Taariikhda Wahaabiyada:
Wahaabinimo Mise Islaamnimo…?

Sheikh Maxamad bin Cabdiwahab

LineTree

السَّلاَمُ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَةُ اللهِ وَبَرَكَاتُهُ

Mahad oo dhan allaah ayaa iska leh naxariis iyo nabad galyo nabi Muxamad korkiisa allaah yeelo. Waxaan maqalakygii hore ku balanqaaday in aan ka hadlo wahaabiyada iyo suufiyada wax ay kala yihiin iyo culimadii islaamka waxa ay ka yiraahdeen.

Waxaan maantay mowduucayga uga hadlayaa taariikhda wahaabiyada, waxaan marka hore guud mar kooban ku samaynayaa dunida islaamka maxaa ka jiray markii uu Sheikh Maxamad bin Cabdiwahab soo shaac bixyay firkardiisa.?

Sheekh Muxammad
Cabdul-Wahaab
محمد بن عبد الوهاب

  • Magaca Sheekha: Muhammad bin Cabdul-Wahaab
  • Dhalashadiisa: 1703 ‘Cuyayna Najdi
  • Geeridiisa: 1792 (Da’diisu 88–89) Magaalada Emirate of Diriyah
  • Qarnigii: 18th century
  • Dhulka: Najdi
  • Dhaqankiisa iyo Aqoontiisa: Wahhaabi Islam

Wahaabinimo Mise Islaamnimo..?

Dunida islaamka waxaa ka jiray dowlad islaami ah oo la oran jiray cusmaniya waxaa dowladaas hoos iman jiray maamuladii umadaha islaamka oo dhan caasumadeeduna waxay ahayd Istanbuul Turkiga magaca cuthmaniya wuxuu ahaa boqorkii ugu horeeyay aabihii Urdurul ibnu Sulaymaan sidaas ayayna cuthmaniya kula baxayday.

Cusmaaniya waxay guulo waaweyn ka soo hoyisay dagaalkii ay kula jirtay gaalada waxayna qabsatay kana talin jirtay dhulal badan oo yurub ka tirsan iyo qaybo ka mid ah bariga fog.

Waxayna u xilsaartay culimaa’udiinkii islaamka ee ka koobnaa afarta madhabood ee islaamku isku raacsan yahay xagnimadooda:

  • Imaamu Shaafi
  • Imaamu Maaliki,
  • Imaamu Abuu Xanafa
  • Imaamu axmed Ibnu Xanbal

Muxamad cabdiwahaab wuxuu dhashay 1703M oo ku beegnayd 1115H aabihii wuxuu ahaa caalim madhabta xanafiyada ah wuxuuna jeclaa in wiilashiisa muxamad iyo sulaymaan ay diinta bartaan laakiin muxamad kuma xasilin in uu si fiican wax u barto ee hadba meel ayuu u safrayay asaga oo oranayay cilmi doon ayaan ahay madiina ayuu tagay ka dibna basra oo ahayd meeshii ugu horeysay oo uu ku soo muujiyay fikradiisa ahayd in uu umada islaamka ku gaalnimo xukumo.

Fikradaan oo ah sharciyan mid khatar ah in qof muslim ah oo gaal lagu sheego culimadii halkaas joogtay way ka soo cayriyeen waxaa kale oo laga soo cayriyay tuulooyinka kala ah al-Zubayr, al-Axsaa.

Al-Xuraym oo ahayd tuuladii uu aabihii ku noolaa oo uu in mudo ah joogay. Ayadiina waxaa laga soo cayriyay markii uu ka alifay kitaab uu ugu yeeray KITAABU TOWXIID oo uu dadkii oo dhan ku sheega gaalo asaga mooyee iyo wixii raaca, culimadii islaamka ee wakhtigaasna wax naqdisay waxaa ka mid ahaa walaalkiis sulaymaan oo ahaa caalim diidta si fiican u bartay walaalkiisna wuu u nasteexeeyay

Wuxuu markii danbe u soo cararay al cuyayna taariikhdu marakay ahayd 1744 wuxuuna la kulmay amiirkii magaalada oo la oran jiray cusman ibnu nasir ibnu macmar wuxuuna u ogoladay in uu fikradiisii faafiyo.

Markuu in mudo ah joogay ayuu maalintii danbe wuxuu magalada ku dilay gabar markii la waydiiyayna wuxuu jawaabay in ay zino u qiratay taasna waxay meel ka dhac ku tahay shareecada islaamka, maxaa yeelay qof hadii uu danbi galo waa in la horkeeno xaakim, markaas ayuu xaakimku sharciga ku qaadayaa waxay culimadii islaama iyo dowladuba u arkeen arin halis ku ah umada islaamka ugubna ku ah oo aan waligeed lagu arkin.

Boqorkiina waxaa amar soo siiyay boqorkii al axsaa oo ay tuuladana hoos imanaysay, amarkan wuxuu ahaa in uu dag dag magaalada uga saaro ninkaas amarkiina wuu qaatay oo ciidamo ayuu ku daray si uusan magaalada ugu soo laaban. la soco todobaadka danbe heshii muxamad bin cabdiwahab iyo amiirkii darciya.

Qeybta 1aad

Wahaabiyada
Wahaabinimo Mise Islaamnimo..?

Sheikh Maxamad bin Cabdiwahab
Qeybta |1aad

Asbuucii hore ayaan waxaan ballan qaaday inaan asbuucan soo saaro qormo aan kaga hadlayo waxa loo yaqaan “Wahaabiyada” ma dhabbaa mise waa dheelalaw. Markii aan arrinkaas ballan qaadayey waxaan damacsanaa inaan ka hadlo, kaliya, jiritaanka iyo jiritaan la’aanta “wahaabiyah” hase yeeshee waxaan gadaal ka go’aansaday in aan qormada balaadhiyo, anigoo ka dhigaya labo ilaa saddex maqaal oo soo kala horreeya.

Kan ugu horreeya waxaynu ku eegaynaa arrimaha soo socda:

  1. Yaa magacan bixiyey? Yaase loo bixiyey?
  2. Maxaa loola jeedaa magaca “wahaabiyah”?
  3. Maxay dunida islaamku, gaar ahaan Jaziiradda carabtu ku sugnayd markay bilaabanaysey dacwadii Sh. Muxammed Cabdilwahaab?

Maqaalada soo socda iyagu waxay ka hadlayaan arrimaha soo socda:

  • Mabaadi’dii dacwadiisa? Mase jiraan wax cusub oo uu la yimid?
  • Yaa ka horyimid maxaase looga horyimid?
  • Culumadii taageerada iyo bogaadinta siisay
  • Saamaynta dacwadiisa Dunida Islaamka iyo Soomaaliya
  • Gabagabo

1.| Yaa Magacan Bixiyey..? Yaase Loo Bixiyey..?

