Taariikhda
Sheekh Muxammad
Bin C/wahaab

Imaam:
Muxammad bin Cabdul-Wahaab
bin Suleymaan Al-Tamiimiyi
Waxaa qore:
Maxamad Cusmaan Aadam

Hordhac |Q. 1aad |Q. 2aad |Q. 3aad |Q. 4aad |Q. 5aad |
Q.
6aad |Q. 7aad |Q. 8aad

Decorative Lines

Taariikh Sheekh Maxammad
Bin Cadul-Wahaab

Halgankiisii iyo raadkii uu reebay
1115-1206H (1703-1792)

Qaybta | 4aad

  • Caqiido xumadii baahsanayd
  • Shirkiga iyo sababihii keenay
  • Qabuuraha iyo kaalintii ay shirkiga ku lahaayeen.
  • Waxyaabaha ka reebban qabuuraha
  • Sidee saxaabadu ula dhaqmeen qabrigii nabiga iyo kuwii kale ee madiina
  • Bilawgii qubuuriyiinta ee ummaddan
  • Sidii qubuuraha loogu fitnaysnaa xilligii sheekh Maxamed soo baxay.
  • Arrin muhiim ah marka qabuuraha dhisan la burburinayo

Caqiido Xumadii Baahsanayd

Waxaa aynu horay ugu soo xusnay “sababihii halganka” in sheekhu la kacay lana dhawaaqay mushkilado jiray darteed, waana waxa ka dhawaajiya qof walba oo samaddoon ah. Waxa aynu soo xusnay in ay sababaha ka mid ahaayeen: diinxumo, dhaqanxumo iyo jaahilnimo; Waxaa aynu sidoo kale soo xusnay faafsanaantii shirkiga iyo bidcooyinka, sidoo kale in dadku u batay kuwii xumaanta qurxinayey isla markaana ay iyagu hogaanka u hayeen ummadda inteeda kale, waxa sharciga waafaqsanina uu yaraaday.

Haddii aynu ku hormarno shaygii ugu weynaa ee sheekhu ka dhiidhinayey lana dagaallamayey waa shirkiga waxaan leennahay:

Khatarta shirkiga

Shirkigu waa midka ugu weyn danbi la galo, xumaan oo dhanna ugu xun.

Allaaah waxaa uu yiri:

Surat An-Nisaa 48

Qofkii Alle wax la wadaajiyaa waxaa uu been abuurtay danbi weyn.“[Surat An-Nisaa, 48]

Waxaa kale oo Alle ku yiri suuradda luqmaan, aayadda 13aad:

Surat Luqman 13

‘’Shirkigu waa danbi weyn.’’ [Surat: Luqmaan, 13]

Waxaa nabigeennu yiri sallalaahu calayhi wasallama mar la weydiiyey danbiyada kee ugu weyn? ” inaad Allaah wax garab dhigto isagoo ku abuuray”.[2]

Waxaa Allaah nabigiisa ku yiri:

Surat Az-Zummar 65

Oo micnaheedu yahay:

Haddii aad shirki samayso waxaa dhubaal ah in camalkaagu burayo kuwa tacab beelayna aad ka mid noqonayso.[Surat: Al-Zumar,65]

1 Warbixinta ibnu Qannaam ayey inoogu iman doontaa arrintan oo faahfaahsan
2 Bukhaari:6811, Muslim:

Qofkii shirki la yimaadda jannada waa laga xarrimay sidii Allaah yiri: “

Surat Al-Maaidah 72

Oo micnaheedu yahay:

Qofkii Alle cibaadadiisa cid kale la wadaajiya jannada waa laga reebay, naarta ayuuna ku waarayaa, daalimiintuna cid u hiilisa heli maayaan. [Surat: Al-Maaida, 72]

Khatarta danbigan waxaa ka mid ah inuusan Allaah u cafinayn qofkii la yimaadda, sida uu ku yiri suuradda Al-Nisaa, aayadda 48aad:

Surat An-Nisaa 48A

Oo micnaheedu yahay:

‘’Alle ma dhaafo in wax lala wadaajiyo, wixii intaa kasoo harayse ciddii uu doono ayuu u dhaafaa’’. [Surat: Al-Nisaa, 48]

Farqiga u Dhexeeya
Muwaxidka iyo Mushriga

Muwaxidku waxaa uu aaminsanyahay oraah ahaan iyo ficil ahaanba in Allaah kaligii uu leeyahay maamulka iyo mulkiga dunida oo dhan; Waxaa uu rumaynayaa dhammaan magacyada iyo tilmaamaha uu Allaah sheegtay ama nabigiisu sallalaahu calayhi wasallama ku sheegay; Waxaa uu Allaah ugu dhawaanayaa cibaadada noocyadeeda oo dhan, cid Allaah kasoo hartayna waxba uguma dhawaado;

Cibaadada noocyadeeda waxaa ka mid ah: Alle ka cabsiga, rajaynta waxa Alle agtiisa yaal, jacaylka Alle, talasaarashadiisa, nadarka, u gawricidda, baryada, gargaar doonka, magangalyo doonidda, i.w.m intaas oo dhan muwaxidku cid aan Alle ahayn waxba kama siiyo; Shirkigu waa tawxiidka lidkiis, mushriguna waa qofkii cibaadada Alle kaligii leeyahay cid kale wax ka siiya. Shirkigu waa noocyo badan yahay, waddooyin badanna waa uu leeyahay, cibaadada noocyadeeda oo dhanna wuu geli karaa;

Qof kasta oo barya cid aan Allaah ahayn oo waydiisata wax Alle mooyee cid kale aysan awoodi Karin shirki ayuu ku dhacay, sidoo kale qofkii cid aan Allaah ahayn kaga gargaar dalba wax Alle mooyee cid kale aysan keeni Karin shirki ayuu ku dhacay; Qofkii wax u nadra (oo tusaale ahaan yiraahda sheekh hebeloow haddii aan caafimaad helo ama caruur, waan ku siyaarayaa, isagoo xagiisa waxtar ka rajaynaya) isna shirki ayuu ku dhacay; Qofkii magaca Alle waxaan ahayn wax ku bireeya ama cid kale oo uu weynaynayo wax u bireeya isaguna shirki ayuu ku dhacay;

Cibaadadu waa xaq Allaah gaar u leeyahay lalama wadaajin karo cid kale ha ahaado: Malag, Nabi, Weli, jinni iyo insi intaba.

Sababihii Shirkiga Keenay

Shirkigu dunida waa uu kusoo derriyey oo tawxiidka ayaa asal ahaa. Nabi Aadam calayhi salaam iyo nabi Nuux kun sano ayaa u dhexaysay dadkii muddadaa noolaa muwaxidiin ayey ahaayeen, qof mushrig ah laguma arag. Haddaba waxaa is waydiin mudan maxaa shirkiga sababay?! Dadkii muwaxidiinta ahaa maxaa u qaybiyey muwaxidiin iyo mushrikiin?!! Jawaabtaa waxaa ina siinaya Tarjumaankii quraanka C/laahi bin Cabbaas isaga iyo aabbihiiba Allaah haka raalli noqdee, isaga oo fasiraya aayadda 23aad ee suuradda Nuux:

Surat Nuux 23

Oo micnaheedu yahay in gaaladii loosoo diray nabi Nuux ay isku waaninayeen:

Haka tegina ilaahyadiina! Oo haka tegina wudd iyo suwaac iyo yaquuth iyo yacuuq iyo nasri. [Surat: Nuux, 23]

Cabdullaahi bin Cabbaas waxaa uu yiri:

“Kuwani waa magacyo niman saalixiin ahaa oo Nuux tolkii ka mid ahaa, markii ay dhinteen ayaa shaydaan u waxyooday tolkood oo ku yiri:

“Taallooyin ka taaga meelihii ay fariisan jireen, kuna magacaaba magacyadoodii, weyna yeeleen, lama caabbudin xilligaa, markii kuwii sidaa yeelay dhinteen cilmigiina la illaaway ayaa la caabbuday!!!”. [2] Waxaa halkaa inoogu cad in sababtii shirkiga keentay ay ahayd dadka wanaagsan oo xadkoodii la dhaafsiiyey goobahoodiina la weyneeyey!!!

Isla sababtii ugu horraysay ee shirkiga dunida keentay ayaa mar walba oo meel laga tirtiro kusoo celinaysay, sida aynu arki doonno insha Allaah.

  1. Alqubuuriyah: Sheekh Axmed Xasan Almucallim 81/82
  2. Saxiix albukhaari/fatxul baari 8/668

Qabuuraha iyo Kaalintii
ay Shirkiga ka Qaateen

Qabriga xaqiiqadiisu waa guri lagu asturo jirka qofka dhinta, iyadoo insaanka karaamo looga dhigay, faaiidooyin badan ayaana ugu jira qofka la aasay iyo bay’adaba. Nabigeennu sallalaahu calayhi wasallama waxaa uu inoo sheegay in qofku kula kulmi doono qabriga imtixaan, iyo weliba abaal marin hordhac u ah waxa uu mudan doono qiyaame, haddii uu ahaa qof wanaagsan oo saalix ah waa loosii nimceeyaa, haddii uu xumaana waa lasii cadaabaa, balse waa cadaab ka yar midka danbe.

