Taariikhda
Sheekh Muxammad
Bin C/wahaab

Al-Imaam:
Muxammad bin Cabdul-Wahaab
bin Suleymaan Al-Tamiimiyi

Waxaa qore:
Maxamad Cusmaan Aadam

Hordhac |Q. 1aad |Q. 2aad |Q. 3aad |Q. 4aad |Q. 5aad |Q. 6aad |Q. 7aad |Q. 8aad

Decorative Lines

Taariikh Sheekh Maxammad

Bin Cadul-Wahaab

Halgankiisii iyo raadkii uu reebay
1115-1206H (1703-1792)

Qaybta | 7aad

Dadkii ka Horyimid,
Noocyadoodii iyo Dacaayadahoodii

Waxaan in badan soo xusnay in sheekha dad badani ka horyimaaddeen dacaayadana ka faafiyeen, haddaba waxaa lasoo gaaray xilligii aynu mawduucan wax ka xusi lahayn, iyadoo uu yahay mawduuc aad u ballaaran, kutub badanna laga qoray, haddana waxaan isku dayeynaa inaan isku soo xoorinno dacaayadaha kuwa ugu waaweynna aan xusno iyo jawaabihii sheekha iyo taageerayaashiisu ka bixiyeen.

Noocyadii mucaaradka:

Waxaa loo qaybiyaa saddex qolo:

  1. Culimadii dariiqooyinka suufiyada iyo kuwii shiicada, ha joogeen deegaankiisa ama kuwa deriska la ahe;
  2. Madaxdii maxalliga ahayd ee ka talinaysay deegaankii Najdi ee kala qoqobnaa, iyo weliba maamulladii deriska la ahaa, sida: Baxreyn (oo horey loo oran jiray Ixsaa) iyo dawladdii Ashraafta sheegan jirtay ee Xijaaz iyo kuwo kale;
  3. Dawladdii Cusmaaniyiinta ee ku magacawnayd khilaafada islaamka.

_______________________________________
1 Dacaayadahan iyo jawaabahooda waxaad ugu noqotaa kitaabka la yiraahdo: Dacaawaa Almunaawi’iin, li dacwati sheekh Maxamed bin C/wahaab oo uu qoray Dr C/casiis bin Muxamad Alcabdilladiif, waa kitaab loo gaaryeelay gorfeynta arrimahan, ahna mid soo uruurinaya dacaayadaha badankoodii iyo jawaabihii laga bixiyey.

Qaybta 1aad

Culimadii Suufiyada iyo Shiicada

Haddii aynu ku hormarno labadan qolo oo ku noolaa deegaanka sheekha iyo kuwa deriska la ah ilaa Yeman ilaa Ciraaq markii qaarkood ay sheekha isdhaafsadeen waraaqo badan ayna qolo kastaa ku dhegtay mawqifkoodii ayna arkeen sida baaqii sheekha loo qaadanayo ayey bilaabeen dacaayadahan iyagoo afarta jiho u kala dirayey waraaqo iyo kutub ay allifeen oo ay uga digayeen sheekha, waxaa ka mid ahaa walaalkii Suleymaan bin C/wahaab oo qoray kitaabka la yiraahdo “Alsawaaciq Al-ilaahiyah fi-rradi calaa Alwahaabiyah” taariikhyahannada qaar ayaa sheega in walaalkii markii danbe mawqifkii sheekha ku qancay balse ma aha arrin sugan.

Labadan qolo: suufiyada iyo shiicada waxaa ay ka midaysnaayeen oo isu keenay laba qodob:

  • difaacidda qabuuraha dhisan oo labaduba hodan ku ahaayeen ilaa iyo haddana ku dhegan yihiin;
  • baryidda iyo gargaarsiga cid aan Alle ahayn, siiba dadkii dhintay ee ama nabiyo ahaa ama dad kale oo suubban ahaa ama dad ay iyagu si gaar ah u weyneeyaan ahaa.

Qaybta 2aad
Amiirradii Maxalliga ahaa

Waa nooca labaad oo mucaaradka ahaa, ujeeddo kale ma lahayn oo aan ahayn ilaashiga xukunkooda oo ay uga baqayeen labadan hogaamiye ee heshiiyey, sidaa darteed iyaga iyo culimadu waa isbiirsadeen geed dhow iyo mid dheer intaba waa u fuuleen manjaxaabinta sheekha iyo amiirradii taageerayey, balse waxba kama tarin xujooyinkii cadcaddaa ee sheekhu adeegsanayey, shacabka badankiisuna baaqii sheekha ayey ku qanceen, nimankii kasoo horjeeday oo cilmiga sheeganayey wixii raacay mooyee intii kale deegaanno fogfog ayey aadeen, sheekha walaalkii ayaana ka mid ahaa nimankii qaxay!

Amiirradiina in badan ayaa isdhiibay kuwa kalena xoog ayaa lagu muquuniyey haba ugu darnaado amiirkii Riyaad iyo ashraaftii xijaaz, weynuna soo marnay loolankii dhexmaray iyaga iyo sacuudiyiinta.

Qaybta 3aad
Cusmaaniyiintii

Iyaga cabsida ugu weyn ee haysay waxay ahayd in xukunku ku noqdo gacan Carbeed, turkiguna meesha ka baxo, maxaa yeelay xilli dheer ayey turkigu talada hayeen, ha noqoto markii ay khilaafada la wareegeen oo ahayd qarnigii 7aad ama ha noqoto ilaa qarnigii 3aad oo ay Cabbaasiyiinta ka dhigeen maqaarsaar aan wax goaan ah lahayn, in magaca khaliifka loogu yeero mooyee usha amiirnimadana la siiyo, minbarkana jumcaha looga duceeyo!!!

Goaan ayey ku gaareen la dagaallanka dawladdan xawliga ku socota sidii aynu soo xusnay ayeyna ula dagaallameen dacwada iyo dawladdaba ilaa ay dumiyeen, balse mar walba sacuudiyiintu madaxa ayey lasoo kacayeen weyna soo fufayeen iyagoo taageero xooggan ka haysta dadkii deegaanka ee ay isku aragtida ahaayeen.

Sida aynu arki doonno dacaayaduhu waasii kala foolxumaayeen, dadka sheegayeyna iyagoo isku ujeeddo ahaa haddana waa is dhaameen xaga xishoodka iyo usluubka iyo erayada ay adeegsanayeenba.

Qolyahaa dacaayadaha faafinayey oo la bilawday halgankii sheekha, kama idlaan dunida oo ilaa iyo hadda waa jiraan, haba ku kala xoog badnaadeen deegannada ay joogaane; Sidoo kale culimada difaacaysaa mar walba waa joogaan intaana kutub horleh ayey qorayaan iyagoo weliba luqado kala duwan ku qoran, dadka manhajkii sheekha ku qancaa mar walba waa kasii badanayaan heerkii ay joogeen, dadka inta ay ku qanceen ka noqdaana aad ayey u yaryihiin marka loo eego inta sugnaata.

Dacaayadaha waxaynu u qaybinnay laba qaybood oo kala ah: kuwo toos ah oo aynu adeegsan doonno erayga ah “Dacaayad” qaybtani waa kuwo ina tusaya been abuur toos ah oo sheekha lagu sameeyey oo sal iyo raad toona aan lahayn. Qaybta labaad waa arrimo laga duwey sidii xaqa ahayd oo si baadilnimo ah loo muujiyey si sheekha loo duro, qaybtan waxaynu adeegsan doonnaa erayga ah “Shubho”. Waana kuwan hoos ku xusan:

Dacaayadihii:

  1. Nabinnimo ayuu sheegtay! Nabigana wuu liidaa!!
  2. Waa mujassim, Alle uunkiisa u ekaysiiya!!
  3. Karaamooyinka Awliyada ayuu diiday!!

Shubhooyinkii:

  1. Ummaddii ayuu laayey wuuna gaaleysiiyey!!
  2. Tawasulkii ayuu mamnuucay!!
  3. Shafeecaysiga nabiga sallalaahu calayhi wasallama ma ogola!!!
  4. Siyaarada ma ogola! Qabuurihii dadkii suubbanaana wuu ihaaneeyey!!

Todobadaa isugu jira dacaayado iyo shubhooyin ayeynu kasoo qaadanaynaa wixii ay sheekha ka faafiyeen.

Dacaayaddii Kowaad
Nabinnimo ayuu Sheegtay,
Nabigana wuu liidaa!!!

Waa middii ugu foolxumayd wixii ay sheekha ka sheegeen, balse ma ahayn mid ay suuq fiican u heleen, dadkuna aqbaleen, xitaa dadka sheekha kasoo horjeeday badankoodu waa ka xishoonayeen werinta beentan qayaxan.

Mas’alada ah in nabigeenna lagu khatimay dhammaan nabiyada waa mid muslimiintu ku kulansan yihiin, qofkii shaki geliyaa inuu gaaloobayana waa mid lagu midaysan yahay, maxaa yeelay? waa qof iska indhatiray aasaasiyaadka diinta iyo astaamaheeda sida dharaarta u cad.

Mawqifkii Sheekha

Sheekhu isagoo tilmaamaya nimankii nabinimada sheegtay qayb ka mid ah wuxuu yiri:

“Culimadu waa ay ku kulansan yihiin gaalnimada Mukhtaar, markii uu ku xadgudbay nabinnimada, iyadoo ay jirtay oogiddiisa astaamaha diinta”.1

Mar kale waxaa uu yiri isagoo ka warrama xuquuqda ku waajibaysa qof kasta oo muslim ah: “waxaa ugu weyn xaqa nabiga, waxaana ugu sii waajibsan inaad qirto inuu rasuulkii Alle yahay, nabinimadana lagu khatimay, oo aad ogaato haddii qof saxaabada ka mid ah aad gaarsiiso darajada nabinimada inaad gaaloobayso”.2

____________________________________
1 Mu’allafaatu Sheekh 3/45. mukhtaar bin abii Cubeyd waa nin noolaa qarnigii koowaad ee hijriyada saxaabo badan ayuu soo gaaray, wanaag badan ayuu muujisan jiray bilawgiisii, nimankii dilay xuseen bin Cali bin Abiidaalib waa ninkii la dagaallamay oo iyagina madaxa ka guray, kadib markii uu xoogaystay ayuu yiri waa la ii waxyoodaa!! Culimadii markaa joogtayna sidaa ayey isugu raaceen gaalnimadiisa, cid u doodday oo difaacdayna ma jirin.
2 Aldurar Alsaniya:1/98-99

Nimankii Sheekha
Beentan ka Sameeyey

Waxaa ka mid ahaa nin la oran jiray Ibnu Cafaaliq, isagoo yiri mar uu raddinayey amiirkii Cuyeyna ibnu Macmar: “wallaahi nabinimo ayuu ku sheegtay hab-dhaqankiisa!! carrabkiisase kuma sheegan, wuuba kasii saramaray sheegashada nabinimo, waxaanad joojiseen booskii rasuulka! Waana aad qaadateen amarradiisa iyo nahyigiisaba!!”

Ninka la yiraahdo Axmed bin Cali Alqubbaani1 ayaa sidoo kale ka mid ahaa raggii beentan calanka u siday, wuxuu qoray kitaab la yiraahdo “Faslu Alkhiddaab” wuxuu ku sheegay bogga 36aad in sheekhu nabinnimo sheegtay, isagoo yiri ninkii la oran jiray Musaylima Alkaddaab ayey isku deegaan yihiin!

Waxaa kale oo ka mid ahaa Calawi Alxaddaad, wuxuu ku yiri kitaabkiisa “Misbaax Al-aanaam” bogga 4aad: “Nabinnimo ayuu qarsanayey! Calaamadaha arrintaasina dabcigiisa ayey ka muuqatay!! Carrabkiisa kuma sheegan!!! Si dadku aysan uga didin, waxaa arrinkaa ka markhaati kacaya sida culimadu sheegeen markiisii hore wuxuu ahaa mid aad u xiiseeya akhbaartii nimankii nabinnimada sheegtay! Sida:

  • Museylima Al-Kaddaab,
  • Sijaax,
  • Aswad Alcanasi,
  • Duleyxa Al-asadi iyo kuwii la midka ahaa”!!!!

Mar haddii uu ina yiri wuu qarsanayey, isaga qudhiisa ayaa la oranayaa sidee ku ogaatay? Qalbigiisa miyaad daalacatay?! Mise waxyi ayaad ku ogaateen oo samada ayaa la idiinka sheegay?! Labada arrimood kii ay ku jawaabaanba way gaaloobayaan, oo waxa qalbiga ku jira Alle kaligii ayaa ogaan kara, ciddii la sheegataana waa cid wixii uu khaaska la ahaa sheegatay! haddii ay waxyi sheegtaanna dariiqii Mukhtaar ayey marayaan.

  • 1 Ciraaqi reer Basra ah ayuu ahaa xilligii sheekha ayuu noolaa.

Sidaa darteed qaabka ay beentan u abuureen waa qaab fadeexad usii kordhisay, Allaahna dadka xaqdarrada ku socda Ahlu-xaqqana ku been abuurta wuu fadeexeeyaa mar ay noqotaba.

Waxaa dacaayaddan aad usii faafiyey udub-dhexaadkii beenta iyo tiirkii ay ku taagnayd! waa Axmed Zeyni Daxlaan, ninkan oo xumaan kasta iyo been walba oo qof ku fekeri karo aan ka dhowrsan, wuxuu fursad ugu helay isaga oo ku noolaa Maka, dadka xujeyda ahna kusii rari jiray wixii uu maleego.1

Sheekh Maxamed kitaabkiisa Tawxiidka ah waxaa uu kusoo arooriyey xaddiiskii uu weriyey Abuubakar Alburqaani ee saxiixa ahaa ee nabigu yiri sallalaahu calayhi wasallama: “waxaan ummaddayda uga baqayaa madaxda wax baadiyeysa, haddii seeftu ku dul-dhacdo lagama qaadi doono ilaa qiyaamaha, waxaa ahaan doona ummaddayda dhexdeeda soddon beenaalayaal2 oo mid kastaa nabinnimo sheeganayo, anigaana nabiyadii la igu khatimay nabina igama danbeeyo…”.3

Arrinka uu leeyahay Calawi Alxaddaad iyo kuwo kaleba: “wuxuu xiisayn jiray akhbaarta dadkii nabinnimada sheegtay” iyaduna waa been kale oo ay doonayaan inay beentooda weyn ku tukubiyaan.

___________________________________
1 Labadiisa kitaab eek ala ah: Khulaasatu Alkalaam bogga 239 iyo Aldurar Alsaniyan firraddi calaa Alwahaabiyah:48
2 Culimadu waxaa ay ku fasireen soddonka: kuwa taageerayaasha yeelan doona ee dadka qaarkii raaci doonaan, balse kuwa ku hadaaqa sheegashada nabinimo aad ayey u badan yihiin lamana koobi karo, meel walbana waa joogaan.
3 Imaamu Axmed 5/278, silsiladda saxiixada ah:1683

Nabiga ayuu liidaa..!!

Dacaayaddan liidataa iyaguna wixii ay ku hadaaqeen ayey ka mid ahayd oo ay doonayeen inay dadka sheekha kaga fogeeyaan, waxa hadalladoodii ka mid ahaa: “Ina C/wahaab wuxuu yiri: nabigu wuxuu ahaa nin shaqo loosoo diray, wuuna gutay, in la milicsadaana waa gaalnimo! Ushayda ayaana ii dhaanta!! Oo abeesada iyo wixii la mid ah iga dilaysa” (subxaanallaah)!!!

“Wuxuu necbaa salliga nabiga sallalaahu calayhi wasallama, maqalkiisana wuu dhibsan jiray! In lagu dhawaaqo oo minbarrada laga sheegana wuu diidi jiray, ciddii sidaa samaysana wuu dhibi jiray, qabriga nabiga wuxuu ku sheegay sanam uguna weyn sanamyada oo dhan.!!!

Jawaab: Waxaa jawaabta lagu soo koobayaa: nimankan markii lagu yiri: nabigu sallalaahu calayhi wasallama waxba kuma laha baryada iyo gargaarsiga, ee Alle kaliya ayaa leh, nabiguna sallalaahu calayhi wasallama cilmi-qaybka wuxuu ka ogaa intii loo sheegay.

Allaah ayaana quraankiisa ku yiri:

Dheh ma oga kuwa cirarka iyo dhulalka ku sugan cilmiga waxa maqan Allaah mooyee.” [ Surat: AnN-amli 65]

Markii intaa loo sheegay ayey yiraahdeen nabiga ayaa la quursaday!!! Waa sida kiristaanka marka lagu yiraahdo Ciise waa addoonkii Alle ay u arkaan in nabi ciise la quursanayo!

Nimankii Qureyshi ka daba-dirtay saxaabadii Xabasha u hijrootay inay soo celiyaan, waxay ku yiraahdeen Najaashi: “Nimankani diinteeniina waa ka baxeen, taadana ma gelin, Ciisana waa caayaan oo ilaahnimo uma ogola! Markii Jacfar bin Abii daalib akhriyey suuradda Maryama, Najaash wuxuu yiri “Ciise intaa ma dhaafsiisna” baadariyaashii ayaa gadooday oo guuxay!

Wuxuu ku yiri: haddaad doontaan guuxa”!.1 Sheekh Maxamed iyo taageerayaashiisu waxay nabiga u weyneeyaan sida sharcigu qabo oo ah: In la rumeeyo wax walba oo uu sheegay, loo hogaansamo wax walba oo uu faray, laga tago wax walba oo uu reebay, diin iyo dhaqan laga dhigto ku dayashadiisa, Allena aan lagu caabudin sidii uu isagu u caabuday mooyee, diintiisa loo gargaaro, lagu dhego, dadka diintiisa haysta la jeclaado oo la garab istaago, kuwa kasoo horjeeda la naco lagana dhinac noqdo, sidaa ayaa ah tubta toosan ee ay waajibka tahay in Alle lagu weydiisto salaadda iyo dibaddeedaba.

Halbeegaas ayaa ah midka lagu ogaan karo qofku inuu nabiga jecelyahay, oo Alle dadka jacaylkiisa sheegta wuxuu ku imtixaanay raacidda nabiga, haddii laga helo waa kuwa sheegashadoodu run noqonayso, haddii laga waayo raaciddana waa ay beenoobaysaa. Alle waxaa uu yiri: “dheh hadii aad tihiin kuwo Alle jecel aniga I raaca, Alle wuu idin jeclaanayaa danbiyadiinana wuu idiin dhaafayaa, Allaahna waa dhaafid badane naxariis badane ah”. [Surat> Aala Cimraan:31]

Sheekh Maxamed Bashiir Alsahsawaani oo ka mid ahaa culimadii Hindiya ee waaweynayd waxaa uu yiri: “annagu haddaan nahay ahluxadiiska, rasuulka waan weyneynaa, weyneyn kasta oo ku timid kitaabka iyo sunnaha sugan, weyneyntaasi ha ahaato mid oraah ah ama ficil ah ama in qalbiga lagu gunto ah; Balse dadka bidcada ehelka u ah, weyneyntoodu waa mid lasoo derrisiiyey, sida: In qabrigiisa loo safro, habaynkii iyo maalintii uu dhashay la dabbaaldego, mawliid la akhriyo, weyneynta sharciga ku timidse waa ay ka fogyihiin”.

______________________________
1 Siirada ibnu Hishaam:1/344, Dalaalil Alnubuwah:imaam Albayhaqi:2/301-304

Caalimkii reer Masar-Suuriya Maxamed Rashiid Ridaa (wuxuu ahaa muftigii labada dal markii ay midaysnaayeen) waxaa uu yiri: Qofkii taariikhda raacraaca wuxuu ogaanayaa in kuwa nabiga ugu jecel uguna raacid badan ay yihiin kuwa ugu xadgudub yar (aan darajo ilaahnimo gaarsiin) gaar ahaan asxaabtiisii iyo dadkii xigay qarniyadii kheyrka badnaa;

Dadka kuwa ugu iimaan liita uguna raacid yarna, waa kuwa ugu badan ku-xadgudubkiisa, oraah ahaan iyo ficil ahaan oo ay bidco la yimaaddaan, waanad ku arkaysaa labada qolaba gabayadooda”.1

Sheekh Maxamed C/wahaab isaga oo beentan ka jawaabaya waxaa uu yiri: “waxa mushrikiintu iga sheegeen ee ah inaan reebayo ku-sallinta nabiga ama aan leeyahay haddii aan kari karo qubbadda nabiga waan dumin lahaa, waxaas oo dhan waa been ay iga sameeyeen shayaadiinta doonaya inay xoolaha dadka baadil ku cunaan, sida awlaadda Shamsaan iyo awlaadda idriis”.2 Sheekha iyo dadka la manhajka ah waxaa ay nabiga ugu sallinayaan sida sharciga ah, iyagoo arka inay cibaado tahay, cibaadada halbeegeeduna yahay:

In loola yimaaddo sidii nabigu ula yimid iyo saxaabadiisu, in minbarrada laga qalaado ama gabay salli lagu sheegaana ma aha sunnadii nabiga iyo dhaqankii saxaabada midnaba. In nabiga sallalaahu calayhi wasallama lagu amaano gabay hufan ama lagu difaaco waa shay bannaan, haddii qofku lillaahi ula jeedana ajar ka helayo, balse salli ma aha, salligu siiqooyin u gaar ah ayuu leeyahay waxaana ka mid ah midka salaadda lagu akhriyo (marka la ataxyaadsanayo).

