Taariikhda
Sheekh Muxammad
Bin C/wahaab

Al-Imaam:
Muxammad bin Cabdul-Wahaab
bin Suleymaan Al-Tamiimiyi

Waxaa qore:
Maxamad Cusmaan Aadam

Hordhac |Q. 1aad |Q. 2aad |Q. 3aad |Q. 4aad |Q. 5aad |Q. 6aad |Q. 7aad |Q. 8aad

Decorative Lines

Taariikh Sheekh Maxammad
Bin Cadul-Wahaab

Halgankiisii iyo raadkii uu reebay
1115-1206H (1703-1792)

Qaybta |2aad

  • Sababihii halganka
  • Bilawgii halganka
  • Ka bixiddii Xureymala
  • Degiddii Cuyeyna
  • Ka bixiddii Cuyeyna

Sababihii Halganka

Halgamaaga isbeddel doonka ah waxa dareenkiisa dhaqaajiya, jiif iyo joogba u diida, naftiisu la gubataa, masuuliyadda baaxadda weynna ugu babac dhigaa, jidka qodxaha badan ee wehelkiisu yaryahayna isugu biimeeyaa waa khatar weyn oo bulshadiisu ku jirto! Waxay noqon kartaa: dhaqanxumo baahsan, diinxumo, jaahilnimo, masiibooyin aan taag loo hayn, iyo wixii la halmaala ee bulshada jiritaankeeda lid ku ah.

Waxaa iswaydiin mudan maxaa Sheekh Maxamed ka dhawaajiyey oo culimadii uu wax ka bartay iyo ragii eenigiisa ahaaba la dhawaaqi waayeen?! Suaashan jawaabteeda oo koobani waxay tahay: in qofku noqdo halgamaa ummad dhan samatabixiya ma aha wax cid kastaa heli karto ama calfan karto waa deeq xag rabbi laga bixiyo, wax qof gubaya ayaan mid kale dhib weyn la lahayn, mid kalena uusan dareensanayba! mid ay aad u gubaysaana uusan lahayn dhiirranaan iyo goaan uu arrinta ku wajaho.

Waxaa xasuusin mudan in culimadii sheekh Maxamed cilmiga ka bartay qaarkood sida sheekh Maxamed xayaat alsindi, sh c/laahi bin ibraahil Aala seyf, iyo sheekh maxamed almajmuuci ay saddexduba sheekh maxamed kala mid ahaayeen ka gubashada xaaladda ummaddu marayso, qaarkoodna waa dhiirri gelin jireen, balse nasiib uma yeelan inay xilkaa u istaagaan, qaarkoodna duruufta amni uma saamixin oo carrigay joogeen uma dhalan. Mid kalena waa jirtaa oo shaygu hadduu noqdo caado dadka badankiisu ku dhaqmo hoosba looma dhugto danna lagama galo, qofka ugu roon ayaa laga yaabaa inuu naftiisa ku mintido cid kalena uusan ku fekerin.

Sheekh Maxamed waxaa taariikhdu xustay maadaama uu ahaa nin dhugmo badan wax akhrisna badan, inuu yaraantiisii ka dhiidhin jiray waxa bulshadu ku jirto, waana midda ku kalliftay inuu safarkiisii dheeraa cilmiga ku bixiyo, si uusan xujo la’aan u noqon maalinta dooddu cirka isku shareerto!!

Waxaa kale oo diyaargarowga sheekha ina tusaya markii Basra laga soo eryey xajka ayuu soo maray markaa ayuu kacbada hoos istaagay oo Allaah waydiistay inuu halgankiisa diinta ku koryeelo, dadka quluubtoodana usoo duwo.[1] Haddii aynu usoo noqonno sababihii halganka, waxaa lagu soo uruurin karaa waxaa sababay xaaladdii xumayd ee ummaddu ku jirtay oo ay ka fogaadeen diintii, dhaqankii suubbanaa, cilmigii, garsoorkii iyo wax kasta oo ummadi ku istaagto.

Taa waxaa inoo sii iftiimin kara innagoo warbixin kooban ka bixinna muuqaalkii deegaankii sheekhu kasoo baxay ee Najdi. Najdi waa dhul ku yaal waqooyiga jaziiradda, ahna dhul ballaaran oo qabaail badani degaan. Laba deegaan ayaa magaca Najdi loo yaqaan, mid waa taa aynu sheegnay, midna waa Najdi Ciraaq ku taal oo ah midda nabigu ku tilmaamay inay fitno iyo balaayo kasoo bidhaami doonto, dhammaan fitnooyinkii waaweynaa ee qarniyadii hore dhacayna ay ka bilaabmeen, firqooyinka baadiyeysanna ay kasoo ifbaxeen, sida khawaarijta, qadariyada, shiicada, I.w.m sidaas ayeyna ku fasireen culimada xadiisku, sida inoogu iman doonta insha Allaah qaybta dacaayadaha.

