Taariikhda
Sheekh Muxammad
Bin C/wahaab

Al-Imaam:
Muxammad bin Cabdul-Wahaab
bin Suleymaan Al-Tamiimiyi

Waxaa qore:
Maxamad Cusmaan Aadam

Hordhac |Q. 1aad |Q. 2aad |Q. 3aad |Q. 4aad |Q. 5aad |Q. 6aad |Q. 7aad |Q. 8aad

Decorative Lines

Taariikh Sheekh Maxammad
Bin Cadul-Wahaab

Halgankiisii iyo raadkii uu reebay
1115-1206H (1703-1792)

Qaybta |3aad

  1. Imaanshihii Dirciya
  2. Heshiiskii taariikhiga ahaa
  3. Qoomamayntii ibnu Macmar
  4. Baaqii sheekha
  5. Caqiidadii sheekha
  6. Axkaamta Gaalaysiinta

Imaanshihii Dirciya

Sheekhu markii uu duhurkii kasoo kicitimay Cuyeyna isla casarkii wuxuu soo gaaray Dirciya. Dirciya waa tuulo ku taallay agagaarka Riyaad, haddase waa xaafad Riyaad ka mid ah, waxaa ka talin jiray niman la yiraahdo ilma sacuud. Wuxuu ku degay C/raxmaan bin Suweylim iyo Axmed bin suweylim, oo ilma adeer ahaa sannadku waa 1158H. C/raxmaan bin Suweylim naftiisa ayuu u baqay, maxaa yeelay wuxuu ogaa xaaladda dadku ku jiro iyo sidaysan u aqbalayn caalimkani waxa uu ku baaqayo, oo weliba ay dhibaato kala hor imanayaan siiba dadka madaxda ah.

Balse sheekhu kalsoonidiisa uu rabbi ku qabaa aad ayey u weynayd, wuu waaniyey, qalbigiisana wuu dejiyey, wuxuu ku rajo geliyey gargaarka Alle iyo nasrigiisuba inay iman doonaan. Dadkii xiriirka la lahaa ibnu Suweylim ayaa ogaaday in sheekhu gurigiisa joogo, si hoose ayey ugu soo dhuuman jireen, sheekhuna baaqiisa ayuu u sharxi jiray. Waxaa jiray laba nin oo la dhashay amiirka magaalada oo la kala oran jiray Mashaari iyo Thaniyaan, iyo weliba haweenay kasmo badan oo ammiirku qabay,amiirku waa Muxammad bin Sacuud;

Labada nin sheekha ayey u iman jireen oo ka dhegaysan jireen duruusta uu akhriyo, kadib markii ay ku qanceen manhajkii sheekha ayey walaalkood u sheegeen in sheekhu kusoo degay guriga ibnu Suweylim, uuna yahay falxad Rabbi usoo kaxeeyey ayna habboontahay in deeqdaas rabbi ku gaaryeelay uu ka faaiidaysto.

Kaalintii Haweentii Ammiirka

Xilligii sheekhu Cuyeyna joogay dad qoyska reer sacuud ka mid ah ayaa xiriir la lahaa, waxaana ka mid ahaa wiil ammiirku dhalay oo la oran jiray C/caziiz bin muxammad bin sacuud oo kaddib aabbihii jagada ka dhaxlay (ma aha C/casiiskii qarnigii 20aad), sheekha ayuuna warqado u diri jiray si uu ugu soo qoro wixii cilmi iyo hanuun ah, wuxuuna sheekha ka codsaday inuu allifo kitaab caqiido ah oo kooban, dadka waaweynna akhristaan, sheekhu wuu aqbalay wuxuuna allifay kitaabkiisa caanka ah “Al-Usuul al-thalaathah” 

Waxaa kale oo sheekha ku xirnaa garsoorihii Dirciya C/laahi bin ciisaa. Haweenayda ammiirku qabo waxay aragtay kitaabka usuulka ah ee wiilkeedu haysto, waa ay akhriday si fiican ayeyna u fahamtay. Markii sheekhu Dirciya si qarsoon kusoo galayna dadkii ugu horreeyey ee ogaaday ayey ku jirtay.

  • Waxay ninkeeda ammiirka ah ku tiri:
  • Ma maqashay sheekhii Cuyeyna joogay?!
  • Ina C/wahaab miyaad u jeeddaa! ayuu yiri.
  • Haa ayey tiri. Maxaa helay?! Ninkeedaa yiri.
  • Dirciya ayuu ku sugan yahay ayey ku jawaabtay.
  • Waan ogahay ayuu yiri.
  • Waxay tiri: Sheekhani waa deeq rabbi kuu keenay ee ka faaiidayso oo karaamee u hiilintiisana isu taag. Hadalkii ayaa meel uga dhacay!
  • Wuxuuna yiri: Haweenyahay arrintu hiil kuma joogsanayso!
  • Oo maxaa dhacaya ayey tiri?!
  • Qabaailka reer Najdi oo dhan ayaa dhan inaga noqonaya, tabarna uma hayno dagaalkooda ayuu ku jawaabay.
  • Haweentii kasmada badnayd waxay ku jawaabtay:
  • Haddii aynu quluubteenna Allaah ugu hiilinno, cadawgeenna wuu inooga hiilinayaa!!

Habaynkaa Ammiirku hurdada ma ledin! Maankiisii oo dhan ayaa kala yaacsanaa, maxaa ka iman kara wadaadkan u hiilintiisa?! Magaaladaydu hadda waa degantahay reer Najdi haddii si dhiirran loogu babac dhigo xaalku sidee noqon?! Amiirku wuxuu goaan ku gaaray inuu xag rabbi u cararo oo habaynka saacadihiisii danbe ayuu kacay oo Alle-bari bilaabay isagoo lahaa.

Alloow waad ogtahay in dadku ila colloobi doono oo ehelkayga iyo hantidaydaba colaad loo qaadayo ee xeelad iyo awood toona ha siinnin cadawgayga! Allow waxaan ahay mid tabar daran ee tabartayda geli u hiilinta diintaada hufan! Allow haddaan cid kale kaashado waxaan ahay mid baahan ee kaashigaaga igaga deeq cid kasta oo kaasoo hartay! Allow waad ogtahay inaanan weli goaansan u hiilinta diintaada ee laabtayda waasici, samirna ku shub.

Markii waagu baryey ayaa amiirka qalbigiisa Alle ku tuuray u hiilinta diinta iyo jacaylka sheekha, cadawgiisiina waxaa looga dhigay wax licib saqiir ah! inuu sheekha u cid diro ayuu damcay waxaase lagu yiri:

‘’Adigu cagahaaga ugu tag una muuji maamuus iyo inaad ku faanayso imaanshihiisa.’’

Sidii ayuu yeelay wuu maamuusay wuuna soo dhaweeyey.

Hadduu sheekha u yimid, sheekhu wuxuu akhriyey baaqiisii iyo waxa hadafkiisu yahay, caqiidada saxda ah ayuu u sheegay, reer Najdi waxa ay ku jiraan oo caqiido xumo, jaahilnimo, kala tagsanaan, is dilid iyo boob ahna wuu jalleecsiiyey! Diin iyo adduunyo sida ay uga arradanyihiin ayuu tusay, shareecadii islaamkana uga jaahilyihiin, wuxuuna ammiirka ku rajageliyey inuu noqon doono hogaamiye ummaddu ku midawdo boqortooyana hela, carruurtiisuna iska dhaxlaan.

