Taariikhda
Soomaaliya

Qore: Sheikh Saadiq Eenow
Taariikh-Yahan: Dr. Saadiq Enow, waa taariikh-yahan,
qoraa, dhakhtar iyo macallin Soomaaliyeed

Decorative Lines

Dib u Eegista
Taariikhda Soomaaliya

Taariikhdaadaa marka aad taqaanid ayaad hore u socon kastaa….

Sheikh Saadiq Eenow, oo ah taariikhyahan Soomaaliyeed, dhakhtar iyo macallin Jaamaceed iyo qoraa, ayaa June-July 2010 ka soo safray Soomaaliya isagoo booqasho ku yimid gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka. Halkaas oo Soomaalida ku dhaqan iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed inta qormadani gaaro waxa uu u soo bandhigay taariikhda facaweyn ee Soomaaliyeed. Prof. Eenow intii uu ku sugnaa Minneapolis waxa uu Soomaalida kala hadlay dhawr goobood sida mutamar iyo masajiddo iyo munaasabado kale.

Haddaba waxaan qormadan idiinku soo koobayna dib-u-fiirin soo koobaysa Taariikhda Soomaaliyeed oo uu Sheikh Saadiq Eenow la wadaagey dadkii Soomaaliyeed. Waxaan qormada ku dari doonaa tixraacyo dheeraad ah oo kabaya warbixin taariikheedka dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan cirifka bari ee Qaaradda Afrika, sidoo kale waxaa qormadan la socda cod kamid ah taariikhdii uu jeediyey Saadiq Eenow oo barax tiran.

Qormadan aan ka diyaarinay taariikhdii uu soo bandhigay iyo khudbadihii Sheikh Saadiq, waxaan u qaybin doonaa dhawr qaybood. Qaybtan waxaan si gaar ah ugu soo qaadanaynaa siday Soomaaliya ahayd qarniyadii 19aad iyo 20aad iyo sahamadii gumaystayaasha iyo sidii la isaga caabiyey gumaysiga ilaa xorriyadii. Waana qormo koobaysa taariikhdaas dheer.

Dr. Saadiq Eenow

Dr. Saadiq Eenow Waxa uu Soomaalida u soo bandhigay Fiiro Kooban ee Taarikhdan:

Dhegeyso Dr. Saadiq Eenow ama Soo rogo (mp3)

Taariikhdu waxay ka mid tahay waxyaabaha isku xira dadka, oo midnimadooda adkeeya, oo in ay isku dad yihiin tilmaama, oo muujinaya xididka dheer oo ay ku taagan yihiin ee u adkaynaya. Laakiin haddii xididkaas la waayo dadku waa kala firdhanayaa sida Soomaalida hadda ku dhacday.

Soomaalidu waxay leedahay taariikh hodan ah oo aad u qiimo badan oo loo baahan yahay in qofka Soomaaliga ahi wax badan ka ogaado, jiilasha dambena aannu u gudbino si ay uga tallaabsadaan godadka taariikheed ee hor yaalla.

Taariikhda Soomaalidu waxay leedahay facweyn oo guun ah, waxay kamid tahay waxyaabaha la inaga bililiqaysatay. Sida caadiga ah taariikhda waa dhacdo oo sideedii loo soo weriyey, taas oo ah taariikh sugan oo aan laga badbadin ama qayb laga tegin. Taariikhda waa tagto, mana aha waxaad jeceshay ama aad necebtahay, waa dhacdo.

Inta aynaan u gudbin taariikhda fog ee Soomaalida, aan marka hore eegno sidii ay Soomaalidu ahayd Qarniyadii 19aad iyo 20aad.

Labadii boqol (200) ee sano ee ugu danbeeyey oo ah qarnigii 19aad (1800 – 1900) iyo qarnighii 20aad (1900 – 2000) bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Geeska Afrika ma soo marin 10 sano oo xiriir ah oo nabad ah ama ay nabad ku sugnaayeen ma soo marin.

Qarnigii 19aad iyo Soomaaliya

Sannadkii 1800 waxa uu Soomaalida u bilowday ayagoo badankoodu ku sugnaa dhaqankoodii xoolo raacatada ahaa, oo hayaanka iyo geedigu uu ahaa waxyaabaha asalka u ah noloshooda dhaqan-dhaqaale, isku xirnaanshaha beeluhuna ay ahaayeen aasaaska saldhigga noloshooda iyo midda siyaasadeed.

Burburkii imaaraddii Axmed Gurey waxaa markaas laga joogey in ka badan 250 sano (Axmed Gurey waxa uu noolaa intii u dhaxaysay 1507 – February 21, 1543). Dhaawacii Soomaalida xilligaas soo gaaray waa ka soo kabteen. Waxaana xilligaas Soomaalida u hana qaaday imaarado dhawr ah.

Bilowgii qarnigaas 19aad waxaa Soomaaliya ku soo batay ganacsiga iyo doonyaha. Waxaana bartamihii qarnigaas bilowday sahanadii reer Yurub. Maadaama xeebahaas geeska Afrika ay ku soo bateen doonyaha iyo ganacsigu waxaa Ingrisiiskii degeen oo saldhig ka dhigteen Cadan (halkaas oo maxmiyad u ahayd intii u dhaxaysay 1937 – 1963). Cadan waxay Ingriiska u noqotay meel doonyihiisa u socda Bariga-fog ay ku sii nastaan oo shidaalka iyo sahayda ka sii qaataan, waxayna noqotay meel camiran.

Badweynta Hindiya iyo badda Gacanka Cadmeed meesha ay iska galaan waxaa ka kaca hirar aad u waaweyn. Sidaas daraadeed maadaama doonyihii xilligaas ay aad u tabar yaraayeen waxay ku soo dhowaan jireen xeebta. Marka ay soo dhawaadaan dadka Soomaalida ahi, gaar ahaan dhallinyarada ayaa qafaalan jirey, qaab Burcad-badeed oo kale ah.

Hadii aan ku hakano arrinta la xiriirta Burcab Badeeda xeebaha Soomaliya ka jirtey qarniyadii hore waxaa arkeynaa sidan:

Difaacii Soomaalidii hore
ee Xeebaha Soomaaliya

“Burcad badeedii Soomaalidii hore oo sabab u noqotay inaan Soomaalida la addoonsan iyo in la joojiyo maraakiibtii sidey dadka la adoonsanayey”

Dadka Soomaalidu weligood kama mid noqon qowmiyadihii la adoonsaday, ama aan lagu darin dadkii sida addoonta loo kala iibsan jirey. Arrimahaas waxaa saabab looga dhigaa in ay ahaan jireeen weligood dad dagaal yahaniin ah oo aan xeebahooda loo soo dhawaan karin, ahaana dad dhaqaale fiican iyo ganacsi ahaysta.

Tusaale ahaan Buugga “Periplus of the Erythrean Sea” oo laguqoray Afka Giriigga, oo laqoray qarnigii koowaad (100 AD) waxaa ku qoran in dadka deganaa xeebaha Soomaaliya ay haysteen ganacsi badeed hodon ah. Isla markaas waxa uu qoraagu ka digey xeebahaas Soomaaliya (oo loo aqoon jirey Azania) oo uu yiri “waxaa ku sugan rag u dhaqma sida burcad-badeeda,” ee yaan loo dhowaan xeebahooda.

Buugga Claudius Ptolemy, (Geographia) oo la daabacay 150 AD, waxa uu tilmaamay in geeska afrika meel koonfur kaga beegan barta lagu magacaabo Raas Gardafuul (Cape Guardafui) oo ku taal xeebta Soomaaliya oo xilligaas loo aqoon jirey Gacankii Berbera (Gulf of Barbaria), in ay joogeen “Dad hannaan qurux-badan oo joog-buuxa oo xoog waaweyn, kuwaas oo ah burcad badeed, oo deggan xeebta oo dhan, halkaasna ka samaysay caaqillo ama jiifaf.”

