Taariikhda
Sheekh Muxammad
Bin C/wahaab

Al-Imaam:
Muxammad bin Cabdul-Wahaab
bin Suleymaan Al-Tamiimiyi

Waxaa qore:
Maxamad Cusmaan Aadam

Hordhac |Q. 1aad |Q. 2aad |Q. 3aad |Q. 4aad |
Q. 5aad |Q. 6aad |Q. 7aad |Q. 8aad

Decorative Lines

Taariikh Sheekh Maxammad

Bin Cadul-Wahaab

Halgankiisii iyo raadkii uu reebay
1115-1206H (1703-1792)

Qaybta | 6aad

Sababihii Sheekha Guuleeyey

Baaqii sheekhu kaga dhawaaqay carriga Najdi, bari iyo galbeedna ku faafay, miro badan oo dawlado ka mid yihiinna reebay, maxaan is oran karnaa wuu guuleeyey? Waxaynu ognahay in mar walba ay kacaan baaqyo dadka loogu yeerayo, iyo waddooyin dadka loo jeexayo oo dadka la qaadsiinayo iyadoo khasab iyo sasabaad intaba la adeegsanayo, dad hirka iska raacana ay jiraan mar walba;

Baaqyadaasi heer kasta oo ay gaaraan mar walba waa kuwii guushoodu noqoto dhays bakayle, haddii waddada loo maray iyo hadafka la tiigsanayaa mid kastaa uusan ahayn mid Alle ka raalliyahay, Allena kama raalli noqdo waxaan sharcigiisa waafaq-sanayn.

Dacwadii sheekh Maxamed ku baaqay waa ay hanaqaadday, waa ayna mira-dhashay, wayna guulaysatay halbeeg kasta oo guusha lagu cabbiro marka aynu adeegsanno!

Dad raacsan ayaa jira, jiha walba way ku faaftay iyada oon cidna lagu dirqin, kutub u hiilinaysa ayaa taalla, dadka ku dhegani mar walba oo la garramo waa ay ka xuja cadyihiin dadka kasoo horjeeda! haddii aan cadow kale loosoo adeegsanna waa ay ka awood badan yihiin!!

Bal si qotodheer u dhuux: duullaankii lagu tirtiray dawladdii koowaad ee sacuudiga waxaa isu soo kaashaday: Turki, Masriyiin, Ashraaftii xijaaz, iyo ingiriiska oo u sacabtumayey!! Halka iyagu ay ahaayeen dadkii deegaanka oo kaliya!! Markii ay samaysmeen oo faafeenna aysan jirin awood kale oo riixaysay ama bari-taaraysay!!!  Taasi waa halbeega xaqa lagu miizaamo oo ah, dadka iyo xaqa haddii la isu daayo in xaqu guulaysanayo.

__________________________________________________________
1 Almustadaab fii asbaabi najaaxi dacwati imaam muxamed bin c/wahaab: waxa qoray C/raxmaan Yuusuf Alraxma 17-49:

Waxaad dib u xasuusataa hadalkii Muxammad bin Sacuud uu ku lahaa haweentiisa habeynkii ay ka doodayeen in Sheekh Maxamed lasoo dhaweeyo lana taageero muxuu yiri? “haweenyahay arintu taageero kaliya kuma joogsanayso! Ee carab oo dhan ayaa inaga dhan noqonaysa!! Iyaduna ay ku jawaabtay:

”Allaah ayaa inoo hiilinaya haddii aynu diintiisa u hiilinno

Maxamed bin Sacuud aad ayuu uga baqayey awoodihii Najdi iyo agagaarkeeda ka jiray iska daa meel ka baxsane, kamana uusan awood badnayd amiirradii Cuyeyna, Riyaad iyo meelihii dariska lahaa marka mid mid ay isaga horyimaaddaan, haddii ay isa soo bahaystaanna arrintu si kale ayeyba ahayd; Suleymaan bin Cureycir oo ahaa ninkii Axsaa haystay oo amarka ku siiyey ibnu Macmar inuu Sheekh Maxamed Cuyeyna ka saaro maxaad u malayn isaga?! Laxaadkiisu intee le’ekaa?!!

