Duruus Muhiim u ah
Ummada oo dhan 

الدرس المهمة لعا مة الامة

Waxaa qoray Samaaxatu:
Sheekh Cabdulcaziiz binu Cabdulaahi binu Baaz
Waxaa af-Soomaali ku turjumay:
Sheekh Cabdi-Raxmaan Maxamed {Qeyliye}
Waxaa dib u’eegay:
Sheekh Cabdidaahi Cumar Nuur  o
o kamid ah Culimada Soomaaliyeed.

Decorative Lines

Duruus Muhiim u ah
Ummada oo Dhan
الدرس المهمة لعا مة الامة

Illaah baa mahad leh, llaahii ina waafajiyey towxiidka inana hanuuniyey ina garadsiiyey talada cibaadadiisa. Waxaan akhriyay Kitaabkan yar ee uu turjumay “Sheekh Cabdiraxman Maxamed Qayliye al-Soomaali” kaas oo ka mid ah Kutubta muhiimka ah oo uu qoray (Sheekh Cabdulcasiis binu Cabdullahi binu Baas) oo magaciisu yahay “Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo Dhan”. Kitaabkaas oo yar macno weyna xambaarsan waxaa laga heli karaa wax badan oo looga baahan yahay xagga diinta, kuwaas oo ay ka mid yihiin arimahan:

  1. Tiirarka Islaamka (Arkaan),
  2. Tiirarka Iimaanka,
  3. Towxiidka Qaybahiisa Sadexda ah oo si aad ah u faahfaahsan,
  4. Akhlaaqda islaamka iyo usluubta wanaagsan
  5. Ka fogaansho waxyaalaha uu islaamku reebay
  6. Diyaarinta umuuraha maydka oo loo sheegay si faahfaahsan
  7. Salaada iyo Axkaamteeda oo balaaran
  8. Jidka toosan ee loo siyaarto qubuurah

Dadaal badan ayuu ku bixiyay sheekhu siduu ugu cadeyn lahaa dadweynaha Soomaaliyeed umuuraha kor ku xusan, Ilaahna wuu waafajiyey. Waxaan Jeclahay inaan ku baraarujiyo culimada qorahaya Kutubta Af-Soomaaliga inay sideeda u qoraan erayada carabiga ah oo soomaali-yowday si gaar ahaaneed erayada ku saabsan xaga Diinta, tusaale ahaan sida: TOWXIID, SHIRKIGA, ILAAH iyo wixii la mid ah.

Waxaa cadeyntan ku saabsan kutubkan “Duruusta Muhiimka u ah Umadda oo Dhan” qoray Sheekh Cabdulaahii Cumar ka mid ahaa Culumadii ka qalinjabisay Jaamacada Mediinah. Waxaan ku soo xireynaa cadeyntan.

“Al-Xamdu Lillaahi Rabil Caalamiin, Wasalaatu Wasalaamu Calaa Rasuulillaahi Nabiyinaa Muxamed (Sallalaahu Caleyhi Wa-Salam)

الحمد لله رب العا لمين والعاقبه للمتقين 
وصلي الله وسلم علي عبده ورسوله نبينا محمد وعلي آله وأصحابه اجمعين

‘’Ilaah baa mahad leh (Allah)ha Aduunka oo dhan, cidhibta wanaagsana waxay u sugan tahay dadka Alle ka cabsiga badan. Allah (Subxaanahu wa-Tacaalaa) ha u naxriisto, nabad gelyo korkiisa ha ka yeelo adoonkiisii oo ahaa kuu soo diray oo noo waramahayay (Nabigeeni Muxammad), Allaah (Subxaanahu wa-Tacaalaa) ha u naxariisto qarabadiisa u dhow iyo Asxaabtiisa dhamaantood.’’

Intaa kadib

Tani waa hadallo ama erayo la soo gaabiyey oo ku saabsan umuuro garashadooda ama cadeyntooda ay ku waajibtay dadka dhamaantooda inay ogsoonaadaan si ay u adkaato garashada diintooda Islaamka ah. Waxaana Allaha weyn ee ay u sugnaatay Raxmada guud iyo tan Gaarka ahba.

Muslimiinta ah, oo uu iga aqbalo anigana, Allaah (Subxaanahu wa-Tacaalaa) waa deeq badan yahay waana wanaagsan yahay.

Dersiga | 1aad
Suuradaha Faatixada iyo
Suuradaha Gaagaaban

Suurada (al-Faatixa) iyo suuradaha gaagaaba laga bilaabo suurada {al-Zilzilah} (Gargariir) ilaa laga gaaro suurada {al-Naas} (Dadka) waxaa loo baahan yahay sixida akhrintooda iyo kor ka qabashadooda. Waxaa kale oo lagama maarmaan ah in macnaha iyo waajibaadka ay noo soo gudbinayaan suurada aanu horey u tilmaamnay in ay u cadahay qof walba.