Kun iyo toddoba baqol oo sano ka bacdi, markii la soo gaarey 1854, nin u dhashay dalka Britain oo layiraahdo Richard Burton oo safar ku tegey marsada Berbera, ayaa waxaa walaac ka muujiyey saraakiishii Britain ee ku sugnaa Cadan. Xilligaas werar lagu qaado donyahay maraya gacanku waxa uu aha joogto. Waxaana 1826 la diley sarkaal la oran jirey Major Gordon Laing markii uu ka soo laabtay magaalada Harar.

Richard Burton buugiisa “First Footsteps in East Africa” oo uu kag asheekaynayo safarkiisii Harar, waxa uu ku qoray in markii ay isu diyaarinayeen in ay ka baxaan Berbera in la weerar, oo lag adiley nin la oran jirey Stroyan, islamarkaasna la dhaawacay John Speke iyo Burton naftiisa.

Sannadkii 1820 waxaa boqortooyadii Ingriisku ay heshiis la gashay Sheikhyadii Carbeed ee ku xeernaa badda Khaliijka Berbera si loo nabadeeyo Badda Gacanka, halkaas oo ay xilligaas ku baahdey Burcad-badeed. Heshiiskaas waxaa la yiraahdaa “The General Treaty of Peace, 8 January 1820.”

Heshiiskaa iyo mid ka dambeeyey oo la sii faahfaaiyey oo dhacay 1839 waxaa lagu qeexay in in la adoonsado ama la iibsado “rag iyo dumar da’dii ay doonaan ha ahaadeene” oo ah dadka qabaai’lka Soomaaliyeed, arrintaas iibsiga dadka oo qudheeda loo tixgeliyey in ay tahay burcad-nimo.

Sawirka 01

Dadka Soomaaliyeed aan weligood la adoonsan ama aysan noqon waxaa cadeeyey baaritaan uu sannadkii 1876, Guddi ay Boqortooyada Ingriisku u saartay in ay soo baaraan addoonsiga iyo maraakiibta lagu qaado iyo xaaladdooda guud addoonsigii dadku meesha uu marayey iyo xaaladda maraakiibtii dadka la adoonsanayo qaadi jirtey.

Baaritaankasi intii uu socday ayaa guddii waxay su’aalo weydiiyeen sarkaal ka tistaanaa maamulkii maxmiyaddii Ingriiska, waxaana la weydiiyey su’aalah:

  • Dhammaan dadkaas ma waxaa loogu yeeraa addoon, afrikaan, ama ma jiraan kuwo kale oo loogu yero addoon? Waxa uu sarkaalkii ku jawaabay: Waa addoon ah Galla iyo Abyssinians (Itoobiyaan)
  • Dhammaan ma Afrikaan baa? haa ayuu yiri sarkaalkii, oo intaas raaciyey ma arkin ama “ma ogi dad carab ah oo addoon ah”.
  • Ma jiraan weligeed Soomaali noqotay addoon? markii la weydiiyey waxa uu sarkaalkii ku jawaabay “waa wax naadir ah, Soomaalidu iyagaa addoonta sii xada, laakiin weligay iyo abidkay ma arkin Soomaali addoon ah, haddii ay jiraanaa waa dhif iyo naadir.

Sawirka 02

October 1855 ayaa boqortotooyadii Ingriiska governrkiiu joogey Cadan waxa uu qabaa’ilka Soomaali ah la saxiixday in haddii la arko markab sida addoomo in markabkaas la qabto oo lala wareego isla markaasna dadka addoonta ah ee saaran la siidaayo ama la xoreeyo. Sidoo kale November 7, 1856 ayaa waxaa magaalada Berbera waxaa heshiiska ku kala saxiixday sarkaal Ingriiska u fadhiyey Cadan oo u qaablisanaa siyaasadda iyo beesha Habar Awal ee Soomaaliyeed.

Qodobka 4aad ee heshiiskaasi waxa uu dhigayey in gebi ahaanba la joojiyo oo addoon la soo marsiin karin Berbera iyo gebi ahaan dhulka beesha.

Sidaa waxaa taariikhda ku cad in Soomaalidu ay qayb weyn ka ahaayeen joojinta addoonsiga laga dhoofinayo Afrika iyo Aasiya. Heshiis 17 Febraayo 1866 dhex maray Suldaan Maxamuud Yuusuf iyo sarkaalkii arrimaah siyaasadda u qaabsanaa maxmiyaddii Igriiska ee fadhiyey Cadan, waxaa heshiiskaas ku cad : In gebi ahaanba la joojiyo lana mamnuuco adoonsiga dadka looga qaadayo Afrika iyo Aasiya. Haddii la arko Markab sida addoon in la qabsado oo lala wareego oo dadka saarana la siidaayo.

Sawir 003

Haddii aan intaas kaga gudubno qormadii dhextaalka ahayd, oo aan u soo laabano  Qarnigii 19aad iyo taariikhdii uu soo bandhigay Dr. Saadiq Eenow:

Dr. Eenow

1825kii waxay ahayd markii u horeysey ee Ingriiska uu damco Soomaaliya. Doon uu leeyahay Ingriisku ayaa lagu afduubtay Berbera. Dadkii lasocdeyna waa la laayey, hantidiina waa la dhacay. Markaas ayaa sarkaal Ingiriis ah waxa uu yimid xeebaha Soomaaliyeed waxana uu heshiis la galay qabaa’ilka degganaa xeebaha si uu ammaan uga helo iyo in ay magdhaw ka siiyaan doontii iyo dadkii laga laayey, haddii kale waa ku soo duulayaa, qabaa’ilkii heshiiskaas waa ogolaadeen.

Qarniga bilowgisii boqortooyadii Cumaan oo uu Suldaan ka ahaa Sayid Siciid ayaa u soo guurtey Zenzibar ayagoo daba socda ganacsiga Afrika, siiba ganacsiga xayawaanka duur-joogta iyo iibsigii Bini-Aadamka (dadkii la dhehi jirey Addoomada), kuwaas oo kaaba-qabiilada siin jirey lacag iyo wax dhal-dhalaalaya si ay ugu soo ururiyaan wiilasha iyo gabdhaha dhallin yarad ah. Maadaama ganacsi xoog leh halkaas uga furnaa ayaa saladanii Cumaan usoo guurtey Zengibar.

Markaas ayaa suldaankii Zengibar wuxuu la xiriiray xeebihii Koonfurta Soomaaliya, sida Xamar, Marka, Baraawe iyo Kismaayo. Waxana uu geeyey rag masuul uga ah. Waxana uu Soomaalida ugu sheekeeyey waxan ahay Nebi Muxammed (SCW) duradiisii, nin Islaam ah ayaan ahay ee maadaama aan Ashraaf ahay ii ogolaada in aan dusha idinka maamulo. Dadkuna reer miyi ayey u badnaayeen, waana iska ogolaadeen. Weliba magaalooyinka dad Carab ahina waa deganaayeen kuwaas oo dhankiisa ahaa.

Markii xoogaggii reer Yurub kusoo bateen xeebaha  Afrika waxay xiriir la yeesheen Suldhaankii Zengibar. Dawladdii u horeysey oo xiriirka wanaagsan la yeelatey Ingriiska ayuu ahaa, waxaa ku xigey Jarmalka iyo Talyaaniga oo goor dambe yimid.

Talyaanigu waxa uu 1885 bilowgiisii ayaa Talyaanigu waxa uu suldaankii Zenzibar ka codsaday in uu kusoo wareejiyo degmooyinka ku yaal Koonfurta Soomaaliya. Suldaankii arrintaas waa ka diidey. Markaas ayaa Talyaanigii waxa uu yiri diidamadaasi waa ihaano la igu sameeyey, marka waa in aan ku duulo jasiiradda Zenzibar.

