Taariikhda
Imaam Ash-Shaafici

Imaam Shaafici
Abuu Cabdullaahi Muxammad ibnu Idiriis al-Shaafici
Carabi: ابو عبدالله محمد بن إدريس الشافعيّ

Decorative Lines

Magaca Imaamka

Abuu Cabdullaahi Muxammad ibnu Idriis al-Shaafici (Carabi: ابو عبدالله محمد بن إدريس الشافعيّ).

Imaamka wuxuu dhashay sannadka 150 ee hijrida ee ku beegay sannadka 767 ee milaadiyada, wuxuuna ku dhashay magaalada Qasa, ee wadanka Falastiin, wuxuuna dhintay sannadka 204 hijrida ee ku beegay 820 ee milaadiyah, wuxuuna ku geeriyooday magaalada al-Fustaat ee wadanka Masar.

Rag badan oo ka mid ah culumada waaweeyn ee ahlu xadiithka ayaa waxay qoreen kutub ugooni ah taariikhda imaamu shaafici waxayna kahadleen cilmigiisa, sharafta ilaahay siiyay, qiimaha uu uleeyahay umada islaamka iyo sida uu diinta islaamka usoo nooleeyay waxaa kamid ah culamadaas:

  • Xaafith al-bayhaqi,
  • Ibnu-abiixaatim iyo
  • Xaafith ibnu-xajar al-casqalaani

Dhamaantood allaha u naxariisto ragaas kadib qofka ku shakiya daraja imaamu Shaafici wuxuu la mid yahay qof ku shakiyay maalinimo eyadoo qoraxdu dheertahay.

Taariikhda imaamka waxaan ka soo guuriyay kitaabka layiraah: (Tawaalii al-Taasiis Li-Macaalii Muxammad binu Idriis al-Shaafici) waxaa qoray imaamka wayn ee la yiraahdo (al-Xaafith al-Kabiir ibnu Xajar al-Casqalaani)

01| Waqtiguu uu dhashay

Taariikh yahaniinta islaamku iskuma khilaafin waqtigii imaamku dhashay (al-Xaafid al-Xaakim) wuxuu yiri ma ogi wax isku khilaafay arinkaas wuxuu dhashay imaamku taariikhdu markay ehayd 150 hijra nabawiyah taasoo ahayd sanadkii uu geeriyooday imaamu Abuu Xaniifah allaha u wadanaxariisto wuxuu yiri: (al-Xaafid ibnu Xajar al-Casqalaani) waxaa culumadu ka qaateen dhalashadaas iyo geeridaas labada imam ee isku soo aaday in Imaamu Shaafici uga bedel noqonayo imaamka kale cilmiga fiqhiga.

02| Meesha uu ku dhashay

Meesha uu ku dhashay imaamku allaha u naxariistee waxaa lugu sheegaa laba meelood oo kala ah (Casqalaan) iyo (Gazza) al-Xaafid Ibnu Xajar al-Casqalaani wuxuu yiri labadooda waxaa xoog badan inuu ku dhashay Casqalaan waxaa sidaas soo guuriyay culuma aad loogu kalsoon yahay oo kamid ah ahlu xadiithka kuwaas oo ah:

  • Ibnu Abii Xaatim
  • Abuu Xaatim
  • Camar binu Sawaad

Hasa ahaatee labadoodu isma diidana oo Gazza waa tuulo  Casqalaana waa magaaladii laga xukumay.

Casqalaan waa magaala ku taala falastiin bada xeebteeda waxay u dhexaysaa Gazzah iyo Jibriin waxaa la dhihijiray (Caruusul-Baxar) waa meeshii ciidanka muslimiintu kusoo xirajireen si ey u ilaaliyaan dhulka muslimiinta. Imaamku asagoo kujira uurka hooyadiis ayaa aabihiis u safray meel kamid ah (Shaam) halkaasoo uu ku dhintay ka dibna waxaa dhashay imaamka markuu gaaray labasano ayaa hooyadiis u soo waday (makkah al-mukarramah) halkaas ayuuna kusoo koray. Waxaa kamid ah sharafta ilaahay siiyay imaamka wuxuu ku dhashay uuna ku soo koray dhulka barakaysan ee loo yaqaan (al-Ardul Muqadasah)

03| Ab-Tiriskiisa

Abtiriskiisu waa sidaan soo socota Muxammad binu Idriis bini Cabaas bini Cuthmaan bini Shaafic bini Saaib bini Cubayd bini Cabdi Yaziid bini Haashim bini Cabdil Mudallib bini Cabdi Munaaf bini Qusayi.

