Duruus Muhiim u ah
Ummada oo dhan 

الدرس المهمة لعا مة الامة

Waxaa qoray Samaaxatu:
Sheekh Cabdulcaziiz binu
Cabdulaahi binu Baaz
Waxaa af-Soomaali ku turjumay:
Sheekh Cabdi-Raxmaan Maxamed {Qeyliye}
Waxaa dib u’eegay:
Sheekh Cabdilaahi Cumar Nuur
oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed.

Decorative Lines

Dhaqista Meydka
Habka Meydka loo dhaqahayo

Duruus Muhiim U ah Ummada oo Dhan
الدرس المهمة لعا مة الامة

  • Maydka Qabanqaabadiisa,
  • Ku Tukashadiisa iyo Xabaalidiisa

Faahfaahinta Arinkaana waa Sidan soo Socota:

1: Waxaa la jideeyey in Ruuxa naftu ay ka baxayso in loo qabto Ashahaadada Laa Ilaaha illallaahu (لا إله إلا الله) waxaana ku tusinhaya hadalkii Nabiga (صلي الله عليه و سلم)

لقنوا موتاكم لا إله إلا الله

“U qabta kuwiina dhimanhaya ashahaadada”, Muslim baana ku wariyay kitaabkiisa saxiixa ah. Waxaa looga jeedaa xadiithkan kuwiina naftu ay qaad qaadeyso, kuwaas ooy ka muuqato calaamadaha dhimashadu.

2: Haddii ay cadaato dhimashada ruuxu, Indhaha waa la isugu qabtaa lab ada Daanna waa la isku adkeeyaa oo la isu keeni, arinkana sunnaha ayuu ku soo arooray.

3: Waxaa waajib ah ruuxa muslimka ah ee dhintay in la dhaqo haduusan ahyn shahiid ku dhinta y dagaal (xaq). Haduu yahay ruuxa dhintay shahiid loomana Meydhahayo, laguna tukan mahayo, waxaanna lagu xabaali dharkiisa maxaa yeelay shuhadadii dagaalkii (Uxud) lagul aayey Nabigu (صلي الله عليه و سلم) mana dhaqin kumana tukanin.

Habka Meydka Loo Dhaqahayo

Marka ugu horeysa waa in cawradda Ruuxa maydka ah la qariyaa kadibna wax yar kahor loo qaadaa oo caloosha laga majuujiyaa oo ay ahaataa majuuji ntu mid turid badan ay ku jirto.

Kadib ruuxa maydka dhaqahaya gacantiisa wuxuu ku duuduubi Karin (cad yar oo maro ah) ama wax la mid ah (gacma-gashi) sidaas buu ugu istijeyn, kadibna wuu u weyseyn sida weysada salaada oo uu kadibna meydhi madaxa iyo gadhka asaga oo isticmaalahaya (Biyo iyo Gob) ama wax la mid ah.

Kadibna waxuu meydhi dhinaca midigta ah oo uu ku xijin dhinaca bidixda ah. Kadibna sidaas oo kale ayuu mar labaad iyo mar sadexaad ugu meydhi, markastaba gacantiisa ayuu marin caloosha ruuxa maydka ah haddii uu shey ka soo baxo (gadaasha) wuu ka dhaqi meeshana (gadaasha) waxuu ku awdi (gufeyn) suuf iyo waxii la mid ah.

Haddii ayna istaagin waxa gadaasha ka socda maydka waxaa lagu awdi dhoobo kulul ama waxii qalab ah ee cusube e takhaatiirtu soo saartay oo ay ka mid yihiin sharootada iyo waxii la mid ah. Waxaa kadib lagu celin wayso qaadkii haddii uusan ku meydhmin sadex jeer waxaa loogu darahayaa meydhitaan shanaada ama meydhitaan todobaad si tiro isdhaaf ah.

