Guurka iyo Dhismaha
Qoyska Islaamka

Qaybta | 1aad

Qodobka:
Guurka iyo Dhismaha Qoyska Islaamka
Waxaa qoray: Cusmaan Bilaad

LineTree

السَّلاَمُ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَةُ اللهِ وَبَرَكَاتُهُ

Waa buug kusaabsan guurka iyo dhismaha qoyska Islaamka, akhristayaasha SomaliAction waxaan halkan ugu soo gudbin doona gebi ahaan buugaas oo qayb qayb ah, insha Allah, waana kan hordhicii buuga.

Decorative Lines

Hordhac

Ammaan iyo mahad idilkeed waxaa mudan Allaah, ka nabad ahaansho xumaan oo idil iyo Naxariis Allena korkiisa ha ahaato imaamkii Anbiyada iyo Rususha Nebigeennii Muxammad iyo ehelkiisii iyo asxaabtii dhammaantood.

Intaa kadib: Rasuulku salallaahu caleyhi wasalam (SCW) wuxuu yiri: “Qofkii Alle Subxaanahuu Watacaalaa (SW) uu la doono khayr wuxuu fahamsiiyaa diinta”

Marka diinta lafaham siiyana waxaa u suura galaysa inuu guto oo sifiican ula yimaado muhiimaddii loo abuuray, ee ahayd caabudidda Alle SW iyo kudayashada Xabiibkeenii iyo Rasuulkeenii Muxammed SCW.

Allaah S.W. Wuxuu kitaabkiisa Qur’aankaa noogu cadeeyey wax walba ee Rasuulka noola yimid in aan qaadano, sida uu Nebiga SCW ula yimidna aan u fulino, wax kasta ee Rasuulka naga reebayna aan ka harno, sidii uu nooga reebayna aan uga harno.

Waxay liibaanteena iyo maslaxadeena ay ku jirtana waa inaa arimaha noocaas fulino, oo aan ku dayano Nebiga, oo awaamirtiisa qaadano, wax yaabaha uu naga reebay dhamaantoodna aan ka tagno. Allaah hadduu qadaro SW waxaan ka hadli doonaa masaa’il ku saabsan jaanibka guurka. Masaa’ilkaas oo ay dad badan oo muslimiin ah ay doonayaan bal inay wax ka ogaadaan.

In kastoo runtii ay jirto dadka muslimiintaa in laga kari layahay waxaa martaan dariiqa Alle mara la’idin ku yiri, oo Nebiga raaca SCW, oo mas’alo walba oo maanta nasuusteeda lagu sheego ama siday tahay loo bayaaniyo dadka inta qaadanaysa, oo ku qancaysa aad ayey u yaryihiin.

Taasna waxay noqotay arin dhibaato badan keentay, waxayna dadka maalin walba doonayaan bal in laraadiyo qiil iyo waxaan diinta shaqo kulaheyn. Arinkaas asagaa arin loo baahan yahay ma’ahan.

Waxay dadkii garan la yihiin sida loo guursado. Waxay garan la yihiin habka gabadha guriga loo geeyo. Waxay garan la yihiin sida loola dhaqmo marka inanta guriga la geeyo. Waxaas oo idil waxay ka dhasheen in ay dadka ka fagaadeen mabdi’ii Rabbi ugu tala galey in ay ku socdaan.

Xuquuqda zowjeeynka ay isku leeyihiin raga iyo dumarka in badan marka laga waramo dadka waxay u qaadanayaan wax adag, oo aan la sameyn karin, diintiinta islaamkana lagu atkeeyey. Waxa la sheegayanna waa nasuus kaliyah. Marka laga waramo waqtiga guurka la doonayo, sida inanta reerkeeda looga doonayo, iwm, ama habka curuuska loo dhigaayo waxaa arkaysaa dadkii inay aad uga dhago la’yihiin, oo ay diidayaan.

Marka bacdamaa ay dadku halkaas taaganyihiin, waxaa nafsadayda iyo muslimiinta kalaba ugu nasteexey nayaa dhowrkaan arimood:

  1. Waa inaa Rabbi kabaqanaa marka ugu horeysa.
  2. Waana inaa nafsadeena ku qasabno wax walba oo Alle noodiray in aan nala ka weyn haba karaahiyeysato nafsadeenee.
  3. Wax kastoo Alle naga reebayna aan nala ku arkin.Waana inaa nafsadeena ku qancino sunadda Nebiga mooyaane wax kaloo maslaxo noogu jirto in aan la arag.

Waxa igu Kalifay inaan Kitaabkan Qoro

Waxaa igu kalifay inaan kitaabkaan qoro dhowr qodob, oo kamid ah:

Qodobka 1aad: Waxaan Alle SW karajaynayaa inuu ka dhigo qayb muhiim ah, oo ka mid ah meelaha aan ajarka ka helayo, waa haddii aan noolahay iyo haddii aan dhintaba. Waqtigaas oo ah marka sida wayn loogu baahan yahay meel wax khayr ahi kaasoo galaan, siduu Xabiibkeenii SCW yiriba: “Qofkii dadka cilmi bara wuxuu leeyahay ajarka qofka ku camal fala oo kale, iyadoo aan qofka camalka falay ajarkiisa waxbana laga nusqaaminayn“

Waxaana aan rajaynaa in Alle uu igu daro oo aan ka mid noqdo dadka soo hoos galaya xadiiskii Rasuulku SCW uu ku yiri: “Qofka dadka khayrka bara waxaa Alle dambi dhaaf u waydiiya wax kasta, xataa kalluunka badda ku jira”

Qodobka 2aad: Aniga oo indhahayga waxbadan ku arkay sida ay ummaddii Soomaaliyeed u guursadaan, ama kolkay guursadaan sida ay gabadha ula dhaqmaan taasoo ah wax kaduwan ama aan shaqo ku lahayd diinta Islaamka.

Qodobka 3aad: Maanta dhalin yaro badan gabdho iyo wiilalba dhamaantood waxay doonayaan inay guursadaan, laakiinse aan fooda galin karin waayo waxaa guurkii laga dhigay wax adag isagoon adkayn, sababtoo ah waalidkii inanta dhaliy ama inantii ayaa doonaysa in curuuskeeda loodhigo si aan caadi ahayn, ayagoo fikradaa kaga dayanaya gaalada ay dhex daganyihiin ama kuwa dariska la ah.

Qodobka 4aad: Sidoo kale, dad badan oo waxaa jira doonaya inay guursadaan, oo masruufkii inanta diyaar la ah, laakiinse aan arkin qof qanciya xaga diinta, iyo xaqa aqlaaqda. Amase aan aqoon dariiqa saxda ah oo loomaro sida looguursado, oo ku dhahaaya markaa waydiisid wuxuu ama waxay u guursan waayeen:

“I’m looking for the right person!” oo micnaheedu ay tahay: “waxaan raadinayaa qof I ganciya.”

Laakiinse qofkii uu raadinayey uu ag joogo, balse uma jeedo oo waa ka indho maranyahay, taasna waxaa ugu wacan meesha loo maro ayuuna aqoon, iyo sida qofka wanaagsan loo raadsado.

Gallada iyo towfiiqda Allaha ummada soomaaliyeed waafajiyo..aamiin.

Waxaan ku raja waynahay in ay ummada soomaaliyeed aad uga faa’ideysan doonaan kitaabkaan (insha’allah). Waxaan ka codsanayaa walaalkeygii ka helaa wax uun faa’ido kitaabkan, inuu ii soo duceeyo aniga, oo u duceeyo waalidkey, qaraabadeyda, macallimiinteyda, saaxiibbadey, iyo dhammaan Muslimiinta.