Sayyid Barghash bin Said Al-Busaid

Barghash Ibn Said

Xilligaas Seyid Saciid ma noolayn waxaana jasiirada suldaan ka ahaa wiilkiisii Barqash. Ingriiska ayaa kala dhex galay oo u dallaalay, yirina ogolow in aad dhulkaas xeebaha Soomaaliyeed siisid Talyaaniga, lagna ka qaado. markaas ayaa Seyid Barqash waxa uu talyaanigii u ogolaaday xeebahaas. (Waxaan qormada dambe ku arki doonaa sidii aay dadkii ku noolaa xeebaha Koonfureed ay isaga caabiyeeen Talyaanigii).

Xilligaas, xuduudda Soomaaliya oo dheer waxaa ku socdey sahanno farabadan oo ka imanayey dalalka reer Yurub. Sahamadaas waxsay markoodii hore xiisaynayeen oo ay fiirinayeen meelaha biyaha leh iyo khayraadka dhulka geeska Afrika, ganacsiga, dadka noloshooda, waxyaabaha khilaafaadka ee ay dadku isku hayaan, waxyaabaha ay heshiiska ku yihiin iyo taariikhda dhaw ee dadkaas. Waxayan sahamiyayashaasi la kulmeen dhibaatooyin farabadan iyo caqabado ka hor yimid.

Sannadkii 1869 markii la furay Kanaalka Suweys (Zuez canal). Kanaalkaasi waxa uu soo dhaweeyey isu socodkii Badweynta Hindiya iyo doonyihii ka imanayey Yurubta Galbeed. Doonayahaas ka imana jirey Yurubta waxa ka soo jiroon jireen Koonfur Afrika. Fogaantii la isu socon jirey waxay noqotay kala bar kaddib markii lafuray kanaalka. (Kanaalka Zuez waxaa dhismihiisa la bilaabay 1859 waxaana la qodayey muddo 10 sano ah. Waxaana maraakiibta loo furay November 1869.)

The Suez Canal

Furitaankii Kanaalka Zuez waxay kor u qaaday xiisahii loo qabay degaankeena Soomaaliyeed. Waayo maraakiibtii oo dhan ayaa waxay noqdeen kuwo wadadeenii soo mara. Arrintaas ayada ah waxay keentay in xoogaggii reer Yurub isku qabsadaan. Taasi waxaa ka mid ahayd waxyaabahii keenay Fadhigii Berlin ee 1884-1885 iyo  Fadhigii Begium. Fadhiyadaas oo lagu qaysanayey awoodii dhulalkan looga talin lahaa.

Dhulalka la qaysanayey nasiib darro waxaa ka mid noqday dhulkeena Soomaaliyeed; Saddex xoog oo shisheeye ay ayaa kala qaatay: Faransiiskii oo qaatay Jabuuti, Ingriiskiina wuxuu qaatay Woqooyi, Talyaaniguna wuxuu qaatay Koonfurta. Waxaa intaas weheliyey Boqortooyadii Itoobiya oo damac kaga jirey dalka Soomaaliya oo ayaduna ka soo sikatay dhanka Galbeedka Soomaaliya.

Waxaa jirey 1874 ayadoo hayaamadii sahamintu ku socotey dhulka Soomaalida, oo qabaa’il is laynayaan, ayaa magaalada Cadan markii ay camirantay ayaa waxaa dhacday in dadkii ku noolaa dhanka xeebta Soomaaliya uu soo geliyay kharash badan. Marka reerkii meesha ka xigey reeraha kale waxa uu yeeshay hanti badan, halka reerihii dhulka gudaha ku jirey ay weli ahaayeen geeley sabool ah. Waxaa dhacay khilaaf xoog weyn.

Taariikhdan waxaan u xusaynaa xaalad ay gebi ahaan Soomaalidu ku sugnaayeen, heshiiskii la heshiisiinayey labadii reer: War hantidaan wax naga siiya walaalihiin ayaan nahay, iyo maya, waxaa ka dhacaay dagaal. Dagaalkaas oo muddo socdey. Fadhi kasta oo la isu yimaado waa la heshiisiin waayey. Gabay la yiraahdo Dal dhameeye ayaa nin degaaankaasi ahi katiriyey dhacdadaas. Gabagaas waxaa yaab leh ninkaasi Soomaaliya oo dhan ayuu tilmaamayaa oo tusinayaa xaaladda ay ku sugnayeen.

Qarnigaasi waxa uu dhammaaday ayadoo ay sii socdaan sahamadii iyo qaybsigii Soomaaliya.

  • 1854 – Waxaa Soomaaliya sahan ku tegey laba kabtan oo ah Burton iyo Speke.
  • 1875-1876: waxaa xeebta Berbera iyo Webiga Jubba soo gaaray masaaridii.
  • 1883 – M. Revoil ayaa sahan ku tegey Jubbada Sare ee Soomaaliya
  • 1884-1885 – Sahan u wato F.L. James ayaa garey Soomaaliya
  • 1884-1885: Waxaa magaalada Berlin lagu qabtay shirkii lagu qaybinayey Afrika (Berlin Conference of 1884-1885)
  • 1889-1890 Talyaanigii ayaa maxmiyadiisii gaarsiiyey xeebaha Soomaaliya oo ka soo bilaabanaya gacanka cadmeed ilaa webiga Jubba.
  • 1890-1892 – Waxaa Soomaaliya sahan ku tegey safar Talyaani ah, gaar ahaan sahankaas waxaa ka mid ah aa Signor Robecchi, Lieutenant Baudi di Vesme, Prince Ruspoli, Captain Battego iyo Captain Grixoni.

Qarnigii 20aad iyo Soomaaliya

Sannadkii 1900 waxa uu Soomaalida u bilowday ayadoo xaaladda aan kor ku xuysnay lagu jiro. Qarnigaas Soomaalidu waxay sameeyeen iska Caabin farabadan oo ay iskaga caabinayeen xoogagaaan damaca wadey ee gumaysiga ah in laga hor tago.

Ka hortaggaas taariikhda waxay xustaa qabaa’ilka Biyo-maal dhaqdhaqaaqoodii xoogga lahaa ee iska caabinta gumaysisga. Waxa kale oo taariikhdu xustaa kacdoon ka dhacay Kismaayo. Kacdoonadas marka la isku daro kii u weynaa waxa uu ahaa Kacdoonkii Daraawiishta ee socdey 20 sano. Kaas oo markii dayuurado loo adeegsadey aakhirkii la jebiyey 1921.

Buugii laga qoray Seyid Maxamed Cabdulle Xasan, ninka qoray buugga “Mad Mullah” oo ah ninkii jebiyey waxa uu sheegayaa in Seyidka iyo ciidamadii Daraawiishtu ay ahaayeen dad wadaniyiin ah, oo dalkooda u diidanaa in la guamsto. Sharafna waxa qofka ugu filan waxa uu u qiro ama ictiraafo kii isaga ka soo horjeedey.

Taleh Castle

Markii Daraawiishkii meesha ka baxday, Soomaalidu waxay sii wadeen iska caabintii gumaysiga ayagoo wadey dagaallo googoos ah. Waxaa ka mid ahaa:

Boqor Cismaan

Boqor Cismaan: waxa Talyaanigii u soo qoray waraaq, lagu amrayo in uu hubka dhigo oo is dhiibo. Wuxuu markaas Boqor Cismaan shiriyey raggiisii oo uu weydiiyey “ma is dhiibnaa, mase weynu dagaallanaa”. Waxaa shir bil qaatay ka socdey meesha la yiraahdo Noobir, waxaana laga tashanayey arrintaas. Waxaa halkaas laga soo saaray go’aan in aysan is-dhiibayn. Markaas ayaa Talyaanigii weeraray oo boqorkiina qabtay, magaalooyinkii lala dhacay madaafiic, laba sano ayaa dagaalkaasi socdey.