Kadibna waxaa maydka lagu ingajin maro, dabadeedna meelaha laabatadda ah sida kilkisha oo kale iyo xubnahii uu ka sujuudi jiray waxa looga buufin baraafuun. Haddii lagu daadiyo badankiisa oo dhan baraafuunka wey ka sii fiican tahay. Dharka lagu kanfahayo maydka foox baa lagu shiddaa.

Haddii shaarubahiisa ama cidiyahiisa ay dhaadheer yihiin waa laga jari haddii loo daayana dhib malaha Qofka maydka ah timaha looma shanlaynhayo, bisqintana loma xiirahayo lamana gudahayo maxaa yeelay ma jirto wax daliil ah oo tusinhaya sidaas. Qofta haweynka ah hadey dhimato timaheeda sadex qaybood baa loo gunti oo gadaal baa loo siideyn.

Kafanka Meydka

1) Qofka Ninka ah:

Sida wanaagsan waa in ninka lagu kanfo (Sadex maro oo Cadcad) oo ayna khamiis iyo cimaamad ku jirin sidii Nabiga (صلي الله عليه و سلم) lagu sameeyey waxaana la dhexgelin maydka sadexda maro oo lagu duuduubi, haddii lagu kanfo khamiis iyo (Hoos-Gunti) iyo maro lagu duuduubo dhib ma laha.

2) Qofka Haweenka ah:

Qofta haweenka ah waa in lagu kanfo (Shan Maro) oo ay ka mid yihiin (Diric Shulug) ah oo gacmo-dheer leh, (Hagoog, Hoos-Gunti) iyo laba maro oo lagu duuduubo.

3) Wiilka Yar iyo Gabadha Yar:

  • Wiil: Ilmaha yar ee wiilka ah waxaa lagu kanfi (Hal Maro ilaa Sadex Maro.
  • Gabar: Gabadha Yarna waxaa lagu kanfi (Hal Khamiis iyo Labo Maro) oo lagu duuduubo.

Dhamaan dadka Maydka ah ee aanu soo sheegnay waxaa sugan oo waajibtay in lagu kanfo (Hal Maro) oo qofka astureysa jidhkiisa oo dhan.

4) Ninka Muxrimka ah:

Hadduu meydku yahay ku (Muxrim) ah oo (Xajjiya ama Culnreysan haya) waxaa lagu Meydhi biyo iyo gob, waxaana lagu kanfi go’iisa (Hoose) (marada dhexda ugu xiran) iyo go’iisa (Kore) (marada uu jeeniqaarsan yahay) ama dhar kale oo ka duwan madaxiisa iyo wajigiisa lama daboolahayo loomana marinhayo baraafuun, maxaa yeelay waxaa la soo saari maalinta qiyaamaha asaga oo ku dhawaaqahaya: (Allaahuma Labbeyka) Sida xadiithka Rasuulka ka sugnaatay.

5) Haweenayda Muxrimada ah:

Haddii uu yahay (Muxrimka) dhintay qof (Haween) ah waxaa loo kanfi sida haweenka kale loo kanfo laakiin baraafuun looma marinhayo, wajigeedana niqaab lagu xiri mahayo, gacmo-gashi loo galin mahayo waxaase lagu dabooli wajigeeda iyo gacmaheeda Kafanta lagu kanfay sidii aanu u soo cadeynay habka haweenka loo kanfahayey.

6) Dadka u xaq leh Meydhaqitaanka, ku Tukashadda iyo Xabaalida Maydka:

  • Qofka Ninka ah:

Waxaa ugu xaq leh in uu meydho, kuna tukado, uuna xabaalo ruuxa ninka ah ee geeriyooday qoftii uu ka dardaarmay, kadibna Aabihii, kadibna awoowgii, kadibna sida ay u kala xigaan dadka qaraabada ah.

  • Qolka Haweynka ah:

Sida fiican haweyneyda waxaa meydhi ruuxii ay ka dardaarantay ka dibna Hooyadeed, kadibna Ayeeydeed, kadibna haween kala dhashay sidaay u kala xigaan.