_____________________________
1 Siyaanatul Insaam can waswasati Daxlaan
2 Shamsaan iyo idriis: waa kuwo Najdi lagu caabudi jiray intii uusan sheekhu tirtirin.

Marka nabiga la ammaanayo waxaa waajib ah inaan la gaarsiin darajo ilaahnimo, in darajo ilaahimo la gaarsiiyana ma aha oo kaliya in ilaah lagu sheego, ee haddii wixii ilaah gaarka u lahaa loo leexiyo nabiga waxaa ay la mid tahay iyadoo darajo ilaah la siiyey. Sida kuwa yiraahda” Adduun iyo aakhiro ayaa deeqdaada ka mid ah”! “cilmiga looxa (maxfuudka ah) iyo qalinka ku yaal cilmigaaga ayuu ka mid yahay!! Taasi ma bannaana waana shirki uusan jirin shirki ka weyni, maxaa yeelay adduun iyo aakhiro Allaah ayaa iska leh, cilmiga looxa ku yaalna malaaig iyo nabiyaal toona ma ogaan karaan wixii looga waxyoodo mooyee.

Sidoo kale nabiga marka la ammaanayo in la gargaarsado ma aha mid bannaan (markii uu dhintay kaddib)maxaa yeelay gargaarsigu waa cibaado Alle ayaana iska leh Qofkii yiraahda: xuquuqda Alle iyo xuquuqda nabiyada, darajada Alle iyo darajooyinka nabiyada hala kala saaro, ma aha in loogu jawaabo nabiyadii ayaa la quursaday ama la liiday.

“Nabigu sallalaahu calayhi wasallama isaga oo arrintan ka digaya waxaa uu yiri.”:

“Ha iigu xadgudbina sidii nasaaradu ina Maryama ugu xadgudbeen, waxaan ahay oo kaliya addoonkii Alle iyo rasuulkiisii, ee dhaha waa addoonkii Alle iyo rasuulkiisii”.1

Waxaa nabigu sallalaahu calayhi wasallama inoo sheegay in ummaddani ku tallaabsan doonto wax walba oo ummadihii hore ku kaceen, taana waxa ka mid ah ku xadgudubka nabiyada iyo iyadoo la gaarsiinayo darajo ilaahnimo.

Mad-habta Xanbaliyada ee sheekhu haystay waxaa ay qabtaa in qofkii nabiga caaya uu xukunkiisu dil yahay, ha tawbad keeno ama yuusan tawbad keenin, maxaa yeelay tawbaddu isaga iyo Alle ayey u dhaxaysaa balse xaqii nabiga ee uu ku tuntay waa in laga gooyaa oo qudha laga jaraa.

__________________
1 Bukhaari:6830

Maalintii nabigu sallalaahu calayhi wasallama Maka furtay waxaa jiray 9 qof oo uu amar ku bixiyey in la laayo xitaa hadii ay kacbada qabsadaan, sababtuna waxaa ay ahayd: iyagoo nabiga caayi jiray, tix iyo tiraab intaba adeegsan jiray, iyadoo gaaladii reer Maka intii kale la iska cafiyey. Waxaad xasuusnaataa in sheekha kutubtiisa uu ka mid ahaa: Kitaab siiro ah, si uu dadka nabiga sallalaahu calayhi wasallama u jecleysiiyo xuquuqdiisana u baro ayuu u allifay, waana kitaab ilaa maanta yaal oo la daabaco.

Waxyaabaha qubuuriyiintu aaminsan yihiin waxaa ka mid ah: in dunida oo dhan loo abuuray nabiga sallalaahu calayhi wasallama dartii! Allaahna waxaa uu leeyahay: “uma abuuran jinni iyo Insi wax kale inay I caabudaan mooyee”. (nabi muxammadna insiga ayuu ka mid yahay). Sheekha iyo taageerayaashiisuna sidaa quraanku sheegay ayey rumaysan yihiin. Intaa aynu kaga joogsanno beentii koowaad iyo jawaabteedii.

Dacaayaddii | Labaad

Mujassim ayuu ahaa (mid Alle uunkiisa ku shabbaha)

  • Aragtiyada dadku ka kala aaminsanyihiin tilmaamaha Allaah:

Magacyada iyo tilmaamaha Alle ku sheegtay kitaabkiisa ama nabigiisu ku sheegay sallalaahu calayhi wasallama, dadka islaamka ku abtirsadaa waxaa ay ugu qaybsameen guud ahaan saddex qolo, oo kala ah:

1: qolo diidday dhammaan ama qayb ka mid ah, si qayaxan ha u diideen ama usluub ay samaysteene, iyagoo adeegsanaya erayada: Ta’wiil, Tanziih i.w.m, kuwan waxaa loogu yeeraa “Mucattilo” waana Jahmiyada iyo faracyadeeda sida: Muctazilada, Ashcariyada, Maaturiiyada, kullaabiyada i.w.m.

2: qolo magacyada iyo tilmaamahaba sugay, balse intaa aan ku ekaan ee ku shabbahay tilmaamaha uunka oo yiri: Alle tilmaamihiisa iyo kuwa uunkiisu waa isku mid”!! haddii ay quraanka ku taal Alle wax ayuu arkaa oo maqlaa, waa araggeenna iyo maqalkeenna oo kale!!! Haddii quraanku Alle u sheegay inuu gacmo leeyahay, waa kuweenna oo kale!!

Allaah ayaa ceeb oo dhan ka hufane sidaa ayey qoladani ku hadaaqday.

3: qolada saddexaad: waxaa ay yiraahdeen: Magacyada iyo tilmaamaha Alle sheegtay ama nabigiisu ku sheegay, dhammaan waa xaq, in la rumeeyaana waa waajib, in la beeniyaana waa gaalnimo.

Isla markaa waa in laga fogaadaa in Alle uunkiisa loo ekaysiiyo, oo waa in la yiraahdaa: magacyada Alle iyo tilmaamihiisu waa kuwo isaga u qalma, farqiga tilmaamihiisa iyo kuwa uunka u dhexeeyaana waa farqiga Alle iyo uunkiisa u dhexeeya oo kale.

Qolada sidan aaminsan waa ahlusunna wal-jamaaca, ama ahluxadiiska, laga soo bilaabo saxaabadii, taabiciintii, kuwii raacay oo afarta imaam ku jiraan, muxaddisiintii kutubta aynu haysanno qortay sida: Imaam Bukhaariyo iyo Imaam Muslim, ibnu Khuseyma iyo kuwa la midka ah.

Dhammaan waxaa ay ku tageen in ay waajib tahay in la rumeeyo magacyada iyo tilmaamaha Alle, waana in aan la faaqidin qaabkooda oo Alle loo daayaa loona talasaartaa, qaabaynteedu waa baadinimo, in kuwa uunka loo ekaysiiyaana waa baadinimo, in la dafiro ama macnahooda laga leexiyaana waa baadinimo kale.

Sidaa ayaa loogu qaybsamay mas’aladan, waxaan shaki ku jirin in qolada garta lihi yihiin kuwa kitaabka iyo sunnaha iyo fahamkii saxaabada ku dhegan, waana waddadii dadkii suubbanaa oo hore ku tageen. Haddaba sheekh Maxamed qaddiyaddan mawqifkee ka taagnaa? Mucattil miyuu ahaa? Mise mushabbih ama mujassim? Mise Ahlu sunne?

– Jawaabta suaashan aynu ugu noqonno caqiidadii sheekha ee aynu horay usoo marnay waxaa ka mid ahaa hadalkiisii:

“Rumeynta Alle waxaa ka mid ah in la rumeeyo waxa uu naftiisa ku tilmaamay oo kitaabkiisa ku sheegay, nabigiisuna sallalaahu calayhi wasallama ku hadlay, iyada oo aan la inkirayn, lana weecinayn;

– Waxaan rumaysanahay Allaah cid u dhiganta oo la mid ahi inaysan jirin, uuna yahay maqal badane arag badane ah, uma diidayo waxa uu naftiisa ku tilmaamay hadalkiisana barihiisa kama duwayo, magacyadiisa iyo aayadahiisa midnaba leexin ku samayn maayo, tilmaamihiisana ma qaabaynayo, kuwa makhluuqana ku matali maayo;

Maxaa yeelay? cid Allaah la mid ahi ma jirto, cid la eeni ahina ma jirto, makhluuqaadka uu abuurayna laguma jaangooyo. Allaah isaga ayaa naftiisa iyo cid walba ku cilmi badan, uguna run badan, uguna hadal san; Naftiisa waa uu ka hufay waxa makhluuqu ku sheegeen, kuwa wax suureeya iyo kuwo cid kale u ekeeya intaba, kuwa tilmaamaha diida sidoo kale ayuu isaga hufay:

Surat As-Saafaat 180-182

 ‘’Rabbigaa cizzada iska leh hufnaantiisee wuu ka hufanyahay waxa ay ku tilmaameen, nabad gelyana ha ahaato rasuullada dushooda, Allaah ayaana mahad oo idil u sugnaatay, wax jira oo dhan rabbi u ah.’’ [Surat: As-Saafaat, 182]

Taa ayaa ah mawqifkii sheekhu mas’aladan ka taagnaa, ciddii wax kale ku sheegta sida mujassim ama mushabbih, waa cid aan sheekha aqoon ama tashbiiha aqoon, ama xaqa aqoon ama intaba aan aqoon, ama colaadda ku fogaatay ay indhatirtay. Isla caqiidadaa ayaa ardaydiisa iyo inta taageersanba haysteen ilaa iyo haddana ku baaqayaan.

Waxaa uu yiri wiilkisii C/laahi markii ay Maka furteen sannadkii 1218H: “mad-habkeenna ku saabsan asallada diinta waa dariiqii dadkii hore ee suubbanaa iyada ayaa badbaado badan, oo cilmi badan oo xikmad badan, annaga oo khilaafayna kuwa yiri: Culimadii danbe dariiqooda ayaa cilmi badan! Caqiidadeennuna waxa weeye: inaan qirno aayadaha iyo axaadiista tilmaamaha ku timid, macnaheedana aan Alle u talasaaranno, annagoo aamminsan in xaqiiqda ay tilmaamayso uu Alle leeyahay”.1 Waxaa uu yiri caalimkii reer Ciraaq Maxamuud Shukri Al-aaluusi isaga oo ka hadlaya caqiidadii sheekha:

Waa la ogaaday waa ayna caan baxday, qoraalladiisii iyo warqadihiisii iyo kutubtiisii la dhegaystay ee lagu dul akhriyey iyo wixii fartiisa ku sugnaadayba, arrintiisa iyo dacwadiisa iyo ardaydiisii iyo saaxiibadiisii darajada lahaa ayey ka caanbaxday:

Inuu haystay jidkii jiilkii suubbanaa iyo imaamyadii diinta ee luqadda iyo fatwadaba ehelka u ahaa, wixii ay ka aaminsanaayeen garashada Alle iyo sugidda tilmaamihiisa dhammayska tiran iyo tilmaamaha weynidiisa, taasoo quraanka sharafta lihi sheegay, axaadiista nabiguna ku ansaxday, saxaabaduna ay aqbal iyo guddoon iyo nabadgelin kula kulmeen, iyagoo sugayay oo rumeynayey kuna dulmarayey sidii ay ku timid, iyaga oo aan leexin ama inkirin oo aan kuwa uunka ku metelin ama aan qaabaynin”.2

Mawqifkii Qolyaha
Dacaayadaha Faafinayey

Waxay yiraahdeen wuxuu Alle ku matalay xayawaan dhaqdhaqaa-qaya oo kale, waxaa hadalladan faafinayey Calawi Alxaddaad iyo Daxlaani iyo rag kale.

Waxay iyagu aaminsanaayeen inkiridda iyo leexinta tilmaamaha Alle badankooda, sida sarreyntiisa i.w.m, sidaa darteed qofkii u rumeeya sida quraanku sheegay ama axaadiistu sheegtay agtooda waa Mujassim ama Mushabbih, waxayna dhammaantood sheekha ku dhaleeceeyeen inuu aayadaha iyo axaadiista u qaatay sida ka muuqata!! oo uusan fahmin macnaha dahsoon!!!

______________________________
1 Aldurar Alsaniyah fil ajwibati Alnajdiyah:1/126
2 Taariikhdii Najdi: Al-aaluusi:77

Fahamka ay ku dhaleeceen waa kii saxaabada iyo jiilalkii suubbanaa midka ay dahsoonaanta ku sheegeenna waa mala’waal shaydaan u qurxiyey oo kitaab iyo sunne iyo saxaabo aan midnaba laga qaadan. Shiicada oo ka mid ahaa qolyihii sheekha ku been abuuranayey iyaga ayaa ugu horreeyey cid Alle uunkiisa ku shabbahda iyagoo ka qaatay aasaasahoodii C/laahi bin Saba oo ahaa yahuudi yemani ah!! Dhaleecayntan ay sheekha kusoo oogeen ee ah inuu Alle makhluuqa ku shabbahay iyaga ayaa ku habboon oo Alle ku mataalay wax naaqus ah markii ay ka xayuubiyiin tilmaamihiisii astaanta u ahaa dhammaystiranka iyo weynida.

Haddii qaarkood la weydiiyo: ilaahiin xagee jiraa? Waxay ku jawaabi: meelna!! Qaarkoodna: meel walba wuu joogaa!! Iyagoo aan ka hufayn meelaha xunxun ee xarumaha shaydaan ah ee xitaa malaaigtu ay ka fogaato. Balse sheekha iyo dadka raacsan waxaa ay aamminsan yihiin in Alle sarreeyo, uunkiisana ka dhexbaxsan yahay, carshigiisa oo makhluuqa ugu sarreeyana uu kasii sarreeyo, sida uu quraankiisa ku sheegtay nabigiisuna sallalaahu calayhi wasallama sheegay. Haddaba yaa gar leh? Ma dadka quraanka iyo axaadiista ku dhegan? Fahamkii saxaabadana haysta? Mise dad intaba garab marsan oo meel kale ku xiran diintoodana ka qaata? Bal muslim Alloow ka gar naqa!

Dacaayaddii | Saddexaad

Karaamooyinka awliyada ayuu diiday!

  • Su’aashu waxay tahay horta waa maxay Awliyo?
  • Waa maxayse karaamo?

Jawaab: Erayga weli macnayaal badan balse isu dhaw ayuu luqadda carabiga ah ku leeyahay, wuxuuna ku tusaa xigtanimo iyo isu dhawaansho.

Haddaba weliga ilaah: waa midka Alle xiga una dhaw, oo Alle yiri:

Hooy ogaada, in Awliyada Alle dushooda aysan ahayn cabsi mana aha kuwa tiiraanyoonaya. Waa kuwa iimaanka laga helay Allaahna ka baqi jiray.” [Surat: Yuunus, 63]

Waxyaabaha aan caadiga ahayn ee banii aadamka ka dhaca: Waxaa jira waxyaabo badan oo basharka ka dhaca, isla markaana aan ahayn wax caadi ahaan dhaqankooda asal ku ah oo lagu yaqaan, tusaale ahaan banii aadamku inuu fariisto oo istaago oo socdo waa wax lagu yaqaan, balse inuu duulo ama badda cagihiisa kula dulsocdo ma aha wax lagu yaqaan, haddii ay dhacdo qof sidaa la yimaadda waxaa la oranayaa qofkani wax caadada khilaafsan ayuu la yimi, haddaba maxaa lagu magacaabayaa shaygaa? Wuxuu yeelan karaa magacyo badan, iyadoo ku xiran hadba xaaladda uu ku suganyahay qofka falkani ka dhacay, waxayna kala yihiin:

Irhaasaat

Nabiyada inta aan lasoo dirin waxaa jira waxyaabo kasoo ifbaxa oo ka duwan dhaqanka bulshadooda iyo dhacdooyin ay la kulmaan oo dadka caadiga ahi uusan la wadaagin, iyadoo ay gogol xaar u tahay darajada weyn ee lasiin doono, si dadbanna lagu sii ogeysiinayo in xaalad kale uu geli doono, sida: in dhirta iyo dhagxaantu la hadlaan ama u sujuudaan, nabigeennuna wuu soo arkay arrimahan yaraantiisii iyo soo saaristiisii inyar ka hor, waxyaabahaa waxaa la yiraahdaa “Irhaasaat” waa hordhac mucjizo.

Mucjizo

Marka nabiga lasoo diro, calaamadaha lagu xoojiyo loogana dhigo xujo uu ula tago dadka loo diray waxaa la yiraahdaa “Mucjizo” oo micnaheedu yahay: mid dadka tabarbeelinaysa inay xoog ama xeel kula yimaaddaan iyada oo kale.

Mucjizada waxaa weheliya: Carayn (car keena ama car sameeya sidaa oo kale).

Karaamo

Dadka suubban ee aan nabiyada ahayn balse dariiqooda haya, Allaahna ku xiran waxa ka dhaca ee caadada khilaafsan waxaa la yiraahdaa” Karaamo” waa maamuus iyo sharaf Alle ku karaameeyey markii ay xarigiisa qabsadeen.

Qeexidda Karaamada

Waa ficil Alle samaynayo isaga oo ku maamuusaya addoonkiisa, caraynna aysan wehelin, qofkuna rabitaankiisa uusan kula imanayn, xoog iyo xeelad midnaba uusan u adeegsanayn dhicidda falkaa”.

Irhaasaatka, mucjizada iyo karaamada: saddexduba waa fal Alle samaynayo addoonkuna uusan kula imanayn rabitaankiisa iyo xoog iyo xeelad midnaba, balse mucjizada carayn ayaa wehelisa.

Tusaalooyinka karaamada

Arrintii Maryama (nabi ciise hooyadii calayhi salaam) in cunto loo keeni jiray, nabi zakariyana markii uu weydiiyey ay tiri: “Alle xagii ayuu ka yimid Allaahna ciddii uu doono xisaab la’aan ayuu arzaaqaa”. Aalacimraan:37. Arrintii ninkii caalimka ahaa ee sariirta Boqoraddii Saba u keenay nabi Suleymaan calayhi salaam. [Surat: An-Naml,40]

Dhacdadii Jureyj uu wiilka yar ku yiri: kumaa ku dhalay? Uuna ku jawaabay: Hebelkii 1qawsaarka ahaa. [1]

Qisadii Asxaabul-kahfi ee hurday in ka badan saddex boqol oo sano. [Surat: Al-Kahf,25]

Dhacdadii saxaabada rasuulku ay ku dulsocdeen webiga iyaga oo jihaad ku jira ayna gudbeen. [2]

Aragtidii Cumar bin khaddaab isaga oo minbarka Madiina saaran uu arkay ciidankii muslimiinta oo lagu dhabarjabinayo meel Ciraaq ka mid ah, uuna digniin siiyey. [3] Waxaas oo dhani waa wax ka dhacay dad suubbanaa oo Alle xiriir wanaagsan la lahaa, Allaahna uu sidaa u maamuusay, mana ahayn wax ay xoog iyo xeelad midnaba kula yimaaddeen ee Alle ayaa sameeyey, waana wax caadada basharka khilaafsan.

Fiiro gaar ah:

Waxaa habboon in lagu baraarugsanaado dhowr waxyaabood oo kala ah:

  • Qofka karaamadu ka muuqato calaamad uma aha inuu ka kheyr badan yahay qofka aysan ka muuqan, maxaa yeelay saxaabada iyo taabiciinta waxaa fadli badnaa saxaabada, karaamooyinka laga soo weriyey taabiciinta ayaana ka badan kuwa saxaabada laga soo weriyey, taana imaamu Axmed waxaa uu ku macneeyey in iimaankoodu sarreeyey oo aysan u baahnayn wax lagu kabo.

________________________________
1 Muslim:6508
2 Xilyatu Al-awliyaa Abuu Nucaym:1/7 Siyaru aclaam alnubalaa, ee imaamu Dahabi:2/120 nuskhadda Maxamuud Shaakir, Albidaaya wa nihaaya ibnu khatiir:6/402
3 Waxaa ku weriyey Imaam Albayhaqi kitaabkiisa Dalaail Alnubuwah, ibnu kathiirna wuxuu ku sheegay Albidaaya wa nihaaya:7/131, wuxuuna yiri: Sanadka xadiisku waa xasan jayid ah, sidoo kale sheekh Al-albaani wuxu ku tilmaamay: Xasan, sida ku sugan Silsilatu Al-axaadiis Alsaxiixa:1110. (erayga xasan: waa darajo ka mid ah darajooyinka xadiiska sugan ee la xujaysan karo).

^ Qofka aysan karaamo ka dhicin daliil uma aha inuusan weli Alle ahayn.

Sixir ama Shacwado

Waxyaabaha ka muuqda dadka aan laga helin iimaan iyo Alle ka cabsi isla markaana caadada khilaafsan waxaa loogu yeeraa: Sixir ama Shacwado, waana fal shaydaan. Haddii uu badda ku dulsocdo ama duulo, balse uusan sharciga Alle ku dhaqmin maxaa la oranayaa? Waxaa la oran waa qof shayaadiinta la qaraabta oo iyagaa duulinaya ama badda ku socodsiinaya.