Sharcigu qabuuraha axkaam ayuu u jideeyey laga doonayo inay maraan dadka muslimiinta ahi. Waxyaabo qabuuraha ku bannaan iyo waxyaabo ka reebban intaba sharcigu waa sheegay. Waxyaabaha bannaan ee wanaagsan waxaa ka mid ah booqashada qabuuraha iyadoo xikmado ku jiraa ay jiraan, lagana doonayo qofka booqanayaa in uu xasuusnaado. Bilawgii islaamka nabigeennu sallalaahu calayhi wasallama waa reebay in qabuuraha la booqdo maxaa yeelay dadku shirkigii ayey ku dhawaayeen oo qabuuruhu waxyaabaha ay caabbudi jireen ayey ka mid ahaayeen.

Balse markii shirkiga laga adkaaday lagana tirtiray xijaaz nabigu sallalaahu calayhi wasallama waa fasaxay booqashadii qabuuraha, waxaana uu yiri sallalaahu calayhi wasallama: “waxaan ahaa mid idinka reebay booqashada qabuuraha ee booqda aakhiro ayey idin xasuusinaysaaye”.[1] Xikmadda ku jirtaa waa in loosoo duceeyo qofka muslimka ah, aakhirana lagu xasuusto oo markaa qofka qalbigiisu jilco tawbadda iyo camalka suubbanna ku dadaalo.

_____________________________
1 Saxiixu Muslim/sharraxa Nawawi: 7/46

Qabriga gaalka waa la booqan karaa balse looma ducaynayo, waana la habaari karaa, aakhirana waa lagu xasuusanayaa. Intaa xikmad dhaafsiisan oo booqashada ku jirtaa ma jirto, ciddii wax kale qabuuraha ku ag samaysa nabi muxammad sallalaahu calayhi wasallama ayey khilaaftay ajar inay helaan iska daayee danbi ayey lasoo noqonayaan.

Waxyaabaha booqashada ka reebban:

  1. in qabriga la isku masaxo
  2. in la dhunkado
  3. in ciid laga soo qaato si loo barakaysto
  4. in qabuuraha lagu dhex tukado ama lagu sujuudo ama xagooda salaadda loola jeesto, ama masaajid laga dul dhiso, ama masaajidda dad lagu dhex aaso.
  5. in qabuuraha magaalada ka baxsan loo safro
  6. in qabuuraha dabbaaldegyo iyo xaflado lagu qabsado
  7. in la dhiso ama la nuuradeeyo
  8. in la iftiimiyo oo nalal ama faynuusyo laga shido
  9. in xagooda loo cararo oo la baryo, gargaarna la waydiisto, ama la aammino inay wax tari karaan waxna dhibi karaan.
  10. in wax lagu bireeyo

Daliilka Ku Soo Arooray In
Waxyaabahaasi Reebban Yihiin

Arrinta koowaad: ee ah in qabriga la isku masaxo kama soo aroorin nabi muxammad sallalaahu calayhi wasallama iyo saxaabadiisii, qaabkii uu dadka barayna kama mid ahayn, cibaadadana waxaa halbeeg u ah in la sameeyo wixii nabiga iyo saxaabadiisu sameeyeen wixii aysan samaynna laga tago.

Midda labaad iyo saddexaadna: Waa la mid oo qaaciddadaas ayey raacayaan.

4aad: Midda afaraad axaadiis cadcad oo saxiix ah ayaa nabigu ku reebay sallalaahu calayhi wasallama isaga oo yiri:

Laa Tajcaluu

Oo macnihiisu yahay:

‘’Guryihiinna qabuuro haka dhiganina qabrigaygana meel aad munaasabado iyo xaflado ka dhigataan haka dhigina.’’ 

Sida guryuhu qabuuro ku noqonayaan laba middoodba waa lagu fasiray

  1. Ta koowaad: In la isku aaso guryaha,

Ta labaadna: Inaan guryaha lagu tukan salaadaha qaarkood.

Maxaa yeelay qabuuraha ayaa ah meel salaadda ka caaggan ee guryihiinna hakala mid dhigina qabuuraha.

Xadiis kale waxaa nabigu ku yiri sallalaahu calayhi wasallama:

Hadith 02

Macnihiisuna waa:

‘’Qabuuraha haku dul fariisanina xagoodana ha u tukanina.’’

Waxaa kale oo nabigu yiri sallalaahu calayhi wasallama:

Hadith 03

Macnaha xadiisku waxa weeye:

Lacnaddii Alle yahuud iyo kiristaan dushooda ha noqoto qabuurihii nabiyada ayey masaajid ka dhigteen.’’

Nabigu waxaa uu u lacnadayaa ficilkaa foosha xun ee ay sameeyeen oo ah in qabuurihii nabiyada ay masaajid ka dul dhiseen, haddi qabuurihii nabiyada sidaa la isugu lacnaday maxaad moodaysaa qabuuraha kale?!!

1 Abuudaauud/sharraxa cawnul-macbuud 1/383
2 Muslim/nawawi: 2/668
3 Bukhaari/fatxul baari:3/200, muslim/nawawi:5/12.

Caaisha Alle haka raalli noqdee waxaa ay tiri:

Haddi lacnaddaasi aysan jiri lahayn nabiga bannaanka ayaa lagu aasi lahaa, waxaase laga baqay in masjid laga dhigto..!

Nabiga gurigiisii ayaa lagu aasay oo uu ku naf baxay, nabiyadana meesha nafta looga qaado ayaa lagu aasaa, halkaa ayuu ku ilaashanaa, waxaa ay leedahay caaisha waxa sidaa loo yeelay inaan qabrigiisa laga dhigan meel lagu tukado, illeen haddii bannaanka loo saaro cidna ma ilaalin karto, guriga caaishase waa la ilaalin karaa oo wuu kooban yahay. 

Waxa kale oo nabigu yiri sallalaahu calayhi wasallama:

Hadith 044

Macnihiisuna waxa weeye:

Alloow qabrigayga haka dhigin sanam la caabudo, Alle caradiisu waa ay ku darraatay qolo dushood, nabiyadooda qabuurahooda masaajid ka dhigtay!

Suaal: waxaa dadka qaarkii iswaydiin karaan:

  • Nabigu sow ka ku aasan masjidkiisa ma aha?!
  • See la isu waafajinayaa axaadiistan iyo arintan aynu wada aragno?!

Jawaabtu waxa weeye: Nabiga sallalaahu calayhi wasallama markii la aasay gurigiisa ayaa lagu aasay, guryihiisuna masjidka ayey ku dheganaayeen.

Wakhtigii Cusmaan bin Caffaan (Raddiya Allahu Canhe) ayaa masjidka la weyneeyey markaa saxaabadii waaweynayd oo dhan ayaa joogay taladana iyaga ayaa gacanta ku hayey, waxaa la isla gartay in dhinaca qabrigu jiro aan masjidka laga ballaarin ee dhinacyada kale laga fidiyo, si uusan masjidka u dhex gelin, waana la isku waafaqay sidaa ayaana la yeelay.

Qarnigii koowaad dhammaadkiisii saxaabadiina in yar ay ka nooshahay markaana ay umawiyiintu talada hayeen, ayaa masjidkii ballaarin labaad lagu sameeyey waxaa amarka lahaa oo talada hayey Waliid bin C/malik bin Marwaan, markaa ayuu amray in masjidka la waasiciyo dhinac kastana loo ballaariyo, sidii ayaa la yeelay qabrigiina sidaa ayuu masjidka ku dhex galay!

1 Imaamu Axmed:2/246

Culimadii reer madiina oo uu ugu weynaa Saciid bin Musayib oo taabici ahaa arrintaa waa ay ka hor yimaaddeen, sida uu sheegay imaam ibnu Kathiir[1] iyo taariikhyahanno kaleba balse ammiirku waa uu ku adkaystay goaankiisa culimadiina waa uu ka horyimid.

Haddaba ficil uu sameeyey nin boqor ah kuna khilaafay sharciga iyo culimadii diinta taqaannay lagama dhigan karo daliil loo cuskado in masaajidda qabuuro laga dhisi karo. [2]

5aad: Arinta shanaad ee ah in qabuuro magaalada ka baxsan loo safro

Waxaa nabigeennu yiri sallalaahu calayhi wasallama:

Hadith 04

Macnihiisuna yahay:

‘’Safar cibaado looma xirxirto saddexda masjid dhinacooda mooyee, waa masjidka xaramka ah (kacbada), masjidka nabiga, iyo Baytul maqdis.’’

Sidaa ayaa saxaabadii nabiga iyo taabiciintii ugu dhaqmeen xadiiskan oo marnaba ma dhicin in ay u safreen qabuuro ka baxsan kuwii madiina iyaga oo booqasho u socda, fahamkii saxaabada iyo dhaqankoodii in la qabsadaana waa waajib. Laga yaabee in dadka qaarkood daliil ka dhigteen booqashadii nabigu sallalaahu calayhi wasallama booqday qabrigii hooyadii, iyadoo qabrigeedu uu ku yaallay Maka iyo Madiina dhexdooda!

Arintaa waxaa looga jawaabayaa: Nabigu sallalaahu calayhi wasallama uma safrin booqashada qabriga hooyadii ee….

1. Albidaaya wa nihaaya:9/75
2. U noqo Albidaaya wa nihaaya: 9/74-75
3. Bukhaari/fatuxul-baari:3/70, muslim/nawawi:9/104-106

waxaa uu ahaa safar, isagoo marayey jidka isku xira labada magaalo, markaa ayuu ku leexday oo sii maray, sidaa ayaa ku cad axaadiista dhacdadan kusoo aroortay.