Darsiga | 2aad
Tiirarka Islaamka

Tiirarka Islaamka oo shan (5) ah cadeyntooda, garashadooda iyo ogaanta waxaay ku saleysan yihiin, waa in uu qof walba ay u sugan tahay is uu u toosiyo Alle (Subxaanahu wa-Tacaalaa) la xiriirkiisa. Walaal u yeelo fiiro gaar ah qodobadan soo socdo:

  1. Qiritaanka ugu horeya uguna weyn waa in la qiro in uusan jirin Ilaah xaq lagu caabudo oo aan ahayn Allaah, lana qiro Nabi Muxammad in uu yahay kuu Allah soo diray.
(شهادة ان لا اله الا الله وان محمدا رسول الله)

Cadeynta macnaha shahaadada labada ah oo aan marna kala hadhi karin, isla markaana dadka loo sheegahayo si cad inuusan jirin Ilaah xaq lagu caabudo Allah mooyee. Ujeedadu waxay tahay arinta aanu hoos ku soo cadeyn doono oo sidan ah:

  1. Kalimada (لا اله) (Laa Illaaha) waxay macnaheedu tahay in aad diideyso dhammaan waxii aan ahayn cibaadada Allah ee xaqa ah.
  2. Kalimada (الا الله) (Ila llaahu) waxay macnaheedu tahay in aad sugeyso cibaadada Allaah oo aad u sugeyso kalihiis oo aadan la wadaajineyn cibaadadiisa cid ama shay kale.

Labadii xubnood ee aanu ka soo hadalnay ee ahaa (Laa Ilaaha) iyo (Ila llaahu) shuruudahoodu waxay yihiin kuwan imaandoona ee sideeda (8) xubnood kala ah.

1. Ogaansho diidahay aqoon la’aan:
Waxaa ruux walba laga rabaa in uu garanhayo micnaha labadii kalimo ee aanu soo sheegnay.

2. Aaminitaanka diidahay Shaki:
Waxaa looga jeedaa in uu ruuxu qalbigiisa ka qiro labada shahaado.

3. Ikhlaas diidahaya wadaajin:
Macnaha u jeedada waxay tahay in aad Allah dartii aad u cuskaneyso labada shahaado oo aadan cid kale Allah cibaadadiisa la wadaajin.

4. Run diidahaya been:
Ujeedada qodobkan waxay tahay in uu qofka rumeysan yahay labada shahaado oo ayna jeesjees ka ahayn.

5. Jacayl diidahay naceyb:
Waxa looga dan leeyahay in uu qofku jecel yahay Diinta Islaamka oo uusan jirin wax nacayb ama casho ah oo uu Diinta u qabo.

6. Hogaansan diidahaya tagitaan:
Waa in uu ruuxu u hogaansan yahay shareecada iyo qawaaniinta Diinta Islaamka oo uu ka dheeraado waxii laga reebay, wixii la farayna uu qaato oo uu ku dhaqaaqo fulintooda.

7. Aqbalitaan ka hufan Ka horimaad:
Waxaa laga doonahayaa ruuxa inuu qaato oo uu ogolaado asaga oo aqbalahaya Diinta Islaamka oo uusan la imaan wax ka horimaanahaya.

8. Diidmo in la caabudo wax aan ahayn ALLAAH:
Uieedada qodobkan waxay ku saleysan tahay in uu ruuxu ku kufriyo dhammaan waxa la caabudahayo oo aan ahayn ALLAAH.

Waxaa lagu kulmiyey shuruudihii aan soo sheegnay labada beeyd ee soo socata:

علم يقين وإخلا ص وصدقك مع محبة والقبول لها
وزيد ثا منها الكفران منك بما سري الاله من الآشياءقد آلها

Intaa aanu soo sheegnay waxaa xiga in la cadeyo qiritaanka nabi Maxamed (Naxariis iyo Nabad-Gelyo Korkiisa ha Ahaato) in uu yahay kii uu ALLAAH soo dirsaday.

Qiritamkan wuxuu keenahayaa in loo rumeeyo arimaha uu ka waramay oo loo hogaansamo wixii uu amray isla markaana laga dheeraado waxyaabahii uu naga reebay.

Waxaa la’iska doonahayaa in aan lagu caabudin ALLAAH wuxuu Allaah shirciyeeyay mooyee Allaah oo ah ku ka adag adoomadiisa oo weyn, ama uu jideeyay kuu soo dirsaday oo ah Nabi Muxammad (Naxariis iyo Nabad-Gelyo Korkiisa ha Ahaato).

Intaa ka dib markii aanu ka soo hadalnay labada shahaado iyo sharciyadooda loo baahan yahay, wuxuu sheekhu yiri asaga oo u cadeynahaya ardayda:

Tiirarka Islaamka ee shanta ah intii hadhay oo ka kooban xubnaha soo socda:

  1. Kalimada Tawxiidka waa ka soo hadalnay
  2. Salaad (الصلاة)
  3. Zakada (الزكاة)
  4. Bisha Ramadaanka oo la soomo (وصوم رمضان)
  5. Xajka oo la guti qofkii kari kara (والحج بيت الله الحرام لمن استصاع اليه سبيلا)

Darsiga | 3aad
Tiirarka Iimaanka

Tiirarka Iimaanka (اركان الايمان) waxay ka kooban yihiin Lix (6) xubnood:

  1. In la rumeeyo Allaah (ان تؤمن با لله)
  2. In la Rumeeyo Malaa’igtiis (وملائكته)
  3. In la rumeeyo Kutubtii uu soo dajiyey (وكتبه)
  4. In la rumeeyo Rusushii uu soo dirsaday (ورسله)
  5. In la rumeeyo Maalinta Qiyaamaha (وباليوم الاخر)
  6. In la rumeeyo (QADARKA) wixii uu Allaah kugu xukmiyo
    (Khayr ama Shar) (وبالقدر خيره و شره)

Darsiga | 4aad
Qaybaha Tawxiidka iyo Shirkiga

Qaybaha Tawxiidka:

  1. TowxiiduRubuubiyah (توحيد الربوبية)
  2. Towxiidka Cibaadada Alle (توحيد الآ لوهية)
  3. Towxiidka Macagyada iyo Tilmaamaha Alle (توحيد الآسماء والصفات)

TowxiiduRubuubiyah: Waa in uu qofku rumeeyaa in uu Allaahii abuurtay wax kastaba kuna tasarufa uu yahay, wax la wadaagana ma jiro arinkaas.