Waxaas oo dhan markii uu ina Sacuud xaqa garab istaagay waxay noqdeen wax liita oo tabar daran, Allena waa uga hiiliyey, waxayna noqdeen wax taariikhda reer Sacuud lagu dhex xuso, ee aan gaarkood loo xusin!!! Haddii aynu usoo noqonno jawaabta suaasheennii ahayd maxaa sheekh maxamed guuleeyey? Innagoo faahfaahin doonna sababihii guuleeyey haddana waxaynu kusoo koobi karnaa, waxaa guuleeyey: Isaga oo dadka ugu baaqayey wixii nabigu ugu baaqay ee ah: In Alle kaliya la caabudo, cibaado nooc ay noqotaba loo baraxtiro, cid kalena aan wax looga leexin, ha ahaato ciddaasi malag, nabi ama cid ka hoosaysa.

Midda labaad: qaabka Alle lagu caabudayaa inuu noqdo tii uu nabi Muxammad sallalaahu calayhi wasallama ku caabudi jiray saxaabadiisana uu baray, ummadiisana uu u dardaarmay, maxaa yeelay nabigu isaga ayaa Alle iyo dadkiisa isku xira, loona soo diray inuu tuso jidka Alle loo maro, aakhirana isaga ayaa dadka ku markhaati furaya inuu tusay waddadii xaqa.

Jawaabta oo faahfaahsan

Waxaa la dhihi karaa sheekha waxyaabihii guuleeyey waxaa ugu waaweynaa qodobadan hoos ku qoran:

1- isaga oo ku baaqay Tawxiidka ahmiyadna siiyey:

Tawxiidku sida la wada ogsoonyahay waa tiirka koowaad ee islaamku ku taaganyahay, waa albaabka diinta laga soo galo, sidaa darteed waxaa waajib ah in la toosiyo lagana sifeeyo mirir kasta; Haddii la dumiyo ama la dhaawaco qofka camalkiisa ayey ka goantahay oo baaba’aya ama dhaawacmaya.

Tawxiidku waa midkii asalka u ahaa dhammaan baaqyadii nabiyadii Alle soo diray, isaga ayey siinayeen mudnaanta koowaad, ciddii badbaaddaa isaga ayey ku badbaadaysay, ciddii halaagsantaana isaga ayey ku halaagsamaysay. Nabi nuux calayhi salaam 950 sano ayuu dadkiisa diinta ugu baaqayey halaaga ka hor, tawxiidka ayuuna ku baaqayey! Dad yar oo hal doonni qaaddo ayaa rumeeyey, intii kale waa halaagsameen, maxaa yeelay tawxiidka ayey diideen, rasuulladii kale iyo ummadahoodiina sidaas oo kale ayey ku kala baxeen.

Nabigeennu sallalaahu calayhi wasallama 13kii sano ee uu Maka joogay 1o ka mid ah tawxiidka kaliya ayuu ku baaqayey, maxaa yeelay shareecada kale ayaa isaga ku duldhismaysa, haddii aan la adkayn dhismaha kale ma istaagi karo. Tawxiidku waa midka Alle u abuuray dhammaan inta xilku qabto, waa jinniga iyo insiga, waa midka dadku ugu qaybsamo gaalo iyo muslim, dartiina loogu dagaallamo, jannada iyo naartana loo abuuray. Ma aha marka shay la dhayalsan karo.

Tawxiidku wuu buraa wuuna nuqsaamaa, waxaana waajib ah in labadaba laga dhawro, waxa buriyaa waa shirki, waxa nuqsaamin u keeni karaana waa wax shirki ku gaarsiinaya. Suurtagal ma tahay in waxyaabo tawxiidka ka hooseeyaa buraan sida salaadda, soonka, sakada, xajka, dahaarada i.w.m, tawxiidkuna uusan burin?! Ma aha wax maangal ah ama sharcigu qabo! Shirkigu waa in xuquuqdii Alle gaarka u lahaa cid kale wax laga siiyo, oo cid aan Alle ahayn loo tukado, ama la baryo, ama la gargaarsado, ama loo gawraco, ama loo nadro, ama dhib iyo dheef laga rajeeyo i.w.m.

Shirkigu waa kii ugu weynaa cudurradii ay nabiyadu daweynayeen, wuuna jiri doonaa ilaa qiyaamuhu ka oogmo, mar walbana Alle wuxuu usoo saaraa dad samadoonno ah oo dadka ka sifeeya, intii Alle dawo u qoraana waa caafimaaddaa inta kalena darxumo ayey u dhimataa! Sheekh Maxamed bin C/wahaab waxaa uu nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo halyeeyadaa taariikhda ka galay bogga qaaliga ah, Allena ku karaameeyey uguna hiiliyey qaadida culeyskaa weyn ee ummadeed.

