u raxmad dalbayay. Dhammaanna wuu u raxmad dalbay oo inta isu soo aruuriyey ku tukaday salaaddii Janaasada.

Asagoo dhex maraya meydka ayuu Cali arkay maydka Dhalxa bin Cubaydillaah, markaasuu ooyay oo si aad ah u murugooday, wuxuuna ku cataabay:- Shallaytadeydee Xassanoow! aabaha muxuu u dhimman waayay 20 sano ka hor maalintan? Sidoo kale Cali markii uu arkay Maxamed As- Saajid bin Dhalxa oo mayd ahina aad buu u murugooday oo ugu ooyay Illaahay haka raalli noqdo idilkooduba.

Waqtigaasi uu dagaalku dhacay wuxuu ahaa bartamihii Jamaadul Aakhir, markaas ayuu Cali galay magaalladii Basra maalin Isniin ah. oo uu la mubaayacooday dadkii magaallada. Dabeetana maal badan u qeybiyey asagoo ka nafaqeeyey beytul maalkii Muslimiinta. Wuxuu la kulmay Cabdiraxmaan bin Abii Bakrah- Nufeec bin Xaarith Al Thaqafi oo uu la mubaayacooday, dabeetana weydiiyey aabahiis Abii Bakrah? Saa wuxuu u sheegay inuu xanuunsanyahay. Markaasuu soo hor kacay, oo uu dul geeyey.

Markaasuu Cali salaamay, saa wuu soo dhaweeyey una cududaartay inuu u iman waayay. Wuxuu Cali u bandhigay inuu udhiibo masuuliyadda magaallada Basra, balse wuu ka cududaartay arrinkaasi, wuxuuna u soo jeediyey inuu u dhiibo Cabdullaahi bin Cabbaas. Markaasuu Cali masuul uga dhigay Cabdullaahi magaalladii Basra. Wuxuuna ku dhaafay oo uu u xilsaaray baytul maalkana Ziyaad bin Abiihi oo aanan ka qayb qaadan dagaalkii dhacay.

Kadib Cali ayaa waxaa usoo galay nin, wuxuuna usheegay in albaabku ay joogaan laba nin oo wax ka sheegeysa Caa’isha. Markaas buu Cali soo diray Al qacqaac bin Camr si uu u edbiyo nimankaasi oo amray inuu jeedaleeyo oo ku dhufto midkiiba 100 jeedal. Sidii buuna Al qacqaac kufalay raggaasi.

Cali waa uu booqan jiray hooyadii Mu’miniinta ee Caa’isha intii ay joogtay Basra, asagoo ugu tegi jiray gurigii daarta Cabdullaahi bin Khalaf.  Markii ay damacday inay baxdo oo ay aaddo Makka, wuxuu Cali u keenay, wax waliba oo ay safarkeeda ugu baahantahay, sida saad iyo hanti iyo gaadiidba. Wuxuuna ku daray  walaalkeed Maxamed bin Abii Bakar.  Asagiina wuu raacay oo dhowr mayl la sii socday oo sii sagootiyey, dabeetana ka soo laabtay.

Marwaan bin Xakam asagu waxaa magan geliyey Maalik bin Masmac oo uu daartiisa ku sugnaa, dabeetana Caa’isha markay Makka aadday, buu asaguna Shaam aaday.

Wilaayadii Qeys Bin Sacad ee Masar

Sanadkan 36aad buu Cali si dhan u dhiibay masuuliyadda Masar Qeys bin Sacad bin Cubaada Al Ansaari, halkaasoo waqtigii Cuthmaan uu madax ka ahaa Cabdullaahi bin Sacad bin Abii Sarax oo loo dhiibay kadib markii horey looga  casilay Camr bin Al Caas.  Markaa waata  fidna wadayaasha kasoo baxeen Masar oo ay aadeen Cuthmaan xaggiisa si ay u dilaan, iyadoo labadii nin ee diyaarisayna ay ahaayeen Cabdullaahi ibnu Saba oo Yahuudi Yeman ka yimid ahaa kuna caan ahaa Ibnu Sowdaa iyo Muxammed bin Abii Xudayfa bin Cutbah.

Muxammadkaa isaga ahi wuxuu aabahiis Abuu Xudayfa bin Cutbah ku shahiiday dagaalkii Yamaama lagu qaaday sanadkii 12aad ee Hijriga waqtigii Abuu Bakar Sidiiq, markaa iyada ahna Muxammed wuxuu ahaa kuray yar,  Sidaa darteed buu Cuthmaan kafaala qaaday oo gurigiisa kusoo barbaariyey barbaarin wanaagsan, wuxuuna u ahaa mid u dhimriyo oo u wanaagsan.

Intaa dabadeed Muxammed wuxuu u tegay Cuthmaan markii xilka khilaafada uu qabtay oo ka dalbaday inuu masuuliyad udhiibo, Cuthmaanna kamuu yeelin, markaa buu carooday Muxammed wuxuuna ka dalbaday inuu u diro furunta jihaadka, markaasuu Cuthmaan u diray Masar.

Duullaankii Daatu Suwaar ee dhacay waqtigii Cuthmaan bin Cafaan  buu Muxammed kala qayb qaatay amiirkii ciidamadaasi hoggaaminayay oo ahaa Cabdullaahi bin Sacad bin Abii Sarax,  markaa iyada ah markii laga faaruqay dagaalkaas buuna billaabay Muxammed inuu Cuthmaan eedeymo dusha uga tuuro, taasoo ay kamid ahayd inuu Cabdullaahi ibnu Sacad masuul uga dhigay Masar iyo waqooyiga Afrika, isagoo ninkaas Cabdullaahi bin Sacadna uu intuu Islaamay misna riddoobay xayaatadii Rasuulka (scw) oo misna Islaamay furashadii Maka. Waa sidaase waxaa Muxammed bin Abuu Xudeyfa ku garab istaagay arrinkaas rafiiqiisii Muxammed bin Abii Bakar oo isaguna ciidamadaasi lasocday.

Markii ay fidna wadayaashii Masar ka baxday aadeen Madiina si ay amiirka Mu’miniinta ee Cuthmaan bin Cafaan usoo dilaan, Muxammed bin Abuu Xudayfa ma uu raacin ee Masar buu ku haray, Cabdullaahi ibnu Sacad bin Abii Saraxna wuxuu  ku mashquulay oo u batay waqooyiga Afrika.  Sidaa darteed bay Masar noqotay masuul la’aan oo Muxammed bin Abuu Xudayfa gacanta ugu dhigay oo awood ku yeeshay. Cabdullaahi bin Sacad bin Abii Sarax waxaa gaadhay geeridii amiirkii Mu’miniinta ee Cuthmaan bin Cafaan iyo in Cali bin Abii Daalib uu Masar usoo dirsaday Qeys bin Sacad masuul ahaan, markaa buu Cabdullaahi bin Sacad aaday Shaam oo u tegay  Mucaawiyah bin Abii Sufyaan.

Qeys bin Sacad wuxuu galay Masar iyadoo Muxammed bin Abii Xudayfa la dilay oo markaa inta mimbarkii masjidka koray dadkii ku dul akhriyay warqaddii Cali bin Abii Daalib, baycadiina kaga qaaday oo sidaa kula mubaayacoodeen reer Masar in yar mooyaane oo aanan la mubaayacoon, kuwaasoo aanan cidi waxba yeeleyn, waxayna ku andacoonayeen kuwaasi in xadka laga oofiyo raggii dilay  Cuthmaan bin Cafaan.

Guud ahaan Masar oo idil baa la mubaayacootay Qeys oo uu  Cali baycada uga qaaday, marka laga reebo qaryo la oran jiray Kharbataa oo ay ku sugnaayeen rag u olalaynayey dhiiggii Cuthmaan bin Cafaan  waxayna ahaayeen odayaashii reer Masar iyo howradeennadii dadkaas. Waxayna wateen ciidan dhan 10 000 oo Cuthmaaniyiin ah  (yacni Cuthmaan bin Cafaan kuwii u olaleynayay inay u aar gudaan).  Waxaana madax u ahaa nin la oran jiray Yaziid bin Al Xaarith Al Mudlaji.

Qeys warqad buu u qoray si ay  iyana raggaasi ula mubaayacoodaan Cali bin Abii Daalib, hase ahaatee markuu ku daallay oo jawaab ka la’yahay buu  isaga aamusay.  Mucaawiyah bin Abii Sufyaanna markaa iyada ah waxaa xukunkiisa hoos imanayay Guud ahaan Shaam illaa daanta shisha ee dhulka Ruum, sidoo kale waxaa hoos imanayay qaar kamid ah Jaziiradda oo ay kamid yahiin Ruhaa, Qiisaariyah,  iyo Xaaraan iyo qeyrkooda.

Ashtar An Nukhaci oo dhanka Cali kasocday baa damcay inuu dhulalkaa ka qaado gacanta masuuliyiinta Mucaawiyah bin Abii Sufyaan u joogta halkaas. Markaa buu Mucaawiya markuu arrintaa ka war helay u diray C/raxmaan bin Khaalid bin Waliid, markaasuu Ashtarna dib ugu laabtay dhulkiisii.

Markii dhulalkaas oo idil Mucaawiya hoos yimaadeen oo xukunkiisii intaa gaaray buu warqad u diray Qeys bin Sacad isagoo ka dalbanaya inuu u istaaga raadinta dhiiggii Cuthmaan bin Cafaan, wuxuu sidoo kale u sheegay haddii uu Qeys arrintaa yeelo inuu u dhiibi doono masuuliyadda Ciraaq oo idil oo uu masuul uga noqon doono.   Qeys bin Sacad oo runtii ahaa nin ad adag oo misna leh go’aan adag baa markii warkaa Mucaawiya uu soo gaaray udiray warqad kale oo jawaab ah oo maqashiiyey wax uu kahdo.

Cali bin Abii Daalib markuu gaaray warka ah in Qeys iyo Mucaawiyah is dhaafsanayaan warqado baa wuxuu Qeys u diray warqad uu ku amrayo inuu ku duulo kuwa Masar kusugan ee diiday baycada, markaasuu Qeys ka cududaartay arrintaa sabab darteed uuna haysan  ciidan culus iyo iyadoo ragga kasoo horjeeda ay ahaayeen wajuuhdii reer Masar iyo rag karmeedyadii dhulkaas.

Markaa baala sheegaa inuu Cali ka casilay Masar oo u dhiibay Ashtar An Nukhaci, waxaa kaloo la sheegaa oo ah sida saxda ah in Cali uu udhiibay masuuliyadda Masar markii uu Qeys ka casilay Muxamed bin Abii Bakar oo wiil dhalinyaro ahaa, Qeysna wuxuu aaday markaa Madiina, oo markii uu Madiina tegay baa waxay is raaceen Sahal bin Xaniif oo ay aadeen dhankii Cali iyo Kuufa.   Waxayna kala qayb qaateen dagaalkii Safiin sida inoo iman doonto oo ay goob joog ahaayeen isaga iyo Sahalba.  Muxammed bin Abii Bakarna Masar buu tegay oo xukunkii qabtay oo halkaa buu masuul ka ahaa jeer uu dhacay dagaalkii Safiin

Dagaalkii Safiin

Al imaam Axmad wuxuu Maxamed bin Siiriin kasoo weriyey inuu yiri:- Fidnadu  waxay dhacday iyadoo saxaabadii Rasuulku (scw) ay yahiin 10 000, qayaastii, mana xaadirin wax dhan boqol  bal ee xitaa 30 ma ay xaadirin”. Wallaahu aclam.

Markii uu amiirkii Mu’miniinta ee Cali bin Abii Daalib uu ka faaruqay dhacdadii Jamal oo uu galay magaalladii Basra dabadeedna hooyadii Mu’miniinta ee Caa’isha uu u diray Makka, baa wuxuu go’aansaday inuu Basra ka dhaqaaqo oo aado magaallada Kuufa.

C/Raxmaan bin Cubayd wuxuu yiri:- Wuxuu galay magaallada Kuufa  maalin Isniin ah 12-kii bisha Rajab ee sanadkan yacnii sanadkii  36aad ee Hijriga.   Wuxuu galay jaamacii Kuufa oo dadkii ku tujiyey laba rakcadood oo dabeeta u khudbeeyay kuna booriyey kheyrka iyo sama falka iyo ka fogaanshaha xumaha. Kadibna wuxuu u cid diray Jariir bin Cabdullaahi Al Bujali oo masuul ka ahaa Hamdaan waqtigii Cuthmaan bin Cafaan  iyo Ashcath bin Qeys oo isaguna Cuthmaan masuul uga ahaa Aderbijaan si dadka halkaa kusugan baycada uga soo qaadaan.

Markaasuu Cali damcay inuu Mucaawiya cid baycada uga sooqaaddo u diro, saa Jariir bin Cabdullaahi Al Bujali baa ku yiri:- Aniga ii dir  anigaa aadayo xaggiisa amiirkii Mu’miniintoow! waayo aniga iyo isaga waxaa ina dhex taal gacaltooyo oo aniga ayaa kaaga soo qaadayo baycada?   Ashtar An Nukhaci baa markaa yiri:- Ha u dirin amiirkii Mu’miniintoow! waayo aniga waxaan ka cabsi qabaa in hawadiisu ay raacda isaga  (Mucaawiya).

Cali bin Abii Daalib wuxuu Ashtar ka dalbaday inuu iska daayo, markaasuu u diray Jariir dhankii Mucaawiyah isagoo horayna ugu sii dhiibay warqad uu ku ogeysiinayo in Muhaajiriin iyo Ansaarba  ay la mubaayacoodeen iyo weliba uu ku ogeysiinayo wixii dhacay maalintii dhacdada Jamal.  Markaasuu Jariir dhaqaaqay oo u tegay Mucaawiyah oo warqaddii udhiibay. Markiina warqaddii uu Mucaawiya qaaday buu u yeeray Camr bin Al Caas iyo madaxdii Shaam oo idil si uu ugala tashado arrinkaas.  Markaas baa Camr ibnu Al Caas iyo raggii madaxda Shaam ahaa ay ku taliyeen in uusan Cali lamubaayacoon jeer uu marka hore laayo fidna wadayaashii dilay  Cuthmaan bin Cafaan, go’aankaas buuna Mucaawiya qaatay.

Markaa buu jariirna aaday dhankii Cali oo inta u tegay uga warramay  wixii uu kala soo kulmay.  Ashtar An Nukhaci baa markaa yiri:- Amiirkii Mu’miniintoow! mawaanan kaa reebin inaad Jariir dirta? Haddii aad aniga ii diri lahayd albaab kastoo uu Mucaawiya furo waan xiri lahaa.  Markaas baa hadal dhex maray Jariir iyo Ashtar dabeetana Jariir wuu isaga tegay oo aaday Qirqiisiyaa oo degay, kadibna Mucaawiya buu warqad u diray oo wixii dhex maray isaga iyo Ashtar uga warramay  markaasuu Mucaawiyana u diray warqad uu kaga dalbanayo inuu u tego oo Shaam la dego.

Amiirkii Mu’miniinta ee Cali bin Abii Daalib markaa buu go’aansaday inuu Shaam aado  oo ka dhaqaaqay Kuufa, wuxuuna ciidamadiisii  dejiyey Nukheylah, magaaladii Kuufana wuxuu ku dhaafay Abuu Mascuud Cuqbah bin Camir Al Badriyu.

Mucaawiyana waxaa gaartay in Cali uu naf ahaantiisa iyo ciidan culus oo uu  hoggaaminaya ay kasoo baxeen Ciraaq, markaa buu raggiisii la tashaday oo iyana u tilmaameen inuu naf ahaantiisa dhaqaaqo oo ciidan culus kaxaysto. markaa bayna reer Shaam diyaar garoobeen. Camr bin Al Caas buu ahaa ninkii reer Shaam ku boorinayay bixidda iyo diyaar garowga.  Markaa bay is diyaariyeen oo soo dhaqaaqeen oo abbaareen halkii ciidamada hore ee Cali oo ah dhanka webiga Furaat naaxiyada Safiin.  Cali iyo ciidamadiisiina Nukheyla bay kasoo dhaqaaqeen oo soo aadeen dhanka Shaam.

Wuxuu Cali  hortiisa ku diray wardoon uu hoggaaminayo  Ziyaad bin Nadar Al Xaarithi, waxayna ahaayeen wardoonkaasi 8 000, misna wuxuu kaloo kadaba diray  Shureyx bin Hannaayi oo isaguna hoggaaminaya 4 000 . Waxay qaadeen jidka Cali hortiisa oonan ahayn jidka uu kusocday, markay gaareen  Dajlah bay labo muqaddama noqdeen.

Markaas baa waxaa soo gaaray in Mucaawiyah uu kusoo baxay xaggooda, say ka cabsadeen inay is helaan ciidanka Mucaawiya iyagoo tira ahaan aanan u dhigmeyn, markaasay  jidkii badasheen oo ka goosheen Hayt oo Cali oo  dhaafay ka daba tageen. Markuu Cali arrintaa arkay wuxuu yiri:- Ma muqaddamadeydii  (yacnii ciidankeygii hore) miyaa gadaashayda ka yimid?  Markaasay u cududaarteen oo uga sheekeeyeen wixii  qabsaday, suu isaguna u cududaaray, kadibna hor mariyey oo ka dhigtay muqaddamadisiii  waana ay socdeen.

Markii ay gooyeen webiga Furaat, baa waxay la kulmeen muqaddamadii Mucaawiyah bin Abii Sufyaan oo uu hoggaaminayo Abul Acwar  Camr bin Sufyaan Al Sulami. Markaasuu Ziyaad bin Nadar oo hoggaaminayay muqaddamada Cali ugu yeeray Abul Acwar iyo raggiisa inay la mubaayacoodaan Cali, hase ahaatee way diideen, markaa buu Ziyaad bin Nadar arrintaa u qoray Cali bin Abii Daalib oo soo daba socday. Markaasuu Calina soo diray Ashtar An Nukhaci si uu ciidamada Ziyaad madaxa ugu noqdo, ciidamadaasi kuwooda midigtana, wuxuu soo amray inuu Ziyaad bin Nadar madax u ahaado, halka kuwa bidixdana uu soo amray in uu madax unoqdo Shureyx bin Hannaayi.

Wuxuu soo amray Cali inaanay ku billaabin ciidamadiisa wax dagaal ah ciidamada Shaam jeer ay ayaga marka hore ku billaabaan oo ka dalbaday inay u sabraan inta uu uga imanayo isagoo ku raadjoogo socodkooda.  Muqaddamadii Shaam iyo kuwii Ciraaq markaa iyada way is hor fariisteen oo cidi cid kale kuma aanay duulin, jeer markii dambe uu Abul Acwar weerar ku qaaday ciidamadii muqaddamada ee Ashtar uu sitay. Ashtar-se isagu wuxuu ku amarqaatay amaradii uu  amiirka Mu’miniinta soo siiyey oo kusugnaaday isagoonan wax weerar qaadin. Muddo bay haddana is hor fadhiyeen, markaa bay reer Shaam dib u gaddoomeen markii gabbalku dhici rabo.

Markii uu waagii xigay baryay bay misna mar kale isa soo hor degeen labbadii muqaddama oo is hor fariisteen, in muddo ah bayna is hor fadhiyeen, markaa buu Ashtar weerar fudud ku qaaday ciidamadii Abul Acwar oo ka dilay Cabdullaahi bin Al Mundir At- Tanuukhi oo kamid ahaa fardooleyda reer Shaam, waxaana dilay nin katirsanaa ciidamada Ashtar oo la oran jiray Dibyaan bin Cammaarah At- Tamiimi.

Markaa iyada ah bayna Abul Acwar As- Sulami iyo raggiisii weerar culus soo qaadeen, markaasuu Ashtar ka dalbaday Abul Acwar inuu mubaariso ahaan usoo ban baxo, hase ahaatee Abul Acwar arrinkaa ma uu yeelin.  Waxaa kala dhex galay labada qolo gudcurkii habeenka oo way kala hoydeen iyadoonay wax buuran oo dagaal ah dhex marin. Markii la gaaray subaxii saddexaad baa waxaa yimid Cali bin Abii Daalib iyo ciidamadiisii guud, sidoo kale waxaa yimidi Mucaawiyah iyo ciidamadiisii guud.

Waxay labada qolo isku heleen goob la yiraahdo Safiin, ammintuna waxay ahayd horraantii bishii Dil Xajjah ee sanadkan.  Ciidamadii Mucaawiyah ayaa kusoo hormaray goobta oo ay usuuro gashay inay qabsadaan goobtii biyaha oo meel istaraatiiji ah ku tiillay.  Cali iyo ciidamadiisii markay yimideen waxay degeen meel ka durugsan biyaha, sidaa darteed baa ciidamadii Cali oon darani qabtay oo damceen inay kasoo cabbaan goobta biyaha. Mucaawiyana wuxuu uwakiishay biyaha Abul Acwar As- Sulami, wuxuuna Abul Acwar watay xayn fardooley ah.