Waxay nabiga  (scw) isaga soo dhacaan Cabdimunaaf abtiriskaasi wuxuu muujinayaa inuu ahaay imaamku quraysh oo ah qabiilkii nabigeenu(scw) ka dhashay. Imaamka magiciisu waa  Muxammad naynaastiisuna waa Naasirul Xadiith waxaa kaloo ladhihi jiray Abuu Cabdillaah.

Hooyadiis waxay ahayd reer azad diinta islaamkana aad ayey u taqaanay waxaa la soo guuriyay qiso ah imamka hooyadiis iyo naag kale iyo nin ayaa maxkamad marqaati ka furayay markaasaa qaaligii (Makkah al-Mukarramah) wuxuu damcay inuu laba meelood kala fariisiyo labada dumar ah markaasay imaamka hooyadiis waxay ku tiri qaaligii xaq uma lihid inaad nakala fogaysid waxayna soo daliishatay aayada 282 (al-Baqara):

Oo macneheedu yahay:

Daynka marqaati uga dhiga labanin hadaad waysaana uga dhiga nin iyo laba dumar ah si hadii midi ilaawdo mida kale uxasuusiso.

Wuxuu yiri: (al-Xaafith ibnu Xajar al-Casqalaani) kani waa daliil xoog badan oon dadku la wada imaan karin, taasi waxay tusinaysaa aqoonta ay u leheed diinta.

04| Waxbarashadiisii

Imaamku wuxuu xifdiyay (qur’aanka kariimka ah) asagoo todoba jir ah kitaabka la yiraahdo (al-Muwadha) oo imaamu Maalik leeyahay wuxuu xifdiyay asagoo toban jir ah sidaas waxaa soo guuriyay (al-Xaafith al-Khadiib) imaamku wuxuu ahaa agoon hooyadiis soo korsatay oon xoola lahayn mucallimkiisuna wuxuu imaamka hooyadiis uga qanacsanaay inuu ardada uga tagto markuu meel aadayo markuu bartay (al-Quraan al-kariim) ayuu galay (Masjidul Xaramka) si uu cilmiga u barto wuxuu ku qorijiray cilmiga lafaha markay bataana wuxuu ku ridi jiray caashuun wayn gurigiisu wuxuu makkah uga yaalay (Shicbu al-Khayf).

Sidaas waxaa soo guuriyay (Ibnu-Abiixaatim) Imaamku wuxuu u baxay baadiyaha (Makkah) asagoo jira todoba iyo toban sanowuxuu u tegay qabiil layiraahdo (Hudeyl) si uu korka uga qabto gabayadooda.

Reer hudayl waxay ahaayeen laba qaybood waxayna kaladeganaayeen woqooyiga iyo koofurta magaalada (Makkah al-Mukarramah) dhamaantood waxay caan ku ahaayeen gabayada iyo fasaaxada luqada carabiga Imaamku intuu la joogay qabiilkaas wuxuu ka bartay luqada iyo fasaaxadeeda. Sidaas waxaa wariyay (Imaam al-Aabarii) wuxuu aaday imaamku al-Madiinah Al-Munawwarah hijradu markay ahayd 170 halkaas oo Imaamu Maalik uu kula kulmay.

Kadibna wuxuu aaday yaman hijradu markay ahayd 179  dabadeedna wuxuu aaday masar halkaasoo uu kudhisay mad habkiisa kadib wuxuu aaday ciraaq hijradu markay ahayd 195 wuxuu kusoo laabtay masar 198 hadana wuxuu aaday Makkah al-Mukarramah misana wuxuu kusoo laabtay masar 199 halkaas ayuu joogay ilaa ilaahay ka oofsaday maalin jumca ah bisha rajab hijraduna ahayd 204 waxaa lugu aasaqabuuraha loo yaqaan (Maqbaratu banii Cabdil-Xakam) imaamka safaradiisu waxay ku saabsanaayeen cilmiga barashadiisa iyo baridiisa.