Towxiidka Cibaadada Alle.

Towxiid al-Uluuhiyah: waa rumenta Allah, waa kii hufanaaye, in uu yahay kii xaq lagu caabudahayey oo aan lala wadaajin cibaadadiisa cid kale.

Towxiid al-Uluuhiyah: Macnaheedu waa (Laa Ilaaha Ila Laahu) oo xambaarsan macnaha ku xaq lagu caabudo ma jiro Allaah (Subxaanahu wa-Tacaalaa) mooyee.

Cibaadooyinka oo dhan oo ay ka mid yihiin, Salaada, Soonka iyo wixii la mid ah waxaa waajib ag in look eli yeelo Allaah (Subxaanahu wa-Tacaalaa) oo qudh ah. Mana banaana in loo iilo cibaadada cid aan Allah (Subxaanahu wa-Tacaalaa) ahayn.

Towxiidka Magacyada
iyo Tilmaamaha Allah

Waxaa weeye rumeyn dhamaan Asmaa wa Sifaat oo laga soo xigtay kun yimid Quraanka Kariimka dhexdiisa ama Axaadiithta ka sugnaatay Nabigeeni (Naxariis iyo Nabdgelyo Korkiisa ha Ahaato). Sugitaanka Alle (Subxaanahu wa-Tacaalaa) loo sugahayo magacadiisa iyo sifaatkiisa kaligii jidka ugu haboon, asagaa hufanee, oo aan macnaha Asmaa wa Sifaat ay xanbaarsan yihiin marna aan la gadiyeen la isweydiineyn kaliyeelka magacyada iyo tilmaamaha Alle (Subxaanahu wa-Tacaalaa) cilmiga ay ku sleysan yihiin.

Waxaa kale oo waajib ah in aan Alle (Subxaanahu wa-Tacaalaa) loo ekeysiinin ama lagu tilmaamin wax kale anagoo ka ambaqaadeyna hadalka Alle (Subxaanahu wa-Tacaalaa), asagaa hufanee, oo uu ku cadeeyay suurada al-Ikhlaas oo sheegaysa dan hoos ku qoran:

Magaca Allaah ayaan ku bilaabaynaa ee Naxariista guud iyo mid Gaarba Naxariista.

  1. Waxaad dhadaa (Nabiyow) Allaah waa kali
  2. Allaah waa Sayid deeqtoon
  3. Allaah wax ma dhalin, asagana lama dhalin
  4. Wax la mid ah ama lagu tilmaami karo ma jiro
‘’ليس كمثله شئ وهو السميع البصير ‘’

‘’–Ma jiro wax asaga oo kale ah, Allaah waxuuna isku tilmaamay inuu waxna maqlo waxna arko.’’

Waxay qaar culumada ka mid ah dhigeen (Qaybaha Tawxiidka) laba qaybood oo waxay dhexgeliyeen:

  • Tawxiidul Asmaa wa Sifaat: توحيدالأ سماء والصفات
  • Tawxiid al-Rubuubiyah: توحيد الربوبية

Wax dhib ah oo ay keeneyso arintana ma jirto sababta oo ah ulajeedadu way cadahay labada dhinacna wax ay usku diidahayaan ma jiro.

Qaybaha La Wadaajinta Allaah waa Seddex:

  1. Wadaajinta (Shirkiga) Weyn (الشرك الأكبر)
  2. Wadaajinta (Shirkiga) Yar (الشرك الأصغر )
  3. Wadaajinta (Shirkiga) Qarsoon (الشرك الخفي)

Wadaajinta Shirkiga Weyn: الشرك الأكبر

Wuxuu baaba’inayaa falalkii uu ruuxu u sameeyey dar Alle (الله), waxuuna keenahayaa cadaablagu waaro qofkii ku dhinta xaaladaas. Sida uu Allaah oo uu ku cadeeyay Quraanka Kariimka ah.

 ‘’Haday wax la wadaajiyaan Allaah waxaa buri waxay fali jireen.’ {Suurada: al-Ancaam 88}

Waxaa kale oo Allaah (Subxaanahu wa-Tacaalaa) asagaa hufanee uu ku sheegay Quraanka Kariimka ah:

Waxaa kale oo uu keenahaya dambigaas ninkii ku dhinta in uusan Allaah (Subxaanahu wa-Tacaalaa) u dhaafeynin oo ay Jannada ka tahay xaraam.

Wuxuuna Allaah (الله) (Subxaanahu wa-Tacaalaa) ku cadeeyay surat al-Nisaa aayada 48aad  ku yiri:

Waxaa kale uu Allaah (الله) (Subxaanahu wa Tacaalaa) surat al-Maa’idah aayada 72aad ku yiri:

Noocyaha Wadaajinta
(Shirkiga) Weyn

(الشرك الأكبر)

Waxaa ka mid ah arimahan soo socda oo kala ah:

  1. Yeerashada dadka dhintay
  2. Yeerashada Sanamyada iyo Cuskashada ay tahay ujeedadu in dhib haysta qofka laga qaado ama laga koriyo
  3. Sharad (Shardi) galid iyo xoolo loo qalo iyo wixii la mid ah.