Iska caabintii Sheikh Xasan Barsane: Dagaalkaasi markii uu bilowday waxaa gumaystayashii qabteen Sheikh Xasan barsame, waana la xiray waxaana lagu diley xabsiga. (Sanadkii 1924 ayaa Sheikh Xasan Barsane waxa uu hor kacay kacdoon ka dhacay Shabeelle oo looga soo hor jeedey gumaysigii Faashiistaha Talyaaniga. Dabayaaqadii sannadkaas ayaa kacdoonkaas la caburiyey, waxaana la xiray Shaykh Hassan Barsane, shan sano kabacdi ayuu ku geeriyoodey isagoo weli ku jira xabsiga 1926).

Iska caabintii Cumar Samatar: Dagaalkii iska caabinta ahaa ee uu hor kacayey Cumar Samatar waxa u usocdeey laba sano. isgana wa la caburiyey.

Dhanka Woqooyiga waxaa ka kacay saddex nin oo wadey halkan oo iskacaabin xoog leh oo isugu jirey dagaal, qalin iyo af. Kuwaas oo kala ahaa Sheikh Bashiir, Faarax Oomaar iyo Xaaji Aaden Af-qallooc.

Iska caabintii Sheikh Bashiir: Waxa uu bilaabay halgan iyo dhaqdhaqaaq iyo dagaal uu kaga soo hor jeedey gumaysigii Britain, waxaana durbadiiba gumasigii kala hor tegey caburin. Shiekh Bashir Yussuf waxaa la diley 1945, meel u dhow magaalada Burco.

Qalin ku difaacii Xaaji Faarax Omaar: Waxay firfircoonidiisii si weyn u soo shac baxday wixii loo gaaray sannadkii 1920. Waxana uu biloaabay in uu Soomaaliya oo dhan u hadlo oo u noqdo abuukaato ama u doode. Isagoo ah dhallinyaro ayuu raadiyey Taarka wasaaradda arrimaha dibadda ee Ingriiska. markii uu helay ayuu u diray Taar ay ku qoran tahay “HAYAAY, HAYAAY, HAYAAY,”.

Taarkii markuu ku dhacay wasaaradda Arrimaah dibadda Ingriiska,  ayey is weydiiyeen luqaddaas, markii la arkay in uu ka yimid Hargeysa ayaa la raadiyey qof Soomaali ah oo garanaya afkaas. Waxaa markaas magaalada (London) wax Soomaali ah laga helay Caabi Faarax.

Odaygii ayaa loo yeeray oo la weydiiyey macnaha kelmedaahaas in uu tarjumo, wuxuu ku tarjumay “Ayadoo aad joogtid meel mugdi ah, oo ay tahay habeen, oo hawd dherer badan oo roob iyo daruur adduunkii xiray,  adiguna aad huruddo, haddii libaax halkaas bawdada ah kugu dhego oo kula booday, nin dhehi waayey ‘war iga dhiga’ ayaa waxa uu dhahaa: hayaay, hayaay, hayaay.” Markaas ayaa Ingriiskii waxay fahmeen in meeshaan wax culusi jiraan.

Baarlamaankii wuxuu ku khasbanaaday in uu wafti u soo diro Hargeysa. Markii la arkay firfircoonidii Oomaar iyo inuu u doodayo dadweynaha waa la masaafuriyey, waxaana la geeyey Cadan. Dhaqdhaqaaqiisii ma damin, waxanauu sii wadey dagaal nabad ah oo uu doonayey in uu xaqa shacabka ku soo dhiciyo.Waxana uu geeriyooday 1948 isagoo weli ku jira halgankii.

Somali SYL

Somali SYL Baraarujintii Xaaji Aaden Axmed Afqallooc: oo ahaa aftahay waxa uu furtay afkiisa si uu u baraarujiyo Soomaalida, oo tusa waxa ay midnimadu tahay. Waxana uu tirin jirey gabayo iyo suugaan uu ku guubaaniyo dadka si ay heeryada gumaysiga isaga qaadaan. Xaaji Aaden Afqallooc waxa uu geriyoodey 1986 isagoo aad uga weyn 100 sano-jir. Waxana uu Soomaalida uga tegey gabayo taariikhi ah oo Soomaalida ku tusayey waxa ay tahay Soomaalinimadu.

Dhaqdhaqaaqii Soomaalidu waxaa uu sii socdey sannadihii 1920-naadkii iyo 1930-naadkii, laakiin markasta waa la muquuninayey mar kasta.

Dagaalkii 2aad ee Adduunka ayaa dhacay (oo socdey 1939 – 1945). Dagaalkaas intii uu socdey waxaa Soomaali u kacay dhaqdhaqaaqii gobonimo doonka ahaa ee leegada oo ay hor seedayeen dhallinyarada Soomaaliyeed. Waxaa ururka dhallinyarada ee SYL la asaasay 1943.

Somali SYL

Maxamed Saalax Ladane oo 96-jir ah oo weli nool, kana mid ahaa raggii laf dhabarta u ahaa leegada, waxa uu Saadiq Eenow u sheegay “shan (5) nin oo keliya ayaa wax qoraal qori kara nagu jirey markii halgankaas leegada la bilaabayey, shan nin oo keliya oo la dhehi karo hebel-iyo-hebel.

Laakiin dadka qalbigooda ayaa wanaagsanaa, taas oo ahayd aqoon. Laakiin maanta waxaad tihiin dad kumayaal ah oo haysta shahaadooyinka ugu sareeya.” Halkaas oo uu ku muujinayey ama ku hoga tusaalaynayey qalbig afiyow in uu wax qaban karo.

Dhaqdhaqaaqaasi SYL muddo 17 sano ah ayuu gobanimo ku gaarsiiyey Soomaaliya.

Waxaa markaas bilowday 9 sano oo ay Soomaali u dhisantay  dawlad rayad ah, waxaana is bedeley saddex ra’iisul wasaare kuwaas oo mid kasta uu ka tegey taariikh culus:

  • Cabdirashiid Cali Sharmaarke (12 Jul 1960 – 14 Jun 1964),
  • Cabdulrasaaq Xaji Xuseen (14 Jun 1964 – 15 Jul 1967),
  • Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal (15 Jul 1967 – 1 Nov 1969).

Waxaa ka nool C/risaaq Xaaji Xuseen oo xilligan deggan Minneapolis.

Kaddib ciidamadii ayaa Soomaaliya la wareegey (October 21, 1969). Halkaasna waxaa ku jirta taariikh. Kaddib waxa dhacay waa la ogaa.

Taariikhdaas dheer ee Somaalida qaybaha muhiimka ah iyo sida gumaystayaashii u qaybiyeen Soomaaliya, iyo halgamadii oo faahfaahsan waxaan ku arki doonaa qaybaha soo socda ee qormadan. Insha Allah.

Dr. Saadiq Enow, waa taariikhyahan, qoraa, dhakhtar iyo macallin Soomaaliyeed. Waxaana lagala xiriiri karaa Email: enow2@hotmail.com Tixraac: Buugaagta aan tix raacnay: A Collection of Treaties, Engagements and Sunnuds Relating to India and Nearby Countries – Turkish Arabia, Persian Gulf, Arabia and Africa … By C. U. Aitchison. The legal status of the Arabian Gulf States: a study of their treaty relations and their international problems… By Husain M. Albaharna.

The blood-red Arab flag: an investigation into Qasimi piracy, 1797-1820 By Charles E. Davies. The common law abroad: constitutional and legal legacy of the British empire By Jerry Dupon.t The state and rural transformation in Northern Somalia, 1884-1986 By Abdi Ismail Samatar. The new Larned History for ready reference, reading and research …, Volume 1 By Josephus Nelson Larned. First Footsteps in East Africa By Richard Francis Burton. Scramble for Africa… By Thomas Pakenham Afrika waxaa loo kala jarjaraysida keega (cake), qaybo ay liqeen afar dal oo xafiiltamayey – Germany, Italy, Portugal, France iyo Britain (waxaana luf-luf qaatay Spain).
Eastern African history By Robert O. Collins.