6aad: Arrinta lixaad ee ah in qabuuraha dabbaaldegyo aan lagu qabsan karin

Waxaa u daliil ah xaddiiskii aynu soo xusnay ee nabigu yiri sallalaahu calayhi wasallama: “Qabrigaygana haka dhiganina meel aad ku ciiddaan (isugu timaaddaan xafladana ku dhigataan).

7aad: Inaan la dhisi karin ama la nuuradeyn karin axaadiis badan ayaa ku timid aynu qaar ka xusno

Abuu saciid Al-Khudriyi Alle haka raalli noqdee waxaa uu nabiga ka weriyey sallalaahu calayhi wasallama:

Hadith 05

Nabigu waa reebay sallalaahu calayhi wasallama in qabuuraha la dhiso iyo in lagu fariisto iyo in lagu dul tukado intaba.

Xadiis kale Jaabir bin C/laahi ayaa werinaya waxaa uu yiri Alle haka raalli noqdee:

Hadith 06

‘’Nabigu waa reebay in qabriga la nuuradeeyo iyo in lagu fariisto iyo in la dhiso.’’

Qolada qabuuraha dhista nabigu sallalaahu calayhi wasallama waxaa uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa ugu shar badan uunka Alle abuuray, [3] Maxaa yeelay dadka ayey dinta ka duwayaan cid aan Alle ahaynna waa ay ku xirayaan, sidii qoladii nabi Nuux laga soo saaray ay sameeyeen.

1 Abuu yaclaa:2/297 waana xadiis saxiix ah sida sheekh Albaani ku sheegay “Taxdiiru Alsaajid:22
2 Saxiixa Muslim/Nawawi: 7/37
3 Sida ku cad bukhaari/fatxul baari 3/208, Muslim/nawawi 5/11

Qabriga dhisan oo la dumiyo

Waa waajib haddii awood loo hayo, waxaana u daliil ah xadiiska uu weriyey Abul-hayaaj al-asadiyi waxaa uu yiri:

Cali bin Abii daalib ayaa igu yiri:

Hadith 07

“Miyaanan kuu direyn wixii nabigu ii diray?! Waa in aadan ka tegin sawir inaad baabi’iso mooyee, qabri kor u qaadanna aadan ka tegin inaad sinto mooyee.’’

Kutubta axkaamtu waxaa ay isku waafaqsan tahay inaan qabriga taako wax ka badan kor loo qaadi Karin oo ah sidiisa dabiiciga ah.

Imaamu shaafici waxaa uu yiri Alle ha u naxariistee: ” Ma arag qubuurihii muhaajiriinta iyo ansaarta oo nuuradaysan”.[2]

8aad: In La Iftiimiyo

Waa dayac xoolaha la dayacayo, laguna bixinayo meel aan ku habboonayn, qof dhintay qabrigiisu mugdi iyo iftiin waa midka gudaha ugu jira, hadba camalkiisu sidii uu ahaa ayuu noqonayaa, inaynu iftiiminno ma aha mid wax u kordhinaysa, mana bannaana maxaa yeelay nabi muxammad iyo saxaabadiisu ma samaynin, madaahibtuna waa isku waafaqsan tahay in iftiiminta qabuuruhu xaaraam tahay.

___________________
1 Muslim/nawai:7/35-36
2 Al-umm 1/277 

Qaybta 9aad| In la baryo ama la aammino inay wax tari karaan

Qayb saxaabada ka mid ah oo soo islaamiddoodu markaa dhaweyd ayaa iyadoo socdaal lagu jiray waxaa lasoo maray geed gob ah oo gaaladu seefaha suran jireen iyagoo barakaysanaya oo aamminsan in geedku wax u kordhinayo, markaa ayey nabiga ku yiraahdeen: Annagana geed aan barakaysanno noo samee! sida iyaguba u leeyihiin geed ay barakaystaan!! Nabigu waxaa uu yiri isagoo yaabban:

Allaahu akbar! Waa waddooyin!

Allaha naftaydu gacantiisa ku jirto ayaan ku dhaartaye waxaad tiraahdeen sidii reer israaiil ay muuse ku yiraahdeen: Ilaah noo samee sida iyaguba (gaaladu) ay ilaah u leeyihiin!1 Qabuuraha agtooda in lagu roob doono ama lagu soo ducaystaa kama mid aha caqiidadii nabi Muxamad iyo saxaabadiisa, dhaqankii uu ina barayna kuma jirto, qabuuruhu ma leh wax dhib ah iyo dheef toona, iyaga ayaa uga baahan dadka nool duco, saddaqo iyo in dhibka laga ilaaliyo.

Qofkii aamina inay dhib ama dheef leeyihiin waa qof wax ka haysta caqiidadii mushrikiinta.

10aad: In Qabuuraha Wax Lagu Nadro

Nin ayaa xilligii nabiga sallalaahu calayhi wasallama nadar ku galay inuu wax ku bireeyo meel Buwaana la oran jiray, nabiga ayuu weydiiyey arrintaasi sida ay noqonayso;

“Nabigu waxaa uu weydiiyey laba suaalood oo ah: Sanam la caabbudi jiray miyaa halkaa ku yiillay? Ciid gaaladu lahaayeen miyaa halkaa lagu qaban jiray? Labadaba saxaabadu maya ayey ku jawaabeen;

_________________________
[1] Tirmidi/tuxwatul axwadi: 4/475

Nabigu waxaa uu ugu jawaabay ninkii: Nadarkaaga oofi, nadar macsi ah oofin ma leh, iyo wax uusan qofku hanan Karin” 1 Qabuuraha oo wax lagu nadro ama wax lagu bireeyaa waa dhaqankii jaahiliyada, mana bannaana in looga daydo, waana nadar macsi ah oo ma bannaana in la oofiyo.

Sidee saxaabada iyo dadkii wanaagga kaga dayday ula dhaqmi jireen qabriga nabiga sallalaahu calayhi wasallama iyo qabuurihii kale ee Madiina ku yaallay? [2] Wanaaga islaamka waxaa ka mid ah inuu karaameeyey qofka, nolol iyo geeriba. Qabuuraha sharcigeennu waa reebay in la ihaaneeyo, waxaa la diiday in lagu xaajo guto, in lagu istaago, in lagu fariisto, in maydka lafihiisa la jabiyo, in qabuuraha kabo lagula dhex socdo.

Dhanka kale waxaa la reebay waxyaabihii aynu soo xusnay ee tobanka ahaa iyo wixii qabriga xadkiisa dhaafinaya. Saxaabada rasuulku sallalaahu calayhi wasallama iyagana Alle haka raalli-noqdee iyagoo fartoomaya axaadiistii nabigeenna ee aan qaar soo xusnay, ma ay dhisin qabrigiisa, masjidna kama ay dhigan, gurigiisana lagama saarin si aan loogu fitnoobin.

Qaasim bin Muxammad bin Abuubakar ayaa usoo galay eeddadii Caaisha, waxaa uu ku yiri: hooyo I tus qabriga nabiga sallalaahu calayhi wasallama iyo labadiisa saaxiib (Abuubakar iyo Cumar), wuxuu yiri: “waxaa ay ii faydday saddex qabri oo aan kor u kacsanayn, aanan

______________________________
1 Abuudaauud/saxiix abuudaauud 2/636
2 Alqubuuriyah: Axmed Almucallim: 65-69

baaba’sanaynna, laguna quruurixiyey jaygii bannaanka guduudan”.[1] Xilligii saxaabada ma jirin in dadku saf usoo galaan qabriga nabiga sallalaahu calayhi wasallama si ay u arkaan, ee iyagoo masjidka jooga ayey salaami jireen; Haddii qof jeclaystana Caaisha ayuu fasax ka qaadan jiray illeen iyadaa guriga lahayde, haddii ay doonto waa ay tusi jirtay, sida ku cad qisadii aynu soo xusnay ee Qaasim bin Muxammad.

Cali bin Xuseyn bin Cali bin Abii daalib oo lagu naanaysi jirey Zaynul Caabidiin ayaa arkay nin imanaya meel daloosha oo qabriga nabiga u dhaweyd, kaddibna galaya! Markaa ayuu uga digay oo ku yiri: aabbahay ayaan ka maqlay oo awoowgay ka werinaya in nabigu sallalaahu calayhi wasallama yiri:

“Qabrigayga ciid haka dhiganina, guryihiinnana qabuuro, igu salliya salligiinnu waa uu isoo gaarayaa meel aad joogtaanba”.[2]

Digniintaas nabigu bixiyey ayey saxaabadu dadka bari jireen, haddii ninkaa kaligii ee qabriga kusoo noqnoqonaya loo deyn lahaa dad badan ayaa ku dayan lahaa, in markaa meeshu xaflad isu beddesho ayaa iman lahayd, oo lagu dhaco wixii nabigu ka digay ee yiri:

Qabrigayga ciid haka dhiganina” si ayan taasi u dhicin saxaabada iyo taabiciintuba waa ka hortagi jireen, maxaa yeelay ka hortaga ayaa daaweynta ka waxtar badan.

