Uurdoox 1

Decorative Lines

السَّلاَمُ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَةُ اللهِ وَبَرَكَاتُهُ

Allaah ayaa mahad leh, ammaan oo idilna Ilaah ayaa iska leh, qofkuu hanuuniyo ayaa hanuunsan, ninkuu lumiyana wax hanuunin karaa ma jiraan.

Taxanahan oo aan u bixiyay UUR DOOX waa mid aan uga hadli doono (hadduu Alle idmo) Mashruuca Islamiga ee Soomaaliya oo nin waliba wadaantiisa u ritay oo sheeganayo in uu isagu leeyahay; mashruucan ciddii sheegatana ay sheegad tahay, ninkii ka hadlana uu gaalnimo ku xukumanyahay, ka dibna dil aan naxariis laheeyn oo ay fulinayaan rag aan amar diidin wixii la farayana fuliya, iyagoo Ilaah ugu dhawaanaya dilka culimada iyo hogaankii mashruuca Islaamiga ee Soomaaliya iyo dadkii bud dhiga u ahaa sida;

Sheikh Dr. Axmed Xaji Cabdiraxman (Allaah jannadiisa ha ka waraabiyee.)

Dilka Sheikh Axmed wuxuu leeyahay tusmooyin aad u badan oo ay ka mid tahay kala go’a ku dhacay mashruucii Islaamiga ahaa iyo dadkiisii, iyo afgambiga dhiigga ku daatay ee ku dhacay dacwadii iyo dadkeeda. Waxaan aaminsanahay meelkasta ha lala aadee ninka dilay Sheikh Axmed X.cabdiraxman in uu ahaa nin u dilay manhaj uu aaminsanaa, qabiilkuu doona ha u dhashee, sababab kastana ha loo sheegee.

Marin habaabinta waa ka qayb qaadasho dilka dulmiga ah sida sagaalkii mujrimiinta ahaa ee u tashaday Nabi Saalax oo yidhi sida Allah noo sheegay: waxaan miraynaa isaga iyo reerkiisa habeennimo waxaanan dhihi doon naa ma arag meeshii ku halaagsamay. Allaah wuxuu ku tilmaamay shirqoolkii ugu xumaa ,Wuxuu Allah yidhi “anna waa shir qoolay fiiriya sidaan u burburiyay.” Dhiigga sh.Axmed meel cidla ah dhici maayo insha Allaah.

Maqaalkan aan u bixiyey (Uur Doox) waxaan ula jeedaa bal in aan is baro mashruuca Islaamiga iyo dadka qoriga heeysta oo aan waxba kala soconin mashruucaan, wixii loo akhriyay ama loo sheegay labaatankii sano ee dagaalka sokeeye ma ahee oo u haysta in mashruucan uu kasoo billaawday waqtiga uu indhaha ku kala qaaday.

Waxaan rabaa in aan akhristayaasha sharafta leh u qoro mashruucan meeshuu kasoo bilawday, iyo halka uu marayo si ay u yeeshaan aragti wayn una yeeshaan qiimayn wayn iyo go’aan wayn. Ummmaddoo dhan waxay galeen xaalad cabsi leh oo qofkii hadlo la yidhaahdo waa gaaloobay, ama gaaladuu la jiraa. Ciddii gaalo ku shaqeeysaneeyso waa la ogaan doonaaye bal aan qorno taariikhda mashruucan Islaamiga ah si aan u fahanno meesha aan joogno.

Dhaqdhaqaaqa Islaamka oo muddo ku hoos noolaa dhib, aadna loo cadaadin jiray ayaa wuxuu ku koray in wax kasta laga aamuso; taasoo keentay in ay dad qoraan wax aan sal iyo raad lahayn oo dadka ku sumeeyaan.

UURDOOX lasoco si aad wax badan u ogaato oo ku saabsan mashruuca Islaamka ee aan lagaa xigin, hana ka cabsan in aad akhriso meel kasta oo aad joogto, cabsi galinta ma ahan manhajka Islaamka, ee Islaamku waa qanaaco, faham iyo rumayn.

Waxaa la yiri ninkii la dhihi jiray Xajaaj ibnu Yusuf oo ku caan baxay in uu dadka cabsi galiyo oo dilo qofkii hadal ku soo celiya, ilaa uu ku yiri khudbadiisii u horreeysay markuu xilka qabtay:” wallaahi ninkaan iraahdo iriddaa ka bax oo tan ku dhaggan ka baxo waa dilayaa” dad badan oo ah culimadii joogtay waqtigaana laayey ilaa wax hadlo la waayey balad iyo baadiyaba. Waxay noqotay in uu qof waliba is barbardhigo dhiigiisa oo la daadiyo iyo in uu aamuso.

Waxaa la yidhi Xajaaj ayaa wuxuu u aaday ugaarsi (dalxiis) baadiyaha, markaasuu la kulmay nin caaqil ah oo kamid ah odaayaashii baaddiyaha, markaasuu la sheekeey stay, wareeysigii ayuu kusoo daray bal kawaran Xajaaj binu Yuusuf Athaqafi? markaasuu yidhi nacalad alla ha ku ridee dadkii waa dhameeyay, illaahay ha na dhaafiyo, culimadii oo dhan waa dhameeyay, wax soohadhay dadkii fiicnaa ma jiraan, waa daalim Allaah ayaa nagu salliday. Markuu hadalkii dhameeystay ayuu ku yidhi.

Aniga yaan ahay ma garanaysaa ? wuxuu yidhi maya, wuxuu yidhi waxaan ahay Xajaaj Ibnu Yusuf, wuxuu yidhi odaygii isagoo aad u argagaxay siduu ku badbaadi lahaana ka fakaraya, aniga ma I taqaan? Xajaaj ayaa yidhi maya” waxaan ahay ninka waalan ee reer hebel, waxaan qallalaa (suuxaa) maalintii afar jeer”.

Xajaaj intuu fiiriyey ayuu ka tagay, sidaasna waxaa ku badbaaday dhiiggii ninkaa. Sheekadan waxaan ku keenay qiso uu ii sheegay Allaha u naxariistee Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxman, wuxuu ii sheegay mar uu la kulmay oday soomaaliyeed in uu ku yidhi:” War wadaadadiinna dadkii waa dhameeyseen ummaddiina waxba kama aydaan reebin xaggee wax ku wadaan? isagoo hadalkii wado ayuu arkay wiil yar oo si xun u soo fiirinayo markaasuu yiri “maandhow wax fiicanna waa leeyihiin ayaa la yidhi”.

Mashruuca Islaamka ee Soomaaliya wuxuu soo socday muddo ku dhow nus qarni (50 sano) taasoo marba meel lagasoo dhiraan dhiranayey, si looga gudbo marxaladdaan ay umadda mareeyso iyadoo Islaamka xaggiisa loo socdo.

Culimmada Islaamkana wixii ay galaafato ma ahee inta kale ay marada u babiyaan, si ay ugu hogaamiyaan ugana leexan wadada toosan oo siduu Nabiga sheegay scw haysigeeda uu lamid noqon doono qof gacmaha ku haysta dhuxulo nool.

Lagasoo billaabo qaybsigii dunida Muslinka iyo dhiciddii khilaafadii Islaamka waxay reer galbeedka iyo barigaba ku heshiiyeen in ay aad u fogeeyaan diinta Islaamka iyo ku dhaqankeeda, dadkeedana maskaxda looga duulo, ciidan ahaanna loo qabsado. Waxaa diintii laga fogeeyey Siyaasadda, tacliinta, suugaanta iyo wax waliba oo la xiriira nolosha. Ilaa uu yiraahdo Baadari la yidhaahdo Zuweeymar madaxna u ahaa hay’adaha ku faafiya kiristaannimada dalalka Muslimiinta.“ Islam is a dying religion” oo macnaheedu yahay Islaamku waa diin sii dhimaneeysa.

Waxaa indhaha lagu soo kala qaaday iyadoo Masaajidda inta ku tukanaysa uu afartan jir u yaryahay, nin tacliin dhigtana uu wax diin ah ku shaqo lahayn, haddii saan saan keeda lagu arkana lagu cambaareeyo, si uu isaga fogeeyo. Waxaan xusuustaa Iskuulka markii aan damcay in la I geeyo aabahay oo kamid ahaa culimmadii waaweeyneeyd oo xer badan wax baraayay, wuxuu I yidhi ilmo aan dhalay Iskuul ma geeynayo aabo Iskuul ma ahee waa” Isqool”.

Waxay ahayd runtiis maxaayeelay wuxuu arkayey ilmihii loo diray wadamada yurub iyo maraykanka oo soo noqday iyagoo aan diin lahayn oo xambaarsan risaaladda gaaleey siinta oo raba dadka in laga xoreeyo diinta. Si kastaba ha noqotee adeerkay ayaa Iskuulkii I geeyay dugsiga hoose ee Buunda weeyn ee magaalada Balled-Wayne, oo uu dhisay Talyaaniga walina wax lagu barto.

Waxaa wax lagu baranjiray fasalka afraad iyo wixii ka korreeya Af-Talyaani wixii ka hooseeyana Af-Carabi. Inta aan ku maqanahay Iskuulka ma ahee inta kale waxaan ka mid ahay xerta aabahay raxmaddii janno alla hasiiyee.

