Guurka iyo Dhismaha
Qoyska Islaamka

Qaybta | 2aad

Qodobka:
Guurka iyo Dhismaha Qoyska Islaamka
Waxaa qoray: Cusmaan Bilaad

LineTree

السَّلاَمُ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَةُ اللهِ وَبَرَكَاتُهُ

Decorative Lines

9aad

Walinimada waxaa la bixinayaa waqtiga meherka dhaco agteeda ama marka gabarta guriga lageynaayo. Dadka waxaa u banaan marka gabarta lamehrinaayo, marka laguri geynaayo, ama caawo kale in laguri geeyo oo barito lacuno. Intaas oo idilba way banaantahay, ee waqti gaar oo loo cadiday malahan.

Waliimatul Curfiga Ma Waajibaa..?

Waliimatul Curfiga qofkii looga yeero inuu ajiibo waajibey ku tahay. Waayo Rasuulka xadiis saxiixa ayuu saas ku leeyahay.

Marka waliiyada in la’ajiiba ay waajib tahay Caasim Ibnu Cajab kitaabka dhabxiga la yiraahdo sharuud ayuu ku qoray, shuruudahaas markii lahelo ayey waajib tahay, waa kuwaan soo socda:

  1. Qofka wax u yeerayaa waa inuu qof musalam ah,oo qaan gaar ah, oo caqli leh yahay. Waa inuu xor yahay uusan adoon aheyn. Waa inuu taqi yahay oo maslaxada aduun iyo tan aakhiro yaqaan. Faasiq hadduu kuu yeero inaad ka yeesho waajib ku guma ahan.
  2. Waa inaad u yeerin lacagleyda ama odayaasha kaliya, ee masaakiintana waa in loo yeeraa iyo fuqarada. Waa shardiga labaad ee ladoonayo haddaan lasameyna waxba hagaageyn.
  3. Waxaa ladoonayaa in loogu talagalo muslimiinta in lagu soodhaweeyo, oo marka meesha la jooga wax munkar lagu sameyneyn iyo wax diinta qilaafsan.
  4. Waa iska dhaafi kartaa haddaa jirantahay.

Marka walaalayaal wadadaas u mara guurka oo masawiro yaana la keenin, guryahay katiifado yaana lagu dhajinin, aratir lagu ciyaaro yaana lasameynin, dumarka caariyaadkaa yaana loo yeerin Alle ka baqa oo xaqa ilaaliya macaasida kataga, sidaasey liibaanta adduun iyo tan aakhiro ku jirtaaye.

9aad A

Gabartu ninka qaba nafaqo waxay ku yeelanaysaa markii dhowr shardi lahelo:

  1. Waa in oo nikaax saxiix ah ku qabo gabarta.
  2. Waa inay nafsadeeda u fasaxdo, oo ay tiraahdo “jirkayga waan kuu ogolahay”.
  3. Gabarta in lagu intifaaci karo waa in ay suuro gal tahay, oo hadduu ninkeeda meel iiraac yiraahod aysan ka diidin.

Dadka lagu intifaaci karana waa inay ka mid tahay, laakiin hadduu maxalkii go’an yahay, ama aysan udul qaadan karin in lagu intifaaco, ama mashaakil kale uu jiro, taasi mawduuc gaara waaye marka nafaqo mayeelanayso. Nafaqadu waxay gabartu ku yeelanaysaa marka shuruudahaas la helo.

9aad b

Waxaa ladoonayaa arimahaan soo socda:

  1. Waxaa ladoonayaa marka jameec la’iskugu tagaayo in magaca Ilaahey laxuso, oo la aqriyo ducadii soo aroortey saa shaydaanku uga faa’idaysan.

Rasuulka SCW wuxuu yiri: “Haddii uu midkiin doono inuu utago xaaskiisa uu dhaho: {Magaca Alle ayaa qabsanayaa, Alloow naga fagee shaydaan (inaga iyo islaantayda) shaydaana kafagee wixii aad nasiiso oo ilma ah (hadduu sidaa yiraahdo) haddii Alle uu qadaro dhexdooda caruur arinkaa isagaa ay habeenkaas sameynaayaan shaydaan wax mayeelaayo (ilmahaas) waligii.”

  1. Waxaa la doonayaa inta jameecu socdo inaan meeshaa lagu sheekaysan sida wanaagsan. Waxayna culumdu sheegeen inuu xaaraan yahay arinkaasi. Waxaa kaloo ladoonayaa nusuusta in la’ilaaliyo, waayo hadalkaas wuxuu ka mid yahay hadalada maalaayacnigaa in meelahaas lagu sheekaysto.

Waxaa la doonayaa ninka inuu haweenta uga tago maxalkii loogu talagalay in looga tago.

10aad

Xaqa ugu horeeye oo labada qofood laga doonaayo waxa weeyaan waa in ay noqdaan labo qofood oo is jecel, oo walaala ah, oo iswanaajiya, oo isku xiran. Sababtaasu waa maxay, waxwalba waa inay ka wada hadli karaan, oo katashan karaan.

Wax walba dad kamidaysan inay yihiin oo wanaag ah, xumaantana iska celin karaan, waayo intaysan isguursan walaaley ahaayeen, diinta islaamka ayaa walaaleysay, walaalnimadii Islaamka oo awal isku xiriiriya oo walaalo ku noqda lagu yiri, waxaa ku sii korortay mid aad u cajiib badan oo isku xiraan guur ah, oo jirkoodii la’isku soo dhaweeyey.

Waayo Allaah wuxuu quraanka ku yiri:

“Mu’miniintu waa uun walaalo, ee wanajiya walaalihiin dhexdooda”.

Iyagoo awalba halkaa ku jirey, oo maslaxada, wanaajinta dhexdooda, wax isa siinta ay ka dhaxeysey baa haddana guur siidhexmaray, marka waa inay sii laba laabaan, oo ay noqdaan dad isjecel iskuna naxariista. Waayo Rasuulka SCW wuxuu xadiis saxiixa kuyiri: “U naxriista waxa dhulka jooga, waxaa idiin naxariisanaya waxa samawaadka jooga.”

Waa inay ayagu isku naxariistaan si Alle ugu naxariisto”. Dad iswanaajiya, oo wanaaga ku dadaala waa inay noqdaan. Si fiican dad iskugu xiran, ma’ahan dadka kala shakisan inay noqdaan labadaa qofood, laakiin waa dad aad iskugu xiran inay noqdaan.

Arinta labaad waa in ay is’aaminaan, qof walba waa inuu kan kale aaminaa. Hadday in yar oo shaki ah kala qabaan ma wada noolaan karaan. Maalintii uu midkood guriga soo galo, oo midka kale uu wax ku tuhmo, aqalkaas burbur iyo dhibaataa ku soo food yeelatay, ilmaha aabo la’aan iyo hooyo la’aan ayaa soo qaabishay.

Waa marka odayga iyo habarta kala shakiyaan, oo uu ninka ka shakiyo xaaskiisa, gabadhuna ka shakiso ninkeeda, oo ay nafsadeeda iskugu sheekeyso ninkaan dad kaluu hoos wax uga wadaa, isaguna uu uga shakiyo balaayey hoos kawadaa.

Waayo labo qofood iyo sadex iyo wixii ka badanba Allaah SW ayaa micigooda ah, dadka shirkada ahna Alle ayaa micigooda ah, wax shirko noqdana waxaa ugu cajiib badan nin iyo naag isqaba. Shirkadooda hadday wanaajiyaan aqalkoodu barakuu yeelanayaa. Hadday qaa’iniin noqdaana Ilaahey dhexdooduu ka baxayaa, markaasaa burbur iyo dhibaato halkaa Alle ka bilaabayaa.

Waxay aqaladu u hagaagi lahyihiin waa noocaas, la’ismaba aaminsanaba, qofba qofka kale ayuu tuhunsan yahay oo waxbuu ku tuhsanyahay.

Wiriiri (ama Jinac) waxa uu u egyahay quraanyada, qaniinyadiisun aad ayey u xanuun badan tahay.

Tusaale ahaan: Kawaran funaanada aad qabtid haddaa ku tuhuntid inuu wariiri kuugu jiro kawaran sow meel walba kuma cun cunayso, oo madhaheysid maradaa la’iigu jiraa, xataa jirka wuu iska kaa barbararin wax ku cunin ayadoo la’arag, waayo niyadaadaa saas ka dhaadhicisay. Marka xaaska aad qabtid waa maradaadii. Inay maro kuutahay Allaah ayaa inoo cadeeyey, oo wuxuu yiri: “Haweenyahay ninkaadu waa maradaadii, haweenkuna aratir ayey idiin yihiin.”

Haweenku aratirbey idiin yihiin, nimanku adinkuna aratirbaad utihiin. Labis waxaa lagu yaqaanaa in la dhowro. Maro kasta mida ugu qorux badan saddex maalmool gudahood waa wasaqaysataa, markay wasaqaystana laba tuuree waa ladhaqaa inta saabuun loo soo gado, waala waraa, kabacdii waala feereeyaa, markaa ka gadaalbaa la xirtaa. Islaanta aad qabtid waa marada aad qabtid sidaa u ilaalinaysid u ilaali.

Gabartana ogow saddex maalmood marbay wasaqeysan, dhaqidbayna kaa rabtaa, haddii aadan dhaqinah maalinta danbe ayadoo dhan way kuu soo ureysaa. Markaasaa arkaysaa nin iyo naag oo ilmo isku dhalay oo isu soo uraaya, oo qofba qofka kale sanka ka qabsanaayo xumaantay iskula joogaan darteed.

Markaasey ayadu waxay ku leedahay: “waxaas ayaa icabiidinaayo ee banaankuu iga yaalaa”. Isaguna wuxuu leeyahay: “Wallaana tan habeen usoo hoyadeen ee halkee ka’aadaa”. Sababtaasuna waxay ku dhacday saddex maalmood gudahood markey ku wasaqeysatay dhaqiday u baahneyd ayuu dhaqi waayey, oo wanaaga fari waayey. Ayaduna markuu ninkaan shan bari gudahood ku wasaqeystay ayeyna dhaqin, oo wanaaga aysan tusin, marka qof walba wuu soo uray.

Dhaqida ladhaqaayo waa maxey..? Waa in lawaaniyo qofka, xaqa in loo sheego, xumaanta laga reebo, in loo dardaarmo, in la wanaajiyo oo laga soo galo wixii Ilaahey yiri umada halagu wanaajiyo. Saas ayey wax ku wanaagsanaanayaan.

