Taariikhda
Sheekh Muxammad
Bin C/wahaab

Al-Imaam:
Muxammad bin Cabdul-Wahaab
bin Suleymaan Al-Tamiimiyi

Waxaa qore:
Maxamad Cusmaan Aadam

Hordhac |Q. 1aad |Q. 2aad |Q. 3aad |Q. 4aad |Q. 5aad |
Q.
 6aad |Q. 7aad |Q. 8aad

Decorative Lines

Taariikh Sheekh Maxammad
Bin Cadul-Wahaab

Halgankiisii iyo raadkii uu reebay
1115-1206H (1703-1792)

 Qaybta |5aad

Marxaladihii Halganka iyo Mirihiisii

  • Marxaladihii halganka
  • Kutubtii Sheekhu qoray
  • Ardaydiisii iyo awlaaddiisii
  • Dawladihii Sacuudiga
  • Raadkii uu ku yeeshay dibadda jaziiradda carbeed.

Marxaladihii Dacwada

Culimadii ka taariikhaysay halgankii sheekh Maxamed bin C/wahaab waxaa ay u qaybiyeen marxaladihii uusoo maray, afar qaybood oo u kala habaysan sidan soo socota:

  1. Baaqiisii xilligii uu cilmiga baranayey
  2. Xureymala joogay
  3. Cuyeyna joogay
  4. Dirciya degay.

Marxaladda koowaad: 
Xilligii Waxbarashada

Marxaladdan waxaa sheekhu dareemay baahida dacwada loo qabo iyo inay daruuri u tahay nolosha dadka, maadaama ay faafsan yihiin wax badan oo diinta garab marsan. Waxaa uu markaa bilaabay in uu dadka ku baraarujiyo gefafka ay samaynayaan ee caqiido iyo cibaado iyo akhlaaq intaba ku saabsan. Marxaladdani waxaa ay ka bilaabmaysaa markii sheekhu tacliintiisa ka bilaabay Maka iyo Madiina ilaa uu soo maray Cuyeyna, Basra, Axsaa, waxayna ku dhammaanaysaa imaanshihiisii Xureymala.

Muuqaalladii Marxaladdani Lahayd:

Waxaynu marxaladdan ka dheehanaynaa waxyaabahan kala ah:

  • Sidii sheekhu u haleelay xaaladda liidata ee ummaddu ku jirto, iyo sida uu uga xumaaday waaqicaas ugana dhiidhiyey fekerkiisana ugu mashquuliyey inuu wax ka qabto.

____________________________________
1 Waxaad ugu noqotaa marxaladaha dacwada Aldacwa Alislaaxiya:171-178

  • Wada-sheekaysiga uu macallimiintiisa kala yeeshay arrimahan, gaar ahaan markii uu Madiina joogay.
  • Isaga oo muslimiinta qaarkood ku baraarujinayey khaladaadka ay samaynayeen gaar ahaan caqiidada.
  • Isaga oo shiicada ku diidi jiray khaladaadka ay Basra ku samayn jireen, waxyaabaha ay daliilka ka dhigtaanna burin jiray kana jawaabi jiray, waana arrintii sababtay in Basra laga soo saaro.

Marxaladdii Labaad:
Xureymala

Waxaa ay ka bilaabmaysaa markii sheekhu kasoo noqday safarkiisii dheeraa ee uu ku bixiyey barashada cilmiga, kaasoo qaatay 16 sannadood qiyaastii, waxaa ayna ku egtahay ka bixiddiisii Xureymala markii uu ka badbaaday shirqoolkii addoonta.

Muuqaalladii Marxaladdan:

  • Iyada oo sheekhu ka dhiirranaa sidii uu ahaa ardaynimadiisii.
  • Isaga oo si guud dadka ugu boorrinayey inay diinta ku dhaqmaan.
  • Isaga oo durayey garsoorayaasha lacagta ku qaata kala xukumidda dadka, laaluushna arrintaa u arkayey.

Markii uu intaa sameeyey ayaa aabbihii lagu dacweeyey, kaddib waxaa uu bilaabay hawlahan kale:

  • Waxaa uu samaystay xer isaga si gaar ah ugu xiran oo cilmiga ka barata
  • Aabihii ayaa isla mararkaa dhintay markaana waxaa uu soo saaray kitaabkiisa Altawxiid la yiraahdo.

Markii Aabbihii dhintay Xureymala kuma soo harin cid cilmi sheegata oo isaga isku dhererin karta, ummaddiina waa ay raacday, iyagoo ka arkayey tilmaamo lagu dayan karo oo ka muuqday. Baaqiisii ayuu sii xoojiyey dadkuna mar walba waa kusoo hiranayey, wuxuuse uga tagay magaalada maamul xumadii ka jirtay iyo fawdadii ku baahsanayd.

Marxaladdii saddexaad:
Cuyeyna

Sheekhu Cuyeyna ayuu gaaray qiyaastii 1154tii hijriyada, amiirkii magaaladuna waa soo dhaweeyey, horay ayuuna ugu xirnaa sheekha, waa uu maamuusay taageerana waa u ballanqaaday, dadkii uu u talinayeyna wuxuu amar ku siiyey inay sheekha garab istaagaan, kheyrka uu sheegayana qaataan.

Muuqaalladii Marxaladdan:

  • Dadka dacwada u heellan oo reer Cuyeyna ah oo kordhay.
  • Iyada oo duruus dad badani ka faaiidaystaan la sameeyey.
  • Waxyaabihii dadku ku fitnaysnaayeen sida: qabuuraha, dhirta i.w.m oo la dumiyey.
  • Iyadoo dadka la waaninayey, kuwii basar xumo ku kacana la edbinayey.
  • Ciqaabaha sharciga qaarkood oo la fuliyey oo ay ugu weynayd haweentii dhagaxa lagu dilay.
  • Rag ducaad ah oo loo kala diray hareeraha Cuyeyna si ay dadka ugu sharxaan xaqiiqda jirta.
  • Culimada iyo madaxda Cuyeyna ka baxsan oo warqado iyo baaqyo loo kala diray.
  • Iyada oo marxaladdani saamaysay dad magac iyo maamuus ku lahaa magaalooyinkii deriska la ahaa Cuyeyna, sida ilma Sacuud: Mashaari iyo Thaniyaan iyo wiilkii amiir Maxamed bin Sacuud uu dhalay ee dhaxal sugaha ahaa iyo weliba haweentii amiirka.

Marxaladdani waxaa ay ku egtahay ka bixiddii sheekhu Cuyeyna ka baxay, waa aynuna soo sheegnay sababtii keentay.

Marxaladdii Afaraad: Dirciya

Waxaa ay ka bilaabmaysaa markii sheekhu soo gaaray isaga oo laga soo saaray magaaladii uu ku dhashay. Marxaladdani waa tii halganku biya-dhigay, waana marxaladda ugu ballaaran uguna miro badnayd. Waa marxaladdii guusha, waa markii ugu horraysay ee la aasaasay dawladda Sacuudiga, wax kasta oo suuroobi karana waa la adeegsaday marxaladdan. Marxaladdan dacwadu waxaa ay isku darsatay: Aragti iyo dhaqangelin, culimo iyo madax, deegaan iyo shacab.

Xikmaddii ku jirtay ku tiirsanaanta awoodihii jiray:

Waxaa iswaydiin mudan maxaa sheekhu marba isugu bandhigayey awoodihii jiray ee qabaailka? Muxuu ardaydiisa iyo inta raacda kacdoon ugu abuuri waayey sida dadka qaarkoodba sameeyaan ha guuleysto ama ha jabee?! Jawaabtu waxaa ay tahay: qofka ku baaqaya wax dadka badankiisu ku khilaafsan yihiin, wuxuu u baahan yahay garab iyo gaashaan adag, si uu naftiisana ugu nabad galo, hadafkiisana uga mira dhaliyo.

Tusaale waxaa inoogu filan nabi Muxammad sallalaahu calayhi wasallama markii uu Maka joogay, immisa qabiil ayuu isu bandhigay xilliyadii ay xajka imanayeen?! isaga oo oran jiray: ” Ma jirtaa cid I qaadaysa oo tolkood I dhex geynaysa, Qureyshi way I diidday inaan hadalka Rabbigay dadka gaarsiiyee?” [1]

Alle waxaa uu Nabigiisa ku beegay qabiil adag oo ballan qaaday inay ka difaacayaan cid kasta oo ay naftooda iyo caruurtooda iyo ehelkoodaba ka difaaci lahaayeen, qolodaasi waa Ansaar, Alle iyagana sharaf ayuu siiyey adduun iyo aakhiraba, nabiguna garab iyo gaashaan ayuu helay, sidaa ayuuna ku gutay xilkiisii.

Waxaad halkaa ka arkaysaa in meesha nabi Muxammad oo Alle ilaalinayey uu hiil iyo garab uga baahday in cid kasta oo kalena uga sii baahi badan tahay.

Mirihii heshiiskii taariikhiga ahaa:

Heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhex maray imaamka iyo amiirka, waxaa laga dhaxlay faaiidooyin aad u waaweyn, waxaan kasoo qaadan karnaa:

___________________________
1 Siirada nabiga ee ibnu kathiir:1/437

  1. kaalinta heshiisku ka qaatay faafidda diinta Alle oo ka saafi ah: barax, bidco, khuraafaad dhankastaba leh.
  2. Manhajkii ahlusunnaha oo lasoo nooleeyey iyo in lagu daydo salafkii suubbanaa.
  3. Iyadoo la dhigay dhagaxii ugu horreeyey ee lagu istaajiyo dawlad carbeed oo xoogan oo diin ku dhisan, jaziiradda dhexdeedana ka curatay.
  4. Axkaamtii kutubta ku taallay oo la dhaqan geliyey cibaado iyo mucaamalaadba, astaamihii diintuna meel walba ka muuqdeen.
  5. Dhaqdhaqaaq cilmi oo xoogan oo ku beermay Najdi iyadoo ka dhalatay duruustii badnayd ee sheekhu bixinayey iyo culimadii kale ee kusoo hiratay waagan baryey.
  6. Xasillooni, amni iyo midnimo saamaysay gebi ahaanba jaziiradda.
  7. Muslimiintii dunida ku nooleyd kuwo dhawaa iyo kuwo fogaaba oo loo bandhigay baaqii sheekha.
  8. Iyaga oo ku midoobay hal manhaj iyo hal nidaam, markii horena beelbeel iyo tuulo tuulo u kala tagsanaa, manhaj diineed iyo mid adduunyo midnaba aan ku midaysnayn.
  9. Iyadoo ay Najdi dunida ka caanbaxday noqotayna meel tilmaaman, halkii markii hore ay ka ahayd meel aasan oo liidatay.

Iyo raadadka aynu si faahfaahsan ugu sheegayno qoraalkeenna soo socda: Intaa ayeynu ka xusi karnaa kuwii ugu waaweynaa mirihii ka dhashay heshiiskii dhex maray Imaam Muxammad bin C/wahaab iyo amiir Muxammad bin Sacuud, labadaba Alle naxariis badan ha siiyee.

Mirihii Halganka

Qaybta koowaad: Kutubtii Sheekha [1]

Sheekhu intii uu dadka diinta ugu yeerayey tabihii uu adeegsanayey iyo qaabkii uu dadka diinta ku fahamsiinayey waxa ka mid ahaa inuu qoro kutub, kuwo yaryar iyo kuwo waaweyn intaba, isagoo tixgelinayey dhammaan heerarka bulshada. Kutubtiisu badanaa dhinacyada kala duwan ee diinta way khuseeyeen, sida Tafsiirka quraanka, xadiiska, fiqhiga, siirada, iyo caqiidada oo ugu badnayd kutubtiisii, maadaama ay ahayd baahida ugu weyn ahna shayga ugu mudan in wax walba laga hormariyo.

Sheekhu kutubtiisa wuxuu u qoray qaab fudud oo ay fahmayso dhammaan ciddii akhrisataa, wuuna ka fogaaday eray-bixinta falsafadda iyo waxa loogu yeero “mandiqa giriiga” oo ku batay hannaankii loo qori jiray kutubtii culimadii danbe, gaar ahaan kuwii caqiidada ku saabsanaa, wuxuuna ku ekaysan jiray aayadaha quraanka iyo axaadiista nabiga iyo sharrixii saxaabada iyo taabiciinta laga weriyey.

Kutubtiisu saamayn weyn ayey ku lahayd dadkii wakhtigiisii noolaa iyo kadibba, wuxuu isku dayey sidii magnadkii inuu dadka ugu soo jiito taana in badan ayaa u meel martay, waxaynu soo sheegnay in C/casiis bin Muxamad bin sacuud oo ahaa wiilkii uu dhalay aasaasihii dawladdii sacuudiga ee koowaad iyo hooyadiiba ay sheekha ku xirnaayeen xilligii uu Cuyeyna joogay ayna akhristeen kutubtiisa qaar ka mid ah ayna ku qanceen, taasina ay sababtay inay sheekha ku garab istaagaan degiddiisii Dirciya iyo in taageero weyn loo fidiyo dawladduna hiil iyo hooba siiso.

____________________________________
1 Muxammad bin C/wahaab muslixun madluumun wa muftaraa calayhi:161-171

Kutubtiisa kuwii ugu waaweynaa uguna caansanaa:

1: Kitaabka Tawxiidka: Waa kitaabka ugu caansan kutubta sheekha, ahna kii ugu horreeyey wax uu qoro.

Wuxuu kitaabkan kaga hadlay xaqiiqda tawxiidka, fadligiisa, in la dhowro, shirkiga iyo khatartiisa, noocyadiisa, waddooyinka qofka ku ridi kara i.w.m Qayb walba oo kitaabkan ka mid ah wuxuu kusoo uruuriyey aayado iyo axaadiis mawduuca khusaysa iyo weliba mararka qaar sharraxaaddii saxaabada iyo taabiciinta, kadibna wuxuu tilmaamayey waxyaabaha laga faaiidaysano adilladaas. Kitaabkani sharraxyo badan ayuu leeyahay waxaa ugu caansan kitaabka loo yaqaan: “Fatxul majiid” oo uu qoray wiilkii uu awowga u ahaa: C/raxmaan bin Xasan Aala-Sheekh.

2: Kashfu shubahaat: Wuxuu kaga hadlay shubhooyinka laga yaabo inay cuskadaan dadka doonayey inay ku nagaadaan dhaqammadii xumaa ee ay samaysteen ee ahaa ku xirnaanshaha cid aan Alle ahayn oo dhib iyo dheef laga rajeeyo, ama uqiil-dayidda shirkiga iyo qubuurinimada.

3: Al-usuul al-thalaatha: (asallada saddexda ah), wuxuu kaga hadlay barashada Alle, barashada Diinta islaamka iyo barashada Nabiga sallalaahu calayhi wasallama. oo ah saddexda suaalood ee qofka qabriga lagu weydiinayo, waa kitaab yar oo kooban balse macne weyn ku dhisan.

4: Shuruudda Salaadda iyo Tiirarkeeda: Waa kitaab fiqhi ah kuna dhisan mad-habtii sheekha ee xanbaliyada.

5: Qawaacidda afarta ah: Waa kitaab tawxiidka ku saabsan.

6: Asallada Iimaanka.

7: Fadliga islaamka: Wuxuu ku sheegay shuruudda islaamka, dhibaatooyinka shirkiga iyo bidcada.

8: Kitaabka kabaairta: Danbiyada waaweyn iyo adillada ku timid ayuu kaga hadlay.

9: Nasiixada muslimiinta: Waa kitaab uu ku kulmiyey axaadiis ku saabsan dhammaan qaybaha diinta.

10: Lix meelood oo siirada ka mid ah: Wuxuu ku xusay:

  • Bilawgii waxyiga
  • Baridda tawxiidka iyo raddinta gaalada.
  • Qisadii qaraaniiqda. (waa qiso aan sugnayn oo kutubta qaarkood lagu soo arooriyo iyadoo ay dulucdeedu tahay nabiga oo akhrinaya Suuradda Alnajmi, ayaa shaydaan u dhexgeliyey hadal gaaladu ku faraxday markaa ayey yiraahdeen Alleylehe Muxammad maanta ilaahyadeennii si sharaf leh ayuu u xusay).
  • Gabagabadii Abuudaalib. (diintii uu ku dhintay noocii ay ahayd).
  • Waxtarka hijrada iyo waanada ku sugan.
  • Qisadii riddada, kaddib markii nabigu dhintay.

11: Tafsiirka Faatixada.

12: Dhaqammadii Jaahiliyada: wuxuu ku sheegay 131 waxyaabood oo nabigu sallalaahu calayhi wasallama ku khilaafay dhaqankii iyo caqiidadii jaahiliyada.

13: Tafsiirka kalmadda tawxiidka.

14: Tafsiir suuradaha qaarkood ah.

15: Siiradii nabiga sallalaahu calayhi wasallama (waa kitaab dhammaystiran oo siiradii nabiga sallalaahu calayhi wasallama ka hadlaya).

16: Hanuunkii nabiga: waa kitaab uu kasoo gaabiyey kitaabka ibnu Qayim ee loo yaqaan “Zaad Almacaad fii hadyi kheyr Alcibaad”.