Iskuulka inta aan dhiganaynay waxaa magacayga ka xoogbadiyey “wadaad” oo markaa ninka la yidhaahdo uu ka xishoonjiray in loogu yeero. Waxa wadaad loo leeyahay waxaa loo sheegayaa in aanay haboonayn isagoo waxbarasho ku jiro in ay ka muuqato astaan diimeed sida salaadda, maanta halkaas ha noo joogo maqaalkan ararta ah.

Uurdoox 2

Waxaan aad ugu mahad celinayaa dhammaan dadkii faallooyinka, dhiiri gelinta iyo ducooyinka ii soo diray Allaha idinka abaalmariyo.Waxaan Allah ka magangalayaa in aan wax dulmiyo ama la i dulmiyo in aan sibxado ama la I sibxiyo ama aan lumo ama la I lumiyo (waa ducooyinkii nabiga scw).

Qormadii koowaad kaddib waxaa ii soo baxay in dad badan dhufays galeen oo leeyihiin wadaad xaggee wax marsiin doonaa nin walibana irridiisa ayuu qool wayn islataagay, mid difaaco xarakadiisa iyo mid difaaco kacaankii, mid uu hayo xanuunkii doowlad la’aanta iyo wixii la haysan jiray xilligii barisamaadka iyo sida sahlan ee ay nagu dhaaftay, mid diin la’aan difaacayo iwm. Intaas oo dhan waxaan u sheegayaa, waxaan wax ka qorayaa dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee soomaaliya anigoo ka leh ujeedooyinka soo socda:

  • In aan nalwayn ku daaro taariikhda saxwada oo aan ku dhameeystay cimrigaygii intiisii badnayd.
  • In aan uga tago facyaalka soo socda dhaxal ay ka faa’iidaystaan si aan loogu dhicin khaladaadkii aan galnay.
  • In la ogaado waxa la gaaray iyo waxa dhiman si aan loo doondoonin wax la heeysto ama aan loo lumin wax la gaaray.
  • In dadbadan ay ogaadaan waxa ay soo qabteen Kana sugaan Allaah abaalmarinteeda.

Waxaan intaa raacinayaa in aan soo joogay laba qarni (qarnigii 20-aad ilaa kii 21-aad), laba doowladood iyo laabaatan sano oo dagaal sokeeya ah, diintana yaraantaydii ilaa maanta waan ku dhexjiray, afkayga iyo qalinkayga Allaah masoo marsiiyo aflagaaddo iyo gaf kooxeed iyo mid qofeed. Haddaan wax naqdiyo waxaan jeclahay in uu noqdo mid gar ah waxna dhisa.

Dadka faallooyinka qoro waxaan kula dardaarmayaa haddii aad saxwada ka midtahay oo aan isku da’ nahay waad fasaxantahay, ummada waxaad u reebayso soo dhowow, haddii kale sug inta laga gaarayo dhalashadaada, hana qaadkaaga, waxbarashadaada, kadibna qiimayntaada.

Haddaad dagaalkii sokeeye bilawgiisii aad sexddex jir ahayd oo aad hadda 23 jir tahay, akhri wixii kaa horreeyey, kaddibna markaad aqoonteeda iyo khibradeeda yeelato wax qiimee oo taladaada ku darso geeddisocodka islamdoonka.

Uurdoox 10

Waxbarashadii Somaaliya Isticmaarkii ka hor iyo kaddib

Waxbarashada waa xaqa aasaasiga ah ee adaanaha, waana waxa kala duwa ummadaha habdhaqan kooda, siyaasadooda, dhaqaalahooda iyo sida ay u fakarayaan. Islaamka wuxuu ku billoowday akhri, taasoo ah in Islaamka oo dhan uu yahay waxbarasho sidaa darteed waxa soomaaliya soo gaaray culimadii cilmiga islaamka xambaarsanayd, waxayna aasaaseen xarumo waxbarasho oo ay kasoo baxaan arday sii xambaarta cilmiga.

Xarumahaas waxay ku yaalleen magaalooyinka xeebaha iyo kuwa waaweeyn sida:

  • Zaylac mudisho
  • Harar
  • Baraawe
  • Warshiikh

Waxaa dhammaantood lagu baran jiray culuunta kala geddisan sida xifdiga quraanka,carabiga ,fiqiga iyo suugaanta carabiga. Sheekh yusuf Al-koownayn waa kii soo saaray alif wax ma leh, b hoos ku hale, t korkulabale.

Halgankii sayid Maxamad Cabdulle Xasan dagaal kii ingriiska uu la galay waxay keentay in ingriiska ka mamnuuco in la furo iskuullada kiristaanka, laakin waxay billaabeen in ay furaan iskuullo hoose oo Calmaani ah, magaalooyinka Berbera,Zaylac, Bullixaar.

1920-kii wuxuu Ingriiska soo rogay cashuur laga qaado xoolaha si loo helo miisaaniyad looga dhiso magaalada burco lix iskuul oo hoose iyo hal iskuul oo dugsi dhexe ah. Mashruucii waxaa ku kacay dadweeynihii taasoo keentay in la dilo guddoomiyihii degmada ingriiska u fadhiyay sidaasna waxaa ku istaagay mashruucii.

Arrintaa waxa hogaaminayay culimadii markaa joogtay. 1929-kii Ingriiska wuxuu keenay istraatijiyad cusub oo ah in sheekhyada loo ogolaado miisaaniyad ay ku furaan iskuullo gaar ah oo lagu barto quraanka carabiga xisaabta, akhrinta iyo qoraalka, waxaa kaloo miisaaniyad loo qoondeeyay in arday loo qaado Gordon College oo ku yaal Sudan, 5-tii arday ee ugu horreeysay ayaana galay

1933-kii Waxaa la aasaasay urur labaxay (Somaliland National Society) oo u ololaynayey in tacliinta casriga ah la qaato iyadoo ay wadaan dad Muslimiin ah, dagaalwaynihii adduunka ka hor, waqtigaa wixii kadambeeyey ingriiska wuxuu iskuullo ka furay Hargaysa, berbera, burco waxaa taa lasocday idaacad iyo filimada socdo oo lagu xayeeysiinayo waxbarashada.

1944-kii guddoomihii waxbarashada wuxuu magacaabay hoggaamiyayaal diineed si ay uga mid noqdaan shaqaalaha waxbarashada iyo dadka wax ka dhigaya iskuullada si kalashakiga loo saaro.

1945-kii marka ahayd 400 oo arday ayaa dhiganaysay iskuullada mustacmaradda iyo 19 madraso oo quraanka lagu barto xisaabta iyo carabigana lagu dhigo.1950-tii laba iskuul oo dugsi dhexe ayaa furnaa ,qabanqaabada dugsi sarana waa la hayey. Dhinaca koonfurta isticmaarkii Talyaaniga sidoo kale wuxuu yareeyay dacwadii kiristaameeynta isagoo ka baqay in lagu kaco wuxuuse fasaxay in la furo Catholic elementary schools.

1930-kii xukunkii fajistaha waa kalasoocnaayeen iskuullada ay wax ku bartaan Yurubiyaanka iyo kuwa caruurta dadka sar sare ee soomaalida ah ay wax ku bartaan. Waxaa aad loo hirgaliyay tacliinta calmaaniga ah mudadii xukunkii militariga ee ingriiska (1941-1950).

Waxaa furmay 29 dugsi hoose oo ay dhigtaan 1600 oo arday, ayna dhigaan 45 macallin. Iskuulkii ugu horreeyay oo ay gabdho dhigtaan waxaa la furay 1949. Waxaa aad u muuqatay dadka iskuullada ka baxayey waxay ahaayeen dadkii ingriiska iyo talyaaniga boosaska sare ka haystay ilmahooda, waxaana loo diyaarinayey in jagooyin ka qabtaan dowladda isticmaarka ah ee xiligaas dadka gumaysanaysay.

Waqooyiga Soomaaliya wuxuu ingriisku u qoondeeyay waxbarashada 500 oo giniga Istarliinka ah, dhinaca waxbarashada hoose sanadka markuu ahaa 1939-kii, waxay mustacmaradda xog ku bixisay in 16 soomali ah oo kaliya ay heeystaan waxbarashada galbeedka ee 12 sano ah (Dugsi Sare) markay taariikhdu ahayd 1942-1955-tii waxaa 19-ka Iskuul ee hoose dhiganayey 1000 arday.

Xorriyadda markii la qaatay waqooyiga waxaa ku yiillay 38 iskuul ee hoose oo wiilasha ah iyo 3 iskuul oo gabdhaha ah. Tirada wiilasha dhigta waxay ahaayeen 2020 arday, gabdhahana 319, ogoow wiilasha iyo gabdhaha iskuuladooda waa kala soocnaayeen dhinaca waqooyiga wadanka.

12 iskuul oo ah dugsiga dhexe oo ay dhigtaan1039 iyo labo dugsi sare oo ay dhigtaan 70 wiil.

Waxa dibadda waxbarasho ugu maqnaa gaar ahaan ingiriiska 150 arday waxaana waqooyiga joogay 45 macallin. Koonfurta soomaaliya markii xorriyadda la qaatay waxaa jiray 100 iskuul oo isugu jiro hoose, dhexe iyo sare, ardada waxay gaarayeen16000 oo arday oo dhigta dugsiga hoose iyo2800 oo dhexe ah, 782 sare. Macallimiinta waxay ahaayeen 470 waxaa heeystay shahaado buuxda 290 kaliya.