Marka walaalayaal haddaa dooneysaan aqalada inaad wanaajisaan (rag iyo dumarba) qaata Ilaahey SW areyada uu ku hadlayo. Sababtuu Rabbi aratir uga cabiray ninka iyo haweenta dharbay isu yihiin waa wax cajiib badan, xikmo aad u fagbaa ku jirta layiraahdaa. Waxay muslimiintu markay cabirayaan leeyihiin: “Sida aan jirku aratir uga maarmin baysen ninka iyo haweentu u kala maarmin”.

Sida aratir kasta oo jirka saaran uu degdeg isigu badalo baa labada qofood qof walbaaba degdeg isugu badali karaa. Xanaaqbaa ku imaan kara, waxbuu ka caroon karaa, wax unbaa dhici kara. Waxay u baahantahay marka wanaaga in laga shaqeeyo, sida dharka loo wanaajiyo oo kale, haddii kale waxba mahagaagayaan.

Abuu Dardi Zowjadiisa markuu ladardaarmayey muxuu ku yiri: “Kolkaan caroodo i-raali-geli markaad carootaan ku raali gelinayaayey, sidaa haddaana yeelina walaahi in aanan wada noolaan doonin.”

Walaalayaal wanaajiya aqaladiina. Ninka iyo naagta waa inay is aaminaan. Aratirbay isku yihiine dhar ha iska dhigteen. Sifiican dad isku aaminsan waa inay noqdaan, oo qofba qofka kale kalsooni aad u weyn ku qabo.

Xuquuqda kaloo laga rabaa waxa weeyaan Ixtiraam. Waa inay is ixtiraamaan, qofba qofka kale waa inuu qadariyo, markuu hadlaayo waa inuu dhagaysto, wuxuu u diraayo waana inuu ka yeelo, waa inay isku jajaban yihiin. Laakiin halkee ixtiraam ka jiraa markay iskugu wacaayaan: “Odayga aqalka iska leh, gabadha ilmaha iidhashay, ilmahayga aabihiis, taan wada joogno, tii ina heblo ahayd”.

Subxaana”llaah! Af adkaa, bal waxay iskugu yeeraayaan arka. War Rabbi halaga baqo SW oo si naxariis leh iskula hadla. Odayga afkiisa wuu ka ilaalin wuxuuna ka baqanayaa haddii uu isagoo magaceeda ugu yeeraaya la’arko in layiraahod “Wuu jecelyahay!”………Oo haddii lagu yiraahdo islaantaada waa jeceshahay maxaa kafiican?

Soomaalidaa waxay tahay wax aad u qaab daran waxay qabaan hadday arkaan nin naakta u ad adeegaya, waxay dhahaan: “way sixratay, Alla taas way sixirtey ninka”. War haddii la iswanaajiyo masixirbay noqotay? Koormay sixirtay sharcigaaba saas faraayee. Miyiina arkin Xadiis saxiixa oo caa’isha laga waraysanaayo Nebiga SCW. Rasuulka ka waran markuu aqalka joogo ayaa la yiri. Waxay tiri: “Haweentiisuu u adeegi jiray, salaada markay soo xaadirtana horay ayuu ka tagi jiray”. Rasuulka Aqalka ayuu ka shaqeynayey, oo xaasaskiisuu caawinaayey isagoo ah Kheyru Khalqi’llaah.

Dumarka Nebigu maxay oran jireen mararka qaarkood: “Rasuulka anagoo lajiifna marada aan kula jiifnaa dhiiga xaydku naga gaarayey, Rasuulka intuu naga qaado oo dhiiga xaydka meeshuu ka gaaray ka soo dhaqo ayuu ku tukanaayey.”

Nimanka Soomaaliyeed maxay qabaan fikrad jaahili ah oo markay islaanta uu qabo dhiiga xaydka ku dhaco waxay leeyihiin: “Naa ha iisoo dhawaanin wajigaa nabro iigasoo baxayaane.” Waxaa umalaysaa inay Yahuuda wax ugaleen, waayo Yahuuda ayaa saas aaminsan inaa naag dhiig qabta loo soo dhawaanin, oo naagta xaydka qabta guriga looga baxo. Waxaa arkaysaa haddii ayadoo nabro kugu yaalin la arko “Ma naag dhiig qabtaa kugu neefsatey” lagu leeyahay.

Amu Salama waxay leedahay: “Anoo Rasuulka la hurda ayaa dhiigii xaydka iga yimid markaasaan tagay oo dharka loogu tala galay ayaan soo xirtay. Rasuulku wuu i arkay markaasuu yiri: “Ma dhiigiibaa kugu dhacay?” Haa. Kaalayoo ilasoo jiifo.” hal go’ ayaan lahuwday tiri Nebiga SCW.

Markay Caa’sha ka sheekaynayso Nebiga dhaqankiisa waxay tiri: “Markuu dhiig xayd nagu dhaco farjigeena bas ayuu Nebigu maro ku aadin jiray, jirkanaga intiisa kale caadi ayey u aheyd”. Markaa wax cunayno meesha aan anigu weelka afkayga ka qaaday Nebigu afka saaran jiray dhareerkaygu meesha uu ku yaalo ayey leedahay Caa’isha A.K.N.

Adigana waaba ka faaninba islaanta aad qabtid inaa wax lacuntid iyo inaa dhareerkeeda tiraahdid wuu carfayaa, si si kaley kula tahayba. Qolada ciyaal micno malaha ama ciyaal elfiska loo yaqaan baa intey banaanka joogaan dhahaan: “Waan jeclahay abaayadey weeyaan, wadnahayga ayey ku taallaa” hadhowdiina maba ahan tii waa dabeer cusub, si kaleyba noqonba, marka horena wuxuu leeyahay: “Abaayadey weeyaan biyahaan kadhex arkaa.”

Waxaa kaloo laga doonaya labada qof oo isqaba inuu qofba qofka kale wanaag ladoono. Siduu Rasuuslka SCW xadiis saxiixa ku yiri: “Axadkiin ma rumeynin (Allaah iyo maalinta qiyaamada) ilaa uula jeclaado wuxuu la jeclaaday nafsadiisa… walaalkiis wuxuu nafsadiisa la jecelyahay.”Wanaaga, kheyrka, iyo caafimaadka, way inay isla jeclaadaan.

Waxaa kaloo ka mida xuquuqda ay isku leeyihiin zowjeynka in ay diinta Alle waqti walba isku baraarujiyaan, oo ay isu noqdaan kaalmo. Siduu Allah quraankiisaba ku yiri: “Isku kaalmaysta wanaaga iyo taqwada.”

Iyagoo ka amba qaadaya xadiiskii saxiixa ee uu Nebigu yiri: “Allaha ha u naxariisto nin kacay ee dukatay habeenkii, markaasna zowjadiisana ama zowjkeeda baraarujiyey markaana tukaday.”…..oo haddii gabadha hurdada isku dhasijasay ama ay ku adkaatay inay kacdo markaa wajiga biyaha uga sayriya Alle u naxariisto. Sidoo kale gabadhana waa tahay hadday ninkeeda baraarujiso oo wajiga biyo ugu sayriso oo markaa tukadaan Alle ha unaxariisto Nebigu SCW yiri.

Kuwo maanta isqabaa siday u badanyihiin ma salaadbay isku kiciyaan? Waa maya. Waxaa dhici jirtay waayihii hore ninka iyo naagtiisa oo isku kiciya caano, salaadana aan isku kicin. Walaalayaal waxay guryaheenu u burbureen oo musiibadu noogo dhacday noocaas weeye, ee aqaladeena aan wanaajino, oo aan u soo laabano diintanada waxay noodirayso. Raga iyo dumarka xuquuqda ay isku leeyihiin taas ayaa kamidah.

Waxaa kaloo xuquuqda la isga doonayo ka mid ah waa in ay isxurmeeyaan xaga sudohnimada, kalaqabida ilmaha wax lakala qabo waa in la xurmeeyo. Waa inuu ninku xurmeeyaa sharaf iyo qiimo badanna u yeelaa gabarta uu qabo dadka ku yimid madaxeeda, oo ehelkeeda ah. Waa inuu wanaajiyaa aabeheed, iyo hooyadeed, iyo walaalaheed. Ayaduna waa inay ninka ehelkiisu aad u wanaajisaa. Haddaan la’ilaalin xurmadaas wax wanaag ah oo lagaarayo majiraan.

Waxaa arkaysaa nin kugu oranaya: “Maxaa naga galay habartii waalney oo inanta dhashay.” Islaanta xaaskaada dhashay hooyadaa oo kale waaye, ixtiraamey kugu leedahay, qadarinbay kugu leedahay. Gabarta waxaa laga doonayaa ninka aabihii markuu u yimaado inay qadariso sida ay ninkeeda u wanaajineyso si ka badan oo kale, maxaa yeelay waa aabeheed oo kale, ixtiraam iyo soodhawayn ayuu ku leeyahay.

Waxaa arkaysaa wax yaab badan islaan lagu leeyahay: “Ninka hooyadiis iyo aabihiis ma arki karto.” Iyo nin lagu leeyahay: “naagta hooyadeed iyo aabeheed ma arki karto, walaalkeed ma arki karo.” Markaasaa ladoonayaa in wanaag lagaaro, nololbaa kajirtaa laleeyahay gurigaas. War waxaas diin maahee Rabbi halaga baqo SW.

Waxaa ka dhexeeya labadaa qofood in ay isdhaxlaan, waa xaquuq caan ah oo labadooda dhinac walba ka imaan karta. Siduu Ilaaheyba quraanka ku sheegay: “Hadday haweentu dhimato ninka wuu dhaxlaayaa, hadduu asagu dhintana ayadu way dhaxleysaa.”

Allaah asagoo ka sheekaynaya dhexdooda wuxuu yiri: “Ninka iyo haweenka dhexdooda jaceyl, naxariis, ixtiraam ayaa dhax yeelay.”