  • Labada Isqabta:

Labada ruux ee isqabta wuu meydhi karaa kuba kan kale maxaa yeelay (Abu Bakar as-Sidiiq) (رضي الله عنه) waxaa meydhay haweeneydiisii, (Cali ibn Abii-Taalib) (رضي الله عنه) waxuu meydhay Haweeneydiisii (Faaduma bintu Muhammad) (رضي الله عنها).

Habka Loogu Dukanhayo Meydka

Afar jeer baa lagu Takbiirsan oo la dhihi (Allaahu Akbar) (الله اكبر) waxaana la akhrin takbiirta koobaad kadib:

Suuradda al-Faatixah, haddii uu ku daro suurad gaaban ama aayad ama laba ayadood wey fiican tahay, waxaana ku yimid xadiith saxiix ah oo (Ibnu Cabaas) (رضي الله عنه) uu warinhayo, kadibna wuu takbiirsan takbiir labaad waxuuna raacin Saliga Nabiga (صلي الله عليه و سلم) sida saliga attaxiyaadkao o kale,

Kadibna wuu takbiirsan takbiir sadexaad wuxuuna odhan:

دعاء للميت

Kadibna Takbiir Afaraad buu takbiirsan, wuxuuna kaga bixi hal (Salaamo naqsi) oo MIDIGTA ah. Waxaana wanaagsan (oo sunna ah) in uu kor u qaado gacmaha kolkasta oo uu ruuxu takbiirsan hayo.

Haddii uu Meydku yahay qof
(Haween) ah waxaa la odhan:
اللهم اغفر لها ….) الخ)

Haddii Meydku yahay
(Labo qof) waxaa la odhan:
اللهم اغفر لهما ….) الخ)

Haddii Meydku (Laba qof)
ka badan yahay waxaa la odhan:
اللهم اغفر لهم ….) الخ)

Haddii Meydku (Ilmo Yar) yahay waxaa la odhan badalkii ducadda danbi dhaafka ahayd:

دعاء للميت 2

Sida sunnada ah waxaa weeye in uu Imaamku (Madaxa Qofka Maydka ah) ku hagaago, Haweeneydana dhexdeeda isku aadiyo’ Haddii maydadku ay badan yihiin oo ay ka kooban yihiin (Rag iyo Dumar), Raggu waa in uu soo xigaa dhanka Imaamka oo ay Haweenkuna ka danbeeyaan oo ay qibladda ka xiggaan.

Haddii Meydadka caruur ku jiraan Wiilkii yaraa baa laga hormarin haweeneyda kadibna Haweeneyda ayaa ku xigi, kadibn Gabadha yar ayaa ku xigi oo qibladda ka sii xigsan.

Wiilka yar Madaxiisu wuxuu ku hagaagi Ninka Madaxiisa, Haweeneydu bartankeedu wuxuu ku hagaagi Ninka Madaxiisa. Sidaas oo kale gabadhii yareyd madaxeeda wuxuu ku hagaagi madaxa haweeneyda, waxuuna ahaan bartankeedu Ninka madaxiisa.

Dadka ku tukan haya maydka dhamaantood waxay ahaan Imaamka gadaashiisa in uu yahay mid kaligii ah mooyee oo aan helin meel uu ka istaago safka, (Kaas waxuu istaagi) Imaamka Midigtiisa.

Habka Loo Xabaali Lahaa Meydka

Sida shareecadu jideeysay waa in xabaasha la qodo in dhan Nin badhtankiis oo dheerarkiisu yahay nin aan gaabneyn oo aanan dheereyn.

