Uurdoox - Qaybta 6aad

Decorative Lines

السَّلاَمُ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَةُ اللهِ وَبَرَكَاتُهُ

Decorative Lines

Allaah (swt) wuxuu yidhi:

Surat at-Towbah 105

Surat at-Towbah 105 {سورة التوبة:١٠٥}

“Waxaa tiraahdaa Shaqqeeya, waxaa arkidoona shaqadiinna Allaah, Rasuulkiisa, iyo mu’miniinta, waxaana la idiin celin doonaa Allahii Caalimka u ah waxa maqan iyo waxa muuqda, idiinna sheegi doona waxaad sameeyn jirteen.” [Surat: at-Towbah, 105]

Waxaan aad ugu mahad celinayaa dhammaan dadkii soo qoray faallooyinka, markhaati furka ah, ducooyinka iyo dhiirri galinta. Allaah ha idinka abaalmariyo jannana Allaah ha idin galiyo (aamiin).

Waxaan qoraalkayga ku hormarinayaa qoraal aad muhiim u ah oo markhaati u ah qoraalkaygii hore ee ka hadlayey masjid la’aanta xarumaha dowladda lagasoo bilaabo madaxtooyada, ilaa xeryaha milatariga noocay rabaanba ha noqdeen e.

Qoraalkan oo uu qoray walaal lagu magacaabo M. Muse waxa uu u qornaa sidan:

 “Awalan waxaan sheekheena Sheekh Cabdiraxmaan ilaahey uga baryayaa inuu cimrigiisa dheereeyo cilmigiisana nagu anfaco.waxaan sidoo kale Ilaahey uga baryayaa intii saxwada Soomaaliya muruq-maal, iyo maskaxba ku bixisey intii dhimatey oo darteed loo diley ama iskaba dhimatey oo Ilaahey oofsadey inuu jannadiisa fardowsal aclaa ka waaraabiyo, inta noolna uu xifdiyo ajarkoodana uu badiyo (Amiin).

Intaas ka dib, Soomalidu waxay tiraahdaa

“Run sheeg wax kuu marag fura ma waayeyside.”

Waxaan u maleynayaa aniga iyo sheekhu waxaan nahay isku eyni, waxa uu kasheekeeyeyna waxa badanoo kamid ah goob joog ayaan u ahaa.Waxaan xusuustaa in gabdhaha qaarkood markey iskuulka soo aadayaan ay guriga Kaga soo baxaan xijaab, markey iskuulka derbigiisa timaadana ay iska bixiso, hadhow markey iskuulka ka soo baxdana ay xijaabkeedii dib u gashato.Sidoo kele waxaan walaalkey markhaatiuga ahay xeryaha milteriga inaysan jirin halxero oo uu masaajid ku yaaley.

Aniga waxaan ciidanka xooga dalka soomaaliyeed ku biirey 13/3/1973 waxaan dhibowga ku galey HIILWEYNE oo Xamar iyo Balcad u dhexeeysa, waxaan ahayn 6 urur oo jadiid ah iyo urur Taangiiste ah.

Ninkii ciidan waxa ka yaqaana wuu garan karaa ciidankaas tiradiisa, hadana waxaa xusid mudan xereda intaas leg oo intaasoo muslim ah ku nooshahay masaajid iska daaye inaysan mawlac xataa laheyn.Waxaa intaasoo dhan ka daran iney inta tukata fara ku tiris yihiin, hadana aan loo ogoleyn iney si madaxbanaan oo xor ah u tukadaan.

Markuu dhibowgii noo dhamaadey waxaa la ii soo bedeley wasaaradda gaashaandhiga. Waxaan ugu imid sidaan HIILWEYNE uga imid oo ah masaajid la’aan, ninkii yaqaan baana yaqaan tirada ciidammada ka shaqeynayey meeshaan, waxaysan igu inkireynin oo aan u maleynayaa Sheekh Cabdiraxmaan qudhiisu inuu arkey ama kuba tukadey inaan iskeen meel bannaan u xaarxaarananno oo dermo soo gadanno oo meeshaas aan mowlac ka dhiganno, waxayna ahayd meel udhaxeysa xafiiskii maamulka lacagta iyo Dhismayaasha waaweyn.

Waxaa kaloo xusid mudan xeryaha qaarkood iney lahaayeen shaneemo ama meel filimmada lagu daawado masaajidna aysanlaheyn, waxaana meelahaas kamid ahaa xerada guutada 2-aad taangiyada oodweyne, rugta saraakiisha guutada 1-aad madaafiicda goobta.

Sidookale waxaan galey kulliyadda Jaalle Siyaad 1976 waxayna la mid ahayd walaalaheedii ka horreeyey oo aan soo arkey, yaabkuse wuxuu ahaa in haddii aad tiraahdo salaadbaan soo tukanayaa aan laguu ogolaan ama haddii laguu naxariisto markii muddo lagaa aamusnaado lagu yiraahdo,aawey kii lahaa salaadbaan soo tukanayaa orod il biriqsi ku imow.

Intaas kaddib waxaan ka shaqeeyey meelo badan oo xeryihii X.D.S (Xoogga Dalka Soomaaliyeed) hayaraato hase weynaatee weligey ma arkin xero uu masaajid ku yaallo.

Wasaaradaha, wakaaladaha, iyo hay’adaha dowladda oo kalena sidaas bey ahaayeen, marka waxaan rabaa inaad is barbar dhigtaan xiligaas iyo maanta ayadoo weliba wax badan lagu cayaarey.”

Waxaan soo tilmaamay labada madfac oo culus halka ay kasoo dhacaysay oo ahayd waxbarashada iyo milatariga, waxaan kaloo soo sheegay in uu go’aansaday hoggaanka Mashruuca Islaamiga ah ee Soomaaliya, in wixii noo soo baxa oo arday ah loo jiheeyo labadaa meelood, si wax looga baddalo mustaqbalka, loogana dhigo kuwo u adeega Islaamka ee aan loo adeegsan burburinta diinta Islaamka.

Akhristow waxaad sawirataa dawlad yar oo lagu dhextuuray quwaddii Shuuciga ahayd ee ay hoggaminaysay dawladdii Midowga soviet-ka! .Shuuciyadda waa mabda’a nuxurkiisu yahay in aanu ilaah wax layiraahdo jirin noloshuna tahay maaddo. Waxaa noo muuqday waddankan oo muddo kaddib diintii laga tirtiray, lagana dhigay dad aaminsan mabda’a shuuciga.

Waxaad ogaataa sidoo kale waxaa jiray dhaqdhaqaaq ama xarako aaminsanayd shuuciyadda oo ay ka dhab ahayd in ay dadka ka xoreeyaan diinta, waxay ahaayeen nimanka ka dambeeyay in Kacaanku qaato mabda’a hantiwadaagga cilmiga ku dhisan, iyo dhisidda Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (X.H.K.S).

Waxaa lagu heesi jiray:

  • waddadii caddayd (Shuuciyadda),
  • cagta saarnayee,
  • ku carraabnayee….

Galitaankanka

Kooxdii u horraysay ee layli saraakiisha loo qaatay oo magacooda loo bixiyay “CALI XIIF” waxaa noo galay shan xubnood o culus, oo ku kala biiray qaybaha kala gaddisan ee X.D.S., sida duuliyayaal miiga 21, injinneerro, ciidanka badda oo baranayay maraakiibta dagaalka, kuwa ku takhasusay saadka, iyo taangiyada.

Tirada waa yartahay laakiin waa intii ugu tacliinta fiicnayd dugsiyada lagasoo baxay, dufcaddii ka dambaysay waxaa noo galay dad gaarayo ilaa 34 sarkaal, waxaa lagu jiray kulliyadda milatariga ee ciidammada badda, kuna taallay magaalada Al-Iskandariya ee dalka Masar. Ardayda wax ku baraneeysay kulliyaddaa oo ka kala yimi dalal aad u badan waxa ugu sarreeyay raggii ka socday mashruuca Islaamiga Soomaaliya.

Dalka Ciraaq waxa aaday rag uu kamid ahaa Allaha u naxariistee Dr. Sh. Axmed Xaaji Cabdiraxman (ciidamada lugta) kulliyadda dagaalka ee Suudaan 1977 waxaa galay rag toddoba (7) ah oo aan anigu kamid ahaa sidoo kalena uu kamid ahaa Allaha u naxariistee Yaasin Axmed Maxamad (falastiin) ciidanka Daafaca Cirka, Qaalib Cabdi Xusseen (Kumaandoos kuna dhintay isagoo bixinaya tababar habeen), Col. Sh. Faarax Maxamad saciid (faarax Dheere) oo lagu dilay kontrool ku yaal magaalada Garoowe 2002 kana soo baxay Dugsiga Sare Wamo ee Kismayo, ilaahay ha u naxariisto.

Waxaan ku xaroonnay kulliyadda Dagaalka ee Ciidamada ee Waadi Sayidna oo ay ka baxeen Madaxwaynaha dalka Suudan Cumar Xassan Al-Bashiir, Jacfar An-Numayri Madaxweeynihii hore ee Suudaan, iyo rag badan oo golaha milatariga Suudaan hadda ku jira.

Kulliyaddan oo uu dhisay INGRIISKU 1948-kii waxay ku shaqeeysaa nidaam tababar oo aad u adag lagana soo qaatay kulliyadda dagaalka Sandhurst (Royal Military Academy Sandhurst) oo ku taal dalka Ingriiska, waxaan kamid noqonnay dufcaddii 27aad annagoo ka kooban 46 arday oo Soomali ah waxaa horteen ka baxay rag uu kamid ahaa Janaraal Cabdiraxman Maxamud Cali (jiis) u qaybsanahii arrimaha milatariga soomaliya u fadhiyay Mareeykanka.

Suudaan oo dabeecaddeeda adagtahay iyadoo lagu jiray xilligii talada Suudaan hayay Jacfar Mohamed An-Numeeri, milateriga waxba kama duwanayn keennii Soomaaliya xagga xaaladda diineed. Salaadda ayaa noogu adkayd oo laga yaabo mararka qaarkood in aad amardiiddo samayso wax kasta ha dhacaane si aad u soo tukato.

Maalin maalmaha ka mid ah waxaa noo khudbeeyay annagoo tababar ku jirna nin sarkaal ah wuxuuna yidhi: “waxaa la idinka rabaa saddex ‘W’: Women-  Wine- War, oo uu uga jeeday faaxisho, khamro, iyo dagaal. Waxaa ku jiro ardayda iyo macallimiintaba raggii ay soo qoondaysay dhaqdhqaaqa Islaamka ee Suudaan oo iyagana iska qarinaya dowladda hantiwadaagga Suudaan.

