السَّلاَمُ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَةُ اللهِ وَبَرَكَاتُهُ

Qoraaladii Qumraan

Qore: Dr. Saadiq Enow

Decorative Lines

Qoraaladii Qumraan

Qumraan waxaa lagu magacaabaa dhul-dhagaxeed ku yaal xeebta galbeed ee badda meydka ah (Dead Sea) ama (Baxrul-Meyid) bariga dalka Jordan. Dhulkaasi oo ah dhul qarar badan leh ayaa wuxuu 8 km. u jiraa degmada Ariixa (Jericho) ee dalka Falastiin kaga taal daanta galbeed ee webiga Jordan.

Waxaa halkaas ku dhaqan qabaa’il lagu magacaabo Al-Tacaamir ee carabta badowda ah. Degaanku maahayn mid la yiqiin muddadii ka-horeysey bartamihii qarnigii tegey, markaas oo godadka qararkeeda laga heley qoraallo badan oo ku xardhanaa hargo gaboobey. Dhigaallada la heley oo ah kuwo ka hadlaya diinta masiixiyadda iyo yahuudiyadda, waxay dood badan ka dhaliyeen fahamkii caqiidiga ahaa ee saldhigyada u ahaa diimahaas labada ah.

Markey taariikhdu ahayd 9/ 8- 1947-kii ayay bilaabatey taariikhda lagu heley qoraallada Qumraan. Laba wiil ee yar-yar oo u dhashay qabaa’ilkaas aanu soo xusney, ayaa sida caadada u ahayd waxay maantaas ari ku raaceen meel kamid ah qararka ku yaal Qumraan. Wiilasha waxaa magacyadooda la oran jiray Maxamad Al-Diib oo 10 jir ahaa iyo Maxamad Al-Xaamid oo 12 jir ahaa.

Waxar kamid ahayd arigii ay la joogeen ayaa ka luntey. Mid kamid ah wiilashii, isaga oo waxartii raadinaya, ayuu dhagax ku tuurey god ku dhex-yaal meel qar ah. Dhagixii wuxuu ku dhacay weel godka dhex-yiil. Wiilashii waxay la yaabeen shanqartii weelka. Markaas ayay galeen godka gudihiisii. Waxay ugu tageen aashuun meesha yiil oo dhagixii ay soo tureen uu jebiyay.

Subaxdii xigtey, wiilashii waxay soo kaxeysteen caruur saaxiibadood ah. Aashuunkii ayay godkii kala soo baxeen. Waxay gudihiisii ku arkeen hargo la duuduubey oo toddoba ah, kuwaas oo aashuunkii ku dhex-jira. Hargaha waxaa ku xardhanaa qoraallo da’ wayn, oo dhigaalkoodu yahay af-saryaani.

Waa afka ay ka soo dhambalmeen afafka sameetigga oo ay kamidka yihiin afka aramaik iyo afka cibriga. Wiilashu waxay ahaayeen reer miyi aanan akhriska iyo dhigaalka aqoon. Sidaa darteed waxay ula tageen nin ka wayn. Ninkii ayaa gartey in dhigaalka ku xardhan hargaha uu yahay afka Saryaaniga.

Wuxuu u tilmaamey nin ganacsade ah oo la yiraahdo Khaliil Iskander Shahiin. Ninkan ayaa isaguna u sii tilmaamey nin Saryaani ah oo la yiraahdo George Shaya. Isaguna wuxuu kula deg-degey in uu la xiriirsho baadari la yiraahdo Athnasius Samuel. Isagu wuxuu odey ka ahaa kaniisadda St: Marka ee laga hago kaatooligga dalka Suuriya. Baadarigii wuxuu iibsadey afar kamid ah hargihii.

Saddexdii kale waxaa iibsadey nin la yiraahdo Eliezer Sukenok. Isagu wuxuu ahaa macallin wax ka dhiga jaamacadda Cibriga ee magaalada Qudus.