Waxaana sunna ah oo kale in uu xabaasha dhexdeeda ahaado (IIL) oo dhanka qibladda ah. Waa in la jiifiyo Maydka (IIL-ka) dhexdiisa oo loo jiifiyo dhinaca midigta ah, waana in la furfuro kafanka meelihii la guguntay kafankana mayd ka lagam asiibahayo ee waa laga tagi, wajiga Maydka laga feydi mahayo ha ahaado Rag ama Dumar Kadibna waxaa lagu qarin hayaa dhoobo ingagan oo hadana lagu dhajin dhoobo qoyan ilaa ay ka adkaato oo ay ka ilaaliso carrada in ay (IIL-ka) u gudubto.

Dhoobo adag haddii lawaayo waxaa lagu sameyn hayaa sheygii kale oo ay ka mid yihiin: Alwaax, qoryo ama dhagaxyo oo ka ilaalin maydka carada. Kadib ayaa waxaa lagu rogi carradii.

Waxaa sunno ah in la dhoho markaas:

بسم الله وعلى ملة رسول الله

Xabaasha kor ayaal oo qaadi in dhan (Hal Taako), waxaana lagu duldaadin qaruuro haddii ay suurtowdo, biyona waa lagu dulfirdhin. Waxaa loo jideeyey kuwa sagootin tayay maydka in ay Istagaan xabaasha agteeda oo ALLAH (الله) u baryaan maydka.

Maxaa yeelay Nabiga (صلي الله عليه و سلم): waxuu ahaa Maydka hadduu xabaalo ku dul istaaga, waxuuna odhanj iray:

اسْتَغْفِرُوا لأَخِيكُمْ وَاسْأَلُوا لَهُ التَّثْبِيتَ فَإِنَّهُ الآنَ يُسْأَلُ

Taas oo macnaheedyu yahay:

‘’Danbi dhaaf u waydiiya walaalkiin oo u weydiiya sugnaansho oo uu Allaah hedalkaw anasgsank u toosiyo maxaa yeelay haddaa la su’aalahayaa’’.

9) Waxaa loo jideeyey ninkii aan ku tukan maydka in uu ku tukado xabaasha korkeeda maxaa yeelay Nabiga (صلي الله عليه و سلم) baa arinkaa sameeyey.

Laakiin waxaa shardi ah in uusan maydku duugnayn muddo bil ka badan Haddii ay muddadu ka badnaato BIL, lama jideeynin salaadda xabaasha dusheedda maxaa yeelay lagama soo guurinin Nabiga (صلي الله عليه و سلم) isaga oo ku tukadday xabaal BIL kadib waqtigii ruuxa la xabaalay.

10) Uma banana dadkii uu maydku ka dhintay in ay (Cunno) dadka u sameeyaan maxaa yeelay hadalkii (Jariir ibn Cabdullaahi Al-Bajali) oo ahaa saxaabi qiimo badan:

{كنا نعد الاجتماع إلى أهل الميت وصنعة الطعام من النياحة}

 ‘’Macnuhu waa: Waxaanu ku tirin jiray dadka ku kulmahaya guriga dadka laga dhintay iyo cunadda samaynteeda waqtigii maydka la xabaalay ka dib, baroor’’. [Waxaana wariyey xsdiithkgn Irnaarn Axmed oo sanad wansagsan kuwariyay].

Haddii loo sameeyo cunto dadka laga dhintay ama martidooda dhib malaha. Waxaa loo jideeyey qaraabadoodii, dariskoodii in ay u sameeyaan cunto dadkii laga dhintay maxaa yeelayn Nabiga (صلي الله عليه و سلم) kolkay u timid geeridii, (JACFAR BIN ABII DHAALIB) (رضي الله عنه) oo ku dhintay dhulka (Shaam) waxuu amar ku siiyey Ahalkiisa in ay u sameeyaan cunto Ahalkii Jacfar waxuuna yiri:

إنه أتاهم ما يشغلهم

‘Waxaa U yimid shey Mashquuliyey ”

Dadkii laga dhintay haddii ay ugu yeeraan cuntaddii loo keenay dariskooda ama dad kale dhib ma laha, waqti go’anna ma laha inta aan shareecada ka ogahay.