Halkaas waxaa kagaraneysaa ninka iyo gabadhu inay isjeclaadaan, waa in labo qofood oo is rabta ay yihiin, waa inaan ninka iyo gabadha aysan guurkooda ahayn inta lix halaad laga qaato ama dhowr kun oo lacaga layiraahdo: “jiido ma ayadaa kaa xoogbadan.” Waayo Rasuulka SCW xadiis aad u farabadan ayuu ku yiri: “Haweenta aad guursanaysid iska soo eeg, uu raga u fasaxay inay dumarka soo eegaan ay guursanaayaan.” Soo eegidana macnahu loolama jeedo inta kaxaysto ayaa baararka kasoo cashaysiinayaa (kaasi waa dayuus).

Labada qofood waa kala ajinabi, laakiin waxaa ladoonayaa ninku inuu gabadhu arko sow ugu qanco, ama uu dad u dirsado si loogu soosifeeyo. Mana ahan ninku hadduu gabadha yiraahdo: “Waan arkayaa, oo hala iisifeeyo siday u taalo.” Dhib malahan, laakiin waxaa lagaadoonayaa saldhigaa aad gabadha ku doonaysid inuu diin noqdo. Rag waxaad arkaysaa kugu oranaya: “War gabar qurxoon iisoo raadi anaa dhar u gashan doonee.” Ma dhar galinbay kaa yeeli doontaa mid horay u qaadan diidayba amarkii Ilaaheeda, say u yeesho aad ayey u adagtahay.

Marka raxmada muxuu Alle u soo hormariyey..?

Waayo xikmad waynbuu Ilaahey ka leeyahay halkaa. Ninka iyo gabadhu waxaa lagayaabaa inay isjecelyihiin marka hore, laakiin raxmada waxaa loodaba mariyey, waxaa ogaanaysaa marka xanuun yimaado, ama gaajo iyo dhib yimaado, ama gabartaanu inta walacdo aad u tabcaanto dhib yimaado, xubigii faraha badnaa oo la isku qabay wuu yaraanayaa, maxaa yeelay quluubta bina’aadanka waa daciif waxna maxalin karto.

Maxaa soo haraaya waa raxmadii, isu naxariista, nololbaad isla soomarteen, dad isu wanaagsan baad ahaydeen, dhibka qofka soo gaara qofka kale waa inuu u dul qaato una naxariisto.

Gabartii aad lasoo noolaan jirtay oo aad isku fiicnaydeen, oo waagii dhaqaalo la’aanta lasoo wada noolaa, oo waagii dhibaatada lasoo wada joogey, markaa xoogaa noolaatid inta dhankeeda iskaga baxdid, xaga iyo xaga ku guurso. Waxay raga qaar yaqaaniin, waxaasu diin ma ahan Ilaahey halaga xishoodo. Raga waa loo ogolyahay afar inay guursadaan, sharcigaa u fasaxay, laakiin waa inay eexasho jirin, oo cadaalad loo noqdaa dhamaan.

Rasuulka SCW wuxuu u sheegay ninka muslimkaa markuu lahaydlayey: “Ninka mu’minkaa gabar mu’minada yuu u caroon, haddaa aqlaaqdeeda qaar kamid ah nacdid wax aad jeclaataa ku arki doontaaye.”

Waligaa ninka muslimkow ku talagal arinkaas asagaa, iskuday inta aad haweentaada wanaajin kartid inaad wanaajisid, in Alle intaa ixtiraami kartid ixtiraam, isku day inaad fadhiga ugu adeegi kartid. Ninka muslimkaa waxa laga doonayo noocaas weeye. Laakiin ma’ahan inuu yiraahdo: “Ma’I adoonsanaysaa.” Waayo meeshaan wax kawayn ayaa ku jiraa, ninka muslimkaana waa inuu waxyaabo badan ka fakaraa, oo ay haweentiisa ka hayso.

11aad

Xuquuqda ay zowjada ku leedahay zowjkeeda qaar waxa layiraahdaa “Waa maali” oo xaga xoolahay ay ku saabsanyihiin, qaarna waxaa layiraahdaa “Waa waxaan maal iyo maado ku saabsaneyn” oo nooc kale ah.

Marka haddaan soo qaadano mida maalka xagiisa. Xaga maalka waxaa ninka laga rabaa meher, nafaqa, iyo wax layiraahdo jihad. Jihaadka waxaa loola jeedaa alaabta lagu jiifsado ama wax lagu cuno. Ninka ayaa masuul ka ah waxyaalahaas waa inuu soo diyaariyaa. Raga waxaa laga rabaa inay waliba xooqa saaran in ale intay karaan kasoo baxaan, waayo Allaah SW wuxuu ku yiri markuu ka hadlayey meherka:

“Dumarka meherkooda siiya siin”.

Siiya dumarka meherkooda siismo sharci ah hana ka xishoodsiinina. Ha war wereejina meherka dumarka. Hala iskadaayo waxay gobalada soomaaliya gaarkood looga dhaqmo, maxay dhihi jireen markay inantu meher sheegato “sheek igula xir bal ha igaqaadee anigee”.

Yacni waa hal marlee igu meheri, bal wax ha iga heshee. Maba lasiinayaba, maba yaqaaniin raga soomaaliyeed siday u badanyihiin dumarka meher siiyaan. Ninka waxaa laga doonayaa gabarta inuu meherka u salimo waa xoolo ay iska leedahay, maalinta laguu caqimo waa inaa u salimtaa ama markaa la aqal tagtid. Ayadaa iska leh hasadaqaysato, haku siiso, meel hadhigato, waxay rabto haku samayso.

Nimanka dumarka meherka ka haysta ayagoo toban toban caruur u dhaleen oo awood u heli karay inay siiyaan, ha ogaadeen inay qaa”imiino tahay, hala socdeen arinkaas maxaa yeelay way qiyaameen, oo xoolohoodii bay ka haystaan.

Alle muxuu yiri: “Hadday idin siiyaan naftooda oo ku raali ah (meherkooda) cuna isagoo mid fiican oo naftiina ku faraxsan tahay ah.”

Gabarta ayadoo raali kaaga ah hadday ku siiso meherkeedii, ma aadan canaadin, marka haka xishoodsiin. Haddaa tiraahdid: “Oo hada anagoo wax naga dhexeeyaan ma waxaas qaadanaysaa, mise maanta wax iga doonaysaa.”

Ogow marka haddaa ka xishoodsiiso daalim ayaa tahay, maxaa yeelay qofkaan miskiin weeyaan, waa inaa ku qasabtaa oo qaado tiraahdaa, oo in niyad wanaag ku siisay aad tustaa.

Mida kale dumarka Soomaalida waxay yaqaaniin marka meherka lasiinayo mar la furaayo inay tahay, inay arintu saas ahayn waa inaa tustaa, oo aad wanaag, iyo maxabo, iyo walaalnimo u siinayso, iyo xaq ay kugu leedahay inuu yahay.

Meherkana sharcigu ma xadidin. Xuduud looma samaynin, laakiin axaadiis saxiixa ayaa ku soo aroortay: “Dumarka mida ugu kheyrka badan inay tahay mida ugu doonis sahlan, uguna sahlan xaga meherka iyo waxyaabaha ku baxaaya.” Xadiiskaa saxiixul jaamic ayuu ku sugan yahay. Yacni inay ugu fiicantahay mida ugu meher yar. Waayo Alle quraanka wuxuu ku yiri: “Haddaa haween inaa mid kale ku badalatid doonaysaan, oo aad xoolo horay u siisay waxba haka qadanina,”

Dumarka meherkooda u ogolaada, oo waliba ninka muslimkaa waa inuu horay ugu salimaa. Ragu waa qawaamiin, waxaana laga doonayaa inay bixiyaan xoolaha dumarku ku leeyihiin.

12aad

Qofka bixin waayo meherka fiiriya cuquubada ku soo aroortay iyo wuxuu Nebiga SCW yiri. Wuxu Rasuulka SCW yiri: “Alle agtiisa maqluuqa kuwa ugu danbiga wayn waxa waaye waa nin gabar guursaday, xaajadiisa markuu ka gutey oo uu ku raaxaystey, wuu furay maherkeediina wuu kala tagay.”

War ma nimanka aan gareneynee Soomaalida miyaa meher bixisa? Caamo iyo Culumo waa lagu xeertamaa meherka odayaashaa meherka gudoomiya. Oday shaqo kuma lehan meherka waa xaq ay gabartu leedahay.

Qabiilbaa shaqo ku laheyn, oo oday baa shaqo ku laheyn, oo shiikhbaa shaqo ku laheyn. Gabadha aad guursaneysid waa ku dhihi kartaa: “Walaaley meherka naga yaree” waala oran karaa waayo ayadaa iska leh, laakiin madhici karto in lagu xeertamo, meherna xeer magalo.

Nikaaxii oo dhan shiqaar ayuu iskugu yimid. Nikaaxa Shiqaarka waxaa layiraahdaa waa oday gabadhiisa gabar kale ku badashay. Waxay leeyihiin odayaasha Soomaaliyeed: “Gabadhaas guurso, taada adna ii guuri.”

Rasuulku wuxuu sheegay nikaaxaas inuu baadil yahay oo aan waxba ka jirin. Maxaa yeealay waa labo oday, waa dhaceen, marka odaygu dhaco wuxuu rabaa inuu gabar yar helo siduu xoogaa jirkiisu u soo laabto, markaasuu gabar uu dhalay oo shan iyo toban jir ah oday kaloo dhacay siinayaa, oo midba mida kale ayaa farjigeeda meher looga dhigayaa.

Waan ugadigayaa dadka muslimiinta ah, waliba dadka gabdhaha dhalay…. odayaasha dhacay, oo ulaha kutukubaaya hasiinina gabdhaha, oo da’da yar, waayo ma lanoolaan karaan, taasna waa qayaanimo. Hadday ayadu doorato, oo inta lakhiyaar galiyo ay tiraahdo: “Waan lanoolaan karaa,” Laakiin odayaasha gabdhaha lagu qasbaayo, ama laleeyahay: “Waan ku inkaarayaa haddaadan odayga guursan,”

War guurka waa mawado iyo naxariis loogu talagalay, gabadhaan nin ay laciyaartey rabtaa, waana gabar yar, markaasaa mid ay aan laciyaari aqoon baa lagu dari. Markaasaa lagu ulayn oo lagu garaacin hadday diidana waa loogayn. Dadkayagana waxaa qaabdarada u keenay naagta haddaysan ninka rabin guurka maqaban karo, sidaa darteed ilmaha ka dhashaa meeshaas waxay noqonayaan lama oga.