Imaamkii la oran jiray Yuunus bin Cabdi Alaclaa ayaa u yimid imaam shaafici wuxuuna ku yiri:

“Leyth wuxuu yiri: (waa leyth ibnu sacad imaamkii reer masar) haddii aad aragtaan qof badda ku dul soconaya haku kadsoomina ilaa aad ka aragtaan halka uu sharciga ka joogo! Imaam Shaafici waxaa uu markaa ku jawaabay: Saaxiibkeen Leyth waaba ka gaabiyey arrinta: ee haddii aad aragtaan qof badda ku soconaya hawadana duulaya haku kadsoomina ilaa aad ka aragtaan halka uu sharciga ka joogo”.

Haddaba qof laga yaabo inuusa tukan, dadkana ku yiraahda: Maka ayaan kusoo tukaday! Ama xoolaha dadka baadil ku cuna, ama xaaraanta aan ka dhowrsan, astaamaha diintana aan oogin, yaan calankiisa giirgiiran lagu kadsoomin laguna suntin awliyanimo dadkana yaan lagu fitnayn ee hala adeegsado halbeegga sharciga.

Caqiidada Ahlusunna wal-jamaaca ee karaamada ku saabsan:

Ahlusunna waljamaaca caqiidadooda waxaa ka mid ah in la rumeeyo karaamooyinka Alle siiyey awliyadiisa iyada oo aan la dhaafineyn halka sharcigu joojiyey.

Laba qolo oo ka mid ah bidcooleyda ayaa mawqifyo sharciga khilaafsan ka istaagay karaamooyinka: qolo inkirtay oo tiri wax jira ma aha, sida Muctazilada, qolo kalena waa ku talax tageen oo wixii muuqdaba karaamo ayey ku sheegeen, iyagoo aan fiirin xaaladda qofka ay ka dhacday iyo halbeegga sharciga midnaba.

Mawqifkii Sheekha

Markii aynu kasoo hadlaynay caqiidadii sheekha waynu soo aragnay in sheekhu aaminsan yahay in awliyadu karaamooyin leeyihiin, isaga oo yiri: ” Waxa aan qirayaa karaamooyinka awliyada, iyo waxa loo hibeeyey ee aragti dheer ah, balse xuquuqda Allaah waxba kuma ay laha, wax Allaah mooyee cid kale aysan qaban karinna iyaga lagama raadin karo”.

Isaga oo ka hadlaya waxyigii Alle u waxyooday nabi muuse hooyadii waxaa uu yiri: “waa waxyi ilhaamin ah, waxaana ku sugan sugidda karaamooyinka awliyada”.[1]

Mar kale waxaa uu yiri: “sida dadka ku waajibka ahi waa inay jeclaadaan (awliyada) oo raacaan, qiraanna karaamooyinkooda, mana diido karaamooyinka awliyada bidcooleyda mooyee, diinta Allena waxay u dhexaysaa laba dhinac: waa hanuun u dhexeeya laba baadinimo, iyo xaq u dhexeeya laba baadil”.[2]

Wiilkiisa C/laahi waxaa uu yiri: “Ma inkirayno karaamooyinka awliyada, xaqoodana waa u aqoonsanaynaa iyo inay hanuun xag rabbi ah ku taagan yihiin, mar walba oo ay ku socdaan dariiqa sharciga ah iyo qawaaniinta dhowrsoon, balse noocyada cibaadada waxba kuma laha, nolol iyo geeri toona, balse midkood iyo muslim walba waa laga ducaysan karaa marka uu noolyahay.” [3]

___________________________
1 Majmuucu mu’allafaati sheekh: 4/282
2 Majmuuca:1/69
3 Aldurar Alsaniya: 1/128

Wiilkii uu awowga u ahaa ee qoray kitaabka Fatxul majiid waxaa uu yiri: “karaamooyinka awliyadu waa xaq, balse ma gaari kartaa heer ay mawtida soo nooleeyaan sida mucjizooyinka? Jawaab: karaamooyinka awliyadu waa wax ku sugan ahlusunnaha agtooda,

Weliguna wuxuu karaamada ku helay barakada raacidda nabi Muxammad sallalaahu calayhi wasallama, xaqiiqda karaamudana kama muuqanayso inuu raacidda nabiga dadka ugu yeero mooyee, isaga oo ka dhan ah bidco kasta iyo leexsanaan kasta oo shareecada laga leexdo.

Raacidda nabiga barakadeeda ayaa Alle ku taageerayaa malaaigtiisa, iyo ruux xagiisa ka timid”.1

_________________
1 Aldurar Alsaniya: 2/81

Hadalladii Mucaaradka

Qolyaha sheekha durayey aragti midaysan kama lahayn dacaayaddoodan ku wajahan sheekha iyo taageerayaashiisa:

  • Qaar waxay lahaayeen: karaamada awliyada ma ogola!
  • Qaarna: koox ragiisa ka mid ah ayaa diiddan!!
  • Qaar kale ayaa yiri: Kuwa nool karaamadooda waa ogolyihiin, balse mawtida ma ogola!!! Aynu kasoo qaadanno dhowr hadalladoodii ka mid ah:

– Calawi Al-Xaddaad: waxaa uu yiri: “Hadaaqiisa waxaa ka mid ahaa (sheekha ayuu u jeedaa) inuu diiday karaamooyinka awliyada iyo waxa Alle ku gaar yeelay ee arrimo hoose ah iyo siro iyo barakooyin”.[1]

– Xasan Al-Shatti: waxaa uu yiri: “karaamooyinka awliyadu waa xaq, Imaamu Axmed wuu ku inkiray cidda diidda, baadinimo ayuuna ku xukumay, guntu waxay tahay in culimada xanbaliyadu la mid yihiin ahlusunnaha kale oo ay ku kulansanyihiin sugiddeeda, xitaa kooxda reer Najdi ee wahaabiyada ah iyada oo ay jirto xagjirnimadoodu waa ay ogolyihiin! Balse qaarkood ayaa dadka nool ku gaaryeela! Daliilna uma haystaan ku gaaryeeliddaas”.[2]

Nin la yiraahdo Cusmaan bin Yaxya Alcalawi waxaa uu yiri: “Maxammad C/wahaab waa uu gaaleysiiyey qofkii qira karaamooyinka awliyada”.[3]

Mid kale oo la yiraahdo Ibraahim Alsamnuuddi ayaa yiri: “hadalka kuwa diiddan tawasulka ee yiri: maydku waxba ma tari karo waxay ula jeedaan diididda karaamooyinka awliyada”!!![4]

Halkaa waxaa inooga caddaatay in sheekha iyo ardaydiisu qirsanaayeen karaamooyinka awliyada, iyaga oo ku raacaya caqiidada ahlusunnaha, balse ay diiddan yihiin in cibaadada Alle loo leexiyo, ha noqdeen awliyadu kuwa nool ama kuwa dhintay. Waxaa kale oo inoo caddaatay in qolyaha sheekha kasoo horjeedaa ay karaamada ka dhigayaan baryidda awliyada nool iyo qabriyadooda, qofkii ka reebana ay leeyihiin: karaamadii awliyada ayuu diiday.

______________________________________
1 Misbaax al-aanaam: 18
2 Al-nuquul Alsharciya firraddi calaa alwahaabiyah:104
3 Faslu alkhidaab fii bayaani alsawaab:42
4 Sacaadatu Aldaarayn:1/228

Waxaa kale oo iyaduna meesha aan ka marnayn cidda awliyada ah, iyada oo sheekha iyo taageerayaashiisu ku joogsanayaan halbeegga sharciga ee ah Iimaan iyo Alle ka cabsi, iyadoo qolyaha kale summad awliyanimo saarayaan cid kasta oo ay ku arkaan calaamad caadada khilaafsan ama qalbigooda ku weyn.

Waxaan mas’aladan kusoo afmeerayaa hadal uu yiri mid ka mid ah culimadii sheekha difaacaysay waa C/daahir Abuu Samxi1: “khalkhalsanaanta kuwa qabuuraha barya waxaa ka mid ah: haddii aad Allaah kaligii xusto oo tiraahdo kaligii barya cid kalena ha milicsanina, quluubtoodu waa ay didaysaa, aadna way u caroonayaan, waxayna arrinkaa ku tirinayaan quursi awliyadoodii lagula kacay!

Kuwaa oo aysan awliyanimadoodu ku sugnaan daliil barkii! Iyo wax khabar sax ah u eg midnaba!! Waxayna oranayaan: Karaamooyinkii awliyada ayuu diiday! halka iyagu ay yihiin kuwo rabbigood ku quursanaya baryidda cid kale! Ka jeesashadoodana ay ku dhacayaan ceeb iyo dulmi weyn haddii ay u dhugmo yeelan lahaayeen”.2 Intaasi waa dacaayadihii iyo jawaabahoodii, bal shubhooyinka iyo wixii laga yirina aynu aragno.

__________________________________
1 Wuxuu ku dhashay Iskandariya masar, sannadkii 1300H, boqor C/caziiz ayaa u magacaabay imaamka iyo khadiibka Xaramka Maka, qaahira ayuu kadib ku dhintay 1370H, fiiri Alaclaam:Zirikli:4/11
2 Alrisaala Almakiya:25

Shubhada | Koowaad

Gaaleysiinta iyo dagaalka Shubhadan
waxaa ka farcamaya arrimahan kala ah:

  • Gaaleysiinta iyo dagaalka:
  • Wahaabiyadu waa khawaarij Najdina waa halka uu kasoo baxayo geeska shaydaanku
  • Wahaabiyadu waxyaabaha lagu gaaloobo waxay kusoo dareen wax aan ka mid ahayn!
  • Aayadihii gaalada ku yimid ayey muslimiinta dul-saareen.
  • Dawladdii khilaafada ahayd ayuu ku baxay

Faraca | Koowaad
Gaaleysiinta

Maadaama uu sheekhu awooddiisa saaray sifeynta Tawxiidka iyo ka digidda shirkiga oo tawxiidka lidkiis ah uuna caddeeyey waxyaabaha dadku diinta kaga bixi karaan oo tawxiidka burinaya, isla markaana uu caddeeyey qofkii shirki weyn ku dhaca xujadana lagu oogo xaquna u caddaado, shirkigiina ka joogsan waaya inuu gaalyahay, ayey yiraahdeen ina C/wahaab ummaddii oo dhan ayuu gaaleysiiyey! Aynu soo qaadanno hadalladoodii qayb ka mid ah iyo jawaabihii sheekha iyo dadka la caqiidada ahi ka bixiyeen:

Ibnu cafaaliq1:

Ninkan oo ka mid ahaa ragii hogaanka u hayey dacaayaddii sheegashada nabinimo, ayaan marnaba ka daalin faafinta beenta, tab kasta oo uu adeegsadaba, waxaana hadalladiisii ka mid ahaa:

“Ninkani ummaddii ayuu gaaleysiiyey, oo wallaahi rasuulladiina wuu beeniyey iyaga iyo ummadahoodiiba, shirki ayuu ku xukumay”.[1]

1 Muxammad bin C/raxmaan bin Cafaaliq Alxanbaliyi, Ixsaa ayuu ku dhashay 1100H, iyadana ayuuna ku dhintay 1164H, ragii ugu dacaayado badnaa oo dacwada ka horyimid ayuu safka hore kaga jiray, fiiri culamaau Alnajdi:3/818

Mar kale isaga oo ibnu Macmar la hadlaya waxaa uu yiri: “waxaad ka dhigateen gaaleysiinta qaraabadii nabiga iyo caydooda iyo lacniddooda asal diintiinna ka mid ah”[2]

Markale wuxuu yiri: “wuxuu dhaar faajirnimo ah ku maray in yahuudda iyo mushrikiintu ka xaalad wanaagsan yihiin ummaddan”[3]

Ibnu suxaym: [4]

Ninkan oo sheekh ka ahaa Riyaad isna wuxuu ahaa ragii ku fogaaday beenta iyo dacaayadaha aan loo meel dayin waxaana hadalladiisii ka mid ahaa: “waxaa sugan inuu leeyahay dadku muddo laga joogo lix boqol oo sano wax diin ah ma haysan.”[5]

Calawi Alxaddaad:[6] Isna wuxuu yiri:

“Haddii qof damco inuu diintiisa soo galo wuxuu oranayaa: qir in aad gaal ahayd, labadaadii waalidna ay gaalnimo ku dhinteen, oo qir in caalimka hebel iyo hebel ay gaalo yihiin iyo wixii la mid ah, haddii uu qiro wuu aqbalayaa haddii kalena wuu dilayaa.” [7]

Xasan bin Cumar Al-shatti:[8] Isaga oo ka hadlaya tilmaamihii sheekha waxaa uu yiri:

“Gaaleysiinta ummadda iyo in la aamino xalaalnimada dhiigooda iyo xoolahooda iyo weliba caruurtooda oo la addoonsado”!!!

_____________________________________
1 Jawaabu ibni Cafaaliq calaa risaalati ibnu Macmar 58
2 Isla halkii hore 63
3 Halkii hore 65-66
4 Suleymaan bin Axmed bin Suxaym Alcanzi, ragii sheekha iyo dacwadiisaba ugu cadaawad badnaa ayuu ka mid ahaa, waddooyin badan ayuu adeegsaday si uu dacaayado uga faafiyo, faafiddeedana u horjoogsado, Riyaad ayuu sheekh ka ahaa, wuxuu dhashay 1130H, wuxuuna dhintay 1181H Zubeyr ayuu ku dhintay.
5 Faslu alkhidaab firraddi calaa dalaalaati ibni c/wahaab:165
6 Calawi bin Axmed bin Xasan Alxaddaad, yamani reer Xadramawt ah ayuu ahaa, kutub badan ayuu leeyahay wuxuu dhintay 1232H, fiiri Alaclaam:Zirikli:4/249
7 Misbaax Al-aanaam:5
8 Xasan bin Cumar Alshatti, reer Dimishqa ayuu ahaa, 1205H ayuu dhashay, wuxuuna dhintay 1274H kutub dhowr ah ayuu leeyahay, fiiri Alnactul Alakmal:368

Daxlaan: [1] Waxaa uu isna sii taartay:

“Qofna muwaxid uma rumaysna qofkii ku raaca waxa ay aaminsan yihiin mooyee, muwaxidiintuna sida ay sheeganayaan waxaa ay noqdeen kuwo aad u tira yar, walaalkii Suleymaan ayaa maalin ku yiri: Tiirarka islaamu waa imisa? Wuxuu yiri: waa shan. Markaa ayuu ugu jawaabay: Lix ayaad ka dhigtay! ka lixaadna waa qofkii aan ku raacin muslim ma aha”.

Waxaa kale oo Daxlaan yiri:

“Waxay caddaysan jireen gaaleysiinta ummadda, intii lix boqol oo sano laga soo bilaabo! Maxamed C/wahaab ayaana caddayntaa ugu horreeyey wayna ku raaceen, haddii qof diintiisa soo galo oo uu markaa kahor xajiyey waxay leeyihiin xaj labaad xaji kii hore adiga oo gaal ah ayaad la timi kaamana gudayo xajka”.[2]

Jawaabihii
Sheekha iyo Ardaydiisa

Sheekh Maxamed warqad uu u diray Riyaad wuxuu ku yiri: “annagu muslimiinta ma aanan gaalaysiin, ma aanan gaalaysiin mushrikiinta mooyee cid kale”.[3]

Warqad kale oo uu u diray wadaadadii Tharmadaa wuxuu ku yiri: “waxa cadawgu iga sheegay ee ah inaan male wax ku gaalaysiiyo ama xiriirinta (qubuuriyiinta) ama aan gaaleysiiyo jaahil aysan xujadu ku oogmin waa been abuur weyn oo ay doonayaan in ay dadka diinta Alle iyo rasuulkiisa kaga didiyaan”.[4]

1 Axmed bin Zayni Daxlaan, Maka ayuu ku dhashay 1232H, muftiga shaaficiyada reer Maka ayuu noqday, kutub dhowr ah oo taariikhda iyo caqiidada iyo naxwaha ku saabsan ayuu leeyahay, Madiina ayuu ku dhintay.

Wuxuu ka yiri Muxammad Rashiid Ridaa:

Daxlaan muxaddis iyo taariikhyahan iyo nin caqiidada takhasus u leh midnaba ma ahayn, wuxuuse ahaa nin kutubtii danbe wax kasoo guuriya iyagana daba gala.

__________________________________
1 Ka eeg taariikhdiisa aclaam Zirikli:1/129, majallada Almanaar 7/393
2 Aldurar Alsaniya 42-43
3 Majmuucatu muallafaati sheekh Maxamed c/wahaab: 5/189
4 Halkii hore: 5/25

Isaga oo ka jawaabaya beentii ibnu Suxaym waxaa uu yiri: “Allaah wuu ogyahay in ninkani igu been abuurtay arrimo badan oo aanan oran, badankooduna aysan maankayga kusoo dhicin, waxaana ka mid ah: oraahdiisa ah inaan iri: dadku lix boqol oo sano waxba ma haysan iyo inaan ku-tawasulka saalixiinta wax ku gaalaysiiyo iyo inaan Buusiri gaaleysiiyey……… intaas oo dhan waxaan ka leeyahay: Alloow hufnaantaadee tani waa been abuur weyn”.1

Mar kale waxaa uu yiri isagoo beentan iska fogeynaya: “waxaa ka mid ah (been abuurka) inaan si guud wax u gaalaysiiyo, ama aan waajib ka dhigayno in qofkii diintiisa ku muujisan kara deegaankiisa uu noosoo hijroodo, ama aan gaalaysiinno qofkii aan wax gaalaysiin, intaa iyo laalaabkeeduba waa been abuur ay dadka diinta Alle iyo rasuulkiisa kaga duwayaan”.2

Mar kale wuxuu yiri: “Haddii midkood yiraahdo si guud ayey wax u gaalaysiiyaan, waxaan leennahay: Alloow hufnaantaadee waa been abuur weyn” midka aan gaalaysiinayno waa midka isaga oo qiraya in tawxiidku yahay diintii Alle iyo rasuulkiisa, in Alle cid aan ahayn la baryaana baadil tahay, markaa kadibna ahlutawxiidka gaalaysiinaya”.3

__________________
1 Halkii hore: 5/11,12
2 Halkii hore:3/11
3 Halkii hore:5/48

Mar kale waxaa uu yiri:

“Haddii aan nahay kuwo aan gaalaysiinayn kuwa caabudaya sanamka laga dul dhisay qubbadda C/qaadir, iyo sanamka laga dul dhisay Axmed Badawi iyo kuwa la midka ah, jaahilnimo darteed iyo iyadoo aysan jirin cid baraarujisa, see u gaalaysiinaynaa qof aan Allaahba u shirki samaynin haddii uusan noosoo hijroonin, ama uusan wax gaalaysiin, ama uusan dagaallamin?! Alloow hufnaantaadee tani waa been abuur weyn”.1

Intaasi waa qayb yar oo tusaale u ah sidii sheekhu uga fogaa gaalaysiinta dadka aan waxba galabsan ama aysan xujadu ku oogmin, bal aynu aragno culimadii kale ee ka danbaysay:

Wiilkiisii Cabdullaahi

Waxaa uu yiri:

“Midka burdaha leh (waa Buusiirii) iyo kuwo kaleba oo hadalkooda shirki iyo xadgudub laga helayo ahna kuwo dhintay, gaalnimadoda lama xukumayo, arrinta waajibka ahse waxay tahay in hadalladooda la inkiro lana caddeeyo qofkii sida ka muuqata (hadalladooda) aaminaa inuu gaal yahay mushrik ah, balse kii yiri (burdaha iyo waxa la midka ah) arrintiisa ilaah ayaa loo celin, dadka dhintayna in loo leexdo ma habboona, sababtoo ah ma garanayno tawbaddiisa iyo tawbad la’aantiisa”.2

Wiilkii uu awowga u ahaa: C/raxmaan bin Xasan ahna qoraaga Fatxul-majiid, waxaa uu yiri: isagoo ka hadlaya ka fiirsashada gaalaysiinta: “Laakiin jahliga faafsanaantiisa darteed iyo cilmiga loo leeyahay raadkii risaalada oo ku yar in badan oo dadkii danbe ka mid ah, ma ahaanin in arrinkaa lagu gaalaysiiyo (shirkiga), ilaa looga kala caddeeyo wixii nabigu la yimid waxa khilaafsan”.3 Wiilkii uu C/raxmaan dhalay: C/ladiif bin C/raxmaan bin Xasan:

_______________________________
1 Fataawaa wa masaail Alsheekh:11
2 Majmuucatu Alrasaail wal masaail:1/47
3 Aldurar alsaniya fil-ajwibati alnajdiya:2/211

Isaga oo dhaqankii sheekha ka hadlaya waxaa uu yiri: “Sheekh Maxamed Alle ha u naxariistee wuxuu ka mid ahaa dadka kuwa uga joogsasho badan ugana gaabsi badan ganidda gaalnimada, xitaa ma goynin gaalaysiinta jaahilka cid aan Alle ahayn baryaya ee dadka qabuuraha ku jira ah, ama cid kaleba, haddii aysan u fududaan cid u naseexaysa ama gaarsiisa xujada uu ku gaaloobayo qofkii arrimahaa sameeyaa”.1

Mar kale waxaa uu yiri: “isagu wax kuma gaalaysiinayo wixii muslimiintu ku kulmeen mooyee in qofkii sameeyaa gaaloobayo, oo ah shirkiga weyn iyo ku gaaloobidda aayadaha Alle iyo rasuulladiisa, ama wax ka mid ah, marka xujadu ku ooganto kaddib, ayna gaarto gaariddeeda qiimaynta leh”.2