17: Aadaabta marka salaadda loo socdo.

18: Fadliga quraanka.

19: Axaadiista fitnada.

20: Soo koobidda Fatxul-baari (sharraxa Bukhaari ee uu qoray Xaafid Ibnu Xajar Alcasqalaani).

21: Waraaqihii Shakhsiyadeed ee sheekha. (waa kitaab lagu uruuriyey warqadihii ay is dhaafsadeen isaga iyo dad uu xiriir dhex-maray).

Kuwaa ayaa ugu waaweyn dhaxalkii sheekhu ka tagay, kutub waaweyn oo la isugu geeyey kutubtiisii iyo raadkiisii cilmiyeed oo dhanna waa jiraan.

Qayb ka mid ah waraaqihii sheekhu u kala diray meelo kala duwan

Warqadaha sheekhu aad ayey u badnaayeen, maadaama uu xilli dheer halganka ku jiray, wuxuuna bilaabay xilligii uu joogay Cuyeyna. Wuxuu u kala diri jiray dad ay isyaqaanneen oo culimo iyo hogaamiyayaal ah isagoo ugu baaqayey inay xaqa la arkaan una istaagaan, xumaantana ka dhiidhiyaan;

Waxaa kale oo uu u diri jiray dad suaalo soo weydiin jiray ha ahaato kuwo diini ah, ama inay ogaadaan xogta dhabta ah ee baaqiisu ku saabsan yahay ama iyagoo hubsanaya dacaayadaha qaarkood ee sheekha laga faafiyey inay run yihiin iyo in kale.

Waxa warqadihiisu u badanyihiin arintii udub dhexaadka u ahayd baaqiisa ee ah hufidda tawxiidka iyo ka fogaanshaha shirkiga iyo dhaqammada xunxun ee jaahiliyada. Waxaynu halkan ku xusaynaa haddii Alle idmo saddex warqadood oo tusaale u ah kuwii kale ee sheekhu diri jiray aynu aragno sheekha iyo sidii uu u hadli jiray:

Warqadda koowaad

Wuxuu u diray nin la oran jiray Faadil Aalamaziid oo xukumayey baadiyaha Shaam.[1]

Ka: Maxamed bin C/wahaab
Ku: Sheekh Faadil Aalamaziid:
‘’Alle ha u siyaadiyo iimaan, hana ka badbaadiyo gujinta shaydaanka. ‘’

Intaa kadib: Sababta aan kuugu soo qoray waxay tahay in Rashiid bin Carbaan uu nooga kaa sheegay hadal wanaagsan oo qalbigu ku farxo;

Wuxuu noo sheegay inaad doonaysid inaan warqad kuusoo qoro oo ay sabab u tahay hadalka colleytanka, beenta iyo xasaradda ah ee nalaga sheego, sidaasina waa sida waajibka ku ah dadka adigoo kale ah: inuusan aqbalin hadal aan la hubin. Laba arrimood ayaan kuu sheegayaa inta aanan tilmaanta diinta kuu sheegin;

Midka koowaad: dadka I khilaafsan waxaan u sheegaa inay waajib ku tahay raacidda dardaarankii nabigu sallalaahu calayhi wasallama u dardaardmay ummadiisa, waxaanan iraahdaa kutubtii waa ay idin agtaallaa ee eega, hadalkayga waxba haka qaadanina, haddii aad garataan hadalkii rasuulka sallalaahu calayhi wasallama ee kutubtiina ku yaal raaca haba khilaafee dadka badankiisu!

Midda labaad: arrinkan ay igu inkireen dartiina iila colloobeen haddii ay weydiiyaan caalim walba oo jooga Shaam ama Yeman ama cid kale waxa uu oranayaa: kani waa xaq waana diintii Alle iyo Rasuulkiisa, balse ma awoodo inaan carrigayga ku muujiyo! Maxaa yeelay? Dawladdu kama raalli noqonayso!

Ina C/wahaabse waxaa u saamaxay inuu muujiyo amiirka magaaladiisa ayaan diidanayn, oo xaqa markii uu gartay ayuuba raacay!! Sidaa ayaa hadalka culimada ah, waxaanan filayaa in hadalkoodu kusoo gaaray. Adiga ayaa ka fekeraya arrinta koowaad ee ah: hadalkayga ha raacina, hana raacina waxaan hadalka Alle iyo rasuulkiisa ahayn ee kutubta ku yaal. Arrinka labaadna adaa ka fekeraya ee ah: in caaqil walbaa garanayo balse uusan awoodi karin muujintiisa;

_________________________________
1 Dhamman warqadahani waxay ku yaallaan Qaybta shanaad ee ka mid ah kutubtii sheekha ee ay isku uruurisay Jaamicadda Imaam Muxammad bin Sacuud ee Riyaad ku taal.:( Rasaail Alshakhsiyah):(31)

U hormari naftaada wixii ku badbaadinaya, ogoowna in uusan ku badbaadinayn waxaan rasuulka raaciddiisa ahayn sallalaahu calayhi wasallama, adduunku wuu idlaanayaa, jannada iyo naartase qofka caqli leh uma habboona inuu illaawo. Muuqaalka arrinta ee saxda ah waxa weeye: inaan leeyahay looma yeeran karo cid aan Alle ahayn, kaligii ah oo aysan cid kale wax la wadaagin,

Sidii Alle yiri:

Surat Al-Jinn 18

‘’Alle la jirkiisa ha u yeeranina qofna.” [Surat Al-Jinn 18]

Nabiga arrintiisana uu ka yiri:

Xadiith 01

Dheh idiin ma hanan karo dhib iyo wanaag toona.”

Kani waa hadalkii Alle oo rasuulku sallalaahu calayhi wasallama inoo sheegay, inoona dardaarmay, dadkana uu ka reebay inaysan ka tegin. Markii aan u sheegay in maqaamyadan (qabuuraha la weyneeyo) ku yaalla Shaam, labada xaram iyo meelo kaleba ay garab marsanyihiin diintii Alle iyo rasuulkiisa, dadka suubban oo la baryo iyagana la qabsadaa ay tahay shirki Alle loo sameeyey oo Allaahna ka yiri:

Ayah Surat An-Nisaa

 ‘’Ciddii Alle wax la wadaajisa Alle jannadiisa waa ka xarrimay hoygiisuna waa naarta.”

Markii aan sidaa muujiyey ayey inkireen uuna ku weynaaday, waxay yiraahdeen: ma waxaad naga dhigtay Mushrikiin! Arrinkani ma aha la wadaajin!!

Kani waa hadalkoodii, kan kalena waa hadalkaygii, Alle ayaanan u tiirinayaa, kan ayaana ah midka ani iyo iyaga noo dhexeeya; Haddii la iga sheego wax sidaa ka duwan waa been iyo hal aan jirin. Waxa hadalkayga rumaynaya waxa weeye: In caalimku uusan kari Karin muujintiisa, xitaa culimada Shaam waxa ka mid ah kuwo leh waxani waa xaq, balse ma muujinayo qof dawladda la dirirsan mooyee! Adiguse ilaah mahaddii cid aan Alle ahayn kama baqaysid, waxaan Alle weydiisanayaa inuu annaga iyo idinkaba nagu hanuuniyo diinta Alle iyo rasuulkiisa, Alle ayaana ogaal badane ah.

Warqadda Labaad

Waa mid guud1

Ka: Maxammed C/wahaab
Ku: Ciddii ay gaarto ee Muslimiin ah Intaa kadib:

Waxa la idiin sheegay ee ah in aan si guud wax u gaalaysiiyo waa been abuurka cadawga; Sidoo kale oraahdooda ah inaan leeyahay:

Qofkii diinta Alle iyo rasuulkiisa raaca isaga oo degan beledkiisa kuma filna inuu aniga ii yimaaddo mooyee..!!

Taasina sidoo kale waa been abuur.

Dantu waa in la raaco diinta Alle iyo rasuulkiisa meeshii la doono hala joogee; Balse waan gaalaysiinayaa qofkii qira diinta Alle iyo rasuulkiisa, kaddibna la collooba dadkana ka horjoogsada; Sidoo kale qofkii asnaamta caabuda kaddib markii uu gartay inay diintii gaalada tahay, dadkana u qurxiya, kaas weeye midka aan gaalaysiinayo, caalim kasta oo dunida saaranna kuwaa wuu gaalaysiinayaa, qof madax adag ama jaahil ah moyee.

Allaah ayaa cilmi badane ah.

_________________________
1 Rasaail Alshakhsiya:(57)

Warqadda saddexaad:

Waa jawaab ku socota sheekh Yemani ah oo warqad usoo diray.

Warqaddii sheekha yemaniga ah:1

Ka: Ismaaciil Aljaraaci
Ku: Midka Alle waafajiyey: Maxamed C/wahaab.

Intaa kaddib:

Waxaa dadku iiga kaa sheegeen kuwo aan rumaysanayo iyo kuwo aanan rumaysanaynba; Dadku arrintiinna waa ku kala qaybsan yahay: kuwo idin amaanaya iyo kuwo idin dhaleecaynaya intaba.  Waxaa iga kaa faraxgeliyey ku toosnaantaada shareecada wakhtiga aakhiru zamanka ah, islaamkuna hiil yaryahay, adigoo dadka ugu yeeraya, tiirarkiisana toosinaya.

Allaha isaga mooyee cid kale aysan jirin ayaan ku dhaartaye, iyada oo ay jirto sida aanu tolkeen ka dhexnahay haddana ma kari karno waxa aad karaysid ee xaqa caddayntiisa ah! Iyo muujinta daawada.

Kuwa aanan rumaysanayn warkooda ayaa leh inaad si guud wax u gaalaysiinayso! dadka suubanna aadan rabin!! Kutubtii danbana aadan cuskanayn!!! Adigu ii sheeg iigana runsheeg waxa aad ku sugantahay iyo waxa aad ku baaqayso, si warkaaga iyo jacaylkaaguba agteenna ugu sugnaado.

__________________________
1 Rasaail Alshakhsiya:(99)

Jawaabtii Sheekha

Ka: Maxamed C/wahaab
Ku: Ismaaciil Al-Jaraaci
‘’Assalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu.’’

Intaa kaddib:

Waxa aad na weydiisay Allaha isaga mooyee cid kale aysan jirin iyo rabbi isaga aan ahayne ayaan ku dhaartaye,: cid aan ku dayanno ayaan leennahay, waana rasuullada ammaan iyo nabadgelyo dushooda dhamaantood ha ahaatee. Wixii iyaga iyo tolkood dhexmaray dayasho ayey u yihiin ciddii raacday;

Waxa aad sheegtay ee ku toosnaanta diinta ah: Deeqda Alle ayaa iska leh, nabiguna sallalaahu calayhi wasallama waxa uu yiri: ” Islaamku isaga oo aan la garanayn ayuu bilawday, garasho la’aanna wuu ku noqon doonaa sidii uu ku bilawdayba”.1

Hadalka ah: Inaan si guud wax u gaalaysiinayno:

Waa been abuurka cadawga, kuwaas oo dadka diinta ka duwaya, waxaanan leeyahay:

“Alloow hufnaantaadee kani waa been abuur weyn”.

Dadka suubban miyaa? Wanaagooda ayey ku sugan yihiin Alle haka raalli noqdee, waxaanse leennahay waxba baryada kuma laha,

Allaah waxa uu yiri:

‘’Masaajidda Alle ayaa leh ee cid kale Alle hala baryina.”

Kutubtii culimadii danbe arrinteeda:

Kutubtoodii waan haysannaa, waxaanan kaga dhaqmaynaa wixii kitaabka iyo sunnada waafaqa, wixii aan waafaqinna kuma dhaqmayno.

______________
1 Muslim:372

Ogoow Alle hakuu naxariistee, waxa aan ka diin dhiganayno, dadkana ugu yeerayno waa Alle oo baryada loo keli yeelo, waana raadkii rasuullada,

Allaah waxa uu yiri:

Aayah 01

 ‘’Sheeg nabi muxamadow: markii aanu reer israaiil ballanta adag kaga qaadnay inayan caabudin cid aan Alle ahayn.” [baryaduna waa cibaado].

Eeg Alle hakuu naxariistee waxa dadku dib ka keenay ee ah in cid aan Alle ahayn la baryo! Kutubta ayaad ka dhex helaysaa. Alle ha inaga mid dhigo ani iyo adigaba kuwa sida aragtida cad ah dadka ugu baaqaya.

Sidii Allaahba nabigiisa ku yiri:

Aayah 02

“Dheh tani waa wadadaydii, dadka ayaan ugu yeerayaa xag rabbi si aragti cad ah, ani iyo inta I raacdayba, Allaah ayaa hufane kama mid ahi gaalada.”

Ammaan nabiga dushiisa ha ahaato..!

Dhowrkaa warqadood ee aynu ka xusnay warqadihii sheekha, waxaa ay tusaale u yihiin boqollaalkii waraaqood ee sheekhu u kala dirayey afarta jiho, iyadoo sababuhuna kala duwanaayeen, balse aragtida sheekhu ku salaysnayd caddaynta ujeedadiisa iyo ka jawaabidda suaalaha lasoo weydiinayey.

Qaybta 2aad:
ee mirihiisii ka mid ah

Faraciisii iyo Ardaydiisii [1]

Sheekhu Alle ha u naxariistee konton sano ka badan ayuu ku mashquulsanaa macallinnimo iyo wacyigelin, ardaydii muddadaa ka aflaxday qalinna laguma koobi karo, afna lagama sheegi karo, maxaa yeelay Dirciya waxay noqotay faynuus meel saxare ah ka ifiya oo cid walba oo cilmi danaynaysaa kusoo hirato! Dadkii sheekha la joogay kuwo muddo kooban la joogay iyo kuwo in badan agfadhiyey iyo qolooyin waanadiisa iyo wacdigiisa ku ekaysatay intuba waa jireen.

Ardaydiisii kuwii ugu waaweynaa hormoodkana u ahaa halgankiina halkii kasii waday waxaa safka hore kaga jiray wiilashiisii iyo wixii kasii farcamay. Waa nicmo aad u weyn in ubadkaagu diinta iyo caqiidada suubban kaa dhaxlaan, isla markaana dadka ku hogaamiyaan, waxyaabaha qofku Alle agtiisa darajo sare kaga helayo ayeyna ka mid tahay.

Aynu soo qaadanno qayb ka mid ah caruurtiisii ka aflaxday iyo kuwo kaleba:

Wuxuu ahaa garsoorihii Dirciya, sheekha booskiisiina isaga ayaa fariistay markii uu dhintay waana curadkii sheekha, wuxuu dhintay 1224H.

  1. Xuseen bin Muxammad bin C/wahaab:
  2. C/laahi bin muxammad bin c/wahaab: Darajada labaad ayuu joogay walaalkii xuseen kadib, .
  3. Cali bin Muxamad bin C/wahaab Caalim Saahid ah ayuu ahaa, oo xalaal quute ah, kuna xeeldheer fiqhiga iyo tafsiirka.
  4. Ibraahim bin sheekh Muxammad Isna wuxuu ahaa caalim Faafinta cilmiga u goay. Taariikhyahanka ibnu Bishri isagoo ka hadlaya afartan caalim wuxuu yiri: “Afartaa waxaa laga siiyey cilmiga wax ay asaagood kaga hormareen, mid kastaana gurigiisa agtiisa ayuu ku lahaa madraso ay joogeen arday ka timid jihooyin kale, iyagana cilmiga ka qaata xilli walba, nolosha ardayduna dawladda ayey saarnayd”.

Masjid jaamica Dirciya ayuu cilmiga ka akhrin jiray, huwantii Turkiga ayaa u qafaashay Masar halkaa ayuuna ku dhintay. Waa sheekha dhammaystiray kitaabka siirada ee aabbihii qoray, waana waalidka dhalay caalimkii weynaa Suleymaan bin C/laahi aalasheekh oo turkiyiintu cadcad u googooyeen!!

_______________________________________
1 Muxammad bin C/wahaab muslixun madluumun muftaraa calayhi:71-81, Aldacwah Al-islaaxiyah:95

Waxaa kale oo ardaydiisii ka mid ahaa: C/casiis Alcariini. Xamad Alxuseyn, Axmed bin Macmar, Axmed bin Suweylim, xuseyn bin qannaam, Saciid bin Xaji, amiir C/casiis bin Sacuud, amiir Sacuud bin C/casiis, C/casiis bin xasiin (sheekhan danbe wuxuu hogaamin jiray wafdiyada culimada ee ashraafta Maka lasoo geli jiray dood cilmiyeedda). Iyo kuwo kale oo badan.

Qaybta saddexaad ee mirihiisii ka mid ah Dawladihii Sacuudiga.

  • Dawladdii sacuudiga ee koowaad.
  • Dawladdii Sacuudiga ee labaad.
  • Dawladdii sacuudiga ee saddexaad.