Markey taariikhdu ahayd 14/ 5- 1948-kii waxaa degaanka ka curtey dowladda Israa’iil. Athnasius Samuel wuxuu u baqay in hargahaasi ay dayacmaan. Sidaa darteed wuxuu ka iibiyay jaamacaddii Cibriga ee magaalada Qudus. Ninka markaan iibsadey wuxuu ahaa Yigal Yadin oo ahaa wiil uu dhaley Eliezer Sukenok. Sidaas ayaa toddobadii harag ee qoraalladii Qumraan loogu hor-heley, waxay gacanta u galeen Jaamacadda Cibriga ee Qudus.

Markii lagu dhawaaqey dowladda Israa’iil toddoba bilood dabadeed waxaa la xariiqey xuduuddii dowladda cusub. Xuduudda galbeed oo ay la yeelatay dalka Jordan waxaa ku dhowaa degaanka Qumraan oo markaas hoos imanayay dowladda Boqortooyada Jordan. Dhowr sano dabadeed Urduniyiintu waxay bilaabeen in ay xiiseeyaan baaritaan ay ku doonayeen in ay wax ka helaan qoraaladii Qumraan. Iyagu awood iyo aqqon uma-lahayn baaritaanka.

Sidaa darteed waxay la kaashadeen hey’ad Faransiis ah oo la yiraahdo Ecole française. Howl ay soo gaba-gabeeyeen sanadkii 1956-kii ayaa waxay ku soo urursheen hargo ay ka heleen 11 god. Hargahaas oo dowladda Jordan ay dhigtey matxafka magaalada Qudus ayaa waxay ahaayeen qoraallo diini, kaas oo ay dhigeen niman wadaaddo ahaa.

Xilliga ay noolaayeen wadaaddada qoraalladan dhigey waxay ahayd xilli ay is-weydaaranayeen labada diin ee Yahuudiyadda iyo Masiixiyadda. Xilligii ay diinta Yahuudiyadda dhamaatey oo dadkii raacsanaa ay u kala baxeen laba qeybood. Qeyb ahaa wadaaddo toosan ee la baxsadey diintoodii si ay isu badbaadiyaan iyo kuwo curaafyeysta oo si guracan ugu adeegta diintii.

Wadaaddadaas duurka galey ayaa waxay ahaayeen kuwa ku caan ahaa anshax iyo dhaqan diineed ee wanaagsan. Iyagu waxay ka qaxeen degmooyinkii ay yuhuuddu ku dhaqneyd markii ay shareecaddii nebi Muuse (nabadgelyo dushiisa ha ahaatee) ka jeesteen oo xumaantu ku badatay. Waxay degeen dhulkaas qararka ah oo Qumraan ay kamidka tahay. Goor danbe dhanka waqooyi ayay ku faafeen oo waxay gaareen degaanka ay ku taal magaalada Dimashaq.

Markii Eebe (kor ahaaye) uu soo direy adeegihiisii Ciise ahaa (nabadgelyo dushiisa ha ahaate), wadaaddadii Qumraan waxay ahaayeen kuwii u gargaarey oo raacey diintii cusbeyd. Degaanka Qumraan waxay u ahayd dugsiyo ay wax ku qortaan iyo maktabado ay qoraallada ku ilaashadaan. Waxay qararkaas kaga baxsan jireen cadaadiska nadaamkii boqortooyada Roomanka ee Qudus xoogga u joogey. Nadaamkaas oo ahaa mid dulmi ku dhisan ayaa wuxuu ka soo hor-jeedey qof kasta oo wanaag ka shaqeynaya.

Qof walba oo maqley dhigaalka hargahaas laga heley, wuxuu xaqiiqsadey in la helayo ogaallo dhab ah oo la xiriira arimaha muranka badan ka taagan yahay ee la xiriira caqiidada labadaas diidn, iyo xataa xiriirka ay diin walba la leedahay diimaha kale oo samada ka yimid, kuwaas oo Islaamku uu kamid yahay.

Xiiso badan ayaa loo qaadey wixii ku xardhanaa hargaha iyo ogaalladii ay xambaarsanaayeen. Waxaa la bilaabey in la turjumo dhigaalladii, iyada oo ay ka soo hor-martey warar badan oo kutiri-kuteen ah. Laakiin, muddo gaaban dabadeed turjumaaddii waa ay joogsatey, sheekadii qoraallada Qumraan halkaas ayay ku gaabis ku noqotey. Waxaanan shaki ku jirin, aqoonyahannadii loo xuley turjumaadda in ay iyagu ahaayeen kuwa hor-joogsadey in la sii wado baahinta ogaallada ku xardhan hargaha Qumraan.