Waxaa uu kusoo beegmay xilli ummadda inta badani u jabtay dhanka xidigaha, qabuuraha, dad culimo lagu sheegay, iyo waxyaabo badan oo lagu fitnoobay, iyaga oo waxaas oo dhan ka dalbaya wax aan Alle mooyee cid kale hanan Karin, sida caruur, roob, amni, barwaaqo, hodantinnimo i.w.m. Markii shekhu arrintaa arkay ayuu naftiisa u huray, af iyo qalinna adeegsaday, cid kasta oo ku garab istaagaysana raadsaday, wixii aynu soo marnay ayaa dhacay. Sheekhu kitaabkiisa tawxiidka ah wuxuu ku saleeyey daaweynta cudurradii jiray, 66 baab ayuu ka dhigay, mid kastaa daawana wuu tilmaamayaa, cudurna wuu ka digayaa! 50 sano ka badan oo sheekhu ku baaqayey tubta toosan indhihiisana uu ku arkay mirihii halgankiisa ayaa la oofsaday isagoo jira 91 sano.

2- Isaga oo sunnada ku dheganaa: in Alle la caabudo waa micnaha qaybta hore ee kalimadda tawxiidka:

Tawxiid 01

In rasuulka la raacaanaa waa micnaha qaybta labaad ee tawxiidka:

Tawxiid 02

Rasuulka sunnadiisu waa waxyi Alle xagiisa ka yimid, sida quraankuba waxyi u yahay, oo Alle u yiri:

Surat An-Najm 4

Sidaa darteed ayuu Alle inoogu waajibiyey qaadashada wax walba oo nabigu la yimid, rasuulka oo laga amar qaataana tahay Allaah oo laga amar qaatay, qofnana aysan u bannaanayn inuu doorasho ka yeesho ama racfaan ka qaato dariiqii rasuulka sallalaahu calayhi wasallama.

Wax walba oo qofka muslimka ah laga rabo ha noqoto: caqiido, cibaado, akhlaaq, ganacsi, guur, dhaqan, furriin, qisaas iyo mag, i.w.m waa inuu ku saleeyaa wixii Alle yiri iyo wixii nabigiisu yiri sallalaahu calayhi wasallama, hadii uu yeelo wuu badbaadi, hadii uu ka leexdana wuu hoogi, hadba qaddarka raaciddiisu le’egtahay ayuu badbaado helayaa, inta uu khilaaf sameeyana halaag ayuu ku mudanayaa.

Sidee Sheekhu sunnada u qabsaday..?

B: Isaga oo baaqiisa ku saleeyey daliil quraan ah ama xadiis, oo xasuusan xadiiskii nabigeennu yiri sallalaahu calayhi wasallama: “waxaan idinkaga tagay wax aydaan lumayn intaad qabsanaysaan: waa kitaabka Alle iyo sunnada rasuulkiisa.1

T: Iyada oo loola noqonayey sunnada wax walba oo la isku khilaafo, maxaa yeelay? Waa waajib diini ah oo Alle ina faray in lagu kala baxo kitaabka iyo sunnada. Iyada oo aan qofna xor u ahayn inuu sida uu doono u fasirto kitaabka iyo sunnada ee uu ku khasbanyahay waajibna ay ku tahay inuu ula noqdo sidii saxaabada iyo qarniyadii wanaagsanaa u fasirteen.

J: In hadalka Alle iyo hadalka rasuulkiisa laga dhigo halbeega lagu cabbiro kheyrka iyo sharka, lagana hormariyo hadal kasta iyo falsafad kasta. Sheekhu si uu dadka ugu celiyo sunnadii rasuulka ayuu allifay kutub sunnada iyo siirada ka hadlaysa;

Sidoo kale sheekha iyo ardaydiisii waxay ka digeen wax walba oo khilaafaya sunnadii nabiga sallalaahu calayhi wasallama maxaa yeelay waa bidco, bidcana waa lagu naar tagaa, sida rasuulku inoo sheegay sallalaahu calayhi wasallama.

_______________________________
1 Xaakim, silsiladda Saxiixada ah:1761

Qofku inuu sunnadii garab marsanyahay waxaa calaamad u ah: inuusan sunnada baran, danna ka gelin, waxayna ahayd arrin xilligii sheekhu soo baxay baahsanayd, had iyo jeerna dadka sunnada barashadeeda aan ahmiyadda siin kheyr badan ma laha, waana sidii culimadii hore oran jireen:

“Ra’yigu waa habayn, xadiiskuse waa dharaar”!