1992 mar ay dowladda Suudaan ku shirisay khartuum si ay u mideeyso dhaq dhaqaayada Islaamiga Soomaaliya, waxaan la kulmay labo sarkaal oo kamid ah saraakiishii kulliyadda wax ka dhigayay kana mid noqday golaha milateriga Sudaan, waxaan weediiyay ma ku jirteen dhadhaqaaqa islaamka markaan isbarannay? Wuxuu yidhi “haa”, “oo waa isqarineeyseen miayaa? Markaasuu i yidhi “haa”, “dufcad kasta rag ayaa noogu jiray.” Waxaan waydiiyey, annaga mana dareemayseen in aan nahay wadaaddo? Wuxuu yidhi “Waxaan dareennay oo kali ah Faarax Maxamad Saciid (allaha u naxariistee).

Rag kale waxay ka baxeen kulliyaddii Ciidamada ee Jaalle Siyaad oo uu kamid ahaa Sh. Cabdinasir X. Axmed (farey) (ciidanka farsamada) Raggaas waxay u kala carraabeen waddamo kala gaddisan iyadoo hammigooda kali ah uu yahay in ay soo celiyaan ku dhaqanka shareecada Islaamka, noloshoodana ay u bixiyaan Allaah dartii, haddeey xaaladda tagto barako ma leh, in ay dacwada hoos hoos u gaarsiiyaan Ciidammada Qalabka Sida (CQS) oo aan horay u soo sheegay xaaladdooda diineed.

Dhinaca kale waxaa jaamacadaha Suudaan (dhaqaalaha iyo siyaasadda Jaamacadda Umu durman) dhiganayay rag loosoo diray oo ay kamid ahaayeen Dr. Axmed Cali Axmed, Sh. Cumar Aw Sahal, Sh. Cabdulcasiis Faarax iyo Cumar Cabdi (khadiib) raggaas oo barta dhaqaalaha, siyaasadda, iyo culuumta sharciga. Rag kale waxay ka baxeen kulliyaddii Jaalle Siyaad ee Muqdisho.

Raggaas waxay u kala carraabeen waddamo kala gaddisan iyadoo hammigooda kaliya ah uu yahay in ay soo celiyaan ku dhaqanka shareecada Islaamka, noloshoodana ay u bixiyaan Allaah dartii, in ay dacwada hoos hoos u gaarsiiyaan Ciidammada Qalabka Sida (CQS) oo aan horay u soo sheegay xaaladdooda diineed.

Lafoole 1987

Lafoole waxaa galay rag culus oo uu kamid ahaa:

  • Sh. Bashiir Axmed Salaad,
  • Cali moowliid,
  • Cumar Jaamac (isbatoore),
  • Cabdulqadir Cukash,
  • Mustafe Ismail Haaruun,
  • Cabdiraxman Maxamud Geelle,
  • Cabdirisaaq Maxamad Aden (lafoole) Madaxa Jaamacadda Nugaal,
  • Cabdulqadir Cirro,
  • Maxamud Cabdi Ibrahim (garweeyne),
  • Axmed saciid,
  • Maxamuud ciise,
  • Maxamad Cabdi Daahir,
  • Maxamuud Nuur,
  • Maxamad Cabdulqadir (madaxa jaamacadda banaadir),
  • Axmed Cabdi Waayeel (wasiirkii waxbarashada oo ku dhintay qaraxii shaamow),
  • Cabdulqadir Caddow (oo Maka ku dhintay allaha ha u wada naxariistee),

Iyo rag kale oo badan (intooda nool Allaah ha xifdiyo, inta geeriyootayna Allaah jannadii ha geeyo).

Raggan dhammaan waxay guntiga u xirteen in ay Jaamacadda Lafoole meel kusoo ogaadaan, uma galin in ay irsiq u raadsadaan oo waxay ahayd meesha ugu mushahar yar, ee waxay u galeen manhajka waxbarashada inay wax ka baddalaan waana xaqiijiyeen, oo raggaas waxay isugu yimaaddeen Manaahijta waxayna ku guuleeysteen in ay waafajiyaan manhajka waddanka shareecada Islaamka, kana saaraan qashinka diin la’aanta iyadoo qoorta ka saarantahay seeftii kacaanka.

Waxaa kamid noqday rag noqday maamulayaal iskuul iyo macallimiin, waxay ku guuleeysteen in arday badan ay ku soo xiraan masaajidda.Waxaa aad u caawiyay  culimada kala ah Sh. Shariif Cabdinuur, Sh. Kaaramardhe, iyo Sh. Maxamad Nuur Qawi oo macallimiin ka ahaa jaamacadda.

Raggaan waa ragga aasaasay iskuullada Islaamiga iyo mu’asasooyinka wax barasho ee maanta soo saara kumannaan arday ah oo xambaarsan caqiidada Islamka, xiligeeda markaan soo gaaro ayaan faah faahin doonaa inshaa allaah.

Dhabar Jibintii

Waxaa dunida Muslimka kasoo baxay dhaqdhaqaaqii loo bixiyay Takfiirka iyagana la baxay “Jamaacatul Mu’uminiin” gaar ahaan Masar, markii wixii islaam ku dhaqankiisa doonayay laga buuxiyay xabsiyada Masar, qaarna la laayey, ayaa waxa la iswaydiiyey! war dadkaan islaamka dartii noo dilaya ma Muslinbaa mise waa gaalo?

Waxaa la yidhi, muslim ma dhihi karno, waayo waxay ku xukumayaan Allah sharcigiisa waxaan ahayn, oo tawxiidkii Xaakimiyadawaa ka buray, kuwa u shaqeeya ee askarta u ahna waa gaalo, dadwaynaha taageerayana waa gaalo. Yaa Muslim ah oo soo haray? kooxdeennan oo kali ah iyo inta nagu soo biirta.

Dhulka Muslimiinta waxa loola dhaqmayaa sidii dhul gaalo (daarul kufri) saas darteed guryahiinna qiblo kadhigta, jimce iyo jamaaco ma jirto, hilibka ay qalaan dadkaas gaalada ah lama cuni karo, waana in laga haajiraa haddii meel la tago la helo.

Waxaa naloo soo waariday fikirkii oo sidiisii ah ayadoo aan aad loo lafa gurin, maraajicda cilmigana miisaankeeda la saarin ayaa la keenay Soomaaliya.Waxaa bilawday dood aad u kulul oo aan dhammaanayn taasoo keentay in shaqadii dacwada inteedii badnayd ay joogsato.

Sh. Cabdulqaadir Sh. Mxamuud oo dhaqdhqaaqa madax ka ahaa ayaa qaatay manhajkii takfiirka (gaalaysiinta), waxaa la yidhi xubnaha dhaqdhaqaaqa dib ha loo islaamiyo, kii ku qanca manhajkana ha la qaato kii kalena ha la iska tuuro.Waxaa fikirkan qalloocan ka horyimid raggii ugu aqoonta roonaa, aadna ula dagaallamay.

Kooxdeenni Suudaan joogtay iyo raggii kale ee ku jiray kulliyadaha milateriga waxaa naloo soo diray laba nin si ay noogu akhriyaan casharadii dib-u-islaaminta, kaddibna su’aalo na weeydiiyaan si ay noogu sheegaan in aan ka baxno kulliyadda maadaama ay tahay kulliyad ciidan gaalo una shaqeeyn doonta dowlad gaalo ah, wuxuu qoray mustashaar Hassan Hudeeybi kitaab uu u bixiyay:

“Waxaan nahay ducaad ee ma nihin qaadiyaal”

Sheikha allaha u naxariistee wuxuu dadka ka jeediyay in ay ku mashquulaan xukumidda dadka ee ay ku mashquulaan dacwada iyo hagaajinta dadka.

Waxaan ku idhi Sh. Cabdicasiis Faarax (allaha u naxariistee) adigaa firaaqo hayee soo diyaari wixii aad ku naqdin lahayd fikirkan, waxaanan u sameeyay laba waqti oo kala gaddisan si ay raga u dhagaystaan labada dhinacba. Markii uu dhammaaday siminaarkii ayaa lasoo bandhigay su’aalihii, fikirkii takfiirka ahaa, Alle mahaddii wax saamayn ah naguma yeelan raggeennii meesha joogay, kaddibna wafdigii waa la laabteen go’aankoodii ahaa in laga baxo ciidamada.

Waxaan dhammaysannay kulliyaddii waxaan toddobadeenni kamid noqonnay tobanka u horreeya dufcaddii 27-aad ee 1979-kii ka baxay kulliyadda dagaalka ee Suudaan.Waxaan soo noqonnay carradii oo takfiir ku galgashay oo ay gaartay in la kala baxo.

Markaan soo noqonnay rag badan waxaa ku dhacay niyad jab aad u wayn, qaar ayuu dib u saameeyay fikirkii takfiirka oo ka baxay ciidamada rag kalena waxay ku biireen dhaqdhaqaaqii cusbaa ee isku manhajka ahaayeen. Sh. Cabdulqadir Sh. Maxamuud wuxuu ku dhawaaqay in uu kala diray ururkii uu madaxda u ahaa, raggiisiina waa la ruqay.

Wixii culimo ahaa waa la isu soo noqday waxaa la aasaasay dhanka koofureed urur cusub oo lagu saleeyay manhajka salafka loona bixiyay al-Jamaacah Al-Islaamiyah oo uu madax u noqday Sh. Maxamuud Ciise. Ururkan waxa isugu tagay rag kasoo wada baxay Jaamacadaha Islaamka oo ah rag aad u culus.

Waqooyiga Soomaaliya waxaa kasocday dhaqdhaqaaq xoog badan, Sh. Cali Warsame wuxuu ii sheegay in la waydiiyay in uu magaalada ka keeno hal qof oo la aaminsan waxa uu aaminsanyahay uuna soo waayay. Waxaa kaloo la ii sheegay in uu magaalada Hargaysa soo booqday Qaariga Sh. Khaliil Xusari, kadib wuxuu la yaabay dad da’ah kaliya oo masaajidda ku jira, kaddib wuxuu yidhi hadal ah “Soomaalidu ma todobaatan jir ayey kusoo islaamaan”?