Xaaladdii Najdi Sheekha Ka Hor

Wixii ka danbeeyey 251dii hijriyada, maamul adag kama jirin Najdi, oo dawladdii Cabbaasiyiinta way ka go’day, niman la oran jiray banii Ukhaydir oo shiica ahaa ayaa la goay oo dawlad yar ka samaystay, ilaa bartamihii qarnigii afaraad ay kala wareegeen nimankii la oran jiray Alqaraamidah ee fasaadka badnaa, raad xun oo jahli iyo baadinnimo ah ayeyna carriga kaga tageen. qaraamiddadu waa nimankii qarnigii afaraad qabsaday xaramka oo bililiqaystay, xajaru aswadkana la tagay, muslimiin shiico ah ayey sheegan jireen balse taa culimada muslimiintu kama aqbalin, marka dhaqanxumadooda la arkay waa la isku waafaqay inay gaalo ahaayeen.
____________________________________

  1. Alrasaail walmasaail Alnajdiya: 3/340

Qaraamidada waxaa aasaasay nin la oran jiray Abuu Saciid Aljannaabi Alqarmadi sannadkii 286H ayey kasoo baxeen agagaarka Basra ee Ciraaq. [1]

Imaam ibnu Kathiir mar uu ka hadlay xasuuq iyo bililiqo ay ka geysteen xaramka Maka, sannadkii 317H iyadoo weliba maalmihii Xajka la joogo wuxuu yiri:

“Waxaa arrintaa ku kallifay iyagoo ahaa gaalo Zanaadiqo ah (munaafiqiin), waxayna u janjeereen dhanka Faatimiyiintii sannadkaa kasoo baxay Afrika, dhanka Galbeed, amiirkoodana waxaa lagu naanaysi jiray Almahdi, waana abuu Muxammad cubeydullaah bin Maymuun Alqaddaax, wuxuu sheegtay shariif faatimi ah, rinjiile ayuu ka ahaa Silmiya, waxaa sidaa ka rumeystay in badan oo barbariyiin ah iyo wax-magarato kale, dawlad ayeyna yeesheen”.[2]

Dhaqan Xumada Qaraamidadu ay Najdi Kaga Tageen

  1. Qabuuraha oo la dhiso
  2. Cilmiga sunnada oo laga fogaado
  3. Shirkiyaadka oo la caadaysto i.w.m

Qaraamiddada xukunkoodii markii uusoo afjarmay bartamihii qarnigii shanaad Najdi way kala googo’day oo tuulo kastaa maamul gaar ah ayey samaysatay, maamullada deriska la ah ayaana ku amar ku-taagleyn jiray, ama odayaasha qabaailka oo qudhoodu kala tagsanaa ayaa xukumi jiray.
_______________________________

  1. Albidaaya wa nihaaya:11/108-109
  2. Albidaaya wa nihaaya:11/212-213

Dawladdii cusmaaniyiintu markii ay xukunka la wareegtay wax xil ah Najdi iskama saarin, farahana lama soo gelin, in marmar wakiilka Baxrayn u joogaa kormeero mooyee, waa intii aysan Baxrayn ka madax bannaanaan cusmaaniyiinta sannadkii 1080H. [1]

Xilligii Sheekhu Najdi Kasoo Baxay

Maamulladaa kala qoqoban iyo dhaqanxumadii qaraamidadu ku beertay ayaa kasii daray ilaa xumuhu uu samaan ka noqday, samuhuna xumaan!! Cilmi haddii la barto ku dhaqankiisu aad ayuu u yaraa, wax saamayn ahna kuma lahayn dhaqanka bulshada, ee wuxuu ahaa shay qofka barta iyo masjidka ku eg. Kala tagsanaanta qabaailka, colaadda baahsan, jidgooyooyinka intuba waxay ahaayeen kuwo aan tusaale loo heli Karin. [2]