Xukunkii talyaaniga ee xorriyad gaarsiinta soomaliya loo xilsaaray wuxuu diyaariyey macaahid wax lagu barto sida machadka siyaasadda iyo maamulka (1950), machadka sare ee dhaqaalaha iyo sharciga (1954), iskuulka barashada islaamka,dugsiga magistaraale university institute oo isu bedeshay jaamacadda ummadda. Machadka barashada islaamka wuxuu soo saari jiray qaalliyaasha maxkamadaha madaniga ah.

Ardada macaahidaa ka baxda waxaa waxbarasho sare loogu diri jiray waddan ka Talyaaniga. Dadkii waxbarashada u ololeeynaayey in si buuxdo loo raaco galbeedka, waxaa ka mid ahaa Mohamoud Ahmed Ali oo loo yaqaan aabaha waxbarashada waqooyiga, wuxuu aaminsanaa in ilmaha la gayn karo iskuul marka uu quraanka soo dhameeyo.

Ardada ka baxda iskuullada afka carabiga lagu dhigto waxay waxbarasho sare u aadi jireen jaamacadda Azhar, waxaa jiri jiray dugsiyada waxbarashada daka waaweeyn oo ay dhiganayeen ilaa 1900 oo arday. Waxaan taariikhda waxbarashada soomaaliya kaaga siinayaa fikir in uu kuu muuqdo sawirka dhaqdhaqaaqa islamiga ah ee soomaaliya oo kasoo dhexbaxay dabaqada ku jirtay wabarashada.

Waxaa kuu muuqda in isticmaarka markii lagasoo baxay tacliinta ay si fiican gacanta ugu dhigeen dadkii calmaaniyiinta ahaa iyo wadaadadii oo wata tacliintii Islaamiga ahayd, laakin ku oodan masaajidda waxna aan kulahayn hogaaminta nolosha iyo ku dhaqanka shareecada islaamka.

Waxaa dunida muslinka ka billaawaday dhaqdhqaaq ay horkacayaan dad culimo ah. Hindiya waxaa kasoo baxay jamaacal islaamiyah oo uu hogaaminayo Abu Acla Al-Mowduudi, isku manhajna ahaayeen ikhwaanka.

Masar waxaa kasoo baxay Jamaacatul ikhwaanu Al-muslimiin, oo uu hogaaminayey Sh. Xasan Al-Bannaa, fikirkoodana ku fidiyey dunida Muslinka gaar ahaan dowladaha carabta, Ikhwaankii waxay samaysteen xisbi siyaasi ah iyo joornaal afkooda ku hadla lana dhihi jiray majallatu al-dacwah, halkudhiggoodu wuxuu ahaa;

Islaamku waa Dacwadeena, Quraanku waa dastuurkeenna, Rasuulku waa midka aan ku dayanayno, Jihaadka waa jidkeenna, yoolkeennu waa ilaahay, waxaan hiigsanayno waxaa ugu sarreeyo jidka allaah oo lagu shahiido.

Sheikh Xasan wuxuu isku duway rag mutacallimiin ah oo lix ah wuxuuu sheegay hadafkooda ah in ay soo celiyaan khilaafadii islaamka ee dhacaday 1920. Waxay billaabeen in ay Talaado kasta kulmaan, markii la ogaaday wadaadkii waxaa dilay si shirqool ah boqorkii waqtigaa Masar xukumayey Faaruuq, isagiina waa la inqilaabay, waxaa qabsaday masar golihii milateriga ee uu hogaaminayay Jamaal Cabdi Naasir.

Sidoo kale Soomaalia waxaa soo gaarayey shanqaraha dunida muslimka, waqooyiga Soomaaliya waxaa ka billawday ururkii “waxdada”oo uu hogaaminayey Sh. Cabdulqaadir Xaaji Jaamac , isku manhajna ahaayeen Ikhwaanka.

Koofurta waxaa isu tagay koox arday ah oo tiibo talyaani ah oo uu horkacayo nin aad u caqli badan aadna u firfircoon kana yimid reer culimo ah, Sh. C/qaadir Sh. Maxamud, waxay aasaaseen xisbiga Islaamka, waqtigii dowladdii xorriyadda ee la ogolaa in la furto Axsaab si ay u tartamaan, xisbigaas oo hadafkiisu ahaa dhaqan galinta shareecada Islaamka, isku manhajna ahaayeen Ikhwaanka.

Waxay baran jireen diinta Islaamka, ardayda iskuulada dhigata oo aad diinta uga fogaana, waxay ugu yeerijireen barasha Diinta Islaamka iyo ku dhaqankeeda. Waxaan soo gaaray 1967-69 waxay ahayd wax lala yaabo, qof tacliin maadi ah dhigto xadaarada reer galbeedka oo markaas caalamka saydaray naysay ka biyo cabbay, in uu diin ugu yeedho dadka, gaar ahaan kuwa Iskuulada dhigta.

Waxay tagi jireen fasallada markaasay wacdin jireen, waxaa dhashay kacaankii 21-kii Oktoober, waxaa kula wareegay inqilaab aan dhiig ku daadan taladii wadanka xukuumaddii milatariga ahayd ee uu hogaaminayey Genaral Maxamed Siyaad Barre, wax isu imaad ah waa la diiday waxay kooxdii Xisbiga Islaamka billaabeen in ay hoos isugu xirnaadaan, hoosna u shiraan hoosna ardada u uruursadaan.

Uurdoox 4

Mashruuca Islaamiga ee Soomaaliya Xaaladda Dunida Muslinka Allaa mahad leh, isagaan u cuskaneeynaa umuuraheenna oo dhan,waxaan rabaa qormadan in aan dib idinkugu celiyo todobaatameeyadii, sawir cadna ka siiyo dadkii aan joogin ,intii joog tayna aan xusuusiyo insha allaah.

Waxaa kaaga muuqda qoraaladii hore in muslimiinta soo mareen marxalado hoos u dhac ah sida qabsashadii Andulus, soo qixintii dadkii ku noolaa dhulkaas, rididdii khalaafadii u dambeeysay ee cuthmaaniyiinta, gumaysashadii dunida muslinka oo dhan, shucuubta muslimiinta oo dhinacwalba laga qabsaday, dhinac dhaqaale, siyaasad, tacliin, iyo dhinacyada nolosha oo dhan.

Waxaa soo baxay nimanka loo yaqaan “mustashriqiinta” kuwaas oo loo diray in ay bartaan diinta islaamka, luuqadda carabiga, dhaqanka muslimiinta, si iyaga ay u baraan diinta islaamka dadka kale, kutubaha ay ka qoraan islaamkana u noqdaan kuwa loo cuskado fahamka islaamka.

Waxaa aad u xamaaseeysnaa raga kiristaameeynta dunida muslinka waxaa shir lagu qabtay15/5/1978 magaalada Glenn Ary ee ku taal gobolka Colorado ee Mareeykanka, guddiga waxay qaybiyeen 40 qoraal oo lasoo diyaariyey, waxaana isugu yimid 150 gaaleeye oo khibrad weeyn u leh qaabka gaaleeysiinta muslimiinta, waxaa la isku raacay muslimiinta kiristaamayntooda in aanay sahlaneeyn, loona baahanyahay in machad gaar ah loo sameeyo oo lagu tababaro ducaadda aadeeysa dhulkaas,waxaana loogu magacdaray Samuel Zuwemer.

Wadaad u dhashay dalka oo lagu magacaabo Abuu Rayah una dhashay dalka Masar oo 20 sano jaamacadda Azhar wax ku baranayay ayaa loo diray in uu wax kasoo barto Germany waxaa gacanta ku dhigay mustashriq jamaacadda wax ka dhiga, markii uu soo noqday ayuu muxaadaro qabtay wuxuu muxaadaradii ku sheegay in labaatankii sano ee Azhar wax ku baranayay uusan fahmin diinta islaamka ee uu si dhab ah diinta u fahmay afartii sano ee waxbarashada Germalka uu’u tagay!!!

Wuxuu dabadeed qoray buug uu ku caaynayo saxaabigii weeynaa ee (Abuu Hureyra) Alla ka raalli noqdee wuxuu u bixiyey (al-Mudayra Abii-Hureeyra oo uu ku tilmaamayo in uu hunguri badnaa kana cunteeyn jiray guriga mucaawiyah salaaddana la tukan jiray (Cali binu Abii-Taalib), in uu yahay nin aan akhlaaq laheeyn,in uu yahay nin aan dagaalka ku fiicneeyn oo fuley ah,dhaar been ah ku dhaarta, iyo Abuu Hureeyra Allaha ka raalli noqdee in uu ahaa beenloow intaan oo xadiis ah see u xifdin karaa. (kitaabka bogga 72). Ninkan wuxuu billaabay in uu wax ka dhigo jaamacadaha islaamka ee Masar si uu u soo saaro Mashaaikh la faham ah.

Mucjisada diinta islaamka waxaa kamid ah islamarkaana tusineeysa xaqnimadeeda sida ay ugu adkeeysato naqdiga iyo la dagaallanka, waxaa lala jaha wareeray ilbaxnimada galbeedka iyo tan bariga oo ka fog xagga diin naceeybka siduu yidhi Marxist odayaashii shuuciyada, oo aaminsanaa, “diinta waa daroogada dadweeynaha”.

Uurdoox 3

Masaajidda inta ku hartay waa afartan jir iyo wax kawayn, culimada masaajidda wax ka akhriso waxaa fahmayo oo kali ah xertooda, qofka wuxuu u baahanyahay in uu waqti badan fadhiyo xalqada wadaadka si uu u fahmo lahjadiisa iskaba daa arday iskuul dhigata, dadwaynaha waxa aad u tiro badan inta aan tukanin oo waxaad arkaysaa marka la adamo qof qof ayaa ka kacaayo maqaaxi dhan oo la gabranyahay.