Magaca “wahaabiyah” wuxuu markii ugu horreysey soo baxay bartamihii qarnigii 18-aad e miilaadiga, oo ku aaddan qarnigii 12-aad e Hijriga[1]. Waxay ahayd markii ay Jaziiradda Carabta ka soo baxday dacwadii uu hoggaaminayey caalimkii Reer Tamiim ee Muxammed bin Cabdil wahaab.

Caalimkaasi waxa uu ahaa hoggaamiye aad isugu hawlay wax weyna ka qabtay islaaxinta iyo hagaajinta Ummadda Islaamka oo runtii xaaladdeedu, sida aynu gadaal ka sheegi doono, ay ahayd mid in badan laga baroorto.

Waxa uu raad aan la illaawikarin iyo saamayn aan yarayn ku reebay dhammaan dhaq-dhaqaaqyadii islaaxinta iyo baraarujinta ee isaga ka danbeeyey, si gaar ahna wuxuu wax uga qabtay Jaziiradda Carabta, oo uu ka aasaasay dawlad ku garab istaagtay dacwadii uu wadey. Maanta waxaynu dhulkaas ku arki karnaa raadkii uu sheekh Muxammed kaga tagey.

Markii ay dacwada sheekhu soo baxday waxay dadku u qaybsameen labo kooxood oo aad isaga soo hor jeeda.

  1. Qolada koowaad markii ay arkeen dacwadan khayrka qabta ee uu sheekhu ku baaqayo, iyo sida loogu baahanyahay, isla markaana ay ogaayeen xaaladdii ay Ummadda Islaamku ku sugnayd intii aanu sheekhu dacwadiisa bilaabin, iyo baahidii isbeddel loo qabey; ayay waxay yidhaahdeen ahlan wa sahlan.

Way taageereen wayna difaaceen. Waxaana ka mid ahaa culimadii dunida Islaamka ugu caansanayd, oo aynu gadaal ka sheegi doonno magacyadooda iyo siyaabihii kala duwanaa oo ay u garab istaageen. Waxaana ka mid ahaa culimo soomaaliyeed oo aynu iyana sheegi doonno.

  1. Qaarka labaad waxay ahaayeen:

Ashraaftii markaas xukuntey Labada Xaram iyo amiirro iyo odayaal dhaqameedyo ay iyaga u kala qoqobnayd Jaziiradda Carabtu, oo iyagu u arkay in kacdoonkani halis ku yahay awoodooda iyo imaaradihii ay haysteen.

Kooxihii suufiyada oo iyagu halkaas ku haystey dariiqooyin aad u xoogbadan, masuuliin iyo horjoogayaalna ka ahaa qubuurihii halkaas lagu “caabudijirey”, qubbadihii iyo mazaaraadkii, kuwaas oo dadka ugu sheekayn jirey inay iyagu yihiin awliyo u dhexaysa iyaga iyo Ilaahood.

Kooxo culimo ahaa oo u tacasubayey [ku mintidayey] madaahibta, una arkayey in sheekhu halis ku yahay madaahibtooda.

Quwadihii gumaysiga oo iyaguna markii danbe si toos ah uga hor yimid isbeddelkii iyo dhaqdhaqaaqii sheekhu horseeday, una arkay baraarug si degdeg ah ugu faafaya Ummadda Islaamka, khatarna ku ah danahooda gumeysi.

2.| Magaca Wahaabiyah Xagguu Ka Yimid..?

Awoodahaas oo idil ayaa waxay isku kaashadeen sidii ay u hor istaagi lahaayeen dacwadan curdanka ah. Waxayna ku dadaaleen inay dadweynaha iyo caamada gacanta ku dhigaan, ayna kala dhex istaagaan baraaruggan cusub iyo dadweynaha.

Waxay arrintaas u adeegsadeen wax walba oo ay awoodi kareen.

Waxay dadka ugu sawireen in uu sheekhu yahay mid diinta beddelaya, isla markaana keenaya waxyaabo cusub oo aan horay loo aqoon. Waxay arrintaas uga faa’iidaysteen jahligii tirada badnaa ee geyigaasi daboolay. Waxay sheekha iyo Dacwadiisii u bixiyeen magacyo cusub oo ay dadka kaga cayrinayaan, sida “WAHAABIYAH” iyo “KHAWAARIJ”.

Waxay qoreen buugaag iyo dhanbaallo farabadan oo ay dadka uga digayaan baraaruggan cusub. Waxay falkiyeen dicaayado iyo sheekooyin aan jirin. Waxay ku ceebeeyeen masalooyinkii sunnada iyo tawxiidka ee uu sheekhu dadka ku bararujinayey, iyagoo ka dhigay masalooyin gaar u ah “Wahaabiyo” iyo “Bidco”.

Xaqiiqaduse waxay ahayd mid taas aad uga fog. Dacwadani waxay ahayd mid dadka ugu yeeraysey inay diintooda dib ugu laabtaan, iyadoo Islaamka laga sifaynayo shirkiyaatka, bidcooyinka, khuraafaatka iyo ku mintididda madaahibta ama tacasubka.

Isagoo arrintaas wax ka tilmaamaya caalimka Reer Suuriya ee aadka looyaqaan, barahana ka ah Kulliyadda Shareecada ee Jaamacadda Dimishiq Dr. Wahbah Al-Zuxeyli wuxuu yidhi:

“Haddii uu hadlo mid naseexaynaya, ama uu danqado nin daacad ah, ama uu istaago mid qiiraysan oo difaacaya sharciga Ilaahay, isla markiiba waxay caamada iyo wax ma garatadu –waana inta badane- ku tuhmayaan inuu diintiiba ka baxay ama uu gooni u baxay ama uu dabadhilif u yahay qolo kale, iyaguna waxay is moodayaan inay diintii saxda ahayd ku taaganyihiin, ama ayba hor joogayaal iyo waardiye u yihiin”[2]

Waxay xoogga saareen in ay hirgeliyaan magaca “wahaabiyah” si sheekha iyo kacdoonkiisa islaaxa ahiba ay u noqdaan wax ummadda inteeda kale ka duwan.

Magaca “wahaabiyah” waxay ka soo qaateen laba meelood mid kood:

  1. Waxaa jirtey koox la odhanjirey “wahaabiyah” oo qarnigii labaad ee hijriga kasoo baxday waqooyiga Afrika, halkaasoo uu ku aasaasay Cabdurraxmaan bin Cabdulwahaab bin Rustum (dhintay 190 h).

Kooxdani waxay ahaayeen koox khawaarij ah, Ibaadiya ah, dadka muslimiinta ah oo dhanna ku gaalnimo xukmiyey isla markaana dagaal hubaysan ku qaaday.