Sheekh maxamed isagoo nin warqad u diraya wuxuu leeyahay: ” waad ogtahay waxa dadku ku sugan yahay, oo jahli iyo moognaan ah iyo inay ka jeesteen wixii loo abuuray, waad ogtahay waxay ku suganyihiin oo diintii jaahiliyiinta ah, iyo inta ay ka haystaan diintii nabi muxammad Sallalaahu calayhi wasallama, waadna ogtahay inay diintooda ku dhiseen erayo iyo ficillo ay dadkoodii hore kasoo gaareen oo kii yaraana ku barbaaray kii weynaana ku gaboobay”.[3]

Taasi waa xaalka reer beledka, reer miyiga miyaa?! Wuxuu leeyahay ibnu Qannaam oo ah taariikhyahan reer Najdi ah:

” Reer miyigu diin waxba kama ogeyn astaamihiisana ma oogi jirin, in badan oo ka mid ahina diinta waa dafirsanaayeen, ama ma aysan ogeynba rumaynta isa soosaarista aakhiro.’’ [4]
_____________________________________

  1. Islaamiyah laa wahaabiyah, Sh Naasir Alcaqli: 20
  2. Islaamiyah laa wahaabiyah 21-22
  3. Isla halkii hore
  4. Isla halkii hore 

Taasi ma aha wax lala yaabo maxaa yeelay waxaa meesha isaga danbeeyey shiico,  araamiddo iyo dayac xoog leh oo ka yimid dawladihii islaamka matalayey waa Cabbaasiyiintii iyo Turkidii cusmaaniyiinta loo yiqiinnay. Nimanka maamullada yaryar haystayna sidaas ayey awoowyaal kasoo gaareen, in wax ka maqan yihiinba lama ahayn, inay canshuurtooda shacabka ka helaan ayaa u darnayd!!!

Dunida Kale ee Islaamka

Najdi uguma liidan dunida islaamka ee dhibaatadu waa baahsanayd, waxaana dhacday sidii nabi Muxammad sallalaahu calayhi wasallama horay u sheegay oo uu yiri:

“Islaamku isagoo wax lala yaabo ah ayuu bilawday wax lala yaabana wuu ku noqon doonaa! Kuwa lala yaabi doono ayaa wanaag u sugnaaday”.[1]

Taa micnaheedu ma aha in ummaddu wada gaaloobi doonto, ee micnaha xadiisku waxa weeye mar walba waxaa badanaya dadka aan diinta danaynayn xilna aan iska saarayn, waxay ku kacayaanna aan iswaydiinayn ma bannaanyahay mise ma bannaana!! Qorshahana aysan ugu jirin diinta iyo ka fekerkeedu midnaba.
_________________________________

  1. Imaamu muslim ayaa weriyey:lanbarka xadiiska:372

Sida xaaladda diintu ahayd xilligii sheekha waxaa ina tusi kara

  • Bidcada iyo waxyaabo uusan nabi Muxammad ka tegin oo diin laga dhigtay, hawa raaca iyo dariiqooyinkuna bateen.
  • Dadka sunnada haysta xaqana ku dhegan, bidcadana ka dhanka ah oo yaraaday.
  • Jahli ummadda wada saaqay, gaar ahaan xaga caqiidada iyo axkaamta muhiimka ah.
  • Dadkii oo badankoodu aysan diinta baranayn, intii barataana ay kaga dhaqmayso wixii rabitaankooda waafaqa.
  • Iska dabagalka indhaha la’ oo aan daliil la iswaydiinayn oo caadi noqday, ilaa xaaladdu gaartay in masjidka xaramka (Kacbada) la wada tukan waayo, mad-hab kastaana gaar u tukato, dawladdiina ay tabar darraysay, dadkuna ay hogaan la’aan soo dhacaan, ayna gacanta u galaan dad liita, oo hankoodu yahay damac iyo qancinta naftooda. [1] 

Cudurkii ugu Khatarsanaa

Wuxuu ahaa dadka oo wax u dhimay xaqii Alle ku lahaa (Tawxiidka), oo ay caadi noqotay cibaadadii Alle in cid kale loo leexiyo, oo cid kale la waydiisto wax Alle mooyee aysan cidina qaban Karin, nadar (shardi) lala galo cid aan Alle ahayn, cid aan Alle ahayn wax loo bireeyo.