XUSUUS:

Dhammaan goobaha uu qoraagu kasoo xigtey macluudaaka iyo xigmadaha qoraalkan taxanaha ah ee Qoyska & Guriga Islaamka waxaan ku daabaci doonaa casharka ugu dambeeya ee qoraaladan, waa marka ay dhamaadaan, markaas ayaan si waadax ah u xusi doonaa meelaha xigashada, insha Allah.

Qoyska iyo Guriga Islaamka

In la guursado Nebiga SCW ummadiisa wuu ku baraarujiyey wuuna ugu yeeray, waliba qofku markuu dhalinyarada yahay ayuu Nebiga SCW ugu yeeray. Nebiga SCW wuxuu yiri..? Dhalinyarooy, haddaa masruufi kartaan haweeney, kiinii masruufi kara haguursado, maxaa yeelay Indhahana wuu kaa laabayaa farjigana wuu kuu xifdinayaa..?

Wuxuu kaloo xadiis saxiixa ku yiri Nebiga SCW markay saddex nin oo guriga Nebiga yimaadeen, kolkaasey Caa’isha ama xaasaskii Nebiga waxay ka wareysteen cibaadada Nebiga SCW, kolkaasaa waxaa loo sheegay Nebigu inuu habeenkii barkiisa ama dhamaantiis salaatu-leyl tukado, maalintii oo  dhanna sooman yahay, cibaado badan inuu samayn jiray.

Markaasey, waxay yiraahdeen: ? Oo inagu xagee kataaganahay Nebi Muxammed SCW hadduu xaalkiisii saas ahaa, oo sow inaa iska deyno ma’ahan waxaa ku jirno..?

Saddexdoodii midkood wuxuu yiri:

Habbeen kasta waan soojeedayaa oo waligay seexan maayo, oo salaadbaan utaagnaan,?

Kii labaadna wuxuu yiri: Waligey waan soomayaa, oo afuri maayo..?

Kii saddexaadna wuxuu yiri: Aniga iyo dumar waan kala tagnay, oo waligeey guursan maayo.?

Kolkii Nebiga SCW loo sheegay bari buu ka noqday, wuxuuna yiri:

Anaa Ilaahey ugu cabsi badan xagga ummadayda, waana soomaa, waana afuraa, waan seexdaa, waana soo toosaa, dumarna waan guursadaa, ninkii sunnadayda kaleexdana ummadayda kama mid ma?ahan.?

Nebigu wuxuu kaloo ku booriyey ummada markay guursanayaan inay guursadaan haweenka firkeeda lagu ogyahay inay caruur dhalaan, ama firkeedu nimanka jecelyihiin. Sideebaa lagu ogaanayaa? Waxaa culumadu yiraahdaan waxaa lagu ogaanayaa in firkeeda la?eego sida hooyadeed iyo ayeeydeed.

Wuxuuna Nebiga SCW yiri:  ?Waxaad guursataan haweeneyda, inay zowjka jecelyihiin ama firkeeda lagu ogyahay inay caruur dhalaan, waayo aakhiro ayaan ummadaha kale idin kugu faanayaaye (xaga tirada).?

Sacad Ibnu Abii Waqaas ayaa wuxuu yiri: ?Saddex hadduu qofku helo wuxuu helay adduunyo raaxadeedii.? Saddexdaasna waa:

  1. Haweeney wanaagsan, oo diinta kuugu kaalmeysa.
  2. Guri wanaagsan, oo diinta Ilaahey kuugu saacida. Iyo
  3. Gaadiid wanaagsan, ee gaari markaa ladhaqaaqdidba gaari kale hoosta ka galayaa, kaasi gaadiid wanaagsan ma?ahan.

Qofkaa Guursanaysid iska Eeg

Nebigu SCW wuxuu inagala taliyey, oo fikrad nagasiiyey haweeneyda aad guursanaysid ama haweeneydu ninka ay guursanayso inta aysan isguursan inay iska eegaan.

Xadiis xasan ah Nebigu wuxuu ku yiri: ?Candhuuftiina meel u dayda.? Yacni ka fiirsada qofka aad guursaneysaan intiina guursan ka hor.

Xadiis saxiix ah oo Bukhaari iyo Muslim ku jira Nebigu wuxuu yiri: Dumarka afarbaa loo guursadaa,

  1. xoolaheeda,
  2. reerkeeda,
  3. quruxdeeda,
  4. diinteeda,

Markaasuu wuxuu yiri markuu intaa sheegay: War gacantaada ha carowdee mida diinta leh gacanta ku dhig, oo raadso, oo qabso.

Markii diintu aruurisay raga maskaxdooda waxa ku jira afarbaa ubadan, qaar wax kale ku guursada waa dhici kartaa, laakiin afartaasbaa ubadan raga maskaxdiisa, ee mida diinta usaaxiibkaa gacanta ku dhig, oo yayna idin ka fakan.

Walaalayaal diinta ma diidana inaa naag qurux badan raadsatid, ama mid lacag leh, ama mid qabiil caan ah ka dhalatay, laakiin waxay ku leedahay diintu aasaas waxaa u ah guurka: Mida diinta leh, ayadaana ku anfacaysa.

Waxaa kaloo sugnaatay Nebiga SCW inuu raga iyo dumarka ku booriyey inay iska eegaan ruuxay guursanaayaan, wuxuuna Nebiga SCW yiri: Iska eega (haweeneyda ama ninka) maxaa yeelay waxay taasu keenaysaa wada joogidiinu inay sii daa?imto dhexdiina.?

Iska eegidu waxay keenaysa inay sii dheeraato wada joogidiinu, oo aan furitaan iyo cilad ayna soo bixin, oo hadhow gabadhiina ayna dhihin: Ninkaan anigu saan ma moodayn.? Ninkuna uusan dhihinin: ?Gabadhaan saan ma?moodaynin.?

Waxaa sugnaatay oo xadiis saxiixa ku soo arooray ninka layiraahdo Jaabir Ibnu C/laahi haweeneyda uu rabo inuu guursado in ayadoo adeegeysa uu meel u galay, oo uu eegay gacanteeda ama lugteeda. Yacni inuu xeeladeystay siduu ku arki lahaa gabadha uu guurka ka rabey.

Qoyska iyo Guriga Islaamka - Qeybta 2aad

LineTree

Yaa isku dhigma..? Waxaa isku dhigma wixii diin leh. Xadiisbaa jira Saxiixul Bukhari ku jira, xadiiska Bubaacada Bintu Zubayr Ibnu Cabdi Mudhalib, xadiisku wuxuu leeyahay: “Gabadhaas Nebiga Ilmo adeer laxmiya ayey ahaayeen, waa gurii qureysh u sareeyey, Nebiga SCW u timid waxay tiri:

“Waxaan ahay haweeney culus (ama haweeney xanuunsan), xajna waan rabaa, sidee yeelaa marka?

Markaasuu wuxuu ku yiri: “Xaji oo ishtiraad samee.”

Marka xadiiskaas xajbuu ku saabsan yahay, laakiin Bukhaari wuxu ku wariyey Kitaabu Nikaax, waayo wuxuu cadeeyey waxa layiraahdo “kafaa’ada.” Qisada xadiisku waxay ku saabsantahay gabadhaas oo qurayshiyad ah, oo gurigii ugu qaalisanaa ee quraysh daganeyd, ayaa waxaa qabay nin layiraahdo Al-miqdaad Ibnul Aswad, oo ahaa addoon la xoreeyey.