Marnaba ma dhicin xilligii saxaabada iyo taabiciinta inay dad u safraan qabuuro, ha noqdo qabriga nabiga sallalaahu calayhi wasallama ama kuwo kale, waxaana sababayey dadka oo xasuusnaa xadiiski nabigu yiri sallalaahu calayhi wasallama : “safar looma xirxirto (cibaado ahaan) saddex masjid mooyee” masjidka xaramka, iyo masjidka fog (Baytul maqdis) iyo masjidkaygan. [3]

________________________________________
1 Abuudaauud: 2/234
2 Imaamu Axmed 2/367, abuudaauud: 1/622
3 Saxiix Albukhaari/fatxulbaari: 3/70, Muslim/nawawi:9/104-106

Waxaa aynu soo xusnay in masjidka markii uu ballaariyey Waliid bin C/malik uu qabrigu masjidka galay, taladii culimada ee ahayd in dhinaca qabriga la iska daayana la diiday, culimadu talo kale ayey soo jeediyeen dawladduna waa aqbashay, waxaa qabriga lagu wareejiyey darbi dheer, kaddib ayaa darbigii masjidka laga sii daba dhisay;

Maxaa sidaa loo yeelayey? Waxaa loo yeelay in marnaba caammadu aysan gaarin qabriga, masjidkana waxaa loo dhisay qaab aysan dadku jihada qabriga ugu jeesan Karin. [1]

_____________________________
1 Eeg sharraxa nawawi ee Muslim 5/12-13.

Bilawgii qubuuriyiinta ee ummaddan dhexdeeda

Qubuuriyiintu waa dadka lagu ibtileeyey inay qabuuraha ku xirnaadaan, oo har iyo habayn isaga daba noqdaan, oo haddii dhibaato dhacdo qalbigooda qabuuruhu kusoo dhacayaan! Roob la’aan ayaa dhacday! qabuuraha hala aado ayaa xigta! Colaad iyo abaaro ayaa dhacay! Qabuurahaa la illaaway ayaa la isku qancin!! Intaa safar ayaa lagu jiraa! Xagee?! Siyaaradii sheekh hebel! Xoolo ayaa la uruurin! Xagee loo wadaa?!

Waa siyaaradii sheekh hebel!! Dadka shaqadoodu sidaa tahay ayaa qabuuriyiin la yiraahdaa. Ummaddani 3dii qarni ee ugu horreeyey waa ay ka nadiifsanayd dhaqanka noocaa ah, cilmiga oo faafsanaa iyo sunnada oo xoog lahayd darteed.

Markii ugu horreysay ee qabri la muujiyo laguna xirnaado waxaa ay ahayd bilawgii qarnigii 4aad, waxaana keenay saddex dawladood oo shiico iyo baadiniyo isugu jiray (baadiniyadu waa qolo aan oogin astaamaha diinta ee tiirarka 4ta ahi ka mid yihiin:salaadda, zakada, soonka iyo xajka, Tawxiidka uun ayey ku dhawaaqaan) Waxayna kala ahaayeen dawladahaasi:

  1. Banii Buweyhi: waxay ahaayeen shiico ka talin jiray dhulka Faaris meelo ka mid ah;
  2. Cubeydiyiinta ama faadimiyiinta, oo ahaa baadiniyo ka talin jiray maqrib, masar ilaa labada xaram.
  3. Qaraamidada: oo ahaa reer miyi baadiniyo ah, kana talin jiray jaziiradda meelo ka mid ah ilaa Ciraaq qaarkeed.

Saddexdaa qolo ayaa bilaabay dhisidda qabuuraha iyo ku xirnaanshahoodaba, sidaa waxaa xaqiijiyey culimada iyo taariikhyahannada muslimiinta oo ay ka mid yihiin Imaam ibnu Taymiya sida ku xusan Majmuuca fataawihiisa[1], iyo ibnu Kathiir sida uu ku sheegay Albidaaya wa nihaaya[2], iyo imaam Dahabi sida ku cad Siyar aclaam Alnubalaa[3].

Xiliigaa wixii ka danbeeyey waxaa bilawday hardan ka dhexeeya culimaddii sunnada iyo shiicada, kuna saabsan dhisidda qabuuraha, balse maadaama ay ahaayeen dawlado xoog badan oo arxan daran si weyn ayey ula dagaalameen cid kasta oo ka hortimaadda ujeedooyinkooda, dhisiddii qabuuruhuna aad ayey u faaftay, dadkiina in badan ayaa ku xirmay, waxaa ayna noqotay fitno dhallaankii ku barbaaray, waayeelkiina ku cirraystay!

Ciddii ka hadashana la yiraahdo diin cusub ayey wadataa!! Qof kasta oo la rabo in la karaameeyo qabrigiisa waa la dhisay, kuwo xitaa waqdhis ah ayaa laga sameeyey meelo kala duwan! Ilaa ay ka dhacday in halqof uu shan meelood ku yeesho qabri dhisan!! Adillo been abuur ahna waa loo dhoodhoobay!!!

Taasi maxay sababtay…?

Waxaa ay sababtay in muuqaalladii shirkigu dib ugu soo noqdaan ummaddan, ayna soo noolaadaan dhaqammo badan oo jaahiliyadu lahayd, nabiguna waa sii sheegay in shirkigu soo noqon doono in badan oo ummadda ka mid ahina qaadi doonto waddadii jaahiliyada, bal aynu aragno qayb ka mid ah axaadiistii nabigu arrintaa ku tilmaamay:

Soo noqoshada shirkiga:

Waxaa uu yiri sallalaahu calayhi wasallama:

‘’Saacadda qiyaame ma dhacayso iyadoo aysan qabaail badan oo ummadayda ka mid ahi mushrikiinta ku biirin! Oo aysan qabaail badan oo ummaddayda ka mid ahi asnaamta dib u caabudin” qabaail badan oo ummaddayda ka mid ahi asnaamta dib u caabudin” [4]

_____________________________
1 Majmuuc Alfataawa: 27/465-467
2 Albidaaya wa nihaaya:11/233
3 Siyar aclaam Alnubalaa: 16/250-252
4 Sunan abuudaauud, kitaabka fitnada 2/499

Waxaa kale oo nabigu sallalaahu calayhi wasallama yiri: ” saacaddu ma dhacayso iyadoo aysan haweenka reer Daws baryahooda ku ruxin Dil-khalasa hareerihiisa” Waa sanam ay caabudi jireen xilligii jaahiliyada. [1] Maxaa ay isla ruxayaan?! Waa ay jidbaysan yihiin! Sanamka ayey ku ag xadraynayaan! oo baryayaan oo weynaynayaan!!

Axaadiistan iyo kuwo kale oo la mid ah waxaa ay si cad u sheegayaan in shirkigu ummaddan kusoo noqon doono, qabaail badanna gaaloobi doonaan, qabaailka qaarna ay dib boorka uga jafi doonaan sanamyadii ay caabudi jireen nabi Muxammad sallalaahu calayhi wasallama intii aan lasoo saarin ka hor!!!

Culimada muslimiinta ee xilligan nool qaarkood waxaa ay caddeeyeen in qolyaha ka shaqeeya raad raaca waxyaabihii taariikhiga ahaa qaarkood ay wadaan soo noolaynta sanamyadii la caabudi jiray islaamka ka hor! Iyaga oo dadka uga dhigaya hidde iyo dhaqan!! Iyo xadaarad shacabka goobtaa ku dhaqani lahaan jiray!!

Suaal: Dadka qaarkood waxaa ay dhihi karaan: Nabigu sallalaahu calayhi wasallama miyuusan dhihin:

“Shaydaan wuu ka quustay in dadka tukadaa ku caabudaan jaziiradda carbeed” [2]

Sidee la isku waafajinaya xadiiskan iyo kuwii aad sheegteen ee ku saabsanaa in ummadda in badani gaaloobayso?!

Jawaab: waxaynu kusoo koobaynaa sidan soo socota:

1: Waa in la rumeeyo dhammaan wixii uu Nabi Muxammad sallalaahu calayhi wasallama sheegay, maxaa yeelay iskama hadlo ee waxyi ayuu ku hadlaa, isaga ayaa sheegay in shirkigu soo noqonayo, isla markaana shaydaan ka quustay in jaziiradda lagu caabudo.

__________________________________________
1 Saxiix albukhaari/fatxul baari 13/76, saxiix muslim: 18/32
2 Saxiix muslim/C/baaqi: 4/2177

2: Xadiiskan ka warramaya quusashada shaydaanka, kuma jirto inta quustaasi sii jirayso, ee waxaa uu ka warramayaa xaaladdii xilligaa taagnayd, markii uu arkay awoodda muslimiinta iyo sidii diintu u faaftay ayuu ka quustay in dib danbe loo caabudo;

Balse rajadiisii dib ayey usoo noolaatay nabiga oo aan weli geeriyoon, waxaa jaziiradda kasoo baxay Musaylima Al-kaddaab, Aswad Alcanazi iyo Dulayxa Al-asadi, saddexduba nabinimo ayey sheegteen dad ayaaana rumeeyey! Markii nabigu dhintayna Carab badankeedu diinta waa ka baxeen, taas oo keentay in Abuubakar u xusul duubto sidii uu carab diinta ugu soo celin lahaa, waxaa bilaabmay dagaalladii loo bixiyey “Xuruub Alriddah” dagaalladii gaaloobidda, kuwii riddoobay qaar dagaalladii ayey ku dhinteen intii kalena xoog ayaa lagu soo celiyey! Miyeysan taasi tusaale cad u ahayn in quusta shaydaan aysan sii raagin ee ay ku koobnayd marxalad taagnayd?!