Uurdoox - Qaybta 7aad

Allah wuxuu yidhi isagoo ka sheekeynaya Nabi Ibrahim,

ولا تخزني يوم يُبعثون* يوم لا ينفع مال ولا بنون إلا من أتى الله بقلب سليم

“Allow ha I hoojin maalinta la isa soo saarayo, maalinta aan maal iyo caruur  waxba tareeyn qof Allah qalbi fayoow ula yimid ma ahee” Waxaan rabaa qormadan hadduu alle idmo in aan wax yar gadaal idiin celiyo,sannadihii 1975-1976,  waxa kacaanka olole xirxirid ah  ku qaadday wixii dhaqdhaqaaqa islaamiga u madax fiiqnaa si loo damiyo,waxaa la qabtay sheekhii xarakada Sh.Maxamad Macallin Xassan alla ha u raxmadee oo ahaa xudunta  dacwada socota,

  • Cabdulwaaxid Xaaji Xaashi,
  • Ciise Sh. Maxamed,
  • Cabdulqadir Nuur Faarax iyo rag kale,

Waxaa nabadsugidda laga soo xigtay in liis kale la qa qaban doono oo uu kamid yahay:

  • Cabdulqadir,
  • Maxamud,
  • Axmed Nuur Carab,
  • Cabdiwahab Isxaq,
  • Maxamed Cabdi Jeeyte, iyo
  • Cabdisalaan Cusmaan Cabdisalam.

Raggaa waxaa loo tallaabiyey waddanka Kenya iyagoo lagu dhuumiyey dooni u socotay Mombasa, raggaas intoodii badnayd waxay galeen waddanka Sucuudiga kaddibna waxay galeen jaamacadihii Islaamka ee sucuudiga oo markaa uu xukumayay boqor Faysal bin Cabdicasiis oo aad usoo dhoweeyay ducaaddii kasoo carartay cadaadiska waddamada islaamka sida Masar, Libiya Tuunis, Jazaair iyo Somalia.

Waxaa taa dhinac socday in culimada waaweeyn sida Sh. Bin baaz, Sh Mohamed Naasiruddiin iyo Al-bany ku tashadeen in la furo jaamacad islaami ah oo ay ku barbaariyaan ilmaha muslimiinta kaddibna dib loogu celiyo waddamadadoodii si iyagana doowrkooda u qaataan waxayna aasaaseen jaamacadda madiina ee islaamiga ah, ilaa maantana Culimo badan soo saarta.

Culimmaii soo cararay qaarna waxay dacwo ka billaabeen waddanka Kenya iyagoo ka asaasay unugii u horreeyay ee xarakada islaamiga ah, waxayna ku caan baxeen salaamu- caleeykum, iyadoo lagu ceebeeynayo salaanta faraha badan ee ay faafinayaan marka ay kulmaan islamarkaana dhaqangalinayo xadiiskii nabiga oo ahaa salaanta faafiya, raashinka quudiya,habeenka tukada dadkoo hurdayo waxaad galeeysaan jannada rabbigiin wadaadadii ugu horreeyay waxaa kamid aha:

  • Cumar Awsahal,
  • Cabdullahi Ciise
  • Cabdullahi Cali Xaashi,
  • Sh, Cabdixakim
  • Cumar iyo rag kale.

Maxaa Keenay Takfiirta

Raggii tagay sucuudiga ee galay jaamacadihii islaamka waxaa indhaha lagu kala furay manaahijta iyo firqooyinka kala geddisan ee islaamka soo maray walina taaganyahay raadkoodii, waxaa soo baxay booska an taagannahay iyo firqada an ku jirno, waxaa caddaatay wahaabiyadii  kutubta suufiyada laga sheekayn jiray iyo waxa jira in ay aad u kala fogyihiin.

Sida; waxay diidanyihiin rasuulka scw, waa bidco, madaahibta ma ogola, waxay diidanyihiin salliga nabiga, waxay diidanyihiin awliyada, aayadihii gaalada ayeey u isticmaalaan muslimiinta, tawasulka ma ogola iwm. Arimahaas oo qaarkood  laga yaabo in diintaba looga baxo.

Waxaa jiray rag culimo waawayn oo fahamsanaa manhajka saxda ah iyo caqiidada ahlusunnah waljamaaca,

  • Cumar faaruuq
  • Cabdullahi Cali Cumar
  • Cali Warsame
  • Nur Cali Culoow
  • Muxumad
  • Cisman (Haadi)
  • Sheekh Cabdulqadir Nur Faarax

Inta dhimatay jannadii allaha ku mannaystee, culimadaas oo intooda badan markii ay culuunta islaamka ku akhristeen Soomaaliya kadib u cilmi doontay waddanka Sucuudiga kaddibna galay jaamacadaha islaamka ama ka qaatay culimo kale oo wax fahamsanaa waxaa lagu suntay in ay yihiin dad lunsan oo wahaabiyo ah oo ay waajib tahay la iska ilaaliyo, saxwadana laga ilaaliyo.

Ayagana masoo dhexgelin dhallintii saxwada, wax yar ma ahee sida sh.cabdulqadir Nur faarax oo markuu arkay saxwadan, inkastoo uusan manhajkooda ku qanacsaneeyn haddana arkayay in la dhexgalo waxna laga badelo, haddii dadkaan isku xiran inta ka khaldan laga saxo   waxaa suurtagal ah in ay wax wayn ka badali karaan waddanka, sidaas oo ay tahay waa la iska ilaalin jiray in aysan u gudbin wahaabiyada tayaarka islaamiga ee socda.

Waxaan xusuustaa in nin dhallinyaro ah oo aan u malaynayo in la dhihi jiray Cabdiraxmaan uu fahmay toowxiidka (ama wahaabiyoobay) waxa la isku dhabar jabiyay in lagasoo celiyo madhabkan waa la kari waayay, nin macaanka toowxiidka dhadhamiyey miyaa laga celin karaa oo wax kale aqbalayo, markii ugu dambeeysay waxaa la yidhi quraan ha la saaro wuuna ogolaaday, waxaa lagu akhriyay quraankii in wahaabinimada Alle ka saaro, Cabdiraxman quraankii wuxuu ku sii xoojiyay  wahaabinimadii..!

Markii la galay Jaamacadihii ee la dul istaagay xaqiiqda iyo manhajka caqiidadeed ee lagu jiro waxaa bilowday marxalad cusub oo ah in dib loo fiiriyo manaahijta la kala haysto iyo kee sax ah oo an qaadannaa. Waxyaalihii takfiirka ama gaaleeysiinta sabata u ahaa waxaa lagu soo koobi karaa arrimaha soo socda:

  1. Dowladaha dunida Muslimka oo diiday inay isku xukumaan shareecada islaamka kuna darsaday in ay la dagaallamaan wixii afka so mariya ama laga maqlo arintaas. Waxaad maqlayysaa culimo dil lagu xukumay, si bareer ahna maxkamadda u leedahay dambiga ay galeen waa, “waxay doonayeen in shareecada islaamka lagu xukumo dalka” iyo Dadwaynaha oo ku taageeraya wax kasta, iyo fasaadka oo aad u badan. Maxkamaddii dilka loogu xukumay oo aan goob joog ka ahaa, ayaan idin lawadaagi doonaa waxna ka qori doono hadduu alle idmo.
  2. Aqoonta shareecada islaamka oo yarayd iyadoo an la haysan maraajic fiican oo laga bogto masala kasta iyadoo lagu dabaqayo waaqaca jira.
  3. Xamaasad qofka ka indhatirta in waxwaliba booskooda dhigo iyadoo aan la raacin hawadiisa iyo sida uu jecelyahay isagoo aanay celinayn darbiyada nusuusta shareecada.

Kala qeybsankii

Waxaan so sheegnay sh.Cabdulqaadir sh. Maxamuud iyo raggiisii ay go’aansadeen in ay gaar u baxaan qarsoodina ku shaqeeyaan maxaa yeelay waxay isyiraahdeen mujtamaca caqiidadiisa marantahay dowladdiina ay halkaa u jiheeysatay uma suubado in dacwo kor ah laga dhex wado, jimce iyo jamaaco laguma oogi karo, qof aan la hubin laguma daba tukan karo.

Waxaan ku jirnaa xilligii maka oo ay dacwada qarsoonayd (Sh.cabdulqadir muddo ayaan ismoognahay ma garanayo wax iska badalay, waxaanse u rajaynayaa khayr iyo in illaahay xaqa nawada waafajiyo) waa caqli xumo in aad cadowgaada bannaanka isu dhigto si uu kuu baabi’yo waxay si buuxdo uga baxeen saaxada muuqata ee dacwada.

Rag kale waxay yidhaahdeen, “wixii naga khaldan an saxanno geeddisocodka mashruucana horay halloo wado” waxay arkeen inaan qaadanno manhajka salafka ee caqiidada toosan ah, waxa kalena qashinka ha la raaciyo wixii sidaas nagula shaqeeynayana aan uruursanno.

Sidaas waxaa ku sameeysmay Al-jamaacal islaamiya oo uu madax ka ahaa Sh. Maxamud Ciise oo lagu asaasay magaalada barakaysan ee Al-madina Al-munawara, 1978 waxaa asaasmay dhaqdhaqaaqa islaax oo madax u noqday Sh. Maxamed Axmed Nuur “Gadhyare”.

Wax yar kaddib 1983 waxaa midoobay qaybtii salafiyada ee waxdada waqooyiga Soomaaliya oo uu hogaaminayey Sh. Cali Warsame iyo Al-jamaacal islaamiya oo uu hogaaminayay Sh. Maxamuud Siise iyadoo madaxtinnimadii loo dhiibay Sh. Cali Warsame, Sh. Maxamuud Ciise na ku xigeen looga dhigay. Midoowgaa waxaa loo bixiyay “Al-itixaad al islaami”, wuxuu dhaqdhaqaaq xoog badan kuna salaysan manhajka salafka.

Waxaa la dejiyay manhajkii lagu socon lahaa oo ah (kitaabka iyo sunnaha sida ay u fahmeen salafka iyadoo laga faa’ideeysanayo dhaxalka ay ka tageen muslimiinta kii hore iyo kii dambe). Hadafkeenna waa raalli galinta Allah iyo in lagu oogo diintiisa dhulka Alle. Waxaa la qoray shuruudda xubinnimada oo ay ugu horrayso waa in uu qofka ka saxanyahay xagga caqiidada, waa in aanan lagu ogayn casibiyad iyo qabyaalad.

Waxaa lagu qoray in qofka laga qaado bayco (balan) in uu wax maqlayo oo uu u hogaansamayo, raacayona shuruucda u deggan jamaacada. Waxaa loo sheegayey beeycadaan in ay tahay mid gaar ah oo aanay ahayn middii wayneeyd oo ay ka dhalaneeysay axkaamta Amiirka guud ee muslimiinta.