Culimada Maqrib iyo Undulus waxay ku xukumeen baadinimo iyo lunsanaan. Waana kooxdaas tan aad ku arkaysid kutubta culimada Reer Maqrib [Waqooyi Afrika], sida kitaabka “Al-Micyaar”.[3]

  1. In laga soo qaatay magaca sheekha aabihiis “CabdulWahaab”

Isagoo markale xaqiiqadaas qeexaya waakan caalimkii Reer Suuriya Ustaad al-Zuxeyli:

“Dadaalkii adkaa ee uu Ibnu Cabdulwahaab u galay mabda’a tawxiidka, iyo sidii uu mujtamaca muslimka uga nadiifinayey shirkiga iyo Bidcada, ayaa waxaa isaga iyo kuwii raacsanaa lagu magacaabay (al-Muwaxidiin) ama (Ahlu tawxiid) … (Ahlu al-firqah annaajiyah) kuwii ka soo hor jeedayna waxay ku magacaabeen (wahaabiyiin) iyagoo sheekha ugu abtirinaya.

Magacan danbe ayaana dadka ku dhex faafay… gaar ahaan Reer Yurub. Qaarkoodna wayba gafeen oo dhaqdhaqaaqan isbeddel doonka ah ayay waxay ka dhigeen mad-hab cusub oo madaahibta islaamka ka mid ah, iyagoo iska raacay been abuurkii cadawga sheekha, gaar ahaan Turkidii Cusmaaniyiinta. Qaarbaaba yidhi waa (khawaarij), qaarna waxay kala mid dhigeen (Raafidada shiicada) iyo (Baabiyada)”[4]

Sheekha iyo ardaydiisii toona iskuma aanay magacaabin “wahaabiyah” mana aanay ku xusin kutubtooda iyagoo isugu yeeraya.

Waxaa kale oo xaqiiqa ah in magacani aanu si ballaadhan u faafin intii uu Sheekhu noolaa, xataa mustashriqiintii (culimadii Reer Galbeedka) sheekha la casriga ahaa ma aanay isticmaalin. Inta la ogyahay xagga Reer Galbeedka waxaa ugu horreeyey cid magaca “wahaabiyah” isticmaasha ninkii ingiriiska ahaa ee Barley Hurt ee qoray buugga “a New Religion” 20 sano ka bacdi dhimashadii sheekha Allah ha u naxariistee.

Run ahaantii ma aanay jirin wax sabab ah oo ay magac cusub ku qaataan, maxaayeelay dacwadii uu sheekh Muxammed bin CabdulWahaab ku baaqay may ahayn mid cusub ee waxay ahayd tii uu Nabi Muxammed (SallAllaahu Caleyhi wasallam) dadka ugu baaqayey, culimada islaamka oo mujaddidiinta ahina ay marwalba kusoo celcelin jireen. Ulama jeedo inay khaladka ka dhawrsoon yihiin ee way dhicikartaa in sheekha iyo ardaydii wax ka baratayba ay gefaan, maxaa yeelay qofwalba wuu gefi karaa. Nabiyada uun baana macsuum ah (c.s.).

Haddii markii sheekh caalim ah uu soo boxo, oo dadka ugu yeero inay diintooda si dhab ah ugu laabtaanba aynu magaca sheekhaas ka dhigno firqo hor leh, bal qiyaas! Immisa firqo oo isku mid ah haddana kala duwan ayaynu maanta hayn lahayn?

Nabigu (S.C.W.W) wuxuu inoogu bishaareeyey in boqolkii sanaba la heli doono cid ummadda diinteeda u cusboonaysiisa[5]. Boqolkii sanaba ma koox iyo magac horlaa? Mise diintu waa diintii, ninkii dadka ugu yeerana waa mid ka mid ah culimada islaamka?

Haddaba waxaa muuqata in aanu gar ahayn magaca “wahaabiyah”, isla markaana aanay ahayn firqo cusub iyo dariiqo cusub midna. Waxaa intaas weheliya in magacani uu yahay mid ay bixiyeen oo baahiyeen kooxihii liddiga ku ahaa dacwadii sheekha, dano gaar ahna ay ka lahaayeen.

Waxaa kaagasii daran, in kooxahaasi magacan caamada uga dhigeen meel bahala galeen ah, iyo kiish lagu uruuriyo wax kasta oo dadku necebyihiin.

Waxaa iyana waayadan danbe ciyaarta soo galay Maraykanka iyo Reer Galbeedka uu horkacayo, oo isku dayeya inay magacan “wahaabiyah” u adeegsadaan sida “argagixiso” “asal raac” “xag-jir” iyo dhammaan tilmaamaha ay ugu yeeraan dadka ay necebyihiin.

3.| Maxay Dunida Islaamku, Gaar Ahaan Jaziiradda Carabtu Ku Sugnayd Markay Bilaabanaysey Dacwadii Sheekh Maxamed Cabdulwahaab..?

Dhammaan taariikh yahannada marxaladdaas wax ka qoray, muslin iyo gaalaba, waxay isku raacsanyihiin inay ahayd mid uu qarsoomay wajigii qurxoonaa ee islaamku. Jahligii, dib u dhicii, dulmigii, shirkigii, bidcooyinkii iyo dhammaan waxa mugdi qaamuuska ku qoran ayaa bulshadaas ku habsaday. Cadawgoodii ayaa usoo bareeray, waxayna noqotay ummad tiir iyo tacabba beeshay.

Bal si aynu wax uga sawiranno waxaan hadalka u deynayaa sheekh weyn oo ka mid ah culimada aadka looga yaqaan Jaamacadda Azhar, Shaam iyo dunida islaamka oo dhan, waa Sheikh Muxammed Cali Tantaawi. Isagoo ka hadlaya sidii xaaladdu ahayd markii sheekhu yimid wuxuuna yidhi:

 “Dadku waxay aamineen in ay wax u qaban karaan, Rasuulka iyo saalixiintu, qubuuraha iyo geedaha, qubbadaha iyo mawlacyada, iyaga ayay baahidooda weydiisanjireen, xilliga dhibaatadana xaggooda ayay u laaban jireen, waxbay u nadrijireen, xoolaha ayay u gawricijireen, weyneynta mawtida iyo dadka dhintay ayaa aad u badatay.

Najdi [halkii sheekhu dacwada ka bilaabay] iyadu jaahiliyadan cusub qayb libaax ayay ka qaadatay. Waxaana isugu darmaday jahli, badawnimo, faqri iyo tafaraaruq. Tuulo walba waxaa haystey amiir aan cid kale waxba u oggolayn. Imaarad walba waxay iska lahayd “qabri” ay dhiseen, ama “geed” qisooyin laga wariyo, oo uu horjooge ka yahay qorya-is-maris shaydaan ah, oo dadka u qurxiya uguna yeera inay qabrigaas xoolaha ku gawracaan, ayna barakaystaan”

Wuxuu sheekh Tantaawi sheegay “geed” halkaas lagu barakaysan jirey oo magaceeda la yiraahdo “waraabaley”. Wuxuu kaloo ka warramay qabrigii “Zeyd bin Khadaab”

Deetana wuxuu yidhi: “Culumadu aad bay u yaraayeen, madaxduna kuwo dulmi badan bay ahaayeen, dadkuna fowdo qaarba qaarka kale ku duulo ayay ahaayeen, ninba ninkuu ka xoog badanyahay uu cuno.