Waxaa imaamka la waydiiyay sideebaad ugu dadaashaa cilmiga wuxuu ku jawaabay sida qofka bakhiilka ahi ugu dadaalo xoolaha uu haysto oo kale. Hadana waxaa la waydiiyay sidee baad u raadisaa cilmiga barashadiisa wuxuu ku jawaabay sida hooya wiil madiyihi ka lumay ilma kalena aan leheyn sidaas waxaa wariyay. (Ibnu-Abii Xaatim)

05| Culimadii uu ka bartay cilmiga

Imaamku wuxuu wax ka bartay dad farabadan (Xaafith ibnu Xajar) wuxuu yiri culamada imaamku waxka bartay waa 79 todobaatan iyo sagaal shiikh waxayna kala joogeen shan meelood Makkah al-Mukarramah sida:

  1. Sufyaan binu-cuyeynata,
  2. Muslim binu Khaalid,
  3. Saciid binu Saalim,
  4. Cabdulmajiid binu Cabdilcaziiz iyo
  5. Cabdullaahi ibinu-xaarith al-makhzuumi

Waa culamadii ugu oqoonta badnayd reer makkah waqtigaas, al-Madiinatul Munawwarah waxaa ugu caansanaay al-Imaamu Maalik oo ladhihi jiray imaamu Daaril Hijrah imaamu Shaafici markuu madiina tegay wuxuu jiray sedax iyo toban ama todoba iyo toban sano.

Ciraaq waxaa ugu oqoon badnaa culumada reer ciraaq waqtigaas Muxammad binul Xasan oo kamid ahaa ardadii imaamu Abii Xaniifah, Yaman, Masar waxaa kamid ahaa culamadii uu halkaas wax uga bartay imaamku Yuusuf binu-Camar bini-Yaziid. kuwaasi waa mashaaikhdiisii uu ka qaatay culuumta kala duwan sida tafsiirka, xadiithka, taariikhda iyo qayba kale oo kamid ah shareecada islaamka.

06| Hadaladii mashaa-ikhdiisu ku tiri, iyo tilmaantii ay ku tilmaameen

Imaamu maalik wuxuu yiri iima imaan nin

Reer quraysh ah oo kafahma badan shaafici sidaas waxaa soo wariyay al-imaam al-aabaari.-Muslim binu-khaalid wuxuu kuyiri imaamu shaafici waxaad gaartay xad muftinimo ee suaalaha diinigaa dadka uga jawaab imaamku markaas wuxuu jiray 15 sano sidaas waxaa soo guu riyay ibnu-Abii Xaatim.

Sufyaan binu Cuyeynata hadii la waydiiyo mas’ala diini ah wuxuu dhihi jiray weydiiya shaafici, marna waxaa loo soo sheegay imaamu shaafici geeridiisa markaasuu wuxuu yiri hadii sidaasi run tahay waxaa dhintay ninkii zabankaan ugu fadliga badnaa sidaas waxaa soo wariyay Zakiriya al-Saajii.

Dhamaan culamada makkah jootay waxay kutilmaameen imaamka fahma badan, caqli badan iyo dhowrsimo sidaas waxaa soo wariyay al-imaam al-bayhaqi Muxammad binul Xasan, al-Shaybaani wuxuu yiri haday hadlaan maalin culumada  cilmiga xadiithku waxay ku hadlayaan carrabka Shaafici sidaas waxaa soo guuriyay Xaafid ibnu Casaakir.

Yaxya al-Qidhaan wuxuu yiri waxaan u duceeyaa salaad kasta dhexdeeda iyo maalin kastaba shaafici sida ilaahay u waafajiyay xaqa iyo cilmiga ilaahay siiyay ee uu dadka u faaiideeyay sidaas waxaa wariyay Xaafidka caanka ku ah taariikhda islaamka oo la yiraahdo Ibnu Abii Xaatim, Cabdiraxmaan binu Mahdi wuxuu yiri; salaad kasta oon tukado waxaan u duceeyaa shaafici kadib markuu aqriyay kitaab uu lee yahay shaafici oo la yiraahdo (al-Risaalah) sidaas waxaa soo guuriyay Abuu-Thawr.