Heshiiskii Taariikhiga Ahaa

Bayaankaas markii sheekhu jeediyey ammiirkii waa ku qancay, waana aqbalay, wuxuuna sheekha u ballan qaaday inuu ka difaacayo cid kasta oo uu reerkiisa iyo caruurtiisa ka difaaci lahaa. Wuxuuse dhigtay laba shardi oo kala ah:

  1. Haddii la guulaysto halgankuna miradhalo inuusan sheekhu Dirciya ka guurin.
  2. Inuusan sheekhu ammiirka u diidin canshuurta uu reer Dirciya ka qaado xilliga beeruhu soo go’aan.

Sheekhu shardiga hore waa aqbalay, isku meel ayeynu ku dhimanaynaa ayuu ku jawaabay. Shardiga labaadse wuxuu ugu jawaabay: “wax kaaga kheyr badan ayaan rabbi kaaga rajaynayaa inuu kuugu beddelo”.

Halkaa ayaa sheekha iyo ammiirku heshiiskaa ku galeen in diinta la koryeelo, calanka jihaadka la taago, dariiqii nabiga sallalaahu calayhi wasallama la raaco, wanaaga dadka la faro, xumaanta la reebo shareecadana la dhaqangeliyo.

Sheeko aan sal lahayn!

Waxaa jirta sheekho dadka qaarkood ku sheekeeyaan oo ah in sheekha iyo amiirku ku heshiiyeen in amiirka iyo faraciisuna iska dhaxlaan dawladda, sheekha iyo faraciisuna diinta! Arintaasi ma aha mid sal leh waa been geesa leh, waa midda ugu roon dacaayadihii mucaaradka!

Sheekhu wax mansab ah ma codsan, caruurtiisana uma sii carbuunin!! Balse reer Aalasacuud ayaa ugu abaalguday in qofkii faraca sheekha ka mid ah ee u qalma loo dhiibo jagooyinka ugu sarreeya arrimaha diinta, sida muftiga dalka, garsoorka iyo wasiirka arrimaha diinta, in mararka qaarkood wasaarado kale loo dhiibana waa dhacdaa oo muwaadiniinta ayey ka mid yihiin jagana kama caaggana, balse wixii diin ku saabsan ayey u badan yihiin.

Balse haddii la waayo qof u qalma ma aha in mid kasta oo iyaga ah oo diinta wax uun ka yaqaan la isaga dhiibo mansab uusan u qalmin, tusaale ahaan: Sheekh C/casiis bin C/laahi bin Baaz oo ahaa muftigii dalka 1975-1999M, kama mid ahayn faracii sheekha ee cilmigiisa ayaa darajadaa geeyey, mana jirin xilligii muftiga laga dhigayey cid uga habboon mansabkaa, cilmi ahaan iyo asluub ahaan intaba.

Dardartii dacwada

Goobtaas ayuu sheekhu salka dhigtay, dadkii Cuyeyna ku taageersanaa oo madax iyo shacabba leh ugu yimaaddeen iyo dadyow kale oo afarta jiho isaga yimid, Dirciyana waxay noqotay xarun cilmiga iyo hanuunka loosoo doonto, iyadoo noloshu aad ciriiri u ahayd ayey ardaydu habaynkiina shaqayn jireen maalintiina wax baran jireen! Sheekhuna jilbaha ayuu u aastay aflixinta dadkaa, iyo inay fahmaan caqiido toosan, guul ayaana laga gaaray, Dirciyana waxay noqotay meel jaziiradda ka tilmaaman.

Qoomamayntii ibnu Macmar! 

Haddii sheekhu Dirciya yimid oo qofka lugta ahi gelin wax ka yar uga socdo Cuyeyna, uuna garab adag iyo soo dhaweynba helay, dad badan oo magaalada u dhashay iyo kuwa kaleba ay cammireen xaruntii sheekha, waxay taasi qoomamo weyn ku beertay Cismaan bin macmar waa ninkii Cuyeyna ka talinayey ee sheekha dharaarta kulul soo saaray! [Mindhaa kumaba uusan fekerin in Allaah gargaarkiisu badan yahay!!], wafdi magaaladiisa u dhashay oo uu soo xulay, oo madax iyo dad magac lehba isugu jiray isagoo horkacaya ayuu Dirciya yimid!

Wuxuuna xaal iyo raalligelinba ka bixiyey falkii uu ku kacay, sheekhana inuu magaaladiisii kusoo noqdo ayuu ka codsaday, balse sheekhu wuxuu ku xiray ogolaanshaha Muxammad bin Sacuud! Ibnu macmar iyo wafdigiisii waxay la kulmeen ibnu sacuud oo kala xaajoodeen in sheekha looga tanaazulo! Balse ibnu sacuud gaashaanka ayuu arintaa u daruuray! Nimco rabbi usoo gacangeliyey oo uu magac iyo darajo iyo diinba ku helay inuu cid kale u dooro waa diiday.

Ibnu Macmar iyo wafdigiisii iyagoo faramaran ayey ku noqdeen magaaladoodii Cuyeyna. [1]
__________________________________________________
1. Sheekh Maxamed bin C/wahaab: Axmed bin Xajar Aalabuutaami:15-16

Baaqii sheekha 

Sida waaqicu ka markhaatikacayo, kutubta sheekhana ku xusan, culimo badan oo dalal kaladuwan u dhashayna ay isla qireen sheekhu kuma baaqin mabda’ uu dhagax dhigay iyo waddo uu xagaaf-jaray midnaba, ee waxaa uu dadka ugu baaqay kitaabkii Alle iyo sunnadii nabiga, sallalaahu calayhi wasallama, isla markaana loo fahmo sidii saxaabadii u fahmeen; Halganka sheekhu intaa in lasoo nooleeyo dadkana laga qaado mirirka fuulay ee xaqii ka indha-saabay ayuu ku saabsanaa.

Sheekhu lama iman fikrad iyo mad-hab cusub oo aysan muslimiintu wada aqoon, ee waxaa uu lahaa caqiidooyinkan iyo dhaqammadan xunxun ee dhallaankuna ku barbaaray waayeelkuna ku gaboobay ha la iska daayo hana laga waantoobo. Dadku sidii la arki jiray tan iyo nabiyadii qaarna waa aqbalay qaarna waa ka horyimaaddeen, xoog iyo xeelad kasta oo ay ku horjoogsan kareenna waa adeegsadeen, dacaayado aan loo aabayeelin waa faafiyeen, magacyana waa u bixiyeen balse waxaas oo dhan baaqii sheekhu waa dul maray Allaah ayaa horay u yiri:

Surat At-Towbah 32

“Waxay doonayaan inay iftiinka Alle (kitaabkiisa) afkooda ku damiyaan Allaahna waa diiday inuu iftiinkiisa dhammaystiro mooyee! Gaaladu haba kahdeene”! Qayb gaar ah ayeynu kaga hadlaynaa dacaayadihii ay adeegsadeen iyo sidii aysan waxba uga tarin xawligii dacwada iyo dadaalkii sheekha.’’[Surat: At-Towbah, 32]

Baaqii oo qodabbaysan [1]

1: Hufidda tawxiidka iyo shirkiga oo laga fogaado:
Waana qaddiyaddii ugu weyneyd ee dhextiillay nabiyada iyo dadkii ka horyimid, sidoo kale dadka kheyrka ku baaqaya ee dariiqii nabiyada haya iyo kuwa kasoo horjeedaa qaddiyaddaa ayey isku hayaan, arrintan sugiddeeda waa mid uu Allaah faray cid kasta oo xil kas ah. 