Bii’ada iyo deegaanka caynkaas ah ayuu ku barbaaray Sheekh Muxammed, markaasuu wuxuu arkay qorraxdii Islaamka oo sii dhacaysa, mugdigii gaalnimaduna soo siqayo.

Ilaahay baa khayr la doonay, oo ka dhigay mid ka mid ah kuwii Nabigu (s.c.w.w) ku bishaareeyey inay boqolkii sanaba mar soo baxayaan oo dadka diinta u cusbaysiinayaan”[6]

Sidaas buu sheekh Cali al Tantaawi ku tilmaamay jawigii ka horreeyey soo bxitaankii dacwadii sheekha.

Way badanyihiin qoraalada taariikheed ee ka warramaya marxaladdaas iyo sidii ay dadka muslimiinta ahi uga fogaadeen ruuxda diintooda.

Dhawaaq aad u dhiirran, iyo go’aan geesinimo iyo waafajin rabbaaniya wata buu ahaa, oo dadka ugu baaqayey inay dib ugu soo laabtaan diintooda oo saafi ah, ayna ka tagaan waxyaabaha diinta lagu kordhiyey, oo bilicdeedii kala dhantaalay.

Ilaahay ma qaddarin, lakiin haddii ay dhicilahayd in aan la heleen dacwadii sheekha, waxaa hubaal ah in dunida islaamku ay maanta ka liidan lahayd heerka ay marayso, ama wayba lumi lahayd. Rajada lagu qabo saxwada iyo baraarugga islaamkuna meeshaba ma taaleen.

______________________________________

[1] Wuxuu Sheekh Muxamed bin Cabdul Wahaab dhashay 1115h oo ku aaddan 1703m, wuxuu dacwada bilaabay 1153h oo ah 1740m, wuxuuna geeriyoodey 1206h oo ku aaddan 1792m, isagoo  Ummadda Islaamka uga tagey baraarug wax ku ool ah oo uu dhisayey muddo ka badan 50 sannadood. Ilaahay ha u naxariisto sheekh Muxammed.

 مُجـــــدِّد الدِّينْ في القَرن الثاني عشــرْ تأليف د- وهْبَة الزُّحَيلي  (*)

تأليف : أحمد بن محمد الونشريسي المتوفى عام 914 هـ ، بفاس بالمغرب  المعيار المعرب في فتاوى أهل المغرب  (*)

مُجـــــدِّد الدِّينْ في القَرن الثاني عشــرْ تأليف د- وهْبَة الزُّحَيلي  (*)

جاء في سنن أبي داود – رحمه الله تعالى – وفي غيرها من كتب الحديث الشريف ، قول الرسول الكريم صلى الله عليه وسلم  (*)

( إن الله يبعث لهذه الأمة على رأس كل مئة سنة ، من يجدد لها دينها)  (*)

((على الطنطاوي في كتابه (( محمد بن عبد الوهاب (*)

Qeybta 2aad

Wahaabiyada
Wahaabinimo Mise Islaamnimo..?

Sheikh Maxamad bin Cabdiwahab
Qeybta |2aad

Anigoo tixraacaya qoraalkii hore ee isla mowduucan, ayaan waxaan qormadan kaga hadlayaa laba qodob oo kala ah:

  1. Mabaadi’dii dacwadii sheekha ? Mase jiraan wax cusub oo uu la yimid?
  2. Yaa ka horyimid maxaase looga horyimid?

Waxaanse jeclaan lahaa, inta aynaan ka hadlin mabaadi’dii ay ku dhisnayd dacwadii uu sheekh Muxammed bin Cabdulwahaab ku baaqay, in aan waxyar tilmaamo mashaakilkii uu la halgamayey iyo buktooyinkii bulshada markaasi haystey.

Waxaynu qormadii hore kusoo qeexnay xaladdii ay ummadda Islaamku ku sugnayd markii uu sheekhu halgankiisa bilaabay.

Waxaynu odhankarraa ma jirin cudur ku dhaca bulsho oo aan ummadda maalintaasi haysanin. Waxay ahayd waqti uu qarsoomay wajigii bilicda samaa ee Islaamku.

Haddaba isagoo sheekhu taas ka duulaya, doonayana inuu dadka kusoo celiyo waddadii toosnayd ee uu Ilaahay u falay, ayuu wuxuu sheedda sare ka eegay cudurradii bulshada haystey, waxayna ugu muuqatay in ay khasabtahay in duulaan lagu qaado xanuunada ay ka midka yihiin:

Shirkiga: oo si weyn u xidideystey, iyadoo awliyada iyo saalixiinta wax la biday, qubuurihiina ay isku beddeleen goobo cibaado. Waxaa qubuuraha lalasoo beegsan jirey cibaadooyinka ay ka mid yihiin: baryada, dawaafka, gawraca, shardiga ama nadarka, waxaana isku khaldamay masaajiddii iyo qubuurtii. Iyadoo masjidwalba wadaad lagu dhex aasay, qabri walbana masjid laga dul taagey.

Bidcada: Waxaa dadka isaga gedmaday sunnadii iyo bidcadii. Waxaa iyana la illoobey ilihii [masaadirtii] diinta laga qaadanjirey. Iyadoo aan wax aqoon ah loo lahayn culuumta kitaabka iyo sunnada.

Suufinimo: Waxaa si aan caadi ahayn u faafay dariiqooyinka suufiyada oo iyagu dhibaatooyinkaas ummadda ku habsadey ka ahaa garwadeenno. Iyadoo ka baddalan suufiyadii qarniyadii hore oo runtii lahayd dhinacyo wanaagsan oo loo tiriyo; ayay dariiqooyinkii xilligaasi waxay isu rogeen kuwo u dhexeeya aadamaha iyo Ilaahii uumay. Ama saasay dooneen.

Tacasubka: U tacasubidda iyo ku mintididda madaahibta ayaa waxay gaartey heer aan horay loo arkin. Tafaraaruq iyo kala fogaansho ayayna bulshada dhex dhigtay, waxaana dhacday in aanay is guursanjirin Xanafiyada iyo Shaaficiyadu. Waxay gaartey in masjidka Xaramka afarta mad-habood mid walibaa markeeda ku tukato.

Jahliga ayaa isna gaarey heer la kala garan waayey saxdii iyo khaladkii, sunnadii iyo bidcadii, munkarkii iyo macruufkii. Waxaa aad u faafay curraafaysiga iyo kooxaha cilmiga waxyaabaha dahsoon sheegta. Culimadii iyo xerihii markaas cilmiga raacanjirey ayaa badankoodu iska daayeen culuumtii labada waxyi, wuxuuna dadaalkoodu kusoo uruuray in ay daraaseeyaan kutubtii madaahibtooda.