07| Culimadii ku-waqtiga ahayd, hadalladoodii

Abuucubayd al-qaasim binu-salaam wuxuu yiri ma arkin nin ka caqli badan,ka xalaal miirad badan,ka fasiixsan shaafici.Haaruunu-rashiid wuxuu yiri alaha ku badiyo ehelkayga adookale kadib markuu dhegeystay imaamka hadalkiisa sidaas waxaa sooguuriyay zakariya al-saajii.Al-imaam al-zacfaraani wuxuu yiri ma arkin shaafici ookale,mid ka fadli badan,mid ka khayr badan,mid ka deeq sisan, mid ka cabsi badan iyo mid ka cilmi badan sidaas waxaa soo guu riyay al-xaafid al-xaakim.

Imaamu zacfaraani wuxuu yiri waxaan la doodi jirnay shiikh bishri al-mariisi waana nooga guuleysa jiray dooda  kadib laba hameen ayaan soo aqriyay kitaab imaamu shaafici leeyahay oo kahadlaya marqaatiga iyo dhaarta axkaamtooda kadibna waxaan kusoo laabtay xilqadii shiikh bishri markaasaan uga adkaaday doodii kadibna shiikh bishri wuxuu yiri xujadaan waxay katimid nin aan ku arkay makkah oo ilaahay siiyay dadka aduunka kunool caqligooda barkiis wuxuu ulajeeday imaamu shaafici sidaas waxaa laga wariyay al-imaam al-aabaari.

08| Culimadii wax ka baratay hadaladoodii

Yaxya binu-Aktam wuxuu yiri shaafici wuxuu ahaa nin caqli badan oo fahma badan oo xujada heli og sidaas waxaa soo guu riyay Zakariya al-Saajii. Imaamu Axmad binu-Xanbal wuxuu yiri waxaa waxnoo xukmi jiray ardadii imaamu abii-Xaniifah ilaa aan aragnay imaamu Shaafici wuxuuna ahaay shaafici midka dadka ugu oqoon og kitaabka ilaahay iyo sunnada rasuulka (scw) sidaas waxaa soo guuriyay ibnu-Abii Xaatim.

Al-Imaamu Axmad binu Xanbal wuxuu yiri:

Cilmigayga dhamaantiis ama intiisa badan waxaan ka qaatay imaamu Shaafici muda sodon sana ah ayaana u ducaynayay imaamu Shaafici sidaas waxaa soo guuriyay Zakariyaa al-Saajii.

Al-imaamu axmad binu-xanbal wuxuu yiri:

Shaafici wuxuu daliishadaa xadiith saxiix ah rayigiisuna waa saxiix sidaas waxaa wariyay Ibrahiim al-Xarbi. Al-Imaamu Axmad binu Xanbal wuxuu yiri Shaafici wuxuu aad ugu xeel dheeraaday afar luqada carabiga. Ikhtilaafka dadka macaanida iyo fiqhiga sidaas waxaa laga wariyay Muxammad binu-Cowf.

Al-Imaamu Axmad binu Xanbal wuxuu yiri:

Cilmiga fiqhigu ehelkiisa wuu ka xiraa ilaa ilaahay ugu furay imaamu Shaafici sidaas waxaa sooguu riyay abulqaasim al-bagawi.

Muxammad al-Zacfaraani wuxuu yiri:

Culumada xadiithku waxay ahaayeen kuwa hurda ilaa imaamu Shaafici ka kiciyay hurdada. Rabiic binu Sulaymaan wuxuu yiri imaamku markuu tukado salaada subxiga waxaa u imaajiray dadka doonaya inay ka bartaan tafsiirka, qoraxdu markay soo baxdana waxaa u imaajiray kuwa doonaya xadiithka, markay qorraxdu soo dheeraatana waxaa laga hadli jiray wixii dood ah oo ku saabsan diinta, kadibna waxaa u imaajiray kuwa doonaya luqada carabiga ilaa laga gaaro maalinta kala barkeeda. ka dibna wuxuu aadi jiray gurigiisa.