Waxaa la dhisay golaha shuurada oo ka kooban intii ugu aqoonta roonayd si ay talada iyo manhajka dacwada u hogaamiyaan,

Waxaa Kamid aha;

  • Cali warsame
  • Maxamuud ciise
  • Cali wajiis
  • Dr Axmed xaji cabdiraxman
  • DR. Axmed Dahir Aweeys
  • Yusuf aadan (alqaadi)
  • Dahir Cadbi Ciid
  • Cadulqadir Cukaash
  • Cabdullahi Makaawi
  • Cabdulqadir Nuur Faarax
  • Xassan Calasow
  • Xasan Daahir Aways
  • Cabdullahi Cali Xaashi
  • Cumar Cabdi khadiib
  • Cabdullaahi Diiriye Abdtidoon
  • Maxamad Cabdi Daahir iyo culumo kale.

Waxaa lagu qoray ajandaha shir sanadeedka hal qodob oo joogto ah oo ah: Dib u eegidda manhajka an ku soconno, lagana saxo wixii khalad ah iyadoo lagu saleeynayo kitaabka iyo sunnaha lana kaashanayo culimada salafka ee waawayn sida Sh. Maxamad Naasiruddiin Al-baani, iyo Sh. Bin Baaz allaha u naxariiste. Waxaa la isku raacay shicaarka jamaacada iyo nidaamka asaaiga ah. [1]

Waxaa loo jeestay dacwadii oo muddo laba sano ku dhow uu fariisiyay murankii takfiirka, waxaa Sh. Maxamuud la fariisiyay Masjidka ceel hindi, masjidka dabaqaynka ee bakaaraha, waxaa la goaansaday in dadka la baro manhajka salafka, culayska u waynna la saaro caqiidada iyo toowxiidka oo ah meesha wax ka qalloocdaan.

Waxaa la sameeyay saddex heer oo waxbarasho oo la marsiinayo xubin kasta oo kamid ah jamaacada, iyo kutubtii loo akhrin lahaa oo qof kasta oo xubin ah laga rabo in uu dhameeyo. Luuqada Carabiga, fiqhiga, caqiidada, siirada, axaadiista, tafsiirka quraanka, iyo thaqaafada guud.

Dhaqdhaqaaqii islaamka oo isku xiran ayaa waxay billaabeen min gees ilaa gees in dacwada loosoo jeesto. Ceel hindi waxaa isu daba fadhiistay Sh. Maxamuud Ciise oo tafsiirka akhriyo iyo Sh. Dahir Cabdi Ciid oo muxadith ah oo akhrinayo ummahaadka iyo Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax oo akhriya buluuqul maraamka.

Kacaanka inkastoo uu qabtay wax kasta oo ummaddan lagu horumarin lahaa sida la dagaallanka qabiilka, isku kalsoonida qarannimo, horumarinta waxbarashada, la dagaallanka musuqmaasuqa, dhismaha ciidamada laakin sida uu dhoodaan ku tilmaamay gabaygiisa “qalbi karbaash”:

  • Mar ay laba tobnaad buuxsantayoo, barina sii dhaaftay[2]
  • Birmadkiyo kacaankii dhashayee, baylah tiray ciida
  • Ee booli quutaha eryiyo kii, shacbiga boobay
  • Ee gacal isbiirsada ka dhigay, beeshii kala guurtay
  • Ee bannaanka maatadii qubnayd, beer cunto leh geeyay
  • Ee inay sirteenu baxdiyo, baadi ka ilaashay
  • Ee baankii noo so dhacshiyo, waliba batroolka[3]
  • Ee yidhi bilaash nama dhaqdee, an runta u baydhno
  • Ee yidhi xaqiyo baadhilkii, aynu kala baadhno
  • Ee yidhi ninkii boobayow, joogso bi’i waaye
  • Ee webi butaacsada na yidhi, oo baryada diida
  • Ee yidhi dhaqaalaha badh bay, naga bulaayaane
  • Innaba beero an yeelanee, badar inoo shiida
  • Ee yidhi jahligu waa balee, an tacliin barano
  • Ee boqol kun baadiye u diray, oo buraashado leh
  • Ragga bigilka dheer noo tumiyo, madaxda noo baaqday
  • Barwaaqo iyo guul baan Illaah, uga baryeynaaye
  • Iyagiyo bishay noo kaceen waa, wax loo bogo e

Haddana wuxuu godob ka galay harumarinta diinta islaamka waana midda uu u dhintay markii dambe, wuxuu la dagaallamay wixii saansaan diineed ah sida xijaabka, dacwada iyo wixii la xiriira, qofkasta oo xilligii kacaanka joogay waa ka markhaati diinta say ku ahayd meesha uu joogay.

Lagama filayn Golihii Sare ee Kacaanka in uu ku dhawaaqo ku dhaqanka shareecada islaamka, maxaa yeelay maba fahmaynin si loogu dhaqo dadka shareecada islaamka, waxayna kala mid ahaayeen xaaladdii dunida muslinka ka jirtay waqtigaa waliba waxaa la dhihi karaa waa ugu roonaayeen, markii la fiiriyo waxyaalaha ay gaysanayeen madaxda dunida muslinka.

Waxaa kaloo u kaalmeeynayay wadaadada suufiyada qaarkood, iyo culumadii kacaanka oo farta ugu fiiqayay si ay ugu adeegsadaan awoodda dowladeed una damiyaan saxwada.

Go’aamadii ugu horreeyay ee soo baxay waxaa kamid ahaa in la akhriyo kitaabu toowxiid oo uu leeyahay Sheikh Maxamad Cabdiwahaab, si qurbaha looga saaro, waxaana lagu akhriyay geed iyo guri kasta. kitaabkiina wuxuu ka baxay qariibnimadii.

Sh. Nuur Cali Colow allaha u raxmadee wuxuu ii sheegay in uu soo martiyay nin caalim ahaa oo la dhihi jiray (Sheekh Cabdiraman Foolloow) Allaha u wada raxmadee aad ayuu u karaameeyay, Sh. Cabdiraxmaan wuxuu u yimid in uu la dodo Sh. Nuur oo lagu sheegay in uu wahaabiyoobay.

Sh. Cabdiraxman qolkii uu seexanayay ayaa waxaa loo dhigay kitaabkan fatxulmajiidka ah oo laga jaray garbadka kore iyo magaca, wadaad iyo kitaab la isma tusee habeenkii ayuu daalacasho ku billaabay,

Sh. Nuur mardambe ayuu soo kacay oo wuxuu arkay wadaadkii oo soo jeeda faanuustana u dheertahay kitaabkiina daalacanayo, waagii hadduu baryay ayuu u soo galay Sh. Nuur Sh. Cabdiraxman wuxuu waydiiyay xalay ma aadan seexan ayaan u maleeynaa mardambe faanuustaada waa daarnayd..?

Wuxuu yidhi waa soo jeeday oo waxaa ila tagay akhrinta kitaabkan, oo ma dhameeysay?

Haa ayuu ku jawaabay, see kula yahay?

Wuxuu yidhi waa kitaab aad u fiican wax khalad ahna kuma arkin, wuxuu yidhi Sh. Cabdiraxman kitaabkan waxaa qoray (Sheekh Maxamad Cabdi Wahaab) waana kan qolofkiisii, halkaas waxaa uga baxay oo gabi’ahaanba isbadalay wixii uu ka qabay wahaabiyada.

Qisadan waxay tusineeysaa dacaayadda siday u xoogbadantahay oo ay u geddiso xaqiiqada dadkana uga horistaagto in ay xaqa fahmaan, iyo xikmada culimada ee wax sheegidda oo ah in la isu daayo qofka iyo kutubta uu shakiga ka qabo.

Dacwada

Waxaa soo baxay arday soo qaatay shahaadadooyinka cilmiga sharciga kanasoo baxay jaamacadaha islaamka sida Madina, Umul-quraa, jaamacatul imam-malik Cabdicasiis. Wax yar kadib waxaa buuxdhaafay masjidka ceel Hindi, dabaqeeynka, waxaa billawday muxaadarooyin, in la faa’ideeysto wadaadada fasaxa ku yimaaddo oo ay akhriyaan duruus cilmi ah, waxaa la xoojiyay dugsiyadii quraanka iyadoo la barayo Tajwiidka quraanka.

Tajwiidka in lagu akhriyo quraanka ama ardada la baro waxaa xamar ka billaabay Sh. Cali Suufi Allaha u raxmadee, markii uu billaabay in uu ku akhriyo quraanka tajwiidka waxaa ku kacay wadaadadii joogay xamar waxayna ku tilmaameen in uu bidco layimid oo ay waajib tahay in lala dagaalo Sh. Cali Suufi allaha u naxariistee wuxuu iska degay meesha masjidka ku yaallo oo ka baxsanayd magaalada boocbooc kaliyana ku yiilay ayuu degay, waxaa meesha ugu tagay ardada saxwada isna garab istaagay waxna ka bartay.

Waxaan rabaa in an idinla wadaago markii raggeennii saraakiisha ahaa aan soo noqonnay waxaa nagu dhacay niyad jab aad u xooggan ilaa Faarax Maxamad Saciid allaha u naxariistee uu igu yidhi:

“Dhaqdhaqaaq dambe oo islaami ah galimaayo”

Maanta wixii ka dambeeyaa, faarax wuxuu ka mid ahaa hogaanka sahanka ee XDS, waxaan ku idhi nolosha khaldid iyo isa sixid weeye, dadaalkana allaa qofka ka ajarsiiyo, hadduu asiibana laba ajar ayuu leeyahay hadduu khaldana hal ajar, mashruuca geeddisocodka islaam doonka ha ka hadhin, ciddii aad isla shaqayn kartaan la shaqee” waana iga aqbalay wuxuu waa dambe ii sheegay in ku biiray dhaqdhaqaaqa islaax.

Xilligaa iyo jawigaa wareersan ayaan aad u fekeray waxaan tukaday salaad badan anoo allaah ka baryaaya in uu igu hanuuniyo wadada xaqa ah, masjidka Sh. Cali Suufi ayaan casar jimce ah fariistay anigoo filaya saacadda ducada la ajiibo in ay ku aaddantahay, waxaan Alle weeydiistay meesha xaqa ah in uu igu hanuuniyo isagaa dadka hanuuniyee kadibna waxaan ku biiray tayaarka salafiga ah,Allahna waxaan weeydiisanaa in uu I xifdiyo nolosha inta iiga hartay.

Xilligan waxaa lagasoo baxay dagaalkii Somali galbeed waxaa so galay soomaaliya dad badan oo qaxooti ah oo kasoo cararay ciidamadii Itoobiya oo dib u qabsaday dhulkii laga xoreeyay ee Soomaali Galbeed waxaa la dejiyay gobolka hiiraan sida; luuq jeeloow jiiqleey, jalalaqsi, iyo shabeellada hoose sida qoryooleey.