Qaybta |2aad

Qaybtan waxa ay ku saabsan tahay Taariikhdii hore ee Soomaaliya oo  Sheikh Saadiq Eenow kaga warbixinayo taariikhda qoran ka hor, iyo xiriiradii ay Soomaalidu la yeelatay xadaaradahii adduunka soo maray, sida xadaaraddii Masaaridii hore (faraacinadii); Giriiggii hore iyo Roomankii, arrimahaas oo muujinaya in Soomaalidu yihiin dad aad u taariikh dheer.

Taariikhdaas oo cod ah; oo uu tebinayo Dr. Saadiq Eenow:

  • Taariikhda qoran ka hor ee Soomaalida: Dhegeyso ama soo rogo (mp3)
  • Xiriirkii Faraacinada iyo Soomaaliya: Dhegeyso ama soo rogo (mp3)
  • Xiriirkii Giriigga & Roomaanka iyo Soomaalida: Dhegeyso ama soo rogo (mp3)

Taariikhda uu ka warbixiyey Dr. Saadiq Eenow iyo tixraacyo iyo lifaaqyo dheeraad ah hoos ka akhri:

Taariikhdii Hore iyo Soomaalida

Sidii aan ku soo aragnay qormadii hore, Dadka Soomaalidu waxay leeyihiin taariikh filweyn/ da’weyn oo guun ah. Laakiin nasiib darro taariikhdaas waxay ka mid tahay waxyaalaha  la inaga bililiqaystay. Waa hantida aynaan war u hayn oo haddii ogaalkeedu nagu badnan lahaa oo aan taariikhdaas hayn lahayn waxaan ka badbaadi lahayn wax badan ama khilaaf dadkeena ku dhacay. Taariikhdu maadaama ay tahay tagto sidii ay dhacday loo soo guuriyey, waxay noqon kartaa taariikh dhaqaale, taariikh dagaal iyo dhacdooyin oo loo soo weriyey sidii ay ahaayeen oo aan laga been sheegin.

Taariikhdii hore ee Soomaalida, oo ka horeysey taariikhda qoran (pre-history), waxay Soomaalidu kala mid yihiin bini’aadamka kale. Waana taariikh inta badan lagu ogaado baaritaan lagu sameeyo xagga aaladahdii ay dadkii hore adeegsan jireen iyo baritaano lagu sameeyo lafo hore oo laga helo dhulka oo la qiyaaso xilligi dadkii hore halkaas ku noolaayeen, waxaana baaritaanka noocaas ah lagu qiyaasaa xilligaa meeshaas lagu noolaan jirey iyo qaabkii dadkii halkaas degana ay u noolaayeen – cilmigaas oo loo yaqaan arkiyooloji (archaeology).

Baaritaano lagu sameeyay taariikhdii hore waxay muujinayaan in geeska Afrika, gaar ahaan dhulka Soomaalidu degto ay yihiin meelihii ugu horeeyey ee bini-aadamku deganaayeen, kana soo farcameen. Taariikh yahano ayaa aaminsan in taariikhdii hore ee Soomaaliya la ogaado ay “dan u tahay bini’aadamka oo dhan,” waayo waa dad aad u da’weyn.

Gaar ahaan baaritaan taariikhdii  hore waxay muujiyaan in Soomaalidu ay yihiin dadka adduunka ugu faca weyn ee ku dhaqnaa Geeska Afrika. Taas oo sharaf u ah in ay yihiin dad taariikh facweyn oo aan ahayn dad shalay soo degey geeska Afrika. Laakiin nasiib darro taariikhdaas waa laga qariyey Soomaalida.

Waa kan Dr. Saadiq Eenow oo ka sheekaynaya Taariikhdii hore Soomaalida: Dhegeyso ama soo rogo (mp3)

1929-31 baaritaan la sameeyey ayaa meel qiyaastii 90 mile u jirta Berbera (oo lagu magcaabo Issutugan) waxaa laga helay aalado bini-aadamku sameeyey kuwa ugu faca weyn. Sidaas oo kale baaritoono la sameeyey 1931 waxaa aalado ama waxyaabo bini-aadamku sameeyo kuwooda ugu faca weyn laga helay meelaha taagga ah ee siman ee Hargaysa.

Sawir 01

Xiriirkii Faraacinadii Hore iyo Soomaalida

Dr. Saadiq Eenow oo ka sheekaynaya xiriirkii Soomaalida iyo faraacinadii hore: Dhegeyso ama soo rogo (mp3)

Taariikhda hore ee aan qornayn (pre-history) marka laga yimaado, aadamiga kuwoodii ilbaxnimada keenay waxaa ugu horeeyey boqortooyadii ay iska dhaxleen qoysaskii faraacinada ee Masaaridii hore (Pharaoh). Boqortooyadaas oo jirtey saddex-kun (3000) oo sano, waxaana loo qaybiyaa saddex dawladood oo kala haa: Dawladii hore oo jirtey 3000 ilaa 2800 Nebi Ciise hortiis (BC) taas oo markay bilaabatay hadda laga joogo 5000 sano. Dawladdii dhexe oo jirtey 2800 ilaa 1725 BC, iyo tii u dambaysay oo jirtey 1725 BC ilaa ay soo baxday xadaaraddii Giriigga.

Taariikhdu waxay xustaa in xiriir xoog leh uu dhexeeyey Soomaalida iyo faraacinadii hore ee Masar. Boqorkii ugu horeeyey ee safaradiisu yimaadeen Soomaaliya waxa lagu tilmaamaa Khufu (2589 – 2566 BC). Taariikhdu waxay xustaa wiil uu dhalay Khufu in doonni uu watey uu la socdey nin Soomaali ah oo magaciisu ahaa HORTIISA, waxaana oo loo malaynayaa in ninkaas Soomaaliga ahi uu ahaa dal yaqaan tusayey Soomaaliya.

Faraacinadii hore qaar kamid ah waxay Soomaaliya ugu iman jireen ganacsi, qaarna waxay u imaan jireen bililiqo. Waxaana la xusaa in dagaaladdii ugu horeeyey ee adduunka ka dhacay ay ahaayeen dagaal dhex maray Soomaali iyo faraacino bililiqo dooon ahaa oo Soomaalidii la dagaalantay.

Pyramids of Giza

Faracinadii dambe aad ayey xiriir ula soo sameeyey Soomaaliya, gaar ahaan xiriir ganacsi. Waxaa ugu caansanaa boqoraddii Hatshepsut (1508–1458 BC) oo xiriir weyn la soo yeelatay Soomaaliya. Waxaa taariikhda si xoog weyn ugu xusan, isla markaana ay faraacinadii ku asteen ama ku sawireen ahraamtooda, in safar xoog weyn ay boqoraddaasi u soo dirtay Soomaaliya. Doonyihii ay soo dirtay (oo lagu qiyaaso lix doonyood) markii ay soo gaareen Soomaaliya si weyn ayaa loo soo dhaweeyey, waana la marti sooray, waxaana doonyihii loogu raray shixnad qaali ah iyo hadiyado looga buuxiyey doonyihii.

Markii safarkaasi ka laabtay Soomaaliya oo gaaray Masar waxay boqoradii tiri:

“Waxaad ka timaadeen dhulkii aabayaal iyo awoowayaal….”

Hadalkaas oo loo daliishado in xadaaradii ka asaasantay dhulkii Masaaridii hore ay asal ahaan ka soo jeedo Soomaaliya. Waxaa taariikhdu mujinaysaa in ilbaxnimadii hore ee Masaaradii ay asal ahaan ka sooo jeedaan dhulka geeska Afrika ee Soomaalidu degto, halkaas oo ay kala tageen ilbaxnimo iyo xadaarad. Waa nasiib darro ah in taariikhdaasi ka qarsoon tahay Soomaalida, oo Soomaalidu ay yihiin dad taariikh dheer.