09| Dadkii Zabankiisii ku dhowaa hadaladoodii

Daawuud binu Cali al-Isbihaani wuxuu yiri waxaa ilaahay u kulmiyay imaamu Shaafici fadli badan oo qof kale uusan u kulmin waxaa kamid ah sharafka nasabkiisa maxaa yeelay waxay isku abtiris yihiin nabigeena (scw) waxaa kamid ah diintiisa oo fayoow, caqiidadiisa oo ka nabad gashay bidcinimo, hawa raac, asagoo deeqsi ahaa, aqoon dheeraada asagoo u lahaa cilmiga xadiithka, asagoo korka ka yiqiinay kitaabka ilaahay, aqoon dheeraada asagoo u lahaa siirada nabiga (scw) iyo siirada asxaabta.

Kutubta uu allifay wanaagooda, culamadii waaweyneed ee islaamka oo isku raacday imaamka cilmigiisa iyo inuu oogay sunnada nabiga (scw) iyo inuu aduunyada ka jeestay waxaa kamid ah culamadaas:

  • Imaamu Axmad binu Xanbal,
  • Sulaymaan binu Daawuud al-Haashimiyi
  • Al-Xumaydi
  • Al-karaabiisi
  • Abiithoor
  • Al-Zacfaraani
  • Al-Buwaydi
  • Al-Jaaruud
  • Al-Rabiic
  • Ibraahiim al-Mazani iyo
  • Xaarith binu Surayj

Waxaa sidaas soo wariyay al-Imaamu al-Bayhaqi.

10| Siduu ugu dheganaa axadiithta Nabig (scw)

Al-Xaafith al-Bayhaqi wuxuu sanadkiisa uga waruyay Rabiic binu Sulaymaan waxaan maqlay shaafici oo leh hadaad ka heshaan kitaabkayga wax khilaafsan sunnada nabigeena (scw) qaata sunnada kana taga hadalkeega. Rabiic mar kalena wuxuu maqlay shaafici oo leh hadaan wariyo xadiith saxiix ah oonan ku camal falin waxaad ogaataan inaan waashay, weriye Bayhaqi. Rabiic wuxuu maqlay Shaafici oo leh samadee baan harsanayaa dhulkee baan ku kor soconayaa hadaan xadiith nabiga (scw) wariyo oonan ku camal falin. Wariye al-Xaafid al-Xaakim.

Waxaa shaafici ku yiri imaamu Axmad hadaad ogtahay qof haya xadiith saxiix ah ii sheeg waan aadayaa meelkasta oo uu joogee. Wariye Xaafith al-Dabaraani. Xuseyn binu Cali al-Karaabisiyi wuxuu maqlay Shaafici ooleh qofkii kahadlaya qur-aan iyo xadiith ayaa xaq ku taagan wixii ka soo harayna waa hadal leyska yiri, wariye Abuu Ciisaa al-Tirmidi. Al-Buwaydhi wuxuu maqlay Shaafici oo leh qabsada culamada xadiithka waayo waa ka toosnaan badan yihiin dadka kale.

11| Dhawrsanaantiisii

Shiikh Mazani wuxuu waydiiyay Shaafici su’aal ku saabsan caqiidada waxaa Shaafici ugu jawaabay iwaydii wax hadaan ku gafo aad ileedahay waad geftay ee ha i waydiin wax hadii aan kugefo aad ileedahay waad gaaloowday. wariye Xaafid ibnu-Xajar.

Rabiic wuxuu kas oo wariyay Shaafici weligeey ulama doodin qof aad ka adkaatid wariye Bayhaqi. Xasan binu Cali al-Karaabisiyi wuxuu maqlay Shaafici oo leh weligey qof  markaan la doodayo waxaan jeclaystaa inuu ilaahay qofkaas u kaalmeeyo oo uu toosiyo sidaan u jeclahay inuu ii kaalmeeyo oo uu ii toosiyo.