2: Ilaha diinta laga qaadanayo oo la saafiyeelo: Ilaha dadka hawaraaca ahi diinta ka qaataan tiro ma leh! kitaab iyo sunne lagu kari waa!! sheekhuna waxaa uu lahaa dadyahow u noqda kitaabka iyo sunnaha iyagaa ilaha diinta ah, khad kasta oo madow oo warqad cad ku taalna ha iska qaadanina.
_______________________________
1. Islaamiya laa wahaabiya: Naasir Alcaqli

3: Astaamaha diintu jidaysay oo la muujiyo, waxyaabaha dib laga keenayna laga tago.

4: Sharciga Alle oo loo xukuntamo:

Maxaa yeelay in badan oo muslimiinta ka mid ah gaar ahaan kuwa hawaraaca ah iyo reer miyiga badankiisu waa ka tageen ku dhaqanka sharciga dhan walba, diin iyo adduunyo midnaba sharci kuma dhaqi jirin, ummaddana waxaa hareeyey waxyaabo diinta lagu soo daray, caadooyin iyo xeerar jaahilnimo ku dhisan, waxaa batay cuskashada sixirroolayaasha, faaliyayaasha iyo mingislayda. Noloshiii ciriiriga ahayd ee loogu gooddiyey ciddii kitaabka Alle ka tagta ayaa dadkii soo wajahday, amni xumo, faqri, kala tagsanaan ayaa dadkii ku dhacay.

5- Faafinta cilmiga iyo la dagaalanka jahliga iyo dibudhaca:

Horay ayeynu usoo xusnay in waxyaabihii sheekha ku dhaliyey inuu hawshan culus isu taago ay ka mid ahayd cilmiga oo yaraaday, jahliga oo faafay, dadka oo waxa ay ku dhaqmayaan xujo diini ah aan u raadin ee wixii ay arkaan dadka oo samaynaya iyaguna iska sameeya; Sheekhu inuu arintan meesha ka saaro ayaa ka mid ahaa waxa uu ku baaqayey, isaga oo lahaa diinta halaga qaato ilaheeda asalka ah: kitaabka iyo sunnada, dhaqankii saxaabadana halagu dhego, sidoo kale sheekhu waxaa uu ku baaqayey in cilmiga adduunyada wixii ummadda waxtar u leh la barto si horumar loo gaaro.

6: Midnimada oo la adkeeyo kala tagsanaantana laga tago:

Iyadoo ka dhalanaysa in diintu sida ay tahay loogu dhaqmo.

7: Amniga iyo dawladda oo la adkeeyo:

Reer Najdi tawxiidka iyo sunnaha kadib, wax ay helaan waxaa ugu baahi badnaa dawlad iyo nidaam ay ku midaysan yihiin, maxaa yeelay kala qobqobnaantu waxaa ay gaartay meel aan la suuraysan Karin, tuulooyin saacad ama laba saacadood la isaga lugeeyo ayaa mid kastaa ahayd dawlad gaar ah oo madax bannaan ama meel kale oo ay xoogaa dhaqaale ah ka hesho looga taliyo.

Sidaynu horay usoo xusnay wixii ka danbeeyey bartamihii qarnigii 3aad ee hijriyada Najdi waxaa ay ahayd meel dayacan, oo marba kooxo ku habsadaan, mar shiico, mar qaraamiddo baadiniya ah oo shareeco iyo astaamaheedba aan ogolayn, markii cusmaaniyiintii yimaaddeenna xilba iskama saarin, maxaa yeelay dawladahaasi waxaa ay ahmiyadda siinayeen meelaha ilaha dhaqaalaha leh, sida Ciraaq, Shaam, Masar i.w.m.

Sheekhu inuu arrintan iyadana meesha ka saaro ayuu goostay, oo haddii ammiirkii ay ballanta wada galeen uu ballantii oofiyey waxaa lagu dadaalay sidii dawladda loo ballaarin lahaa, ammiirrada kalena loogu baaqi lahaa in la midoobo, kuwo aqbalay oo jagooyinkoodii loo daayey iyo kuwo diiday oo xoog lagu muquuniyey ayey u qaybsameen!!! Diin lama oogi karo iyadoo uusan amni jirin, amnina ma suuroobi karo iyadoo aysan dawladi jirin, waa laba isgarab socda oo aan kala hari Karin, diin iyo dawlad, nabiyadii Alle soo dirayna labadaba waa ay ku baaqayeen.

Qodobbadaa ayaa ugu waaweynaa baaqii sheekha, waana arrimo baahidoodu taagnayd, sheekhuna karaankiisa ayuu isugu geeyey sidii looga miradhalin lahaa, Allena waa ku guuleeyey oo carrigii sheekhu kasoo baxay waa innagaa aragna inay dunida muslimka uguna amni badan tahay uguna hodansan tahay.

Caqiidadii Sheekha

Waa arrin iswaydiin iyo ogaalba u baahan maxay ahayd caqiidadii Sheekh Maxamed C/wahaab dadka ugu baaqay? Ma isagaa abuuray mise meel kale ayuu kasoo xigtay?! Haddii uu meel kasoo xigtay xagee ahayd meeshaasu?! Yaase uga horreeyey caqiidadan uu ku baaqayey? Jawaabta suaashan innagoo soo koobayna, waxaan si cad u leennahay: Caqiidadii sheekh Maxamed ku baaqay waxay ahayd caqiidadii islaamka ee saafiga ahayd, wax uu abuuray ama isku kabkabay midnaba ma ahayn.

Caqiidada islaamka waxaa laga xigtaa lagana qaataa waxyiga lagu soo dejiyey nabi Muxammad sallalaahu calayhi wasallama iyada oo loo fahmayo sidii saxaabadiisu u fahmeen, maxaa yeelay macallinkoodii nabi muxammad ayaa u baray sidii Alle doonayey in loo fahmo. Caqiidada islaamka lagama qaato caqliga, dhaqammada dadyawga, falsafadaha, qofkii intaa caqiido ka qaataana ma hayo tubtii toosnayd.

Caqiidada islaamka waxaa gundhig u ah 6da tiir ee iimaanka iyo 5ta tiir ee islaamka, iyadoo si guud iyo si faahfaahsan intaba loo baranayo. Bal aynu aragno sida sheekh muxammad u haystay caqiidadaas toosan uuna uga fogaa wixii khilaafsan, aynu akhrinno isaga oo ka jawaabaya warqad ay usoo direen dadkii ku noolaa gobolka Qasiim ee ka mid ah carriga Najdi, iyaga oo waydiinaya caqiidada uu aaminsan yahay dadkana ugu yeerayo, waxaa uu yiri Alle naxariis badan ha siiyee:

“Waxaan Allaah markhaati gelinayaa iyo malaaigta ila joogta, idinkana aan idin marag gelinayaa in aan rumaysanahay waxa firqada badbaadaysaa rumaysan tahay ee sunnada iyo jamaacada ehelka u ah, oo ah: in Allaah la rumeeyo iyo malaaigtiisa, kutubtiisa, rasuulladiisa, isa soo saarista geerida kaddib, iyo in wax kasta oo dhacayaa ku imanayaan qorshe Alle xagii ah, kheyr iyo sharba.