Sahsawaani: oo ka mid ahaa culimadii Hindiya waxaa uu yiri isaga oo Daxlaan u jawaabaya: “sheekha iyo taageerayaashiisu ma gaalaysiin qof muslimiinta ka mid ah, mana aaminsanayn in iyaga uun muslimiin yihiin, ciddii khilaaftaana gaalo tahay, mana bannaysan dilka ahlusunnaha iyo qafaalashada haweenkooda, mid wax ka badan oo ahlucilmi ah kana mid ah taageerayaashii sheekha ayaan la kulmay, kutubtooda in badan oo ka mid ahna waan akhriyey, waxyaabahan sal iyo raad toona uma helin, iskaba daaye waa been iyo hal aan jirin”.3

Markale wuxuu yiri:

“Hadalladaas jawaabtoodu dhammaan, dhererkooda iyo badnaantooduba waa been qurun ah ee yuusan ku cajab gelin qurunka badnaantiisu”.4

___________________
1 Minhaaju Alta’siis:65-66
2 Majmuucatu Alrasaail:3/5
3 Siyaanatu Al-insaan can waswasati Daxlaan: 518 dabcada Rashiid Ridaa
4 Halkii hore: 486

Maxamed Rashiid Ridaa

Wuxuu ahaa caalim asalkiisu yahay reer Shaam, balse markii danbe deganaa Masar ahaana muftiga Masar iyo Suuriya xilligii ay halka dawlad ku midaysnaayeen, wuxuu yiri isaga oo sii faallaynaya hadalka Sahsawaani: “

Waxaaba kutubtan ku sugan waxa uu sheegay wax ka duwan kana soo horjeeda (waa Daxlaan) waxa ku sugan inuusan gaalaysiinayn qofkii la yimaadda mooyee wax gaalnimadooda muslimiinta oo dhani ku kulansan yihiin”.1

C/laahi Al-qasiimi: Isaga oo shiicada u jawaabaya waxaa uu yiri:

“Maalmaha cajaa’ibtooda ee dadka qaarna ka qosliya qaarna ka oohiya waxaa ka mid ah: in Shiicadu ku tuhunto ahlusunnaha ah taageerayaasha Sheekh Maxamed C/wahaab inay muslimiinta gaalaysiiyaan, dhiiggooda iyo xoolahoodana bannaystaan! Iyada oo shiicadu maxfallada ka caddayso gaalaysiinta akhyaartii ummaddan iyo gaalaysiinta saxaabadii waaweynayd iyo ciddii xiriirisa ee firqooyinka muslimiinta ka mid ah;

Midka gaalaysiinaya akhyaartii saxaabada sida” Siddiiq iyo Cumar iyo Cusmaan iyo Caaisha iyo Mucaawiye iyo kuwo kale…… sidee ayuusan xishoodkiisu uga reebayn inuu qof ku tuhmo gaalaysiinta muslimiinta”.2 Halkaa waxaa ka cad in sheekha iyo dadka la caqiidada ahi ay dadka islaamka ku abtirsanaya asal ahaan u arkaan muslimiin, loolana dhaqmayo qaabka muslimiinta, sida in la cuno waxa ay gawracaan, laga guursado loona guuriyo, lala tukado laguna tukado maydkooda, lagu aaso xabaalaha muslimiinta, qofkii riddooba mooyee.

Caddaymahani waxay sidoo kale farriin u yihiin kooxaha takfiirka ah ee ka been sheegaya mawqifkii sheekha, iyagoo badankoodu ka jaahil yihiin, qaarkoodna shaydaan duufsaday, qaarna lagaba yaabo in loosoo adeegsaday sumcad xumeynta dacwadii sheekha.

________________________________
1 Halkii hore:518
2 Alsiraac bayna Alislaam wal wasaniya:1/348

Mas’alada Dagaalka

Markii sheekhu salka dhigay Dirciya Aala-sacuudna ay raaceen, dad badanna isugu yimid Dirciya ilaa ay ka ciirciirtay, isla markaana ay saamaysay deegaannadii deriska la ahaa, ayaa arrimahani cabsi weyn ku beertay amiirradii ka telinayey tuulooyinka iyo degmooyinka Najdi, sida Riyaad iyo Ixsaa, waxayna bilaabeen isbahaysi ay magaalada kusoo weerarayaan.

Aala Sacuud waa ay isdifaaceen, markii weerarada laga joojin waayeyna weeraro ayey ku ekeeyeen meelihii lagaga soo duulayey, ilaa ay Riyaad ka qabsadeen dagaal socday 27 sano! Sidoo kale ayey u weerareen Ixsaa gacantana ugu dhigeen.

Markii Najdi iyo Barigeedaba ay qabsadeen ayey jawaabo ku habboon siiyeen meelihii kale ee lagu dhibaataynayey, waxaa ka mid ahaa:

Karbala, oo jidgooyo joogta ah u gaysan jiray safarrada ganacsi ee reer Najdi la lahaayeen Ciraaq, iyaga oo xoolahana dhacayey dadka watana cabsi gelinayey qaarna laynayey, taasi waxay dhashay xasuuqii Karbala ee aynu horay usoo marnay.

Dhinaca Xijaaz (Maka iyo Madiina) nimankii Ashraafta sheeganayey ee ka talin jiray waxay ku kaceen dulmi kii ugu weynaa oo dawlad uga horraysay iyo mid uga danbaysay toona aysan jirin, taasoo ah inay bulsho muslimiin ah oo deegaan ballaaran ku nool ka mamnuuceen gudashada Xajka!

Haddii ay u arkayeen dad baadiyeysan yaa u banneeyey inay xajka u diidaan? Taariikhda muslimiintu ma werin tan iyo saxaabadii firqo muslimiin ah oo caqiidadooda darteed loogu diiday xajka, ha noqoto Khawaarij, shiico, jahmiyo, qadariyo i.w.m.

Sacuudiyiintu markii ay la wareegeen xilligii dawladdoodii koowaad iyo kadibba, marnaba ma dhicin inay qolo muslimiin ah ka takooreen xajka, xitaa shiicada oo sannad walba rabshooyin iyo bannaan baxyo aan loo baahnayn dhiga, iskaba daaye sidaa caksigeed ayey sameeyaan oo waxay ku dadaalaan sannad walba inay saameeyaan dad cusub oo manhajkooda ku qanciyaan, waana arrin waaqici ah oo sannad walba dhacda in caddadka dadka caqiidadii sheekha taageersan ay sii kordhaan, iyada oo xajku ka mid yahay meelaha lagu saameeyo.

Basarxumada kuwa ashraafta sheeganayey ay ku kaceen reer sacuud markiiba ugama jawaabin dagaal iyo weerar, ee waxay ku dayeen wada-xaajood iyo weliba inay hadyado badan oo qaali ah u diraan xaakimka Maka, mar ayaa lagu guulaystay balse ma noqon arrin sii raagta, kaddib waxaa bilawday loolankii qaraaraa ee dhexmaray horayna aynu wax uga soo xusnay, ilaa ugu danbayntii sacuudiyiintu gacanta ku dhigeen goobaha Barakaysan, ayna ugu danbayntii cusmaaniyiintu soo qaadeen weerarkii arxan darrada ahaa.

Suaal: maxaa keenay in iyadoo ay jiraan firqooyin badan oo baadinimadooda la isku raacsan yahay sida shiicada oo kale xajka loo diidi waayo? Dadka wahaabiyada loogu yeerana loogu diiday?! Jawaabtu waxay tahay: in dadka wahaabiyada lagu suntaa ay ku baaqayaan caqiido saafi ah oo waafaqsan dadka damiirkooda iyo fitradooda, oo ah:

In Alle kaligii cibaado loogu dhawaado, cid kasoo hartayna aan waxba laga siin xuquuqda Alle, sida baryada iyo gargaarsiga, talasaarashada, rajaynta, cabsida i.w.m.

Caqiidadaa ayaa dadka xujeyda ah iyo kuwa kaleba si xawaara badan u saamaynaysa, iyada oo ay markaa si sahlan ugu faafayso afarta jiho, nimankan Maka haystayna taa ayey kasoo horjeedeen, Shiicada iyo kuwa lamidka ahise waxba saamayn ah kuma yeelan karaan cidnaba, oo manhajkooda waxaa ka mid ah inay caqiidadooda qarsadaan oo weliba inkiraan marka ay la joogaan cid kasoo horjeedda oo caqiidooyinkooda xun aqoon u leh.

Waxaa ka Mid ahaa Hadalladii
Sheekha Iyo Taageerayaashiisa

Isaga oo ka hadlaya arinta dagaalka ee lagu eedeeyey waxaa uu yiri: “Arinta dagaalka cidna lama aanan dagaalamin ilaa iyo hadda inaan isdifaacayno mooyee, iyaga ayaa noogu yimid deegaankeenna oo aan deegaankeenii noo deynin, waanse la dagaalamaynaa qaarkood annaga oo ka aar-goosanayna). (Muallafaatka sheekha, qaybta 5aad, alrasaail alshakhsiya: 38)

Mar kale waxaa uu yiri:

“Anagu idin lama aanan imaan gaalaysiinta iyo dagaalka, waxaanse idiin ku naseexaynaynaa diintan aad ogaateen inay tahay diintii alle iyo rasuulkiisa”.

Q:5aad, alrasaail alshakhsiya: 196. Wiilkii uu awowga u ahaa sheekh C/ladiif bin C/raxmaan ee ahaa muftiga Najdi xilligiisii, isaga oo arimahan ka hadlaya waxaa uu yiri: ” sheekhu cidna dagaal kuma bilaabin, ee cadawgiisaa ku bilaabay, sheekha iyo dadkiisuna way isdifaacayeen.

Wixii sheekha kadib dhacay ama xilligiisa oo gef ama xadgudub ah looma tiirin karo isaga, lamana dhihi karo isaga ayaa amray ama raalli ayuu ka ahaa, oo usaama bin zeyd arintan oo kale way ku dhacday, markuu dilay ninkii reer juhayna, iyo khaalid bin waliid markuu laayey reer judayma, waana arin dadka cilmiga iyo iimaanka leh ay ogyihiin”. Minhaaj alta’siis: 28. (nabiguna sallalaahu calayhi wasallama arintaa kama raalli noqon ee labadaba wuu ku canaantay, dadka ay laayeena looma tiirin karo nabi muxammad ).

Faraca | Labaad

Wahaabiyadu waa khawaarij, Najdina waa halka uu kasoo baxayo geeska shaydaanku!

  • Khawaarij waa maxay?
  • Calaamadaha lagu gartase maxaa ka mid ah?

Jawaab: Waa firqo soo baxday xilligii saxaabada, aaminsanaana in lagu gaaloobo danbiyada loo yaqaan kabaa’irta (danbiyada waaweyn ee aan gaalnimada gaarsiisnayn), sida:

Dilka, zinada, isticmaalka maandooriyaha, tuugnimada i.w.m. ee sharcigu ciqaab adag u sameeyey.

Sidoo kale qofka ay gaalaysiinayaan ma eegaan heerkiisa aqooneed, sababta ku kalliftay farlalka gaalnimada keeni kara, inuu cudur daar leeyahay iyo sababaha kale ee qofka danbiyada ku ridi kara. Waynu soo aragnay in sheekha iyo ardaydiisu iskaba daa kabaairta ee ay ka feejignaan jireen inay qofka ku gaalaysiiyaan shirkiga iyada oo aan xujada lagu oogin xaqana loo caddayn.

Haddaba waa khawaarij dacaayad aan boos lahayn inay tahay waa iska caddahay intaa ka badanna kuma dheeraanayno.

Arrinta Najdi

Waxay yiraahdeen qolyaha dacaayadaha waday Najdi waa halka uu nabigu sheegay sallalaahu calayhi wasallama in geeska shaydaan kasoo baxayo iyo fitnadu, waxaa kale oo ay yiraahdeen waa halkii uu kasoo baxay ninkii nabinimada sheegtay Museylima Alkaddaab, inta aynaan jawaab kooban ka bixin bal aynu aragno hadalladoodii:

Ibnu Cafaaliq: waxaa uu yiri:

“Fadliga shaam iyo yeman iyo labada xaram iyo faaris waxaa ku yimid wax uu garanayo qof wax uun aqoon ah axaadiista u leh, idinkase reer Yamaama ah (waa Riyaad iyo hareeraheeda) xadiiska saxiixa ah waxaa ku yimid in agtiinna geeska shaydaanku kasoo baxayo, kamana tagaysaan inaad ku sugan tihiin shartii beenaalihiinna (museylima) ilaa qiyaamaha, arrinkanna cibra qaadasho ayaa ugu filan dadka kasmada leh”. 1

Suleymaan bin C/wahaab:

Ninkan oo sheekha ay walaalo ahaayeen wuxuu safka hore kaga jiray cadawga sheekha, taasina la yaab ma leh oo nabiyadii Alle soo diray ayaaba qaarkood ka horyimaaddeen aabayaashood, wiilashoodii, adeerradood iyo dadkii dad ugu xigay.

Waxaa ninkan hadalladiisii cadawnimada ahaa ka mid ahaa:

“Waxaa ka mid ah waxa idin tusaya baadilnimada mad-habtiinna waxa ku sugan labada saxiix (bukhaari iyo muslim) ee Abuuhureyra nabiga ka weriyey inuu yiri sallalaahu calayhi wasallama: “Gaalnimada madaxeedu xaga bari ayuu ka imanayaa”.

Hadduu ogaan lahaa in barigu gaar ahaan deegaankii Museylima uu noqonayo deegaan iimaan, kooxda loo gargaarayaana ku sugnaanayso, xaramaynka iyo yemanna ay noqonayaan meelo gaalnimo oo sanamyada lagu caabudo, in laga hijroodaana ay waajibayso wuu sheegi lahaa (nabigu sallalaahu calayhi wasallama), reer barigana wuu u ducayn lahaa gaar ahaan Najdi, labada xaram iyo yemanna wuu habaari lahaa, wuuna ka beri noqon lahaa, maxaa yeelay arrintaa lidkeeda uun ayaa jirtay, nabigu sallalaahu calayhi wasallama wuu wada sheegay bariga, Najdina wuxuu ku gaar yeelay in geeska shaydaan ka soo baxayo”.2

_____________________________________
1 Risaaladii ibnu cafaaliq usoo diray ibnu macmar: 48
2 Alsawaaciq Alilaahiya: 44-45

Cusmaan bin Mansuur[1] Wuxuu ninkanina yiri:

“Rasuulku waa iska diiday inuu u duceeyo (Najdi) markii uu u duceeyey Shaam, yaman, iyo madiina, markii uu cilmiga Alle ku ogaaday waxa ka dhex dhici doona ama kasoo bixi doona wuxuu yiri: “kuwaa iyaga xagooduu ka imanayaa gariirka iyo fitnadu, geeska shaydaanna kasoo baxayaa”.[2] Iyo hadallo badan oo intan ku wareegaysa.

Jawaabtii
Culimada Sunnada

Marka hore aynu qeexno Najdi: Waxaa loo yaqaan erayga macnihiisa dhulka sarreeya. Laba Najdi ayey carabtu deganayd: midda sheekhu kasoo baxay iyo Ciraaq; Marka aynu iska dayno nimankan dagaalka ku jira, culimada xadiisku kee ku fasireen Najdida geeska shaydaan kasoo baxayo?, ma midda jaziiradda carbeed ee sheekhu kasoo baxay? Mise midda Ciraaq..?

Bal aynu eegno wixii culimadu ka yiraahdeen: Imaamkii la oran jiray Abuu suleymaan Alkhaddaabi, waa caalim noolaa qarnigii afaraad ee Hijriyada, wuxuu sharxay Bukhaari iyo Abuu Daauud, waxaa uu yiri: “Najdi waa dhinaca bari, qofkii madiina jooga najdidiisu waa baadiyaha Ciraaq, iyo hareeraheeda iyadaana bariga madiina ah, Najdina asal ahaan waa inta sarreysa ee dhulka ka mid ah, waa wax kasoo horjeeda dhulka godan”.

Daauudi waxaa uu yiri: “Najdi waa dhinaca Ciraaq”.xaafid ibnu xajar Alcasqalaani ayaa kusoo raray kitaabkiisa Fatxul-baari ee ah kitaabka ugu sharrax ballaaran kuwa lagu sharxay Saxiixa Bukhaari. [3]

Waxaana u marag kacaya xadiiska ibnu cumar ee muslim weriyey oo uu yiri: “Reer Ciraaqoow maxaa idinka weydiin badan waxa yar! Waxa weynna idinka samayn badan!! Nabiga ayaan maqlay sallalaahu calayhi wasallama isaga oo leh: “fitnadu dhankaa ayey ka imanaysaa bariga ayuuna tilmaamay”.

___________________________________
1 Bilawgii qarnigii 13aad ee hijriyada ayuu dhashay, Ciraaq ayuu wax ku bartay, dadkii dacwada kasoo horjeeday ayuu ka mid ahaa, ugu danbayntii waxaa la xaqiijiyey inuu ka mid noqday dadka dacwada u gargaaray, wuxuu leeyahay sharrax kitaabka tawxiidka ah ee sheekh muxammad qoray, ka fiiri culamaau najdi:3/693
2 Misbaax aldulaam:234
3 Fatxul-baari, 13/46-47, silsiladda saxiixada ah ee sheekh Albaani:2246

Waxaa halkaa ka cad in xadiisku Ciraaq khuseeyo, nabiguna dantii uu lahaa tilmaan ku caddeeyey”.1 (saxaabaduna u fahmeen ciraaq sidaana dadka bareen).

Waxaa kale oo jira riwaayo ay werinayaan Yacquub Alfasawi oo ka mid ahaa muxadisiintii qarnigii saddexaad iyo Abuu Nucaym Al-Asfahaani oo ka mid ahaa muxadisiintii qarnigii shanaad, oo ay ku caddahay in nabiga sallalahau calayhi wasallama lagu yiri Ciraaqna u ducee oo saddex jeer lagu celiyey mar walbana uu kasii jeestay markii ugu danbaysayna uu yiri: “iyadaa dhul-gariirku ku suganyahay iyo balaayadu, geeska shaydaanna kasooa baxayaa”.2

Waxaa axaadiistaa iyo sharraxa culimadaba ku cad in Najdida loo jeedaa tahay Ciraaq, fitnada iyo gariirkuna ka imanayo, bal aynu xusno fitnooyinkii isdaba joogga ahaa ee halkaa kasoo baxay iyo dhibaatooyinkii waaweynaa ee muslimiinta kalasoo darsay, midkoodna kama soo bixin Najdida jaziiradda carbeed ee sheekhu kasoo jeedo:

  • Khawaarijta,
  • Shiicada,
  • Qadariyada,
  • Jahmiyada,
  • Qaraamiddada,

Iyo kuwo kaleba waxay kasoo baxeen Ciraaq, midkoodna kama soo bixin jaziiradda carabta, sidoo kale Dajaal oo soo bixi doonaa wuxuu kasoo baxayaa Bariga, ciraaqna bariga ayey madiina ka xigtaa, waana halka nabigu sallalaahu calayhi wasallama ka cabbir qaadanayey.

________________________
1 Minhaaj Al-ta’siis:62
2 Al-macrifa:Yacquub Alfasawi:2/746-748, Xilyatu Al-awliyaa:Abuu Nucaym:6/133, fiiri silsiladda saxiixada ah ee sheekh Albaani:2246

Sidaa oo ay tahay reer bariga iyo reer ciraaq toona lama wada ceebayn karo oo culimo waaweyn islaamkana wax badan u taray ayaa kasoo baxay.

Halka ay yiraahdeen deegaankii Museylima ayuu kasoo baxay.

Waa marka koowaade: Kuwa sheekha arrintan ku durayaa badankoodu isla deegaankan ayey kasoo jeedeen oo walaalkii ugu horreeyo, sidaa darteed haddii deegaanku xunyahay waa arrin loo siman yahay.

Midda labaad: Deegaan laguma ceebayn karo qof xun oo kasoo baxay dartii iyo koox fasaadsan oo kasoo baxday midnaba, sida Maka oo ay kasoo baxeen Abuu jahal iyo dad la mid ah, iyo Madiina oo ay joogeen Yahuud iyo Munaafiqiin, iyo yaman oo uu kasoo baxay Aswad Al-canasi oo nabinimo sheegtay xilligii nabiga sallalaahu calayhi wasallama iyo Masar oo Fircoon kasoo baxay, iyo ciraaq oo ahayd isha ay kasoo burqadeen kooxaha baadiyeysan badankoodu, marnaba taariikhdu ma xusin in deegaanka sheekha Khawaariji kasoo baxday.