Buugga Pharaohs, fellahs and explorers oo la qoray 1892 oo ka warbixinayey safarkii ay boqoradii Hatshepsut ugu dirtay Soomaaliya ayaa qoray sidan: “Dhacdadaadaasi waxay ahayd in la sameeyey xayn maraakiib ah oo mari kara badda, waxaana loo diray dhulkii Punt; dhulkaas oo Maspero iyo Mariette ku asteeyeen in uu yahay qayb ka mida dalka Soomaaliya oo ku yaal dhanka bari ee xeebta Afrika oo xuduud la leh Gacanka Cadan. Dhulkaas oo qani ku ah dhirta beeyaha (fooxa), xabagta qaaliga ah, mayraxda, dahabka, fool-maroodiga iyo alwaax qaali ah; waa dhulka loogu yeero dhulkii qorfaha.

Sawir 02

Sawirada ay sameeyeen faraacinadii, kuna asteen ahraamta, waxay muujinayaan doonyahaas ay boqoradu u dirtay Soomaaliya, doonayahaas oo ku sii jeeda Soomaaliya iyo ayagoo shixnad loogu soo rarayo.

Sawirka hore waa markii ay ka dhoofayeen Masar.

Sawir 03

Doonyaha oo ka dhoofayey Masar

Sawika hoosena waa markii ay ka soo laabaneyeen Soomalaiya oo doonyaha loogu soo rarayey shixnadda iyo hadiyadaha.

Sawir 04

Doonyaha oo jooga Soomaaliya oo lagu rarayey shixnad

Xiriirkii Giriiggii Hore &
Roomankii iyo Soomaalida

Dr. Saadiq Eenow oo ka sheekaynaya xiriirkii Soomaalida iyo Giriiggii hore iyo Roomankii: Dhegeyso ama soo rogo (mp3)

Qarnigii 8aad Nebi Ciise hortiis ayaa xadaaradii waxay ka wareegtey Faraacinadii, waxayna u wareegtey Giriiggii hore (Greek) oo xadaaraddiisu jirtey intii u dhaxaysay (750 – 149 BC waa ka hor dhalashii nabi Ciise calayhi salaam). Dadkii magaca lahaa ee u kacay Giriiggii hore waxaa ka mid ahaa Aristotle oo cilmi xoog leh ku kordhiyey xadaaradii Giriigii hore. Waxaana xilligaas ay Giriiggu gali jireen dagaallo farabadan.

Waagii hore dabaylaha lagu kala goosho badda ee loo yaqaan Maansoonka (Monsoon) waxaa aqoon jirey Carabta keliya iyaga oo ka faa’iidaysanaya dabaylahaas ayey Carabtu ugu kala safri jireen Afrika iyo bariga fog, waxayna u ahayd sir ay qarsan jirey oo aanay cid kale u sheegi jirin. Waxaa dhacday in nin ganacsade ah oo Giriig ah oo soo gaarey Badweynta Hindiya uu ogaadey in dadkaasi kafaa’iidaystaan dabaylaha.

Ninkii markii uu ku noqday Giriigga ayuu fashiliyey sirtii Carabta ee dabaysha Monsoon-ka. Markaas ayaa Giriiggii bilaabeen in ay dabayshaas soo raacaan; waxaana markaas doonyahoodii iyo ganacsigoodii soo gaaray xeeebaha Soomaaliya oo ay xiriir la soo sameeyey Soomaalida. Waxaa dhacday xilli lagu qiyaasay muddo 28 sano ilaa 30 sano in ay Giriigii fadhiyeen Gacanka Gardafuul (Cape Guardafui) ee cirifka bari ee Soomaaliya. Waxayna muddaddaas halkaas ka raranjireen maroodiyaal. Xilligaas Soomaaliya waxaa  ka buuxey maroodiyaal.

Waxaana Giriiggii ay maroodiyaashaas u adeegsan jireen dagaalladii faraha badnaa ee ay ku jireen. Waxaa dhici karta qofka hadda loo sheego in maroodiyaal laga rari jirey Soomaaliya in uu l ayaabo. Balse dhulka Soomaalida xilligaas waxa uu ahaa dhulay camireen nooc kasta oo ugaar iyo duur joog kale ah, waxaana dhulkaas waayadiidambe ku dhacay nabaad guur iyo xaaluf duurjoogtii la soo diristey.

Buugga taariikhdii hore ee Giriigga iyo Romanka (A history of ancient geography among the Greeks and Romans oo la qoray 1883) waxaa ku xusan in dhulka Soomaaliya loo aqoon jirey “Dhulkii Qorfaha” (Land of Sinnamon). Waxaana buuggaas oo soo xiganey buugga qadiimka ah (Periplus of the Erythraean Sea) ayaa tilmaamay dhulka Soomaaliyeed ee laga hadlayo ee laga dhoofin jirey Qorfaha in uu yahay dhulka u dhexeeya magaalada Berbera (oo looaqaan jirey Malao) iyo gacanka Gardafui ee cirifka Soomaaliya.

Sawir 05

Waxaa Xigtey Boqortooyadii Roomankii

Boqortooyadii xigtey Giriigga waxay ahayd tii Rooman-ka oo bilaabatay 44 sano ka hor dhalashii Nebi Ciise (calayhi salaam), waxayna boqortooyadiisi talada haysey ilaa 500 sano. Waxaa taariikhda ku xusan in boqortooyadii Roomaaniyiintu ay xiriir  la soo sameeyeen Soomaaliya, gaar ahaan xiriir ganacsi.

Buugga “The Commerce Between the Roman Empire and India” oo ku saabsan ganacsigii u dhaxeeyey boqortooyadii Roomanka iyo Hindiya waxaa ku xusan in waxyaabaha dhirta ka soo baxa ee loo iib geyn jirey Roomanka u soo mari jireen Soomaaliya iyo Carabta. Taas oo Soomaalida iyo Carabtu isku qiime kaga iibin jireen Roomanka. Ganacsigaas oo la tilmamay in Roomanku ay si isku mid ah ganacsi ula lahaayeen Soomaalida iyo Carabta. Tusaale waxaa loo soo qaataa alaabadii halkaas laga keeni jirey sida: Mayraxda iyo Fooxa oo Soomaalida iyo Carabtu isku qiime iibin jireen.

Sidoo kale Soomaalida iyo Carabtu waxay dhexyaal u ahaayeen gacasiga alaabada laga keenayo Shiinaha iyo Hindiya taas oo qiimahii badeecadda ee gaarayey Roomaanka ka dhigtey mid qiimahadooda kor u kaco.

Sawir 06

Qormadani waxay muujinaysaa in Qorfahu uu soo mari jirey gacanta Soomaalida ka hor inta uusan u gudbin Roomaanka.

Sawir 07

Taariikhahaasi waxay laga dheehan karaa in dadka Soomaaliyeed ay dhulkaas Geeska Afrika ee ay deganaayeen ay ku lehaayeen taariikh aad u facweyn, ahaayeen dad xadaarad leh, adduunkana uu ganacsigoodu gaaro, oo la soo macaamilay boqortooyinkii iyo xadaaradahii adduunka soo maray kuwoodii ugu faca weynaa. Qormada xigta waxaan ku eegi doonaa xiriirkii Soomaalida iyo Xadaaraddii Islaamka ee xooggeedu jirtey 200 sano.