Sidoo kale bidcooyinka iyo waddooyinkii shirkiga loo marayey oo tira-beelay, sida qabuuraha oo la dhiso, masaajidda oo qabriyo lasoo geliyo, ama qabri masjid laga dul dhiso, mawlacyo iyo meelo uusan sharcigu mudnaan gaar ah siinin oo la weyneeyo, dad nool iyo kuwo dhintay oo xadkoodii la dhaafsiiyo, arrimahan ayaa ummadda ka dhigay mid liidata, tabar daran, kala tagsan, cadawgiina dhaxalsiiyey inay dalal badan oo islaamku lahaa hantaan. [2]

Qof walba oo wax garad ah wuu haleeli karaa in islaamku heerkii uu gaaray qarniyadii hore uusan ku gaarin mabaadi jilicsan iyo hawaraacnimo, ee u ku gaaray mabaadi adag, taasoo u suuragelisay inuu qarni wax ka yar hanto dhul aad u ballaaran oo saddex qaaradood ka mid ah, isagoo islaamku galbeedka ka gaaray Andalus (Spain iyo Boortaqiiska), dhanka barina xuduudda Shiinaha, waqooyi galbeedna Giriiga, koonfurna geeska Afrika!!! Isla mar ahaantaana meesha ka saaray dawladihii waaweynaa ee kumanaanka sano qaarkood jireen, cilmiga iyo ilbaxnimada muslimiintuna ay gaartay meel aad u sarraysa, ummadduna ay noqoto mid laga haybaysto.

Markii ay tirtirtay dawladdii Faarisiyiintana ay marmar amarro adag kusoo rogto dawladdii Roomaanka, oo ay dhici jirtay in duruuftu ku khasabto boqorka Roomaanku inuu yiraahdo: ” Lacagtayada ayaan ku qorayaa magaca boqorka muslimiinta ama caruurtiisa ee meel hebla hala ii daayo”!!!! Hoos udhaca iyo tabar yaraantu kuma iman sabab la’aan ee waxaa keenay iyadoo laga tagay wixii xoogga lagu yeeshay oo ummad jirta lagu noqday.
___________________

  1. Naasir Alcaqli: 23
  2. Alcaqli:24

‘’Awood ma yeelan karaan mana hinqan karaan ismana difaaci karaan dad hankoodu yahay inay qabri dul fariistaan, aroor iyo galabna ku wareegaan!! Dhibkii lasoo darsana ula cararaan, fekerkooduna yahay in la diyaariyo miizaaniyaddii qabuuraha!!!.

Bilawgii Halganka

Xaaladahaa qallafsan ee aynu kasoo warranay ee ummaddu ku sugnayd sheekhu markii uu arkay ayuu furkii tuuray! hoostana ka xariiqay inuu u istaago badbaadada ummadda, naftiisu meeshay doonto haka dhacdo;

‘’Sheekhu marnaba ma adeegsan gacan ka hadal, mana darbin urur hubaysan, qaab kacaannimo ahna uma dhaqmin ee wuxuu halgankiisa u bilaabay si xikmadaysan, culays badanna ka qaadi karta, miro la taaban karana lagu guran karo, isaguna kaga badbaadi karo tuhun xukun doonnimo.’’ 

Taariikhdu markii ay ahayd 1153H da’diisuna tahay 38 sano ayuu sheekhu dhawaaqay, oo bilaabay caddaynta xaqiiqda tawxiidka iyo dariiqii rasuulka sallalaahu calayhi wasallama, kuwa jaahiliinta iyo hawaraacana ka digo.

Markaas ayaa arintiisu caan baxday codkiisuna faafay, xaqdoonka iyo samadoonnaduna kusoo hirteen. Markaa sheekhu Xureymala magaalada la yiraahdo ayuu joogay oo aabbihii garsoore ka ahaa isla sannadkaa ayuuna aabihii dhintay. [1]
_________________________

  1. Halkii hore

Ka Bixiddii Xureymala 

Shirqoolkii addoonta iyo ka bixiddii Xureymala

Magaaladaa laba qabiil ayaa deganaa oo mid kastaa awooddeeda sheegato, cid wada xukuntaana ma jirin, cid qofka xun edbisa, midka liitana xaqiisa usoo dhicisaa ma jirin.

Labadaa qabiil mid ka mid ah ayaa lahayd biddood fasahaad badan oo diin xun oo aan xadgudubka ka joogsan, dadkana dhiba, sheekhu wuxuu u qasdiyey inuu falalkaas ka joojiyo iyagana edbiyo, markii ay arintaa ka war heleen ayey goaansadeen inay sheekhaba isdhaafiyaan oo ay dilaan! Goor habayn ah ayey gurigiisii kasoo boodeen, dadkii ayaa qaar dareemay waana lagu qayliyey weyna carareen.[1] Markaa ayuu sheekhu goaansaday inuu ka guuro Xureymala, maadaama mooriyaantaas uusan tabar u hayn, dadka lihina ayan edbinayn.