Maxamuud Shukri Aaluusi: oo ahaa Caalim Ciraaqi ah, xilligiisii nin isku dhererin karayna uusan ciraaq ku noolayn, waxaa uu yiri isaga oo u jawaabaya mid ciraaqi ah oo beentan faafinayey: “wax cusub ma aha Ciraaq waxay ahayd salka mixnad iyo balaayo walba, islaamka ehelkiisuna kama marnayn inay mar walba dhibaato kaga imanaysay, reer Xaruura iyo wixii ka dhacay islaamka kama qarsoona (waa xaruntii khawaarijtii ugu horreysay isku urursadeen ee ciraaq ku tiillay), fitnadii Jahmiyada kuwaas oo salafka badankiisu islaamka ka saareen iyaduna waxay kasoo burqatay Ciraaq, Muctazilada iyo wixii ay ku yiraahdeen Xasan AlBisri aadna loosoo raray……. Waxay kasoo burqadeen kana soo bidhaameen Basra (oo ciraaq ah), Raafiddada iyo

Shiicada iyo wixii ka dhacay ee ku-xadgudubka ahlubeytka ah iyo oraaha xun ee ay imaam Cali ku leeyihiin (ay ilaah ka dhigteen) iyo culimada kaleba iyo caayidda saxaabada…….. waxaas oo dhani waa wax caan ah oo la yaqaan”.1 Dhacdooyinkii murugada lahaa ee Ciraaq ka dhacay waxaa ka mid ahaa: Goobtii ratiga, iyo siffiin(waa laba dagaal oo dhex maray ciidammo ay saxaabada rasuulku kala hogaaminayeen, inkasta oo ay si kama’ ah ku dhacday oo aan qolana la dhaleecayn Karin, haddana fitnooyinka Ciraaq lagu sunto ayey ka mid tahay) sidoo kale Xasuuqii Karbala loogu geystay ahlubeytkii nabiga ee uu hogaaminayey wiilkii nabigu awoowga u ahaa Xuseen bin Cali bin abii Daalib iyana waa arrin gashay taariikhda madow ee Ciraaq.

Ugu danbayn waxaan leennahay nimankaa haddii ay xaq doon yihiin ha keeneen cid culimada xadiiska ka mid ah oo Najdida jasiiradda carbeed ee sheekhu kasoo baxay ku fasirtay halka geeska shaydaan kasoo baxayo, haddii ay keeni waayaan waxaan u sheegaynaa xadiiskii nabiga sallalaahu calayhi wasallama ee ahaa “waxyaabihii dadku kasoo gaareen hadalladii nabinimada waxaa ka mid ah:Haddaadan xishoonayn waxaad doonto samee”.2

______________________
1 Qaayatu Al-amaanii:2/148
2 Bukhaari:6120

Shubho Kale oo Qaab Daran

Qaar kale ayaa xishood darrada kusii fogaaday oo wax ka sheegay qabiilka sheekhu ka dhashay ee loo yaqaan Banii Tamiim, iyaga oo yiri: “waa tolka uu ka dhashay ninkii nabiga ku afceliyey ee la oran jiray Dul khuweysira” nabiguna yiri: waxaa ninkan dhabarkiisa kasoo bixi doona qolyo quraanka akhrinaya oo uusan kalxamaha u dhaafayn” waana ninkii khawaarijtu ka farcantay!

Taa jawaabteeda waxaan kusoo koobaynaa:

Marka koowaade sheekha abtirkiisu meelna kama saro Dulkhuweysira, inuusan la fikir ahayna horay ayaan uga soo jawaabnay. Midda labaad: waxaad ka jaahil tihiin fadliga nabigu u sheegay qabiilkan ka mid ah kuwa ugu ballaaran qabaailka dega jaziiradda carbeed, ilaa uu nin gabayaa ahi ku gabyay tuduc micnaheedu yahay: “haddii reer Tamiim kula colloobaan dadkuu dhani inay kula col yihiin ayaad moodaysaa”. Imaam Albukhaari waxaa uu ku wariyey saxiixiisa xaddiis uu wariyey abuu hureyra Alle haka raalli noqdee waxaa uu uu yiri: “reer Tamiim waxaan u jeclahay saddex walxood oo aan nabiga ka maqlay sallalaahu calayhi wasallama:

  1. Oraahdiisii uu yiri markii ay u timid saddaqadoodii: Tani waa saddaqadii tolkay.
  2. Oraahdiisii uu ka yiri gabar reer Tamiim ah: Xoree waa tafiirtii nabi ismaaciile.
  3. Iyo oraahdiisii: waa kuwa ummaddayda ugu xanuunjin badan Dajaal”.1

Xadiiskan waxaa ku cad in reer Tamiim aakhiru-samanka safka hore kaga jirayaan qabaailka diinta ku dhegan ee la diriraya shaydaan walba oo dadka baadiyeynaya, ilaah mahaddiise aakhirusaman waa lagu jiraa, Dajaalna waa soo dhawyahay, hordhacyadiisiina waa muuqdaan, Reer Tamiimna waxay hogaanka u hayaan Tawxiidka iyo Sunnada, deegaankoodana lagama yaqaan shirki, khuraafaad, Bidco iyo wax walba oo ummadda xaqa ka indhasaaba. Hadalka Suleymaan bin C/wahaab haddaan usoo noqonno waa been iska cad oo kuwiisii hore ka mid ah, sheekhu ma oran Najdi waa xarunta iimaanka, mana oran Maka, Madiina iyo yaman waa xarumaha sanamyada, mana oran Najdi in loosoo hijroodo ayaa waajibaysa.

_________________
1 Bukhaari:2543, 4366

Faraca |Saddexaad

”Wahaabiyadu Waxyaabaha Lagu Gaaloobo Wax aan ka Mid ahayn ayey ku soo Dareen.”

Arar: Arrintani waxay ka dhalatay khilaaf ku qotoma xaqiiqda dhabta ah ee shirkiga iyo waxyaabaha tawxiidka buriya. Sheekha iyo ardaydiisu waxay ku dadaaleen qeexidda shirkiga iyo labadiisa qaybood: midka weyn iyo midka yar, iyadoo ka weyni tawxiidka burinayo, ka yarina dhaawacayo, isagoo sababi kara inuu ugu danbayntii tawxiidku buro.

Xaqiiqda tawxiidka sidee loo kala arkayey?

Qolyaha sheekha kasoo horjeeday:

Waxay u arkayeen xaqiiqda tawxiidku inay tahay: rumaynta in Alle yahay midka wax abuuray, waxna arsaaqa, maamulka iyo mulkigana iska leh, haddii qofku intaa qirana uu yahay muslim muwaxid ah, wax kasta oo uu sameeyana oo aan intaa liddi ku ahayn aysan tawxiidkiisa waxba yeelayn.

Sheekha iyo Ardaydiisa

Sheekha iyo dadka la caqiidada ahi waxay arkaan in intaa oo kaliya ahi aysan ahayn tawxiidkii oo dhammaystiran ee ay tahay qayb ka mid ah, oo uunka badankiisu wada qirsan yahay, muslim iyo gaalaba, marka laga reebo kooxo tirsan oo la oran jiray:

Dahriyiin, majuus, shuuciyada casrigan, fircoonkii hore iyo dad kaloo tirsan. Balse gaaladii qureysh iyo carabta kaleba isugu jirtay arrintaa dood kama qabin, oo marka la yiraahdo yaa idin abuuray oo idin quudiya oo maamulka leh? Waxay ku jawaabayeen Allaah, markaa ayaa lagu lahaa oo xagee la idiin wataa miyeydaan waantoobayn, miyeydaan cabsanayn?

Arrinta loo baahan yahay in la rumeeyaa waxay tahay: in Alle yahay midka iska leh: (abuuridda, arzaaqda, mulkiga), (Alle leh magacyo wanaag badan iyo tilmaamo sarreeya), (isla markaana uu yahay midka kaliya ee xaqa u leh cibaadada iyo u hogaansanka). Gaaladii qureysheed labadan danbe ayey diidanaayeen oo ah: Alle magacyadiisa iyo tilmaamihiisa oo wada socda, iyo inuu kaligii cibaadada leeyahay, oo waxay oran jireen: ma ilaahyadii ayuu mid ka dhigay?! Waa wax amakaag leh!!!

Ilaah micnihiisuna waa midka la caabudo, ee way qirsanaayeen inuu yahay Rabbi taas oo micnaheedu yahay inuu wax abuuray, quudiyo, maamulkana leeyahayna. Farqiga u dhexeeya midka ay diideen iyo midka ay sugeen waxa weeye: waxay ogolaayeen inay Alle u keli yeelaan ficilladiisa, balse iyagu ficilladooda cibaadada ah inay Alle u keli yeelaan ma ogolayn!

Taas ayeyna ku muteen inay yihiin mushrikiin, gaalo ah, lalana dagaallamo, aysan lahaynna wax xurmo ah. Sidaa darteed arrinta qolyaha sheekha kasoo horjeedaa ay tawxiidka ku qeexaan wuu ka ballaaran yahay, sidaa ay sheegeenna islaam laguma noqdo, haddii cidi ku noqonaysana qureysh iyo nabiga khilaaf kama dhexeeyeen. Haddii aynu sheegno kala duwanaanshaha labadaa qaybood daliilkeeda, Allaah waxaa uu quraankiisa ku yiri:

Surat Al-Mu'minuun 84-89

Oo micnaheedu yahay:

‘’Waxaad tiraahdaa yaa dhulka leh iyo inta ku suganba? haddaad tihiin kuwo wax garanaya,(84) Waxay oran doonaan: Allaah ayaa leh! waxaad ku tiraahdaa miyeydaan waansamayn!!(85) Waxaad tiraahdaa rabbiga todoba cir iyo carshiga weynba waa kuma?(86) Waxay oran doonaan allaah ayaa leh! Waxaad tiraahdaa: miyeysaan cabsanayn!(87) Waxaad tiraahdaa yey gacantiisa ku jirtaa boqortooyada shay walba oo wax badbaadiya oo isaga aan cidna laga badbaadin?(88) Waxay oran doonaan Alaah ayaa iska leh! Waxaad tiraahdaa see la idiinka sixray (oo tawxiidkiisa u garan la’dihiin).’’(89) [Surat: Al-Mu-minuun 84-89]

Bal ila fiiri tafsiirka Imaam ibnu kathiir arrintan ka bixiyey waxaa uu yiri Alle ha u naxariistee:

“Alle wuxuu sugayaa keli ahaanshihiisa iyo inuu la madaxbannaanyahay abuurista, maamulka iyo lahaanshaha, si uu dadka ugu hanuuniyo in Allaha kaligii cibaadada iska leh ee aysan cid kale u habboonayn uu isaga yahay oo aysan cidna waxba la wadaagin.

Sidaa darteed ayuu rasuulkiisa sallalaahu calayhi wasallama ku yiri inuu ku yiraahdo mushrikiinta cid kale Alle la caabudaya ee qirsan rabbinimadiisa oo cidina aysan rabbinimadaa la wadaagin, isla markaana ilaahnimada cid kale la wadaajinaya oo cid kale la caabuday, iyagoo qirsan in waxa ay la caabudayaan aysan waxba abuurin waxna hanankarin, maamulna aan yeelan Karin, ee uun ay iska aamineen inay Alle u dhaweynayaan”!

Isaga oo sharxaya hadalka Alle ee ah miyeydaan cabsanayn waxaa uu yiri: “haddii aad tihiin kuwo qirsan inuu yahay rabbiga cirarka iyo carshiga weyn miyeydaan ka baqayn ciqaabtiisa iskana jirayn cadaabkiisa marka aad cid kale la caabudaysaan oo la wadaajinaysaan?!”1

___________________________________
1 Tafsiir Alquraan Alcadiim: imaam ibnu kathiir:3/279-280

Halkaa waxaa inooga cad in mushrikiintu aysan diidanayn rabbinimada ee ay diidanaayeen ilaahnimada, taasoo kala ah laba waxyaabood, marka la leeyahay mushrikiin micnaheedu waa inay yihiin wadaajiyayaal, waxa ay wadaajinayeenna ma ahayn abuurka, maamulka iyo lahaanshaha oo rabbinimo la isku yiraahdo, ee waxay wadaajinayeen cibaadada oo ah ilaahnimada.

Marnaba quraanka iyo sunnadu ma sheegin in mushrikiintu Alle ku haysteen arrinta hore ee waxay ku haysteen ta danbe oo ay ka didayeen. Marka la weydiiyo cidda uunkan iska lehna waxay ku jawaabaneen Allaah ayaa iska leh, markaa ayaa lagu lahaa oo maad cibaadada ugu gaar yeeshaan sida aad lahaanshaha ugu gaar yeelaysaan?!

Haddaba arrinta ay leeyihiin waa lagu soo daray waxyaabaha lagu gaaloobo waxaa weeye inay samaynayeen waxyaabo dhaawacaya tawxiidka ama burinaya marka lagu yiraahdo shirkiga iska daayana ay lahaayeen ma annagaa shirki ku jirna?! Waan qirsannahay in Alle wax abuuray oo maamulo oo wax walba leeyahay!!! Iyagoo markaa isu qaba inay tawxiidka baarkiisa fadhiyaan!!! Iskana illaaway taasi inayan ahayn arrin doodi ka taagnayd tan iyo Abuu jahal!!

Hadalladoodii Qayb ka Mid ah

Calawi Alxaddaad:

Isagoo difaacaya macaamiisha qabuuraha waxaa uu yiri: ” kuwaasi si kasta oo ay u weyneeyaan nabiyada iyo awliyada, kama aaminsana waxa ay Alle ka aaminsanyihiin oo ah abuurista guud ee dhammayska tiran, waxay uun aaminsan yihiin inay yihiin dad Alle agtiisa weji iyo darajo ku leh”1!

Maxammed At-taahir

Ninkan oo isna inkirayaba in qof muslim ahi gaaloobi karo waxaa uu yiri:

“Haddii laga helo hadalka muslimiinta in cid aan Alle ahayn wax loo tiiriyey waa in lagu xanbaaraa Sarbeeb (majaaz) waddana looma heli karo in qof muslim ah la gaalaysiiyo……

_________________
1 Misbaax al-aanaam:5

Haddii qof caamada ka mid ahi yiraahdo: nabiga ayaa wax I taray ama weliga, wuxuu ula jeedaa sarbeed, waxaana sidaa calaamad u ah inuu yahay qof muslim muwaxid ah oo aan saamaynta u aaminsanayn Alle kaligii mooyee cid kale”. [1]

Ibnu cafaaliq:

Isagoo diidaya in u nadridda iyo u gawricidda cid aan Alle ahayn ay shirki tahay waxaa uu yiri: “ummaddu waa ay ku kulansan tahay in wax u-bireynta iyo wax u-nadridda cid aan alle ahayn ay xaaraam tahay qofkii sidaa sameeyaana uu caasiyey Alle iyo rasuulkiisa, waxaana culimada ka reebay inay gaalaysiiyaan waa iyagoo dadkani aan sidaa u samayn aaminsanaan in kuwa wax loo nadray ama loo bireeyey ay Alle u dhigmaan”.[2] Ibnu suxaym:

Waxaa uu isna yiri isagoo isla qumman oo weliba tirinaya ceebaha sheekha: ” waxaa ka mid ah inuu goynayo gaalnimada qofkii neef bireeya bisinkana u qabta, Allaahna u yeela, balse ay meesha ku jirto jin iska caabbin! Wuxuu leeyahay waa gaalnimo hilibkuna waa xaaraam”.[3]

Suleymaan bin C/wahaab4:[4]

Waxaa uu yiri: “Xagee ka keenteen in qofka muslimka ah ee qiraya tawxiidka Alle iyo nabinimada rasuulka haddii uu baryo qof maqan ama mayd ama u nadro ama cid aan Alle ahayn u bireeyo inay tahay gaalnimo weyn oo qifkii sameeyaa camalkiisu burayo? Dhiigiisa iyo xoolihiisuna xalaal yihiin?!”5

_______________________________
1 Quwatu difaac wal-hujuum:16, 17
2 Jawaabu ibni cafaaliq 60
3 Faslu alkhidaab:211
4 Wuxuu ku dhashay Cuyeyna , wuxuu garsoore ka noqday Xuraylama, kaddib wuxuu ku noolaa Sadiir, aakhirkii Dirciya ayuu ku dhintay, waa la isku khilaafsanyahay inuu aragtidiisii ka noqday iyo in kale, fiiri culamaau najdi: 1/302
5 Alsawaaciq Al-ilaahiya 6

Mar kale waxaa uu yiri: “Ahlu cilmigu ma dhihin qof Alle cid aan ahayn wax ka raadiya waa gaal, mana dhihin qofkii cid Alle aan ahayn wax u bireeya waa gaal…..”.[1]

Calawi alxaddaad: oo si dhiirran shirkiga u difaacaya waxaa uu yiri: “midka reer Najdi caddayntiisa ah in nadarka culimada waaweyn la diido waxay ka mid tahay been abuurka uu diinta kula kacay iyo jaahilnimadiisa isa saaran”.[2]

Shatti: isaga oo ka hadlaya caqiidada sheekha iyo ardaydiisa waxaa uu yiri: “waxay caddaynayaan in qofkii rasuulka u gargaarsada ama cid kale dan uu leeyahay ama wax ka dalba ama u dhawaaqda rasuul allowba ha yiraahdee ama nabi ama weli wax ka aamina kana dhigta cid danihiisa ugu dhexaysa isaga iyo alle inuu yahay gaal dhiigiisa iyo xoolihiisuba xalaal yihiin”.[3]

Muxamed bin Calawi Almaaliki:

Wuxuu isna yiri: “ma gaaloobayo qofkii cid gargaarsadaa inuu abuurid iyo jirsiin ka aamino mooyee cid aan Alle ahayn”.[4]

Halkaa waxaa inooga cad in dooddu ku wareegayso inay gaaloobayso iyo in kale ciddii: barida cid aan Alle ahayn, ama wax u nadarta, ama u biraysa, ama gargaarsata, ama u dhawaaqata, ama alle usii marta, sheekha iyo ardaydiisu waxaa ay leeyihiin arrimahani waa xuquuq Alle oo kitaabkiisa iyo sunnada nabigiisa ku sugan cid kalena aan loo leexin

________________________
1 Halkii hore:7
2 Misbaax al-aanaam:44
3 Alnuquul alsharicya:101
4 Mafaahiim yajibu an tusaxax:15

Karin, haddii loo leexiyana ay gaalnimo keenayso, qolyaha kalena waxay leeyihiin nadarka iyo u gawricidda ayaa xaaraam ah gaalnimana ma aha, gargaarsiga iyo sii maridda miyaa?! iyaga waxbaba kuma jabna! Maadaama qofku Alle rabbinimo u qirsan yahay!!! Jawabiihii sheekha iyo cidda la caqiidada ah: Waxay yiraahdeen horta xaqiiqda shirkiga aan qeexno: Waxay tahay in addoonku u leexiyo cid kale wax cibaadada ka mid ah.

Caqiido kasta ama oraah walba ama ficil walba oo ku sugnaaday sharciga in Alle xagiisa loo leexiyaa waa tawxiid iyo iimaan iyo ikhlaas, in cid aan Alle ahayn loo leexiyaana waa shirki iyo gaalnimo. [1]

Tusaalayaal

Gawraca salaadda ayaa lagu lammaaniyey quraanka dhexdiisa dhowr jeer iyadoo nabiga la amray sallalaahu calayhi wasallama inuu rabbigii u tukado waxna u bireeyo, mar kalena la yiri: dheh salaaddayda iyo gawracaygaba Allaah ayaa iska leh, nabiguna lacnaday ciddii wax u biraysa cid aan Alle ahayn, in Alle loogu dhawaadaa gawraca waa tawxiid in cid kale loo leexiyaa jinni iyo insi cidday doonto ha noqotee waa shirki iyo gaalnimo tawxiidkana way burinaysaa.

Nadarka sharciga waafaqsan waa midka uu qofku cid aan alle ahayn wax u nadrin, wax xaaraam ahna uusan nadrin, in la oofiyaa waa waajib Allaahna quraankiisa ayuu ku ammaanay kuwa oofiya, in Alle loo gaar yeelaa waa iimaan iyo tawxiid, in cid kale lala wadaajiyaana waa shirki.

Calawi alxaddaad marka uu bannaynayo in culimada wax loo nadri karo muxuu u cuskaday? Waxba! shaydaan unbaa u qurxiyey sidii mushrikiintii horeba u dhihi jireen Alle ayey noo dhaweynayaan!! Sidoo kale gargaarsiga iyo baryada ayaa ka mid ah cibaadada,

________________________________
1 Alqawlu Alsadiid: sheekh C/raxmaan AlSicdi:43

Allaah waxaa uu yiri isagoo u gallad sheeganaya muslimiintii Beder uu guusha siiyey:

Xusuusta markaad rabbigiin gargaarsanayseen uuna idin ajiibay.” [Surat: Anfaal:9]

Lama oran nabiga ama abuubakar ama cid kale ayaad gargaarsateen. Marnaba ma dhicin in saxaabada iyo dadkii wanaagsanaa gargaarsadaan cid aan Allaah ahayn, maxaa yeelay waxay arkayeen aayadaha ku yimid in aan la baryi Karin cid aan Alle ahayn, sida alle yiri:

Ha baryin Alle sokodii cid aan dhib iyo dhoof toona kuu keeni Karin, haddad sidaa yeesho waxaad ka mid tahay daalimiinta.” [Surat: Yuunus:106]

Mar kale Allaah waxaa uu lahaa:

Qofkii u yeerta Alle la jirkiisa ilaah kale oo uusan xujo u haysan, xisaabtiisu Alle agtii uun ayey taal.” [Surat: Al-Mu’minuun:117]

Ilaah waa wixii cibaado loogu dhawaado noocuu doonaba ha noqdee, haddii kaasi Allaah uu yahay waa mid xaq ah haddii kalena waa baadil. Waxaana la inaga reebay inaan barinno cid aan Allaah ahayn haddii aan barinana waxaa la inoo sheegay inaan ilaah kale samaysannay.