Halkaas ha inoo joogto insha allaah qaybta 8-aad ayaan ku xejin doonaa. Waxaan ka cudur daaranayaa soo daahida qoraalkan, safar ayaan galay, waxaana illaahay ka baryaraa inuu ii fududeeyo qaybaha dhiman, si joogta ahna aan idiinku soo tabin doonaa tobankii cashoba mar insha allaah, akhristayaasha aad ayaan ugu mahad celinayaa dulqaadkooda iyo sugiddooda..

Xigasho:

  1. Wareeysiga sheikh Cali (Somaliatoday)
  2. Doollo Hooyga Suugaanta

Uurdoox - Qaybta 8aad

Marxaladdii Manaahijta: 1978 wixii ka dambeeyay waxaa la galay marxaladda manaahijta oo qof waliba uu la shaqeeyo dadka ay isku aragtida yihiin dhinaca dacwada, taasoo dhammaan ah ijtihaad ay u arkaan in uu yahay sida ugu wanaagsan ee loo soo celin karo ku dhaqanka shareecada islaamka.

Marka la leeyahay manhaj waxaa loo jeedaa sida ugu toosnaasho badan uguna dhow kitaabka iyo sunnada oo loogu soo celin karo shucuubta muslimiinta ku dhaqanka diintooda oo sida aan hore u soo sheegay dagaal aad u culus lagu qaaday si looga tirtiro diinta ummadda muslimiinta, xusuusnoow hadalkii Zuwemmar uu yiri kontomeeyadii “Islam is a dying religion” islaamku waa diin sii dhimanaysa.

Shucuubta muslimiinta waxay u qeeybsanyihiin dad u arkaya in aan waxba naga hallaysnayn oo diintii ay dhaqan gashantahay sidaan in lagu socdana lagu gaarayo horumar,in badan oo aan ku baraarugsanayn waxa jira oo noloshooda iska raacda,iyo in yar oo u jeedda meesha loo socda iyo qorshaha gaalada, doonayana in lasoo celiyo islaamka kuwaas oo tiradoodu yartahay.

Xarakada Islaax waxay qaateen manhajka ikhwaa nul muslimiin ee dowliga ah, ittixaad al-islaami oo uu madax u ahaa sh. Cali Warsame waxay qaateen manhajka salafiga ah, dhaqdhaqaaqa aala-sheikh waxay qaateen manhajka ikhwaanka oo aan ahayn kan dowliga iyagoo uu sheikh u ahaa sh. Maxamad macallin allaha u raxmadee, dhaqdhaqaaqa tabliiqa oo soo billaawday kala go’ii India iyo Paakistaan,

Soomaaliyana uu madax uga noqday Sh. Shariif sharafoow allaha u raxmadee waxay wateen manhajkooda gaarsiinta dacwada iyagoo ah dhaqdhaqaaq aad u isugu xirnaa.

Waxaa intaa weheliyey culimo xalqooyin wax ku akhriya oo soo saara dad ka dhaxla cilmiga waligoodna ka jiri jiray meelkasta oo iyaga aan ku xirneeyn dhaqdhaqaaq islaami sida aan horay u soo sheegay.

Sidoo kale waxaa jiray xarumo ay leeyihiin dariiqooyinka suufiyada ee kala geddisan oo inta badan ku wajahan tarbiyada ruuxiga ah iyo siyaarooyinka quubuuraha owliyada, sida xarunta:

  • Nuur Xusseen ee ku tiillay baladulkariim oo ku dhow jilib,
  • Aw barkhadle oo ku tiil Hargaysa meel u dhow,
  • Ruun sheelo Gaalkacyo,
  • Rabiiciyada Garowe,
  • Murjaan,
  • Aways biyooleey,
  • Abdullahi Baardheere oo kuyaalay Luuq,

Xarumaha qaadiriyada, axmadiyada, saalixiyada oo ku lahaa magaalo kasta xarun ama wakiil, iyaga dhexdoodana uu ka dhexeeyay dagaal culus, sida qaadiriyada dhihi jirtay “boqol gaal in la dilo waxaa ka ajar badan hal nin oo saalixiyo ah oo la dilo”,sababtoo ah daraawiishtii oo dariiqada saalixiyada ahaa ayaa dilay Sh.Aways alqaadiri, kuna dilay halka loo yaqaan biyooley oo ku taal magaalada Tiyeeglow.

Waxaan dadkoo dhan u sheegayaa waa cadaalad in la sheego qofka wixii khayr ah oo uu leeyahay, waxaan laga yaabaa hadal uu yidhi Sh. Islam Ibnu Taymiyah oo macnihiisu ahaa dhibka wuxuu kayimaadaa in aan la sheegin qofka waxa khayrka ah ee uu leeyahay.

Mashruuca islaamka ee soomaliya waxaan ka warrami doonaa inta aan ogahay gaar ahaan dhaqdhaqaaqa salafiga ah oo aan horay usoo sheegay in aan ku biiray, anigoo aan ka tagayn dhaqdhaqaaqyada kale inta aan ka ogahay.

Waxaa loo kala baxay manaahij, xarakada ittixaadka islaamka xagga tandiimka waa sidii hore. Madaxa xarakada-ku xigeen-golaha shuurada-gobollada-shucbooyinka-iyo usrooyinka-fardiga.Waxaa manhajkeenna lagu qeexay isagoo la qoray (kitaabka iyo sunnada sida ay u fahmeen salafkii suubanaa iyo in laga faaiidaysto dhaxalka islaamka kii hore iyo kii dambe).

Nidaamka waxaa loo arkayay in uu yahay khibradihii laga dhaxlay muslimiinta gaar ahaan dhaqdhaqaaqa ikhwaanulmuslimiin ee dalka Masar, jamaacal islaamiya ee Pakistan iwm.

Waxaa jaamacadaha ka buuxa xubnihii xarakada oo indhaha ku kala qaaday manaahijta, firqooyinka soo maray dunida muslimka, raadadka ay ku reebeen dunida muslimka annaga maxaa qallooc ah oo nagu jiro, waxaan ku xirannay kutubta iyo culimada manhajka salafka ugu waawayn sida (Sheikh Mohamed Naasiruddiin al-Albaani, ibnu-Baaz) allaha u raxmadee.

1979 anigoo madax u ah layli saraakiishii xarakada kaga jirtay kulliyadda dagaalka, ayaan suudan u soo baxay galab khamiis ah oo ardada la fasaxo si ay u soo noqdaan galabta jimcaha ah, inteenna wadaadada ah waxaan isla degi jirnay hal hotel,waxaanna soo gadan jirnay wixii cusub ee kutub ama joornaal cusub ah kuna saabsan dhaqdhaqaayada islaamka sida majallada almujtamac, aldacwah oo ay soo saaraan dhaqdhaqaaqa ikhwaanul muslimiin allaha ka abaalmariyo raga wax ku qori jiray aad ayey noo anfaceen.

Anoo marayo maxadada dhexe ee khartuum, masjid jaamaca wayn ee Khartuum wadaad wacdinayo oo lagu hareeraysan yahay, safkii ayaan dhinac ka galay, wuxuu ka hadlayaa sida loo duugo maydka iyo bidcooyinka lagusoo daray, iyo dadka waxa ay sameeyaan, waxaa aad iisoo jiitay, waxkasta oo aan samaynayno waa in quraanka lagaa helaa ama xadiiska ama hadalkii salafka saxaabada, taabiciin, taabicutaabiciin imaamyadii haddii kale waa baadil, markaasuu su’aal kastoo la weeydiiyo wuxuu keenaa daliil ama athar, wuxuu ahaa sheikh ka tirsan Ansaru sunnah reer suudaan.

Waxaan isweeydiiyay sidee suurtagal u tahay in loo helo waxkasta daliil khaasatan casriga aan marayno. Waxaa laga yaabaa in aad akhriso kitaab fikri ah oo uu qoray nin islaami ah oo aadan ka helin hal aayad iyo hal xadiis, waxaan jecleeystay sheikhaas hadalkiisa waana usoo qasdi jiray in aan dhagaysto.

1983 wixii ka dambeeyay xarakada dadaalkeedii waxay isugu geeysay in la fidiyo towxiidka saafiga ah, culuunta xadiiska, tafsiirka, fiqhiga xadiiska, siirada nabiga scws masaa’ilka caqadiga ah, waxaa lasoo waariday kutubtii salafka ee manhajka fidintiisa u baahnaa oo inta badan aan loo ogolayn in waddanka la keeno sababtoo ah waxaa isku xirnaa xukuumadda iyo suufiyada oo u arkayey kutubtaa kutub bidco ah.

Golaha shuurada waxay go’aansadeen in la diyaariyo ummada lagana saxo qallooca caqiidada oo sabab u ah qallooc kasta oo ku dhaca dadka ama ummadda. Sida nabiga 13-kii sano ee ugu horreeyay dacwadiisa uu u saaray caqiidada. Sida uu yidhi imam maalik:” ummaddaan inteeda dambe waxa hagaajin karaa wixii hagaajiyay inteedii hore”. Waxaan xaqiiqsannay in aanay fari ka qodnayn mashruuca islaamiga ee soomaaliya, raga qaar waxay lahaayeen labaatanka sano ee soo socota yaan laga hadlin waxaan dacwo ahayn. Dowladda:

Wax yar ka hor 1976 waxay dowladda qaadatay in hoggaanka waddanka loo dhiibo (Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed) (XHKS).

الحزب الاشتراكي الثوري الصومالي

Idiloojiyadiiyadiisana ahayd maxim-Leninism islamkana wata iyo aanomalism, oo ay xubno ka noqdeen dhammaan ururrada bulshada, sida dhallinyarada, weenka, shaqaalaha, xirfadlayda iwm. Sidaan soo sheegnay waxaa ka dambeeyay rag xambaarsanaa kuna qanacsanaa mabda’a shuuciyadda kuna xirnaa dowladaha bariga.waxaan jeclaan lahaa in qiso la xidhiidhta xubnaha xisbiga aan idiin sheego:

Markaan dhammaysannay waxbarashada dugsiga sare 1975, ayaa aniga iyo cabdisamad cabdullaahi cabdi oo xubno ka ahaa dhaqdhaqaaqa islaamka nalagu qoray magaalada Buule-burde, waxaa ka ah guddoomiyaha waxbarashada ee degmada cabdullaahi sheikh (waayeel) oo ahaa wasiirkii waxbarashada ee shaamow lagu qarxiyay aabihiis, dugsiga hoose-dhexe ee Buulo barde waxaa lagu tilmaami jiray in kamid yihiin ardada ugu dhibka badan, maadada loogu necebyahay waa carabiga iyo diinta, waxaan go’aansannay in aan fasalada qaybsanno, labada fasal ee siddeedaad iyo laba fasal oo afraad ah, Cabdisamadna qaato laba fasal oo shanaad ah iyo labo afraad ah.