Wadaajinta
(Shirkiga) Yar

(الشرك الأصغر)

Wuxuu yahay sheyga Quraanka ama Sunnada ay ku magacawday wadaajinta (Shirkiga) isla maraana aan ahayn wadaajintii weyneed waxaana ka mid ah (Istustuska) oo ah fal acmaasha ka mid ah oo loo sameeyey ha ku arkaan dadka. Waxaa kale oo ka mid ah dhaarta Alle, oo waxaan Allaah ka ahayn lagu dhaarto iyo hadalka ah: Allaah hadii uu doono ama hebel uu doono iyo wixii la mid ah.

Sida uu sheegay Nabigeenii (Naxariis iyo Nabdgelyo Kortkiisa ha Ahaato):

‘’ اخوف ما اخاف عليكم الشرك الاصغر’’

Waxaa la weydiiyay waxaanu ku jawaabay Nabigu (صلي الله عليه و سلم). Waxaa soo weriyey xadiithkan Imaam Axmed, Dhabaraani, Bayhaqi, waxayna ka soo xigsadeen Muxamuud bin Labiid al-Ansaari (ra) oo ka soo gudbiyey Raafici bin Khadej oo ka soo dhageystay Nabigeenii (NNKH) asalkiisuna wuu sugan.

Nabigu wuxuu yiri (صلي الله عليه و سلم):

‘’من حلف بشئ دون الله فقد أشرك’’

Oo macnahu yahay:

‘’Ninkii ku dhaarta shay aan ahayn (Allaah) waxuu noqday Mushrik’’

مشرك = Wadaajiye

Waxaa soo wariyey Imaam Axmed, warintiisuna waa ay saxan tahay wuxuuna ka soo jeedaa Cumar Ibn al-Khataab (رضي الله عنه).

Sidoo kale waxay soo wariyeen Abu Daa’uud iyo al-Tarmidi asalkiisuna saxan yahay oo ay ka soo xigteen (Ibn Cumar) (رضي الله عنهما) oo sheegay in uu yiri Nabigeenu suubanaa (صلي الله عليه و سلم)

‘’من حلف بغيرالله فقد كفر أو أشرك’’

Oo macnaha ay xambaarsan tahay uu yahay:

‘’Ninkii ku dhaarta shay aan Allaah (الله) ahayn wuu gaaloobay ama Allaah buu wax la wadaajiyay cibaada gaarka u ah.’’

Waxaa tusaale noo noqonahaya adiithkii Nabiga oo uu ku yiri:

‘’لا تقولوا ما شاء الله و شاء فلان ولكن قولوا ما شاء الله ثم شاء فلان’’

‘’Waxay ujeedadu tahay: ‘’Ha dhihina Allaah (الله) shayga uu doono iyo Hebelna doono ee wxaad dhahdaan Allaah shayga uu doono kadibna uu Hebelna uu doono.’’ [xadiithkan waxa soo saaray Abu Daa’uud, asalkiisuna waa saxan yahay oo wuxuu ka soo jeedaa Xudeyfah ibn al-Yamaan.] (رضي الله عنه)

Wadaajinta Yar (الشرك الأصغر) ma keeneyso diinta oo laga baxo, waxayna kala oo ayna keeneynin cadaabka oo lagu waaro, waxayse wax u dhimeysaa kaliyaalka Allaah waajibka ah.

Wadaajinta (Shirkiga)
Qarsoon
(الشرك الخفي)

Nooca sadexaad waa Wadaajinta (Shirkiga) Qarsoon waxaana ku tusinahay hadalkii Nabigeena (صلي الله عليه و سلم) oo uu yiri:

آلا آخبركم بما هو آخوف عليكم عندي من المسيح الدجال…؟
قالوا: بلي يا رسول الله, قال الشرك الخفي, يوم الرجل فيصلي فيزين صلاته

يري من نظر الرجل إليه

Macnaha xadiithkan waa sidan:

Maan idiin ka waramo shay aan idinka cabsanahayo cabsi ka badan cabdida Masiixul-Dajaal..? Waxay dhaheen noo waran Rasuulkii Allow..! Wuxu yiri: (waa wadaajinta Qarsoon) wuxuuna raaciyay ‘’Nin baa istaagi, wuxuuna tukani salad, wuuna qurxin salaadiisa asaga oo ujeedadu tahay Ruux fiirinahaya darted.’’

Waa’ay banana tahay in loo qaybiyo wadaajinta laba xubnood oo qudh ah:

  1. wadaajinta weyn (الشرك الأكبر)
  2. wadaajinta yar (الشرك الأصغر).

Wadaajinta qarsoon waxaa la hoos galin kara labada qaybood oo aanu soo sheegnay. Wadaajinta qarsoon waxay dhexgeli kartaa wadaajinta weyn sida wadaajinta munaafiqiinta oo gaalnimo calooleedka qaba. Ayagu waxay qarin jireen (ama qarin hayaan) wax yaalaha ay aaminsanaan jireen oo aan xaqa ahayn, waxaayna muujin jireen Islaamka (الاسلام) ayaga oo dadka is tusinhaya, una cabssanahay naftooda.

Waa’ay banana tahay in wadaajinta qarsoon (الشرك الخفي) lagu biiriyo wadaajinta yar (الشرك الأصغر) sida Is tus-tuska oo kale. Arintan waxaa ku soo sheegay xadiithkii (الحديث) Maxamed bin Labiid al-Ansaari oo aanu horay ooga soo hadalnay iyo xadiithkii Abii Saciid ee aanu soo xusnay. Waafajinta Allaah bay u sugan tahay.