Kitaab “mudawwal” ah[fidsan] soo gaabintiisa, mid “mukhtasar” ah [gaaban]  sharixiddiisa ama gabay u baddiliddiisa, mid horay loo sharxay sii faahfaahintiisa ama “xawaashi” saaristiisa ayaa shuqul u noqotay, halkii ay ka daraasayn lahaayeen cilmiyada Quraanka iyo Sunnada. Waxaa yaraa caalim oranaya: “anigu toos ayaan waxyiga wax ugasoo qaadanayaa”

1.| Mabaadi’dii dacwada Sheekha, mase jiraan wax cusub oo uu keenay…?

Isagoo haddaba xal u raadinaya mashaakilkaas ayuu sheekhu ku dhawaaqay dacwadiisii islaaxa iyo sixitaanka ahayd. Wuxuuna ku saleeyey afar qodob ama mabda’ oo ay dacwadiisu ku qotontey:

Mabda’a 1-aad: 

In Tawxiidka la barax tiro, cibaadadana dhammaanteed Rabbi lala beegsado. Dhammaan dadkii markaas joogey waxay ku dhawaaqayeen “kalimadda tawxiidka” haddana sidaasoo ay tahay qaar badan ayaan macnaheeda fahmayn, oo falayey waxyaabo burinaya kalmaddaas.

Waxaa caadi noqotay in “tawxiidka” lagu fasiro: “Qiritaanka jiritaanka Rabbi” iyadoo cibaadooyinkii uu Rabbi gaarka u lahaa loo weecinayo “awliyada” iyo “saalixiinta”.

Wuxuu sheekhu dadka u sheegay in tawxiidka macnihisu aanu ku koobnayn in la ogaado Khaaliqnimada Rabbi ama jiritaankiisa. wuxuu yidhi: Tawxiidka waxaa soo hoos galaya saddex arrimood oo kala ah:

  1. In la qiro midnimada khaaliqa uunka oo idil abuuray, lana ogaado in isaga oo kali ahi uu leeyahay maamulka iyo maaraynta.  Wax walba oo adduunka ka dhacana sida abuuridda iyo ahaysiinta, irsaaqadda, noolaynta, dilista, maamulka iyo mulkigaba in uu isagu leeyahay. Kaasi waa qiritaanka rabbinimada Ilaahay.
  2. In ilaahay loo qiro dhammaan “magacyada” iyo “tilmaamaha” uu leeyahay ee ku sugnaaday Quraanka iyo Sunnada. Wuxuu yidhi: waa in Ilaahay lagu tilmaamo wixii uu isagu isku tilmaamay, sida sarrayntiisa, gacnihiisa, wajigiisa iwm. Waxaa reebban in loo raadiyo macne aan ahayn kan ay kalmadahaasi leeyihiin. Tacttiilka, ta’wiilka, takyiifka iyo in Ilaah cid kale lagu shabbaho ayaa iyana reebban.
  3. Tawxiidka qaybtiisa saddexaad ayaa iyana ah: In cibaadada ka imaanaysa xagga aadamaha lagu gaar yeelo Ilaahay . Cid aan Ilaahay ahayn wax cibaadada ka mid ah, haba yaraatee, lama siin karo. Baryo, gawrac, cabsi iyo rajeyn toona Ilaahay lalama wadaago.

Kala caddayntaas iyo qeexitaankaas hufan ee tawxiidku waa kan ay ilaa hadda fahmi la’yihiin kooxaha sida gurracan u fakara ee dariiqooyinku.

Mabda’a 2-aad:

In fahamka diinta laga qaato Salafkii [saxaabadii iyo taabiciintii] islaamkana loo qaato sidii ay iyagu u qaateen, Quraanka iyo Xaddiiskuna ay noqdaan meesha daliilka loo raadsanayo.

Taasi waxay ahayd muhiim, maxaayeelay waxaa yaraaday aqoontii loo lahaa kitaabka iyo sunnada, waxaana dadka ka qaalib noqotay barashada waxyaabo kale oo aan muhiim ahayn, ama aanba bannaanayn. “Falsafadda” iyo “mandiqa”  ayaa noqday kuwo caqiidada lagu saleeyo.

Xagga “fiqhiga” ayaa wuxuu kusoo ururay kutub “hadal miiran” ah oo aan wax daliil ah la cuskinayn. Waxaa la illaawey caqiidadii Ahlu-sunnaha, waxaa in badan laga inxiraafay fahamkii Rasuulka (sallallaahu caleyhi wasallam) iyo saxaabada. Xagga xadiiska waxaa is dhex galay “saxiixii iyo daciifkii”. Haddaba waxay ahayd muhiim in diinta la saafi yeelo, dadkana loo celiyo “kitaabka iyo sunnada” oo sidii ay “salafku” u fahmeen ah.

Mabda’a 3-aad:

In la tuuro oo laga tago “bidcooyinka” siday u dhanyihiinba. Qodobkani wuxuu ahaa midkii ugu adkaa xagga dhaqan gelinta. Waxaana arrintaasi sii bari taarayey jahliga iyo faafitaanka bidcooyinka oo aad u xoogganaa. Waxaa ugu darnaa bidcooyinka xagga caqiidada oo iyagu shirki dabada ku haya.

Kuwa la xiriira qubuuruhu waxay ahaayeen kuwo aad u baahsan isla markaana khatar ah. Mawliidyada ayaa tiro dhaafay oo sheekh walba oo wali la moodo wuxuu iska lahaa mawliid isaga lagu xuso. Waxaa jirey qaar fiqiga wax ka bartay oo dadka u jideynjirey ama u sharciyeynjirey bidcooyinkaas iyagoo ugu sheegaya “Bidcah xasanah” ama bidco wanaagsan.

Haddaba sheekhu wuxuu soo jeediyey “in bidco oo dhami ay tahay baadinimo”, sideedana aanay jirin bidco wanaagsan. Wuxuuna arrintaas u daliishaday axaadiista Rasuulka (s.c.w.)

Mabda’a 4-aad:

In ijtihaadka albaabada loo furo. Taasna wuxuu uga gollahaa in laga tago tacasubka madaahibta sida miyir la’aanta ah loogu tacasubayo. Waxaa la xooray culuumtii labada waxyi oo waxaa lagu beddeshey hadallo wadaaddo yiraahdeen. Wuxuu dadka ku yidhi: Kitaabka Allah iyo sunnada suubanaha (s.c.w.) toos u aada, axkaamtana kasoo qaata. Taasina khayr aan la filayn baa ka dhashay oo ah in dadkii u jeesteen barashada cilmiga dhabta ah. Waxaana soo baxay culimmo mujtahidiin ah.