Bilawgii sacuudiyiinta
Iyo isballaarintoodii

Dawladda sacuudigu waxaa ay ka mid ahayd mirihii ugu waaweynaa ee ka dhashay halgankii Sheekh Maxamed bin C/wahaab, maadaama ay tahay arrin ka hadalkeedu gudaweyn yahay ayeynu ugu tala galnay qayb gaar ah in lagu xuso. Waxaa ay soo martay marxalado saddex ah oo mid walbaaba taariikhdeeda iyo astaamaheeda u gaarka ah lahayd.

 Waxaana loo kala qaybiyaa sidatan:

  1. dawladdii sacuudiga ee koowaad
  2. dawladdii sacuudiga ee labaad
  3. dawladdii sacuudiga ee saddexaad

Mid walbana waxaa aynu uga hadlaynaa insha Allaah si gaar ah oo kooban.

Dawladdii Sacuudiga ee koowaad1: 1139-1234H, (1746-1818 Miilaadiga).

Dawladdan waxaa isaga danbeeyey afar ammiir oo kala ah:

  1. Maxamed bin Sacuud,
  2. Wiilkiisa C/casiis,
  3. Wiilka uusii dhalay ee Sacuud iyo
  4. Wiilka uu sii dhalay ee C/laahi.

Cimrigeedu waxaa uu ahaa 95 sano oo u dhaxaysay 1139H oo ah markii amiir Maxamed xilka loo caleema saaray, waxaa ayna ku egtahay 1234H oo ah markii cusmaaniyiintu rideen. Haddiise laga soo bilaabo markii Sh Maxamed iyo Amiir Maxamed heshiiska wada galeen oo ahayd 1157H cimrigeedu waxaa uu noqonayaa 77 sannadood.

____________________________________
1 Dawladdi sacuudiga ee koowaad ka fiiri: Muxamad bin c/wahaab muslixun madluumun wa muftaraa calayhi:91-155, taariikhdii boqortooyada sacuudiga DrCuthaymiin 1/80, taariikhu bilaadi sacuudiyah: Dr Cijlaani:1/34, Aldacwah-alislaaxiya:193-213

Amiirkii koowaad

Maxamed bin Sacuud

Waxaa uu dhashay 1109H waxaa uuna dhintay 1179H oo ku beegan 1690-1765 miilaadiga.

Tilmaamihiisii:

Wuxuu ahaa nin lagu yaqaanno kasmo, kheyr-jacayl, geesinnimo, dhiirranaan iyo gobannimo. Waa amiirkii heshiiskii geesinimada ahaa la galay Sh Maxamed bin C/wahaab una babac dhigay weerar kasta oo jasiiradda gudaheeda iyo dibadeedaba kaga yimaadda.

Waxqabadkiisii iyo waxyaabihii xilligiisii dhacay:

Intii amiirkani xilka hayey Dirciya waa buux dhaaftay, iyadoo ay isugu yimaaddeen dad badan oo isugu jiray arday iyo qaar kale oo doonayey inay sheekha la kulmaan oo ogaadaan waxa baaqiisu yahay, wafdiyo aan kala go’ lahayn ayaa iyaguna magaalada imanayey. Amiirro magaalooyin kale xukumayey ayaa aqbalay baaqii sheekha, waxaana ka mid ahaa amiirkii xukumayey magaaladii sheekha laga soo saaray ee Cuyeyna waa Cusmaan bin Macmar.

Dagaallo ayaa dhex maray reer Dirciya iyo deegaanno kale, inta badanna reer Dirciya ayaa guushu raacaysay, waxaa xukunkooda hoosyimid Xureymala, Jabiilla, Sulfa, Kharas iyo kuwo kale oo Najdi ka mid ah.

Waxqabakiisii oo kooban:

  1. Isaga oo ka run sheegay heshiiskii uu sheekha la galay ee ahaa inuu cid walba sheekha ka difaacayo, naf iyo maalna la garab istaagayo.
  2. Aasaaskii dawaladda Sacuudiga, laguna saleeyey shareecada islaamka.
  3. Xeerarkii qabaailka ee sharciga khilaafsanaa oo meesha laga saaray.
  4. Faridda samaha iyo reebidda xumaha oo uu ku dadaalay isagoo fulinayey waajibaadkii diiniga ahaa, dadkana ugu baaqayey, kuna adkaynayey nidaam ahaan.
  5. Isagoo qayb weyn ka qaatay faafinta cilmiga iyo fududeynta barashadiisa, kuna boorrin jiray dadka inay xaadiraan xarunta sheekha, isaguna dadka arrintaa u horkici jiray.
  6. Arrimaha maaliyadda la xiriira oo uu si weyn u nidaamiyey ugana hufay wax kasta oo sharciga khilaafsan, dhanka soo xeraynta iyo bixinta labadaba.

Amiirkani waxaa uu geeriyooday 1179H isagoo da’diisu tahay 70 jir, Alle ha u naxariisto, darajadiisana ha kor yeelo sidii uu diinta u kor yeelay.

Amiirkii labaad

C/casiis bin Muxammad bin Sacuud.

Waxaa uu ku dhashay Dirciya 1133H waxaa uuna dhintay 1218, (1721-1803M) wuxuu xukunka qabtay 1179H. (ma aha c/casiiskii qarnigii 20aad, kaasi waxaa uu inoogu iman doonaa dawladda sacuudiga ee saddexaad oo uu yahay aasaasaheedii).

Amiirkani waxaa uu ka mid ahaa ardaydii sheekh Maxamed kuwoodii waaweynaa, gabdhaha sheekha mid ka mid ahna wuu guursaday, intii uusan sheekhu Dirciya imanna dadkii xiriirka la lahaa ayuu ka mid ahaa.

Tilmaamihiisii:

Wuxuu ahaa nin diinta aad ugu dhegan, samaha fara, xumahana reeba, geesi ah, deeqsi ah, goaan leh, shacabka u garsoora, waxa uu diin u arko aan ka gabban. Muddadii uu xilka hayey oo ahayd 39 sano dhulka sacuudiyiintu ka talinayeen aad ayuu u fiday, jaziiradda carbeed badankeeda iyo weliba gobollo ciraaq ka mid ah ayaa xukunkoodu gaaray, nimankii kasoo horjeeday kuwoodii ugu khatar badnaana waa uu ka takhallusay oo uu ka mid ahaa amiirkii Riyaad.

Mashaakilaadkii Soo Wajahay:

Dawlad ku ekayd degmooyin kooban kaddibna sidaa aynu aragno isu ballaarisay waa la dareemi karaa inayan dhib yaraan iyo raaxo ku fidin. Waxaa dawladdan kasoo horjeeday amiirro badan oo jaziiradda gudaheeda iyo dibadeedaba joogay. Waxaa ugu xoog badnaa uguna darnaa markii Najdi la nadiifiyey kadib: Ashraaftii Maka iyo hareeraheeda ka talin jiray, oo taageero xoog leh ka helayey dawladdii Cusmaaniyiinta ee Turkiga ahayd taasoo cabsi weyn ka qabtay in xukunku ka wareego, carabna dib ugu noqdo.

Xilliyaddii xukunka aabihii ugu danbeeyey ayaa Ashraaftu reer Najdi xajka ka mamnuuceen, iyagoo ka baqayey inay dadka ka fitneeyaan! una meeriyaan caqiidada ay ina C/wahaab kasoo qaateen!!! Balse amiirkan c/casiis markii uu xilka la wareegay hadyad badan oo qaali ah oo isugu jirtay fardo, dahab iyo geel ayuu u diray ashraafta, wuxuuna ka codsaday in xajka loo fasaxo reer Najdi, waa ayna aqbaleen.

Wafdiyo reer Najdi ah ayaa dhowr jeer tagay Maka iyaga oo dood cilmiyeed la galay culimadii reer Maka ee ashraaftu aqoonsanayd, marar la is afgarto iyo marar la kala boodo intuba waa jireen. Geeridii Sheekh Maxamed C/wahaab: Xilligii amiirkan sannadkii 1206H, waxaa la oofsaday imaamkii Muslimiinta, caalimkii Tawxiidka, hogaamiyihii geesiga ahaa, halyeygii adkeysiga badnaa.

Sheekhii islaamka abuu C/laahi Maxamed bin c/wahaab bin Suleymaan Altamiimiyi, magaalada dirciya ayuu ku dhintay laguna aasay, kaddib cimri dheer oo ahaa 91 sano, oo uu ku dhammaystay tacliin, macallinimo, hagaajin umadeed, hogaan diineed, isaga oo indhihiisa ku arkay halka baaqiisii gaaray iyo najdi oo ku noqotay sidii ay ahayd xilligii saxaabada rasuulka.

Xaga saafi ahaanshaha tawxiidka iyo aasmidda shirkiga, naxariis badan Alle ha siiyo sheekh Muxamed, aakhirana haka waraabiyo darka nabiga, dhammanteenna ha inagu soo kulmiyo bandiiradda nabiga hoosteeda. Aamiin. Kaddib heshiiskii waa jabay, dagaallo ba’an oo faraha looga gubtay ayaa dhex maray reer Najdi iyo ashaaftii, waxaa ka mid ahaa dagaalkii Kharma oo dhacay 1212H, reer Maka si weyn ayey ugu hoobteen dagaalladaa, waxaa ayna dalbadeen heshiis waana laga aqbalay, xuduud cusub oo labada maamul u dhaxaysa ayaa la sameeyey.

Dawladdii Turkigu ciidan ayey usoo dirtay ashraafta balse waa la jabiyey sacuudiyiintuna waa ay isa sii ballaariyeen. Sannadkii 1214H ayaa reer Najdi xajiyeen iyadoo uu hogaaminayo dhaxalsugaha Sacuud bin C/casiis iyo ciidan laxaad leh oo uu wato, sannadkii xigayna amiirka ayaa soo xajiyey.

Weerarkii Karbala:

Karbala waa magaalo Ciraaq ku taal oo shiicadu degan tahay, waa halka uu ku aasanyahay Xuseen bin Cali bin abii daalib, shiicaduna halkaa ayey ku weyneeyaan. Intii sacuudiyiintu ku mashquulsanaayeen loolankii ashraafta oo gacanta ku hayey goobaha barakaysan waxaa dhabarjebin xoog lihi kaga imanaysay meelo badan oo dhammaantood ka baqayey dawladdan dhallinta yar iyo xawaaraha ay ku socoto.

Waxaa kuwaa ka mid ahaa: Shiicadii Ciraaq.

Waxaa jiray heshiis ay kala saxiixdeen guddoomiyihii cusmaaniyiinta Ciraaq u joogay iyo reer Sacuud balse masii waarin, taasina waxaa ay keentay in sacuudiyiintu weerar ba’an ku qaadaan Karbala sannadkii 1216H, iyagoo dadka magaaladan degani ay colaad weyn u hayeen waxa ay ugu yeereen: “Wahaabiyada” isla markaana ganacsigooda ay jidgooyo u dhigan jireen. Xasuuq aad u weyn ayaa shiicada loogu geystay Karbala, xoolo nooc walba lehna waa laga soo furtay! Saacado ayeyna reer Najdi ku sugnaayeen magaalada.

Burburkii Heshiiskii Kharma:

Heshiiskii tuuladan lagu gaaray ee dhex maray reer Najdi iyo Ashraafta, 5 sano ayaa lagu dhaqmay, nabadna lagu wada noolaa, balse Shariif Qaalib oo ahaa ninkii heshiiska saxiixay ayaa tuhun kusoo oogay sacuudiyiinta, wada xaajood cusubna wuu bilaabay, balse nasiibkiisa ragii uu wafdiga u dirsaday ayaa kasoo saftay dhankii reer Sacuud oo ku qancay mabda’oodii!!!

Dhinac kale Shariif Qaalib iyo walaalkii C/muciin ayaa khilaaf soo kala dhexgalay, taasoo keentay in C/muciin gurmad weydiisto sacuudiyiinta, sidaa ayeyna fursad ku heleen kuna soo galeen Maka iyagoo xoog kula wareegay

Xijaaz oo dhan sannadkii 1217H, C/muciin ayaana Maka guddoomiye looga dhigay. Reer Najdi sidii dhaqanka u ahayd ahdaaftoodana ka mid ahayd ayey ku dhaqaaqeen burburinta qabuuraha dhisan iyo tirtiridda wax walba oo sharci darro lagu weyneeyo, ama hannaankii sharcigu u sameeyey la weydaariyey.

Dadkii wanaaga ayaa loogu baaqay xumaantiina waa looga digay, dadku afar imaam ayey la kala tukan jireen oo mad-hab kastaa gaarkeeda ayey u tukan jirtay, hal imaam ayaa lagu kulmiyey, canshuurtii iyo xaq darrooyin badanna waa la tirtiray.

Dhacdo naxdin leh..!

Waxaa taariikhyahannada qaarkood weriyeen in amiir Sacuud bin C/casiis u baxay dhinaca Jidda isaga oo dabagalay Shariif Qaalib oo xagaa u baxsaday, balse daacuun carriga ka dhacay dartii uma suuroobin, xijaazna dib ayuu uga noqday, 200 oo askari oo ciidamadiisa ka mid ahaa ayuu Maka kaga tegay waana la gawracay!!

Geeridii amiir C/casiis bin bin Maxamed bin Sacuud.

Amiirku isaga oo dadka tujinaya salaaddii casar oo sujuudsan ayaa nin Ciraaqi ah oo reer Karbala ah mindi laba af leh ku dhuftay! Wuxuuna ka argoosanayey xasuuqii Karbala. (waa dhacdo u eg tii lagu dilay amiirkii mu’miniinta Cumar bin Khaddaab Alle haka raalli noqdee, isagoo salaad ku jira ayaa la dilay! mindi laba af leh ayaa lagu dilay!! Nin ka aargoosanayey boqortooyadoodii majuusiga ahayd ee la dumiyey ayaa dilay!!!).

Alle ha u naxariisto amiir C/casiis bin Muxamed, sannadkii 1218H oo ku beegan 1803 miilaadiga ayaa la dilay, cimrigiisiina wuxuu ku dhammastay halgan dhinacyo badan lahaa, isagoo xukunka hayey 39 sano.

Amiirkii saddexaad

Sacuud bin C/casiis bin Muxammad bin Sacuud.

Wuxuu ku dhashay Dirciya 1161H waxaa dhaxal suge loo magacaabay 1202H, wuxuu dhintay 1229H (1748-1814M) Sheekh Maxamed ayaa awoow xaga hooyo uga ahaa. Waxbarashadiisii Dirciya ayuu ku qaatay, sheekha iyo culimadii kale ee reer Dirciya ayuu ka aflaxay.

Tilmaamihiisii:

Wuxuu ahaa nin cilmiga jecel, kuna caanbaxay codkarnimo, xikmad, geesinnimo, kasmo, siyaasad qotodheer iyo hogaamin ciidan. Xilligii aabbihii isaga ayaa ciidamada hogaamin jiray, magaalooyin badanna furay.

Isballaarintii Dawladda:

Xilligiisii dawladdu waxaa ay gaartay ilaa koonfurta Yeman, dhanka waqooyina ilaa baadiyaha Shaam, galbeedna ilaa badda cas. Khilaafkii u dhexeeyey sacuudiyiinta iyo cusmaaniyiinta halkii ugu sarreysay ayuu gaaray.

Qabashadii xijaaz mar kale:

Waxaynu kusoo xusnay taariikhdii C/casiis bin muxammad, in markii Sacuud oo ciidamada hogaaminayey uu u dhaqaaqay dhinaca Jidda daacuun halis ahi ka dhacay, uuna sidaa uga joogsaday, isla markaana Maka looga bireeyey 200 oo ciidamadiisii ka mid ahaa.

Markii uu Sacuud xilka la wareegay ayuu dib usoo cusboonaysiiyey sifeynta Xijaaz (Maka, Madiina, Daaif iyo Jidda). Daaif ayuu ka bilaabay, dagaal la’aan ayey is dhiibeen, Madiina ayuu ku xejiyey sidoo kale ayey is dhiibeen, labadaba maamul ayuu u sameeyey, qabuurihii ay weyneyn jireenna waa laga dumiyey! waxayna ahayd 1220H, 1805 miilaadiga.

Maka ayuu kadib u jihaystay, Shariif Qaalib markii uu arkay awoodda sacuudiyiinta hadyado badan ayuu ka horkeenay, ballanna wuxuu ku qaaday inuu u hogaansamayo heshiisyadii horey loo kala saxiixday, sidaa ayaa Maka lagu hantay, xajka oo xilligiisii la joogayna dadku si nabad ah ayey u guteen Muddadaa kadib Sacuud waxaa uu ku mashquulay wacyigelinta dadka iyo isbeddel dhanka cilmiga ah, iyo weliba baabi’inta dhaqammo badan oo jaahilnimo ku salaysnaa, sannad walba oo uu xajiyo dadka ayuu kula hadli jiray banka carrafa.

Isaga oo ku boorrin jiray inay diinta ku dhegaan, dhaqan xumadana ka fogaadaan, nicmada Alle siiyey ee amniga iyo midnimada ahna ugu shukri naqaan. Halkaa waxaad ka dareemaysaa sida sacuudiyiintu ugu turi jireen ashraaftii reer Maka, iyada oo ay ballamo badan uga baxeen, ciidankiisii uu maka kaga tagayna ay ka gawraceen ayuu haddana iska cafiyey oo u daayey maamulkii Maka, umana ciqaabin dhibaatooyinkii ay horey ugu geysteen.