Qolada gacanta ku heysey cilmi-baaristaas waa hey’addii Faransiiska ahayd Ecole française. Iyadu waa hey’ad ku howlan diraasaadka qaaradda Aasiya. Hey’addan waxay horey u diidey in uu diraasaadka hargahan ka qeyb-qaato, qof aanan rumeysneyn diinta masiixiyadda, gaar ahaan mad-habteeda katoolikada. Ujeeddadu waxay ahayd, qof caqiido kale rumeysan in ayan gacanta u gelin hargahan ay ku xardhan yihiin dhigaal muhim u ah diintooda.

Sidaa darteed dagaallo qarsoon ayaa bilowgiiba ka dhex aloosmey hey’addii ahayd Ecole française iyo hey’adda dowladda Israa’iil u qaabilsan archeology-ga.

Iyada oo si guud looga aamusey arintan, ayaa bishii juun 1967-kii, waxaa Carab iyo Israa’iil ka dhex dhacay dagaalkii lixda maalmood. Waxay ahayd xilli 20 sano laga joogo markii la heley aashuunkii ugu horeeyey ee qoraalladii Qumraan. Maalintii u horeysey ee uu dagaalku dhacay, matxafkii magaalada Qudus oo hargaha ay qeybtood yiileen, wuxuu gacanta u galey dowladda Israa’iil. Sidaas ayaa qeyb hargihii ah waxaa kula wareegey hey’adda archeology-ada ee Israa’iil. Maalintaas wixii ka danbeeyey, hey’addii katoolikada ahayd waxaa lala yeeshey ogaalladii ay qarinayeen ee hargaha ku xardhanaa.

Doonista Eebe (kor ahaaye) ayaa noqotey, qoraalladii Qumraan in 2000 oo sano ay qararkaas ku ilaashanaadaan. Xoogaagii ugu horeeyey ee qoraalladaas laga heley inta la turjumey ayaa la faafiyay. Waxay sheegayaan arimo khilaafsan caqiidada ay rumeysan yihiin yahuudiyadda iyo masiixiyadda. Taasina waxay sabab u noqotey in la qariyo dhamaan qoraalladii la heley goorihii danbe. Waxaa kaloo soo if-baxay in dowladda Vatican (hoggaanka katoolikada adduunka) iyo dowladda Israa’iil ay ku heshiiyeen in aanan la baahin ogaallada qoraalladan, si uusan khalal ugu iman caqiidada labada ummadood.

Arin mucjiso ah ayaa waxay tahay, xilliga la heley qoraallada oo ah xilli uu degaanka ka talinayay gumeysi masiixi ah. Islamarkaas yuhuudduna ay soo degtey, muslinkuna uusan talo iyo tabar lahayn. Taasina waa xikmad Eebe (kor ahaaye) oo looga dan leeyahay, qoraallada Qumraan iyaga oo aanan meel kale soo marin in ay gacmaha ku dhigaan dadka rumeysan diimahaas ay ka hadlayaan, si ay xujo ugu noqoto. Marka la heley hargahawaraaqaha waxaa degaanka ka talinayay Ingiriis. Markuu ka baxay waxaa xukunkii la wareegey dad shisheeye ah oo katoolig ah. Dabadeed waxaa yimid Yuhuuddii oo dowlad ka dhistey degaanka.

Qoraalladu waxay xaqiijiyeen ogaallo ah nebi Ciise (nabadgelyo dushiisa ha ahaate) inaanan la dal-dalin, inaanan la delin, inuusan ahayn ilaah iyo ina ilaah, laakiin uu ahaa qof aadami ah. In uu ahaa macalin dadka dhex-jooga oo nolosha u hagaajinaya. Taasi waxay sabab u noqotey in muddo 40 sano ah lala aamusnaado qoraalladii oo aanan laga hadlin. Muddadadaas ayaa qoraalladii Qumraan waxaa ku socotey tir-tirid iyo beddelaad. Waxaa laga saaray dhamaan wixii khilaafsanaa caqiidada ay hadda heystaan dadka raacsan yuhuudiyadda iyo masiixiyadda.