Qofkii dadka ugu baaqa sunnadii nabiga sallalaahu calayhi wasallama wuxuu noqonayaa qof sharaf leh, darajadiisuna sarrayso if iyo aakhiraba, wuxuuna qayb ka helayaa hadalkii Allaah ee ahaa:

Surat Ash-Sharh - 4

‘’Sharaftaada waanu kuu koryeellay.’’ [Surat: Ash-Sharax, 4]

Sheekha waxyaabihii koryeelay waxaa ka mid ahaa sunnada ayuu koryeelay, aakhirana darajo sare iyo nabiga la jirkiisa inuu ahaado ayaan u rajaynaynaa.

3- Isaga oo cilmi iyo aragti cad ku socday: cilmigu waa sharaf, iftiin, darajo iyo maamuus, qofkii daneeya wuu sarreysiiyaa, kii aan danayna wuu hoosmaraa! Waa jid ku gaarsiinaya wanaag oo dhan, kuu sababaya sharaf aadan si kale ku hesheen; Ummaduhu isaga ayey ku kala hormaraan, islaamkuna aad ayuu ugu boorriyey barashadiisa, wuxuuna ka dhigay jid qofkii qaada jannada geynaya. Dacwo kasta oo cilmi ku socotaa waxay filataa waa guul, tii xamaasad kaliya ku socotaana waxay ku kadsowdaa dhaan dabagaalle!

Sheekh Maxamed Alle ha u naxariistee, arrintaa si weyn ayuu u dareensanaa tan iyo maalintii uu garaadsaday, sidaa darteed ayuu cilmiga geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay, safar labaatan sano ku dhawaad qaatayna dartii u galay, ujeedada uu ka lahaa maxay ahayd?! Wuxuu arkayey in ummaddu ka fogaatay barashadii cilmiga, baadinimada ay ku jirtana ay ugu wacan tahay jaahilnimada ku dhex faaftay, iyo kuwo culimo sheegtay oo dadkii baadida u horkacay!

Haddii uu baaqiisii bilaabay wax walba cilmi ayuu ku saleeyey, magaalooyinkii uu ku noolaana ma joogin cid garab istaagi kartay xaga cilmiga. Masaajid iyo xarumo kale oo cilmi ayuu aasaasay, waxaana soo xaadiri jirey dad cilmi doon ah iyo kuwo hanuun doon ah intaba, arday jihooyin kale ka yimid ayaa Dirciya soo cammiray, habaynkiina xoogsan jiray maalintiina cilmiga baran jiray, dadaal iyo deyn badan ayaa sheekhu u galay ardaydaa aflixintooda, Allena waa ku guuleeyey, haddii sheekhu dhintay baaqiisii ma demin, caruurtiisii oo ka mid ahaa dadkii ka aflaxay iyo kuwo kale ayaa sii waday, tan iyo xilligan oo culimada labada xaram joogtaa iyo Najdi iyo meelo badan oo kala duwanba ay haystaan cilmigii sheekha.

Haddaba waxaynu oran karnaa sheekhu wuxuu haystay xujo cad oo adag, cid kasta oo raacdayna uu ku qanciyey, kuwii ka horyimidna uu ku aamusiyey!

Taasi waa cilmiga. Kutubtii uu qoray iyo jawaabihii uu ka bixiyey suaalihii la weydiiyey iyo warqadihii uu diri jirey intuba waa astaan cad oo cilmigiisii ina tusaysa.

4- Isaga oo ku tiirsanaa xukuumad taageeraysa waxay ahayd xikmad Alle qalbigiisa ku tuuray inuu ku dadaalo hanuuninta madaxdii deegaankiisa iyo inuu ku qanciyo ku dhaqanka sharciga Alle iyo fulintiisa. Waxaynu soo xusnay in Sheekhu Xureymala uga soo baxay fawdo ka jirtay darteed iyo iyadoo aan lahayn maamul midaysan, qofka naftiisuna aysan qiimo weyn ku lahayn oo cid kastaa kusoo dhiirran kartay.

Haddii uu Cuyeyna yimid waakii heshiiska la galay amiirkeedii, kuna qanciyey diinta in la fuliyo, dhowr sano haddii la fuliyeyna uu uga baxay ballantii, uuna amar ku siiyey sheekha inuu magaalada isaga tago. Intaa sheekhu kuma joogsan, ee magaalo kale ayuu abbaaray oo uu kheyr iyo garab ka filayey waa Dirciya sidii si la mid ah ayuu amiirka heshiis ula galay, wuuna ka run sheegay oo sheekha iyo dacwadii wuu garab istaagay guulna waa la gaaray dhan kastaba ah.