Markiina ay damceen Ciraaqiyiintii inay biyaha soo cabbaan baa waxaa udiiday ciidamadii Shaam, markaasay Cali u tegeen iyagoo oon daran kaga andacoonaya.  Markaa buu Cali dhankii Mucaawiyah u diray Sacsacata bin Sowxaan si uu Mucaawiya ugu ogallaada ciidamada Cali inay biyaha cabbaan.   Sacsacata bin Sowxaan wuxuu u tegay Mucaawiya oo uu garab fadhiyo Camr bin Al Caas una sheegay wixii uu Cali usoo faray, markaasuu Mucaawiya u yeeray raggiisii oo la tashaday. Camr bin Al Caas wuxuu tilmaamay in biyaha lawada cabbo oo la wadaago.

Al Waliid bin Cuqbah bin Abii Mucayd isagu wuxuu tilmaamay in loo diido biyaha oo aanan la siin, sidii fidnawadayaasha ciidamada Cali kujiro ay Cuthmaan ugu diideen biyaha, si buu yiri ay u dhandhamiyaan wixii oon ahaa ee ay Cufhmaan dhandhansiiyeen.  Cabdullaahi ibnu Sacad bin Abii Sarax wuxuu soo jeediyey in biyaha loo diido ciidamada Cali illaa maalintaa uu gabbalku ka dhacayo oo habeenka laga gaarayo, sababtuna wuxuu yiri:- Waxay udhawdahay inay dhulalkoodii ku laabtaan.   Markaa buu Mucaawiyah aamusay isagoonan wax jawaab bixinin go’aanna aanan qaadan. Markaa buu Sacsacah bin Sowxaan weydiiyey:- Waa maxay jawaabtaada? Wuxuuna yiri:-  Ra’yigeygu wuu idiin iman doonaa arrinkan kadib.

Markaa buu Sacsacah laabtay oo amiirkii Mu’miniinta ee Cali Ibnu Abii Daalib uga warramay wixii uu kala soo kulmay Mucaawiya iyo raggiisa. Markaa iyada ahina Mucaawiya wuxuu meeshii biyaha geeyay ciidama uu hoggaaminaya Abul Acwar As Sulami. Dabeeto  Cali wuxuu biyaha u diray Ashcat bin Qeys Al Kindi iyo jamaaca uu hoggaaminayo, hase ahaatee waxaa is hor dadbay ciidamadii Abul Acwar oo u diiday inay biyaha dhaansadaan ama cabbaan.  Cali bin Abii Daalib wuxuu raggiisii amray inay adkeystaan oo ragga biyaha ka durkiyaan.

Markaa buu Ashcat weerar celin sameeyay oo labada qolo is heleen oo gamuunnada la isku hoobiyey, oo waramada laysku shiishay oo seefaha laysku daqray. Kadibna waxaa yimid Ashtar An Nukhaci oo gurmad dhanka Cali kasocda ahaa iyo Camr ibnu Al Caas oo isaguna gurmad dhanka Mucaawiya kayimid ahaa, waxaana dhacay dagaal socday jeer ciidamadii Mucaawiya laga qaaday gacan ku hayntii goobta biyaha. Markaa buu Cali raggiisii amray in biyaha aanan cidi loo diidin oo aanan lagu dhibin, wuxuuna amray in lawada wadaago oo lawada cabbo labada dhinacba.

Intaa kadib Cali laba maalmood buu meeshaa kusugnaa isagoonan wax warqad ah Mucaawiya u qorin, sidoo kalena Mucaawiya majirin warqad uu Cali muddadaas usoo qoray mana jirin ergo ay is dhaafsadeen muddadaas labada casho ah, kadib buu Cali u yeeray  Bashiir bin Camr Al Ansaari,  Saciid bin Qeys Al Hamdaani iyo Shabbath bin Ribciyi As Sahmi oo u diray dhankii Mucaawiya si ay ugu yeeraan daacada iyo midnimadda, wuxuuna ka dalbaday inay usoo dhageystaan waxa uu oranaya.

Markay ergadan u galeen Mucaawiya baa waxaa hadalka billaabay Bashiir bin Camr oo ku yiri:-  Mucaawiyoow! adduunyadu waad ka tegeysaa, waxaadna u noqoneysaa aakhiro, Illaahayna wuu xisaabin doonaa camalkaaga,  wuuna kaa abaal marin waxa aad hormarsatay. Illaahay baan kugu dhaarin Mucaawiyoow! inaadan ummadan midnimadooda kala geynin oo aadan dhiiggoodu daadin dhexdooda.

  • Markaa buu Mucaawiya yiri:- Oo maxaad saaxiibkiin sidaa ugu dardaarmi weydeen?

Wuxuu yiri:- Saaxiibkey (Cali) arrinkan wuu kaa mudanyahay fadligiisa dartii iyo diintiisa iyo ku horreyntii gelidda diinta iyo qaraabannimadiisa (uu qaraabada la yahay Rasuulka (scw)), wuxuuna kuugu yeeri inaad la mubaayacooto, taas baa adduunyadaadu kuu wanaagsan oo aakhiradaaduna kuu kheyr badane.

Kadib Mucaawiya wuxuu ku adkeystay raadinta dhiiggii Cuthmaan bin Cafaan, markaasuna waxaa damcay inuu hadlo Saciid bin Qeys Al Hamdaani, hase ahaatee waxaa uga hor maray  Shabbath bin Ribciyi oo hadallo uu Mucaawiya ka carooday ku hadlay, markaasay kala tegeen oo raggii ergada ahayd Cali ku laabteen oo uga warrameen wixii ay Mucaawiya kala kulmeen iyo kudhegnaashahiisii ahaa raadinta dhiiggii Cuthmaan bin Cafaan Allaha ka raalli noqdee.

Markaa iyada ah buu Cali diyaariyey ciidamadiisii oo dhisay, markaa baa waxaa billawday dagaalkii oo soconayay bishii Dul Xijjah oo idil, Wuxuu Cali maalin weliba ciidamadiisa u sameynayay masuul cusub, sidaa oo kale ayuuna Mucaawiya ciidamadiisa u sameynayay maalin waliba masuul cusub, waxaana kamid ahaa madaxdii Cali ciidamadiisa Ashtar An Nukhaci oo waaga  oday weyn ahaa oo dagaalyahan ah, Xujri bin Cadiyi  Shabbath bin Ribciyi,  Khaalid bin Al Muctamar, Ziyaad bin Nadar, Ziyaad bin Xafasah, Saciid bin Qeys, Macqal bin Qeys iyo Qeys bin Sacad bin Cubaada.

Madaxdii ciidamada Mucaawiyana waxaa kamid ahaa C/Raxmaan bin Khaalid bin Al Waliid, Abul Acwar As Sulami, Xabiib bin Maslama Al Fihri,  Dil Kulaac Al Ximyari, Cubeydullaah bin Cumar bin Khaddaab, Shuraxbiil bin Samadh iyo Xamzah bin Maalik Al Hamdaani.  Waxaa dhici jirtay in labada qolo maalmahaasi dagaalka ay kulmaan maalintii labo goor.

Sanadkan isaga ahi waxaa dadka xajiyey Cabdullaahi ibnu Cabbaas bin C/Mudalleb oo amarkii amiirka Mu’miniinta ku xajisiiyey.

Sanadkii |37aad

Bilawgii sanadkan amiirkii Mu’miniinta Cali bin Abii Daalib iyo Mucaawiya waxay isla deganaayeen goobta Safiin oo dhacda daanta galbeed ee webiga Furaat iyo bariga Shaam, iyadoo mid waliba uu wato ciidamo culus, waxay diriri dhex mareysay bishii Dul Xaj oo idil, waxaana dheceysay in maalmaha qaarkood ay labo mar dagaallamaan sidaynuba soo xusnay.

Kadib Cali wuxuu diray qaar kamid ah raggiisii, kuwaasoo kala ah Cadiyi bin Xaatim, Yaziid bin Qeys Al Arxabi, Shabbath bin Ribciyi iyo Ziyaad bin Xafasah oo uu u diray dhanka Mucaawiyah erga ahaan. Waxay u tageen Mucaawiya oo uu garab fadhiyo Camr bin Al Caas, saa waxaa hadalkii billaabay Cadiyi bin Xaatim oo inta Alle mahadiyey kuna amaanay waxa uu u ehel yahay yiri:- Intaa dabadeed, Mucaawiyoow!

Annagu waxaanu kuugu nimid inaan kuugu yeerno arrin uu Alle ku kulminayo kalmadeenna, oo dhiigguna ku badbaado,  dadka dhexdooduna haggaajisa. Ina adeerkaa (Cali)  waa seydkii Muslimiinta oo ah koodii ugu fadli badnaa uguna horreeyay Islaamka, waana ninka ugu raad wanaagsan Islaamka dhexdiisa.  Dadkii oo idil  isaga ayay raaceen oo Alle ku hanuuniyay wixii ay arkeen, mana harin cid aanan adiga iyo kuwa kula socdo ka ahayn. Mucaawiyoow! yaanay idin ku  dhicin adiga iyo asxaabtaada wixii dhacay maalintii Jamal.

Mucaawiya baa markaa hadlay oo yiri:-  Waxaad mooddaa inaad u timid handadaad oo aadan u iman  maslaxa.  Mucaawiya wuxuu ku dhagay mowqifkiisii ahaa raadinta dhiiggii Cuthmaan bin Cafaan, waxaanan taas ahaynna wuu diiday.

Kadib waxaa hadlay Shabbath bin Ribciyi iyo Ziyaad bin Xafasah oo xusay fadliga Cali iyo wanaaggiisa waxaana hadalladoodii kamid ahaa sidan:-  Alle ka cabso Mucaawiyoow! oo ha khilaafin, Innagu Illaah baan ku dhaarannaye inaynaan arag horey qof kaga camal badan taqwadda Alle  oo kaga zaahidnimo og adduunyada oo kaga kulansasho badan khasladaha kheyrka oo idil (isaga Cali).

Kadib Mucaawiya baa hadlay oo inta Alle mahadiyey ku amaanay waxa uu ehel uyahay kadibna yiri:- Intaa dabadeed, idinku waxaad iigu yeereysaan midnimada iyo adeecid, ammaa jamaacadu waa macna gaar ah, ammaa adeecidduna  oo sidee baan ku  adeecaa nin ku gargaaray dilkii Cuthmaan iyadoo uu weliba sheeganayo inuusan isagu dilin? Innaguna u celin meyno arrinkaa isaga oo ku tuhmi meyno, hase yeeshee wuxuu soo dhaweyey raggii dilay. Marka ha inoosoo dhiibo aanu dilno (raggii dilay Cuthmaan) kadibna waan idinka ajiibeynaa daacadda iyo jamaacaduba.

Markaa bay ergadii laabteen oo u tegeen Cali oo uga warrameen wixii  dhex maray Mucaawiya iyo iyaga.  Mucaawiyana wuxuu soo diray Xabiib bin Maslama, Shuraaxbiil bin Samadh iyo Macni bin Yaziid bin Al Akhnas, wuxuuna u diray dhankii Cali ergo ahaan.  Markay u tegeen Cali baa waxaa dhex maray doodo aad u dhaadheer oo xusiddeedu ay nagu dheeraaneyso, waxaana ergada Mucaawiya ay Cali ku eedeynayeen inuu soo dhaweeyay raggii dilay Cuthmaan, mararka qaar isaga qudhiisa bay ku eedeynayeen inuu ka dambeeyay iyadoo uu beri ka ahaa Allaaha ka raalli noqdee.

Abuu Dardaa Al Ansaari  iyo Abuu Umaamah oo ciidamadii Shaam ka tirsanaa baa waxay u tegeen Mucaawiya oo ay ku yiraahdeen:-  Mucaawiyoow! maxaad kula dagaalleysaa ninkan? Illaah baan ku dhaarannaye isaga baa idinkaga horreeyay adiga iyo aabahaaba Islaamka oo kaaga dhawaan og Rasuulka Alle (scw) oo kaana mudan arrinkan.

Markaasuu Mucaawiya yiri:-  Waxaan kula dagaallamayaa dhiiggii Cuthmaan, waayo wuxuu soo dhaweeyay raggii dilay (Cuthmaan)  marka u tag  oo  ku dhaha:- Inoosoo gacan geli raggii dilay Cuthmaan, dabeetana aniga ayaa noqon doono qofkii ugu horreeyo reer Shaam ee lamubaayacooda.

Markaasay is raaceen oo u tegeen Cali oo ku yiraahdeen sidii uu Mucaawiya soo amray, saa waxaa kusoo baxay khalqi tiro badan oo ku yiraahdeen:- Innagoo dhan baa dilnay Cuthmaan ee ciddii doonto haynoo soo baxdo.  Kadib Abuu Dardaa iyo Abuu Umaamah way laabteen oo dagaalka isaga baxeen, mana ay xaadirin dib dambe.

Bishaa Muxarram oo idil wax dagaal majirin oo ergada iyo warqadaha ayay is dhaafsanayeen labada dhinac, markiina laga baxay bishii Muxarram buu Cali diray goor gabbal dhac ah Yaziid bin Al Xaarith Al Jushmi si uu reer Shaam uga dhex yeero oo ogeysiiyo in Cali uu weerarayo bacdamaa uu ku hungoobay ergadii iyo warqadahii badnaa ee ay isdhaafsanayeen muddadii bisha ahayd..  Shaamiyiinta aad bay dhawaqaas ula yaabeen, oo uga naxeen, markaa bayna Mucaawiya iyo Camr bin Al Caas ciidamadoodii si huleel ah udhiseen oo meymanadii iyo meysaradii diyaariyeen.

Calina isla habeenkaas buu ciidamadiisii dhisay oo fardooleyda reer Kuufa wuxuu u dhiibay Ashtar An Nukhaci, ciidamada lugta ee Kuufiyiintuna wuxuu madaxa uga dhigay Cammaar bin Yaasir. Ciidamada fardooleyda ee reer Basra wuxuu u dhiibay Sahal bin Xaniif Al Ansaari, kuwooda lugtana wuxuu madax uga kala dhigay Qeys bin Sacad Al Ansaari iyo Haashim bin Cutbah bin Abii Waqaas.  Guud ahaan ciidamadiisa qaarigooda wuxuu u doortay Sacad bin Fadaki At Tamiimi.

Markaa buu Cali ciidamadiisii kusoo baxay oo dardaaranno fiican siiyey oo amray inaanay ciidamadiisi weerarka billaabin iyo in aanan dhaawac la isa sii raacin iyo in aanan la eryan mid cararay sidoo kale wuxuu amray inaanan la caayin madaxda Shaamiyiinta.

Habeenkaa isaga ah subaxiisii buu Mucaawiya soo dhaqaaqay isagoo ciidamadiisa midigta udhiibay Dil Kulaac Al Ximyari, ciidamada bidaxdana wuxuu u dhiibay Xabiib bin Maslama Al Fihri, ciidamadiisa horena wuxuu madax  uga dhigay Abul Acwar As- Sulami, ciidamada fardooleyda reer Dimishiqna wuxuu u dhiibay Camr bin Al Caas halka ciidamada lugta ee reer Dimishiqna uu madax uga dhigay Daxaak bin Qeys Al Fihri, ciidamada reer Falastiin wuxuu u dhiibay Maslama bin Mukhlid, calanka guud ee ciidanka wuxuu u dhiibay C/Raxmaan bin Khaalid bin Al Waliid, ciidamada dambana wuxuu madax uga dhigay Busur bin Abii Ardhaah Al Caamiri.

150 000 ayaa lagu  sheegaa ciidamadii Cali inay maalintaa ahaayeen, halka lagu sheega ciidamada Mucaawiya inay ahaayeen 130 000.  Koox reer Shaam baa markaa waxay isku dhaarsadeen inaanay cararin oo kuballameen sugnaan iyo sabar. Waxay ahaayeen Shan safood kuwaa iyaga ahi ee ku ballamay sugnaanta iyo adkeysiga, waxaa kaloo daba tiillay 6 safood oo kale.  Ciidamada reer Ciraaqna sidaa oo kale waxay sameysteen 11 saf oo hore.

Markaa bay labada qole kulmeen maalintii kowaad ee bisha Safar oo ahayd maalin Arbaca ah ee sanadkan, amiirka dagaal gelinta ciidamada Ciraaqiyiintuna wuxuu maalintaasi ahaa Al Ashtar An-Nukhaci, halka ciidamada Shaamna uu dagaal gelinayay dhiggiisa Xabiib bin Maslama Al Fihri, saa waxaa dhex maray dagaal daran oo kulul oo socday illaa galabkii. Gelinkii dambe ee maalintaa bay kala hoydeen oo dagaalkii qaboobay iyadoo qolaba qolada kale ay u adkeysanayso.

Dabadeed subaxii labaad oo ahaa subax Khamiis ah bay isu soo jarmaadeen oo sidii oo kale dirir daran  dhex martay, iyadoo ciidamada Ciraaqiyiinta uu maalintaa dagaal gelinayay Haashim bin Cutbah bin Abii Waqaas,  halka ciidamada Shaamna uu dagaal gelinayay Abul Acwar As- Sulami. Way dirirayeen labada qolo jeer la gaaray gelinkii dambe ee maalintaas oo ay markaa kala hoydeen iyadoo qola waliba ay kooxda kale u adkeysanayso.  Subaxii saddexaad oo ahaa aroor Jumcaad bay isku soo kallaheen iyadoo dhanka Ciraaqiyiintu uu dagaal gelinayay Cammaar bin Yaasir halka Shaamiyiintu uu maalinkaa dagaal gelinayay Camr bin Al Caas.

Waxaa maalintaan labada dhinac dhex maray dagaal daran. Cammaar bin Yaasir baa weerar culus ku qaaday ciidamadii Camr bin Al Caas oo meeshoodii ka durkiyey. Saa waxaa mubaaraso soo baxay Ziyaad bin Al Nadar oo kamid ahaa hoggaamiyaashii fardooleyda Cali, waxaana usoo baxay nin dhanka Shaamiyiinta ah. Markii labada nin kulmeen bay is garteen, oo waaba labo ka  wada dhalatay xagga hooyada, markaasuu midba midka kale ka leexday oo kooxdiisii u laabtay.  Fiidkii markii la gaaray buu dagaalkii istaagay oo ay labadii qolo kala hoydeen.

Subaxii afraad oo ahaa subax Sabti ah bay isu soo kallaheen. Waxaa subaxaas soo baxay Muxammed bin Cali bin Abii Daalib (oo loo yaqaannay Muxammed bin Xanafiyah) oo hoggaaminayay ciidamada Ciraaqiyiinta, wuxuuna dagaal gelinayay ciidamo aad u culus. Ciidamada dhiggiisa ah ee Shaamiyiintuna waxaa maalintaa dagaal gelinayay Cubeydullaah bin Cumar bin Khaddaab, saa waxaa labada dhinac dhex maray dagaal daran.  Cubeydullaah bin Cumar baa mubaariso soo baxay isagoo ka dalbanaya Muxammed bin Cali inuu usoo baxo mubaariso.

Muxammedna wuu yeelay oo u soo baxay, markii ay inyar isu jiraan oo isu dhawaadeen, buu Cali yiri:- Waayo labada qof ee mubaarisada isu baxaysa? Waxaa lagu yiri:- Waa wiilkaagii Muxammed iyo Cubeydullaah.  Waxaa la yiraahdaa markaa buu Cali dhaqaajiyey daabaddiisii oo amray wiilkiisii inuu istaago.

Markii uu Cali yimid, buu ka dalbaday Cubeydullaahi inuu isaga usoo baxa Mubaariso ahaan, hase ahaatee Cubeydullaah wuu diiday. Mar kale ayuu Cali  ka dalbaday hase ahaatee sidii oo kale ayuu u diiday, dabeetana Cali dib buu isaga laabtay. Labadii qolana way kala  hoydeen.  Maalintii shanaad bay isu soo baxeen oo ahayd maalin Axad ah iyadoo ciidamada Ciraaqiyiinta uu hoggaaminayay Cabdullaahi bin Cabbaas halka ciidamada Shaamiyiintuna uu hoggaaminayay ama dagaal gelinayay Al Waliid bin Cuqbah bin Abii Mucayd. Waxaa la sheegaa in Cabdullaahi bin Cabbaas uu maalintan si daran u dagaallamay.

Kadib way kala hoydeen oo waxay isu soo jarmaadeen subaxii lixaad oo ahaa subax Isniin ah, iyadoo ciidamada Ciraaqiyiinta uu dagaal gelinayo Qeys bin Sacad bin Cubaada, halka ciidamada reer Shaamna uu dagaal gelinayay  Dil kulaac Al Ximyari. Waxaa dhexmaray labada dhinac dagaal kulul sidii hore oo kale iyadoo labada qolaba ay isu sabrayaan oo sugnaan iyo adkeysi ay mid waliba latimid goobta, kadibna way kala hoydeen.

Ashtar An- Nukhaci baa maalintii toddobaad  oo ahayd maalin Talaado ah soo baxay isagoo dagaal gelinaya ciidamada Ciraaqiyiinta, saa waxaa kusoo baxay dhiggiisii Xabiib bin Maslamah Al Fihri oo isaguna maalintaa dagaal gelinayay ciidamadii Shaamiyiinta.  Waxaana dhex maray labada dhinac dagaal kulul oo aad u daran oo socday illaa galabkii, iyadoo maalmahaasi oo idil dagaallada dhacayay aanay jirin cid ka adkaaneyso cid kale.