Xadiiskaa marka waxaa ka fahmeynaa kafaa’ada runtaa inay tahay diinta Islaamka, labada qofood markay muslim yihiin, isku caqiido yihiin, waa isku dhigmaan.

Diintu madiidayso in la’eego waxyaalo dhowr ah:

  1. Qofka dhaqankiisa in la’eego,
  2. Ninka inuu xoolo uu gabadha ku masruufo haysto.

Taas waxaa ka garaneynaa Faa’dimatu Bintu Qays markay Nebiga SCW u timid, waxay tiri:  “Laba nin midkoodaan rabaa inaan guursado,

  1. Macaawiyata Ibnu Ibii Sufyaan, iyo
  2. Abaa Jahal Ibnu Sufwaan, ee mid ii magacow..?

Nebiga SCW labadiiba wuu u diiday, wuxuu yiri:

“Macaawiya waxba mahaysto, oo wuxuu kugu masruufo mahaysto.

Abaa Jahalna ulbaa garabka u saaran oo kolkuu soo galaba wuu kugu bilaabayaa, ee orodoo Usaamata Ibnu Zayd guurso.

Walaayada

Walaayada waa xaq sharci ah, waana arin uu leeyahay gabadha wixii markaa ayada mas’uul ka ah. Walaayada midna waa Caam midna waa Qaas. Walaayada Qaaska ah: Waxaa ka mid ah walaayada uu qofka isagu nafsadiisu uu isaga mas’uul ka yahay, iyo mida uu maalkiisa uu mas’uul ka yahay.

Walaayada uu qofka mas’uul ka yahay waxaa soo galaya:

  1. Inuu ilmihiisa mas’uul ka noqdo, ee ninka gabadha uu dhalay mas’uuliyadeeda haaya, ee mar walba dariiqa ayada ku wanaagsan oo kula taliyo kuna bixiyo. Waxaa loo shardiyaa qofka waliga ah, ee inanta mas’uuliyadeeda qaadaya sharuudaha soo socota:
  2. Inuu yahay qof xor ah, oo hadana caqli leh, oo qaan gaar ah.
  3. Qofka uu isaga waliga u yahay haduu yahay qof muslim ah, inuu isagana muslim yahay. Halkaas waxaa ka fahmeenaa adoon walaayo ma qaadi karo, qof waalan walaayo ma qaadi karo, cunug saqiir ahna walaayo ma qaadi karo.
  4. Gabadha walaayadeeda la qaadayo haday muslimad tahayna axad gaala walaayadeeda ma qaadi karo. Waayo Ilaahey ayaa Quraanka inoogu sheegay: “Allaah SW nimanka gaalada uma uusan yeelin muslimiinta dushooda dariiq, oo waxayna walaayo u qaadi karaan ama mas’uul ka yihiin malahan.”

Tusaale ahaan: Waxaa meeshaan joogta gabar muslimad ah, oo guur doonaysa, marka waxaa jira eheladeedii oo diinta Islaamka la dirirsan oo aan ogolayn. Markaas, waxaa la doonayaa muslimiinta in ay kala gartaan waxyaabaha maslaxada loo samaynayo, oo la doonayo in wax lagu maslaxeeyo iyo waxa xaqiiqo ahaan diinta ay doonayso.

Waxyaabaha maslaxo loo samayn karaayo waxaa ka mid ah: Gabadha reerkeeda in ay diinta Alle ogolayn ama ku dhaqmeyn, oo aysan salaada tukan, ee marka gabadha laga doonayo layiraahdo “Gabadhiina doonaynaaye na siiya.”

Waxaa la doonayaa madaxa in loogu salaaxo la tusiyo bal in laqadarinaayo say u soo dhawaadaan. Taasi waa maslaxo, laakiin diinta waxa ay tahay markaa rabtid walaayo ma qaadi karaan dadkaasi. Markaas walaayada gabadha waxaa qaadaya dadka Islaamka ah.

Ahmed binu Xambal wuxuu yiri isagoo fasiraya xadiiska uu Nebiga SCW ku yiri:

“Gabadha muslimadaa yaysan safrin ayadoona la socon “muxram.”

Wuxuu yiri muxramka waxaa noqon kara waa dadka xaaraanta iyo xalaasha kala yaqaan Rabigood aaminsan, kana danbeeya. Ee nin gabadhiisa marada asturkaa ku caayaya, oo mida gafuurka cagaaran lala tumanaya soo dhaweynaaya, ee gabadhiisa markey maro xijaab ah qaadato caaynaaya.

Kaasi muxram ma noqon karo waayo nin walba inuu la ciyaaro ayuu doonaya. Sidaa darteed ragga maanta muxram noqon karta aduunka inay maanta ku nooshahay lama oga ilaa in yar oo faro ku tiris ah maahane.

Walaayada qofka qaadaya muslimnimaa loo shardin, waa inuu salaada tukadaa, oo Ilaahey diintiisa ogolyahay, macaasiba iyo qalad haba ka dhaceene. Qofka hadii danbi ka dhaco danbiga qofka laguma gaalaysiin karo, haduusan xalaashan danbigaas, ee waxaa loo shardinayaa inuu qofka Rabigiis aaminsanyahay, sunnadana uu ku socdo, oo shareecada islaamka ilaalinayo, qaladaadba ha ka dheceene.

Gabadha Hadeey Ehelkeedii oo Dhan Wada Faasiqiin Noqdaan Maxaa la Sameynayaa..?

JAWAABTU WAA: Walaayada muslimiinbaa qaadeysa.

Qaali Islaami ayaa qaadaya hadii la helo. Hadii qaali Islaami la waayo sida maanta jirtaba, waxaa qaadi doona qofka muslimka ah oo dad ugu xiga gabadha, ha noqdo walaal, ama ha noqdo adeer, ama ha noqdo awoowe. Hadii lawaayo waxaa qaadaya dariska Muslimiinta ah, oo ayada dariskeeda ah, sidaas ayaa lagu soconayaa.

Waxaad ogaaneysaan inaan loo shardin walinimada cadaalo. Qofka haduu fisqi iyo layimaado macaasi waa wayn, oo qamri cabid ka dhacday ama zino ka dhacday walaayada lagama qaadayo, oo looma shardiyo walinima caadilnimo rasmi ah, ee waxaa loo shardiyaa muslimnimo, qofka inuu muslim yahay.

Qofka walaayadiisa laqaadayo haduu muslim yahay waaye. Arinkaas in la ilaaliyo ayaa lagama maarmaan ah, oo dadka mas’uuliyada gabadha qaadaya ay muslimiin yihiin.

Culumada in badan waxay ku tageen inaa gabar nafsadeedu bixin karin, kheyrkeedna aysan bixin karin, walaayadana waxaa shardi ah inuu dhiibo ninka gabadha mas’uulka ka ah. Waayo Ilaahey Quraanka wuxuu ku yiri:

“U guuriya xaaslaawaha idinka mid ah iyo kuwa suuban oo addoomadiinna ah (Rag iyo Haweenba).”

Wuxuu aayadan Alle kula hadladyaa oo wax uguuriya leeyahay waa nimanka. Wuxuu kaloo yiri Alle kor ahaaye: Ha uguurinina dadka gaalada ah ilaa intey ka rumeynayaan.