Hadday isku kaa diido gabadhaan inta meherka siin waydo, waxay culumada oranayaan qaar kamid ah sida fuqahada oo kale waxay oranayaan: “Ninku hadduu meherka gabadha bixin kari waayo, oo ay ku tiraahdo iskuma kaa ogoli, ma ku danbaabeyso,”. Sidaa culumada badankooda ayaa qaba. Waa inuu meherka bixin karaa, hadduu awood u yeelan kari waayo, oo gabadhu tiraahdo: “Kaayeeli maayo, ee adoo gacanta iigalin aniga imataaban kartid,” waa arin Qatar ah ee bal iska maslaxeeya.

Waxaa kaloo waajib ku ah ninka inuu gabadha nafaqeeyo. Xadiis Muslim ku sugan wuxuu ku yir Rasuulka SCW: “Dumarku waxay dushiina ku leeyihiin risqigooda, aratirkooda si wanaaga.”

Risqi marka lagu leeyahay, wax alle waxa lagu noolaado ayaa layiraahdaa. Aratirka waxaa loola jeedaa ceebteeda qari, dharka laxiran lahaana waa loola jeedaa. Gabarta ceebteeda banaanka haku sheeg sheegin, waayo Rasuulka SCW adilo saxiixa ayaa ku sugan: “Ninka zowjadiisa jameec ugu tagey, ee meelaha uga sheekeeya, dameer dameer suuqa ku booday ayuu lamidyahay.”

Rag waaweynbaa arkaysaa oo kugu oranaya: “Saasbaa yeelnay,” oo ka sheekaynaya marka dumarka iyo raga isutagaan waxa lasameeyo. War isku xishooda, oo Alle kabaqa. Waxaa Rasuulka SCW wuu kadigay. Ogaadana waana dadka kuwa ugu aqlaaqda xun dadka noocaas ah. Aratirkeeday kamid tahay inaa asturtid haweentaada, wax badanna waa inaa ugu dulqaadataa maxaa yeelay waxay kaa haysaa dab badan, waxaana ka mid ah:

  1. shahwadaadu dab waaye ayadaana kaa haysa,
  2. ilmahaada dab weeya ayadaana kaa haysa, iyo
  3. aqalka kashaqayntiisu iyo wax qabashadiisu waa dab ayadaana kaa heysa haysa.

Marka, intaa ayadoo kaahaysa ayaa hadalkeeda u dulqaadan la’dahay inyar.

Mida kale ogaada dumarka shido wayn baa ku furan, oo Ilaahey ugu talagalay, sidaa darteedbaa wasiirnimada, maamulka dawlada, jihaadka, iyo shaqooyin badan Ilaahey ka reebay. Waayo qof caloosheeda ilmo lagu sameynayo, 24 saac ilmo ku oynayaan, dhiiga xaydka isbadalka ku dhacaaya dhibka uu leeyahay waa dhib khatar ah ilaa ay culumadu Islaamku yiraahdaan: “Maskaxdeed caadi ma’ahan marka dhiiga xaydka qabto gabadhu.”

Waxaa jirta haddal ay ogtahay inuu qaldanyahay oo ayna iska reebi karin oo kugu dhahayso, ama si xanaaqsan bay kuula hadlaysaa, waxaa isleedahay “War maanta qoftii maxaa ka samaysay!” Laakiin waxba kamaada bi’ine ayadaa mashiin kale ku shidanyahay. Markaasaa adna midkale ugu siidaraysaa.

Marka, lawada caytamo oo la isku qayliyo maxaa ka yimid: “Nin iyo naag isqabaa col iyo nabad midna ma’ahan,” ayaad maqlaysaa. Marka, waa layaabee haddaan col iyo nabad midna ahayn maxay iskula jiiftaan?

Rasuulka SCW wuxuu yiri: “Haweentu ninka xaqa ay ku leedahay waxa weeye, waa inuu quudiyaa markuu wax cunaayo, aratir waa inuu u labisaa markuu labisanayo.” Waxaa laga wadaa waa inuusan toban shaati isku badalan, ayaduna baati lagaday 1978 ay haysataa, isagana maalin walba suud iyo qamiis cusub buu xirtaa.

Niman badanbaa jira oo naagahooda dhar u gadi karin, xooluhuna ka bateen ama ay dhihi karin: “hoo lacagtaan oo wax ku soo gado.” Allow aanan magacaabid ragaas qaarbaan garanbee! War isku xishooda oo Rabbi ka baqa. Haweenkiina aratir u gada, oo ku filnaada dumarkiina. Waxaa heli karin maba heli kartid, laakiin wanaajiya dumarkiina.

Wuxuu Rasuulku SCW yiri : “Wajiga yuusan ku dhufanin ninku gabadha, haddalada xun xuna yuusan ku dhihin, aqalkana yuusan uga haajirin,” Hadday wax dhacaan yuusan wajiga ku dhufanin, yuusanna kula hadlin haddalada gaalada ay iskula hadlaan, hadday isku xanaaqaanna yuusan aqalka uga bixin, macnahu waa aqalka dhinaca haka seexo, laakiin hoteel yuusan kiraysan.

Rasuulka SCW markuu macaamilka ka sheekaynaayey wuxuu xadiis ku yiri Tirmiid iyo Ibnu Naajix ku sugan oo saxiixa: “Nimankiina waxaa ugu kheyr badan ninka dumarka ugu wanaajin og, aniguna ninka dumarka idinkugu wanaaji ogbaan ahay.”

Haddaa nin haweentiisa latirsanaaya aragtid, oo laqaylinaaya, oo raga hortii ku canaananaya, oo raga xortiisa wax uga sheegaya, oo raga xortiisa isku xanaajinaya, kaasu nin ma ahan, waa doqon duli ah weeyaan, wax gabar lasiiyana ma istaahilo. Waxaa maqli jiray:

“Kaasi wax gabar lasiiyo ma istaahilo baqtiguu cunaa,”

Baqti cunuhu kaas weeyaan. Marka nimankii soomaalida oo dhan baqti cunayaan ayey iskugu soo noqdeen waayo naagahay latirsadaan.

Haddii kale markay haddal ku soo celiso feer ayey ku bilaabaan. Waxayna yiraahdaan: “Ma’adigoo bilcaan ah maanta haddal igu soo celinee?” Rasuulka Alle ayey warka ku celin jireen. Tusaale ahaan: Caa’sho oo kheyru qalqilaah lanool, oo furaashkeeda Nebiga waxyi igu soo dagto,

Rasuulka wuxuu yiri: “Caa’isho markaa ii caraysantahay waan aqaanaa?”

Markasey tiri: “Maxaa ku taqaanaa?”

Wuxuu yiri: “markaa dhaaranaysid “Wa Rabbi Ibraahiim ayaad tiraahdaa.” Marka kale Wa Rabbi Muxammed bay ku dhaarataa” Marka waxaa doonaysaa inaa lagula hadlinba, sidee arintaa ku dhici kartaa..? Marka ragow xishooda..!

13aad

Xaqa uu ninku haweentu ku leeyahay waxaa kamid ah:

  1. Haweentu waa inay ninkeeda ku adeecdaa wax walba oon macsiyo ahayn.
  2. Waa inay nafteeda iyo maalkiisa ilaalisaa.
  3. Waa inay ka reebtoonaataa wax kasta oo ninkeeda ciriiri galinaaya naftiisa,

Waa inaysan wajigiisa wax uu kahanaayo ku samayn. Suurad uu kahanaayo waa inaysan islasoo hortaagin. Waxyaalo u soo urana waa inaysan soo xiranin. Waxa ladoonayaa si walba oo uu ninkeeda raali ku yahay inay ku dadaashaa.

Hadday haweentu ninkeeda raali garayso, ayadoo xuquuqda Rabbi ku leeyahay gudanaysa wuxuu Rasuulka Alle u balan qaaday inay janno galayso. Xadiis Ibnu Xabaan iyo kheyrkii ku sugan Nebigu wuxuu ku yiri:

Haweentu hadday shanta salaadood sida ay tahay u ilaaliso, bisha ramadaankana sida loogu tala galay u soonto oo xaaraanta ka soonto, oo jirkeeda zinada ka xifdiso aratirka loogu tala galayna ay ku qariso jirkeeda, ninkeedana ayku adeecdo wax kasta oo wanaag oo cara Alle ku jirin, albaabada jannada mid Alle midkay doontey ka galeysaa.

Dumarka hadday dhihi lahaayeen: Manala adoon sanaayaa, waxaas masameyneyno iyo waasidaas. Bal xadiiskaan ha aqirsadaan. Gabartii janno doonaysa, Rabbiga khalqay waajibkiisa ha ilaaliso, hana raali garayso ninkeeda. Haddaa ninka ku qaba raali garayn wayso camalkaaguna meel uu ka baxay la arki maayo janna Allana ku tashan maysid, ku talagal sidaas. Marka, dumarka nimankooda latirsanaaya, oo qaylada badanle, oo aanan laga karin xaga iiga sii jeeso oo iga aamus, Rabigood haka baqeen.

Mana taqaanid mararka qaarkood guryaha soomaaliyeed wax nin ah iyo wax naag ah, isuma taliyaan, oo qof laqabo mataqaanid, waayo halkaan ayadana awaamir bixinaysaa, asna halkaanuu awaamir bixinayaa. Rabina wuxuu quraankiisa ku yiri: Raggaa u taagan (maamulka) haweenka, ka fadilida Eebe qaarkood qaar iyo ku nafaqaynta xoolahooda darteed.

Ragu waa qawaamiin maamulka dumarka isutaagid badanyihiin, sikastaba ayagaa maamulka iskaleh. Marka waa inay wax ka maqlaan dumarka raga. Ilaahey ku fadilay caqliga iyo awooda, iwm, xoolahana ayagaa bixiya lagu yiri.

Gabarta wanaagsan Alle muxuu yiri: Dumarka suusuuban, ee Alle agtiisa raali looga yahay waa dumar Allaah adeeca, oo nimanka qaba adeeca, oo jirkooda xumaan oo dhan ka ilaaliya iyo wixii ilaaliya lagu yiri.

Dumarka muslimaadkaa saas ayaa laga doonayaa inay gartaan. Dumarka soomaaliyeed inbadanoo kamid ah waalayaabeysaa ilaa loo talin kari la’yahay. Ninbaa yiri: Geelii igu tuntay midaa majabto iraahdo kuma jirin,?