Maalintii xigtay oo ahayd Arbaco ayuu Cali ciidankiisii ka dhex istaagay salaaddii Casir kadib oo amray inay dagaal culus isu diyaariyaan oo ka dalbaday sabir iyo sugnaan iyo ka run sheegid goobta dagaalka,  Wuxuu Cali ciidamadiisa xasuusiyey in berritoole ay la kulmi doonaan reer Shaam, wuxuuna ka codsaday inay habeenkaa isaga ahi ay salaadda dheereeyaan oo akhrinta Quraankuna ay badiyaan, iyo weliba ka run sheegid goobta macrikada.

Markaa bay ciidankii billaabeen inay seefihii afeystaan oo waramadu haggaajistaan oo howl culus ay galeen.  Markii ooggu baryay, Cali wuxuu la waa’ bariistay ciidamadiisii oo sidii uu doonay u diyaariyey, sidoo kale Mucaawiyana wuxuu la waa’ bariistay ciidamadiisii oo isaguna uu habbeenkaasi siduu doono usoo dhisay.  Waxaa lala yimid labada dhinacba cudud iyo cadad iyo hub aad u culus. Wa billaahil Mustacaan.

Cali bin Abii Daalib wuxuu amray ciidamadiisii in qola waliba oo kamid ah qabaa’ilka ciidankiisa ay ku hagaagto qoladeeda kale ee ku jirta ciidamada Shaam.  Cali bin Abii Daalib horey ayuu usoo dhaqaaqay isagoo hoggaaminaya ciidamada dhexda ah oo ahaa reer Madiina, ciidamadiisa midigtana waxaa hoggaaminayay Cabdullaahi bin Budeyl bin Warqaa Al Khuzaaci, kuwa bidixduna waxaa hoggaaminayay Cabdullaahi bin Cabbaas, qurraa’duna waxaa hoggaaminayay Cammaar bin Yaasir iyo Qeys bin Sacad bin Cubaadah, halka qabiilooyinkuna ay calama qaas ah wateen.

Mucaawiyana wuu soo dhaqaaqay subaxaas isagoo reer Shaam geeri kula mubaayacooday, markaasay labadii qolo isasoo hordageen.  Cabdullaahi bin Budayl oo ciidamada midigta ee Cali hoggaaminayay baa weerar ku qaaday ciidamadii hortiisa ahaa ee Shaamiyiinta (kuwii bidixda ee ciidamada reer Shaam) kuwaasoo uu hoggaaminayay Xabiib bin Maslama Al Fihri, saa wuu durkiyey oo u geeyay kuwii dhexda oo  uu markaa Mucaawiya naf ahaantiisa hoggaaminayay.

Cabdullaahi bin Budayl-na ciidamadiisii buu inta dhex istaagay ku boorinayay dagaalka iyo inay horey ugu sii socdaan. Sidoo kale amiirkii Mu’miniinta ee Cali bin Abii Daalib isaguna markaa dagaalka buu raggiisa ku boorinayay oo ku dhiiragelinayay. Mucaawiyana dhankiisa sidaa oo kale buu u geesinnimo gelinayay raggiisa oo ugu boorinayay dagaalka.

Markiina uu Mucaawiya arkay jabka soo gaaray ciidamadiisa bidixda iyo in Xabiib lasoo durkiyey buu raggiisii ku booriyey oo amray in weerar culus ay qaadaan oo u gargaaraan Xabiib.  Raggii halyeeyada Shaam baa markaa si huleel ah ugu gurmadey dhankii bidixda ee Xabiib bin Maslama uu ka dagaallamayay, saa waxay soo qaadeen weerar culus oo ka run sheegid ah.

Goobaha kale dagaalku si daran ayuu uga soconayay oo waramadu la isla helayay, seefuha la isku waray oo gamuunnaduna la isku shabiyey. Heer waxay gaareen markii seefaha, waramada iyo gamuunnada layskala daalay la lagdamay oo lays qaniinay oo lays feeray oo dulka la isla galay, oo lays shiiday (yacni la is dhagaxyeeyay), waxaa dhacaysay in laba nin inta is qabsato isqaniiinaan misna legdamaan oo dhulka muddo ku raftaan haddana  ay kala kacayeen oo haddana isku noqonayeen.

Culamaayi taariikh waxay xusaan in Cali maalmahii Safiin uu mubaaraso ku laayay dad dhan 500 .  Qaabkii uu mubaarisadu dadka ugu laynayay waxaa kamid ahayd in Kureyb bin Sibaax oo kamid ahaa halyeeyadii ciidamada Shaam uu mubaariso ku dilay afar nin oo reer Ciraaq ah. Markaa buu Kurayb inta dhammaan meydkoodii lugtiisa hoosteeda dhigay buu yiri:- Yaa ii soo baxaya? Saa waxaa ubaxay Cali oo qudha ka saray oo meydkiisii inta ka tallaabsaday yiri:- Yaa iisoo baxaya? Saa waxaa u baxay Al Xaarith bin Waadicah Al Ximyari, saa isagiina wuu dilay.

Mar kale ayuu Cali dalbaday in cidi usoo baxdo, markaa waxaa usoo baxay  Rawaad bin Al Xaarith Al Kulaaci oo kamid ahaa halyeeyadii reer Shaam, saa isagiina waa uu dilay. Misna mar kale ayuu Cali dalbaday mubaariso, saa waxaa usoo baxay Al Mudaac bin Muddalib Al Qeysi, saa isagiina raggiisii buu ka daba geeyay oo qudha ka jaray.  Markaa buu Cali Allaha ka raalli noqdee akhriyey qowlka Alle sarreeye

”Xurmooyinkuna waa qisaas”. Suuradda Al Baqrah aayadda 194d.

Intaa dabadeed Cali wuxuu u jeestay dhankii Mucaawiya oo ka dalbaday Mubaariso.  Camr bin Al Caas oo markaa Mucaawiya ka ag dhawaa ayaa kula taliyey in Mucaawiya uu Cali u baxo mubaarizo ahaan, hase ahaatee Mucaawiya wuu diiday inuu Cali isku toosiyo mubaarizo ahaan, waayo wuxuu ogaa in aanan Cali weligii horey looga adkaan. Sidoo kale wuxuu xasuusnaa in Rasuulka Alle (scw) uu maalintii Bader yiri:- Ma jirto seyf aanan ahayn Dilfaqaar, mana jira kuray aanan ahayn Cali.

Sidaa darteed Cali dib ayuu isaga laabtay. Waxaa la sheegaa in Camr bin Al Caas iyo Cali ay saaxada dagaalka  ku kulmeen mar oo inta Cali gaashaankii ka tuuray Camr buu dhulka ku riday, saa waxaa faydmatay cawradii Camr,  markaasuu xasuusiyey riximnimada oo ku cataabay wada dhalashada. Markaa buu Cali dib u laabtay.  Raggiisii baa weydiiyey sababta uu uga soolaabtay ninka oo uu u dili waayay? Cali wuxuu ku yiri:- Ma garanaysan ninka? Waxay yiraahdeen:- May.  Wuxuu yiri:- Waa Camr bin Al Caas oo iga horkeenay cawradiisii oo i xasuusiyey riximka, markaasaan  kasoo laabtay.

Xabiib bin Maslama iyo halyeeyadii geesiyaasha ee reer Shaam, waxay soo qaadeen weerar culus oo ay ku wiiqeen awooddii ciidamadii midigta ee Cabdullaahi bin Budayl, markaasay kashifmeen raggii Cabdullaahi bin Budayl oo carareen, waxaana kusoo haray 300 oo qura.  Ciidamadii reer Ciraaq way jabeen oo xitaa Cali agtiisa waxaa kusoo hartay in yar oo ah reer Madiina oo kaliya, kuwaasoo uu hoggaanka markaa u hayay Sahal bin Xaniif Al Ansaari.

Rabiica iyagun way sugnaadeen oo maanay cararin, agta Cali bayna ka dagaallamayeen oo difaac culus ku jireen.  Ciidamadii Shaamiyiintuna waa ay soo dhawaadeen jeer gamuunnadoodii ay soo gaareen Cali agtiisa.  Adeega u joogay reer banii Umaya baa markaa raggiisii kasoo dhex baxay, saa waxaa u baxay adeega uu lahaa Cali. Markay is heleen waxaa la dilay adeegahii Cali, saa adeegihii reer banii Umayah horey buu usii socday jeer uu kudhawaaday Cali agtiisa isagoo doonaya inuu  dila.

Waxaa markaa iyada ahi Cali la joogay wiilashiisa, Xasan iyo Xuseen iyo Muxammed.  Markii uu adeegahii ku dhawaaday Cali baa inta uu qabtay gacanta ayuu maroojiyey deedna dhulka ku ganay oo garabka ka jabay.  Xuseen iyo Muxammed baa inta kusoo baxay seefahoodii qudha uga jaray oo dilay.  Cali intuu wiilkiisii Xasan ku jeestay buu weydiiyey:- Maxaa kuu diiday inaad fasho siday (walaaladaa) faleen? Wuxuu  Xasan ku jawaabay:- Way iiga fillaadeen amiirkii Mu’miniintoow!!.

Wuxuu  Cali markaa amray Ashtar An- Nukhaci inuu ka daba tego dadkii jabay oo uu soo celiyo,  saa Ashtar wuu dhaqaaqay oo inta kadaba tegay soo celiyey oo ku booriyey dagaalka amrayna inay sugnaadaan oo weerar culus ay ku qaadaan Shaamiyiinta.

Markii uu Ashtar soo celiyey raggii jabay, waxay ciidamadii Cali noqdeen kuwa culus oo  awooddii ka hor timaaddaba wiiqa oo kafisho weerarada reer Shaam oo idil, sidaa buu Ashtar usoo socday jeer uu soo gaaray  ciidamadii midigta ee Cabdullaahi bin Budayl oo markii hore ay agtiisa ku hareen 300, kuwaasoo goobtoodii ku sugnaaday oo diriray dirir daran.

Markii gurmadkan uu soo gaaray bay weydiiyeen amiirkii Mu’miniinta xaalkiisa?  Iyana waxay usheegeen inuu bed qabo oo aanay balo helin.  Goortu waxay ahayd salaaddii Casir kadib, Cabdullaahi bin Budayl markii uu gurmadku u yimid buu damcay in uu weerar culus qaado, hase ahaatee Ashtar An Nukhaci baa kula taliyey inuusan wax weerar ah qaadin isagoo usheegay inay isaga u roontahay inuu meeshiisa kusugnaado.

Cabdullaahi bin Budayl wuu diiday arrinkaa, weerar ayuuna ku qaaday dhankii ciidamada reer Shaam, oo abbaaray dhankii Mucaawiya, markiina uu kudhawaaday wuxuu arkay isagoo  (Mucaawiya) uu dhex taaganyahay asxaabtiisa oo hareerahiisuna ay dhoobanyahiin guutooyin ciidamo ah oo lamoodo buuro oo kale.  Markaa baa qeybo kamid ah guutooyinkaas baa weerar kusoo qaadeen dhankii Cabdullaahi oo way dileen, isagoo mayd ayuuna dhulka ku dhacay.

Halkaa ayuuna ku naf waayay amiirkii ciidamada midigta ee Ciraaqiyiinta ee ahaa  Cabdullaahi bin Budayl bin Warqaa Al Khuzaaci, raggiisiina waa ay jabeen, jabkooduna waxaa u badnaa kuwa daawac la baxsaday.  Wuxuu Mucaawiya amray asxaabtiisii inay soo eegaan cidda amiirka u ahayd ciidamadaas, markiina ay dul yimideen maydkii Cabdullaahi bin Budayl, way garan waayeen. Mucaawiya baa markaa yimid, oo markuu  arkay waaba Cabdullaahi bin Budayl bin Warqaa oo uu si fiican uyaqiinay.

Dabadeed Ashtar An Nukhaci baa wuxuu la laabtay kuwii soo jabay oo weerar culus qaaday, illaa uu dhex gooshay safafkii shanta ahaa  ee ku ballamay geerida iyo inaysan cararin afar kamid ah. Wuxuu dul istaagay safkii ugu weynaa oo ku dadbanaa Mucaawiya hortiisa, markiina uu Ashtar arkay tira badnida safkaas buu ku sigtay inuu baxsada hase ahaatee wuxuu soo  xasuustay tix gabay ah oo uu tiriyey Camr bin Idnaabah, taasoo  dareensiisay in xilliyadaas oo kale aanay habbooneyn in la cararo.

Markaa buu Ashtar weerarkii adkeeyay oo sugnaaday isaga iyo raggiisiiba oo diriray dirir daran. Mucaawiya markuu arkay weerarada Ashtar ee aanan loo babac dhigi karin buu ku sigtay inuu baxsada, saa wuxuu la hadlay Camr bin Al Caas oo dhinaciisii taagnaa oo uu ku yiri:- Maantu waa sabir, berrina waa faan.  Camr bin Al Caas baa ugu jawaabay:- Run baad sheegtay.

Wuxuu yiri Mucaawiyah:-  Waxaan asiibay kheyrkii adduunyada, waxaana rajayn inaan asiibo kheyrka aakhiro.

Mucaawiya intii dagaalladaas lagu jiray buu mar warqad u qoray Khaalid bin Al Muctamar oo kamid ahaa hoggaamiyaashii fardooleyda Cai isagoo ka codsanaya in isaga iyo inta uu hoggaaminayaba ay isaga kusoo biiraan, wuxuuna taa badalkeeda u ballan qaaday inuu masuul uga dhigi doono dhulka Ciraaq oo idil.

Dagaalkii dhacay maalintan waxaa ku hoobtay rag badan oo kamid ah geesiyaashii labada dhinac iyo rag caan ahaa. Fa innaa lillaah wa innaa illeyhi raajicuun.  Raggii caanka ahaa ee maalintaa ku geeriyooday dagaalkan waxaa kamid ahaa Cubeydullaah bin Cumar bin Al Khaddaab oo katirsanaa halyeeyadii ciidamada Shaam. Maalintaa iyada ah raggii amaraada ciidamada reer Shaam ayuu kamid ahaa, waxaana la socdeen labadiisii dumar oo lakala oran jiray Asmaa bint Cudhaarid bin Xaajib At- Tamiimiyah  iyo Baxriyah bint Hannaay bin Qabiisah Ash Sheybaaniyah.

Gadaashiisa ayay istaageen si ay u eegaan geesinnimadiisa iyo sida uu u dagaallamayo odaygooda.  Mar qura baa waxaa weerar kusoo qaaday ciidamo Kuufiyiin ah oo reer Rabiica ah, kuwaasoo uu hoggaaminaya Ziyaad bin Xafasah At- Tamiimi, markaasay mar qura waramada iyo seyfaha ku adkeeyeen oo dileen, ka gadaal markii ay asxaabtiisii ka carareen. Sidoo kale waxaa la dilay maalintaa Dul Kulaac Al Ximyari oo kamid ahaa geesiyaashii reer Shaam.

Raggii akhyaarta ahaa ee ku naf waayay Safiin maalintaa iyada ahi waxaa kamid ahaa Cammaar bin Yaasir Al Canasi, kaasoo daliil u ah in kooxda Cali ay ahayd kuwa xaq ku taagan, halka kooxda Mucaawiyana ay ahaayeen kuwa xad gudbay.  Rasuulkii Alle (scw) wuxuu yiri:-  Camaaroow! waxaa ku dili doonto kooxda xadgudubtay”.

Sidoo kale wuxuu yiri:- Markay ummaddu is khilaafta, ina Sumayah (Camaar)  wuxuu la jiri doonaa kuwa xaqa kutaagan.

Waxaa la sheegaa inuu ahaa ninkii Cammaar dilay Abul Qaadiyah Yassaar Al Muzanniyi (ama Al Juhani),  Waxay ina tusineysaa in dilka Cammaar uu ahaa, mid reer Ciraaq ay ahaayeen kuwa xaq ku socda halka, ciidamada Shaamiyiinta ay ahaayeen xad gudbay.  Axaadiis dhowr ah ayuu  Rasuulka Alle (scw) ku tilmaamay in Cammaar ay dili doonaan koox xad gudubtay. Sidaa darteed Cammaar wuxuu lasocday Cali oo wuxuu daliil u yahay in Cali uu ahaa hoggaamiyaha koox xaq ku taagan halka, Mucaawiyana uu ahaa mid hoggaaminayay koox xad gudubtay.

Cabdullaahi bin Camr bin Al Caas  ayaa aabahii ku yiri:- Aaboow! ma waadan maqal Rasuulka Alle (scw) oo Camaar ku leh:-  Hooge ina Sumayoow! waxaa ku dili doonto koox xadgudubta?  Markaasuu Camr bin Al Caas ku yiri Mucaawiya:- Ma waadan maqlayn waxa uu Cabdullaahi-gan leeyahay? Markaa baa Mucaawiya intuu carooday yiri:- Ma innagaa dilnay? Waxaa dileen kuwii meesha keenay.

Axaadiis dhowr ah ayaa muujineysa in Cammaar ay dili doonta koox xad gudubtay, sidoo kale waxaa cad in uu la socday Cali oo misna uu kamid ahaa raggii ugu cad caddaa masuuliyiintii Cali.

Cammaar bin Yaasir bin Caamir bin Maalik Al Mudxaji Al Canasi, halkaa ayuu ku shahiiday Allaha ka raalli noqdee. Sidoo kale waxaa kamid ahaa dadkii  maalintaa ku shahiiday Haashim bin Cutbah bin Abii Waqaas Allaha ka raalli noqdee, wuxuu kamid ahaa saadaaddii saxaabada, wuxuuna ka tirsanaa masuuliyiintii Cali.

Markii la dilay Cammaar baa Cali wuxuu reer Rabiica iyo Hamdaan ku yiri:- Idinku waxaad tahiin diracayga (cambuur bireedka dagaalka) iyo warankayga. Markaasay xaggiisa u soo dideen 12 000 oo ay weerar culus qaadeen, saa saf kastoo ka hor yimaadama way kashifeen illaa markii dambe ay gaareen Mucaawiya agtiisa. Cali intaa wuu la socday oo guubaabinayay.

Dabadeed wuxuu hor mariyey wiilkiisa Muxammed iyo koox culus oo uu hoggaaminaya, saa waxay dirireen dirir daran oo  wuxuu misna kadaba diray koox kale, markaasay weeraro culus oo is daba joog ah qaadeen, garaangirtii dagaalkuna ay wareegatay, halkaasoo ay ku naf waayeen khalqi aad u tiro badan oo labada dhinac ah.

Sidaa baa lagu gaaray salaaddii Cishaha, dagaalkuna ma uusan qaboobin ee wuu sii socday, habeenkaa isaga ahi wuxuu ahaa habeenkii ugu shar badnaa Muslimiinta dhexdooda, waana habeenkii loogu magac daray Leylatul Hariir.  Waxay ahayd habeen Jumca ah, Calina wuxuu hoggaaminayay ciidamadiisa dhexda wuxuuna amrayay inay sugnaadaan oo aanay cararin sidoo kale wuxuu ku boorinayay dagaalka.

Ciidamadiisa midigtuna waxaa hoggaaminayay Ashtar oo qabtay masuuliyaddaas kadib markii galabkii khamiista la dilay amiirkii ciidamadaas, kaasoo ahaa Cabdullaahi bin Budayl sidaynuba soo xusnay, kuwa bidixdana waxaa hoggaaminayay Cabdullaahi ibnu Cabbaas. Dagaalku habeenkaas dhan waliba wuxuu uga socday si daran oo aanan horey loo arag.

Dagaalku wuu socday illaa la gaaray subaxii, say tukadeen, halkii buuna mar kale kasii billawday dagaalka oo uu socday jeer la gaaray barqadii maalintaa oo ahayd maalin Jumca ah, markaasoo Illaahay guushii u soo dedejiyey reer Ciraaq, oo ay ka sare mareen oo ka gacan sareyeen, kana awood bateen reer Shaam.

Sababtuna waxay  ahayd markii la dilay Cabdullaahi bin Budayl baa waxaa ciidamadii midigta masuul looga dhigay Ashtar An Nukhaci, wuxuuna Ashtar ahaa mid kamid ah halyeeyadii iyo geesiyaashii caanka ku ahaa dagaalka, wuxuu tab iyo xeelad sare u yaqiinay qaabka dagaalka, markaa buu weerarro is daba joog ah kuqaaday dhanka Shaamiyiinta.

Dhanka kale reer Ciraaq markii ay arkeen in Camaar la dilay bay yaqiinsadeen inay xaq ku taaganyahiin  iyo in reer Shaam ay yahiin koox xad gudubtay. Markaa bayna dagaalkii laba jibaareen oo si ka daran sidii hore u dagaallameen, Taasina waxay sababtay in maalintaa Jumcada ahi subaxeediii Illaahay nasri u keeno reer Ciraaq oo ay ka awood roonaadeen reer Shaam, markaasoo reer Shaam ay musxafka kor u qaadeen si ay isaga ugu xukuntamaan.

Reer Shaam oo Musxafka Kor u Qaaday

Sababtu waxay ahayd markii xaaladdii darnaatay oo dagaalkii kululaaday, reer Shaamna ay arkeen inay daciifeen, baa Camr bin Al Caas wuxuu jecleystay inuu xaalku qaboobo oo dagaalku istaago, markaasuu la hadlay Mucaawiya oo uu ku yiri:- Waxaan qabaa arrin aanan noo siyaadineyn waqtigan la joogo wax aanan midnimo ahayn, iyana (reer Ciraaq) aanan u siyaadineyn wax aanan kala tag iyo tafaraaruq ahayn, waxaan arkaa inaynu Musxafka kor u qaadno oo aanu ugu yeerno xaggiisa.