3: xilligii Cali bin Abii daalib dad ayaa diinta ka baxay oo waxyaabo ay ku gaaloobeen ku kacay, kaddibna Cali waa uu gubay. [1]

4: Waxaa kale oo daliil cad ah xaddiiska ka warramaya in reer Daws dib u caabudi doonaan sanamkoodii ay jaahiliyada lahaan jireen, reer dawsna waxaa ay ka mid yihiin qabaailka jaziiradda dega, waana qolodii uu ka dhashay Alle haka raalli noqdee saxaabigii qaaliga ahaa Abuu hureyra.

5: Waxaa kale oo nabigu sallalaahu calayhi wasallama yiri: “habaynka iyo maalintu ma tegi doonaan iyada oo aan Laate iyo Cuzze dib loo caabbudin”.[2] Laate iyo Cuzzana waa sanamyadii Maka iyo Madiina iyo inta u dhexaysa lagu caabudi jiray, jaziiradda ayeyna ka mid yihiin.

___________________________
1 Saxiix albukhaari/fatxulbaari:12/267
2 Muslim/nawawi:18/33

Dhacdooyin badan oo ummadda soo maray kuna saabsanaa dad riddoobay iyadana lama koobi karo.

Jawaabahan koobani waxaa ay inoo iftiiminayaan in sidii nabigu sallalaahu calayhi wasallama sheegay gaalnimadu kusoo noqonayso jaziiradda iyo ummadda guud ahaanba. [1]

Sidii Qubuuraha Loogu Fitnaysnaa Xilligii Sh. Maxamed bin C/wahaab soo baxay.

Awoodda tiro iyo ciidan ee dadka qabuuraha ku tiirsan waxaa ay joogtay halkii ugu sarraysay xilligii sheekh muxammad soo bidhaamay, taageero siyaasadeed oo weynna waa ay lahaayeen. Aynu soo qaadanno tusaalayaal dhowr ah iyo dhacdooyin sheekhu la kulmay oo qiira-geliyey:

1: Geedkii Darfiya: Waa geed haweenku aadi jireen marka ay dhalaan, iyagoo waydiisan jiray in cimriga ilmahan loo dheereeyo, geedkana dun ama xarig ayey ku xiri jireen xasuus ahaan!

2: Xilliyadii sheekh Maxamed uu tagay xaramka mar ka mid ah ayuu arkay dhacdooyin la yaab badan oo ku saabsan qabuuro iyo muuqaallo la caabudayo! Waxaa ka mid ahaa qabri dhisan oo aad loo qurxiyey xayndaabna loo sameeyey ayna ku hareeraysan yihiin dad ooyaya oo u cabanaya qabriga! Markii uu dadka waydiiyey qabriga waxaa lagu yiri waa: Qabrigii Ummul mu’miniin Khadiija binti Khuweylid! [2]

_______________________________
1 Alqubuuriyah Axmed Almucallim:106-110
2 Rawdada ibnu Qannaam:13-14

3: Isla safarkaas waxaa uu arkay shay sidii kacbadii loo sameeyey oo la saaray neef geel ah! Dharka kacbada oo kalena la huwiyey!! Dad calamo cadcad wataana ku hareeraysan yihiin!! Farxad iyo rayraynna ay ka muuqato!! Qaarkood quraan ayey akhrinayaan, qaarna waa ay ducaysanayaan! Qaarna waa ay is ruxayaan (xadraynayaan!), ciidan ilaaliyaana waa ku hareeraysan yahay!

Sheekhu isaga oo daawanaya muuqaalkan ayaa nin u yeeray oo ku yiri: miyaadan nagala qayb qaadanayn farxaddan?! Sheekhii ayaa yiri oo xagee u socotaan?! Mawlaca sheekh Maxbuub ayaan u soconnaa si aan usoo cuntaynno ayuu ku jawaabay!

Oo sheekh Maxbuub kuma ayuu ahaa?! Sheekh Maxamed ayaa yiri! Waa sheekh kheyr qaba oo beri hore dhintay ayuu ninkii ku jawaabay!

Sheekh Maxamed ayaa yiri: oo maxaad la dabbaal degaysaan?! Ninkii ayaa yiri: geeridiisa ayaan sannad walba u dabbaal degnaa! [1]

4: markii sheekhu soo dhammaystay safarkiisii cilmi oo uu kusoo noqday Najdi, waxaa uu soo maray magaalada Axsaa (Baxreyn) dhisme kacbadii loo ekaysiiyey oo dharkii kacbada oo kale la saaray ayuu arkay, dadkuna ku noqnoqonayaan! Wuu gartay in meeshu tahay qabri dhisan, ardaydii magaalada mid ka mid ah ayuu ku yiri: waa kuma qabrigani?

Wuxuu yiri: waa nin suufi ahaa oo Ciraaq ka yimi qarnigii hore kaddibna Axsaa degay, nin saahid ah ayuu ahaa, markii uu dhintay ayaa wiilkaasi yimid (waa mid markaa qabriga ag fadhiyey) halkan ayuu ku aasay dhismahanna wuu ka dul dhisay! Dadka ayuuna xoolo kaga urursadaa! Weligiina isaga oo tukanaya lama arag!!!

Sheekhu inta uu yaabay ayuu yiri oo sidee ammiirka magaaladu arrintan ugu ogolaaday?! Ninkii waxaa uu ku jawaabay: Axsaa dawladda Turkiga ayey xiriir la leedahay, ninkan aasanna dawladda Turkiga ayuu xiriir la lahaa!!! [2]

______________________
1 Ibnu Qannaam:1/13 Rawdada
2 Cinwaan Almajdi: 1/65

5: markii sheekhu soo galay Cuyeyna ammiirkii magaaladuna soo dhaweeyey ayaa sheekhu soo bandhigay in la dumiyo qubbad laga dul dhisay qabrigii Zeyd binu Khaddaab, maxaa yeelay dadku waa ku fitnoobeen hanuunkiina waa ku seegeen, ammiirkii wuu aqbalay wuuna u fasaxay sheekha in la dumiyo, sheekha iyo ammiirka iyo 60 nin oo hubaysan ayaa dumiyey, sheekha ayaana bilaabay, dadkii deegaanka ayaa isku dayey inay difaacaan balse kuma ay guuleysan.

Intaasi waa qayb yar oo ka mid ah muuqaalladii sheekh Maxamed ku kiciyey la dagaallanka qubuuriyiinta iyo burburinta qabuuraha lagu fitnoobay. Bal aynu aragno culimadii ku noolayd dhulal kala geddisan oo dunida islaamka ka mid ahaa oo ka warramaya dhibaatooyinka qabuuriyiintu ku hayeen caqiidada islaamka.

Culimadii Hindiya

Sheekh Axmed Dahlawi

Waxa uu ahaa caalim reer Hindiya ilaa hadda ku faanaan, qayb weynna ka qaatay faafinta iyo horumarinta culuumta islaamka qaybaheeda kala duwan, madaaris badan ayuu aasaasay, culimo badanna waa ka aflaxday; Waa halyey taariikhdiisa lagu dhigto dugsiyada iyo jaamicadaha Hindiya iyo Pakistan, waxaa uu geeriyooday markii hijriyadu ahayd 1176H.

Isaga oo ka hadlaya dadka qabuuraha ku xiran waxaa uu yiri: ” Haddaad tahay mid ogaanaya qaabaynta xaaladdii mushrikiinta, Caqiidadoodii iyo dhaqammadoodii, waxaad eegtaa xaalka caammada iyo jaahiliinta wakhtigan nool (waa xilligii sh Maxamed C/wahaab) gaar ahaan kuwa degan hareeraha dhulka islaamka! Sida ay ka malaysanayaan awliyonimada iyo waxa ay arrinteeda iska moodsiinayaan!! “[1]

Sheekh Ismaaciil Shaah Dahlawi

Isna culimadii hindiya ayuu ka mid ahaa oo sheekhaa hore ayaa awoowe u ahaa, waxaa uu yiri: ” waxaad ogaataa in shirkigu ku faafay dadka dhexdiisa xilligan, waxyaabaha muuqdana waxaa ka mid ah:

  • In dadku gargaar weydiisanayaan culimada, nabiyada, imaamyada iyo shuhadada;
  • Wax-magaratada muslimiinta oo ku dayday mushrikiintii hore
  • Gunta iyo gabagabadu waxaa ay tahay, wax kasta oo ay sameeyeen dhagax-caabudka hindidu wax-magaratada muslimiintu waa ay ku sameeyeen nabiyada, awliyada, imaamyada, shuhadada, malaaigta iyo jinka. [2]

Culimadii Ciraaq

Sheekh Maxamuud Aaluusi oo ahaa caalimkii Ciraaq geeriyoodayna 1270H, waxaa uu yiri: “dadka badankiisu waxaa ay badiyeen inay baryaan cid aan Alle ahayn, sida awliyada, kuwo nool iyo kuwo dhintayba, Sayiddii hebeloow ii gargaar! Taasina waddo bannaan ma aha”.[3]