Yacni nimanka mushrikiinta ah gabdhaha ha uguurinina ilaa ay Islaam ka noqdaan. Siduu Alle oranaayo bal u fiirso. Gabar muslimad ah, oo jirkeeda xifdida, oo diinta Alle ku socota in nin mujrim iyo faasiq ah loo guuriyo, ee saacada saqda dhexa qayilaad ku soo gaaraya, ama 24 saac sigaarka xabadba xabad ku daaraya, amase diinta Alleba ka soo horjeeda looma baahna.

Laakiin ninka haduu yahay nin Ilaahey diintiisa ogol, oo salaada tukanaya, laakiin xaaraan uu sameynaayo waxyaabo qaladaada ku dhacaayo, gabadhu haday rabto waa la siin karaa, laakiin laguma qasbi karo. Waxaa lagayaabaa inuu ninkaa xijaabka caayayo, oo uu leeyahay “Balaayadaan marada weynleh waa maxay.” Hadalkaaskuu ku gaaloobayaa, oo gabadha muslimadaa kaa ku xirmi mayso.

Rasuulka SCW wuxuu yiri: “Wax nikaax layiraahdo majiraan ilaa inuu wali gabadha bixiyo maahane.”

Waxaa halkaa ku ogaaney nikaaxa inuusan sugnaaneyn hadii aan wali lahelin mas’uuliyada gabadha qaada.

Qoyska iyo Guriga Islaamka - Qeybta 3aad

LineTree

Rasuulka SCW wuxuu yiri:

“Haween alle haweentii guursata waligeeda oo idmin nikaaxeedu waa baadil, nixaakeedu waa baadil, nikaaxeedu waa baadil.”

Sidoo kale Rasuulka SCW wuxuu yiri:

“Ninku haduu dhuunto oo uu haweenta jameec ugu tago, meherbey ku leedahay maxaa yeelay farjigeeduu xalishay, laakiin meher ma jiro.”

Sidoo kale Rasuulka SCW wuxuu yiri:

“Hadday reerkii gabadhu ka dhalatay ay ka reebtoonaadaan inay gabadha bixiyaan, oo ninka soo doonaya, oo diinta leh ku mehrin waayaan, waxaa gabadha mehrinaaya ninka qaaligaa ama xaakimka ee makaanka jooga.”

Laakiin hala masaafeysta iyo halala cararo ma’ahan waayo Rasuulka SCW amarbuu ku bixiyey. Nin diin leh, aqlaaq iyo dabci fiican leh, haduu gabadha soo doono, oo ayada raali ku noqoto waan in la siiyo, waa waajib mana ladiidi karo. Haddii la diidana gabadha hortiisaa lagu meherinayaa.

Waxaa diinta islaamka noo cadeysey inaan la ogoley guurka hadii aan wali jirin. Gabadha haddaan wali bixinin inaa nikaaxeedu aan ansaxeynin waxaa ku tagey dadka ahlu cilmigaa badankooda, asaxaabta Nebiga. Waxaa ka midah raga arintaas aad uga waramay: Cumar Ibnu Khadhaab, Ali Ibnu Abii Dhaalib, Cabdulaahi Ibnu Cabaas, Abuu Hureyra Ibnu Cumar Ibnu Mascuud, iyo Caa’isha.

Waxayna asaxaabta kuligood qabeen sidaa. Waxaa ku tagey arintaas oo taabiciyiin ka mid ah ayaguna aad u cadeeyey: Saciid ibnu Mutayar, Hassanul bidri, Shureec, Ibraahiimu naqaci, Cumar Ibnu C/casiis iyo rag kale.

Raga fuqradaa waxaa sidaa ku dhawaaqay, oo ku taagtaagsadey iyaguna raga layiraahdo:

  • Sufyaanu Zowri ow saaci,
  • C/laahi Ibnu Mubaarak,
  • Shaafici, Ibnu Shukruma,
  • Ahmed buni Xambal,
  • Isxaaq,
  • Ibnu Xamzi Ibnu Abii Leyla,
  • Dhabari,
  • Dowci,

Iyo rag kalaba. Waxay dadkaa muslimiintaa isku daba galeen in gabadha wali inuu bixiyo loo baahanyahay. Sidoo kale waxaa u baahan in ayadana la ogaado in ayna gabadha baaliqada oo qaan gaartay nafsadeeda bixin karin, naf kalena ma bixin karto, ee walaayada waxaa qaadaya nin.

Qoyska iyo Guriga Islaamka - Qeybta 4aad

LineTree

Waxaa waajib ah gabadha marka la bixinaayo oo la mehrinaayo waa in laga idan dalbaa, hadaysan idmin oo ayna ogolaana meherkeeda ma ansaxaayo. Labo mas’alaba waxay noqdeen kuwa lagu qaldanyahay oo aan diinta meel uga jirin.

  1. Waa in gabadha lala cararo, ama la iska guursadoo lama saafaysto.
  2. Iyo in gabadha aabeheed xoogaa lacag ah jeebka ku shubto oo ninkuu rabo siiyo. Ninka lasiinayana oo uuna salaada tukan gabadhana ay salaada tukato, oo ayna raali aysan ka aheyn ninka la siinayo.

Dhibaatada taagan waa labadaa. Labada noocna nikaaxooda ma ansaxaayo. Waajib waaye gabadha in laga idan dalbo, waayo Rasuulka SCW wuxuu xadiis saxiixa ku yiri:

Gabadha garoobkaa lama guurin karo ilaa ay ogolaato, gabadha bikradaana lama guurin karo ilaa ay idanto, markaasaa waxaa Rasuulka SCW la weydiiyey sidee ayey u idmeysaa..?

Wuxuu yiri Rasuulka SCW: haddey aamusto.

Macnaha waxaa loola jeedaa haweenta hadii la soo furay carabkeeda inay ku cadeyso in laguuriyo ma’ahane lama guurin karo, oo nin laguma mehrin karo. Dad baa u fahmey islaanta garoobka ah waa la iska mehersan karaa. Yacni Garoobka waa ka badalantahay kuwa kale.

Walaalayaal xadiiska fahma oo diinta yeyna idin ku saxan. Waxaa xadiiska loola jeedaa haweenta haddii la soo furay carabka inay ku cadeyso “ninkaa hala I siiyo maahane” lama siin karo, laakiin gabadha yar oo wali aan la soo guursan, gabadhaas idankeedu waa inay aamusto.

“Ninka ma ku siiyaa maandhey” ayuu aabeheed yiri?

Way qososhay, ama way hadli waysay, inay ninka raali ka tahay ayaa qosolkaa laga garanayaa, hadayba qosol keento meesha.

Laakiin haday oyso lama siin karo ninka ma doonayso, saasa laga garanayaa. Mida kale xadiis saxiix ah ayaa ku soo arooray: “Dumarka markaa bixinaysaan, haweenta ayadaa jirkeeda leh jirkeeda ka idan dalba oo waydiista.”

Mida kale haweenka haloo diro hooyooyinka iyo dadka ay ku kalsoon yihiin, oo ay isu sheegi karaan hadalka runta ay qabaan, waayo gabadha haday yartahay waxaa laga yaabaa “ninka hala’igu mehriyo” inay afka kala xishooto, waa suurto gal inay dhacdo, saas ha loola socdo. Laakiin haday ooydo, oo dhulka isla dhacdo, oo meesha ay ka dhaqaaqdo, gabadha ninka lama siin karo, ee halaga fiirsado walaalayaal.

Inanta bikaaradaa lama mehrin karo idan la’aan, idankuna waxaa ka mid ah inay aamustaa. Laakiin mida la soo furay waa waajib inay carabka katiraahdo:  “Waa rabaa ninkaas ee hala I siiyo”, hadaysan dhihina lama mehrin karo, aabeheed hajoogo ama ninkale ha joogo.

