Taariikhda
Muslim Bin Xajaaj
مسلم بن الحجاج

Imaam Muslim:
Abuu Al-Xuseyn Casaakir Ad-Diin Muslim
Ibnu Al-Xajjaaj Ibnu Muslim Ibnu Ward
Ibn Kawshaadh Al-Qushayrii Al-Naysaabuuri.

أبو الحسين عساكر الدين مسلم بن الحجاج
بن مسلم بن وَرْد بن كوشاذ القشيري النيسابوري

Decorative Lines

Magaca Imaamka

Wuxuu caan ku yahay ama loo yaqaanaa Imaam Muslim, waana caalim Iirani ah, waxanaa loo yaqaani Muxxadith. Kitaabka uu qoraynah waxaa loo yaqaanaa Saxiix Muslim. Saxiix Muslim wuxuu ka mid yahay lixda Kutub ugu waaweyn ee axaadiith-ta sunnida ah waxaana uu caalamka Islaamka oo dhan ictiqaad-san yahay inuu Saxiix Muslim yahay mid axaadiith-tiista oo idil wada sax yihiin sida Saxiix Bukhaari oo kale.

Muslim ibnu al-Xajjaj – مسلم بن الحجاج

  • Magaciis: Imam Muslim
  • Dhashay: Kadib 815 Nishapur, Khorasaan Iiraan
  • Geeriyoday: May 875  Nasarabad -Nishapur
  • Waqtigii: Khilaafada Cabbaasiyiinya
  • Shaqadiisa: Aruurinta Axaadiith-ta
  • Denomination: Sunni Islaam
  • Fiqi: Shaafici iyo Ijtihad
  • Wuxuu aad uga shaqeyn jiray: Axaadiith-ta
  • Waa qoraha kitaabka: Sahih Muslim

Abul Xusayn Muslim ibnu Al-xajjaaj Al-qushayri Al-nisaabuuri , waxuu ku dhashay magaalada Nisaabuur, oo ku taal waqooyiga bari ee dalka Iran. Aabihii waa Xajjaaj Bin Muslim Al-Qushayri, waxuu ku barbaaray guri cilmi iyo taqwo u saaxiib ah.

Waxuu barashada cilmiga bilaabay isagoo yar, maadaama aabihii ahaa nin cilmi lehna waxay taasi u fudadaysay inuu noqdo mid deegaan imaan iyo cilmiba leh ku dhex jira , waxaana la tilmaama isagoo 12 jir ah inuu bilaabay inuu xadiithka raadraaco.

Shuyuukhdiisa uu cilmiga ka helay

Waa badanyihiin culimada uu cilmiga xadiithka ka dhaxlay, waxaana lagu sheegaa inay gaadheen 220 caalim.

Xagga Makka Waxuu cilmiga ka qaatay ,Cabdullahi Bin Maslama Al-Qacnabi, waana sheikhiisa ugu wayn ee uu ka qaatay badanka cilmiga xadiithka.

  • Yaxya Bin Yaxya Al-Nishaabuuri Al-Tamiimi
  • Saciid Ibnu Mansuur iyo kuwo kale oo badan.

Ardaydiisii

  • Cali bin Al-Xasan Bin Abii Ciisa AL-Hilaali
  • Ibn Abii Xaatim Al-Raaz
  • Abu Ciisaa Al-Tarmidi
  • Ibnu Khusaymah .

Kutubta uu qoray Imaam Muslim

Kutubta uu allifay Imaam Muslim way badanyihiin waxaana la sheegaa in qaarna la hayo qaar kalena aan qoraalkoodii la haynin,

Waxaana ka mid ah:

  • كتابه الصحيح، وهو أشهر كتبه.
  • كتاب التمييز.
  • كتاب العلل.
  • كتاب الوُحْدَان.
  • كتاب الأفراد.
  • كتاب الأَقْران.
  • كتاب سؤالاته أحمد بن حنبل.
  • كتاب عمرو بن شعيب.
  • كتاب الانتفاع بأُهُبِ السِّباع.
  • كتاب مشايخ مالك.
  • كتاب مشايخ الثوري.
  • كتاب مشايخ شعبة.
  • كتاب من ليس له إلا راوٍ واحد.
  • كتاب المخضرمين.
  • كتاب أولاد الصحابة.
  • كتاب أوهام المحدثين.
  • كتاب الطبقات.
  • كتاب أفراد الشاميين.

Ammaantii ay ka yidhaahdeen Culimadu

Waxa uu yidhi Abuu Quraysh Al-xaafid, xuffaada adduunku waa affar.

  • Abii Zarcah Ad-Dimishiqi
  • Muslim Naasibuuri
  • Cabdullaah Daamiriyi Iyo
  • Muxamed Bin Ismaciil Al-Bukhaari

Waxaa kale oo uu soo weriyay Abuu Cabdullaah Al-Xaakim, in Maxamed Bin CabdulWahhab Al-farraa’ uu yidhi “ Muslim Bin Xajjaaj waxuu ahaa Culimada Ummada iyo weelka cilmiga “

Waxaa uu yidhi Sadiiq Bin Xasan Al-Qannuuji, oo ah saaxiibka qoray kitaabka “ Abjad Al-culuum”

“Waxuu ahaa Imaam Muslim Bin Xajjaaj mid ka mid ah Culimadii Xuffaada Xadiithka ahaa, iyo kan ugu cilmiga badan Muxadithiinta Khuraasaan Imaam Bukhaari kadib.

Dhimishadii Imaam Muslim.

Imaam Muslim waxuu noolaa 55 Sano, waxaa lagu aasay oo uu ku dhintay magaaladiisa Naasibuuri sannadkii 261 Hijriga, RaximahuAllaah.

Qore: Ahmed ( Muxsin )