11) Uma banaana haweeneyda in ay isu basanbaasiso Ruux dhintay wax ka badan sadex dharaarood inuu ruuxa dhintay ninkeeda yabay mooyee. Haddii uu ninkeedu dhinto waxaa waajib ku ah in ay is basan baasiso (AFAR BILOOD iyo TOBAN BARI), in ay UUR leedahay mooyee. Haddii ay UUR leedalny BASANBAASINTU waxay ku joogsan kolka ay dhasho, maxaa yeetay Nabiga (صلي الله عليه و سلم) sunihiisa saxiixa ah baa daliil u ah.

Ruuxa laga dhintay hadduu yahay Rag umu baaano in uu ISU BASANBAASIYO ruux qaraabadiisa ah ama cid kale.

12) Waxaa loo jideeyey raga in ay siyaartaan xabaalaha markay doonaan si ay ugu baryaan ilaahay naxariisna ugu weydiiyaan dadka dhintay oo ay geeridana ku xasuustaan iyo waxa geerida ka danbeeya oy ka mid tahay (XISAAB iyo SU’AAT qabri maxaa yeelay hadalkii Nabiga (صلي الله عليه و سلم) ayaa u daliil ah oo ahaa:

زوروا القبور, فإنها تذكركم الآخرة

‘’Siyaarta qubuuraha waxay idin xasuusin Akhiro.”

Xadiithkan waxaa soo saaray (Imaam Muslim) wuxuuna ku soo saaray Saxiixiisa.

Waxuu ahaa rasuulku ku bara asxaabtiisa haddii ay xabaalaha tagaan in ay dhahaan:

أاسلام عليكم أهل الديار من المؤمنين و المسلمين

Ducadan Waa:

(Nabad getyo dushiina ha ahaato dadka xabaasha ku jirow oo Mu’mim iyo Muslim ahoow anaguna haddi EBBE idmo waanu idiin imaan doonaa. Waxaanu Ilaahay idiin weydineynaa idinka iyo anagaba dhibaato la’aan Ilaahay ha u naxariisto kuweena horeyey iyo kuweena danbeeyey).

Haweenka uma banaano in ay siyaartaan xabaalaha maxaa yeelay Rasuulku (صلي الله عليه و سلم) wuu lacnaday Haweeka xabaalaha siyaaranhaya, Waxaana looga cabsanahaya xaabaalahah hadday tagaan in ay ku FIDNOOBAAN kuna SAMIRI waayaan.

Sidaaso o kale waxaan haweenka u banaaneyn in ay Maydkax xabaalaha u racaan, maxaa yeelay Rasuulku (صلي الله عليه و سلم) wuu ka reebay arintaas Haweenka. Haddii salaada lagu tukanhayo maydka meel masjid ah dhexdiisa ama meel loogu tala galay tukasho, salaadda waa loo jideeyey raga iyo haweenka dhamaantood.

Kani waxaa weeye darsiggii ugu dabbeeyey ee kitaabakan iina fududaaday uruurintiisu.

وصلي الله وسلم علي نبينا محمد, وأله وصحبه

Waano

Kalimad waano ah oo aan u jeedinhayo nafteeyda iyo walaalahayga Somaliyeed oo ah cabsidda Alle asagaa Hufanee. Walaal ahow ku la yimaada oo ku noolaada in uu ku dhaqmo falalka wanaagsan ee Allah uu farahayo, ahowna ku ka dheeraada oo ka reeban waxii uu Allah asaga Hufanee uu kaa reebay.