Sheekh C/casiis ibnu Baaz oo ahaa muftigii dalka 1395-1420H (1975-1999M) waxaa uu yiri Alle ha u naxariistee: “Sababtani waa tii ugu muhiim-sanayd sababihii sheekha guuleeyey”. Xaqu wuxuu u baahan yahay awood fulisa oo garab istaagta, sheekhu intii uu oran lahaa aniga ayaa maamul samaysanaya, wuxuu ka doorbiday inuu hagaajiyo maamuladii jiray, iyaguna noqdaan kuwa diinta fulinaya sheekhuna noqdo midka fatwada diinta laga qaadanayo.

Allaah waatii uu yiri:

Surat Hadid 25

Waxaa dhab ah inaan rasuulladeenna lasoo dirnay xujooyin cadcad, waxaanan lasoo dejinnay kitaab iyo halbeeg, si dadku cadaaladda ugu istaago, waxaa kale oo aanu soo dejinnay bir, dhib ayaa ku sugan waxtarna dadka waa ay u leedahay.” [Surat: Al-Xadiid, 25]

Haddii dacwadii hanaqaadday xuduudda Dirciyana dhaaftay, sheekh Maxamed kama xuubsiiban sheeknimadiisii, xukunna uma hanqal taagin, ee wuxuu mar walba ku hawllanaa hagaajinta ummadda iyo dardar gelinta dacwada, siyaasadda sharciga ah ee dawladdu ku soconaysana isaga ayaa caddaynayey oo dawladdu ka qaadanaysay;

Dawladduna dhankeeda hadii ay aragtay daacadnimada sheekha iyo inuusan dan ka lahayn xukunkeeda, kama aysan bixin ballantii ee waxay sii laalaabtay dadaalkii ku aaddanaa koryeelidda diinta iyo meel marinta talooyinka sheekha. Isla waddadaa ayey mareen ardaydii sheekha iyo tafiirtiisii, marnaba uma ay hanqal taagin xukunka iyo inay inqilaab ku kacaan.

Haddiise culimadu hadafkooda ka dhigaan xukun doon, dadkana u rabbeeyaan qaab kacaannimo, dadkana loogu sheego in hadafka la tiigsanayana yahay dawlad in la helo! Waxa lala kulmaa waa dhibaatooyin laxaad leh oo ka dhex dhaca bulshada iyo dadkii sida kacaanka u carbisnaa!!

Waxa ka danbeeyaana waa in gacmaha la isula tago dhiigna daato, ummaduna isku halaagsanto qolo kastana meel gaar ah cadowgu ku cuno!! Gaar ahaan dadkii diinta sheeganayey oo bulshada inteeda kale laga faquuqo, laguna tilmaamo xukundoon, dano shisheeye u adeegaya! Dhacdooyinka aynu usoo joognay ayaana markhaati cad inoogu filan.

5- Baaqiisa oo caddaa qarsoodina ka fogaa.

Sheekhu xilligii aabbihii dhintay intii ka danbaysay wuu caddaystay ujeeddadiisa, dadkana si cad ayuu ugu yeerayey caqiidada saxda ah inay qaataan kana fogaadaan waxa loo yaqaan “khuraafaadka” aan cilmi iyo caqli toona ku dhisnayn, dawladdii haddii ay ku qanacdayna ma jirin sabab loo qariyaa. Dadka u imanayey isaga oo ilaalinayey heerarkooda aqooneed, haddana ma jirin mabaadi sheekhu dad gaar ah ku koobayey oo dadka intiisa kale ka qarsoonayd, marnaba ma dhicin in dawladda ama dad kale ku eedeeyaan in wadaadka wax u qarsoonyihiin, ha ahaato damac siyaasadeed ama dano shakhsiyadeed oo kale.

Xikmaddii nabigeenna ayey ka mid ahayd inuu bilawgii dacwada dadka ugu sheego si hoose, meelo aysan gaaladu arkaynna dadka wax ku baro, balse ma jirin wax diin ah oo uu saxaabada ka wada qarin jiray. Haddii uusan dhib jirin in wax la qariyo waa wax tuhun keenaya, sababina kara isku dhac dhexmara dadka diinta sheeganaya iyo maamullada jira. Sidaa darteed waxaa ducaadda looga baahanyahay inay fahmaan siyaasaddii nabiga iyo dadkii samaddoonnada ahaa habkii ay ku guulaysteen, dadkana u muujiyaan caqiidadooda iyo manhajkooda, si la isugu barbardhigo manhajka aad sheeganaysid iyo kuwa kale ee dalka ka jira;

Haddiise qofku dhaqan ka dhigto inuu weligiiba qarsoodi ku jiro, cadaadis ha saarnaado ama yuu saarnaane, taa micnaheedu waa in qofkani wato dano kale ee uusan lillaahinimo ku socon.