Waxaa kaloo laga saarey bishaarooyinkii tilmaamayay imaatinka suubanihii Maxamad ahaa (shacni iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaate). Qof awood u leh in uu qoraalladii helo ama arko ma jiro, aanan ka ahayn guddi ay u magacaabeen labada dowladood (Vatican iyo Israa’iil).

Shiikha caanka ah ee la yiraahdo Cabdil-Majiid Al-Zandaani, wuxuu xusey baadari odey ka ahaa Vatican oo u dhintey qoraallada Qumraan oo uu rumeeyey. Baadarigaas oo dhalashadiisu ay ahayd Talyaani, ayaa waxaa la oran jiray Pope John XXIII. Magaciisa dhabta ah wuxuu Angelo Giuseppe Roncalli. Sanadkii 1963-kii ayuu wuxuu damcey in uu muujiyo, qoraallada Qumraan in ay ku tilmaameen nebi Ciise (nabadgelyo dushiisa ha ahaate), sida ay muslimiinta ku tilmaameen.

Sidaa darteed muslimiintu in ay yihiin kuwa xaqa xiga, ahna kooxda badbaadeysa. Taasina waxaa xigey in si kedis ah uu u dhinto oo la arko isaga oo gogoshiisii naftu kaga baxdey.

Sanadkii 1991-kii aqoonyahanno Mareekan ah ayaa waxay bilaabeen qeylo-dhaan ay ku dalbayaan ogaallada ku xardhan qoraalladii Qumraan. Qaar kamid ah wargeesyada codka dheer ee ka soo baxa dalka Mareekanka, gaar ahaan New York Times iyo Washington Post, ayaa waxaa lagu soo qorey maqaallo ay aqoonyahannadu ku weerarayaan guddiga cilmi-baarista ee gacanta ku haya qoraallada Qumraan. Waxaa kaloo ay eedeyn xooggan u soo jeediyeen baadariyada odeyaasha ka ah dowladda Vatican ee hor-yaagan in la baahiyo ogaallada ku xardhan hargaha laga heley Qumraan.

Buuqii ka dhashay qeylo-dhaantaas wuxuu sabab u noqdey in la fasoxo qeybo kamid ah qoraalladii Qumraan si loo turjumo. Laakiin waxay ahaayeen qoraallo laga saarey wixii khilaaf ku keeni lahaa aqoonta ay baadariyadu ka bixiyaan diimaha yuhuudiyadda iyo masiixiyadda.

Qeybtii yareyd ee qoraalladii Qurmaan laga soo fasaxay, Afka Ingiriiska ayuu ahaa afkii ugu horeeyey oo nasiibka u yeeshey in lagu turjumo. Dabadeed afkii Ingiriiska ahaa ayaa laga qaatey oo afaf kale ayaa lagu turjumey. Turjumaaddaas dhamaantood waxay tahay qoraalladii ay Vatican-ka iyo dowladda Israa’iil isla oggolaadeen in la fasaxo, taas oo 1 % ka ah qoraallada Qumraan ee la hayo.

Ololihii lagu dalbayay ogaallada intaas kuma qancin. Sidaa darteed aqoonyahannada arintaan dalbayay waxay sii wadeen dacwadii iyo maqaalladii ay kula garamayeen hey’adaha qarinaya qoraallada Qumraan.

Si haddaba loo shiiqiyo qeylada soo yeertey ee lagu dalbayo in la soo bandhigo qoraalladii Qumraan, waxaa la sameeyey fal riwaayad ah. Sawirro laga qaadey qeyb qoraalladii ah ayaa la baahiyay oo laga dhigey kuwo laga xadey arkiifkii ay yiilleen. Jaamacad ku taal dalka Canada ayaa lagu soo bandhigey oo lagu eedeeyey sawirradii lagu sheegey in laga xadey qoraallada. Laakiin raggii wadey ololaha qeylo-dhaanta ah, waxay xuseen in arintaasi ay tahay riwaayad raqiis ah oo ay jileen wadaaddada qarinaya hargaha qoraallada Qumraan.

Hargahaasi waxaa lagu hayaa Matxafka Cibriga ee ku horyaal Kaniisadda looga taliyo dowladda Israa’iil iyo arkiifka maktabadda Vatican.