Haddii ay naga wada yeelaan idilkood, waxaa istaagaya dagaalka waqtigan. Haddii ay dhexdooda isku khilaafaan, oo barkoodu yiraahdaan, waanu yeeleynaa, barkoodna yiraahdaan ma yeeleyno cududdoodii way kala tagaysaa oo way jabayaan.  Markaa buu Mucaawiya arrintaa ku raalli noqday oo reer Shaam  Musxafkii kor u qaadeen iyagoo ugu yeeraya Cali iyo reer Ciraaq in ay isaga (Musxafka) ku kala baxaan.

Waxaa la sheegaa Ashcath bin Qeys inuu Cali kula taliyay inuu arrinkaasi ka yeelo, ciidamadii Calina badankoodu waxay isku raaceen in dagaalka la joojiyo oo kitaabka lagu heshiiyo. Cali taa baddalkeedu wuxuu qabay in dagaalku lasii wado, wuxuuna raggiisa u tilmaamay in reer Shaam ay kitaabka u qaateen qadca iyo dhagar.  Dhanka kale Cali wuxuu ahaa mid ku xukuntama kitaabka Alle, sidaa darteed buu amray in Ashtar uu joojiyo dagaalka.

Cabdullaahi bin Camr bin Al Caas ayuu ahaa ninkii Musxafka la dhex marayay ciidamada, isagoo xagga Alle ugu yeerayo iyo in lagu xukuntama kitaabka Alle. Taasuna waxaa amray Mucaawiya bin Abii Sufyaan Allaha ka raalli noqdee.

Labada dhinac waxay sameeyeen wacdaro aanan horey loo arag loona maqal iyo weliba sugnaan iyo sabir xeel dheer oo aanan mid lamid ah horey iyo dib loo arag. Ma jirin koox koox kale ka cararaysay bal ee way isu sabrayeen oo waramada lays darayay sidoo kalena seefaha laysla helayay gamuunnaduna la isku shabinayay. Way isu sabrayeen, jeer ay iska dileen labada dhinacba tiro 70 000 ah, oo 45 000 kamid ahi ay ahaayeen reer Shaam, halka 25 000 ay ahaayeen reer Ciraaq.

Muddadii ay dagaallamayeen ee ay labada qola kusugnaayeen goobta Safiin ayaa la isku khilaafaa.  Seyf bin Cumar wuxuu yiri:- Waxay is haysteen 7 bilood ama 6  bilood.

Abul Xassan Al Baraa wuxuu yiri:- Waxay is haysteen 100 maalmood.

Sida uu Ibnu Kathiir rajaxay waxay tahay in ay kulmeen bilashadii bisha Dil Xaj ee sanadkii hore yacni  sanadkii 36aad, oo ay is haysteen illaa 13-kii bisha Safar sanadkan yacni 37aad ee Hijriga maalin Jumca ah. Sidaasina waxay noqon 77 maalmood Wallaahu aclam.

Axaadiis dhowr ah ayaa jirta oo tilmaameysa dhacdadaan oo Rasuulku (scw) sii sheegay, waxaana kamid ah xadiis laga soo weriyey Abuu Hureyra Allaha ka raalli noqdee in Nebigu (scw) uu yiri:- Saacaddu (Qayaama) dhici mahayso, jeer ay diriraan labo kooxood oo waa weyn, kuwaasoo dhex dooda iska dili doono maqtalo aad u weyn, iyadoo dacwadooduna ay tahay mid qura.

’Intaa ayaana kasoo qaadaneynaa axaadiista tilmaameyso dhacdadaan’’. 

Qisadii Xukuntamka 

Kadib markii labada qolo ay isku raaceen in dagaalku la joojiyo oo la xukuntamo, ayaa waxaa la isla gartay in dhan waliba uu ka yimaado xaakim u matala xukuntamka. Waxaana la isla gartay in lagu raalli noqdo  labadaa xaakim wixii ay maslaxa u arkaan oo ay isku raacaan oo ay u keenaan Muslimiinta, taasoo lagu bad baadinaya dhiigga Muslimiinta.  Mucaawiya wuxuu u wakiishay dhankiisa, Camr bin Al Caas.   Cali bin Abii Daalibna wuxuu damcay inuu u wakiisha Cabdullaahi bin Cabbaas, shallaytadiisee muuna falin, wuxuuse u wakiishay Abii Muusa Al  Ashcari.

Ashcath bin Qeys baa inta Cali u yimid u tilmaamay inuu Abii Muusa Al Ashcari u wakiisha dhankiisa, dabeetana reer Yeman wixii ciidanka Cali lasocday  oo idil baa ku raacay oo ayiday in Abuu Muusa Al Ashcari loo wakiisha.  Cali wuxuu  damcay inuu u wakiisha Ashtar,  kadib markii taa ka hor ay quraaddii ciidamadiisa ka tirsanaa diideen inuu Cabdullaahi ibnu Cabbaas u wakiisha.  Waxayna qurraadii yiraahdeen:- Oo ma waxaad sicirkii dagaalka iyo sicirkii dhulkuba isugu dareysaa Ashtar? Markaa buuna Cali go’aansaday inuu u wakiisha cidda ay iyagu doonaan.

Axnaf bin Qeys baa ka dalbaday Cali inuu asaga arrintaa udhiibo arrinkan una wakiisha, bacdamaa uu Axnaf ahaa nin aad u aftahansanaa, oo xilmi badnina u dhashay. Hase ahaatee amiirkii Mu’miniinta ee Cali bin Abii Daalib wuxuu usheegay in aanay qurraada ciidankiisu dooneyn cidaanan  Abii Muusa Al Ashcari   ahayn.  Kadib waxaa lagu heshiiyey in lakala qorto warqaddii heshiiska.  Saa markii la billaabay oo la qoray bisinka, ayaa wuxuu Cali oo yeerinayay warqadda ku yiri qorihii qorayay:- Qor tani waa wixii uu xukmiyey Cali bin Abii Daalib, amiirkii Mu’miniinta….

Halkaa marka la marinayo ayuu Camr bin Al Caas qorihii ku yiri:-  Qor magaciisa (Cali) iyo magaca aabahiis (Abii Daalib) waayo innagu inooma ahan amiire”.

Axnaf bin Qeys baa markaa qorihii ku yiri:- Ha qorin, waxaanan amiirkii Mu’miniinta ahayn”. Cali bin Abii Daalib baa markaa yiri:- Tir amiirkii Mu’miniinta oo qor, tani waa wixii uu xukmiyey Cali bin Abii Daalib… illaa aakhirka warqadda.

Cali wuxuu markaa ka sheekeeyey qisadii Xudeybiyah, markii heshiiska ay kala qoranayeen Nebiga (scw) iyo Qureesh, warqaddaasoo uu Cali laf ahaantiisa qorayay, markaasoo Qureeshtu ay yiraahdeen:- Tir Rasuulkii Alle, oo qor magaciisa (Muxammed) iyo magaca aabahiis (Cabdullaahi), saa Cali uu diiday inuu tiro Rasuulkii Alle, dabeetana Nebiga (scw) baa inta ka qaaday masaxay oo amray inuu qoro Muxammed bin Cabdillaahi.

Kadib waxaa warqaddii lagu qoray heshiiskii iyo axdigii ay labada qolo kala qorteen, iyadoo lagu heshiiyey in lagu raalli noqdo wixii ay labada xaakim  u keenaan Muslimiinta oo maslaxa ah, waxaana lagu qoray in ay kulmaan bisha Ramadan oo ay ku kulmaan Duumatul Jundal, iyadoo labada dhinacba uu midkiiba soo kaxaysan doono 400 oo asxaabtiisa ah.  Dabadeed warqaddii Ashcath  bin Qeys baa qaaday oo dadka kula dhex dawaafay oo ku dul akhrinayay.

Tanina waa magacyadii Raggii goobjoogga ahaa warqaddii heshiiska, dhanka Cali waxaa ka socday 10 nin oo kala ahayd  Cabdullaahi ibnu Cabbaas Al Qurashi Al Haashimi,  Ashcath bin Qeys Al Kindi,  Saciid bin Qeys Al Hamdaani, Cabdullaahi bin Dufeyl Al Mucaafiri, Xujr ibnu Yaziid Al Kindi,  Warqaa bin Sumayyi Al Cijli, Cabdullaahi bin Bilaal Al Cijli, Cuqbah bin Ziyaad Al Ansaari, Yaziid bin Juxfah At Tamiimi iyo Maalik bin Kacab Al Hamdaani.  Tobankan waxay ka socdeen dhanka Cali, waxaa kaloo la sheegaa inuu Axnaf bin Qeys ku jiray oo ay dhanka Cali sidaa ku noqonayaan 11 nin, Wallaahu aclam.

Dhanka Mucaawiyana raggii goobjoogga ahaa warqaddii heshiiska iyana waxay kala ahaayeen,  Abul Acwar As- Sulami,  Xabiib bin Maslama Al Fihri,  Cabdiraxmaan bin Khaalid bin Waliid Al Qurashi Al Makhzuumi, Mukhaariq bin Al Xaarith Az- Zubeydi,  Waa’il bin Calqamah Al Cadawi,  Calqamah bin Yaziid Al Xadrami, Xamzah bin Maalik Al Hamdaani, Subayc bin Yaziid Al Xadrami, Cutbah bin Abii Sufyaan Al Qurashi Al Umawi (Mucaawiya walaalkiis) iyo Yaziid bin Al Xur Al Cabasi. Tobankaa ayay ahaayeen kuwii ka socday dhanka Mucaawiye.

Intaa dabadeed waxaa la amray in meydka la aaso, waxaana 50-kii qofba lagu aasayay god weyn, sida uu imaam Zuhri xusay.  Markii la damcay in lakala guuro, baa Cali wuxuu soo daayay koox uu qafaashay intii uu dagaalka socday oo reer Shaam ah, saa Mucaawiyana kuwa intaa lamid ah ama kudhaw oo reer Ciraaq ah buu intii dagaalka socday uu qafaashay. Wuxuu Mucaawiye damcay inuu laayo bacdamaa uu u maleeyey in raggiisii uu Cali laayey. Markii uu Mucaawiyah arkay in raggiisii loosoo daayay buu isaguna iska sii daayay kuwii uu qafaashay.

Waxaa la sheegaa raggii uu Mucaawiya qafaashay inuu ku jiray nin la oran jiray Camr bin Aws oo ka dhashay Asdiga. Saa wuxuu damcay inuu dilo. Markaasuu ninkii yiri:- Igu manno sheego, waayo waxaad tahay abtigeey?

  • Wuxuu Mucaawiye yiri:- Hooge intee baan ku noqday abtigaa?

Wuxuu ninkii yiri:- Ummu Xabiibah afadii Rasuulka Alle (scw) waa hooyadii Mu’miniinta,  aniguna waxaan ahay wiilkeeda, adiguna waxaad tahay walaalkeed, sidaa darteed waxaad tahay abtigeey”.

Aad buu Mucaawiya ula yaabay, markaasuu iska sii daayay.  Kadibna waxay dadkii u kala laabteen dhulalkoodii, Mucaawiya wuxuu aaday Shaam isaga iyo raggiisii oo ay galeen magaaladii Dimishaq, Calina wuxuu aaday Kuufa.

Soo Bixiddii Khawaarijta

Sababtu waxay ahayd markii la kala qortay heshiiskii Safiin, baa warqaddii waxaa qaaday Ashcath bin Qeys oo dadka kula dhex dawaafay isagoo rac weliba kudul akhrinayay.  Saa wuxuu dul tegay koox banii Tamiim ah oo uu ku dul akhriyey, dabeetana Curwah bin Adiinah (Adiinah waa hooyadii, magaciisa Saxduna wuxuu ahaa Curwah bin Jariir) oo ka dhashay banii Rabiica bin Xandala, kaasoo la dhashay  Abii Bilaal Mirdaas bin Jariir baa usoo istaagay oo ku yiri:-

Ma waxaad diintii Alle dhaxdeeda u xukuntameysaan laba nin? Kadibna seyftiisii buu la helay daabbadii (faraskii ama awrkii ama baqashii) Ashcath bin Qeys, saa Ashcath iyo raggiisiiba aad uga caroodeen arrintaas.  Axnaf bin Qeys iyo madax kamid ah banii Tamiim baa inta Ashcath u soo istaagtay uga cududaartay arrinkaas.

Al Heytham bin Caddiyi wuxuu yiri:-Khawaarijtu waxay sheegtaan in qofkii ugu horreeyay ee xukma uu ahaa Cabdillaahi bin Wahab Ar- Raasubi”.

Cali bin Abii Daalib wuxuu ka dhaqaaqay Safiin, markii warqadda heshiiska lakala qortay, wuxuuna abbaaray dhankii Kuufa isagoo sii maraya waddada Hayt.  Markii uu ku dhawaaday inuu galo magaalladii Kuufa, ayaa waxaa ka ictisaalay koox kamid ah ciidankiisii oo lagu sheegay inay ahaayeen 12 000, waxayna noqdeen Khawaarij.

Waxay ku inkireen waxyaabo badan amiirkii Mu’miniinta, oo waxayna diideen inay magaalladiisa la degaan, waxayna degeen meel la yiraahda  Xaruuraa.  Dabadeed amiirkii Mu’miniinta ee Cali bin Abii Daalib wuxuu u diray Cabdillaahi bin Cabbaas oo la soo dooday badankoodiina soo celiyey, intii hartayna Cali bin Abii Daalib baa weeraray oo Nahrawaan ku laayay sida inoo iman doonta haddii uu Alle idmo.

Kulankii Labada Xaakim ee Duumatul- Jundal

Taasu waxay ahayd bishii Ramadaan sidiiba horey loogu ballamay, markii labada qolo ay ku qoranayeen warqadda heshiiska goobtii Safiin.  Markii la gaaray waqtigii ballanta baa wuxuu Cali diray 400 fardoolley ah oo uu hoggaaminayay Shureyx bin Haannaayi oo uu la socday Abuu Muusa Al Ashcari oo xaakim dhanka Cali ka socda ahaa iyo Cabdullaahi bin Cabbaas oo uu soo amray inuu ragga  salaadda tujiyo.

Mucaawiyana wuxuu soo diray 400 fardooley ah oo uu hoggaaminaya Camr bin Caas (isaga ayaana ahaa xaakimkii ka socday dhanka Mucaawiya), waxaana la socday Cabdullaahi bin Camr bin Al Caas oo uu Mucaawiya usoo dardaarmay inuu isaga salaadda tujiyo.

Waxay labada erga ku kulmeen halkii ay horey ugu ballameen, taasoo ah goobta Duumatul Jandal oo dhacda waqooyiga Jaziiradda.  Waxaa la sheegaa in madashaasi ay yimideen rag kamid ah wujuuhdii Muslimiinta, kuwii aanan ka qayb qaadan dhacdooyinkii dagaallada  iyo fidnadii dhacday.

Waxaana kamid ahaa oo goobtaasi yimid Cabdullaahi bin Cumar bin Khadaab Allaha ka raalli noqdee iyo Cabdullaahi bin Zubeyr bin Al Cawaam oo isagu Jamal kadib aanan wax dagaal ah ka qayb qaadan iyo Muqiirah bin Shucbah iyo C/Raxmaan bin Xaarith bin Hishaam Al Makhzuumi.  Waxaa kaloo yimid C/Raxmaan bin C/Yaaquuth Az Zuhri iyo Abii Jaham bin Xudeyfah.  Waxaa sidoo kale la sheegaa inuu Sacad bin Abii Waqaas ka qeyb qaatay, laakiin waxaa jirta riwaayada dhowr ah oo warkaasi mugdi gelinaya.

Waayo Sacad wuu ka fogaaday imaarad iyo xukun iyo fidna intuba wuxuuna degay miyiga Madiina. Waxaa la sheegaa in wiilkiisa Cumar ama Caamir uu u keenay warka in wujuuhdii Muslimiinta iyo rag badan ay kushirayaan goobta Duumatul Jundal, saa isaguna dheg jalaq uma siin oo wuu ka gaabsaday, sida xaqiiqda ahna Sacad ma uusan ka qayb qaadan kulankii Duumatul Jundal.

Muhiimaddu waxay tahay,  Labada dhinac markii ay kulmeen ergadii, waxay gedgediyeen aaraadoodii iyo fikradahooda iyagoo la kaashanaya Alle kor ahaayee iyo kitaabkiisa iyo sunnaha Nebigiisa suubban (scw). Waxay isla garteen in maslaxad loo sameeyo Muslimiinta si uusana dhiig dambe oo Muslimiinta dhexdooda ah u daadan, ugu dambeyna waxay isla garteen in Cali iyo Mucaawiyaba la casila. kadibna arrinka laga dhiga shuuro iyo wada tashi ay dadka ku dooranayaan qofka ay doonaan haddii ay Cali ku raalli noqonayaan iyo haddii ay Mucaawiya dooranayaan iyo haddii ay qof kale doortaanba intuba.

Camr bin Al Caas wuxuu tilmaamay in Cali la casila oo Abii Muusa Al Ashcari uu khilaafada udhiibo Mucaawiya kagana raalli noqda, hase ahaatee Abii Muusa Al Ashcari arrinkaas wuu diiday.  Wuxuuna Abii Muusa Al Ashcari tilmaamay in masuuliyadda khilaafada loo dhiiba Cabdullaahi bin Cumar bin Khaddaab. Saa Camr bin Al Caas wuu diiday, wuxuuna tilmaamay In wiilkiisa Cabdullaahi bin Camr bin Al Caas uu yahay nin taqwa iyo cilmi badan, wuxuuna ka dalbaday Abii Muusa in uu wiilkiisa udhiibo, maadaama uu yahay nin saxaabi jaliil ah oo cilmi iyo kartiba u leh arrinkan.

Hase ahaatee Abii Muuse Al Ashcari arrinkaas wuu diiday. Dabadeed waxay ku heshiiyeen oo isla garteen in ay labaduba ka xukun baxaan Cali iyo Mucaawiyaba. Saa way isa soo raaceen oo yimaadeen goobtii dadka joogeen si ay ugu sheegaan wixii ay ku heshiiyeen.

Camr bin Al Caas wuxuu ahaa mid mar waliba iska hormariya Abii Muusa Al Ashcari,  haddii ay hadal ahaan lahayd iyo haddii ay socod noqon lahaydba,  isagoo arrinkaa ku sharfaya kuna weyneynaya. Markaasuu ku yiri:-  Abii Muusa Al Ashcariyoow! istaag oo dadka ogeysii waxii aan isku waafaqnay ee aan isku afgarannay.

Markaasuu Abii Muusa Al Ashcari istaagay oo Alle mahadiyey oo amaanay, dabeetana ku salliyey Nebiga (scw), kadibna wuxuu u sheegay wixii ay kusoo heshiiyeen isaga iyo Camr bin Al Caas oo ah inay ka xukun baxeen Cali iyo Mucaawiya, si umaddu ay iyagu u doortaan qofkii ay ku raalli noqdaan, wuxuu yiri:- Haddaba anigu waa aan ka xukun baxay Cali iyo Mucaawiyaba.

Dabadeed Camr bin Al Caas baa kacay oo inta meeshii Abuu Muusa Al Ashcari istaagnaa istaagay buu Alle mahadiyey oo amaanay, dabeetana Nebiga (scw) ku salliyey, kadibna wuxuu yiri:- Kani (Abii Muusa Al Ashcari) wuxuu yiri wixii aad maqasheen, wuuna ka xukun baxay saaxiibkiisii, aniguna waan ka xukun baxay sidiisa oo kale  (saaxiibkiis Cali), waxaana ku sugnaaday (xukunka) saaxiibkey Mucaawiya (hoostiisa), waana gargaarahii Cuthmaan, wuxuuna doonayaa dhiiggiisii, isagaana dadka ugu mudnaan og booskiisii.

Waxaa la sheegaa in Camr bin Al Caas haddii uu isaguna ka xukun bixi lahaa Cali iyo Mucaawiya sidii uu falay Abii Muusa Al Ashcari oo uu ummaddu imaam la’aan ka tegi lahaa inay fidna tii hore ka weyn dhici lahayd oo dhiig badan daadan lahaa, sidaa darteed buu ku hoos sugnaaday jaallahiisii Mucaawiya.  Sidaa buuna ra’yi ahaan iyo fikir ahaan qaatay Camr bin Al Caas, Allaha ka raalli noqdee.

Dabadeed labadii qolo way kala tegeen oo koox waliba dhulkeedii ayay aadday. Camr bin Al Caas iyo raggiisii waxay aadeen dhanka Shaam oo markii ay Mucaawiya u galeen bay kusalaameen salaantii khilaafada (Asalaama calleykum yaa amiirul Mu’miniin).