2.| Wax Cusub Miyuu La Yimid Sheekhu..?

Waxaa mabaadi’daas ay ku dhisnayd dacwada sheekhu inoo muujinayaan in baaqiisu uu ahaa “cusboonayn” ee aanu ahayn wax “cusub” oo hor leh. Wuxuu baaqaasi cusboonaysiinayey mabaadi’dii islaamka ee asliga ahaa, ee uu rasuulkeennu (s.c.w.) awalba horay u caddeeyey. Wuxuu dadka u celinaysey fahamkii saxaabada iyo salafka. Mana aanay jirin haba yaraatee wax dacwadiisa ku cusbaa.

Awal buu Rasuulku (s.c.w.)  horay usii sheegay in Ilaahay qarni walba ummaddan usoo bixinayo cid diinteeda boorka uga jafta.

Bal haddaba intaad dib ugu laabatid mabaadi’da aynu kor kusoo xusnay waxaad ka raadisaa wax diinta ku cusub. Heli maysid.

Sheekh Zuxeyli (caalimka reer Suuriya) wuxuu yidhi: “Waxaan shaki lahayn in dacwada sheekhu ay ahayd mid cusboonaysiinaysey nolosha muslimka, kana xayuubinaysey wixii ay caamadu dul saareen ee khilaaf, khuraafo, bidco iyo qallooc ahaa.

Sidaas darteed sheekhu wuxuu ahaa: Halyeygii kacdoonka islaaxa ee la sugayey, kaasoo soo ban dhigay miisaankii caqiidada oo sax ah, iyo dhabtii tawxiidkii khaaliska ahaa, iyo in cibaadadu ay tahay tawxiidka. Wuxuuna doontii u jeediyey halkii ay ka timid iyo ku dhaqanka quraanka iyo sunnada”

Isagoo sii caddaynaya inaan dacwadan wax cusubi ku jirin wuxuu (Zuxeyli) yidhi: “Haba yaraatee wax cusubi kuma aanay jirin dacwadaan, wixii uu dadka ugu baaqayna ma ahayn wax cusub, Islaamkana wax cusubi maba soo geli karaan, oo waa waxyi iyo axkaam xag Alle Nabiga (s.c.w.) loogasoo dhiibey. Markii uu geeriyoodayna ummaddiisa waxaa u furnaa inay raadkiisii raacaan oo kaliya, sunnadiisiina ay ku dhagaan”.

Markii laga yimaado Rasuulka (s.c.w.) wuxuu sheekhu ka dab qaadanayey mujaddidiintii hore ee soo maray taariikhda Islaamka. Wuxuu si gaar ah kutubtooda u daraaseeyey: culimadii Salafka, Imaam Axmed, Sheikhul Islaam Ibnu Taymiyah, Al- Xaafid Al-Muzzii, Ibnu Kathiir, Addahabii, Ibu Qayimul Jawziyah, Ibnu Cabdil Haadii, Ibnu Rajab Al-xanbalii iyo kuwo kale oo fara badan.

Yaa ka hor yimid, Maxayse uga hor yimaadeen..?

Maqaalkii hore ayaynu kusoo qaadnay in dadku ay dhawr qaybood u qayb sameen markii uu sheekhu dacwadiisa ku dhawaaqay. Qaar ayaa soo dhaweeyey kooxana waa ay ka joogsadeen.

Kooxahaasi si aan naxariis lahayn ayay uga hor yimaadeen dacwada sheekha, waxayna isku dayeen in ay xididada u siibaan inta aanay qaan gaarin.

Kooxahaas oo dhan waxay ahaayeen kuwo danahooda ilaashanaya.

Tusaale ahaan kooxaha suufiyada oo iyagu ka qaraabanjirey qubuuraha iyo u adeeggooda waxay u arkeen in haddii ay dacwadani faafto, ay waayi doonaan nacfigii ay qubuuraha ku haysteen, dadkuna uu ka dul dareeri doono.

Waxay kaloo qoladaas danwadaag ahaayeen kuwii amiirrada ka ahaa gobollada kala duwan e Jaziiradda, oo u arkay in dacwadani maja-xaabinayso xukunkii ay haysteen. Turkiga oo dunida Islaamka markaasi xukumey, ayaa iyaguna u arkay in dacwadani ay baraarujinayso dadka carbeed oo markaas ay habbiso saarnayd.

Dawladda Ingiriiska ayaa iyaduna si ula kac ah ugu qaadday dagaal dicaayad iyo dira-diraale ah. Waxa la yaab leh sida ay u kala yaqaaniin cidda diinta sida saxda ah u haysata oo ay duullaan ku qaadaan, iyo kooxaha bidcoolayaasha ah. Waxaan marnaba la hilmaami karin sidii diirranayd ee Ingiriisku u abuuray una soo dhaweeyey kooxaha sida “Qaadiyaaniyah” iyo “Baabiyah” oo iyagu ah kooxo gaalo ah, islaamkase ku gabbada.

Waxaynu maqaalka ugu danbeeya kaga hadli doonnaa:

  • Culumadii taageerada iyo bogaadinta siisay dacwadii sheekha.
  • Saamaynta dacwadiisa Dunida Islaamka iyo Soomaaliya, oo aynu soo gudbinayno caalim soomaaliyeed oo waagaas joogay kana hadlay dacwadaas, iyo raadkii ay dacwadaasi ku reebtay boqortooyadii Bariga Soomaaliya.
  • Gabagabo

Qeybta 3aad

Wahaabiyada
Wahaabinimo Mise Islaamnimo..?

Sheikh Maxamad bin Cabdiwahab
Qeybta |3aad

“Waxaan hadda horatayda ku hayaa 80 ka mid ah culimada islaamka, dhammaantoodna wax ka qoreen oo taageereen shiikha. Siddeetankaas caalim kuma jiraan culimada reer Najdi [halkii shiikhu joogey], ama kuwa lagu tilmaamo inay yihiin “wahaabiyiin”, ee waa culimo islaam oo ka soo jeeda daafaha dunida islaamka, iyo madaahibta iyo tayaaraatka fikriga ah ee kala duwan”

  • “Wuxuu dadka ugu baaqay kitaabka Alle iyo sunnadii uu la yimid Daha (scw), Nabigii Alle ee runta badnaa” Showkaanii
  • “waxaa i farxad geliyey manhajkiisa waxaanna moodayey in aan dariiqan kaligay ku ahay” Sancaani
  • “Wuxuu kula ballamay in uu ka tago munkaraatka iyo qubuuraha la baryayo” Jabartii
  • “Beentii Daxlaan faafiyey baa shiikha igu dirtay markii hore” Rashiid Ridaa

Culumada Islaamka iyo Ina Cabdiwahaab

Runtii ma doonayn in qormooyinkani ay noqdaan kuwo taariikheed, hase yeeshee “far baa tog ila xushay” oo qodobba qodob ayuu ii dhiibey.

Qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa bal falceliska ay culimada islaamku kaga jawaabeen baaqii shiikha iyo wixii ay ka yidhaaheen.

Maxay culimada Islaamku ka yidhaaheen dacwadii Sh.Muxammed Cabdiwahaab?

Haddii arrin laga doodayo ama la isku qabto, waxaa marka hore loo bandhigaa daliilka sharciga iyo tusmaynta caqliga. Markii labadaasi la soo dhaafo waxa ugu wanaagsan oo wax lagu caddeeyaa waa markhaatiga dadka wax garanaya. Haddii intaasi is kaashadaanna xaqqa iyo xaqiiqada ayaa caddaada.

Waxaynu haddaba soo hoga-tusaalaynay mabaadi’dii uu ka anba qaaday Sh. M Cabdiwahaab, waxaana inoo haray inaynu ogaano: Maxay ka yidhaaheen Culimadii Islaamka ee wakhtigaas joogey iyo kuwii ka danbeeyey? Miyay ku markhaati fureen mise way u markhaati fureen?

Runtii haddaan isku dayo inaan soo guuriyo dhammaan wixii culimadu ka yidhaaheen Sh. Muxammed iyo dacwadiisa hadalku waa ila dheeraanayaa, waxayna arrintu isu rogaysaa diiwaan qorid iyo taariikh dhigid, taasina waa wax aanan qoraalladan uga dan lahayn.

Waxaan odhan karaa ma jirto dacwo ama shakhsi waayadaan danbe soo baxay oo wax looga qoray sida Sh. Muxammed wax looga qoray. Waxaa wax ka qoray boqollaal iyo boqollaal ku kala firiqsanaa daafaha dunida islaamka iyo xataa galbeedka.

Haddaba inkastoo ay jireen kooxo ka soo hor jeeday sheekha iyo dacwadiisaba; haddana badiba culimadii islaamku way u riyaaqeen oo hanbalyeeyeen dacwadii sheekha. Qaar kalana si cilmi iyo aadaab leh ayay shiikha ugala doodeen qaar ka mid ah mawaaqiftiisa.

Waxaan hadda horatayda ku hayaa 80 ka mid ah culimada islaamka, dhammaantoodna wax ka qoreen oo taageereen shiikha. Siddeetankaas caalim kuma jiraan culimada reer Najdi [halkii shiikhu joogey], ama kuwa lagu tilmaamo inay yihiin “wahaabiyiin”, ee waa culimo islaam oo ka soo jeeda daafaha dunida islaamka, iyo madaahibta iyo tayaaraatka fikriga ah ee kala duwan.

Waxaynu soo qaadanaynaa dhowr ka tirsan culimadaas iyo hadalladii ay yidhaaheen:

  • Sancaani,
  • Muxammed bin Amiir Al-sancaani–Yaman.

Waa faqiih ku xeel dheeraa cilmiga xadiiska, waana sheekha qoray kitaabka “Subulus-salaam” ee uu ku sharxay kitaabkii Xaafid ibnu Xajar (a.h.n) ee “Nuluuq Almaraam”, waana caalim weyn oo aad loo yaqaan loona qaddariyo, waana sida uu Showkaani ku tilmamay “mujtahid mudlaq”.

Haddii aad akhrisid kitaabkiisa “Tad-hiirul Janaan” waxaa kuu caddaanaysa sidii uu sheekhu xoogga u saaray “tawxiidka” iyo sida uu u kala caddeeyey qaybaha tawxiidka. Wuxuu dagaal aan dabac lahayn la galay kuwii qubuuraha dul gabranaa ee sida tooska ah ama sida dadban awliyada u tuugayey.

Sheekh Sancaani oo isagu ka da’weynaa Muxammed Cabdulwahaab, ayse isku wakhti ahaayeen, ayaa waxaa soo gaarey warkii Sheekha iyo dacwadii uu dadka ugu baaqay. Markaas ayuu aad ugu riyaaqay sida ay isku waafaqeen wixii uu dadka u sheegijirey iyo waxa sheekhani sheegayo.

Wuxuu Sancaani yidhi:

“Markii ay nagu soo duushay akhbaar sheegaysa in uu gobolka Najdi ka soo baxay caalim la yidhaaho Muxammed bin Cabdulwahaab, oo ay nasoo gaareen qaar ardaydiisa ka mid ah, oo ay nooga warrameen xaaladihiisa dhabta ah, iyo sida uu ugu dadaalo Alle ka cabsiga, faridda wanaagga iyo reebista xumaanta; ayay naftaydu u hilowdey inaan gabaygan u diro sannadkii 1163h”

Wuxuu sheekhu qasiidadiisa ku muujiyey sida uu ugu farxay in uu helay cid ay isku aragti ahaayeen, isagoo yidhi:

لقد سرني ما جاءني من طريقه
وكنت أظن هذه الطريقة لي وحدي

“Waxaa i farxad geliyey manhajkiisa waxaanna moodayey in aan dariiqan kaligay ku ahay”

Wuxuuna sheekha ku tilmaamay:

  • Inuu dadka ku hanuuninayo waddadii Nabiga (sallallaahu caleyhi wasallam).
  • Wuxuu dhaleeceyey kooxaha ka soo hor jeestey, isagoo weliba ku tilmamay inaanay diinta aqoon u lahayn.
  • Inuu dib usoo noolaynayo sharcigii xaniifka ahaa.
  • In uu faafinayo cilmigii ay bidcoolayaashu qariyeen iyo in uu duminayo qubuurihii ay dadku ku aafoobeen.
  • Hadallo kale oo aad u qurxoon ayuu sheekhu sheekha ku ammaanay.

Showkaani, Muxammed bin Cali Al-showkaani-Yaman

Waa caalimkii weynaa ee reer yamaneed, ee isna la wakhtiga ahaa Sheekh Muxammed Cabdulwahaab, waana caalim aad u caanbaxay oo qofwalbaaba yaqaano. Waxaana si wacan loogu xusuustaa kitaabkiisa “Neylul Awdaar” iyo kutubtiisa kale ee tirada badan.

Showkaani wuxuu ku sugnaa caqiidada salafka, wuxuuna si weyn halgan ula galay aaminidda iyo barakaysiga qubuuraha. Kitaabkiisa “Sharxu Asuduur bi taxriimi rafcil qubuur” ayay ka muuqan kartaa wixii uu aaminsanaa.

Wuxuu kitaabkiisa taariikhda ah ee “Al-Badru ad-Daalic” si fiican uga war bixiyey dhacdooyinkii Shiikh Muxammed, markii uu geeriyoodeyna wuxuu u tiriyey gabay aad u xeel dheer oo gaarayey ilaa 100 beyt oo baroordiiq ah.