Xisaddii u horraysay oo aan u galo waxaa igu jirtay cabsi badan ardada qaar baa iga waynaa igana dheeraa, waxaan Idhi “waxaan idhi, waxaan idiin dhigi doonaa carabiga iyo diinta, waa ogahay in aydaan jeclayn, laakin waxaan idiin sheegayaa luqada carabiga luqad caalami ah waa luqadii diintiinna.

Sacuudiga haddaad u shaqo tagtaan waa afkaad ku shaqaysan lahaydeen” hadalkii waa loo guuxay, Masjid jaamacana waxaan ka billaabay tafsiirka quraanka kariimka, ardadii oo dhan waxay ku soo xirmeen masjidka, waxaa istaagay suuq wareegii,gabdho xayn ahna waa xijaabteen,iskuulkiina waa degay.

Xisbiga oo aad u karkarayey ayaa nagu soo jeestay, nabadsugiddii ayaan qoraal naga gudbisay in magaaladii aan ka dhignay ikhwaanul-Muslimiin khatarna aan ku nahay, warqad digniin ah ayaa naloosoo diray in nala xirayo fasaxa marka la galo 15-ka bari ee fasaxa dhexe, si uu noo badbaadiyo maamulihii iskuulka kana mid ah xisbiga cusub ee carcarta qaba, wuxuu noosoo qoray in aan mudada fasaxa lagu jiro in aan u hurno xubnaha xisbiga oo aan u dhigno farta soomaaliga annagana waa aqbalnay, wuxuu iisoo jeediyay in aan tafsiirka joojiyo, waxaan ku idhi taa shaki kale ayey keenaysaa waana igu waafaqay.

fasaxii haddii la galay waxaan far-Soomaaligii u billawnay aniga iyo walaalkay cabdisamad cabdullaahi xubnihii xisbiga oo u badan hooyooyin, marka aan dhamayno far-soomaaliga waxaan u dhignaa quraanka iyo salaadda, xubnaha xisbiga far-soomaaligii waxay ka jeclaayeen barashada diinta, guddoomiyihii waxbarashada oo xubin ka xisbiga kuna jiray guddiga nabadgalyada degmada ayaa dacwo hordhigay guddiga nabadgalyada degmada Buulo burde, in macallimiintiisii shaqada qaranka gudanayay dacwad uu ka gudbiyay masuulka nabadsugidda degmada, (waa joogaa ma sheegayo magaciisa).

Raggaas oo magaaladii wax ka qabtay haddana fasaxoodii u huray in ay waxbaraan xubnaha XHKS. Guddigii nabad galyada waxay eed dusha kasaareen madaxii nabadsugidda kana codsadeen in dacwadii soo celiyo, sidaas ayaa Allaah nagu badbaadiyay waxaan sii waday tafsiirkii ilaa ay soo dhawaatay galiddii xalane. wadaaddo badanna waa noogasoo baxeen oo rag iyo dumarba leh.

Uurdoox - Qaybta 9aad

Minneapolis: Culimmada dacwada wadatashi kaddib waxaa la isku raacay in aanan wali rag noo diyaarsanayn ay dacwada ku istaagto oo u noqda tiirarkii ay ku istaagi lahayd sidoo kale waxaan diyaarsaneeyn dadwaynaha, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, ciidammada kuwaasoo wali u bislayn in ay hirgaliyaan sharciga Allah ku dhaqankiisa. Sidoo kale waxaa la isla meel dhigay in haddii qolyahan ay ku qancaan maalin maalmaha kamid ah ku dhaqanka shareecada islaamka waxay u hirgalin doonaan sida ay u hirgaliyeen mabaadiida kale ee lagasoo minguuriyey gaalada.

Waxaa macne ii samaynaya ansixintii Baarlamaanka Kumeelgaarka Soomaaliyeed ay cod aqlabiyad xoogan ku ansixiyeen ku dhaqanka Shareecada Islaamka taariikhdu markay ahayd Sabti, April12, 2009, ha dhaqangaliyaan ama qabyo wali ha’ahaato.

Dhaqdhaqaarii

Dhaqdhaqaaqa salafiga oo isku xiran ayaa waxay billaabeen dacwo nidaamsan oo ay fulinayaan rag isku xiran gees ka gees waddanka gudahiisa iyo dibaddiisaba. Saraakiisha xarakada waxay dacwadii towxiidka oo saafi ah ka billaabeen ciidamada dhexdooda, intii ay socotay moowjaddii takfiirka rag ayaa ka baxay ciidamada iyagoo u arkayey in ay tahay gaalnimo in loo shaqeeyo dowlad aan wax ku xukumeeyn sharciga Allah, rag kale oo aan kamid ahaa waxaan ku qanacsanayn in dadka ay u baahanyihiin dacwo gaar ahaan ciidammada noocyadooda kala geddisan, sababtoo ah, laga billaabo wasaaradda gaashaan dhigga ilaa xerada ugu yar malahayn Masaajid meelo nadir ah mooyee.

Horay waxaan u soo sheegay raggii iyagoo tukanaa xabsiga la geeyay layli sarkaal nimadiina laga xayuubiyay.

Dhanka saraakiisha xaalka waa kasii xunyahay,meelaha lagula kulmo sida rugta saraakiisha oo lagula shiro saraakiisha qaybaheeda kala duwan ee ciidamada qalabka sida, si loola socodsiiyo markasta xaaladda dalka iyo arrimaha taagan,waxaa kaa fajicinaya sida ay u yartahay dadka tukada oo walwalka ugu  wayn uu yahay toloow sidee yeeli doontaa salaadda waqtigeedii la joogo.

Soonka marka la gaaro ood is leedahay ragga waa soomi doonaan waxa shaki kaa galayo in uu jiro sarkaal sooman maxaa yeelay waxaa qaacada shirka isqabsanayo sigaarka iyadoo ay jireen saraakiil sooman oo tukada.Saraakiisha sare, hadduu jiro janan tukado oo salaad u kaco saraakiisha tukata waxay u ahayd nafis, waxaa xusid mudan general Cali Ismaciil oo u kici jiray in uu soo tukado iyadoo loo jeedo.

Qofwaliba wuxuu ka cararayaa in lagu sunto wadaadnimo oo ahayd wax hoos loo fiiriyo Allahul mustacaan.Saraakiil xigeenka iyo dablayda waa dad diin jecel laakin aan haysan dhiirri galin.

Waxaan billaabay inaan kutub ku akhriyo xeradayda guutada 3-aad ee ciidanka difaaca circa oo aan ka tirsanaa, gaar ahaan ururka labaad ee sawaariikhda. Waxaan billaabay shaqada kaddib in aan u akhriyo saraakiisha kutubta caqiidada, fiqiga, siirada kuna dhiirri galiyo in ay soomaan khamiista iyo isniinta s’ ay ugu fahmaan diinta in ay tahay hab nololeed. Sidoo kale waxaan billaabay habeenkii in aan tafsiir ku akhriyo masjid ku yiillay xaafadda jungul hotel gurguurte gadaashiisa si aan dacwada magaalada uga qayb qaato.

1986 xamladdii dacwada markay socotay 3 sano kaddib, waxaa isqabsaday qayla dhaan ah carradii waxaa qabsaday wahaabiyo, waxaa islamarkiiba weerar nagu qaaday suufiyadii, iyo dhaqdhaqaaqa shuuciyiinta oo rabay in ay hirgasho shuuciyadda una arkayey in aan caqabad ku nahay mashruucooda iyo, dowladda oo labadaa qolo daabkeeda hayaan.

Xabsiga waxaa laga buuxiyay wadaadadii, subaxdii haddaad guriga ka baxdo soo noqoshadaada lama hubo, waxaa laga yaabaa in aad kasoo hadasho xabsiga, culimada muuqata, waxaa ka mid ahaa:

  • Cali warsame,
  • Cabdulqadir Nuur Faarax,
  • Xassan Dahir Aways,
  • Cabdullahi Cali Xaashi,
  • Daahir Aw-Cabdi Ciid,
  • Maxamad (buluuq al-maraam Allaha u raxmado)
  • Cali Mowliid,
  • Sh Cabdicasiis Faarax,
  • Maxamad Cabdi Daahir,
  • Yusuf Aadan ,
  • Axmed dahir Aways,
  • Sh Nuur Baaruud Gurxan

Iyo mashaa’ikh, professooro jaamacadeed sida:

  • Cabdikarim Carif,
  • Maxamad Cabdulqadir (beeraha),
  • Axmed Ali Axmed (dhaqaalaha),
  • Mohamed macallin cabdullahi (machadka kalkaaliye sare) iwm.

March 3,1986 waxaan u kallahay shaqadaydii, markii aan kasoo galay iridda Guutada 3-aad ee Ciidanka Difaaca Cirka oo aan ka tirsanaa qaybta gantaalihii ugu dambeeyay ee uu siiyay USSR(soviet union) dalka soomaaliya SAM3 takhasus kaygana ahaa sarkaalka ku dagaallama.

Waxaan dareemay in la isugayo, markiiba waxaa ii yimid saraakiishii oo naxsan waxay igu yidhaahdeen see wax u jiraan? maxaa dhacay? waxaan waydiiyay oo maxaa jira? Waxay yidhaahdeen waa lagu raadinayay ee maxaa sameeysay?

Waxaan ku idhi wax aan sameeyay ma garanayo oo aan ahayn in aan kitaab akhriyey,. markiiba waxaa la iiga yeedhay xafiiska taliyaha guutada Gaashaanle Sare Cabdulcasiis Maxamad Ugaas, wuxuuna ii sheegay in wasiirka gaashaandhigga Maxamad Cali Samatar soo amray in lagu soo xiro sababtana ma garaneeyno, kaddibna bus ayaa la igu qaaday waxaa la I geeyey xarunta koofi casta halkaas oo la igu daray saraakiil ku xiran meesha, oo lagasoo kala xiray meelo kala geddisan oo dalka ka mid ah.

Waxaan ugu tagay saraakiil maalintii isla joogo habeenkiina qolal lagu kala xidho.Waxaan u billaabay kutubo sida kitaabu tawxiid, sh. Maxamad cabdi wahaab, tafsiirka quraanka, riyaadusaalixiin, si toos ah ayaa loogu taxmay, qofka marka uu xabsi ku jiro aad ayuu Alle u tabaa. Ragaa la siidaayaa ragna waa soo galaan,nin waliba wuxuu baxaa isagoo caqiidada u saxantahay, si fiican salaadda u tukada.

Wuxuu yidhi nin la yidhaa (Xiirane)oo kamid ahaa saraakiishii lasoo xiray.

”Sh. Cabdiraxmaanoow meeshaan joog kuma dhihi karo, laakin waa lagaaga baahanyahay”.