Abii Muusa Al Ashcarina wuu ka xishooday inuu Cali u tego, saa wuxuu aaday Makka.  Cabdullaahi ibnu Cabbaas iyo Shureyx bin Haannaayi iyo ergadiina waxay aadeen dhankii Kuufa, markaasay  Cali  uga warrameen  wixii  dhex maray Abii Muusa Al Ashcari iyo Camr bin Al Caas.  Reer Kuufana ra’yigii Abii Muusa Al Ashcari, way daciifsadeen, waxayna garteen inaanay isu dhigmeyn isaga iyo Camr bin Al Caas.

Ka Bixiddii Khawaarijta ee Kuufa

Markii Cali uu Abii Muusal Ashcari iyo raggiisii uu udiray Duumatul Jandal si ay heshiiska ugu soo guntaan, baa mowqifkii Khawaarijtu ay Cali ka taagnaayeen uu sii adkaaday, taasuna waxay dhashay in inbadanoo kamid ah raggaasi ay amiirkii Mu’miniinta ee Cali bin Abii Daalib kutilmaamaan gaallima. Sidaa ay tahayna dhulka guudkiisa ma uuna saarneen maalintaa qof ka fadli badan Cali bin Abii Daalib.

Laba nin oo kamid ah Khawaarijta baa Cali utimid, waxaana labadaasi nin lakala oran jiray Zurcah bin Al Baraj Al Dhaayi iyo Xurquus bin Zuheyr Al Sacdi, waxayna ku yiraahdeen:- Majira xukun aanan xukunka Alle ahayn.

  • Cali wuxuu ugu jawaabay:
    Nacam! ma jira xukun aanan ahayn xukunka Alle.

Xurquus baa hadlay oo wuxuu yiri:- Kasoo noqo gefkaaga oo inoo wad xagga cadawgayaga (reer Shaam), aanu la dagaallanna si aanu Rabbigayo ula kulanno?

  • Wuxuu Cali yiri: Taa waan idinla doonay, waadna diiddeen, annaga iyo qoomkuna waxaan kala qorannay warqad iyo ballan, Illaahayna kor ahaaye wuxuu yiri:- Oofiya ballanka Alle, marka aad ballameysaan. (Suuratu Naxal 99).
  • Wuxuu yiri Xurquus:- Kaasi waa dembi ay tahay inaad kasoo noqoto (oo aad ka toobad keento).
  • Wuxuu yiri Cali:- Ma ahan dembi, balse waa cajas ka ahaaday ra’yi.

Zurcah baa hadlay oo yiri:- Ammaa Illaahay baan ku dhaartaye Caliyoow! haddii aadan ka tegin xukuntamka aad labadda nin u xukuntameysa kitaabka Alle dhexdiisa, waan kula dagaallamayaa, anigoo taasi ku raadinaya, naxariista Alle iyo raalli ahaanshahiisa.

Dabeeta way ka tegeen, waxaana dhacday in qisadii taxkiimka labada nin (Abii Muusa iyo Camr bin Al Caas) ay dadkii kudhex faaftay iyadoo nimankii Khawaarijtuna arrinkoodii uu darnaaday oo ay rag badan kasbadeen. Dabeedana waxaa dhacday inay Cali cay iyo aflagaadda isugu daraan mararka ay khudbeynayaan.

Waxaa dhacday maalin Jumca ah baa Cali raggiisii ka dhex istaagay oo u khudbeyay, wuxuuna xusay arrinka Khawaarijta iyo xaalkooda, saa waxaa istaagay koox kamid raggii Khawaarijta, waxayna waxayna kuwada qayliyeen:- Ma jira xukun aanan ahayn xukunka Alle.  Calina wuxuu guda galay in gacmahiisa uu marba dhinac u jeediya isagoo lahaa:- Xukunka Allaanu idinla sugeynaa.

Misna wuxuu yiri:- Dushayada waxaa ahaaday oo aad nagu leedahiin, inaynaan idiin diidin masaajiddayada, oo aynaan idiin diidin wixii nasiib ah oo aad ku yeelataan (xoolaha) faygan intii gacmahiinu ay la socdaan gacmaheenna, iyo inaynaan idinla dagaallamin jeeraad nala dagaallantaan.

Dabeeta way baxeen khawaarijtii oo waxay ku shireen gurigii Cabdullaahi bin Wahab Al Raasubi, halkaasoo uu ugu khudbeeyey khudbo aad u xeeldheer oo uu ku amraya inay adduunyada isaga saahidaan iyo in ay amraan wanaagga, xumahana reebaan.  Wuxuu kaloo amray inay ka baxaan magaallada Kuufa oo uu isagu ku tilmaamay magaalla dadkeedu daalimiinyahiin, wuxuuna raggiisa usheegay inay aadaan buuraha ama dhanka Madaa’in, oo ay halkaas ka aruursadaan wixii ku feker ah.

Xurquus oo kamid ahaa raggii shirkaas ka qeyb galay baa hadlay oo inta Alle mahadiyay oo amaanay kadib, raggiisii amray in adduunyadu ay tahay waxyaroo mataac ah oo laga fogaada. Dabeeta waxaa hadlay   Xamzah bin Sinaan Al Asdi oo isaguna ka tirsanaa madaxdii shirka, waxaana hadalladiisii kamid ahaa:- Tolkayoow! Ra’yigu waa sida aad aragteen, xaquna waa sida aad tiraahdeen, ee u wakiisha arrinkiina nin idinka mid ah (madax ahaan).

Waxay u cid direen Zayd bin Xisin Al Dhaay oo kamid ahaa madaxdooda oo ay masuuliyadda u bandhigeen, saa wuu diiday, misna waxay u bandhigeen Xurquus bin Zuheyr oo isagiina diiday, dabeedana waxay u bandhigeen  Xamzah bin Sinaan saa isagiina wuu diiday, ugu dambeynna waxay u bandhigeen Cabdullaahi bin Wahab oo ka yeelay.  Mar kale ayay ku kulmeen guriga Zayd bin Xisin Al Dhayi. Ninka kan wuxuu ka dhashay banii Dhayi wuxuuna kasii ahaa banii Sanbus.

Wuxuu amray wanaagga oo uu ka reebay xumaha isagoo  faray inay sidaa falaan oo dadka wanaagga amraan xumahana ka reebaan, sidoo kale wuxuu kudul akhriyay aayada kamida Quraanka kariimka.  Dabeeta nin iyagii kamid ah oo la oran jiray Cabdullaahi bin Sakhbarah Al Sulami baa inta istaagay si daran u ooyay oo iyagii khudba gaaban ujeeday, taasoo uu ku amraya, ka fogaanshaha adduunyada iyo dhaldhalalkeeda iyo ka bixidda magaallada Kuufa, iyo weliba in ay la dagaallamaan Cali iyo asxaabtiisa.

Culamaayi salaf waxay raggaasi khawaarijta ahi ku tilmaameen kuwa ay ka hadlayaan, [Aayadaha 103-105 ee surat, Al-Kahf]

Ula jeeddadu waxay tahay, kuwa kan ee juhalada ahi ee baadiyeysani, waxay go’aan iyo qorsha qaateen in ay Muslimiinta ka dhex baxaan, oo ay aadaan dhanka Madaa’in, si ay halkaas uga raadistaan cid mad-habtooda qaadata oo iyaga lasafata iyo wixii la fikir noqdaba. Waxay kaloo ku ballameen inay warqada u dirsadaan reer Basra si ay halkaasina uga helaan dad la fikir iyo ra’yi ah.  Si ay quwad iyo awood ugu helaan Cali iyo raggiisa.

Zayd bin Xisin baa kula taliyey raggiisa inaanay aadin Madaa’in, waayo wuxuu kusheegay in halkaasi ay joogaan ciidama aad u tira badan oo taabacsan Cali bin Abii Daalib, umana suura galeysa Khawaarijtu haddii ay halkaa tegaan inay kusii dhex noolaadaan.  Sidaa darteed waxay aadeen dhanka Nahrawaan.  Waxay kaloo warqad u dirsadeen reer Basra guud ahaan wixii raacsan mad-habtooda  iyagoo ka dalbanaya inay ugu soo wafdiyaan Nahrawaan.

Magaallada Kuufa waxay kaga baxeen si keli keli ah, si aanay dadka xaalladoodu u ogaan, waxay kaloo faleen inay ka tegaan reerahoodii, aabayaashooda, walaaladooda, wiilasha, hooyooyinka iyo xaasaskuba.  Wayna dhaqaaqeen oo ay aadeen Nahrawaan.

Iyagu ma ogo falka ay kusocdaan inuu yahay mid kamid ah dambiyada culculus, waayo waxay ka hoos baxayaan xukunkii ay ku hoos jireen ee ahaa khilaafadii Muslimiinta, iyo weliba cayda iyo aflagaadeynta ay aflagaadeynayaan Cali bin Abii Daalib oo waaga dhulka guudkiisu uuna saarneyn cid ka fadli badan, kagana horreysay Islaamka. Arrimahaasina waxaa u qurxiyey sheydaan oo uga dhigay camal fiican, waana wixii ay ku baadiyoobeen oo adduun iyo aakhiraba ay ku lumeen.

Dagaalkii Nahrawaan & Layntii Khawaarijta

Markii Abii Muusa Al Ashcari uu kasoo gaddoomay xukuntamkii, si toos ah wuxuu aaday Makka isagoo ka xishooday in uu Cali hor tega.  Markaa iyada ahi ee Camr bin Al Caas iyo wafdigiisii ay khilaafadii ula laabteen Mucaawiya, Khawaarijtiina ay fashay wixii ay faleen oo ay ka baxeen magaalladii Cali ee Kuufa, Basra iyo Madaa’inna  ay u cid dirsadeen  baa Cali wuxuu warqad u qoray Khawaarijtii, taasoo uu ugu sheegaya in arrinkii xukuntamka uu ka laabtay, wuxuuna usheegay inuu siday rabeen uu yeelaya oo uu Shaam ku duulaya.

Markaas bay usoo jawaabeen iyagoo ku oranaya:- Adigu ma aanad cara gelinin Rabbigaaga, kaliya waxaad cara gelisay naftaada, haddiina aad ku qirtay naftaada gaallima, oo aad toobad usoolaabatay, waanu eegeynaa wixii dhexdayada ahaaday.

Cali markii uu akhriyey warqaddii jawaabtooda wuu ka xumaaday, wuxuuna go’aansaday inuu aada dhanka Shaam si uu ugu duulo kuwa teer iyo markii la doortay ee uu khilaafada qabtay khilaafsan.  Magaalladii Kuufa ayuu ka dhaqaaqay oo aaday dhanka Nukheylah isagoo wata ciidan aad u culus oo tiradoodu ahayd 65 000 oo dagaalyahanno ah. Cabdullaahi bin Cabbaas oo magaallada Basra masuul ka ahaana wuxuu usoo diray 3200 fardooley ah.  1500 kamid ah ciidamadaas waxaa hoggaaminayay Jaariyah bin Qudaamah, halka 1700 ka kalena uu hoggaaminayay Abul Aswad Ad- Du’ali.

Sidaa darteed ciidamadii uu Cali ugu tala galay inuu reer Shaam ku edbiya waxay noqdeen 68 200 oo dagaalyahanno ah.  Markaas buu Cali raggiisii la dardaarmay oo ku booriyey jihaadka, amrayna inay sugnaadaan marka ay cadawga la kulmaan.  Iyadoo arrintu sidaa ay tahay oo Calina uu  go’aansaday inuu Shaam ku duulo, baa waxaa u yimid war sheegaya in Khawaarijtii dhulka ay fasaadiyeen, oo ay dhiig  badan oo Muslimiinta kamid ahina daadiyeen, jidkiina gooyeen, maxaarimtiina xalaashadeen.

Waxyaabahii ay raggaasi Khawaarijta ahi  faleen waxaa kamid ahaa inay dileen Cabdullaahi bin Khabaab bin Arat.  Cabdullaahi wuxuu dhashay noolashii Nebiga (scw), wuxuuna noqday saxaabi Jaliil ah.  Waxay qafaasheen isaga iyo xaaskiisa oo xaamila ahayd, markaasay weydiiyeen:- Kuma ayaad tahay?

  • Wuxuu ku yiri:- Waxaan ahay Cabdullaahi bin Khabaab saaxibkii Rasuulka Alle (scw).
  • Waxay ku yiraahdeen:- Inoo sheeg wax  aad aabahaa ka maqashay?

Wuxuu yiri:- Waxaan aabahay ka maqlay isagoo leh: Waxaan maqlay Rasuulka Alle (scw) oo oranaya:- Waxaa ahaan doonto fidna kan fadhiya uu ka kheyr badan yahay kan u taagan, kan u taaganna uu ka kheyr badan yahay kan u socda, kan usocdana uu ka kheyr badan yahay kan u ordaya.

Gacanta inay qabteen bay horey usii kaxaysteen, asagoo ay xaaskiisiina la socota. Goor uu la socday baa waxaa dhacday in koox kamid ahi raggaasi ay arkeen doofaar ay leeyahiin qaar kamid ah dadkii gaalada ee ahlu dimmaha ahaa ee ku hoos noolaa xukunka Islaamka. Markaas bay seef ku dhufteen oo ay haragga dulooliyeen. Qaarkood baa yiraahdeen:- Maxaad sidaa u fasheen ( adinkoo og ) inuu yahay mid ay leeyahiin ahlu dimmaha?

Way sii socdeen, goor ay socdaan oo Cabdullaahina uu lasocda ayna dhex marayaan meel beer timireed ah baa haddana mid kamid ah wuxuu dhulka ka qaaday mir timir ah oo soo dhacday, markaasuu afka gashtay. Mid kale baa ku yiri:- Oo ma idin la’aan iyo lacag la aan ( baad afka iska gishaneysaa) ?

Markaasuu iska tufay oo muuna laqin. Sidaa oo ay tahay raggani ay ku weyneyd dilidda doofaarka gaallada iyo cunnida xabbad timir ah oo geed kasoo dhacday haddana waxay wateen Cabdullaahi bin Khabaab oo ay markaa kurka ka jareen, dabeetana waxay keeneen xaaskiisii oo leh:- Anigu waxaan ahay haweeney xaamilo ah ee ma waydaan Alle ka cabsaneyn?  Saa way gowraceen iyana oo dabeeta dooxeen oo kasoo rideen ilmihii ay caloosha ku sidday. Fa innaa lillaah wa innaa illeyhi raajicuun.

Arrintaas iyada ahi markii ay gaartay Cali iyo raggiisii, iyagoo markaa go’aankoodu ahaa inay Shaam ku duulaan, baa waxay ka cabsadeen haddii ay Shaam aadaan in kuwaasi makasta ahi ay reerahooda usoo daba maraan oo  ay ku falaan sidii ay Cabdullaahi bin Khabaab iyo xaaskiisii yeeleen oo kale.  Dabeeta waxaa la go’aansaday in dhanka Khawaarijta marka hore la aada oo xaalladoodu dhan loo tuuro, kadib markii laga aamin noqdana la aado dhanka Shaam.

 Ra’yigaas baala qaatay. Markaas buuna Cali udiray dhankooda Al Xaarith bin Murrah Al Cabadiyu. Wuxuuna ku yiri:- Iiga soo warran warkooda iina soo ogoow! xaalkooda. Markii  ninkaasi uu u tegay, way dileen oo umaanay kaadinin. Markaas buuna Cali go’aan kama dambeys ah qaatay inuu marka hore ku duulo ayaga ka hor intuusan reer Shaam ku duulin.

Dabeeta Cali wuu  dhaqaaqay isagoo maraya dhanka Ambaar, wuxuu dhexda kula kulmay nin faalliye ah, oo ku amray inuuna socon waqti cayiman oo uu isaga usheegay mooyaane, wuxuuna u sheegay haddii uu socda waqti aanan waqtiga uu usheegay ahayn inay dhacaysa in laga guuleysa ama uu guuleysan waayo. Calise uma hoggaansamin arrintaas iyo taladii uu ninka faalliyaha siiyey,  wuuna khilaafay, wuuna soconayay markii uu socod u baahda, wuuna degayay markii uu degid damca, waqtigana muu u kala soocanayn.

Wuxuu yiri Cali isagoo ka warramaya sababta uu sidaa u falay:- Waxaan jecleystay inaan dadka u caddeeyo gafkiisa (faalliyaha), waxaana ka cabsaday in  (qofka) jaahilku uu yiraahda (hadhowta): Wuxuu ku guuleystay (Cali) haleeliddii iyo sidii uu uwaafaqay (faalliyaha).

Wuxuu Cali hortiisa diray Qeys bin Sacad oo uu u diray dhanka Madaa’in si uu ciidama uga keeno halkaas, magaallada Madaa’inna waxaa xilligaasi masuul ka ahaa Sacad bin Mascuud oo la dhashay Abuu Cubeydah bin Mascuud Ath- Thaqafi (amiirkii ciidamadii Muslimiinta ee dagaalkii Jassar).

Kadib Cali wuxuu u cid diray Khawaarijta isagoo ku oranaya:- Inoosoo gacan geliya dadkii dilay walaaladayada,  si aan u dilo, dabeetana waan idinka tegayaa oo waxaan aadayaa Carabta (reer Shaam).  Waxay iyana u soo direen Cali jawaab ahaan inay yiraahdeen:- Annagoo idil baa dilnay walaaladiin, waana inoo xalaal dhiiggooda iyo dhiiggiinuba.

Dabeeta Cali bin Abii Daalib horey buu ugu socday xaggooda oo waaniyey, oo cabsi geliyey una digay.  Intuu utegay buu la hadlay oo waaniyey, balse uma aanay jawaabin, waayo horey bay ku heshiiyeen inaanay Cali la doodin ama la hadlin. Kaliyana hadalkoodu ama weedha ay ku hadaaqayaan mararkaasi oo kale waxay ahayd:- Al ruux Al ruux ilal Jannah.

Kadib Cali waa uu ka laabtay oo ciidankiisii u tegay, saa iyana waxay dhiseen ciidamadoodii, iyagoo midigta udhiibay Zayd bin Xisin, bidixdana waxay udhiibeen Shureyx bin Owfaa, fardooleyduna waxay madax uga dhigeen Xamza bin Sinaan Al Asdi, ciidamada lugtana waxay madax uga dhigeen Xurquus bin Zuheyr Al Sacdi.  Waxayna usoo istaageen la dagaallanka Cali iyo ciidamadiisa.

Cali bin Abii Daalibna wuxuu dhisay ciidamadiisii, isagoo midigta madax uga dhigay Xujri bin Cadiyi, ciidamada bidixdana wuxuu udhiibay Shabbath bin Ribciyi iyo Macqal bin Qeys, ciidamada fardooleyda wuxuu madax uga dhigay Abuu Ayuub Al Ansaari, ciidamada lugtana wuxuu madax uga dhigay Abuu Qataadah Al Ansaari, reer Madiina oo markaasi tiradoodu 700 ahaydna wuxuu madax uga dhigay Qeys bin Sacad bin Cubaadah.

Wuxuu kaloo Cali sameeyay calan magan galya ah, wuxuuna u dhiibay Abuu Ayuub Al Ansaari, wuxuuna ku yiri dadka:- Qofkii calankaasi hoostaga waa aamin, qofkii aada Kuufa iyo Madaa’inna waa aamin, mana jirta wax dan ah oo aanu idinka leennahay kuwii walaaladayada dilay mooyaane.

Markii ay Khawaarijtii arrinkaasi aragtay bay kala firxadeen oo kala tegeen, waxaana kusoo haray meesha 1000 nin oo uu hoggaaminaya Cabdullaahi bin Wahab, markii horena tiro ahaan waxay ahaayeen 4000.

Dabeeta si kama dambeys ah buu Cali ciidamadiisii u dhisay, wuxuuna hor mariyey fardooleydiisii, wuxuuna siiyey dardaarankii ugu dambeeyey oo uu ku yiri:- Ka laabta gacmahiina jeer ay idinku billaabaan.  Kadib Khawaarijtii baa timid iyagoo leh:- Ma jiro xukun aanan ahayn xukunka Alle, ar-ruux ar-ruux! ilal Jannah. Dabeetana weerar ayay ku qaadeen fardooleydii horee Cali.

Markaa baa gamuunnadii iyo waramadii laysku  shiishtay, ciidamadii Calina ay difaac adag galeen oo ay laayeen  layn daran. Waxaa la dilay dhammaan madaxdoodii oo uu kamid ahaa Cabdullaahi bin Wahab, sidoo kalena ay kamid ahaayeen Xurquus bin Zuheyr, Shureyx bin Owfaa iyo Cabdullaahi bin Sakhbarah As- Sulami,  Illaahay ha dulleeyo’e.

Abuu Ayuub Al Ansaari Illaahay ha ka raalli noqdee isagoo inooga warramaya dagaalkii maalintaas wuxuu yiri:- Nin kamid ah Khawaarijta baan ka dusiyey dhabarkiisa waran, markaasaan ku iri:- Ku bishaareyso Naarta cadawgii Alloow!.

Markaasuu yiri:- Waad ogaan doontaa keennii mudnaada gelideeda (Naarta).

Waxaa la sheegaa in asxaabtii Cali laga dilay 7 qofood oo kaliya. Markaas buu Cali dhex maray ciidamadii kadib markii uu ka guuleystay Khawaarijta oo uu laayey. Wuxuu dhex qaaday meydkii isagoo leh:- Hoog idiin gal, dhab ahaan wuu idin dhibay ka idin kediyey.