Dadka wax ka qoray loolankii ka dhexeeyey sacuudiyiinta iyo dadkii kasoo horjeeday waxaa ay isla qireen in dhanka ballanta iyo naxariista ay sacuudiyiintu kaga fiicnaayeen kuwii kasoo horjeeday ee isugu jiray: Ashraafta, masriyiinta iyo cusmaaniyiinta, taana waxaa keenaysay iyagoo diin ku dhisnaa, isla markaana ay ku badnayd badawnimadii carbeed ee ka fogeyd beenta iyo wax isbada-marinta.

Sacuud waxaa uu weeraro badan ku ekeeyey meelo badan oo cabsi kasoo wejihi jirtay sida meelo ka mid ah Ciraaq iyo Shaam, oo marmar ay ciidamadiisu gaari jireen baadiyaha Dimishqa.

Isku dhicicii Sacuudiyiinta iyo Ingiriiska:

Waxaa jirtay shirkad lagu magacaabi jiray “Shirkadda bari ee Hindiya” ingiriiska ayaa aasaasay isagoo u ekaysiiyey shirkad ganacsi, isla markaana hindiya ayuu soo degay.

Dadkana waxaa lagu qanciyey in shirkaddani ganacsato tahay, ciidan ayey bilawday inay qorato ay ku difaacanayso dhaqdhaqaaqeeda ganacsi, balse waxay ahayd dhagaxii ugu horreeyey ee gumaysiga ingiriiska, waana tabtii uu ku degay meelo badan oo dunida muslimiinta ka mid ah oo Cadan ay ku jirtay. ciidankii ganacsiga difaacayey kaddib wuxuu isu beddelay ciidan dalka oo dhan hantay, 1857dii ayaa Hindiya oo dhani gacanta u gashay ilaa ay xornimada ka qaadatay 1947dii iyaga ayaa xukumayey, isla magacii shirkadda ayaana lagu xukumayey!!!

Dadkii deganaa magaalada Ra’sul kheyma ee hadda ka mid ah “Isutaga imaaraadka carabta” waxaa u talinayey amiir la oran jiray Suldaan Saqar Alqaasimi, wuxuuna taageersanaa sacuudiyiinta oo ay isku caqiido ahaayeen, sidaa darteed cabsi weyn ayey gelin jireen doomaha shirkadda ingiriiska ee maraya xeebaha khaliijka, weeraro ayeyna la beegsan jireen, xoolana waa ay ka furan jireen.

Taasi waxaa ay keentay in xukuumaddii Bombay ee Hindiya ay weerar kusoo qaaddo Ra’sul kheyma ayna ciidankoodii badda waxyeello weyn u geystaan, magaaladana gubaan, dadkiina ay qaxaan, waxaa ay ahayd sannadkii 1224H, 1809M balse markii cadawgii dib uga noqday ayaa suldaan Saqar iyo shacabkii kusoo noqdeen dibna u cammireen.

Weerarkii Cusmaaniyiinta:

Waxaan soo sheegnay in xukunka reer Najdi aad u fiday oo gaaray khaliijka badankiisa, iyo yeman, iyo meelo ka mid ah Ciraaq iyo Shaam. Taasi waxay hurdo seejisay dawladdii cusmaaniyiinta oo cabsi weyn ka qaadday dawladdan curdanka ah ee sii baahaysa, iyo halista ay gelin karto jiritaanka xukunka Turkiga.

Waa loo fariistay sidii laga yeeli lahaa, talo in badan la gorfeeyey kaddib waxaa la goaansaday in lala dagaallamo dawladdan, lana ciribtiro, si taa loo xaqiijiyo waxaa lasoo xulay hogaamiye miciyeystay oo ku xeeldheeraa hogaanka ciidanka iyo tabaha dagaallada, waa nin aan carab u dhalan, af iyo dhaqan midnaba aan la wadaagin, arxanna u galayn, waa nin reer yurub ah, kasoo jeeda dalka Albaaniya , waa kuma ninkaasi akhristoow?!

Waa Maxamed Cali Baashaa, oo tolow maxaa abaal marin loogu ballanqaaday haddii uu dawladdaa cirib tiro?! Waxaa loo ballanqaaday xukunka Masar! Iyo isagoo weliba u madax bannaan talada dalka iyo kheyraadkiisaba!! Alleylehe wax nin darajo adduun rabaa u halgamo waa tahay!

Abaabulkii dagaalka:

Maxamed Cali wuxuu diyaariyey ciidankii ugu horreeyey ee weerari lahaa Sacuudiyiinta, wuxuuna madax uga dhigay wiilkiisa Tuusuun! cid kale laguma aamini karo hawshan abaal marinta weyn leh!! Taariikhdu waa 1226H, 1811M, xeebta galbeed ee Xijaaz ayuu kala soo degay ciidan laxaad leh oo tiradiisu tahay 10,000 (toban kun oo askari) saanad millaterina loosoo dhammays tiray! Yunbuc ayuu la wareegay, kadibna Madiina ayuu usoo jihaystay.

Laba wiil oo Sacuud dhalay ayaa ka hor yimid, dagaal faraha looga gubtay ayaa dhex maray, Turkidii waa la jabiyey 1200 oo askarina waa laga dilay!! Yunbuc ayey dib ugu soo noqdeen, dib ayeyna isu soo habeeyeen, Madiina ayey hareereeyeen muddo 2 bilood ah, kadib markii ay go’doomiyeen oo dadkii ganacsigii laga gooyey ayey qabsadeen.

Tuusuun si dhakhso ah ayuu Jidda ugu soo dhaqaaqay, C/laahi bin Sacuud oo ciidanka hogaaminayey waxay dantu ku khasabtay inuu ciidankiisa Maka kala baxo, sidaa ayeyna Turkidu ku qabsadeen jidda iyo Maka, daaifna waa ay la wareegeen maalmo kadib.

Mid ka mid ah hogaamiyayaashii reer Najdi oo la oran jiray Cusmaan Almadaayifi ayey qabteen, Masar ayaa loo dhaadhiciyey si xun ayaana loola dhaqmay. Xijaaz gacanta reer Baashe ayey gashay, Maxamed Cali mar haddii wiilkiisii guul soo hoyiyey waa inuu booqasho kusoo kala bixiyaa deegaanka la xoreeyey! October 1813kii ayuu yimid Jidda, Axmed Baashaa nin la yiraahdo ayuu Xijaaz madax uga dhigay, degmooyinkana ashraaftii iyo rag kale ayuu u magacaabay.

Dagaallo kulul ayaa dhexmaray reer Najdi iyo Turkiyiinta sida dagaalkii Turba oo dhacay December 1813kii, jab weyn ayaa turkida gaaray, janaayo 1814kii ayaa mar kale Qanfada lagu kulmay, sidoo kale turkidu waa ku hoobteen.

Geeridii Sacuud:

Xilli dagaallada iyo hardanku halkaa marayaan ayaa halyeygii faraska ka degay! Lana oofsaday sannadkii 1229H, 1814M. dagaalladiina halkii ayey kasii socdeen.

Muuqaallo ka mid ah nolol maalmeedkii Sacuud:

  • Waxaa dhaqan u ahayd marka uu ciidankiisa dhex joogo inuu salaadda maqrib kadib wacdiyo, oo xasuusiyo siiradii nabiga sallalaahu calayhi wasallama iyo saxaabadiisii, isagoo ku dhiirrigelinayey inay geesinimadoodii oo kale la yimaaddaan.
  • Golayaasha cilmiga marka la fadhiyo reer Aalasacuud waxaa ay fariisan jireen wajahadda, reer Sheekh Maxamedna waa dhinac fariisan jireen, mid ka mid ah reer sheekh ayaa istaagi jiray oo wacdi jeedin jiray. Sheekh C/laahi Sh Maxamed ayaa tacliinta qaabilsanaa, sheekha xaga diinta ugu sarreeyana ahaa markii aabbihii iyo walaalkii dhinteen kadib.
  • Marka madaxtooyada la joogo Sacuud duruus ayuu akhrin jiray sida tafsiirka ibnu kathiir iyo riyaadu saalixiin.
  • Duhurka iyo casarka dhexdooda ayuu dadka is haya kala saari jiray, dacwadahooda iyo cabashooyinkoodana dhegaysan jiray, casarka kadibna wuxuu xaadiri jiray duruusta caamka ah ee madaxtooyada lagu qabto.

Amiirkii afaraad

C/laahi bin Sacuud bin C/casiis

Wuxuu ku dhashay Dirciya, wuxuu dhintay 1819M. Wuxuu xukunka hayey 1229H-1233dii, 1813-1818M. Wuxuu lasoo kulmay xaalad qaraar, turkida iyo masriyiinta iswataana aad u xoogaysteen, wuxuu isku dayey inuu heshiis la galo, balse nimankaa uma muuqan waxaan ahayn jirrid goynta sacuudiyiinta iyo wahaabiyada! Dagaallo badan ayaa dhex maray labada dhinac, khasaare badanina waa dhacay, guushuna dhanka turkida ayey usii janjeersanaysay.

Khiyaanadii huwanta:

Heshiis ayaa dhexmaray reer Najdi iyo xulafadii Turkiga sannadkii 1815kii bishii luulyo, waxaa lagu heshiiyey in xabbad joojin la sameeyo, Turkiduna Najdi iyo hareeraheeda faraha kala baxaan, dadkuna is dhex maro, heshiiskii Masar ayaa loo qaaday si loo tuso Maxamed Cali Baasha, wuu ogolaaday, wafdigii reer Najdi ee heshiiska wax kasoo saxiixayna waa ay soo noqdeen, balse Maxamed Cali wafdiga si wanaagsan uma qaabilin.

Duullaankii Ibraahim Baashaa:

Maxamed Cali oo khiyaano ka watay heshiiskii uu reer Najdi la saxiixday, waxaa uu Najdi arrimaheeda usoo xilsaaray wiilkiisa kale ee Ibraahim Baasha, ciidan laxaad lehna waa kusoo daray, Yunbuc ayuu kasoo degay, sebtember 1816M, qabaail badan oo nacfi doon ah ayuu dhexda kasii kaxaystay, wuxuu sacuudiyiinta kula kulmay meel la yiraahdo Muweyh bishii May 1817kii, ciidankii reer Najdi uma adkaysan madaafiicda xooga badan ee Turkida iyo huwan-teedu wateen.

Sidaa darteed Qasiim ayey dib ugu gurteen, magaalada Ras ayey difaac ka xirteen, saddex bilood ayey turkidu halkaa ku hareereeyeen, kadib dadkii magaalada joogay waa ay is dhiibeen, magangalyana way dalbadeen, halkaa waxaa turkida kaga dhintay inta u dhaxaysa 600 ilaa 700, halka najdiyiinta ay ka dhinteen 70 qof. Ras sidaa ayey ku gacan gashay, magaalooyin kalena way la wareegeen sida:Cunayza, Bureyda, Shaqraa iyo kuwo kale.

Xasuuqii Durma:

Magaalada Durma la yiraahdo ayey hareereeyeen, oo ahayd magaaladii ugu difaac adkayd Najdi marka caasimadda laga yimaaddo, dadkeedii isma dhiibin, madaafiicdii ayaana si daran u baabi’isay, kadib ayey Turkidu galeen, bililiqo badanna waa ay ka heleen! Haween wixii ay arkeenna waa kufsadeen!! Taariikhdu waxay ahayd 24kii febraayo 1818 kii.

Hareerayntii Dirciya:

Sacuudiyiinta gacmahooda kuma harin waxaan Dirciya ahayn oo caasimaddii ah, ciidankii Darma kasoo baxay iyo wixii habqan caruur iyo haween ahaa ayaa isugu yimid, halkaa ayaa turkidu ku hareereeyeen muddo 6 bilood ah.

Reer Najdi si naf hurid ah ayey u dagaallameen, culimo iyo caammaba, iyagoo muddadaa go’doon ku jiray, dadkii kadib waa is dhiibeen, balse C/laahi bin sacuud in muddo ah ayuu isasii adkeeyey, kaddibse wuu isdhiibay 9kii sebtember 1818kii.

Maxaa xigay?!

C/laahi iyo qaar saraakiishiisii ka mid ah Masar ayaa loo dhaadhiciyey, November ayey gaareen, see loola dhaqmay?! Xumaan kasta oo suuragal ahayd in dawlad jabtay lagula dhaqmo ayaa lagula kacay!!  Ninka Masar joogaa ma aha nin carab ah, waa Yurubiyaan arxan daran, qalbi adag! Khiyaano badan, dhagar badan, waana tilmaamihii lagu soo doortay looguna igmaday la dagaallanka wahaabiyada!!

C/laahi bin Sacuud Astaana (istanbuul) ayaa loo dhaadhiciyey waa caasumaddii Cusmaaniyiinta, halkaa ayaa lagu toogtay laguna daldalay isaga iyo ragiisiiba bishii Safar 1234H, oo ku beegnayd 17kii December 1819kii.

Halkaa ayey kusoo afjarantay dawladdii sacuudiga ee koowaad, afartaa amiir ayaana isaga danbeeyey, halgankaa dheer ayeyna soo martay, loolankaa adag ayeyna ugu danbaytii la kulantay.

Xasuuqii Dirciya:

21 kamid ah hogaamiyayaashii ugu waaweynaa reer AalaSacuud ayaa la dilay, sidoo kale culimadii reer Sheekh kuwoodii ugu waaweynaa ayaa si xun loo toogtay qaarkoodna la daldalay! Waxaana ugu weynaa Suleymaan bin C/laahi bin sheekh, xubin xubin ayaa loo jarjary sheekhan, “innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun”

Dhaadhicintii labada qoys:

Intii ka hartay labada qoys ee dhallinyaro iyo xaasas ahaa Masar ayaa loo dhaadhiciyey, waxaa ayna gaareen 13kii may 1819kii, halkaa ayey qaxooti ku ahaayeen, qaarkoodna xabsiyada ayey ku jireen, tiradoodu waxaa ay ahayd ilaa 400 oo qof.

Burburintii Dirciya

Cadowga dawladaha dumiyaa badanaa kuma ekaado rididda talisyada, ee waxaa qorshahooda ka mid ah tirtiridda dhammaan astaamaha iyo xarumaha tilmaami kara xadaaradda dawladdaa la riday. Turkida iyo xulufadoodu waxay bilaabeen duminta guryihii Dirciya, siiba kuwii xafiisyada ahaa, iyo weliba baabi’inta beeraha, si ay u noqoto meel lama degaan ah oo aan mar danbe cammirmin, taasi waxay keentay in dadkii kusoo haray ay ka barakacaan oo ay u jihaystaan meelo kale oo ay nolol ka abuuran karaan, deganaanshana ka heli karaan.

Tahniyaddii Ingiriiska!

Shirkaddii gumeysiga ee Hindiya ka talinaysay markii ay ogaatay waxa sacuudiyiinta ku dhacay wafdi ayey soo dirtay xagaagii 1819kii, kabtan magaciisa la oran jiray Georg Forster Sadleer ayaa hogaaminayey, si uu ula kulmo Ibraahim Baasha isagoo tahniyad ka siday dawladda ingiriiska, taas oo ku saabsan burburintii wahaabiyada. 8dii ama 9kii sebtember ayuu kula kulmay meel Madiina u dhow, tahniyaddiina gaarsiiyey, Baashana si weyn ayuu usoo dhaweeyey. Wafdigii ingiriiska safarkaasi wuxuu u ahaa fursad ay ku sahamiyaan jaziiradda carbeed, si xeeldheer ayeyna u sahamiyeen uguna dhex wareegeen.

Yididiiladii Sacuudiyiinta..!

Jabkii soo gaaray reer Sacuud wuxuu ahaa mid aan mar danbe la filan Karin inay xukun u hanqal taagaan, waxaa ay noqotay mid lagu biiriyo sheekooyinka ku saabsan awoodihii iyo dawladihii burburay ee dunida soo maray!! Balse adduun sidaad ka filanaysid ama ka damcaysid ma aha!!! waxaynu arki doonnaa dawladdii danbaska laga dhigay oo mar kale soo fuftay, cagaheedana isku taagtay, sababaha soo nooleeyey iyo baaxadda dhulkeedu inta uu gaaray waxaynu ku sharxi doonnaa qaybaha soo socda insha Allaah.

Dawladdii Sacuudiga ee Labaad [1]

1238-1309H (1822-1891M)

Hadafkeennu ma aha in aynu si faahfaahsan uga hadalno dawladda sacuudiga iyo marxaladaheedii, dhib iyo dheef toona, balse waxaa aynu kasoo qaadanaynaa qaddar kooban, maadaama ay ka mid ahayd mirihii ugu waaweynaa ee ka dhashay halkankii diineed ee Sheekha.