Sanadkii 1993-kii, laba aqoonyahan oo Mareekan ah ayaa waxay qabteen kulan ay kaga hadlayaan qoraallada Qumraan oo ah qoraallo diini ah. Xilligaas 50 sano ku dhowaad ayaa laga joogaa markii la heley hargihii ugu horeeyey ee qoraallada Qumraan. Robert Wiseman oo ahaa macallin jaamacadda Chicago, wuxuu kamid ahaa labada aqoonyahan ee kulanka qabtey. Hadal uu ka jeediyay kulankii waxaa kamid ahaa:

“Sawirka kitaabka Injiil uu naga siinayo Ciise, waa mid ka duwan sawirka ay naga siinayaan qoraallada laga heley badda Meydka. Qoraalladaas ayaa waxay na siinayaan sawirka xaqiiqada ah ee la xiriira dhacdooyinkii qarnigii I-aad c.h. iyo qarnigii I-aad c.d. Haddii aanu is barbar-dhigno qoraallada Injiil iyo qoraallada Qumraan, waxaanu heleynaa kitaabka Injiil in uusan ahayn taariikh dhab ah, bal uu yahay wax kale. Wuxuu u muuqdaa sidii sheeko-xariirtii Griigga.

Sikastaba oo Ciise uu u yahay ninka aanu ka hadleyno, ma uusan lahayn sawirka aanu ka helney Injiil. Laakiin wuxuu in-badan u dhow yahay sawirka ku yimid qoraallada Qumraan “.

Nin la yiraahdo Prof. Loewnce oo kamid ahaa raggii madasha fadhiyay ayaa ka xumaadey hadalkii. Inta dhawaaqey ayuu si caro ka muuqato, dadwaynaha hortoodii wuxuu ku yiri ninkii hadlayay:

“Taasi macnaheedu wuxuu yahay in aad ka duuleysid aragti islaamnimo ah. Sidaa darteed adigu Islaam ayaad tahay “.

Markaas ayaa Robert Wiseman, qudhiisu uu caro kaga jawaabey hadalkii lagu yiri. Markaas ayuu wuxuu yiri:

“Haa, anigu muslim ayaan ahay “.

Ololihii qeylo-dhaanta ahaa, intaas kuma ayan hakan, bal waxaa dhacdey in bug laga qaro lagu fadeexeynayo wadaaddada qarinaya dhigaallada Qumraan. Sanadkii 2006-dii ayaa magaalada London waxaa ka soo baxay buug lagu magacaabey Dhagarta Qoraallada Badda Meydka ah (The Dead Sea Scrolls Deception). Waxaa qoraalkiisa isu kaashadaey laba nin oo labaduba yihiin qoraayaal aqoonyahanno ah.

Waxaa la kala yiraahdaa Michael Baigent iyo Richard Leigh. Waxay buuggoodaas ku sheegeen in qoraallada Qumraan ay dhul-gariir ku keeneyaan saldhigyada diinta masiixiga ah ee casrigan la aaminsan yahay. Labada nine ee qoraayaasha ah waxay eedeeyeen wadaaddada masuulka ka ah xarunta Vatican-ka oo ay ku sheegeen in ay si caddaan ah u fara-geliyeen turjumaadda dhigaalkan, iyaga oo isku deyey in ay qariyaan ogaallo ku yimid kutubtii katoolikada.

Waxaa kaloo ay daliishadeen in muddadii afartanka sano ahayd ee ugu horeysey ee qoraallada lala aamusnaa, taas oo ay ku sheegeen in ay ahayd xad-gudub. Qoraallo 500 gaaraya ayaa illaa hadda waxaa la turjumey oo la soo bandhigey 100 keliya. Waxaa intaas u dheer ayay dheheen, in aanan qofna loo oggoleyn in uu daalacdo ama sawirto dhigaallada laga hayo qaraallada Qumraan. In dhigaalladu ay si buuxda u hoos yimaadaan baadariga odeyga ka ah Vatican-ka ayaa qudheedu waxay atahay arin af-duub ah.