Degeddii Cuyeyna

Sheekhu mar hadduu goaansaday u istaagidda arintaa baaxadda weyn, uuna filayey in dad badani ka hor iman doono, waxaa lagama maarmaan noqotay inuu ka fekero laba waxyaalood oo muhiim u ahaa inuu hadafkiisa ka gun gaaro, waxayna kala ahaayeen:

  1. Goob xarun u noqoto oo uu ka dhex doorto magaalooyinka Najdi, baaqiisana ka faafiyo.
  2. Garab xoog leh oo difaaca inuu helo.

Sheekha waxaa usoo baxday labada waxyaaloodba inuu ka helayo magaaladii uu ku dhashay kuna barbaaray waa Cuyeyna, iyada ayuu afka saaray, waxaa markaa amiir ka ahaa Cismaan bin Xamad bin Macmar, si maamuus leh ayuuna sheekha usoo dhaweeyey.

Taariikhdu waa 1155H. Sheekhu wuxuu amiirkaa u bandhigay hadafkiisa ah inuu doonayo noolaynta diinta Alle ee lagu ciyaaray, dadkana ugu baaqayo kitaabka Alle iyo sunnada nabiga, macnaha tawxiidkana wuu u sharxay, in dadka dhaqankoodu tawxiidka garab marsan yahayna wuu u sheegay, wuxuuna amiirka ku rajageliyey in haddii uu tawxiidka u hiiliyo isagana Alle u hiilin doono, taladiisana koryeeli doono, Najdi iyo inta kalena uu hanan doono.
__________________

  1. Aalabuutaami:14

Ibnu macmar waa aqbalay baaqii sheekha, waana soo dhaweeyey, waana garab istaagay, sheekhuna halkaa ayuu kasii anbaqaaday halgankiisii. Sheekhu wuxuu amar ku bixiyey in la tirtiro waxyaabaha dadka tawxiidka ka khaldaya ee xaqdarrada lagu weyneeyo, sida burburinta masaajidda qabuuraha laga duldhisay, geedaha la weyneeyo ee la barakaysto i.w.m., xuduudiina waa la oogay (ciqaabihii sharciga), oo haweenay xumaan samaysay oo qiratay ayaa lagu bilaabay. [1]

Qisadii Haweenaydii Dhagaxa Lagu Dilay

Haweenaydan markii ay aragtay nadiifinta Cuyeyna ka socota iyo asnaamta iyo qabuuraha dhisan ee la duminayo iyo nuurka iyo iftiinka magaaladii dhex xulay ayey sheekha u timid oo sheegatay inay gogol dhaaftay, guurna ay soo martay! Sheekhu caqligeedii ayuu hubiyey, waxaa usoo baxday inay fiyawdahay, wuxuu ku yiri in lagu xoogay Malaga yaabaa?! Waxaas oo dhan meesha way ka saartay, waa haweenay isa soo dhiibtay rabtana in la daahiriyo!

Maalmo ayuu sheekhu u kaadiyey, iyaduna afar jeer ayey soo noqotay oo qiratay, taasoo waajib ka dhigtay in ciqaabta lagu fuliyo dhagaxna lagu dilo. Amiirkii Cusmaan bin Macmar ayaa soo baxay iyo muslimiin kale, wayna dhagxeeyeen ilaa ay ka dhimato, qofkii ugu horreeyey ee dhagxeeyana wuxuu ahaa amiirka.

Kadib sheekhu wuxuu amray in la mayro, la kafno laguna tukado sida sharcigu dhigayo. [2]

Sheekhu intii uu cuyeyna joogay magaalooyin badan ayuu warqado u diri jiray iyo rag kala duwan, magaalooyinka uu la xiriiri jiray waxaa ka mid ahaa: Dirciya, Riyaad, Axsaa, Intaba dad ayaa baaqiisa aqbalay. [3]
___________________________________

  1. Aalabuutaami:15
  2. Rawdada ibnu Qannaam:2/2, Cinwaan Almajdi:1/10
  3. Saalix Alcabuud: 2/150

Buuqii ka dhashay gabadhii dhagaxa lagu dilay

Warxuma-tashiil oo dhan ayaa isbiirsaday, waxaa la isku waraystay “Wadaadkan haddaan maanta la qaban meel fog ayaa laga dooni doonaa.