Marxaladdan labaad waxaa isaga danbeeyey shan amiir oo kala ah:

  1. Turki bin C/laahi bin Maxamed bin Sacuud
  2. Faysal bin Turki bin C/laahi
  3. Sacuud bin Faysal bin Turki
  4. C/laahi bin Faysal bin Turki
  5. C/raxmaan bin Faysal bin Turki

Rag kale oo reer Sacuud ah oo soo kala dhexgalay marmar waa jireen oo inqilaab ku yimid balse muddadooda oo maalmo ama bilo ahayd darteed ma aynaan tirin.

Amiirka koowaad

Turki bin C/laahi

Waxaa uu ku dhashay Dirciya sannadkii 1183dii hijriyada, wuxuu dhintay 1249H (1755-1834M). wuxuuna dawladda aasaasay 1238H, 1822M

Amiir Turki markii dawladdooda la dumiyey, qoyskoodiina intii soo hartay loo dhaadhiciyey Masar, isagu kama mid ahayn dadkii la taxaabay, ee miyiga Najdi ayuu ku dhuuntay, markii huwantu Dirciya burburisay ayna guurtay ayuu kusoo noqday deegaankiisii, dadka ayuu ugu baaqay in nidaamkii dib loosoo celiyo waana la taageeray sidaa ayeyna ku istaagtay dawladdu.

______________________________________________________
1 Waxaad u noqotaa kutubtan kala ah: Taariikhda boqortooyada sacuudiga: Sayid ibraahiim 164 iyo inta ka danbaysa, taariikhda boqortooyada sacuudiga Dr C/laahi Cuthaymiin 1/219 iyo bogaga ka danbeeya, Almawsuuca alcarabiya alcaalamiya 10/471-472, Aldacwah alislaaxiya: C/laahi Almudawac 207-211

Maxaa suuragaliyey soo noqoshada Sacuudiyiinta..?

Waa arin u baahan jawaab maangal ah, maxaa yeelay sidii loola dhaqmay dawladdan iyo sidii loogu dadaalay jirrid goynteeda ma ahayn si lagu fekeri karay in ay u hanqal taagi karaan siyaasad danbe. Waxaanse kusoo uruurin karnaa sababaha caawiyey inay yihiin saddex waxyaabood oo kala ah:

1- Guuriddii Turkiyiinta:

Turkidu waa ay ka guureen Najdi markii ay hawshoodii dhammaysteen, iyagoo ku noqday Xijaaz iyo Masar, maxaa yeelay cabsi ay ka qabeen Najdi ma muuqan.

2- Mabaadidii dawladda lagu aasaasay oo bulshadu ku qanacsanayd:

Mabaadidii uu ku baaqay Sheekh Maxamed C/wahaab laguna taagay dawladda waxaa ay ku baahsanayd dhammaan carriga Najdi, beled iyo baadiyaba, culimo iyo caamaba waa la wada cabbay, dadkuna xaqnimo ayey u aamineen, sidaa darteed haddii dawladdii la dumiyey, nidaamkiina la tirtiray, daarihiina la gubay, dadkiina la xasuuqay, qaarna la qafaalay, intii deegaanka kusoo hartay ee aan ahayn labada qoys caqiidadoodii quluubta ayey ku haysteen, cid kasta oo la wadaagtana xigto ayey ka dhiganayeen, waa sababta ugu weyn ee keenaysay in qofkii ku baaqa waddadii sheekha ay reer Najdi u raacaan si aan kala har lahayn.

3- Gobannimadii reer Aala-Sacuud:

Qoyskani waxaa ay ahaayeen kuwo shacabkooda u roon, deeqsiyaal ah, ballan iyo garsoor leh, dhaqammadii carabta ee wanaagsanaa ku dhegan, dadkuna aad ayuu u jeclaa, maadaama ay dadka u horkacayeen waxa ay aaminsan yihiin. Saddexdaa sababood waxaa ay keeneen in wiilkii dhuuntay markii uu deegaankiisii yimid madaxa lagu qaado, dawladdiina uu mar kale dib u taago, waddadii dawladdii horena qaadsiiyo.

Waxqabadkii uu la yimid amiirkani:

  • Hirgelinta shareecada islaamka.
  • Dardargelinta tacliinta iyo dhiirrigelinta ardayda iyo culimadaba.
  • Isagoo naftiisa ka bilaabayey ku dhaqanka diinta.
  • Ballaarinta dawladda iyo baahinta awoodeeda.

Geeridiisii:

Muddo 14 sano ah ayuu xilka hayey 1249H ayaa si gaadmo ah loo dilay, waxaa dilay wiil uu abti u ahaa kana mid ahaa qoyska Aalasacuud oo la oran jiray Mashaari bin C/raxmaan Aalasacuud, isagoo ula jeeday inqilaab, 40 maalmood ayuu xukunka sii haystay, kadibna waxaa ka dhacsaday Faysal bin Turki oo inoo iman doona insha Allaah.

Amiirkii labaad

Faysal bin Turki:

Dirciya ayuu ku dhashay sannadkii 1203H, wuxuu dhintay 1282H (1790-1865M) dadkii xabsiga Masar loo taxaabay ayuu ka mid ahaa markii dawladdoodii la dumiyey, markii aabbihii dawladda dib usoo nooleeyey ayuu xabsigii kasoo dhuuntay oo yimid deegaankiisii, aabihii ayuu u qaabilsanaa hogaanka ciidamada. 1250H ayuu la wareegay xilka, wuxuu ahaa geesi aan ganbasho aqoon, lagu yaqaan kasmo iyo kibir la’aan, diintana si sare ugu dhaqma.

Weerarkii Masriyiinta:

Markii dawladdani gashay gugii labaatanaad ayaa mar kale masriyiintu soo weerareen sannadkii 1254H, ciidan laxaad leh ayey kusoo saareen, dawladda oo weli curdan ahayd burburkii horena aan kasoo kaban uma suuroobin reer Najdi inay is difaacaan, Faysal wuu is dhiibay, Qaahira ayaana lagu xiray.

Mar kale ayuu kasoo baxsaday xabsiga, isaga oo is afgarad hoose la sameeyey ilaalada xabsiga, sannadkii 1256H, dhulkiisii ayuu yimid abaabul ayuu bilaabay, dawladdii ayuu dib u taagay 1259H, ilaa uu ka dhintay sannadkii 1282H.

Faallo ku saabsan marxaladdan labaad ee sacuudiyiinta:

Marxaladdan caasimaddoodu waxaa ay ahayd magaalada Riyaad, maxaa yeelay Dirciya ma ahayn meel si fudud loo dayactiri karo, caasimadna u noqon karta, balse Riyaad wax burbur ahi ma gaarin.

(Dirciya wakhtigan waa xaafad ka mid ah Riyaad iyadoo u qaybsan Dirciyadii hore iyo Dirciyada Cusub). Marxaladdan waxaa aad u baahsanaa khilaaf u dhexeeyey qoyska reer Aalasacuud dhexdooda, sababtuna waxay ahayd: xukunka oo ka wareegay faracii C/casiis bin Muxammad una wareegay faracii walaalkii C/laahi bin Muxammad bin sacuud.

Taasi waxaa ay keentay in kuwii hore ee dawladdii hore haysan jiray ay ka horyimaaddaan ilma adeerradood, Masriyiintii iyo Turkidii dawladdoodii burburiyeyna ay xulufo ka dhigtaan, una soo kaxaystaan la dagaallanka walaalahood, si ay xukunkoodii usoo dhacsadaan! Waxayna fursad qaali ah u ahayd Turkiga iyo huwantiisa oo aan

marnaba rabin in ay Najdi xasilloonaato, si aysan Sacuudiyiintu mar danbe isu ballaarin. Taasi waatii keentay in gaadmo lagu dilo Turki bin C/laahi oo ahaa aasaasihii marxaladdan labaad, waxaa toogtay wiil qoyska ah, oo adeer iyo abtiba uu u ahaa, kana mid ahaa gacanyarayaashiisii.

Markii uu dhintay Faysal bin Turki bin C/laahi sannadkii 1882M, wuxuu xukunka uga tagay 3 wiil oo uu dhalay oo kala ahaa: Sacuud, C/laahi iyo C/raxmaan, iyaguna mucaarad la’aan ma noqon oo ilma adeerradood ayaa sidii ugu kacsanaa, iyaga qudhoodana isqabqabsi ayaa ka dhexeeyey. Sida ay xukunka u kala qabteen waxaynu ku muujinaynaa shaxdan soo socota oo aynu arkayno midkood inuu saddex jeer xukunka kusoo noqday, labada kalena kiiba laba jeer, taas oo ka tarjumaysa khilaafka qoyska ka dhex aloosnaa, waana sidatan:

  • C/laahi bin Faysal: 1865-1871
  • Sacuud bin Faysal: 1871-1871
  • C/laahi bin faysal (mar labaad) 1871-1873
  • Sacuud bin Faysal (mar labaad) 1873-1875
  • C/raxmaan bin Faysal 1875-1876
  • C/laahi bin Faysal(mar sadexaad) 1876-1889
  • C/raxmaan bin faysal(mar labaad 1889-1891

Waa amiirkii ugu danbeeyey dawladdii labaad ee sacuudiga, muddadii ay jirtay waa intii u dhaxaysay 1238-1309H oo ku beegan: 1822-1891.

Waxaa sidoo kale soo biiray qoys la oran jiray Aala rashiid oo gacanyarayaal u ahaan jiray Aalasacuud, kadibna bariga jasiiradda dawlad yar ka samaystay, talada Najdina wax ku yeeshay, gacan saarna la yeeshay Turkiga, deegaankaas si weyn ayey isugu ballaariyeen, caasimadna waxay ka dhigteen Xaail, khilaafka Aalasacuud dhexdooda ka aloosnaana aad ayuu u caawiyey, taas oo dhashay in dhallinyaradii reer Sacuud qaarkood xulufo ka dhigtaan Rashiidiyiinta.

Balse rashiidiyiintu danahooda ayey ilaashanayeen, ugu danbayntii Najdi gacantooda ayey gashay, reer Sacuud madaxdoodii iyo qoysaskoodii qaar ka mid ahi waxaa ay u qaxeen Kuweyt, oo ay magangelyo ka heleen, sannadkii 1310H, 1891M waxaana xilka hayey C/raxmaan bin Faysal oo ahaa Boqor C/casiis aabihii.

Sidoo kale marxaladdan labaad xukunkoodu ma dhaafin Najdi dhexdeeda, haba jireen degmooyin badan oo ku teedsanaa khaliijka carbeed oo taageersanaa xilligii Turki bin C/laahi iyo wiilkiisa Faysal, balse markaa kadib waxay iska ahaayeen magac-uyaal ku kooban Riyaad iyo agagaarkeeda oo iyaga qudhoodu isku haysteen!

Warbixin kooban oo ku saabsan dawladii Rashiidiyiinta ama Aala-rashiid.

Dawladdani waa tii xukunka kala wareegtay Aalasacuud kaddib markii dhallinyaradoodii xukunka isku khilaafeen, in muddo ah ayey Rashiidiyiintu haysteen qayb ka mid ah Najdi iyo gobollada bari oo caasimaddoodu ku taallay waa Xaail. kadib markii Aalasacuud ay rideenna iyagaa Najdi oo dhan la wareegay, waxayna ku siqeen ilaa Suuriya, Najraan (waqooyiga yeman, haddana ah koonfurta sacuudiga) ilaa xuduuda Xijaaz.

Dawlad xoogan ayey noqdeen oo u hanqaltaagaysa inay gaaraan halkii reer Sacuud gaareen iyo meel ka fog. Waxaa muhiim ah inaynu ogaanno ma jirin wax khilaaf dhanka caqiidada ah oo u dhexeeyey labadan qoys: Aalasacuud iyo Aalarashiid, mid walbaa waxay ku taagnayd mabaadidii lagu aasaasay dawladdii Sacuudiga ee Sheekh Maxamed C/wahaab wax ka taagay, kaliya waxay isku hayeen xukunka, sida Aalasacuud dhexdooduba isugu hayeen.

Rashiidiyiintu markoodii horena sida aynu xusnay waxay la shaqayn jireen Sacuudiyiinta, balse waa rag oo markii ay arkeen khilaafka qoyska ku dhex jira ayaa damac galay sidaa ayeyna talada ku hanteen.

Aasaasayaashii dawladdan:

Waa C/laahi Al-cali Alrashiidi, iyo walaalkii Cubeyd Alrashiidi, 1850-1902 ayey si weyn isu ballaarisay, 13 amiir ayaana isaga danbeeyey. C/laahi Alcali wuxuu aad ugu xirnaa Turki bin C/laahi Aalasacuud, markii Turki la dilayna isagaa wiilkiisii Faysal xukunka lasoo celiyey, kana takhallusay nimankii inqilaabka geystay.

Markii C/laahi Alcali dhintay xukunka cidna kalama dardaarmin, waxaa joogay walaalkiisii dawladda la aasaasay waa Cubeyd Alrashiidi, wuxuuse Cubeyd ahaa nin cibaado iyo Alle ka-cabsi badan, isagoo hogaanka ciidankana aad u yiqiin, geesi laga goojiyana ahaa, gabayaana ahaa, hadduu xukunka isku magacaabi lahaa loo wada hogaansami lahaa,balse arrin aan marnaba looga fadhiyin ayuu la yimid oo ahayd:

Culimadii iyo madaxdii deegaanka ayuu isugu yeeray oo ku yiri: Amiirkiinii isagaa hadda xal u baahan (wuu dhintay) ee cid talada idiin qabata raadsada! Cidina wax fikrad ah masoo jeedin, markaa ayuu istaagay oo ku dhawaaqay ciddii xukunka la wareegi lahayd, wuxuuna doortay wiilkii walaalkii dhalay: Talaal bin C/laahi Alrashiidi, sidaa ayuuna xukunka ku qabtay. Xiriirka reer Sacuud iyo reer Rashiid u dhexeeyaa weli waa fiicnaa, waana la xididi jiray, amiirkanina si weyn ayuu dawladdiisii u ballaariyey.

Amiirro dhowr ah oo midba ka kale dilay ayaa isaga danbeeyey xukunka, ugu danbayntii markii reer Sacuud khilaafkoodii darnaaday ayaa dhallintoodii qayb ka mid ahi taageero waydiisteen reer Rashiid, fursad qaali ah ayey u noqotay, ciidan laxaad leh ayeyna soo dumeen, goobtii la oran jiray Malaydala oo Qasiim ka mid ah ayaa la isku helay sannadkii 1890M reer Rashiid oo qaar reer Sacuud ahi la socdaan ayaa guushu raacday.

Qasiim ayey qabsadeen, dagaalkii wuu sii socday kadibna Riyaad ayey qabsadeen oo caasimaddii Sacuudiyiinta ahayd sannadkii 1891. dawladdii Sacuudiga ee labaadna halkaa ayey ku dhammaatay. C/raxmaan bin Faysal oo markaa talada hayeyna sidii aynu soo xusnay wuu qaxay, Qatar ayuu tagay, dawladda Cusmaaniyiinta ayuu warqad u qoray isagoo ka codsanaya inuu Kuweyt ku noolaado, waa loo ogolaaday, halkaa ayuuna qaxooti ku noqday.

Reer Sacuud waa niman jab iyo guulba arki jiray sidaa kuma samrin! dib ayey usoo rogaal celiyeen iyagoo Kuweyt iyo qabaail badan taageero ka helaya, c/casiis oo ina c/raxmaan ah oo dhallinyaro ah ayaa ciidan soo kaxaystay 1902dii Riyaad ayuu qabsaday iyo magaalooyin kale, heshiis ayaa dhex maray labada qoys, ku saabsanaa in xuduud cusub la kala samaysto, balse hardanka iyo dagaalladii ma joogsan, labada qoloba boqortooyo ayey soo dhadhamiyeen, “Qoori xero kuma heshiiso” waa in midkood reerka u haraa!

Hardan dheer kadib 1921 ayaa dawladdii Rashiidiyiinta lasoo afjaray, Sacuudiyiintuna isku ballaariyeen dhulkoodii, madaxdoodiina Riyaad u taxaabeen, iyagoo xabsi guri ku xukumay, ilaa ay halkaa ku dhinteen.

Dawladdii Sacuudiga ee Saddexaad[1]

Aasaasaheedu waa boqor C/casiis bin C/raxmaan bin Faysal bin Turki bin C/laahi bin Muxamed bin Sacuud, waxaa uu ku dhashay Riyaad sannadkii 1296H 1880M wuxuu dhintay 1374H- 1953, wuxuu dawladda aasaasay 1319H, 1902M. Riyaad ayuu ku barbaaray waxna ku bartay, yaraantiisii wuxuu ahaa mid jecel farda-fuulka, goaan adag, geesi xikmad badan ah, waa cabqarigii qarnigii 20aad.

Markii reerkoodu qaxeen sannadkii 1891M, wuxuu ahaa 11 jir, markii ay qaxootiga noqdeen wuxuu aad uga fekeri jiray soo celinta xukunkoodii; Xiriir wanaagsan ayaa dhexmaray isaga iyo amiirkii Kuweyt Mubaarak Alsabaax, taasoo keentay inuu ka helo taageero ciidan.