Rumeynta Alle waxaa ka mid ah in la rumeeyo waxa uu naftiisa ku tilmaamay oo kitaabkiisa ku sheegay, nabigiisuna sallalaahu calayhi wasallama ku hadlay, iyada oo aan la inkirayn, lana weecinayn;

Waxaan rumaysanahay Allaah cid u dhiganta oo la mid ahi inaysan jirin, uuna yahay maqal badane arag badane ah, uma diidayo waxa uu naftiisa ku tilmaamay hadalkiisana barihiisa kama duwayo, magacyadiisa iyo aayadahiisa midnaba leexin ku samayn maayo, tilmaamihiisana ma qaabaynayo, kuwa makhluuqana ku matali maayo;

Maxaa yeelay? cid Allaah la mid ahi ma jirto, cid la eeni ahina ma jirto, makhluuqaadka uu abuurayna laguma jaangooyo. Allaah isaga ayaa naftiisa iyo cid walba ku cilmi badan, uguna run badan, uguna hadal san; Naftiisa waa uu ka hufay waxa makhluuqu ku sheegeen, kuwa wax suureeya iyo wax cid kale u ekeeya intaba, kuwa tilmaamaha diida sidoo kale ayuu isaga hufay:

Surat As-Saafaat 182

‘’Rabbigaa cizzada iska leh hufnaantiisee wuu ka hufanyahay waxa ay ku tilmaameen, nabad gelyana ha ahaato rasuullada dushooda, Allaah ayaana mahad oo idil u sugnaatay, wax jira oo dhan rabbi u ah.’’ [Surat: As-Saafaat, 182]

Firqada badbaadaysaa dhexdhexaad ayey ka tahay Alle ficilladiisa, oo kuwa qaddarka beeniyey iyo kuwa aaminsan in addoonku dirqisan yahay ayey u dhexeeyaan. Alle gooddigiisana dhexdhexaad ayey ka yihiin, oo khawaarijta iyo murji’ada nimanka la yiraahdo ayey u dhexeeyaan; Iimaanka marka la joogo khawaarijta iyo muctazilada oo isku dhan ah, iyo murji’ada iyo jahmiyada oo isku dhinac ah ayey u dhexeeyaan; Saxaabada rasuulka marka laga hadlayana shiicada iyo khawaarijta ayey u dhexeeyaan.

Waxa aan rumaysanahay in Quraanku yahay hadalkii Allaah, lana soo dejiyey aanan la abuurin, xag rabbi uu kasoo bilawday kuna noqon doono, uuna ugu hadlay si dhab ah, addoonkiisa iyo ergaygiisana uu kusoo dejiyey iyo ka uu waxyigiisa ku aamminay, ahna safiirka isaga iyo addoommaha u dhexeeya, waa nabigeenna Muxammad ah ammaan iyo nabadgelyo dushiisa ha noqotee.

Waxa aan rumaysanahay in Allaah waxa uu doono sameeyo, inuu isagu wax doono mooyee aysan waxba suuroobayn, shayna uusan sida uu rabo ka bixi Karin, ma jiro wax dunida yaal oo qorshihiisa ka bixi kara, ama maamulkiisa mooyee meel kale kasoo fuli kara, cidna kama leexan karto qorshaha la xadeeyey, mana dhaafi karto wixii looxa wax lagu kaydiyey ee ilaashan loogu dhigay.

Waxa aan rumaysanahay in ay waajib tahay in la rumeeyo wax walba oo nabigu sheegay oo geerida kadib dhici doona;

Imtixaanka qabriga ayaan rumaynayaa, iyo in la isugu nimcaynayo, naftana jirta lagu soo celinayo, dadkuna ay rabbi isu taagi doonaan iyaga oo cagacad oo qaawan, aan gudnayn, qorraxduna usoo dhawaanayso, miizaankana la taagi doono, dadku wixii ay soo kasbadeenna la miizaami doono: “

Ayah (min Al-Quran)

‘’Kuwa miizaankoodu cuslaadaa kuwaa ayaa liibaanay! Kuwa miizaankoodu fududaado kuwaasi waa kuwo naftooda u tacab beelay, jahannama ayeyna ku waari doonaan]. Diiwaannada ayaa la faafinayaa, qayb midigta ayey kitaabkooda ku qaadan kuwana bidixda.’’

Waxa aan rumaynayaa Darka nabigeenna ee banka qiyaame ku sugan, biyihiisu caanaha waa ka cadyihiin! malabkana waa ka macaan yihiin!! koobabka lagu cabbayaana xiddigaha ayey tiro le’egyihiin!!! Ruuxii mar ka cabbaa dib u harraadi maayo!!!

Waxa aan rumaynayaa buundada jahannama la saari doono (jidka siraad) dadkuna ay ku gudbi doonaan heerkii camalkoodu joogay. Waxa aan rumaynayaa ergeynta nabigeennu sallalaahu calayhi wasallama ergeynayo (shafeecada), uuna yahay midka ugu horreeya, lagana ergo aqbalayo; Shafeecada nabigeenna sallalaahu calayhi wasallama cid baadiyeysan uun ayaa inkiraysa, balse ma dhacayso iyada oo aan la fasixin, allena raalli ka noqon.

Sidii Allaah yiri:

‘’Uma shafeecaan cid Alle raalli ka yahay mooyee.’’

Surat Al-Baqarah 255

Waa kuma ka fasax la’aantiisa shafeeca qaadayaa.’’ [Surat: Al-Baqarah, 255]

Waxaa oo kale oo Allaah yiri:

Surah an-Najm 26 (2)

Imisa ayaa malaaig cirarka joogta oo ergeyntoodu aysan waxba tarayn, in Allaah fasaxo oo raalli noqdo mooyee?” Kamana raalli noqdo tawxiidka mooyee, umana fasaxo ahlu tawxiidka mooyee. Gaalada miyaa?! Wax qayb ah kuma leh shafeecada, sidii Allaah yiri:

Surat AL-Mudathir 48

Kuwa ergeeya ergeyntoodu waxba u tari mayso.’’ [Surat: Al-Mudathir 48]

Waxa aan rumaynayaa in jannada iyo naartu abuuran yihiin, haddana ay jiraan, aysan weligood dhammaanayn, muminiintuna ay rabbigood qiyaamaha ku arki doonaan indhahooda, sida ay dayax nayla-qaada (habayn afar iyo tobnaad jooga) u arkaan, oo ayan isugu ciriirinayn aragtidiisa.

Waxa aan rumaynayaa in nabigeenna Muxammad ah ammaan iyo nabad gelyo dushiisa ha ahaatee uu yahay midka nabiyada iyo rasuullada lagu ebyey, qof iimaankiisuna uusan ansaxayn jeer uu nabinimadiisa rumeeyo oo sidaa qiro;

Ummadiisana uu ugu fadli badan yahay Abuubakar Sadiiq, kaddibna Cumar, kaddibna Cusmaankii laba iftiinlaha ahaa, kaddibna caligii laga raalli noqday, kaddibna inta tobanka ka dhiman (waa tobankii jannada loogu bishaareeyey iyagoo nool) kaddibna reer Beder, kaddibna kuwii geedka joogay (geedkii nabigeennu sallalaahu calayhi wasallama heshiiska kula galay saxaabadiisa sannadkii 6aad inayan cararayn) heshiiskii laga raalli noqdayna nabiga la galay, kaddibna asxaabtii kale Allaah haka raalli noqdee.