Arintii waxaa la gaarsiiyey amiirkii Axsaa oo la oran jiray Suleymaan binu Cureycir Alxumaydi, waxayna warxumatashiilku ka codsadeen inaan arintaa la fiirsan ee wax laga qabto. Waxaa amiirka lagu yiri: ninkani carriga wuu qabsanayaa adiguna xorriyaddaada waad waayi doontaa!! Amiirkii arinta dhab ayuu u qaatay warqad ayuuna usoo diray ibnu Macmar wuxuuna ku yiri: “wadaadkan aad hayso sidaa iyo sidaa ayuu sameeyey, waa inaad dishaa haddii aadan yeelin dhaqaalaha waanu kaa joojinaynaa”.[1]

Amiirkii bin Macmar sheekha ayuu arintii u sheegay, sheekhuna wuxuu ku yiri: ” arinkan aan u istaagay kuna baaqay waa kalmaddii “laa ilaaha illallaah” iyo tiirarkii islaamka, iyo faridda samaanta iyo reebidda xumaanta, haddaad qabsato una gargaarto Allaha hufan wuu ku xoojinayaa, cadawgaagana wuu kaaga hiilinayaa, ee yuusan ku argagixin kuna cabsigelin Suleymaan”.[2]

Sheekhu aad ayuu ugu dadaalay inuu dejiyo amiirka balse faqriga loogu gooddiyey ayaa hortiisa ka muuqday! nin waanadiisa qaatay ayuu iska dhigay wuuna xishooday, balse mar kale ayuu sheekha usoo cid diray oo ku yiri:

“Suleymaan wuxuu na faray inaan ku dilno, caradiisa iyo khilaafkiisana ma kari karno, maxaa yeelay dagaalkiisa taag uma hayno, dhaqan fiicanna ma aha inaan magaaladeenna kugu dilno ee naftaada u tasho magaaladana isaga tag.’’[3]
____________________________________

  1. 1. Cinwaan Almajdi: 1/10, Sh Maxamed bin C/wahaab muslixun madluumun muftaraa calayhi, oo uu qoray sheekh Mascuud Caalim Al-nadawi: bogga 50aad.
  2. Halkii hore
  3. Halkii hore

Ka bixiddii Cuyeyna

Warqaddaa markii sheekhu akhriyey wuu ka baxay Cuyeyna, isagoo lug ah, askari la yiraahdo Fariid Aldufayri ayaa wehel looga dhigay, isagu faras ayuu ku joogay, waa dharaar cad, qorraxdu waa kulushahay, sheekhu babbis ayuu gacanta ku wataa, wuxuu ku celcelinayaa aayaddi quraanka ee ahayd:

Surat At-Talaq 2-3

“Qofkii Allaah ka baqa, faraj ayuu u furaa, meel uusan filanayna waa ka arzaaqaa.” [Suuradda: Al-Dalaaq 2-3]

Qiso ayaa la sheegaa ah in askariga lagula soo dardaarmay inuu sheekha bannaanka ku dilo, kadibna uu damcay dilka sheekha balse gacantu gariirtay! balse ma aha qiso taariikhyahannadu wada sugayaan. [1]

Waxqabadkii sheekha intii uu Cuyeyna joogay

Sheekhu muddo 3 sano ku dhow ayuu Cuyeyna joogay muddadaa cilmiga faafintiisa ayuu ku mashquulsanaa, siiba saafiyeynta caqiidada dadka iyo ka leexintooda waxyaabaha ay ku fitnoobeen, sida qabuuraha i.w.m, kuwo badan ayaana la burburiyey, sidoo kale salaadda jamaacada in la oogo oo amiirku dadka tujiyo waxyaabihii hirgalay ayey ka mid ahayd, canshuurihii dadka laga qaadi jiray waa la joojiyey waxaana lagu bedelay in zakada la qaado, sidoo kale ciqaabaha sharcigu u jideeyey in dadka lagu edbiyo qaar ka mid ah ayaa la fuliyey. Kutub dhowr ah ayuu sheekhu ku qoray Cuyeyna. [2]

Ninkan amiirka ah ee magaalada ka saarayna wuu la xididay oo eeddadii jawhara binti c/laahi bin macmar ayuu guursaday. [3]
_______________________

  1. Isla halkii hore
  2. Mascuud Nadawi 51
  3. Nadawi:46