Sannadkii 1319H, oo ku beegnayd 1902dii jannaayo, da’diisuna tahay 22 jir ayuu soo kaxaystay ciidamo dhowr iyo afartan nin ah, isagoo duullaan ku ah deegaankiisii Najdi, qabaail badan ayuu soo dhexmaray oo kulligood ku qanciyey inay taageeraan, in badan ayaa taageertay ciidankiisii waxay noqdeen dhowr kun, reer Rashiid markii ay arintaa ogaadeen ayey taageero ka dalbadeen saldhigii Cusmaaniyiinta ee Ciraaq ku yaallay, reer miyigii C/casiis la socday markii ay ogaadeen ciidanka kusoo maqan ayey kala dhuunteen, waxaa kusoo haray ragiisii afartameeyada ahaa ee uu Kuweyt kala yimid.

C/casiis nin isa soo miidaamiyey ayuu ahaa sidaa kuma joogsan, si dhuumaalaysi ah ayuu ugusoo dhaqaaqay dhinaca Riyaad, magaalada bannaankeeda ayuu goor habayn ah soo gaaray, qayb ciidankiisii ka mid ah ayuu kaga yimid oo geel iyo Fardo wata, wuxuuna kula soo dardaarmay haddii uu soo noqon waayo ilaa waaberigii inay cararaan. Isaga iyo qayb ciidankiisii ka mid ah ayaa kasoo dhacay deyrkii magaalada ku wareegsanaa, nin saaxiibkii ah oo la oran jiray Juweysir oo ag deganaa guriga Riyaad looga taliyo ayuu soo abbaaray, wuu u yimid wuuna martigeliyey C/casiis iyo ragiisii.

____________________________________________
1 Aldacwa Alislaaxiya fii bilaadi Alnajdi:215-218

Kadib waxay u dhaqaaqeen dhinicii guriga amiirka, wayna u dhaceen, haweentii amiirka ayey qabteen, oo weydiiyeen halka uu jiro, waxay u sheegtay inuu habaynkii ciidankiisa la seexdo balse uu waaberiga iman doono, iyada iyo haweeney kale ayey qol ku xireen, iyaguna gurigii ayey isku qariyeen iyagoo amiirka sugaya. C/casiis ragiisii uu bannaanka kaga yimid ayuu u cid diray way soo gaareen, markii waagu baryey ayaa amiirkii oo xoogaa ilaalo ah wataa yimid warna aan ka hayn raga gurigiisa ku jira, isla markiiba C/casiis iyo ciidankiisii rasaastii ayey ku boobeen, wayna dileen.

Waxaa magaciisa la oran jiray Cijlaan, rashiidiyiinta ayuu wakiil uga ahaa Riyaad, waxaa dilay C/casiis ina adeerkii oo la oran jiray C/laahi bin Jalwa. C/casiis taageerayaal badan ayuu Riyaad ku lahaa markii ay ogaadeen inuu falkaa fuliyey ayaa gurmad badani usoo baxay, Rashiidiyiintii wax badan masii dagaallamin, Riyaad sidaa ayey gacantiisa ku gashay!!! kadib wuxuu bilaabay inuu isa sii ballaariyo oo magaalooyin badan qabsado.

Goobo badan ayey isaga horyimaadeen isaga iyo Rashiidiyiinta oo cusmaaniyiintii taageero ka helaya marar uu jabay iyo marar uu wax jabiyey intuba waa jireen, loolan 21 sano qaatay kadib ayuu carrigii u haray, dawladdii Rashiidiyiintuna soo afjarantay sannadkii 1923M.

C/casiis aabbihii C/raxmaan oo ahaa ninkii xilka laga inqilaabay sannadkii 1891M, wuu noolaa oo kuweyt ayuu qaxooti ku ahaa, waxyaabaha wiilkiisu samaynayo wuxuu u arkayey qar iska tuur! Mana filayn inuu guushaa gaarayo, kadib aabihii ayuu u yeeray, culimadii iyo madaxdii reer Riyaad ayuu ku kulmiyey masjidka weyn ee Riyaad wuxuuna ka dalbaday inay ku dhaartaan u hogaan-sanka aabbihii C/raxmaan, balse C/raxmaan inta uu kacay ayuu diiday arinta wiilkiisu soo jeediyey, wuxuuna goobta ka sheegay in amiirku yahay C/casiis, sidaa ayuu odeygu ugu tanaasulay wiilkiisa, wuxuuna u ahaa la taliyihiisa koowaad, wuxuuna ku magacaabay imaamka Muslimiinta ilaa uu ka dhintay 1932dii.

C/casiis haddii Najdi iyo gobollada bari uu gacanta ku dhigay intaa kuma joogsan, ee wuxuu sii waday ballaarinta dawladdiisa.

Qabsashadii Casiir:

Gobolka Casiir (koonfurta sacuudiga oo asalkiisa yamani lahayd) ayuu qabsaday 1920kii, gobolladii rashiidiyiinta gacantooda ku haray ayuu la wareegay ilaa 1923dii.

Qabashadii Xijaaz:

Xijaaz ayuu duullaan kusoo qaaday Maka ayuu qabsaday sannadkii 1924kii iyadoo uusan dagaal ka dhicin, 1925kii ayuu Madiina qabsaday, 1926kiina Xijaaz oo dhan ayaa gacantiisa gashay.

Xilligaa ka hor C/casiis waxaa loogu yeeri jiray: Amiirka Najdi iyo inta hoos timaadda”. Markii uu xijaaz qabsaday waxaa loogu yeeray: Boqorka xijaaz iyo Najdi iyo inta hoostimaadda”. Sannadkii 1932dii ayuu digreeto soo saaray uu u bixinayo dawladdiisa :Boqortoodaya Carbeed ee reer Sacuud” Isagana loogu yeero Boqorka boqortooyada.

C/casiis iyo qolyihii rashiidiyiinta ahaa ee kasoo horjeeday waxay kusoo beegmeen xilli uu loolan culusi ka dhexeeyey dawladaha reer galbeedka, oo mid kastaa doonaysay inay awoodda bariga dhexe gacanta ku dhigto, Turkiga iyo xulufadiisu waxay la jaal ahaayeen Jarmalka oo ay taageero ciidan iyo hubba ka helayeen, halka C/casiis oo Kuweyt taageerayso ay Ingiriiska gacan saar la lahaayeen, kana heli jireen saanad millatari.

Waa amiirkii ugu horreeyey ee reer Sacuud ka mid ah oo xiriir dadban iyo mid toos ahba la yeesha ingiriis ama gaalo kale, iyadoo ay keenaysay awooddii reer galbeedka ee markaa jirtay, dawladaha tabarta daranna ay ku khasbanaayeen inay heshiis la galaan dawladaha reer galbeed ee loolamayey ama ay xukunka waayaan. Ma dhahayno C/casiis mar kasta wuu ku saxnaa xiriirka reer Galbeedka, balse waxaan leenahay ma jirin wax saamayn ah oo ay ku yeelatay hannaankii diineed ee jasiiradda iyo caqiidadii ummadda iyo dhaqan gelintii shareecada.

Waxaa hanqaltaagiisa ka mid ahaa inuu ku darsado dhulkiisa dhulal kale oo ay ka mid yihiin Urdun ilaa Falastiin! Balse cagajuglayn ingiriiska kaga timid ayuu uga joogsaday intii wax badso wax beel bay dhashaa ay ku dhici lahayd! Markaana waxaa socday qorshihii reer galbeedku ku diyaarinayeen soo raridda Yahuudda iyo dejintooda dhulka Falastiin!!

C/casiis muxuu dawladdiisa Dastuur uga dhigay?

C/casiis isagoo ahaa nin soo nooleynayey xukunkii qoyskooda ee la riday, balse lama iman dariiq ka duwan manhajkii sheekha iyo imaamku ku heshiiyeen, marnaba gorgortan kama gelin in dawladda lagu dhaqo shareecada islaamka.

Waxaa hadalladiisa ka mid ahaa:

“Alle waxaan ballan kula galay saddex waxyaabood.’’

  1. Inaan Tawxiidka ku baaqo, shareecadana ku xukumo wax yar iyo wax weynba.
  2. Qofka xumaanta wada inaan gacanta qabto seefna ku maamulo.
  3. Qofkii wanaag la yimaadda inaan abaal mariyo, kii ilduuf ka dhacana aan iska cafiyo.

Waxaa kale oo khudbooyinkiisa ka mid ahaa:

“Kitaabka Alle ayaa diin inoo ah, isaga ayaan ula noqonaynaa wax walba, sunnada nabigu sallalaahu calayhi wasallama waa daliilkeenna, waxaana ku sugan wax kasta oo aan u baahannahay oo kheyr iyo toosnaan ah, annaguna dhankeenna waan ku dadaalaynaa inaan istaajinno oo raacno kuna maamulno arrin walba”.

Waxqabadkiisa kuwii ugu waaweynaa:

  • Isaga oo dhulkuu uu ka talinayey ku mideeyey ku dhaqanka shareecada islaamka.
  • Arrimaha xajka iyo labada xaram oo uu si weyn isaga xilsaaray, kana shaqeeyey sida ugu fudud ee xujeydu waajibkooda ku gudan karaan, meeshana ka saaray canshuurtii ashraaftu xujeyda ka qaadi jireen.
  • Xaramka Maka wuu dayac tiray isagoo ballaarintiisa qorsheeyey ayuu dhintay wiilkiisa Sacuud ayaana qorshihii fuliyey.
  • Isagoo kacbada u sameeyey hal imaam, halka ay dadku lahaayeen afar imaam oo mid kastaa mad-habtiisa dadka ku tujiyo.
  • Isaga oo aasaasay hay’adda farida samaha iyo reebidda xumaha.
  • Adkaynta garsoorka, isaga oo shareecada ku qotomiyey una dooray dad aqoon u leh.
  • Cilmiga iyo culimada oo uu siiyey mudnaanta koowaad, isaga oo ku dadaalay in tuulo kastaa yeelato xarumo waxbarasho iyo dad waxbaridda u heellan.
  • Wuxuu sameeyey gole waxbarasho oo loogu yeeri jiray Majlis Almacaarif, oo ka dhignaa wasaarad waxbarasho, wuxuuna khasab ka dhigay waxbarashada hoose oo dhammaan caruurta laga doonayey in la geeyo goobaha waxbarashada.

Wuxuu aad u adkeeyey amniga maadaama uu yahay shayga koowaad ee bulshada daruuriga u ah, wax la’aantii socon karaana uusan jirin. Dhanka dhaqaalaha C/casiis waa ninkii soo saaray batroolka oo looga faaiidaystay horumarinta dalka, dhanka tacliinta, caafimaadka, amniga iyo wax kasta oo bulshadu u baahan tahay.

Macaahiddii iyo jaamicadihii xilligiisa la aasaasay:

  1. Machadka cilmiga ee Sacuudiga: Maka
  2. Madrasada diyaarinta dadka waxbarashada sare loo dirayo: Riyaad.
  3. Daaru Tawxiid: Daaif
  4. Kulliyadda shareecada: Maka
  5. Machadka riyaad ee cilmiga: Riyaad (waa bilawgii jaamicadda weyn ee kadib loo bixiyey Imaam Maxamed bin Sacuud).
  6. Kulliyadda Shareecada: Riyaad

Dhimashadiisii:

Halgan dheer oo soddon sano qaatay, iyo labaatan sano oo kasii danbeeysay oo uu ku mashquulsanaa horumarinta dawladdiisa, wuxuu c/casiis dhintay 1373H, oo ku beegnayd 1953dii, Daaif ayuu ku dhintay, Riyaad ayaana lagu aasay. Dad badan oo Muslim iyo gaalo isugu jira ayaa wax ka qoray taariikhda C/casiis, waxayna isku raaceen inuu ahaa shakhsi isagoo kale uu dhif yahay, uuna yahay cabqarigii qarnigii 20aad. Raga wax ka qoray waxaa ka mid ah taariikhyahankii weynaa ee reer Shaam: Kheyrudiin Zirikli, iyo qoraaga weyn ee reer Masar Maxamed Xasanayn Haykal.

Waxaa xukunka uga danbeeyey wiilashiisan kala ah:

  1. Boqor Sacuud bin C/casiis oo xilka hayey 1953-1964tii.
  2. Boqor Faysal bin C/casiis 1964-1975
  3. Boqor Khaalid bin C/casis 1975-1982
  4. Boqor Fahad bin C/casiis 1982-2005
  5. Boqor C/laahi bin C/casiis 2005.

Dhammaan Alle ha u naxariisto waa rag dalkooda hormariyey, islaamka kalena wax taray. Qaddarkaa ayeynu kaga joogsanaynaa warbixintii koobnayd ee aynu ugu talagalnay inaynu ku tilmaanno dawladda Sacuudiga iyo marxaladihii ay soo martay, innagoo ula jeednay inaan sheegno inay ka mid tahay mirihii laga dhaxlay halgankii Sheekh Maxamed C/wahaab Alle ha u naxariistee.

Qaybta Afaraad ee mirihiisii ka mid ah: Raadkii uu ku yeeshay dibadda jaziiradda Carbeed:

Aynu xusno toddaba meelood:

  1. Yaman
  2. Masar
  3. Hindiya
  4. Induniisiya
  5. Galbeedka Africa
  6. Shaam iyo Ciraaq.
  7. Jazaair
  8. Soomaaliya

Yaman

Isla markii Sheekhu dacwada ku dhawaaqay oo ay hanaqaaday waxaa ku dayday oo ay hiil u noqotay culimo ku noolaa Dalka Yaman, oo arkayey khaladaadka faafsan, balse ka baqayey collaytanka iyo guuxa dadweynaha, culimadaa waxaa ka mid ahaa Imaam Maxamed Amiir Alsancaani, oo ahaa caalim weyn oo reer yeman ah, qorayna kutub badan oo culuumta shareecada noocyadeeda kala duwan ah, sida Xadiiska iyo qawaaciddiisa, siirada nabiga, fiqhiga, caqiidada iyo kuwo kaleba.

Sheekhani wuxuu tiriyey qasiido dheer oo uu sheekha ku ammaanayo, kuna bogaadinayo wax qabadkiisa, isla markaana wuxuu isna bilaabay inuu qoro kutub caqiidada ku saabsan oo sida sheekha oo kale kaga digayo shirkiyaadka iyo khuraafaadkii baahsanaa. Qasiidadiisa waxaa ugu horeysay tuduc micnaheedu yahay:

Salaamtaydu Najdi dusheeda ha ahaato, iyo cidda Najdi degtayba, inkastoo salaantaydu aysan meel fog wax ka tarayn! Hadalladiisa waxaa ka mid ahaa: “Markii akhbaartu la duushay in caalim uu kasoo bidhaamay Najdi, la yiraahdo Maxamed bin C/wahaab, ardaydiisa qaarkoodna ay nasoo gaareen, noogana warrameen xaqiiqooyinka xaaladdiisa iyo ku dadaaliddiisa Alle ka cabsiga iyo faridda samaha iyo reebidda xumaha, ayey naftu u hilawday inaan u qorno tuducyadan sannadkii 1163H, waxaanan usii marsiinnay dhanka Maka-da sharfan, (markaa ayuu sheegay tixdiisii). Waxaa tixda ka mid ahaa: “akhbaartu waxay noo keentay inuu noogu soo celinayo sharciga sharafta leh wax muujinaya.

Waxa kale oo ka mid ahaa: “wuu I farax geliyey waxa uu la yimid ee dariiqadiisa ah, waxaanan islahaa inaan keli ku ahay dariiqadan”.1 Sidaas ayuu Sancaani dadka ugu baaqay inay u noqdaan dariiqadii xaqa ahayd ee Nabi Muxammad, culimo badan oo ka danbaysayna waddadiisii ayey qaadeen, sida Xuseyn bin Mahdi Alnucmi, iyo Muxamad bin Cali Alshawkaani, waxayna ka tageen kutub qiimo weyn leh oo noocyada cilmiga badankiisa ah. Shawkaani si weyn ayuu ugu baaqay manhajkii sheekha si toos ah iyo si dadban labada, meelo badan oo ka mid ah kitaabkiisa Albadru Aldaalic ee taariikhda ah ayuu ku difaacay sheekha iyo ardaydiisa, iyo madaxdii reer Sacuud intaba, bal fiiri : 2/7, 2/5-8, 1/262 iyo meelo kale oo kitaabkiisaa ka mid ah.

_____________________________
1 Diiwaanka Sancaani:128-132

Sancaani iyo Shawkaani qarnigii 12aad ilaa iyo wakhtigan masoo marin yaman cid la miizaan ah, cilmiga iyo kutub badnaanta labadaba, fiqhiga laga haysto waqooyiga yaman ee dawlad iyo shacabba la cuskado wuxuu u badan yahay fiqhigii ay ka tageen labadan imaam, Alle ha u naxariisto.

Masar

Dacwadau Masar waxay ka saamaysay taariikhyahankoodii ugu weynaa waa C/raxmaan bin Xasan bin Burhaanudiin Aljabarti1, oo asalkiisu kasoo jeedo dhulka Xabasha, balse dhowr fac ku dhashay Masar, wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamay sidii foosha xumayd ee loola dhaqmay maxaabiistii reer Najdi iyo xoolihii lagu bixiyey xafladihii loogu dabbaaldegayey guushii ku-meel gaarka ahayd.