Xijaabka waxaa laga yaqaan shuko carbeedda, dumarka waxay sitaan guntiino iyo garbasaar tii dadaasha, waa caadi in haweeneeyda iyadoo hal guntiino xiran xaafadda iska wareegto ama gurigeeda hortiisa iska fariisato. Waxaad in badan maqasheen dacaayadaha lagu furi jiray wadaadada, sida (wadaadada beerka xeeyrta leh waa cunaane, ilaahay may ka yaabaan oo nasiiyaan,) (Ragga iyo dumarka yaa badan? Dumarkaa badan haddii wadaadada lagu daro).

Waxaa la sheegay niman dhallinyaro ah ayaa damcay in ay reer isaga dhigaan wadaaddo si loogu qalo xoolo, mid kamid ah ayaa yidhi anigaa aqaan sidaan reerka uga qalan laheeyn xoolo ee digri salaanta reeraha lagu galo ii qaada waxaadna ii tidhaahdaan (Allahuma salli calaa khayri khalqi sayidinaa) qasiidadii inteedi kale lama yaqaan:

Markaasuu yidhi isagoo wax kasheegaya wadaadada iskana dhigayo in uu qasiidadii qaadayo: Marka wan la qalo wardiyoow marka kale wayso xumoow, Allamusalli calaa kheeyrikhalqi sayidinaa, markii Sac la qalo salaado badnoow marka kale seexad xumoow, Allaahuma salli calaa kheeyri khalqi saayidinaa, markii geel la qalo… iyo erayo badan oo muujinaayo wadaadnimada in ay tahay mid wax uun lagu cuno ama lagu qaraabto.

Sidoo kale waxaa jiray iska warqab la’aan dunida muslimka ama kalaqaybi oo xukun, Boqortooyada Sacuudiga oo isku xukunta shareecada islaamka waqtiga noocaan ah waxaa lagu suntay “wahaabiya” boqolaal war oo aan waxba ka jirin ayaa laga sameeyay, sida nabigeey diidanyihiin, waa gaalo, yahuud ayaa ka dambaysa, neeftooda hadday ku gaarto waa khalaas oo waad raacaysaa.

Nin saaxiibkay ah qaraabanna aan ahayn, xerna isla ahayn ayaan waxaan ku idhi ina keen aan u tagno sh. Cumar faaruuq ,allaha u naxariistee, oo kamid ahaa rag yar oo lagu sheegi jiray wahaabi kutubana ku akhrin jiray masaajidka Marwaas ee magaalada Muqdisho, aan kalasoo doodnee wahaabiyada oo aan ku dhahno kabax waxaan, una soo noqo wadaada ahlsunnaha, saaxiibkay wuxuu iigu jawaabay” a’aah ha inoo gaynin maxaa yeelay wuxuu ku hordhigaa aayad iyo xadiis markaa mana raaci kartid mana diidi kartid aayad iyo xadiis oo waad gaaloobeeysaa ee inaga dhaaf”

Wax allaale wixii kutubo ah oo xaggaa kayimaadda waa la isku maxkamadayn jiray, khuraafada dunida muslimka ka jirta waa xarko gooys. Dadka waxaa aad u dhex galay fikirka qalloocan ee loo yaqaan “irjaaga”oo ah in waxba kaa dhibayn macsiyada mar haddaad ashahaadato, sida aanay kuu anfacayn cibaadada adigoo gaal ah.

Uurdoox 6

Ardada jaamacadaha dhigta marka aad dhex istaagto waxaad moodaysaa in aad joogto Rooma ama London, iskuulaadka waa sidoo kale, waxaa ku socdo ummadda inteeda loo yaqaan waxgaradka iyo da’da soo kacaysa galbeedeeyn xoog leh, kaddib waxaa dhashay kacaankii 21 Oktoobar 1969 oo ay hogaaminayaan rag saraakiil ah oo ka kala yimid ciidamada qalabka sida qeeybahooda, taasoo ay keentay kadib markii lagu dilay shirqool madaxweeynihii dalka Cabdirashiid cali sharmaarke, waddankana uu galay xaalad adag, saraakiisha waxay kasoo kala baxeen kulliyadaha talyaaniga, Ingriiska iwm.

Duullaanka maskaxeedka ku socdo Muslimiinta waxuu gaaray qaybta ugu culus, maxaa yeelay waa dad loo diyaarinayay in ay noqdaan hoggaankii ummadda mustaqbalka. Dowladdi ka horraysay kacaanka waxay ahayd mid Dimoqoraadi ah ,oo waxaa la ogolaa xisbiyo fara badan laakin waxay noqotay axsaabtii oo dhan kuwo ku dhisan qabyaalad fowdo, dilkii oo batay ilaa madaxweeynihii wadanka la dilay.

Waxaan idaacadaha kala soconnay tartankii madaxweeynanimada ee Aden cabdulle cismaan iyo Cabdirashid cali sharmaarke, guushiina ay ku raacday Cabdirashid iyadoo Aden Caddana uu si qurux badan uga degay madaxtinnimada. Annagoo iskuullada u kallahnay ayaan waxaan ku waabariisannay ciidamo meelkasta qori kalasoo jeeda, xataa iskuulkeenna korkiisa, waxaa naloo sheegay in aan ku noqonno guryaha isbedelka waddankana raadiyaha kala soconno.

Afgambiyo noocaan ah ayaa ka dhacay dunida Muslimka sida Sudan oo uu qabsaday Jacfar Numeeri, Liibiya oo uu qabsaday Qadaafi, Masar oo uu qabsaday Jamaal Cabdinaasir. Waxay dunida u kala qaybsantahay labada dhinac ee bari oo uu hogaaminayo Soviet Union iyo galbeedka oo uu hogaaminayo Mareeykanka.

Shuuciyadda waa wiil xalaal ah oo uu dhalay hantigoosadka, kaddib markii ay u adkaysan waayeen dhiigmiiradkoodii, xagga diin la’aanta waa kasii fogyihiin reer galbeedka oo iyagu waxay leeyihiin Ilaah wax la yidhaahdo maba jiro, noloshuna waa maaddada.

Waxaan diiradda saaraynaa xarriiqa dhaqdhaqaaqa Islaamka ee Soomaaliya, waxaan soo sheegay In laba Sheikh Cabdulqaadir Allaha ka abaalmariyee ay billaabeen dhaqdhaqaaqyo la magac baxay, AL-WAXDA iyo AL-AHAL, labada dhaqdhaqaaq inkastoo ay curdan yihiin haddana waa layaab waqtiga ay billaabmeen, dhiirranaanta, iyo kal adaygga, waxay dadka ugu yeerayaan in Islaamka uu yahay Manhaj nololeed, si kasta haddaan is idhaa u cabir ma cabiri karo, waxaana la yidhaahdaa kariwaaga cabbirka waa cabbir. Sidaan idiin soo sheegay waxaan ahaa waqtigaa xer-masjid iyo xer-iskool.

Waxaa aad iigu dhacayay culayska haysashada diinta islaamka, magceeyga waxaa ka xoog badnaa magaca wadaad oo la doonayo in aad soo raacdo ilbaxnimada masallahana wabiga ku riddo, Allaahu Akbar.

Waxay gabar ii sheegtay ku noolayd magaalada Burco, in dhallinyarada waxdada magaalada Burco la dhagaxyeeyn jiray marka la arko.

Waxaan xusuustaa macallinka in uu nagu khasbi jiray in aan qaadno heesaha, oo raadiye maba qabnee, fadhiisinta ardada fasalka dhexdiisa, gabadha waxaa la dhexfadhiisiyaa laba wiil, wiilkana laba gabadh. Dhammaan waxaa la qabaa surwaal iyo shaati, gabdhaha madaxa masoo dadan karaan waa khasab haddayrabto gabadha in ay soo qaadato gambo, waa in ay soo qaadataa nooca loo yaqaan ilyarta madoow ee timaha muuqdaan.

Waxaa loo baahanyahay ardada haddii diinta loogu yeero oo Masjidka la keeno, wadaad kee loo gayn karaa oo habeen ka u horreeya soo jiidan kara, haddii kale hadduu fahmi waayo waxa la sheegaya waa kaa fakanaa.

Waxaa ilaahay fadligii la helay Sh. Maxamad Macallin oo kasoo baxay Azhar waxna kalasocda dhaqdhqaaqyada Islaamka ee caalamka, wuxuu wax ka billaabay Masjidka loo yiqiin maqaamka Sh. Cabdulqaadir, wuxuu noqday wadaadka ardada lagu soo uruurin karo waxna fahamsiinkara, maqribka markuu soo dhowyahay waxaa kayimaada xamar jihooyinkiisa kala duwan wixii arday ah ee casharka ku taxan.

Magaalada Beledwayn waa magaalo taariikh ku leh Somaaliya, dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka (SYL) waxay ka mid ahayd meelihii xooga ay ku lahaayeen. Waxaa deggan dad kala duwan oo halqabiil aan ahayn, waxaa wax ka akhriya culimo kala geddisan oo aan ka xusuusto Sh. Jaamac Xirsi Allaha u naxariistee, Aabahay sheikh Cumar Sh. Axmediinle, Sh.Axmed saddiique, Sh. Muxumad yarrow, Sh. Maxamad Ture Sh.Cali Bood Allaha u wada naxariistee iyo culimo kale.