Mar kale Allaah waatii uu yiri:

Ha baryin Allaah la jirkiisa ilaah kale, mid xaq lagu caabudaa ma jiro isaga mooyee.”[Surat: Alqasas,88]

Mar kale:

Masaajidda Allaah ayaa iska leh ee Alle la jirkiisa cid kale ha u yeeranina.” [Surat: Aljinni:18]

Isla suuraddaas Allaah isaga oo nabigiisa amar siinaya waxaa uu yiri:

‘’Dheh waxaan uun baryayaa rabbigay mana la wadaajinayo baryada cid kale.” [Surat: Al-Jinni,20]

Mar kale:

Ha baryin Allaah la jirkiisa ilaah kale, waxaad ka mid noqonaysaa haddaad sidaa yeesho kuwa la cadaabayo.” [Surat: Al-Shucaraa,213]

Tilmaamaha mu’miniinta maxaa ka mid ah?

Kuwa aan u yeeranayn alle la jirkiisa ilaah kale.” [Surat: Al-Furqaan,68]

Tilmaamaha gaalada maxaa ka mid ah? Inay u yeeranayaan cid aan Allaah ahayn!

Allaah waxaa uu yiri:

Kuwa ay baryayaan Alle sokodii waxba ma abuurayaan iyaga ayaaba la abuuray, waa mayd aan noolayn mana garanayaan maalinta ay tahay marka lasoo saarayo, ilaahiin waa ilaah kaliya.” [Surat: An-Naxli, 20-22]

Waxaa lagu ceebeeyey inay ku xiran yihiin ilaahyo kale, waxaana la ina faray inaan ilaah kaliya ku xirnaanno.

Mar kale Alaah waxaa uu yiri:

Kuwa aad u yeeranaysaan Alle sokodii waa addoommo idinka oo kale ah, bal u yeerta ha idin aqbaleene haddii aad run sheegaysaan! [Acraaf:194]

Mar kale:

Yaa ka baadinimmo badan cid u yeeranaysa Alle sokodii cid aan ajiibayn tan iyo qiyaamaha?! Ahna kuwo baryadooda moog.” [Surat: Al-Axqaaf, 5]

Allaah isaga oo ceebaynaya kuwa dadka suubban barya sida nabiyada iyo saalixiinta waxaa uu yiri:

Kuwaa ay baryayaan iyaga ayaaba rabbigood dhawaansho ka dalbaya, koodii ugu dhawaa ayaa dalbaya, naxariista Alle ayey rajaynayaan, cadaabkiisana waa ay ka baqayaan.” [Surat: Al-israa,57]

Haddaba bal ilaah ayaan kugu dhaarshaye dib u fiiri hadalkii suleymaan bin c/wahaab iyo raggii la midka ahaa ee yiri xagee ka keenteen gaalnimada ciddii barida qof maqan ama mayd ama gargaarsata?! Waxaan leennahay Allaah ayaa noo sheegay oo kitaabkiisa ayaan ka qaadannay.

Nabigeennu sallalaahu calayhi wasallama isaga oo laylinaya ina adeerkii ibnu cabbaas waxaa uu ku yiri:

“Kuray-yahow kalmado ayaan ku barayaa, Alle dhawr wuu ku dhawrayaa, Alle dhawr hortaada ayaad ka helaysaaye, haddaad wax baryeyso Allaah bari, haddaad cid kaalmaysanayso Allaah kaalmayso”.1

Wax lasoo koobi karo ma aha aayadaha iyo axaadiista ku timid cibaadanimada baryada iyo gargaarsiga, mana ahayn wax ka dahsoonaa muslimiintii hore, ilaa mar danbe shaydaan dadka u qurxiyey inay ku xirmaan cid aan Alle ahayn oo tallaabadii la qaadayaba la yiraahdo bal awliyada iyo nabiyada iyo abbayda hala xuso, kaddibna lagu dhawaaqo:

  • Maddad yaa rasuulallaah,
  • Maddad yaa jiilaani,
  • Maddad yaa sheekh hebel i.w.m

oo micnaheedu yahay

  • Gargaar rasuulkiisii allow,
  • Gargaar sheekh jiilaaniyoow,
  • Gargaar sheekh hebeloow, ama la yiraahdo

“Aqithnaa yaa qawth” gargaarahoow gargaar!

Subxaanallaah waa kee cidda aan Alle ahayn oo gargaari kartaa sow Alle ma dhihin:

Yaa ajiiba qofka dhibban xumaantana fayda idinkana dhigay kuwa talada dhulka haya?! Ma ilaah kale ayaa Allaah weheliya Miyeydaan waansamayn..? [Surat: An-Naml,62]

____________________________
1 Imaamu Axmed:1/293, Tirmidi:2516
2 Xamad bin Macmar: wuxuu ka mid ahaa culimadii Najdi kuwii ugu waaweynaa, ardaydii Sheekh Maxamed ayuu ka mid ahaa, sannadkii 1211H ayaa c/casiiskii koowaad u diray Maka si uu dood cilmiyeed ula soo sameeyo culimadii reer Maka, wuu ka xujo adkaaday wayna u hogaansameen, kadib Sacuudkii dawladdii koowaad ayaa u magacaabay madaxa qaalliyaasha Maka, halkaa ayuuna ku dhintay. Taariikhdiisa ugu noqo: Culamaau Najdi:1/239, Mashaahiiru culamaau Najdi:202, Dacaawaa Almunaawi’iin:59

Sheekh Xamad bin Macmar[2] Waxaa uu yiri isaga oo ka hadlaya xukunka uu leeyahay gargaarsiga cid aan Allaah ahayn:

“Waxaynu si hubaal ah u ognahay inuusan nabigu ummaddiisa u jidayn inay baryaan qof mawtida ka mid ah, nabiyaal iyo saalixiin iyo kuwo kale toona, eray gargaarsi ah iyo mid kale midnaba, iskaba daaye waxaynu ognahay inuu arrimahan dhammaan reebay uuna ka mid yahay gaalnimada weyn ee Alle iyo rasuulkiisu reebeen”.1

Mar kale waxaa uu yiri:

“Qof walba oo barya mayd ka mid ah nabiyadii ama saalixiintii ama malaaigta ama jinka wuxuu u yeertay cid aan u gargaarayn, dhib inuu ka faydo ama ka wareejiyana aan u hanan Karin”.2

Mar kale waxaa uu yiri: “Ogow in baryada cid aan Allaah ahayni tahay laba nooc:

Midda koowaad: Qof nool oo jooga oo la weydiisto wax uu kari karo sida inuu u duceeyo ama u hiiliyo ama u kaalmeeyo waa mid bannaan, sidii saxaabaduba nabiga u gargaarsan jireen noloshiisii sallalaahu calayhi wasallama oo uu ugu ergayn jiray, ducadana u weydiisan jireen uuna ugu ducayn jiray.

Nooca labaad: Qof dhintay oo la baryo ama maqan iyo cid kale oo la baryo lama weydiisto wax Allaah mooyee aysan cid kale awoodin, sida danihiisa in loo qabto ama kurbooyin laga faydo waxay ka mid tahay waxyaalaha xaaraamta ah muslimiintuna isku waafaqsan yihiin in sharcigu inkiray….waxayna ka mid tahay waxyaabaha si daruuri ah loo ogyahay inaysan diinta muslimiinta ka mid ahayn”.3

Sheekh Abuu butayn Waxaa uu yiri:

“Oraahda qofka yiri in mawtida oo la baryo danaha xallintoodana la weydiistaa ay tahay sarbeeb (majaaz) Allaah ayaana ah midka dhab ahaan loo jeedo! Taa ayaaba ah hadalkii mushrikiintu ay yiraahdeen:

“Kuwaasi waa noo ergeeyayaal Allaah agtiisa” “ma caabudayno inay Allaah noo dhaweynayaan mooyee.”

_____________________________
1 Alhadiyatu alsaniya:54
2 Halkii hore: 55
3 Majmuucatu alrasaail wal masaail:4/592

Kuwaa ay dhexda joojiyeen ayey baryayeen iyaga oo sheeganayay inay Allaah agtiisa ugaga shafeecayaan xallinta danahooda.

Sheekhii islaamka Taqiyudiin waxaa uu yiri:

“Ciddii yeesha iyaga iyo Alle dhexdooda cid ugu dhexaysa baryada iyo talasaarashada waa gaaloobeen iyada oo la isku raacsan yahay”.1

Ugu danbayntii waxa ay leeyihiin gaalnimo ayaa laga dhigay, wahaabiyada ayaana diinta kusoo dartay waa wax quraanka iyo sunnadu qeexeen inay tawxiidka ka dhanyihiin, waana shaygii mushrikiinta laga fujin waayey oo ay marmarsiinyaha u raadsanayeen, qolo kasta oo marmarsiinyo u raadsataana waddadii mushrikiinta ayey haysaa.

Akhristoow waxaad dhuuxdaa dulucda khilaafka ee ah: Allaah kaligii halagu xirnaado iyo maya ee awliyada iyo dadka suubban yaan laga tagin! Isla markaana waxaad xasuusataa oraahdii mushrikiintii joogtay xilligii nabi Nuux Alle inooga sheegay inay isku waaninayeen:

“Haka tegina ilaahyadiinna oo haka tegina wadd iyo suwaac iyo yaquuth iyo yacuuq iyo nasri.”

Waxaanad xasuusataa in sababtii shirkiga keentay ay ahayd dadkii suubbanaa oo wax laga siiyey xuquuqdii Allaah la gaarka ahaa. Waxaad kale oo xasuusataa oraahdii mushrikiintii Qureysheed: “ma ilaahyadii ayaa mid kaliya laga dhigay?! Waa wax lala amakaago!! Fiira gaar ah: Waxaad dib u fiirisaa qaybtii aynu kaga soo hadalnay shirkiga iyo sababihii keenay, khatartiisa iyo inuu ummadda kusoo noqonayo, uuna soo noqday iyadoo xabaashii nabigu sallalaahu calayhi wasallama weli qoyan tahay.

_______________________________
1 Aldurar alsaniya fil ajwibati alnajdiya:8/238

Faraca | Afaraad

Aayadihii Gaalada ku Yimid Ayey Muslimiinta Dul Saareen

Shubhadan ayey soo arooriyeen iyaga oo iska indhatirayey waxyaabaha tawxiidka burinaya ama dhaawacaya ee iyaga iyo bulshaduba ku dhaqmaysay;

Daxlaan waxaa uu yiri: “waxay u qasdiyeen aayado badan oo quraanka ka mid ah kuna yimid gaalada, markaa ayey mu’miniintii dulsaareen”.1

Hadallo badan oo sidaa la mid ahaa waxaa yiri: Suleymaan bin c/wahaab, Calawi Alxaddaad, Lakanhuuri2, Zahaawi3, midkan danbe hadalladiisii waxaa ka mid ahaa: “Wahaabiyadu waxay ku xanbaartay dhammaan aayadihii quraanka ahaa ee gaalada kusoo degay dadka muwaxidiinta ah ee ummadda nabi muxammad sallalaahu calayhi wasallama ka mid ah”.4

Muwaxidiinta wuxu ula jeedaa dadka har iyo habayn Alle cid aan ahayn u yeeranaya, wax walba oo tawxiidka burinayana aan ka dhawrsanayn!

Jawaabihii Ahlusunnaha:

Ugu horreyn waa inaynu fahamnaa in quraanku la hadlayo laga soo bilaabo dadkii joogay xilligii nabi Muxamad ilaa qiyaamuhu ka oogmo, muslim iyo gaalaba;

_______________________________
1 Aldurar alsaniyah:32
2 Shiici reer Karbala ah ayuu ahaa, kutub dhowr ah ayuu leeyahay, fiiri Aclaam:Zirikli:5/30
3 Jamiil Alsidqi Alzahaawi, gabayaa ciraaqiya ayuu ahaa, Baqdaad ayuu ku dhashay 1279H iyada ayuuna ku dhintay, caasimaddii Cusmaniyiinta Aastaana(istanbuul) ayuu in badan ku noolaa, Rashiid Ridaa wuxuu yiri: dad badan oo Aastaana ku arkay waxay iisheegeen in Zahaawi uu yahay mulxid wax diin ah aan haysan, shareecada islaamkana weerar ku ah, Almannaar:11/841, fiiri Alaclaam:2/137
4 Alfajru Alsaadiq:47

Wax walba oo ammaan ah oo mu’miniinta ku saabsan way wada saamaynaysaa dhammaan inta qarniyadaa nool ee tilmaamahaa wanaagsan leh, wixii si gaar ah saxaabada loogu goonni yeelay marka laga reebo; Sidoo kale wixii dad xun ka hadlaya oo gaalo ama faasiqiin ah way saamaynaysaa dhammaan wixii qarniyadaa nool ee tilmaamahaa xunxun laga helo.

Allaah waxaa uu nabigiisa ku yiri:

“Dheh aniga waxaa la ii waxyooday Quraankan, si aan idinka iyo dadka uu gaarayaba ugu digo.” [Surat: Al-Ancaam,19]

Qaaciddo ayaa oranaysa:

“Waxa eegmada lihi waa caamnimada erayga ee ma aha sababta gaarka ah ee uu ku yimi.”

Sheekh C/Laahi Abuu butayn:

Caalimkan oo ka mid ahaa kuwii ugu waaweynaa jiilkii ka aflaxay ardaydii sheekha waxaa hadalladiisii ka mid ahaa Alle ha u naxariistee: “Hadalka qofka yiri in aayadihii kusoo degay xukunkii mushrikiintii hore aysan taabanayn ciddii falkooda oo kale samaysa, iyada ayaaba gaalnimo weyn ah, iyada oo uusan oraahdaa ku hadli Karin dibi jaahilnimada ku foorara mooyee cid kale!

Ma wuxuu leeyahay ciqaabaha lagu sheegay quraanka iyo sunnadda waxaa lahaa dad idlaaday?! Oo qofkii zinaysta lama ciqaabayo?! Kii wax xadana gacanta lama goynayo?! i.w.m iyada oo kani yahay hadal sheegiddiisa laga xishoodo, ma wuxuu leeyahay kuwa salaadda lagula hadlay iyo Zakada iyo shareecada islaamka ee kale way idlaadeen?! Xukunkii quraankuna wuu burey?!”.1

Sheekh C/Ladiif Aalasheekh: Waxaa sheekhanna hadalladiisii ka mid ahaa Alle ha u naxariistee:

“Qofkii diida dul-saaridda quraanka iyo axkaamta uu ku tusayo shakhsiyaadka iyo dhacdooyinka soo hoos galaya caamnimadiisa erayeed, kaasi waa mid ka mid ah kuwa ugu baadiyeysan uunka, uguna jaahilsan waxa islaamka ehelkiisu haystaan iyo culimaduba, qarniba qarnigii uu ka danbeeyey, iyo jiilba jiilkii uu ka danbeeyey, wuxuuna ka mid yahay kuwa quraanka ugu curyaamin badan, uguna fogaansho iyo fogeyn badan in loo daliishado meelaha dooddu ku timid;

_________________________________
1 Aldurar Alsaniya fil ajwibati Alnajdiya:8/237

Quraanka iyo axkaamtiisu waa caam (waa mid guud), gaarna kuma aha sababaha gaarka ah, maxaa diidaya in la gaalaysiiyo qofkii sameeya wixii yahuuddu samaysay oo ah inay jidka Alle dadka ka hor joogsadeen?! Iyo in jidka Alle lagu gaaloobo iyada oo ay garanayaan?!”.[1]

Sheekh Maxamed Bashiir Sahsawaani

Waxaa uu yiri Alle ha u naxariistee:

“Haa sheekhu waxaa uu u daliishaday gaalnimada dadka qabuuraha caabuda caamnimada aayadaha gaalada kusoo degay, taasina waa mid wax reebayaa aysan jirin, maxaa yeelay?

Dadka qabuuraha caabudaa ma aha mu’miniin qof muslim ah agtiisa…….. sheekhuna wuxuu u cuskaday kuwo muslim isku sheegaya gaalaysiintooda iyaga oo samaynayey arrimo gaalnimo keenaya; Caamnimada aayado kusoo degay xaaladda mushirkiinta ayuu u cuskaday, waxaana cilmiga usuulka ku sugan:

“Waxa Fiirada lihi waa caamniada erayga ee ma aha gaarnimada sababta”. Kanna waa mid uusan qofka boos uga furnayn. (gaabinta caamnimada quraanka ayuu u jeedaa). [2]

__________________________________
1 Misbaax Aldulaam:140
2 Siyaanatu Al-insaan can waswasati Daxlaan:487

Ibnu Saxmaan[1]

Sheekhanina Alle ha u naxariistee waxaa uu yiri:

“Qofkii sameeya sidii mushrikiintu sameeyeen oo kale oo ku gaaloobidda Alle ah, iyada oo xaqiisii gaarka ahaa loo leexinayo cid kale oo nabiyaal iyo awliyo iyo saalixiin ah, oo barya Alle la jirkiisa, oo u gargaarsada sida uu Allaah u gargaarsanayo, kana dalba wax Allaah mooyee aan cid kale laga dalbin, maxaa diidaya in aayadaha gaalada la dulsaaro qofkii sameeyey falkii mushrikiinta oo kale?! Iyo gaalaysiintiisa?!

Ahlucilmiguna waxaa ay sheegeen iy fiiradu ay tahay caamnimada erayga ee aysan ahayn gaarnimada sababta, balse haddii quluubtu ka indha-beesho garashada xaqa iyo in wixii Alle kusoo dejiyey mushrikiinta lagu dul-dejiyo ciddii falkooda oo kale samaysa, waddadoodiina qaadda, qofkaa xeelad lagula dhaqmaa ma jirayso”.2

Maxamed Rashiid Ridaa Waxaa uu yiri Alle ha u naxariistee:

“La yaabka jaahilnimadii Daxlaan waxaa ka mid ah iyo dadka la midka ah: in ay u maleeyeen in waxa quraanku caddeeyey ee baadinimada shirkigii mushrikiinta ah ay iyaga nafsaddooda ku ekayd! Xujana aysan ku ahayn ciddii falkooda oo kale samaysa!! Iyadoo aad mooddo in qofkii muslimnimo lagu dhalay loo banneeyey shirkiga jinsiyaddiisa muslimka ah darteed!!!

Haba kaga furto Alle wax walba oo kitaabka Alle shirki ka dhigaye! Sidaa haddii lagu socdo lama suuraysan karo riddoobid diinta laga baxo, maxaa yeelay qofkii muslim lagu magacaabay waxaa waajibaysa in gaalnimadiisa iyo shirkigiisana islaam lagu magacaabo”.3

_______________________________
1 Wuxuu ka mid ahaa culimadii gobolka Casiir, kutub aad u badan ayuu ku difaacay dacwadii sheekha, wuxuu dhintay 1349H
2 Kashu Qayaahibi Aldulaam:195
3 Siyaanatu Al-insaan:487 nuqulka uu taxqiijiyey Rashiid Ridaa.

Ugu danbayn waxaan leennahay: nimankan waxaa ka adkaaday caadooyinkii ay aabbayaal kasoo gaareen oo ah in Quraanka iyo sunnada loola dhaqmo sidii dhaxal dad hore, saamaynta uu bulshada ku leeyahayna ay tahay in la barakaysto oo kaliya! Balse aan laga dhigan manhaj lagu daboolo nolosha iyo halbeeg lagu cabbiro dhaqammada bulshada.

Arrin kale: nimankani maba aaminsana in qofku diinta kaga bixi karo fal lid ku ah oo uu la yimid dartii, maadaama uu aaminsan yahay in maamulka iyo saamaynta uu Alle leeyahay, taana waynu kasoo hadalnay inaysan qofka tawxiid ugu filnayn. iyagoo marka ay rabaan sheekha iyo dadka la caqiidada ah inay baadinimo ku xukumaan oo ay weliba gaalaysiiyaan isku dayaya inay u daliishadaan aayado quraan ah iyo axaadiis, balse shirkiga iyo gaalnimada sida dharaarta ah u cad waa laga indha-saabay, shaydaan ayaana u qurxiyey! Alloow diintaada nagu sug naguna dil naguna soo saar.

Faraca | Shanaad

Dawladdii khilaafada Islaamka Ahayd Ayuu ku Baxay

Shubhadan isla raggii hore ayaa hor boodayey waxaase kusoo biiray Faqiih Xanafi ahaa oo la oran jiray Ibnu Caabidiin, iyo rag kale oo xukuumadda u shaqayn jiray, waxayna ku hadlayeen: Waa khawaarij! Ummaddii ayey kala jabiyeen!! Amiirkii mu’miniinta ayey ku baxeen!! i.w.m Qaar kalena waxayba kusoo lifaaqeen: in wahaabiyadu ka mid ahayd sababihii khilaafadii riday!!!

Nin la yihraado C/qaddiim Zaluum, ayaa si aan ganbasho lahayn u yiri: “Wahaabiyadu waxaa ay dawladdii islaamka ka dhex samaysteen maamul hoosaad, iyada oo uu hogaaminayo Maxamed bin Sacuud, kaddibna wiilkiisii C/casiis, ingiriiska ayaa xoolo iyo hub ku taageeray! Waxayna ku istaageen aasaas mad-habi ah si ay dalalkii islaamka ee dawladda khilaafada hoos imanayey u qabsadaan!!