Rasuulka SCW  waxaa utimid gabar layiraahdo Khansaa bintu Khidaar, inantaas waxay sheegtay aabeheed inuu nin ku daray iyaduna ay kahaneysay. Nebigu SCW wuxuu yiri “ikhtiyaarbaa leedahay ee sidaa doonto yeel”. Ikhtiyaarbaa gabadha lasiiyey odayguna ma qasbi karo. Culamada qaarkood waxay yiraahdaan “waa qasbi karaa haday tahay gabar aan wali la guursan.” Laakiin waxay shardi ka dhigeen labo shardi:

1) Gabadha iyo ninka waa inay xaga diinta iskala mid yihiin, ninkana waa inuu gabadha u qalmo dhinac walba: Aqlaaqda, Diinta, Da’da, waa lagama maarmaanbay yiraahdeen culumada. Maxaa yeelay marka la eegaayo dadka inay isku heer yihiin xaga diinta iyo dabeecada laga eegaa. Mida kale labada qofood waa inay xaga da?da iskeeni karaan, maahan  gabar 15tan jirta ah in la siiyo oday 50-ton jir ah.

Looma baahna inaa sidaa lagu dhaqaaqo, waayo dhibbaa ka’imaanaya faa’ido imaan mayso, haydayna gabadhu raali ka aheyn. Sioo kale ma ahan wiil 15tan jir ah inuu yiraahdo waxaan guursanayaa 60-dan jir ah, haduu isagu raali ku yahay ha guursado, oo gabar kaaweyn waa la guursan karaa, oo Rasuulka SCW Khadiija guursaday, oo gabadha waa lasiin karaa ninka weyn laakiin waa markey iyagu isdoonayaan, oo raali isku yihiin. Laakiin in la isku qasbo, oo madaxa la?isku galiyo ma?ahan.

2) Odayga gabadha bixinaaya iyo gabadha waa inay cadaawo ka dhexeyn, gabadhuna ninka la siinayo waa inaysan cadaawo gaara uqabin, markaa gabadha ninku waa qasbi karaa ayey culumadu yiraahdeen.

Shaafici baa hadal noocaas ka jawaabay, wax daliil ah oo warkaas leeyahayna malahan. Runta markaad rabtaan gabar ninkaysay rabin lama siin karo, bal iska dhaafe haday ninka ayadu diido, diin iyo iimaan kastoo uu leeyahay khasab ku raac waalidku ma oran karo. Laakiin hadey ayadu nin diin leh, oo aqlaaq leh la timaato, oo ay reerkeeda diidaan hortooda ayaa lagu meherinayaa laguna siinayaa?..firqiga u dhexeeya u fiirsada.

Maxaa yeelay guurka ayadaa u baahan, ninka ay lanoolaan kartana way garan kartaa, ninkaanbaa diin iyo aqlaaq ahaan ugu anfaca ee hala isiiyo ayey tiri? Ku siin mayno waa reer hebelbaa lagu yiri, ama waxaa lagu yiri ku siin mayno oo waa faqiiro xoola malahan, ama waxaa lagu yiri ku siin mayno oo reerkooda dagaal naga dhexayaa. Diin laguma diidin, Aqlaaq laguma durin, ee qofka sida kale waa u fiican yahay, laakiin qabiil ahaanbaa lagu diidayaa.

Tusaale ahaan: markuu gabadha la soo doono ayaa reerkeedii waxey ku dhaheen gabadhii: ?naa waamaxay ninkaan maxuu kuu heli karaa” Ma isagaaba guri kuu dhigi kara, ma kuraas hebel buu awoodaa inuu kuu dhigo.” Waxaa kaloo ladoona habeenka caruuska sodon (30) gaari in suuqa lala maro, oo intaas oo kun la qarash gareeyo. Waxaas ayaa ladoonaya, xoola la?aan ayaa ninkii lagu nacay. Gabadhu haday ayadu iimaan iyo diin leedahay isla markaa ninka way guursan kartaa?.waa haday diin leedahay. Waa shardi barito inaysan cideeda lasafan doonin.

Walaashey muslimadaa ahey! waxaan idinkaga digaa gabdhaha oranaya muslimad baan nahay, oo diinta waan fahanay?waxaan idinkaga digaa..Nin adinka aad rabtaan inta la?idiin diido, ninkaa ha?isku raacinina, hodhoow markaa la joogtaan todobo barina haka soo cararina?.waa idiin roontahaye. Ninkaa inaa ka fiirsataan waa wax idin ku haboon. Waayo wax badan ayaa arimaha noocaas  xad dhaafa u dhaceen ayaamahaan danbe.

Walaashey muslimada ahey! hadaadan ishubin, oo aadan nafsadiina ku kal soonayn inaa diinta Ilaalin kartaan reerkiinu ninkay diidaan idinkuna iska diida, waa hadaadan ishubin oo aadan go?aan gaari karin kama danbaysa, waayo qofka muslimkaa waxaa looga baahan yahay imtixaanka uu isleeyahay waa ka bixi kartaa waa inuu galaa, laakiin waxaa isleedahay ma fulin kartid, qasabna aan kugu ahayn ha dhex galin marka hore.

Qoyska iyo Guriga Islaamka - Qeybta 5aad

LineTree

Waxay ku tageen culumada Islaamka badankooda walaayada waxaa iska leh gabadha qaraabadeeda xaga aabaha.

Waxaa iska leh:

  1. Aabaheeda
  2. Awoowgeed aabeheed dhalay.
  3. Walaalka ayada la dhashay.
  4. Adeerkeeda
  5. Intaa hadii lawaayo, wiilka ay eedada u tahay oo walaalkeed dhalay.
  6. Midka adeerkeed dhalay, iyo IWM.

Waxay culumadu markaa leeyihiin kagadaal hadii intaa lawaayo iyo kuwa ku sii dhaw dhaw oo dhanba, gabadha walaayadeedu abtiga waa qaadi karaa, walaalka ku hooyada ahna wuu qaadi karaa oo ku aabaha ahayn, laakiin markasta walaayada waxaa iskaleh dadka xaga aabaha ka socda ee nasabka ah. Sidaas in la garto ayaa la doonayaa. Dadkaa hadii lawaayo qaali Islaami ah ayaa mehrinaaya, haddii ku waas oo dhan lawaayo dariska Islaamka ah ayaa gabadha bixinaaya.

Marka gabadha waligeedii haddii la waayo, shuruudii walinimada qofkii laga helay, oo ugu dhaw ehel ahaan oo halkaa jooga ayaa qaadaya. Waa shardi inaa qofka walaayada leh lana xiriiri karin.

Walaalaha Islaamka ah,oo iyaga inay guursadaan doonayow, waxaa ogaataan walaalayaal inaan loo baahneyn guurku inuu iska dhaco wali la?aan. Gabadha waa in lala xiriiraa aabeheed, haddii lala xiriiro oo uu dhintay, waa in lala xiriiraa walaalkeed, haddii lala xiriiri waayo ee adkaato, awoowgeed ayaa ka horeeye walaalkeed haddii la heli karo halala xiriiro. Saas ayey ku soconaysaa ilaa marka danbe laga helo qofka ugu xiga ehelnimo. Sidaas ayaa ladoonayaa in lagu socdo.