Waxaa kale oo uu yiri: ” waxaa taa kasii weyn inay dadka aasan wax ka doonanayaan! Sida in qof xanuunsan la caafiyo! Ama mid faqiir ah la hodmiyo! Ama baadi maqan lasoo celiyo! Wixii dadka ku cuslaadana la fududeeyo!!”. [4]

  1. Alfawz Alkabiir:26
  2. Taqwiyatu Al-iimaan:45-47
  3. Tafsiir Ruux Almacaani:6/128
  4. Ruux Almacaani: 6/127

Mar kale waxaa uu yiri: ” xog ogaal ayaad u tahay in haddii dadka maanta jooga arin culusi lasoo deristo bad iyo berriba ay baryayaan cid aan waxba u dhimi Karin waxna u tari Karin”.[1]

Warbixintii taariikhyahan ibnu Qannaam:[2]

Caalimkan oo ka mid ah ardaydii ka aflaxday sheekh Maxamed bin C/wahaab Alle ha u naxariistee, isla markaana noqday taariikhyahan weyn oo miizaan ku leh jaziiradda carbeed waxaa uu yiri isaga oo ka warbixiniya xaaladdii dadku ku sugnaa markii sheekhu soo baxay:

“Bilawgii qarnigii 12aad waxaa dadka badankiisu ku daatay shirkiga, jaahiliyadii ayeyna u noqdeen, iftiinkii islaamka iyo sunnadiina waa ka baaba’day dhexdooda, dadkii cilmiga iyo garaadka lahaa oo le’day darteed, iyo wax magaratada iyo dadka hawaraaca ah oo isa sarraysiiyey!

Kitaabkii Alle dhabarkooda ayey ka tuureen! Wixii baadinimo ahaa oo ay aabayaashood kasoo gaareen ayey raaceen, iyaga oo is leh in odayaashu xaqa ka ogaayeen hanuunkana ka badiyeen… Waa ay ka bayreen cibaadadii Alle kaligii lahaa, waxayna u leexdeen dhinaca awliyada iyo saalixiinta, kuwo nool iyo kuwo dhintayba!

Musiibooyinka iyo balaayooyinku marka ay dhacaan iyaga ayey gargaar waydiistaan, danahoodana iyaga ayey la aadaan, dhagaxanta iyo dhirta ayey aamineen inay dhib iyo dheef hanan karaan! Dadka qabuuraha ku jira ayeyna caabudeen! Ducadii iyo nadarkiina iyaga ayey u leexiyeen! Xilli doog iyo abaareedba! Iyagoo arintaa kaga hormaray mushrikiintii jaahiliyadii hore, maxaa yeelay kuwaasi marka dhibaatadu taabato cid aan Alle ahayn ma ay baryi jirin! Iyagoo weliba cibaadada baraxtirayey! Balse marka Alle badbaadiyo ayey shirkiga ku noqonayeen!!

_________________________________
1 Ruux Almacaani:11/98
2 Wuxuu ahaa reer Axsaa wuxuu dhintay sannadkii 1225H

Arrintaasi gobol kuma gaar ahayn ee gobollada iyo jihooyinka oo dhan ayey ku baahsanayd! Mana bilaaban bilawgii sheekha ee in badan ayey ka horraysay! Qarniyadii wanaagsanaa markii ay tageen ayey bilaabatay, kadibna wakhtigu waa socday iyadoo baadinimadu sii kordhaysay! Ilaa ay ka yimaaddeen dad aaminsan in diintuba baadinimadaas tahay! Maxaa yeelay? Aabbayaal iyo awoowayaal iyo facyaal hore ayaa sidaa ku sugnaa, waxaa ayna yiraahdeen raadkoodii ayaanu haynaynaa!!! Reer Najdi arrintaa wax weyn ayey ka haysteen!

Qabriga Zayd binu khaddaab oo meesha jabiilla la yiraahdo ku yaalley ayey iman jireen oo barakaysan jireen oo kurbooyinka inuu ka faydo waydiisan jireen arin caan ah ayeyna ahayd!

Reer Xijaaz

Xaramka Maka ee sharfan wixii lagu samayn jiray miyaa?! In badan ayuu ka darnaa meelaha kale.

Waa goobahaas daahirka ah, reer miyiga iyo faasiqiinta iyo dadka baadiyeysan waxaa ay ku samaynayeen wax qalbigu la murugoodo! Xaaraantii ayaa dhexdiisa lagu tuntay, dad badan ayaana sidaa muujistay! Dadka cilmiga lehna wax isbedel ah ma keenayn oo iyaga ayaaba xaqa ka hor imanayey baadilkana difaacayey!

Dhacdooyinkaa waxaa ka mid ahaa wixii ay ku samayn jireen qabriga nin la oran jiray Abuudaalib (xukuumaddii ashraafta ayuu ka mid ahaa) waxaa ayna baryi jireen marka musiibooyinku dhacaan! Sidoo kale ayey ku samayn jireen qabriga nin la oran jiray Maxbuub oo Daaif ku aasnaa! Waa ay weynayn jireen shafeecadana waa ay waydiisan jireen! Iyo weliba danbi dhaaf!!

Haddii tuug magan galo labadan qabri waa la deyn jiray haddiise uu kacbada ku dhego waa laga soo fujin jiray! Wax xurmo ahna lama siin jirin!! Waxaa kale oo ka mid ahaa wixii ay ku samayn jireen qabriga hooyooyinka mu’miniinta (xaasaskii nabiga sallalaahu calayhi wasallama) sida Maymuuna iyo Khadiijo, oo xumaan iyo xaaraam isugu jiray qof muslim ahina uusan bannayn Karin, iskaba daa inuu Alle ugu dhawaado ama cibaado ka dhigtee.

Waxa qabriga nabiga sallalaahu calayhi wasallama lagu samayn jiray miyaa?! Oo ah dunuub waaweyn, sida dhabanka oo la booreysto! Iyadoo la rukuucayo ama la sujuudayo isdullayn darteed! Sidaana xaflado lagu qabsado! Waxayna ahayd wax aan qarsoonayn in la sheegana ka muuqaal badnaa! Nabiguna sallalaahu calayhi wasallama waa lacnaday qofkii sidaa yeela intaa ayaana canaan iyo gooddi ugu filan.

Carrabku wuu ka daalayaa waxa lagu samayn jiray qabriga Xamze agtiisa! Iyo Baqiic iyo Quba!! Qalinkuna wuu ka caajisayaa inuu caddeeyo!!! Waxa Jidda lagu samayn jiray miyaan ka warramaa?! Balaayadu waa ay ku fidday baadinimada iyo xumaantuna waxaa ay gaartay meeshii ugu sarraysay!

Waxaa ay haysteen qabri dhererkiisu yahay lixdan dhudhun! Qubbadna laga dul-dhisay!! Oo ay sheeganayeen inuu yahay qabrigii ayeeyo Xaawo!!! Shayaadiinta qaarkood ayaana sameeyey oo diyaariyey wakhti hore!!! Waxay kaloo haysteen qabri ay ku magacaabi jireen Calawi! Oo ay weyneyntiisa ku dhaafeen uunka oo idil!! Haddii tuug ama gacan-kudhiigle qabrigiisa galo qof mu’min ah iyo mid faasiq ah toona uma tallaabsan jirin kumana dhiirran jirin!!

Qofkii ciiddiisa magan gala waa la magan gelin jiray cid madaxda ka mid ahina dhib uma geysan jirin..!

  • Reer yeman: Wixii magaalooyinka Yeman lagu samayn jiray miyaa oo shirki iyo fitno ahaa?!! Waa ay ka badan yihiin in la raadraaco oo lasoo koobo!
  • Sida reer Sanca: oo ku xirnaa qabri nin la yiraahdo Alhaaddi! Waa ay ku jarmaadi jireen kuna carraabi jireen qabrigiisa!!
  • Reer Buruc: waxay haysteen Burci! Waana nin masaafooyin dhaadheer loosoo goyn jiray!
  • Reer Xadramawt iyo Shixir iyo Yaafic iyo Cadan: baadinimada ayaaba dhex degtay! Caydaruus ayey haysteen oo lagu ag sameeyo shirki iyo baadinimo wax aan la faahfaahin Karin!
  • Reer Makha: waxaa ay haysteen Shaadali oo aysan baryadiisa ka daali jirin!
  • Reer Xudayda: Sheekh Sadiiq oo ay aad u weyneyn jireen!
  • Dhulka Najraan: tii ugu darnayd ayaa ka taagnayd! Waxaa ay hasteen ninkii ay u yaqaaneen Sayid oo reer miyiga iyo qabaailka ku teedsani aad ugu fogaadeen!!!

Ibnu Qannaam waxaa uu yiri ugu danbayntii

Qofkii arka waxa ay ku kacayeen dadkii ku noolaa dhulalkii muslimiinta isagoo iimaanka garanaya waxaa u caddaanaysa sida islaamku u nuxuusay xilligaa! Dheefta adduunyada iyo waxa naftu jeceshahayna ay u ahaayeen ujeeddada iyo danta ugu weyn ee ay ka lahaayeen jiritaanka iyo joogitaankaba! 

Wuxuu haddana yiri:

‘’Sidaasi waa sidii badnayd balse muslimiintu kuma wada sugnayn, oo Alle ummadda baadinimo kuma kulmiyo jaahilnimana kuma wada sifowdo, sida axaadiista saxiixa ah ku timid oo nabigu sallalaahu calayhi wasallama uu sheegay inaysan dhammaanayn dad had iyo jeer waddadiisii iyo dhaqankiisii ku dhegan ilaa qiyaamuhu ka oogmo….”.[1]

Horay ayeynu usoo xusnay markhaati-kacii culimada reer Hindiya iyo Ciraaq.