  • Asxaabtiisii baa ku tiri:- Oo waakuma amiirkii Mu’miniintoow! kan kadiyey?
  • Wuxuu yiri:- Waa Shaydaan  iyo nafta amarta xumaha,  wuxuu ku kediyey yididiilo, oo uu u qurxiyey macaasida.

Dabeeta Cali wuxuu amray in la isu keeno dhaawacyadooda, waxayna noqdeen 400, saa wuxuu u dhiibay ehelladooda, hubkiina wuu qeybiyey.

Al Heytham  bin Cadiyi wuxuu ku xusay kitaabka Khawaarijta:- In Cali uusan qeybin wixii uu ka helay Khawaarijta maalintii Nahrawaan, balse wuxuu u celiyey ehelladooda. Wallaahu aclam.

Dabadeed Cali oo ay la socdaan laba nin oo kala ah Abuu Xarrah Suleymaan bin Thumaamah Al Xanafi iyo Rayaan bin Sabrah bin Huudah Al Xanafi baa waxay dhex qaadeen meydkii iyagoo ka dhex raadinaya Duth- Thadyi oo ah nin labada garab dhexdooda ku lahaa buro lamoodo sidii naaska fiiddiisa oo kale, oo leh timo mad madow, waxaa kaloo la sheegaa timo cad cad. Ninkan wuxuu ahaa astaan muujineysay ficilka Khawaarijta, Rasuulka (scw) ayaana sii sheegay calaamooyinkiisa.  Goor ay Cali iyo labadii nin ee la socotay ay meydka ka dhex raadinayaan ninkaasi, baa waxaa helay Rayaan bin Sabrah.

Cali bin Abii Daalib markii uu arkay ninkii garabka kulahaa burada,  sujuud dheer buu la dhacay, isagoo Alle uga mahadnaqaya ficilkii uu sameeyey ee uu ku laayay nimanka Khawaarijta.  Rasuulku (scw) isagoo tilmaan ka bixinayay nimanka Khawaarijta ahi, wuxuu tilmaamay xilliga ay soo bixi doonaan, iyo meesha ay kasoo bixi doonaan iyo cidda la dagaallami doonto iyo weliba tilmaanta ninkan lagu dilay Nahrawaan.  Dhammaan asbaabahaasi oo idil markii la gartay waxaa sii yaqiinisay in kuwa kani ay ahayeen Khawaarij dilkii Duth- Thadyi.

Maxay ahaayeen Khawaarijtu?

Cali bin Abii Daalib ayaa la weydiiyey sida uu xusay Al Haytham bin Caddiyi arrinka Khawaarijta inay yahiin gaalo?

  • Wuxuu ku jawaabay:- Gaallimay ka cararayaan.
  • Waxaa la weydiiyey:- Ma Munaafiqiin baa?
  • Wuxuu ku jawaabay:- Munaafiqiintu ma xusaan Alle, inyar mooyaane.
  • Waxaa la weydiiyey:- Haddaba maxay yahiin amiirkii Mu’miniintoow!?
  • Wuxuu ku jawaabay:- Waa walaaladayada  oo inagu xad-gudbay, markaasaanu kula dagaallannay xad-gudubkay nagu xad-gudbeen.

Ninka madaxda u ahaa Khawaarijta ee Cabdullaahi bin Wahab wuxuu  ahaa mid  sujuuddiisu, sujuudda ay madoobeysay, wuxuu ahaa mid salaad badan oo ku xeel dheeraada sujuudda. Sidaa daraadeed baana loogu laqibay Dul bayinaat.  Ayadoy sidaa tahay haddana waxay noqdeen kuwii uu Alle sheegay ee adduun iyo aakhiraba khasaaray oo misna is moodaya inay iyagu camallada hagaajinayaan. Illaahay baa kor ahaaday ee isagu abuurkiisa u sameeyo siduu doono.

Raggani waxay gaalleysiinayeen Cali oo Islaannimo iyo fadliba kaga hormaray agta Alle. Sidoo kale saxaaba badan bay gaaleysiinayeen, Rasuulkuna (scw) axaadiis badan buu kaga warramay sifaalahooda, marka arrimahaasi oo idil haddaynu kasoo tegno, axaadiistaasi waxaa laga daalacan karaa kutubta ka hadashay arrinkaasi. Sida ka Haytham bin Caddiyi ee si weyn uga hadla arrinka Khawaarijta iyo asbaabahooda. Wabillaahil Mustacaan.

Markii uu Cali ka faaruqay arrinkii Khawaarijta, buu ciidamadiisii ka dhex istaagay oo u khudbeeyey kuna booriyey inay Shaam aadaan oo  ay arrinka Mucaawiya dhan usoo tiiriyaan, sidiiba markii hore horey loogu ballamay.  Markaas bay ku andacoodeen in gamuunadii ka dhammaadeen, seefahiina ay ka af beeleen, waxay ka dalbadeen inuu goballadoodii u celiyo oo ay marka hore degaan.

Arrimahaasi waxaa Cali kula hadlay Ashcath bin Qeys Al Kindi, markaasay dadkiina isku wada raaceen. Dabeeta waala soo dhaqaaqay jeer la degay Nukheylah.  Cali wuxuu amray inay halkaasi ku nastaan oo muddo degnaadaan, ehelladuna soo booqdaan, kadibna ay isu diyaariyaan duullaanka dhanka Shaam. Muddo kadib waxaa dhacday inay ka kala tegeen oo goballadoodii ay aadeen illamaa ay kusoo hareen Cali madaxdii ciidamadiisa oo iyo ciidama yar oo qura.

Cali Khudba aad u xeel dheer buu ujeediyey, oo uu ku boorinaya jihaadka isagoo ku dul akhrinaya aayadaha jihaadka ee ku kala jira suuradaha Quraanka, balse cidi dheg jalaq uma aanay siin, waxayna ukala baxeen dhinacyada oo ay goballadoodii iyo guryahoodii aadeen raggiisii. Sababtuna waxaa la sheegaa inay kaga caroodeen raggii uu Cali kulaayay Nahrawaan ee Khawaarijta ahaa dartooda, waayo waxay kuwaasi ahaayeen qaraabadooda iyo ehelladooda oo ay ayagu u arkayeen inay ahaayeen kuwoodii ugu cilmiga iyo Alle ka cabsiga badnaa.  Markaas buu Cali baxay oo uu galay magaalladiisii Kuufa.

Markii uu Cali kasoo laabtay Nahrawaan baa waxaa Basra uga yimid nin la oran jiray Al Xaarith bin Raashid Al Naajiyu. Wuxuu la yimid qowm reer Basra ah, markaasuu Cali u tegay oo uu ku yiri:- Adigu waxaad la dagaallantay reer Nahrawaan, qisadii taxkiimka oo ay kugu diideen darteeda. waxaadna sheeganeysaa in aad reer Shaamna siisay cahdi iyo ballan, iyo inaadan jebineyn ballantaas.

Waa kuwa ay labada xaakimba kaa xukun baxeen, dabeetana ay isku khilaafeen in Mucaawiya xukunka loo dhiiba, markaasuu Camr bin Al Caas u dhiibay. Abuu Muusa Al Ashcarina wuu ku diiday arrinkaas. Haddaba adigu waxaad tahay mid ay labaduba ka xukun baxeen siday isku raaceen, aniguna waan kaa hoos xukun baxay, sidoo kale Mucaawiyana waan ka hoos xukun baxay.

Dabeeta ninkan Xaarith waxaa raacay bashar badan oo kamid ah tolkiisa banii Naajiyah iyo dad kale oo badan.  Markaasuu Cali u diray Macqal bin Qeys Al Ramaaxi oo wato ciidama culus, saa wuu la dagaallamay oo laayey, in badan oo kalena uu kasoo qafaashay.   500 oo reer banii Naajiya ah ayuu kasoo qafaashay, saa waxaa ka hor yimid nin la oran jiray Abuu Maqles Masqalah bin Hubeyrah ( oo ahaa mid kamid ah masuuliyiintii Cali ee goballada ).

Markaasay banii Naajiya uga ash-katoodeen xaallada ay kusuganyahiin Abuu Maqles oo ay ka dalbadeen inuu u gargaaro, saa wuu iibiyey oo uu uballan qaaday inuu Macqal siinayo 500 000 Dirham.  Ninkii isagoonan wax lacag ah bixinin buu cararay oo galay Basra. Markaasuu Macqal warqad uqoray Cabdullaahi bin Cabbaas isagoo usheegaya waxa uu Abuu Maqles falay.

Cabdullaahi bin Cabbaas markii uu weydiiyey, wuxuu Abuu Maqles yiri:- Waxaan u imid inaan lacagtooda kuugu dhiibo.  Dabeeta wuu cararay ninkaas oo wuxuu galay Kuufa isagoo u tegay Cali. Markaas bay Cabdullaahi bin Cabbaas iyo Macqal si wada jir ah warqad ugu direen Cali iyagoo ku ogeysiinaya waxii uu Abuu Maqles falay. Cali markii uu weydiiyey lacagta buu bixiyey 200 000, dabeetana wuu sii cararay oo uu u baxsaday dhanka Shaam, isagoo u tegay  Mucaawiyah.  Cali wuxuu amray in la xoreeyo banii Naajiyah, wuxuuna sidoo kale amray in la dumiya daartii uu Abuu Maqles ku lahaa Kuufa.

Sanadkii |38aad

Sanadkan dhexdiisa buu Mucaawiya u diray dhanka Masar Camr bin Al Caas, si uu uga qaado gacanta Maxamed bin Abuu Bakar oo masuul uga ahaa dhanka Cali bin Abii Daalib.  Sababtu waxay ahayd, markii uu Cali masuuliyadda Masar ka qaaday Qeys bin Sacad baa wuxuu u dhiibay Maxamed bin Abii Bakar, Qeysna wuxuu aaday dhankii Cali oo uu kala qeyb qaatay dagaalkii Safiin iyo kii Nahrawaanba.

Cali bin Abii Daalib aad buu uga shallaayay sababtii uu uga casilay Qeys imaaraddii Masar, waayo wuxuu Qeys ahaa mid udhigmay Mucaawiya iyo Camr bin Al Caasba. Taas casilidda Qeys waxaa ku farxay Mucaawiya iyo Camr bin Al Caas iyo raggiisii, balse waxaa uga sii darnaatay markii ay Safiin ku arkeen Qeys oo la safan Cali bin Abii Daalib.

Wuxuu Mucaawiya oran jiray:-  Illaahay baan ku dhaartaye Qeys ibnu Sacad la joogidda uu Cali la jooga, waxay iiga caro badantahay isagoo ay la joogaan 100 000 oo dagaalyahanno ah.

Markii uu Cali ka faaruqay dhacdadii Safiin, baa waxaa soo gaadhay war ah in showkaddii Muxammed bin Abii Bakar ay daciiftay, isagii wiil dhalinyaro ahaa darteed, waayo Muxamed wuxuu markaasi jiray da’ ahaan 26 sano ama kudhaw.  Sidaa daraaddeed bay reer Masar ka dalbadeen Cali inuu masuul weyn usoo magacaaba Masar.  Dabeeto Cali wuxuu damcay inuu Qeys kuceliyo, ma uuna yeeline wuxuu u cid diray Ashtar An- Nukhaci oo markaas shurdada madaxa u ahaa, masuulna ka ahaa Muusal iyo Nuseybiin, markii uu u yimidna wuxuu u diray Masar si uu halkaasi masuul uga noqdo.

Arrintaasi markay gaadhay Mucaawiyah iyo Camr bin Al Caas aad bay uga xumaadeen, waayo horey bay u damaaciyeen inay la wareegaan gacan kuheynta Masar oo ay ka maroojistaan Maxamed bin Abii Bakar. Ninka kan ee Ashtar An Nukhacina wuxuu ahaa nin dagaalyahan ah oo ku xeel dheeraa dagaallada iyo arrimaha militeriga. Sidaa daraaddeed wuxuu mugdi geliyey damacii Mucaawiyah iyo Camr bin Al Caas.  Ashtar wuxuu aaday dhankii Masar, nasiib xumase ma uusan gaarin oo dhexda ayuu ku geeriyooday.

Arrintaasi markay gaartay Mucaawiya iyo reer Shaam, aad bay ugu farxeen. Markaas buu Cali si dhaqsiya ah warqad ugu qoray Maxamed bin Abii Bakar isagoo kaga raalli noqonaya inuu masuuliyadda Masar sii haya.  Markaas iyada ahi ciidamadii Maxamed bin Abii Bakar way daciifeen, waayo waxay loolan ka dhaxayeen kuwii u olaleynayay raadinta dhiiggii Cuthmaan ee Masar kusugnaa, kuwaasoo kusugnaa goobta Kharbataa, oo aanan horeyna Cali ula mubaayacoonin, awooddooduna marba marka ka dambeyso way sii kordheysay.

Arrimahii awooddii reer Kharbataa sii korodhiyey, waxaa kamid ahaa, markii uu dhacay dagaalkii Safiin, kadibna arrintii taxkiimka loo baxay, oo Camr bin Al Caas iyo Abii Muusa Al Ashcari ay ku kulmeen Duumatul Jandal, labada xaakimna ay isku raaceen in laga xukun baxa Cali, kadibna ay isku khilaafeen in Mucaawiya xilka loo dhiibo, dabeetana uu Camr bin Al Caas xilkii udhiibay Mucaawiyah, reer Shaamna markii ay Shaam ku laabteen ay Mucaawiya kusalaameen salaantii khilaafada, intaa kadibna waxaa dhacday oo aan soo xusnay dagaalkii Nahrawaan iyo khilaafkii ay Cali khilaafeen ciidamadiisii.

Markaas bay reer Kharbataa awooddoodii adkaatay, oo ay dhaqdhaqaaqyo billaabeen. Taas cagsigeedu ciidamadii Maxamed bin Abii Bakar baa waxaa ku yimid hoos udhac iyo daciifnimo, tiiyoo ay jirtay in Maxamed uu  ahaa nin dhalin yaro ah, oo aan maskax iyo cududba ku haggaagi karin Mucaawiyah iyo Camr bin Al Caas, oo laba nin oo maskax badan ahaa.

Markaa iyada ah buu Mucaawiya kulmiyey madaxdiisii, Camr bin Al Caas Al Sahmi, Shuraxbiil bin Samadh, C/Raxman bin Khaalid bin Waliid Al Makhzuumi, Daxaak bin Qeys Al Fihri, Busur bin Abii Ardhaah Al Caamiri, Abul Acwar Al Sulami iyo Xamza bin Sinaan Al Hamdaani iyo qeyrkooda.

Wuxuu Mucaawiya raggaasi kala tashaday inay wajahaan Masar oo ay gacanta ku dhigaan, iyagiina fikirkaas way u riyaaqeen kuna raaceen. Waxayna ku yiraahdeen:- Aad halka aad doonto inaguna waan kula jirnaaye. Markaas buu Mucaawiya masuuliyaddaasi u wakiishay Camr bin Al Caas haddii Masar la furtana wuxuu amray inuu asaga masuul ka noqdo.

Dabeeta Mucaawiya wuxuu  warqad u qoray Maslama bin Mukhlid Al Ansaari iyo Mucaawiyah bin Khadiij Al Sakuuni, oo iyagu madax u ahaa ciidamadii ku sugnaa Kharbataa, ee kasoo horjeeday Cali. Kuwaasoo u olaleynayay raadinta dhiigga Cuthmaan bin Cafaan, tiradooduna waxay ahayd 10 000 ama ku dhawaad.  Wuxuu Mucaawiyah ku war gelinayay in uu ciidama soo diray, wuxuuna ka dalbaday inay u gargaaraan oo ay soo dhaweeyaan ciidamadaasi.

Wuxuu Mucaawiyah warqaddaasi u dhiibay mowla ama adeega u joogay oo la oran jiray Sabiic.  Markiina ay warqaddii gaartay Maslama iyo Mucaawiya bin Khadiij, aad bay ugu farxeen, waxayna si dhaqso ah ugu direen warqad jawaab ah oo ay kusoo dhaweynayaan arrinkaas iyagoo u ballan qaaday inay hiil iyo hooba ku taageeri doonaan.

Markaa iyada ah bay ahayd markii uu Mucaawiya u diyaariyey Camr bin Al Caas 4 000 ama 6 000 oo dagaalyahanno ah. Dabeetana wuu la baxay isagoo sagootinaya. Wuxuuna u dardaarmayay cabsida Alle iyo sugnaan iyo amridda wanaagga iyo reebidda xumaha.  Sidoo kale wuxuu amray inuu la dagaallama ciddii la dagaalanta, kana haro oo cafiya ciddii ka cararta, iyo inuu dadka ugu yeero heshiis iyo midnimo.

Markii uu Camr galay Masar, waxaa ku biiray ciidamadii Kharbataa kusugnaa ee u olaleynayay dhiigga Cuthmaan. Halkaas ayuuna hoggaanka ugu wada qabtay dhammaan ciidamadii oo idil. Dabeetana wuxuu warqad u diray Maxamed bin Abii Bakar isagoo ka dalbanaya inuu masuuliyadda si degan kusoo wareejiya, oo uu isdhiiba.

Mucaawiyah bin Khadiijna sidoo kale warqad buu uqoray Maxamed, taasoo uu ugu goodinaya. Markaas buu Maxamed labaduba u qoray jawaab ay kahdaan. Calina uu u diray warqad uu ugu sheegaya xaaladda taagan, iyo in dhanka Mucaawiya ay ciidama culus ka yimideen. Kuwaasoo doonaya inay Masar la wareegaan. Wuxuuna Maxamed ka dalbaday Cali in haddii uu Masar dan ka leeyahay uu cid masuul uga noqota iyo ciidanba uu soo dirsada.

Cali warqad jawaab ah ayuu si deg deg ah ugu qoray Maxamed bin Abii Bakar, isagoo ku war gelinaya inuu sabra oo sugnaada, wuxuuna u sheegay inuu ciidan iyo maalba usoo diri doono.  Markaas buu Maxamed ka dhex istaagay ciidamadiisii oo u khudbeeyey kuna booriyay jihaadka iyo sugnaan iyo sabir iyo in lala dagaallamo reer Shaam.  Camr bin Al Caas horay ayuu gudaha ugu sii socday Masar, isaga iyo ciidamadiisiiba iyo kuwii kusoo biiray ee horey Masar ugu sugnaa, waxaana lagu sheegay in tiradoodu noqotay 16 000 ama 17 000.

Maxamed bin Abuu Bakarna wuxuu la soo dhaqaaqay ciidamadiisii, oo tiro ahaan markaasi ahaa 2 000 oo fardooley ah. Ciidamadiisii horena wuxuu madax uga dhigay Kinaanah bin Bishir. Markaasuu Kinaanah weerar qaaday, wixii uu arkaaba oo reer Shaam ahba laayay illaa uu gaaray Camr bin Al Caas.  Dabeeta Camr wuxuu soo diray Mucaawiyah bin Khadiij oo inta gadaal kaga yimid asaga iyo ciidamadiisiiba isweer kusameeyay. Dabeetana intuu jilba dhigtay buu akhriyey qowlka Alle kor ahaaye:

”Nafina uma ay ahaan inay dhimata, idinka Alle mooyaane, waana kitaab la gooreeyay”. [Surat Aali-Cimraan: 145d]

Dabeetana wuu dagaallamay jeer la dilay. Ciidamadii Maxamedna way kala firxadeen. Markaas buu Camr galay magaalladii. Mucaawiya bin Khadiijna wuxuu daba galay raadkii Maxamed. Qof kastoo uu arka ayuu Mucaawiya weydiinayay:- Ma aragteen qof aad garan weydeen? Iyana maya ayay ku oranayeen. Illaa markii dambe uu la kulmay nin oday ah oo uu weydiiyey, markaasuu ninkii ku jawaabay:- Waxaan arkay nin fadhiya khirbaddaasi dhex fadhiya.

  • Markaas buu Mucaawiya yiri:-
    Waa isaga! waa isaga! Rabbiga kacabadda ayaan kudhaartaye.

Way ugu galeen oo ay ka soo saareen. Wuxuuna markaasi kudhawaa inuu oon darani la dhinta.  C/Raxmaan bin Abii Bakar oo kamid ahaa raggii Camr kala yimid Shaam, baa wuxuu u galay Camr isagoo ushafeec qaadaya walaalkiis Maxamed.  Wuxuuna ku yiri:- Ma walaalkey baa la dilayaa? Markaas buu Camr bin Al Caas u cid diray Mucaawiyah bin Khadiij isagoo ka dalbanaya inuu u keeno Maxamed bin Abii Bakar. Markaasuu Mucaawiyah bin Khadiij yiri:- Maye wallaahi, ma waxay dilayaan Kinaanah bin Bishir, oo aan markaas daayaa Maxamed bin Abii Bakar, iyadoo uu kamid ahaa dadkii dilay Cuthmaan?

Istifhaamku waxaa weeye, macnuhu waxay ku noqotay Mucaawiyah bin Khadiij inuu Maxamed nolal ugu geeyo Camr bin Al Caas arrin dhib ah.