Dersiga | 5aad
Wanaag Sameynta
(الاحسان Al-Ixsaan)

Wanaag sameynta oo ah hogaansanaan oo loo hogaansamo Allaah (الله) oo qalbiga laga rumeeyo.

Wanaag sameynta tiirkeeda waxuu yahay:

In aad caabudo Allaah oo aad u caabudo isaga oo aad arkeyso oo kale, hadii aadan ahayn ku arkahay asaga (subaxaanahu wa tacaala) ku arkaa.

{ أن تعبد الله كأنك تراه ، فإن لم تكن تراه ، فإنه يراك }

Dersiga | 6aad
Salaada Shuruudaheeda
(شروط الصلاة)

Salaada Shuruudaheeda (شروط الصلاة): waa sagaal (9):

  1. Waa inuu qofku Muslim yahay
  2. Waa inuu caqli leeyahay
  3. Waa inuu wax kala sooci karaa
  4. Waa inuu weyso qabo
  5. Waa inuu nijaasada iska dhaqaa (daahir yahay)
  6. Waa inuu cawrada asturo
  7. Waa inuu waqtiga Salaada galo
  8. Waa inuu qiblada uu u jeedsado
  9. Waa in la niyoodaa Salaada

Dersiga | 7aad
Salaada Tiirarkeeda
(اركان الصلاة)

Salaada tiirarkeedu waa afar iyo tobon (14):

  1. Isaag ruuxii karo (القيام مع القدرة)
  2. Takbiiratul ixraam (تكبيرة الاحرام) qodobkan macnihiisu wuxuu yahay qofku markuu salaada xidho hayo waa in uu ku bilaabo asaga oo ku dhawaaqahaya kalimada (Allaahu Akbar) (الله اكبر) wax kale oo ka horeeyana ma jirto.
  3. Suurada al-Faatixa oo la akhriyo
  4. Al-Rukuuc (الركوع)
  5. In israaga lagu ekaado rukuucda ka dib (الا عتدال بعد الركوع)
  6. Sujuuda oo lagu sujuudo todobo xubnood (السجود علي الآعضاءالسبعة) oo ah:
    a) Wajiga iyo Sanka
    b) Labada Low ama Jilbaha
    c) Labada gacmood calaacalahooda
    d) Labada lugood farahooda
  7. Sujuuda oo laga soo tooso (الرفع من السجود)
  8. Fadhiga u dhexeya labada sujuudood
  9. Xasil lagu xasilo dhamaan falalka lagu sameynhayo salaada dhexdeeda
  10. Kala tartiibinta tiirarka salaada oo aan la kala hor marinin.
  11. Ataxiyaadka danbe ee salaada looga baxo
  12. Fadhigiisa oo lala yimaado.
  13. Nabigeenii (صلي الله عليه و سلم) oo lagu saliyo (الصلاة علي النبي)
  14. Laba Salaamo naqsi (التسليمتان)

Darsiga | 8aad
Salaada Waajibaad-keeda

Waajibaadka salaada waa sideed:

  1. Dhamaan takbiiraha salaada, takbiirta xirashada salaada mooyee.
  2. Hadalka (Samic-Allaahu Liman Xamidah) oo macnihiisu yahay (Ilaahay wuu maqlahayaa qofkii mahadinahaya) oo laga doonahayo imaamka (الامام) iyo ruuxii kaligiis tukanhaya.
  3. Kalimada (Rabanaa Wa-Lakal-Xamdu) oo laga doonahayo in uu ruux walba la yimaado oo ay ka mid yihiin (Imaamka, Ma’muumka iyo ruuxii kaligii tukanahay).
  4. Kalimada (Subxaana Rabiyal-Cadiim) (سبحان ربي العظيم) oo lala yimaad kolkuu ruuxu (Rukuucsan-Yahay).
  5. Kalimada (Subxaana Rabiyal-Aclaa) (سبحان ربي الآعلي) oo lagu dhawaaqao kolkuu ruuxu (Sujuudsan-Yahay)
  6. Kalimada (RabiqFirlii) (ربي اغفر لي) oo lagu dhawaaqo labada (Sujuud) dhexdooda asaga oo ruuxu ah mid fadhiya.
  7. At-Taxiyaadka hore oo la akhriyo.
  8. Fadhiga (At-Taxiyaadka hore oo lala yimaado)

Darsiga 9aad
At-Taxiyaadka Cadeyntiisa

At-Taxiyaadka cadeyntiisu waa in uu qofku oo la yimaado sida soo socota:

التحيات لله ، والصلوات ، والطيبات ،
السلام عليك أيها النبي ورحمة الله وبركاته ،
السلام علينا وعلى عباده الصالحين ،
أشهد أن لا إله إلا الله ، وأشهد أن محمداً عبده ورسوله

Kadib wuxuu u ducayn oo uu barakeyn Nabigeenii suubanaa (NNKH) () wuxuu akhrin ducadan hoos ku qoran:

اللهم صلى على محمد وعلى أل محمد
كما صليت على إبراهيم وعلى أل إبراهيم,
وبارك على محمد وعلى أل محمد
كما باركت على إبراهيم وعلى أل إبراهيم
فى العالمين إنك حميد مجيد

Kadib wuxuu magan geli (Allaah) (االله)

At-Taxiyaadka dambe dhexdiisa oo uu ka magan gali cadaabka (Jahannamo), cadaabka (Qabriga), fitnada nolasha iyo geeridaba iyo (Masiixul-Dajaal) fidnadiisa (dhumintiisa). Intaa ka dib, ruuxu salaada ku jira wuxuu u door leeyahay inuu baryo (Allaah) (االله) oo u baryo sida uu doorbido. Waxaa wanaagsan in uu ku dadaalo ruux walba in uu Nabiga (صلي الله عليه و سلم) laga soo guuriyay ku dhaqmo.