_______________________________________________________
Dr. Saadiq Enow, waa taariikhyahan, qoraa, dhakhtar iyo macallin Soomaaliyeed.
Waxaana lagala xiriiri karaa Email: enow2@hotmail.com
Tixraac: Buugaagta iyo qoraallada aan tix raacnay: Pharaohs, fellahs and explorers By Amelia Ann Blanford Edwards (Harper & brothers, 1892) A history of ancient geography among the Greeks and Romans from the earliest ages till the fall of the Roman empire (By J. Murray, 1883) The Commerce Between the Roman Empire and India. QUEEN HATASU,AND HER EXPEDITION TO THE LAND OF PUNT

Qaybta |3aad

Qaybtan waxa ay ku saabsan tahay Taariikhda Soomaaliya xilligii bilowgii Islaamku soo gaarey Soomaaliya iyo safaradii ay Soomaaaliya ku yimaadeen bad-mareenadii Carbeed iyo bad-mareenadii Muslimiinta ahaa. Waxa kale oo Sheikh Saadiq Eenow kaga warbixinayaa jidkii ganacsiga ee loo aqoonjirey Wadadii Xariirta ahayd taas oo isku xiriirin jirey ganacsiga Yurubta Koonfureed ilaa Shiinaha, wadadaas oo mari jirey Soomaaliya. Arrimahaas oo dhammaantood muujinaya in dhulka iyo dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo leh taariikh facweyn, ayna xiriir la lahaayeen xadaaradihii adduunka soo maray.

Taariikhdaas oo cod ah; oo uu tebinayo Dr. Saadiq Eenow: Ka Dhegeyso Halkan

Taariikhdaas Soomaaliya iyo tixraacyo dheeraad ah ka akhri hoos:

IQRA (5tii ayadood ee u horeeyey Quraanka)

Ghaaru Xira

Nebi Muxammad (Nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee (NNKH)) oo ku nool dhul saxara ah oo ka fog xadaaradda, dadkuna aysan wax akhrin, Nebiguna wax akhrin ayaa Allah ku soo dejiyey shan (5) Aayadood oo ay ugu horayso IQRA (AKHRI) isagoo joogey godkii Qaaru Xiraa oo ku yaal buurta Jabalu Nuur oo u dhaw Makko.

“Markii si xeeldheer loogu kuurgalay akhbaaraha taariikhdaan kusoo arooray waxaa suurta gashay in lagu jaangooyo maalinkaas waxyigu soo dagay inuu yahay maalintii Isniinta ee bisha Ramadaan ahayd 21 waqti habayn ah, waxayna waafaqsan tahay tobanka bisha August sanadka 610 ciise dabadi (10/8/610-kii ciise dabadi), cimrigii Nebiguna NNKH wuxuu maalintaas ku xaddadan yahay 40-sano oo dayax ah, lix bilood iyo 12-maalmood, taasoo u dhiganta 39-sano oo qorrax ah, sadex bilood iyo 12-maalmood.”

Tixraac qormadii Sheikh Sancaani
ee Silsiladda Taariikhda Islaamka

Ayadahii u horeeyey Quraanka oo ku bilaabatay AKHRI, waxay tilmaamaysa mucjisada Qur’aanka, maadaama horumar kasta oo dunida waxa lagu gaaraa ay tahay wax akhrinta. Aayaddu waxay xoojisey “Wax ku akhri magaca Allah” taas oo daliil u ah haddii aad Allah ka tagtid aqoontaasi waxay noqonaysaa Aqoontii uu Nebigu NNKH yiri: Allahayow waxaan kaa magan geliyaa cilmi aan wax nafac ah lahayn.

surat-al-alaq

Magaca Allah yaan ku bilaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista:

  1. Wax ku akhri (Nabiyow) Magaca Eebbe ee abuuray (khalqiga).
  2. Dadkana ka abuuray Calaq.
  3. Akhri Eebena waa kan Sharafta lehe.
  4. Ee Dadka baray sida Qalinka wax loogu qoro.
  5. Dadkana baray waxayna aqoonin. (Suurad 96:1-5).

Islaamku waxa uu la yimid xadaarad iyo Ilbaxnimo, maadaama Aayaddii u horaysay ay tahay AKHRI, waxaa Nebi Muxammed NNKH uu muddo 13 sano ah magaalada Makka ka waday dacwad ku salaysan IQRA. Kaddib waxa uu u gudbey Madiina oo uu dacwaddii ka sii wadey 10 sano oo kale, taas oo gaartay guud ahaan jasiirada Carabta. Maalintii Allah soo dejiyey IQRA kaddib 200 sano (laba qarni) waxaa ilbxanimadii Adduunka ku wareegtey oo gacanta ku hayey dadkii Muslimiinta ahaa.

Califate 750

Califate

Xadaaradii Islaamku
Meelihii ay ugu xoog weyneyd

Xilligii Khaliifadii al-Ma’mun (oo ahaa wiilkii Harun al-Rashid) waxa uu dalbaday in loo keeno wixii kutub/buugaag iyo qoraal adduunka yiil. Markii loo keenay waxa uu yiri kulligood hala tarjumo isagoo adeegsanayey Gurigii Xigmadda. Ilbaxnimada, aragtida iyo hanka intaas gaaray ayaa Islaamkii la yimid. Xilligaas waxa uu ahaa xilligii Dahabiga ahaa ee Islaamka, waa bartamihii qarnigii 8-aad ilaa Qarnigii 13aad AD (Islamic Renaissance /Islamic Golden Age).

Gurigii Xigmadda (House of Wisdom / بيت الحكمة‎) waxaa asalkii asaasay Harun al-Rashid oo ahaa khaliifkii Cabaasiyiinta, gurigaas oo noqday machad meeshii ugu saraysa gaarey intii u dhaxaysay 813–833 oo ahayd xilligii uu khilaafadda hayey wiilkiisii al-Ma’mun. Guriga xigmadda oo xaruntiisu ahayd magaalada Baqdaad, waxana xaruntaasi hirgelisey in luqadda Carabiga lagu tarjumo dhammaan cilmigii markaas jirey oo dhan oo laga soo qaadanayey buugaagtii iyo culuumtii kale ee jirtey. Baqdaad waxay noqotay magaalada ugu camiran adduunka xag kasta.

Xilligii Khaliifatul al-Ma’mun waxaa Guriga Xigmaddu noqday meesha Adduunka looga soo raadsado cilmiga, sida Xisaabta, cilmiga xiddigiska, daawada, juquraafiga, kimisteriga iwm. Aqoonyahanadii ka tirsanaa Guriga Xigmadda waxaa ka mid ahaa Aabahii xisaabta Algebra oo ahaa Muhammad ibn Musa al-Khwarizmi, oo sannadkii 820 AD qoray buugga Kitab Al-Jabra, buuggaas oo ah kan laga qaatay xisaabta Aljabrada ee adduunka hadda laga adeegsado.

Al-Jabra

Ayaddii IQRA kaddib Islaamkii ayaa la wareegey xadaaraddii Adduunka.

Islaamku waxa uu Soomaaliya soo gaarey xilligii quruurntii barakaysnaa kuwoodii ugu horeeyey, hijradoodii ugu horeeyey markii ay asxaabtii ka soo haajireen dhibaatadii ay qureyshi ku hayeen oo ay soo aadeen dhulka Xabasha meeshii ugu horeysey ee ay soo mareen waxaa lagu qiyaasayaa meesha baddu isaga dhowdahay oo ah dhul Soomaaliyeed (sida Saylac ama Jabuuti).

Sannadkii 615 ayaa Hijradii u horeysey ee Muslimiintu ku soo aadeen dhulkii Xabashida ee uu ka talinayey boqor Najaashi (Akhri waraaqihii Nebigu NNKH u qoray boqorada).

Saxaabada la tuhmayo in ay Soomaaliya yimaadeen waxaa ka mid ah Abuu Muusa Al Ashcari iyo Cali ibnu Daalib (radiyallahu canhumaa). Waxa kale oo jirey xilligii Cabdul-Malik ibnu Marwaan waxa uu ciidan u soo diray dad Muslimiin ah oo deganaa Koonfurta Soomaaliya oo diidey in ay sakada in ay bixiyaan, markii ay yimadeen ciidankaasi si rasmi ah ayey halkaas u degeen, mana laaban, waxaana la qiyaasayaa in dadka Soomaaliyeed ee midabkoodu cadyahay ee deggan Koonfurta Soomaaliya in ay ka soo jeedaan dhacdadaas dadkii la socdey.