Waxaa masjidka aan ku kulannay nin caafimaadka shaqaale ka ahaa kana soo baxay machadkii sare ee caafimaadka ee Digfeer, loona soo bedelay Isbitaalka wayn ee magaalada Beledwayne, waxaa layaab ahayd in qof da’yar oo shaqaale u ah dowladda uu masjidka yimaado, laakin nin kaan waa raggii xamar lagu soo xiray masjidka maqaamka, wuxuu ogaaday in aan ahay arday iskoolka dhigto.

Waa is barannay wuxuu I weeydiiyay ardada iskuulka dhigata, waxaan baray inta masjidka timaadda wuxuu noo sameeyay casho, wuxuuna billaabay in dhaqdhaqaaqa noo sharxo in loo baahanyahay in muslimiinta loo celiyo islaamkooda iyo shareecada islaamka in la isku xukumo, loona baahanyahay in ardada diinta loogu yeero, magaciisu waa Aden Xaji Xuseen.

Wuxuu noo keenay kutubo ay qoreen ragga raca hore ee ku jira dagaalka sida rug caddaaga wayn ee Maxamad Qudub alla ha xifdiyee, Abuul Aclaa Al-moowduudi, Sh.Hassan Nadawi kutubtaa waa kutub xusuus gaar ah noo leh sababtoo ah annagoo duullaankii reer galbeedka na rajo tiray ayay naga dhiciyeen.

Ardadii xilligaa ayaa garanayo oo dareemaya dareenkayga, tusaale ahaan; Maxamad Qudub wuxuu qoray kitaabka uu u bixiyay Jaahilayada Qarniga labaatanaad, ararta kitaabka haddaad maanta akhriso waqtigaasna aad joogtay yaabkaa kaa dhamaanayo, kitaabka magaciisa oo yaab leh marka uu ka sheekeeyo jaahilayadii islaamka ka horreeysay iyo astaamaheedii , wuxuu leeyahay:

 “Jaahiliyada casrigaan arrinteeda waa kasii qallafsantahay tii hore, waana ka xuntahay waana ka xoogbadantahay, waa jaahiliyada “cilmiyeeysan” jaahiliyada baaritaanka, iyo daraasaynta falsafooyinka”

“Jaahilayada nidaamyada xoogga badan ee xididaystay, jaahilayada horumarka ee ku fitnaysan waxay gaareen, jaahilayada shirqoollada iyo burburinta aadanaha, jaahiliyo aan taariikhda horay loo arag. Kitaabkan wuxuu daraaseeynaa muuqaalkan qarniga labaatanaad muuqaalkan jaahilnimo iyo sida ay u saamaysay aragtida aadanaha iyo dhaqankooda.

Waxaa markhaati u soo qaadanaa in ay jaahiliyo tahay waxaan idinka tusi doonaa waaqica ka jira bari iyo galbeed, ujeedada aan ka leenahay daraasadan waa in aan marada ka faydno kuna saxno aragtiyada qalloocday iyo dhaqanka qalloocday kuna fitnaynaysan magaca horumar iyo ilbaxnimo, si aan ugu caddayno qarka ay kasii dhacayaan iyagoo isu maleeynayo in ay qumanyihiin.

Waxaa kaloo hadafkeennu yahay in ku bishaarayno mustaqbalka aadanaha, mustaqbalka aan rumaysannahay dadka marka ay ka baxaan mugdiyada gaalnimada una baxaan iftiinka islaamka, waxaan ogahay in arrinkan uusan ku filnayn hal kitaab ama kun kitaab, laakin halkan waxaan rabaa in aan diiwaan galiyo labo arrin:

1- Waxaan aaminsanahay in kalimadda aysan lumayn mudaba ha la iska dhagatiro haddii la rabee. 2- Isbadalkan dhab ahaan wuxuu ka iftiimay gudcur aad u madoow, iftiinkaa yar ayaan wax ku qorayaa.”

Kitaabkan markaan akhrinno run ahaantii waa ku diirsan jirnay wuxuu noo ahaa xoog aan isaga celino ardada iyo xoogagga calmaaniyada, oo markaa lahaa ha isku dayin in aad horistaagto ilbaxnimada haddii kale waxaa ku jiirayo cajaladda harumarka, waa in aad qaadataa xadaarada qarbiga dacdeeda iyo dooggeedaba. Suugaanta waxay ku socotaa khadkaas oo wuxuu nin gabay ku tiriyay:

 “Bari hore waxaa jiray inan (gabadh) aan bil iyo labo hadal kaaga bixinoo bari arag ku weeydaa, wax badalay kuwii hore balo geeso dheero buul madaxa saartoo suuqa baratamaayee” Gabadh ayaa u jawaabtoo tiri. “Badayahoow dib ha u celin dadka soo baraarugay”

Sh. Maxamad Qudubi waxaa ka muuqda culayska ay leedahay xadaarada qarbiga waqtigaa, “dadkeennii waa lala tagay waa in aan galnaa dagaal maskaxeed oo lasoo dhiciyaa ummaddii islaamka wax garadkii, haweenkii gabdhihii iyo siyaasiyiintii” Allah waxaan ka baryayaa Sh. Maxamed Qutub kitaabkaa in uu jannadiisa ku geeyo”

1973 Sh. Cabdulqaadir sh. Maxamuud waxaa marti galiyay Sh. Aden Xaji Xusseen, wuxuu nagu soo booqday Beledwayne, wuxuu iisoo bandhigay in aan kamidnoqdo dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee Ahalka, waxaan idhi tiro inteed dhantihiin wuxuu iyidhi ninkii soddon iyo afraad ayaad noqoneeysaa, wuxuu yidhi hadal yaab leh oo kasoo min guuriyey Cumar Binu khadaab mar uu weeydiiyey saxaabada nabiga scw oo uu ku yidhi:

Maxaad jeclaan laheeyd qof walboow in gurigaan lagaaga buuxiyo..?

Raggii qaar waxay yidhaahdeen waxaan jeclaan lahaa Isago dahab ah si aan ugu bixiyo jidka Allah, ninba meel ayuu ku dhuftay, Cumar wuxuu yidhi anigu waxaan jeclaan lahaa gurigaan oo buuxa oo Abuu Cubayda Caamir ibnu Jarraax ah, waxaan u baahannahay rag waadna u jeeddaan dadkii Muslimiinta waa lala tagay waxaan kala galnay ballan in aan u shaqeeyno diinta islaamka, Allah dartiisna u walaaloowno.

Uurdoox 7

Alloow naga ilaali gefka iyo xumaha, oo noo hag xagga raalli-ahaanshahaaga (aamiin).Xaaladdii Ka Taagnayd Caalamka Islaamka: Waxaan idiin soo tarjumay ararta kitaabkii uu qoray Sh. Maxamad Qudub, oo uu ku sheegay ilbaxnimada Reer Galbeedka (Dimuqraadiyadda) iyo tan Reer Bariga (Shuuciyadda) in ay yihiin jaahilayad halis ah isagoo ku tilmaamay in ay qar iska xoorayaan aadamahana u wadaan meel lagu halaagsami doono.

Haddaad akhrido kitaabka uu qoray Abul-Aclaa Al-moowduudi (allaha u naxariistee) ee layiraahdo ”Annaga iyo Ilbaxnimada Reer Galbeedka”, iyo kitaabka Sh. Abul-Xasan An-Nadwi “Dunidu Maxay ku wayday Hoos u Dhacii Muslimiinta”, iyo kan kale ee uu u bixiyay “Islaamka aan Dib ugu Noqonno.”

Kutubtaa ma aha kutub fiqi ah ama xadiis ama siiro ah, ee waa kutub la dagaallamaysa duullaan maskaxeedka lagu qabsaday Muslimiinta guud ahaan, iyo gaar ahaan inta wax baratay.

Kutubtani waxay diiradda saarayeen in ilbaxnimada Reer Galbeedka iyo Reer Bariga tahay qalfoof korka laga qurxiyay oo aan mutaysan in iyada darteed loo tuuro Diinteennii toosnayd ee Allah soo dejiyay. Waxa aad ugu soo noqnoqda kutubtaas ” islaamka waa waddo nololeed”. Taas waxa macnaheedu yahay in meesha laga saaro su’aasha ah (islaamka ma lagu dhaqmi karaa, mise waa diin aan u qalmin in lagu dhaqo Muslimiinta dhaqaalahooda, siyaasaddooda, iyo dhammaan waxa la xidhiidha noloshooda oo dhan?)

Nin kamid ah culimadii dalka Masar oo magaciisa la yiraahdo Sh. Cabdulqaadir Coowdah ayaa qoray kitaab uu u bixiyay “Islaamka oo Dhexyaalla Culimadiisii oo Tabardhigtay iyo Dadkiisii oo aan Aqoon” waana la dilay. Sh. Sayid Qudub waxaa loo daldalay in uu Islaamku yahay waddo nololeed. Xabsiyada dunida Muslimka waxaa laga buuxiyay wixii laga maqlo kalimaddaas. Xabsiga loo yaqaan Durrah ee ku yaalla dalka Masar ayaa waxaa loo soo galay rag fara badan oo ka tirsan Xarakada Ikhaawnul-Muslimiin, markaas ayaa lagu bilbilay rasaas waxaana ku dhintay boqollaal, maydkoodiina cagaf ayaa godwayn loogu qoday waana lagu duugay.