Ducooyimkaas waxaa ka mid ah ducooyinkan soo socda:

اللَّهُمَّ أعِنَّا عَلَى ذِكْرِكَ، وَشُكْرِكَ، وَحُسْنِ عِبَادَتِكَ
اللَّهُمَّ إِنِّي ظَلَمْتُ نَفْسِي ظُلْمًا كَثِيرًا، وَلَا يَغْفِرُ الذُّنُوبَ إِلَّا أَنْتَ.

 فَاغْفِرْ لِي مَغْفِرَةً مِنْ عِنْدِكَ، وَارْحَمْنِي إِنَّكَ أَنْتَ الْغَفُورُ الرَّحِيمُ

Hadii aanu dib ugu noqono At-Taxiyaadka hore, waa in uu istaago ruuxu kolkuu la yimaado labada shahaado
(أشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله) oo u istaago rakcada sedexaad ee salaada:

  • Dhuhur
  • Casir
  • Maghrib
  • Cishaha

Hadii uu ruuxu Nabiga (صلي الله عليه و سلم) ku saliyo kolkuu dhameeyo At-Taxiyaadka hore way fiican tahay waxaana sidaa sheegahaya ama keenahaya (Axaadiith) badan dabadeedna uu u istaago rakcada sedexaad.

Darsiga | 10aad
Sunnanka Salaada

Sunanka Salaada waxaa ka mid ah:

  1. Ducada lagu furfurto Salaada
  2. Gacanta (Midigta) ah in la kor saaro gacanta (Bidixda) ah oo laabta korkeeda la saaro marka uu ruuxu taagan yahay (Rukuucda) horteed iyo kadibba.
  3. Waa in kor loo qaado labada gacmood iyada oo lala simaayo labada (Garab) ama labada (Dhagood) marka uu ruuxu arimaha soo socda samaynahayo:
    Takbiirtul Ixraam (تكبيرة الاحرام) ( takbiirta salaada lagu galo),
    b. Marka la Rukuucayo,
    c. Marka laga soo tooso Rukuucda,
    d. Mar ka laga soo istaago at-Taxiyaadka hore.
  4. Hal (Tasbiix) wixii ka badan (Rukuucda) dhexdeeda (سبحان ربي العظيم) iyo hal (Tasbiix) wixii ka badan (Sujuuda) dhexdeeda (سبحان ربي الآعلي).
  5. Wixii ka badan (Rabanaa Wa-Laka al-Xamd) (ربنا ولك الحمد) (Rukuucda) kolkii laga soo tooso waa sunno, sidoo kale labada sujuudood dhexdooda oo (Dambi-Dhaaf) la weydiisto Allaah (subxaanahau wa tacaalaa).
  6. Madaxa oo lala simo dhabarka (Rukuucda) dhexdeeda.
  7. Sujuuda dhexdeeda waxaa mihiim ah in umuuragaan sedexda ah la sameeyo.
    Labada (Jimood) oo laga fogeeyo dhinacyaha,
    b. Caloosha oo laga fogeeyp labada (Bowdood),
    c. Dhudhumada oo laga fogeeyo (Bowdayaha)
  8. Labada dhudhun oo dhulka kor looga qaado xiliga la (Sujuudsan) yahay.
  9. Qaabka uu u fadhiisanahayo qofka tukanaya waa in uu (Lugtiisa Bidix) oo goglan uu ku fadhiistaa iyada oo ay qotonto lugta (Midigta) ah xiliga at-Taxiyaadka hore iyo labada (Sajuudood) dhexdooda.
  10. Sin ku fadhiisi at-Taxiyaadka dambe salaada sedexleyda iyo afareyda. (Sin ku Fadhiisigu) waa fadhi oo uu ku fadhiisto salka oo uu ku yeelo lugtiisa bidixda ah lugta midigta ah hoosteeda lugta midigtuna ay qotonsan tahay.
  11. Farta murugsatada ah oo la taago labada at-Taxiyaad ilaa laga dhameeyo lana nuux nuuxiyo markii la duceysanaayo at-Taxiyaadka dhexdiisa.
  12. Naxariis iyo Barakeyn Nabii Muxammad korkiisa la yeelo (صلي الله عليه و سلم) iyo ahalka Nabi Muxammed (صلي الله عليه و سلم) iyo Nabi Ibraahiim (عليه السلام) iyo ahalka Nabi Ibraahiim (عليه السلام) at-Taxiyaadka hore dhexdiisa.
  13. Baryo Allaah (الله) la baryo at-Taxiyaadka dambe dhexdiisa.
  14. Akhrinta (Quraanka) oo kor loo qaado: Salaada Subax, Salaada Jumcaha, Salaada labada Ciidood, Salaada Roob-Doonka, labada rakacdood ee hore ee Salaada Maghribka iyo Salaada Cishaha.
  15. Akhrinta (Quraanka) oo hoos loo dhigo: Salaada Duhurka, Salaada Casarka, rakacda sedexaad ee Salaada Maghribka iyo labada rakcadood ee dambe ee Salaada Cishaha.
  16. Akhrinta ka dheeraadka ah (Suurat al-Faatixa) oo ah quraanka kale waa sunno. Waxaa loo baahan yahay ilaalinta intii hadhay oo soo aroortay oo salaada sunnooyin keeda ka mid ah inta aanu soo sheegnay mooyee, waxaana ka mid ah:
    (A) (ربنا ولك الحمد) (Rabanaa walka al-Xamdu) wixii ka dheeraad ah kolka ay ka soo istaagaan (Rukuucda) Imaamka (الامام), ma’muumka (المأموم) (oo ah ruux ku xidhan imaamka iyo kan kaligii tukan hayaba maxaa yeelay waa sunno sidaa aan soo sheegnay).
    (B) Waxaa kale oo ka mid ah in la saaro labada gacmood oo farahoodu ay kala baxsan yihiin labada (Low – Labada Jilib) kolka la (Rukuucsan) yahay.