‘’Qasiidadaas oo aad u dheer aadna u macaan, waxaa mireheeda ka mid ahaa:

“Wuxuu dadka ugu baaqay kitaabka Alle iyo sunnadii uu la yimid Daha (scw), Nabigii Alle ee runta badnaa”. Kitaabkiisa taariikhda ah ee “Al-Badru ad-Daalic” ayuu isna kaga warramay marxaladihii ay soo mareen dhaq-dhaqaaqyadii shiikhu. Intaas ka bacdi isagoo tibaaxaya in wararka ay sheegaan kooxaha shiikha ku kacsani aanay ahayn kuwo rasmi ah ayuu yidhi: “warar kalana waa na soo gaadhaan Allaase og dhabnimadeeda. Dadka qaarkoob baa sheega inuu aaminsanyahay caqiidada khawaarijta, ise malayn maayo in taasi jirto…”

وتبلغ أمور غير هذه، الله أعلم بصحتها. وبعض الناس يزعم أنه يعتقد اعتقاد الخوارج وما أظن ذلك صحيحاً. فإن صاحب نجد وجميع أتباعه يعملون بما تعلموه من محمد بن عبدالوهاب، وكان حنبلياً

Wuxuu kaloo sheegay in uu sannadkii 1215h, arkay risaalooyin uu qoray Sh. M Cabdulwahaab, wuxuuna ku tilmaamay erayadan soo socda: “kulligood waxay ku saabsanaayeen in tawxiidka la baraxtiro iyo in laga fogaado shirkiga ay sameeyaan kuwa qubuurta caqiidaysan. Risaalooyin wanaagsan oo ka buuxa daliilka kitaabka iyo sunnada ayay ahaayeen.

وفي سنة (1215) وصل من صاحب نجد المذكور مجلدان لطيفان أرسل بهما إلى حضرة مولانا الإمام حفظه الله، أحدهما يشتمل على رسائل لمحمد بن عبدالوهاب كلها في الإرشاد إلى إخلاص التوحيد، والتنفير من الشرك الذي يفعله المعتقدون في القبور، وهي رسائل جيدة مشحونة بأدلة الكتاب والسُّنة.

Marnaba sooma koobi karno culumada sida garsoorka ah uga hadashay shiikha iyo dacwadiisii, waxaase aad loo yaqaanaa culumada ay ka mid yihiin:

Siddiiq Xasan Khaan (Hindiya), oo caan ku ahaa culuumta xadiithka iyo fiqiga ahna caalim aad loo qaddariyo.

Muxammed Bashiir Assuhsawaanii (Hindiya), wuxuuba qoray kitaab weyn oo uu ku burinayo been abuurkii Daxlaan uu shiikha ka qoray.

Al-imaam Al-aaluusii (Ciraaq) oo ah caalim weyn oo aad looga danbeeyo xagga tafsiirka Qur’aanka iyo culuumta kaleba. Wuxuu shiikha aad ugu ammaanay Kitaabkiisa Taariikhda ah.

Al-amiir Shakiib Arislaan (Shaam) oo isna kaga warramay (Xaadir Al-caalam Al-islaami)

Muxammed Abuu Zahra (Masar)

Rashid Ridaa (Shaam, Masar) oo ahaa caalim raad weyn ku reebay dunida islaamka kuna caanbaxay Tafsiirka Almannaar iyo Majalladiisa. Wuxuu tibaaxay in uu waagii hore shiikha ka aaminsanaa fikrad xun oo uu ka qaatay kitaabadii uu qoray ninkii la oranjirey Daxlaan, hase ahaatee uu gadaal ka ogaaday in waxa uu Daxlaan faafiyey ay tahay been abuur aas sal iyo baar toona lahayn.

Bahjat Al-asarii (Ciraaq)

Kheyruddiin Az-Zarkalii (Shaam) waa taariikhyahan aan looga daba hadlin aqoonta ragga iyo kooxaha, kitaab taariikhda ah oo weyna wuu leeyahay.

Jabartii, Cabdurraxmaan bin Xasan Al-jabartii: Waa taariikhyahanka aan laga daba hadlin xagga taariikhda Masar. Asal ahaanna sida uu isagu sheegay wuxuu ka soo jeedaa Galbeedka magaalada Seylac ee waqooyiga soomaaliya. Kitaabkiisa (Taariikh Al-jabartii) ayuu si aad u qurxoon uga warramay shiikha iyo dhaqdhaqaaqiisii, isku wakhti ayayna ahayeen. Jabartii waxa uu xusay waxyaabihii uu sheekhu dadka u sheegayey markii uu magaalo soo galo.

Wuxuu tusaale u soo qaatay markii uu soo galay magaalada Makkah oo uu horay u haystey nin lagu magacaabi jirey Shariif Qaalib oo sheekha raacay. Waxay dadka u sheegayeen –atbaacdii sheekhu- in ay munkaraatka joojiyaan, salaadaha laasimaan, qubuuraha ay dhisayaan joojiyaan, la raaco kitaabka iyo sunnada.

Bal akhri erayadan soo socda oo ah heshiiskii dhex maray xertii shiikha iyo shariifka:(fiiri mujalladka saddexaad 116-117)

فعاهده على ترك ذلك كله واتباع ما أمر الله تعالى به في كتابه العزيز من إخلاص
لتوحيد لله وحده واتباع سنة الرسول
وترك ما حدث في الناس من الالتجاء لغير الله
من المخلوقين الأحياء والأموات في الشدائد والمهمات

“Wuxuu kula ballamay in uu waxaas oo dhan ka tago oo raaco waxa Ilaahay kitaabkiisa ku amray oo ah in tawxiidka loo baraxtiro Ilaah oo kaliya, lana raaco waddadii Rasuulka (scw), Khulafadii, Saxaabadii, Taabiciintii iyo imaamyadii islaamka ee mujtahidiinta ahaa ilaa laga soo gaarayo dhammaadkii qarnigii saddexaad.

Wuxuu kaloo kula ballamay: in laga tago waxyaabaha dadku gadaal kala yimaadeen sida in makhluuqaadka la baryo, ha dhinteen ama ha noolaadeen.

In aan qubuuraha qubbado laga dul dhisin… inaan loo nadrin, wax loo gawricin aan loo samayn maalmo lasoo siyaarto oo gaar ah oo dadkoo dhan isugu soo baxaan qubuuraha deetana ragga iyo dumarku is dhex boodaan … iyo dhammaan waxyaabaha Allah khaaliqa ah iyo makhluuqa wax la isugu darayo”.

Waxaan runtii anigu is weydiinayaa inta ay arrimahaasi qiime iyo qaayo leeyihiin. Haddaynu intaas ku dhaafno culumada islaamka iyo wixii ay shiikha ka yidhaadeen oo aan runtii la soo koobi karin, waxaynu maqaalka 4aad kaga hadlaynaa:

_________________________________________

W/Q: Cabdisamad Xoday
Email: Hoday30@hotmail.com