Ragii ku cajib galin maayaan, dumarkiina way ka siidaran yihiinba. Waxaa arkaysaa inay furiinka ay u dagdageyso, oo ay leedahay: Maxaa kamacnaa ma midbaan waynayaa haddii la’ifuro. War isku xishooda dumaroow, oo Rabigaa kabaq. Sagaal cunug inay kuu joogaan oo midba nin kaa dhalo kuguma fiicnee, ee Rabigaa ka xishood oo sharaftaada ilaali.

Rasuulku SCW wuxuu yiri markuu ka sheekaynayey dumarku inay raga adeecaan inay qasab tahay: Labo qofood salaadooda madaxa madhaafto, (1) addoon ka dhuuntay dadkii sayidka u ahaa ilaa u soo laabanayo, iyo haweeney ninkeeda caasiday ilaa ay ninkeeda u soo laabanayso raali garaynayso.

Rasuulka SCW adilo saxiixa ku sugan wuxuu ku yiri:

”Hadduu ninka haweentiisa firaashka ugu yeero, oo aysan u tagiwayso, isagoo u caraysan uu baryo, malaa’igta ayaa nacladaysa ilaa ay ninkeeda karaali garayneyso. Rabbi ayaa u caroonaya.”

Dumarku ha is ilaaliyeen, ha raali gareeyaan nimanka qaba, oo ha wanaajiyeen.

  1. Xaqa haweenta lagu leeyahay waxaa ka mid ah haweenta muslimadaa aqalka kama bixi karto idanka ninka la’aantii.
  2. Aqalka qof sooma galin karto idanka ninka la’aantii.
  3. Aqalka xoolaha yaala ma bixin karto idanka ninka la’aantii, hadduu xoolaha isagu iska lahaa.

Aqalka waanaga dhexeeyaa iyo, ma’asagaa iska leh iyo. Waxaa maya. Aqalka haddaa ninka ku soo guursatay oo adigu dhisatay, ama hooyadaa ku siisay, taasi waa gaar. Laakiin, hadduu isagu kirada bixiyo, oo isagu aqalkaan ku keensaday, saas waaye qofbaadan soo galin karin, waxbaadan ka bixin karin, asagoo ku idmin baadan banaanka aadi karin. Wax kasta idan bay ku xirantahay. Haweentii ka tilaabsataana caasiyad ayey noqonaysaa.

Wuxuu Rasuulku SCW yiri: Ninka xaqa uu haweentu ku leeyahay ninku hadday boogu ku taalo, oo boogta iyo nabarka ku yaala ay haweenta carabkeeda ku leefto, haweentu ninka xaqiisa magudi karto, Xadiiskaasu waa saxiix, waxaana soo saaray Xaakim Ibnu Xibaan, Daaru Qudni, iyo Bayhaqi intaba.

Hadday xataa boog jirkiisa ku taalo ay maanta kaleefto baysan xaqiisa kudan karin lagu leeyahay. Halkaasey intay istaagaanbay ku leeyihiin: Ilmahaa dhalashadoodaa ku wataaye ma awalbuu kani nin ii ahaa aniga, ma awalbaa wax ku falaayey ilmahaan way iska dhiman karaan ama waala heli karaa, laakiin waxaa ladoonayaa labadaan qofood noloshay isla noolyihiin inay diinta Alle isku kaalmaystaan, oo janno Alle inay galaan sabab isugu noqdaan, oo qofba qofka kale oo wanaajiyo.

Wuxuu Rasuulku SCW yiri: Low aan amraayo axad inuu Alle qeyrkii u sujuudo, haweenta ayaan amri lahaa inay ninkeeda u sujuudo.? Wuxuu Rasuulku ku daray: Alle ayaan ku dhaartaye nafta Nebi Muxammed ay kacantiisa ku jirtee, haweentu magudan karto xaqa uu rabi ku leeyahay ilaa ay xaqa ninkeeda ka gudato.

Wuxuu Rasuulka SCW yiri: Hadduu su’aasho nafteeda ayadoo saaran Qatab waa inay isku ogolaataa. Qatabka culumada waxay yiraahdeen: Waa dumarku markay foolanayaan meel lagu fariisiyo. Xadiiskaa waa xasan Ahmed iyo Ibnu Maajix iyo Xaakim ayaa soo saaray.

Gabarta muslimadaa Rabi haka baqato oo xaqa ha ilaaliso, waayo Rasuulku wuxuu aad u adkeeyey xaqa haweenta ninku ku leeyahay, wax aad u wayn baa laga dhigay. In xaqaa aad u waynyahayna waxaa ka garaneysaa, wuxuu Allaah quraanka ku yiri: Waxay ragu leeyihiin waxyaalo dheeraad ah, darajo dheeraad ah.

Rasuulka SCW wuxuu ku yiri: Haweenta xalaal uma ahan inay soon sunnaa soonto ninkeeda oo jooga ilaa inuu u ogol yahay maahane. Hadduu ninka joogo waaye, hadduu maqan yahayse way iska soomi kartaa. Soonka lasheegaayaana waa kan sunnadaa waaye.

Rasuulku muxuu ku yiri gabar uu lahadlaayey: Ninkaada meeshaa ka joogtid fiirso, maxaa yeelay ninkaadu waa jannadaada, waana naartaada. Xadiiskaasu waa xasan, Dabaraani ayaa qoray. Wanaajinta aad asaga wanaajiso waad ku janno tagaysaa, xumaanta aad asaga xumaysana waad ku naar tagaysaa, saas ula soco marka.

Rasuulka SCW wuxuu oranayaa: Dumarka waxaa ugu kheyr badan, mida ninkeeda farax galinaysa markuu eego. Cibaadadii, wanaagii, kheyrkii, ayuu ku arkayaa, markuu eego. Gabarta muslimadaa ninka dhagihiisa waa inay ka ilaalisaa hadal xun, marka uu amrana waa inay addeecdaa, waana inaysan ku samayn nafteeda iyo maalkiisa wuxuu asagu kahanaayo.

Dumarkow Rabigiin ka cabsada oo adinka raali gareeya raga idin qaba, wanaajiya oo aad iyo aad ugu dulqaata, wax kamaqla oo adeeca oo kadanbeeya. Wax kastoo ay idiin diraan yeela, naftiina xataa haday ku dhib badanyihiin ilaa wax Alle ka caroonayo maahane.

Macsiyo Ilaahey waxaan ahayn ku adeeca nimankiina. Haddii kale: Ma isagaa isoo korsaday iyo, anoo intaan le’eg ayuu I arkay iyo, ma’asagaa adoon u ahay iyo, Sheekooyinkaas iska daaya, oo ninka addoon u noqo, addoonbuu kuu noqonayaaye, maro u noqo maruu kuu noqonayaaye, saas ayaa laga doonayaa ragga iyo dumarka.

14aad

Islaamku wuxuu dadaal xoog leh ka geystay inteysan caruurta adduunka imaaninba, wuuna u sii gogol xaaray. Waxaana ka mid ah tusaale ahaan qaabka caruurta loogu dadaaley inuu Ilaahey SW jideeyay jidkii ilmuhu ay ku imaan lahaayeen. Guurka oo dhex maraaya bini’aadamka, guriga la dhisaayo, ee labada ruux aabaha iyo hooyada dhex maraaya, ku ligood u jeedada laga leeyahay waxa weeyaan ee ugu muhiimsan sidii ilmo meeshaa uga imaan lahaayeen, waa u jeedada ugu weyn ee guurka laga leeyahay.

U jeedooyin kale guurku waa leeyahay waxaana ka mid ah:

  1. In labada ruux oo is guursaneysa ay guri wada dhistaan oo ay ku xasilaan, oo midba midka kale wahelsado, oo nolosha ay qeybsadaan.
  2. In shahwadii iyo baahidii labada ruux isku qabeen ay isku gutaan.

Waxaas oo dhan waa u jeedooyinka guurka laga leeyahay, laakiin waxaa kuli isku fuuq fuuqsaday oo ugu muhiimsan in meesha ilmo laga raadiyo. Beerta la tabcaayo, oo miraha laga goosanaayo waa ilmaha.

Sidaa daraadeed ayaa Ilaahey SW ka dhigay ilmaha bini’aadamka la siinaayo in ay nimco weyn tahay, ee Ilaahey SW uu dadka siiyey. Rabbi wuxuu quraankiisa ku leeyahay: “Ilaahey wuxuu idinka yeelay naftiinna haween wuxuuna idinka yeelay Haweenkiinna caruur iyo farac idinkuna arsaaqay wanaag”

Sidaa daraadeed buu Ilaahey SW wuxuu inoogu sheegay adoomadiisa wan wanaagsan markuu tilmaamaayey baryadey Ilaahey ku baryaan, Ilaahey wuxuu yiri: “Ilaahayow nagasii (naga tusi) Haweenkanaga iyo Caruurtanada wax ishu ku qabowsato, noogana yeel kuwa dhawrsada imaam”

Caruurta marka guurka dhan iyo guriga la dhisaayo u jeedada ugu weyn oo laga leeyahay waaye. Saas daraadeed ayuu Nebigeena SCW wuxuu yiri: “Waxaa guursataan Haweenka kuwooda dhalmada badan, oo haddana ragooda isjecleysiinta badan aadn u dhala.” Ku waas guursada ayuu yiri Nebiga SCW.

Sababta loo guursanaayo waa iney caruur badan idiin dhalaan, caruurta badan u jeedada ka danbeysana waa in barito ummada Nebi Muxamed SCW aad badisaan. Waayo markey Nebiyadu Aakhiro isku yimaadaan, oo Nabi walba ummada raacsan iyo dadkiisa uu tirsanaayo oo ku xisaabtamaayo inaa ummada Nebiga SCW badisaan. Sidaa darteen haweenka aad u dhala ee dhalmada badan guursada Nabiga SCW yiri.

Mar haddii sidaas layiraahdey, oo ilmaha u jeedada ugu weyn ee guurka iyo guriga la dhisaayo ay yihiin, waxaa lagama maarmaan ah ilmaas in marka lagu dadaalo. Sidee loogu dadaalaayaa..? Waxaa loogu dadaalaayaa marka horaba badintiisa halagu dadaalo ayaa layiri. Barnaamijkaas oo Islaamku qabo oo ilmaha hala badiyo ah wuxuu ka hor imaanaayaa waxey ay yiraahdaan reer galbeedku “qorsheyta qoyska.” Yacni famile-ka oo ilmihiisa la yareeyo. Ama cirbad hala isticmaalo ama qorsheyn kale hala isticmaalo.