12| Riyooyin uu arkay imaamku markuu yaraa

Xarmalatu ibnu Yaxyaa wuxuu maqlay Shaafici oo leh markaan yaraa waxaan ku riyooday nin dad wax baraya markaasaan u soo dhowaaday waxaana ku iri wax ibar markaasuu jeebkiisa wuxuu ka soo baxshay miizaan waana isiiyay wuxuuna yiri kan adaa leh kadibna waxaan u tegay nin riyooyinka fasira wuxuu igu yiri waxaad noqonaysaa hormoodka cilmiga waxaadna ku sugnaanaysaa wadada xaqaa iyo sunnada nabiga (scw) wariye al-Imaamul Xaakim.

Rabiic binu-sulaamaan wuxuu maqlay shaafici oo leh waxaan riya ku arkay nabiga (scw) wuuna ii yeeray waxaana iri labbayka yaa rasuulallaah wuxuu igu yiri yaad ka tirsantahay? Waxaan ku iri waxaan ka tirsanahay jamaacadaada wuxuu yiri ii soo dhowaaw waan u dhowaaday wuxuu soo qaatay candhuuftiisa markaasaan afkayga kala furay wuxuu marmariyay candhuuftiisii carrabkayga, bushimahayga iyo afkayga wuxuuna yiri allaha kuu barakeeyo candhuuftayda shaafici wuxuu yiri markaas ka dib xadiith iyo wax kale midna igama khaldamin. wariye Xaafith la-Bayhaqi.

Rabiic binu-sulaymaan wuxuu maqlay shaafici oo leh anoo jooga bagdaad ayaan waxaan ku riyooday sayid Cali binu Abii Daalib oo soo fariistay agtayda markaasuu siibay faraatigiisii dabadeedna wuxuu geliyay gacantayda nin cabiraa ah ayaan u tegay wuxuuna yiri qorrax ka soo bax iyo qorrax u dhac meeshii Sayid Cali lugu xuso adna waa lugugu xusayaah wariye Muxammad binul Xusayn al-Ansaariyi.

Rabiic binu Sulaymaan wuxuu Shaafici ka maqlay waxaan ku riyooday asagoo qof ii yimid markaasuu qaatay kutubtaydii wuxuuna ku firdhiyay hawada markaasay kala biday waxaan uga qiseeyay riyadaas nin riyada fasirah wuxuuna yiri majirto meel muslim joogo oon cilmigaagu gaarayn. wariye Zakariyaa al-Saajii.

13| Xadiith Nabiga (scw) oo lagu fasiray Shaafici

Waxaa nabiga (scw) laga wariyay  xadiith macnihiisu yahay ilaahay wuxuu umadaan usoo bixiyaa boqolkii sanaba qof diintooda u cusbooneeya ama barah wariye abuu-Daawuud, Xaakim, Bayhaqi iyo Xaafid al-Khadiib. Warin kale wuxuu yiri nabigu (scw) xadiith macnihiisu yahay ilaahow hanuuni quraysh maxaa yeelay caalimkooda cilmigiisu wuxuu kala gaarayaa dhulka oo dhan ilaahow waxaad dhadhansiisay qurayshtii hore ciqaab ee dhadhansii qurayshta dambe deeq. wariye Xaafid abuu Yaclaa.

Xaafith Inbu Xajar al-Casqalaani iyo Xaafith al-Bayhaqi waxay sheegeen in xadiith kaani xoog leeyahay. Culama badan ayaa ku fasirtay axaadiithtaas imaamu Shaafici. Imaamu Axmad binu Xambal wuxuu yiri boqolkii sano ee hore waxaa ilaahay ku galadaystay umadaan Cumar binu Cabdil Caziiz boqolkii labaadna waxaa ilaahay ku galadaystay imaamu Shaafici, wariye Xaafith abuu Bakar al-Bazaar.

Imaamu Axmad wuxuu yiri hadii mas’ala la yweydiiyo oonan u hayn daliil waxaan ku jawaabaa sidii Shaafici ku jawaabay waayo Shaafici waa imaam caalim ah oo reer quraysh ah waxaana nabiga (scw) laga wariyay xadiith macnihiisu yahay caalimka reer quraysh wuxuu cilmigiisu buuxinayaa dhulka oo dhan. wariye Xaafith al-Bayhaqi. Xaafith abuu Naciim al-Jarjaani asna wuxuu sheegay axaadiithtaas in loola jeedo imaamu Shaafici dhamaantood alaha karaali noqdo una naxariisto aamiin.