Dhacdooyinkaa iyo kuwo la mid ah waxaad ka akhrin kartaa kitaabka la yiraahdo “ikhwaanul-Muslimiin iyo Xabsiyadii Jamaal Cabdinasir”.

Taariikhahaa kooban waxaan uga jeednaa in ay kuu muuqato sida ay ahayd xaaladda waqtigaa ka taagnayd dunida Muslimka, Soomaaliyana waxba kama duwanayn.

Uurdoox 13

Waxaan soo sheegnay in mashruuca Islaamiga ah ee Soomaliya loo aasaasay dhaqdhqaaq uu madax ka yahay Sh. Cabdulqaadir Sh. Maxamuud, Sheekhna uu u yahay Sh. Maxamad Macallin Xasan (allaha u naxariistee). Dhaqdhaqaaqa waa “Al-Ahal”, waa magac tilmaamaya in ay dadka ka midka ah dhaqdhaqaaqaa ay qaraabo gaar ah yihiin, dadkana iska xigaan oo Allaah dartii walaalo u yihiin.

Dhaqdhaqaaqyada iyo axsaabta waa la mamnuucay markuu Kacaanku curtay kaddib, ciddii lagu ogaadana waa la xidhi jiray, in la dilana waa ay dhici kartaa, sidaa darteed qofka lagu soo darayo dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee “Al-Ahal” waxaa la hubin jiray in uu sir-xejis leeyahay oo haddii xattaa la ciqaabo aanu sheegayn xubnaha Ururka.

Dadwaynaha oo dhan waxay taageersanyihiin Kacaanka, sabatoo ah waxay dadku filayeen isbaddal ka saara wixii ay ku jireen oo ahayd qabyaalad, dib u dhac, faqri iyo cudurro, inkastoo la haystay xorriyad lagu cabbiri karo waxaad qabto, barlamaan dhisanyahay, doorasho xor ah ay jirtay.

Kacaanku wuxuu ka buuxiyay xabsiyada siyaasiyiintii muuqatay iyo intii laga cabsi qabay in ay wax samayn karaan. Waxaa soo baxay hal-kudhaggii ahaa:

”Ama afkaaga Heeyso Ama Afgooye Aad”,

Afgooye oo ahayd jihada la aado marka ragga xabsiga loo taxaabayo. Kacaanku wuxuu soo saaray xaashidii koowaad oo uu ku caddaynayo ujeeddooyinkiisa, iyadoo ay ku sawirantahay Kitaabka Quraanka, koofiya-bireed, iyo qori soodhka u taaganyahay.

Waxaa lagu qaaday:

  • Deellakabiirow,
  • maa lasoo dayo,
  • Kuwii digirta xadeen

Suugaantan waxaa loola jeedaa nin wasiir ah oo dowladdii xorriyadda ka tirsanaa ayaa xaday digir loo keenay dad dhibaateeysan oo abaaro ku dhufteen, marka waxaa loo tiriyay hadalkan oo laga dhigay dhammaan dadkii dawladd u shaqaynayay kuwo aan ka xishoon xataa digir in ay xadaan. Waxaa la duugay (aasay) qabiilka oo laga soo dhigay Sanam madoow oo foolxun, iyadoo dad fara badan isugu soo baxeen fagaarahaas.

Wax allaala wixii Kacaanka ka horreeyay wax kasoo qaad malahayn, wax fiicanna kuma jirin, qofkii laga maqlo “waxaa fiicnaa” waa xabsi. Waxaa loo bixiyay doowladdii xorriyadda: Dawaladda Musuqmaasuqa. Waxaa laga sheekeeyaa har iyo habeen xumaantii ay lahayd iyo dalka sida ay u gashay, dadkii u shaqayn jirayna waxaa loo bixiyay: Xaaraan-quutayaal iwm.

Waxaad raadiyaha ka maqlaysaa:

  • Xaaraan-quutayaashii,
  • Xaqiraayay shacabkee,
  • Xaabsaday waxeennii,
  • Kuwii naga xoreeyoow,
  • Xamdi baan idiin naqaynaa

Xitaa 1-da Luulyo oo ahayd maalinta xorriyadda la qaatay oo si wayn loogu dabaaldagi jiray waa la yareeyay. Dabaaldagga waddanka waxaa lagu soo uruuriyay 21-ka Oktoobar oo ah maalintuu Kacaanku curtay. 1972-kii wuxuu Kacaankii go’aansaday in la qaato wax loo bixiyay:

“Hantiwadaagga Cilmiga ku Dhisan” (Scientific Socialism). Soomaaliya waxay xubin buuxda ka noqotay Isbaheeysigii Bariga ee lagu magacaabi jiray Waarso (Warsaw Pact) oo uu madax u ahaa Midowgii Soofiyeeti (Soviet union), hay’adihii Maraykanka iyo Yurubta galbeed ee joogay Soomaaliyana waxaa loo qabtay in ay 48 saacadood waddanka kaga baxaan.

Waxaan xusuustaa in macallimiintii wax noo dhigaysay dusiga dhexe ee Sandhoor Guure ee magaalada Beledwayne in ay si halhaleel ah noogu yimaaddeen iyagoo na macasalaamaynaya noona sheegaya in labada doowladood xiriirkoodii xumaaday; sidaas darteedna ay ku noqonayaan dalkoodii.

Waddanka waxaa ku soo jihaystay fikradda Shuuciyadda oo magaca loo jilciyey si aan looga diidin (Allaahul Mustacaan), dadka Soomaaliyeed ee tiradoodaba tahay lix malyan oo lagu dhex tuuray badwaynta beesha hantiwadaagga maxaad u maleeynaysaa in uu ka soo hari doono?!

Waxaa soo degay Midowgii Soofiyeetka (Soviet Union) oo wata udbahiisii. Waxaa xafiis walba la taliye ka ah nin ka socda Midowga soviet-ka laga billaabo xafiiska madaxwaynaha ilaa kan u hooseeya, waxay macallimiin ka noqdeen dugsiyada sare, jaamacadaha, dugsiyada milatariga iyo meel walba.

Maaddada Hantiwadaagga waxay muqarar (qasab) ku tahay qof kasta oo jaamacadda dhiganaya takhasus kasta oo uu baranayo, haddii uu ku dhaco Maaddada Hantiwadaagga ma qalin jabin karo.

Waxaa la abuuray ururka dhalinyarada hantiwadaagga oo xambaarsan fikradda hantiwadaagga, waxaa dadkaas qaybahooda kala geddisan loo qaaday waddan-waynaha hantiwadaagga ee Soviet-ka halkaas oo la tusinayo horumarka ay gaareen, kaddibna loogu sheekaynayo in ay horumarkaa gaareen markay diinta ka xoroobeen.

Saxwada (Baraarugga) Islaamka oo curdin ah ayaa waxay gashgay dagaal caqiido oo aan dheelli tirnayn, dagaal u dhexeeya iyaga iyo nidaam dowladeed oo ay gadaal ka riixayso dowladdii caalamka ugu xoogga badneeyd.

Waxay dowladdu furtay xabsiyo waawayn oo lagu rido qofkii ka horyimaadda Kacaanka, wiilka yar e hantiwadaaggu madaxmaray wuxuu kari karaa in uu xabsiga ku geeyo saddex bilood oo dedeg ah. Markiiba waxaa la soo saaray xeerka qoyska oo simaya dhaxalka wiilka iyo gabadha. Culimadii ayaa ka hortimid iyagana toban kamid ah ayaa lagu toogtay meel fagaare ah oo la isku soo baxay, kaddibna waxaa la dhigay bannaanbax lagu taageerayo go’aankii dowladda. Waxaa dhacay cabsi aad u badan.

Uurdoox 8

1974-kii Kacaankii wuxuu soo saaray go’aan ah in dadka in lagu qaado ololaha ciribtirka akhris-la’aanta iyo qoris-la’aanta. Markii hore waxaa laga billaabay magaalooyinka kaddibna baadiyaha.

Xarakada waxaa kasoo baxay go’aan ah in xubnaha Xarakadu soo xifdiyaan Quraanka muddada ay ku maqanyihiin Ololaha, dadkana salaadda soo baraan. Waxaa Ololaha ka qayb qaadanayay warfaafinta, ciidammada, iyo shaqaalaha dowladda. Ololahu wuxuu ka dhacayaa laga bilaabo Raaskambooni ilaa Raascasayr, xubnaha Saxwada waa yaryihiin laakin waxay hayaan niyad, waxaana ku jira caziimad aan xad laheeyn.

Waxaan xusuustaa in aan tagey magaalada Buulaburde oo hoos imanaysay gobolka Hiiraan oo aan Xarakada mas’uul uga ahaa, si aan u gaarsiiyo farriintan ardayda degmadaas inta aanay bixin. waxaan tagay galab Khamiis ah, qofna kama aqaan magaalada.

Waxaan ku tukaday masjid jaamaca wayn salaaddii maqrib, salaaddii kadib nin yamani ah ayaa foox shiday, shaah iyo qaxwe keenay, kaddibna bilaabay in uu akhriyo Barzanji (kitaab mawliid ah), markuu cisha soo dhawaaday dadkiina soo dhawaadeen ayaan kalimad ka idhi xalqadii.