C/laahi Aala-Sacuud markii loo dhaadhiciyey Astaana oo halkaa lagu toogtay wuxuu ku tilmaamay inuu yahay “Shahiid” Waxyaabihii qaabka darnaa ee reer Baashe sameeyeen waxaa ka mid ahaa inay iibiyeen maxaabiistii qaarkood, Jabarti isagoo arrintan ka gilgilanaya wuxuu yiri: “waa Muslimiin Xor ah”.

Markii Maxamed Cali Baashaa uu la yaabay sida uu Jabarti ula safanyahay culimada wahaabiyada lagu suntay ayey dileen wiil uu dhalay si gaadmo ah, aad ayuu uga murugooday oo ugu ooyey ilaa uu ka indhabeelay, kaddibna waa la ceejiyey oo sidaa ayuu ku dhintay”.2

1 Wuxuu kasoo jeeday dhulka xabasha oo qoyskoodu ka hijroodeen, wuxuu ku dhashay Qaahira 1168H oo ku beegnayd 1756, isaga iyo aabbihiiba waxay ka mid ahaayeen culimadii waaweynayd ee Azhar wuxuuna dhintay 1240H oo ku beegnayd 1825. Akhbaarta sacuudiyiinta wuxuu meelo badan kaga xusay kitaabkiisa loo yaqaan:

Taariikh Aljabarti.

2 Fiiri: Alsacuudiyuun wal-xal al-islaami: Maxamed Jalaal Kashka:176, iyo Al-aclaam: kheyrudiin Zirikli:3/304

Kaddib waxaa yimid Caalimkii Muxamad Rashiid Ridaa1 ee ahaa muftiga labada dawladood:Masar iyo suuriya, isna si weyn ayey dacwadu u saamaysay aad ayuuna ugu difaaci jiray Majalladiisa Almanaar,., isagoo difaacaya sheekh Maxamed bin c/wahaab wuxuu yiri:

“Wuxuu ka mid ahaa imaam maxamed bin C/wahaab kuwaa caadiliinta ah ee diinta boorka ka jafay, wuu istaagay isagoo ku baaqaya in tawxiidka la saafiyeelo, cibaadadana Allaah loo baraxtiro kaligii, sida uu kitaabkiisa ku jideeyey nabigiisa nabiyada lagu khatimayna uu jideeyey, iyo in bidcada iyo macaasida laga tago, shareecada laga tagayna la oogo, iyo in xurmooyinka Alle ee lagu tuntay la weyneeyo”.2

Mar kale waxaa uu yiri isaga oo dhaleecayna xaflad loo sameeyey boqol guuradii kasoo wareegtay markii la taagay xukunkii reer Baashaa 1903 iyadoo masaajiddii aad loo qurxiyey markii xafladdu dhacaysay: “Masaajiddu waa guryihii Alle, mana habboona in loo qurxiyo munaasabadaha xuska boqorrada iyo madaxda kaligood taliyayaasha ah”.

Kaddib wuxuu ka sheekeeyey siyaasad xumadii Maxamed Cali Baashe oo ay ka mid ahayd dagaalkii uu ku qaaday wahaabiyada iyo baabi’intii uu ku sameeyey, iyagoo ahaa kuwii isu taagay hagaajin diineed oo ka curatay jaziiradda carbeed oo ah hoygii islaamka iyo saldhigiisii”.3

Mar kale waxaa uu yiri: “Haddii wixii horjoogsaday aysan jirin, islaamka wuu cusboonaysiin lahaa mid diineed iyo mid aduunyo oo wada jira, wixii ka horyimidna waxaa ugu weynaa dawladdii Cusmaniyiinta iyo taagiriddii Muxamad Cali Baashe uu ku taageeray la dagaallanka wahaabiyada, iyo inuu awoodoodii baabi’iyo, waxa qarsoon ee hoos ka hagayeyna waxay ahayd dawladdii maleegyada shaydaan

1 Wuxuu ahaa reer shaam kadib masar ayuu degay kutub badan ayuu qoray, wuxuu dhintay 1354H 2 Fiiri hordhaca uu Dr Maxamed Ismaaciil Almuqaddam u sameeyey siyaanatul-insaan 1/26 3 Isla halkii hore”1/27

(ingiriiska) cadawgii barigana ahayd, gaar ahaan ummadda islaamka”.1 Waxaa kadib yimid Caalimkii xadiiska looga danbeeyey qarnigii 14aad ee hijriga waa Imaam Abul-ashbaal Axmed Muxammad Shaakir, oo reer Iskandariya ahaa, wuxuu dadaal dheer u galay kor uqaadidda sunnada iyo dhaleecaynta bidcada, wuxuu aad uga shaqeeyey daabicidda kutubta sunnada oo uu ugu weynyahay Musnadka imaamu Axmed bin Xanbal, kutubta tafaasiirta ah, kuwa caqiidada sida Sharraxa Daxaawi ee Imaam Cali bin abil-cizz Alxanafi, iyo kutub kale.

Wuxuu caalimkani ahaa mid aan la ganban xaqa uu aaminsanyahay, wuxuuna ahaa mid aad looga xurmeeyo golayaasha cilmiga ee Masar oo ay Azhar ugu horreyso, aabbihii wuxuu ahaa ninka ugu sarreeya garsoorka Iskandariya.2 jamaacada Ansaaru Alsunnah iyo culimo kale ayaa iyaguna aad u faafiyey dacwadii sunnada ee wahaabiyada lagu suntay, madbacad lagu magacaabo Madbacatu Alsalafiyah ayey ka hirgeliyeen dalka, ka hor bartamihii qarnigii hore, ilaa haddana aad ayey ugu dhex faafsan tahay bulshada reer Masar.

_________________________
1 Almannaar:26/205
2 Sheekh Muxamad Naasirudiin Al-albaani wuxu yiri: noloshaydii laba caalim wax la mid ah ma arag: Axmed Shaakir iyo Badiicudiin Alsindi.

Hindiya

Isla xilligii sheekha waxaa ku noolaa Caalim weyn oo dadka sunnada ugu baaqayey kama qaadan Sheekh Maxamed bin C/wahaab, ee cilmigiisa ayaa xaqa u bidhaamiyey waa imaamka reer Hindiya iyo inta ka go’dayba silsiladdooda cilmigu marto, waa Callaamah Axmed Shaah Dahlawi oo loo yaqaan (Shaah weliyullaah Al-dahlawi) sheekhan iyo faraciisu aad ayey dadka ugu baaqeen in tawxiidka la saafi yeelo, sunnadana halbeeg laga dhigto. Waxaa kale oo hindiya kasoo baxay culimo si weyn u difaacday Sheekh Maxamed bin C/wahaab, kutubna ka qortay, dacwadii uu ku baaqayeyna dadka ugu baaqday, waxaan culimadaa ka xusi karnaa:

Sheekh Maxamed Bashiir Alsahsawaani1: oo qoray kitaabka lagu magacaabo: Siyaanatu Al-insaan can waswasati Daxlaan. (dadka oo laga dhawro waswaasinta Daxlaan) waa kitaab uu kaga jawaabayo been abuurka Daxlaan u gaystay diinta iyo sheekh maxamed iyo dadka taageersanba, waana kitaab weyn oo hadda lagu daabacay laba Mujallad. Sheekh Maxamed Manduur Al-nucmaani: ayaa isna qoray kitaabkiisa ah “Dacaayaat mukathafah didda Sheekh Maxamed bin C/wahaab”. Oo uu kaga jawaabayo dacaayadaha la buunbuuniyey ee sheekha laga faafiyey.

1 Wuxuu ka mid ahaa culimadii xadiiska ee Hindiya kuwii ugu waaweynaa, mar uu xajka yimid ayuu dood la yeeshay Axmed Zayni Daxlaan oo allifay kitaab uu sheekh Maxamed iyo dadka raacsan ku dhaleecaynayo, baadilka iyo qubuurinimadana ku difaacayo, markii sheekh Sahsahaawi uu deegaankiisii ku noqday ayuu qoray kitaabkiisa la yiraahdo Siyaanatu Al-insaan can waswasati Daxlaan. Wuxuu dhintay 1326H, kitaabkiisa waxaa daabacay Rashiid ridaa oo taxqiijiyey, kadibna waxaa daabacay Maxamed ismaaciil Almuqaddam labaduba waa reer Masar.

Sheekh Mascuud Caalim Nadawi1: oo qoray kitaabkiisa cajaaibka badan, oo uu u bixiyey: “Muxamad bin C/wahaab muslixun madluumun wa muftaraa calayh”. (Maxamed c/wahaab waa samaddoon la dulmiyey laguna been abuurtay). Si aad u tafaftiran oo taariikhaysan ayuu kitaabkan u allifay, ugana jawaabay dacaayadihii reer galbeedku sheekha ka faafiyeen iyo kuwii kaleba, kitaabkan asalkiisa Urduu ayuu ku qoray kaddib Carabi ayaa loo tarjumay. Culimo badan oo kale ayaa jirta oo reer hindiya ah waxna ka qortay sheekh Maxamed balse saddexdaa caalim ayaa safka hore kaga jiray.

Sidoo kale taageerayaasha sheekha ama dadka la caqiidada ah ee ku nool hindiya, Pakistan iyo bangaladesh, waxaa loo yaqaan: Ahlu-xadiis, waxayna leeyihiin xarumo aad u badan oo cilmiga lagu barto, sida jaamicadda Alsalafiya, oo ku taal Hindiya-Banaaris oo uu madax ka ahaan jiray caalimkii qoray kitaabka siirada “Alraxiiq Almakhtuum” iyo jaamicadda Alsalafiya ee ku taal Pakistan-Faysalaabaad iyo xarumo kaleba, Jaamacadda Abuubakar ee ku taal Karachi-Pakistan.

Sidoo kale waxaa dalkan mar ka curatay dawlad uu madax ka ahaa amiir la oran jiray Sayid Axmed sannadkii 1820m, balse masii dheeraan jiritaankeedu oo isticmaarkii ingiriiska ayaa ka takhallusay.2

Sidoo kale Caalimkii weynaa ee noocyada cilmiga ku takhasusay waa Imaam Sadiiq Xasan Khaan, markii uu guursaday boqoraddii gobolka Bahoobaal oo hindiya ka mid ah, wuxuu la wareegay maamulkii gobolka, wuxuuna kusoo rogay shareecada islaamka isaga oo dadka ugu baaqayey tawxiidka ugana digayey shirkiga iyo khuraafaadka kale.

Induniisiya

___________________________________
1 Wuxuu ahaa asalkiisii Caalim Xanafi ah kuna dhegan mad-habtiisa, gumaysigii ingiriiska ayaa xabsiga dhigay, kutubtii Shawkaani iyo kuwo kale ayuu xabsiga ku daalacday, markii uu kasoo baxayna wuxuu iska daayey ku-dheganaanshihii xanafiyada ee daliilka ayuu raaci jiray, dadkii sheekha difaacay kuwii ugu dhiirranaa ayuu ka mid ahaa, wuxuu dhintay 1373H 2 Sheekh Muxammad bin C/wahaab: Axmed bin Xajar Aalabuutaami:55-56

Sannadkii 1803m waxaa jaziiradda Soomtara ee ka mid ah induniisiya ka bilaabay dacwadii sheekha Xujeydii kasoo noqotay xajka, kaddib markii ay la kulmeen culimadii reer Najdi ayna ku qanceen manhajkooda, kaddib dagaallo ayaa dhex maray muslimiintii manhajkan ku qancay iyo gaaladii Buudiga ahayd, waxaa arrinta soo farageliyey isticmaarkii Holand, dagaallo ba’an ayaa dhexmaray muslimiinta iyo gumeysiga qaatayna 16 sano, ugu danbayntii gumaystaha ayaa adkaaday xoogagii muslimiintana waa la jabiyey, balse dadkii mabaadida aaminsanaa kama idlaan jaziiradda.1

Galbeedka Afrika

Waxaa kasoo safray nin la oranjiray Cusmaan bin Fowdi, oo ka dhashay qabiilka weyn ee Fullaaniyiinta loo yaqaan, kuna faafsan dalal badan oo galbeedka Afrika ah. Wuxuu dhashay 1168 ama 1169H, oo ku beegnayd 1754M. Sheekhani markii uu xajka yimid, wuxuu la kulmay culimadii dacwada, wuu ka faaiidaystay manhajkoodiina wuu ku qancay, kaddib dalkiisii ayuu ku noqday isaga oo ku baaqaya caqiidada saafiga ah, wuxuu ku guulaystay inuu qabiilkiisii mideeyo kana dhaadhiciyo dacwadii uu ku baaqayey, isla markaana ka dhigto cudud uu adeegsado faafinta caqiidada uu xanbaarsanyahay.

Waxaa iyaguna halkaa degan qabiilka Haawsa ee ku faafsan dalalka Maali, Niijar, kaamaroon, Nayjeeriya iyo kuwo kale, waxay ahaayeen dad islaamka ka haysta magic oo kaliya, ku dhaqma wax kasta oo jaahiliya ah, dagaallo faraha looga gubtay ayaa dhexmaray Cusmaan iyo Haawsa, kaddib guushu waxay raacday Cusmaan, dawlad loo yaqaan Sookootoo, ayuu ka taagay galbeedka Afrika sannadkii 1803M, dawlad la oran jiray Qabar ayuu meesha ka saaray, sidaa ayuu ku faafiyey manhajkii Sheekh Maxamed c/wahaab ee salafiga ahaa, ilaa uu ka dhintay sannadkii 1232H oo ahayd 1817M dawladdani waxay jirtay ilaa isticmaarku dumiyey sannadkii:1903M iyadoo boqol sano jirsatay, faraciisiina ay iska dhaxlayeen.

_______________________________
1 sheekh Maxamed bin C/wahaab caqiidatuhu alsalafiya wa dacwatuhu alislaaxiya: sheekh Axmed bin Xajar Aalabuutaami:56

Cusmaan bin Fowdi waxaa dalalkaa looga aqoonsan yahay halgamaa weyn waxaa jira dugsiyo iyo jaamicado iyo xarumo kale oo badan oo magaciisa lagu maamuusay, dadka deegaankaa degan sida uu ugu weyn yahay caruurta in badani waxaa ay u bixiyaan Cusmaan. Waxaa laga qoray kutub badan oo ka warramaysa taariikhdiisii iyo waxqabadkiisii, sidoo kale dacwadiisii aad ayey dalalkaa uga miradhashay oo galbeedka afrika wuxuu ka mid yahay meelaha ugu badan ee laga haysto dacwadii sheekh maxamed c/wahaab ku baaqay.

Shaam iyo Ciraaq

Sidoo kale Ciraaq iyo Shaam ayaa ka mid ahaa meelihii baaqa sheekhu gaaray xilli hore, balse maadaama ay ku yaalleen saldhigyo waaweyn oo Turkigu lahaa ma suuroobin in dacwadu biya-dhigto wixii ka horreeyey dumiddii dawladda Turkiga, inkastoo ay mar walba jireen shakhsiyaad dacwada aaminsan balse aan awood u lahayn faafinteeda, waxaa ka mid ahaa culimadii Ciraaq ku noolayd ee dacwada faafisay Caalimkii reer Ciraaq Maxamuud Shukri Al-aaluusi iyo adeerkii Nucmaan Al-aluusi, Maxamuud wuxuu allifay kutub dhor ah oo uu ku difaacayo dacwada sheekh Muxammad kuna naqdinayo qubuuriyiinta, waxaa kutubtaa ka mid ahaa:

  1. Qaayatu Al-amaanii firraddi Calaa Alnabhaanii, isagoo ku naqdinayey qubuurigii weynaa ee la oran jiray Yuusuf Alnabhaani1 ee shirkiyaadka difaaci jiray, sheekh Maxamedna si weyn ugu been abuurtay.
  2. Al-aayatu Alkubraa calaa dalaali Alnabhaaniyi fii raa’iyatihi Alsuqraa.
  3. Taariikhdii Najdi.
  4. Sacaadatu Aldaarayn fii sharxi xadiith Al-thaqalayn.
  5. Alsuyuuf almushriqah mukhtasar Alsawaaciq Almursalah.
  6. Fatxu Almannaan tatimmatu minhaaj Alta’siis.
  7. Faslu alkhidaab fii sharxi masaail aljaahiliyah lil-imaam maxamed bin C/wahaab.
  8. Kanzu alsacaadah fii sharxi kalimateey Alshahaadah.

Kutubtaasi dhammaantood caqiiqada islaamka ee saafiga ah ayuu ka allifay wuxuuna ku difaacay sheekh maxamed iyo dadka la caqiidada ah. Shaam iyadana iyadoo cunaqabatayn xaga caqiidada ah la saaray haddana xaqa haddii afka la qabto feeruhuu ka dillaacaa! Waxaa kasoo baxay culimo waaweyn oo aynu ka xusi karno:

Naasirudiin Alxijaazi, iyo abulyasaar Aldimashqi, oo labaduba allifay kutub ay dacwada sheekha ku difaacayeen, sidoo kale Muxamad Bahjat Albaytaar, iyo muxaddiskii weynaa Jamaaludiin Alqaasimi, sidoo kale Muxamad kurdi Cali, ugu danbayntii Imaam Muxammad Naasirudiin Al-albaani oo ahaa muxaddiskii qarnigan. Iyo culimo kale oo Alle ummadda ku anfacay.