Seef ayey kor u qaadeen khaliifka hortiisa, ciidankii islaamka ayeyna la dagaallameen oo ah ciidankii amiirkii Mu’miniinta, iyadoo ingiriisku guubaabinayo taageerayana”!![1]

Waxaynu horay usoo sheegnay in quwadihii riday dawladdii sacuudiga ee koowaad uu ingiriiskii Hindiya fadhiyey ka mid ahaa, ayna burburiyeen ciidammadii badda ee Qawaasimta ee Ra’sul-kheyma fadhiyey, ahaana taageerayaasha sacuudiyiint.

Ninkan Zaluum ah wuxuu isku khaldayaa C/casiiskii dawladdii koowaad iyo C/casiiskii dawladdii saddexaad kaasoo ingiriiska taageero ka helayey, halka khilaafada uu sheegayaana taageero ka helaysay Jarmalka!

_________________________
1 Keyfa hadamat Al-khilaafa:10

Labadan gaalna markaa loolan adag ayaa ka dhexeeyey waana xilligii waxa loogu yeero “Dagaalkii koowaad ee dunida”.

Waxaynu soo caddaynay in dawladihii sacuudiga ee koowaad iyo 2aad aysan wax xiriir ah gaalo la lahayn, mid toos ah iyo mid dadban midnaba, bilawgii C/caziizkii dawladdii saddexaadna khilaafadu iyada ayaaba liicday oo aan cidna eersanayn. Waxaa kale oo aynu soo xusnay in Turkigu ahaayeen kuwii Najdi usoo weeraray si arxan darro ah oo burburiyey diin, dal iyo dad iyo duunyaba.

Aynu usoo noqonno arrinta ah in sheekhu dawladda ku baxay, maxaa ka jira, wax marmarsiinyo ah xitaa beentan maloo heli karaa? Sideese Najdi ahayd sheekha ka hor? Maamul mideysan ma ka jiray? Hadduu jiray ma ahaa mid Turkiga hoos yimaadda? Xaqiiqda dhabta ahi waxaa ay inooga soo baxaysaa jawaabaha suaalahan.

Dr Saalix Alcabuud waxaa uu yiri:

“Najdi guud ahaan ma aysan arag maamul cusmaaniyiintu leeyihiin, xukunkooduna masoo gaarin, madax cusmaaniyiinta ka socdaana uma iman, sheekha ka horna ciidamo Turki ahi ma degin, waxaana xaqiiqdan taariikhiga ah ku tusaya raadraacidda maamuleed ee loo qaybiyey dawladdii cusmaaniyiinta;

Qoraal Turki ah oo cinwaankiisu yahay:

“Qawaaniinta cusmaaniyiinta sida diiwaanka ku dhigan” uuna qoray xoghayihii diiwaanka Yamiin Cali Afandi sannadkii 1018H, 1609M, waxaa warqaddan ku cad in ilaa bilawgii qarnigii 11aad (ee hijriga) ay dawladda cusmaaniyiintu u qaybsanayd dhawr iyo soddon maamul goboleed, oo afar iyo toban carab tahay, magaalooyinka Najdina kama mid aha Axsaa mooyee (Baxrayn) haddaan kasoo qaadno inay Najdi ka mid tahay”.[1]

__________________________________
1 Caqiidatu Seekh Maxamed bin C/wahaab Alsalafiya:1/27

Dr C/laahi Alcuthaymiin waxaa uu yiri: “wax kasta oo jira Najdi marnaba ma arag maamul Cusmaani ah oo toos ah, ka hor soo bixiddii sheekh Maxamed C/wahaab, sida aysan sidoo kale u arag maamul xooggan oo jirintaankiisa ku fuliya waxa ka dhex dhacayey dhan kastaba;

Reer Jabar iyo reer Khaalid iyo Ashraaftii (xijaas ka talinayey) ayaan midkoodna keenin deganaansho siyaasadeed, dagaallada magaalooyinka Najdi ka dhacayeyna waxay ahaayeen kuwo taagan, loolanka qabiilooyinka iskhilaafsan ka dhexeeyeyna wuxuu ahaa mid joogto noqday, isagoo kulul oo daran”.[1]

Dr Cajiil Alnashmi waxaa uu yiri:

“Najdi iyo deriskeeda dawladdii khilaafadu ma siin wax ahmiyad ah, tanina waxaa dhici karta inay ahayd siyaasaddeeda Najdi ku wajahan, ballaarnaanta dhulkeeda darteed iyo dhinacyadeeda oo kala fog, taasi waa dhinac, iyo qaybsanaanta qabiilooyinka iyo tolalka oo qotodheeraa marka aynu dhinac kale eegno.’’ [2]

Amiin Saciid waxaa uu isna yiri:

“waxaan in badan isku dayey intii aan darsayey taariikhda dawladihii umawiyiinta, cabbaasiyiinta, ayuubiyiinta, mamaaliiktii Masar, kaddib taariikhdii cusmaaniyiinta ee iyaga ka danbeeyey dhaxlayna xukunkii, inaan helo magac guddoomiye ama xaakim kuwaas ama middood usoo dirtay Najdi ama meel degmooyinkeeda dhexe ama waqooyi ama galbeed ama koonfureed ah, mana aanan helin!!! Taasoo ku tusaysa dayac dheeri ahi inuu jiray oo dawladahaasi masuuliyaddeeda qaadayaan”.[3]

__________________________________
1 Maxamed bin C/wahaab xayaatuhu wa fikruhu
2 Majallada Mujtamac:cadadka 509
3 Taariikhu Dawlat Alsacuudiya:23

Mar kale waxaa uu yiri:

“Sheekh walba ama amiir walba oo Najdi jooga wuxuu ahaa mid si buuxda ugu madax bannaan maamulka degmooyinkiisa, Turkina isaga ma aqoon , isaguna Turki ma aqoon”!!![1]

Caalimkii weynaa Imaam C/caziiz bin C/laahi bin Baaz Allaah naxariis badan ha siiyee waxaa uu yiri:

“Sheekhu kuma bixin dawladdii cusmaaniyiinta inta aan ogahay aaminsanahayna, Najdina kuma sugnayn maamul iyo madaxtooyo Turkigu leeyihiin, taa iskaba daaye Najdi waxay ahayd maamullo yaryar iyo tuulooyin kala yaacsan, magaalo iyo tuulo walba si kasta oo ay u yartahay amiir madax bannaan ayaa joogay, waxayna ahayd maamullo iyaga uu ka dhexeeyo dagaal iyo isqabqabsi; Sheekh Maxamed kuma bixin dawladdii khilaafada, ee wuxuu ku baxay xaalado fasahaadsan oo dalkiisii ku sugnaa, Alle dartii ayuuna jihaad dhab ah u jihaaday, wuuna adkaystay ilaa iftiinkii dacwadani uu magaalooyin kale gaaray”.

Dr Cajiil Alnashmi:

Wuxuu mar kale yiri: “si degan waxaan u dhihi karnaa inaan qoraallada sheekha laga helayn mawqif cad oo la col ah dawladdii cusmaaniyiinta”.

Mar kale waxaa uu yiri: “ma aanan helin haba yaraatee wax fatwo ah oo sheekhu leeyahay oo gaalaysiinaya dawladdii cusmaaniyiinta”.[2] Mar kale waxaa uu yiri: “siyaasadda sheekha iyo mawqifkiisii ku aaddanaa magaalooyinka Xijaaz wuxuu ahaa inuusan wax saamayn ah ku yeelan noloshiisii dheerayd, wax guubaabo ah ama collaytan ah ama baaq dagaal ah ama in la qabsado ah, isaga oo dareemayey in falkaa loo fasiranayo inuu dawladdii khilaafada ku baxay;

Dawladdii khilaafaduna wax isnuuxin ah ma samayn, wax degdeg ah ama gaws-qabsi ahna ma samayn ama khilaaf la sheego ah, iyadoo ay xilka isaga danbeeyeen afar cusmaaniyiin ah xilligii sheekhu noolaa”.[3]

__________________________________
1 Kitaab can imaam Maxamed bin C/wahaab:179
2 Majallada Almujtamac:caddadkii 506
3 Almujtamac caddadka:510

Haddaba haddii xaaladdu sidaa ahayd xilligii sheekha, mawqifkiisuna kaa ahaa, maxaa sababay duullaankii ballaarnaa ee Turkigu soo qaadeen kaddib geeridii sheekha? Jawaabtu waxaa ay tahay iyadoo markii Ashraafta laga furtay Xijaaz iyo intii loolanka iyaga iyo sacuudiyiintu socdayba ay warbixinno khaldan ka bixinayeen reer Najdi, caqiidadooda iyo siyaasaddoodaba, si Turkiga ay hiil uga helaan, hadalladii foosha xumaa ee Turkiga la gaarsiiyey waxa ka mid ahaa in sacuudiyiintu calankooda ku qoreen:

“Qofna Rasuul ma aha”

Dantooduna ay tahay inay Turkiga xukunka ka tuuraan!! Turkigu waa dawlad xukunkii islaamka gacanta ku dhigtay iyadoo ay asal ahaan diinteennu qabto in mudnaanta xukunka islaamka ay carabtu leedahay gaar ahaan Qureysh, mar walba waxay ka cabsi qabeen in shucuubta carbeed lagu kiciyo magac diineed iyo in axaadiista arrintaa kusoo aroortay lagu guubaabiyo, waxaana mar walba dhanka carabta kaga imanayey gadood oo reer miyigu Turkiga ma jeclayn.

Sidaa darteed wax saldhigyo ah Turkigu kuma lahayn gebi ahaanba Jaziiradda Carbeed oo ah saldhigga reer miyiga (waa khaliijka iyo Yeman) marka laga reebo yeman oo uu muddo xaddidan joogay, ugu danbayntiina uu kaga haray tuulo yar oo la yiraahdo Laxaj una dhaw Cadan, balse Ciraaq iyo Shaam iyo Masar oo ahaa meelo qawmiyado kala duwani ku kulmeen saldhigyo joogta ah ayuu ku lahaa iyo wakiillo isaga matala, Xijaazna wakiilkiisa Masar ayaa kormeeri jiray, maamul hoosaadna waa ay lahayd.

Taariikhyahan reer Turkiya ah oo magaciisa la yiraahdo Suleymaan bin Khaliil Alcazzi waxaa uu yiri:

“Farriimihii soo gaaray Istanbuul ee ka imanayey Shariif Mascuud bin Saciid , oo ahaa shariifkii Maka, waxaa ay caddaynaysay in in mulxid ah oo aan diin lahayn laguna magacaabo Maxamed bin C/wahaab uu kasoo baxay bari, uu isu taagay garaacidda iyo khasbidda dadka deegaankaa deggan, si uu ugu hogaansiiyo naftiisa, isaga oo ijtihaad aan asal ahayn ku socda”.[1]

Sheegashadii Zaluum uu yiri sheekhu wuxuu ka mid ahaa sababihii khilaafada riday waxaa ka jawaabaya caalim reer Turkiya ah oo la yiraahdo Sh Maxamuud Mahdi Al-isatanbuuli, waxaa uuna yiri:

“Waxa yaabka leh oo wax ka qosliya kana oohiya waxaa weeye: in ustaadkani ku tuhmo dhaqdhaqaaqii Sheekh Maxamed bin C/wahaab inuu ka mid ahaa sababihii dumiyey khilaafadii Cusmaaniyiinta, iyada oo aynu ognahay in dhaqdhaqaaqu istaagay qiyaasta sannadkii 1811m, khilaafaduna duntay 1922m”.[2]

Waxaa ka hadalkeenna shubhadan inoogu bidhaantay in Najdi marnaba aysan arag xukun Turki ah oo sheekh Maxamed burburiyey iyo ciidan ay leeyihiin oo uu la dagaallamay, uusanna sheekhu marnaba ka hadlin wax cusmaaniyiinta khuseeya, cusmaaniyiintuna ahaayeen kuwii burburiyey dawladdii sacuudiga ee koowaad ee sheekhu wax ka dhisay, iyaga oo cuskanayey dacaayado been abuur ah oo aysan hubsan, dantooduna ahayd inay xukunkooda ku fara-adaygaan.

Waxaa wax lala yaabo ah in Turkigu uusan marnaba ka damqan xaaladdii qallafsanayd ee ka jirtay Najdi sheekha ka hor, ee isugu jirtay khilaaf, kala qoqobnaan, qabyaalad, jidgooyo, i.w.m, markii ay dawlad iyo midnimo heleenna intii uu gacan qaban lahaa uu isagu burburiyey!

Waxaa kale oo wax lala yaabo ah in ingiriisku Cadan soo degay 1836M Iyadoo iyadoo markaa weli Turkigu ku baaqi ahaa magaalada Laxaj (Laxaj waa magaalo dhawr mayl cadan u jirta), uusanna arrintaa ka gilgilan!!

__________________________
1 Alwahaabiyuun Al-awaail:5
2 Sheekh Maxamed bin C/wahaab fii mir’aati culamaai Alsharqi wal-qarbi:62

Waxaa iyaduna wax la iswaydiiyo ah muxuu Hindiya uga difaaci waayey ingiriiska markii uu saldhigyo waaweyn ka samaystay dhammaan xarumihii muslimiinta, sida Delhi, Bombay, Laahoor iyo kuwo kaleba?!

Soomaaliya markii gumaysigu qaybsaday 1884m sannado yar kaddibna uu soo degay Berbera isaga oo udbihiisii wata, welibana Cadan kasoo duulayey xagee Turkigu jiray?!

Koonfurta Soomaaliya markii Saciid Barqash ka iibiyey Talyaaniga xagee Turkigu jiray?

Muxuuse ka qabtay?

Waxaan la fogaysan karin haddii dhulalkaa ay ka istaagi lahayd dawlad ku socota mabaadidii sheekh Maxamed C/wahaab ku baaqay in Turkigu soo diri lahaa ciidan laxaad leh oo tirtira wahaabiyada, maxaa yeelay iyaga ayaa uga daran cadow walba!

Haddaba maxay ahayd kaalinta Turkiga iyo waxtarka uu muslimiinta u lahaa qarniyadii danbe inuu carab xukunka ka ilaashado mooyee?! Jawaabtu waxaa ay u taal aqoonyahanka garaadka leh, ee ka maran caadifad iyo laab-lakac.

Shubhada | 2aad
Tawasulka ayuu Diiday

  • Marka koowaad waa maxay tawasul?
  • Intee nooc u qaybsamaa?
  • Maxaa noocyadiisa bannaan maxaanse bannaanayn?

Sheekh Maxamed iyo dadka la caqiidada ahi maxay ogolyihiin maxayse diiddan yihiin? Jawaabaha suaalahan ayey xaqiiqdu inooga soo baxaysaa.

Micnaha Tawasul:

Micnihiisa luqad ahaaneed waa wax shay kale ku gaarsiiya. Sharci ahaanna waa: in la maro sabab lagu gaaro raalli ahaanshaha Alle. Dhammaan cibaadada noocyadeedu waa sabab ku gaarsiinaysa Alle raallinimadiisa kuuna sababaysa inaad u dhawaato. Waxaase kaddib eraygan tawasul loo isticmaalay in Alle lagu baryo shay uu jecelyahay waddana looga dhigto, iyadoo la rajaynayo aqbalidda Alle. Qaybaha tawasulka: Wuxuu u qaybsamaa laba qaybood:

  1. Nooc bannaan
  2. Nooc aan bannaanayn oo xaaraam ah, khatarna ay tahay inuu shirki qofka gaarsiiyo.

Nooca koowaad:

Culimadu markii ay raacraaceen nusuusta sharciga waxaa ay soo saareen saddex qaab oo hoos imanaysa tawasulka bannaan, kuwaas oo kala ah:

  1. In Allaah lagu baryo magacyadiisa, tilmaamihiisa iyo ficilladiisa.
  2. In qofku Alle ku baryo camal suubban oo uu qabtay.
  3. In Alle lagu baryo qof wanaag lagu tuhmayo ducadiisa, oo la yiraahdo noo ducee.

Adillada saddexdan qaab: Midka koowaad:

Waxaa adilladiisa ka mid ah hadalkii Allaah uu yiri:

ولله الأسماء الحسنى فادعوه بها

‘’Allaah magacyo wanaag badan ayuu leeyahay ee ku barya.’’

Nabigana s.c.w ducooyinkiisii waxaa ka mid ahaa: “Waxaan kugu baryayaa magac walba oo aad leedahay oo aad naftaada ku magacawday ama kitaabkaaga kusoo dhex dejisay”.1

Ama uu dhihi jiray: “Allaah cizzadiisa ayaan ka magan galayaa iyo awooddiisa wixii shar ah ee aan ka baqayo ama aan dareemayo”.2 Iyo ducooyin aad u badan oo nabigu s.c.w Allaah ku baryi jiray magacyadiisa, tilmaamihiisa iyo afcaashiisa.

Qaabka labaad:

Addilladeeda waxaa ka mid ah xadiis nabigu s.c.w inooga sheekeeyey saddex nin oo Banii israaiil ka mid ahaa iyaga oo carraabe ah goor maqribkii soo galay ayaa roob ku yimi markaa ayey god buur hoosteed ku yaallay jirsadeen, dhagax ayaa buurtii kasoo dilindillooday oo afkii godka awday, markaa ayey yiraahdeen mashaqadan kama baxayno inaynu Alle ku barinno mooyee camallo wanaagsan oo aynu dartii u qabannay, markaa ayaa mid kastaa Alle baryey meeshiina ka faydantay sidii ayeyna ku badbaadeen.

Qaabka saddexaad:

Aad ayey u badnayd in saxaabadu nabiga s.c.w u yimaaddaan oo ka codsadaan inuu uga duceeyo dhibaato haysata, ha noqoto mid gaar ah ama mid guud.

_____________________________
1 Imaamu Axmed ayaa weriyey waana xadiis saxiix ah sida uu sheegay muxaddiskii Axmed Shaakir: 3712
2 Muslim:2202

Waxa ka mid ah ninki masjidka soo galay maalin jimce ah iyadoo nabigu khudbaynayo kuna yiri:

“Nabi allow xoolihii waa halaagsameen waddooyinkiina waa go’een ee Alle noo bari inuu noo gargaaro, nabigu Allaah ayuu baryey roob ayaa markiiba soo daatay asbuucna socday.1

Nooca labaad ee aan bannaanayn:

Waa wixii intaa kasoo haray, sida in Alle lagu baryo shakhsiyadda nabiyada ama awliyada, ama wajigooda, oo la yiraahdo Alloow nabiga fadligiisa ama wejigiisa ama sharaftiisa waxaa nagu sii, ama weli hebel. Iyadoo nabigu yahay midka uunka ugu fadli badan uguna weji sharfan, haddana ma aha qaab nabigu ina baray s.c.w inaynu Alle ku barinno, dhammaan axaadiista arrintaa la isku dayey in loo daliishadana ma aha kuwo sugan, ee badankoodu waa been abuur iyo hadallo gacan ku-samays ah, iyo daciif aad u liita.

Cibaadadana waxaa asal u ah halbeegna u ah wixii nabiga iyo saxaabadu sameeyeen, wixii aysan samaynna waa baadil. Waxaase bannaan inaad tiraahdo allow rumeynta aan nabigaaga rumeeyey waxaa igu sii, maxaa yeelay rumayntu waa cibaado iyo camal suubban, markaa waddo bannaan ayaad qaadday.

Xilligii nabiga s.c.w marka abaari dhacdo nabiga ayaa sidaa dadka ugu ducayn jiray waana la waraabin jiray, markii nabiga la oofsaday xaalku see noqday? Dadku intay qabriga yimaaddaan miyey ku tawasuli jireen? Mise waxay dhihi jireen Alloow nabigaaga fadligiisa iyo sharaftiisa nagu waraabi? Midnaba ma samayn jirin ee dadka suubban ee markaa ay kheyrka ku tuhmayaan ayey dhihi jireen ummadda u duceeya;

__________________________
1 Bukhaari:1021, muslim:798

Xilligii amiirkii mu’miniinta Cumar bin Khaddaab ayaa abaar kululi dhacday, cumar dadkii ayuu isugu yeeray si loo roob doono, wuxuu yiri: “Alloow nabigaaga ayaan kuugu tawasuli jirnay markii uu na dhexjoogay waadna na waraabin jirtay, haddana waxaan kuugu tawasulaynaa nabiga adeerkii (Cabbaas) ee Alloow na waraabi” markaa ayuu cabbaas duceeyey ummaddiina waa la waraabiyey.1

Haddii fadliga nabiga iyo wejigiisa sharafta badan in Alle lagu baryaa bannaantahay, saxaabadii nabigu wax baray, fadligiisa cid ka badisaana aysan jirin, cid nabiga ka jecelna aysan jirin ma suuroobi lahayd inay ka leexdaan nabiga oo Cabbaas aadaan?! Alloow waa maya, marnaba ma suuroowdeen, taasi waxaa ay ina tusaysaa in noocaasi uusan bannaanayn.

Qabuuraha oo Lagu Tawasulo

Marka abaari dhacdo ama balaayo in xaga qabuuraha loo kacaa waa dhaqankii jaahiliyada, mana bannaana, waana arrin keeni karta ugu danbayntii in qabuuraha la baryo sidaana loogu dhaco shirki diinta lagaga baxo, wayna dhacday ilaa haddana waa dhaqan baahsan.