Waxyaalaha uu Allah ku faray waxaa ugu weyn umuurahan:

  • Cibaadada oo Allah loo kaliyeelo
  • Nabiga (صلي الله عليه و سلم) Risaaladiisa oo la rumeeyo.
  • Salaadana la oogo
  • Zakadana la bixiyo
  • Bisha Ramadaanna la soomo
  • Guriga Alle (Makkah) oo loo xajiyo

Umuuraha Alle uu kaa reebayna waxaa ugu weyn kuwan:

  • Alle cibaadadiisa oo lala wadaajiyo shay kale.
  • In la gooyo Naf Alle u hogaansan in si xaqnimo ah lagu dilo mooyee.
  • Gabdhaha uu Alle xumaanta ka ilaashay ee (muxsinaadka ah) oo la masabido.
  • Dhabarka oo la jeediyo (Baqasho awgeed) waqti dagaal ah oo Muslimiinta iyo Gaalada dhex marahaya.
  • In lagu caasiyo labadii ku dhashay
  • In loo tago naag aan kuu banaaneyn
  • In la cuno shay RIBO ka soo jeeda
  • In la cuno agoonta xoolaheeda
  • In la sameeyo markhaati been ah
  • In dad ka Ia sixro
  • In Been lagu dharto
  • In khamrada iyo waxii la mid ah la cabo
  • In Meel aan banaaneyn looga galmoodo haweeneyda xaaska kuu ah
  • In Been sheeg, Isku dir iyo Xan la caadeysto
  • Arimahaas iyo kuwo fool xun oo la mid ah oo lagu dhaqmo.

Waxaan kale oo aan isku biuaarujineynaa kuligeenba in uu Allah noo abuurtay in uun caabudno oo wuxuu Alle yiri:

{ وما خلقت الجن والانس الا ليعبدون }

‘’Uma abuurin jinn iyo insi illaa inay I caabudaan mooyee’’. {Quran}

Waxuu kale oo aayad kale ku yiri Allah asagaa Hufanee:

{ افحسبتم أنما خلقناكم عبثا }

‘’Ma waxaad u maleyneysaan in aan idiin abuurnay ciyaar’’. {Quran}

Walaal Alle waa ku ogsoon ninka wanaagsan iyo ninka xun, haddana si ay xujaddu ugu ooganto makhluuqa dhexdiisa waxaa cad in dadkii loo abuuray in la mariyo imtixaan aduunka korkiisa oo loo kala baxo qof yeelay wixii uu faray Alle iyo ku diida. Ogsoonow in uu AIle Banii Aadamka siiyey caqli aynan lahayn makhluqaad ka kale sida uu ku sheegay Quraanka Kariimka ah:

{ ولقد كرمنا بني أدم }

‘’Waxaan Ku Dhaartay in aan Karaameynay Aadam caruurtiisa). {Quran}

Meel kale Allah waxuu noogu sheegay oo uu yiri:

{ لقد خلقنا الانسن في أحسن تقويم }

’Waxaan ku Dhaartay in aan Insaanka u abuurnay sida ugu qurux badan’’. {Quran}

Karaameyntaas waxay keentay in dusha laga saaro Bani Aadamka takaaliif badan oo laga doonahayo in uu guto mudada uu nool yahay.

Kuligeenba waan ogsoon nahay in Insaanku leeyahayw aqti xadidano o Eurna rkeynoh ad iyo jeer kuwo waqtigoodiiu u dhamaadayo o loo sii wado god madow. Allah waxuu yiri:

{ كل نفس ذائقة الموت }

’Naf la arkaba waxay dhadhamin Geeri’’. {Quran}

Geerida sideedaba waxaa lagu nn gacaabaa Qiyaamaha Yar oo xabaasha waxaa ka danbeeya su’aal iyo xisaab. Qiyaamaha Weyn oo aan loo kala hareyn oo saarneyn doona makhluuqa oo dhani. Ilaahay wuxuu yidhi:

{ كل شيئ هالك إلاوجهه }

‘’Makhluuqa oo dhan waa la halaagi oo way dhiman Allaah mooyee). {Quran}

Sidaa owgeed waxaa waajib ah in uu insaanku ka dheerado xumaanta kana toobad keeno dunuubta ka dhacday inta aynan qiyaamaddii yared la soo gudboonaan oo aynan NAFTU qaadqaadin.