Waa shardi dadka walaayada qaadaya inay muslimiin yihiin. Inanta aabeheed hadduu taariku salaad yahay lala xiriiri mayo, hadduu walaalkeed tukan lala xiriiri mayo, salaada Alle haddaysan tukanba, oo diinta Alle ka soo horjeedaan, ee dadka ehelkeeda ah, oo salaada tukada, oo diinta Alle ogol ayaa lala xiriirayaa, sidaas waxaa laga garanayaa nusuusta ee halagu socdo.

Haddii dadkii ay walaayadeeda lahaa ay fagaadaan oo lala hadlo, oo walaayada qof kale u wakiishaan way banaantahay. Waxay isku waafaqeen culumada Islaamka kuligood walaayada ama wax kale oo qofka isaga uu sameyn karo inuu qof kale u wakiisho way banaantahay, oo gabar walaayadeed qofkii lahaa hadduu qof kale ku wareejiyo, ee uu yiraahdo ?Gabadhaas ninkay kuu keensato oo ay raali katahay sii?, ee uu yiraahdo isagana ?waan kaa aqbalay?, walaayada qofkaasaa mas?uul ka ah oo qaaday nikaaxuna wuu ansaxayaa haddii sidaa lagu mehriyo.

Wakiilashada qofka loo wakiilanaayo waxaa loo shardiyaa inuu nin yahay, inuu caaqil yahay, inuu qaan gaar yahay, inuu xor yahay. Waxaa loo shardiyaa qofka walaayadeeda la qaadayo hadday Muslim tahay inuu ninka Muslim yahay walaayada qaadaya. Intaa wax kamid ah haddii lawaayana, guurkii wuxuu noqonayaa mid darbiga ka dhacay oo waxba ka jirin.

Qoyska iyo Guriga Islaamka - Qeybta 6aad

LineTree

Guurka Maanta Adduunka Ka Jira

Aad iyo aad bay u dhibaato badantahay arimaha ka jira xaga guurka, waayo guurkii wuxuu noqday mid isaga dhan qaab daran oo diinta waafaqsanayn.

Siyaabaha uu ku noqday waxaa ugu horeeya gabadha iyo wiilka isdoonaya marka horaba xaga diinta iskuma doonaan, ee waxaa la isku doonaa xoogaa xoolaa iyo gabadhoo cagaaran iyo wax kale, ee diin in la isku qadariyo way dhimatay. Taasi waxaa ka abuurmay guurka noocaas oo kale ah inuu sharcigaba waafaqin.

Mida kale, dhibaatada kale oo timid waxay ka timid xaga waalidka, waalidkii waxay noqdeen kuwo dhib badan, oo kheyrkoodu yar yahay. gabar markaa ka doonato reer, hadday diintaada, Islaamnimadaada, iyo wanaagaada ay yaqaaniin, markaa utagto waxay ku leeyahay “hayee, odayaalbaa la siiyaa gabadha ee odayaal keen.” War gabadha ma odaybaa guursanaaya mase anaa guursanaaya, waa yaabe..?

Ma wiilka gabadha kaa soo doonay siisid. War odayaasha lahadla, oo xaqa siduu yahay tusiya! Waa dad kheyrkii oo dhan ka fagaaday, oo xumaan ku sifoobay. War xagee laga helay gabar ay odayaal dhaqaan ninbaa dhaqa inantee. Gabadhese aabeheed ayaa mas’uul ka ahe xagee laga keenay waxaan, war arintaan diinta xagee ku qortay? Lama hayo waa caado jaahili, oo meelay ka timid aan la garaneyn.

Haddii markii aad odayaal geyso oo gabadhii lagu siiyo, maxaa lagugu oranayaa: Waxaa laleeyahay “aaway lacagtii sooriyada? Awaaway tii abtiga? Aaway tii islaanta dhashay?” Yaa yiri dadka iibsada.

Rasuulka SCW xadiis saxiixa wuxuu ku yiri:

“Sadex qofood Ilaahey lama hadlo, danbigana uma dhaafo, cadaab ayeyna leeyihiin.” Sadexdaa qofood waxaa ka mid ah: Qof xor ah, axadkii iibsada lacag inta kalabaxa lacagtaa cuna Alle naxariistiisa ma arkuu leeyahay.

Haddaba dadka ama raga gabdhaha laga soo doonayo oo ku xiraaya intaasoo dhaqaale in laga bixiyo gabadha ay dhaleen inay iibsadeen ha ogaadeen, oo lacagtay ku iimsadeen cuneen ayna xaaraan tahay. Laakiin ninka gabadha guursanaaya waxaa waajib ku ah reerka uu gabadha ka guursanaayo inuu udhaqaaleeyo sida waalidkii oo kale.

Wiilka hooyadiis iyo aabihiis waxii uu heli karo isagaa siinaya oo waajib ku tahay, laakiin xoolaha aad hablaha ku xiraysaan la’idin ka soo doonay odayaashow ka hara haddaa diin leedihiin Allana aad ka cabsanaysaan. Haddii kale waxaad ku haysaan “Sooriyaa labixin jirey iyo gogol gabar laguma bixiyo aan lacag lagu bixineyn.” Waayo waxaa maalin walba la maqlayaa ayadoo la leeyahay “Haa, gogol qalalan inan laguma bixiyo.” Yaa ku yiri gogosha soo qoo, biyo ku daadiya haddaa qoyaan doonaysaan.

Haddaba sharciga Islaamku sidaa ma ogola ee arrintaa hala iska joojiyo. Ninkii isaga gabar guursada waxaa ku wanaagsan inuu reerkeeda ixtiraamo, waxii uu heli karana u qabto siduu hooyadiis iyo aabihiis u dhaqaaleynaayo oo kalena u dhaqaaleeyo. Taasi waa xuquuqda la isku leeyahay, laakiin mida ku saabsan dhaqaalaha aan ka soo waranay, oo odayaasha gabdhaha ku xirayaan lacag, ogow sharciga islaamka ma ogola arinkaas. Sida diintu tahay aan ugu dhaqano Allena aan ka cabsano SW.

Gabarta marka labixinaayo waxaa ladoonayaa ninka la siiyo inuu ku qanacsanyahay. Kafaa’ada Islaamka ogolyahay waxa weeyaan xaga Islaamnimada, maxaa yeelay Islaamka dadkiisu kuligood waa walaalo, axad walba oo muslimiinta ka mid ahna axadka kale waa u banaantahay inuu guursado oo lana noolaado. Rabina quraanka wuxuu ku yiri isagoo noo cadeynaya muslimiinta inay simanyihiin oo isku kuf yihiin: “Mu’miniintu waa uun walaalo”

Sida ay xaqiiqadu tahay Rabbi ma kala qaadin, ee wuxuu inoo sheegay muslimiinta inay walaalo yihiin. Haddaba ninyahow muslimka ahow haddii gabartaadu soo doono wiil Islaam ah, oo aqlaaqdii iyo diintii Islaamka leh, ha ku xujeynin qabiilnimo iyo xoolo haddaa iimaan leedahay, maxaa yeelay mu’miniintu waa walaalo.

Ninyahow muslimkaa adiguna gabadha aad guursanaysid waxa aad ku raacdo ha noqdo iimaanka iyo wanaaga siday diinta ugu socoto. Gabaryahay muslimadaa adiguna ninka aad raacayso ha noqdo waxaa ku raaceysid inuu diinta ku fiican yahay oo aqlaaqda Islaamnimada leeyahay. Saas ayaa la doonayaa haddaa fulin waydaan ka bixi maysaan cariiri iyo dhibaato.