Bad-Mareenadii Carbeed
ee yimid Soomaaliya

Islaamkii markii uu hana qaaday waxaa dhacday in Carabtii ilbaxa ahayd ay aad u daneeyaan Soomaaliya. Waxaana markaas Soomaaliya yimid dal-mareeno badan oo Carbeed ama Muslimiin ah, kuwaas oo qoraallo ka sameeyey Soomaaliya. Dal-mareenadaas iyo taariikhihii ay yimaadeen Soomaaliya waxaa ka mid ahaa:

  • Al-Yaqubi  (Qarnigii 9aad ciise dabadii).
  • Al-Mas’udi (933),
  • Al-Istakhri (960),
  • Ibnu Hawgal (977),
  • Al-Barruni (1030),
  • Al-i-drissi (1154),
  • Yaqut (1229),
  • Ibna Battuta (1331),
  • Al-Harruni (1334),
  • Ibn-Said (1344).

Bad-mareenada Carbeed ee imanayey Soomaaliya waxay muujinaysaa in Soomaalidu yihiin dad taariikh leh oo dhulkooda ay xiisaynayeen. Ibnu Batuuta (oo ahaa nin Muslim ah oo ah reer Moroccan dadka loo yaqaan Berberiga, oo ahaa bad-mareen iyo sahamiye adduunka ku safri jirey) markii uu yimid Muqdisho sannadkii 1331 waxa uu ka qoray hadalkan: “Muqdisho waa magaalo baaxad ahaan aad u weyn oo aan la soo koobi karin.

Dadkeedu waxay leeyihiin Geel farabadan oo ay maalinkasta qashaan boqollaal, waxa kale oo ay leeyihiin ido farabadan. Dadkeedu waa dad aad ugu wanaagsan ganacsiga. Waa magaalo lagu farsameeyo dharka loogu magac daray magaalada, kuwaas oo aysan jirin cid kula tartamaysa, waxaana loo dhoofiyaa ilaa Masar iyo meelo kale.”

Safarkii:
Zheng He ee Soomaaliya

Dadkii kale oo ahaa dal-mareenada Muslimiinta ee yimid Soomaaliya waxaa ka mid ahaa Zheng He oo ka soo jeedey dalka Shiinaha gobolka hadda loo yaqaan Yunnan. Safarkiisii u horeeyey Zheng He waxa uu booqday magaalooyin badan oo xeebaha Soomaaliya oo ay ku jirtey Muqdisho, Baraawe iyo Kismaayo. Waxaana jirta Tuulo u dhaw Kismaayo ee aagga webiga Jubba oo loogu magac daray bad-mareenkaas Zheng He.

zhenghe

Taariikhdu waxay xustaa markii uu Soomaaliya ka laabtay waxyabihii ugu xiisaha badnaa ee uu 1415 kala laabtay waxaa kamid ahaa Geri. Waxaana lagu tilmaamay dhammaan waxyaabihii uu safarka kala soo laabtay wixii ugu xiisaha ama qiimaha badnaa in uu ahaa Geriga uu kala yimid Soomaaliya, Gerigaas oo lagu xusay buugaag farabadan.

zhengo

Zheng He maraakiibtii uu safarka ku geli jirey waxaa taariikhdu xustaa in ay aad u baaxad weynayeen. Si aad u aragtid baaxadda maraakiibtii Zheng He waxaad booqan kartaa Mall-ka “Ibnu Battuta Mall” oo ku yaal Dubai, halkaas oo lagu soo dhig markab kamida maraakiibtii Zheng He oo la barbar dhigayo markabkii Christopher Columbus kaga gudbey badweynta Atlantic sannadkii 1492 safarkiisii uu ku tegey qaarada Ameerika, taas oo muujinaysa in markabka Zheng He uu aad uga baaxad weyn yahay.

Markab

Zheng He waalidkiis oo Muslimiin ahaa waxay u bixiyeen magaca “Ma Ho” oo Afka Shiinaha ku ah Muxammad. Aabihiis iyo awgiisba waxay ahaayeen Muslimiin, waxayna tageen Xajka. Arrintaas oo wiilkii yaraa ee Zheng He ku dhalisay in uu maalin uun sidaas oo kale uu safar dheer u galo. Intii uu nolaa Zheng He waxa uu tegey Xajka (Makka) iyo Madiina. Waxaa jira meelo badan oo loogu magac daray magaciisii loo aqoon jirey xilligii uu carruurta ahaa oo ah Sanbao (oo macnaheedu yahay saddexddexdii qaniimadood), waxaana goobahaas loogu magac daray ku yaaliin Thailand, Malaysia iyo Indonsia.

Waxa kale oo taariikhdu xustaa in xiriir wanaagsan ka dhexeeyo Soomaalida iyo Muslimiinta Shiinaha, xiriirkaas oo soo bilowday xilligii Zheng He, xiriirkaas oo la tilmaamo in uu weli jiro.

Taariikhahaas ay bad-mareenada Muslimiintu ku imanayeen dhulka Soomaaliyeed waxay muujinayaan in Soomaalidu tahay dad leh taariikh aad u facweyn oo aysan ahayn dad dhawaan dhulka soo degey. Waxa kale oo ay tilmkaamaysaa in Soomaalidu yihiin tan xadaarad leh, sida Muqdisho oo ay ku oolaayeen wershedo, lagana dhoofin jirey alaabada ay kamid yihiin dharka lagu sameeyo Soomaaliya.

Wadadii Xariirta (Silk Road)
oo mari jirtey Soomaaliya

Socdaalladaas Carabta iyo Muslimiinta kale waxaa garab socdey taariikh looyaqaan “Wadadii Xariirta” (Silk Road) oo ah waddo ganacsi oo isku xiri jirtey Yurubta Koonfureed ilaa Shiinaha. Magaca wadadaas oo asal ahaan ka soo jeeda ganancsi aad u kobcay oo ahaa Shiinaha oo ka ganacsan jirey Xariirta wadadii ay marin jireen. Wadadaas waxyaabihii lagu safrin jirey waxaa kamid ahaa waxyaabaha cuntada lagu macaaniyo ama lagu udgiyo oo ay reer Yurub danaynayeen, waxaana alaabtaas laga keeni jirey bariga fog ilaa Shiinaha.

silkroad

Haddaba waddadaas Silk Road meelaha ay marijirey waxaa kamid ahaa Soomaaliya. Marka guud ahaan laga hadlo meelaha dariiqaasi marijirey, oo isku jira bad iyo berri waxay ahaayeen: Koonfur Europe ilaa uu sii maro Arabian Peninsula, Somalia, Egypt, Iran, Pakistan, India, Bangladesh, Java-Indonesia, iyo Vietnam ilaa uu gaaro China.

Qormadii hore waxaan kusoo aragnay in Soomaaliya loo aqoon jirey “Dhulkii Qorfaha” oo ay u aqoonjireey Giriiggii hore & Roomankii oo Soomaaliya ka qaadan jirey qorfaha. Arrimahaas oo dhan waxay caddayn u yihiin taariikhda facaweyn ah ee dhulka iyo dadka Soomaaliyeed oo weligood xiriir la lahaa xadaaradihii iyo ganacsiyadii adduunka soo maray ilaa haddana ay Soomaalidu yihiin dad ganacsiga aad ugu wanaagsan oo firfircoon. (Taariikhdaada marka aad taqaanid ayaad hore u socon kastaa….)

_____________________________________________________________
FG: Jawaabaha, aragti iyo tixraaca taariikho ka duugan Soomaalida oo ku haboon in tixraacooda loo soo bandhigo Soomaalida waxaad toos ugu qori kartaa HALKAN GUJI (fadlan ku qor bogga soo baxa dhankiisa hoose)

Decorative Lines

Dr. Saadiq Enow, waa taariikhyahan, qoraa, dhakhtar iyo macallin Soomaaliyeed.
Waxaana lagala xiriiri karaa Email: enow2@hotmail.com