Xiliga Banii Aadamka ay Naftu qaadqaadeyso wax towbad ah oo laga aqbali nra jirto sida uu noo sheegi Quraanka oo uu Alle ku yiri:

{ وليست التوبة للدين يعملون السيأت حتي أدا حضر أحدهم الموت قال إني تبت ألان }

‘’Uma ahaaneyso towbadu kuwa ku kacahaya falalka xun oo oran haya waan towbad keenay markay Geerldu mid ka mid ah u timaado’’. {Quran}

Waxaa kale oo aan is fareynaa in laga digtoonaado oo nafta la xakameeyo iyadoo insaanka laga dooni in uu towbad keeno inta aynan dhicin qiyaamaha weyn sida uu noo sheegay Alle oo uu ku yiri Quraanka:

{هل ينظرون إلا أن تأ تيهم الملئكة أو يأتي ربك أو يأتي بعض أيات ربك
يوم ياتي بعض أيات ربك لا ينفع نفسا إيمانها لم تكن أمنت من قبل أو كسبت في إيمانها خيرا}

‘’Nabi Muxamadow miyey sugahayaan inuu u yimaado Rabigaa, ama Malaa’igta ama qaar ka mid ah ayaadka Rabigaa moyaane, dharaarta ay imaaneyso qaar ka mid ah Nabi Muxamadow Aayaadka Rabigaa waxba uma tarahayo nafta iimaankeedu iyo camal wanaagan oo ay sameysay haddii aynan horey iimaan u lahayn’’. {Quran}

Walaal waxaad ogsoonaata dharaaartaas in uu Alle kulminhayo Makhluuqa oo dhan oo uu ku kulminhayo hal meel oo ruux walba ay soo foodsaari dhibaato weyn. Imaatinka maalintaas iyo sifadeeda Allah wuu noo sheegay oo waxuu yiri:

{ ذلك يوم مجموع له الناس وذلك يوم مشهود }

‘’Waa Dharaar dadka la soo kulminhayo waana dharaar la imaandoono’’. {Quran}

Waxaa dharaartaasl a miisaarni ruux walba camalkiisa uu la yimid khayr iyo shar sida uu Alle noo sheegay oo ah:

{ والوزن يومئذ الحق }

”Miisaanku waa xaq dharaartaas”. {Quran}

Walaal ogsoonow dadku dharaartaa in ay u kala bixi laba kooxood sida uu ku cadeeyey Allah quraankiisa oo uu yiri:

{ فريق في الجنة وفريق في السعير }

”Koox Jannadda ayey galeysa, Kooxna Naarta Saciiro ah ayey galeysa”. {Quran}

Allah ha naga yeelo kuwa uu Janneyn doono oo ku waara Fardowsa.

Allahuma Aamiin. . . Allaahuma Aamiin. . . Allahuma Aamiin.

Walaalatnyga Somaliyeed waxaan u sheegahaya in ay iska ilaaliyan oo ay ka digtooffadaan falalka xun ee ka leexinh aya waddada toosan oo ninkii qaada u horseedi Naar galid iyo halaag.

Allaah wuu noo cadeyey oo waxuu yiri:

{ وإن هذا صراطي مستقيما فأتبعوه ولا تتبعوا السبل فتفرق بكم عن سبيله }

”Kani waa jidkeyga toosan ee qaada, Ha qaadina wadooyinka yar-yarka ah ee idinka leexinhaya waddada toosan”. {Quran}

Walaal wadadda toosan waxaa ka leexin kara Qabiil.

Nabigu (صلي الله عليه و سلم) waxuu ku tilmaamay qabiil oo gardaro loogu hiiliyo Jaahilnimo ureysa.