Waan ka xigto dhiganayaa asxaabtii nabiga Allaah, wanaagoodii ayaan sheegayaa, Allena raalli ahaansho ayaan uga raadinayaa iyo danbi dhaaf, xumaan waxay lahaayeenna waan ka gaabsanayaa, wixii dhexmarayna waan ka aamusayaa; Sarrayntooda ayaan rumaynayaa aniga oo ku dhaqmaya hadalkii Allaah yiri:

Surat Al-Xashar 10

‘’Kuwa gadaashood imanaya waxay oranayaan: Rabbiyoow noo danbi dhaaf annaga iyo walaalaheennii iimaanka nooga hor maray, quluubteennana xumaan ha u gelin kuwa iimaanka laga helay, Rabbigeenoow adigaa turid badan oo naxariis badan.’’ [Surat; AL-Xashar, 10]

Waan u raalli dalbayaa hooyooyinkii mu’miniinta (xaasaskii nabigeenna sallalaahu calayhi wasallama) ee ka nadiifsanaa xumaan oo dhan. Waxa aan qirayaa karaamooyinka awliyada, iyo waxa loo hibeeyey ee aragti dheer ah, balse xuquuqda Allaah waxba kuma ay laha, wax Allaah mooyee cid kale aysan qaban karinna iyaga lagama raadin karo.

Qof muslimiinta ka mid ah ugama markhaati kacayo janno iyo naar midnaba, ciddii nabigu uga markhaati kacay mooyee, balse dadka samaha fala wanaag ayaan u filayaa, kuwa xumaha sameeyana waan u baqayaa. Kuma gaalaysiinayo qof muslimiinta ka mid ah danbi uu danbaabay, diintana kagama saarayo. Waxaan arkaa in jihaadku la jirayo hogaamiye walba, mid toosan iyo mid khaldanba, salaadda jamaacada ahna lala tukanayo.

Jihaadku waa uu soconayaa laga soo bilaabo maalintii nabi muxammad sallalaahu calayhi wasallama lasoo saaray, ilaa qofka ugu danbeeyaa Dajaal la dagaallamo, hogaamiye xun xumaantiisu jihaadka ma burinayso iyo sidoo kale mid caadil ah caddaaladdiisu.

Waxa aan arkaa inay waajib tahay in la maqlo oo la addeeco madaxda muslimiinta kooda toosan iyo ka qalloocsanba, haddi ayan dadka farin wax rabbi lagu caasinayo. Qofkii talada qabta ummadduna ku midawdo ayna ku raalli noqoto, seeftiisana kaga adkaada oo sidaa hogaamiye ku noqda in loo hogaansamaa waa waajib, in la mucaaradaana waa xaaraam.

Waxa aan arkaa in dadka bidcooleyda ah laga fogaado, lagana soocmo, ilaa ay ka tawbad keenaan, sida ka muuqata ayaan ku xukumayaa, wixii u qarsoonna Allaah ayaan u deynayaa. Waxaan aaminsanahay in wax kasta oo diinta lagu soo daray (nabi muxammad kaddib) ay bidco tahay.

Waxa aan rumaysanahay in iimaanku yahay: wax lagu hadlo, xubnahaha laga sameeyo, qalbigana lagu gunto, toosnaanta ku kordha, caasinimadana hoos ugu dhaca, uuna ka kooban yahay dhowr iyo toddobaatan waaxyood, ta ugu sarreysaana tahay kalmadda tawxiidka, ta ugu hoosaysaana tahay waddada oo dhibka laga leexiyo.

Waxa aan arkaa inay waajib tahay in dadka wanaaga la faro, xumaantana laga reebo, sida shareecada muxammadiya ee nadiifta ahi waajibinayso.

Tani waa caqiido kooban oo aan qoray iyada oo qalbigaygu mashquulsan yahay si aad u ogaataan waxa aan hayo, Allaah ayaana inooga wakiil ah waxa aynu ku hadlayno”.[1]

Qofkii akhrista caqiidada islaamka kana qaata kutubtii culimada xadiisku qoreen sida imaamu Axmed iyo ardaydiisii oo imaam Bukhaari uu ka mid ahaa waa uu garanayaa in caqiidadaas sheekhu qirtay ay tahay caqiidadii saxaabada iyo jiilalkii wanaagsanaa ee nabi muxammad sallalaahu calayhi wasallama kheyrka uga marag kacay, qofkiise aan laba socon caqiidadii ahlu xadiiska ee iska akhristay wax caqiido islaam loogu sheegay shaki la’aan wuu inkirayaa caqiidada sheekha iyo midda ahlu xadiiskaba.

Sheekhu waxaa uu xoogga saaray qaddiyadda tawxiidka, maaddaama uu yahay waajibka ugu horreeya ee qofka muslimka ah laga doonayo, rasuulladuna ku bilaabi jireen dhanbaalkooda iyo baaqooda. Bay’addii sheekhu kasoo baxay ee la ciiraysay waxyaabo badan oo tawxiidka garab marsan ayaa keenaysay in sheekhu baaqiisa ku bilaabo tawxiidka, xoogana saaro hufiddiisa. Qaddiyaddan ayaa ah midda sheekhu ku mintiday, ammiirkana heshiiska kula galay, dadkii kasoo horjeedayna kula colloobeen laguna kala dhintay.
_____________________________________
1 Aldurar Alsaniyah fil-ajwibati alnajdiyah:Sheekh C/raxmaan bin Muxammad bin Qaasim:1/29-33

Qaababkii sheekhu tawxiidka uga hadlay

1: in la caddeeyo tawxiidka saxda ah iyo qaybihiisa ku sugan kitaabka iyo sunnada, lana caddeeyo farqiga u dhexeeya qiridda ficillada Alle iyo caabudida kaligii. Sidoo kale in uusan qofku ku islaamayn qiridda uu qiro in Alle wax abuuray, waxna arsaaqo, khalqigana uu isagu wada leeyahay, ilaa uu ka qiro in Alle kaligii cibaadada leeyahay.

Waxaana u daliil ah oo quraanku in badan sheegay in gaaladii nabiga loosoo diray aysan Alle u diidanayn abuurista, arsaaqda iyo lahaanshaha, ee ay kasoo horjeedeen in kaligii la caabudo, iyagoo lahaa ma ilaahyadii ayaa mid laga dhigay?!

2: in la caddeeyo shirkiga iyo noocyadiisa, iyo muuqaalladiisa, iyo waddooyinka qofka gaarsiin kara, lagana digo, lagana dhinac noqdo isaga iyo ehelkiisaba. Waxaa shirkiga soo gelaya in cid aan Allaah ahayn cibaado loogu dhawaado, isaga oo qofku is leh Alle haku gaarsiiyo ama hakaaga ergeeyo.

3: qofkii tawxiidka garta uuna u caddaado inuu yahay diintii Allaah iyo rasuulkiisa isla markaana tawxiidka naca, dadkana ka leexiya in la gaalaysiiyo. Sidoo kale qofkii shirkiga garta iyo mushrikiinta, ogaadana in rasuulka loosoo diray la dagaallankooda, kaddibna isagoo sidaa qirsan shirkiga ammaana dadkana u qurxiya, isna waa la gaalaysiinayaa.

4: in lala dagaallamo mushrikiinta marka xujada lagu oogo kaddib, lalana jihaado ilaa fitnadu ka dhammaato, diintuna Alle u sugnaato. [1] Caqiidadaa sheekhu sheegtay, dadkana ugu baaqay, wixii kasoo horjeedana uu ka digay ayaa inagaga filan dacaayado ay ka faafiyeen dad ujeeddooyin iyo dano kale lahaa.
______________________________________________
1. Aldacwah Al-islaaxiya: Sh C/laahi bin Muxammad bin C/muxsin Almudawac:105-107

Qaybta aynu kaga hadli doonno warqadihii sheekha ayeynu ku xusi doonnaa warqado kale oo tan la mid ah insha Allaah.