6- Isaga oo sheekhu ku abtirsanayey islaamka iyo sunnada kana fogaanayey magacyo kale Sheekh Maxamed Alle ha u naxariistee ma sheegan jirin summad aan islaam iyo sunne ahayn, ardaydiisuna kuma abtirsan jirin urur ama dariiqo magac loo bixiyey, iyaga oo fartoomaya hadalka Alle ee ah:

Surat Al-Xajj - 78

Qabsada ama raaca diinta aabbihiin Ibraahim, (Alle) isaga ayaa muslimiin idin ku magacaabay mar hore iyo haatanba.” [Surat: Al-Xajj, 78]

Iyada oo la sheegtaa islaam iyo sunne waa midda dadka kulmin karta, abtirisyada kalese waa ay kala geynayaan, ha noqoto dariiqo ama urur, maxaa yeelay waxa ka dhadhamaya qof ama koox!

Erayga “Wahaabiya” ma aha mid sheekha ama dadka la mabda’a ahi sheegteen, ee waa mid lagu tiinbarayeey, dulucda loola jeedaana tahay in sheekhani mad-hab cusub oo isaga ku abtirsanaysa la yimid!! Sheekhuse waxaa oo dhan wuxuu ka lahaa” Alle ayaa ceeb ka hufane waa been abuur weyn”. Magacyada muslimiinta looga baahanyahay: Waa muslimiin, mu’miniin, adoommadii Alle, tilmaamaha ay leeyihiinna waa: muttaqiin, saalixiin, sunniyiin, oo kulligood ah kuwo sharciga ku sugan ama eray sharciga ku jira laga jeexay, isla markaana culimadii hore ay isticmaaleen.

Magacyo dariiqadeedka iyo urureedka ay dadku la baxaan culimada muslimiintu mar hore iyo mar danbaba waxaa ay ku tilmaameen kuwo aan sharci ahayn, dadkana kala geynaya. Maxaa yeelay? Kulligood waxay ku tusayaan dariiqo ama urur ka goonni ah muslimiinta intooda kale, ahna shay ciriiri ah oo ay ku dhexjiraan dad kooban oo summad gaar ah leh! halka islaamku yahay mid ballaaran oo gudaweyn, kuna filan dhammaan dadka ku abtirsada. Sidaa darteed sheekh Maxamed waxa halkudhig u ahaa: Islaam iyo sunne, iimaan iyo tawxiid saafi ah, caqiido saafi ah iyo wixii la mid ah ee sharcigu jideeyey.

7- Isaga oo midnimo ku baaqayey kala taggana reebayey.

Midnimada sheekhu ku baaqayey waa in xaqa lagu midoobo, kitaabka iyo sunnadana laga dhigto halka laga fulayo, fahamkii salafkii suubbanaana la cuskado. Allaah iyada oo uu midnimada ina farayo kala taggana inooga digayo waxa uu yiri: “

Surat Aala Cimraan 103

Qabsada xariga Alle idinka oo idil, hana kala tegina.” [Surat> Aali-Cimraan]

Amarka ah in kitaabka la qabsado ayaa la hormariyey inta aan midnimada la ina farin, maxaa yeelay? Kitaabku isaga ayaa ah kan lagu midoobayo.

Waxaa nabigeennu sallalaahu calayhi wasallama yiri:

Hadith 001

“Midnimadu waa raxmad, kala taguna waa cadaab”.

Waxa kale oo nabigu yiri sallalaahu calayhi wasallama:

“Ummaddani waxa ay u kala tegi doontaa saddex iyo Imaamu Axmed:silsiladda saxiixada ah:1681 todobaatan firqo, laba iyo todobaatan naarta ayey galayaan! midna jannada!! Waana: jamaacada”.1 Jamaacada waxaa fasiray saxaabigii weynaa ee C/laahi bin Mascuud Alle haka raalli noqdee isaga oo yiri: ” Jamaacadu waa wixii xaqa waafaqa kaligaaba aad ahaatide”.

