Taariikhda
Sheekh Muxammad
Bin C/wahaab

Imaam: Muxammad bin Cabdul-Wahaab bin Suleymaan Al-Tamiimiyi
Qore: Maxamad Cusmaan Aadam
Halgankiisii iyo raadkii uu reebay 1115-1206H (1703-1792)
Hordhac |Q. 1aad |Q. 2aad |Q. 3aad |Q. 4aad |Q. 5aad |Q. 6aad |Q. 7aad |Q. 8aad

Decorative Lines

Gogoldhig

Waxaa Faafinta Buugan markii ugu horeysay Suura galiyay shabakadda dacwada ee maktabada.com Waxaan Dhamaan walaalaha Soomaaliyeed ee nasiibka u yeelan doona inay aqriyaan buugan qiimaha badan ka codsanaynaa inaysan ducadooda ka hilmaamin Sheekh Muxammad C/waahab iyo walaalka noo sahlay in aan afkeena hooyo kaga dharagno taarikh-da Imaamkaas, sidoo kale ha ka hilmaamina Ducadiina walaalihiina shabakadda Maktabada.com

Mahad oo idil Allaah ayey u sugnaatay, ammaan iyo nabadgelyana nabigeenna muxammad ah dushiisa ha ahaato, iyo ehelkiisii iyo asxaabtiisii iyo intii wanaaga ku raacday ilaa qiyaamuhu ka oogmo.

Intaa kaddib nabigeenna sallalaahu calayhi wasallama waxaa uu xadiis ka sugnaaday ku yiri:

Hadiith Abu Daud 4291

 Oo micnihiisu yahay:

‘’Alle wuxuu umaddan usoo saaraa qarnigii walba mar, qof diintooda u nooleeya“.

Laga soo bilaabo qarnigii koowaad ee hijriyada ilaa iyo xilligan waxaa dunida islaamka soo maray culimo sida qorraxda u ifayey, hawshooduna ahayd noolaynta diinta islaamka, diintii ayey ifiyeen, iyaguna way ifeen, diintii ayey koryeeleen, iyagana diintii ayaa koryeeshay, waa halkii nabigeennu sallalaahu calayhi wasallama xadiis kale kaga yiri:

Allaah kitaabkan dad ayuu kor ugu qaadaa, qolo kalena hoos ayuu ugu dhigaa.” [Muslim ayaa weriyey.]

Qoraalkan hortaada yaalla wuxuu ka hadlayaa caalim kuwaa ka mid ah, safka horena kaga jira, kana soo bidhaamay saxaraha iyo gawaanka jaziiradda carbeed, balse dhawaqiisu saameeyey shanta qaaradood, haba kala badnaado raadka uu ku reebaye. Waa qoraal ka hadlaya halgan diineed oo ka hanaqaaday deegaan in badan dunida ka daboolnaa balse kaddib noqday tiriig ifkiisa lagu soo hirto.

Waa halgan ujeedadiisa iyo halka uu ku wareegayaa ahayd u noqoshada diintii saafiga ahayd ee uu nabigeenna muxammad ah inooga tagay, sallalaahu calayhi wasallama.

Caalimka halgankan bilaabay kana miradhaliyey waa Imaam Muxammad bin Cabdul-Wahaab bin Suleymaan Altamiimiyi, waxaa qoraalkani taaban doonaa taariikhdiisii nololeed iyo qoyskiisii, bilawgii tacliintiisii iyo safarradiisii aqoon-kororsi, sababihii halganka ku kallifey, iyo ujeeddadii uu ka lahaa, dhibkii uu u maray meel marinta ujeeddadiisa, mirihii iyo raadkii halganku reebay, dadkii ka horyimid iyo kuwii taageeray, iyo arrimo kale oo aad qoraalka ku dhex arki doontaan insha Allaah.

Sababaha aan qoraalkan u doortay

Waa arrin ay isweydiinayaan akhristayaal badani, muxuu qoraagani isugu hawlay mawduucan, wakhtiga intaa le’egna ugu bixiyey soo saarista kitaabkan? Jawaabtu waxaa ay tahay dhowr arrimoodba:

1: Iyada oo halgankii Sheekh Muxammad C/wahaab uu ahaa mid dunida soo mara saddexdii qarni ee ina dhaafay kii ugu cuslaa;

2: Iyadoo uu ahaa halgan ku saabsan saafiyeynta diinta Alle iyo baraxtirka xuquuqda uu ku leeyahay uunkiisa;