Hadalkaa waa hadal Nabi ka soo yeeray ee ha dhayalsanina oo ogaada in la idiinka digahaya aakhiro xumo iyo dhibaato aduun.

Walaal qabiilka lama diidana oo Allah waxuu ku yiri Quraanka Kariimka ah sidan:

{ وجعلناكم شعوبا وقبائل لتعارفوا }

”Waxaan idinka yeelnay Shucuub iyo Qabiilooyin ka farcamahaya”. {Quran}

Waa in ay kaa dhaadhacdaa in loola jeedo macnaha arintan ku saabsan qabiilka in uu Alle ugu tala galay in la isku aqoonsado oo ruuxa nasabkiisa aan la garan waayin.

Walaal naftaada ha Dulminin oo ogsoonow Quraanka ujeedadiisu in aynan marna ahayn in la isku xadgudbo si (Dulmi) ku saleysan (Qabiil) awgiis.

Waxaad kale oo aad ogaata walaalkayow oo an isku baraarujineynaa kuligeen hadii aad gardaro qabiilka garab ku siiso in uusan qabiilku waxba kuu tareyn kolka qabriga lagu galiyo oo camalkaadii ku raaci.

Marna yuusan ku sirin aduun oo ogsoonow in uu qabrigu kugu noqon god Naareed ama Janno hadba sida uu yahay camalka aad aduunka ka soo kasbatay oo marna ha hilmaamin in ay dadkaad taqaanayiy o qaraabadaadii ay ka soo noqon markay carada kugu gadiyaan.

Waxaa soo aroortay oo sugan haddii uu geeriyoodo insaanku in ay raaceyso sadex shay:

  • Dadkisii
  • Xoolihisii
  • Camalkisii

Dadkiisii iyo Xoolihisii way ka soo noqon oo waxaa ku hari Camalkiisii, War ogsoonow in dharaarta Qiyaame dadkaadu waxba ku tareyn. Waxay ku taran iskaba daayee waad ka carari adoo ka cabsanhaya in ay wax kuu qabsadaan.

Sida uu Allah kitaabkiisa noogu sheegay:

{ يَومَ يَفرّ المَرء من أَخيه وَأمّه وَأَبيه وَصَاحبَته وَبَنيه لكلّ امرئ منهم يَومَئذ شَأنٌ يغنيه }

”Dharaarta qiyaameed wuu ka cararahaya ruuxu walaalkii, hooyadii, aabihii, xaaskiisii iyo caruurtiisii, QOF walba oo kuwaa ka mid ah dharaartaa waxaa ku filan dhibaatada haysata”. {Quran}

Waxuu yiri oo kale Alle Subxaanahu:

{يود المجرم لو يفتدي من عذاب يومئذ ببنيه وصاحبته وأخيه
وفصيلته التي تؤويه ومن في الأرض جميعا ثم ينجيه }

”Wuxuu jecel yahay kan Allah diiday dharaarta qiyaame cadaabkeeda awgiis in uu isku furto Wiilashiisa, xaaskiisa, walaalihii iyo qabiilkiisii dadka ka celin jiray xaq iyo baadhilba iyo dadka dhulka ku noolaa si uu uga badbaado dhibaatada haysata”. {Quran}

Walaal qof ay sugi taas maxaa u banaan jidkaadu ma toosan yahay, xisaabi naftaada inta aan adiga lagu xisaabinin oo ku dadaal in aad xaqa midigta ku qabsato, xumaanatana aad ka dheerato.

Allah Subxaanahu wa tacaalaa xumaanta ha naga dheereyo kuligeenba oo wadada toosan ha na garansiiyo, waanadan hanaga yeelo kuwii qaata oo ay anfacdo. Allah ha naga yeelo kuwii ku dhinta khaatuma waruurg oo ku biira saabiqiinta.

D  H  A  M  A  A  D

Jeediyaha Waanada waa Walaalkiin:
Sheekh Cabdurahmaan Muxamed Qayliye.

:::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::