Axkaamta Gaalaysiinta

Sheekh muxammad bin c/wahaab culimada kale ee ahlu-sunnaha ayuu kala mid ahaa inuu wax ku gaalaysiiyo wixii gaalnimo keenaya, kuwaasoo isugu jira kuwo qalbiga ka dhaca, kuwo lagu hadlo, iyo kuwo ficil ahaan qofka uga dhaca, iyada oo qofka muslimka ah ee waxyaabahaasi ka dhaceen la eegayo heerkiisa aqooneed iyo qaabka waxyaabahaasi uga dhaceen, sida in lagu khasbay, inuu kama’ u sameeyey, maskaxdiisu siday ahayd, inuu wax ta’wiishay iyo wixii kale ee cudur daar u noqon kara.

Qaaciddada ugu weyn gaalaysiinta: Shayga qofka lagu gaalaysiinayo waa in adillada kitaabka iyo sunnuhu si cad u sheegeen inuu gaalnimo keenayo.

Sheekhu isaga oo arintaa ka hadlaya waxaa uu yiri:

Waxaan uun gaalaysiinaynaa qofka alle cibaadadiisa wax la wadaajiya, marka aan u caddayno xujada ah in shirkugu baadil yahay.’’ (muallafaatka sheekha qaybta: shanaad, alrasaail alshakhsiya, 60). 

Qaaciddada labaad

Inuu qofku si doorashadiisa ah u sameeyo waxa gaalnimada keenaya, sheekhu isaga oo arintan ka hadlaya waxaa uu yiri:

‘’Shirkiga qofka mu’minka ah ka dhaca isaga oo oo aan is ogayn, isaga oo ku dadaalaya amarka alle iyo rasuulkiisa inuu qaato, waxaan rajaynayaa in arinkaasi uusan ka saarayn yabooha (muminiinta loo yaboohay in wixii dhib ah ee soo gaara danbi dhaaf ay u noqonayso).’’ Muallafaatka sheekha Q:3aad, fataawaa wal-masaail: 98.

Isaga oo ka jaabaya dacaayadaha laga faafiyey waxaa uu yiri:

“Oraahda ah inaan si guud wax u gaalaysiinno taasi waa been abuurka cadowgu dadka kaga hor istaagayaan diinta, waxaana leeyahay Allow adigaa ceeb ka hufane, taasi waa been abuur weyn.’’

Mar kale waxaa uu yiri:

“Wax kuma gaalaysiinno wixii culimadu ku kulansanyihiin mooyee.’’ Q:3aad, fataawa wal-masaail, 9.

Waxaa kale oo hadalladiisa ka mid ah:

“Waxa cadawgu iga sheegeen ee ah inaan male wax ku gaalaysiiyo, ama xiriir (dadka sheekha kasoo horjeeda inuu ku xiran yahay), ama aan gaalaysiiyo jaahil xujadu ayan ku oogmin, waxaasi waa been abuur weyn.’’ Q:5aad, alrasaail alshakhsiya, 25.

Mar kale waxaa uu yiri:

“Qofkii xujadu ku ooganto, ehelna u noqda inuu garto, wuu ku gaaloobayaa caabudida qabuuraha.’’ Q: 3aad, 37.

Isaga oo ka hadlaya arinta dagaalka ee lagu eedeeyey waxaa uu yiri:

“Arinta dagaalka cidna lama aanan dagaalamin ilaa iyo hadda inaan isdifaacayno mooyee, iyaga ayaa noogu yimid deegaankeenna oo aan deegaankeenii noo deynin, waanse la dagaalamaynaa qaarkood annaga oo ka aar-goosanayna.’’ Q:5aad, alrasaail alshakhsiya: 38

Mar kale waxaa uu yiri:

“Anagu idin lama aanan imaan gaalaysiinta iyo dagaalka, waxaanse idiin ku naseexaynaynaa diintan aad ogaateen inay tahay diintii alle iyo rasuulkiisa”. Q:5aad, alrasaail alshakhsiya: 196.

Wiilkii uu awowga u ahaa sheekh C/ladiif bin C/raxmaan ee ahaa muftiga Najdi xilligiisii, isaga oo arimahan ka hadlaya waxaa uu yiri:

“Sheekhu cidna dagaal kuma bilaabin, ee cadawgiisaa ku bilaabay, sheekha iyo dadkiisuna way isdifaacayeen, wixii sheekha kadib dhacay ama xilligiisa oo gef ama xadgudub ah looma tiirin karo isaga, lamana dhihi karo isaga ayaa amray ama raalli ayuu ka ahaa, oo usaama bin zeyd arintan oo kale way ku dhacday, markuu dilay ninkii reer juhayna, iyo khaalid bin waliid markuu laayey reer judayma, waana arin dadka cilmiga iyo iimaanka leh ay ogyihiin”.

Minhaaj alta’siis: 28. (nabiguna sallalaahu calayhi wasallama arintaa kama raalli noqon ee labadaba wuu ku canaantay, dadka ay laayeena looma tiirin karo nabi muxammad ).

Waxyaabaha sheekhu wax ku gaalaysiiyey

Waxaa muhiim ah inaan ogaanno in islaamnimadu ay leedahay albaab laga soo galo iyo mid laga baxo:

Islaamku sida aynu ognahay wuxuu leeyahay tiirar shan ah, kuwaasoo ah: labada shahaado, salaadda, zakada, soonka iyo xajka, waxaa dadku wada ogsoonyahay in salaaddu leedahay shuruud iyo tiirar aysan ansaxayn la’aantood, waxaa kale oo la ogsoonyahay inay jiraan waxyaabo salaadda buriya oo haddii qofku ku dhaco salaadda aan waxba laga soo qaadayn, sidaas oo kale ayey leeyihiin zakada, soonka iyo xajku shuruud iyo tiirar iyo wax buriya.

Hadaba suuragal ma tahay in tiirkii ugu weynaa islaamnimada uguna horeeyey uguna muhiimsanaa, wax walbana ay isaga ku istaagayeen uusan lahayn shuruud iyo wax buriya?!!!

Culimada muslimiintu kutubta fiqhiga ah waxay kaga hadlaan baab gaar ah oo arintan khuseeya lana yiraahdo Baabka riddada, ama murtadka, kaasoo ay ku faahfaahiyaan waxyaabaha qofka diinta ka saari kara, oo hadal ah ama ficil ama niyo ah.

Sheekh muxammad bin c/wahaab Alle ha u naxariistee lama iman wax ka dheeri ah intii ay culimadu kaga hadli jireen kutubtaas, ee iyagii ayuu dhaqan geliy si faahfaahsanna u sharxay, waxyaabaha islaamnimada buriya aad ayey u badanyihiin waxaase ugu weyn toban waxyaabood waxayna yihiin sidan hoos ku xusan:

Al-Awwal

Midka koowaad: Waa Allaah oo cibaadadiisa cid kale lala wadaajiyo, cibaadaduna waa ay noocyo badan tahay kuma koobna oo kaliya soonka iyo salaadda, sida dadka qaarkood moodayaan, ee waxaa ka mid ah: baryada, gawraca, nadarka, gargaarsiga, kaalmaysiga, talasaarashada.