Qabuuraha agtooduna kama mid aha meelaha ducada lala doonan jiray xilligii nabiga s.c.w iyo saxaabada, in la iska dhaadhiciyo in qabuuraha agtoodu fadli dheeri ah leedahayna waa arrin jaahilnimo ku salaysan wax daliil ahna aan loo hayn. Qayb ka mid ah axaadiista daciifka ah ama been abuurka ah ee loo daliishado tawasulka aan ku sheegnay mid reebban:

“Ku tawasula wejigayga, maxaa yeelay wejigaygu Alle agtiisa wuu ka weynyahay”.

Ama “Haddi aad Allaah wax weydiisanaysaan wejigayga ku weydiista, maxaa yeelay wejigaygu Allaah agtiisa waa mid ku weyn”.

_________________________________
1 Sida imaam Bukhaari ku weriyey saxiixiisa lambarka xadiiska ( 1010)

Waxaa looga jawaabayaa:

“Labadan aad axaadiista ku sheegteen waa been abuur aan ku sugnayn kutubta muslimiinta ee axaadiistu ku taal ee la cuskado, qof culimada xadiiska ka mid ahina ma sheegin, iyadoo aan la isku diiddanayn in wejiga nabigu uu sharaf iyo karaamo weyn Alle agtiisa ku leeyahay.1

1- “Haddii arrimuhu idin ku adkaadaan dadka qubuuraha ku jira dhankooda u kaca”!.2

Midkanna qolaa xadiis ka dhigtay! Jawaabtu waa isla sidii hore oo kale, waa been dharaar joogta bal keena cidda werisay ee culimada xadiiska ka mid ah, kitaabkee ku yaal? Waa arrin khatar ah oo lagu soo noolaynayo wathaniyadii nabigu s.c.w tirtiray, muxuu ahaa dadaalkii rasuulladu laga soo bilaabo nabi Nuux ilaa nabigeenna? Wax kale kuma saabsanayn aan ahayn ku xirnaanshaha Alle iyo inaan cid kale la caabudin, lana kaalmo weydiisan.

2- “Markii nabi Aadam gefkii ku dhacay, ayuu yiri: Rabbiyoow muxammad xaqiisa ayaan kugu weydiisanayaa inaad ii danbi dhaafto, Allaah wuxu yiri:

Aadamoow see ku garatay Muxammad maba abuurine?!

Wuxuu yiri: Rabbiyoow markii aad gacantaada igu abuurtay ruuxdaadana aad igu afuuftay ayaan madaxayga kor u qaaday waxaan arkay dhidibbada carshiga oo ay ku qorantahay

“Laa ilaaha illalaah muxammad rasuulullaah”

Markaa ayaan gartay inaadan magacaaga ku xejinin midka aad uunka ugu jeceshahay mooyee mid kale, markaa ayuu rabbi yiri:

Waan kuu danbi dhaafay. Muxammad hadduusan jirinna kumaba abuureen”.3

________________________________
1 Qaacida jaliilah fi-tawasuli wal-wasiila:168
2 Imaam Ibnu Taymiya wuxuu ku sheegay majmuuca fataawihiisa in la isku waafaqsanyahay beennimada warkan.11/293
3 Xaakim ayaa weriyey:2/615, ibnu casaakir ayaa kasii qaatay 2/3, 32/2. imaamu dahabi waxaa uu yiri waa mawduuc (been abuur) iyo sidoo kale xaafid ibnu Xajar: sidoo kale fiiri silsiladda daciifada ee albaani:1/38.

Warkani waa midka ugu la yaabka badan beenaha ay tawasulka reebban u sameeyeen, oo tan iyo nabi aadam ayey daliil ka raadiyeen, balse kuma liibaanin oo been ayey maciin bideen!!!

3- “Abaar ayaa ku dhacday dadka xilligii Cumar nin ayaa qabriga nabiga yimid markaa ayuu yiri: Rasuulkii Alloow ummadaada u roobdoon waa ay halaagsantaye, ninkii ayaa riyo loogu yimid laguna yiri Cumar u tag…..”.

Qisadan waxa lagu sheegaa kutubta tafaasiirta iyo kutubta axaadiista sharraxda, waana qiso daciif ah, ninka weriyey oo lagu sheegay Maalik Aldaar ma aha nin la yaqaan, shuruudda xadiiska saxiixa ahna waxaa ka mid ah in laga qaato nin cadaaladiisa iyo xifdigiisa la yaqaan, hadii aan la aqoonna majhuul ayaa loogu yeeraa noocyada daciifka ayuuna ka mid yahay, midda labaad: arrinta jawaabta lagu sheegay waaba riyo oo xukun lagama qaato, arrinta saddexaad wuxuu khilaafsan yahay hannaankii roobdoonka ee sharcigeennu jideeyey saxaabaduna ku dhaqmeen geeridii nabiga kaddib sallalaahu calayhi wasallama.

4- “reer Madiina abaar ba’an ayaa heshay, caaisha ayey usoo cawdeen, waxaa ay ku tiri: qabriga nabiga eega oo meel duleesha samada uga fura, si isaga iyo samada uusan saanqaaf ugu dhaxayn, waa ay yeeleen, waa nala waraabiyey ilaa doog kasoo baxay, geeliina cayilay oo weliba xayr la dildillaacay, waxaa loo bixiyey sannadkii dildillaaca”!![1]

Xadiiskan culimada qaarkood waxay ku sheegeen been abuur qaarna daciif, kii kastaba aynu niraahnee wuxuu ina tusayaa inaan xujo ku sugnayn, maadaama uusan nabiga ka ansixin ama saxaabada.

5- “Cali bin Maymuun waxaa laga weriyey inuu yiri Shaafici ayaan maqlay oo leh: Abuu Xaniifa waan barakaystaa, qabrigiisana maalin walba waan tagaa, haddii baahi ila soo deristo laba rakcadood ayaan tukadaa, qabrigiisana waan imaaddaa, Alle ayaan baahidayda ku weydiistaa agtiisa, mana fogaato ilaa la ii qabto”.[2]

Qisadani sidoo kale waa been abuur maxaa yeelay dhaqankan qubuurinimadu ma ahayn mid jiray xilligii imaamu Shaafici, horay ayeynu usoo sheegnay nimankii qubuurinimada bilaabay inay ahaayeen Qaraamiddada oo qarnigii afaraad soo baxay. Imaamu shaafici inkastoo uu Baqdaad muddo joogay haddana wuxu ahaa reer Xijaaz marnaba lama arag isaga oo qabuurihii saxaabada ee Xijaaz ku agsamaynaya ficilkaas oo kale ama qabuurihii taabiciintii waaweynaa.

6- “Nin ayaa Cusmaan bin Caffaan isaga daba-noqon jiray dan uu leeyahay darteed, xilligii uu xilka hayey, Cusmaanna ma dhugan jirin, arrintaa ayuu ninkii uga cawday Cusmaan bin Xaniif, wuxuu ku yiri: meesha weysada tag oo weysayso, kaddib masjidka tag oo tuko, kaddibna dheh:

______________________________________
1 Daarami ayaa weriyey waana khabar daciif ah, fiiri tawasulka albaani:139
2 Qisadan waxaa kusoo arooriyey kitaabkiisa taariikhda ah Khadiib Albaqdaadiyi:1/123, waxaana silsiladda raga kala weriyey ka mid ah nin lagu magacaabo:Cumar bin isxaaq bin Ibraahim, mana aha nin la yaqaan waa Majhuul. Ibnu taymiya Iyo ibnu Qayim waxay qisadan ku sheegeen mid been abuur ah.

“Alloow waxaan kuugu soo jihaysanayaa Nabigeenna dartii, nabigii naxariista, Muxammadoow waxaan kuugu soo jihaysanayaa xaga rabbigaa in dantayda la ii qabto darteed” markaa kaddib dantaada sheego, ninkii sidii ayuu sameeyey, kaddib ayuu albaabkii Cusmaan kusoo noqday waardiyihii ayaa u yimid oo gacanta qabtay una geeyey Cusmaan, agtiisa ayuu fariisiyey wuxuuna ku yiri dantaada sheego, wuu sheegtay waana loo dhammeeyey”.!!![1]

Intaas ayaan ka tilmaamaynaa waxyaabaha ay xujada ka dhigteen nimanka tawasulka reebban isku dayey inay daliil u sameeyaan, kuwo kale oo la mid ahna waa jiraan oo daciif iyo been abuur isugu jira, ama axaadiis ay hannaankeedii ka weeciyeen, waxaase daliil cad inoogu filan in saxaabadu aysan nabiga ku tawuslin geeridiisii kaddib ee ay u leexdeen adeerkii Cabbaas, iyadoo tawasulkaasina ahaa inuu duceeyo.

Nimankani waxay aaminsanyihiin in qofka ay ku tawasulayaan nolol iyo geeriba uu isku mid yahay. Waxaa intaa sii dheer iyaga oo adeegsanaya erayo gargaarsi ah ama shafeecaysi ah markaana ku sheegaya tawasul!

Marka la yiraahdo maad ilaah gargaarsataan waxay leeyihiin xaqiiq ahaan isaga uunbaan gargaarsanaynaa ee dadkan waan usii maraynaa maadaama ay ilaah agtii darajo ku leeyihiin! Waynu soo sheegnay in wixii mushrikiintu ku jawaabi jireen ay tahay.

Raga tawasulkaa reebban u doodayey waa isla raggii hore, Ibnu cafaaliq, Xaddaad, Dajawi[2], Kurdi[1],

_____________________________________________________________
1 Isna waa xadiis daciif ah, u noqo Siyaanatul-insaan can waswasati Daxlaan:131 nuskhada Rashiid ridaa.
2 Azhari ayuu ahaa, ku dhashay Masar 1287H fiiri Aclaam:Zirikli:8/216

Daxlaan, Qubbaani, Zahaawi, Caamili2 , Calawi Almaaliki, iyo rag la mid ah. Haddaba sheekh Maxamed iyo dadka la caqiidada ahi sidaa ayey qabaan, adilladaa saxiixa ah ayeyna u daliishadeen ee bal dadka kasoo horjeedaa ha keeneen daliil quraan ah ama xadiis nabiga ka sugnaaday oo ku sugan kutubta xadiiska ee la yaqaan, isla markaana ay culimadu xadiisku saxiixiyeen, haddii kale ha ogaadeen inaan Alle lagu caabudin hawo iyo sida naftu jeceshahay.

Xukunka ay culimadu siiyeen qofka tawasulka reebban la yimaadda laba midkood ayuu noqonayaa:

  1. Inuu Alle ku baryo wejiga nabiyada iyo saalixiinta iyo fadligooda, qofkaasi wuxuu noqonayaa qof bidco ku dhacay oo sunnihii garab maray, balse gaalnimo kuma dhicin, lamana gaalaysiinayo.
  2. Iyo inuu iyaga baryo oo gargaarsado haba ku magacaabo tawasul, qofkaasi gaalnimo ayuu ku dhacay, haddii xujagu ku ooganto oo xaqa loo caddeeyana wuu gaaloobayaa.

_______________________________________
1 Muxammad bin Suleymaan Alkurdiyi, Dimishqa ayuu ku dhashay 1128H, Madiina ayuu ku barbaaray wuxuu noqday muftiga shaaficiyada reer Madiina, kutub dhowr ah ayuu leeyahay, Madiina ayuuna ku dhintay, fiiri Alaclaam:Zirikli:6/152
2 Shiici Ciraaqi ah ayuu ahaa, 1282H ayuu ku dhashay, wuxuuna ku dhintay Dimishqa suuriya eeg Alaclam:5/287

Shubhada | 3aad
Shafeecaysiga Nabiga Ayuu Diiday

Shubhadan iyaduna waxyaabihii ay soo arooriyeen ayey ka mid ahayd, jawaabihii hore mid la mid ah ayeyna qaadanaysaa, sheekhu shafeecada nabiga ma ogolyahay? Shafeecadu goorma ayey dhacaysaa? Yaa iska leh shafeecada? Cidda loo shafeecayaa tilmaamo noocee ah leeyihiin? Xaqiiqadu suaalahan jawaabahooda ayey kasoo baxaysaa.

^ Waa marka koowaade sheekhu shafeecada nabiga waa aaminsanyahay iyo inuu Alle ku karaamaynayo qiyaamaha.

^ Shafeecadu qiyaamaha ayey bilaabmaysaa marka banka qiyaame la isugu yimaaddo dadkuna u baahdaan cid Alle uga ergaysa si loo kala xukumo, nabiyaal dhowr ah ayey u tagi doonaan, waa ayna ka cudur daaranayaan, ilaa ay nabigeenna sallalaahu calayhi wasallama uga yimaaddaan, markaa ayuu carshiga hoostiisa ku sujuudayaa oo rabbigii ammaanayaa, ammaan markaa loo furayo oo aan usii diyaarsanayn, waxaa lagu oranayaa: Madaxaaga kor u qaad, dheh waa lagu maqliyi, shafeec waa lagaa shafeeco aqbalayaaye, markaa ayuu ummadda u shafeecayaa sidaa ayaana lagu kala xukumayaa, taasi waa shafeecada Weyn ee loo yaqaan Maqaam Almaxmuud.

^ Shafeecooyin kale oo nabigu leeyahay waa jiraan, sida inuu jannada albaabkeeda isagu gargaraacayo oo dadka ugu horgalayo, ummaddiisuna ummadaha ugu horgalayso, iyo isaga oo adeerkii Abuudaalib ugu shafeecaya in naarta laga fududeeyo oo hoos laga soo saaro, saddexdan nooc nabigeenna ayaa la gaar ah, ilaa dhowr nooc oo kale oo uu nabiyada iyo malaaigta iyo dadka suubban la wadaagana waa jiraan.

^ Shafeecada Allaah ayaa iska leh, sida uu kitaabkiisa ku yiri:

^ Isaga uun ayaana la weydiisan karaa, oo qofku dhihi karaa Alloow shafeecada nabigaaga ha iga qadin, ee ma bannaana in qofku nabiga shafeeco weydiisto, maxaa yeelay ma aha wax weli la siiyey, qiyaamaha ayaa la siin doonaa, mana ahayn dhaqankii saxaabada inay nabiga shafeeco weydiistaan, marka ay ku yiraahdaan inaan jannada kugula saaxiibno ayaan rabnaa, wuxuu ku dhihi jiray cibaadada ku dadaala.

^ Tilmaamaha dadka shafeecada mutaysanayaa waa kuwo Alle ka raalli noqday, isla markaana u fasaxay in loo shafeeco, sida Allaah quraankiisa ku yiri:

Oo micnaheedu yahay:

In badan oo malaaig ah oo cirarka ku sugan ayaan shafeecadoodu waxba tarayn, marka rabbi u fasaxo cidda uu doono kana raalli noqdo mooyee.”

Mar kale Allaah waatii uu ku yiri aayat kursiga:

Waa kuma ka shafeecaya Alle agtii, fasaxiisa inuu ku shafeeco mooyee..?!

Mar kale Allaah wuxuu yiri isaga oo malaaigta ka hadlaya:

Uma shafeecaan cid uu ka raalli noqday mooyee.’’

Sidaa ayaa sheekha iyo dadka taageersani shafeecada uga hadleen, kana aaminsan yihiin. Balse qolyaha kasoo horjeedaa waxaa ay aaminsanyihiin in shafeecada la weydiisan karo nabiyada iyo awliyadaba, maadaama ay shafeeci doonaan;

Sheekh muxammad iyo dadka la caqiidada ahina waxaa ay leeyihiin ma aha arrin bannaan, iskaba daaye waa shirki lagu gaaloobayo, maxaa yeelay waa baryo cid aan Alle ahayn laga baryayo wax aysan lahayn, welina aysan hanan. Nimanka qaddiyaddan u doodaya waa isla raggii hore, mana helin wax daliil ah oo ay ku meel mariyaan sheegashadooda, inay nusuusta quraanka iyo axaadiista leexiyaan mooyee, ama la yimaaddaan khiyaali uu shaydaan u qurxiyey.

Shubhada | Afaraad

Siyaarada ma Ogola Qubuurihii Dadka Suubbanna Wuu Ihaaneeyey

Qaybtii qubuuraha ayeynu kusoo sheegnay hannaanka sharcigu u dejiyey booqashada qabuuraha iyo axkaamta uu siiyey, waxa ku bannaan iyo waxa ka reebban. Arrinta ay leeyihiin siyaaradii ayuu diiday, siyaaradu horta waa booqasho micne ahaan, sheekhuna ma diidin booqasha sharciga waafaqsan, ee wuxuu diiday midda sharciga khilaafsan, ee ah in qabuuraha loo safro, ama xoolo lagu dul qasho, ama ciid laga soo qaato, ama la isku dhedhejiyo oo dhabannada la saaro, ama la baryo, ama dheef loo doonto, dhibkana laga magan galo, iyo waxyaabo badan oo qubuuriyiintu ku agsameeyaan qabuuraha.

Waynu soo xusnay xadiisku nabigu s.c.w yiri:

“Looma safri karo (safar cibaado) meel aan ahayn saddexda masjid, masjidka xurmada leh (kacbada), masjidkayga iyo masjidka fog (Baytul maqdis).1 Arrintaana saxaabadu sidaa ayey u fahmeen, ma kala saarin qabuuraha, kuwo nabiyo iyo kuwo kale toona, marnaba ma dhicin inay u safreen qubuuro magaalada ay hadba joogeen ka baxsan, bal nimanka arrintaa u doodaya ha sheegeen halka ay ku qoran tahay in saxaabadu qubuuro u safri jireen.

Iskaba daaye waa ay reebi jireen, waxaa dhacday in saxaabigii weynaa ee Abuu hureyra u safray buurtii nabi muuse calayhi salaam lagula hadlay waa Dhuur, isaga oo kusoo cibaadaysanaya markii uusoo noqday ayaa saxaabi kale oo la oran jiray Basrata bin Abii Basrata alqifaari ku yiri haddaan ku ogaan lahaa maad safarteen, xadiiskaa aynu soo sheegnay ayuuna u sheegay.[2]

__________________________________
1 Lambarrada axaadiista: Bukhaari:1189, 1995. muslim:511, 1397.
2 Maalik:1/68, imaamu Axmed lambarka xadiiska:23960, sunan Alnasaai:3/113-116, ibnu xibbaan saxiixiisa:2772, xumaydi musnadkiisa 2/421, Tayaalasi:1348, fiiri Axkaam Aljanaaiz ee Sheekh Albaani:287

Sidii ay tawasulka reebban ugu sameeyeen axaadiis been ah ayey qabriga nabiga sallalaahu calayhi wasallama in loo safrana u sameeyeen kuwo been ah:

Sida in nabigu yiri:

  • ‘’Qofkii soo xajiya ee aan isoo booqan wuu igu gabood falay..! ama
  • ‘’Qofkii qabrigayga soo booqda shafeecadayda ayaa u waajibaysa” ama
  • ‘’Qofkii geeridayda kaddib isoo booqda isaga oo nolosha igu soo booqday ayuu la mid yahay” iyo warar kale oo noocaas ah,

Dhammaanna waa been abuur, kuwa ugu roon ayaa daciif liita ah. Nabiga siyaaradiisa waxaa ay u bannaantahay dadka madiina jooga, ama dadka madiina u booqda inay masjidka nabiga kusoo tukadaan, markaa ayey qabrigiisa iyo qabuuraha kale ee saxaabadana booqan karaan, balse in safarka lagu saleeyo booqashada qabrigiisa sallalaahu calayhi wasallama ama qabuuro kale ma aha mid bannaan, saxaabadiina ma samayn, taabiciinna ma samayn, iyagoo ku dhaqmaya xadiiskaa aynu horay usoo marnay, ee Bukhaari iyo Muslim weriyeen.

Arrinta ay leeyihiin qubuurihii dadkii suubbanaa ayuu ihaanaayey! Waxay u jeedaan duminta qabriyada dhisan, ama masaajidda laga dul dhisay ama qubbadaha, taasina waa waajib sharci ah oo nabi muxammad amray, Cali bin Abii daalibna u xilsaaray, Calina xilligiisii uu Abul-hayaaj al-Asadiyi u xilsaaray, waynuna soo sheegnay u noqo qaybta qabuuraha aan kaga soo hadalnay.

Intaa ayeynu kusoo koobaynaa dacaayadihii iyo shubhooyinkii ay ka faafiyeen Sheekh Maxamed Bin C/wahaab naxariis badan Alle ha siiyee, waana mawduuc aad u ballaaran lagana allifay kutub badan, waxaase nuxurka badankiisa soo koobaya kitaabka la yiraahdo: “Dacaawaa Al-munaawi’iin li-dacwati Alsheekh Muxammad bin C/wahaab” waxaana qoray sheekh la yiraahdo c/caziiz bin Muxammad bin Cali Al-Cabdiladiif. Allaah ha inagu sugo diintiisa, hana hanuuniyo cid walba oo xaqa garab marsan, magac walba oo ay wataan iyo meel walba oo ay joogaan, iyo xilli walba oo ay joogaan.

Taariikhda
Sheekh Muxammad Bin C/wahaab

Imaam:
Muxammad bin Cabdul-Wahaab bin Suleymaan Al-Tamiimiyi
Qore: Maxamad Cusmaan Aadam
Halgankiisii iyo raadkii uu reebay 1115-1206H (1703-1792)

Hordhac |Q. 1aad |Q. 2aad |Q. 3aad |Q. 4aad |Q. 5aad |Q. 6aad |Q. 7aad |Q. 8aad

Decorative Lines