Markii cishaha la tukaday ayaa dhallinyaro ii timid, anna waa kuwaan raadinaayay, waxaan weeydiiyay in ay iskuul dhigtaan, mise intooda badan waa arday Ololaha aadaysa. Waxay ii soo jeediyeen in barri salaadda Jimce kaddib aan hadal ka jeediyo Masjidka,waa markii iigu horreeysay oo aan jamac intaa leeg aan hor istaago.

Waxaan istaagay Jimcihii kaddib dadkiina qof ma kicin, waxaan soo qaatay xadiiskii macnihiisu ahaa “saddex ninkii laga helo wuxuu helaa macaanka iimaanka”. Qof dhaqaaqay ma jirin. Kaddib ayaan ardaydii kula kulmay Hotel Camaloow.

Waxaan ku boorriyay in ay Quraanka soo xifdiyaan dadkana salaadda iyo diinta soo baraan. Waxaan xusuustaa waxaa nala geeyay annagoo toban ah tuulo la yidhaa Buqkoosaar oo u dhexaysa Beledwayne iyo Ceel-Cali.

Dadka markaan far-soomaliga u dhigno galinka hore, galinka dambe ayaan salaadda iyo diinta bari jirnay. Reer-guuraaga qaar ayaa u soo guuray tuulada agagaarkeeda si ay diinta u bartaan. Ardaydii nala socotayna waxaan ku afuufaynay dacwadda… (La soco qaybta 5aad inshaa Allaah)

 “Waa kuwaanaa sawirada qayb ka mid ah dhalinyaradii mashruuca Islaamdoonka, hadana ah duqayda mashruuca Islaam doonka.”

  • Axmed Xaaji Cabdiraxman (alle ha u naxariisto)
  • Cali yusuf
  • Maxamud Ciise
  • Xuseen Cali Xaaji
  • Cabdulqadir Maxamed Cabdi iyo Dr. Axmed Xaaji Cabdulqaadir oo dacwada ku ciroobay.

Uurdoox 9

Alloow Naga Aqbal Dadaalkeenna iyo Camalkeenna oo Raad Fiican naga reeb (aamiin). Qoraalladan ilaa iyo markaan billaabay waxaa isoo gujinaya xoog aanan garaneeyn  halka uu ka imanayo anigoo filaya in Allaha caadilka ah uu ka imanayo xaggiisa, kaasoo I leh “horray u soco wad qoraalada” Sidaan horay u sheegay ujeeddooyinka qoraalladan waxaa kamid ahaa in la ogaado waxa lasoo qabtay si aan loo lumin wax la qabtay ama aan loo doondoonin wax la haysto. Mashruuca Islaamkana halka uu marayo ay kasii wadaan facyaalka soo kacayo insha allaah.

Haddii aad culays ka dareemeeyso qoraalladayda ha la yaabin sababtoo ah waa noloshaydii iyo waaya aragnimada qof ahaaneed ee aan soo maray. Waxaa horay loo yidhi: oohinta qofka laga dhintay iyo mida qofka la soo kiraystay ooynayso isku mid ma aha, (waa dhaqan carabtu lahayd in dumarka laga dhintay  soo kiraysaan dumar kale oo la ooya)  Waxaa ii muuqda meesha ummaddaan u dhimanayso in ay tahay diin la’aanta iyo in aan la qiimayn waxa la haysto iyo waxa maqan ee la rabo in la doono. Maxaa fiican oo qofkii kaa horreeyay qabtay  oo u baahan sii wadid, maxaa lagaa rabaa in aad ku kordhiso oo ka dhiman.

Uurdoox 12

Kulliyadda waxbarashada ee Lafoole

Kulliyadda waxbarashada ee lafoole waxay leedahay taariikh gaar ah oo mudan in la xuso sababtoo ah waa kulliyaddii ay kasoo baxeen macallimiin badan oo wax baray facyaalkii wax bartay ee dalka qaybihiisa kala geddisan maamulka u qabtay.  Waxaa la furay lafoole Octobar 1963, waxaa dhismaha iyo meesha laga dhisayba fuliyay maraykanka, wuxuu ka dhex dhisay masjid leh minaarad quruxbadan, waxaa lagu billaabay 5 macallin oo maraykan ah oo kayimid Eastern Michigan University mid kamid ah ayaana madax u noqday iyo 2 macallin oo masaari ah oo midna dhigo luqadda carabiga midna diinta.

(Dr. ismaciil Samatar oo kamid ahaa 50-kii arday ee lagu furay),waxaa la dhihi jiray NTEC (National Teacher Education Center), waxay ku xirnayd jaamacadaha maraykanka ,raga kasoo baxa waxay ahaayeen rag aad ay u saamaysay ilbaxnimada galbeedka, afka wax lagu barto wuxuu ahaa afka ingriiska, oo ninka ku hadlaa laba jumladood uu ahaa nin la jeclaysto in la noqdo isagoo kale waxbaba yaanay u wehlinin hadduu rabee. Sidoo kale waxaa lamid ahaa qofka talyaaniga ku hadla,sababtuna waxay ahayd waa afka qolada dadka dunida qabsatay.

Macallin kamid ah macallimiintii wax ka dhigaysay Dugsiga sare ee Axmed Warsame  ee magaalada Beledwayne, maamulana nooga ahaa cismaan Badawi ayaa maalin wuxuu noo dhigayay taarikhda aadanaha wuxuu aad nooga dhaadhiciyay in dadka daanyeer kayimaadeen (evolution), dood culus ayaa na dhexmartay laakin waa ku adkaystay ardaydiina qaar ayaa ku raacay, waxaan noqday wadaad diin duqoowday ku dheggan, ciil darted waxaan doondoontay wax burrinaya nadariyaddaan cilmi ahaan si aan uga horgeeyo isagana dhiciyo macallinka waana waayay, tusaalahan aan kuu sheegayo waxay haystaa arday walba oo iskuul dhigta intaa iyo kabadanna waa ku dhacayaan.

Ogoow akhristoow ardada waa dadka ay fiirsanayaan dadka oo dhan, dugsiga sare waxaan ku dhiganaynay markaas 27 arday. Macallimiinta kale waxay kasoo bixi jireen dugsiga Maccestrale oo lagu dhigi jiray afka talyaaniga. Macallimiinta inta tukato waa nadir xataa kan diinta dhiga ma tukado. Waddamo badan ayaa waxaa ugu horreeyn laga furay kulliyadaha waxbarashada ujeedada waxay ahayd in la helo macallimiin xambaarsan fikirka galbeedka oo soo saaro hoggaamiyayaashii barrito, waase usoo noqon doona ujeeddo ayaan kaleeyahay xusiddan.

Uurdoox 11

Sida aan kuu soo sheegay waxaan u wareegnay beesha hantiwadaagga ee uu hogaaminayo USSR (United Soviet Socialist Republics), madaxweeynihii dalka ayaa ku dhawaaqay in la qaatay hantiwadaagga cilmiga ku dhisan (scientific Socialism) oo aabbayaal u yihiin Karl Marx iyo Lenin. Gumeeysigii wuxuu ka tagay maxkamado lagu xukumo shareecada islaamka gaar ahaan waxa la xidhiidha arrimaha qoyska sida; dhaxalka, guurka furriinka iwm, oo uu fadhiyo qaaddi diinta islamka yaqaan.

Janaayo 11, 1975 ayaa kacaanka soo saaray sharcigii xeerka qoyska ee ”sinnaanta ragga iyo dumarka” Jan 1 7,1975 maalin jimce ah ayaa wadaad ka istaagay masjidka Sh. Cabdulqaadir magaciisana ahaa sheikh Maxamad Axmed wuxuuna gacanta bidix ku qabtay wargayskii lagu qoray go’aankii xeerka qoyska, gacanta midigna quraanka isagoo leh makanaa cadaalad ah mise kan.

Shiikh kale oo magaciisa la dhihi jiray Sh. Muuse yusuf oo masjid kale ka hadlayayaa tilmaamay in aan Ruush wax naga dhexeeya jirin ee shartiisa allaha na dhaafiyo , nin kale oo sheikh masaari ahna waa ka hadlay oo markii dambe dalka laga musaafuriyay.

Waxay culimada ka hadlayaan axkaamtii qoyska ee yarayd ee uu talyaaniga ka tagay oo ka haray shareecadii islaamka oo dhan maxaa loo bedalayaa?. Waxaa dhacay kacdoon bulsheed oo xoog badan kuna sigtay kacaanka inuu dhaco. Kaddib waxaa la xidhxidhay dad aad u farabadan kadibna waxaa lasoo joojiyay maxkamad, xukunkii wuxuu u dhacay sida tan:

Subax Khamiiseed ee ay bisha Muxarram ahayd 11ka sanadkii 1395kii, kuna beegnaa 23kii January 1975kii ayaa Idaacaddii Raadiyow Muqdishu laga sii daayay war argagax iyo cadho ku beeray shacabkii Soomaaliyeed, inkastoo aanay wax fal ah oo ay kaga hor tagayaan arrintaasi aanay waagaasi qaadin haddana qof kasta meel uu joogayba hoos u foorarsay.

Warkii Radio Muqdishu sii daayay oo aad u koobnaana waxa uu u qorraa sidatan:-”Sida ay sheegayso wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA waxaa saaka subixii dil toogasho ah lagu fuliyay 10-kii qof ee ay maxkamadda badbaadada qaranku ku xukuntay dilka , waxaana lagu toogtay oo dilkaasi lagu fuliyay garoon u dhaw dugsiga booliska ee ku yaala xeebta badda.