___________________________________
1 Wuxuu ahaa Ciraaqi, kasoo shaqeeyey garsoorka iyo saxaafaddaba, gabayaana wuu ahaa, Rashiid Ridaa wuxuu yiri: kutubtiisa waxaa ka buuxa axaadiis la sameeyey iyo kuwa sharciga garab marsan, almannaar: 10/797, dacaawaa almunaawi’iin:55, taariikhdiisa ka eeg: aclaam 8/218

Jazaair

Waxaa jirtay jamciyad lagu magacaabo: “Jamciyadda Culimada Muslimiinta ee reer Jazaair”. Waxaa madax ka ahaa caalimkii weynaa C/xamiid ibnu Baaddiis, waxaa loo aasaasay ka hortagga afkaarta gumaysiga iyo wacyigelinta bulshada, waxayna noqotay mid shacabku aad u taageeray, sidii S.Y.L soomaaliya looga taageeray oo kale.

Faransiiska iyo pro-faransiisku (waxay la midyihiin pro-talyankii soomaaliya) waxay culimadaa ku furayeen tashwiish ah waa wahaabiyo waa in xukuumaddu indhaha ku haysaa dhaqdhaqaaqooda iyo hawlahooda! Waa in laga hortagaa! i.w.m balse culimadani risaalada ay xanbaarsan yihiin ayey gudanayeen danna kama galayn dacaayadaha rakhiiska ah ee gaalada iyo daba-dhilifku faafinayeen.

Haddaba culimadani waxaa ay dadka ugu baaqayeen wax la mid ah wixii sheekh Maxamed ku baaqayey oo ahayd in loo noqdo diintii Alle ee saafiga ahayd, la isagana tago waxyaabaha dib laga keenay, taa ayaana cizzi iyo sharaf lagu gaari karaa.

Ibnu Baaddiis oo hadlaya wuxuu leeyahay: “in dadka loogu yeero kitaabka iyo sunnaha iyo wixii salafku haysteen, loogana digo baadinimada iyo bidcada iyo waxyaabaha lagu halaagsamo miyaa ah faafinta wahaabinimada?! Mise faafinta cilmiga iyo saafiyeynta iyo xorriyadda damiirka iyo weyneynta caqliga iyo adeegsiga caqliga iyo xubnaha ayaa ah noolaynta wahaabinimada? Haddaba haddii sidaa xaaladdu tahay caalamka reer magaalka ahi waa wada wahaabiyo, ummadda muslimiintuna waa wada wahaabiyo”.1

Caalimkii Maxamed Bashiir Al-ibraahiimi oo ka mid ahaa xubnaha Jamciyadda ugu waaweyn isna waxaa hadalladiisii ka mid ahaa: “Toloow! Xaqu wuu ka sarreeyaa shakhsiyaadka, sunnadana laguma magacaabo magaca ciddii noolaysay, wahaabiyadu waa dad muslimiin ah oo idin la wadaaga ku abtirsiga islaamka, oo idin kaga sarreeya oogidda shareecadiisa iyo xuduuddiisa, muslimiinta dhammaan casrigan joogana kaga sarreeya hal arrin oo ah inaysan ogoleyn wax bidco ah, danbigoodu muxuu yahay haddii ay inkireen wixii kitaabka Alle iyo sunnada rasuulku inkireen?!

____________________________
1 Aathaaru ibni Baadiis:5/270-271

Ayna ugu fududaatay wixii ay awood heleen inay munkarka ku dooriyaan!”.1 Danta aynu ka leenahay waxa weeye in jamciyaddan oo safka hore kaga jirtay xoraynta Jazaair ay aaminsanaayeen isla mabaadidii uu sheekh Maxamed ku baaqay, taas oo aynu oran karno dacwada sheekhu waa ay biya-dhigtay Waqooyiga Afrika.

Taariikhyahanna qaarkood ayaa sheega in dhaqdhaqaaqii loo yiqiin Al-sanuusiya, ee ka jiray waqooyiga Afrika, gaar ahaan Liibiya lana dagaallamay gumaysiga ay aaminsanaayeen mabaadidii sheekha, balse taa ma qirsana taariikhyahannada dacwadu, ee waxay sanuusiyadu ahayd mid la mid ah dariiqadii Saalixiyada ee ka jirtay Suudaan iyo Soomaaliya ayna matalayeen daraawiishtii Sayid Maxamed Cabdille Xasan.

__________________________
1 Aathaar Al-ibraahiimi:123-124

Soomaaliya

Soomaaliya waa meel dadkeeda lagu ibtileeyey wax qoris la’aan, sidaa darteed ayaa dhacdooyinka iyo waxyaabaha lasoo darsaa badankoodu dabaysha raacaan, intii la helaana ay adkaataa hufiddeeda iyo kala shaandhaynteedu, dadyowga geeska Afrika ee Soomaaliya ilaa Ereteriya, waxay ka mid ahaayeen meelaha sida tooska ah xiriirka ula leh jaziiradda carbeed, guud ahaan muslimiinta dhulalkan ku noolna Xajka ayey sannad walba gudan jireen oo dad ayaa ka aadi jiray, sidaa darteed waxay ahaayeen dad u dhuun-duleela waxa ka jira geyigaa.

Haddii aynu usoo dhaadhacno dalkeenna Soomaaliya, waxaa sugan in dacwada sheekhu soo gaartay wakhti hore, isla bilawgii dawladdii Sacuudiga ee koowaad; Waxaa taariikhdu inoo kaydisay in shakhsiyaadkii ugu horreeyey ee dacwada sheekha soo xanbaara uu ka mid ahaa Caalimkii weynaa ee magaca ku lahaa dalka Soomaaliya, waa Sheekh Cali C/raxmaan Fiqi-kheyrre, oo loo yiqiin (Xaaji Cali Majeerteen).

Caalimkani wuxuu noolaa intii u dhexaysay 1787-1852M, wuxuu ku dhashay gobolka Nugaal, halkaa ayuuna wax ku bartay, ugu danbayntii wuxuu u socdaalay jaziiradda carabta ilaa ciraaq oo uu cilmi badan kasoo xanbaaray, 10 ilaa 12 sanana uu joogay labada xaram iyo Ciraaq. Waxaa uu aqoon dheer u lahaa culuumta luqadda carabiga iyo suugaanteeda, fiqhiga madaahibta islaamka, xadiiska iyo tafsiirka, iyo weliba culuum kale oo aan diini ahayn, sida:xisaabta, cilmi-falaga iyo kuwo kale;

Sheekhani wuxuu la kulmay ardaydii Sheekh Maxamed bin C/wahaab manhajkoodiina wuu ku qancay, sidaa darteed markii uu dalka kusoo noqday wuxuu bilaabay halgan diineed oo dheer, wuxuu isku dayey inuu dacwada ka dhaadhiciyo Boqortooyo beeleeddii ka jirtay gobolka Bari, xukumaysayna ilaa gobollada dhexe, wuxuu u bandhigay inay shareecada Alle hirgeliyaan, kana waantoobaan dhaqanxumada iyo alle ka fogaanshaha ay ku suganyihiin, si kasta oo uu u waaniyey ulana hadlay dhegaha ayey ka furaysteen.

Ugu danbayntii sheekha iyo shakhsiyaad kooban oo dacwadiisii aqbalay waxay isku dayeen in ay xiriir la sameeyaan walaalahooda jaziiradda carabta jooga kana codsadaan inay soo farageliyaan arrimaha soomaaliya, iyadoo markaana laga cabsi qabay gumaysigii ingiriiska ee saldhiga ka samaystay Cadan 1836dii inuu usoo tallaabo Soomaaliya.

Sheekha iyo Caaqil Faarax xirsi oo ay boqorka reer Bari qaraabo ahaayeen waxay warqad dheer u direen Suldaan Saqar Alqaasimi oo ka arriminayey Ra’sul-kheyma, haddana faraciisu ka taliyaan isla degmadaa iyo Shaariqa oo labaduba isutagga carabta ka mid ah.1 Waxay u sharxeen xaaladda qallafsan ee dalku ku jiro, sida diintii looga fogaaday xaaraantiina loo xalaashaday, caqiidadii saxda ahaydna looga tagay.

Suldaan Saqar oo markaa sumcad ku lahaa dalka soomaaliya waxay ugu baaqeen inuu soomaaliya ku darsado boqortooyadiisa si uusan gumeysigu ugu soo hanqaltaagin; Waxaa kale oo ay ka dalbadeen saanad ciidan, oo ay ku muquuniyaan shacabka soomaaliyeed ee diinta kasoo horjeeda;

Waxaa sheekh cali warqadda ku yiri: Haddaadan awoodi Karin inaad ciidan noosoo dirto, soo far dadka musaafirka ah oo dhulkiinna ka imanaya fariimo ah: “Suldaan bin Saqar ayaa nasoo diray si aanu ugu jahaadno kuwa baadiyeysan ee dhulka soomaaliya,

1 Waxaa la weriyaa inuu yahay suldaanka loogu magacdaray Boosaaso marka loogu yeero. Bandarqaasim annagoo la jirra Xaaji Cali iyo Xaaji Faarax, sidaasi aad bay noo anfacaysaa waxna noo taraysaa”.2 Balse suldaanku isaga ayaaba taageero u baahnaa oo kusii jeeday iska caabbinta weeraro ingiriiskii hindiya fadhiyey kaga imanayey.

Warqaddan Sheekh Cali u diray Suldaanka, qoraayo dhowr ah ayaa ku xusay kutubtooda, balse waxay u tiiriyeen odayaasha ama culimada soomaaliyeed oo warqad guud ayey ka dhigeen, mana ahayn ee warqadda Sheekh cali kaliya ayaa diray, oo uu weheliyo caaqil Faarax Xirsi, taa waxaa u daliil ah iyada oo qoraaga weyn ee Aw Jaaac Cumar ciise uu hoygii sheekha kasoo helay asalkii warqadda (makhduudadii) oo waafaqsan warqadda ay faafiyeen:

Axmed C/laahi Riiraash, Xasan Maki, Axmed Barkhad, Dr Suldaan Alqaasimi (xaakimka Shaariqa), maadaama dulucda warqaddu iswaafaqsantahay, asalkiina laga helay hoygii sheekha, waa arrin sugaysa in warqadda sheekhu qoray. Arrinta labaad ee uusan muran geli Karin waxaa ay tahay: in magaca Xaaji Cali iyo Caaqil Faarax ay ku suganyihiin warqadda dhexdeeda, lana ogyahay inay ahaayeen laba nin oo ku wada socday qaddiyaddan.

Qolyo ayaa yiri: heerkiisa aqooneed maba gaarsiisnayn inuu warqaddan oo kale qoro!! Warqaddiisa jawaabaha ah ee uu u diray wadaadkii soomaaliga ahaa2 isku heer uma qorna, isku tacbiirna ma aha!! Iyaga oo aan fahmin farqiga u dhexeeya warqad shakhsi caadi ah loo dirayo iyo warqad boqor loo dirayo, qaabka dhigaalka iyo hab maamuuseedka la adeegsanayo, iyo weliba dulucda qoraalka. Marka ay la weynaatay in sheekh Cali qoray warqaddan yar waxaysan ka warhayn in sheekhu qoray kutubtan hoos ku qoran:

Kuttubta

___________________________________________

1 Taariikhda buunigii mujtahidka ahaa: ee uu qoray Aw Jaamac Cumar Ciise:55
2 Waa risaalada la yiraahdo: Ajwibatu Alqaybiyah lilsuaalaati Alqarbiya

Balse nin soomaali ka dhashay nasiib uma leh in raadkiisa cilmi uu waaro lana manaafacaadsado, innagoo reer guuraa ah darteed, kutubtaa waxaa laga hayaa risaalada ugu danbaysa oo ah mid kooban, balse inta kale iyada ayey magacyadoodu ku xusanyihiin.4

Aan usoo noqonno mawduuceennii:

Sheekh Cali laga soo bilaabo lagana soo gaaro xilligii Sheekh Nuur Cali C/raxmaan oo ahaa ninkii qayladhaan aad u dheer soomaaliya gaar ahaan gobollada dhexe iyo koonfurta la dhexmaray isagoo tawxiidka dadka ugu baaqaya, marnaba gobolka bari kama marnayn shakhsiyaad haysta baaqii sheekh Maxamed C/wahaab akhristana kutubtiisii, kana dhan ah caadooyinka xunxun iyo qubuuriyiintii dalka ku baahsanaa;

___________________________________
1 Waa kitaab uu ku sharxay Qaamuus almuxiid-ka fayruuz Aabaadi
2 Waa kitaab ku saabsan Culuum Alquraan
3 Waa kitaab fiqhi ah oo ku dhisan adillada kitaabka iyo sunnada.
4 Sheekh jaamac cumar ciise oo ah taariikhyahan culimo badan la fariistay warbixin badanna ka qaaday wuxuu qabaa inuusan geyiga soomaaliyeed cagta soo dhigin caalimkan mid la mid ah, waana arrin ka muuqata kutubtiisaa aynu xusnay, waxaase nasiib darro ah in dhallinyaro muqarrar kooban soo xarriiqday ay maanta isku dayaan xadaynta darajadii culimada.

Sidoo kale gobollada kale ee soomaaliya ayaan ka marnayn shakhsiyaad aaminsanaa caqiidadaas, inkastoo aysan ii fududaan inaan helo magacyada culimadii gobollada kale hormoodka u ahayd.

Waxyaabaha caddaynaya inuu sheekh Cali aaminsanaa mid la mid ah dacwadii Sheekh Maxamed:

  • Isaga oo ku tilmaamay sheekh maxamed inuu ahaa Mujaddid (ninkii diinta kor uqaaday boorkana ka jafay qarnigii 11aad ee hijriga).1
  • Isaga oo warqaddaa aan kor ku sheegnay u diray mid ka mid ah kuwii ugu waaweynaa taageerayaashii Aalasacuud ee khaliijka.2
  • Iyo isaga oo gabayo ka tiriyey caadooyinkii xumaa ee baahsanaa, waxaana ka mid ahaa tix laga hayo tuducyadan:

”Ma akliyo wamaa uhilla iyo ari qubuureedka!3 Xeerey aabayaasho gooyeen abaynaahu Rasuulkii ergada noo ahaa itabacnaahu4.” Waana gabay ay hayaan in badan oo reer miyiga ka mid ah.

Taariikhda caalimkan waxaa uruurinteeda dadaal dheer u galay taariikhyahanka cimrigiisa ku dhammaystay baadigoobka xaqiiqada iyo dhaxalkii soomaaliyeed waa halgamaaga qalinka Sheekh Jaamac Cumar Ciise (qoraaga taariikhdii daraawiishta iyo kutub badan oo taariikh iyo suugaanba leh), caafimaad badan Alle hasiiyee, cimrigiisana kheyr ha ugu khatimee, Kitaab ayuu ku ururiyey intii uu ka helay taariikhdii Sheekh Cali wuxuuna u bixiyey:

“Taariikhda buunigii mujtahidka ahaa: Xaaji Cali C/raxmaan Fiqi”

Kitaabku laba qaybood ayuu ka koobanyahay, qayb carabi ah iyo qayb soomaali ah, waxyaabo ay isku mid ka yihiin iyo waxyaabo ay ku kala duwanyihiin labaduba waa jiraan.

________________________________
1 Inkastoo ay sahwi tahay oo sheekhu noolaa qarnigii 12aad iyo horraantii qarnigii 13aad, haddana Waxaa ay ku xusantahay risaalada Al-ajwibatu Alqaybiyah lil-suaalaat alqarbiyah, fiiri taariikhda buunigii mujtahidka ahaa, bogga:75 qaybta carabiga ah.
2 Inuu Suldaan Saqar ka mid ahaa taageerayaashii Aalasacuud waxaynu kaga soo hadalnay qaybtii dawladdii sacuudiga ee koowaad.
3 Ma cuno wixii cid aan alle ahayn loo gawracay, sida axanka iyo waxa qabuuraha loo bireeyo.
4 fiiri buuga taariikhda buunigii mujtahidka ahaa bogga:29 qaybta soomaaliga ah.

Taariikhda sheekha iyo dhulalkii uu maray iyo waxqabadkiisii waa ay ka midaysan yihiin, qaybta soomaaligu waxaa ay la gaar tahay maansooyinkiisii soomaaliga ahaa, qaybta carabiguna waxaa ay la gaar tahay qoraaladiisii iyo gabayadiisii carabiga ahaa. Ugu danbayntii waxaan leennahay Soomaaliya waxay ka mid ahayd meelihii ugu horraysay ee dacwada sheekhu soo gaarto, ayna horkaceeyn dadkii markaa ugu cilmi badnaa guud ahaan geyiga soomaaliyeed.