Waxaa markii dambe barqinkii iman jiray xalaqada casharada taliyahii ururka salaan sharafta (Faarax) oo ka faa’iidaysan jiray duruusta, xeradana madax ka ahaa.

Waxaa kasoo wareegtay markii la I xiray Lix bilood, cid I waydiisayna majirto maxaa lagugu soo xiray!, dad qaraabo ah ayaa waxay u tageen xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Cali Cabdiraxman waxay ka codsadeen in kiiskayga la baaro maxkamadna la I keeno, kaddibna waa ii yimid wuxuu I weeydiiyay waxaan ku xidhannahay waxaan ku idhi ma aqaan.wuxuu I yidhi xaggee u maleeyneeysaa in lagaa gaadhay?

Waxaan u sheegay waxaan u maleeynaa kitaab akhrin.Wuxuu aaday wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha diinta, wuxuu weeydiyey sarkaalkan ma adinkaa Cali Samatar ku soo dacweeyey? waxay yidhaahdeen haa.wuxuu ka codsaday in ay keenaan wixii caddayn ah oo ay  ku eedaynayaan si maxkamad la ii keeno,haba yaraatee wax caddayn ah waa keeni waayeen.

Kaddib wuxuu u qoray wasiirka gaashaandhigga qoraal todoba bog ka kooban oo nuxurkiisu yahay in mudadaas aan dulmi ku xidhanahay, si dhakhso ahna la ii sii daayo oo shaqadaydii la igu celiyo,dadkii waxaan ka dambeeyayna tallaabo laga qaado, wasiirka markii uu helay qoraalka xeer ilaaliyaha wuxuu I ganaaxay 40 bari oo ah awoodda ugu sarreeysa ee wasiir ganaaxi karo sarkaal iyo badal Berbera ah.

Taliyahii ciidanka difaaca cirka Siyaad Da’uud Gudaal oo I yaqiinnay ayaa ii yeedhay wuxuu igu yidhi waa u jeednaa dulmiga kugu dhacay ee fasax qaado, toban kun oo shilin soomaali ahna waa I siiyey,badalkii berbera waa la joojiyay sababtoo ah wax aan ka qabanayo lama yaqaan iyadoo booskayga ka bannaanyahay xamar iyo Ballidoogle oo loo hayn qof kale iyadoo ay yaraayeen saraakiisha takhasuskayga oo kale leh.

Wasiirka Gaashaandhigga wuxuu ku amray taliyaha ciidanka difaaca cirka in la ii bedelo meesha ugu fog ee takhasuskayga.Meeshii waxay noqotay Balli Doogle Guutada 25-aad ee ciidanka difaaca circa ururka saddexaad.

Waxaa saldhiggaa wada deggenaa saddex ciidan oo kala ah:

  • Ciidanka Cirka
  • Ciidanka Difaaca Cirka
  • Ciidanka kumaandoos.

Waa saldhig aad u ballaaran oo diyaaradaha ku tababartaan, garoon aad u wayn leh, dhufeaysyada la galiyo leh sida mig21, mig17, G6 waxaa joogo duuliyaal si wanaagsan loogu soo tababaray dalka soviet-ka,wuxuu leeyahay meelaha laga hago diyaaradaha waawayn, guryaha saraakiisha, golaha saraakiisha, waxaa saldhiggan hareeraha ka deggan saddex urur oo gantaalaha ah laba urur oo Sam3 ah iyo hal urur oo Sam2 ah, waxaa dhinac ka deggan guutada komandoos iyo ciidanka dalladaha ku booda, sidoo kale waxaa yaala raadaaro. Habeenkii waxaa la’isugu yimaadaa rugta Saraakiisha.

Waxaa la I sii daayay Oct.5,1986 waxaan u tagay taliyihii guutada 25-aad, Cali Axmed Xirsi (Cali Xareed) aad ayuu ii soo dhaweeyay, wuxuu iisoo jeediyay diinta Allah ayaa iska leh asagaa ilaalinaya ee adiga lafahaaga u tur. Waxaan ku idhi aad ayaad u mahasantahay soo dhowaynta laakin kitaab ma akhrinayo iyo dadka diinta uma sheegayo haddaan ku idhaahdo been ayaan kuu sheegayaa, laakin waa dadaalaa in aan dowladda wax ka sheegin.

Saldhigga waxaa ku yaala masjid yar, dadyar ayaa ku tukada, masaajidkii ayaan duruus ka billaabay waxaa ku soo taxmay saraakiishii, saraakiil xigeenkii iyo askartii saddexda ciidan. Haddaan muddo waday dacwadii Ballidoogle iyo magaalada Wenlawayn oo saraakiishii ii fiicnaadeen oo wax soo fahmeen, waxaa dhacday maxkamaddii labaad ee wadaaddada dil loogu xukumay. (sidaan qoraaladii hore ku usoo sheegay, milatariga waxaan u galay hirgalinta mashruuca Islaamiga)

Maxkamdeyntii

Bishii Juun1987 waxaa billaabatay maxkamadaynta wadaadadii salafiyiinta ahaa ee xabsiyada ka buuxay intii u waawaynayd. Waxaan kasoo baxay Balli Doogle gaar ahaan degmada Wanlawayn oo 90-km ka xigta galbeedka magaalada Muqdisho, waxaan soo raacay bus-ka loo yaqaan qaxwo- diidka oo ay raacaan dadka xamar u shaqo taga ama danta ka leh xafiisyada dowlada oo raba in ay goor hore tagaan Xamar, si maxkamadda dadka galaya aan uga mid noqdo.

Waxaan tagay maxkamadda horteeda 7 subaxnimo, kuna taala barlamaankii xorriyadda, (dhimamahii baarlamaankii hore) waxaa hortaagan dad u badan wadaadadii iyo dadwayne farabadan, maxkamaddii ayaa naloo sii daayay waxaan fariistay kuraasta kore,waxaa qafaska eedaysanayaasha ku jira dhowr iyo toban wadaad oo salafiyiin ah oo kala ah:

  • Sh Xashi Colhaye kaliil
  • Mohamed Osman Siidi
  • Sh Nuur Baaruud Gurxan
  • Sh Xassan Dahir Aways
  • Sh Mohamed Hussein(gaalkacyo)
  • Sh Cabdullahi Cali Xashi
  • Sh Cabdulcasiis Faarax Mohamed (lugu jire)
  • Cabdirisaq Xuseen ciise (okiyale)
  • Mohamud Sh faarax(akhii)
  • Sh Shaafici Maxamuud Maxamad
  • Sh Aways Maxamad Ibrahim
  • Yusuf Macallin Cabdi
  • Cabdulcasiis xuseen
  • Maxamuud Jamac
  • Maxamad Habarwaa

Wadaadadan waxaa lagu soo eedeeyay, maxkamada la saaray nooceeda, qaabka maxkama ahayd, sidii loo xumay wadaadada, cida madaxda ka ahayd madaxda iyo dadka ku markhaati furayey lasoco qoraalka soosocda insha allaah.

Uurdoox - Qaybta 10aad

Waxay inoo joogtay maxkamadda badbaadada oo u furantay wadaado salafiyiin ah oo ku soo sheegnay magac yadooda maqaalkii sagaalaad. Waxaan rabaa in aan wax yar ka tilmaamo maxkamadda badbaada Qaranka:

Maxkamadda Badbaadada Qaranka waxaa la asaasay sanadkii 1970 curashadii Kacaanka ka dib iyadoo lagu soo kordhiyay maxkamadihii jiray Kacaanka ka hor ka dib markii la laalay dastuurkii u degganaa dalka 1969 -1979 waqtigaa oo uu isku ahaa golihii sare ee Kacaanka hayadda sharci dejinta iyo fulinta labadaba.

Waxaa xabsiyada ka buuxsamay dadka u xirnaa maxkamadda badbaadada, nin la oran jiray Mohamud Mohamed Khaawi ayaa maxkamadda badbaadada xirtay iyadoo lagu eedeeyay in uu aflagaadeeyay madaxweeynaha dalka, wuxuu abaabulay xabsiga dhexdiisa in maxaabiista cuntada ka soomaan taasoo si buuxda u fuliyeen maxaabiistii ku jirtay xabsiga dhexe oo dhan taasoo keentay in lagu dhawaaqo in racfaanka maxkamadda badbaadada yahay in codsi loo qorto madaxweeynaha. wuxuu ii sheegay Avvo. Osman Abdi (gacameey) markii aan ka wareeystay Maxkamadda Badbaadada Dalka Soomaaliyeed hadalkan:”

Dalka Soomaaliyeed

Waxaa la dhisay 70 kii wixii ka dambeeyay markii ciidamada xukunka la waregeen, waxaayna u sameesteen sharciye gaar ah, waayo sharcigii dalka dastuurkii waay laaleen 1969-1979 tobankaas sano dalka dastuur ma laheeyn, sharcigii gaarka ahaa ee nidaminaayay garsoorka dalka ‘ordinamento giudiziario’kuma qorneen dhismaha maxkamado gaar ah oo ka baxsan kuwa caadiga.

Sidaas darteed, maxkamadda badbadada waxaa lagu wareejiyay dhamman wixii dacwada ciqaab aheed oo cuslaa sida dilka, burcadka dhawacyada culus oo loo adeegsado hubka sida bustoolad, qoriminidi iwm.

Markii dambane waxaa awoodooda loogu kordhiyay dacwadii madaniga qaarkooda, sida dacwadaha hantidda qaranka, markii ugu dambeeysay waxaalaga xayuubiyay maxkamaddaha caadiga 90/100 awoodoodi gaarka aheed, arrimihii ugu fuusha xumaa waxaa ka mid aheed;

Markii sharci gaar loo sameeyay hantida qaranka ‘qofkii xadda hanti qimeheeda dhan yahay boqolkun xukunkiisa waa dil taas oo lagu fuliyay 3-dii ugu horeeysay, hasa yeshee sharcigaas ciladiisu waxaay soo shaac baxday markii dhaqaalaha dalka sicir barar ku dhacday oo 100 kun oo la mid noqday boqol shilin, wax is bedel ahna laguma sameeynin sharcigaas, ceebaha kale ay laheed maxkamadaas waxaa ka mid ah iyadoo hal  darajaaheed ma la heen qayb racfaan, waxaay la hayd oo qur cabasho loo qorto MADAXWEEYNAHA, asaga kali ah awood u lahaa in uu soo cafiyo iyo n uu diido.,

Markii dambana madaxweeynaha wuxuu sameeysatay guddi gaar ah oo lo bixiyay guddigga cadalada oo madax ugu dhiga (Xuseen Kulmiye) Waxaa maxkamadaas la mid ahaa dhismihii hay’adii la dhihijiray nabad-sugida oo ayadan afduubatay dhamman awoodii ha’ayadihii nabdgelyadda sidda boliiskii.