1 Rawdada ibnu Qannaam:1/10, Sh maxamed c/wahaab: Saalix Alcabuud:1/60-71

Qabuurihii Masar, Shaam, Ciraaq, Turkiga iyo dalal kale: [1]

Masar – Qaahira:

Waxaa Qaahira ku yaallay in ka badan 294 qabri oo dhisan oo macaamiil badani ku xirnayd! Waxaa ka mid ahaa kuwa ugu caansan:

  • Madaxii Xuseyn bin Cali bin Abii daalib (waa waqdhis loo sameeyey ee madaxa masar lama keenin, waana la isku khilaafsan yahay halka lagu aasay? Ma Ciraaq mise Shaam mise Madiina?)
  • Xaruntii Sayida Sakiina
  • Sayida Nafiisa
  • Sayida Saynab
  • Imaam Leyth bin Sacad
  • Imaam Shaafici

Kuwa kale ee Masar ku yaallay balse aan Qaahira ku ool waxaa ka mid ahaa Qabriga Sayid Badawi! Oo ku yaalla “Tanta” waa qabri aad loogu xiran yahay ilaa iyo hadda! Aadna loogu fitnoobay!! Qoraayaasha reer masar ee xitaa aan diinta ka hadlin ee arrimaha bulshada ka hadlaa qoraallo badan ayey ka sameeyeen ay ku sheegayaan dhaqaalaha lagu bixiyo qabrigan iyo miizaaniyadda dadka gacanta ku hayaa kasoo xereeyaan! (Qoraayaashaa waxaa ka mid ah Axmed Mansuur oo ka mid ah hormoodka kanaalka Aljaziira, una dhashay dalka Masar).

Gabayaagii webiga Niil Xaafid Ibraahim waakii lahaa:

Hadith 09

 ‘’Kuweenna nool shilin lama siiyo, balse mawtida malyuun ayaa la siiyaa.’’

Shaam

1 Aldacwatu Al-islaaxiyah fii bilaadi Al-najdi:C/laahi Almudawac:56-58

Tirada qabriyada dhisan ee Shaam ku yiillay aad ayey u badnayd, Dimishqa iyo hareeraheeda waxaa yaallay ku dhawaad 200 oo qabri! 27 ka mid ah ayey ku tilmaami jireen inay saxaabadii ka mid yihiin!! Kuwa Shaam ugu caansanaa:

  • Xarunta Nabi Yaxye bin Zakariye calayhi salaam oo Lubnaan ku tiilley.
  • Xarunta Shamcuun ee bariga Lubnaan.
  • Xarunta nabi Daauud calayhi salaam.
  • Xarumo lagu magacaabay labada nabi: Ayuub iyo Saalix oo falastiin ku yaallay.
  • Xarumo lagu magacaabay nabiyada is dhalay: Ibraahim, Isaxaaq, Yacquub iyo Yuusuf oo intuba ku yaalla Falastiin magaalada Khaliil!!
  • Xarunta nabi Yuunus oo iyaduna Falastiin ku taallay! Kuwan iyo kuwo kale oo aan la koobi Karin ayaa ku faafsanaa carriga Shaam ilaa iyo haddana jira oo dadka lagu fitneeyey aroor iyo galabna lagu carraabo! Iyadoo waxtar la weydiisanayo!!

Ciraaq | Basra

Qabriyo badan oo saxaabadii qaarkood lagu suntay ayaa ku yiilley, sida Dalxa, Subeyr, Cutba bin Qazwaan, Miqdaad bin Aswad, C/raxmaan bin Cawf, Anas bin Maalik iyo kuwo kale. Najaf iyo Karbala: waa laba magaalo oo shiicada aan lagu tarraxin! aad ayey qabuuraha dhisan hodan ugu yihiin, sida loo weyneeyana ma aha si la tilmaami karo, bil sannadka ka mid ah oo dadka labadaa magaalo degan aysan xaflado qabuureed lahayn ma jirto! Najaf waxaa ay u bixiyeen Najaf Al-ashraf! (najaftii sharafta badnayd!)

Waxaa labadan magaalo ku kala yaalla qabriga Cali bin Abiidaalib oo Najaf ku yaal iyo qabriga wiilkiisa Xuseen bin Cali oo Karbala ku yaal! Taariikhyahannada ahlu sunnuhu waxaa ay isku waafaqsan yihiin in Cali lagu aasay Kuufa oo ahayd halkii caasimadda u ahayd, isla qasrigii madaxtooyada ayaana lagu aasay.

Qabrigan Najaf ku yaalla ee shiicadu ku fitnowday ma aha qabrigii Cali, Najafna laguma aasin, waxaa la isku khilaafsan yahay inuu yahay qabri ay iyagu been abuurteen iyo inuu yahay qabrigii Muqiirata bin Shucba! Oo ah saxaabi weyn oo shiicadu aad u necebyihiin!! Maadaama uu ka mid ahaa madaxdii Mucaawiye kuwii uu ugu kalsoonida badnaa, garaadkiisa iyo ra’yigiisa bisil darted, dhammaan saxaabada Alle haka raalli noqdee.

Turkiga| Istanbuul

Waa caasimaddii Cusmaaniyiinta, waxaa ku yaal 481 masjid oo jaamac ah! Mid kastaana qabuuro dhisan ayaa ku yaal!!

Hindiya iyo Afgaanistaan

Iyaguna ma aha kuwo qalin lagu tilmaami karo afna laga sheegi karo! Si weyn ayey ugu daydeen Hunduuska iyo Buudiyiinta ay deriska la yihiin, waxa kuwaasi qabuurahooda ku sameeyaan ayeyna kaga daydaan.

Intaasi waa daraasad kooban oo inoo sheegaysa sidii xaaladda dunida islaamku ahayd markii uu soo baxay Sheekh Maxamed bin C/wahaab Alle ha u naxariistee.

Waa xaalad aynu ka arkayno sidii dadku u xalaalaystay wixii sharcigu xarrimay ee ahayd in qabuuraha la dhiso; Waa arrin ina tusaysa sida diin looga dhigtay wixii nabi Muxammad sallalaahu calayhi wasallama lacnaday!

Waa arrin murugo leh oo aan ka arkayno sida dadku tawxiidkii uga fitnoobay, oo iyagoo aan is ogeyn ay quluubtoodii u jiheeyeen meelo kale, xoolahoodiina ku idleeyeen wax shaydaan u qurxiyey! Ilaa ay ka noqdeen dad aan hammi kale lahayn ka fekerka qabriyada mooyee!!

Dadkaasi sow adduun iyo aakhiraba ma tacab beelin?! In qabuuraha lakala barto, la raadiyo, loo safro, xoolo loo kaxeeyo, dhallaanka lagu ababiyo, ayaa ahaa dhaqan aad u baahsan oo jiray xilligii Sheekh Maxamed bin C/wahaab u istaagay masuuliyaddaa aadka u weyn, isagoo ujeeddadiisu ahayd in dadka Alle loosoo celiyo, cidii Alle kasoo hartayna xaq aysan lahayn aan la siin, booskoodana aan la dhaafsiin, taasina tahay waddadii liibaanta adduun iyo aakhiro.

Burburintii Qabuuraha

Waxaan soo xusnay inaan qabuuraha la dhisi Karin ciddii dhistana uu nabigu lacnaday sallalaahu calayhi wasallama, nabiguna uu amar ku bixiyey in la dumiyo qabuuraha dhisan laguna celiyo sidoodii caadiga ahayd, saxaabaduna sidaa ku dhaqmeen oo fuliyeen amarradii nabi muxammad sallalaahu calayhi wasallama.

Iyadoo Sheekh Muxammad C/wahaab uu qaadayo waddadii nabi muxammad sallalaahu calayhi wasallama iyo saxaabadiisa, uuna dhaqan gelinayo amarkii nabiga ayuu dawladihii uu heshiiska la galay amar ku siiyey inay dumiyaan qabuuraha dhisan maadaama ay sharci darro tahay!

Waa aynu soo xusnay xilligii sheekhu joogay Cuyeyna oo ibnu Macmar ka talinayey inuu dumiyey qabrigii Seyd binu Khaddaab oo jabiilla ku yaallay, sidoo kale ayaa reer sacuudna yeeleen oo dhulkii ay ka arrimin jireen waa ay ka sifeeyeen qabuurihii dhisnaa, meel walba oo ay furtaanna shaqada ugu horreysa ayey ka dhigi jireen!

Saddex ammiir ayaa sheekha xilligiisii xilka isaga danbeeyey oo kala ahaa: Maxamed bin Sacuud, C/casiis bin muxammed iyo Sacuud bin C/casiis, saddexduba si hagar la,aan ah ayey ugu istaageen hawshaa, Najdi ilaa koonfurta Yeman oo xukunkoodu gaaray (xilligii dawladdii sacuudiga ee kowaad) ayey tirtireen dhismayaashii qabuuraha ee ku yiilley!

Sidaa si la mid ah ayey sameeyeen ammiirradii ka danbeeyey ilaa kuwa hadda jooga.