Wuxuu Maxamed dalbaday biyo uu cabbo, saa waxaan xusnay in markii godka laga soo saarayayba uu oon darani hayay oo xitaa uu ku sigtay inuu u dhinto.  Markiina uu dalbaday biyaha bay u diideen, wuxuuna Mucaawiyah yiri:-  Illaahay ima waraabsho, haddii aan dhibic biyo ah ku waraabiyo abad, saa maxaa yeelay, Cuthmaan baad u diiddeen biyaha inuu cabbo, jeer aad disheen, isagoo sooman. Markaasuu Illaahay la kulmiyey miidda aaburan.

Sida uu xusay ibnu Jariir dabeeto Mucaawiyah bin Khadiij waa uu dilay Maxamed, kadibna wuu gubay.  Arrintaasi markay gaadhay Caa’isha bint Abii Bakar aad bay uga jiriracootay oo ay uga xanuunsatay, wayna ka murugootay, waxayna kafaalla qaadday carruurtiisii oo uu ku jiray Al Qaasim. Wallaahu aclam.

Al Waaqidi wuxuu xusay in ninkii sheegay halka uu Maxamed ku dhuuntay uu ahaa nin la oran jiray Jablah bin Masruuq. Wallaahu aclam. Sidoo kale wuxuu Waaqidi kusheegay waqtigaasi inay ahayd bishii Safar ee sanadkan.

Bishii Shacbaan ee sanadkan ayuu  Camr bin Al Caas warqad u diray dhankii Mucaawiyah bin Abii Sufyaan isagoo kula socodsiinaya, wixii dhacay iyo in Illaahay u furay Masar, oo ayna u soo laabteen daacadda iyo maqal iyo adeecidba, wuxuuna usheegay in ay hoggaansameen oo ay qaabileen midnimada.

Markii Cali uu gaaray warka ah in la dilay Maxamed bin Abii Bakar, Masarna ay gacanta u gashay Camr bin Al Caas, buu arrintaasi ka xanuunsaday. Markaas buuna raggiisii ka dhex istaagay oo ku booriyey inay sabraan oo adkeystaan oo ay ku dhaqaaqaan dhanka reer Shaam, wuxuuna kula ballamay Al Jircah oo ah meel u dhaxaysa Kuufa iyo Xiira.  Markii subaxii la gaaray buu Cali ka dhaqaaqay magaalladii Kuufa oo degay Jircah.  Balse cidi uma aysan soo bixin kamid ah ciidamadii. Kaliya waxaa la socday dadkiisii iyo qaar kamid ah madaxdiisa.

Markii la gaadhay habeenkii buu isugu yeeray madaxda. Waxay usoo galeen isagoo murugeysay. Markaasuu inta istaagay u khudbeeyay, khudbo ay ku dheehantahay murugo, oo aad u xanuun badan.  Wuxuu Cali weydiiyey isagoo wax walba oo hanti ah siiyo, oo  aanan waxba ka hagran, aaraadooduna qiimeeyo, waxa ay u maqli la’yahiin oo aysan u adeeceynin amaradiisa. Iyadoo Mucaawiya ay raggiisu adeecaan siismo la’aan uuna waxbana siinin.

Maalik bin Kacab Al Awsi ayaa istaagay, oo dadkii ku booriyey jihaadka iyo maqlidda amiirka Mu’miniinta iyo inay adeecaan oo ay qaataan amarradiisa. Dabeeta waxaa isu soo kacday 2000. Markaasuu Cali madax uga dhigay raggaas Maalik bin Kacab, wuxuuna amray inuu aado dhanka Masar.  Waxyar kadib waxaa yimid qaar kamid ah ciidamadii Maxamed bin Abii Bakar ee ku kala firxaday Masar qaar kamid ah, oo Cali uga waramay sidii ay wax u dhaceen iyo dilkii Maxamed bin Abii Bakar, iyo in masuuliyaddii Masar ay gacanta ugashay Camr bin Al Caas.

Maalik waa uu dhaqaaqay wuxuuna aaday dhankii Masar, balse dhaxda ayuu kasoo laabtay. Sababtuna waxay ahayd wuxuu ka cabsaday ciidamadii Shaam oo kusoo baxay ka hor intuuna gaarin Masar. Xaaladdii Ciraaqiyiintuna waxay noqotay inay Cali khilaafaan, haddii uu amra bixidna aanay bixin, amaraddiisuna aanay qaadan.

Markaas buu Cali warqad u qoray Cabdullaahi bin Cabbaas oo masuul ka ahaa Basra, isagoo uga eed sheeganaya xaallada qallafsan ee lasoo deristay iyo dhibta haysata iyo diidmada iyo amar qaadasho la’aanta uu raggiisii kala kulmo mar alliyoo uu amar siiyo. Markaas buu Cabdullaahi bin Cabbaas ka soodhaqaaqay magaalladii Basra oo aaday dhankii Cali iyo magaalladii Kuufa, si uu uga tacsiyeeyo dilkii Maxamed bin Abii Bakar, oo uu waaniyo, talooyin wax ku ool ahna uu u siiyo. Magaalladii Basra wuxuu kusii dhaafay Ziyaad bin Abiih.

Waqtigaas isaga ahi buu Mucaawiya bin Abii Sufyaan warqad u dhiibay Cabdullaahi bin Camr Al Xadrami si uu reer Basra ugu dul akhriyo oo uu ugu yeero inay ku istiqraaraan wixii uu xukmiyey Camr bin Al Caas oo ah in khilaafada uu qabta Mucaawiyah.  Markii Cabdullaahi bin Camr Al Xadrami uu tegay magaalladii Basra wuxuu ku degay deegaanka banii Tamiim oo uu magan galyo weydiistay.

Ziyaad baa inta ku kacay u diray Acyan bin Dubeycah iyo ciidama uu hoggaaminaya. Saa waxaa dhex maray dagaal lagu dilay Acyan. Markaas buuna Ziyaad warqad u qoray Cali, isagoo ogeysiinaya wixii Basra ka dhacay, kadib markuu ka baxay Cabdullaahi bin Cabbaas. Dabeeto Cali wuxuu soo diray Jaariyah bin Qudaamah Al Tamiimi oo hoggaaminaya 500 oo qoomkiisa banii Tamiim ah.

Markaasuu Jaariya warqad u qoray tolkiisa banii Tamiim, wixii raacay Cabdullaahi bin Camr Al Xadrami, saa badankoodii way kasoo laabteen. Markaas buu Jaariyah dhaqaaqay oo dul tegay daartii ay ku jireen Ibnu Xadrami iyo raggiisii oo tiradoodu lagu sheegay 40 ama 70. Saa go’doomin buu ku qabtay, markaasuu ku gubay kadib markii uu u cududaaray una digay oo ay ajiibi waayeen.

Ibnu Jariir wuxuu xusay masuuliyiintii goballada in sanadkan ay ahaayeen Quthum bin Cabbaas oo Cali masuul uga ahaa magaallada Makka, walaalkiis Cubeydullaah bin Cabbaas oo Cali Yeman masuul uga ahaa, iyo walaalkood Cabdullaahi bin Cabbaas oo Basra masuul uga ahaa, iyo walaalkood Tamaam bin Cabbaas oo Madiina masuul uga ahaa. Khuraazaan-na waxaa masuul uga ahaa Khaalid bin Qurrah Al Yarbuuci.

Masar waxay gacanta ugashay Mucaawiya, waxaana masuul uga ahaa Camr bin Al Caas. Shaam-na guud ahaan waxay hoos imaneysay Mucaawiyah bin Abii Sufyaan Illaahay haka raalli noqdee.

Sahal bin Xaniif Al Ansaari oo  saxaabi Jaliil ahaa, kana ag dhawaa Cali, maqaam aad u sarreeyo iyo meel wanaagsanna u joogay baa sanadkan  geeriyooday Illaahay haka raalli noqdee. Magaalladii Kuufa ayuu ku geeriyooday. Cali ayaana ku tukaday, isagoo janaasadiisii takbiirsaday shan, waxaa kaloo la yiri lix takbiir. Wallaahu aclam.  Waxaa sanadkani dadka xajiyey sida uu Ibnu Jariir xusay Quthum bin Cabbaas oo magaallada Makka masuul ka ahaa.

Sanadkii |39aad

Sanadkan dhexdiisa ayuu Mucaawiyah diyaariyey ciidama culus, oo uu u kala diray cirifyada macaamilada dhulka uu Cali maamulo. Si ay halkaasi howlgallo uga soo fuliyaan. Sababihii dhaliyay howlagalladaasina waxaa kamid ahaa in Mucaawiyah markii uu Camr bin Al Caas masuuliyadda u dhiibay uu is tusiyey inuu isagu yahay amiirka Mu’miniinta iyo Khaliifkii Muslimiinta. Sidaa darteed buu darafyada Ciraaq u diray ciidama badan, si asaga ay ugu hoggaansamaan oo dhulalkaasi oo idil uu u tamkiiniyo.

Sidaa daraadeed howlagalladii uu dirayay sanadkan waxaa kamid ahaa

Diriddii Nucmaan Bin Bashiir 

Sanadkan dhexdiisa ayuu Mucaawiyah diray Nucmaan bin Bashiir oo hoggaaminaya 2000 oo fardooley ah, wuxuuna u diray dhanka Caynu Tamar.  Waxaana halkaasi masuul ka ahaa Maalik bin Kacab, oo ka socday dhanka Cali, oo ay markaasi la joogeen 1000 fardooley ah.  Markii ay ciidamadii Maalik maqleen soo galootiga reer Shaam, bay kala firxadeen oo ay kala carareen. Waxaana kusoo haray Maalik agtiisa wax dhan 100 nin.

Markaa iyada ahi buu Maalik bin Kacab warqad u qoray dhankii Cali bin Abii Daalib isagoo xaallada la socodsiinaya, kana dalbanaya gurmad. Markiina Cali ay u tagtay warqaddii wuxuu ka dhex istaagay raggiisii, oo u khudbeeyey kuna booriyey jihaadka iyo in loo gurmado Maalik bin Kacab iyo raggiisa 100 ahi, balse cidi dheg jalaq uma siin, manay qaadan amaradii amiirka Mu’miniinta.

Nucmaan bin Bashiir wuxuu galay Cayn Tamar, waxayna is heleen Maalik bin Kacab oo diriri dhex martay, sidaa oo ay tahayna ciidamada Maalik waxay ahayeen 100 nin oo  qura, oo weliba seefahoodu ay jajabanyahiin.  Waxyar kadib waxaa yimid rag ka socda dhanka Miqnaf bin Sulaym oo dhan 50 fardooley ah, oo uu hoggaaminaya wiil uu dhalay Miqnaf bin Sulaym.

Saa markii ay reer Shaam arkeen baa waxay moodeen ciidama gurmad culus ah, oo ka yimid dhanka Cali, markaasay kala carareen oo dhankii Shaam u jiheysteen.  Maalik kama uusan harine wuu sii eryaday oo firxadkoodii ka laayay saddex nin oo kamid ah. Intii kalena Shaam bay oran ku galeen, iyagoonay u suuro gelin hadafkoogii iyo ula jeeddadii ay u yimideen.

Sidoo kale howlgalladii uu Mucaawiyah fuliyey sanadkan waxaa kamid ahaa:

Diriddii Sufyaan Bin Cowf  

Wuxuu u diray isagoo hoggaaminaya 6000 fardooley ah inuu tago Hayt, oo uu dooxateeyo, kadibna uu uga gudbo Anbaar iyo Madaa’in. Markaas buu dhaqaaqay Ibnu Cowf jeer uu gaaray Hayt. Cidina kalama uu kulmin la dagaasho halkaas, wuxuuna uga sii gudbay Anbaar oo ay kusugnaayeen 500 oo kamid ah ciidamadii Cali. Markii ay raggaasi maqleen soo galootiga Shaamiyiinta, bay kala firxadeen oo waxaa kaliya oo kusoo haray magaalladii 100 nin.

Waxaa labada qolo dhex maray dagaal, iyadoo ay qolada Cali tira yari aad u daran kusuganyahiin. Sidaa oo ay tahay waa ay sabreen oo dirireen dirir daran, jeer la dilay 30 kamid ah oo uu ku jiray amiirkooda oo la oran jiray  Ashras bin Xassaan Al Balawi.  Dabadeed ciidamadii reer Shaam ee uu hoggaaminayay Ibnu Cowf, waxay aruursadeen wixii hanti ahaa oo yiillay beytul maalka Anbaar, iyo hub, kadibna waxay u boqaaleen dhankii Shaam oo ay dib ugu laabteen.

Warkaasi markii Cali uu gaaray, naf ahaantiisii baa ka dhaqaaqay magaalladii Kuufa oo aaday dhankii Shaamiyiinta, wuxuuna degay Nukheylah. Markaasay raggiisii ku yiraahdeen:- Amiirkii Mu’miniintoow! innagaa kaaga filnaaneyna?

  • Wuxuu ugu jawaabay:-
    Iigama filnaaneysaan, nafihiinana ugama filnaaneysaan.

Dabeeta Sacad bin Qeys, baa daba galay raadkii Shaamiyiinta, oo daba eryaday jeer uu gaaray Hayt, balse muuna haleelin oo hortiis ayay Shaam galeen, kadibna wuu soo laabtay.

Diriddii Cabdullaahi Bin Mascadah Al Fazaari

Sidoo kale sanadkan buu Mucaawiyah diray Cabdullaahi bin Mascadah Al Fazaari oo hoggaaminaya 1700 fardooley ah, wuxuuna u diray dhanka Taymaa, oo amray inuu saddaqada kasoo aruuriya dadka reer miyiga ah, ciddii diidana wuxuu amray inuu la dagaallo. Dabeetana uu u gudba oo galo Makka iyo Madiina, oo guud ahaan Xijaas oo idilna uu soo maro.

Markaas buu dhaqaaqay Cabdullaahi bin Mascadah oo uu galay Taymaa. Halkaasoo ay ugu kulmeen dad aad u badan.  Arrintaasi markii uu Cali ka war helay baa wuxuu ku diray Al Musayb bin Nujaybah Al Fazaari  oo hoggaaminaya 2000 oo dagaalyahanno ah, suu dagaal ku dhex maray Taymaa, oo ay dirireen jeer cadceeddu suushay.

Ibnu Mascadah iyo qaar kamid ah tolkiisa, baa waxay galeen qalcad halkaasi ku tiillay oo ay dhufeys ka dhigteen. Intii kalee ciidamadii reer Shaam ahaydna way kala firxadeen oo Shaam bay u gaddoomeen.  Markaas buu Al Musayb go’doomin ku qabtay qalcaddii uu Ibn Mascadah ku jiray oo ku hayay illaa saddex casho.

Dabadeed xaabo ayuu soo aruriyey oo ku guray qalcadda, kadibna dab ku shiday si uu u gubo. Markaas buu ibnu Mascadah riximka iyo wada dhalashada ku tawasulay oo ku calaacalay. Markaas buu Al Musayb dabkii demiyey . Saa markii la gaaray habeenkii buu albaabkii qalcadda furay oo iyana intay kasoo baxeen u carareen dhankii Shaam.

  • C/Raxmaan bin Shabiib oo kamid ahaa ciidamadii Al Musayb baa ku yiri Musayb:- Maad ka daba tagto (oo aad layda)?
  • Wuxuuse Al Musayb ku jawaabay:- May

Diriddii Daxaak Bin Qeys Al Fihri

Sidoo kale sanadkan buu Mucaawiyah diray 3000 oo uu hoggaaminaya Daxaak bin Qeys Al Fihri. Wuxuuna amray inuu dooxateeyo ciidamada kusugan daafaha dhulka uu maamulo Cali.  Sidaa daraadeed buu Cali markuu ka war helay arrintaasi diyaariyey Al Xujur bin Caddiyi iyo ciidama  4000 ah oo uu hoggaaminaya. Saa mid kastoo kamidi ciidamadaasi wuxuu siiyey 50 Dirham.  Markaa bay labadii qolo isku heleen goobta Tadammur, oo diriri dhex martay.

Xujr bin Caddiyi baa ka laayay ciidamadii Shaamiyiinta ahaa 19 kamid ah, isagiina raggiisa waxaa laga dilay laba nin oo qura.  Habeenkii baa kala dhex galay labada qolo, markaasay kala weecdeen. Saa Daxaak iyo raggiisiina  ay orad ku galeen Shaam.

Sidoo kale sanadkan dhexdiisa ayuu Mucaawiyah naf ahaantiisa dhaqaaqay isagoo hoggaaminaya ciidamada aad u culus, jeer uu gaaray webiga Dajlah. Dabadeedna waa uu laabtay, oo Shaam buu galay isagoonan wax dagaal ah falin.

Wilaayadii Ziyaad Bin Abiih ee Dhulka Furus

Sanadkan dhexdiisa ayuu Cali bin Abii Daalib u wakiishay masuuliyadda dhulka Furus Ziyaad bin Abiih. Sababtuna waxay ahayd,  markii Jaariyah bin Qudaamah uu Basra ku laayay Ibnu Xadrami iyo raggiisii, baa arrintaasi waxaa ka xumaaday dad badan oo kamid ah kuwii Islaamka ku hoos noolaa ee jisyada dhiibayay iyo khalqi kaloo kamid ah Muslimiintii halkaasi deganaa. Markaas bay diideen inay bixiyaan jisyo iyo inay ku hoos noolaadaan Islaamka. Wayna u caroodeen Cali oo ay ka hoos baxeen daacadiisa.

Markaas buu Cali raggiisii igu yeeray si uu kala tashto ciddii uu u diri lahaa dhulka Furus masuul ahaan. Saa Cabdullaahi bin Cabbaas iyo Jaariyah bin Qudaamah baa waxay soo jeediyeen in loo dira Ziyaad bin Abiih, waayo wuxuu ahaa nin ra’yi iyo go’aan adag leh, oo arrimaha bulshada iyo siyaasadduna si wacan ugu xeel dheeraa.

Markaas buu Cali u wakiishay Ziyaad dhulkaas Furus iyo Karmaan oo uu weliba ugu daray inuu masuul ka noqdo. Wuxuuna u diyaariyey ciidama culus oo tiro ahaan ah  4000.  Saa sanadkan buu dhaqaaqay oo galay Furus, kadibna wuu la dagaallamay jeer ka adkaaday, oo ay kusoo noqdeen daacaddii iyo midnimadii oo ay kusoo laabteen wixii ay horey uga baxeen.

Taa ka hor Furus markaas, waxay ahayd masuul la’aan, waayo horey waxaa masuul uga ahaa Sahal bin Xaniif illaahay haka raalli noqdee. Markiina ay reer Furus ku inkireen daacadda iyo midnimada amiirkii Mu’miniinta ee Cali bin Abii Daalib, bay iska soo eryeen masuulkii halkaasi Cali u joogay oo ahaa Sahal bin Xaniif sanadkii 38aad ee Hijriga. Markaas buu Sahal tegay Kuufa oo uga warramay arrintaasi Cali. Dabadeedna waxyar kadib isla sanadkaas ayuu Sahal ku geeriyooday magaalladii Kuufa, sidaynu soo xusnayba.

Al Waaqidi wuxuu xusay in sanadkan uu Cali mawaasimta xajka u diray Cabdullaahi bin Cabbas si uu dadka u xajisiiyo. Mucaawiyana wuxuu soo diray Yaziid bin Sakhbarah Al Ruhaawiyu, si uu dadka u xajisiiyo. Markii ay labadani masuul ku kulmeen magaalladii Makka, baa mid waliba wuxuu diiday in masuuliyaddii loo soo wakiishay uu kan kale u daayo. Saa waxay isula tegeen Sheybah bin Cuthmaan bin Abii Dalxa Al Cabdidaari oo dadkii sanadkaasi xajisiiyey.

Abul Xassan Al Madaa’ini wuxuu xusay in Cabdullaahi bin Cabbaas uuna mawaasimta xajka tegin, intii Cali la doortay jeer la dilay. Wuxuuna xusay inuu ahaa Quthum bin Cabbaas kii ay mawaasimta kudoodeen Yaziid bin Sakhbarah.

Wuxuu Ibnu Jariirna yiri:- Sida uu Abul Xassan yiri ayuu Abuu Muscabna yiri.

Wuxuu kaloo xusay in madaxdii goballadu ay ahaayeen sidii sanadkii hore, marka laga reebo Basra oo Cabdullaahi bin Cabbaas uu ka tegay oo uu ka aaday Kuufa iyo Furus iyo Karmaan oo uu madax ka noqday  Ziyaad bin Abiih.

Sanadkii |40aad

Sida caanka ahi, sanadkan waa sanadkii la dilay amiirkii Mu’miniinta ee Cali bin Abii Daalib Illaahay ha ka raalli noqdee.  Waana xusi doonnaa hadduu Alle idmo sifadii dilkiisa. Balse aynu marka hore ku hor marno dhacdooyinkii sanadkan 40aad ee Hijriga dhacay.

Diriddii Busur Bin Abii Ardhaah

Ninkan Busur bin Abii Ardhaah, wuxuu ahaa mid kadhashay banii Caamir bin Lu’ayi oo Qurashi ah. Mucaawiyah ayaa sanadkan u diray dhanka Xijaas isagoo hoggaaminaya 3000 oo dagaalyahanno ah.  Markaas buu ka dhaqaaqay Shaam jeer uu tegay magaalladii Madiina, oo markaas uu Abuu Ayuub  Al Ansaari  madax uga  ahaa dhanka Cali.