Magacyadooduna waxay kala yihiin:

  • Sheekh Axmed Sh. Maxamed
  • Sheekh Muuse Yuusuf
  • Sheekh Axmed Iimaan
  • Cali Xasan Warsame
  • Xasan Ciise Iley
  • Maxamed Siyaad Xirsi
  • Cali Jaamac Xirsi
  • Aadan Cali Xirsi
  • Saleebaan Jaamac Maxamed
  • Yaasiin Cilmi Cawil

Maxkamadda badbaada qarankuna waxay ku eedaysay dambiilayaashaasi horteedana ay kaga caddaatay in 10-kaas eedaysane ay si wadajir ah uga hor yimaadeen xeerkii ay sida wadajirka ah iskugu raaceen kana soo baxay golaha sare ee kacaanka, iyo golaha wasiirada 11-kii January sanadkii 1975kii, kaasoo ku saabsanaa sinnaanta ragga iyo dumarka, waxa ayna maxkamaddu u cuskatay xeerka lambarkiisu yahay 12 qodobkiisa 54-aad ee soo baxay 10-kii bishii 9-aad sanadkii 1970ki”(1)

Xukunka waxaa ridday Maxkamadda Badbaadada Dalka oo aan laga qaadan Karin racfaan.

Xilligaa in badan oo saxwada ah waxay ku maqnaayeen ololihii baridda afka soomaaliga,kacdoonkan wuxuu ahaa mid shacbi ah oogilgilay dowladda. Fulintii dilkana waxay farriin xooggan u dirtay ciddii istitraahada waxaad ka hortagi kartaan mabda’ hantiwadaagga ee wadiidiisa  cagta  saaray.

Raga kacaanka hoggaaminayo waa saraakiil kasoo wada baxay inta  badan kulliyadaha dalka Talyaaniga sida Modena iyo kuwa ingriiska sida Sanders iyo kuwa carabta sida Masar.

Waxaa lagu sheegaa inay tukadaan labo nin Cismaan Maxamad Jeelle iyo Axmed Xassan Muuse, diintaa wax lagu dhaqi karaa iyo fahamkeeda aad iyo aad ayay uga fogyihiin, waa rag ay ka go’antahay in ay waddankooda horay u mariyaan, kana saaraan dib u dhaca,  laakin shareecada in wax lagu xukumi karo xagga iska dhig oo waxay kala midyihiin madax badan oo ah kuwa ka taliyo dunida muslimka.

Madaxtooyada masaajid maleh, iskuulaadka, jaamacadaha waa sidoo kale, kulliyadda jaalle siyaad ee saraakiisha kasoo baxaan masjid ma lahan, ninka yidhaahda waa tukanaa waxaa ku adkaanaya  in uu helo waqti uu ku tukado iyo meel uu ku tukado. Welwelka ugu wayn waa sidee u tukataa ama diintaada u haysataa adigoo waxbaranaya ama shaqaynaya.

Tusaale ahaan waxaan xusi karaa, Lix gabdhood ayaa laga raacdeeyay kulliyadda lafoole, waxaa la yidhi kala doorta qaadashada xijaabka iyo waxbarashadiinna aad soo waddeen, waxay doorteen in aanay dhigin xijaabka alle ku faradyeelay/waajibiyey.

Gabdhaha waa gabdho soo dhamaystay waxbarashadii dugsiga sare oo aad u adkayd, waxaa dhibka cayrinta ka daran waalidka oo dhan oo u arkayo qof dhintay oo ku ciyaaray mustaqbalkiisii, dadaalkii waalidkana kadhigay halbacaad lagu lisay, ma aha gabdho akhlaaq xun sababta lagu cayrinayo,  kaliya waa qaadashada xijaabka oo ahaa wax lala yaabo waqtigaa, waad garankartaa culayska gabdhahaa fuulay iyo waxa ay u adkaysteen,waxaad ku qaboowsataan maanta in aan Iskoolaadka soomaaliya dhamaantood ama  in badan oo kamid ah aan la aqbalayn gabar aan xijaabnayn, waxaan rajaynayaa gabar kasta oo Xijaaban oo Soomaali ah ama xijaaban doonto in uu ajar idikaga socdo, abaalka aakhirana waa kasii wayn yahay bi idni laah.

Gabdhahaas waxay kala ahaayeen;

  • Caasho Salad oo hadda yemen joogta (xaaska Cali Muuse Ciise)
  • Khadiijo Garwayne kuna nool Toronto (Marwada Sh. Maxamuud foodcadde Allaha jannadii ha ka waraabiyee ka geeriyooday)
  • Qaali Maxamed Cabdi (allaha u naxariisto)

Iyo saddex gabdhood oo kale. Illaahay waxaan uga baryayaa inuu naarta ka xijaabo, xariirta Janadana labis uga dhigo, idinka waxaan idinka rajayanayaa inaad u ducayn doontaan.

Akhristoow amaad istiraahdaa wadaadka ma dhul gaaluu ka sheekaynayaa, maya ii sug wax yar.

Mashruuca Islaamka ee Soomaaliya raggeedii waxay go’aansadeen in ay marka ugu horraysa is dhisaan  oo ay soo saaraan rag kun nin u dhigma iyo in arddada soo dhamaysata dugsiyada sare loo jiheeyo laba qeeybood:

  • Milateriga
  • Waxbarashada

Labadaan mu’asaso waa labada laga fasahaadiyo dunida muslimka, tan hore waa xoogga loo adeegsado fulinta mabda’ kasta oo xun  iyadoo isla markaana ah awoodda lagu caburiyo shucuubta muslimka ah. Tan dambe waa midda barbaarisa facyaalka soo kacayo oo dhan waxa wax barbaarinayana waa macallimiinta kasoo baxday kulliyadda waxbarashada lafoole.

Ardada kasoo baxaysa waxbarashada,  reerahoodu waxay u sugayaan sida reer sabool ah oo hal neef oo dhalaya leh sida ay  u sugaan, waxaa lasii qorsheeynayaa meesha waxbarasho ka gali lahaa iyo shaqada uu qaban lahaa si reerka u soo galiyo dhaqaale fiican, haddii uu ardayga yahay wadaad waxaa in badan iska horimaanayo qorshihii reerka iyo kii xarakada islaamka, waxay ku qaadanaysaa waqti in uu ka qanciyo reerka meesha loo dooray, sidaa daraadeed waa inuu reerka qorshahooda raacaa haday u diraan labada kuliyadood ee aan soo xusnay meel aan ahayn, oo uu markaas  jabiyaa istraatijiyadii dhaqdhaqaaqa islaamka.

Waxaad ogaataa ardada wadaaddada ah inay yihiin ardada xagga aqoonta ugu sarraysa iskuulaadka, taasoo meesha ka saartay in hoos loo fiiriyo wadaadka, waa la yaqaannay fagaarayaasha waxbarashada marjica waxay ahaayeen wadaadada.

Walaaha waxdada waxay ka fureen Hargaysa iskuullo gaar ah oo laba ujeeddo kalahaayeen, in ay raggooda ku dhisaan aqoon ahaan iyo in ku kasbadaan ardada kale waxaana kasoo baxay rag waawayn oo dacwada wax wayn ka taray. Mararka qaarkood waxay nafta iigu sheekayn jirtay war xaggee ka iman nasriga Kooxdii u horraysay waxay aadeen Russia, kooxdii labaad waxay ku xaroodeen kulliyadda Jaalle Siyaad.

Waxay ahaayeen 5 nin, waxaa maalmihii koobaadba lasoo cayriyay saddex kamid ah, maxaa lagu soo ceeyriyay? Sheekadan waa taariikh yaanay ku dhaafin, layli saraakiishii ayaa waxay ku jireen hoolka shirarka waxaa khudbad u jeedinayay sarkaal sare, waxaa soo gashay salaaddii maqrib, wadaaddadii waa kuurkuursadeen war see yeelnaa salaaddii waa joogtaa?

Mid baa gacanta taagay waxaa la waydiiyay wuxuu rabo, wuxuu yidhi waan soo tukanayaa, waxaa la yidhi ma jirto? markuu dhowr jeer gacanta taagay oo salaaddii loo diiday ayaa saddexdoodi midna imam noqday labana ku xirteen meel hoolkii dhexdiisa ah,  iyagoo sujuudsan ayaa askar lagu dalbaday lug iyo gacan isu qabteen waxaana lagu tuuray xabsiga iyagoo aan dhammmaysan salaaddii kadibna waxaa laga tiriyay dirayskii waana la cayriyay, maanta waa joogaan.

Magacyada raggaas waxay ahaayeen;

  • Xasan Afrax Guure
  • Axmed Ducaale
  • Mahdi Jimcaale.
  • Cabdinasir Xaaji Axmed oo ragga ka mid ahaa ayaa warka faahfaahintiisa ka heli kartaa.

Ragaas ilaahay waxaan uga baryayaa in xabsiga aakhiro ilaahay ka badbaadiyo, khaa’iqda dhexdoodana uu ku sharfo maalinta ummaduhu aruman yihiin. Halkaas ha inoo joogto lasoco qoraalka danbe insha allaah. Aad ayaan ugu mahad celinayaa dhamaan inta ducada iyo dhiira galinta qoray ama ila soo xiriiray, Jazaakumu laahu khayran.

Wa Billaahi Tawfiiq

Decorative Lines

WQ: Sheikh Cabdiraxman Sheikh Cumar
Fadlan la soco qeybaha ka haray
Source: Somalitalk