Arrin muhiim ah marka la burburinayo qabuuraha dhisan

Mar haddii qabuuraha oo la dhisaa tahay xaaraam munkar ah oo shareecadu diidday, in la dumiyaana waajib tahay sidii aynu soo xusnay, waxaa lagama maarmaan ah in fulinta waajibkaa la waafajiyo hannaanka sharcigu u sameeyey tirtiridda munkarka; Darajooyin saddex ah ayaa sharcigu u jeexay in lagu wajaho munkarka, hadba tii suuragal ah ayaana la adeegsanayaa, qofka muslimka ahi haddii uu fuliyo wixii karaankiisa ah laguma leh wax kale, waajibkiina sidaa ayuu ku noqonayaa qof ku gutay.

Tallaabooyinka Loo Maro Tirtiridda Munkarka

1: Gacanta oo lagu tirtiro: qofku haddii uu awoodo waxaa ku waajibaysa inuu munkarka ku bi’iyo gacantiisa, inuu af ka sheegana waajib kagama dhacayo, sida madaxweynaha dalka xukuma, ama amiirka gobol ka taliya ee fasax ka haysta dawladda, ama waxa qofka gurigiisa ka dhacaya ee sharciga khilaafsan ee caruurtiisa ama reerkiisu samaynayo waxaa ku waajibaysa inuu gacanta ula tago sidaana ku tirtiro.

2: Afka oo laga inkiro: waa darajada labaad ee qofku usoo dhacayo haddii uu kari waayo inuu gacan ula tago oo shaygu ka baxsan yahay karaankiisa, sida wax u baahan dawlad oo haddii uu gacan ula tago isku dhac imanayo, ama gurigiisa meel aan ahayn ka dhacaya haddii uu faraha la galana dhib kasoo gaarayo, taa waxaa waajib ku ah inuu afka ka inkiro, caddeeyana sida sharcigu yahay.

3: Inuu qalbiga ka naco: haddii afkii xitaa uusan ku nabad gelayn oo dhib soo gaarayo dil, ama garaac ama xabsi i.w.m waxaa laga doonayaa qofka muslimka ah in uusan munkarka ka raalli noqon qalbigiisuna la qabsan, ee waa inuu qalbiga ka nacaa, kuna fekeraa hadii uu awood u lahaan lahaa inuu tirtiri lahaa waxna ka qaban lahaa, hadii uu sidaa yeelo isna waajibkii waa ka dhacay.

Talllaabooyinkaa ayaa loo maraa tirtiridda munkarka iyo wax ka qabashadiisa, waxaana sharcigu ilaalinayaa marka uu waddadaa inoo jeexayo in dhibka jira mid ka weyni uusan iman, oo haddii dhib ka weyni imanayo munkarka tirtiriddiisii ayaa munkar noqonaysa, kasii weyn kii hore ee laga dhiidhinayey.

Nabigeennu sallalaahu calayhi wasallama isaga oo inoo sheegaya arintan waxaa uu ku yiri xaddiis imaamu muslim weriyey:

Hadith 10

Oo micnihiisu yahay”

‘’Qofkii idin ka mid ah ee arka wax sharcigu reebay haku beddelo gacantiisa, haddii uusan kari Karin haku beddelo carrabkiisa, hadii uusan kari Karin haku beddelo qalbigiisa, taa ayaa iimaanka ugu darajo hoosaysa”.

Munkarka oo la tirtiraa waa iimaan, in laga raalli noqdaana iimaanka ayey wax yeelaysaa.

Haddii aynu garannay tallaabooyinkaa, aynuna garannay in qabuuraha oo la dhisaa munkar tahay, tirtiridooduna tahay waajib diini ah, see ayuu ula dhaqmay nabi muxammad sallalaahu calayhi wasallama qabuurihii dhisnaa saxaabaduse see yeeleen waddadeese mareen?

Nabigeennu sallalaahu calayhi wasallama sannadkii uu gutay cumradii la oran jiray Cumratu Alqaddaa, sannadkii 7aad ee hijriyada, waxaa hareeraha kacbada ka dhisnaa in ka badan 300 oo sanam oo Carabi leedahay, Maka hareeraheeda iyo inta Madiina u dhexaysay waxaa iyagana yaallay sanamyo badan, iyo weliba qabuuro badan oo dhisan.

Nabigu sallalaahu calayhi wasallama marka uu cumraysanayey waxaa uu watay ciidan kun iyo dhowr boqol ah, qureyshi kama awood badnayn nabiga iyo saxaabadiisa, sidaas oo ay tahay nabiga iyo saxaabadu ma taaban qabuurihii Maka iyo sanamyadii toona, iyo weliba kuwii u dhexeeyey Maka iyo Madiina, maxaa yeelay? Nabigu sallalaahu calayhi wasallama nafta saxaabadiisa ayaa kala qiima badnayd inay qabri dumiyaan ama sanam jabiyaan markaana loo dilo, ama dagaal dhaco.

Sannadkii Maka la furtay qureyshna laga adkaaday ayaa nabigu sallalaahu calayhi wasallama si sahlan u burburiyey sanamyadii, saxaabadana u kala diray hareeraha Maka si ay usoo dumiyaan qabuuraha iyo sanamyada dhisan, markaa ayuu nabigu siiyey Cali bin Abii daalib amarkii aynu soo marnay ee ahaa inuusan ka iman sawir taagan iyo qabri kor u qaadan midnaba.

Maxaa yeelay? Qabuurihii iyo sanamyadii ma laha maanta cid difaacaysa oo u dhimanaysa, saxaabadana wax dhib ahi kama soo gaarayo, dadkii dhistayna waa islaameen oo waa arkeen in wuxu boombale yihiin shaydaan ku mashquuliyey!

Sidaa oo kale ayaa loola dhaqmayaa xilli kasta qabuuraha dhisan, haddii dadka ku xirani yihiin kuwo hubaysan oo awood leh ma bannaana in la taabto, ma aha in qabuuraha loo turayo, ee in fitno iyo dagaal dhaco ayaa laga cararayaa oo dadka duminaya uusan dhib kasoo gaarin, dadkii diinta qaadan lahaana aysan sidaa uga didin.

Waxaase waajib ah in la qaado labadii tallaabo ee kale: in carrabka lagu caddeeyo waxani inay sharci darro tahay, masaajidda laga sheego, meelaha la isugu yimaado laga sheego, dadka la tuso in kutubta Axkaamta ka hadashaa dhammaanteed sidaa caddeynayso, hadii qofku naftiisa markaa u baqo oo meel looga itaal badan yahay joogo waxaa la doonayaa inuu naftiisa u turo oo qalbiga ka naco shaygaa xaaraamta ah.

Haddaba dadka isku mashquuliya inay qabuuraha dumiyaan iyada oo qabuuruhu leeyihiin ciidan difaaca iyo hub lagu difaaco, waa inay dib u jalleecaan siiradii nabi muxammad sallalaahu calayhi wasallama iyo siyaasaddiisii arintaa ku saabsanayd, hirgelinta shareecadana waa in loo maraa waddo sharci ah oo aan meel cid la’ ah la iska qarda jeexin, dadka cilmiga iyo garashada Alle ku mannaystay waa in laga talo qaataa, ee aan siyaasad laga dhigan caadifad iyo laab lakac.

Maxaa dhacaya haddii aan sidaa la yeelin..?

In waddadii nabi muxammad sallalaahu calayhi wasallama la khilaafo ayaa imanaysa, khilaafka nabigana sallalaahu calayhi wasallama laguma gaaro guul ee waa lagu jabaa, adduun iyo aakhiraba. Dadka sidaa yeelayaana waxaa ay sababi karaan arrimahan soo socda:

  • Waxaa ay ummadda dhaxalsiinayaan cawaaqib xumo aan laga soo waaqsan tan iyo jiilalka soo socda;
  • Waxaa ay ummadda u horseedayaan burbur iyo dagaallo hor leh, xilli ummaddu la il daran tahay dhibkii kasoo gaaray qaranjabkii hore;
  • Waxaa ay fursad siinayaan cadawga ummadda oo mar walba yididiiladoodu tahay inaynu diif iyo darxumo la ildarraanno;
  • Waxaa ay dadka ku dirayaan barashada diinta iyo ku dhaqankeedaba, waxaana iman karta mar sanka laga qabsado cid kasta oo astaan diineed ka bidhaamayso;

Sheekh Muxammad C/wahaab Alle ha u naxariistee cilmigiisa iyo kasmadiisu aad ayey u sarraysay, si uu hadafkiisa u gaaro, waxaa uu arkay in ay lagama maarmaan tahay in la helo awood sharciga fulisa, taa ayaa ku kalliftay in uu muxammad bin sacuud ku qanciyo manhajkiisa, ujeedadiisana u sharxo, kalsoonina ku siiyo in uusan xukunkiisa damac kaga jirin.

Amiirkii Alle waa qanacsiiyey, sheekhu nasiib ayuu lahaa, sabirkiisii dheeraa Alle kuma qadin iskaashigaa ayaana mid kastaa hadafkiisii ku gaaray. Waa tusaale ku dayasho mudan in maanta la helo sheekh diinta aqoon durugsan u leh, lilllaahina ku shaqaynaya damac adduunyana ka fog, iyo hogaamiye niyadsan oo aammina in uu sharaf iyo karaamaba ku gaarayo dhaqangelinta diinta Alle, adduun iyo aakhirana ku liibaanayo.

;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;