Wargeyska ka soo baxa magaalada Bostone ee la yiraahdo Globe, tirsigiisii soo baxay 5/ 12- 2007-kii, wuxuu soo daabacay maqaal uu kaga hadlayo nin la yiraahdo Jhon Strugnell. Isagu wuxuu ahaa aqoonyahan 77 sano jira. Ninkan, isaga oo dhallinyaro ah ayuu wuxuu odey u noqdey kooxdii ugu horeysey ee turjuma qoraallada Qumraan.

Bilowgii sanadihii 1990-aadkii, wuxuu ku biirey aqoonyahannadii u ololeynayay in bannaanka la soo dhigo qoraallada la qarinayo. Ololahaas ayuu ku waayay shaqadiisii. Cinwaankii maqaalka wuxuu ahaa: John Strugnell, 77; Dead Sea Scrolls expert who was dismissed after comments. Waxaa maqaalka ku qornaa hadallo uu ka yiri diinta yahuudiyadda iyo diinta masiixiyadda.

“Yahuudiyaddu waa mid xun, masiixiyaddu waa bidcad. Annaguna waxaanu siyaabo kala duwan ula mucaamaloonnaa niman diinta ka-been sheega. Waxaad hor taagan-tahay muuqaal aanu ku hanuuni la’nahay. Waase in aanu ku hanuunnaa “.

Kitaabka Quraanka ah waxaa ku xusan aayado badan oo Eebe (kor ahaaye) uu kula hadlayo kuwa kutubta loo soo dejiyay ee Yuhuudda iyo Masiixiyiinta ah. In-badan oo aayadahaas kamid ah waxay xusayaan sida ay u qariyeen kutubtii Eebe oo ay ugu beddeleen arimo ay nolol ku raadinayaan. Aayadahaas waxaa kamid ah, aayadda 91-aad ee suuradda Al-Ancaam. Iyada oo adeegihii suubanaa (shacni iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee) lagu hal-qabsanayo ayaa aayadda qeybteeda danbe waxay leedahay sidan:

قُلْ مَنْ أَنزَلَ الْكِتَابَ الَّذِي جَاء بِهِ مُوسَى نُوراً وَهُدًى لِّلنَّاسِ تَجْعَلُونَهُ قَرَاطِيسَ تُبْدُونَهَا وَتُخْفُونَ كَثِيرا وَعُلِّمْتُم مَّا لَمْ تَعْلَمُواْ أَنتُمْ وَلاَ آبَاؤُكُمْ قُلِ اللهُ ثُمَّ ذَرْهُمْ فِي خَوْضِهِمْ يَلْعَبُونَ
الأنعام أية 91

Waxaad ku tiraahdaa, yaa soo dejiyay kitaabkii uu Muuse la yimid, kaas oo dadka u ahaa nuur iyo hanuun, waxaad ka yeesheen qardhaasyo aad muujineysaan, in-badan oo kamid ahna waad qarieysaan, waxaad ka barateen wax aydnaadan baran idinka iyo aabayaashiin, waxaad ku tiraahdaa (kaasi waa) Allaah, dabadeed isaga-tag baashaalkooda heysaga dhex cayaarayaan.“ [Suuradda: Al-Ancaam Aayadda 91]

  • Ummadiba mid bey nebiyadii marinki raacdaaye
  • Milladdiisa waxan heysannaa Maxamadkeeniiye
  • Mushaafacada rasuulkeenu waa mahad Ilaaheeye
  • Madrasada wax loo geli Quraan maxabbadiisiiye
  • Isageynu maalmaha dhibta ah magangeleynaaye
  • Masxafkeynu daalacannaana waa mahad Ilaaheeye
  • Wax masaajid loo dhigey inuu mowlac kheyr yahaye
  • Muddaduu wakhtigu gaaro waa madal islaameede
  • Muqtadaha jamaaceedku waa mahad Ilaaheeye
  • Macrifada aqoontaahi waa maanka fiirada’e
  • Murti maleh ninkii aan caqligu maakin ku ahayne
  • Miyirkuu inoo uumey waa mahad Ilaahaaye (Cismaan Yuusuf Keenadiid)

Wa Billaahi Tawfiiq

Decorative Lines

Qore: Dr. Saadiq Enow
Email: dr_saadiq@hotmail.com
Source: Somalitalk
Jazaakumu laahu khayran.