3: Aniga oo ka mid ah dadka aaminsan in caqiidadii sheekhu ku baaqay tahay caqiidada islaamka ee saxda ah ee uu nabi muxammad ammaan iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee ku rabbeeyey asxaabtiisii, asxaabtuna usoo gudbiyeen jiilkii xigay, culimadii ka danbaysayna ku qoreen kutubtii sunnada iyo caqiidada ay ka allifeen qarniyadii fadliga badnaa, wixii kasoo horjeedayna ay ahaayeen caadooyin iyo dhaqammadii jaahiliyada oo lasoo nooleeyey;

4: Iyadoo umadda Soomaalidu aysan aqoon badan u lahayn shakhsiyadda iyo taariikhda imaamkan, kuwo taageersan iyo kuwo kasoo horjeeda, iyo kuwo aan danba ka lahayn intaba.

Afartaa waxyaabood ayaan oran karaa waa ay ugu horreeyaan waxyaabihii igu bixiyey inaan qoraalkan u qalin qaato.

‘’Qoraalkan afsoomaaliga ahi waa kii ugu horreeyey inta aan ogahay ee laga qoro sheekh Muxammad, marka laga reebo maqaallo taageero iyo dhaleecayn intaba leh oo saxaafadda qaarkeed lagu qoray, balse marnaba ma arag mana maqal kitaab afsoomaali ah oo sheekhan ka taariikhaynaya.’’

Waxaan ku dadaalay maadaama qoraalka laga soo tarjumay kutub badan oo carabi ku qoran, usluubkooduna kala duwan yahay, inaan u bato dhanka tarjumidda erayeed, iyada oo marmarna aan isticmaalay tarjumid guud oo micnaha iyo dulucda ina tusaysa;

Waxaa kale oo aan inta karaankayga ah ku dadaalay in qoraalku koobnaado, oo aynu qayb walba ka bixinno warbixin ujeedada ina dhacsiinaysa, iyada oo oo laga fogaanayo dheerayn lagu daalayo iyo gaabin dantii la lahaa wax u dhimaysa.

Dabcan kitaabkani qofkii aan Sheekh Muxammad warbixin badan ka hayn inuu wax u kordhin doono ayaan filayaa, waxaanan kula dardaarmayaa akhrisataha qaba aragtidan mid ka duwan inuu fikraddiisa usoo bandhigo si deggan oo cilmiyeysan, maadaama lagu jiro casri qoraalka iyo cilmi-baaristuba baaheen waa in aynu ixtiraamnaa maskaxda iyo caqliga akhristayaasha.

Wixii aan saxay oo xaqa ku haleelay Allaah ayaan uga mahad naqayaa, wixii aan ku gafeyna waa ilduuf aniga iga dhacay, Allaah ha iga dhaafo, ciddii igu baraarujisana waan uga mahad naqayaa.

Mahadnaq

Mahad oo idil Allaha xaqa lagu caabudo ayey u sugnaatay, na waafajiyey u istaagidda hawshan, noona fududeeyey qoraalkan. Waxaa mahad-celin iga mudan dadkii ka qaybqaatay inuu kitaabkani soo baxo, talo iyo taagna ku biiriyey, waxaanan leeyahay jazaakumullaahu kheyran.

Afeef iyo Codsi furan

Waxaad kitaabka ku arkaysaan inaan marar badan adeegsaday erayo aan ka mid ahayn kuwii guddiga Afsoomaaligu meel mariyey, sida “Z” oo aan u adeegsaday erayga carabi ahaan waafaqsan iyo “Th” oo aan u isticmaalay erayga carabiga ah ee ث iyo anigoo laalaabay erayo aan ku jirin kuwii guddigu ansixiyey ee ahaa: M, N, L,G,R,D,B, taana waxaa keentay baahida qoraalka, maadaama aan hadallada carabi kasoo tarjumay. Wixii kale ee khalad naxwe ama luqadeed ah, waan uga mahadnaqayaa ciddii igu baraarujisa.

Qore: Muxammad Cusmaan Aadam
Taariikhda: Rabiicu Althaani:1431H (20 March 2010)
Gaalkacyo, Soomaaliya

Halkaan ka bilaaw |Tusmada

Qaybta Koowaad

Qaybta Labaad

Qaybta Saddexaad

Qaybta Afaraad

Qaybta Shanaad

Qaybta Lixaad

Qaybta Todobaad

Qaybta Siddeedaad

  • Culimadii taageertay iyo kutubtii lagaga taariikheeyey
  • Tixraacyada