Waxaa xusid mudan, xataa awoodi maxkamadii ciidamada badankooda waxaa la wareegtay maxkamadda badbaadada, ciladaha dhaliyay burburka dalka waxaa ugu weeyn sharcigii amniga dalka lagu hagayay markii si qaldan loogu koobay madaxtooyadda oo iska sareysiisay sharci kasto, nasiib wanaag halkaan kuma soo koobi karno.

Fiira gaar ah garyaqaannadii maxkamadda badbaada ayagaa laguma soo xuleynin garaadka aqoonta sharciga iyo waayo aragnimo, waxaa la soo magacaabi jiray dhalin yaro aan wax aqoon u laheen sharciga ciqaabta iyo kan madaniga iyo heykalka garsoorka midna.wixii aad kaloo iiga bahatid faafihintooda insha allah diraar ayaan kuula ahay wabilaah toofiq “Avv.  Osman Abadi (gacamay).

Hadalkan wuxuu iiga soo diray Seattle Washington USA, sida ka muuqata waa maxkamad gaar ah oo ka sarreeysa shuruucda dalka kolba ciddii si gaar ah loo  ciqaabayo ayaa la geeyaa laguna fuliyaa xukunkii la rabo.

Qofka loo gudbiyo maxkamadda badbaadada kiiskiisa wuxuu fishaa waa xukunka loosoo yeeriyo xaakimka fadhiya iyadoo la cuskinayo badbaadada qaranka, anigu waxaan ku qancay in in maxkamadda Badbaadada ay sidaas tahay markaan dhageeystay dacwaddii lagu soo oogay culimada laba maalmood laga billaabo 7:00 am –9:00 pm,

Maalintii saddexaad ee xukunka lagu dhawaaqayay ma aanan imaanin anigoo ku qanacsanaa in wax dambi ah aanay laheeyn culimada.

Waxaan is lahaa waxaa wax lagu xukumi doonaa Mohamed Siidow oo Toorri galiyay guddoomiyaha degmada howlwadaag ka dib markii uu galay qolkii ay ku jirtay xaaskiisa oo umul ah idan la’aan isagoo aan u sugin inta ay xijaabka ka qaadaneeyso. Sidoo kale habarwaa oo la keenay maxkamadda shahaado been abuur ah oo uu sameeystay kuna dalbanayay jaamacad.

Culimada qafaska ku jirto intaan ka aqaan aan wax idinka baro, raga qaarkood ma aqoonin oo maxkamadda ayaan ku arkay.

  • Sh Xashi Colhaye Kaliil
  • Mohamed Osman Siidi
  • Sh Nuur Baaruud Gurxan
  • Sh Xassan Dahir Aways
  • Sh Mohamed Hussein(gaalkacyo)
  • Sh Cabdullahi Cali Xashi
  • Sh Cabdulcasiis Faarax Mohamed (lugu jire)
  • Cabdirisaq Xuseen ciise(okiyale).
  • Mohamud Sh faarax(akhii)
  • Sh Shaafici Maxamuud Maxamad
  • Sh Aways Maxamad Ibrahim
  • Yusuf Macallin Cabdi
  • Cabdulcasiis xuseen
  • Maxamuud Jamac
  • Maxamad Habarwaa

Culimadan waxay u qeeybsanaayeen rag ka tirsanaa dhaq dhaqaaqii islaamka ee socday, iyo rag aan ka tirsaneeyn ee salafiyiin ah, waxaa dhici karta maadaama ay xarakaadka qarsoodi ahaayeen in uu sheikh ka tirsan yahay dhaq dhaqaaq oo aadan garaneeyn, laakin waxaan sheegayaa intii aan garanayay.

Waxay u badnaayeen labo xarako oo ah dhaqdhaqaaqa Al-itixaad al islaami iyo dhaqdhaqaaqa al-islaax.

  • Sh Hassan Dahir Aweeys ( ittixaad)
  • Sh Cabdicasiis Faarax Maxamad (ina lugu jire) (ittixaad).
  • Cabdullaahi Cali Hashim (xashi) (ittixaad).
  • Sh Maxamad Cisman Siidii (ittixaad)
  • Sh Nuur Baaruud Gurxan (Islaax)
  • Sh Cabdirisaq Xuseen Ciise (okiyaale) (islaax).
  • Sh Maxamuud Sh Faarax (akhii) (islaax).
  • Maxamad Habarwaa (islaax) ma hubo

Culimada kale waa rag salafiyiin ah oo aan ka tirsaneeyn dhaqdhaqaaq islaami ah, dhammaan waxay ku eedeeysanyihiin in ay waddanka soo galiyeen kutub ka mamnuuc ah iyo in ay ku faafiyeen dalka wax diinta islaamka kasoo horjeeda.

Waxaa intaa loo raaciyay in ay qaar ka qaataan mushaar dal ajnabi ah taasoo loola jeedo culimada jaamacadaha islaamiga ee sucuudiga kasoo baxay ee ay qaadatay raabidada dunida muslimka رابطة العالم الإسلامي   ama Hay’adda Iftaaga iyo daraasaadka islaamka oo wax yar mushaar ah u qorta una dirta dibadaha si ay islaamka u fidiyaan.

Sheikh Xashi Colhaye (allaha u naxariistee) oo ugu da’weeynaa waa culimadii waqti hore toowxiidka iyo cilmiga ku fidiyay soomaaliya, sh Aweeys Maxamad Ibrahim waa reer Wanle Weeyn wuxuu duruus ka akhrinayay masjidka jaamaca ee magaaladaas, Sh maxamad Xuseen (gaalkacyo) allaha u naxariistee, waa sh. Nuur Cali Coloow raggiisii, Sh Shaafici Maxamuud Maxamad wuxuu ahaa ducaadda salafiyiinta.

Dowladda iyada oo ka cabsaneeysa kacdoon ayeey waxay ka keentay gobollada dalka culimo fara badan si ay u soo saaraan go’aan ah in dilka dadkaan diin ahaan bannaanyahay, waxaa lagu shiriyay guriga ummadda si looga doodo arrinkan. Waxaa si aad ah u horistaagay sh Aden Sh Cabdullaahi iyo culimo kale, agaasimihii masjidka isbaheeysiga islaamka, iyadoo sh maxamad Guuleed aad ugu ololeeyay in uu kasoo baxo fatwo ku aadan arrinkaa, laakin waxba kama soo bixin Ilaah fadligii.

Waxaa loo qabtay wadaadada qareenno kala duwan, waxaan ka xusuustaa cabdullaahi macallin allaha u raxmadee, oo aan maqlay in uu dhintay kana tirsanaa xarakada islaax (ma hubo), wuxuu kamid ahaa ahaa qareemada ugu adkaa ee ay ka muuqatay nin fahamsan dagaalka, qareen Cabdiraxman Sh. Xassan(Isfiilito).

Qareennada ma kala dhicin waxaa aad u saarnaa culeeyska dowladda, waxaa lasoo saaray miiska kutubtii lagu eedeeynayay culimada in ay si sharci darro ah dalka kusoo galiyeen oo isugu jira maraajic iyo kutub yaryar ah oo ah risaalooyin, xeer ilaaliyaha dowladda wuxuu ahaa nin caato ah oo adag kana mid ah xeer ilaaliyayaashii maxkamadda badbaadada sida:

  • Cisman Maye
  • Cabdirashiid Sh Axmed,

Eedeeyntii markii ay dhamaatay waxaa la billaabay xeer ilaaliyaha in uu keeno markhaatiyaashii, waxaa la keenay guddoomiyihii degmada howlwdaag ee toorrida ku dhacday wuxuu ka hadlay sida ay u dhacday wuxuu qirtay in ay qolka amar la’aan galeen, waxaa kaloo markhaati loo keenay sheikh Aden Sheikh cabdullaahi oo la weeydiinayay nin oday ah oo u ku jiray eedeeysanayaasha oo tagay Masaajidka Isbaheeysiga Islaamka wuxuu ka ogaa arrimahiisa.

Markii uu dhameeystay wuxuu ka ogaa dhacda daas, waxaa wax laga weeydiiyay risaalo yar oo xirilaaliyaha ku sheegay in ay tahay risaalada ugu khatarsan eek u jirta kutubta maxkamadda taalla magaceeduna ahaa:

بدعةالمولد والاسراءوالمعراج

Oo uu qoray sheikh Cabdulcasiis Bin Cabdalla Bin Baaz, waxaa qareennadii weeydiiyeen kitaabka in uu akhriyay, wuxuu ku jawaabay “haa”, waxaa la weeydiiyay ma ku aragtay wax ka horimanaya diinta islaamka? wuxuu ku jawaabay “maya”, masalooyin culimada isku khilaafsanyihiin ma ahee,.

Waxaa kaloo la weeydiiyay Raabidada Dunida Muslinka iyo Iftaaga waxa ay qabtaan. Wuxuu ka marqaatikacay in ay yihiin laba hayadood oo diinta islaamka fidiya oo ay u shaqeeyaan culimo fara badan oo dunida diinta ku fidiya.

Waxaa la keenay wadaado suufiya ah markaa ka hor oo loo xilsaaray in ay soo akhriyaan kutubta si ay uga markhaati kacaan waxa ku qoran kutubta ee kasoo horjeeda diinta islaamka.Wadaad “Gacna gab” la yidhaa ayaa maxkamadda horteeda ka marqaati kacay in kutubtan khatar ku yihiin dalka iyo diinta islaamka.

Ka dib qareennadii waxay weeydiiyeen kitaabka ugu khatarsan noo sheeg magaciisa, wuxuuna sheegay kitaabka aan soo sheegay ee ahaa:

بدعةالمولدو الاسراء والمعراجً

Waxaa laga heeystaa wadaadadii kasoo baxay jaamacadaha islaamka kutubtii ay soo gateen intay waxbarashada ku jireen iyo kuwii lasoo siiyay waxaa lagu hayaa dekedda iyo qolada faafreebka qaranka.Kabaha in lagu tukado ayaa la isku xiraa, gabdhaha dugsiyada dhigta waxaa loo xidhaa sidii la rabo kaddibna waxaa lageeynaa isbitaalka si loo fiiriyo in ay bikro yihiin iyo in kale sababtoo ah waxaa la fidiyay in dugsiyada quraanka ee gadhaha xijaaban dhigtaan wax xun lagu sameeyo(subxaanallaah).

D  H  A  M  A  A  D

Wa Billaahi Tawfiiq

Decorative Lines

WQ: Sheikh Cabdiraxman Sheikh Cumar
Source: Somalitalk