Kala tagga cadaab ayaa nabigu sallalaahu calayhi wasallama ku tilmaamay, mirihiisa xunna waxaa ka mid ah:

  • isaga oo amnigii cabsi u beddelaya
  • barwaaqadii faqri u horseedaya
  • dhiig daata sababaya
  • isu socodka joojinaya
  • waxmagaratada xoojinaya, bulshada inay fasahaadiyaanna keenaya
  • jahliga faafinaya, jaahiliintana sarraysiinaya
  • cilmigu inuu yaraado, ehelkiisuna nuxuuso keenaya, i.w.m

qofkii akhriya kutubta sheekha iyo ardaydiisa wuxuu arkayaa sidii ay ugu dadaali jireen midnimada, ugana digi jireen kala-tagga.

8- Isaga oo ku dadaalay faridda wanaaga iyo reebidda xumaanta wanaaga oo la faro xumaantana la reebo waa mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn tilmaamaha ummadani kaga kheyr badan tahay ummadihii hore, waana waajib sharci ah in qof kastaa inta karaankiisa ah isu taago gudhashada waajibkan, af iyo addin hadba kii uu wax ku keeni karo, haddii uusan labadaa waxba ku keeni karinna uusan marnaba ka raalli noqon ee qalbiga ka naco.

__________________________________
1 Saxiixa Muslim: 7325, Abuudaauud:4597

Ciddii waajibkaa isu taagtaa sharaf iyo sarrayn ayey helaysaa, ciddii iyada oo kari karta ka tagtaana lacnad iyo dulli ayey sababsanaysaa; Allaah waxaa uu yiri:

Oo micnaheedu yahay:

Surat Al-Maidah 78

Waa la lacnaday wixii gaaloobay ee reer israaiil ka mid ahaa, carrabkii nabi Daauud iyo nabi ciise ayaa lagu lacnaday, waxaana sababay caasinimadoodii iyo xadgudubkoodii! Waxay ahaayeen kuwo aan xumaha ay samaynayaan iska reebin, xumaayee wixii ay ku kici jireen.” [Surat: Al-Maaidah, 78-79]

Waxa Alle uu leeyahay:

“Xumaayee waxay ku kici jireen” [waa ka tegidda waajibkan diiniga ah]

Maalin ayaa nabigu sallalaahu calayhi wasallama usoo galay haweentiisii Zaynab binti jaxshi oo ku yiri:

“Halaag ayaa carab u sugnaaday! Shar soo dhawaaday dartii!! Maanta teedkii Yaajuuj iyo maajuuj intaa oo kale ayaa laga furay! (intuu nabigu isku qabtay suulkiisa iyo farta xigta)

Markaa ayey tiri:

“oo miyaa nala halaagayaa iyada oo dadka wanaagsani nagu dhexjiraan?!

Nabigu sallalaahu calayhi wasallama wuxuu ku jawaabay:

“Haa haddii xumuhu bato”.1

Xumaanta oo la isku daawado waa lagu halaagsamaa in la iska qabtana waa lagu badbaadaa.

Dadka xumaanta samaynaya iyo kuwa ka joogsanaya wuxuu nabigeennu sallalaahu calayhi wasallama ku matalay dad wada saaran doon dabaq kore iyo qayb hoose leh, una qori tuurtay halkii ay kala fuuli lahaayeen, qolo waxay heshay xaga sare, qolana hoos, qolada hoos joogtaa marka ay biyo u baahato waxay soo maraan kuwa sare oo halkaa ayey badda kasoo darsadaan, kaddib ayey is yiraahdeen oo maad halkiinnan dalooshataan dhibkana ka deysaan qoladan sare!

________________________________________
1 Bukhaari:3346, 3598, 7059, 7135

Haddii kuwa sare ay u daayaan kuwan hoose damacooda way wada halaagsamayaan, haddii ay gacanta qabtaanna way wada badbaadayaan”.1 Sheekhu isaga oo quraankaa iyo axaadiistaa ka duulaya ayuu waajibkan isu taagay, wanaag tawxiidku ugu horreeyo ayuu dadka faray uguna baaqay, xumaan shirkigu ugu horreeyana wuu ka digay, isaga oo af iyo addinba adeegsanaya labada dhinacba.

9- Tilmaamihiisii wanaagsanaa

Dadka samaddoonnada ah intooda badani waa dad ku caanbaxa hufnaan iyo dhowrsoonaan, tan iyo yaraantooda, tilmaamo dadka soo jiitana lagu arko, waa jiraan dad iska caadi ahaa ama waxuun fasaad ah ku jiray balse marka danbe hanuun xaga rabbi uga yimaaddo sidaana dadkooda ku badbaadiya. Sheekhu qolada hore ayuu ka mid ahaa, waxaa lagu yaqaannay toosnaan iyo hanweyni, fahmo iyo dhugmo aad u sarreeya, dareen diirran iyo xumaan-diid, daal la’aan iyo harjad aan kala go’ lahayn. Intii uu halganka bilaabay dhaqammada wanaagsan ee uu ku dheganaa waxaan ka xusi karnaa:

a) Cibaado badnaan:

Alle xusid, quraan akhrin badan, Allabari badan, dhib kasta oo ku yimaadda ula jeesta xaga macbuudkiisa.