Rabbi wuxuu inoo sheegay inaan dumarka ka guursano tii ku cajibasi, oo idil, dumarkii lama kala qaadin, qabiil looma qaybin, midabna looma qaybin, ee kuligood waxaa adiga aad doonaysid inaad ka guursatid oo sharciga kuu ogolaaday ayaa laguu sheegay. Haddaba muslimiintooy baraaruga, oo Rabigiin ka cabsada, oo waxa aad darbiyada iyo suuqyada la wareegeysaan joojiya.

Gabadha muslimada ah, oo aad u wanaagsan, ee cafiifada ah, ninka faasiqaa laguma dari karo, haddaysan ayada raali ka ahayn. Faasiqa iyo faasiqada way isguursan karaan hadday isdoonayaan, laakiin qof isagu wanaagsan, oo iimaankiisu uu muuqdo, iyo qof fisqi iyo macaasi waaweyn lagu arkayo in la isku qasbo cadaalada ma ahan.

Rabbi quraanka wuxuu ku yiri: “Ragga iimaanka leh iyo dumarka iimaanka gabalkood gabalka kalo ilaaliyayaal bay u yahiin.” Waa dad is ilaalinaya oo isdhowraya markastaba. Muminiinta iyaga unbaa walaalo ah wanaaga ku wada socda. Kafaa’ada lafiirinayaa waa xaga istiqaamada iyo xaga aqlaaqda. Waxyaalaha ay fuqahadu gabalkood yiraahdeen nasabka waa la eegayaa (Carab iyo Cajam), sancada waala eegayaa, daliil loma hayo, waayo Rabbi quraanka wuxuu ku yiri:

“Qofka idin kugu karaamada badan Alle agtiisa waa qofka idin kugu cabsida badanle. ” Axad axad ka karaamo badan majiro ilaa cabsida Alle ma’ahane.

Cabsida Allena waxaa layiraahdaa qofka inuu gudo xaqa uu Alle ku leeyahay, iyo xaqa dadka iyo maqluuqa kaleba ku leeyihiin. Qofka waa inuu xaqa Rabbi guto, oo xaqa bani’aadamkana guto, markaas ayuu taqi yahay oo Allena kacabsaday.

Rasuulka SCW wuxuu yiri: “U guuriya hadduu idiin yimaado axad diintiisa iyo aqlaaqdiisa raali laga yahay.” Haddaa samayn waydaan dhulka waxaa ahaanaysa fidno, bilaayo, iyo fasaad wayn.

Dadka Islaamka ahoow Rabigiina ka cabsada oo ku dadaala nin diin iyo aqlaaq leh hadduu yimaado gabadha hala siiyo. Rasuulka SCW waqtiguu joogay waxaa dhacday ninka lagu magacaabu Abuu Qurayfa in uu guursaday gabarta layiraahdo Hinda binti Waliid.

Ninkaasu wuxuu ahaa nin ay xoreeyeen reer Ansaareed, gabarta uu guursaday waxay kamidtahay qabaa’ilka ugu sharafta badan Qureysh. Ninka Bilaal Ibnu Rabaax wuxuu guursaday ninka layiraahdo C/raxman Ibnu Cawf walaashiis.

Halkaas waxaa ka ogaatay inaan loo qaybin karin dadka Carab iyo Cajam xaga nasab ahaanta oo aan lagu kala duri karin. Laakiin qofka hadduu diin leeyahay waa laga guursan.

Cali Ibn Abii Dhaalib ayaa lawaydiiyey oo layiri dadka bal kawaran makala sharaf badan yihiin..?

Wuxuu yiri: “Dadka gabalkoodka gabalka kale kuf ayuu u yahay, carabtooda iyo cajamtooda waana isla mid hadday Islaamaan oo ay Alle rumeeyaan.”

Marba hadday muslimiin yihiin oo iimaan leeyihiin wax lagu kala qaadi karo malahan ayuu yiri Cali.

Culumada ayagoo nasabka ka hadlaya, oo yiri dadka gabal iskuma mid ma’ahan. Waala doonayaa labada qofood in la’eego, oo bal inay wada noolaan karaan xaga aqlaaqda, laakiin waxa qabiilka layiraahdo iyo waxyaalaha kale oo guurka lagu xiray, halaga saaro oo Rabbi halaga baqo.

Rasuulka SCW wuxuu cadeeyey ninkasta ee diin iyo dabeecad wanaagsan leh, gabar diin iyo dabeecad leh hadduu soo doono in loo diido inaan loo baahneyn. Xaqiiqada markii la fiiriyana xaalada sidaas weeyaane bal ku dadaala oo Rabbi ka cabsada.

Qoyska iyo Guriga Islaamka - Qeybta 7aad

LineTree

Sida Gabarta Guriga  Loo Geeyo Iyo Meherka

Gabarta markii lamehriyo ka gadaal waxaa la doonayaa in dariiiqa sharciga ah lamaro marka la guri geynaayo. Masaa’ilka maanta ugu daran waxaa ka mid ah guri geynta gabadha, sida gabadha loo guri geeyo waa si aan diiniyan ahayn badanaaba. Rasuulka SCW wux uu warbixin ka dhiibay Meherka. Meherka waa shey ay gabarta la guursanaayo iska leedahay, waxaa la doonayaa in la ilaaliyo. Allena quraanka wuxuu ku yiri: “Dumarka meherkooda siiya siin.”

Haku adoonsanina hana ku dhibinina, gabarta wax walba ee xoolo noq onkara oo ayadu tiraahdo meher hala’iiga dhigo ninka guursanaaya hadduu raali ku noqdo meher way noqon karayaan. Waxyaalaha meherka noqonkara waxaa ka mid ah: Inay gabartu tiraahdo “Ninka intaasoo kitub ha ibaro, ama quraanka ha ibaro, ama sheyga noocaas ha ii sameeyo hadduuna sheygu mastaxiilba ahayn.”

Meherka in laqaaliyeeyo waa karaahiyo, waa arin laga fiican yahay, waayo Rasuulka SCW wuxuu yiri: “Waxaa nikaaxa ugu barako weyn midka ugu fudud xaga takaaliifta.” Waa inaa meherka qaaliga laga badin.

Haddaba waxaan usoo jeedinayaa gabdhaha muslimaadkaa, ee doonaya hadda ka gadaal inay guursadaan, kuwii guursaday xaaladoodu dhamaataye. Kuwa hadda doonaya inay guursadaan meherka yeysan qaali ka dhigin, meherka haka dhigeen shey macquul ah, oo intifaac ayaga u leh.

Markaa oran lahaydeen yacni hanala ku mehriyo “intaas oo kun oo doolar ama lacagta kale ah” , waxaa idin kaga fiican inaad isticmaashaa sheeyaal sahlan, oo intifaacooduna uu aad u badan yahay. Laakiin waxa maalmahan danbe danbeeyey, oo dumar kii laga helay inay gabartu tiraahdo “xoolo badan hala’igu mehriyo, si ninka haddaan ukala tagno aan xoolo badan ugala haro”. Haddaba, xaaladaas ayadaa haku fakarinina kuuma fiicnee.

Waxaa laga doonayaa ninka muslimkaa markuu gabarta mehersado, inta uusan ayadda la kulmin, uusan jirkeeda wax ka mid ah taabanin inuu meherka qayb ka mida sii siiyo. Sida ku sugan adilo ay qorayaan Abuu Daawuud iyo Nasaa’i.