Wixii Allaah mooyee cid kale ayan qaban Karin isaga mooyee cid kale in la weyndiistaa waa shirki weyn, sidoo kale: Allaah kaliya ayaa wax loo bireeyaa, cid kale sida qabri ama jin in wax loo bireeyaa ma bannaana, waana shirki diinta burinaya. Arintaana sheekhu wuxuu kaga hadlay kitaabkiisa: mufiid almustafiid: muallafaatka sheekha, qaybta koowaad, alcaqiidah: 295, 385.

Isaga oo sheekhu shirkiga qeexaya waxaa uu yiri: ” waa inuu Allaah cid kale la baryo, ama cid aan isaga ahayn uu noocyada cibaadada u leexiyo”. “Waxaa ka mid ah: in cid aan alle ahayn wax loo bireeyo, sida qofka jinka ama qabriga wax u bireeya”. Q1aad, alcaqiidah, 385.

Al-Thaani

Midka labaad: Qofkii samaysta cid isaga iyo alle u dhaxaysa, oo uu baryo, shafeecadana weydiisto,oo uu talo saarto, wuu gaaloobayaa, culimaduna waa ku midaysan yihiin qodobkan.

 Al-Thaalis

Midka saddexaad: Qofkii aan gaalada gaalaysiin, ama gaalnimadooda ka shakiya, ama diintooda wax sax ah ku sheega wuu gaaloobayaa. Gaalada laga hadlayaana waa kuwa la isku waafaqsanyahay gaalnimadooda, maxaa yeelay culimadu weligood waa isku khilaafi jireen dad gaalaysiintood, iskuma gaalaysiin jirin khilaafkaa, oo ma ay oran jirin qofkaan gaalaysiiyo ciddii aan gaalaysiin waa gaal!

Tusaale ahaan Xallaaj ninkii la oran jiray ee gaalnimada loo dilay taariikhdu markii ay ahayd 309 hijriyada, culimada badankoodu waa ay gaalaysiiyeen, qaarbaase jira ka gaabsaday, culimaduse iskuma gaalaysiin arintaa.

Tusaale labaad: Muxyidiin ibnu Carabi, culimada qaar ayaa kutub ka qoray ay ku gaalaysiinayaan, qaarna kutub ay ku difaacayaan ayey qoreen, culimaduse arintaa iskuma gaalaysiin, hadaba qaaciddadu ma khusayso qofkii gaalnimadiisa la isku khilaafsan yahay, ee gaalka asalka ah ayey khusaysaa.

Al-Raabica

Midka afaraad: Qofkii aamina inuu jiro hannaan ka suubban hannaankii nabi muxammad s.c.w, ama xukun ka wanaagsan xukunkiisii, sida dadku wax ay dejisteen oo laga hormariyo diinta, waa gaaloobayaa qofkaasina.

Al-Khaamis

Midka shanaad: Qofkii naca wax ka mid ah diintii nabi muxammad s.c.w uu la yimid, haduu doono haba noqdo qof ku dhaqma e wuu gaaloobayayaa, maxaa yeelay nicidda wax diinta ka mid ah la naco oo la karaahsado ayaa gaalnimo sideeda u ah.

Lixaad 6aad

Midka lixaad: In lagu jeesjeeso wax diintii rasuulka s.c.w ka mid ah, ama abaalmarinta diinta ama ciqaabta iyaduna waa gaalnimo.

Todobaad

Midka todobaad: Waa Sixirka: waana wax la gunto, ama la la afuufo, ama lagu hadlo ama la qoro, ama wax la sameeyo oo qofka lagu sameeyey jirkiisa ama qalbigiisa ama caqligiisa saamaynaya, waxaana ka mid ah: madiidaysiga, ama kala cayrinta( in ninka naag la jeclaysiiyo ama la necbaysiiyo, qofkii sameeya ama ka raalli noqda wuu gaaloobayaa”

Sideedaad

Midka siddeedaad: Gaalada oo loo kaalmeeyo loogana hiiliyo muslimiinta: maxaa yeelay Allaah ayaa yiri: qofkii xigto ka dhigta iyaga ayuu ka mid yahay. Mas’aladani waa mas’alo aad u culus, aadna loogu kala tagay, dad bandanna ku fitnoobeen, kuwo dhayalsaday oo fududaystay oo gaalada si walba xigto uga dhigtay, iyo qolo mas’aladu sida ay tahay aan u fahmin, oo xiriir walba oo gaalada lala yeesho wax ku gaalaysiiyey intuba waa jiraan. Xiriirka gaalada lala yeeshaa wuu noocyo badan yahay, waxaana ka mid ah:

1: Mid wax dhib ah aan lahayn, sida ganacsiga, diblumaasiyadda aan muslimiinta dhib u keenayn, mid ehelnimo oo dad muslimiin iyo gaalo kala ah hadana qaraabo ah oo is xiriiriya, kaasoo aan wax u dhimayn qofka islaamnimadiisa iyo sirta iyo danaha muslimiinta.

2: Xiriir xaaraan ah balse aan gaalnimo gaarsiisnayn, sida jaajuusnimada hunguriga ama dano aduunyo keentay ee aysan wehelin in gaalnimada qofku ku qanacsanyahay, in laba qolo oo muslimiin ah oo dagaalamaya, qolo ka mid ahi ay gaalo garabsato, iyaga oo aan gaalnimadooda raalli ka ahayn, waa arimo xaaraan ah balse gaalnimo ma gaarsiisna, in wax lagu gaalaysiiyana waa faham xumo, waxaana u daliil ah arintii saxaabigii la oran jiray Xaadib ibnu abii Baltaca oo gaalada warqad u qoray markii nabigu sallalaahu calayhi wasallama Maka ku duulayey.

Isaga oo uga warbixiyey duullaanka kusoo socda, balse nabiga waa loo waxyooday, warqaddiina waa la qabtay, nabigu sallalaahu calayhi wasallama wuxuu saxaabigaa kuu yiri: maxay tahay arintani Xaadiboow? Maxaa kugu kallifay? Markaa ayuu ku cudur daartay inuu doonayey in gaaladu u badbaadiso ehelkiisa iyo hantidiisa Maka ka yaalla, ee uusan gaalnimadooda raalli ka ahayn. Cumar bin khaddaab ayaa yiri: rasuulkii Allow aan dilo munaafiqan ee ii fasax, wuxuu nabigu s.c.w ugu jawaabay: maxaad ka ogtahay in Allaah kuu yiri reer Beder waxaad doontaan sameeya waan idiin danbi dhaafaye?!!.

Markaa ayey soo degtay suuradda Almumtaxinah oo Allaah kaga hadlay inaan gaalada xigto laga dhigan, maxaa yeelay waa cadowga Allaah iyo mu’miniinta, Waa qiso saxiix ah oo ku taalla…… Waa qiso ku cad arinta aynu ka hadlayno, sidaa ayeyna culimadu u fahmeen, khawaarijta mooyee cid kale kuma khilaafin.

3: Xiriir gaalnimo ah, waa midka qofka u sameeyo inuu gaalada iyo gaalnimadooda raalli ka yahay, uuna sidaa u jecelyahay ulana xiriirayo uguna hiilinayo.