Bukhaari:2493, 26861

Qofkii sidaa ku sifoobana Allaah ayaa u ballanqaaday inuu u gargaarayo, farajna u furayo.

b) Sabir badnaan:

Waxaan arrintan ka arki karnaa iyadoo cad wakhtigii dheeraa ee uu waxbarashada ku jiray, iyo u bareeriddiisii inuu u babacdhigo masuuliyad ummadeed iyo isbeddel ay dadka badankiisu kasoo horjeedaan, una adkaystay, kontan sanana ku jiray halgan aan kala go’ iyo daal lahayn!

Waxaa kale oo aan ka arki karnaa sidii uu ula dhaqmi jiray qolyihii been abuurka iyo dacaayadaha ka faafin jiray oo mar walba uu ku dadaalayey hanuunintooda iyo toosintooda.

c) Kalsoonidii uu Alle ku qabay:

Waa arrin aad u layaab badan in mar walba arrintani sheekha hadalkiisa ay ku jirtay, amiirradana uu ku qancinayey in la guuleysan doono, halganku inuu miradhalayo ayaa mar walba qalbigiisa ku tiillay, haddii uusan ka leexan dariiqa kitaabka iyo sunnaha iyo raadkii dadkii wanaagsanaa.

Hadalladii uu amiirrada kula hadlayey waxay ahayd: “Diintii Alle ayaan wadaa qofkii u hiiliya Alle ayaa u hiilinaya, xukunkiisana ballaarinaya, boqortooyo in badan jirtana siinaya”!!! Sidii uu Alle ka malaysanayey ayaa loo aqbalay, kuwii garab istaagay waa tanaadeen xukun xoog badanna waa heleen, kuwii ka horyimidna waa dabar go’een, magacooda waxaa la sheegaa marka laga warramayo qolyihii sheekha colka la ahaa ama caayi jiray!!

Halka sheekha taariikhdiisa lagu dhigto shanta qaaradood, nacab iyo gacalba ay dhigtaan, kuwo ammaanaya iyo kuwa caayaya intuba!

d) Daal la’aantiisii iyo geesinnimadiisii:

Immisa meelood ayaa sheekha laga soo saaray?! Basra, Xureymala, Cuyeyna oo ah magaaladii uu ku dhashay kuna barbaaray! Intaasoo dhani ma niyad jebinin, dadaalkiisii inuu sii laalaabo mooyee waxba uma dhinmin, wuuna ku talagalay inuu guuleysto oo sharaf ku noolaado ama xaqa dartii u dhinto;

Waa geesi xaqa u diriraya, adeegsanaya cilmigiisa iyo xujooyinkiisa cadcad, isma laha waa lagaa tirabadan yahay mar haddii uu ka tayo badan yahay waxa kasoo horjeeda!

Tayada ayaa tirada ka cuslaan karta!! Sidii aynu ku aragnay warqadihii uu jihooyinka u kala diray wuxuu dhaliilayey culimada arkaysa baadilka isla markaana madaxa foorarinaya! xaqdarradana aan ka dhiidhinayn!! Kuwaa oo kale inuu noqdo halyey iskala sarreeya ayuu ahaa!!!

Wax kasta oo la yiri iyo si kasta oo loo caayey iyo dacaayad kasta oo laga faafiyey mar haddaan cilmi loogu babac dhigi Karin, xujana lagu aammusin Karin, maxaa laga tari?! Meeye kuwii nabiyada caayi jiray?!

Caydoodii xaqii ma aamusisay? Jawaabtu waa maya ee iyaga ayaa caradii Alle aamusisay! Oo laga dhigay qaar cirka halaag looga soo diro iyo kuwo seefo lagu laayo!

Sheekh Maxamed nabiyadaa ayuu dariiqoodii hayey, wuu arkayey in cid dadka ka nabad gelaysaa aysan jirin! Oo nabiyadii ayaaba qaar la laayey, muxuu dil ka tarayaa hadduu diin sax ah ku dhinto? Miyuu waari lahaa?! Iyo tilmaamo kale oo badan oo ah kuwa ay ku sifoobaan hogaamiyayaasha raadka weyn reeba.