Rasuulka SCW Cali ayuu amar ku siiyey inuu Faadumo bintu Mohamed sii siiyo xoogaa xoolo ah intuusan jameec ugu tagin. Wax meherka kamida waa in gabarta loo sii hormariyo, waana sida sunnada ah ee waajib ma’ahan, wayna wanaagsantahay in arinkaas lagu socdo.

Meherka waxaa ladoonayaa inaa gabarta lagu dhibin, ee waa inaa horay laga siiyo haddii loo heli karo, hadba ninka saw u helo karo waa inuu u siibixiyo. Markaa ka gadaal xoolo ayada hakadhigato, ama hasadaqeysato, ama ayadu ninkeeda hasiiso haddana mar ka le. Laakiin dabeecada ay qabaan dumarku soomaalidu waxa weeye dabeecad dhib badan.

Meherka in lasiiyo ma ay ogola inta laqabo, oo larabo. Meherka haddii lasiiyana in lafuraayo ayey u haystaan. War isku xishooda dumaroow, xoolaha idinkaa iskaleh ka qaata nimanku intay idiin ogolyihiin yeysan idinkala goyne, way idin ku fiicantahay inaa sidaa yeeshaan.

Ninkii guursada oo doonaya inuusan meherka bixin Rabigii wuxuu hortagi doonaa asagoo zaani ah. Waa arin aad iyo aad u liidata, marka bal halagu dadaalo xaalada meherka, yaanna la’adkeynin.

MEHERKA SIRTA AH: Meherka sirta ah, waa gabarta loo guursaday qudba sirada, ee hadday labo qofood ku heshiiyaan inay gabar isi siiyaan, oo markaa guurka dhaco, oo markaa la’isu dardaarmo gabarta inaan lasheegin in laguursaday, gabartana aabeheedbaa bix iyey, waxay culumdu leeyihiin siday u badanyihiin nikaaxaasu waa fasaqmayaa, mana ansaxayo , marka qudba sirada waxa layiraahdo way u dhamaatay, guurna ma’ahan ee iskadaaya.

Gabartii doonaysa inay guursato iyo ninkii doonaya inuu gabarta guursado nikaaxa daaha haka qaadaan, hana la’ogaado gabarta in ninku guursaday. Marka ladoonayo hadday doonaan doonida way qarin karaan, laakiin marka ay arintu nikaax gaarto waa inay muujiy aan, oo dadku ogaadaan, oo lagu sheekaysto gabar heblo nin hebal ayaa guursaday si aan loosoo haweysan. Marka walaalayaal Islaamka ilaaliya, xaqu wuxuu idiin dirayana haka taginina.

Qoyska iyo Guriga Islaamka - Qeybta 8aad

LineTree

Marka Caruusku Dhacaayo Waxyaabaha Loo Baahanyahay

Waliinimada laguu sheegayo waxa weeyaan ninka iyo haweenta marka la’isku guri geynaayo ama la’isku mehriyo waxaa layiraahdaa “Waliimatu Curfi”. Culumda Islaamku badankoodu waxay leeyihiin waa sunno, waxayna u daliilsadeen Nebiga C/raxman bin cowf wuxuu ku yiri: “Waliimo keen ri’ba Allaha kadhigee” waa xadiis saxiix ah. Laakiin culumdu waxay yiraahdeen qaarkood waajib waaye Nebigu amarbuu ku bixiyey waligiina kama tagin.

Waxaa la moodaa haddaa shan ari laqalin oo aan sagaal fanaan loo soo yeerin, oo aan meesha ciyaal suuq oo dhan iskugu imaanin inaan gabadha la’aroosin. Walaalayaal arintu saas ma’ahan, ee curuusyadda qaarkood in timir laga bixiyo, curuusyada qaarkood in muufo iyo maraq laga bixiyo, gabalna waa in ari laga qalo, gabalna waa in laga bixiyo xalwo iyo buskut. Saas ayaa ladoonayaa israafka waa in la’iska ilaaliyo.

Waxaa kaloo ladoonayaa waxa waaye siduu Nebigu sheegay SCW: “Hala saaxiibin ilaa qof aan mu’min ahayn, cuntadiina yuusan cunin qof aan taqi aheyn”.

Sharciga Islaamka saas ayuu oranayaa waayo cuntadu waxay u qaybsantaa sida tan: mid waxaa layiraahdaa “Dhacaamul Xaaja”, waa qofka dhibaataysan in wax lasiiyo. Ammaa cuntada “Fadhiiladaa” iyo wanaaga loogu talagalay iyo farxada, dadka Rabbi ka cabsaday maahane dad kale in loogu yeeraa looma baahna.

Wixii iyagu iskayimaada yaan lacayrinin, laakiin dadka loo yeeraayo dadka Alle ka cabsada ee masaakiinta ah, ee muslimiinta ah waa inay noqdaan, iyo dadka ayagu guriga leh. Waxay culumadu sheegayaan gabarta reerkeeda iyo wiilka reerkiisa wax ka mida meesha way imaan karaan, laakiin waxaa ladoonayaa dadka Alle yaqaan oo munkarka ka dheer inay yihiin.

Maanta arrintaas waa la la’yahay, dadkii adduunbaa ka qaalib noqday, oo diin gacanta kuma hayaan say u badan yihiin. Bal haddaa tiraahdo arrintaa yaana lasameynin, waa mid adag oo lamasameyn karo ayaa dadkii maanta ka soo horeysa. Haddii maanta arrimahaas la’isku dayi lahaa wax walba Alle wuu noo fududeyn lahaa.

Rasuulka SCW ruwaayad Bukhaari iyo Muslim ku sugan haweenkiisa mida ugu badneyd oo walinimada loo sameeyey Zeynaba ayey aheyd, hal ri ayaana laqa qalay. Saas ayeyna aheyd ee Rabbi ka cabsada oo waxyar walinimda ka dhiga hana ku israafinina. Waxaa ka dhigtaan wax dadka meesha jooga kala gaara oo aan ladaadin, oo aan xadgudub ku jirinin ka dhiga.

Gabartu gaari halagu qaado way fiicantahay iyo gabdho kale waana lasamayn karaa, laakiin waxaa fiican gabadha muslimadaa in guriga lagu aroosinaayo loo lugaysiiyo (waa haddii ay tahay meel loo lugeyn karo), si halkaa loogu muujiyo tawaadica iyo wanaaga, aanna u noqonin dadka adduunka caabudaya.

Ayaamahaan danbe ninka waxaa lagu soo qaadi shan gaari, gabadhana labaatan, dad waxaa soo raacaya faasiqiin ah. Walaalayaal waxaan diin ma’ahan ee Alle ka cabsada. Dadka walaalaha ah oo muslimiinta ah hadday gawaari haystaan oo lagu saacido lacag la’aan wax dhib ah malahan, laakiin lacagtaan takaasida ama lamaziinada lagu soo kireynaayo diinta idiima dirin, ee idinkuna ha isku kalifina.

Walaalayaal ha umaleynin inaan idinku adkeynaayo ee xaqaa saasa oranaya “Ilaahey dadka musrifiintaa majecla”. Muslimiin walaalihiina ayaa jeelal ku jira, Ilmo ogoona ayaa jira, gabal ayaa arradan, ku bixiya ee haku ciyaarina xoolaha waa haddaa kheyr doonaysaan.

Decorative Lines

La soco qeybaha ka haray…! Wa Billaahi Tawfiiq

Waxaa qoray:
Cusmaan Bilaad

Fadlan wixii Talo iyo Tusaale ku soo hagaaji.
{Cusmaan Bilaad}
Email: osmanbilad@hotmail.com
Source: SomaliTalk.com