Mucjisooyinka ayaamahaan danbe la arko waxaa ka mid ah: reer dhan oo 25 sano is qabay oo labo ilmood kaliya haysta. Qorshahaasna waa qorshe gaalo ka danbeyso, falkaasna sharciga Islaamka ma waafaqsana ee hala iska ilaaliyo. Marka waxaa la rabaa in caruurta la badiyo waayo risqigooda Allaah ayaa ka faalo qaaday adiga kuma saarna.

Waxaa kaloo ayaduna uu sharciga Islaamka la dagaalamey jid walba oo keeni karaya qaabka caruurta ku imaanayaan iney xumaadaan. Tusaale ahaan waxaa ka mid ah jidadkaas in Zino la iskugu tago. Sababta Zinada uu sharciga Islaamka ku diidayna waxa weeyan waxey keeneysaa iney dadka dhalmadoodii iyo caruurtii iney baaba’do.

Sidee ku baaba’eysaa..? Waxey ku baaba’eysaa labada ruux markey guri yeeshaan, oo ay isguursadaan, ilmihii dhex dhasha waa ilmo hooyadiisna naxariis u hayso, aabihiina xanaanadiis iyo ka war heyntiisii iyo cuntadiisii u diyaar yahay.

Laakiin labo intey meeshaa iskugu tagtay ilmo ka dhexyimid, ilmihii banaankaa ayaa lagu tuuray, markaasna ilmihii way dayacmayaan. Kabacdiina ilmo badan oo aabo la’aan ayaa dhalan, dabadeedna waxaa soo baxaaya caruur ama mujtamac dhan oo xanaano la’aan ah, oo wax daryeelaya iyo wax ka war haaya aysan jirin. Marka dadka noocaas oo kale sideyna u imaanin ayuu sharciga Islaamka wuu ku dadaaley ineysan imaanin ilmo aan sharci ku dhalan.

Waxaa kaloo ka mid ah dadaalka uu Islaamku uu ku bixiyay ilmaha intuusan imaanin oo uusan dhalanin ayaa waxaa la yiri: Ha loo sii diyaariyo meeshii wanaagsaneyd oo uu imaan lahaa. Yacni hooyo wanaagsan hala guursado, yaana hooyo walba lagu dhicine. Hooyo diin leh oo akhlaaq leh waa inuu ruuxu guursado. Nebigu SCW wuxuu oranaayaa: “Haweeneyda waxaa loo guursadaa afar ka mid ah:

  • Inay haweeney quruxsan tahay,
  • Inay haweeney qoys fiican ka dhalatay tahay,
  • Inay haweeney dhaqaalo haysata tahay, iyo
  • Inay diin & akhlaaq leedahay.”

Laakiin intaa oo dhan waxaa isku fuuqsanaay waa diinta, ee mida diinta leh gacanta ku dhig. Waayo ilmahaada imaan doona dhabtii uu ku barbaari lahaa iyo cidii gacanta ka qaban lahayd waa hooyadii.

Marka haddii hooyadii hala hagaajiyo la yiri oo diin halagu doorto, meeshaas waxay ku tuseysaa Islaamku ilmaha intuusan dhalinin inuu gogosha u sii xaaqay, oo u sii diyaariyey. Aabe iyo hooyo wanaagsan markii ilmihii loo xulo, intuusan ilmaha uurka galinba aabaha waxaa laga doonaayaa intuusan hooyada u galmoon inuu shaydaanka ilmaha ka naaro.

Nebiga SCW wuxuu yiri:

“Ilamaha shaydaanka ha looga xirsi xiro” oo ha dhaho: Ilaahow shaydaan naga fagee, waxa aad nasiineysano oo ilma ahee dhexdeena ka abuureysana shaydaan ka fagee.

Inta uu ilmaha uurka hooyo ku jiro, aabaha waxaa mas’uuliyad saaran inuu hooyada nafaqeeyo, oo uu bil-keeda bixiyo, marashadeeda bixiyo, iyo wax alaale wixii hooyadaas uurka ilmaha ku wada u baahantahay aabaha ayaa laga doonaayaa. Ayadiina waxaa laga doonaayaa culeyskii ayey wadaa, waayo mar waa walac, mar waa xanuusaneysaa, mar waa umuleysaa, mar way nuujineysaa, mar ilmaha dheebarka ayey ka badaleysaa, iwm. Aabihiina wuxuu ku maqan yahay iyada nolosheeda iyo isaga noloshiisa. Waxaas oo dhan waxa la doonaayo, oo laga shaqeynaayo waa ilmaha tarbiyadiisa.

Sidaa daraadeed markuu ilmaha uurka galo, oo uu uurka ku abuurmo, sharciga Islaamka waxaa banaaney in ilmahaas la dilo. Ilmahaas in uurka laga soo tuuro marnaba ma banaana. Sababta aan loo dili karina waxa weeyaan mar hadduu ilaahey meeshaa ku abuuray xaq sidii ruux bani’aadam oo kaluu leeyahay. Ruuxii xataa markaas dila sharciga tilaabuu ka qaaday.

Waayo Nebiga SCW waxaa la weydiiyey: Danbi la galo keebaa ugu weyn? Markaas Nebiga SCW wuxuu yiri: “Inaa Ilaahey SW cid garab dhigto isagoo ku abuuray.” Maxaa ku xigaa la yiri Nebigii Ilaahow? Nebigu SCW wuxuu yiri: “Inaa ilmahaada disho adigoo ka cabsanaaya inuu garabkaaga wax ka quuto.” Yacni, inuu intuu dhasho, uu gurigii wax ka cuno, oo Ilaahey risqigii halkaa ku siiyo adigoo ka cararaaya inaa ilmahaada disho waa danbiga labaad ee danbi la galo ugu weyn ilaahey. Sidii carabtii hore ay sameen jireen oo kale.

15aad

Bal iska dhaafe, Nabigeena SCW waxaa la weydiiyey ruuxu hadduu uurka la dagaalamaayo ka waran..? Nebiga SCW wuxuu yiri: Waa xabaal nolalin qarsoon.

Markuu ilmihii dhasho Ilaahey wuxuu dusha ka saaray Aabihii inuu hooyadii quudiyi,  hooyadii iney ilmihii nuujiso. Wuxuu yiri Allaah: Hooyooyinka waalidaadka ah waxaa laga rabaa ilmahooda iney nuujisaan labo sanno oo kaamil ah, middii dooneysa iney ilmaheeda nuugmada u dhameystirto. Kii ilmaha loo dhalayna (waa aabihii) waxaa laga doonaayaa masruufkooda iyo marashadooda.Hooyooyinka waajib kuma ahan in loo dhameystiro 2 sanno nuugmada ilmaha laakiin waa sida wanaagsan.

Waxaa kaloo ka mid ah wax yaabaha ay waajibka ka saarantahay waalidka ilmahooda tarbiyadiisa iney hagaan oo toosiyaan. Waxey bani’aadamka oo dhan isku waafaqsan yihiin oo ay ku howlanyihiin ilmaha maslaxadiisa adduunyo in lagu hagaajiyo.

Waxaa arkeysaa waalidiinta kuligood waxey ku hawlanyihiin sidii ilmihiisa wax ugu baran lahaa. Iskuul iney geeyaan waa ku qasabyihiin, xataa haddey noqoto iney qarash ka bixiyaan, qarashka in alle intey haayaan oo dhan way ku bixinaayaan ilmahooda siduu iskuulka u tagi lahaa oo wax u baran lahaa.

Caafimaadkiisa hadduu xanuunsado way ku qasabyihiin iney isbitaal geeyaan. Cuntadiisa, cabitaankiisa, iyo dharkiisa way ku hawlanyihiin, oo xataa waxaa laga yaabaa aabaha iyo hooyada iney lafahoodu xataa u hilmaamaan sidaa ilmahaa isagaa mustaqbalkiisa aduunyo ugu raaxeysan lahaa. Arintaas ayada ahna muslim iyo gaal way ku dadaalaan, waa dhanka aduunyada.

Ibnu aadamka markuu sidaa yeelaayo, oo ilmihiisa wax barasho kula dadaalaayo, uma badna inuu ilmihiisa u daneynaayo ee waxay u badan tahay inuu lafahiisu daneysanaayo, inuu daneysanaayana waxaa ku tusaaya fikrad waxaa ku jirta barito ilmahaan wax haku taro, isaguna lafahiisa wax ha u taro, laakiin ilmahaan kaliya wax tar kuma jirto, maxaa yeelay iney saas tahay waxaa ku tusaaya?.haddii la oran lahaa: ?Ilmahaada waxba ka faa’ideysan meysid, faa?idana kuuma soo wado? waalidka waxey tarbiyeysan lahaayeenba ma jirto, farahaa laga wada qaadi lahaa.

Ficilkaa iyo shaqadaas ay waalidku sameynayaan waa naxariis Ilaahey SW ibnu aadamka uu galiyey, hooyaduna naxariis ayuu qalbigeeda ku beeray, aabahana naxariis ayuu  qalbigiisa ku beeray, naxariistaa labadooda lagu beeray ayaa waxay keeneysaa iney ilmahoodii dartood u dhibaatoodaan, oo hooyadiina hurdo oo dhan ka tagto, dhibaato oo dhan faraha la gasho ilamahaas sidii ay ku barbaarin laheyd. Aabihiina inuu uu duurkaa wareego, oo dhididka daadiyo, oo soo shaqeeyo siduu ilmahaa wax ugu tari lahaa.

Waxaa laakiin ka muhiimsan, oo dadka intooda badan aynan wax dan ah u yeelay waxa waaye waa mustaqbalkii Aakhiro. Sida marka waalidku ilmaha mustaqbalkiisa adduunyo u dhisay, si ka daray ayaa ladoonayaa inuu Aakhiradiisa iyo mustaqbalkiisa ugu dadaalo, oo uu iswaydiiyo ilmahaada ma janey gali doonaan? Ma cadaabey gali doonaa? Ma Ilaahey baa u caroon doonaa? Ma ilaahey baa ka raali noqon doona..?