Darsiga | 11aad
Salaadaha Waxayaabaha Buriya

Salaadda waxyaabaha buriya waa Sideed (8):

  1. Hadal kas ah asaga oo uu ruuxu ogsoon yahay oo uu xusuusan yahay. Ninkii halmaamsani ama cilmi daro ay ka tahay kama bureyso salaaddu)
  2. Qosol
  3. Cunid raashin
  4. Cabid
  5. Cawradda oo feydanta
  6. Ka leexasho badan oo qiblada dhankeeda laga leexdo
  7. Ciyaar farabadan oo xidhiidhsan salaadda dhexdeeda.
  8. Waysada oo burta.

Dergiga | 12aad
Waysada Shuruudaheeda

Waysada Shuruudaheedu waa Toban (10) Waxayna kala yihiin:

  1. Inuu qoflnr islaam yahay
  2. Inuu Caqli Leeyahay.
  3. Inuu wax kala sooci karo.
  4. Niyad la yimaado oo niyadu socoto oo uu san niyoonin inuu gooyo ilaa ay waysaddu ka taam noqoto.
  5. Weyseysiga wixii waajibinahayay (sida saxarada iyo kaadida) oo go’a ama istaaga.
  6. In la (Istijoodo) (الاستنجاء) oo lagu istijoodo biyo ama dhagax ama shay adag oo tira nijaasada (استجمار) weysada horteeda.
  7. Biyuhu waa in ay yihiin kuwo dhaahir ah oo banaan yahay isticmaalkoodu.
  8. Waa in uu san jirin wax biyaha weysada iyo jidhkaada u dhexeeya (sida riinjiga).
  9. Waqtiga salaaddu waa in uu galo rutxii uu san go’aynin waxyaabaha ka socda sida haweyneyda dhiiga caadiga aan ahaynu u ka socdo iyo ruuxii kaadida aynaka joogsaneyn iyo ruuxii Neefta gadaasha aan u ceshan karin.

Dersiga | 13aad
Waysada Farad-Yeelkeeda

Waysada faradyeelkeeda waa Lix (6) oo ah sidan soo socota:

  1. Wajigu oo la maydho oo ay ka mid yihiin Luqluqasho iyo san daar (Mar Kaliyah).
  2. Gacrmaha oo la dhaqo oo la gaarisiiyo maydhitanka ilaa iyo Suxulada korkooda.
  3. Madaxa dhamaantiis oo gacanta la mariyo oo ay dhaguhu ka mid yihiin.
  4. Labada lugood oo Ia maydho oo la dhaafiyo dhaqidda Anqawyaha korkooda.
  5. Xubnaha waysada sida ay u kala horeeyaan waa in loo sameeyo.
  6. Falalka waysada waa in loo sameeyaa si xiriir ah oo aan waqti loo dhexeysiin.

Waxaa la suneeyey in wajiga, gacmaha iyo lugaha dhaqidooda sadex jeer lagu celiyo. Waxaa kale oo la mid ah Luqluqashada iyo sandaarasiga.

Arimahaas oo dhan waxaa farad ah in la dhaqo mar kali ah.

Madaxa lama suneyn wax mar ka badan in gacanta la mariyo sida ay ku tuseyso Axaadiithta Nabigga (صلي الله عليه و سلم ) ka soo aroortay.

Darsiga | 14aad
Waysada Waxyaabaha Burinhaya

Waysada waxyaabaha Burinhaya waa Lixda (6) qodob ee soo socota:

  1. Kaadi iyo Saxaro
  2. Shay Jirka ka soo baxa oo fool xun oo nijaaso ah sida (Dhiiga iyo Malaxda).
  3. Kaska (Caqliga) oo taga oy sabab u tahay Hudo, Waali iyo waxyaabo kale oo caqliga dooriya.
  4. Cawradda (Dhadiga iyo Labka) oo gacanta lagu taabto ayadaoo ay waxba kaa xigin (sida maro oo kale).
  5. Hilibka Geela oo la cunno.
  6. Islaamka oo laga baxo Allaah (الله) ha naga nabadgaliyo anaka iyo muslimiinta oo dhan” gaalnimo.

Baraarujin Weyn
Dhanka Ruuxa Dhintay
Maydhitaankiisa

Sidas saxiixa ah maydka dhaqidiisa waysadu kuma burayso sida, dadka cilmigga leh ay u badan yihiin, maxaa yeelay daliil ku tusinhaya ayaan jirin. Laakiin haday taabato gacanta mayd dhaqaha cawrada ruxa dhintay (dhadiga iyo labkaba) ayada oo ayna u dhexeynin shay waxaa waajibtay in uu weysa qaato.