Abuu Ayuub wuu cararay oo Kuufa ayuu Cali ugu tegay. Busurna magaalladii Madiina ayuu galay isagoonan cidi la dagaallamin, oo koray mimbarkii una khudbeyey dadkii.  Wuxuu ka dalbaday in loo keeno Jaabir bin Cabdullaahi Al Ansaari.

Wuxuu yiri Busur isagoo mimbarka dul saaran:-Reer Madiinoow! Illaahay baan ku dhaartaye, haddii uuna Mucaawiyah ila ballami lahayn, magaallada Madiina kuma daayeen qof qaan gaaray, illaa waan dili lahaa.

Dabeeta dadkii reer Madiina ayuu la mubaayacooday.  Kadib intuu ku jeestay xaggooda ayuu ku yiri:- Illaahay baan ku dhaartaye kuma lihidiin agteyda wax magangalyo ah iyo mubaayaco tooni, jeer aad ii keentaan Jaabir bin Cabdullaahi Al Ansaari ( Macnaha si uu ula mubaayacooda ).

Jaabir wuxuu u tegay hooyadii Mu’miniinta ee Ummu Salama, wuxuuna ku yiri:- Maxaad ra’yi haysaa? Anigu waxaan ka cabsan in la idilo, tanina waa bayco baadi ah.

Waxay ugu jawaabtay:- Waxaan qabaa inaad la mubaayacoota, waayo anigu waxaan amray wiilkeyga Cumar, iyo wiilka aan soddohda u ahay ee Cabdullaahi bin Samcah ah inay la mubaayacoodaan.

Cabdullaahi bin Zamcah wuxuu qabay gabadhii Ummu Salama oo la oran jiray Saynab bint Abii Salama.  Markaas buu Jaabir dhaqaaqay oo u tegay Busur, deedna la mubaayacooday.

Dabeeta Busur waa uu dhaqaaqay oo wuxuu aaday dhankii Makka. Abii Muusa Al Ashcari oo halkaas kusugan baa isaguna naftiisa u cabsaday markuu Busur Makka, yimid, wuxuuna ka cabsaday inuu dilo. Markaasuu Busur yiri:- Ma ahi mid ku falo sidaas saaxiibkii Rasuulka Alle (scw).

Wuuna iska daayay.  Taas ka hor Abii Muusa Al Ashcari wuxuu warqad u qoray reer Yeman, isagoo ogeysiinaya in ciidama ka yimid dhanka Mucaawiyah ay kusoo jiheysanyahiin xaggooda.  Dabadeed Busur wuu dhaqaaqay oo wuxuu aaday dhankii Yeman. Goortaa iyada ahi, waxaa Yeman masuul ka ahaa Cubeydullaah bin Cabbaas bin Cabdimudallib oo dhanka Cali ka socday.  Cubeydullaah markii uu arrintaasi ka war helay waa uu cararay oo Kuufa ugu tegay Cali. Yemanna wuxuu ku dhaafay Cabdullaahi bin Cabdullaahi bin Al Maddaan Al Xaarithi.

Busur markii uu galay Yeman wuxuu dilay masuulkii halkaas, iyo wiil uu dhalay. Sidoo kale wuxuu dilay laba wiil oo yaryar oo uu dhalay Cubeydullaah bin Cabbaas. Kuwaasoo lakala oran jiray C/Raxmaan iyo Quthum.  Waxaa la yiraahdaa Busur, wuxuu laayay khalqi badan oo kamid ah dadkii taabacsanaa Cali bin Abii Daalib ee uu dhexda kula kulmaba, iyo weliba kuwii uu Yeman kula kulmay.

Cali markii uu warkaasi gaaray wuxuu soo diray Jaariyah bin Qudaamah oo hoggaaminaya 2000 oo dagaalyahanno ah, iyo Wahab bin Mascuud oo isaguna hoggaaminaya 2000 oo dagaalyahanno ah.  Saa Jaariyah wuu dhaqaaqay jeer uu tegay Najraan oo gubay, dilayna dad badan oo kamid ah ciidamadii Busur iyo wixii taabacsanaa.

Busurna wuu cararay asaga iyo asxaabtiisii oo waxay galeen Makka. Markaasuu Jaariyah ka daba tegay oo ku yiri:- Dhiiba baycada?

  • Saa waxay yiraahdeen:-
    Oo yaan la mubaayacoonnaa iyadoo uu dhintay amiirkii Mu’miniinta?
  • Wuxuu yiri:-
    Waxaad la mubaayacootaan qofkii ay asxaabtii Cali la mubaayacoodeen.

Dabeeto way ku cuslaatay, kadibna waa ay la mubaayacoodeen si cabsi ah.  Intaa dabadeed Jaariyah waa uu dhaqaaqay oo galay magaalladii Madiina, oo markaasi uu salaadda dadka tujinayay Abuu Hureyrah. Saa Abuu Hureyrah wuu cabsaday oo cararay.  Dabadeed Jaariyah wuxuu amray dadkii reer Madiina inay Xassan la mubaayacoodaan, saa way la mubaayacoodeen oo isagii baa baycda uga qaaday. Kadibna hal maalin ayuu la joogay, oo intaa dabadeed u boqaallay dhankii Kuufa. Abuu Hureyrana tujintii salaadda ayuu dib ugu laabtay, oo isaga ayaa sii tujin jiray.

Sanadkan dhexdiisa baa Cali iyo Mucaawiyah ay ku heshiiyeen in qof waliba uu gobalkiisa ku ekaado oo uu istiqraariyo, la iskana daayo weerarrada iyo dagaallada joogtada ahi. Sidaa ayayna kuwada raalli noqdeen.

Dilkii Amiirka Mu’miniinta ee Cali Bin Abii Daalib

In Cali la dili doono oo uu shahiid yahay Rasuulka (scw) ayaa horey usii sheegay.  Waxaynu xasuusannaa in Cali uu ahaa Khaliifkii u dambeeyey khulafadii Islamka ee fadhigoodu ahaa magaallada Madiina.

Rasuulkeenna suubban (scw) isagoo inooga warramaya in Cali la dili doono, baa wuxuu yiri:- Dad waxaa ugu shaqisan, ninkii boqno gooyey hashii (Nebi Saalix CS) iyo kan ku dili doono Caliyoow!.

Waxuu dunida ka hoyday oo uu Rabbiga xagiisa aaday kadib markuu xukunkii hayay muddo 5 sano oo dhiman saddex bilood, macnuhu waa  4 sano iyo 9 bilood iyo 6 casho ama 3 casho.waxana dilay Nin khawaarijta kamid ah oo la oran jiray Cabduraxmaan bin Camr  oo loo yaqan Cabduraxman bin  Muljim Al Kindi Al Xumeyri.  oo xaliif la ahaa banuu Xaniifaha dega Masar, waxuuna ahaa nin midib maariin ah oo tima jilacsan oo wejigiisuna ay kamuuqato raadkii sujuudda salaad darteed.

Waxa jiray  laba kaloo khawaarijta kamid ah oo ay wada tashteen Cabduraxman bin Muljim oo kala ahaa Al Baraak bin Cabdullaahi Al Tamiimi iyo Camr bin Bakar Al Tamimi. Waxay saddexdani go’aansadeen inay dilaan Camr bin Al Caas, Cali bin Abii Daalib, iyo Mucawiyah bin Abii Sufyaan. Markaas buu ibnu Muljim yiri ::-Aniga waxaan idinkaga filnaan Cali oo aniga ayaa  soo dilayaa, markaas buu Al Baraak bin Cabdullaahi yiri:-Aniguna Mucaawiya baan soo dili.  Halka Camr bin Bakarna uu yiri:-Anigana waxan ku filnaan doonaa Camr bin Al Caas oo aan soodili.

Waxayna isku dhaarsadeen inuusan ninna soo laaban inuu soodila ninkii loodiray ama uu isaga dhinta mooyaan, wayna kala tegen, oo waxayna kuballameen in habeenka 17 ay tahay bisha Ramadan uu mid waliba qaarajiyo ninkiisi mowcid layaqaan. Ibnu Muljim wuu baxay waxuuna aaday Kuufa,  wuuna qarsaday arrinkiisi oo cidna umuusan sheegin.

Maalin isagoo lafadhiyo khawarijtiisii gole fadhi oo ay lahayeen Banuu Taym Ar-Rabbaab, oo ay ka sheekeysanayeen khawaarijtii uu Cali kulaayay Nahrawaan ayaa waxa u timid haweeney la oran jiray Qidaam bint Shajnah taasoo Cali uu kudilay aabaheed iyo walalked Nahrawaan.

Waxayna ahayd haweeney qurux Illaah u dhameyay oo aad iyo aad u qurxan,  dhexdooduna caan bay ka ahayd. Markiina uu arkay haweeneydaasi Ibnu Muljim caqligisi dhan bay la tegtay oo arrintuu uscoday dhan  (inuu Cali soo dilo ) wuu ilaaway. Markaas buu doontay si uu uguursada waxayna ku xirtay shuruud ah inuu soo dilo Cali,  waayo aabahed iyo walaalkeed oo Khawaarij buu dilay oo uu kudilay Nahrawaan.

Markaas buu yiri Ibnu Muljim:- Oo ma intaas baa?  walaahi inaanan dhulkaan u imaanin wax kale arrinkaas mooyaan.wuuna baxay kadib isagoo wajahaya sidu ku dili laha Cali .Waxayna kudartay nin banuu Rabaaab ah si uu arrinkaas ugu booriyo,  ninkaasoa la oran jiray Wardaan Al Rabaabi. Kadib waxuu Ibnu Muljim utegay ninkaloo la oran jiray Shabiib bin Najad Al ashjaci.

  • Waxuuna ku yiri:- Shabiboow ma dooneysa in kheyrka dunida dhan lagugu sheego oo lagugu xasuusta? Waxuu yiri:- Oo waa maxay arrinkas?
  • Waxuu yiri:- Waa dilka Cali.
  • Waxuu yiri Shabiib:- Hooyada kuweydaye Ibnu Muljimoow! arrin baad la timid, oo sidee baad ku awooddaa inaad sidaa fasho?

Waxuu yiri:- Waad iraacee oo salaaada mugdiga ah (Cisho ama subax) baan masjidka ugu dhakaneynaa oo aan seefta ka dul rideynaa, kadib haddii uusan dhiman waan carareyna oo nafaheenan la fakaneyna waxaana abbaareynaa dadkeenii  (Khawaarijta ahaa),  haddii aan dilnana waxaa Alle agtiisa yaal baa inooga kheyr badan dunida dhan.

Waxuu yiri Shabiib:- Hoogaagee hadduusan Cali ahayn qofka aad sidaas kusameyneso way fududaan laheyd, war waxaan ogahay Islaannimada uu kaaga horeyay iyo qaraabanimadiisa xagga nabiga  (scw). Arrinka aad wado Ibnu Muljimoow! laabteyda boos ugama banaano.

  • Waxuu yiri Ibnu Muljim:- Oo miyaadan ogeyn siduu u laayay dadkii Nahrawaan?
  • Markaas buu yiri Shabiib:- Haaheey oo waan ogahay taasi.
  • Markaas buu Ibnu Muljimna yiri:- Haddee Aynu dilno hadaba waxaan udilaneynaa walalaheennii uu dilay.

Shabiib wuu ka aqbalay intaas dabadeed. waxaana la galay bishii Ramadaan oo waxaa lagaaray habeen Jimca ah oo 17 bisha  Ramadaan ay tahay.  Saa waxuu yiri Ibnu Muljim:- Tani habeenka kan waa habeenkii aanu kuballannay asxaabteydii.

Dabadeed way isasoo raaceen saddexdan nin ee kala ah Ibnu Muljim Shabiib iyo Wardaan si ay u dilaan Cali.  Markuu Cali soo galay masjidkii goor salaad subax  ah baa waxaa ku dhuftay seef Shabiib kadib baa waxaa isa raaciyey Ibnu Muljim, oo si daran ula helay, isagoo ku oranaya:- Caliyoow! majiro xukun aan xukunka Allaah ahayn. waxba kuumaysan tarin waxaad dhoodhobeysay iyo saaxiibadaaba. Waxuuna akhrinayay markaas qowlka Alle ee ah:

”Dadka Waxa kamid kuwa ku gato raali ahaanshaha Allaah darteed naftiisa, Allane waa mid uturid badan addoomadiisa”. [Surat: Al-Baqarah, 207d]

Kadib bay carareen oo Wardaan waxaa helay nin  Xadrumowti  ah oo dilay, Shabiibna wuu fakaday oo lama helin,  halka Ibnu Muljimna lasoo qabtay.Waxuu markaas Cali amray  Jacda bin Hubeyrah bin Abu Wahab  si uu salada subax dadka u tujiyo. .Kadib waxaa loo qaaday Cali gurigiisi uu ku lahaa magaallada  Kuufa,  waana lala waday Ibnu Muljim Allaha duleeyo’e oo waxaa la hor geeyay imaam Cali hortiisa, saa waxuu yiri Cali:- War hooy!  cadawgii Alloow soomaanan ku wanaajinin?

  • Markas buu kujawaabay:- Haa wad iwanaajisay.
  • Wuxuu yiri:- Maxaa kugu xambaaray arrinkaan?
  • Markas buu yiri:- Waxan joogay oo aan soofeynayay (yacni seeftiisa)   40 subax, anigoo Alle ka baryay si aan ugu dilo kan ugu sharta badan.
  • Markaas buu Cali yiri:- Ma arko aniga waxaan ka ahayn in lagu dilo oo mana arka waxaan ka ahayn inaad tahay khalqi kan ugu shar badan.

Kadib wuxuu raaciyey intaas Cali haddii aan dhinta dila,  haddii aan noolaadana oo aan fiyoobaada anigaa aqaan sidaan yeelaya. Markaas buu Jundub bin Cabdullaahi yiri:- Amiirkii Muminiintow!  haddaad dhimato waxaan la mubaayaconeynaa Xassan. Waxuu yiri Cali:- Idinma amrayo oo inkana reebi mahayo ee sidaad aragtaan yeela.

Markuu mowtka kusoo dhawadayna waxuu guda galay inuu ku hadaaqa kalimada towxiidka LAA ILAAHA ILLA-ALLAAH. Waxana layiraahda eraygii ugu dambeyay ee laga maqlayay  Cali waxuu ahaa ayadahan Suuratu Zalzalah:

”Ruuxii waxyaroo kheyr ah falaa wuu arki doonaa, ruuxii waxyar oo shar ah falaana wuu arki doonaa”.

Waxuu imaam Cali u dardaarmay wiilkiisa Xasan iyo wiilkisa Xuseyn taqwada Alle sidoo kale waxuu udardaarmay inankiisa Maxamed bin Xanafiyah taqwada Alle iyo inay dhamaan ka dhowrsadan caruurtiisa fidna dhan oo ay ka fogaadaan waxuuna uqoray warqad dardaaran ah.

Markii Cali la aasay baa xasan bin Cali waxuu dalbay in xabsiga laga soo saara Ibnu Muljim si loo dila waana lasoo saaray, saa waxay Xasan iyo Xuseyn ka tashteen sidii laga  yeeli laha waxayna dhaheen aan gubna, waxaa iskugu yimideen si ay uga cad goostaan Xuseyn bin Cali, Maxamed bin Xanafiyah Cabdullaahi bin jacfar, iyo Xasan Bin Cali.

Maxamed bin Cali iyo Cabdullaahi bin Jacfar iyo Xuseyn bin  Cali baa waxay yiraahdeen:- Inoo daaya ilaa aan ka gudano. Saa waxuu Cabdullahi bin jacfar ka jaray gacmaha iyo lugaha oo indhahana kasoo saaray kadibna intay qaadeen bay gubeen. Illaah ha duleeyo’ e Ibnu Muljim.

Waxuu yiri Camr bin Al Asam:-  Waxaan usoo galay Xasan bin Cali oo aan usheegay in dadka qaarkiis ay sheegayan inuu Cali soo laaban doona ka hor Qiyaamada, Saa wuu qoslay Xasan oo waxuu yiri:- Subxanallaah, Hadday sidaas ahaan laheyd dumarkisa ma laguursadeen oo dhaxalkiisana lama qeybiyeen.

  • Waana bidca aqwaasha noocaasi ahi. Balse waa munkar. Wallaahu aclam.

Cali bin Abii Daalib wuxuu geeriyooday 19-kii Ramadaan sanadkii 40aad ee Hijriga, maalin Axad ah, isagoo 63 jir ah, waa sida ay mu’arrakhiinta rajaxeen, ama qowlka ugu badan. Waayo waxaa la dhaawacay 17-kii Ramadaan habeen Jumca ah, laba casho kadibna waa uu geeriyooday Illaahay haka raalli noqdee.  Janaasadiisii Xassan bin Cali baa tujiyey, wuxuuna takbiirsaday 9 takbiir, wallaahu aclam.

Waxaa la isku khilaafaa halkii lagu aasay sayid Cali bin Abii Daalib. Qaar waxay yiraahdaan:- Madiina ayaa loo qaaday oo lagu aasay maqbarada Baqiic, xaaskiisa dhinaceeda. Qaar kale waxay xusaan in aanan la ogeyn oo meydkiisii inta awr lagu qaaday, marka deegaanka banii Dayi lamaraya, ay qabsadeen, awkii iyo sanduuqii, markiina ay arkeen in mayd yahay bay deegaankoodii ku aaseen maydkii iyo sanduuqiiba. Qaar kale waxay sheegaan in lagu aasay qasriga imaaraddii Kuufa. Qaar kale oo culumada taariikhda ahi, waxay xusaan jaamaca magaallada Kuufa hortiisa lagu aasay goor habeen ah iyadoo laga qarinaya Khawaarijta iyo dadka kale, si aanay u soo saarin qabrigiisa.

Isku soo duuboo qowlka ugu adag ama ugu rajaxsan ee badi culimaayi siirah ay qaban waxaa weeye in Cali uu ku aasan yahay magaallada Kuufa, haddii ay noqon lahayd qasrigii imaaradda, ama haddii ay noqon lahayd masjidka hortiisa ama dhinaciisa, ama meel kaleba.

Aqwaasha qaar waxay sheegaan in duleedka Kuufa goor habeen ah lagu aasay. Wallaahu aclam.

Cali bin Abii Daalib, wuxuu ahaa nin go’aan adag, leh, wuxuuna aad u shabbahayay dhanka ad adkaanta amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab. Dhanka kale, wuxuu ahaa mid ku wanaagsan dhanka qaddaha iyo xukunka. Cumar bin Khaddaabna markii uu dhimanayay wuxuu yiri:- Haddii ay Cali doortaan wadada toosan ayuu marsiin.

Tani waxay ina tusineysaa inuu Cali ahaa nin kartiyeed aad iyo aad u qiima badan. Marxalad xun iyo fitan buu kusoo haggaagay, ay adkaan lahayd in khulafadii ka horeysay haddii ay iyaguna soo gaari lahayeen ay ku adkaan lahayd inay xal iyo maaro u helaan.  Sidaa daraaddeed baa Cali intuu xukunka hayay oo idil ku mashquulsanaa istiqraarinta dowladdii islaamka, oo fitan aad u xoogan ay markaasi aafeeysay.

Majirin muddooyinkaasi dagaallo ama weerarro uu kuqaadayay quwadihii gaallada ahaa ee deriska, balse wuxuu awoodda saaray in Islaamka uu marka hore dhidibidda u aaso oo sidiisii hore kusoo celiyo.

Waxaa xilligii Cali bin Abii Daalib soo ifbaxay fidna wadayaashii Khawaarijta oo si loola macaamilo ay aad u adkeyd, waxayna runtii ahayd jirribaad iyo imtixaan aad u weyn Cali bin Abi Daalib la marshay.  Wuxuu laayay in badan oo kamid ah Khawaarijtaasi, balse waxaa dhacday in ciidamadiisii oo idil ay ku caasiyaan una dhega nuglaan waayaan.

Markii uu amro ama tala keeno, ama uu hala baxa dagaal ku yiraahdo asxaabtiisa, baa waxay iyana ku qaabilayeen dhega adkaan iyo diidmo, waxayna uga careysnaayeen layntii uu laayey fidna wadayaashii Khawaarijta ahaa. Sidaa oo ay tahay, waaga dhulka guudkiisu ma uuna saarneyd axad ka fadli iyo karaama badnaa amiirkii Mu’miniinta. Dhibaatooyinkii iyo jarribaaddii baa ku darnaaday jeer hammi iyo murugo ay qalbigiisii fuushay. Ugu dambeynna Illaahay baa oofsaday shahiid ahaan.

Si wanaagsan ayuu uga gudbay marxaladdii adkeyd ee fidnada Rabbina wuu usaqiray Illaahay haka raalli noqdee hana u fududeeyo’e. Wuxuu ahaa mid Allaah iyo Rasuulkiisa jecel, sidayba Alle iyo Rasuulkiisuna asaga u jeclaayeen, siduu noo sheegay Rasuulkeennii (scw).

Halkaa ayay kusoo afjarmatay qisadii iyo Cali bin Abii Daalib Illaahay haka raalli noqdee.

Wabillaahil Mustacaan.

LineTree

Qore: Mohammed Dahir Abdi
(Mohammed-Akhyaar).
Email: mohamed@live.fi