Inuu dadaal noocaas oo kalaa dhiniciisa ka qaado waa lagama maarmaan. Haddii kale ilmo aad intaasoo sanno aad jirkiisa dhiseysay, wax barashadiisa dhistay, bari kamaalin tii Alle ayaa ku timid oo wuu dhintay markaasna cadaab uu galay, marka maxaa u faa’ideysay? Adigana wax maada faa’ideysan isagana wax umaaadan faa’ideyn. Wax alle wuxuu barteyna waa hal bacaad lagu lisay.

Waxaa lagama maarmaan ah marka ilmaha sida adduunyadiisa loo daneynaayo,  in loo daneeyo aakhiradiisa, waliba ayadaa ka muhiimsan wax isku dhawna ma ahan. Nebigeena SCW wuxuu yiri: Adduunka kuligiis markii la isku daro (Haweenkiisa, dahabkiisa, dhaqaalihiisa, quruxdiisa, raaxadiisa, iwm) ma dhama aakhiro markii loo fiiriyo ruux intuu bad weyn tagay oo farta dhex galiyey fartii ka soo saaray. Far badweyn ladhex galiyey maxey ka soo saarin..? Sidaas oo kale aakhiro iyo adduun lamidyihiin.

Allaahey SW wuxuu leeyahay: Kuwa Ilaahey rumeeyayow! Reerkiina, xaasaskiina, iyo caruurtiina naar ka ilaaliya. Sideebaa looga ilaalinayaa..? Waxaa looga ilaalinayaa in diinta Islaamka lagu toosiyo ilmaha, oo mustaqbalkiisa Aakhiro la dhisaa. Taasi waa mas’uuliyad waalidka dusha ka saaran ilmahooda iney cadaab Rabbi ka badbaadiyaan.

Sidoo kale Alle SW wuxuu leeyahay: ?Reerkaada iyo caruurtaada waxaa amartaa salaada kuna samir oo adkeyso.? Nebiga SCW ayaa la amrayaa. Yacni, ilmahaada diintiisa, aadaabtiisa, Aakhiradiisa waa mas’uuliyad iyo xilka aabaha iyo hooyada saaran waaye.

Waalidka caruurtooda Ilaahey hortiisa waa laga xisaabtimi doonaa. Nebiga SCW wuxuu yiri: Mid kastoo idinka idin kamid ah hawl ayaa loo xil saaray, hawshaa loo xil saarayna waa mid lagala xisaabtami doono. markaasuu Nebiga SCW sii faahfahiyey: Ruuxa madaxweynaha ah dadka maamulkiisa hoos yimaada ayaa loo diray, dadkaas qaabka uu u dhaqayna waa la weydiin. Aabahana reerkiisa iyo caruurtiisa ayuu mas?uul ka yahay, waana lagala xisaabtami doonaa. Hooyadana waa mas’uul, waxayna mas’uul ka tahay gurigeeda, caruurteeda, iyo ninkeeda, waana laga xisaabtami doonaa.

Hadduu waalidka caruurtiisa diin baray, akhlqaadiisa wanaajiyey, qur’aanka baray, intaa kadib hadduu cunigii isaga xumaaday shaqo kuma lihid, haddii kale sow mahan waalaguu haystaa. Ilaa uu cunuga ka qaan gaaraayo aabaha ayaa la doonayaa inuu ilmahaas ilaaliyo. Haweentana ayadan shaqo ayaa loo xil saaray, oo bulshada qeyb ka mid ah weeyaan. Howsha loo xil saaray waa guriga ninkeeda iyo caruurteeda. Guriga waxaa loo yiri ha joogto, oo yeysan wareegin, waxaa la doonayaa iney qabato tarbiyada caruurta, ilmaha iney tarbiyeyso oo laga war hayo, oo xumaan oo dhan laga ilaaliyo.

Nebigu SCW isagoo la hadlaaya dadka waalidiintaa wuxuu yiri: Caruurtiina waxaa bartaan salaada, 10 jir haddey gaaraana salaada haddey ka tagaan ku garaaca. Yacni, 7 jir markey gaaraan salaada bara, misaajidka ha yimaadeen, muslimiinta ha la soo tukadeen, bulshada misaajidka ha ku soo xirmeen.

Sida ognahay ilmaha 7 jir ama 10 jir markuu yahayba waajib diiniyan ah ma saarna, oo danbi loo qori maayo, laakiin waxaa la doonayaa ilmaha yaraanta iney salaada la qabsadaan. Hadhow markuu ku soo barbaaro bulshadaas iyo meelahaa kheyrka lagu hayo waxay u fiican tahay mustaqbalkiisa danbe. Haddiise laakiin ilmaha faraha laga qaado, oo uu misaajidka uu ka go?o, oo uu bulshooyin kale uu ku xirmo, oo uu dhaqamo kale ku barbaaro, waxaa adkaan doonta markuu weynaado in dib loo soo celiyo.

Bal tusaalahaan ila eega: Waad aragteen laanta markey jilicsantahay, kolba dhankaa doonto ayaa u jiidi kartaa, waana leexin kartaa, haddiise laakiin intey weynaato oo ay adkaato, ma kuu suurto galeyso inaa leex leexisid ama aad dhinacaa doonto u jiido. Ilamaha marka sidaas oo kale waaye.

Nebigu SCW wuxuu yiri: Ilmaha jiifka ku kala fageeya.? Yacni ha isla seexinina, waayo ilmaha akhlaaq xumo iney isku bartaan baa la diidayaa. Waxaa wanaagsan in gabdhaha qol gaar ah loo sameeyo, wiilashana qol gooni ah loo sameeyo. Waa hadduu waalidka u heli karo. Hadduuse u heli kareynin inuu labo qol kala seexiyo, waa inuu ilmo walba maro gooniya siiyo ama firaash gooniya.

Haddii xataa hal firaash lagu wada seexiyo waa in labo maro la wada huwinin. Haddii hal maro la wada huwiyo waxaa laga cabsanaayaa inuu ilmuhu falaad xumo iyo akhlaaq xumo isku bartaan.

Waa Walaalkaa Aad Ku Walaalowdeen Islaamka, oo ku leh: “Nabadgelyo Qofkii Hanuunka Raaca Dushiisa Ha Ahaato.”

16aad A

Waalidka wax barbaarinaya ee ilmihiisa tarbiyeynaaya, oo diinta kula dadaalaaya wuxuu faa’ideysanaayaa:

I. Aduunyada ilmo diinta ku koray wax ka wanaagsan oo ka macaan oo Ilaahey SW uu adoonka siiyay ma jiraanba. Saas daraadeed buu Nebi Sakariye CSW markuu Ilaahey baryaayey wuxuu k duceystay: Ilaahayow waxaa I sii saa caruur wan wanaagsan. Halkaa waxaa ka fahmeenaa caruur oo dhan ineyna wanaag aheyn. Caruurbaa dhalmadoodu qasaaro tahay, oo qasaaro aduun iyo mid aakhiro kuugu filan. Laakiin caruurta kuwuu Ilaahey uu kuu hagaajiyo oo uu kuu toosiyo, kuwaas baa caruurnimadooda iyo faa’idada aad ka heleysid ay fiican tahay.

II. Aakhiro markuu tago Ilaahey SW oo uu darajo Janada ka siiyo, waalidkiina meeshaan ayaa laga galin. Hadduu waalidkii hooseeyo, oo uu meel isaga ka hooseysa uu la yimid, waalidka isagaa u shafeeco qaadaaya, kabacdiina meel wanaagsan ayuu aabihiis iyo hooyadiis geynaayaa.

III. Hadduu adduunka kaaga haro, oo aad adigu ka hor dhimatana, ilmahaadii fiicnaa way kuu soo duceynayaan, ducadiisa Ilaahey SW wuu kuu aqbali. Sadaquu kuu soo bixin, qabrigaada kuugu imaaninin ayadoo maalintey ugu baahi badan tahay, oo aad wax walba u baahantahay. Nebiga SCW wuxuu yiri: Ibnu aadamka hadduu dhinto camal u soconaaya ma jiraan, camalkiisa oo dhan wuu go?aayaa ilaa 3 wax mooyaane.

Waxa weeyaan:

  • Sadaqatu jaariya,
  • Cilmi intuu dadka baray, qofkii cilmiga uu baray ay dadka sii barayaan oo lagu dhaqmaayo,
  • iyo ilmo wanaagsan oo u soo duceeya.

IV. Ilmaha diinta yaqaana aabihiis iyo hooyadiis ayuu wax walba ka hor marinayaa, baari ayuu u noqonayaa, ayagiibuu xanaaneynayaa, xoolihiisa oo dhan ayuu u huraayaa. Haddii ay waaweynaad oo gaboobaan gacanta kuma seyraayo ee gacanta ayuu ku haynaa ilaa ay qabriga ka galaan.

Beertii aad beerato baad miraheeda guraneysaa. Ruuxii beer wanaagsan beerta, oo tufaax beerta, tufaax unbuu goosan. Laakiin ruuxii qare dameeraad beerta, qare dameeraad qaraar unbuu guran.

Ninkii ilmihiisa tarbiyeysan waaya duurka unbuu galin. Waa waxa maanta dadkeena haysta. Waalidiintii dhamaantood waxay noqdeen dad aan mas?uul qaadi karin.

Caruurta markey dhashaan waxa uu diyaar u yahay in wax lagu shubto, waayo waa weel faaruq ah, weelkaas waxaa lagu shubi karaa wax wanaagsan iyo wax xun, adigu kolba tii aad ku shubato unbaa heleysaa.

Ilaahey SW wuxuu leeyahay: Kuwa Ilaahey rumeeyay oo mu?miniinta ah caruurtoodana ay iimaanka ku raacday, caruurdooda ayaa meeshay joogaan la geyneynaa.? Yacni, Aakhiro markii la tago ilmaha darajada ugu sareysa oo uu helay ayaa waalidkiisna lala geynayaa.

Tusaale ahaan hadduu waalidkii uu dhinto, oo uu naar u waajibtay, Ilaahey SW ilmihiisa baa u tagaaya Ilaahey buu u erga geynaayaa. Ilaahow waalidkey cadaabka ka badbaadi ayuu oranayaa, Ilaahey SW ducadii wuu ka aqbalayaa. Marka waxaa laga yaabaa inuu sabab u noqdo waalidkiis oo la cadaabi lahaa Rabbi SW inuu sababkiisa cadaab kaga badbaadiyo.