Culimada dacwadu qodobkan aad ayey uga hadleen, sida Sheekh C/lladiif bin C/raxmaan oo sheikh muxammad bin c/wahaab awoow u yahay, oo kaga hadlay kitaabkiisa: “Usuul wa dawaabid fi takfiir” iyo kitaabkiisa minhaaj Al-ta’siis, sidaa ayuuna ugu faahfaahiyey. Sidoo kale Sheekh Saalix Aala sheikh, oo isna faracii sheekha ka mid ah sharraxa uu saaray kitaabka tawxiidka ayuu ku faahfaahiyey, culimadii hore ee mufasiriinta iyo muxadisiinta ahaana sidaa ayey uga hadleen.

 Sagaalaad

Midka sagaalaad: Qofkii aamina in dadka qaarkood ay u fasaxanyihiin ka bixidda diinta nabi muxammad sallalaahu calayhi wasallama wuu gaaloobayaa, maxaa yeelay Allaah ayaa yiri: “qofkii raadiya diin aan islaamka ahayn lagama aqbalayo, aakhirana kuwa tacab beelay ayuu ka mid yahay.

Tobnaad

Midka tobnaad: In gebi ahaanba laga jeesto diinta Alle oo aan la baran laguna dhaqmin, Allaah ayaa yiri: “yaa ku dulmi badan qof lagu waaniyey aayadaha rabbigii kadibna isaga jeestay, annagu danbiilayaasha waanu ka aargoosanaynaa” Tobankaa ayaa ugu waaweyn waxyaabaha islaamnimada buriya, aasaasna u ah, sheekha iyo culimada dacwaduna waa ay sharxeen haloogu noqdo kutubta caqiidada.

Waxyaaba gaalnimada ah waxaa ka mid ah: Allaah iyo nabiyadiisa oo la caayo, ama malaaikta, ama lagu jeesjeeso kutubtii alle kusoo dejiyey nabiyada, axkaamta sugan ee diinta oo laga shakiyo, xaaraamta xaaraamnimadeeda la isku waafaqsan yahay oo la xalaalaysto i.w.m

Warqad ku socota kooxaha takfiirka ah: Halkan waxaan kusoo gunaanadayaa qaybtan gaalaysiinta ku saabsan, hadal uu leeyahay sheekh C/lladiif bin C/raxmaan Aalasheekh, oo ahaa muftigii najdi xilligiisii, kana mid ah faracii sheekha, hadalkaasi wuxuu ku socdaa kooxaha takfiirka ah, noocii ay doonaanba ha noqdeen, kuwo dadkoo dhan gaalaysiiya, ama kuwo siyaasiyiinta uun gaalaysiiya, waana kan hadalkii sheekha oo aan tarjumay:

Waxaa uu yiri isaga oo qolo takfiir ah la hadlaya: “Waxaan Axsaa ku arkay 64tii (1264H) laba nin oo idinkoo kale ah oo maariqiin ah (diinta ka faham-hallaabay) oo salaaddii jumcaha iyo jamaacadaba ka go’doomay, muslimiintii deegaankaa ku noolaydna gaalaysiiyey, xujadooduna tiinna oo kale ay ahayd, waxayna ku hadlayaan:

Reer Axsaa waxaa ay la fariistaan oo la macaamilaan ina Fayruuz iyo dadka la mid ah ee aan dadka wax baadiyeeya gaalaysiin, awoowgiisii baaqii sheekh muxammab bin c/wahaab ka horyimid oo la collaytamayna si cad uma uusan gaalaysiin, sidaa darted waa gaal maadaama uusan baadida ka beri noqon, ciddii la fariisataana isaga ayey la mid tahay!! Labadaa hordhac ee beenta ah ee baadinimada ah ayey ka dhaliyeen wixii axkaam ah ee ka dhalanayey gaalnimada cad.

Labada hor dhac:

  1. Waa in ina fayruuz uusan gaalaysiin awowgii,
  2. Sidaana uu ku gaaloobay, natiijaduna ay tahay ciddii diin u ag fariisataa waa gaalo).

Ilaa xaalkoodii gaaray inay ka tagaan salaanta, arintoodii ayaa la iisoo tabiyey waanan soo gole fariisiyey, waana handaday, hadalkana waan ku adkeeyey (maadaama uu ahaa masuulkii diinta ugu sarreeyey) waxaa ay sheegteen inay haystaan caqiidadii sheekh muxammad bin c/wahaab iyo kutubtiisii, shubhadii haysatay ayaan ka fayday, xujooyinka ay baadinimada u cuskadeenna waan ka baabi’iyey, waxaanan u sheegay in sheekh muxammad bin c/wahaab uusan shaqo ku lahayn caqiidadaa iyo manhajkaa, uusanna waxba ku gaalaysiin.

Wixii muslimiintu isku waafaqsanyihiin in qofkii la yimaaddaa uu ku gaaloobayo mooyee wax kale, oo ah shirkiga weyn iyo aayadaha Allaah iyo rasuulkiisa ama wax ka mid ah oo lagu gaaloobo, marka xujadu ku ooganto ka dib ayna u gaarto si wax kasoo qaad leh (ay fahmaan shubhana ayan cuskan), sida in la gaalaysiiyo qofka dadka suubban caabuda oo Allaah la barya, oo ka dhigta kuwo Allaah ula siman xuquuqda uu uunkiisa ku leeyahay oo cibaado iyo ilaahnimo ah.

Arintaana dadka cilmiga iyo iimaanka leh waa ay ku kulansanyihiin, qolo walba oo madaahibta la raacsanyahay ka mid ahna mas’aladan baab weyn ayey u goonni yeelaan, iyaga oo ku sheegaya xukunkeeda iyo waxa gaalnimada keena, shirkigana waa ay caddeeyaan”. Aldurar alsaniyah: 1/467-476. Hadalkaa sheekha waxaa inooga baxay:

1: In sheekh muxammad uu wax ku gaalaysiiyo wixii lagu kulansanyahay ee aynu horay usoo sheegnay.

2: In dadka suubban caabudidoodu ay ka mid tahay waxyaabaha gaalnimada keena.

3: In sheekhu arintaa kala mid yahay culimada muslimiinta ee madaahibta dhammaan ka tirsan.

4: Inaan dadka gaalnimada ku dhaca la gaalaysiin iyada oo aan xujada lagu oogin xaquna uusan u caddaan.

5: Dadkaa xujadu ku oogantay ee culimada qaarkood gaalaysiiyeen qofkii gaalaysiin waaya inuusan gaaloobayn, maxaa yeelay dadka la isku hayo gaalnimadoodu asal ma ahayn ee waa wax dib ka yimid oo sababi keentay.

6: Qofkii aan isagu shirki ku dhicin in lagu gaalaysiiyo qubuuriyiinta ayuu gaalaysiin waayey kama mid aha caqiidadii iyo manhajkii sheekh muxammad bin c/wahaab ee waa caqiidadii khawaarijta maariqiinta ah.

7: In faham xumada dadka qaarkood ka qaateen dacwadii sheekha ay soo ifbaxday xilli hore, culimaduna mar walba ay u taagnaayeen kala soocidda manhajkii sheekha iyo manhajkii khawaarijta.

8: In loo baahanyahay in kooxaha xaq darrada wax ku gaalaysiiya si cilmiyeysan loola doodo lagana badbaadiyo baadida ay ku socdaan, maxaa yeelay dhibkoodu iyaga kuma ekaanayo ee muslimiinta ayuu saamaynayaa, oo marka ay gaalaysiiyaan dhiigooda, hantidooda iyo dhammaan xurmooyinkooda ayey bannaysanayaan, dad bulshada ka faquuqan oo colaad u haya ayeyna noqonayaan.