Waxaa waajib ah ruuxa maydka dhaqa in uusan taaban cawradda (dhadig iyo labkaba) maydka in uu wax ka xigo mooyee (sida gacmo gashiga oo kale).

Waxaa sidaas oo kale ah taabashada dumarka oon weysada burineynin ama shahwo ha ku jirto meesha ama shahwo yeyna ku jirin meesha arintaas oo ah culimadu labada hadal ay qabaan kan ugu saxsan waxaana shardi u ah in uusan shay ka soo bixin ruuxa sida minada oo kale.  Maxaa yeelay waxaa jirtay Nabigu (صلي الله عليه و سلم) in uu dhunkaday haweeynkiisa qaarkood oo uu tukaday asaga oo weyso qaadan Haddii aanu u noqono hadalka Allaah (الله) (subxaanahu wa tacaalaa) ee labada aayadood ee suurada al-Nisaa (النساء) iyo al-Maa’iddah oo uu ku yiri: (أولامستم النساء)

(al-Nisaa: 43 iyo Al-Maa”iddah: 6) waxaa looga jeedaa (Galmada) sida saxda ah ee labada hadal ee culimadu leeyihiin, kaasuna waa hadalkii IBNU CABAAS (رضي الله عنه) iyo koox culimadii hore iyo kuwii dambe ka mid ah Allaah waafajinta assagaa iska leh.

Darsiga | 15aad
Isku Qurxinta Akhlaaqda
Wanagsan ee loo Jideeyey
Ninkasta oo Muslim ah

Isku qurxinta akhlaaqda wanaagsan ee la jideeyey oo ruux kasta oo Muslim ah laga rabo waxaa ka mid ah:

  1. Run
  2. Amaano
  3. Dhawrsooni
  4. Xishood
  5. Geesinimo
  6. Deeqsinimo
  7. Balan Oofin
  8. Ka Hufanaan waxii Eebbe xarimay oo dhan
  9. Daris Wanaag
  10. Kaalmeynta qofka dhibaateysan intii la karo iyo waxii la mid ah oo akhlaaqda wanaagsan ah oo uu ku tusinhayo Kitaabka iyo sunnadu.

Darsiga | 16aad
Ku Dhaqanka Aadaabta
Wacan ee Islaamka

Ku dhaqanka aadaabta wacan ee Islaamka waxaa ka mid ah:

  1. Salaanta
  2. Waji Furnaanta
  3. Gacanta (Midigta) oo wix lagu cunno
  4. Gacanta (Midigta) oo wax lagu cabo
  5. Bisinka oo loo qabto falka bilowgiisa (sida cunitaanka iyo Cabitaanka)
  6. Mahadin Alle kolka laga baxo Falka (cunitaanka iyo Cabitaanka)
  7. In Lagu Mahadiyo Alle kolka la hindhisoodo
  8. Ruuxa hindhisooda oo loo duceeyo haddii uu (Allaah ku Xamdiyo).
  9. Bukaanka oo la booqdo
  10. Maydka oo la raaco tukasho iyo xabaalid darted
  11. Ducada ay shareecadu jideeysay kolka masjidka la galahayo iyo gurigaba iyo marka Laga soo baxahayo labadoodaba,
  12. Ku dhaqankaa adaabta wanaagsan waqtiga safarka aad tahay iyo marka aad la joogto waalidiinta qaraabada, dariska, dadka waaweyn iyo kuwa yaryarba.
  13. U hambalyeynta dadka ilmo ay u dhasheen’ barakeynta kuwa Isguursaday, samirsiinta kuwa ay dhibaatada ku dhacday iyo waxii la mid ah oo ay ka mid yihiin dharxirashad dhar digashada iyo kabo qaadashada.

Darsiga | 17aad
Ka Digtoonaan la Wadaajinta
Allaah iyo Qaybaha Macaasida

Drgtooruurn iyo digitaan lawadaajinta (ama shariikyeelida) allaah iyo qaybaha caasinimada oo ay ka mid yihiin todobaddan wax halaageysey:

  1. Ilaah oo lala wadaajiyo shay
  2. Sixirka
  3. Naf la gooyo oo dilkeedu xaaraan yahay in si xaq ah lagu dilo mooye
  4. Ribo oo Ia cuno
  5. Xoolaha agoonta oo la cuno
  6. Baqasho arna carar dharaarta muslimiinta iyo qaalada ay isu saftaan dagaal awgeed
  7. Gabdhaha wanaagsan oo aan xumaanta aqoon oo Alle rumeeyey oo wax laga sheego oo loo gafo.

Waxaa kale oo ka mid ah wax yaabaha la isaga digahayo:

  1. Labadii ku dhashay oo caasi lagu noqdo
  2. Qaraabada oo la gooyo
  3. Markhaati been ah
  4. Been lagu dhaarto
  5. Dariska oo la dhibo
  6. Dadka oo la dulmiyo ha noqoto Dhiigooda, Xoolahooda iyo cirdigooda (Sharaftooda)
  7. Shay maandooriye ah oo la isticmaalo sida (Khamrida i.w.m)
  8. Khamaar la ciyaaro
  9. Xanta
  10. Isku Dir iyo waxii la mid ah oo ka mid ah waxyaabihii uu reebay Allaah (الله) iyo Rasuulkiisu (صلي الله عليه و سلم).