Haddii maanta la dhihi lahaa: Waalidkaa danbi ayey galeen oo waa la xiray, ilmahaas intuu dawlada u tago oo uu kala hadlo, oo sidaa lagu sii daayo, waalidkaas nicmo intee le?eg ayuu tirsanayaa. Nicmo aad u weyna ayuu tirsan lahaa waalidkaas. Maxaa u maleyneysaa cadaab Alle haddii laga badbaadiyo? Waa nimco aan caadi aheyn.

Waxa laga rabaa waalidiinta iney ilmahooda ku dadaalaan tarbiyada caruurta. Waxa lagu tarbiyeynaayana waa iney noqotaa Tawxiidaka {LAA ILAAHA ILA LAAHU, MAXAMED ARASUULU ALLAAH} waa intuu yaryahay cuniga, waana inuu qabto, ka dibna waa in macnaheeda iyo waxa ka danbeeya la baro.  Waa in labaro in aysan jirin cid wax tari karta ama wax dhibi karta ama wax la weydiisan kara oo Alle aheyn ineysan jirin.

Nebiga SCW saxaabiga la yiraahdo Ibnu Cabaas isagoo wiil yar ah yaa Nabiga SCW wuxuu ku yiri: Wiilyahow! Ma ku baraa weerooyin? Ilaahey xifdi oo diintiisa ilaali Ilaahey wuu ku xifdinaayaa. Alle xifdi wax walba oo aad u baahato Ilaahey wuu ku siinayaa. Haddaa cid wax weydiisaneysid Ilaahey kaligiis wax weydiiso, haddii cid wax ka magan galeysid Ilaahey kaligiis  magan gal.

Waxaa ogaataa ummada oo dhan haddey isku tagto in ay dhib ku soo gaarsiiyaan ay isku dayaan, kuma dhibi karaan ilaa wuxuu Ilaahey kuu qoray mooyaane, hadday isku dayaan iney ku anfacaan oo ay wax ku siiyaan kuma siin karaan ilaa wuxuu ilaahey kuu qoray mooyaane. Qalinkii iyo waraaqihii wax lagu qoraayeyna wey ingageen.

Saas ayuu Nebiga ku yiri cunugaa yar, ma saas ayey caruurteena garanayaan..? Waa maya! Laakiin waxay yaqaanaan maadooyin aduunyo. Haddaa wax adduun ka weydiiso wey kaaga jawaabayaan, laakiin 19 jirka muslimka ah oo maanta jooga arimaha noocaas haddaa weydiiso inuu garto aad bey u yartahay. Maxaa yeelay horeybaana loogu soo tarbiyeynin.

Caruurta waa in la jecleysiiyaa Alle SW iyo Nebi Maxamed SCW. Qalbigooda waa in iimaanka Ilaahey iyo Nebiga SCW rumeyntiisa loo galiyo. Waa in jannada la jecleysiiyo oo looga sheekeeyaa, markuu jeclaadana waxaa loogu darayaa wadadaas ayaa loo maraa. Naarta looga sheekeeyo, xumaanteeda iyo cadaabkeeda kulul, dabadeedna loo sheego wadada lagu gali. Ilmihii markaas wuxuu ku barbaarayaa isagoo tawxiidkii iyo caqiidii ka dharagsan. Hadhowna ilmo wanaagsan ayuu noqonayaa insha?allah!

Waxaa ayadana lagama maarmaan ah ilmihii in lagu tababaro oo la baro intuu yar yahay arkaanta Islaamka. Salaadii waa in la baro, weesadii waa in la baro, qaabkii loo dahaaro qaadanayey waa in la baro, istiijadii waa in la baro, iwm.

Caruurtu inta badan waxey ka dhaqan qaataan aabaha iyo hooyada. Marka aabaha iyo hooyada waxa ay yihiin ayey caruurtu noqonayaan.

Sidaa daraadeed Nebigeena SCW wuxuu yiri:

”Ilmo walba oo dhasha waxaa lagu dhalaa caqiido wanaagsan iyo fidro wanaagsan, markaa ka dib ayuu wuxuu qaadanayaa falka waalidkiis. Haddey waalidkiis yuhuud yihiin marku dhasho ka dib ayuu yahuudi noqonayaa, hadduu majuusi yahayna {majuusi waa kuwa dabka caabuda} kuwa dabka caabuda ayuu noqonayaa, haddey muslimiin yihiina muslim ayuu la noqon.”

Wax alle waxey aabaha iyo hooyada laga arkaa unbey caruurtu sameynayaan. Sidaa daraadeed baad arkeysaa ku barbaara hooyo iyo aabe aan diinta Islaamka ku dhaqmeynin (yacni, magac kaliya Islaamka ka haysta) sidaa hadda dadku u badan yihiin, laakiin qaabkii iyo nadaamkii Islaamka uusan ka muuqanin, ilmahaasi noloshiisa waxaa laga garanayaa guriga ay ku soo barbaareen.

Haddii ay hooyo af xumo badan oo ninkeeda la dagaalanta, oo qaxar ah..ogaada ilmo qaxar ah unbey dhali. Aabe isagana af xun, oo sigaarka caba, qaadka cuna, guriga xumaanta la yimaada, ilmihii wuxuu aabihiis ku arkay unbuu sameyn.

Sheekh culumada Somaliya ka mid ah ayaa wuxuu yiri: Waxaa aad ula yaabay gabar yar oo 2 sanno jir ah ayaa caruurteyda ka mid ah, gabadha yartaa ee 2 jirkaa ee guriga joogta xijaabka sida ay u qaadaneyso iyo salaada ay u keeneyso, raga ajaanibtaa ay uga carareyso waa la yaabeysaa. Wax u aqriyeyna ma jirto oo aan ka aheyn iney hooyadeed ka aragtay. Hooyadeed oo waxay aragtay markii guriga la soo gargaraaco dhahaysa yaa waaye? rag ajaanib ah haddey yihiin dib u sii carareysa unbey aragtay oo soo xijaabaneysa.

Sidaa daraadeed anigaa xun ilmaheygana wanaag baan ka doonayaa aad ayey u kala fagyihiin.

Waxaa kaloo lagama maarmaan ah in ilmaha qur’anka la baro. Ayaamahaan danbe caruurta iskuulada ayaa lagula dadaalaa, laakiin dugsigii waa la hilmaamay iyo quraankii kariimka ahaa.  Sidoo kale markaa adigu soomeysid inaa iyaguna soomisid. Ma ahan in soonka lagu leeyahay, laakiin saxaabada saas ayey sameyn jireen oo caruurta yar yar ayaa la soomin jiray.

Waxaa kaloo la doonayaa in caruurta lagala dagaalamo akhlaaqiyaadka xun xun, sida cayda, dabeecada xunta, af xumada, naclada, shaxda iyo turubka, iwm. Waa in sidoo kale lagala dagaalamo filimada iyo shaleemada, heesaha, sigaarka iyo qaadka, iwm. Waa in uu waalidka ilmihiisa ka war hayaa had iyo jeer, habeen iyo maalin. Waa in sidoo kale ilmaha lagu tarbiyeeyo xishoodka, oo uu waalidku baro xishoodka.

Waayo Nebigeenu SCW wuxuu leeyahay:

”Xishoodka waa qeyb weyn oo iimaanka ka mid ah.  Waa in beenta laga ilaaliyaa, waa in cadaalada la baraa, waalidkana ilmihiisa cadaalad u sameeyaa si ay hadhow ugu deydaan. Waa in lagu tarbiyeeyaa geesinimada, dadka waa weyn ixtiraamkooda, ixtiraamka martida, ixtiraamka dariska, akhlaaqiyaadka wan wanaagsan oo dhan waa in ilmaha lagu tarbiyeeyaa.”

Yacni, bulsho ahaan waa inuu ilmaha ku barbaaro, xumaan oo dhanna waa in uu ilmaha ka barbaaro.

Waxaa iyadana lagama maarmaan ah inaa ilmaheena xaaraanta ka ilaalino. Ilmaha haddaa xaaraan quudiso, oo xaaraan ku barbaaro waxey u badan tahay inuu qaatumo xumo ku danbeyn doono. Maxaa yeelay Nebigeena SCW wuxuu tilmaamayaa ruux safray, oo aad u dhibaateysan, ayna ka muuqato jirkiisa rafaad iyo dhib, markaasuu gacmaha kor u taagayaa oo oranayaa: Yaa Rabbi Yaa Rabbi.

Nebigu SCW wuxuu yiri:

”Maryihuu xiran yahay waa xaaraan, cuntadiisa waa xaaraan, guriguu dagan yahay waa xaaraan, wuxuu ku barbaaran waa xaaraan, sideebaa kaas oo kale duco looga aqbalayaa..”

Marka caruurteena waa inaa xoolaha xaaraantaa ka ilaalino, waa inaa ka ilaalinaa ribada, xoolaha tuugnimadaa, iyo xoolaha baqshiishka lagu soo helay. Caruurteena waa inaa xalaal siino, waayo qeyb weyn waxay ka qaadaneysaa hadduu xalaal quuto mustaqbalkiisa Aakhiro iyo diintiisa.

Waxaa ka loo la doonayaa ilmaha inaan la habaarin, waayo haddaa nahay soomaali waxaa aad noogu badan inaa ilmaha habaarno ama aan nacladno. Ilaahey SW waxaa jira saacado uu ducada aqbalo, ilmahaada marka aad habaareysid, oo aad ku dhaheysid: Inkaar kugu dhacday iyo ilaahey ku cadaab iyo, haddalada noocaas oo kale ah waa hadalo laga dido, baritana ilmahaada adigan unbuu kaa raaci sidii aad laheydeen unbuuna dhihi.

Waa in gabdhaha gaar ahaan asturka la baro, iney xijaabtaan, raga ajaanibtaa iney iska ilaaliyaan, iyo iney inantu yartahay xijaabka ku barbaarto, si markey waynaato ay culeys ugu noqonin, oo shey caadi ah oo nolosheeda ka mid ah ay u noqoto.

WQ: Cusmaan Bilaad
Email: osmanbilad@hotmail.com

Decorative Lines

Wa Billaahi Tawfiiq

Fadlan wixii Talo iyo Tusaale ku soo hagaaji.
{Cusmaan Bilaad}
Email: osmanbilad@hotmail.com
Source: SomaliTalk.com